Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Daawo Video:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo si kulul uga...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
R/wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali kheyre oo maanta Dalka dib ugu soo laabtay ayaa faah faahin ka bixiyay socdaalkii uu ku tagay isaga iyo wafdi balaaeran oo uu hugaaminaayay Dalka Imaaraadka carabta.
mudane Xasan Cali kheyre R/wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sharci daro ku tilmaamay heshiis maamulka Soomaliland uu la galay shirkadda dhismaha dekedaha ee Magaceeda loo soo gaabiyo DP World iyo dowladda Itoobiya kaasoo ku aadanaa wadaaga dhaqaalaha kasoo baxa dekedda Magaalada Berbera oo ka mid ah dekedaha qaranka Soomaaliyeed.
R/wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali ayaa sheegay in aysan dowladda Federaalka Soomaaliya ay heshiiskaas u aqoonsan tahay mid wax kama jiraan ah daamaada Dowladda federaalku mas'uul ka tahay Dalka.
Hadalkaan R/wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xoojinaaya warsaxaafadeed Maanta ay soo saartay Wasaaradda Dekedaha xukumadda Federaalka Soomaaliya.Halkaan hoose ka dhageyso Codka R/wasaare kheyre:
[embedded content]

SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleDowladda oo war ka soo saartay heshiiska Dekeda Berbera

storvideo: 


DFS: Heshiiska Dekadda Ber-bera waa Sharci Darro

$
0
0

Reysal wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali kheyre, oo maanta ka soo laabtay safar uu ku tagay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa heshiiskii ay shalay kala saxiixdeen Somaliland, DP World iyo Itoobiya ku tilmaamay mid sharci darro ah.

Wasiirka Khaarajiga oo ka warramay heshiiskii ay la...

$
0
0

Wasiirka Khaarajiga oo ka warramay heshiiskii ay la galeen DP Word iyo Ethopia ee maalgashiga dekedda Berbera. ( Halkan ka daawo )
Waxa Daabacay staff-reporter on Mar 2nd, 2018 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Mudane Shire oo ah wasiirka arrimaha dibadda Somalia ayaa ka warbixiyey heshiiska ay la galeen DP World iyo Saamiga ay Ethopia ku yeelan doonto, sidoo kale waxa uu faah faahiyey shaqada laga qaban doono dekedda Berbere iyo xilliga shaqada dhismuhu bilaabmi doonto.
Dhinac kale waxa uu sharraxaad ka bixiyey saamiga Ethopia oo ah 19% iyo in ay tahay 80 Milyan oo doller oo maal gashi ah samayn doonto iyo ganacsigeeda oo u soo mari doona dekedda Berbera. Sidoo kale dekedduna ay u samayn doonto khadamaad iyo shaqo. Hadalkiisa buu yidhi, 'in ay taasi meesha ka saari doonto ganacsigii dhinaca ka rarraa ee ay Somaliland uuni wax ka soo iibsan jirtay Ethopia, sidaasi daraaddeedna la heli doono wax is dhaafsi'.
Laakiin wasiirku kama uu hadlin sharciga caalamiga ah ee ay heshiiskaa ku galeen, kaasi oo ay dawladda Somalidu ka biyo diidday, kuna dhawaaqday in aanay heshiiskaa raalli ka ahayn.
[embedded content]
Awdalpress
This post has been viewed 120 times.
storvideo: 

Daawo: ” Waxaan Dawlada Somaliya Soo marin waa Qaral...

$
0
0

Daawo:" Waxaan Dawlada Somaliya Soo marin waa Qaral Sharci Darro Sida Heshiiska Dubay Ee Dekada Berbara Sharicaanaanu la tiigsanaynaa" Xaaladii Heshiiska Somaliland Iyo DP Wold Oo Khayre ka hadlay
[embedded content]
storvideo: 

War degdeg/Daawo: Mashaalaah Roob Lagu Qabaw saday...

