Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Daawo: Masuul Seer Somaliland ah Oo Aaminsanaa Mabda...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter

Hargeisa(Waaheen) Masuulkan oo Mudo ku sugnaa Xamar ka mid ahaa Golaha Wasiirada ayaa sheegay inuu Xamar ka tagi doono uu u ku noqon doono Somaliland hadii ay Somaliya Daacad ka noqon waydo Wadahadalada labada Dal[embedded content]
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleWax Qabadkii Cristiano Ronaldo Ee Kulamadii Uu Kooxda Deportivo Alves Kaga Hor Yimid Real Madrid

storvideo: 


5 terrorist militants killed, the operation comes to...

$
0
0

At least five terrorist militant group of Al-Shabaab were on Friday evening killed after two car bomb attacks in Mogadishu, SONNA reported. Mohamed Abukar Islow, Minister of Internal Security of the Federal Republic of Somalia told Somali National News Agency that the operation against the terrorist fighters were completed successfully. He added that he would [...]
storvideo: 

Trump oo cunoqabatayntii "ugu cuslayd" ku soo rogay Kuuriyada Woqooyi

$
0
0

Maraykanka ayaa shaaciyey arin uu Madaxweyne Trump ku tilmaamay in ay tahay cunoqabatayntii ugu cuslayd ee weligeed lagu soo rogo Kuuriyada Woqooyi, taas oo qayb ka ah tallaabadii ugu dambaysay ee lagu joojinayo barnaamijkeeda nukliyeerka.

Trump oo cunoqabatayntii "ugu cuslayd" ku soo rogay...

$
0
0

Maraykanka ayaa shaaciyey arin uu Madaxweyne Trump ku tilmaamay in ay tahay cunoqabatayntii ugu cuslayd ee weligeed lagu soo rogo Kuuriyada Woqooyi, taas oo qayb ka ah tallaabadii ugu dambaysay ee lagu joojinayo barnaamijkeeda nukliyeerka.
Cunoqabatayntaasi waxay beegsanaysaa shirkadaha shisheeye iyo maraakiibta ay Washington sheegtay in ay xidhiidh ganacsi la leeyihiin Pyongyang.
Cunaqabatayntan waxa la shaaciyey saacado uun ka dib markii Madaxweyne Trump inantiisa Ivanka ay tagtay Kuuriyada Koonfureed, halkaas oo ay kaga baaqday in cadaadis wayn la saaro Kuuriyada Woqooyi.
Waxa ay halkaa kaga la qayb galaysaa saraakiil ka socda Kuuriyada Woqooyi xafladda xidhitaanka ciyaaraha olombigga ee xiliga qaboobaha oo dalkaa ka socday.
Ka qayb galka saraakiisha ka socda Kuuriyada Woqooyi ee xafladaasi waxay daba socotaa xidhiidhka labada dal oo soo yara fiicnaanaya, kaas oo ay sabab u noqotay ka qayb galka Pyongyang ee ciyaarahaa olombiggu.
storvideo: 

