Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

The death toll from Mogadishu car bomb attack rises to four

$
0
0

At least four people were killed Sunday in a suicide car bomb attack in central Mogadishu, police, and witnesses said.
“There was a blast at a checkpoint close to the interior ministry. Four people were killed including two members of the security forces,” Abdullahi Mohamed, a police officer in the capital, told Media. The other two victims were civilians.
“We don’t have the details yet but the indications show that a bomber was involved trying to through by the security checkpoint,” he added.
According to the official and witnesses, the car blew up before the security forces were able to inspect it.
“I saw the bodies of two soldiers and two civilians,” eyewitness Cise Abdurahman said.
“The explosion was significant and the car was reduced to pieces. It exploded between two concrete barriers” at the checkpoint, he added.
It was the second car bomb attack this week in the Somali capital after one blew up Thursday outside a popular hotel, killing 14 people.
Al-Qaeda-affiliated Shabaab jihadists has claimed responsibility for both attacks.
Mogadishu is regularly hit by bomb attacks carried out by Shabaab which is fighting to overthrow Somalia’s internationally-backed government.
In February twin car bombings left 38 people dead in the Somali capital.
In October last year, Somalia suffered its deadliest-ever attack in which more than 500 people were killed in a truck bombing in a busy part of the city.
In the wake of that attack, Somalia’s government declared a fresh offensive against Shabaab.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/5-59-300x169.jpg 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/5-59-768x432.jpg 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/5-59-696x392.jpg 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/5-59-747x420.jpg 747w" sizes="(max-width: 960px) 100vw, 960px" />http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/1-104-300x169.jpg 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/1-104-768x432.jpg 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/1-104-1024x576.jpg 1024w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/1-104-696x392.jpg 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/1-104-1068x601.jpg 1068w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/1-104-746x420.jpg 746w" sizes="(max-width: 1137px) 100vw, 1137px" />http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/2-100-300x169.jpg 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/2-100-768x432.jpg 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/2-100-1024x576.jpg 1024w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/2-100-696x392.jpg 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/2-100-1068x601.jpg 1068w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/2-100-746x420.jpg 746w" sizes="(max-width: 1137px) 100vw, 1137px" />http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/3-89-300x169.jpg 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/3-89-696x392.jpg 696w" sizes="(max-width: 720px) 100vw, 720px" />http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/4-77-300x169.jpg 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/4-77-768x432.jpg 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/4-77-696x392.jpg 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/4-77-747x420.jpg 747w" sizes="(max-width: 960px) 100vw, 960px" />
The post The death toll from Mogadishu car bomb attack rises to four appeared first on Shabelle.


The death toll from Mogadishu car bomb attack rises to four

$
0
0

At least four people were killed Sunday in a suicide car bomb attack in central Mogadishu, police, and witnesses said.
“There was a blast at a checkpoint close to the interior ministry. Four people were killed including two members of the security forces,” Abdullahi Mohamed, a police officer in the capital, told Media. The other two victims were civilians.
“We don’t have the details yet but the indications show that a bomber was involved trying to through by the security checkpoint,” he added.
According to the official and witnesses, the car blew up before the security forces were able to inspect it.
“I saw the bodies of two soldiers and two civilians,” eyewitness Cise Abdurahman said.
“The explosion was significant and the car was reduced to pieces. It exploded between two concrete barriers” at the checkpoint, he added.
It was the second car bomb attack this week in the Somali capital after one blew up Thursday outside a popular hotel, killing 14 people.
Al-Qaeda-affiliated Shabaab jihadists has claimed responsibility for both attacks.
Mogadishu is regularly hit by bomb attacks carried out by Shabaab which is fighting to overthrow Somalia’s internationally-backed government.
In February twin car bombings left 38 people dead in the Somali capital.
In October last year, Somalia suffered its deadliest-ever attack in which more than 500 people were killed in a truck bombing in a busy part of the city.
In the wake of that attack, Somalia’s government declared a fresh offensive against Shabaab.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/5-59-300x169.jpg 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/5-59-768x432.jpg 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/5-59-696x392.jpg 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/5-59-747x420.jpg 747w" sizes="(max-width: 960px) 100vw, 960px" />http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/1-104-300x169.jpg 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/1-104-768x432.jpg 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/1-104-1024x576.jpg 1024w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/1-104-696x392.jpg 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/1-104-1068x601.jpg 1068w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/1-104-746x420.jpg 746w" sizes="(max-width: 1137px) 100vw, 1137px" />http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/2-100-300x169.jpg 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/2-100-768x432.jpg 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/2-100-1024x576.jpg 1024w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/2-100-696x392.jpg 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/2-100-1068x601.jpg 1068w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/2-100-746x420.jpg 746w" sizes="(max-width: 1137px) 100vw, 1137px" />http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/3-89-300x169.jpg 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/3-89-696x392.jpg 696w" sizes="(max-width: 720px) 100vw, 720px" />http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/4-77-300x169.jpg 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/4-77-768x432.jpg 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/4-77-696x392.jpg 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/4-77-747x420.jpg 747w" sizes="(max-width: 960px) 100vw, 960px" />
The post The death toll from Mogadishu car bomb attack rises to four appeared first on Shabelle.

