Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Guddoomiye Yarisow “Maamulka Gobolka Benaadir waxaa...

$
0
0

Muqdisho (Sonna) Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa kulan looga hadlayay caqabadaha ay la kulmaan dadka naafada ah ee u baahan garab istaagga iyo la jaan-qaadka bulshada caadiga ah, waxa uu la qaatay wakiilllo ka socday dadka Naafada ah isla markaana u ololeeya xuquuqda dadka aan lixaadkoodu dhameyn.
Guddoomiyaha Yarisow ayaa ku booriyay bulshada Soomaaliyeed in ay u midoobaan ilaalinta xuquuqda dadka naafada ah, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xeerarka iyo qawaaniin sida adag u difaacaya xuquuqda naafada Soomaaliyeed.
Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa carrabka ku adkeeyey in naafanimadu aysan ahayn micneheedu awood la'aan balse ay tahay amar Eebe, iyadoo taas laga duulayana uu maamulkiisu sii wadi doonno dadaallada ku aaddan horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda ay leeyihiin naafadu.
"Ka maamul ahaan, diyaar ayaan u nahay in aan qeyb ka geysanno wax walba oo lagu horumarinayo nolosha dadka naafada ah, weyna naga go'an in lala simo bulshada caadiga ah kuwa shaqeysan karana helaan fursado lamid ah kuwa dadka lixaadkoodu dhameystiran yahay."Ayuu yiri Guddoomiye Eng. Yarisow.
Xubnahan oo isugu jiray qeybaha kala duwan dadka naafada ah ayaa maamulka Gobolka Benaadir u soo hordhigay baahida ay qabaan, gaar ahaan waxbarashada, shaqooyinka, dib-u-howlgelinta xarumihii ay lahaayeen iyo daryeelka ay u baahan yihiin.
Kulanka ayaa waxaa Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ku weheliyey Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax) iyo Xog-hayaha guud ee Maamulka G/Benaadir Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen.
storvideo: 


Kismaayo oo lagu qabtay lacag been abuur ah

$
0
0

Kn: Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ayaa lagu qabtay nin sitay lacag been abuur ah oo gaaraysa sodon milyan oo Shilinka Soomaaliga.
Maxamuud Maxamed Ismaaciil oo sida la sheegay ka soo kicitimay magaalada Muqdisho balse ka yimid gobollada dhexe ayaa asaga iyo lacagtuu watay waxaa garoonka ku qabtay ciidamada amaanka ee magaalada Kismaayo.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in qorshaha Maxamuud uu ahaa in inta lacagta galiyo magaalada uu ku badasho lacag Doolar ah kadibna dib uga dhoofe magaalada. Nasiib wanaag indhosarcaadka Maxamuud waa ka shaqayn waayay Kismaayo waxaana laga yaabaa inuu meelo kale oo dalka kaga soo guulaystay oo ku soo cayreeyeen ganacsato Soomaaliyeed.
Eedaysanaha haatan waxaa gacanta ku haya ciidamada amaanka, waxaana ku socda maraanmar ku saabsan in laga helo xoggo dheeraad ah.
storvideo: 

Xeer hoosaadka baarlamaanka Jubbaland oo wax laga...

$
0
0

Kn: Kulan ay maanta yeesheen mudanayaasha baarlamaanka Jubbaland ayaa looga dooday wax ka badalka xeer hoosaadka uu ku shaqeeyo baarlamaanka Jubbaland.
Baarlamaanka ayaa dood galiyay qodobka 2aad, farqadiisa 6aad ee xeer hoosaadka baarlamaanka Jubbaland kaasi oo tibaaxayay in baarlamaanka Jubbaland ay kulan ku qabsan karaan meel kasta oo kamid ah deegaamada Jubbaland, laakiinse dood kadib oo cod la galiyay waxaa la isku raacay in qodob kaasi lagu badalo inuusan baarlamaanku kulan ku qabsan karin meel ka baxsan caasimadda ku meel gaarka ee Kismaayo tan iyo inta laga xoraynaayo Bu'aale oo ah caasimadda rasmiga ee maamul gobolleedka Jubbaland.
Xalqada baarlmaanka Jubbaland ee kala fadhiga soo xaadirtay ayaa ahayd 44 xildhibaan, waxaana codka ogolaansha in qodobka la badalo bixisay 38 xildhibaan halka 4 ay diiday, labana ka aamustay.
storvideo: 

