Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Museveni puts death toll of UPDF soldiers in Somalia...

$
0
0

President Museveni has put the death toll of Ugandan soldiers killed in the Sunday al-Shabaab attacks on UPDF camps in Somalia to eight.
In a tweet Tuesday morning, President Museveni said, "Unfortunately, two vehicles of the enemy entered one of the three sites attacked. One vehicle was detonated and killed eight of our soldiers. May their souls rest in eternal peace. I extend condolences to their families".
The army and defence spokesman, Brigadier Richard Karemire, had put the death toll in the attacks to four and six injured.
Brig Karemire yesterday told journalists that the six injured soldiers were responding well to the treatment.
Brigadier Karemire on Sunday said that 30 al-Shabaab militants had been killed, while the Islamists claimed in a statement to have killed 59 Ugandan soldiers.
President Museveni praised the UPDF soldiers for the spirited fight against the militants, whom he said had six vehicles that were loaded with explosives.
"It is gratifying, however, that the bold but adventurous strategy of Al Shabaab failed. With constant vigilance, victory is assured. I congratulate our soldiers for the good work they did," he said.
He said 36 Al shabaab attackers were killed in the fight.
Local media quoting sources said a massive blast was heard in the Bulomarer district, around 150 kilometres (93 miles) south of Mogadishu, and fighting broke out after dozens of heavily armed al-Shabaab militants stormed the base.
The Al-Qaeda linked al-Shabaab was pushed out of the Somali capital in 2011 -- and subsequently other towns and cities -- by soldiers from the African Union Mission in Somalia (AMISOM).
But the Islamists still hold sway in large parts of the countryside and launch regular gun and bomb attacks on government, military and civilian targets in Mogadishu and ambushes on military convoys and outposts.
East African leaders contributing to the 22,000-strong AMISOM force last month called for the United Nations to reconsider plans to withdraw troops by December 2020, saying the timeline was unrealistic and could lead to a reversal of gains.
storvideo: 


AU Mission in Somalia reviews its ICT capabilities...

$
0
0

A team of Information, Communications and Technology Services executives from the African Union Mission in Somalia (AMISOM), are undertaking a technical and asset review exercise for the Mission's ICT infrastructure.
The three-day review workshop, which opened today, aims to improve communication systems and secure networks in the Force.
The AU Mission's Deputy Force Commander In-charge of Operations and Planning Maj. Gen. Charles Tai Gituai, told the group of 39 Mission personnel, that the review must ensure a "collated projection of the Force".
"For any peace support operations to function effectively, or any other operation, military command, and control depends on a complex communication network of equipment, personnel and communication protocols to relay information among forces," he said in his opening remarks.
While highlighting the importance of information and communication technology, in the success of any peacekeeping mission, he called for more robust methods of communications, that adequately addresses the needs of the Force and strengthens its effectiveness.
"And this calls for well-established communication systems that enhance cohesive, flexible and secure communication networks," emphasized the Deputy Force Commander.
Other than deliberating on information sharing and the Mission's communications needs, the three-day workshop, which is supported by the United Nations Support Office in Somalia (UNSOS), will evaluate and identify gaps that may impede the AU Mission's work.
UNSOS' support to AMISOM includes the provision of and management of Information Communication Technology facilities and equipment. The equipment provided by UNSOS range from secure email facilities, radio communication equipment, internet connectivity, satellite phones, asset management and maintenance of the communication infrastructure.
storvideo: 

Rag xoolo ku xaday gaari qaali ah

$
0
0

Booliiska dalka Uzbekistan ayaa xiray labo nin oo xaday xoolo ka dib markii la lagu qabtay iyaga oo ku wata gaari aad qaali u ah.

