Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Kumanaan kale oo ka qaxaya bariga Ghouta

$
0
0

Kumanaan kamid ah shacabka Suuriya ayaa isu diyaarinaya inay ka ambabaxaan qeyb kale oo kamid ah goobaha ay maamulaan mucaaradka ee bariga Ghouta.
Gelinka dambe ee maanta ayaa lagu wadaa in magaalooyinka Zamalka, Arbin iyo Ain Tarma laga daad gureeyo dad shacab ah, dagaalamayaasha mucaaradka iyo qoysaskooda. Mucaaradka ayaa lagu wadaa inay u ambabaxaan gobolka Idlib oo ah halka ay ku xooganyihiin.
Daad gureynta dagaalamayaasha mucaaradka ayaa qeyb ka ah heshiis uu garwadeen ka yahay Ruushka oo lagu samata bixinayo mucaaradka.
Boqolaal qof ayaa lagu dilay deeganaadaasi tan iyo intii ciidmmadda dowladda Suuriya oo taageero ka helaya Ruushka ay bilaabeen duullaan ka dhan mucaaradka bishii lasoo dhaafay.
Ruushka ayaa sheegay in inkabaan boqol kun oo qof ay ilaa iyo imika laga samata bixiyay bariga Ghouda.
Mar sii horeysayna, dowladda Madaxweyne Bashar Al-Asad ayaa 13 askari iyo dhowr qof oo rayid ah ku bedelatay 5 kamid ah askarta mucaaradka.
Ururka Ahrar al Sham ee ka dagaalama Suuriya, kana mid ah kooxha ka dagaalama bariga Ghouta ayaa ogolaaday inay hubka dhigaan, si ay u helaan marin ay uga baxaan bariga Ghouta.
storvideo: 


Fallanqeyn: Jawaari malaha aragti ku dhisan xaqiiqda...

$
0
0

Anigu markaan tilmaamayo siyaasi damac siyaasadeed uu ku jiro waa aragtida falsafad oo kuu sharaxaysa in Qofka siyaasiga ah ama hogaanimo damac kaga jirto waa inuu la yimaadaa sharraxaad cad waxa uu doonayo ee dhabta ah si fudud loo fahmo cadaaladu u tahay dhaqan siyaasadeed.
Guddoomiye jawaari wuxuu isticmaalaa sharciga halagu dhaqmo marka uu warbaahinta la hadlayo hadalkan ka soo yeeraya ma yahay xaqiiq siyaasadeed oo isagu ku dhaqmo ama dhamaan madaxda dawlada Faderaalka ee wada shaqeyntu kala dhaxayso.
Shaqada baarlamaanka Faderaalka soomaaliya laga sugayey waxay ahayd in sida ugu u sahlan la ansixiyo sharciga, xukumadu ku shaqeynayso iyo inay baarlamaanku ilaaliyo sharciga xukumadu ku shaqaynayso arinkan waa ka suurta galiwaayey Golaha baarlamaanka ee gudoomiye jawaari hor fa dhiyo arinkan sharaxaad uma baahna hadaad aamin san tahay xaqiiqda siyaasada.
Markaa mooshinka waxaa keenay xaqiiqda siyaasadeed ee jirtay oo guddoomiye jawaari iska indhatiray.
Aniga Falanqeyn taydu waxay farta ku fiiqaysaa Qarankasta waxaa Qiima badan ugu Fadhiya Golahiisa Barlamaanka oo ah wakiilada bulshada Qarankaa ee ilaaliya heshiiska bulshadu ku heshiisay.
Waa meesha laga daawada awooda sharciga iyo nidaamka bulshada iyo hirgalinta Dawlad wanaagsen. Intaas inay hirgasho waxaa diiday Guddoomiye jawaari oo bulshada u sheegin xaqiiqda siyaasadeed ee ka jirta wadanka.
Xaqiiqda siyaasadu waxay noosheegaysaa in Baarlamaanka tobnaad ee Soomaaliya iyo kii ka horeeyey ee sagaalaad ay wali wada isticmaalaan xeer hoosaad isku mid ah.
Arinkan wuxuu tilmaam wanaagsen u yahay Fashilka Gudoomiye jawaari. in mudo hal sano oo. wax mooshin ah jirin maxay u sameyn waa yeen heer hoosaad waqtiga lagu shaqeyn karo.
Tan iyo markii uu soo if baxay Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa Golaha shacabka hareeyay khilaaf iyo kala qeybsanaan, taasoo saameyn ku yeelatay howlihii caadiga ahaa ee Baarlamaanka Waxaa soo baxdey ceebo badan oo dhex taal shaqada Golaha baarlamaanka faderaalka Hadii wali aanuu jirin xeer hoosaad baarlamaanka tobnaad ku shaqeeyaan Sidee loogu shaqayn karaa xeer hoosaadkii baarlamaankii sagaalaad arinka sow kama foga xaqiiqda siyaasaded ee runta ah.
Arinkan waa fashil hor yaal Guddoomiye jawaari. Xagee buu ku maqnaa mudada halka sano ah ee uu jiray baarlamaanka Tobnaad.
Xaqiiqda dhabta ah ee aan Falanqeyntayda ku soo gaba gabaynaya waxay tahay halis kasta oo soo wajahda golaha baarlamaanka Faderaalka waxaa masuuliyadeeda qaadanaya Guddoomiye jawaari isagaa waqti u waayey inuu sameeyo xeer hosaad ugaara baarlamaanka Tobnaad .
waxaa iska cad in xildhibaanadii u qayb sameyn laba qeybood oo aad u.kala fog. Waxaan tusaale kuu ah Illaa iyo hada wali laguma heshiinta goobta lagu qabanayo cod u qaadista mooshinka jawaari iyo xilliga la qabanayo.
Fikirka aan Qoray waa mid iigaar ah oo aan ku cabiray maxaa ka qaldan Golaha baarlamaankaW/Q: Danjire Maxamed Caalim
storvideo: 

Hal Xaaraan ahi Nirig xallaal ah ma dhasho !!!

$
0
0

Hal Xaaraan ahi Nirig xallaal ah ma dhasho !!!Siday kugu tahay Mr Cirroow in lagu yidhaa " Kalsoonidii ayaanu kalla noqonay Xisbigaaga la ogaa sidii uu ku soo baxay ama ku yimi?
Waa laga wada dheregsanaa in Xisbiga Waddani ay samaysay Xukuumadii hore ee Kulmiye dan ay ka lahaydba oo uu Xirsi kow ka ahaa.
Waa la ogaa in uu ku soo baxay in ay ahayd qaab maxlal iyo wax is weydaarin ah.
Waa la ogaa oo laga wada dheregsan yahay hadii Doorasho xumi ka dhacday Dalkeena inay ahayd tii Dawlladaha hoose ee uu ku soo baxay Xisbiga Waddani ee Sanaaduuqdeeda Dooxyada iyo Hawdka laga hellaayey Raqdooda.
Waxaa sidoo kale oo la wada ogaa in hadii cidi sharcigii jabisay uu Mr Cirro tabceeyey oo uu isaga oo Xubin ku fadhida Xisbiga Ucid noqday Gudoomiye Xisbi kale hadana u ahaa Gudoomiyihii Gollaha Sharci dejinta ee la rabay in uu sharciga ku ilaaliyo Gollaha fulinta ama Xukuumada.
Waxaa la wada ogaa in sharci jabintaas iyo Xisbigaa Waddani ee khasabka lagu soo saarray lagula Dagaallamayey Maxamed Cabdi (Gaboose) iyo Ururkiisii Umada oo haystay taageero badan ayna wadatay Beesha Mr Cirro 90% halka ay Cirro iyo Waddani u arkayeen Muxaafid Xukuumada ku dhex milmay oo la iska wato.
Waxaa iyana la wada ogaa in uu u fududeeyey soo saarista Xisbiga Waddani Mr Xirsi oo ahaa Raysal Wasaare aan Sharci ku dhisnayn, iminkana ah hogaanka Xisbiga Waddani ee Booliga ku soo baxay.
Hadii in uun Boolli , wax is daba marin iyo sharci jabini jirto waxa ku jooga Xisbiga Waddani iyo hogaankiisa.
Murtida Somaalida ayaa hore u tidhi "Hal xaarraanina Nirig xallaal ah ma dhasho" markaa Cirro iyo Waddani laga fili maayo wax Wanaagsan.
Waa nasiib darro in wixii aad adiga iyo Xisbigaagu ahaydeen ee lagaalla Xishooday aad u quudho qaar Xallaal ku yimi oo sharciga Xisbiga kaa dhigay ayaguna ku fadhiya mudo wakhtigu siiyey oo la yaqaano bilawgeeda iyo dhamaadkeeda.
Waa qar iska tuur iyo indho adayg in maalin walba Xisbi isaga iyo Madaxdiisuba la ogaa siday ku yimaadeen uu Qarankan hagardaameeyo.
Waxaan xasuusinayaa taageerayaashii shallay la socday Mr Gaboose ee Cabdiraxmaan u yaqaanay Muxaafid ama Shoodhe Kulmiye ee maantana isaga la socda ee hamuunta Kursiga iyo haybta uun kulla socda in ay dib u fadhiistaan oo is xisaabiyaan inta aan ayaga daallac loo raacin.
Dadka iyo Dawladuba Mr Cirro way ka xishoonayaan oo kalka qaybinta shacabkooda ee uu wad wado isagu ilaa maalintii uu ku guul daraystay Doorashada ayaan la rabin inay u rumawdo isaga.
Waxaanse maanta u sheegayanaa oo xasuusinaynaa in ay soo dhamaanayso dulqaadkii Dadka Reer Somaliland oo Runta loo sheegi doono hadii uu ku dheel dheel is yidhaa maalin walba Qarranimada iyo Shuruucda Dalka ee uu hore u soo wada kharibay.
Allahayaw nin daacad ah.Allahayaw nin daallin ah.Deeqdaada haw simin.Amiin Amiin Amiin.
Qalinkii Ibraahim (Xabbo)
storvideo: 

