Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Fariinta gaarka ah ee hogaamiyaha k/ Waqooyi uu u...

$
0
0

Ergada Kuuriyada Koonfureed ayaa fariin gaar ah u keeni doonta Mareykanka taasi oo ay ka sidaan hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.
Fariintan ayay ergada gudbin doontaa marka ay toddobaadkan kulan ku yeeshaan Washinton , sida ay wararka sheegayaan.
Fariintan ayaa loo soo dhiibay markii ay isniintii la kulmeen Mr Kim oo ay la yeesheen wadahadalo naadir ah oo ka dhacay Pyongyang, sida ay ku warameen warbaahinta maxaliga ah.
Ma cadda in ergada Kuuriyada Koonfureed ay la kulmi doonaan madaaxwaynaha Mareykanka Donald Trump.
Wadahadaladii ay horey Mareykanka ula galeen Kuuriyada Waqooyi ayaan wax mira dhal ah yeelan.
Waxaa lagu heshiiyay in hogaamiyayaasha labada Kuuriya ay kulan yeeshaan bisha April markii ugu horreysay muddo toban sano ah. waana kulankii ugu horreyay tan iyo intii uu awoodda la wareegay Mr Kim.
Madaxa amniga qaranka Kuuriyada Koonfureed Chung Eui-yong iyo madaxa hay'adda sirdoonka Sun Hoon ayaa kulan gaar ah la qaatay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi xilli ay booqasho qaadatay 2 maalmood ay ku joogeen Pyongyang.
Mr Kim ayaa si caad u muujiyay sida uu dalkiisa u doonayo in uu wadahadal la galo xukuumadda Washington ayna hakiyaan tijaabada hubka inta ay wadahadaladaasi socdaan, waxaa sidaasi Talaadadii sheegay Mr Chung.
"Wax waliba saxaafadda shaaca ugama qaadi karno , laakiin waxa aan haynaa fikrado aan ka sidno Kuuriyada Waqooyi oo aan u gudbin doono Mareykanka marka aan booqashada ku tagno," waxa uu sidaasi ka soo xigatay wakaaladda wararka Kuuriyada Koonfureed Yonhap.
Donald Trump ayaa si taxadar leh uga jawaabay warka ku saabsan in Kuuriyada Waqooyi ay doonayso in wadahadalo lagala galo sidii ay uga tanaasuli lahayd hubkeeda Niyukleerka.
Maxaay tahay fariinta qarsoodiga ah?
Saraakiisha Kuuriyada Koonfureed ayaa si wayn uga taxadarayay luuqadooda dublamaasiyadda ka dib markii ay kulankii ugu horreysay la yeesheen Mr Kim.
Ma cadda in ay buunbuuninayaan muhimadda ay leedahay farriintan, iyo cidda ay fariinta ku socoto.
Wasaarada arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa Talaadadii sheegtay in ay xiriir la samaysay Aqalka Cad taasi oo ku saabsanayd hindisaha la soo jeediyay ee kulanka ergada Kuuriyada Koonfureed.
Waxa ay u muuqataa in labada Kuuriya ay ka faa'idaysanayaan xiisadda hoos u dhacday ka dib ciyaarihii Olambikada oo labada kooxood ay hal calan wada siteen.
storvideo: 


Wasiirka Amniga gudaha XFS oo la kulmay Wasiirka...

$
0
0

Muqdisho (SONNA), Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Isloow oo ku sugan Magaaladda Aljeeriya ee Dalka Urdun, kagana qeyb gali doona shirka 35 ee Wasiirada Arrimaha Gudaha ee Dalalka Carabta, ayaa maanta la kulmay Wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi Mudane Samiir Al-mubiiydayn, iyaggoo kawada hadlay arrimo badan oo quseeyo labada dal.
Wasiir Isloow, ayaa Wasiirka arrimaha gudaha Urdun warbixin kasiiyey Xaaladda Amni ee Soomaaliya, sida ay u shaqeyso Wasaaradda Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo in qaabka Ciidammada AMISOM ay uga baxayaan dalka markii uu dhammaado waqtigooda.
Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa Wasiirka arrimaha gudaha ka codsaday kobcinta awooda Ciidanka Soomaaliya, Tababaro iyo agab in lagu kaabo hay'addaha Amaanka , in la iska kaashado Amniga iyo Khibradaha, in la sameeyo xog is weydaarsi u dhaxeeya Hay'addaha Amniga iyo in la saameeyo guddi heer wasiir ah oo kawada shaqeeya arrimaha amniga.
Dhinaca kale Wasiirka Amniga Gudaha ayaa Galabta ku qaabilay deegaankiisa Mudiirka Jaamacada Naayif alcarabiya ee culuumta amniga Dr C/majiid bin C/lla Al-bunyaan, isaggoo wasiir ducaale u hambalyeeyay Dr: C/majiid oo dhowaan loo doortay Mudiirka Jaamacadda, Halkaas oo ay kaga wada hadleen siddii ay Jaamacada uqu qaban lahayd Booliska & Ciidamada Amniga tababaro kala duwan loogana heli lahaa waxbarasho bilaasha oo loogu deeqo Booliska iyo Amniga.
Wuxuu balan qaaday mudiirka jaamacada inuu diyaar u yahay wax alaala waxii lagu horumarinayo Ciidammada Soomaaliya, gaar ahaan (Booliska) lana kala saxiixan doono heshiis u dhaxeeya Wasaaradda & Jaamacada.