$
0
0

War degdeg/Daawo: Mashaalaah Roob Lagu Qabaw saday oo ka da'ay Galbeedka magaalada Hargaysa Iyo Daadka Oo Mulacyeynay Dooxii waynaa ee Hargaysa Magaalada Gudaheeda oo Xoogaa biyo dhig ahin helay
storvideo: 

DFS: Heshiiska Dekadda Ber-bera waa Sharci Darro

$
0
0

WASHINGTON. D.C -- Reysal wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali kheyre, oo maanta ka soo laabtay safar uu ku tagay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa heshiiskii ay shalay kala saxiixdeen Somaliland, DP World iyo Itoobiya ku tilmaamay mid sharci darro ah.
R/wasaare Khayre ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay heshiiskaas u aqoonsan tahay mid wax kama jiraan ah.

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:01:09 0:00
Direct link
Pop-out player
Ra'isul Wasaaraha ayaa tixraacayay war saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda Soomaaliya oo lagu burriyay heshiiskaasi.
Jaamac Buule Jaamac ayaa arrinta heshiiskan iyo qoraalkooda wax ka weydiiyay wasiirka dekedaha ee Soomaaliya Marwo Maryam Aweys Jaamac.

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:03:43 0:00
Direct link
Pop-out player
Dhina kalana, Somaliland ayaa faahfaahin ka bixisay heshiisyo shalay ka dhacay magaalada Dubai, kaas oo ay la galeen shirkadda DP World iyo Itoobiya oo dhinac ah iyo mid gaar ah oo ay la galeen shirkadda DP World kaligeed.
Weftigii dhinaca Somaliland u saxiixay heshiiskaas oo maanta ku laabtay Hargeysa ayaa warbaahinta u sheegay in heshiisyadan ay kala khuseeyaan ballaarinta dekedda Berbera iyo samaynta aagga ganacsi ee cashuurta ka caaggan ee FREE ZONE loo yaqaano. Wariyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan noo soo diray.

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:04:41 0:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Maxaa Lagu Daaweeyaa Xanuunka laab Jeexa

$
0
0

Maxaa Lagu Daaweeyaa Xanuunka laab Jeexa
[embedded content]
storvideo: 

     Caduur Dhaw-dhawdu uma Dhacsana

$
0
0

27 sanno kadib Dawlad ku sheega federalka Somaliya oo ku asqaysan sheegashada dalka Jamhuuriyada Somaliland.
Bal waalidan cas eega,ku yeh: Heshiiskaas Dekeda Berbera waxba kama jiraan.Waabu ka sii daray oo yidhi: Habraaca loo maray heshiiskaas ma waafaqsana dasuurka ku meel gaadhka ah iyo shuruucda kale ee u yaala Jamhuuriyada Federaalka Somaliya!
Waa Yaabka-yaabkii, waxa la yidhi(Caduur dhawdhawdu uma dhacsana).
26 june 1960 ayay jamhuuriyada Somaliland qaadatay,noqotayna dal la aqoonsanyahay.Hadaba dhinaca sharciga markaan ka iftiimiyo waxa jiray Charter 23 qodob ka koob naa oo golahii wasiirada Jamhuuriyada Somaliland kana ansaxiyeen 33xubnood ee baarlamanka iyo maxkamada.Kaas oo ay ugu talo galeen inay bud-dhig u noqoto rabitaan koodii ahaa israaca 5ta Somaaliyeed.Waxase dhacay waftigii ka socday JSL charterkii ay la tageen shirkii Xamar: 1.in gebi ahaan ba daaqada laga tuuray.
2.baarlamankii Xamar isku raacay in 1da july 1960 lagu dhawaaqo xoriyadoodii iyo israaca Jamhuuriyada Somaliland iyo Somali-Italy, lana baxaan Jamhuuriyada Soomaaliyeed.
Israacaasi waxa ku cad inaanu sharci ahayn.Ku darsoo mudo yar kadib waxay soo saareen 10qodob oo haba yaraatee aanay ku cadayn israacaasi inuu sharci yahay.
Berigaa waxa kale oo ay hoosta ka diyaar sadeen dastuur ka koob naa 105 qodob oo aanay ogayn waxna laga waydiin Jamhuuriyadii Somaliland.Waxaanay ugu talo galeen sida Qodob ka mid ah uu caday nayay inuu dhaqan geli doono kadib marka afti shacabka laga qaado.Waqtigaa muu jirin madaxweyne sidaa darteed waxa ku saxeexnaa 4tan nin:
1.Adam Abdalle Cusmaan..............Gudoomiye golaha Sharci dejinta.
2.C/laahi Cise Maxamuud ..........Ra'aysul wasaare.
3.Maxamed Sh Gabiyow ..........Wasiirka Dastuurka.
4.Sh Maxamud M Faarax ..........Wasiirka Cadaalada.
Diyaarintii dastuurkaa iyo raga saxeexay kumay jirin masuuliyiintii Jamhuuriyada Somaliland lamana ogaysiin qoritaankii dastuurkaas.
Tanina waxay ku tusaysaa inuu israaci wax sharciyan lagu heshiiyay. Walee Caduur Dhaw-dhawdu uma dhacsana!
La Soco qaybta danbe.
Xuseen Xasan Badmaax.
Hargeysa/JSL
4026100
storvideo: 