Rag xoolo ku xaday gaari qaali ah

$
0
0

Booliiska dalka Uzbekistan ayaa xiray labo nin oo xaday xoolo ka dib markii la lagu qabtay iyaga oo ku wata gaari aad qaali u ah.
Askar ka tirsan booliiska gobolka Bukhara ee dalka Uzbekistan ayaa baaritaan kuhayay dad deegaanka ah oo sheegay in laga xaday sac iyo lax, waxaana u suurto gashay iyo in dabo galaan, sida uu ku warramay wargayska UzNews.
Si aan looga shakiyin markii ay xatooyada samaynayeen waxay laxda iyo dibiga saareen gaari qaali ah oo noociisu yahay Malibu Chevrolet kaas oo uu leeyahay mid ka mid ah labada nin, sida ay booliiska deegaanku sheegeen.
Shirkadda gawaaridaas samaysa ee Maraykanka laga leeyahay ayaa caan ka ah dalka Uzbekistan maadaama shirkadda ay hoostagto ee General Motors ay warshad ku leedahay dalkaas, sannadkii 2013kiina dadaal lagu doonayay in gawaari qiimo jaban lagu helo ayay isbuurasho ka dhalatay.
Waayadan dambe way sahlan tahay in la gato gaariga Chevrolet, balse Malibu ayaa wali aad qaali u ah.
Waa gaariga ugu qaalisan ee dalka gudihiisa lagu sameeyo wuxuuna ku kacaa 30,000, taas oo boqollaal jeer ka badan lacagta bishii soo gasha dadka intooda badan.
Dadka baraha bulshada isticmaala ayaa aad uga helay sheekadan. Qof Facebook isticmaala ayaana soo qoray "ugu yaraan sacu wuu faraxsan yahay" mid kalana wuxuu ku kaftamay "dabcan waa la xaday sida caruusadda ayaase lagu galbiyay gaari noociisu yahay Malibu".
storvideo: 

Horumarada dhanka amniga ah ee la gaaray bishii...

$
0
0

Horumarada dhanka amniga ah ee la gaaray bishii March ee sanadkaan (Warbixin)
Apr 3, 2018 -
Horumarada dhanka amniga Intii lagu guda jiray bishii March ee sanadkaan 2018, dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay sameysay horumar dhanka amaanka ah, arintaas oo yadadiilo wanaagsan gelineysa Mustaqbal nabdoon oo ay ku naaloodaan Soomaalida iyo guud ahaan umadaha ku nool gobalka.R.wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Cali Kheyre, ayaa horaantii March waxa uu shir gudoomiyay kulankii 2-aad ee looga hadlayo Qorshaha ciidamada Soomaaliyeed ay amaanka ugala wareegi lahaayeen ciidanka Nabad ilaalinta AMISOM iyo sida Dowladaha Soomaalida saaxiibada la ah iyo Beesha caalamka ay gacan uga geysan lahaayeen qorshahaas.
R.wasaare Kheyre waxa uu 17-18 March gaar ahaan xilliyada habeenkii socdaal kusoo maray Qaar kamid ah degmooyinka iyo saldhigyada Police-ka gobalka Banaadir iyo Xarumaha ay ku suganyihiin ciidamada loo diyaariyay xasilinta caasimadda si uu ugu kuur galo meesha ay marayaan dadaalada kor loogu qaadayo sugidda amniga dalka gaar ahaan amniga caasimadda, waxa uuna warbixin ka dhageestay guud taliyaasha amaanka, isaga oo R.wasaaruhu ku adkeeyay in ay sii laba jibaaraan Qorshaha lagu hagaajinayo amaanka dalka gaar ahaan Caasimadda.
Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), oo ay ka go'antahay dardar gelinta qorshaha sugidda aminiga dalka, ayaa magaalada Algiers ee dalka Algeria uga qeyb galay shirka 35-aad ee Wasiirada Arrimaha Gudaha & Amniga ee dalalka Jaamacada Carabta oo looga hadlay arrimaha amniga.
Mudane Ducaalle ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Algeris waxa uu kulamo kala duwan la yeeshay Wasiirada Arrimaha Gudaha & Amniga Dalalka Maroco & Masar, Wasiirka Amniga Dalka Urdun, iyo sidoo kale Ra'iisal Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha gudaha dalka Qatar oo dhammaantood uu kala hadlay xiriirka Soomaaliya kala dhexeeya dalalkaas iyo taageeidda Hay'adaha Amniga Soomaaliya.
Sidoo kale intii lagu guda jiray, March Boqolaal Ciidamo ah oo isugu jira meleteri iyo Asluub ayaa tababar loosoo xiray si ay qeyb uga qaataan soo celinta amaanka iyo kala danbeynta dalka.Saraakiil Shabaab ah ayaa isu soo dhiibay dowlada Soomaaliya, iyada oo sidoo kale Horjoogayaal ka tirsan kooxda argagaxisada lagu dilay howl-galla ciidamada xooga dalku ay fuliyeen.
English News
storvideo: 

Jawaari madaxweynaha waxuu iga codsaday in aan...

