Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Tirinta codadka doorashada Sierra Leone oo bilaabatay

$
0
0

Waddanka Sierra Leone waxaa ka bilowday tirinta codadka wareegga labaad ee doorashada sida dhaw loogu loolamayay ee madaxtinimada.


Tirinta codadka doorashada Sierra Leone oo bilaabatay

$
0
0

Waddanka Sierra Leone waxaa ka bilowday tirinta codadka wareegga labaad ee doorashada sida dhaw loogu loolamayay ee madaxtinimada.
Doorashadan ayaa la qabanqaabiyay kaddib markii wareegii koobaad ay musharaxiinta 16-ka ah ay ku guuldarreysteen in midkoodna uu aqlabiyad helo.
Goobaha codbixinta ayaa si nabad ah ku soo xirmay markii laga reebo dhacdooyin goonni goonni ah oo ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Freetown.
Meel ka mid ah goobahaasi ayaa waxaa loo daadgureeyay ciidammo badan oo boolis ah si ay u kala kaxeeyaan taageerayaasha labada musharax, kuwaas oo isku haystay eedo ah saraakiil aanan ogolaansho haysan oo booqanayay goob dadka ay codkooda ka dhiibanayeen oo ku taal deegaanka Brookfields.
Deegaanka Lumley ee dhinaca shishe ee galbeed ee magaalada, ayaa waxaa laga maqlayay rasaas culus oo ay boolisku ridayeen kaddib markii la sheegay in goobta ay marayeen laba baabuur oo hub sidday.
Baangado ayaa waxaa laga dhex helay mid ka mid ah gawaaridaasi.
Afar qof oo laga shakisan yahay - oo dhammaantood ah taageerayaasha mucaaradka - ayaa xabsiga loo taxaabay.
Markii ay boolisku ku qaadayeen gawaaridooda ayaa waxa ay ku qaylinayeen waxaa naloo baacsanayaa waxa aannu rumeysannahay.
Waxaa aad u hoosaysay tirada dadka u soo baxay doorashada, oo goobaha qaar si tartiib tartiib ah ayey dadku u imanayeen.
Musharaxa mucaaradka Julius Maada Bio ayaa hoos u dhaca tirada waxa uu u aaneeyay inay ka dambeyso ciidammada badan ee la dhigay magaalooyinka.
Hasayeeshee madaxweynaha uu xilkiisa sii dhammaanayo Ernest Bai Koroma ayaa sheegay in tani ay caadi tahay markii la eego wareegga labaad ee doorashooyinka.
Natiijada doorashada ayaa lagu ogaan doonaa muddo todobaad ah, oo qofkii guulaystana waxaa lagu dhaarin doonaa 24 saacadood gudahood markii lagu dhawaaqo natiijada.
Waa markii ugu horreysay taariikhda Sierra Leone oo doorasho isxigta oo si dimuqraadiyad ah ku dhacday awoodda lagula kala wareego.
storvideo: 

Kenya suspends construction of Somalia border wall...

$
0
0

Kenya has suspended the construction of the 700 km security wall at the Mandera-Somalia border to quell tensions.
Governor Ali Roba said the decision came after a consultative meeting with the Somali team led by Gedo Governor Mohammed Mahamud.
"We have agreed to temporarily halt the construction and border securitization pending the fate of about 64 houses that lie directly on the border."
The houses had been marked for demolition to allow the construction.
Roba accused the Somali government of spreading propaganda concerning forceful evictions and the demolition of the houses.
"Our Somali brothers have been misinformed that Kenya is plotting to encroach on their land, a situation that has led to a standoff between KDF personnel supervising the project and residents of Bulahawa."
Mahamud said: "We have agreed to stop the plan and invite both sides to discuss key issues including what effects the fence will have on the people."
The Governor noted the two border communities have co-existed and that separation may result in negative socioeconomic impacts.
Last year, the government announced a plan to fast-track the construction of the wall aimed at blocking al Shabaab terrorists, who enter Kenya through the porous border.
Mandera County Commissioner Fredrick Shisia had said construction would resume in April, the project having stalled for close to two years. The wall will be manned by Kenya Defence Forces soldiers who are already on the ground.
Shisia said hot spots, including Fino, Omar Jillow and Arabia, will be shielded from frequent attacks, as they are less than 20km from the border.
The wall was to have a series of concrete barriers, fences, ditches and observation posts overlooked by CCTV stations stretching from the Indian Ocean to Mandera, where both countries converge with Ethiopia.
The government however resorted to using barbed wires.
The move saw a section of Somali MPs protest, terming the construction an "infringement on territorial integrity" and insisting Kenya had encroached on their land.
But President Uhuru Kenyatta defended the move saying there was nothing wrong with Kenya and Somalia establishing a common border entry point.
He added the wall will help check people who want to engage in activities which threaten peace in the two countries.
storvideo: 