Madaxweynahii hore ee Soomaliya Xasab Sheikh Maxamud...

$
0
0

Madaxweynahii hore ee Soomaliya Xasab Sheikh Maxamud oo ka hadlay arinta Balad Xaawe
Mar 25, 2018 -
Ka akhriso halkan qoraal uu madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh kaga hadlaayo dhibta ka jirto Baladxaawo.
Waa wax dabiici ah in laba dal oo daris ah ay Marar badan dhex marto kala aragti duwanaansho la xiriirta qaddiyadaha qaarkood.
Arrinka baryahaan ka taagan Magaalada Balad Xaawo waa arrin u baahan degganaan iyo raacid shuruucda iyo dhaqamada caalamka ee soo jireenka ah ee la xiriira calaamadeynta xuduudaha.
Waxayna ku habbooneyd in si wadajir ah ay labada dowladood uga wada shaqeeyaan ee askari Kenyaan ah oo Beebe wata iyo Gabar Soomaaliyeed ee dhagax tuureysa la isku daayo sax ma aha.
Haddaba, waxaan u soo jeedinayaa madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iney gutaan mas'uuliyadda dastuuriga ah ee ka saaran ilaalinta xuduudaha iyo hantida la burburiyay ee dadka reer Beled Xaawo. Xaajadu yaaney u ekaanin "GURBOOD GARRAMAYA WAXAY WAAYEEN WAAYEEL U GARRAMA" oo yaan carruurta iyo gabdhaha dhagaxa tuuraya loogu simin xaajada.
Dowladda Kenya waxaan leeyahay kala guurimeyno ee boogaha yaan la danqin iyadoo horaba ay u taagneed arrinkii badda yaan lagu sii darin mid kale oo darisnimada iyo duruufaha isbadbadalayo wax ha loo reebo.
Xaajadane ha la dejiyo oo guddi wada jir ah ha loo saaro wey mudan tahaye si qolo waliba u qanacdo maadaama arrinkaani leeyahay xasaasiyad leh taariikh soo Jireen ah. Si kastaba ha ahaate aamusnaanta dowladda Soomaaliya xal kuma jiro haba yaraatee.
Gabagabadii waxaan leeyahay "YAANNAAN NOQONIN DOQONTII U DAGAAL LA'AYD YAAN LAGAAGA DARIN"
English News
storvideo: 

Ruushka: Tobonaan qof oo ku dhintay dab ka kacay xarun laga dukaamaysto.

$
0
0

Ugu yaraan 37 qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen xarun laga dukaamaysto oo ku taal magaalda Kemerovo ee Siberia.

Ruushka: Tobonaan qof oo ku dhintay dab ka kacay...

$
0
0

Ugu yaraan 37 qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen xarun laga dukaamaysto oo ku taal magaalda Kemerovo ee Siberia.
Warbaahinta Ruushka ayaa sheegaysa in tobonaan dad ah oo ay kamid yihiin caruur la la'yahay.
Dabka ayaa ka bilowday dabaqa afaraad ee dhismaha lagu magacaabo Winter Cherry complex, dadka ku waxyeelloobay dabkaan ayaa lagu soo warramayaa in badan koodu ay ku jireen shaneeemo.
Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu arkayey qiiq ka baxaya daaqadaha iyadoo dadka qaabilsan dab damiska ay isku dayayeen in ay badbaadiyaan dadka iyo hantida.
Kemerovo, ayaa ah deegaanka ugu weyn ee laga soo saaro dhuxusha, deegaankaan ayaa magaalda Moscow ka xiga dhanka bari qiyaastii 3,600km (2,200 miles).
Dhismaha oo la furay sanadkii 2013 ayaa ka koobnaa makhaayado, meelo shaneemooyinka lagu daawado iyo sidoo kale meelo ay caruurtu ku ciyaaraan.
Dabka ayaa la rumaysan yahay inuu ka kacay qayb ka mid ah dhismaha oo lagu madadaasho, sida ay kusoo warraymayso warbaahinta deegaanku.
Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Kemerovo, Vladimir Chernov ayaa sheegay in 13 maydad ah laga helay mid kamid ah qololka shaneemada.
Sida ay sheegayaan warar hordhac ah, saqafka saree ee dhismaha ayaa kusoo dumay labo kamid ah shaneemooyinka.
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Tass hawl-wadeenada gargaarka dagdaga ah ayaa ku guulaystay in ku dhawaad 100 qof ay ka daad gureeyaan dhismaha, waxayna badbaadiyeen 20 kale.
Ilaa iyo hadda lama oga waxuu dabku ka dhashay balse masuuliyiinta ayaa wada baaritaan.
storvideo: 

