Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Dowladda Tanzania oo diiday inay Magangelyo siiso Ciyaartoy Eriteriyan ah

$
0
0

Dowladda Tanzania ayaa diidey inay siiso magangelyo siyaasadeed 13 ciyaartoy oo kubbadda cagta ah oo u ciyaarta kooxda Red Sea FC oo ka mid ah kooxaha ka dhisan dalka Tanzania. Ciyaartoydan ayaa ku sugneyd tan iyo bishii July ee sanadkan dalka Tanzania iyagoo ka qeybgalayay tartanka Horyaalka Cecafa balse diidey inay dib ugu laabtaan dalkooda. [...]


AC Milan Oo Ku Biirtey Kooxaha Doonaya Daafaca Kooxda Barcelona Eric Abidal

$
0
0

Ciyaaryahanka daafaca kooxda Barcelona Eric Abidal ayaa laga yaabaa in uu isaga tago kooxda Barca, waxaana ku soo biirey kooxaha doonaya laacibkan kooxda AC Milan sida ay sheegtay L’Equipe Abidal oo 32 jir ah ayaa heshiiskiisa waxa uu ku eg yahay dhamaadka xilli ciyaareedkan balse weli ma sixiixin heshiis cusub, kooxda ka ciyaarta Serie Ada [...]

Cilmi baaris lagu ogaaday in Doobabka kaga badan yihiin dadka kale ee u dhinta Cudurka Kansarka.

$
0
0

Doobabka ama dadka aan xaaska lahayn ayaa labo jeer ka badan marka lala barbardhigo dadka leh xaasaska dadka u dhinta cudurka kansarka sida lagu ogaaday cilmibaaris la sameeyey. Cilmi baarayaasha oo fiiriyey tirada dadka u dhintey cudurka Kansarka afartantankii sano ee la soo dhaafay ayaa waxa ay ogaadeen raga iyo dumarka aan weligood guursan ay [...]

JIMCE 5: ROODHIDA SOMALILAND Wq.Ceelaabe

$
0
0

 
wax badan ayaa wadaaga magaca Bakery marka laga hadlaayo,wax badan oo daqiiq laga sameeyo ama sidoo kale moofo soo gala ayaa Bakery aynu ugu yeedhnaa.Meesha lagu sameeyo cuntooyinkaasi daqiiqda intooda badan laga sameeyo ayaana loogu yeedho Moofo ama Bakery.waxyaabaha ugu caansan ee halkaasi lagu sameeyo,loogu jecel yahay ama ugu iibka badana waxa ka mid ah Roodhida la cuno.isticmaalka iyo kaalinta roodhidu ay ku leedahay nolosheena dhinaca quudka weynu dareemi karnaa.cunto fudud,subaxnimo iyo baddi habeenkii aad loo isticmaalo weeyaan roodhidu.meherado badan oo caasimada ka mid ah iyo sidoo kale hudheelada wax laga cuno ayaa si aan kala go,laheyn loo soo dhiga qeybo badan oo ka mid ah noocyada kala duwan ee roodhida maalintii magaalada lagu sameeyo.qof kastaaba nooca uu doonaayo ayuu dalabkiisa raaciyaa cuntadana ku dhex cunaa.
 
 
wakhtigii dib wadanka loogu soo noqday ayaa qaar badan oo dadka ka mid ahi waxa ay ka dhex furteen bulshada moofooyin lagu dubo roodhida.moofo soo saarta keliya roodhida,taasi oo habka loo soo sameeyo aynu wada garan karno,xaabo iyo qiiqna lagu sameeyo.roodhidaasi oo ah mid runtii kaalin muhiim ah kaga soo jirtay noloshii dadkii wadanka dib ugu soo noqdey ee daran yada ku jirtay.wakhti dad badani ay roodhi uu cuni jireen.wakhti subaxnimo ama habeenkii oo kale in badan oo ka mid ah bulshadu roodhi iibsan jirtey cashada.roodhida moofada lagu sameeyo ee suuqa la soo dhigo dhalinyartuna kaaryoonaha ku dul iibso,waxa lagu iibiyaa qiimo jaban.waana mid dalab badan laheyd xagga isticmaalka.waxaana inta badan lasheega in ay tahay roodhi si fiican loo dubay oo dabka si fiican u gashay oo caafimaadka u wanaagsan.
 
dabayaaqadii 90aadkii ayaa waxa wadanka ku soo biiray oo la keenay warshado roodhida sameeya.kuwaasi oo dad badan oo bulshada ka mid ahi ku farxeen si weyna loo soo dhaweeyey.warshadahaasi oo soo saari jirey roodhi ka duwan xagga dhererka,baladhka,midabka iyo dhadhankaba roodhidii moofada ee hore bulshadu ay ula qabsatay.inkasta oo moofooyinkii badnaa ay ka naxeen warshadahaasi,haddana dadku farxad ayey ku qaabileen.warshadaha roodhida sameyn jirey ee somaliland soo maray waxa ka mid ah Warsame Modern Bakery,biyo dhacay,ALa Yasir,etc.kuwaasi oo qaarkood hadda ayna shaqeyn hase ahaate warshado kale oo roodhida sameeya ayaa wakhtigan caasimada ka shaqeeya.
 
roodhida warshadu sameyso,iyo roodhida moofada lagu sameeyo waxa la amaana ta moofada wakhtigan.roodhida warshadu sameyso,xaydha cadaanka ah ayaa ku badan,ma dubna,khamiirka ayaana mararka qaar si badan ugu dhaca.dadkuna inta badan ta moofada ayey xiiseeyaan.sidoo kale dadka gaastariga qaba ee aan Laxooxda Isticmaalin ayaa roodhida ku quraacda ama marar badan cuna.waxaase dad badan  ay roodhida iskaga ilaaliyaa caloosha oo ay ka qaado jileeca.
 