Allah ha u naxariistee Abshir Muuse Siciid oo...

$
0
0

1st April 2018 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Allah ha u naxariistee waxaa magaalada London ee dalka Ingriiska ku geeriyoodey Eng. Abshir Muuse Siciid. Marxuuma ayaa xsanuunsanaa muddooyinkii danbe, 11 maarso ayuu dib ugu soo noqday Soomaaliya kadib markii xanuunku ku soo batey.
Eng. Abshir Muuse Siciid ayaa leh taariikh dahabi ah, waxa uu ka mid ahaan jirey ciidamadii Soomaaliya oo uu ka gaarey Korneyl, muddo dheer waxa uu ahaa Agaasimihii Wakaalada Konrontada ee Ummadda Soomaaliya, kadib burburkii Dowladdii Soomaaliya waxa uu kamid noqdey Hoggaankii gobolada Waqooyi Bari oo markaas ay ka talineysey jamhaddii SSDF oo mar noqdey guddoomiyaha Golaha dhexe ee Jamhadda.
Eng. Abshir Muuse waxa uu kamid ahaa asaasayaashii Puntland khaasatan kuwii dhigey dhagixii u horeeyey ee diyaariyey dhismihiisa, waxaa si weyn loogu xusuustaa waxqabadka ENEE oo kamid ah dhaxalka fara kutiriska ah ee ka harey Dowladdii hore ee markaas ku yimid saxiixisa, sidoo kale waxaa lagu xusuustaa sida loo maamuley ee ilaa maanta ay yihiin kuwo hormarsan.
Taariikhda Marxuum Eng. Abshir Muuse Siciid waxaad ka daalacan doontaan Horseed Media iyada oo faahfaahsan.
Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun, dhamaan bahda ALLSANAAG waxay tacsi u dirayaan qoyska reer Siciid Cismaan ee marxuumku ka baxay, iyo guud ahaan Ummada Soomaaliyeed, xaasaskiisi, caruurtiisi gaar ahaan Cismaan, Guuleed iyo Bashiir, rabbi ha u anxariisto Abshir Muuse Siciid waxa uu ka harey odoyaashii hore ee Soomaaliya ee u soo jogey taarikhda dalkaani soo amray.
Post navigation
- Duqa Degmada Bosaaso C/salaan Bashiir Oo Si Adag uga Hadlay Cid Iska Leh Masuuliyada Magaalada Bosaaso( Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka Tacsiyadeeyey Geerida Guddoomiyihii Hore ee Hay'adda PASAWEN ee Puntland. -
storvideo: 

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka Tacsiyadeeyey...

$
0
0

1st April 2018 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Allah hau naxariistee marxuun Eng. Abshir Muuse Saciid oo ku geeriyaaday xalay Dalka Ingeriiska Gaar ahaan Magaalada London.
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku hadlaya afka Goleyaasha Dawladda Puntland ayaa waxaa uga tacsiyaynayaa Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Shacbweynaha Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay marxuum Eng. Abshir Muuse Saciid.
Dhinaca kale marxuum Eng. Abshir Muuse Saciid ayaa waxaa lagu xasuustaa inuu ka mid ahaa hogaamiyeyaashii {SSDF} aasaasayaashii Dawladda Puntland iyo Maareeyihii hore ee wakaaladdii hore ee xooga korontada Soomaaliya {ENEE}.
Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa marxuumka marlabaad Allah uga baryey inuu u naxariisto, denbigiisana dhaafo, su'aasha qabrigana Allah sulansiiyo, samir iyo iimaanna uu kasiiyo eheladiisa iyo Guud ahaan shacabka Puntland.-DHAMMAAD-XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
Share this:
Post navigation
- Allah ha u naxariistee Abshir Muuse Siciid oo magaalada London ku geeriyooday
storvideo: 