Xildhibaanad Naciimo sharci u diidaayo ma jira...

$
0
0

Xildhibaanad Naciimo sharci u diidaayo ma jira Wasiir xildhibaan ah oo diiday in.mooshinka ka qeyb galo
Mar 24, 2018 -
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Xildhibaano taageersan ayaa Xukuumada Soomaaliya ku eedeeyay in ay ka dambeyso Mooshinka ay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka saxiixeen.
Xildhibaan Naciima Maxamed Gacal oo kamid ah Xildhibaanada saxiixay Mooshinka Jawaari laga gudbiyay ayaa beenisay eedeynta ku aadan in Xukuumada Soomaaliya ku lug leedahay Mooshinka laga gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Waxa ay sheegtay Xildhibaanada in aysan jirin wax shaqo ah ay Xukuumada ku leedahay Mooshinka Jawaari laga keenay, waxa ayna tilmaantay in ay jiraan Wasiiro Xildhibaano ah oo saxiixay Mooshinka xaqna u leh saxiixaasi.
"Xukuumada wax shaqo ah kuma lahan Mooshinka Jawaari laga keenay, waa macquul in ay jiraan Wasiiro Xildhibaano ah oo mooshinka saxiixay, waxaan ka rabaa hadii uu jiro sharci diidaya in Xildhibaan Wasiir ah uu mooshin saxiixo hanoola cadeeyo " Ayey Tiri Xildhibaan Naciima Maxamed Gacal .
Xildhibaan Naciima ayaa sheegtay mooshinka Jawaari laga keenay in uu yahay mid sharci ah, waxa ayna tilmaantay in Jawaari Baarlamaanka uu ka dhigtay isteerinka gaari uu leeyahay sida uu doonana uu rabo in uu u wato.
" Mooshinka yaan khalad laga fahmin, mooshinka waa sixid waxaana laga keenayaa qof kasta oo waajibaadkiisa gaba, Jawaari markii mooshinada laga keenayay Ra'isul Wasaaraaasha waa uu qoslayay, maxaa Jawaari hada qeylada ka keenay markii isaga mooshin laga keenay" Ayey isweediisay Xildhibaan Naciima.
Hadalka Xildhibaanada ayaa kusoo aadeysa xili Gudoomiye Jawaari iyo Xildhibaanada taabacsan ku eedeyeen Xukuumada Soomaaliya in ay gadaal ka riixeyso Mooshinka la doonayo in xilka looga tuuro Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari.
English News
storvideo: 

Daawo’’ Gudiga Dhismaha Masaajidka Dul-xaj oo ku...

$
0
0

Bosaso[Puntland Post]-Gudiga dhismaha Masaajidka Dul-Xaj ee Magaalada Bosaso ayaa ku hawlan balaarinta iyo Dayactir lagu sameynayo Dhismaha Masaajidka oo ku yaala Bartamaha Bosaso.
Dhismaha iyo Balaarinta Masaajidka aya sababtay sida ay culumadu warbaahinta u sheegen in Ciriiri uu ka jiro Masaajidka wakhtigii kulaykana uu soo dhawaaday.
Culimada ayaa ugu baaqay dadka soomaliyeed meelkasta oo ay joogan in ay ka qeyb qaatan dhismaha Masaajidka Dul-Xaj ee Bosaso.
Faah-Faahin Gudiga Masaajidka -0907797683 Ama 0907799390Hoos ka Daawo Muuqaalka Masaajidka iyo Culimada goobta ka hadashay.

The post Daawo'' Gudiga Dhismaha Masaajidka Dul-xaj oo ku baaqay in laga qeyb qaato dhismaha Masaajidka appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Hambalyo aroos oo ku socota Mohamed Abiib Qalinleh...

$
0
0

Hambalyo aroos oo ku socota Mohamed Abiib Qalinleh iyo Hodan Omer Abdi oo meherkoodu ka dhacay magaalada Djabouti.
Waxa Daabacay staff-reporter on Mar 24th, 2018 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Dhammaanba reer Sh. Omer Goth, reer Aw Dahir Goth, Reer Hassan Goth, reer Abiib Qalin leh meel kasta oo ay adduunyada ka joogaan, waxa ay tahniyad iyo bogaadin hambalyo aroos u dirayaan wiilkooda Mohamed Abiib Qalileh iyo Ooridiisa cusub ee Hodan Omer Abdi oo meherkoodu ka dhacay magaalada Djabouti ee dalka Djabouti.
Waxaana ay ILaahay uga baryayaan in uu guurkoodu noqdo kii lagu hodmo, ee wiil, gabadh iyo caano kala hela.
[embedded content]
Awdalpress
This post has been viewed 165 times.
storvideo: 

Guddi loo magcabaay Dagaal ooge la weerary

$
0
0

24th March 2018 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

11 Xildhibaan ee reer Puntland ee aqalka sare ma laga waayey xubin ka mid noqotay guddiga loo magcaabay sababtii keentya in la weeraro Guriga Mooryaanka Cabdiqaybdiid
Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ayaa waxa ay sheegeen in Guddigaan ay heystaan Muddo gaaban, islamarkaana maalmo kooban ka dib ay ku dhawaaqi doonaan Natiijadda Baarista.
Senotaradda Aqalka Sare ayaa horay u ansixiyay in Guddi loo saaro Kiiskaasi , Maadaama Cabdi qeybdiid uu sheegay in uusan ku kalsooneeen Guddi uu horay u magacaabay Madaxweyne Farmaajo.
Guddigan oo ka kooban shan xubnood ayaa waxaa guddoomiye looga dhigey ayaa kala ah:
1-Senatar Maxamed Amiin Sheekh Cisman oo loo magacaabay guddoomiye Mudulood, Abgaal
2-Senatar Axmed Xaashi Maxamuud guddoomiye (Ogaden/Maqaabul)
3-Senatar C/saaq Axmed Cali Xubin Isaaq
4-Senatar C/hi Sheekh ismaacil FartaagXubin Mareehan/R.ugaas Sharmarke)
5-Senatar Cabdulaahi Cabdi Garuun Xubin Mirifle Geeladle
Magacyada 11-ka Xubnood ee Aqalka sare ee Puntland
1-Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake2-Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole3-Cabdirasaaq Cusmaan Xasan Juurile4-Farxaan Cali Xuseen5-Cabdisalaan Xaaji Maxamuud Dheere6-Hodon Maxamuud Cusmaan7-Bootaan Bare Samatar8-Maxamuud Axmed Maxamed Mashruuc9-Saciido Xasan Cusmaan10-Mahdi Daahir Shiikh Nuur11-Shukri Aaden Axmed
Post navigation
- Berbera iyo Buulo Xaawo Dowladda Puntland oo Garoowe Ka Bilowday Dhismaha Waddooyin Muhiim ah. -
storvideo: 

Wareysi: Derbiga Kenya ay Ka Dhiseyso Xadka Soomaaliya

$
0
0

Aqalka Saree e baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay ka dooday arrinta la xariirita derbiga ay Kenya ka dhisaneysao xadka Kenya iyo Soomaaliya ee dhinaca Baladxaawo.


