Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Two dead, 3 wounded in separate explosions in Mogadishu

$
0
0

At least two people were confirmed dead and three injured in two separate landmine explosions reported in Mogadishu on Monday morning.
The first explosion targeted a vehicle in Odweyne area in the capital’s northern Deynile district, killing at least two people, according to eyewitnesses.
The second blast which also resulted from a remote-controlled roadside bomb has occurred at the industrial road and the details of casualties are not yet known.
There was no immediate claim of responsibility for both explosions in Mogadishu which took place a day after a car bomb attack outside the Interior Ministry compound killed at least 4.
Al Shabaab has claimed the suicide car bombing targeting the security checkpoint at Sayidka junction, a busy road lined with government buildings, including parliament house.
The post Two dead, 3 wounded in separate explosions in Mogadishu appeared first on Shabelle.


Two dead, 3 wounded in separate explosions in Mogadishu

$
0
0

At least two people were confirmed dead and three injured in two separate landmine explosions reported in Mogadishu on Monday morning.
The first explosion targeted a vehicle in Odweyne area in the capital's northern Deynile district, killing at least two people, according to eyewitnesses.
The second blast which also resulted from a remote-controlled roadside bomb has occurred at the industrial road and the details of casualties are not yet known.
There was no immediate claim of responsibility for both explosions in Mogadishu which took place a day after a car bomb attack outside the Interior Ministry compound killed at least 4.
Al Shabaab has claimed the suicide car bombing targeting the security checkpoint at Sayidka junction, a busy road lined with government buildings, including parliament house.
storvideo: 

Amiirka Qadar oo wadahadallo xasaasi ah la leh...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Amiirka dalka Qadar Sheikh Tammiim Bin Hamad Al-Tani ,ayaa maanta dalka Raashiya wadahadal kula leh Madaxweyne Vladamir Putin ,kadib markii uu shalay gaaray dalkaasi.
Kulanka maanta ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa qodobo ay ka mid yihiin xal u helidda dagaalada ka socda dalka Suuriya,aruimaha ka taagan dalka Yemen iyo xaaladda ay ku sugan yihiin dadka reer Falastiin
Safarka Sheikh Tamim ee dalka Raasjiya waxaa ka horeeyay Taleefan dhinaca khadka isgaarsiinta ah oo horaantii bishaan dhexmaray madaxweyne Putin iyo dhaxal sugaha Abu Dhabi Prince Mohammed bin Zayed iyo sidoo kalemid bishii Febraayo lala yeeshay boqorka Sacuudiga Salmaan.
Putin iyo Sheikh Tamim waxaa ay sidoo kale ka wadahadli doonaan mowqifka xuuumadda Mosko ee madaxweyne Bishaar Al-asad,taageerda Qadar ay u fidiso mucaaradka uuriya iyo suurtogalnimada sida Qadar ay uga qeybgali karto dib u dhiska dalka Suuriya.
Ruushka ayaa loo maleeyaa ama u muuqda mid dhexdhexaad ka ah xiisadaha ka taagan Gacanka,hasa yeeshee sanadkii tagay waxa uu dalka Qadar ka caawiyay dhinaca raashinka ku raran maraakiibta ee laga dajiyay dekedaha dalkaasi,kadib kolkii wadasmada khaliijka ay cunaqabateyn ku soo rogeen Qadar.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleShacabka Masar oo maanta u dareeray doorashada madaxtinimo

storvideo: 

Daawo/Degdeg: Ganacsatada reer Boorama oo...

$
0
0

Daawo/Degdeg: Ganacsatada reer Boorama oo Mudaaharaad Saldhigiisu yahay Cabashada Sixir bararkii oo Sii labanlaabmay ka dhigay magaalada Boorama Iridahana u xidhay Meheradihii Ganacsigooda
[embedded content]
storvideo: 

Wasiir Qarjab”Cid madax-bannaani ma jirto”