Breaking: Several Ugandan soldiers feared dead in Al...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Several soldiers of AMISOM are feared to have been killed on Sunday after heavily armed Al-Shabaab militants stormed AU military base manned by Ugandan soldiers in Bulamarer town.
The attack in Bullamarer town which located 125km south of Somalia was confirmed by official and witnesses.
The assault was started with two car bombs which breached the defence at the Forward Operating Front Base (FOB) in Bulamarer town of Lower Shabelle region followed by heavy fighting.
Witnesses who spoke to the media said the militants entered the town after forcing their way through the checkpoints of the town.
The deputy governor of Lower Shabelle region, Ali Nur Mohamed who confirmed the attack said the militants were defeated by AMISOM troops.
Mohamed also confirmed casualties on both sides but said the exact figure was not immediately available.
The militants claimed to have killed 59 Ugandan soldiers and destroyed several armoured vehicles in the attack.
"At least 59 soldiers of Ugandan were killed in a well-executed attack by the mujahideen fighters, full information of the attack will be raised later," said the militants in a statement posted on Pro-Alshabab media.
AMISOM has not yet commented on the attack on its soldiers.
The attack would be the third assault on Uganda's military bases in Lower Shabelle region since the East African nation sent its troop to Somalia in 2007.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Trump oo ka soo horjeestay in sharci la siiyo...

$
0
0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waxaa uu sheegay in uusan jirin heshiis ay la galayaan xisbiga dimuqraadiga oo sharci lagu siinayo boqolaal kun oo qof oo aan heysan sharci ay ku joogaan dalka Mareykanka, kuwaasi oo Mareykanka la keenay iyagoo caruur ah.
Trump ayaa waxaa kale oo uu sheegay in barnaamijkan oo loo yaqaano DACA ay si khaldan u adeegsadeen tirada muhaajiriinta sharci darada ee sii kordhaya, waxaana uu ku edeeyay dalka Mexico inay dayaceen ammaanka xuduuda ay la wadagaan Mareykanka.
Trump sidoo kale ku booriyay xildhibaannada xisbiga Jamhuuriga ee aqalka Congres-ka inay meel mariyaan sharci adag oo looga hortagayo qulqulka muhaajiriinta.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa waxaa kale oo uu ku hanjabay inuu isaga bixi doono heshiiska ganacsiga xorta ee waqooyiga Mareykanka, hadii dowladda Mexico ay joojin weydo waxa uu uu yeeray daroogada laga keeno dalkeeda iyo qulqulka dadka.
Hadalka maadxweyne Trump ayaa imanaya, iyadoo uu sii xoogeysanayo wadaxaajoodka ganacsi ee u dhaxeeya Trump iyo dhigiisa Mexico Enrique Pena Nieto.
storvideo: 

Akhriso: Muuse Biixi oo wareegto ku magacaabay 24...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Hargeysa (- Online)-Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa magacaabay 24 mas'uul oo qeyb ka noqon doonta maamulka cusub ee Somaliland.
Xilalka uu magacaabay Hoggaamiye Biixi ayaa isugu jira Agaasimayaal, Safiiro iyo Gudoomiyayaal Gobol, waxaana ku jira wajiyo ku cusub Siyaasada maamulka.
Hoggaamiye Muuse Biixi, ayaa horay u sameeyay xil ka qaadis iyo magacaabis dhowr ah, waxaana xusid mudan in maamulka Biixi ay ku jiraan dhalinyaro ku cusub Siyaasada.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 


Qiimaha Diyaarada Jubba Airways ee Bossaso Dubai Oo...