R/w Khayre oo sheegay in dhowaan magaalada Muqdisho...

$
0
0


Ciidamada Xasilinta ee ammaanka magaalada sugaya ayaa kor waxa ay u dhaafayaan Kun Askari kuwaasi oo isugu jira Millitari, Boolis, Nabad Sugid iyo Asluub, oo ay horkacayaan Taliyeyaashooda.
Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ayaa kordhiyay Howlgalada ammaanka lagu xaqiijinayo ee ay ka sameynayaan gudaha iyo banaanka magaalada, iyada oo Ciidamada Khamiistii ina dhaaftay ay ka hortageen Gaari Miineysan oo la sheegay in loo doonayay in lala soo galo Muqdisho, balse ku qarxay Bar Kontorool oo ku taalla degaanka Siinka-dheer.
Khayre ayaa sheegay in demgo walba oo ka tirsan Gobolka Banaadir laga hirgeliyay Ciidamadan, wuxuuna shacabka ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada, taasi bedelkeeda Ciidamada ayuu ugu baaqay in ay shacabka u dhimriyaan.
\Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay dhowaan magaalada Muqdisho in ay ka bilaaban doonaan Howlgallo culus oo ammaanka lagu sugayo.
"waxaa la isku soo dhaweeyay Guddoomiyeyaasha iyo Taliyeyaasha, si loo dardar geliyo sugidda howlaha ammaanka, shacabka waxaan ka codsaneynaa in ay Ciidamada la shaqeeyaan, si looga hortago falalka ka baxsan amniga." Ayuu yiri Khayre.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu waddaa in ay kaalin lixaad leh ay ka qaataan howlgalkaasi, oo markii ugu horresay ay ka qeyb gali doonaan fulintiisa ciidamada Asluubta iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.
storvideo: 

Madaxweynaha Mareykanka Trump Dagaalka ganacsiga waa...

$
0
0

Donald Trump ayaa waxaa uu sheegay in " dagaalka ku saleysan ganacsiga uu yahay mid wanaagsan". Hadalka Trump ayaa imanaya iyadoo buuq uu ka taagan yahay go'aanka uu ku doonayo inuu canshuur kusoo rogo macdanta Naxaasta iyo qallinka ee la geeyo Mareykanka.
Madaxweyne Trump ayaa bartiisa twitter-ka ku qoray in Mareykanka ay balaayiin doolar kaga luntay ganacsiga, Mareykanka na uu u arko dagaalka ganacsiga mid uu ku guuleysan karo.
Trump ayaa maalintii khamiista sheegay in macdanta naxaasta ee la geeyo Mareykanka lagu soo rogi doono canshuur dhan boqolkiiba 25, halka macdanta qalinkana lagu soo rogayo boqolkiiba 10.
Dalka Canada iyo wadamada Yurub ayaa sheegay in iyaguna ay ku dhawaaqi doonaan talaabada xigta, sidoo kale dalalka Mexico, Shiinaha iyo Brazil ayaa iyaguna sheegay inay ka fiirsanayaan talaabada ay kaga jawaabaan go'aanka madaxweyne Trump.
Dadka saluugsan go'aankan ayaa sheegay in lacagahani lagu soo rogayo macdanta la geeya Mareykanka ay wax yeeleyn doonto shaqooyinka qaar kamid ah shacabka Mareykanka, waxaana ugu dambeyn ay sheegeen in tallaabadan ay qiimo koror ku keeni doonto macaamiisha.
Trump ayaa waxaa kale oo uu sheegay in aysan oggolaan doonin in shirkadaha iyo shaqaalaha Mareykanka mar dambe lagu daneysto.
Mareykanka ayaa in ka badan boqol wadan oo caalamka kasoo dhoofsada Naxaasta.
storvideo: 