maanta somaliland gaar ahaan caasimada waxa ka hirgelay ganacsato badan oo ku shaqeysata Bakery kuwaasi oo sameeya roodhida(Moofada iyo Warshadaba) waxaana meel fiican gaadhay horumarka laga gaadhay sameynta roodhi warshad soo saartay,sidoo kale warshado badan oo macmacaanka daqiiqda laga sameeyo iwm soo saara ayaa soo baxay.dadka ugu badan ee xirfadahaasi ku shaqeysta ayaa loo tiriyaa reer xamar wadanka kaga shaqeysta arimahaasi.sidoo kale dugsiyo dadka lagu baro  barashada xirfadaha macmacaanka ama Cuntooyinka Bakery-ga ayaa haayadaha qaar ay maalgeliyaan.
 
habeen iyo maalinba roodhi soo baxday ayaad ka heleysaa caasimada.baarixina waa laga iibin karaa.suuqyada,xaafadaha,hudheelada iwm ayaana si weyn looga helayaa roodhi taala.baaburta basaska roodhida qeybiya ama Taxiyada roodhida ayaa magaalada isku weydaaranaya.wadamada aduunkaba roodhi ayaa lagu kala wadaa dadka loona sameeya qiimo jabana lagu iibiyaa.masaarada safafka ugu jirta roodhida miyaanad arag.miyaanad arag libiya oo dadkii safka ugu jiraan roodhi.
 
Waxaa kale oo jirta in caasimada guud ahaanteed aan laga wada isticmaalin roodhida warshadu ay sameyso.qeybo badan oo ka mid ah xaafadaha caasimada waxa laga cunaa ama adeegsadaa roodhida moofada.halka xaafadaha qaar keliya aad looga cuno ama iibsado roodhida warshaduhu ay soo saaraan.
 
moofooyinkii suuqa wey ka sii baxayaan,dhalinyartii xirfada sameynta roodhida taqaaneyna meelo kale ayey shaqo ka raadsadeen.
Abdifataah Mohamed Ahmed
ceelaabe_10@hotmail.com

HAMBALYO boqorka iyo boqorada,economist sheekh cabdixakiin siciid bare iyo kaltuun suldaan maxamed xasan

$
0
0

 
asalaamu calaykum waraxtulaahi wabarakaatu 
 
waxaan halkan hambalyo iyo tahniyad ugu diraynaa anaga oo ah jaaliyada somaliland ee dalka faransiiska
 
dhamaan dadkan hoos ku qoran waxay hamblayo iyo tahniyad udirayaan boqorka iyo boqorada, economist sheekh cabdixakiim siciid bare iyo kaltuun suldaan maxamed xasan
 
oo uu arooskoodu xalay  ka dhacay hotel ambasator ee hargaysa caasimada somaliland.
waxaanu leenahay noqda labadii isku waara ee kala hela ubad khayr qaba nolol fiican bash bash iyo barwaaqana ku noolaada.
1.cabdiqaadir siciid bare 
2.cawir warsame abdi 
3.cabdixakiim cabdiraxmaan
4.cabdirisaaq xaaji ibraahim  cabdilaahi 
5.axmed iidle caydiid 
6.dawlad caano geel 
7.maxamed xasan dakhare
8.siciid maxamed siciid 
10.ayaanle maxamed ismaaciil 
11.siciid axmed cade
12.kayse abokor 
13saleebaan aadan dhagahore
14.ilyaas maxamuud godane 
15.yuusuf cabdilahi cige
16.jimcaale axmed 
17farxaan maxamed cali 
18.cabdilaahi axmed
19.axmed haaruun 
20.axmed maydal 
 
dhamaan dadkaasi waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan boqorka iyo boqorada,economist sheekh cabdixakiin siciid bare iyo kaltuun suldaan maxamed xasan oo uu 13|10|2011 arooskoodu ka dhacay hoteel ambasador hargaysa caasimada somaliland waxaanu leenahay  lnoqdo kuwii ubad khayr qabo bash bash iyo barwaaqo kala hela.amiin amiin amiin alle ha aqbalo .
 
dadkasi oo ku kala nool faransiiska ,somaliland

HAMBALYO AROOSKA sheekh cabdixakiim siciid bare iyo kaltuun suldaan maxamed xasan

$
0
0

 
asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu 
waxaaanu ugu ducaynaynaa ducadii rasuulka ugu ducayn jiray oo ah,baarakalaahu wabaaraka cayka wajamaca baynahumaa bil khayr aw fii khayr
dhamaan dadkan hoos ku qoran waxay hamblayo iyo tahniyad udirayaan boqorka iyo boqorada,economist sheekh cabdixakiim siciid bare iyo kaltuun suldaan maxamed xasanoo uu arooskoodu xalay ka dhacay hotel ambasator ee hargaysa caasimada somaliland.
waxaanu leenahay noqda labadii isku waara ee kala hela ubad khayr qaba nolol fiican bash bash iyo barwaaqana ku noolaada.
1.cabdiqaadir siciid bare 
2.cabdiraxmaan siciid bare 
3.cabdirisaaq siciid bare 
4.malyuun siciid bare iyo caruurteeda 
5.hooyo kinsi sheekh muxumed sheekh xasan sheekh axmed 
6.aabo siciid bare faarax
dhamaan reer siciid bare faarax waxay  hamblayo iyo tahniyad udirayaan boqorka iyo boqorada, economist sheekh cabdixakiim siciid bare iyo kaltuun suldaan maxamed xasan
oo uu arooskoodu xalay 14 |10|2011 ka dhacay hotel ambasator ee hargaysa caasimada somaliland.
dhamaan dadkasi waxay leeyihiin waxaan ilaahay ugu baryaynaa inay ku waaraan khayr bash bash iyo barwaaqo iyo inay kala helaan awlaad
 khayr qabta aamiin aamiin aaamiin inshalaah 
 
dadkasoo kala jooga somaliland ,france
 
cabdiqaadir siciid bare
france angers

GANACSATADA SOMALILAND WAXAAN USOO JEEDIN LAHAA UMADA KA DAAYA CUNA QABATAYNTA UNA NAXARIISTA DADKA,By: abdirahmaan ahmed youssuf