storvideo: 

Qatar calls for to respect for Somalia’s Sovereignty

$
0
0

Qatar has participated in a high-level international conference on Somalia, hosted in the British capital London. Qatar's delegation to the meeting was headed by Tariq Ali al-Ansari, director of the International Technical Co-operation Department at the Ministry of Foreign Affairs.
In his speech at the conference, al-Ansari stressed the political will of Qatar to continue to help brotherly Somalia through political support and assistance amounting to about $385mn for the period 2011-2018 of which $200mn was pledged by the end of 2017.
He stressed that the Qatari support is being coordinated with the Somali government, the UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) and the UN specialized agencies operating in Somalia.He noted that there is coordination between the two countries to provide Qatari support to Somalia in the field of security sector reform, referring to the provision of 30 buses to support the transport sector.
He also stressed the importance of the UN support for the African Union Mission in Somalia (AMISOM), which provides services for peacekeeping, protection of development and donor projects, in response to numerous appeals from the African Union and international resolutions.
Al-Ansari called on countries to start investing in Somalia to help the country be self-reliant and support its institutions.
He noted the importance of the commitment of all parties to supporting the unity and territorial integrity of Somalia and respect for its sovereignty in accordance with the resolutions of the UN General Assembly, the Security Council, the Arab League, the African Union and the support of the federal government.
storvideo: 

US announces $533M in humanitarian aid for Africa

$
0
0

US Secretary of State Rex Tillerson on Wednesday announced nearly $533 million in humanitarian assistance for food-insecure people in Ethiopia, Somalia, South Sudan, and Nigeria, as well as countries in the Lake Chad region.
According to a statement issued by the US Department of State, the new funding will be used to provide emergency food and nutrition assistance, including tens of thousands of tonnes of in-kind food aid, as well as to support safe drinking water, emergency health care, and hygiene programmes.
The announcement came few hours ahead of Tillerson's arrival in the Ethiopian capital Addis Ababa, where he is expected to discuss with Ethiopian authorities bilateral and regional issues, including the ongoing protests in towns of the Oromia states in the country.
US assistance also includes life-saving medical supplies, improved sanitation, and emergency shelter, and prioritizes programmes that protect vulnerable groups.
Of the newly-announced funds, more than $110 million is for Ethiopia, nearly $184 million is for South Sudan, more than $110 million for Somalia, and more than $128 million for Nigeria and countries in the Lake Chad region.
The Ethiopian Disaster and Risk Management Commission last year announced that there are over eight million Ethiopians in need food aid due to the El-Nino-induced drought, which occurred in 2015 and 2016 in Somalia and the Oromia states in the country.
storvideo: 

Booliiska iyo dibadbaxayaal isku dhacay dalka Sri Lanka

$
0
0

Dhammaan booliiskii fasaxa ku jiray ee dalka ayaa dib loogu yeeray dalka Sri Lanka ka dib markii dalkaasi ay ka qarxeen rabshado ka dhan ah Muslimiinta laga tirada badan yahay ee dalkaasi.

Booliiska iyo dibadbaxayaal isku dhacay dalka Sri Lanka

$
0
0

Dhammaan booliiskii fasaxa ku jiray ee dalka Sri Lanka ayaa dib loogu yeeray ka dib markii dalkaasi ay ka qarxeen rabshado ka dhan ah Muslimiinta laga tirada badan yahay ee dalkaasi.
Baraha bulshada oo ay ka mid tahay barta Facebook, ayaa la xiray si looga hortago wax ay dowladda ku tilmaamtay in lagu faafiyo hadalada naceybka ah.
Wasiir ka tirsan dowladda Sri Lanka ayaa BBC u sheegay in la xiray braha Facebook, WhatsApp iyo baraha kale ee bulshada oo uu sheegay in loo isticmaalay faafinta hadalo naceyb ah iyo kicinta rabshado.
Booliiska magaaladda Kandy ayaa isticmaalay sunta dadka ka ilmaysiisa si ay u kala ceyriyaan dad haysta Diinta Buudiistaha oo dibadbax dhigayay.
Dadkani ayaa waxay weerarayeen Misaajidada iyo dukaamada ay Muslimiinta leeyihiin.
Dibadbaxayaasha ayaa iska dhaga tiray Bandow la soo rogay ka dib markii Axaddii la dilay wiil dhalinyaro ah oo Buudiste ah ka dib markii uu muran dhexmaray koox Muslimiin ah.
Xiisadda u dhaxaysa Muslimiinta iyo dadka haysta diinta Buudistaha ayaa sare u kacday maalmihii ugu dambeeyay dalkaasi Sri Lanka.
Kooxaha Diinta Buudistaha ayaa diidan qaxootiga Muslimiinta Rohingya oo ka imaanaya Myanmar.
Toddobaadkii aanu soo dhaafnay magaalada ku taalla bariga dalkaasi ee Ampara ayaa waxaa sidoo kale ka dhacay rabshado.
storvideo: 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah Furay Mashruuc...