$
0
0

2nd April 2018 admin Category :
Qiimaha Diyaarada Jubba Airways ee Bossaso Dubai Oo Galabta laga dhigay $500
Mudaharaadkii ay Shacabka Puntland kaga dhiidhiyeen qiimahii kala sooca degaanka Soomaaliyeed ee Jubba Airways, ayaa hadda maamulka Diyaaraddas waxay hoos u dhigeen qiimihii aan caqli galka ahayn oo ay dul dhigeen umadda reer Puntland.
Maamulka Jibba Airways ayaa galabta qiimha Jubba Aiways ee Boosaaso ilaa Dubai ka dhigay $500
Dhanka kale dadka u dooda xaquuqda gobolka Bari oo uu ka mid yahay Sakariye Isticmaar. ayaa ku doodaya in qiimaha diyaradda lagu soo celiyo intii uu horay u ahaan jiray oo ah $450

Degaan kala sooca Jubba Airways

storvideo: 

Aabahaa wuu dhintay

$
0
0

2nd April 2018 admin Category :
Telafishan si toos ah loo daawanayey, oo ay ka socotay ciyaarta isreeb reebka Game show, ayaa mid ka mid ah ka qayb galayaashii Ciyaarta waxa si kedis ahaana loogu sheegay in uu aabihiis dhintay.
Kanaalka Telafishanka Sacuudiga ee lagu magcaabo "Bedaya"- ayaa nin dhalinyaro ah, oo ka qayb gelayey ciyaarta game show, waxa la arkay isga oo muraaradilaacay oo hadba dhinac uga ordaya halkii uu fadhiyey ka dib markii ninka barnaamijka daadihinayey uu u sheegay in aabihiis dhintay.Abraahim Al- Awad wax yar ka bacdi waa dhacay oo suuxay

storvideo: 

Gudaha ka akhri masuuliyiinta uu maanta Muuse...

$
0
0

Halkan Ka Akhriso: Masuuliyiinta Maanta Madaxweyne Muse Biixi Magacaabay Iyo Beelahay Ka Soo Jeedan
Masuuliyiinta Maanta Muuse magcabay iyo Haybtooda
1. Cabdinaasir Axmed Xirsi Maxamed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah- Habar jeclo
2. Cali Xuseen Nuur Beegsi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga-samaroon
3. Dr. Axmed Cali Maax Warsame Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha-Arab
4. Mukhtaar Maxamed Cali Agaasimaha Guud ee Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha-Garxajis
5. Prof. Cabdi Nuur Axmed (Cabdi Guray) Agaasimaha Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha-Dhulbahante
6. Xuseen Maxamuud Maxamed Xasan Agaasimaha Guud Wasaaradda Cadaaladda- Habar Jeclo-
-7. Dr. Cismaan Xuseen Warsame Cabdi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska-Habarjeclo-8. Eng. Cabdiraxmaan Maxamed Muxummed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta-Ayuub
9. Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta-Habarjeclo
10. Maxamed Cilmi Aadan (Ilka Case) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska-Habar Awal
11. Cabdirisaaq Jaamac Nuur Naakhuude Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer-miyiga- Habarjeclo
12 Jamaal Cabdi Muuse Diiriye Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha-samaroon
13. Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil Bile Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda- Habar Awal
14. Cali Maxamed Cali Nuur Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka-warsangeli
15. Maxamed Xuseen Axmed Dhabbeeye Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka-Garxajis
16. Axmed Muuse Muruud Muxumed Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska-Habar Awal
17. Cabdikariim Xuseen Siciid Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha-Arab
18. Cabdillaahi Maxamed Xaaji Ducaale Safiirka Somaliland u fadhiya Midowga Africa- Habar jeclo
20. Axmed Cismaan Xasan Cilmi (Tima-cadde) Guddoomiyaha Gobolka Saaxil-samroon
21. Mustafe Cabdi Muuse Nuur Guddoomiyaha Gobolka Buuhoodle-dhulbahante
22. Khadar Baaruud Cumar Cabsiiye Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex Habar Awal
23. Maxamuud Ibraahin Axmed Ducaale (San-dheere) Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Saaxil-
24. Faysal Aw Jaamac Xirsi Xawte(Ilka-case) Guddoomiye Ku-xigeenka Hay'adda U-diyaar Garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka -Dhulbahante'
storvideo: 

Tottenham oo garaacday Chelsea

$
0
0

Kooxda Tottenham ayaa markii u horraysay ka badisay Chelsea muddo 28 sano ah.