Macluumaad ku saabsan Qarixii Zoobe

$
0
0

Kn: Gudidii gurmadka Qaran ee qarixii isgoyska Zoobe ka dhacay 14 Octobar ee sanadkii tagay ayaa soo bandhigay macluumaadkii ugu danbeeyay ee dadka masiibadu haleeshay ama saamaysay iyo inta ay gargaarka gaarsiiyeen.
Hadaba hoos ka daalaco shac muujinaysa warbixin dhamaystiran:

storvideo: 

Magaalada Washington ee dalka Maraykanka ka furmay...

$
0
0

Magaalada Washington ee dalka Maraykanka ka furmay shirka (Forum Fragility 2018)iyo Ra iisal wasaare Kheyre oo arimo xasaasi ah ka
Mar 5, 2018 -
Waxaa maanta Magaalada Washington ee dalka Maraykanka ka furmay shirka (Forum Fragility 2018) oo looga hadlayo Maareynta Dhibaatooyinka ka dhasha Nabadgalyo xumida iyo Xasilooni darada.
Shirkan oo uu soo qaban-qaabiyey Bankiga Adduunka (World Bank) ayaa waxaa diirada lagu saarayaa dejinta siyaasad la xiriirta horumarinta Nabadgelyada, si loo helo xal wax ku ool ah oo lagu kobcinayo nabadda iyo xasilloonida caalamka.
Madaxa Bankiga Adduunka oo furay shirkan ayaa sheegay iney xoojinayaan taageerada la xiriirta sidii wax looga qaban lahaa iska horimaadyada iyo rabshadaha, si loo gaaro himilooyinka lagu dhameynao saboolnimada iyo kor u qaadida nolosha guud ee bulshooyinka.
Kulankan oo lagu casuumay madax ka tirsan caalamka iyo wakiilada heyaddo caalami ah ayaa waxaa Somalia uga uga qeyb galaya Raisul Wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali khayre iyo wafdi uu horkacayo.
Khayre ayaa shirkan caalamiga ah kaga jawaabay su'aalo la xiriiray talaabooyinka ay xukuumadiisu ka qaaday soo celinta xasiloonida dalka, la dagaalanka saboolnimada, musuqa iyo hagaajinta hanaanka maamulka dhaqaalaha dalka.
Kulankan oo socon doona illaa 7-da bishan ayaa si weyn looga falanqeynayaa qaabka ugu haboon ee loo yareyn karo dhibaatooyinka ka dhasha xasilooni darada ka jirta meelo badan oo ka mid ah caalamka.
English News
storvideo: 

Daawo Video:Madaxwaynihi hore Ee soomaaliya Xasan...

$
0
0

Madaxwaynihi hore Ee soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay inaanu jirin wax heshis ah oo berbera khuseeya oo ay la galeen Imaradka iyo Ethopia toona aanu jirin.
Xasan sidoo kale wuxuu sheegay in magaalada Berbera ay magaalo Soomaaliyeed!!!!
Sidoo kale wuxu sheegay Dawladdiisi iyo dhammaan Raysalwasaarayaashi lasoo shaqeeyay inaanay heshiiskaas galin waxna aysan ka ogayn.
Hadalka xildhibaan Xasan Sheikh, ayaa waji gabax ku noqonaya Soomaaliland oo dhawaan sheegay in Xasan Sheikh Maxamuud uuu heshiiskaas qalinka ku duugay.

storvideo: 

Maanso ku saabsan dhibaatada ubadka ay ku hayaan hooyooyinka

$
0
0

Magaalooyinka waaweyn ee Soomaalida waxa jirta in dhalinyaradu ay dhibaataysa bulshada, kuwaa oo marka ciidammada booliisku raadiyana dhuunta ama baxsada, waxana inta badan ay keentaa in waalidku, gaar ahaan hooyada lasoo xiro.