$
0
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Isgaarsiinta Hiddaha iyo Dhaqanka dowladda Puntland,Cabdi Xirsi Cali(Qarjab) oo maanta hadal ka jeediyay munaasabad lagu qabtay magaalada Garoowe ayaa ka digay in ereyga"madax-bannaani" si qaldan loo adeegsado.
Wasiirka ayaa sheegay in aysan jirin cid ka madax-bannaan Sharciga iyo Diinta oo wax walba sameyn karta,isagoo ka digay in kelmadda si qaldan dalka loogu dhibaateeyo"Kelmaddaan horta madax-bannaanidu, dhibaato badan bay dalka u keentay. Aniga Cabdi Xisir ah haddaan iraahdo waa madax-bannaanahay,ma madax-bannaani,cid madax-bannaanna ma jirto,sharciga Ilaahayna qofka ma madax-banneyn",ayuu yiri Qarjab.
Mudaane.Qarjab ayaa sidoo kale sheegay in cid kasta u baahantahay sharci haga oo wixii qaldan ka qabta,haddii taasi la waayana ay umaddu la mid noqonayso sida xoola,islamarkaana noloshooda ay jiho la'aan ku soconayso.Halkaan ka daawo Qarjab.
PUNTLAND POST
The post Wasiir Qarjab"Cid madax-bannaani ma jirto" appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

R/W ku-xigeenka dalka oo ka qeyb galay Munaasabad...

$
0
0

Muqdisho(SONNA);- Ra'iisalwasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Avv. Mahdi Mohamed Gulleid (Khadar) ayaa maanta ka qayb galay munaasibad lagu xusayay Sanadguuradii 48-aad ee kasoo wareegtay Aasaaskii xarumihii Daryeelka Agoonta iyo Saboolka Soomaaliyeed oo ka dhacday Xarunta Taliska Ciidamadda Asluubta ee magaaladda Muqdisho.
R/Wasaare xigeenka dalka, Wasiiro, Gudoomiyaha gobolka Banaadir, Taliyaha Ciidamadda Asluubta iyo Madax kale ayaa ka qayb gashay Munaasibadaasi.
Ra'iisal wasaare ku-xigeenka Avv. Mahdi Mohamed Gulleid (Khadar) oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in siyaasadda taageerida iyo taakulaynta Carruurta Agoonta ah ee Soomaaliyeed uu Dawladda ku hogaaminayo Madaxweynaha Dalka Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo.
"Farxad weyn ayay ii tahay inaynu maanta markale daahfurayno Xarumihii Daryeelka Agoonta iyo Saboolka, waxay tani tusaale u tahay horumarka dhinaca nabadda aynu ka gaadhnay iyo inaynu u fikirayno in carruurteena agoonta ahi helaan daryeel ku filan. Waxaynu ku shaqaynaynaa siyaasadda uu inagu hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo oo ah in loo gurmado dadweynaha Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan guud ahaan caalamka lana taakuleeyo oo la taageero bulshaweynta Soomaaliyeed ee gudaha ku tabaalaysan." Ayuu yiri R/W ku-xigeenka Soomaaliya Md Mahdi.
R/w ku-xigeenka ayaa sheegay in Dawladdu ka jawaabayso codsiga Taliyaha Asluubtu ku sheegay in taageero lagu siiyo daryeelka carruurta Agoonta ah ee Soomaaliyeed wuxunna yiri; "Xukuumaddu waxay aqbashay dhawaaqii Taliyaha Asluubta ee ahaa in la taageero agoonta lagana qayb qaato daryeelkooda, waxaynuna ka wada shaqayn doonnaa in miisaaniyad iyo kharash loo qoondeeyo."
Ra'iisal wasaare ku-xigeenka Dalka oo hadalkiisa sii wata ayaa ku dhawaaqay in Mushaharkiisi bishan Maarso uu shaqsiya ku taageerayo carruurta Agoonta ah ee Soomaaliyeed.
"Shaqsiyan ka R/W ku-xigeen ahaan waxaan bishan Maarso Mushaharkaygii ugu deeqay Caruurta agoonta ah ee Soomaaliyeed, si aynu isugu dhiirigelino daryeelka carruurta Agoonta ah." ayuu yiri R/W ku-Xigeenka Soomaaliya Mahdi Mohamed Gulleid.
,
storvideo: 

Golaha Wasiiradda oo Fadhi aan caadi ahayn ku...