Tottenham oo garaacday Chelsea

$
0
0

Tababaraha kooxda Tottenham Mauricio Pochettino ayaa "dagaalyahan" ku ammaanay Dele Alli ka dib markii uu labo gool u sixiixay kooxdiisa xilli xasaasi ah, arrintaas oo horseeday in naadiga lagu naanayso Spurs uu Chelsea ka badiyo markii u horraysay muddo 28 sano ah.
Alvaro Morata oo kubbad uu soo baasay Moses madaxa ku dhaliyay ayaa gooshii koobaad ee ciyaarta u dhaliyay Chelsea oo marti loo ahaa, laakiin waxaa goosha barbaraha keenay Christian Eriksen.
Intaas wixii ka dambeeyayna ciyaarta waxaa la wareegay Dele Alli oo labo gool sixiixay
Tottenham ayaa hadda ku jirta kaalinta afraad, waxayna siddeed dhibcood ka saraysaa kooxda Chelsea oo kaalinta shanaad ku jirta.
Dhanka kalana Dele Alli ayay goolashani muhiim u ahaayeen maadaama oo uusan si wanaagsan ugu dheelin xulkiisa England dhawr toddobaad.

  • Tababaraha Chelsea oo raaligalin bixiyay
  • Chelsea oo Mourinho iyo shaqaalihiisii siisay PS8.3m

Wuxuuna ku guulaystay in uu wax saamayn ah ku yeesho ciyaartii ay Netherlands kaga badiyeen 1-0ka isaga oo 22 daqiiqo ciyaaray, ciyaartii ay barbaraha 1-1ka ah la galeen Talyaanigana lamaba soo safin oo waxaa lagu iloobay kursiga badalka.
storvideo: 

Dagaal adag oo ka dhacay Kashmir

$
0
0

Ugu yaraan 20 ruux ayaa dhimatay 70 kalana dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii uu dagaal adag dhexmaray malayshiyo iyo xoogagga dawladda Hindiya.

Dagaal adag oo ka dhacay Kashmir

$
0
0

Ugu yaraan 20 ruux ayaa dhimatay 70 kalana dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii uu dagaal adag dhexmaray malayshiyo iyo xoogagga dawladda Hindiya ee ku sugan qaybta ay Hindiya maamusho ee Kashmir, weerarkaasina wuxuu dhacay Axaddii.
Afar ruux oo shacab ah ayaa dhimatay ka dib markii ay booliisku rasaas ku fureen dad mudaaharaadaya oo dhagaxaan tuuraya, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.
Saraakiisha ku sugan gobolka Kashmir een xasiloonayn ayaa sheegay in ay tahay dilkii ugu badnaa ee maalin gudaheed dhaca sannadihii dambe.
Kashmir waxaa saameeyay muran dhul oo u dhaxeeya Hindiya iyo Pakistan muddo tobannaan sano ahna dagaallo ayaa ka dhaca.

  • Indhaha ayay ku beeshay Kashmir, balse ma aysan rajo beelin
  • Hindiya oo Kashmiir ka xannibtay baraha bulshada

Shacabka marka laga soo tago waxaa kale oo geeriyooday ugu yaraan 3 askarta Hindiya ka tirsan iyo 13 ruux oo looga shakisan yahay in ay malayshiyada ka tirsanaayeen.
Qaar badan oo ka mid ah shacabka Kashmir ku nool waxay taageersan yihiin jabhadaha gooni ugoosadka raba, kuwaas oo doonaya in ay madaxbannaani helaan ama Pakistan ku darsadaan.
storvideo: 