$
0
0

waxaan aad u salamaya bahda  oodweynenews  oo   ah ta naga haqabtirtay  wararka joogtada ah  iyo dhamaan dadweynaha isku dhaafsada  fikradaha caafimaadka qaba
waxan rabaa in aan waxooga ka idhaahdo   dhiibatada dadka ka haysata sixir bararka iyo maceeshada qaaliyawday   
waxaa  wada ognahay in dhamaan wadankeenu ku tiirsan yahay   biilasha loga soo diro   dibadaha  taasoo  aan odhaan karo   waa meesha kaliya ee ay inaga soo  gasho lacagta adag ee wadanku  ku kala socdo marka laga reebo waxooga ka soo baxa xoolaha nool taasina ay gacanta ugu jirto ganacsatada yar yar ee xoolaha dhofiya   
hadaba sidaan wada ognahay marka sixir barar yimaado waxay ganacsatadu ku doodi jireen waxaa qaaliyoobay dollarkii  aanu alaabta kusoo iibsan  jiray    kaas baanuna la soconaa maalin ba meesha uu maraayo maanta se waa la badalay oo waxay u rogeen  xaga kale oo marka dolarku jabo alaabtii ayey kordhiyaan  oo qaaliyeeyaan   iyagoo aan eegay dadka tabarta yar ee aan waxba haysan ama sugaaya biil yar oo loo soo diro    kaba darane waxaa kaloo jira qaar aan iyagu waxba lo soo dirin oo ka xamaasha magaalada ama wadankaba   oo waxay soo helaanba aanay jaray waxay ku noladan ileen waatanoo waxkasta waa la kordhiyey      
hada sidaan wada ognahay dolarkii oo maraya meel aad u hooseysa  oo reerkii boqolku ku filaa aanay sadex boqol ku filayn    taaso ah dhibaato so wajahday dadka aan markii horeba wax buuran haysan ama la daala dhacayey quutal daruuriga   iyo maatada aan  waxba haysan  waxaan usoo jeedin lahaa   ganacsatada  in ay u naxariistaan umada kana daayan cuna qabataynta     iyo sixir bararka aad ku haysaan dadka waxaana  ilahay yidhi isu naxariista waliba kiina jilicsan u naxarriista  hadii aad ku fakartaan faa iido raadiya  kama  faa idaysaan dhibatada masaakiinta  aad rashinka ku qaaliyeysaan  dolarkii yaraa ee ay siteena dhulka dhigtaan oo maalinba waji cusub u samaysaan    waxaana wacan inaad la socotaan maalinba meesha wax marayaan si nolosha umadu isugu soo dhawaato     kii ilahay wax usoo dhiibana waxiisi wax u jari karaan
xakuumada waxan leeyahay umadan dhiigoodii ganacsato miiratay waa inaad la socotaan oo ogaatan dhibka wadanka ka jira  sarifka iyo meceeshada isku jaangoysaan    oo aad xad   u samaysaan sarifka maalinba meel tagaya iyo raashinkan  kolba la kordhinaayo     hadii aan la helin wax isku dhawna waxaa imaan doonta in wadanka gaajo loogu dhinto    umadana dhib soo gaadho  
wa bilaahi tawfiiq 
 
abdirahmaan ahmed youssuf  
 
waayo_arag905@hotmail.com
————————————————-
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

Hambalyo Aroos Boqorka Mawliid Waris C/laahi Iyo Boaqorada Sucaad Maxamuud Gaheyr.

$
0
0

 
Hambalyo Aroos Wacan
Dhamaan Reer Maxmuud Gahayr waxay Hambalyo Aroos Wacan u dirayan  Boqorka Mawliid Waris C/laahi Iyo Boaqorada Sucaad Maxamuud  Gaheyr.
 
 
oo Arooskudu ka dhacay13/10/2011 Hotel Ambasstor ee magaalada Hargeysa, waxaanay leeyihiin aqal galkiina kala kulma Bashbash iyo Barwaaqo Ubad kheyr qaba Ebe ha idinkala siiyo, WIIL IYO CAANO GABADH IYO CAANO.
 
AAMIIN AAMIIN AAMIIN AAMIIN


GABAY: DHIBIR GADDOON, waa gabay ku saabsan dhacdadii 4 tii bishan october Muqdisho ka dhacday ee ardayda lagu xasuuqay,By: Suleiman Sh Abdirahman Ashur

$
0
0

 
Asalaamu calaykum
 
Marka hore waxaan halkan ka salaamayaa Maamulka iyo howl wadeenada shebekadda OODWEYNENEWS, sidoo kale bulsho waynta Somaliland  siiba inta suugaanta xiisaysa meel kasta oo ay kala joogaanba.
Intaa ka dib, waxaan  tacsi u dirayaa eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen ubadkii iyo ardaydii ku le’atay afartii bishan October caasimada soomaaliya ee Muqdisho.
 