$
0
0

Jawaari madaxweynaha waxuu iga codsaday in aan Iscasil anigana
Apr 3, 2018 -
Gudoomiyaha Mooshinku ka yaalo ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa goordhaw shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho waxa uuna ka hadlay arimo xasaasi ah.
Jawaari ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ku guul dareestay waan waantii uu ka dhax waday labada garab ee Xildhibaanada, waxa uuna sheegay in maalintii sabtida uu shirka baajiyay Madaxweynaha uu qabsaday 10-maalin uu wax ku xalinayo balse arintaasi hada meesha ka baxday.
Waxa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo halkii laga sugayay in si odawtinimo ah u xaliyo khilaafka taagan uu taa badalkeeda uu ka dalbaday in uu is casilo, waxa uuna arintaasi ku tilmaamay mid aan la aqbali karion.
Gudoomiye Jawaari ayaa sheegay in cida looga baahan yahay in ay is casisho oo shaqadeeda gabtay ay tahay Xukuumada Soomaaliya , waxa uuna ku eedeeyay xukuumada Soomaaliya in ay sameesay qaladaad badan oon la aqbali karin.
"Madaxweynaha Owtinimo ayaan ka filayay balse waxa uu igu yiri is casil , anigu is casili maayo marnaba, Waa wax lala yaabo oo qariib ah in Xukuumada tiraahdo Gudoomiyaha Baarlamaanka lama shaqeyn karo, Xukuumada ma waxa ay rabtaa in aan iyaga u shaqeyno, anaga uma joogno inaan u shaqeyno Xukuumadda, wada shaqeyn ayaa naga dhaxeyso" Ayuu yiri Jawaari.
Jawaari ayaa sidoo kale sharci daro ku tilmaamay kulanka beri la filayo in ay yeeshaan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya , kulankaa oo looga doodi mooshinka isaga laga gudbiyay.
Hadalka kasoo yeeray Gudoomiye Jawaari ayaa cadeyn u ah in uu bur buray waan waantii Madaxweynaha ka dhax waday Xildhibaanada Baarlamanaka ee labada garab u kala jabay , waxaana hadalka Jawaari imaanaya xili baarlamaanka beri mooshinkiisa la horgeynayo
English News
storvideo: 

Daawo: Golaha Wakiilada Oo Cod Aqlabiyad ah ugu...

$
0
0

Daawo: Golaha Wakiilada Oo Cod Aqlabiyad ah ugu Codeeyey Mooshinkii Mayorada in lagu sameeyo Wax ka badal iyo Kaabis
[embedded content]
storvideo: 

Degmada Dayniile oo ka dhaxay maanta Banaanbax looga...

$
0
0

Degmada Dayniile oo ka dhaxay maanta Banaanbax looga soo horjeedo ciidamada dowlada mar walba ku kor dagaalo xerada 77
Apr 3, 2018 -
Waxaa goordhaw banaan bax rabshada watay oo ay dhigayeen dad careesan uu ka dhacay inta u dhaxeysa xaafada Haanta Dheer iyo Isgooska Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Degmada Dayniile.
Banaan baxa waxaa dhigayay dadka shacabka ah ee degan xaafada loo yaqaan Saban Saban kuwaa oo ka cabanayay dagaalo soo noq noqday oo xaafadaasi maalmihii lasoo dhaafay ku dhax marayay ciidamo kawada tirsan dowlada.
Dadka dhigayay banaan baxa ayaa gubayay taayaro waxa ay sidoo kale dhagxaan ku tuurayeen gaadiidka iyo Mooto bajaajta laamiga marayay, waxa ayna daqiiqado badan xiyireen isku socodka gaadiidka inta u dhaxeysa Kuliyadda iyo Ex-Control Afgooye.
Shacabka dhigayay baanaan baxa ayaa sheegay in dhibaato xoogan ku qabaan ciidamo xiran dareeska Milatariga iyo Maleeshiyaad dushooda ku dagaalama sidoo kale xaafadaasi ka wada dhul boob.
Masuuliyin katirsan maamulka Degmada Dayniile oo markii dambe soo gaaray isgooska Kuliyada uu ka socday banaan baxa ayaa la hadlay dadkii dhigayay banaan baxa, waxa ayna u sheegeen in wax laga qabanayo cabashadooda.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa iska hor imaadyo soo noq noqday oo dad shacab khasaaro uu kasoo gaaray uu ka dhacayay xaafada Saban Saban , waxaana ciidamada dagaalamaya isku heestaan dhul ay leedahay Dowlada Soomaaliya
English News
storvideo: 