$
0
0

Muqdisho (SONNA), 5 Maarso 2018-Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa daah furay wajiga 1aad ee mashruuca dib u dhiska magaalada Muqdisho oo ay maal gelinayso Dawladda Jarmalka.
Wajiga koowaad ee Mashruucan oo ku bilaaban doonaa dhismaha 19 waddo oo laga hirgelin doono Degmooyinka Xamerweyne, Shingaani, Cabdicasiis, Xamar-jajab, Hawlwadaag, Boondheere, Warta Nabada iyo barnaamijyo qeyb ka qaadanaya shaqo abuurka dhalinyarada ayaa waxaa daah furkiisa qeyb ka ahaa Safiirka Dawladda Jarmalka ee Soomaaliya Marwo Jutta Gisele Frasch.
Eng. Yarisow ayaa ku bogaadiyey khubarada iyo howlwadeenada Dawladda Hoose ee Muqdisho sida ay ugu guuleysteen fulinta diyaarinta Mashruucan, isagoona tilmaamay in uu fursado shaqo u yahay dhallinyarada, Haweenka, Barakacayaasha iyo dadka danyarta ah ee ku dhaqan gobolka Benaadir.
"Mashruucan wuxuu waafaq-sanyahay aragtideenna ku aaddan in fursado shaqo loo abuuro dhallinyarada iyo horumarinta koboca dhaqaaalaha magaalada Muqdosho. taasoo fududaynaysa isu socodka, adeegyada iyo isedhexgalka bulshada."Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow oo uga mahadceliyey dawladda Jarmalka kaalmada iyo wada shaqeynta wanaagsan ee ka dhaxeysa.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in Maamulku Gobolka Benaadir uu kala shaqayn doono Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay'adaha Caalamiga ah ee ay wada shaqayntu ka dhaxeyso si loogu fuliyo mashruucan hannaan hufan oo waafaqsan dawlinimada iyo maamul wanaagga.
Munaasabadda furitaanka mashruucan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Diblumaasiyiin iyo masuuliyiinta Maaulka Gobolka Benaadir.
storvideo: 

Madaxda reer Soomaliland maxaa u diiday qabkii iyo...