Shir looga arrinsanayo xaaladda bani'aadanimo ee Soomaaliya oo ka furmaya London

$
0
0

Waxaa magaalada london ka furmaya kullan looga arrinsanayo xaaladda bani'aadanimo ee Soomaaliya. Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya diblomaasiyiin ka socda dowladaha kala geddisan, deeq bixiyeyaasha, Qaramada Midoobey iyo wafud kale.


Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo Furay Kulan...

$
0
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa furay kulan looga hadlayo dib u heshiisiinta Soomaaliya waxaana ka qeyb galaya Xubno ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Gobaleedyada, Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Wakiilo ka socda Midowga Yurub, Hay'adaha ka shaqeeya Nabada iyo Dib u heshiisiinta iyo Masuuliyiin kale. Wasiirka ayaa kulanka ka [...]
storvideo: 

Gabadhii Hargeysa ugu xirneyd Soomaalinimada oo xeer...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Hargeysa (- Online)-Xafiiska Xeer-ilaalinta ee Somaliland wuxuu dacwad ku soo oogay Naciima Axmed Ibraahim oo laga xiray 27kii January 2018 gegida diyaaradaha ee Cigaaal iyada oo u sii socotay magaalada Muqdisho.
Naciima waxay Xeer-ilaalintu ku eedaysay "hawlo qaranka ka dhan ah oo muwaadin ka sameeyo dalka debediisa (Qodobka 212 ee Xeerka Ciqaabta) iyo Ceebayn Qaran (qodobka 219 ee Xeerka Ciqaabta).
Sida ku qoran eedda, eedda hore waxaay la xidhiidhaa qoraal la sheegay in Naciima soo dhigtay barteeda Facebook ga. Xeer Ilaalintu waxaay sheegtay in qoraalkaasi "wiiqayo jirtaanka Qaranka JSL, midnimadiisa iyo wada jirkiisa."
Eedda labaad waxaay ku saabsan tahay "cay iyo ceebayn ay u gaysatay Qaranka JSL," sida ku qaran xaashida eedda.
Hadii lagu helo Naciima qodobadaas, waxaay wajihi kartaa in ka badan sideed sanadood oo xadhig ah.
Maxamed Kayse Maxamuud oo la xidhay 7dii February 2018 ayaa isna weli u xidhan qoraalo la sheegay inuu Facebook ga soo dhigay. Ku-xigeenka xeer-ilaaliyaha guud oo hore ula hadlay VOASomali wuxuu sheegay in loo haysto dacaayad ka dhan ah qaranka Somaliland.
Somaliland waxaay ku dhawaaqday 18 May 1991 inay dib uga la soo noqotay Somalia madax-banaanideedii.
Dastuurka Somaliland, Mucaahadada Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaana iyo Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaanku waxaay damaanad qaadeen xorriyadda cabiraadda aragtida.
Xarunta Xuquqal Insaanku waxaay ugu baaqaysaa Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland inay la noqoto eedaha ay ku soo oogtay Naciima islamarkaana ay xoriyeedooda u soo celis Naciima Axmed iyo Maxamed Kayse Maxamuud.Guleid Ahmed Jama
Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka
Hargeysa Somaliland
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Buubaa oo si caro leh uga hor imaaday heshiiska...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Somalia Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa markii ugu horeysay ka soo horjeestay heshiiska dhexmaray Maamulka Somaliland iyo Shirkadda DP World.
Heshiiska ayaa waxaa qeyb ka ah Dowladda Ethiopia oo saami laga siiyay maalgashiga Dekadda Berbera, waxa uuna Buubaa heshiiskaas ku sheegay mid aan suuragal aheyn.
Waxa uu Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa cadeeyay in Maamulka Somaliland ay qalad ku tahay in 30% kaliya ay Somaliland qaadato halka 70% ay la wareegtay Dowladda Imaaraadka iyo Dowladda Ethiopia.
Waxa uu carab dhabay in saamiga ugu badan ay qaaten dowlado shisheeye, halka Somaliland ay ka qaadaneyso saami aad u hooseeya.
Wuxuu Siyaasiga Buubaa farta ku goday in Somaliland laga doonaayay inay hesho Saami dhan 51% taas oo u suuragelin karta in marka la kulmayo ay go'aanka iyada yeelato.
Sidoo kale, waxa uu Buubaa sheegay xitaa in Heshiiskaas uu qaadacay Xisbiga uu ka tirsan yahay ee Waddani, waxa uuna sheegay in uu arrintan ka horyimid markii horena ay diideen,isaga oo sheegay in heshiiskii 1-aad ee 65% DP World uu markii horeba qalad ahaa.
Buubaa, waxa uu carab dhabay in ugu danbeyntii Heshiiska Somaliland, DP World iyo Ethiopia uu noqon doono mid wax kama jiraan ah.
Docda kale, Ismaaciil Buubaa ayaa sheegay in go'aanka saamigaasi lagu siiyay Ethiopia iyo Imaaraadka ay tahay mid dhaawici karta dadaalka ay Somaliland ugu jirto in ay madaxbanaani ku gaarto.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Charity calls for increased humanitarian aid to...