$
0
0

Hargeysa(Waaheen) Golaha Wasiiradda Somaliland ayaa la filayaa maanta inay fadhi aan caadi ahayn ku Ansixiyaan Miisaaniyad sanadeedka 2018-ka, taasoo muddo laba jeer ah laga celiyey Golaha Wasiiradda si wax ka bedel loogu soo sameeyo.
Toddobaadkii ugu danbeeyey ayey Golaha Wasiiraddu dib ugu celiyeen wasaaradda Miisaaniyadda Buuga Odoroska Miisaaniyadda, kadib markii aragtiyo kala duwan ay Golaha wasiiraddu ka bixiyeen Miisaaniyadda, taasoo sababtay in dib loogu celiyo wasaaradda iyo Guddida Miisaaniyadda.
sidoo kale, Toddobaadkii ka sii horeeyey ayey Golaha Wasiiraddu dib ugu celiyeen wasaaradda Maaliyadda sidan oo kale, kadib markii sida la sheegay Doodii ay ka yeesheen ay ku arkeen inaanay ka muuqan mashaariicdii horumarinta ee uu Madaxweyne Muuse Biixi ku baaqay.
Ansixinta Golaha Wasiiradda kadib waxa ay Miisaaniyaddu si dhakhso ah ugu gudbi doontaa golaha Wasiiradda si ay iyaguna u ansixiyaan inta aanay dhamaan Bisha March, hase yeeshee waxa la filayaa inay Dood ka gali doonaan Miisaaniayadda 2018-ka oo sida muuqata aanay guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiiladdu aanay wax ba ka ogayn samaynteeda, halka Xukuumaddihii hore ay wasaaradda Maaliyaddu kala tashan jirtay xildhibaanada qaarkood si ay Ansixinteedu ugu fududaato.
Miisaaniyad sanadeedka 2018-ka ayaa la filayaa inay ka badato tii sanadkii 2017-kii qiyaas ahaan Boqol kun oo Milyan, walow walaac weyn laga qabo dakhliga soo xeroon doona, duruufaha dhaqaale xumo ee ka jirta dalka iyo ganacsiga oo hoos u dhacay darteed.
sidoo kale, Miisaaniyad sanadeedka 2018-ka ayaa sida ay saadaalinayaan khubarada dhaqaalaha ee dalku waxa ay farta ku go'dayaan inay saamayn ku yeelanayso Dayn farabadan oo ay Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo ku wareejisay Xukuumadda Muuse Biixi, taasoo wali huursan wasaaradda Maaliyadda dhexdeeda.
storvideo: 

Guddoomiyaha G/Banaadir oo xariga ka jaray Xarun...

$
0
0

Muqdisho(SONNA);- Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) ayaa si wadajir ah xariga uga jaray xarun cusub oo uu yeelanayo Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka,waxaana munaasabada xariga jarka goob joog ka ahaa Mas'uuliyiin ka socotay Hay'adda Qaramada Midoobay ee UNOPS oo hirgelineysay mashruuca dhismaha xaruntaan.
Muhiimada dhismaha xaruntaan ayaa waxay tahay sidii loogu adeegi lahaa Shacabka Soomaaliyeed iyo in Guddiga uu helo xarun ay si rasmi ah ugu shaqeeyaan,maadaama ay u yaalaan howlo badan,taasi oo ah in dalka ay ka dhacdo doorasho Qof iyo cod ah sanadka 2020-ka.
Madaxa Mashruuca Hay'adda UNOPS oo fulineysay dhismaha ayaa sheegay in tani ay qeyb ka tahay horumarka ay ku talaabsanayaan Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha xisbiga Midnimada Jamhuuriga Maxamed Nuur ayaa ku bogaadiyay Guddiga shaqada ay hayaan loogana baahan yahay in ay horey usocdaan.
Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo iyadane ka hadashay munaasabada xarig jarka ayaa uga mahad celisay Dowladda Soomaaliyeed oo dhulka siisay sidoo kale sheegtay in ay fududeyn doonta howlaha loo ikmaday." Runtii marka doorasho la qabanayo waxaa loo baahan yahay goob lagu shaqeeyo maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay'adda UNOPS waxaana uga mahad celineynaa dhismaha xaruntaan oo muhiim u ah howlaha adag ee horyaala Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka,waxaana aamisanahay in haddii ay dhacdo doorasho xor ah in Shacabka Soomaaliyeed ay dooran doonaan mudanaha ay aaminsan yihiin",ayay tiri Xaliimo Yareey.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan (Enjineer Yariisoow) ayaa xusay in si ay doorasho uga dhacdo dalka loo baahan yahay in Guddiga uu helo meel ku haboon si ay u qabtaan shaqo hufnaan leh." Dowladda Federaalka iyo Hay'adaha caalamka waxaa laga rabaa si doorasho hal qof iyo hal cod u dhacdo ,kow waxaa lagu tijaabinayaa sida Guddiga doorashooyinka xaruntoodii loogu heli lahaa xarun u qalanta loogu dhisi lahaa si Hay'adda ay u noqoto Hay'ad jirta,runtii Guddiga waxaa ugu mahad celineynaa dadaalkooda iyo mudadii Guddiga uu soo jiray ee daruufaha adag ku shaqeyneyseen iyo sidaad u shaqeyseen sidaad u diyaariseen barnaamijkii doorashooyinka hadana aad ku jirtaan nuuca doorasho ee Soomaaliya qaadan lahayd daraasadeeda," Ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir .
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliya ayaa hada ku shaqeeya xarumo ku meel gaar ah, hase yeeshee xaruntaan ayaa wax badan ka bedeli doonto markii ay dhamaato dhismaheeda shaqada adag uu guddiga u haayo shacabka Soomaaliyeed.
storvideo: 