Waa dhacdo aad u xanuun kulul oo lagula kacay arday in badan soo samraysay, oo mashaakilkaa wax ku soo dhex baratay, maalintii ay jaanis heleena lagu dhex qarxay, subxaanalllaah!
Gabaygani wuu ka madax banan yahay siyaasad iyo wixii la xidhiidha keliya waxaa igu kaliifay markaan arkay siday uga goblameen waalidiin badani ubad ay in badan soo korinayeen, oo markii intifaacsigoodii la gaadhay lagu dhex qarxay, waa dhacdo aad u xanuun kulul runtii, waa gabay dhacdadasi igu dhalisay , waxaan ku halqabsanayaa Abwaan Cabdiraxman Tallaabo.
 
Akhris wacan.
 
 Magaca gabaygu waa “DHIBIR GADDOON”
Wuxuu soo baxay, 11 October 2011.
 
Dharaarahan Tallaabow wadnuhu way dhugleeyahaye
Qofkaan dhimanin dhaayaha ku arag dhaygag faro wayne
Warka xalayto igu soo dhacee jiifba iga dhaarshay
Ee labada dheeg iyo wejiga dhididka soo booday
Ee ay naftaydii dhamayd oon dhadhamin wayday
Ee aan la dhabanaansanaan kuu dhig dhigayaaye
I dhegayso saaxiib dhaboo dhiiran baad tahaye.
 
Dhibka xamar dhallaaxa fujiyo  qaranka dhuuyaalay
dhawawalanka maatida dhamaan dhabaabacaynaysa
Dhalan dhoolka reer kala dhumoo dani ku dheeraatay
Dha dhaabiyo qaxootiga dhibtoon baahi dhabadkooda
Dhulka qiiqay dhaayaha engegan dhalan gaddoonkeeda
Dhibicdiyo daruurahan dhinmee dhoolkan di i waayey
Dhamacdiyo  balaayada dhacdee dhaaftay tiradeeda
Dhagar qabe dhashiikaha ka jecel qaran dhisniinkiisa
Dhibtan weli dhamaan waydaybaa dhalisay suugaane
I dhegayso saaxiib dhaboo dhiiran baad tahaye.
 
Dharaariba dharaarbay dhamaw dhaaf is leedahaye
Dhacdadii doraadbaa dhegehu dhowda la hayaane
Dhakhaatiir dhamaantood mar qudha iilka lagu dhoobay
Dhaymaha kuwii loo dhigee nuxurka dhuuxaayay
Dhalfiifaha markii lagaga dhigey dhaygag lala yaabye
Dhaawace haweenkii dhaloo dhabarki beenowye
Lama dhaadin dhaqankii wacnaa xeerna dhicisowye
Dhidirkii xabaalaha u dhacay baro la dheeraaye
 
Maantana  dherecibaa dhacdiyo dhabanohaysleeye
Dhooliga kuwaa lagu dhuree dhababka loo jiiday
Ee dhoobadii lagu dhidbee iilka lagu dhiibshay
Dheecaanka dhuuxaa shubmiyo hunuga dhiiqaaya
Dhiigiyo lafaha dhuunmayee dhamacdu saameeshay
Dheemantii dadkeenoo dhintiyo dhocorti weeyaane
 
Ku dhugtame dhallaan soo socdiyo dhalin yarteeniiye
Ku dheeldheele qalin dhaadhigii dhiiranaan jiraye
Ku dhabcaale ubadkii dhamoow dhicin lahaa geele
Ku dhaqaaqe shay dhaanjaroo dheguhu diideene
 
Dhanaanaatay  dhaayuhu ka naxe jiidhna dhagaxowye
Dhuxuleeye badankii dhisnaa maydna tiro dhaafaye
Dhafoorkay rasaas kala dhaceen lamana dhowrayne
Waa dhabar jab iyo dhaawacaan dhaaxo  hadhi hayne
Waa dhamac dareenkii dhishoo kicisay dhiigiiye
Waa dhibir gaddoon uu ku dhacay ruux is dhaafsaniye
Waa dhirbaaxo qarankii dhamow uu la dheeliyaye
Dhankastaad ka eegtoba midani waa dhib qaro wayne
 
Dhinacyadan isdayn waayaybaa dhigay wareer kaase
Shisheeyaha u kala dhiibayaa dhuraya waabay e
Aduukani ka dhicin waayayee dhabarka sii jeedshay
Ee misana dhaliilaha qoraan dhugan xilkoodiiye
Culimadan dhawaaqii dhintee dhowr u kala leexday
Ee kala dhantaalmaa u wacan dhagarahaa wayne
Suldaanbaan ka dhiidhiyin run waa laga dhabeeyaaye
Nin dhaqaale haystaan u hurin nabada dheeraade
Qurba joogu dheegay xigaan nacabku soo dhaafye
 
Waxba gabaygu yuu ila dhacmine waxan ku soo dhaaday.
 
Nabadoo dhammaysoo bulshadu dhayda wada maasho
Dhaamamkoo xareed laga dhurtoo dharabku ceegaago
Dheefiyo wax soo saar dadkoo samo ku dhaanteeya
Dhexdoodoo  khilaf laga baxshooo diinta lagu dhaato
Xalay dhalay allahayow ka yeel dhir iyo diirkooda ah
Allahoyow dhibaatada ka saar dhowrsanaa badane.
 