$
0
0

An International charity organization on Monday called on donors to increase humanitarian aid to help avert famine in Somalia where the lives of some 2.7 million people are at risk.
In a statement issued on the eve of London for Somalia humanitarian conference, the Norwegian Refugee Council (NRC) warned that half a million people today are on the brink of famine.
"The international community saved thousands of lives in Somalia last year and helped stop a famine before it could happen. But less humanitarian aid now threatens to throw the country back into a deeper crisis, even towards catastrophe," NRC Regional Director Nigel Tricks said in a statement.
The focus of the High-Level Event for the Humanitarian Situation in Somalia is to draw attention to the humanitarian crisis in Somalia and generate political and financial momentum for the 2018 humanitarian response and recovery.
The Tuesday event will bring together senior decision makers and partners to agree on how to plan and fund the 2018 humanitarian response, address priority gaps, review lessons from the successful 2017 famine prevention response and how these can be applied to best effect in 2018.
According to the charity, while the country dodged famine last year, 2.7 million people today are living in what the UN describes as the crisis or emergency phases of hunger.
"Aid works, as humanitarian aid saved countless lives in Somalia last year, but 2018 promises a new year of crisis. Somalia's forecast includes continued drought for several regions this year," Tricks said.
"Without a focused effort by government and the international community to maintain support for Somalis at risk, thousands of people may be pushed back over the edge," he warned.
According to the statement, the humanitarian community seeks 1.5 billion U.S. dollars for programs to sustain and rebuild the drought and conflict-stricken country in 2018 with focus on drought.
A catastrophe was averted last year as donors, governments and agencies heeded crisis warnings, and acted quickly to help hold off another famine. This year the situation is urgent as 5.4 million Somalis will need humanitarian aid.
According to the statement, more than 300,000 children under age five are acutely malnourished, including 48,000 severely malnourished children who face an increased risk of death.
Some 1.1 million people fled their homes due to drought and conflict last year in Somalia, adding to the one million people who were already displaced within the country from previous years.
storvideo: 

Khayre “Soomaaliya waxay ku baaqeysaa in xal waara...