Xildhibaanada Mooshinka kawada JAWAARI oo shaaciyay...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Xildhibaanada Mooshinka kawada Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa shaaca ka qaaday in weli uu taagan yahay Mooshinka laga wado Jawaari.
Xildhibaanada ayaa sheegay inaanu jirin wax la yiraahdo Tanaasul iyo dib uga laabasho Mooshinka, kadib markii ay tilmaameen inay ka miro dhalinayaan Mooshinka wakhtiga ka qaatay.
Xildhibaan Cabdi Cali Xasan oo ka tirsan baarlamaanka Somalia oo la hadlaayee Idaacada risaala ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Jawaari uu ku badbaadi karo keliya Iscasilaad.
Nuqul kamid ah hadalka Xildhibaanka ayaa ahaa ''Dadaalka socda micnuhu maaha in la hakinaayo Mooshinka ee waxaa la joojinayaa buuqa Mooshinkuna waa halkiisa''
''Anagu ka Xildhibaan ahaan Madaxweynaha nagalama hadlin arrinta Mooshinka, wuxuu la kulmay Guddoonka baarlamaanka oo kaliya si loo xaliyo buuqa ka dhex curtay''
Xildhibaan Xildhibaan Cabdi Cali Xasan, ayaa sheegay in Mooshinka Jawaari ay baarlamaanka horgeyn doonaan maalinta arbacada ah ee fooda nagu soo heysa, sida uu hadalka u dhigay Xildhibaanka.
Waxa uu sheegay in qorshaha uu ahaa in maanta oo Isniin ah uu furmo kulanka Golaha Shacabka balse ay soo korortay cilad farsamo, kadibna sidaasi uu ku baaqday kulanka, sida ay xaqiijiyeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.
Haddalka Xildhibaanka ayaa kusoo beegmaaya xili ay socdaan dadaalo lagu doonaayo in lagu qaboojiyo khilaafka, si loo sii ambaqaado Mooshinka.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Khayre iyo Jawaari Nabad iyo Nolol wixii dhaafay