$
0
0

Madaxda reer Soomaliland maxaa u diiday qabkii iyo hiigsigii Marxuum Cigaal
"Haddii Aad Walaalnimada, Jaarnimada Iyo Wanaagga Illaalin Waydaan Noogama Duwanidin Kaneecadaasi Maroodiga Isku Dul Taagtay...."..Marxuum Maxamed I. Cigaal
Ilaa iyo intii ka danbaysay Xiligii uu Geeriyooday Geesigii waynaa ee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahaa aasasihii Jamuuriyada Somaliland isla markaana budh dhigay dhamaan rukumada waaweyn ee dawladnimo ee Soomaliland oo ku qaadatay juhdi iyo dadaal uu sameeyey Marxuum Cigaal, waxa uu ku guulaystay intuu dib u heshiisin u sameeyo beelihi reer somaliland oo marka u kala qaybsanaa jabhad beeloodiyo,marxuum Cigaal waa uu ku guulaystay inuu sameeyo nabad iyo kala dabayn uu ku taagay rukumo ad adag taas oo ay ilaa maanta caano maalayaan dadwaynaha jamuuriyada Soomaliland ilaa cidhif ka cidhif, nabadaas oo ay wali la tacaalayaan inay helaan koonfurta somaliya iyadoo ay cadaan iyo madowba ku garabsiinayaan sugideeda,nabadaas oo marxuum Cigaal juhdi dheer uu galiyay isagoo shisheeye la kaashan, Waxa uu marxuum Cigaal ku guulaystay inuu sameeyo ciidan qaran oo ka kooban mid suga nabada iyo mid difaaca qaranka, waxa uu saameeyey calanka barakaysan ee Jamuuriyada Somaliland isagoo badalay calan ay hore u lahayd Jamuuriyada Somaliland oo uu ku badalay Calan leh sadex midab kuna dhex shaqlan tahay xidig Madow oo ay ku ladhantahay tawxiidka Islaamku, calankaas oo ka turjumaya maraaxiishii ay soo martay jamuuriyada barakaysan ee Soomaliland, midabka hoose ee casanka ah ee calanka Soomaliland waxa uu iftiiminaya halgankii iyo naftii loo soo hudhay jamuuriyada Soomaliland, midabaka cadaankaa oo ka turjumaya heshiisintii beelaha walaalaha ah ee somaliland iyo xidigta dhexda kaga taala ee madow oo iyadu ah gooni istugaa somaliland taas oo ah inay dhimatay baaditaankii loogu jiray israaca shanta Soomaliyeed oo ay Shacbiga reer somaliland bilaa shuruuc dawlanimadoodi ugu geeyeen Moqidisho iyagoo baadi goob ugu jira in la helo shantii soomalilyeed,midabka cagaarka ah ee u saraysa calanka Jamuuriyada soomaliland oo iyadu ka turjumaysa barwaaqada iyo horumarka somaliland taas oo ay horseed u tahay diinta islaanka oo tawxiidku ku xardhan yahay.
Marxuum cigaal waxa kuu ku guulaystay inuu sameeyo wixii dawladnino u aasas ahayd oo ay ka kow tahay dastuurka qaranka jamuuriyada soomaliland iyo habka dimuqraadiga ah oo uu sameeyey xisbi qaran ee ugu horeeyey kaas oo la odhan jiray UDUB, Marxuun Cigaal waxa uu lahaa hiigsi iyo han ka fog, hamiga iyo hiigsiga siyaasiga maanta hogaaminaaya Soomaliland intii uu isagu geeriyooday,waxa uu doonayay in uu saxo wixii shalay ka lumay umadiisa ee lagu khalday,waxa uu arkayaayey hababka uu ku sixi karo oo isago u muuqday taasina waxay ku tusaysaa in Marxuum Cigaal fahansanaa cidii u danaa iyo cidii u cadow ah Jamuuriyada Soomaliland isla markiiba safar uu ku tagay Jabuuti Marxuum Cigaal waxa uu si cad farta ugu fiiqay bulshada Reer Soomaliland in cadowgood reer soomaliland aanuba ka fogayn ee ay tahay Dawlada jabuuti iyo ismaaciil Cumar Geel bal aan akhristoow kuu soo gudbiyo sabaha uu Marxuum Cigaal dawlada jabuuti ku arkay.
Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo safar shaqo ku tagay dabayaaqadii 1997 Wadanka Jabuuti waxa uu kala kulmay quudhsi iyo iyaga oo ka hor joogsaday shir uu doonayay in uu halkaasi kaga qayb galo. Markii Marxuum Cigaal dalka dib ugu soo laabtay waxa uu maalmo kadib dadweynaha kala hadlay khayriyada isaga oo yidhi: "Kaneeco ayaa maroodi isku dul taagtay, Markaasi ayay tidhi Maroodiyaw waan kaa dul duulayaaye isxaji, Muxuu ka ogyahay Xili ay ka dul duushay iyo xilli ay ku soo dul tagtay, Jabuuti waxaanu leenahay, Haddii aad walaalnimada, jaarnimada iyo wanaagga illaalin waydaan Noogama Duwanidin Kaneecadaasi Maroodi Isku Dul Taagtay". Ayuu yidhi Marxuum Cigaal.
Wakhtiyadaasi mar kale dawladda Jabuuti waxa ay xidhay xadka ay la wadaagto Somaliland waxaanu Marxuum Madaxweyne Cigaal kaga jawaabay mar ay BBC-du waraysatay sidan: "Haddii ay xadka xidheen annana waxaanu xidhnay badda iyo cirkaba". Waxa ay ahayd go'aamo geesinimo oo aan habrasho lahayn.
Markii uu Madaxweyne Cigaal Geeriyooday xidhiidhka labada waddan oo aad u xumaa waxa ay xukuumadda Jabuuti soo dirtay wafti doonayay in ay ka qayb galaan aaska Marxuum Cigaal balse waxa hawada ka celiyay diyaaraddaasi oo diiday in ay waftigaasi dalka soo galaan Madaxweyne Rayaale oo xilka uga dambeeyey Marxuum Cigaal. Siyaasadda Jabuuti ee Somaliland ku aaddani kadib xukunkii Xasan Guuleed, waabu ka sii daray oo Ismaaciil Cumar Geelle mudada uu xilka hayay waxa uu Somaliland kula dhaqmaa laba wajiilayn iyada oo Somaliland aanay wali lahayn istaraatiijiyad cad oo ay ku qaabilayso xidhiidhka dalkasi Jabuuti.
4 Qodob Oo Ay Salka Ku Hayso Cadaawadda Jabuuti U Hayso Somaliland:
1. Jabuuti waa dal yar oo aan dhaqaale la sheego ama buuran aan lahayn. Dhaqaalaha Jabuuti waxa uu ku xidhan yahay waa adeegga (Service) ay qabato dekaddoodu.Waxaanay aaminsan yihiin in haddii Somaliland ay noqoto dawlad muctarifa, in ay tartan adag la gelayso dekadda Jabuuti taasina ay saamayn taban ku keeni doonto xoogaaga yar ee ka soo gala halkaa.
2. Jabuuti waa dal aan lahayn khayraadka dabiiciga ah ee ilaahay dhulka ku mannaystay. Ma haystaan biyo macaan oo ku filan. Waxa ay isticmaalaan dhawr ceel- biyood oo dawladda Itoobiya ka iibiso. M/weynaha Jabuuti, waxa uu tuur iyo tarbiico isugu yeelaa in Seylac iyo aagagga u dhow xuduudka ay wadaagaan Somaliland iyo Jabuuti oo ah deegaan biyo macaan ilaahay ku abuuray, in ay ka qotaan biyaha maamulka iyo lahaanshaha dhulkaana Jabuuti lagu soo wareejiyo.
3. Waxa jira qodob kale oo odhanaya in xilligii nidaamkii daaquutka ahaa ee Siyaad Barre hogaaminayay,uu ugu ballan qaaday M/weynihii Jabuuti ee xilligaa Xasan Guulleed Abti-doon, isaga oo ku xodxodanaya bal in ay mar uun maamulkiisii uu hoos keeno, in uu siinayo ceel shidaal ah oo ku yaalla magaalada Seylac. Dawladda Jabuuti weli way daba socotaa arrinkaa mar kastana waxa ay ku xisaabtamaysaa hanta shidaal oo laga soo saaro xeebaha gobolka Salal ee Somaliland.
4. Nidaamka Dimuquraadiga ah ee ka hana qaaday dalka Somaliland waxa uu walaac ku yahay nidaamka maamul ee dalkaasi Jabuuti oo uu haysto hogaamiye keli-talis ah oo dastuurkii waddankiisa badalay kana dhigay shaadh isagu uu tashay. Mr. Geelle,waxa uu isha ku hayaa nidaamka siyaasadeed ee dimuqraadiga ah ee ka hanaqaaday Somalilaan, kaas oo warwar weyn ku haya maadaama labada shacab is dhex degan yihiin. In dadka reer Jabuuti ay saamayso xorriyadda ay haystaan shacabka, siyaasiyiinta mucaaridka ah iyo saxaafadda Somaliland. Taasoo ku keeni karta kacdoon siyaasadeed oo dalka gudihiisa kaga furma. Iyadoo imikaba la og yahay in uu dastuurkii wax ka badalay,muwaadiniin badana ka eryay waddankiisa.
Hadaba iyadoo dawlada Jabuuti ay Marxuum Cigaal meel xun kala taagnaayeen buu qadarkii Alle u yimi marxuumka taas oo markuu marxuum Cigaal waxyar sii mootana uu Madaxweyne Rayaale booqosho ku tagay dalka Jabuuti, waxay u noqotay Ismaacil Cumar Geele iyo cadowgii doonayey inay hagar daameeyaan Soomaliland fursad, waxa uu Ismaaciil cumar Geel si cad u tusay madaxdii reer soomaliland cadowtinimo toos ah isagoo dib heshiisin ugu sameeyey jabuuti kooxihii xamar isku haystay, waxaanu si toosa ugu daawanay inuu ka qayb galo madaxweynayaasha ay barlamaanka kabkabka ah ee koofuri ku doorato moqdisho in uu ka qab galo caleemo saarkooda, isagoo aan haba yaraate ka soo qabgalin ama hanbaloyo ayaa ugu yaree u soo dirin Madaxweynayaashii ay shacabka reer somaliland codkooda ku soo doorten iyagoo madaxda moqdisho iyagu hanbalyo u soo diraan markay ka adkaysan kari waayaan xaqiiqada dhabtaa ee ka jirta Jamuuriyada Soomaliland,
Guntii iyo gabogabadii, waxaan maqaalkayga ku soo koobi lahaa maxaa u diiday Madaxdeedna qabkii iyo hiigsigii uu kala marxuum Cigaal, hadaan si fudud uga jawaabo, marxuum cigaal waxa uu ahaa Siyaasi doonayay in uu ka tago magac iyo siyaasad ay raacaan jiilasha ka danbeeya oo nadiifa laakiin siyaasiga maanta jooga waa mid ka fakarayaa dano isaga u gaara ama koox u gaara, isla markaana waxa hamigiisa koowad yahay mid uu doonayo in uu ku hormariyo shaqsiyadiisa iyo mid gaareedba, taasina waxay u horseedaysaaa in uu ku lumiyo karaamadiisa oo uu siisto aduunyo ama waxa u gaara oo uu siisto sharaftii qaranka uu madaxda u yahay, hadaba inta in uu shakhsi sidaa u fakaraayo, ka talinaayo dalkeenana,cadowgeenu waxa uu inoo helayaa fursad uu inoogu aaso dibi daabyo.
Qore, Eng Faysal Cabdiraxman Muhumed
Bristol, UK
storvideo: 