Qaraxyo iyo is rasaasayn ka dhacday caasimadda Muqdisho

$
0
0

Kn: Qaraxyo is xiga iyo is rasaasayn daba socotay ayaa maqribood kii ka dhacay caasimadda Qaranka Soomaaliya ee Muqdisho. Faahfaahin kooban oo ka soo baxaysa qaabka wax u dheceen ayaa tibaaxaysa in 2 qarax oo dhacay uu midka hore ka dhacay agagaarka Koontaroolka banaanka Madaxtooyada, halka qaraxa kale uu ka dhacay meel baabuurta la dhigto oo ku taal banaanka Hotelka cusub ee Doorbin ee halkii uu ku oolli jiray Baar Fiat ama loo yaqaano kiilomitir eber (KM-0).
Dabley hubeysan oo saarneyd gaari hore ayaa ka soo gudbay koontaroolka Sayidka, halkaasoo ay ku dileen askari ku jiray hubinta gaadiidka mara wadadaas, waxaana kaddib gaariga uu u soo dhaqaaqay wadada hormarta Taaladii Dhagaxtuur iyo Masaajidka Isbaheysiga, halkaasoo dabley hubeysan ay uga dageen.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada ee ku sugnaa Koontaroolka dhanka Hotel SYL ay rasaas ku fureen gaariga inta uusan qarxin ka hor, waxaana markii dambe is rasaaseyn ay ka bilaabatay inta u dhaxeysa Taalada Dhagaxtuur iyo dhabarka dambe ee Hotel Siyaad.
Dableyda hubeysan ayaa la sheegay in qorshahooda ahaa inay Madaxtooyada ka weeraraan dhanka Albaabka xiga Hotel SYL, inkastoo aanay u suura gelin oo iska caabin adag kala kulmeen Ilaaladii ku sugneyd.
Is rasaaseynta oo muddo socotay ayaa Ciidamada ammaanka waxay ku toogteen illaa afar dabley hubeysan oo xirneyd dhar loo ekeysiiyay dareyska Ciidamada Booliska.
Sidoo kale qaraxa labaad ee ka dhacay halka la dhigto Baabuurta ee Hotelka cusub ee Doorbin ayaa ahaa kan geystay khasaaraha ugu badan, waxaana ku dhintay illaa 18 ruux oo isugu jirtay Ilaalo Xildhibaano iyo dad wadada marayay oo ka yimid dhanka Xeebta Liido iyo Isbartiibada.
Dadka ku dhintay goobtaas ayaa waxaa ku jiray hooyo iyo caruurteeda oo ka ag dhowaa halka qaraxu ka dhacay nawaaxiga isgoyska Jubba. Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in Ciidamada ammaanka ay fashiliyeen weeraro ay kooxo hubeysan soo qaadeen, xaaladdana gacanta lagu haayo.
Jawiga magaalada ayaa ka duwanaa sidii habeenadii la soo dhaafay aheyd, iyadoo dareen feejigan uu ka jiray, ciidamada ayaa lagu soo daadiyay wadooyinka, kuwaasoo gaadiidka ka celinayay meelaha qaar, halka kuwa kalena baaritaan ku sameynayay.
Qaraxyada mataanaha ee caawa ka dhacay Muqdisho ayaa ahaa kuwo horay Hey'addaha ammaanka uga digeen in magaalada ay ku jiraan baabuur qarax ay saaran yihiin, iyadoo ciidamada ay ka baadigoobayeen magaalada.
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada weeraradii caawa ka dhacay Muqdisho, kaasoo ku soo beegmay afar maalmood kaddib markii la magacaabay Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida, iyadoo xaalada amni ee magaalada ay wanaagsaneyd tan iyo bishii October ee sanadkii hore, xilligaasoo Al-Shabaab labo weerar oo qarax dad fara badan ku dhamaadeen ka geysteen Muqdisho.
storvideo: 

Wasiirka Amniga oo xaqiijiyay tirada Al-Shabaab...

$
0
0

Wasiirka Amniga XFS Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa xaqiijiyay in la soo afjaray howl-galkii socday caawa ,islamarkaana ciidanku ay ku guuleysteen inay dilaan ilaa 5 ka tirsan Kooxda Argagixisada Al-shabaab. Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ciidamada amniga ay ka hortageen qorshihii ay damacsanaayeen dhagar qabaayasha Al-Shabaab oo ahaa inay qal [...]
storvideo: 

Goobweyn oo caawa ifeysa!

$
0
0

Kn: Maamulka Jubbaland ayaa caawa daah-furay mashruuc iftiimin oo ay ka wadeen magaalada bilicda san ee Goobweyn taasi oo ku taala halka wabiga Jubba kaga daro badweynta Hindiya.
Wafti ay horkacayaan gudoomiyaha gobolka iyo wasiirka tamarta ee Jubbaland ayaa caawa xarigga ka jaray mashruuca nalaynta oo Goobweyn maamulku ka hirgaliyay. Nalalka cadceedda ku shaqeeya ayaa caawa kaaha iftiin kooda ay bulshada Goobweyn u soo banbaxday.
Sidoo kale waxaa maalmo ka hor laga hirgaliyay isla magaalada Goobweyn dhismeyaal ay ku shaqayn doonaan maamulka magaalada iyo kan wasaaradda arimaha gudaha ee Jubbaland. Waftiga gudoomiyaha gobolka iyo wasiirka tamarta Jubbaland hogaaminayaan ayaa caawa u hoyday magaalada taasi oo dhinaca kalana ka turjumaysa heerka nabad galyo ee magaaladu ay leedahay.
Deegaamada xorta ah ee Jubbaland ayaa waxaa ka socda horumar dhinac kasta ah, waxayna taasi ku suuro gashay Fadliga Alle iyo wiilasha dhiigooda u huraya ilaalinta iyo sugista amniga bulshada iyo maalka, iyo waliba maamul kooda suuban oo har iyo habeen heegan ugu Jira ka warqabka baahiya ay qabaan.
storvideo: 