Curiye:
Suleiman Sh Abdirahman Ashur
Switzerland, Bern
Khilaafdiid20@hotmail.com
 
————————————————-
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

Jumcada iyo Mucjizooyinka dhaca

$
0
0

Jumcadii Roob doonta
Magaalada Madiina iyo agagaarkeeda ayaa waxaa ka dhacday abaar aad iyo aad u daran oo dhibaato xun gaadhsiisay dadkii iyo duunyadiiba. Wixii waro ahaa iyo ceelashiiba way gudheen. Waxay dadku aad u sugayeen roob, wuuse di’i la’yahay wayna dheeraysteen.
Iyadoo xaaladdaa lagu jiro Rasuulkuna c.s.w. uu ku sugan yahay Madiina ayaa maalin Jumca ah wuxuu sidii caadada u ahayd u istaagay inuu muslimiinta u khudbadeeyo. Rasuulka s.c.w. oo khudbaddiisa wata ayaa waxaa masjidka soo galay nin reer baadiya ah, markaas ayuu markiiba wuxuu bilaabay inuu hadalka ka jaro Rasuulka s.c.w , isagoo leh:
“Rasuulkii Ilaahayow, dadkii wuu dhibtooday, duunyadiina waa baaba’day ee Ilaahay noo bari inuu roob noo keeno”
Markaas ayaa Rasuulku s.c.w markiiba kor u taagay gacmihiisa isagoo Ilaahay baryaya. Asxaabta khudbadda dhegaysanaysay waxay ahaayeen boqollaal, waxaynuse kasoo qaadaynayna Anas Bin Maalik, oo yidhi:
<
Jumcadii Roob joojinta
Roobkii oo aan usbuuc qaadin ayaa haddana Rasuulku c.s.w wuxuu fuulay minbarka si uu u aqriyo khudbadii Jumcaha.
Suubanaha c.s.w oo khudbadii aqrinaya, ayaa maantana waxaa isla meeshii maalintii hore kasoo galay isla ninkii reer baadiyaha ahaa, markaas ayaa wuxuu yidhi:
“Rasuulkii Ilaahayow xoolihii waa halaagsameen, dadkiina bad xidhan ayaa ku dhacay ee Ilaahay noo bari inoo roobka naga joojiyo!” Markaas ayaa hadana Rasuulku c.s.w. gacmaha kor u taagay isagoo leh: “Ilaahayow hareeraheenna mari oo dushayada ka qaad, Ilaahayow xagga buuraha gee iyo biyo dhigeennada…”
Anas ayaa haddana wuxuu leeyahay, waxaan aragnay roobkii oo is taagay markiiba intii uusan Rasuulku c.s.w soo dejinnin gacmihiisa.
Jumcadii jirriddu oyday
Run ahaantii ma aanan rabin inaan maqaalkan gaaban kaga hadlo fadliyada faraha badan ee ay maalinta Jumcadu leedahay ama khudbadda jimcada iyo waxyaabaha soo hoos gelaya oo dhan ama sida la isugu soo diyaarinayo khudbaddaas, ee waxaan jeclaystay inaan in yar ka taabto qaar ka m id ah waxyaabo ay gaar la tahay ama dhacdooyin dhacay maalinta Jumcada.
Maalmihii ugu horreeyey ee Maxbuubku c.s.w. uu Makka ka haajirey ayaa isagoo dhexda sii maraya meesha lagu magacaabo Qubaa wuxuu Rasuulku c.s.w. meeshaas ku tukaday Jumcadii ugu horraysay. Markii uu gaadhay Madina, wuxuu Rasuulku c.s.w. markiiba bilaabay inuu ka khudbadeeyo masjidkii Madiina, halkaas oo intii aan la samaynin Minbarka uu yaallay geed-timireed jirriddiis. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa haweenay reer Madiina ah (Ansaar) ay Rasuulka c.s.w. waxay ku tidhi: “Rasuulkii Ilaahayow, waxaa ii jooga wiil najjaar ah (yaqaanna farsamada alwaaxyada) ee maku idhaahdaa u samee Rasuulka c.s.w. Minbar uu ka khudbadeeyo?” Rasuulkuna c.s.w. wuu ka aqbalay. Markii uu Rasuulku c.s.w. minbarkii fuulay uuna bilaabay inuu ka khudbadeeyo, jirriddiina uu ka dheeraaday ayey sida ilmihii u oyday jirriddii, markaas ayaa Rasuulkuna c.s.w. intuu soo degtay ayuu u aamusiiyey sida ilmaha loo aamusiiyo, wuxuuna yidhi haddii aanan aamusiin lahayn way wadi lahayd ilaa qiyaamaha.
Jimcadii War dhiilleedka
Calan cad ayuu Rasuulku c.s.w. u dhiibay Zayd Bin Xaarith, wuxuuna ciidankii u sheegay inuu Zayd amiir u yahay, haddiise la dilo oo uu shahiido, waxaa calanka qaadi doona Jacfar, isna haddii la dilo waxaad u dhiibtaan Cabdullaahi Ibnu Rawaaxa. Hadalkaas markii uu Rasuulku c.s.w lahaa asxaabta qaar badan ayaa ku qancay inay shahiidayaan mid kastoo ka mid ah raggaas uu suubbanuhu yidhi haddii ladilo.
Waxaa loo dirayey carriga Ruum, dagaalkuna wuxuu ahaa kii loo bixiyey Mu’ta , wuxuuna kula dar-daarmay Ilaahay Dartii inay u dagaallamaan, inayna dhagar iyo khiyaamo samaynin, inayna haween, carruur, waayeel iyo nin kaniisaddiisa ku cibaadaysanaya midna dilin. Inayna geed jarin, gurina ayna duminnin.
Ciidankii baxayey xaasaskoodii ayaa soo baxay iyagoo sagoontinaya raggooda waxayna ugu ducaynayeen inuu Ilaahay usoo celiyo iyagoo nabad qaba, markaas ayaa Cabdullaahi Ibnu Rawaaxa wuxuu reerkiisii ku yidhi: “Ilaahay idinkuma kay soo cesho” isagoo aad u doorbidaya inuu meeshaas kusoo shahiido.