Wareysi: Derbiga Kenya ay Ka Dhiseyso Xadka Soomaaliya

$
0
0

Aqalka Saree e baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay ka dooday arrinta la xariirita derbiga ay Kenya ka dhisaneysao xadka Kenya iyo Soomaaliya ee dhinaca Baladxaawo.
Dadka reer Baladxaawo, ayaa ka cabanaya in ay Kenya ku soo xad gudubtay xuduudda ayna dhiseyso gudaha Soomaaliya.
Haddaba, Jamaal Axmed Cismaan, ayaa arrimahaasi muranka derbiga xadka laga dhisayo ka wareystay guddoomiyaha guddiga qaran ee madaxa bannaan ee arrimaha xaduudda iyo federaalka dowladda Soomaaliya, Md. Khaliif Cabdikariin Maxamed oo Muqdisho jooga.

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:05:11 0:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Muddaharaadyo ka dhan ah isticmaalka hubka oo ka dhacay Mareykanka

$
0
0

Boqolaal kun oo qof oo dalbanaya in la xakameeyo hubka ku jira gacanta dadka rayidka ah ayaa isugu soo baxay magaalooyinka dalka Mareykanka.

Fallaagada Suuriya oo laga daad gureeyay bariga Ghouta

$
0
0

Kooxaha mucaaradka ee dalka Suuriya ayaa isaga baxay deegaano ku hareeresan bariga magaalada Ghouta ee dalka Suuriya, xilli dowladda Madaxweyne Bashar Al- Asad ay sii xoojisay duqeymaha ka dhanka ah xooggaga mucaaradka ee heysta qeybo akmdia h Suuriya.

Fallaagada Suuriya oo laga daad gureeyay bariga Ghouta

$
0
0

Kooxaha mucaaradka ee dalka Suuriya ayaa isaga baxay deegaano ku hareeresan bariga magaalada Ghouta ee dalka Suuriya, xilli dowladda Madaxweyne Bashar Al- Asad ay sii xoojisay duqeymaha ka dhanka ah xooggaga mucaaradka ee heysta qeybo kamid ah Suuriya.
Basas ay saaranyihiin kooxaha mucaaradka iyo qoysaskooda ayaa u ambabaxay deegaanka Douma oo ah goob ay maamulaan mucaaradka. Muqaaloo laga helay halkaasi ayaa muujinaya basas ay saaranyihiin dadkaasi oo u ambabaxaya gobolka Idlib.
Waxaa sidoo kale soo baxaya warar sheegaya in kooxda Jaish al-Islam ay magaalada Douma ku wareejinayaan dowladda.
Daad gureynta dagaalamayaasha mucaaradka ayaa qeyb ka ah heshiis uu garwadeen ka yahay Ruushka oo lagu samata bixinayo mucaaradka, waxaana heshiiskaasi uu dhexmaray dowladda iyo kooxda Faylaq al-Rahman.
Ciidammada dowladda ayaa lagu soo warramayaa in imika ay gacanta ku hayaan boqolkiiba toddobaatan deegaanada bariga Ghouta. Dowladda Suuriya oo gacan ka heleysa Ruushka ayaa bishii lasoo dhaafay duqeymo ba'an ka geysatay deegaanada ku hareereysan Ghouda.
Gelinka dambe ee maalintii sabtida ayaa magaalooyinka Zamalka, Arbin iyo Ain Tarma waxaa laga bilaabay in laga daad gureeyo dad shacab ah, dagaalamayaasha mucaaradka iyo qoysaskooda.
Boqolaal qof ayaa lagu dilay deeganaadaasi tan iyo intii ciidammadda dowladda Suuriya oo taageero ka helaya Ruushka ay bilaabeen duullaan ka dhan mucaaradka bishii lasoo dhaafay.
Ruushka ayaa sheegay in inkabaan boqol kun oo qof ilaa iyo imika laga samata bixiyay bariga Ghouda.
storvideo: 

Muddaharaadyo ka dhan ah isticmaalka hubka oo ka...

$
0
0

Boqolaal kun oo qof oo dalbanaya in la xakameeyo hubka ku jira gacanta dadka rayidka ah ayaa isugu soo baxay magaalooyinka dalka Mareykanka.
Dadkan muddaharaadyada dhigayay ayaa u badnaa ardayda iskuulada iyo jaamacadaha, kuwaa oo doonaya in sharciyo adag laga soo rogo isticmaalka hubka dadka rayidka.
Steve Israel oo ka tirsanaan jiray xisbiga dimuquraadiga isla markaana xubin ka ahaa aqalka Kongareeska ayaa ka mid ah dadka taageersan in la xakameeyo hubka balse waxa uu sheegayaa in dibadbaxyada aysan waxbo soo kordhineyn ee loo baahan yahay in xilliyada doorashadu dadka ay codeeyaan si loo soo doorto siyaasiin dhab ahaan u wajahayo arrinta hubka.
In kastoo dad badan ay taageeryaan in la xakameeyo hubka haddana waxaa jira dad doonaya in aan hubka gebi ahaanba la mamnuucin balse qorsheyaal kale lala yimaado.
storvideo: 

Mucaaradka Suuriya oo laga daad gureeyey Bariga...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Basas ay saaranyihiin kooxaha mucaaradka iyo qoysaskooda ayaa u ambabaxay deegaanka Douma oo ah goob ay maamulaan mucaaradka. Muqaaloo laga helay halkaasi ayaa muujinaya basas ay saaranyihiin dadkaasi oo u ambabaxaya gobolka Idlib.
Daad gureynta dagaalamayaasha mucaaradka ayaa qeyb ka ah heshiis uu garwadeen ka yahay Ruushka oo lagu samata bixinayo mucaaradka, waxaana heshiiskaasi uu dhexmaray dowladda iyo kooxda Faylaq al-Rahman.
Waxaa sidoo kale soo baxaya warar sheegaya in kooxda Jaish al-Islam ay magaalada Douma ku wareejinayaan dowladda.
Gelinka dambe ee maalintii sabtida ayaa magaalooyinka Zamalka, Arbin iyo Ain Tarma waxaa laga bilaabay in laga daad gureeyo dad shacab ah, dagaalamayaasha mucaaradka iyo qoysaskooda.
Ruushka ayaa sheegay in inkabaan boqol kun oo qof ilaa iyo imika laga samata bixiyay bariga Ghouda.
Ciidammada dowladda ayaa lagu soo warramayaa in imika ay gacanta ku hayaan boqolkiiba toddobaatan deegaanada bariga Ghouta. Dowladda Suuriya oo gacan ka heleysa Ruushka ayaa bishii lasoo dhaafay duqeymo ba'an ka geysatay deegaanada ku hareereysan Ghouda.
Boqolaal qof ayaa lagu dilay deeganaadaasi tan iyo intii ciidammadda dowladda Suuriya oo taageero ka helaya Ruushka ay bilaabeen duullaan ka dhan mucaaradka bishii lasoo dhaafay.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleHorjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa Uruurinta lacagaha Baadda ah ee Gobolka Hiiraan oo howlgal lagu dilay

storvideo: 

Horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa Uruurinta...

$
0
0

Baladweyne (SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgalo ay ka sameeyeen deegaanka Hees oo ka tirsan gobolka Hiiraan waxa ay ku dileen Horjooge sare oo katirsanaa Maleeshiyaadka Al-shabaab, kaasi oo Argagixisada u qaabilsanaa Uruurinta lacagaha baadda ah.
Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa u xaqiijiyey Warbaahinta Qaranka in Horjoogahaan lagu magacaabo Cali Axmed Guure, islamarkaana deegaanka uu ka dhacay Howlgalka lagu dilay uu u dhaxeeyo magaalooyinka Baladweyne iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Sida ay soo sheegayaan wariyeyaasheena gobolka Hiiraan dadka deegaanka ayaa soo dhaweeyey dilka Horjooge Cali Axmed Guure oo sida ay sheegeen ka qaadi jiray lacago baadd ah, taasi oo dhibaato ku aheyd dadka gobolka.
Ciidamada ayaa la wareegay deegaanka Hees oo qiyaastii 35-km u jira a magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, taasi ayaana meesha ka saareysa dhibaatadii Al-shabaab ay ku hayeen shacabka deegaanka Hees.
Hawlgalkan lagu dilay Horjooge Cali Axmed Guure ayaa waxaa iska kaashanayey ciidamada xoogga iyo AMISOM, waxaana sidoo kale lagula wareegay deegaanka Baar Dheere iyo wadada Afar Irdood oo isku xira magaalooyinka Baladweyne, Maxaas iyo magaalada Buula Burde.
Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgalo kala duwan ka wada deegaanno iyo degmooyin kamid ah dalka, kuwaas oo lagu dilay Horjoogayaal muhiim u ahaa Argagixisada Al-shabaab.
storvideo: 


Madaxda AMISOM oo Gudoomiye Jawaari ka aqbalay arin...