Qaramada Midoobay oo doonaysa in xabad joojin laga dhaqan geliyo Suuriya

$
0
0

Waxa ka socda xarunta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay dedaallo xoogan oo diblomaasiyadeed kuwaas oo lagu doonayo in goluhu ku soo saaro qaraar ku baaqaya in xabad joojin bani'aadanimo laga dhaqan geliyo dalka Suuriya.


Qaramada Midoobay oo doonaysa in xabad joojin laga...

$
0
0

Waxa ka socda xarunta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay dedaallo xoogan oo diblomaasiyadeed kuwaas oo lagu doonayo in goluhu ku soo saaro qaraar ku baaqaya in xabad joojin bani'aadanimo laga dhaqan geliyo dalka Suuriya.
Cod bixin loo qaadi lahaa arintan oo muddo saacado ah la hakiyey Khamiistii, ayaa markii dambe gabi ahaanteedba la laalay ka dib markii Ruushku ku gacan saydhay.
Hogaamiyeyaasha Faransiiska iyo Jarmalka ayaa qoraal u diray madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ay kaga codsanayaan in uu taageero qorshahan, iyada oo ay weli ciidamada dawladda Suuriya duqaynayaan bariga Quuda ee ay falaagadu gacanta ku hayaan.
In ka badan afar boqol iyo lixdan qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay halkaa ilaa maalintii Axaddii. Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee milatariga Suuriya ayaa waraaqo ku daadiyey halkaa ay ku qoranyihiin fariimo loogu sheegayo dadka rayidka ah jidad loo calaamadiyey in ay ka baxaan.
Dhanka kalena danjiraha Sweden u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa BBC-da u sheegay in ujeedada ugu wayn ee laga leeyahay xabbad joojintan la doonayaa ay tahay in gargaar la gaadhsiiyo bariga Quuda oo xaaladeeda Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ku tilmaamay in ay tahay "cadaabtii ifka".
storvideo: 

Wasiir ku hanjabay inuu Jabhadaynayo

$
0
0

24th February 2018 admin Category :
Maareeye iyo madaxda beesha Isaaq ee Muqdisho joogtaa sanad ka hor waxay ku hanjabeen inay SNM ku biirayaan haddaan xildhibaanada aqalka sare ee ka imanaya gobolka Sanaag aan la wada siin beesha Isaaq oo qura. Beelaha Hawiye iyo Digil iyo Mirifle waa ka yeeleen Maareye iyo kooxdiisu waxay doonayeen . Maanta xildhibaanada aqalka sare ee gobolka Sanaag waa wada Isaaq. Xildhibaanadii xaaraanta ku yimid ayaa maanta wada hadaladii markii horeba ahaa xaaraanta waxay doonayaan inay sii marin habaabiyaan, oo waxay ku hanjabayaan inay SNM ku biirayaan hadaan beeshooda waxay doonayaan loo yeelin.
Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha xukumada Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, waxuu sheegay inuuna dhex dhexaad ahayd beelaha Soomaaliyeed sidaa awgeed ma sii hayn karo xilaa wasiir Soomaaliyeed, Waa in sida ugu dhakhsaha badan xilka looga qaadaa
[embedded content]

KHIYAANO QARAN

storvideo: 

Ciidamada Khaatumo oo Ku Biiray daraawishta Puntland

$
0
0

24th February 2018 admin Category :
Dhalinyaro ka soo jeeda gobolka Sool oo jabhadda SNM doonayeen inay xabbada isaga dhigaan, oo laga wacyi geliyey khatarta ay ku jiraan iyo shirqoolka loo dhigayo ayaa hadda ku soo biiray maamulka Puntland.
[embedded content]
storvideo: 