Halkan, si faah-faahsan ugama warrami karno ciidankaas iyo wixii uu mutay, waxaase xusid mudan in sidii uu Rasuulku c.s.w. sheegay ay shahiideen amiiradii uu sheegay.
Waxaa kale oo xusid mudan kana mid ah mucjizooyinkii uu Rabbi s.w.t. ku ayyiday Rasuulka c.s.w. in warkaas oo aan cidina ogayn, dhulkuna uu aad ukala fogaa uu Rasuulku c.s.w. u sheegay asxaabta.
Iyadoo ay tahay maalin Jumca ah oo Rasuulku c.s.w. khudbadaynayo ayuu asxaabta ku yidhi isagoo leh hadal uu macnihiisu ahaa:
“Muslimiintii maanta way dagaallameen, waxaa calankii qaaday Zayd oo dagaallamay kadibna waa la dilay oo wuu shahiiday, waxaanan hadda arkaa booskiisii jannada uu ku lahaa, kadibna waxaa calankii qaaday Jacfar oo isna dagaallamay, kadibna waa la dilay ooisna wuu shahiiday, waxaanan hadda u jeedaa isaga oo jannada ku dhex jira oo ku duulaya laba baal, kadibna waxaa calankii qaaday Cabdullahi Ibnu Rawaaxa oo isna dagaallamay, ka dibna waa la dilay oo isna wuu shahiiday, wuxuuna Jannada la joogaa labadiisii saaxiib, kadibna calankii waxaa qaaday Seef ka mid ah Seefaha Ilaahay, Khaalid Ibnu Waliid…”
Dhammaan arrimahaa aan kor kusoo sheegnay waxay ahaayeen mucjizooyinka ay culimadu ku tilmaameen inay kun (1000) kor u dhaafayaan ee uu Rabbi s.w. ku taageeray Rasuulka c.s.w.
Nimcada uu Rabbi s.w.t. ugu deeqay ummadda Islaamka waxaa ka mid ah inuu siiyey maalin ay ciidaan oo ku dhex jirta usbuuca dhexdiisa, maalintaas oo lagu tilmaamay inay ka khayr badan tahay maalmaha kale. Waxaa kale oo uu Rasuulku c.s.w. tilmaamay in maalinta Jumcada ay ku jirto saacad ay ducadu maqbuul tahay.
Waxaa xusid mudan in maanta muslimiintu dareemeen in maalinta Jumcadu ayna ahayn oo keliya maalin ay salaadda Jumcada tukadaan ama ay adkaar khaas ah aqriyaan ee ay tahay maalin ay waaqicooda wax kaga beddeli karaan haddii ay midoobaan. Waxay ogaadeen in Jumcadu ay tahay kenzi uu Rabbi Ku karaameeyey, kenzi uu uga tegay Suubanahoodii c.s.w. taasoo aan u sugnaanin iyaga mooyee cid kale. Haddii maalintii Uxud, markii gaaladii ay muslimiinta u faantay ay mu’miniintu ugu jawaabeen: “Annagu waxaannu leenahay Mowle na jecel, laakiin idinku ma lihidin, Annagu Janno ayaannu leenahay oo idinku ma lihidin…” Sow maanta muslimiintu ma ayna arag inay leeyihiin maalinta Jumcaha oo aan u sugnaanin iyaga mooyee cid kale.
Ayaamihii ay aad u socdeen mudaharaadyadii caanka ahaa ee ka dhacayey Masar, ayaa qaar ka mid ah war-baahinta reer galbeedku waxay doodahooda kusoo qaadanayeen Masar iyo masiirka Mubaarak. Waxaa kale oo ay aad uga hadlayeen waxa ay tahay sirta ku jirta maalinta Jumcada. Markaas qof waliba meel ayuu qabadsiinayey laakiin waxaa mudnaan leh sida ay weriyeyaashu ugusoo cel-celinayeen ee ay ugu baraarugeen maalintan. Keligoodna ma aha ee waxay caalamka ku noqotay lama filaan.
Caalamka reer galbeedku wuxuu ogaa in haddii magaalooyinkooda ay ku mudaharaadaan cadad kumanaan gaadhaya inay adag tahay inuu mudaharaadkaasi ku dhammaado dhib la’aan, laakiin marnaba ma ayna malaysanaynin inay malaayiin muslimiin ahi maalin kasta soo baxaan iyadoo ay nabad kusoo baxeen wax dhib ahna aan gaysannin. Muslimiintu waa cunfi ayaa mar qudha maankooda ka baxday!
Lagasoo bilaabo mudaharaadyadii Tuunis, kuwii Masar dhaxashay markii danbana u tallaabay Liibiya, iyo kuwan ay la ciir-ciirayaan Suuriya iyo Yaman waxay dhammaantood wada wataan hal matoor oo ah maalinta Jumcada.
Magacyada ay mudaharaad wadayaashu ay jumcayaasha u bixinayeen way fara bateen:
Jumcatu thowrah, Jumcatul qadab, Jumcatul Israar, Jumcatul Annasru, Jumcatul karaamah, Jumcatu Assabru wa thabaat, Jumcatu Allaahu Macanaa, Jumcatu Attaxaddi, Jumcatul Indaar, Jumcatu Almowt laa madallah, Jumcatu Azaxfu ilaa qasri ri’aasah, Jumcatul khalaas, Jumcatu Arraxiil… iyo kuwo kale oo aad usii badan
waxay arkeen in nin kastoo meel isku dhejiya ay ku filan tahay dhawr jimce oo la gil-gilo, kadibna uu kasoo finiinayo meel kastoo dheer oo uu fuulay.
Haddaba akhristow, ma laga yaabaa inay soomaaliduna Jumcaha u adeegsadaan waqti la is ballansado oo marna Ilaahay lagu baryayo marna lagu go’aansanayo in la iska fujiyo ceebahan uu shacabkani caanka ku noqday. Ma laga yaabaa inay la yimaadaan magacyo ay u bixinayaan Jumcayaashaas sida:
Jumcihii midnimada soomaaliyeed, Jumcihii walaaltinnimada soomaaliyeed, Jumcihii qabyaaladda ceebeeya waa qudhune …
Ilaahay ayaa Og Isaga ayaana Mahad leh.
Abdirahman Sheikh Bihi
bihiabdi@gmail.com