Jawaari: “Maadxweynuhu iscasil ayuu i dhahay, waana...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa daqiiqado ka hor ku dhawaaqay inuu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo fasaxay xildhibaano uu ugu yeeray inay yihiin kuwa foodo wado.
Guddoomiyaha ayaa ka dhawaajiyey inuu madaxweynaha Xildhibaanadaas u ogolaaday inay berri qabsadaan kulan codka kalsoonida loogu qaadayo Guddoomiye Jawaari.
Jawaari ayaa Xukuumadda ku eedeeyey inay ka dambeyso Mooshinkaiisa, wuxuuna midaas badalkeeda Xukuumadda ugu baaqay inay is casisho maadaama uu sheegay inay waajibkeeda kasoo bixi weysay.
Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in Madaxwweynaha uusan dhex dhexaad ka ahayn khilaafka Jawaari iyo ku xigeenkiisa.
Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in wadahadalladii u dhaxeeyay labada dhinac ee uu madaxweynaha dhex dhexaadinayay uu fashilmay.
Waxaa uu intaas ku daray in Madaxweynuhu ka dalbaday in uu iscasilo hayeeshee uu Jawaari sheegay in uu ka diiday taas islamarkaana uusan is casileyn.
Guddoomiye Jawaari ayaa ugu dambeyn ka digay Shirka Golaha shacabka ee Berri loogu ballansanyahay xarunta Golaha shacabka,waxanaa uu xusay in isaga uu mas'uul ka yahay xaruntaas.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Muudey oo si rasmi ah ugu dhawaaqay in berri codka...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya Muudey ayaa ku Dhawaaqay inuu berri dhici doono kulanka Baarlamaanka Soomaaliya.
Farriin loo diray Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa loogu sheegay inuu Berri dhici doono kulanka Baarlamaanka Soomaaliya ee baaqday maalintii Sabtid aheyd.
Ajandaha Kulanka ayaa lagu sheegay inuu yahay codka kalsoonida ee loo qaadayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh. Cismaan Jawaari.Mudane Xildhibaan,
Sii hayaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka wuxuu ku wargelinayaa Dhammaan Xubnaha Golaha in Maalinta berri oo Arbacada ku beegantahay Tr. 04/04/2018 Saacadda: 09:00 Subaxnimo la qaban doono Kulanka Guud ee Golaha shacabkaAjendaha: Mooshinka Kalsooni kala noqoshada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Farriintaas ayaa loo diray Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxaana muuqato inuu Khilaafkii cirka isku sii shareeray.
Waxaa fashilmay dhex dhexaadintii uu waday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Guddoomiyaha ayaa ka dhawaajiyey inuu madaxweynaha Xildhibaanadaas u ogolaaday inay berri qabsadaan kulan codka kalsoonida loogu qaadayo Guddoomiye Jawaari.
Jawaari ayaa Xukuumadda ku eedeeyey inay ka dambeyso Mooshinkaiisa, wuxuuna midaas badalkeeda Xukuumadda ugu baaqay inay is casisho maadaama uu sheegay inay waajibkeeda kasoo bixi weysay.
Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in Madaxwweynaha uusan dhex dhexaad ka ahayn khilaafka Jawaari iyo ku xigeenkiisa.
Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in wadahadalladii u dhaxeeyay labada dhinac ee uu madaxweynaha dhex dhexaadinayay uu fashilmay.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Shuruudihii u danbeeyey ee Guddomiye Jawaari...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Wada hadalladii ku saabsanaa xal u helista khilaafka Baarlamaanka ayaa gabi ahaanba la joojiyey, kaddib markii guddiyada ku howlanaa arrinkan ay xalay u gudbiyeen Madaxweyne Farmaajo natiijo muujineysay kala fogaanshaha labada dhinac.
Ilo xogogaal ah ayaa Caasimadda.net u xaqiijiyey in kulan xasaasi ah ay yeesheen xalay Madaxweynaha iyo Guddoomiye Jawaari kaddib kulankii ka horreyey kaas ee guddiyada dhex dhexaadintu ay u gudbiyeen Madaxweynaha natiijadii waan waanta ay wadeen tan iyo bartamihii bishii sadexaad.
Wararka ayaa sheegaya in xaaladdu ay adkaatay kaddib markii uu Guddoomiye Jawaari si cad uga hor yimid in mooshinka laga keenay la mariyo hannaanka dastuuriga ah oo ay xildhibannadu cod geliyaan.
Jawaari ayaa codsaday in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay siiso magdhow gaaraya 5$ Malyan oo doolar, si uu isu casilo. Taas oo uu sheegay in ay tahay wadada kaliya ee uu xilka ku banyan karo.
Isfahan waagan iyo shuruudaha adage ee Guddoomiye Jawaari uu hor dhigay madaxda Kale ayaa gaartay heer uu Jawaari ku hanjabo in uu qorsheynayo in awood ciidan uu isticmaalayo isaga oo adeegsanaya Guutada 4aad ee ciidanka Xoogga Dalka oo uu sheegay in ay garab ku siinayaan dhaq dhaqaaq kasta oo uu kaga hortagyo ansixinta mooshinka laga keenay.
Lama oga xaaladdu sida ay noqon doonto maalinnimada Barri oo ah maalinta uu iclaamiyey Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka in uu dhici doono kulanka Xildhibaannada Baarlamaanku ay kaga arrinsanayaan mooshinka ay ka keeneen Guddoomiye Jawaari.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Daawo/Waraysi: Fanaanka Wayn ee Cabdi Bacalwaan Oo...