$
0
0

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qayb galay kulanka Bangiga Adduunka ee ka furmay magaalada Washington D.C ee dalka Maraykanka, loona yaqaano (Fragility Forum 2018) . Waxuuna ku baaqay in la helo hab cusub oo xoojinaya xal u helida, dhibaatooyinka bani'aadanimadda ee ka yimaada musiibooyinka ka dhasha saamaynta falalka dadka iyo kuwa dabiiciga
ah.
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheere oo ka hadlay goloha ayaa sheegay in dariiqooyinkii hore ee wax looga qaban jiray dhibaatooyinku ay dadka badbaadin jireen xilli gaaban, laakiin ay waayo-aragnimadu ina tustay
in aanan keenin xal waaara oo joojin kara masiibooyinka imaan kara mustaqbalka.
Ra'iisul Wasaare Khayre isagoo ugu baaqaya Beesha Caalamka in ay diirada saaraan horumarinta iyo xal u helida dhibaatooyinka bani'aadanimo ayuu yiri "Waayo aragnimadeena waxay si cad u muujineysaa baahida loo qabo in la isku xiro lana horumariyo nabadda, iyo amniga,".
"Waxaynu ka baranay dhibaatooyinkaasi sida looga jawaabo oo kaliya, marka ay musiibo dhacdo, taasina waxay keentaa in dad badan ay ku dhintaaan, arintani waxay ka hor imaanaysaa xeerarka bini'aadanimadda. Hab dhaqankani waxaa uu na galiyay qasaarooyin fara badan oo naf iyo maalba leh marka la eego nolosha dadka iyo ilaha loo adeegsaday.
Waxuu kaloo sheegay in Soomaaliya ay raadinayso hab ay ku maalgeliso barnaamijyada horumarinta mustaqbalka dheer iyo siyaabaha cusub ee loogu shaqeynayo, isagoo hoosta ka xariiqaya baahida loo qabo in la helo isbedel
deg-deg ah oo ku wajahan xal waara oo rasmi ah.
Sidoo kale waxuu ugu baaqay saaxiibada Soomaaliya in ay is waafajiyaan taageeradooda qorshaha cusub ee ku wajahan nabadda, xasilloonidda iyo barwaaqaynta Soomaaliya, isla markaana ay ka fogaadaan habkii hore loogu
dhaqmi jiray.
Madashani waxay 2018 kulmisay dadka iska leh ka go'aan qaadashada arrimaha bini'aadanimada, horumarinta, iyo nabadgelyada bulshooyinka caalamka, si loo wadaago xal wax ku ool ah lana sahmiyo siyaabo cusub oo lagu wanaajiyo hababka horumarinta si loo dhiiri-galiyo nabadda iyo xasilloonida.PUNTLAND POST
The post Khayre "Soomaaliya waxay ku baaqeysaa in xal waara loo helo dhibaatooyinka Aadanaha" appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

DHAGEYSO: Qeybtii 2-aad ee Maxaabiis laga soo daayay...

$
0
0

Liibiya(SONNA) Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Siciid Fiqi oo u waramayay Wakaaladda SONNA ayaa faah faahin ka bixiyay qeybtii labaad ee maxaabiis Dowladda Soomaaliya ay ka soo deysay xabsiyada Dalka Liibiya,kuwaasi oo soo amba baxay.
Danjire Cai Siciid ayaa xusay in haatan 13 qof oo kamid ah qeybtii labaad ee Maxaabiistaasi ay diyaarada ka soo qaaday Magaalada Tripoli ee Dalka Liibiya,kuwaasi oo kusoo wajahan Soomaaliya.
"Waxaa Garoonka magaalada Tripoli ee Liibiya ku sagootinay 13 qof oo dhalinyaro ah oo laga soo bixiyay Xabsiyada Taruja iyo Ziika, sedex iyo tobankaasi dhalinyaro Xamar ayay ku soo socdaan, waxay soo marayaan Tunis, kadib Istanbul kadib Xamar ayay beri ku soo wajahanyihiin, 48 kale oo hadda isqortay oo hawshooda ay diyaar yihiin waxaan rajaynaynaa in Isbuuca soo socda ay soo amba baxaan,halmar diyaarad looma heli karo oo ay ku wada imaan karaan, sidaasi ayaa loo kala qaadaa". Ayuu Yiri AMb. Fiqi.
Cali Siciid Fiqi Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa xusay in dadkan la soo daayay ay yihiin kuwii ku jiray xabsiyada ku yaala goobaha ay gacanta ku hayso Dowladda Liibiya, isagoo xusay in kuwa kale ee kujira gacanta magafayaasha aan loo tagi Karin sababo dhanka ammaanka laxiriira.
Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirto sidii loo soo deyn lahaa dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ku jira xabsiyo kuyaala dalalka Caalamka, Maalin ka hor ayay ahayd markii Garoonka Diyaaradaha Muqdisho laga soo dejiyay 76 qof oo ahaa tiradii ugu dambeysay maxaabiis in muddo ah ku xirnayd xabsiyada Dalka India.
Horey waxay Dowladdu u soo deysay maxaabiis ku jirtay Xabsiyada wadamo kale,sida Itoobiya iyo Jasiiradda Seychelles, waana markii ugu horeysay tiro intaasi la eg oo maxaabiis Soomaaliyeed ah laga soo daayo xabsiyada Caalamka.
120129_001
storvideo: 