Qalbi dhagax ma Beled Xaawo ayaa bedeshay

$
0
0

26th March 2018 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Siyaasiyiinta Hawiye Todobaad walba waxay keenaan arin lagu jaahwareerinayo umadda Soomaaliyeed oo ay ku awrkacsanaya ayna ka leeyihiin dano siyaasadeed oo iyaga oo ku gabanaya magaca wadaninimo.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Culusoow oo xilligii uu madaxweynaha ka ahaa Soomaaliya ay dawladda Kenya iyo Odayaasha gobolka Gedo ay heshiis ku wada saxiicdeen xadka labada dal, oo aanu haba yaraatee ka hadlin waqtigaas sida ay ku dhacday dalka Soomaaliya oo leh dawlad madax banaan ah in dawladda Kenya ay heshiis la gasho beel ka mid ah beelaha Soomaaliyeed,. Hogaamiyihii sidaa u bahdilnaa xilligii uu madaxweynaha Ka ahaa Soomaaliya ayaa maanta doonaya sida siyaasiyiinta kale ee beesha Hawiye oo ay ka mid yihiin Mhad salaad iyo cabdi Shakuur doonaya inauu umadda Soomaaliyeed marin habaabiyo
Xildhibaanadii, siyaasiyiintii iyo Isimadii ka soo jeeday beesha Sade oo Soomaali ugu wadanisan oo arintan weli ka hadlin ayaa umaddii Soomaali waxa wareeriyey Mahad salaad, Muna, Culusoow iyo Cabdishakuur oo ku caan baxay qabyaalad iyaga halkudhigoodii hoe ee Qalbi dhagax hadda ku bedelay Buulo Xaawo

Waa wax dabiici ah in laba dal oo daris ah ay Marar badan dhex marto kala aragti duwanaansho la xiriirta qaddiyadaha...
Opslaet af Hassan Sheikh Mohamud pa 25. marts 2018

[embedded content]
[embedded content]
Post navigation
- Caalamka oo diiday Culusoow
storvideo: 

Daawo Video:-FAAHFAAHIN: Qarax Gaari oo ka dhacay...

$
0
0

Faah Faafin Dheeraad Ah Ayaa Ka Soo Baxaya Qarax Gaari Loo Adeegsaday Oo Galabta Ka Dhacay Afaafka Hore Ee Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya Oo Ku Taalla Agagaarka Zayidka.
Qaraxa Ka Hor Ayaa La Sheegay In Ciidamada Dowladda Ay Istaajiyeen Gaariga Balse Uu Qarxay,Waxana Soo Baxaya Faah Faahin Ku Saabsan Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxaas.
Wararka Hordhaca Ee Soo Baxaya Ayaa Waxa Ay Sheegayaan In Ilaa 5 Ruux Ay Qaraxaasi Ku Geeriyoodeen,Sidoo Kalena In Ka Badan Ay Ku Dhaawacmeen,Balse Weli Lama Cadeyn Halka Sida Rasmiga Ah Gaarigaas Uu Ugu Socday.
Masuuliyiin Ka Tirsan Laamaha Amniga Soomaaliya Ayaa Gaaray Goobta Uu Qaraxa Ka Dhacay Kuwaas Oo La Filayo In Saacadaha Nasoo Aadan Ay Warbaahinta U Faah Faahiyaan Qaraxaas.
[embedded content]

storvideo: 

Barnaamij Cusub oo Internetka oo Haasaawe

$
0
0

Waxaa yimid Jaceyl lagu ogaanayo inuu laba qof dhex mari karo, iyadoo la baarayo dheecaan laga qaadayo afkaaga.


Doorashada dalka Masar

$
0
0

Cod bixiye-yaasha dalka masar ayaa kala dooranaya Madaxweynaha talada haya iyo musharraxa kaliya ee la tartamaya.