$
0
0

Gudoomiye Jawaari ayaa Fransico Madiera iyo Saraakiisha kale kala hadlay Ciidamada AMISOM ee la wareegay xarunta Baarlamaanka ee Golaha sahcabka iyo howlaha sugida amniga xaruntaasi.
Warar hoose ayaa sheegaya in Gudoomiye Jawaari uu xubnahaan ka dalbaday in ciidamada AMISOM ee ku sugan xarunta Baarlamaanka ay ku sii sugnaadaan xaruntaasi, ilaa inta ay ka soo gaba gaboobeysa cod u qaadista mooshinka ka dhanka ah Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Madaxda AMISOM ay aqbaleen inay dardar geliyaan howlaha sugida amniga Xarunta Golaha shacabka, iyadoo AMISOM waajibaadkeeda qeyb ka yahay amniga Guddoomiye Jawaari.
Dhowaan ayay aheyd markii ciidamo dheeraad ah oo ka socday AMISOM la geeyay xarunta, kaddib markii uu soo baxay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex bilowday Golaha shacabka, iyadoo ciidamadii xarunta ilaalinayay ee ka tirsanaa Booliska, lagu bedelay ciidamo kale oo iyana Boolis ah.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa markii ciidamadaan dheeraadka ah ee ka socday AMISOM iyo kuwa kale ee Booliiska ah la geynayay Xarunta Golaha Shacabka uu ku eedeeyay in arintaas uu ka dambeeyo Ra`iisul Wasaaraha Xukumada Fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, isla markaana sheegay in lala wareegay Madaxbanaanidii Golaha Shacabka, inkastoo hadda ay muuqaneyso in Gudoomiyuhu uu badalay mowqifkiisa ku aadanay arintaasi.
storvideo: 

Wasiirka Cadaalada Oo Cadeeyey In Maamul...

$
0
0

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuummada Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka hadlay taageerada Maamul Goboledyada dalka ka jira sidii ay u dhisi lahaayeen golaha Garsoorka iyo Maxkamadaha.
Wasiirka ayaa sheegay in Maamul goboledyada aysan waqtiagan laheyn Maxkamado sidaas daraadeedna Wasaaradiisu ay kala Shaqeyn doono sidii ay u dhisan lahaayeen.
Waxa uu sheegay in iyaga ay yihiin Wasaaradda kaliya ee diayarsaday qorshohooda,laakin haatan waqti badan la gelin doono in Maamul goboleedyada ay helaan Xarumihii Maxkamadaha si ay u helaan Garsoor Cadaalad ah.
Hadalkan ayaa Wasiirka Cadaalada Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji waxa uu ka sheegay xili shalay uu Muqdisho ka furay shir looga hadlayay dib u eegista Barnaamijka Cadaaladda Soomaaliya.
storvideo: 

Qudbadìi Madaxweynaha Somaliland oo dhameystiran...