Soomaali dib looga soo ciliyay Liibiya oo Muqdisho...

$
0
0

Magaalada Muqdisho ee - Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku soo wajahan 13 Muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo cilinayo dalka Liibaya.
Muwaadiniintaan ayaa Goordhow ka soo Amba baxay Magaalada Tripoli ee - dalka Liibiya iyaga oo soo mari doono Dallka Tunisia iyo Turkey .
Muwaadiniintaan ayaa kamid ahaa kuwa Tahriib ahaan ku galay dalkaasi islamarkaasina ay ku xirnaayeen xabsi ku yaala dalkaasi Liibiya.
Muwaadiniintaasi ayaa waxaa ay doonayeen in ay tahriib ahaan ku galaan wadamada Reer Yurup kadib Markii ay ka farxadeen dhibaatada Amni daro iyo shaqo la aan ee ka jira Soomaaliya .
Dowlada Soomaaliya ayaa dadaal dheeraad ah ku bixisay sidii muwaadiniintaasi dib loogu soo cilin lahaa Dalkooda hooyo ee Soomaaliya.
Sida ay sheegtay wasaarada Arimaha dibada xukuumada Soomaaliya Danjire Dr. Cali Siciid Faqi oo ah Danjiraha Midowga Yurup u qaabilsan Soomaaliya ayaa dadaal ku bixiyay sidii dib Dhalinyaradaan loogu soo cilin lahaa dhulkooda Hooyo.Hoos ka Daawo Sawirada
Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho
The post Soomaali dib looga soo ciliyay Liibiya oo Muqdisho ku soo wajahan appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Koreas reach ‘satisfactory’ agreement

$
0
0

North Korea revealed Tuesday that leader Kim Jong-un reached a "satisfactory agreement" with visiting South Korean officials in Pyongyang the previous day. According to the reclusive state's KCNA news agency, Kim had "openhearted" talks with Seoul's delegation led by National Security Office chief Chung Eui-yong, who was sent by South Korean President Moon Jae-in following [...]
storvideo: 

Qeybtii 2-aad ee Maxaabiis laga soo daayay Xabsiyada...

$
0
0

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Siciid Fiqi oo u waramayay Wakaaladda SONNA ayaa faah faahin ka bixiyay qeybtii labaad ee maxaabiis Dowladda Soomaaliya ay ka soo deysay xabsiyada Dalka Liibiya,kuwaasi oo soo amba baxay. Danjire Cai Siciid ayaa xusay in haatan 13 qof oo kamid ah qeybtii labaad ee Maxaabiistaasi ay diyaarada ka soo [...]
storvideo: 