Doorashada dalka Masar

$
0
0

Cod bixiye-yaasha dalka masar ayaa kala dooranaya Madaxweynaha talada haya iyo musharraxa kaliya ee la tartamaya.
Cod bixiye-yaasha dalka Masar ayaa maanta oo isniin ah u dareeraya goobaha cod bixinta doorashadaas oo ay ka qayb galayaan Madaxweyne Abdel Fatah al-Sisi iyo hal musharax oo la tartamaya. Doorashadaan ayaa kooxaha xuquuqda aadana u dooda ay ku dhaliileen in dadka tartamayaa ay yar yihiin.
Cod bixiye-yaasha dalka masar ayaa kala dooranaya Madaxweynaha talada haya iyo musharraxa kaliya ee la tartamaya.
Moussa Mustafa Moussa waa hoggaamiye xisbi aan aad loo aqoon oo horay u taageeray Madaxweyne Siisi, Ninkaan ayaa ugu dambayntii ku dhawaaqay inuu yahay musharrax la tartamaya Madaxweynaha xilka haya.
Labo musharrax oo kale oo la tartami lahaa Madaxweyne Sisi ayaa isaga haray tartanka, halka mid saddexaad oo ahaa hoggaamiye hore oo militari la xiray, laguna eedeeyay in uu xilka madaxweynenimo u tartamayay asagoon haysan wax fasax ah.
Saacado ka hor inta aanan la furin goobaha cod bixinta saraakiisha Masar waxa ay sheegeen in ciidamadodu ay dileen lix mintidiin ah kuwaas oo ka dambayey qarax bambaano oo sabtidii lagu qaaday Magaalada Alexandria waxayna shegeen in ay ku bartilmaameedsanayeen Masuul ka tirsan laaamaha ammaanka.
storvideo: 

ISHA IGALA SOO BAX

$
0
0

26th March 2018 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Burburkii Soomaaliya waa laga dhaxlay in Gashaanbuur iyo Dubeys oo aan Jijircado galbeed u soo dhaafi jirin inay maanta xero Isaaq xoolo ay soo dhaceen ku qaybsanayaan, oo qaarkood iska dhigayaan inay Isaaq yihiin, iyaga oo ilowsan dhashadoodii iyo taariikhdii awoowayaashood
Mooryaanka jidbaysan ee qaylinya kuna hadlaya magaca Beelaha Isaaq magaciisu waa Cabdirasaaq Macalin Bashiir, waxaana lagu magcaabaa isha igala soo bax. Isha igala soo bax wuxuu ka soo jeedaa sida hadda naloo sheegay Beesha Warsangeli, Gaashaanbuur.
Magaca Isha igala soo bax, waxa uu kula baxay saadka ayuu u hayn jiray jabhaddii SSDF. Xoolihii loo dhiibtay ayuu dhacay. Allah ha u naxariistee Cabdulaahi Yuusuf ayaa waydiiyey sida wax u dhaceen iyo halka ay wax mareen. Wuxuu ugu jawaabay "Wax ma hayee Isha igala soo bax". Ninkan sida la sheegay qoyskoodu waxay degaan gobolka Mudug
Ninka gaariga xaday oo ula galay Isaaq ayaa isagana lagu magcaabaa Janbeel, wuxuuna ka soo jeedaa Besha Cismaan Ugaaryahan, Dubays. Hadyadda uu beesha Isaaq u geeyey oo la jeclaystay inuu siiyo ayaa ahayd Gaari Tikniko ah oo ay saaran tahay 4 PKM
Gaariga la xaday weli warkiisu ma cada, dad ayaa leh gaariga la xaday waxa lahaa Muxuyidiin Gacamey, oo ka soo jeeda Beesha Ciise Maxamuud. Haddi taasi run tahay gaarigu waa hanti Puntland. Muxyadiin gawaaridii loogu talo galay la dagaalanka alshabaabka ku jira buuraha Galgala ayuu soo bililiqaystay waagii uu puntland madaxweynaha ka ahaa Faroole oo isaguna ka soo jeeday beesha Ciise Maxamuud. Haddiise gaariga la xaday ay Beesa Dhulbahante leedahay waa in gaarigaa beeshii lahayd loo celiyaa ama mid loogu bedelaa. Ninka gaariga la soo xaday ka qabtay ama ka gudoomay tuuga, isaguna waa Tuug kal kaal oo denbiga qaybtiisa ayuu ku leeyahay.
[embedded content]
Post navigation
- Qalbi dhagax ma Beled Xaawo ayaa bedeshay
storvideo: 

Warbixin: Muranka Moshinka ee Hey'adaha Dowladda

$
0
0

Wararkii ugu dambeeyay ee Muranka siyaasadeed ee weli ka dhex oogan hey’adaha ugu sareeya ee dowladda Federalka Somalia.