Faah faahin Maxaabiis laga soo daayay Dalka Hindiya...

$
0
0

Maanta galinka bambe ayaa lagu wadaa in ay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka kasoo degto diyaarad sida Maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xirnaa Dalka Hindiya kuwaa soo loo haystay falal burcad badeednino Danjiraha Soomaliya u fadhiya Dalka Abadirisaaq faarax Cali taana ayaa sheeegay in Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka laga soo dajin doono Maxaabiis Soomaaliyeed [...]
storvideo: 

AKHRISO: Maxaa kasoo baxay Shirkii uu qeyb galay...

$
0
0

War-murtiyeedka Shirka Dalalka Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya (AMISOM) iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Shirka Madaxda Dalalka Ciidamadoodu ka joogaan Soomaaliya (AMISOM) iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay 2-da Maarso 2018 magaalada Kampala ee Uganda, waxaana martigeliyey Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Kaguta Musaveni.
Shirka waxaa kasoo qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Kaguta Musaveni, Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi Mudane Gaston Sindimwo, Wasiirka Difaaca Kenya Marwo Raychelle Omamo, Wasiirka Difaaca Jabuuti Mudane Ali Hassan Bahdon, Madaxa Midowga Afrika Mudane Moussa Faki Mahamat iyo Xoghayaha guud ee IGAD Mudane Mahboub Maalin.
Dalalka ku deeqay Ciidamada AMISOM iyo Dowladda Federaalku waxay kulamo la qaateen xubno matalayey beesha caalamka oo ay kamid yihiin Algeria, China, France, Germany, Italy, Japan, Qatar, Russia, Saudi Arabia, South Korea, Sweden, Turkey, UAE, UK, USA, Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub.
Shirkan oo looga hadlay ciidamada AMISOM iyo u diyaarinta Ciidamada Dowladda Soomaaliya masuuliyadda Ammaanka dalkooda, ayaa madaxdii kasoo qeyb gashay waxay ku bogaadiyeen qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahan kala guurka, iyadoo soo bandhigtay horumarka ay ka samaysay hagaajinta iyo dib u tayeynta ciidamada Soomaaliyeed.
Madaxdu waxay isku raaceen in ay lama taabtaan tahay in la ixtiraamo Qarannimada, Madax-bannaanida, Xuduudaha dhuleed, Madax bannaanida siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya.
Madaxdu waxay caddeeyeen in lasii wado kaalmada ciidan ee la siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xoojiyo dadaala ay ku xasilinayso Soomaaliya.Shirku wuxuu bogaadiyey dadaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyadu ay wadaan si loogu hago Soomaaliya siyaasad degen iyo dimuqraadiyad, taas oo abuuraysa xasilooni iyo horumar.
Waxay madaxdu isla qaateen in la taageero qorshaha ay Soomaaliya soo hordhigtay shirka, oo ahaa sidii loo taageeri lahaa istaraatiijiyadda lagu xoojinayo ciidamada Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan inay dalkooda nabadeeyaan, isla markaana ay la wareegaan masuuliyadda ammaankiisa.
storvideo: 

Ciidammada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee...