$
0
0

Khudbad Sannadeedka Dastuuriga ah EeMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi-25 March 2018Shir-guddoonka iyo Mudanayaasha labada Gole ee sharafta leh,
Waxa xurmo iyo maamuus ii ah inaan maanta hor-imaaddo labada Gole-baarlamaan ee Jamhuuriyadda Somaliland oo aan ka jeediyo khudbad sannadeedka dastuuriga ah ee 2018.
Mudanayaal, xukuumadeenan aan Madaxweynaha ka ahay, waxay jeexatey qorshayaal cad-cad oo la xidhiidha dhinacyada:1. Amniga.2. Siyaasadda Arrimaha Dibedda.3. Dhaqaalaha iyo Horumarka.4. Kaabayaasha Dhaqaalaha.5. Arrimaha Bulshada.6. Maamul-wanaagga iyo Maamul-daadejinta.7. Garsoorka iyo Cadaaladda.8. Abaaraha iyo Isbeddelka Cimillada.9. Doorashooyinka10. Warbaahinta.
In kasta oo ay xukuumaddeenu muddo 100 maalmood oo kaliya xilka Qaranka hayso, hadana Waxaannu is-bedel la taaban karo ka muujiney hagaajinta nidaamka maamul iyo haykalka dawladnimo, iyadoo ay hirgelinteeda saldhig u ahayd isku duubnida iyo dadaalka qaybaha kala duwan ee waaxyaha xukuumadda oo dhan iyo taageerada shacbiga.
Muddadaa kooban, Waxaannu qaadney talaabooyin dhinaca wax-qabadka ah, sida dardar-galinta Heshiiska Dekedda Berbera, oo saamayn weyn ku yeellan doona dhaqaalaha iyo ganacsiga Somaliland.
Heshiiskaas oo ay saddex dhinac kala saxeexdeen. Waxaa dhawaan la bilaabi doonaa mashaariic waaweyn oo horumar dhaqaale iyo shaqo-abuur u keeni doona dalka.
Waxa kale oo mudnaanteeda leh in Ciidanka Qaranku ku durkay dhinaca xuduuda bariga, iyada oo ay shacabka Gobolka Sool gacan ka siiyeen hawl-galkaas. Taas oo aannu uga mahad naqayno shacabka Gobolka Sool.
Xukuumadda Soomaaliya qaylo dheer ayey ku dhufatey, iyada oo beesha Caalamka ku jaah wareerinaysa iney Jamhuuriyadda Somaliland ku soo xad gudubtey. Hase yeeshee dadaal xoogan ayaannu ka galnay inaanu Caalamka tusno xaqiiqada ah in aaney Jamhuuriyadda Somaaliland cidna ku xad gudbin, dalkeediina ku jirto oo ay waliba 60km ay ka sokeyso xadkeedii.
Waxa iyana xusiddeeda leh, in dawladaha aynu deriska nahay iyo kuwa kale ee aynu saaxiibka nahay kor uqaadeen karaamadii iyo maamuuskii inaga dhaxeeyey. Taasoo ku timi dadaalkii dheeraa ee shacbiga xariirta ah ee Somaliland u galay nabadgalyada, horumarka iyo doorashooyinka xorta ah. Waxa la innagu majeertaa sida nabadgalyada leh ee codka shacbigu u-kala badalo hogaamiyayaasha Jamhuuriyadda Ssomaliland.
Xukuumaddani, iyada oo fulinaysa rabitaanka shacbiga, waxay si cad ugaadhsiisey Dawladaha Caalamka in aanay kala masuugin Somaliland aqoonsiga ay mutaysatey.Qorshayaasha Xukuumadda:1. Amniga
Mudanayaal; waxa naga go'an in aanu xooga saarno sugidda amniga soohdimaha (dhul, bad, iyo cir) ee dalka, si loo adkeeyo jiritaanka Qaranka, xasilloonida iyo deganaanshaha amniga ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Siyaasaddeenu mar walba waxay tahay, dadka ku wada-dhaqan Gobolka Geeska Africa iyo dunida inteeda kaleba inay si wada-jir ah uga shaqeeyaan xoojinta nabadda, dhawrista derisnimada, faro-galin la'aan iyo iskaashi dhinaca ganacsiga ah.
Haddaba, si aynu u adkayno amniga iyo xasiloonida gudaha, waxa dhammaanteen waajib innagu wada ah, haddii aynu nahay xukuumad, xildhibaanno, salaadiin, cuqaal, odayaal, aqoonyahan, dhallinyaro, haween iyo shacab weynaba, inaynu si dhab ah uga wada shaqayno nabad ku-wada-noolaanshaha dadkeenna gees illaa ka gees. Shacbi-weynaha reer Somaliland waxaan ka codsanayaa inay walaaloobaan, oo gacmaha is-qabsadaan, oo dhexdooda isku kalsoonadaan.Mudanayaal iyo Marwooyinka
Somaliland waa mid-qudha, waa shacbi kaliya. Qof, koox iyo qabiilka waxa ka wayn Qarannimadeena. Sidaa darteed, waxa innagu waajib ah ineynu Qaranka ka ilaalino wixii dhaawacaya.
Si aynu u sugno amniga guddaha, wuxuu ku talo-galkayagu yahay inaanu marka ugu horaysa xoojinno wada-shaqaynta Hayadaha Amniga iyo shacabka, iyadoo ay siyaasaddeenu tahay in aanu shacbiga siino barnaamijyo wacyi-galineed oo ah, inay la shaqeeyaan Ciidammada Amniga. Waxa kale oo uu ku talo-galkayagu yahay xoojinta iyo tayeynta Hay'adaha Amniga.
Waxaannu tayeyn, xoojin, iyo casriyeyn ku samaynaynaa adeegyada qaybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska, si ay awood buuxda ugu yeeshaan ilaalinta amniga gudaha iyo wax-ka-qabashada dambiyada.
Waxa beryahan danbe soo kordhayey kooxo dhallinyaro yaryar ah, oo magaalooyinka dhexdooda ka samaynaya falal-dambiyeedyo wax u dhimaya xasiloonida magaaloyinka. Waxa keentay sabool-nimada iyo shaqo la'aanta.
Haddaba si looga faa'ideeyo muruqa iyo maskaxda dhallinyarada, Waxaannu bilowney Qorshaha Shaqo-qaran (National Service). Waxaannu u bilownay dhigaalka miisaaniydii lagu hirgalin lahaa Qorshaha Shaqada Qaranka.Mudanayaal iyo Marwooyin,
Marka laga hadlayo amniga iyo xasiloonida gudaha, waxa ugu horreeya in la joojiyo dagaalada iyo iska hor-imaadyada beelaha ee qabyaaladda ku salaysan.
Dagaaladii beeleysnaa ee ugu danbeeyey waxa ku dhintey in ka badan 90 qof, intaa in ka badanina wey ku dhaawacmeen. Qarankeenu kama maarmo dad si dhib yar inooga dhinta, oo waliba ku baxa colaad la baajin karo.Walaalayaal,
Bal u fiirasada, maxaynu ka dhaxalnaa dagaalada beelaha? Waa Qax, waa Goblan, waa Asay, waa Agoon iyo Saboolnimo baahsan, baryo aynu u dirsanno qayrkeen iyo gacmaha oo hoos dhigano.
Waxa kale oo khasaare naf iyo maalba leh innagu haya shillalka baabuurta ee soo badanaya. Sannadkii aynu soo dhaafney waxa dalka ka dhacay 2,258 shil baabuur oo ay ku dhinteen 160 qof, kuna dhawacmeen 1,956 qof.
Waxa aan hawl-galiyey in Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadku in ay deg-deg u fuliso qorshaha lagu xakamaynayo shilalka gaadiidka.
In ruqsada kaxaynta baabuurta la siiyo, kaliya qof bartay sida baabuurta loo kaxeeyo, oo imtixaan adag oo dhab ah ka soo baxay.
Sidoo kale, waxa waajib ah inuu jidadkeena mari-karo kaliya baabuur tayadiisa farsamo la hubiyey in lagu aamini karo naf iyo maal. Xukuumadda waxa ka go'an in la fuliyo Xeerka Wado-marista.
Sannadihii ugu danbeeyey, dalka waxa ku soo badanayey kufsiga, oo ah danbi culus oo laga galo hablaha sharafta mudan.Sannadkii 2017-kii oo kaliya waxa dalka ka dhacay 80 Kufsi, oo ay gaysteen 100 eedaysane. Inta badanna eedaysanayaasha gaysta dhaqankan xun ee innagu soo kordhay, waa dhallinyaro waxma garata ah. Waxaynu ka galeynaa dagaal adag sidii aynu u-tirtiri lahayn.
Caalamkan aynu maanta ku nool nahay, dal-walba waxa lagu qadariyaa inta ay le'eg tahay cududiisa milatari. Maanta, in kasta oo qalab iyo saanad culus Ciidankeenu leeyahay, haddana wali halka aynu la higsaneyney maynu gaadhsiin. Hase yeeshee, Ilaahay wuxuu inna siiyey dad naftooda u huraya difaaca Qaranka. Waxaynu leenahay Ciidan Qaran oo bir ah oo jabin kara cadaw kasta oo dalkeena u soo hungurooda.
Waa ciidan in ka badan afartan (40) sannadood u soo taagnaa xoreynta iyo difaaca Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxay leeyihiin feejignaan, xirfad dagaal, niyad adag, u-adkaysiga xaaladaha qalafsan iyo go'aan qadasho dhiiran.
Walaalayaal, dawlad iyo shacabba waa ineynu wax walba u hurnaa dhismaha iyo daryeelka Ciidammada Qaranka ee aynu ku seexano.2. Siyaasadda Arrimaha Dibedda
Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee dalku waxay ku qotontaa afar tiir oo kala ah:
1. In la helo Ictiraaf Caalami ah.
2. In la sii xoojiyo xidhiidhka aynu la leenahay wadammada deriska ah, Urur Gobolleedka IGAD, Midowga Africa, Wadamada Carabta, Ururka Dalalka Islaamka, Midowga Yurub, iyo Caalamka oo dhan.
3. Inay Somaliland hesho taageero dhaqaale oo dalka lagu horumarinayo (Bi-lateral and multi-lateral support).
4. Inay Somaliland hesho Maalgashi Caalami ah oo toos ah (Direct, Foreign Investment).
Siyaasadeenna Arrimaha Dibedda waxa sal u ah deris-nimo wanaag iyo is-xaq-dhawr, waxaannu mar-walba diyaar u nahay, oo hiil u nahay sugidda ammaanka, ilaalinta nabadda iyo xasiloonida Gobolka iyo Caalamkaba.
Shacabka reer Somaliland waayo-arag bay ku yihiin dhibaatada iyo qadhaadhka colaadaha iyo sidoo kale wanaagga iyo qiimaha ay nabaddu leedahay.
Muddadii koobneyd ee aan xilka hayey, waxaan safarro shaqo ku tagay dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta. Waxaannu saddexda dawladood ka wada-hadalnay xoojinta xidhiidhka wanaagsan ee innaga dhexeeya.
Waxaannu isla garanay in la sii xoojiyo xidhiidhkeena dhinacyada Amniga, Ganacsiga iyo dhaqan-dhaqaale. Waxa kale oo aannu si cad u gadhsiiney in Somaliland tahay dal buuxiyey shuruudihii Qarannimo. Sidaa darteed, ay xaq u leedahay in la ictiraafo. Waxaannu uga mahad-naqaynaa Itoobiya, Jabuuti iyo Imaaraadka Carabta sidii sharafta lahayd ee ay u qadariyeen iyo milgaha ay siyeen waftigeenii.
Dawladda Imaaraadka Carabta waxa kale oo uga mahadnaqaynaa inay ku soo dhiiratey maalgashiga dalkeena. Shirkadda DP World balaadhinta iyo casriyeynta ay ka bilaabayso Dekedda Berbera, waa talaabo horumarineed oo u soo korodhay Jamhuuriyadda Somaliland iyo Gobolkaba.
Dawladda Imaaraadka Carabta, Madaxdooda iyo shacabkoodaba waxaan uga mahadnaqaynaa hiilkii badheedhka ahaa ee ay isla garab taageen shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland. Iyaga oo warbaahintoodu gaadhsiisey Caalamka oo dhan taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland, Nabadda, dimuqraadiyadda iyo horumarka dhaqaale ee dalkeena ka socdo.Wada-haddalada Somaliland iyo Soomaaliya
Wada-hadallada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaliya oo markii hore la qorsheeyey iney bilaabmaan 19-kii March, 2018, waanu joojiney, sababta oo ah Xukuumadda Muqdisho ayaa weerar qaawan ku soo qaadey Qarannimaddeena.