Sawirro: Maxay kawada hadleen Wasiirka Amniga DF &...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Abuukar Isloow oo ku sugan Magaaladda Aljeeriya ee Dalka Urdun, kagana qeyb gali doona shirka 35 ee Wasiirada Arrimaha Gudaha ee Dalalka Carabta, ayaa maanta la kulmay Wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi Samiir Al-mubiiydayn, iyaggoo kawada hadlay arrimo badan oo quseeyo labada dal.
Wasiir Isloow, ayaa Wasiirka arrimaha gudaha Urdun warbixin kasiiyey Xaaladda Amni ee Soomaaliya, sida ay u shaqeyso Wasaaradda Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo in qaabka Ciidammada AMISOM ay uga baxayaan dalka markii uu dhammaado waqtigooda.
Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa Wasiirka arrimaha gudaha ka codsaday kobcinta awooda Ciidanka Soomaaliya, Tababaro iyo agab in lagu kaabo hay'addaha Amaanka , in la iska kaashado Amniga iyo Khibradaha, in la sameeyo xog is weydaarsi u dhaxeeya Hay'addaha Amniga iyo in la saameeyo guddi heer wasiir ah oo kawada shaqeeya arrimaha amniga.
Dhinaca kale Wasiirka Amniga Gudaha ayaa Galabta ku qaabilay deegaankiisa Mudiirka Jaamacada Naayif alcarabiya ee culuumta amniga Dr C/majiid bin C/lla Al-bunyaan, isaggoo wasiir ducaale u hambalyeeyay Dr: C/majiid oo dhowaan loo doortay Mudiirka Jaamacadda, Halkaas oo ay kaga wada hadleen siddii ay Jaamacada uqu qaban lahayd Booliska & Ciidamada Amniga tababaro kala duwan loogana heli lahaa waxbarasho bilaasha oo loogu deeqo Booliska iyo Amniga.
Wuxuu balan qaaday mudiirka jaamacada inuu diyaar u yahay wax alaala waxii lagu horumarinayo Ciidammada Soomaaliya, gaar ahaan (Booliska) lana kala saxiixan doono heshiis u dhaxeeya Wasaaradda & Jaamacada.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Sawirro: Halkee ayuu marayaa dhismaha Xarumaha uu ku...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Cadaado (- Online)-Hoggaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo Madaxa Xukuumada maamulka Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa manta si wada jira u kormeeray dhismooyinka uu ku shaqeyn doono maamulka ee Dhuusamareeb
Xaaf iyo Sheekh Shaakir, ayaa qolqol u galay dhammaan dhismaha uu ku shaqeyn doono maamulka, waxa ayna si wada jira u sheegen in dhismaha uu kusoo idlaan doono muddo kooban.
Madaxa Xukuumada maamulka ayaa sheegay in dhawaan la dhameystiri doono guryaha uu ku shaqeyn doono maamulka, islamarkaana uu maamulka u shaqo bilaabi doono si deg deg ah.
Waxa uu Sheekh Shaakir sheegay in maamulka uu khasab ku yahay inuu ku shaqo bilaabo magaalada Dhuusamareeb, maadaama uu aha Heshiiska.
Sheekh Shaakir ayaa tilmaamay inuu jiro muran yar oo ku aadan hanaanka uu maamulka ugu shaqeyn doono Dhuusamareeb.
Heshiiska ayaa ahaa in maamulka Galmudug uu ku shaqeeyo magaalada Dhuusamareeb, sida uu ahaa Heshiiska.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Yaa ka danbeeyay Qaraxii lagu dilay Wasiiru Dowlihii...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Qarax Miino ayaa gelinkii dambe ee maanta ka dhacay degaan u dhaxeeya degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn.
Qaraxa oo intiisa badan laga wada maqlay Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa lagu dilay Wasiiru Dowlihii Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Somalia C/qaadir C/raxmaan Cali.
Wasiirka ayaa waxaa Qaraxa kula geeryooday Axmed Cabdi Faarax (Kaboweyne oo ahaa Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.
Mas'uuliyiinta dhanka amaanka maamulka Koonfur Galbeed, ayaa xaqiijiyay Geerida labada mas'uul waxa ayna sheegen inay u dhinteen dhaawacyo kasoo gaaray Qaraxa.
Wasiiru Dowlihii Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Somalia C/qaadir C/raxmaan Cali, ayaa la xaqiijiyay inuu ka mid ahaa wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo maanta safar shaqo ku tagay degaanka Bali-doogle ee degmada Wanlaweyn.
Maleeshiyada al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda Qarax lagu dilay Wasiiru Dowlihii Amniga Maamulka Koonfur Galbeed C/qaadir C/raxmaan Cali (Baraf) iyo Axmed Cabdi Faarax (Kaboweyne) oo ahaa xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle.
Maleeshiyada waxay sheegeen mas'uuliyiinta ay beegsadeen in ay soo abaabuleen weerar bilo ka hor ka dhacay degaanka Jameeco Jilyaale oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe, kaasi oo Shabaabka ay sheegeen in Ciidamo Mareykan ah ay ku xasuuqeen Caruur wax ka baraneysay Machad Islaami ah.
Dhinaca kale,Maleeshiyada al-Shabaab ayaa horay Qaraxyo ugu dilay mas'uuliyiin dhowr ah oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Akhriso: Amarka uu Wasiirka Duulista XF dul dhigay...