XISBIGA UCID QIIL MA HELI KARAA UU KU SOO BADDALO XILDHIBANADDII DIGA ROGTAY?,By: ALI DAHIR QODAX

$
0
0

 
Hore waxa uu maqaalkii koobaad u xusay, aragtidii Xildhibaan bukhaari, oo aragtidiisa ku saleeyay  Xeer  14/2011,Qka 10aad(b)(t)(x)(j). Qka 9aad xeer 14/2011. Iyo waliba Qka 50aad ee Dastuurka JSLD. Waxa uu maqaalkii hore  xusay, in aanu Dastuurka JSLD iyo Xeer 14/2011 midna aany kucaddayn xil ka xayuubinta xildhibannadii digga rogtay ee xisbigii Ucid ka soo baxay.Halkaana waxa ka caddaatay argtida xildhibaanka iyo xeerarkani inaany is waafaqsanayn e uu khalad fahmay.
2: Dooda  Mudane Faisal Cali Waraabe iyo Garyaqaanka Xusbiga ucid:
Gudoomiy Xisbiga Ucid;
Gudoomiyuhu waxa uu soo saaray war saxafadeed, waxa aanu sheegay in ay aqbaleen iscasiladdii Cirro ee xisbiga ucid, aanu soo buuxin doono xubinimadiisii golaha wakiilada sida sharcigu siinayo(,xeer 14/2011, iyo Qka 50 dastuurka JSLD.)
Garyaqaanka xisbiga Ucid:
Garyaqaanku waxa uu soo taxay qodobo aad u fara baddan oo ka tirsan xeerarka kala ah: Xeer 14/2011, xeerka doorashooyinka golaha wakiiladda (xeer  20/2005), iyo(38-56 ee dastuurka JSLD).
Dhamaan qodobaddan ay mudanayashu ku saleeyeen doodahooda, inta badani waxa ay ka dhigan yihiin hal bacaad lagu lisay,  waayo sidaan horey u xusnay, dastuurka JSLD iyo xeer 14/2011, midna kuma cadda sharciyadda siinaysa gudoomiye Faisal in uu soo badalo xildhibanadda xisbigiisa kabaxay ee golaha wakiilada.
Fiiro gaar ah.iyo talo soo jeedin
1: Qaryaqaanka waxa ku haboonayd in uu Faisal kula taliyo, in la soo dhiso xisbigii Ucid, Oo la fuliyo  go’aankii maxkamadda Sare.
2: markaa kadib la baadi doono xuquuqda uu leeyahay xisbigu, iyada oo loo marayo waddo sharciga wafaqsan, oo ah in xeer hoosadka ururka lala akhriyo xeerarka iyo qodobada dastuuriga ah.
3; hadii xeer hoosadka ururka Ucid ay ku caddahay  marka xildhibaan ka boxo xisbiga in la soo badalo xubinimadii golaha wakiilada, waa mid qiil lagu heli karo in dacwad lagu qaado xildhibanadda diga rogtay.
4: Garyaqaan marwalba niyadda ku hay in ay xeerar ka iyo nidaam sharciyeedku dhamaan xambaarsan yihiin goobo ay maxkamaddu u leedahay xaq fasiraadooda,
5. Garyaqaan mar walba ogoow Mabaadi’da Common Law ga, taas oo ay ka mid tahay, in go’aan kasta lagu saleeyo, isbadal maalmeed(everyday situations), isbadal bulsho(social chinges), prior judicial pronouncements iyo dhaqanka bulshada ay leedahay;  Tusaale ahaan, beesha Failas cali ka soo jedaa waxay ay ka biya diideen habkii xilka looga xayuubiyay, taas oo noqotay dood mac quul ah.
5: Garyaqaan waxa habboon in aad ku koobnato waxii sharciga ah. Ka fogow dacaayad iyo suuqgaynta siyaasadda.
6: garyaqaan mabaadi’da guud ee lagu saleeyay Xeerarka iyo DJSLD( sida dimuquraadiyada, nabadgalyada, xasiloonida wadanka,,,,) iyo habdhaqanka M.Faisal cali waraabe, waa kala yihiin, Ka fiirso talo bixintooda.
 
                                                                                     ILLAAHAY AYA MAHAD LEH
ALI DAHIR QODAX
00923465391119,
IIUI,PK.
 