Nimanka Muqdisho jooga ee weerarka qaawan soo qaaday, sharciyan Caalamka oo dhan baa og in aynaan shaqo ku lahayn waxa ay dhisteen. Xasan Sheekh Maxamuud waxa doortay wufuud ka kala socotay afar Maamul-goboleed, halka Farmaajo ay doorteen ergooyin ka yimid lix Maamul-goboleed. Jamhuuriyadda Somaliland, ilaa 1991-kii, marna waxa halkaa ka socda shaqo kuma lahayn, caalamkuna wuu og-yahay.3. Dhaqaalaha iyo Horumarka
Marka aynu ka hadlayno wax-qabad iyo horumar, waxa saldhig u ah dhaqaale. Dalna ma dhismi karo dhaqaale la'aan. Sidaa awgeed, waxa naga go'an kobcinta ilaha dhaqaalaha iyo wax-soo-saarka (Xoolaha, Beeraha, Kalluumaysiga, Beeyada iyo Khayraadka dhulka hoostiisa ku duuggan).
Xukuumaddeenu waxay ka shaqaynaysaa dhiirigelinta maalgashiga gudaha iyo dibedda. Anagoo u aragna inuu maalgashigu wax weyn ka tari-doono korodhka dakhliga, kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka dhallinyarada, Waxaannu abuurnay Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga.
Waxaannu bilaabaynaa nidaamka cashuuraha iyo ilaalinta ilaha dakhliga dalka mid dad-ban iyo mid toos ahba, annagoo talaabooyinkii u horreeyeyna qaadnay.
Waxaannu xoojineynaa nidaamka dakhli ururinta. waxaannu dagaal adag la-galaynaa musuq-maasuqa noocuu yahayba.
Waxaannu diyaariney Miisaaniyadda sannadka 2018, oo ku salaysan Nidaamka Maamulka Dakhliga Dawladda (Public Financial Management System), waxaanay toddobaadkan soo gaadhaysaa Golaha Wakiillada.
Miisaaniyadda 34% waxaannu u qoondaynay horumarinta dalka. Waxaannu xoojinaynaa awoodda Baanka Dhexe ee Dalka. Adduunka dal walba waxa maamula lacagta dalka Baanka Dhexe. Baanka Dhexe waxa uu masuul ka yahay sarifka lacagaha qalaad, wuxuu ilaaliyaa dhaqaalaha guud ee dalka, wuxuu ogolaadaa dhismaha baananka gaarka ah iyo kuwa dawladda ee qaabilsan dhinacyada ganacsiga, amaahda, iyo horumarka.
Cashuurtu waa laf-dhabarta dawladnimada. Sidaa darteed, waxa waajib ah in ay bixiso cid kasta oo ay cashuuri ku waajibtay. Si aynu awood ugu yeelano in dakhliga iyo baahida dalku isu daboolaan, waa in la helo cashuur dhammaystiran. waxaannu ka dagaalamaynaa in la musuqo iyo in looga faa'iideysto dano gaar ah cashuurta dalka. Waa hawl adag oo u baahan dagaal qadhaadh iyo iskaashi.
Qiima-dhaca Shilinka Somaliland waxa uu culays wayn ku hayaa bulshada, gaar ahaan dadka dan-yarta ah. Sidaa darteed, waxaan u magacaabay Guddi gaar ah xal u helista arrintan. Kadib markay la tashadeen aqoon yahan fara-badan, waxay soo saareen go'aammo aannu u aragney inay wax ka bedeli doonaan qiima-dhaca Shillinka. Fulinta go'aammadaasi waxay bilaabmeen 13-kii March, 2018.
Inta badan hawlaha culus ee la bilaabo, waxa ka soo baxa qodobbo lama filaan ah. Fulintii hawshaa waxa ka soo baxay ruxan sarrifka suuqa ah. Waxa jiray in shirkadaha qaar ay lacag badan oo electronic ah u hayeen macmiishooda. Sidii lacagtaasi ugaadhi lahayd daafaha dalka oo dhan ayaa maalmo jiitantey, waxaan go'aaminey inay arrintaasi xidhanto 26-ka bishan aynu ku jirno. Waxaan aad ugu mahad-naqayaa shirkadaha suuqa sarrifka ku jira oo dhammantood si waddaniyad leh hawshaa noogu garab galay.
Waxay naga qaateen qodobbo aad ugu adkaa, waxayse ku aqbaleen danta guud ee dalkooda.4. Kaabayaasha Dhaqaalaha
Dekedaha, Waddooyinka, iyo Garoomada diyaaraduhu waxay ahmiyad weyn u leeyihiin horumarka dhinaca dhaqaalaha, ganacsiga iyo isku xidhka bulshada. Sidaa darteed, waxa noo qorshaysan in aanu dhamaystirno jidka isku xidha Burco iyo Ceerigaabo oo hadda toban kiloomitir oo ka mid ah la dhigay daamurkii. Jidkaasi wuxuu qiime weyn ugu fadhiyaa Qaranka.
Waxa kale oo muddadii koobneyd ee xukunka dalka aan hayey la-dayactirey 60 kiloomitir oo ka mid ah jidka isku xidha, Halleeya iyo Dacar-budhuq.
Waxa kale oo noo qorshaysan in aannu sannadkan gudihiisa bilowno jidka ganacsiga ee isku xidha Berbera iyo Wajaale (Berbera Corridor), kaas oo fududayn doona inay Somaliland qayb ka noqoto dhaqaalaha iyo is-dhexgalka bulsho ee Gobolka Geeska Afrika.5. Arimaha BulshadaA. Dhallinyarada.
Marka la eego tirada shacab-weynaha reer Somaliland, 70% waa dhallinyaro da'doodu u dhaxayso 15-35 jir. Sidaa darteed, waxaannu u aqoon-sannahay inay dhallinyaradu yihiin xoogga iyo laxaadka Qarankan, waxayna inaga mudan yihiin in aynu u diyaarinno mustaq-bal iyo nolol lagu soo hirto. Waa in ay helaan tacliin tayo leh oo gaadhsiisan waxbrashada adduunka. Sidoo kale, waa in aynu caqligooda iyo cududdoodaba u carbinnaa, una diyaarinnaa in ay geliyaan hogaaminta iyo horumarka dalkooda, waanna sababta aan xilal ka mid ah kuwa ugu muhiimsan xukuumaddeena ugu xanbaariyey dhallinyaro aqoon leh.
Xukuumaddeenu, iyadoo ka duulaysa shaqo la'aanta baahsan ee ka jirta dalka, waxay waddaa dib-u-habayn ku saabsan Xeerka Shaqaalaha (Labor Code). Marka uu qorshahaasi dhammaadana shaqo uu qof muwaadin ahi qaban karo, u ogolaan-mayno qof ajanebi ah.
Waxa aan dhowaan aasaasay Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada, kaas oo aannu ku shubnay lacag u dhiganta laba bilyan oo Somaliland Shilling ah. Sanduuqan waxa laga maalgalinayaa dhallinyarada la timaada hal abuur ganacsi oo macquul ah oo keeni kara shaqo-abuur. Wakhtigan xaadirka ahna, waxaannu ku hawlan nahay dhammaystirka nidaamkii lagu maamuli lahaa Sanduuqa, iyo nidaamka looga baahan yahay cid kasta oo soo codsata in laga maalgaliyo Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada. Waxaan soo jeedinayaa in Shacab iyo Xukuumadba la isugu tago sidii Sanduuqa Horumarinta Dhallinyaradda loo kobcin lahaa.
Sidoo kale, waxa aannu bilawnay in Barnaamijka Shaqo Qaran aannu bil-walba Account u dhigno lacag dhan hal billion oo SL.SH, si sannadka dhammaadkiisa loo helo lacag dhan 12 bilyan oo Shilinka Somaliland ah oo lagu bilaabo barnaamijka Shaqo Qaran. Barnaamijkan waxa ka qayb-geli doona ardayda dhammaysata dugsiga sare iyo Jaamacadaha. Ujeedooyinka ugu waaweyn ee barnaamijkan waxa ka mid ah fududaynta is-dhex-galka dhallinyarada Somaliland iyo in ay ardaydu helaan khibrad shaqo, iyaguna dalkooda uga faa'iideeyaan aqoontooda.B. Waxbarashada.
Sida la ogyahay dalalka dunidu waxay ku kala horumaraan sida ay ugu kala horumarsan-yihiin dhinaca tacliinta. Sidaa darteed, waxa lagama-maarmaan ah in ay waxbarashadeenu la jaan-qaado horumarka iyo xawliga ay ku socoto tacliinta casriga ah ee dunidu.
Waxa xukuumaddeena u qorshaysan tayeynta iyo dib-u-habaynta manhajka waxbarashada dalka iyo in la helo Siyaasad Waxbarasho oo ku salaysan baahida dalka.
Si loo beegsado himillada ah, helista waxbarasho loo siman yahay iyo tacliin casri ah, waxa aannu bilownay in arday kasta oo dhigta dugsiyadda hoose/dhexe helo buugaagta manhajka waxbarashada dalka oo bilaash ah. Taas oo ku kacaysa 1.2 bilyan SL.SH, sannadkii.
Waxa kale oo xukuumad ahaan noo qorshaysan:
* In kor loo qaado daryeelka macallinka ee dhinaca nolosha iyo tayada aqoontiisa.
* In aannu ahmiyad weyn siino waxbarashada Farsamada Gacanta, si da'yartu u helaan xirfado ay ku shaqaystaan. Sidaa darteed, waxaannu dib-u-dhis iyo dib-u-habayn ku samayn doonaa dugsiyadii farsamada gacanta Burco iyo Hargeysa. Waxa kale oo aanu hiigsanaynaa in gobol kasta laga sameeyo dugsi farsamo gacan oo bixiya waxbarasho tayo leh.
* Waxaannu dhiirigelinaynaa wax-akhriska ardayda reer Somaliland, Waxaannuna hirgelinaynaa maktabado wax-akhris (Public Libraries).
* Waxa kale, oo dib u habayn iyo tayayn ku samayn doonnaa waxbarashada Jaamacadaha dalka, si ay ula tartamaan dhigooda adduunka.C. Caafimaadka.
u Innaga oo og muhiimadda uu adeegga caafimaadku u leeyahay bulsho-kasta;
u Innaga oo og in waxa ugu qaalisan, uguna mudan in la daryeelaa ay tahay nafta bini'aadanka;
u Inaga oo og duruufaha iyo dhibaatooyinka caafimaad ee ka jira dalka;
Xukuumaddeena aan hogaaminayo waxa ka go'an xal-u-helidda dhibaatooyinka iyo caqabadaha horyaal nidaamka iyo adeegyada caafimaad ee dalka.
Himilladeenuna waxa weeye in ay muwaadiniinta Reer Somaliland helaan adeeg caafimaad oo hufan, ilaa laga gaadho in dhimashada hooyada iyo dhallaanka 50% hoos loo dhigi karo, haddii Eebe idmo.Si loo xaqiijiyo himilladaa;
* Waxaannu kordhin doonaa tirada dhakhaatiirta ee ka hawl-gala guud ahaan dalka, sababta oo ah, marka la eego saamiga dhakhaatiirta iyo dadka bukaanka ah (Patience-doctor ratio), halka dhakhtar ee ka hawl-gala hal goob caafimaad waxa ku soo beegmaya 13,500 oo bukaan ah.
* Waxa xoog la saari doona hubinta takhasuska iyo aqoonta dhakhaatiirta ka hawl-galka dalka Somaliland.
* Waxaannu adkayn doonaa ruqsadda furashada goob caafimaad, si aanay nafta qofka iyo caafimaadka muwaadiniintu u gelin ganacsi.
* Waxaannu dardar gelin doonaa awoodda iyo hufnaanta adeegyada caafimaad ee ay bixiyaan cusbataallada dalku.
* Waxaannu dib-u-habayn iyo tayeyn ku samayn doonnaa Hayadda Ilaalinta Tayada (Quality Control Agency). Si loo hubin karo faya-dhawrka iyo tayada dawooyinka, cuntada iyo dhammaan wixii kiimiko ah ee dalka la keenayo.D. Biyaha.
Sida la wada og yahay, biyuhu waa hal bowlaha nolosha bini aadamka, meelo badan oo dalka ka mid ahna waxa ka jira baahi biyood oo kala duwan. Cimillada is-badashay waxay keentey roob yaraan. Mar haddii roobkii yaraadayna waxa yimi abaaro is-daba-jooga. Abaarta iyo haraadkuna way isku sidkan yihin. Waxa kala weynaaday haraadka jira iyo awooddeena dhaqaale ee biyo joojinta iyo biyo qodidda. Waa hubaal dalka intiisa badan in ay ka jirto biyo la'aan xooggan. Caasimadda dalku waxay u baahan tahay maalintii lixdan kun oo mitirik tan oo biyo ah. Waxay hadda heshaa sagaal kun oo mitirik tan, oo ku soo baxa si dhib iyo kharash badan.