$
0
0

Muqdisho (- Online)-Shir uu xarunta Hey'adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ee Soomaaliya kula qaatay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya, Madaxda Shirkadaha Diyaaradaha ayuu ugu gudbiyay amaro oo ay ay Wasaaradu uga jawaabayso cabashooyinka dadweynaha Soomaaliyeed ee raaca diyaaradaha dalka ka howlgala.
Maxamed Cabdulaahi Salaad (Oomaar) Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya oo qodobayeey Go'aanada ka soo baxay Wasaaradda ayaa sheegay inaanay aqbaleyn in lagu tunto xaquuqda Rakaabka.
"Si aan uga jawaabno cabashooyinka ka imaanaya dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala diyaaradaha duulimaadka ka sameeya gudaha dalka iyo dibadiisa una ilaalino xaquuqdooda waxaan soo saarnay amaradan"
1-Rakaabka Diyaaradaha waddanka gudihiisa ama dibadiisa aadayo Garoonka waa inay soo galaan saddax saac ka hor inta aanay diyaarada kicin.
2-Rakaabka lama soo galin karo garoonka mudda ka badan saddex saacadood inta aanay diyaarada kicin .
3-Diyaarad rakaabkii sugayay oo garoonka joogo lagama kireyn karo qolo kale, iyada oo laga tagayo rakaabkii diyaarada oo ku sugan gudaha garoonka.
4-Dhammaan diyaaradaha waxaa la faraya inay soo gudbiyaan jadwalkooda duulimaadyada ee billa ah.
Wasiir Oomaar ayaa intaa ku daray in la ganaaxi doono shirkadii ka xadgudubto Go'aanada Wasaarada ee lagu ilaalinay xaquuqda dadweynaha.
"Cidii jabisaa amarada aan soo saarnay marka koowaad waxa ay mutaysan doontaa ganaax laba kun oo doolar ah, marka labaad shirkadii jabisaa waxay mutaysan doontaa Ganaax 2 kun oo doolar iyo 7 maalin oo shaqa ka joojin ah, marka sadaxaad cidii jabisaa amarkaana waxaan ku ganaaxi doonaa laba kun oo doolar iyo inaan kala noqono ruqsada shaqo oo ay duulimaad uga sameyn karaan dalka'' ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka.
Ku-xigeenka Mareeyaha Hey'adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ee Soomaaliya Axmed Macalin xasan ayaa tilmaamay inay dowladdu ka go'an tahay ilaalinta xaquuqda Rakaabka.
Guddoomiyaha Ururka ay ku midaysan yihiin shirkadaha diyaaradaha Xasan Xaashi Muxamad ayaa ka hadlay kulanka iyo go'aanka Wasaaradda.
"Kulankaan oo isku keen yeeray Wasiirka waxbadan ayaan isla meel dhignay oo aan ka doodnay oo ay ka mid aheyd caqabadaha ku yimaada duulimaadyada iyo in si sax ah aan uga wada hadalno'' ayuu Yiri Xasan Xaashi
Amaradaan ayaa la rumeysan yahay inay xal u yihiin caqadihii Rakaabka diyaaradaha ka haystay waqtiga uga lumo sugista duulimaadyada diyaaradaha ee Garoomada oo marar ka qaar saacada badan ka qaata.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Siyaasaddu Muufo maaha