Warbixin: Muranka Moshinka ee Hey'adaha Dowladda

$
0
0

Murankii u dhexeeyey Baarlamanka Soomaaliya ayaa shaley waxa uu galey dagaal adag oo dhanka waraaqaha ah oo dhex marayey heyadihii ugu sareeyey dowlada Soomaaliya.
Qoraalkii ugu horeeyey waxaa soo saarey gudiga baaritaanka qilaafkan uu u saaray Aqalka Sare ee Baarlamanka, kaasoo faraayey gudoonka baarlamanka in loo hogaansamo dastuurka iyo sida uu qabo oo mudo 10 cisho gudaheed ah lagu horkeeno Baarlamanka.
Waxaa markiiba warqad kale uga jawaabey gudoomiye ku xigeenka Baarlamanka Abdiwali Muudey oo sheegey in xildhibaanadu isu yimaadaan 31ka bishan.
Waxaa iyana ka danbeysey gudoomiyaha labaad ee Baarlamanka Mahad Cawad oo sheegey in qoraalkaasi uu yahay wax kama jiraan, oo aan la soo marsiin hanaan sax ah.
Falastin Ahmed Iman ayaa warbixintan ku eegeysaa qoraaladaas ugu danbeeyey iyo saameyntooda siyaasadeed.
halkan hoose ka dhageyso warbixinta

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:06:34 0:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Barnaamij Cusub oo Internetka oo Haasaawe

$
0
0

Haddii aad horey u maqli jirtay baraha bulshadu ku xiriirto, sida facebook, Snapchat, Twitter iyo wixii la mid ah, haatan warkii hore war soo dhaaf.
Waxaa yimid Jaceyl lagu ogaanayo inuu laba qof dhex mari karo, iyadoo la baarayo dheecaan laga qaadayo afkaaga.
Waa wax ay balan qaadayaan koox sameysay barnaamij cusub oo internetka ah oo ay ku xiriiri karaan dadka guur doonka ah, ama raadinaya lamaanayaasha.
Maxamed Colaad Xassan ayaa inoo haya warbixin kooban oo arrintan ku saabsan.

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:03:46 0:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Warbixin: Xaaladda Magaalada Balcad

$
0
0

Bulshada beeraleyda ah ee Koonfirta iyo Bartamaha Somaliya, gaar ahaan dhulka ay maraan wabiyada Shabeelle iyo Jubba, oo ah dhulka xudunta u ah wax soo saarka dalaga beeraha, ayaa waxaa mudda dheerba ay la daalaa dhacayeen saameynta colaadda, iyo abaaraha.
Dalagga beeraha ayaa liitay, mararka qaarkoodna weyba ba'ayeen, sidaas oo ay tahayse, beeraleydu kama quusan inay soo saartaan quudkii ay cuni lahaayeen.
Magaalada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waxey ka mid tahay magaalooyinka ku caan baxay tacabka beeraha. Wariyaha VOAda Xuseen Xassan Dhaqane ayaa magaalada tagay warbixitan oo uu ku eegayo xaaladda magaalada ayuuna nooga soo diray.

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:05:39 0:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 


Shirka ku saabsan xaaladda Beledxaawo oo berri u...

$
0
0

Wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA ayaa guddoomiyaha gobolka Gedo,Maxamed Maxamuud Maxamed ka soo xigatay in Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ay isku afgarteen shir heer sare ah oo ku saabsan xal u helista muranka ka dhashay darbiga Kenya ay ka dhiseyso xadka u dhaxeeya Labada dal, lana qaban doono maalinimada barri ee talaadada ah, iyadoona Madaxweyne Farmaajo uu arrinkan guddi u xil saaray."Waxaan xaqiijineynaa in shirka la isugu imaan doono 27ka bisha, ka horna la joojiyey dhismihii darbiga. Waxaan rajeynaynaa in xal waara aan ka gaarno arrinkan saameynta badan ku yeeshay nolasha bulshada magaalooyinka Balad Xaawo iyo Mandera." Ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Gedo.
Guddoomiye Maxamed ayaa ku bogaadiyey bulshada Beled Xaawo sida ay u garab istaageen dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xal u helista khilaafka ka taagan xadka Soomaaliya iyo Kenya.
PUNTLAND POST
The post Shirka ku saabsan xaaladda Beledxaawo oo berri u furmaya Somaliya iyo Kenya appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

QM Oo Cambaareysay qaraxii ka dhacay Isgoyska Sayidka

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Ntwork )-War ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee magaalada Muqdisho ayaa si xoogan loogu Cambaareeyay qaraxii gelinkii dambe ee shalay ka dhacay Isgoyksa Saydika ee magaalada Muqdisho.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay ka xun tahay qaraxyada isdabajooga ah oo Al Shabaab ay ka geysanayaan Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa Tacsi u dirtay Ehelladii iyo qarabadii ay dadkoodu ku dhinteen qaraxaasi, iyadoona inta ku dhaawacantayna caafimaad u rajeysay .
Qaraxani oo loo adeegsaday Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa Shalay gelinkii dambe ka dhacay nawaaxiga Iskoyska Sayidka , waxaana ku Geeriyooday illa 4 Qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.
Xarakada Al Shabab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, iyagoo sheegay in ay ku dileen ilaa 13 oo isugu jira askar iyo saraakiil ka tirsanaa Ciidamada dowladda, sida ay hadalka u dhigeen.
Waa qaraxii 2-aad oo muddo 24 saac gudahood ka dhaca magaalada Muqdisho, iyadoona isla shalay qarax Gaari uu ka dhacay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.
storvideo: 