Yarisow oo booqday dhaawacyadii la dhigay...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xalay saqdii dhexe ku booqday isbitaallada lagu dabiibayo dhaawacyadii ka dhashay qaraxyadii fulaynimada ahaa ee kooxaha nabad diidka ah ay ku beegsadeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan maqribkii xalay.
Guddoomiyaha oo kormeeray qeybaha kala duwan ee isbitaalka oo la dhigay dadka qaba dhaawacyada, ayaa caafimaad u rajeeyey dadka ay dhibaatadu soo gaartay, isagoo tilmaamay in qaraxyadani ay calaamad u yihiin cadowtinimada baahsan ee ay kooxaha nabad-diidka u hayaan shacabka Soomaaliyeed, waxuna tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada dadkii falkaas ku geeriyooday.
"Waxaan isbitaalka ku booqanay dhaawacyada ka dhashay qaraxyadii caawa dhacay, waxaana u mahadcelinayaa dhakhaatiirta ku howllaneyd qalliinka iyo daweynta. Hay'adaha Amniga iyo kuwa gurmadkana door weyn ayey ka qaateen badbaadada shacabka".Ayuu yiri guddoomiye Yarisow oo intaas raaciyey in qaraxa ka dhacay isgoyska baar FIAT ku soo beegmay xili ay dhalinyaro badan ka yimaadeen xeebta Liido maadaama ay Jimco aheyd.
Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ayaa waxaa booqashada uu ku tagey Isbitaallada ku weheliyey Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Benaadir.
storvideo: 

Wariye katirsana VOA-da ooxalay gugeeriyooday muqdisho.

$
0
0

Allaha u naxariirtee waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wariye Axmed Xasan Colaad oo ka mid ahaa wariyaasha ka howgala Magaalada Muqdisho kana tirsanay shaqaalaha laanta afka Soomaaliga ee VOA-da.
Marxuumka ayaa maalmihii dambe ku xaniinsanayay magaalada Muqdisho sida ay noo xaqiijiyeen eheladiisa ayaa sheegay abbaaro sideedii saac ee saqdii dhexe ee xalay ayuu ku geeriyooday Isbitaal ku yaala degmada Boondheer ee Gobolkaan Banaadir.
Allaha u naxariirtee Axmed Xasan Colaad ayaa ifka ugu tagay 4 caruur ah oo kala ah laba wiil iyo laba gabdhood, maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso magaalada Muqdisho.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Wasiirada Beeraha Qaarada Afrika iyo FAO oo Suudaan...

$
0
0

Waxaa magaalada Khartuum ee Caasimadda Dalka Suudaan lagu soo gabagabeeyay Shirka ay ka qeybgaleen Wasiirada Beeraha Qaarada Afrika iyo madaxda Hey'adda Qaramada Midooway u qaabilsan Cuntada iyo Beeraha ee (FAO). Shirkaasi oo ahaa kii 30-aad waxaa kaloo xirutaankii ka soo qeyb galay Safiirada Caalamka u fadhiya Suudaan iyo waliba Siihayaha Safaaradda Soomaaliya Axmed Ibraahim Burfuule.,iyadoo [...]
storvideo: 

Akhriso:-Wararkii ugu dambeeyay Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo illaa 3 gaaraya iyo warar toos ah oo Xalay siyaabo kala duwan uga dhacay M/ Muqdisho.
Qaraxa ugu khasaaraha badnaa ayaa la sheegay in uu ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Jubba ee M/ Muqdisho, kaas oo ku qarxay meel wax yar u jirta Hotel Dorbin.
Waxaana lagu soo warramayaa in waxyeelada ugu badan qaraxaasi ay ka soo gaartay dad shab ah.
Sidoo kale laba qarax oo loo adeegsaday Gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa iyo weerar toos ah ayaa ka dhacay nawaaxiga xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.
Waxaana la sheegay in halkaasi uu ka dhacay weerar toos ah oo u dhaxeeyay Rag hubeysan oo gaaraya illaa 5 iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya, kaas oo uu ka dhashay khasaaro kala duwan.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxyadaasi ku dhintay dad kor u dhaafaya 25 Qof oo ay ku jiraan Askar ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islaaw “Ducaale” oo la hadlay Warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay qaraxyadaasi.
Waxaana uu sheegay in Ciidamada DFS ay Toogteen illaa 5 ka mid ah Raggii soo qaaday weerarkaasi.
Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxyadan ayaa ku baahiyay barahooda Internet-ka in ay la beegsadeen xarumo muhiim ah oo ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Warka ka soo baxay Al Shabaab laguma shaacin Magacyada xubnaha ay ku dileen qaraxyadaasi
Halkan hoose ka dhageyso Codka Wasiirka Amniga.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/02/cod-2-guuleed-1.mp3
The post Akhriso:-Wararkii ugu dambeeyay Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle.