$
0
0

8th March 2018 admin Category :
Heestan markaad daawato ayaad ogaanaysaa Waxay isku hayaan Xoosh iyo Qaybdiid.
Hoos ka daawo macnaha ay dawladnimada ka kala fahansan yihiin Wasiirka dastuurka Soomaaliya Cabdiramaan Xoos, oo ah Qareen bartay Cilmiga Sharciga, kuna noolaa Sodon sano mid ka mid ah Dawladaha ugu Dimoqraadisa Caalamka iyo Cabdi qaybdiid oo isugu Sodon sano ka shaqaynayey dagaal oognimo iyo sidii fowdo Soomaaliya ugu sii jiri lahayd
[embedded content]
storvideo: 

Roadside Bomb Kills 4, Including 2 regional Minster and MP

$
0
0

A roadside bomb struck a car Wednesday southwest of the Somali capital Mogadishu, killing two government officials and two of their bodyguards, regional officials said.
The blast occurred on the main tarmac road linking Mogadishu to southwestern regions, near Afgoye, about 40 kilometers southwest of the capital, villagers told VOA.
“The state minister for the security of the Southwest Regional State and a state lawmaker from Hirshabelle Regional State and two of their guards were killed in the attack,” said Mohamed Sidow Abdirahman, the Wanlaweyne District Commissioner.
He said the officials were returning from talks attended by the Southwest Regional State president, former parliament speaker Sharif Hassan Sheikh Adan, senior Somali military officials and advisers for U.S. forces in Somalia.
The talks at Baledogle airfield centered on plans to reopen the road linking Mogadishu and the town of Baidoa, according to Abdirahman.
Somali officials say the Baledogle airfield is where U.S. military experts train Somali forces and help them launch attacks on al-Shabab positions.
Other government officials told VOA that Wednesday’s meeting concluded preparations for a major military operation aimed at opening main supply routes to ease access to humanitarian aid in the drought-stricken Horn of Africa nation.
There was no immediate claim of responsibility, although al-Shabab has carried out similar attacks on the road, targeting government officials, civilians and forces of the African Union mission in Somalia, AMISOM.
In April 2013, AMISOM troops backing the Somali National Army recaptured the main road from Mogadishu to Baidoa from al-Shabab, forcing them out of main towns, but the militant Islamic group continued to control most villages and rural areas around the road.
Since 2015, the road has remained completely cut, after heavily armed al-Shabab militants overran an AMISOM base in the Leego district, killing more than 70 Burundian soldiers.
The post Roadside Bomb Kills 4, Including 2 regional Minster and MP appeared first on Shabelle.

Roadside Bomb Kills 4, Including 2 regional Minster...

$
0
0

A roadside bomb struck a car Wednesday southwest of the Somali capital Mogadishu, killing two government officials and two of their bodyguards, regional officials said.
The blast occurred on the main tarmac road linking Mogadishu to southwestern regions, near Afgoye, about 40 kilometers southwest of the capital, villagers told VOA.
"The state minister for the security of the Southwest Regional State and a state lawmaker from Hirshabelle Regional State and two of their guards were killed in the attack," said Mohamed Sidow Abdirahman, the Wanlaweyne District Commissioner.
He said the officials were returning from talks attended by the Southwest Regional State president, former parliament speaker Sharif Hassan Sheikh Adan, senior Somali military officials and advisers for U.S. forces in Somalia.
The talks at Baledogle airfield centered on plans to reopen the road linking Mogadishu and the town of Baidoa, according to Abdirahman.
Somali officials say the Baledogle airfield is where U.S. military experts train Somali forces and help them launch attacks on al-Shabab positions.
Other government officials told VOA that Wednesday's meeting concluded preparations for a major military operation aimed at opening main supply routes to ease access to humanitarian aid in the drought-stricken Horn of Africa nation.
There was no immediate claim of responsibility, although al-Shabab has carried out similar attacks on the road, targeting government officials, civilians and forces of the African Union mission in Somalia, AMISOM.
In April 2013, AMISOM troops backing the Somali National Army recaptured the main road from Mogadishu to Baidoa from al-Shabab, forcing them out of main towns, but the militant Islamic group continued to control most villages and rural areas around the road.
Since 2015, the road has remained completely cut, after heavily armed al-Shabab militants overran an AMISOM base in the Leego district, killing more than 70 Burundian soldiers.
storvideo: 


Qubanaha VOA, March 8, 2018.