Faah faahinno ka soo baxaya Qaraxyo ka dhacay Muqdisho

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo goor dhow siyaabo kala duwan uga dhacay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay Xaafadda Oodweyne degmada Deynille ee gobolka Banaadir, waxaana la sheegay in uu ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso, kaas oo lala eegtay Gaari Gaarib ah.
Ugu yaraan 2 Qof ayaa ku dhintay qaraxaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen illaa 3 kale, sida uu xaqiijiyay Afhayeenka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane.
Dhinaca kale waxaa uu sheegay in qarax kale uu ka dhacay Waddada Warshadaha, gaar ahaan nawaaxiga Warshadda Biyaha Caafi, kaas oo isna ahaa Miino dhulka lagu aasay.
Cabdifitaax Cumar Xalane Afhayeenka gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in qaraxaasi Cidna aysan wax ku noqon, islamarkaana uu kaligiis qarxay, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.
Weli ma jirto faah faahin intaasi dheer oo ay Laamaha Ammaanku ka bixiyeen qaraxyadaasi.
Shalay ayey ahayd, markii qaraxyo labo ahaa oo Gawaari loo adeegsaday ay ka kala dhaceen Isgoyska Sayidka iyo degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, kuwaas oo waxyeelo ay ka soo gaartay dad Rayid ahaa.
The post Faah faahinno ka soo baxaya Qaraxyo ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle.

Qarax dhimasho iyo dhaawac dhaliyey oo ka dhacay...

$
0
0

Ugu yaraan laba ruux ayaa ku dhintay,tiro kalena waa ku dhaawacantay qarax miino oo saaka ka dhacay degmada Deyniile ee gobolka Banaadir,sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.
Qaraxa ayaa ka dhacay goob aad u mashquul badan oo ay ku kala wareegan gawaarida oo ku taalla bartamaha xaafada Oodweyne ee degmada Deyniile.
Saraakiisha Amniga gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay weli qiimeynayan khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay qaraxaasiWixii ka soo kordha kala soco:Puntlandpost.net
The post Qarax dhimasho iyo dhaawac dhaliyey oo ka dhacay Muqdisho. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