$
0
0

Baaritaan ay Qaramada Midoobay ku samaysay weerar koox mucaarad ah ay ku qaadeen ciidamada nabad ilalinta ee Qaramada Midoobay kaasi oo lagu dilay 15 askari ayaa lagu ogaaday in ay jiraan dulduleelo badan oo ku aadan qaabka loo mamulo ciidamada nabad ilaalinta.
Waa weerarkii ugu dhimashada badnaa oo ciidamada Qaradamada Midoobay loo gaysto sanooyiinki ugu dambeeyay.
Baaritaanka Qaramada midoobay ayaa farta ku fiiqay dul duleelo ka jira ciddamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee jooga dalka Jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo oo ah howlgalka ugu balaaran islamarkaana ah midka ugu kharashka badan.
Natiijada warbixinta ayaa muujinaysa in uusan jirin qorsha cad oo lagu xoojinaya amaba ay uga soo baxayeencidamadaasi nabad ilaalinta ka dib markii la weeraray saldhiga ay ku leeyihiin bariga dalkaasi Congo bishi December aee sanadkii aanu soo dhaafnay.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in ciidamada nabad ilaalinta ay haysato dhibaato dhanka goggaanka iyo la'aanta tasiilaad sida tageero dhanka cirka ah iyo mid sirdoon .
Qaramada midoobay ayaa sheegtay ilaa iyo imika cadeeymaha la hayo ay muujinayaan in weerarkaasi ay fuliyeen jabhadda ADF.
storvideo: 

Maxaabiis laga soo daayey Xabsiyada Hindiya oo...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Maanta galinka bambe ayaa lagu wadaa in ay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka kasoo degto diyaarad sida Maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xirnaa Dalka Hindiya kuwaa soo loo haystay falal burcad badeednino
Danjiraha Soomaliya u fadhiya Dalka Hindiya Abadirisaaq faarax Cali taana ayaa sheeegay in Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka laga soo dajin doono Maxaabiis Soomaaliyeed oo gaaraya 77 Laga soo dejin doono.
Abadirisaaq faarax calli taana Danjiraha soomaliya u fadhiya Dalka Hindiya ayaa sheegay iay wali jiraan dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran Dalalka Hindiya iyo Cumaan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xoogan u gashay sidii loo soo dayn lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalalka Caalamka kuwaa soo loo haystay dambiyo kala duwan.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleWar-murtiyeedka Shirka Dalalka Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya (AMISOM) iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

storvideo: 

Ciidamada Burundi oo xaqiijiyay in Askar looga dilay...

$
0
0


Dowladda Burundi waxa ay sheegtay in ciidamadeeda qeybta ka ah howlgalka AMISOM laga dilay Askartaasi xilli ay doonaayaan in ku socdaalaan wada u dhaxeysa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad.
Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi Mudane Gaston Sindimwo ayaa sheegay in dowladda Burundi ay aad uga naxday geeridda Askartaasi, waxaana uu sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ay ka waddaan Soomaaliya.Dowladda Burundi ayaa xaqiijisay in ku dhawaad 5 Askari looga dilay Weerarkii shalay Al-Shabaab ay ku qaadeen Degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Waxaa uu sidoo kale uu beeniyay in weerarkaasi looga dilay ku dhawaad 20 Askari.
Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in aysan jirin Gaadiid looga gubay Weerarkii shalay Al-Shabaab ay ku qaadeen degmada Balcad.
storvideo: 


80 ka mid ah Maxaabiista ku xiran Hindiya Oo la keenayo Muqdisho

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Cumaan C/risaaq Faarax Cali oo warramayay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in maanta Garoonka magaalad Muqdisho laga soo dajinayo ku dhawaad 80 maxaabiis Soomaali ah kuwaasi oo ku xirnaa dalka Hindiya.
Waxaana uu tilmaamay Safiirku in Maxabiistaasi ay u xirnaayeen falal la xariira Burcadbadeednimo.
Sidoo kale Safiirka ayaa intaasi ki daray in ay fududeysay arrintani heshiiskii Dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya ee Maxaabiis is weedarsiga u qeeb ka yahay.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu guuleysatay in ay soo deyso maxaabiis badan oo ku jirtay xabsiyo ku yaalla Dalalka Itoobiya, India, Liibiya iyo Jaziiradda Seychelles wadamadaasi oo dhibaatooyin kala duwan ay ku heyteen dhalinyradaasi.
The post 80 ka mid ah Maxaabiista ku xiran Hindiya Oo la keenayo Muqdisho appeared first on Shabelle.