$
0
0

Waxaan maqlay in aad beryahaan is haysataan oo waqti u helin in aad la socotaan Nabad iyo Nolol wixii Afrika ka dhacay usbuucyadii la soo dhaafay. Marka waan idiin soo uruuriyay maadama aad isku yara mashquusheen beryahaan.
Sadex shirkadood oo Itoobiyaan ah (Alfoz Plc, Rimon General Trading iyo Beal Livestock Exports) ayaa heshiis ay kala saxiideen dawlada Masar in ay u dhoofshaan 354,000 oo xoolo nool ah lacagtooduna tahay 2.4 billion lacagta birta ee Itoobiyaanka. Shirkado kelinka Soomaaliyeed kuma arag liiska in kastoo gobolkooda xoolaha laga soo aruurin doono.
Dalalka geeska Africa ee (Kenya, Tanzania, Uganda iyo Rwanda) waxaa ay canshuurtii ka dhaafeen soo dejinta calaf ka xoolaha la siiyo iyo waxyaabaha laga sameeyo ama lagu daro daaqa ama calafka xoolaha. Taa oo raqiis ka dhigi doonta hilibka, digaaga ukuntiisa iyo caanaha dalalkan. Ma laga yaabaa in ay xoolohoodu calaf raqiiska ah ee ay helayaan ay suuqa nagu cariirshaan taas oo wax u dhimi karta Nabadda iyo Nolosha Soomaaliyeed?
Kenya waxaa ay gashay kaalinta 9aad, halka ay Itoobiya ka gashan kaalinta 10aad dalalka soo jiidashada maalgashiga qaaradda Afrika taa oo ay soo saartay Shirkada Quantum Global reboortigeeda ugu danbeeyey ee African Investment Index 2018. Is qabqabsigiina siyaasadda iyo la dhaqanka shirkadaha ajnabiga ma laga yaabaa inuu Somalia ka sii durkiyo higsashada dawladaha deriska xaga soo jiidashada lacagaha maalgashiga dunida?
Bangiga Maalgashiga ee Europe (The European Investment Bank) (EIB) wuxuu ku dhawaaqay inuu ku bixin doono korontada Solarka (Qoraxda) lacag dhan 25 milyan oo European doolaar ah dalalka Ethiopia, Kenya, Nigeria, Tanzania iyo Uganda. Soomaaliya kuma aanan arag liiska, ma laga yaabaa raggii raadin lahaa soo jiidashada lacagtaas inay xoogaa luf lufa u doonteen dawladaha Carrabta ee deriska nala ah?
Waxaa isugu tagay dalka Ivory Coast magaala madaxdiisa Abidjan in ka badan 1600 madaxda shirkadaha ugu waaweyn Afrika iyo Dunidda kuwaas oo matalayey dalal ka badan 60 dawladood. Waxaa looga hadlay la iskuna weydaarsaday fursadaha ganacsiga eek a jira Afrika iyo sidii looga faa iideysan lahaa. Halkaa ma maqal nin madax ka ah shirkad Soomaaliyeed ama ka socda dawlada oo ka qayb galay. Ma laga yaabaa madaxdii shirkadihii Soomaalida sida uu mid walba u leeyahay canshuurta wasiir Beyle u diid, una raadso baarlamaaniyiin kuu xusul duubta in ay dhaaftay fursadii ganacsiga ugu weyneyd ee tobankan sano ee soo socda?
Waxaa heshiis dhexmaray Madaxweyne Filipe Nyusi ee Mozambique iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta in ay iska kaashadaan xaga ganacsiga macdanta, xoolaha, dalxiiska iyo khayraadka beeraha.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta wuxuu heshiis kula soo galay magaalada Havana ee dalka Cuba, dhigiisa Raul Castro inuu dhaqaatiir u soo diro si loo tayeeyo caafimaadka dalka Kenya. Waxaa igu maqaal ah in Cuba ay kaga horeyso xaga caafimaadka dalka Canada iyo Mareykanka marka meeshaas xikmad ayaa igala muuqata.
Dawlada Tanzania waxaa ay siisay 500 milyan doolaar ah shirkad Turkish ah lana yiraahdo Yapi Merkezi iyo Boortaqiis mid ah oo la yiraahdo Mota-Engil wadooyin isku xiri doona magaalooyinka Dar es Salaam ilaaa Morogoro (205km) iyo Morogoro ilaa Dodoma (422km). Waxaan maqlay in ay lacagtaan ka timid canshuurta laga qaaday ganacsata iyo shicibka Tanzania isla markaana aan la xadin. Ma laga yaabaa in Al Shabab ay weli dekeda liinta ka dhoofta canshuur ka qaataan? Ganacsatadeenuna maba diideen in ay wax bixiyaan?
Isku taga yurub (The European Union) (EU) wuxuu u soo daayey boqolkiiba 30 ka mid ah EU1.4 malyuun dawlada Tanzania si ay u horumariso soo saarka saliida geedka gabaldayaha (Sunflower Oil). Waxaa igu maqaalo ah in ay dawlada Tanzani tahay mid ka fogaatay musuqmaasuqa isla markaana dunidu ay aad iyo aad u taageerto beryahaan.
Hadaba inta aad mudane Jawaari iyo mudane Khayre iyo dhamaan kooxaha kala raacsan ay u soo jeesanayaan hawshii aan u soo dooranay, ugana han weyneyn, waxaan goostay in aan idiin soo dulmaro meesha ay wax marayaan geeska Afrika. Ragaas sidii aan u higsan lahayn weli idinka ayaa shacabku idinkaga fadhiyaa. Waa mahadsantihiin.Waxaa qoray Cali Cusmaan Cilmi ccusmaan@gmail.com oo jeclaanlahaa in madaxdiisu ku mashquusho Nabad iyo Nolol isla markaana isla shaqeeyaan.
storvideo: 

Erdogan calls Netanyahu ‘terrorist’, Israel ...

$
0
0

Turkish President Recep Tayyip Erdogan has slammed Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu over his comments targeting Turkey's ongoing military operation in the northwestern Syrian region of Afrin.
His remarks on Sunday came in response to Netanyahu's earlier comments rejecting Ankara's "moral lessons" over the Israeli army's killing of Palestinian protesters in Gaza, and labelling Erdogan as someone who "bombs Kurdish villagers".
"He says our soldiers are oppressing people in Afrin. Netanyahu, you are very weak, very poor," Erdogan told the ruling Justice and Development Party (AK Party) congress in the southern Adana province.
"We are dealing with terrorists, but you are not. Because you are a terror state," Erdogan added.
Calling the Israeli prime minister "an occupier" in Palestine, Erdogan said: "You are also a terrorist. History is recording what you have done to all those oppressed Palestinians ... We are not guilty of any act of occupation."
At least 17 Palestinians were killed and more than 1,500 were wounded on Friday when Israeli forces opened fire on "Land Day" protesters near the Gaza Strip's eastern border.
Land Day is an event commemorating six Palestinian citizens of Israel who were shot dead by Israeli forces after protesting the government's confiscation of large swaths of Palestinian land on March 30, 1976.
On Saturday, Erdogan "strongly" condemned "the Israeli government over its inhumane attack" in Gaza.
Friday's rallies were also the start of a six-week protest that culminates on May 15, the day the Palestinians call "Nakba," or the Catastrophe, when Israel was officially declared a state 70 years ago and more than 750,000 Palestinians were expelled from their homes.
The demonstrators are demanding that Palestinian refugees be allowed the right of return to towns and villages which their families fled from, or were driven out of, in 1948.
Turkey - together with the Syrian opposition Free Syrian Army (FSA) rebel group - last month launched an air-and-ground operation into Afrin to vanquish the US-backed Kurdish People's Protection Units (YPG) fighters near its border.
Source: - Al Jazeera
storvideo: 