$
0
0

Daawo/Waraysi: Fanaanka Wayn ee Cabdi Bacalwaan Oo ka waramaaya Xaaladiisa Caafimaad oo Aad u fiican iyo Heerarkii Uu la soo maray fanka
[embedded content]
storvideo: 

Jawaari: Farmaajo ayaa qeyb ka ah khilaafka baarlamaanka

$
0
0

Jawaari oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inuu ku gacan seyray dalab loo soo jeediyay oo ahaa inuu iscasilo.

Jawaari: Farmaajo ayaa qeyb ka ah khilaafka...

$
0
0

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in dadaalladii lagu doonayay in lagu xaliyo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan baarlamaanka ay guul darreysteen.
Jawaari oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inuu ku gacan seyray dalab loo soo jeediyay oo ahaa inuu is casilo.
Wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya inuu qeyb ka yahay khilaafka, qaadi doonana ''masuuliyadda haddii ay fowdo dhacdo''
''Aaad baa la iiga gar daran yahay in la i weydiiyo inaan is casilo, annigu sharci baan ku imid, sharci uun ayaana ku bixi karaa,'' ayuu yiri Jawaari.
Arrin Qariib ah
Jawaari ayaa sheegay in sida ku cad dastuurka shaqooyinka xukumadda iyo kan guddoonka baarlamaanku ay yihiin kuwa kala baxsan, oo ay wada shaqeyn uun ka dhexeysa.
''Waa arrin qariib ah in xukuumadda ay dhahdo lama shaqeyn karno Guddoonka Baarlamaanka, micnaheedu waxay tahay inaan iyaga u shaqeeya ayay rabaan''
Sabtidii ayaa la baajiyay kulanka Golaha Shacabku oo ajandayaal iska soo horjeeda looga hadli lahaa balse hadda waxay u muuqataa in khilaafka labada dhinac ee goluhu u qaybsamay wali uu taagan yahay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa wadahadalo la lahaa dhinacayda is haya tan iyo Sabtidii haseyeeshe waxa muuqata inaan lagu guuleysan waanwaanta.
Mooshin ka dhan ah Jawaari oo loo gudbiyay guddoonka baarlamaanka
Muxuu salka ku hayaa muranka mooshinka Jawaari?
Kulanka Arbacada
Xafiiska madaxweynaha wali kama uusan hadal eedeyntan u dambeysay ee ka soo yeertay Jawaari.
Inkastoo aanay wali warqad rasmi ah ka soo bixin xafiiska gudoomiye kuxigeenka kowaad, haddana xildhibaanada isaga taageersan waxay ku adkeysanayaan inay barito oo Arbaco ah qaban doonaan shirkii Sabtida la joojiyay, taasoo mar kale xaaladda uga sii dari karta. Jawaari ayaa sharci darro ku tilmaamay kulankaas.