Yarisow oo booqday dhaawacyadii la dhigay Isbitaallada Muqdisho

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xalay saqdii dhexe ku booqday isbitaallada lagu dabiibayo dhaawacyadii ka dhashay qaraxyadii fulaynimada ahaa ee kooxaha nabad diidka ah ay ku beegsadeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan maqribkii xalay.
Guddoomiyaha oo kormeeray qeybaha kala duwan ee isbitaalka oo la dhigay dadka qaba dhaawacyada, ayaa caafimaad u rajeeyey dadka ay dhibaatadu soo gaartay, isagoo tilmaamay in qaraxyadani ay calaamad u yihiin cadowtinimada baahsan ee ay kooxaha nabad-diidka u hayaan shacabka Soomaaliyeed, waxuna tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada dadkii falkaas ku geeriyooday.
“Waxaan isbitaalka ku booqanay dhaawacyada ka dhashay qaraxyadii caawa dhacay, waxaana u mahadcelinayaa dhakhaatiirta ku howllaneyd qalliinka iyo daweynta. Hay’adaha Amniga iyo kuwa gurmadkana door weyn ayey ka qaateen badbaadada shacabka”.Ayuu yiri guddoomiye Yarisow oo intaas raaciyey in qaraxa ka dhacay isgoyska baar FIAT ku soo beegmay xili ay dhalinyaro badan ka yimaadeen xeebta Liido maadaama ay Jimco aheyd.
Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ayaa waxaa booqashada uu ku tagey Isbitaallada ku weheliyey Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Benaadir.
The post Yarisow oo booqday dhaawacyadii la dhigay Isbitaallada Muqdisho appeared first on Shabelle.

Akhriso:-Wararkii ugu dambeeyay Qaraxyadii ka dhacay...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo illaa 3 gaaraya iyo warar toos ah oo Xalay siyaabo kala duwan uga dhacay M/ Muqdisho.
Qaraxa ugu khasaaraha badnaa ayaa la sheegay in uu ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Jubba ee M/ Muqdisho, kaas oo ku qarxay meel wax yar u jirta Hotel Dorbin.
Waxaana lagu soo warramayaa in waxyeelada ugu badan qaraxaasi ay ka soo gaartay dad shab ah.
Sidoo kale laba qarax oo loo adeegsaday Gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa iyo weerar toos ah ayaa ka dhacay nawaaxiga xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.
Waxaana la sheegay in halkaasi uu ka dhacay weerar toos ah oo u dhaxeeyay Rag hubeysan oo gaaraya illaa 5 iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya, kaas oo uu ka dhashay khasaaro kala duwan.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxyadaasi ku dhintay dad kor u dhaafaya 25 Qof oo ay ku jiraan Askar ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islaaw "Ducaale" oo la hadlay Warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay qaraxyadaasi.
Waxaana uu sheegay in Ciidamada DFS ay Toogteen illaa 5 ka mid ah Raggii soo qaaday weerarkaasi.
Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxyadan ayaa ku baahiyay barahooda Internet-ka in ay la beegsadeen xarumo muhiim ah oo ay ku sugnaayeen mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Warka ka soo baxay Al Shabaab laguma shaacin Magacyada xubnaha ay ku dileen qaraxyadaasiHalkan hoose ka dhageyso Codka Wasiirka Amniga.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/02/cod-2-guuleed-1.mp3
storvideo: 

Meydadka Ragii Weeraray Madaxtooyadda Soomaliya oo...