Qubanaha VOA, March 8, 2018.

$
0
0

[unable to retrieve full-text content]
storvideo: 

Dhageyso:-Al-Shabaab oo sheegtay masuuliyadda Qarax...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Xoogaga ururka Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda Qarax lagu dilay Wasiiru Dowlihii Amniga Maamulka Koonfur Galbeed C/qaadir C/raxmaan Cali (Baraf) iyo Axmed Cabdi Faarax (Kaboweyne) oo ahaa xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle, kaasi oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn oo ka tirsan Shabeellaha Hoose.
C/qaadir C/raxmaan Cali ayaa ka mid ahaa wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo maanta safar shaqo ku tagay degaanka Bali-doogle ee degmada Wanlaweyn, balse Wasiiru Dowlaha iyo xubno kale ayaa safar dhulka ah ku soo aaday dhanka Muqdisho, inta ay wadada ku soo jireen ayay qabsatay Miino dhulka lagu aasay gaarigii uu watay Wasiiru Dowlaha, isla goobta ayayna ku geeryoodeen Wasiirka iyo xildhibaanka.
Waxay sheegeen Shabaabka masuuliyiinta ay beegsadeen in ay soo abaabuleen weerar bilo ka hor ka dhacay degaanka Jameeco Jilyaale oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe, kaasi oo Shabaabka ay sheegeen in Ciidamo Mareykan ah ay ku xasuuqeen Caruur wax ka baraneysay Machad Islaami ah.
Warka Shabaab ka soo baxay ayaa sidan u qornaa "Mujaahidiinta ayaa maanta gelinkii dambe qarax ku dilay saraakiil ka tirsan Garoonka Balidoogle kuwaas oo abaabulay weerarkii lagu qaaday degaanka Jamaaco Jilyaale." ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Shabaab.
Afhayeenka Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin (Gacma) oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in Saraakiisha Ammaanka Koonfur Galbeed ay shir deg deg ah ka yeelan doonaan falkan dhacay, jawaabna ay ka bixin doonaan.

SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleAffordable Web Site Hosting Services, VPS Hosting - Netfirms

storvideo: 

Shariif Xasan Oo ka hadlay mas’uuliyiin shalay lagu...

$
0
0

Baydhabo ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Koonfur Gabeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka hadlay qarax shalay ka dhacay gobolka Sh/ Hoose, kaas oo lagu dilay C/qaadir Cabdiraxmaan Baraf oo ahaa wasiiru dowlihii Wasaaradda amniga ee maamulkaasi iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Faarax Kabaweyne oo ka tirsanaa Baarlamaanka Hirshabelle.
Ugu horreyn madaxweyne Shariif Xasan ayaa tacsiyeeyay Geerida ku timid Marxuumintaasi.
"Inaa lillaahi as inaa ileyhi raajicuun aad ayaan uga xumahay dilka Wasiiru dowlihii Amniga Koonfur Galbeed iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Faarax,Madaxweynaha hirshabeelle ayaan sigaar ah uga tacsiyeynayaa oo uu maamulkiisa ka tirsanaa xildhibaanka ayuu yiri Shariif Xasan"
Waxaana sidoo kale laamaha ammaanka ee Koonfur Galbeed uu faray in ay jawaab ka bixiyaan weerarkaasi.
Qaraxa lagu dilay mas'uuliyintaasi oo ahaa Miino ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Balidoogle iyo degmada Afgooye ee gobolka Sh/ Hoose, waxaana masuliiyadiisa sheegtay Xarkada Al Shabaab.
storvideo: 

Xildhibaanada Galmudug Oo loogu baaqay in ay Badbaadiyaan Maamulkaasi

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Juneyd Ismaaciil Cigale waasiiru dowlihii hore ee Wasaaradda Kalluumysiga ee Galmudug oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee M/ Muqdisho ayaa ka dhawaajiyay in Madaxweynaha maamulkaasi uu bur burin ku hayo Galmudug.
Waxaana uu tilmaamay in Baarlamaanka iyo waxgaradka deegaanka uu wax wadatashi ah kala sameynin go’aanada uu gaarayo, taasna ay bur bur iyo dhibaato u keeni karto jirataanka Galmudug.
Wasiir Juneyd aya aka dalbaday Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug iyo Odayaasha Dhaqanka in ay ka hortagaan dhibaatooyinka maamulkaasi uu ku hayo madaxweyne Axmed Ducaalee Gelle Xaaf.
Halkan hoose ka dhageyso Codka.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/cod-galmudug.mp3
 
The post Xildhibaanada Galmudug Oo loogu baaqay in ay Badbaadiyaan Maamulkaasi appeared first on Shabelle.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live