Australia oo kaalmo bani’aadminimo u soo diraysa...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
DADAAB, KENYA - JULY 22: Somalian refugees return from collecting water at the edge of the Dagahaley refugee camp which makes up part of the giant Dadaab refugee settlement on July 22, 2011 in Dadaab, Kenya. The refugee camp at Dadaab, located close to the Kenyan border with Somalia, was originally designed in the early 1990s to accommodate 90,000 people but the UN estimates over four times as many reside there. The ongoing civil war in Somalia and the worst drought to affect the Horn of Africa in six decades has resulted in an estimated 12 million people whose lives are threatened. (Photo by Oli Scarff/Getty Images)
Canberra- (SONNA)- Xukuumadda Austaraliya ayaa sheegtay in ay Soomaaliya siin doonto kaalmo dhinaca bani'aadminimada oo dhan 5.5 milyan oo doolaarka Austaralia una dhiganta in ka badan 4 milyan oo doolarka Maraykanka, taasi oo loogu talagalay in wax looga qabto arimaha Amniga deeqaha iyo Abaaraha soo noqnoqday.
Warkaan oo ka soo baxay xafiiska wasiiradda arimaha dibadda Austaraliya Julie Bishop ayaa lagu yiri, " wali dhibaatooyinka abaaraha waa kuwa taagan kuwaasi oo ka dhasha xaaladaha amni ,hoy la'aanta iyo xilliyada isku xig xiga ee aan dalku roobab ku filan helin".
Xukuumadda Austaraliya ayaa intaasi raacisay in kaalmadaan ay ku soo gaarsiin doonaan Soomaaliya qaab raashin deg-deg ah, biyo nadiif ah iyo hoy, Taageeradaan ayaa waxaa la soo marsiin doonaa Qaramada Midoobay iyo hay'adaha bani'aadamnimada ka shaqeeya.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleDHAGEYSO: Qeybtii 2-aad ee Maxaabiis laga soo daayay Xabsiyada Liibiya oo Muqdisho ku soo Wajahan+Sawirro

storvideo: 

Ruushka: Haka Baxaan Maleeshiyaadka Deegaanka Ghouta

$
0
0

Wasiirka gaashaandhiga ee Ruushka Sergey Shoygu ayaa maanta oo Talaado ah sheegay in dadka rayidka ah iyo maleeshiyaadka jabhadaha ee ku sugan deegaanka Ghouta ee dalka Syria ay adeegsan karaan marinnada loogu talagalay in dadka barakacayaasha ay maraan.
Deegaanka Ghouta ayaa waxaa ku hareeraysan ciidamada Syria oo taageero ka helaya.
Wasiirka ayaa sheegay in maleeshiyaadka mucaaradku ay hubkooda iyo qoysaskooda la mari karaan marinnada loo furay barakacayaasha go'doonsan.
Wasiirka gaashaandhiga ruushku ma sheegin halka ay maleeshiyaadka mucaaradku u kici doonaan marka ay ka baxaan Ghouta.
Isniintii shalay ayaa kolonyo gaadiid ah oo raashin iyo gargaar u waday dadka ku go'doonsan bariga Ghouta ayaa dib u noqday ka dib markii ciidamada dawladda Syria ay sii wadeen duqaynta ay u gaysnayaan deegaanadaasi.
storvideo: 

GUDOOMIYAHA CUSUB EE BOSASO OO XILKA LA WAREEGAY MAANTA

$
0
0

Bosaso[Puntland Post]-Duqa Cusub ee Degmada Bosaso Cabsalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay Duqii hore Degmada Bosaso Yaasiin Mire Maxamuud ka dib munasabad ka dhacday Xarunta guriga gobalka Bari,looga Arimiyo.
Munasabada xil wareejinta ah waxa ka soo qeyb galay Xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland Maamulka gobolka Bari, iyo bulshada qeybaheeda kale duwan.
Duqii hore ee Degmada Bosaso Injineer Yaasiin Mire Maxamuud oo ugu horeyn ka hadlay goobta ayaa sheegay inta uu xilka hayey in uu qabtay wax badan, isla markaana u la shaqeyn doono Maamulka cusub ee la soo Magacaabay.
Duqa cusub ee Degmada Bosaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa dhankiisa sheegay in ay sharaf u tahay in uu la wareego xilkan, isla markaana howshii halkeedii ka sii wadi doono.
"Magaaladan waa Magaalo Soomaaliweyn ay degan tahay waana muhiim in laga shaqeeyo amnigeeda iyo nafaadeeda ayuu yiri Duqa cusub ee Degmada Bosaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo si ku meel-gaar ah xilkan u sii hayn doona.CABDIQANI BOOSPUNTLAND POST-BOSASO
The post GUDOOMIYAHA CUSUB EE BOSASO OO XILKA LA WAREEGAY MAANTA appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live