$
0
0

Laamaha amaanka Dowladda Soomaliya ayaa soo bandhigay meydadka Shan ruux oo ay sheegeen in ay ahaayeen Al-shabaab-kii caawa weerarka ku gali rabay Madaxtooyadda Soomaliya.
Ragga lasoo bandhigay ayaa ku labisnaa dareeska Ciidamadda Booliska Dowladda Federaalka Soomaliya, waxaana intooda badan laga toogtay qeybaha sare ee jirka.
Saraakiisha Dowladda waxa ay sheegeen in Ragaan ay saaranaayeen gaarigii ku qarxay agagaarka Taalada Dhagaxtuur oo ay saldhig ku leeyihiin Ciidamadda Nabad Sugida Soomaaliya.
storvideo: 

Wasaaradda Amniga Oo War Ka Soo Saartay Qarixii Iyo...

$
0
0

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdi Casiis Cali Ibraahim (Xildhibaan) ayaa sheegay in weerarkaaas uu ahaa mid ay fashiliyeen isla markaana ay toogteen 5 ka tirsanaa Al-Shabaab oo ahaa raggii weerarka soo qaaday sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu beeniyay in raggii weerarka soo qaaday ay galeen Xerada Dhagaxtuur,balse waxa uu sheegay in inta aysan gaarin la toogtay dagaal kooban oo ka dhacay inta u dhaxeysa Hotelka Siyaad iyo Isgoyska Sayidka ugu dambeyna lasoo afjaray.
Waxa uu Warbaahinta qaarkood ku eedeeyay in ay si an wanagsaneyn u tebiyaan qarixii iyo weerarkii xalay oo uu sheegay in laga dhigay in raggi weerarka soo qaaday ay ku wajahnaayeen Madaxtooyada iyaga oo ka dagaalamay meen aan ka fogeyn.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdi Casiis Cali Ibraahim (Xildhibaan) sicad faah faahin ugama bixin khasaarihii Ciidamada iyo dadka Shacabka ahba ka soo gaaray qaraxaas iyo weerarka marka laga reebo in ay dileen 5 Ruux oo ahaa raggii weerarka soo qaaday laakin uu sheegay in Maanta ay faah faahin doonaan.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Burcad Badeed Soomaaliyeed oo weerartay Markab laga...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
The Japanese oil tanker which was raided by armed pirates sails at Port Klang, outside Kuala Lumpur April 23, 2014. Armed pirates raided the Japanese oil tanker off the coast of Malaysia and abducted three crew members, Malaysian maritime police said on Wednesday, underscoring increasing threats to shipping in one of the world's busiest waterways. The incident in the Malacca Strait, a route for about a quarter of the world's seaborne oil trade, has fuelled fears piracy could be on the rise in the area and drive up ship insurance premiums. REUTERS/Samsul Said (MALAYSIA - Tags: MARITIME CRIME LAW)
Muqdisho-(SONNA)-Budhcad Badeed Soomaaliyeed ayaa weerar ku qaadday Markab lagu Magacaabo MT Leopard Sun, oo ku gooshayay Calanka Dalka Singabuur, kaasoo kasoo shiraacday xeebaha Dalka Cumaan kuna sii jeeday Magaalada Cape Town ee Dalka Koofur Afrika,kaasoo siday Haamo Kiimiko ah.
War Saxaafadeed ay soo saareen Ciidanka ilaalada Xeebaha Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in koox Burcad badeed Soomaali ah ay Rasaas is weydaarsadeen Muddo 20 Daqiiqo ah ilaalada Markabkaasi, kuwaas oo sitay Laba Doonyood oo nooca dheereeya ah.
Weerarkan oo Shalayto ka dhacay meel 160 nautical miles (Cabbir badeedka ) u jirta Xeebaha Soomaaliya ayaanan geysan wax qasaara ah oo soo gaadhay Labada dhinac.
Xeebaha Dalka Soomaaliya ahaa Sanadihii ugu dambeeyay kasoo kabanayay dhaq-dhaqaaqyada Budhcad badeedda, waana weerarkii ugu horreeyay ee ka dhaca Biyaha Soomaaliya tan iyo Bishii November ee Sanadkii inna dhaafay.
Isha/ The Washington post
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleWariye Axmed Xasan Colaad oo ku geeriyooday Muqdisho

storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live