Qatar Oo ku baaqday in loo midoobo dagaalka Al Shabaab

$
0
0

Tokyo ( Sh. M. Network )-Wasiirka Arrimaha dibada ee dalka Qatar Dr Mutlaq Bin Majed Al-Qahtani oo Qayb galayay shirkii 13-aad ee la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada oo lagu qabtay dalka Japan ayaa sheegay in Qatar ay ka go,an tahay la dagaalanka kooxahaasi.
Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Qatar ay diyaar u tahay sidii looga guuleysan lahaa kooxahaasi, ayna muhiim tahay in loo midoono.
Sidoo kale intii u socday kulankaasi Qatar waxa ay ku soo bandhigtay aragtideeda ku aadan la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada, waxaana ay sheegtay in kooxahaasi ay ka faa'iideyteen khilaafka, kala duwananshaha iyo loo lanka ka jira dalalka Yemen, Somalia, Libya, Syria, Iraq iyo Afghanistan.
Dowladad Qatar oo xariir dhow la leh dowladad federaaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore sheegtay in Soomaaliya ay ka taageereyso la dagaalanka Xarakada Al Shabab.
storvideo: 

Kheyre Oo shir dib u heshiisiin ah ka furay Muqdisho

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirka dib u heshiisiinta beelaha Walaalaha ee dega degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ah Ra'iisal wasaare Xasan Cali Kheyre,Guddoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi,madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan,Xildhibaano iyo Odayaal dhaqameed ka soo jeeda magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Waxaana ujeedka ugu muhiimsan ee shirka uu yahay sidii dib u heshiisiin rasmi ah loo kala dhex dhigi lahaa Beelaha dega degmadaasi.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii dib u heshiisiin rasmi ah loo kala dhex dhigi lahaa Beelaha Soomaaliyeed ee dagaalada kala geeyeen si nabad ay ugu wada noolaadaan.
storvideo: 

Daawo: ” Dawlada Hoose iyo Garsoorka Waxaa ka...

$
0
0

Daawo:" Dawlada Hoose iyo Garsoorka Waxaa ka dhexeeya Sida Dhulka " Gudoomiyaha Maxakamada sare oo ka waramayaa in Burburkii Dawladii siyaad bare wax badan ay raaceen
[embedded content]
storvideo: 

shabaab oo sheegatay dilka Sarkaal katirsan...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Boosaaso-(Caasimadda Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in rag ku hubeysan bistoolado ay bartamaha magaaladaasi ku dileen askari ka tirsan sirdoonka Puntland.
Dilkaan ayaa wuxuu ka dhacay Bartamaha Magaalada Boosaaso, kadib markii dabley hubaysan qaybaha sare ee jirka ay ka toogteen Shiine Maxamed oo ah Sarkaal ka tirsan ciidanka Puntland.
Sarkaalka la dilay ayaa la shaqeynaayay ciidanka Sirdoonka Puntland, waxaana masuuliyadda dilkiisa sheegtay Al Shabaab oo dilal qorsheysan ka gaysato Magaalada Boosaaso iyo deeganada Puntland.
mararbadan ayaa Boosaaso waxaa ka dhacay dilal noocaan oo kale ah iyo qaraxyo Shabaab iyo Daacish ay sheegteen masuuliyadooda.
Ciidamada Puntland oo gaaray halka uu dilkan ka dhacay ayaa weli wada howlgallo ay ku baadigoobayaan ragga falkaasi ka dambeeyay.
Ammaanka Boosaaso ayaa maalmihii ugu dambeeyay soo hagaagayey, iyadoo marar badan ay dilal sidan oo kale ah ka dhaceen.- OnlineXafiiska Boosaaso-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Daawo: Madaxweynaha Somaliland Oo Si kadiso ah u...