Dowladda Somalia oo QM ka dacweysay Michael Keating

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Dowladda federaalka ah ayaa xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ee loo yaqaano UNSOM ee uu hoggaamiyo Michael Keating ku eedeysay in uu dab ku shidayo ama hurinnayo siyaasadda dalka, waxaa kale oo Muqdisho sheegtay in xafiiskan uu hoggaamiyo Michael Keating uu sawir iyo warbixinno marin-habaabin ah ka gudbiyo Soomaaliya.
Ergeyga Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Abukar Cusman ayaa todobaadkii hore golaha ammaanka u sheegay in dadaallada dib-u soo kabashada ee Soomaaliya ka socday ay waajib tahay in ay gar-wadeen ka noqdaan Soomaalida, loona arkaa in Soomaalida waddo.
"Waxaan walwal ka qabnaa saraakiisha sare ee xafiiska UNSOM, kuwaas oo warbixinno ka soo saaro xaaladda siyaasadeed ee dalka", sidaasi waxaa yiri Cusmaan.
Safiirka Soomaaliya ee Qaramada midoobey ayaa intaasi raaciyay "Waxaan ugu baaqeynaa hoggaanka UNSOM in ay waajibkooda u gutaan sida awoodahooda ku xusan, isla markaana ay ka fogaadaan dab ku shididda iyo qaska la xiriira arrimaha siyaasadda, taasi oo dhibaateyn karta dadaallada ay waddo xukuumadda ee soo celinta nabadda iyo xasiloonidda siyaasadeed.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

AMISOM oo shaacisay tirada ciidamada looga dilay...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Taliska Ciidamada Difaaca Uganda ayaa ka hadlay weeraro Qaraxyo iyo mid fool-ka-fool ah oo ciidamadooda ay kala kulmeen maleeshiyaadka al-Shabaab.
Taliska ayaa sheegay in ciidamadooda weerarkii degaanka Buula Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose ay ku dileen 22 ka tirsan maleeshiyada weerarka ku qaaday Saldhiga.
Afayeenka Militariga Uganda, Richard karemire ayaa Wakaalada AP u sheegay in Afar Askari ay uga dhinteen dagaalkii ka dhacay Buulo mareer, islamarkaana Afar kale ay uga dhaawacmeen.
Richard Karemire ayaa sidoo kale sheegay in cashar ay u dhigeen maleeshiyaadkii duulaanka kusoo qaaday kadib markii ay dhexda u galeen ciidamo ku sugnaa dhufeysyo qarsoodi ahaa.
Richard Karemire, waxa uu qiray in weerarkaasi uu ahaa mid aad u xoogan, wuxuuna sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid Ciidamadooda ay ka war hayeen kol hore, una diyaar garoobeen.
Sidoo kale, Al-shabaab ayaa sheegay in 14 maleeshiyo ay uga dhimatay Weerarkii ay ku qaadeen Degaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabelaha Hoose.
Dhinaca kale, Cabdi Casiis Abuu Muscab oo ah Afhayeenka Howlgaladda Al-shabab, ayaa sheegay in 59 Askari ay AMISOM uga dileen weerar Qaraxyo iyo Dagaal toos ah isugu jiray oo Buulo mareer ka dhacay Axaddii.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>
<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596344.js" async> </script>