Qaar ka mid ah Maxaabiista ku xiran Hindiya Oo la...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Cumaan C/risaaq Faarax Cali oo warramayay laanta Afka Soomaaliga ah ee VOA-da ayaa sheegay in maanta Garoonka magaalad Muqdisho laga soo dajinayo ku dhawaad 80 maxaabiis Soomaali ah kuwaasi oo ku xirnaa dalka Hindiya.
Waxaana uu tilmaamay Safiirku in Maxabiistaasi ay u xirnaayeen falal la xariira Burcadbadaeednimo.
Sidoo kale Safiirka ayaa intaasi ki daray in ay fududeysay arrintani heshiiskii Dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya ee Maxaabiis is weedarsiga u qeeb ka yahay.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu guuleysatay in ay soo dayso maxaabiis badan oo ku jirtay xabsiyo ku yaalla Dalalka Itoobiya iyo Jaziiradda Seychelles,dalka India ayaa ka mid ah wadamada ay ku xir xiran yihiin maxaabiista Soomaaliyeed
storvideo: 

Qaar ka mid ah wadooyinka ugu muhiimsan Magaalada ...

$
0
0


Qaar ka mid ah Wadooyinka ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho ayaa wali xiran, iyadoona dadka Shacabka ay lugeynayaan wadooyinka Magaalada Muqdisho.
Wadooyinka qaar ee Muqdisho ayaa xiran maalintii Saddexaad, waxaana ciidamada Ammaanka ay dadka Shacabka u sheegayaan in aan la ogoleyn in wadooyinka la marsiiyo gaadiidka.
Isgoysyadda xiran ayaa waxaa ka mid ah Tarabuunka, Banaadir iyo sidoo kale meelo kale.
Qaar ka mid ah Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa cabasho xooggan ka muujiyay xirnaanshaha Wadooyinka Magaalada Muqdisho.
Ciidamada Ammaanka ayaa si weyn u adkeeyay Amniga Magaalada Muqdisho ka dib markii ay soo baxeen digniino ku saabsan Ammaanka Magaalada Muqdisho.
storvideo: 

Dagaal xoogan oo ku dhintay saragaal sare oo ka...

$
0
0

Dagaal xoogan oo ku dhintay saragaal sare oo ka tirsan milatariga Soomaliya oo ka dhacay magaalada Muqdisho
Mar 3, 2018 -
Waxaa maanta iska hor imaad dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay xaafada Kaawo Godey ee degmada Dharkeenley, waxa uuna iska hor imaadkaasi uu dhax maray ciidamo kawada tirsan dowlada.
Sida aan wararka ku helnay ciidamo katirsan Nabad sugida ayaa saakay tagay xaafada Kaawo Godey si ay u bur buriyaan guryo sharci daro ah oo laga dhisay qeybo kmaid ah xaafada Kaawo Godey.
Goob jooge ayaa ku waramay in ciidamnada Nabad sugida ee bur burinta waday in ay iska hor imaad kala kulmeen ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya oo la sheegay in ay dagnaayeen qeybo kamid ah xaafada Kaawo Godey.
Inta la xaqiijiyay iska hor imaadka labada ciidan dhax maray waxaa ku dhintay sargaal katirsanaa Ciidanka Milatariga oo magaciisa lagu soo koobay Mangiste, waxaa sidoo ku dhaawcmay lix qof oo kale oo isugu jiray shacab iyo ciidan.
Magaalada Muqdisho ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca iska hor imaad dhax mara ciidanka dowlada , waxaana iska hor imaadkaasi uu ka dhasha is qab qabsi dhuleed iyo mid si kam ah u dhaca
English News
storvideo: 

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Ardayda...

$
0
0

Home WARARKA GUDAHA Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Ardayda Soomaaliyeed ee Suudaan.+(Sawirro)
SHARE
Facebook
Twitter
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleCiidanka Xoogga Dalka oo howlgalo ka wada deegaano hoostaga Balcad

storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live