$
0
0

Daawo: Madaxweynaha Somaliland Oo Si kadiso ah u booqday Dawlada Hosoe Ee Hargaysa Daahna Furay Xafiiyadoodii oo ay dib u habayn ku sameeyeen

[embedded content]
storvideo: 

Somaliland Oo Xidhiidhka U Jaraysa Dhamaan Hay’adaha...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter

Hargeya (Waaheen) Xukuumadda uu Hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa diyaarisay qorshe ay cawda ugu jarayso dhamaan Hay'addaha UN-ka ee Somaliland ka hawlgala ee Xafiisyada ku leh Magaalada Hargeysa,Waxaana Arintaasi loo saaray Gudi uu Gudoomiye ka yahay Madaxweyne ku xigeenku,kuwaasi oo dhawaan la sheegay inay soo saarayaan qorshe ay dalka kaga tarxiilayaan Dhamaan wixii Hay'adda UN-ka ah ee dalka ku sugan.
Sida warbixintani aanu ku helnay Waxa uu Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu dhawaan Arintani u saaray gudi uu Gudoomiye uga dhigay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),islamarkaana ay Xubno ka yihiin Dhawr wasiir oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Sacad Cali Shire,Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Cabdilaahi Abokor,Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Cawaale Ibraahim Shirwac iyo Mareeyaha Hay'adda Duulista Somaliland Cabdi Maxamed Rodol iyo Xubno kale kuwaasi oo maalmihii u dambeeyay kulamo ka yeelanay talaabo la sheegay inay Xukuumadda Somaliland la maagan tahay inay dalka kaga saarto dhamaan Hay'addaha UN-ka ah ee Dalka Somaliland ku sugan.
Lama garanayo sababta ay Xukuumadda Somaliland go'aankan adag u qaadanayso,mana jiro war rasmi ah oo Hay'addaha Dawlada ka soo baxay oo arintani faah faahinaya balse waxa ay illo-wareedyo lagu kalsoon yahay Wargeysa Foore u xaqiijiyeen inay Xukuumadda uu hogaaminayo Muuse Biixi intii ay Xilka haysay aanay la dhacsanayn Shaqada Hay'addahani, islamarkaana ay aad ugu fiirsanaysay qaabka ay Hay'addaha UN-ku ula macaamilaan Somaliland iyo faa'iida ay Somaliland ku qabto waxaanay arintaasi keentay in Gudi loo saaro. Waxa sidoo kale ay Xukuumadda uu hogaaminayo Muuse Biixi ka biyo diiday Qaabka xaqiraada leh ee uu Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Micheal Keating ula macaamilo Somaliland iyo sida uu u qariyay ee aanu ugu soo darin khudbadiisii uu sanadkan bilawgiisii ka jeediyay fadhigii Qaramada midoobay Jan 25, 2018,doorashadii Madaxtooyada ee taariikhiga ahayd ee Somaliland ka qabsoontay.
Warar kale ayaa sheegaya in Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Maamulista Hawada Somaliland iyo Soomaaliya ee ICAO ay dhawaan u guurayso Muqdisho islamarkaana ay si rasmi ah uga xamaan guranayso Magaalada Nairobi oo ay mudo dheer hawsha ka waday,iyadoon wax wada tashi ah kala yeelan Dawada Somaliland, waxaanay arintaasi sida la sheegay si xoojisay kalsoon darada Somaliland ka qaadatay Hay'addaha UN-ka iyo wada shaqaytooda. Arintan la sheegay inay Somaliland dalkeeda ka saarayso Hay'addaha UN-ka ayaa waxa garab socda in sidoo kale la joojiyo dhamaan Duulimaadyadii ay Diyaaradaha UN-ku ku iman jireen ama ku soo mari jireen guud ahaan Hawada dalka Somaliland. Hay'adda ICAO ayaa sida la sheegay bishan 29-keeda u guuraysa Muqdisho,halkaasina doonaysa inay ka maamusho Hawada Somaliland iyo Soomaaliya.
Source:- Foore
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleGolaha Wasiiradda oo Fadhi aan caadi ahayn ku Ansixin doona Miisaaniyadda 2018-ka oo laba jeer Dib u dhacday

storvideo: 

Daawo: Gudoomyaha Baarlamaanka oo Sheegay in uu...