————————————————-
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

Muxaadaro=ka hadlaysa qofka isqarxiya ama qofka dila qof islaam ah shiikh cabdinaasir jasaakalaahu khayr magalada laascanod 1

Werye aadan maxamed axmed (Afaara) oo hambalyo aroos u diraya saxafiyada SAGAL MUSDHAFE XASAN NUUR

$
0
0

waxan halkan hambalyo meher uga dirayaa saxafiyada SAGAL MUSDHAFE XASAN NUUR oo meherkoodu ka dhacay magalada hargeisa waxaan leyahay guurkina guur nagado allaha ka dhigo amin ayan idin leyahay

Deegaano Hor leh oo katiran Buuhoodle oo Maanta lagu Bur Buriyey Hubka Wax Gumaada iyo Miinooyin

$
0
0

Deegaano Hor leh oo katirsan Gobolka Cayn ayaa Maanta laga Bilaabay Baaritaano Xoogan oo lagu baarayo Waxyaabaha Qarxa iyo Hubka Wax Gumaada oo Ciidamada Maamulka Siilaanyo kaga tageen Deegaanada kalshaale Hagoogane Maygaagle iyo Deegaano kale.
 
Ugu yaraan afar Qarax ayaana Maanta laga Fuliyey Deegaanka Buuhoodle oo ha,yada Mag iyo Pmac oo ka Wada shaqeeya la dagaalanka Cirib tirka Miinadu ka Fuliyeen Guud ahaanba Gobolka Cayn Hoos ka Daawo fadlan.
 
Halkani Ka Daawo ama Riix(Miinooyin iyo Hubka Wax Gumaada oo la Bur Buriyey.wmv)
La soco Barmaamij gaar ah

War deg deg: Ciidamadda Dowladda Kenya oo goor dhaw soo gaaray degmada Dhoobleey

$
0
0

Ciidamo aad u fara-badan oo u dhashay dalka Kenya, ayaa waxay goor dhaw ay soo gaareen degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana lagu soo dhaweeyay degmada Dhoobleey.
Ciidamadaan oo aad u fara-badan ayaa waxaa la-socda ciidamo kale oo Soomaali ah, kuwaa oo ay ka soo wada baxeyn dhinaca xuduuda Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan, waxaana la-fillaayaa inay Shabaab la-dagaalami doonaan.
Saraakiisha Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee aagga Jubbooyinka, ayaa waxay caawa ciidamadaan ku soo dhaweeyeen degmada Dhoobleey, waxaana saacadaha soo socda la-fillaayaa inay kullamo yeelan doonaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa waxay soo dhaweysay cid kastaa oo ka qeyb qaadaneyso, dagaalada lagula jiro Xoogaga Shabaab, oo ay Dowladda Soomaaliya sheegtay inay dhibaatooyin baahsan ka wadaan dalka Soomaaliya.
Dowladda Kenya caawa kama aysan hadlin ciidamadeeda oo caawa soo gaaray degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana saacadaha soo socda la-fillaayaa inay ka hadasho.
Laakiin Wasiirka Gaanshaandhiga ee Dowladda Kenya iyo Wasiirka Amniga ee Dowladda Kenya, ayaa waxay labaduba ay maanta yeesheen inay Al Shabaab kula dagaalami doonaan gudaha dalka Soomaaliya.


Martida: Agaasimaha Cisbitaalka Madiina

$
0
0

Martida Makrafoonka waxaa toddobaadka marti ku ah Dr Max'ed Yuusuf oo ah agaasimaha cisbitaalka Madiina ee Muqdisho.
Dr Max'ed Yuusuf wuxuu barnaamijkan uga hadlayaa howsha Cisbitaalka iyo waliba sida ay u maareeyaan dhaawacyada cisbitaalka la keeno.

Puntland: Al-Shabab ayaa soo Gashay Puntland

$
0
0

Maamulka Puntland ayaa sheegay in rag ka tirsan al-Shabab oo ka soo cararaya Koonfurta ay ku soo qul-qulayaan deeggaanada Puntland.

Wasiirka Amniga ee maamulka Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa dadka Puntland uga digay ragga al-Shabaab ka tirsan ee deeggaanada Puntland soo galay.

Wasiirka oo shir jaraaid maanta ku qabtay Garoowe ayaa sidoo kale ka hadlay dilalka aanooyinka qabiilka ah oo ku soo badanaya deeggaanada Puntland.

Eritrea Cabinet Approves Aid to Somalia

$
0
0

An official says Eritrea’s Cabinet has approved a food aid package to Somalis affected by drought and famine.  Some skeptics have questioned the timing as well as the size of the approved aid. But Information Minister Ali Abdu says “it not about how much [aid] you give, it’s about how much love you give with [...]

Ardaygii labaad ee ka mid ahaa dhaawacyadii loo qaaday Turkiga oo geeriyootay

$
0
0

Wararka ka imaanaya Magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa sheegaya in Ardaygii labaad oo ka mid ahaa dadkii dhaawacyada culus ka soo gaareen qaraxii argagaxa lahaa ee 4-tii bishan lala beegsaday Xaruntii Hargaha iyo Saamaha uu u geeriyooday dhaawiciisa. Sida uu fiidkii hore ee caawa u sheegay Warbaahinta ku hadasha Afka Dowladda ee Radio Muqdisho [...]

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Raaskambooni oo galay deegaanka Qooqaani

$
0
0

Ciidamada Dowladda KMG oo wehliya kuwa Raaskambooni ayaa galabta la wareegay gacan ku heynta deegaanka Qooqaani ee degmada Afmadow, iyadoo diyaarado dagaal oo isugu jiray Helicopteri iyo Miigag ay duqeeyeen duhurnimadii maanta. Sida ay sheegayaan wararka la wareegitaanka deegaankaas ayaa timid kadib markii Shabaabka ay ka baxeen halkaas, iyadoo galabta degmada ay dul heehaabayeen diyaarado [...]

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live