Hay'ado kala duwan oo madax-bannaan ayaa si habaq la'ah uga fuliya mashaariic biyo kaydin ah ama biyo qodis ah. Hase yeeshee, intooda badani ma yeeshaan raandhiis. Sababtoo ah malaha qorshe sugan, gacan ku hayn joogto ah iyo kormeer. Waayo-aragnimaddu waxa ay inna faraysaa, si aan u xallino arrintan aan kor ku xusay, waa in aan hirgalinno Xeerarka iyo Shuruucda Biyaha Dalka.
Toddobadii sanno ee u danbeeyey dalka xukuumaddii Kulmiye waxay ka qodey 200 oo ceel oo dhaadheer, wali se waxa muuqata in haraadkii sii kordhaayo gobalada oo dhan. Khubarada biyuhu waxay ku taliyeen in ceelasha dhaadheer ka faa'iido badan yihiin biyo xidheennada.
Iyada oo taa laga duulayo, waxaynu ka bilawnay sahamin biyo xidheenno goobolada oo dhan. Waa arrin u baahan dhaqaale xoog leh, aqoon iyo tiknoolaji casri ah. Xukuumad iyo Shacbi, waxa innala gudboon in aan awooddeena isugu gayno biyo xidheenno waaweyn, gobollada oo dhan shanta sanno ee soo socda.6. Maamul-wanaagga iyo Maamul-daadejinta
Waxaynu dhisanay Gole Xukuumadeed oo kooban, oo ay ku jiraan Wasaaraddo cusub, kuwaas oo wax-weyn ka tari doona horumarka dalka iyo u adeegista bulshada.
Xukuumaddani waa mid ku shaqaynaysa maamul daah-furan, oo ay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland la xisaabtami karaan. Waxa kale, oo Xukuumaddani ku dadaalaysaa dhismaha awoodda Hay'adaha Dawladda iyo ku dhaqanka maamul-wanaagga (Good Governance).
Sida la wada og-yahay musuq-maasaqu waa aafo Qaran, waxaana dhibaatooyinkiisa ka mid ah:
* Wuxuu curyaamiyaa maamul-wanaagga.
* Wuxuu wiiqaa kalsoonida uu shacabku ku qabo hayadaha dawladda.
* Wuxuu lumiyaa adeegyada bulshada loo qabanayo.
* Wuxuu adhax-da ka jebiyaa horumarka.
Sidaa darteed, waxaan halkan uga cadaynayaa shacab-weynaha Reer Somaliland in aanay xukuumaddani, haba yaraatee wax dul-qaad ah u yeelanayn Musuq-maasuqa iyo ku-tagri-falka hantida ummadda. Mana aqballi doono in macaash badan lagu helo xilalka Qaranka iyo in si khaldan loogu tagri-fallo awoodda shacabku noo igmaday.
Waxa noo qorshaysan barnaamijyo lagula dagaalamayo musuqmaasuqa, waxaannuna beesha caalamka ka codsanaynaa in ay gacan nagan siiyaan wixii aqoon iyo farsamo ah ee lagula dagaalamayo Aafaddaa Qaran.
Waxa noo qorshaysan in aanu xoojinno maamullada gobollada iyo degmooyinka dalka, iyadoo kor loo qaadayo awooddooda dhinaca hawl-gelinta iyo adeegyada ay bixiyaan.7. Garsoorka iyo CadaaladdaWaaxda Garsoorku waa waax muhiim ah oo ka mid ah saddexda dhadhaar ee uu ku salaysan yahay qaab-dhismeedka dawladda Somaliland ee kala ah: Xeer-dejinta, Garsoorka iyo Fullinta (Xukuumadda). Cadaaladdu waa nidaamka sida xabagta isugu haya xidhiidhka iyo wada-noolaanshaha ummadda . Waa nidaamka ilaaliya xasiloonida iyo deganaanshaha bulshada. Waxayna xaqiiqdu tahay hadii ay garsoorka iyo cadaaladdu inaga xumaaddaan inaanu qarankani cago-adag ku taagnaan karin.Sidaa awgeed hadii aan ahay odayga saddexda dhadhaar ee dawladda, waxa aniga iyo xukuumaddeenaba noo qorshaysan in la hagaajiyo, lana xoojiyo Nidaamka Garsoorka iyo Cadaaladda, waxaana jira hawlo hadda socda oo ku saabsan dib-u-habaynta iyo tayeynata nidaamka garsoorka.
Waxay xukuumadeenu ilaalin doontaa xuquuqda guud ahaan Muwaadiniinta Reer Somaliland, iyadoo si gaar ah loo sii ilaalin doono qaybaha bulshada ee nugul, sida (Haweenka, naafada, caruurta iyo dadka tamarta darran). Waxaannu xoogga saari doonaa qabyo-tirka wixii shuruuc ah ee la xidhiidha Garsoorka iyo guud ahaan xeerarka qabyada ah ee dalku baahida u qabo. Waxa xilligan horyaal golayaasha xeer-dejinta ilaa 15 xeer. Waxaannu ku adkaynaynaa Golayaasha in ay si dhakhso ah u ansixiyaan xeerarka horyaal iyo kuwo kale ee aanu dhawaan idin horkeeni doono, idinka oo hubinaya in Xeerarkaasi waafaqsan yihiin Dastuurka Qaranka.8. Abaaraha iyo Isbedelka Cimillada
Abaaruhu maaha wax inagu cusub ee weligood-ba way dhici jireen, waxayse dhici jireen xilliyo kala fog-fog oo 10-kii sannadood ilaa 20-kii sannadood-ba hal mar ah. Abaartaasna waxa loo bixin jirey magac caan ah oo laga yaqaan min daraf ilaa daraf dhulka Soomalidu degto. Waxa kale di'i jiray roobab badan oo abaarta lagaga soo kabto. Hase yeeshee, muddooyinkan dambe abaaruhu si dhakhso ah ayey u soo noq-noqdaan, roobabkiina way yaraadeen.
Waqtigan xaadirka ah waxa dhafoorka ummadda Reer Somaliland ka muuqda diiftii iyo saamayntii nololeed ee ay reebeen abaarihii isdaba-joogga ahaa ee inna soo maray xiliyadii u dambeeyey, kuwaas oo ay ilaa hadda qaylo-dhaantoodu taagan tahay.
Marka hore, xukuumaddeenu waxba kala hadhi-mayso wixii itaalkeeda ah sidii ay wax uga qaban lahayd dhibaatooyinka iyo duruufaha adag ee ay reebeen abaarihii dalka ka dhacay. Waxaan bulshada reer Somaliland ugu baaqayaa inay noqdaan dad isu gargaara oo wada noolaada oo uu qof-ba qof kale caawiyo.
Abaaraha soo noq-noqonaya iyo roobabka yaraaday waxay sababeen xaaluf, waxayna xidhiidh la leeyihiin isbedelka cimillada. Sidaa awgeed, waxa lagama maarmaan ah in aynu wax ka bedelno qaab nololeedka reer-guuraanimo ee bulshadeenna iyo in aynu samaysanno qorshayalaal aynu kaga diyaar-garoobayno abaaraha soo noq-noqonaya. Waxa kale oo aynu ka hortagaynaa xaalufinta deegaanka, dhirta iyo duur-joogta. Innaga oo hirgalinayna Xeerarka iyo Siyaasadaha Qaranka ee Deegaanka.
Xukuumaddeenu waxay waddaa qorshayaal loogu diyaar-garaabayo wax ka qabashada dhibaatooyinka abaaraha, waxaanna Beesha Caalamka halkan ugaga baaqayaa inay gacan mug leh ka geytaan wax ka qabashada iyo u diyaar-garawga abaaraha soo noq-noqonaya, innagoo illaahay ka baryeyna inuu dhibaatada inaga saaro, naxariistiisana inoo shubo.9. Doorashooyinka
Nidaamka siyaasadeed ee hanaanka xisbiyada badan iyo dimuqraadiyadda aynu dalka ka hirgelinay, waxay suurtagal ka dhigeen inay inoo qabsoomaan doorashooyin is-daba joog ah. Kuwaas oo dhammaantood ku qabsoomay si nabad-gelyo ah. Doorashooyinkaas oo ay ugu dambaysay tii madaxtooyada ee dabayaaqadii sannadkii hore hirgashay. Doorashadaasi waxay wax-weyn ka bedeshay, korna u qaaday sumcadda siyaasiga ah ee aynu dunida ku leenahay iyo aragtida Beesha Caalamku ka qabto dalkeena.
Doorashooyinka dalkeenna ka dhacaa waxay ku kacaan kharash iyo culays dhaqaale oo xoog badan. Tusaale ahaan, doorashadii madaxtooyada ee u dambaysay iyo diiwaan-gelintii cod-bixiyayaasha, waxa ku baxay tacab iyo dhaqaale gaadhaya ilaa 24 Bilyan oo SL.SH (24 Million USD). 54% lacagtaas ka mid ah, waxa bixisay Jamhuuriyadda Somaliland, halka ay beesha Caalamka ee taageerta doorashooyinka iyo dimoqraadiyaddu ka bixiyeen 46%.Mudanayaal iyo Marwooyin,
Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxay ii soo gud-biyeen qorshaha hawl-galka iyo kharashka ku baxaya doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka oo isku sidkan iyo dib u furista diiwaangelinta cod-bixiyayaasha, kaas oo dhan 16.7 Bilyan SL. SH (16.7 Million USD).
Haddaba, xukuumad ahaan waxa naga go'an in ay doorashooyinkaa isku sidkani ku qabsoomaan muddadii hore loogu qorsheeyey. Labadaa doorasho waxa muddeeyey idinka oo ah Baarlaamka Dalka, waxaana ansixiyey Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Xisbiga Waddani waxa uu ii soo gudbiyey 22-kii March, 2018, qoraal ah codsi xil ka qaadis xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, iyaga oo ku duraaya doorashadii Madaxtooyadda ee ay Guddidu qabatay November 13, 2017-kii.
KDQ waxa ay fuliyeen dhammaan Xeerarkii iyo Hab-raacyaddii sharci ee doorashada. Waxa ay dhiseen dhammaan guddiyaddii iyo xafiisyaddii hirgalin lahaa doorashadda, oo waafaqsan Xeerarka doorashada. Waxa ay ku heleen ammaan iyo bogaadin caalami ah dal iyo dibadba. Waxa u marag-furay KDQ in ay si daah-furan, oo xor iyo xalaal ah u qabteen doorashadii Madaxtooyadda, Goob-joogayaashii Caalamiga ahaa iyo kuwii Maxalliga ahaa.
Sidaa daraadeed, waxaan u arkaa dood xaqiiqda ka fog, sharcigana baal-marsan, oo lagu carqaladaynayo hanaanka geedi-socodka doorashooyinka.10.WarbaahintaMudanayaal iyo Marwooyin,
Warbaahintu waa seef laba af-leh. Waxa wanaagsan in xaga khayrka iyo wax-tarka dalka loo adeegsado. Waxaannu Xukuumad ahaan diyaar u nahay horumarinta iyo tayeynta Warbaahinta dalka. Waxa noo qorshaysan kor u qaadista waxbarashada iyo aqoonta suxufiyiinta ka hawl-gala warbaahinta dalka.
Warbaahintu haddii loo adeegsado dhinaca bur-burinta iyo sharka, waxa ay abuurtaa aafooyin Qaran. Haddii dhinaca wanaagsan loo adeegsadana, waxa ay dhistaa Qaranka. Xoriyadda Saxaafaddu waxa ay sugan tahay, inta aanay ku gafin xoriyadda muwaadin kale. Waxaan ku boorinayaa bahda Warbaahinta in ay dalkooda u horseedaan nabadda, aqoonta, isku-xidhka bulshada iyo horumarinta dalka.Gebagebo
Mudanayaasha Labada Gole iyo Guud ahaan Ummadda Reer Somaliland, waxaan halkan ugu sheegayaa, xukuumadda cusub ee aan Madaxweynaha ka ahay, waxay la kowsatay duruufo ad-adag oo ay ka mid yihiin abaaro iyo kuwo dhaqaale.
Waxa xukuumaddeenna ka go'an in aanu ka midho-dhallinno qorshayaasha innoo degsan iyo in aannu dedaal-weyn gelinno wax ka qabashada duruufaha inna horyaal, taasina waxay u baahan tahay in loo huro tacab iyo wakhti. Ummadda reer Somaliland waxaan leeyahay u dhabar-adayga duruufaha idin haysta waa laga bixi doonaa Insha Allaah.
Waxaan Golayaasha Qaranka, Asxaabta Qaranka iyo guud ahaan dadka reer Somaliland ka dal-banayaa inay gacan iyo taageero ka geystaan, adeegyada bulshada, nabad-gelyada, horumarka iyo isku duubnida Ummadda Jamhuuriyadda Somaliland.
Dhammaad
Share this:
Related
storvideo: 