$
0
0

Daawo: Gudoomyaha Baarlamaanka oo Sheegay in uu isugu yeedhaayo Golihiisa Si ay uga doodaan Mooshinkii Dawladaha hoose
[embedded content]
storvideo: 


Daawo Video:-Xildhibaanada difaacaya Gudoomiye...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho,waxaa Isniinta Maanta ah ku shiray xildhibaano gaaraya ilaa 100 kuwaas oo la magac baxay gudiga badbaadada Baarlamaanka,waxana kulanka shir gudoomiyey ra'iisul Wasaare ku xigeenhii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib.
Kulanka ayaa waxa ay uga hadlayeen warkii qoraalka ahaa ee ka soo baxay gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaah Shacabka kaas oo uu ku iclaamiyey in 31 maarso la qabto kulanka codka loogu qaadayo mooshinka laga gudbiyey gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Xildhibaanadaan ayaa kulankooda waxa ay ka soo saareen baaq ka koobnaa dhowr qodob iyaga oo ku eedeeyey gudoomiye Cabduweli Ibarahim muudeey in uusan dhex dhexaad ka aheyn xaalada mooshinka,isla markaana uu la saftay xildhibaanada mooshinka ka gudbiyey Gudoomiye Jawaari.
Waxa ay sidoo kale dalbadeen in si deg deg ah loo qabto kulanka Guddiga joogtada ah,isla markaana gudiga Aqalka sare ee xalinta khilaafaadka ay qeyb ka noqdaan,iyaga oo sidoo kale taageeray baaqii shalay ka soo yeeray gudigaas.
Xiisada ka dhalatay mooshinkii laga gudbiyey guoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sii xoogeystay,waxana hadda soo baxay khilaaf horleh oo u dhaxeeya gudoonka Golaha shacabka.

SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleAkhriso:-Isku-Shaandheyn Lagu Sameeyey Maamulka Gobolka Hiiraan

storvideo: 

Daawo: Buundada Geeldoox Oo isku xidha Gobolada...

$
0
0

Daawo: Buundada Geeldoox Oo isku xidha Gobolada Nogob, Erer Iyo Waliba Afdheer Oo Maanta Xadhiga Laga jaray loona isticmaali doono isusocodka Goboladaasi
[embedded content]
storvideo: 

Xildhibaanada Qabyo oo Jawaari ku qalqaalinaya in...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Kadib markii shalay Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka uu muddeeyay Xilliga rasmi ah ee la qaadayo mooshinka ka yaala Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa bilawday guux badan oo ku aadan sida Guddoomiye Jawaari uga badbaadi karo Mooshinkaas.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada ku aragtida ah Guddoomiye Jawaari ayaa rajo xumo ka muujiyay mustaqalka Guddoomiyaha mooshinka laga keenay, waxa ayna u sheegeen in xaalku uu adkaan karo oo ay macquul tahay in uu codka kalsoonida waayo Jawaari marka uu Sabtiga hortago Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Wararkii ugu dambeeyey ee ku saabsan Mooshinka ayaa sheegaya in Xalay ay kulan Xasaasi ah yeesheen Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaanada Qabyo oo uu hoggaaminayay Xildhibaan Faarax Sheikh C/qaadir waxaana wehlinayeen ilaa toban kale.
Xildhibaanada Qabyo ayaa horey Guddoomiye Jawaari ugu kalsooni galiyay in ay difaaci doonaan balse xalay Ajandaha ayaa kaas ka duwanaa, waxaana ay usoo jeediyeen in ka hadlo warbaahinta oo uu ka hor yimaado in uu Baarlamaanka hortago 31 March, waxa ayna u caddeeyeen haddii uu go'aankaas qaadan waayo in aysan difaac u noqon Karin oo uu Xilkiisa wayn doono.
Guddoomiye Jawaari hadda waxaa u banaan in uu u hoggaansamo sharciga oo uu Sabtiga soo xaadiro iyo in uu ka hor yimaado oo uu qaato talada Xildhibaanada Xalay u tagay siiyeen, waxaana isha lagu hayaa kulanka afar Maalin kadib qabsoomi doona.
Saacadihii ugu dambeeyey waxaa Magaalada Muqdisho kusoo qulqalayay Xildhibaano badan oo fasax uga maqnaa dalka kuwaas oo doonaya in ay ka qeybgalaan kulanka Baarlamaanka ee 31 Marso ee lagu qaadi doono Mooshinka in kabadan 100 Xildhibaan ay ka keeneen Guddoomiyaha Baarlamaanka.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Madaxweynaha Puntland oo kulan laqaatay Hay’adaha Ka...