SOMALILAND:SICIR-BARARKA QAYBTII 2AAD

$
0
0

SOMALILAND:SICIR-BARARKA QAYBTII 2AAD
Qaybtii 2aad.
Somaliland: Sicir-Bararka (Inflation):
Waa dhamaystirkiii qoraalkaygii shalay ee ku saabsanaa Sicir-bararka ka jira somaliland.
Aan sii dabagalo ,soona gunaanado , talona ka bixiyo aragtidayda siday ila tahay inuu ku iman karo xal dhow oo ummada ka fayda dhibta ka haysata sicir-bararka meceeshada .
Sicir bararka marka uu dal ku habsado , waliba wadan sideena oo kale ah (noloshiisu ku xidhantahay debada , aan wax soo saar lahayn , isu dheeli tirnayn soo dajinta iyo dhoofinta (import & export )), waxay ku daweeyaan , inay marka horefahmaan sababta keentay ( Origin of the problem) ,Si ay u qaadaan talaabadii ku haboonayd, (appropriate Actions).
Wadamada sideedna oo kale ah ( aqoonsi haysta laakiin aan waxba la soo bixin noloshooduna ku xidhantahay soo dajinta asaasiyadka nolosha ), had iyo jeer sicir bararka ka dhaca waxaa sababa waa isku badalka lacagaha qalaad ama sikale aaan u dhigo, lacagta qalaad oo suuqa ku yaraata (shortage of foriegn currency), sabab ganacsiga iyo wax kasta oo dalka la keenayo dabadaa laga kenayaa , dabadiina waxay u baahantahay lacag qalaad , markaas haday suuqa ku yaraato sicir barar ayaa imanayaa .
Somaliland dhibka sicir bararku halka uu fadhiyo waa halkaas ee sababtau ah lacagteeniina meesha ka saartay ,(shortage of foreign currency and devaluation of local currency ) .
Somaliland oo aan waxba soo saarin , nolosheenii oo dabada ku xidhan ,
ganacsatadii oo doolarkii eryanaysaa ,
suuq joogtii oo doolarkii eryanaysa ,
systemmkii dowladeed oo kaba dheeraynaaya ganacsatada oo lacag soo samaystay ka dibna dilay lacagtii wadanka, halkii ay lacagta wadanka ka ilaalin lahaayeen ,iyagii oo ku noqdayba qayb ka mida sicir bararka, siyaasad xumo dhaqaale oo dalka ka jirta , dadkeena oo inta wax haysataa baahidoodii ama level koodii nololeed kor u qaadmay (living standard ), bulshadeenii oo magaalooyinka kusoo batay , ka dib markay xoolihii dhamaadeen miyiga ,taasoo keentay inay baahidu badato , waxii la hayaana yaraadaan(demand &s upply) iwm.
Markay dhibtu dhacdo , had iyo jeer maamulka markaas jooga waxa laga rabaa inuu qaado talaabada ku haboon ee uu awoodi karo ,kuna suulin karo dhibkaas.
Dowladaha inala midka ah waxay markaba daraaseeyaan oo awooda saaraan nolosha bulshada oo ay u arkaan inay tahay masuuliyada aasaasiga ah (Primary responsibility),ka dibna ay qaadaan talaabo ku haboon ,iyagoo ku salaynaaya awoodooda.
Waxay ila tahay ; systemka dowladnimo ee aynu haysano , ayaa saamaxay in sicir bararku heerkan gaadho ,dowladnimadeena ayaa bacarimisay sicir bararka , ilaa hadana meel kale ayay ka raadinaysaa xalka,oo aan u arko meelahaas in talaabooyinka kale ka horeeyaan.
Looma baahna 4 shaqsi oo la yidhaa waa gudi oo meel fadhiista,oo goaamo uun iskaga dhawaaqa, xal ma keeni karaan , waa in si furan bulshadu dhibkan uga doodaa ,si wacan loo daraaseeyaa , waxa sababay la ogaadaa , masuuliyada cidii leh la ogaadaa , si furan bulshadu u garataa dhibkan iyo waxa keenay , ka dibna si degan oo laga bogtay dhan kasta , la daraaseeyey , la fahmay loo xalilaa.
Fahamkaas guud ka dib waxaan raacinayaa talaabooyinka aan u arko inay noqonayso xal lagu daweeyo dhibkaas ,waa hadii si wacan loo raaco loona fahmo daraasadeediina lasameeyo, kolay waan guud marayaa uunoo , qoraalkaa badanaaya hadii qodob qodob laysudul istaago waxay u baahnaanayaan qoraalo badan iyo waqti badan .
Talo bixinta aan siinayo cida howshan gacanta ku haysa ama ku foogan xalinteeda:
-------------------------------------------------
Dhib markuu dhaco , waxna wa xalka degdega ah oo aad wax ka qaban karto midina waa siyaasad dheer oo ku qotonta waqti dheer (Short term and Long term solutions ).
Dalkeena waxa lagaga badbaadin karaa sicir bararka ama baahida lacagta qalaad ,lacagteenana lagu ilaalin karaa waa iyada oo la xoojiyo korna loo qaado ,tiirarkeena dhaqaalaha , sida xoolaha , kaluunka iyo wax soo saarka gudaha dalka si ay u yaraato wax soo dajintu ,kadibna baahidii lacagta qalaad u yaraato , lacagteeniina lagu ilaaliyo . kaasoo kale waa qorshe fog ,oo aan maanta lagu xalin Karin ,oo u baahan waqti dheer , maaliyad badan , siyaasad wacan , iwm.
Markaas cida xalinaysaa sicir bararka maanta waa inay ku salayso ,waxii manta suuro gala , waxii waqti dheer ahna , waa inay record iyo baahin ku samaysaa , bulshadana fahamsiisaa bartaana bulshada (Social Education of National Barriers).
Waxay ila tahay waa in lagu dhaqaaqo talaabooyinkan:
1. Dhamaan dowladu waa inay joojisaa lacagta aan loo baahnayn ee la soo daabacaayo, waa inay abuurtaa siyaasadii lagu ilaalinaayey lacagteena .
2. Waa inay dowladu isticmaashaa lacagteeda ,dhaman waxii soo galaya iyo waxii ka baxaayaba waa inay ku bixisaa lacagteeda oo ay aamintaa lacagta dalka , si shacabkuna u aamino lacagtiisa,
3. Waa inay dowladu abuurtaa siyaasadii ay ku sugi lahayd kalsoonida lacagta dalka ,ee qof waliba uga maarmi lahaa lacagta qalaad , wacyi galin rasmiya la siyaa shacabka oo ku saaban fahamka lacagta dalku leeyahay ee gudaha dalka ( Internal Cash (SL.sh.) Circulation Policy & its Orientation).
4. Waa inuu shaqeeyaa ,la howl galiyaa bankgiga dhexe ee qaranka , waana inuu xakameeyaa oo ay hoos yimaadaan dhamaan hay'adaha lacagta ee dalka ka jiraa (all types of financial institutions currently operating in Somaliland must be counted and registered /controlled by the the Central bank of somaliland),
5. Bankiga dhexe waa inuu jaangooyaa dhamaan sarifka lacagaha qalaad ee aanay bulshadu waxay doonto ku kala badalan(The central bank Must regulate and monitor closely the foreign currency exchange rate and take adequate actionswhenever needed to avoid inflations and other related issues .)
6. Waa in bank dhexe ku dedaalaa inuu kaydiyo qayb ka mida lacagta qalaad ama adag ee dowlada soo gasha (Saving the foreign currency donated by the international communities to Somaliland government), Si dowladu ula dagaalamikarto ,hadii sicir barar yimaado ama lacagta qalaad yaraato (shortage of foreign currency), ganacsatada waawayn ee lacagaha qalaad hayana waa in bankiga dhexe isku dayaa in isfaham dhexmaro , oo bankigu xakameeyo lacagtooda (haday dhici karto).
Intaas waxa ii raacda waa in la abuuraa sharuuc ilaalinaysa ama xakamaynaysa sicir barar ku yimaada aasaasiyaadka nolosha bulshada , oo kala saari kara shayga aasaasiga u ah nolosha bulshada iyo shayga aan u ahayn ee bulshadu si faakahaysiya ugu baahantahay .
Dowladnimadu waa ilaalinta nolosha bulshada khaasatan inta taagta daran.
Tusaale hadii gaajo ku hayso , oo aad bas tahay ,laba meelooda waad aadi kartaa oo wax waad ka cuni kartaa,
i) Waxaad tagi kartaa meherad yar oo bariis cad oo aan waxba lagu darin iibinaysa ,ama adaa karsan kara , bariiskaas cad waad ku gaajo beelaysaa , waadnad noolaatay,
ii) Sidoo kale waxaad aadi kartaa ambassador hutel ama maansour hutel ama inta la midka ah, waad ka soo qadayn kartaa , gaajadiina waad kusoo reebi kartaa , waanad noolaatay.
Labadaasi maxay ku kala duwan yihiin .
Ka hore waa asaasi , inaad heshaa ama wax lamida (needs),
Ka danbe waa faaka haysi (wants).ama rabitaan.
Labadaas dowladu waa inay masuuliyad gaara iska saartaa aasaasiyaadka , waxa la xakamayn karaa sicirkooda , cashuurta waa laga yareeyaa , waa la kaabaa, waxa la dajinayaa waxa loo yaqaan (National Pricing Policy of Essential Commodities) , laakiin faakahaysiga dowladu xaq uma laha inay xakamayso ee waa inay cashuurtaa uun.
Si markaas looga hor tago sicir bararka asaasiyaadka nolosha bulshada waa in la abuuraa qaanuunkan ,
7. Sharciga ilaalinta asaasiyaadka nolosha bulshada (Essential Commodities Act ):
Iyo sharciga kale ee kaabaya kaas una dhaxaynaaya iibiiyaha iyo iibsadaha oo dowladuna ku dhextaagnaan doonto labadooda , qaybna ka qaadanaaya xakamaynta ganacsatada bulshada wax u keena.
8. Sharciga ilaaliyaha macmiilka (Consumers Protection Act).
Intaas waa talaabooyinka hada suuragalka ah ee la qaban karo .
Waxaan aaminsanahay hadii laysla helo , aqoon ,dowladnimo xilkasa oo ku dhisan ilaalinta nolosha bulshada iyo shacab garab gala, in la xalin karo dhibaatada sicir bararka ee dalka naafaysay.
Shaqadan waxaa qayb weyn kuleh wasaarada ganacsiga oo aad moodid inaanay iyaduvgaranahaynba kaalinteeda , wali iyadoo ka hadlaysa maan maqal mana dareemin.
Waan soo bandhigi doonaa insha allah.
Fiiro gaara:
Waan soo koobay , gaar ahaan shuruucda ugu danbaysa iyo sida loo marayo , ciday masuuliyadaasi saarantahay , masuliyada la dagaalanka iyo xakamaynta sicir-bararka cida dowlad ahaan ay waajib ku tahay ama saarantahay , meelaha ay iskaga iman karaan shaqo ahaan ,wasaarada ganagsiga ee dalka iyo siday u gabtay wajibaadkeedii nololeed ee bulsho ee saarnaa , maaliyada la mid , waxaas oo dhan ayaa mowduucan soo dhex galaaya ,loona baahanyahay in bulshada loo iftiimiyo . La soco qaybta danbe.
Abdirashid Hussein Yusuf ( Gahaydhle)
Email: Gahaydhle @live.com,
Doha, Qatar.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live