Faransiiska oo looga baroordiiqayo dadkii ku dhintay weerarkii Jimcihii

$
0
0

Isu soo bax baroor-diiq ah ayaa lagu qabtay magaalada koofurta Faransiiska ku taalla ee Trèbes, kaas oo lagu xusuusanayo afar dhibbane oo nin hubeysan uu dilay Jimcihii.

Qarax Khasaaro geystay Oo ka dhacay Kaxda

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo Barqanimadii maanta ka dhacay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.
Qaraxa ayaa ka dhashay Gaari nuuca raaxda ah, waxaana la sheegay ka hor inta uusan qarxin in uu galay Waddo Baacad ah oo ku taalla waaxda Shimbiraale ee degmadaasi.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in Gaariga markii uu Bacaadku galay ay ka shakiyeen Ciidamo ka tirsan kuwa Ammaanka, balse uu qarxay, xilli ay ku hareereysnaayeen Gaarigaasi.
Waxaana qaraxa ku dhintay wadihii Gaarigaasi, iyadoona uu baxsaday ruux kale oo la socday, sida la sheegay.
Sidoo kale waxaa qaraxaasi dhaawac fudud uu ka soo gaaray Askari ka tirsan Ciidamada dowladda, kaas oo la sheegay in uu ahaa Askarigii qabtay Gaariga.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in waxyeelo ay ka soo gaartay qaraxaasi Caruur yar yar, iyadoona ay ku burbureen Guryo ku yaalla Xafadda uu qaraxu ka dhacay.
Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee M/ Muqdisho ayaa ka warbixiyay, sida ay wax u dhaceen.
Halkan hoose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/cod-qaraxa.mp3
The post Qarax Khasaaro geystay Oo ka dhacay Kaxda appeared first on Shabelle.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live