$
0
0

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta waxa uu shir guddoomiyey kulan ay soo qaban qaabisey Wasaaradda Qorsheynta Puntaland oo ka dhacay xarunta Wasaaradda maaliyada ee Dowlad Goboleedka Puntland. kulankan maanta oo lagula xisaabtamayey Hay'adaha Caalamiga ah, kuwa dowliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn (NGO) ee ka hawlgala deeganada Puntland. [...]
storvideo: 

Guddoomiyaha G/Banaadir oo xarigga ka jaray Xarun ay...

$
0
0

Muqdisho(SONNA);- Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) ayaa si wadajir ah xariga uga jaray xarun cusub oo uu yeelanayo Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka,waxaana munaasabada xariga jarka goob joog ka ahaa Mas'uuliyiin ka socotay Hay'adda Qaramada Midoobay ee UNOPS oo hirgelineysay mashruuca dhismaha xaruntaan.
Muhiimada dhismaha xaruntaan ayaa waxay tahay sidii loogu adeegi lahaa Shacabka Soomaaliyeed iyo in Guddiga uu helo xarun ay si rasmi ah ugu shaqeeyaan,maadaama ay u yaalaan howlo badan,taasi oo ah in dalka ay ka dhacdo doorasho Qof iyo cod ah sanadka 2020-ka.
Madaxa Mashruuca Hay'adda UNOPS oo fulineysay dhismaha ayaa sheegay in tani ay qeyb ka tahay horumarka ay ku talaabsanayaan Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo iyadane ka hadashay munaasabada xarig jarka ayaa uga mahad celisay Dowladda Soomaaliyeed oo dhulka siisay sidoo kale sheegtay in ay fududeyn doonta howlaha loo ikmaday." Runtii marka doorasho la qabanayo waxaa loo baahan yahay goob lagu shaqeeyo maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay'adda UNOPS waxaana uga mahad celineynaa dhismaha xaruntaan oo muhiim u ah howlaha adag ee horyaala Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka,waxaana aamisanahay in haddii ay dhacdo doorasho xor ah in Shacabka Soomaaliyeed ay dooran doonaan mudanaha ay aaminsan yihiin",ayay tiri Xaliimo Yareey.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan (Enjineer Yariisoow) ayaa xusay in si ay doorasho uga dhacdo dalka loo baahan yahay in Guddiga uu helo meel ku haboon si ay u qabtaan shaqo hufnaan leh." Dowladda Federaalka iyo Hay'adaha caalamka waxaa laga rabaa si doorasho hal qof iyo hal cod u dhacdo ,kow waxaa lagu tijaabinayaa sida Guddiga doorashooyinka xaruntoodii loogu heli lahaa xarun u qalanta loogu dhisi lahaa si Hay'adda ay u noqoto Hay'ad jirta,runtii Guddiga waxaa ugu mahad celineynaa dadaalkooda iyo mudadii Guddiga uu soo jiray ee daruufaha adag ku shaqeyneyseen iyo sidaad u shaqeyseen sidaad u diyaariseen barnaamijkii doorashooyinka hadana aad ku jirtaan nuuca doorasho ee Soomaaliya qaadan lahayd daraasadeeda," Ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir .
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliya ayaa hada ku shaqeeya xarumo ku meel gaar ah, hase yeeshee xaruntaan ayaa wax badan ka bedeli doonto markii ay dhamaato dhismaheeda shaqada adag uu guddiga u haayo shacabka Soomaaliyeed.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live