Xildhibaanada soo jeedinta xil ka qaadista ka keenay guddoomiye Maxamad Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku adkeysanaya in soo jeedintoodu sideedii u taagan tahay isla markaasna ay sharciyad ku qotonto.
Xildihbaan Aden Isaaq oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay inay sugayeen inuu is casilo Jawaari, haseyeeshee aanay taasi muuqan sidaada daraadeedna ay doonayaan in sharciga lagu kala baxo.
"Anaga waxan intaas oo dhan aan la aamusnayn waxay ahayd tanaasulaad aan samaynay, dalkan Soomaaliya laguma maamuli karo xeer jajab, haddii maanta innagii sharci dajiyayaashii ahaa aan doonayno in dalkayaga aan ku maamulno xeer jajab, maxaan ka fili karnaa, xaggee u soconaa, jiilka cusubna xaggee ku hogaamin doonaa, taasina waxay tusaale u tahay niyad jabka aan ka qaadnay dadkii dastuurka ka soo shaqeeyay ee uu Jawaari ugu horeeyo, annagu waxan mar walba u taaganahay waxa weeye inaan kuwada xisaabtano sharciga." Ayuu yiri Xildhibaan Aden Isaaq
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Shaqo joojin
Xildhibaanada taageersan gudoomiye Jawaari ayaa ka digaya in xildhibaanada dhinaca kale ay qabtaan shir aan la isla ogolayn taasina ay ka dhalan karto dalku inuu galo xaalad fawdo ah. Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo isna BBC-da u waramay ayaa sheegay in kulan kasta oo sharciga baal marsan oo la qabtaa uu dalka dib ugu celi karo xasiilooni daro.
"Awood uma lahaxubin ka tirsan baarlamanaka intuu idaacad istaago sheego maalin hebel ayaan shir qabanaynaa, doorashaduna dhacaysaa. Ggudoomiyihii Baarlamanka ma iclaaminin sharciyana isagaa awood u leh inuu Baarlamanka balamiyo maalinta ay shir qabsanayaan iyo ajandaha waxa uu ku saabsanyahay inataba." Ayuu yiri Xidhibaan Khaliif Cabdi Cumar
Shalay gudoomiye kuxigeenka Koowaad Cabdiwali Ibrahim Sheekh Muudey waxa uu shaqo joojin ku soo rogay xogeeyaha guud ee Baarlamanka Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux, haseyeeshee isla shalay waxa warqadaasi ku gacan seyray gudoomiye Jawaari oo ku tilmaamay shaqo joojintaasi mid aan sharciyad haysan, wuxuna ku amray xogeeyaha guud inuu shaqadiisa sii wato.
Khilaafka ragaadiyay dhawrkii todobaad ee ugu dambeeyay Baarlamanka Soomaaliya waxa uu cuuryaamiyay hawlihii dawladda, iyadoo dhinacyada oo dhan isku dayayaan in midba midka kale uu ka guuleysto.
Gudoomiye Jawaari ayaa horay xukuumadda Kheyre ku eedeeyay inay duulaan ku soo qaaday Baarlamanka taasina ay khatar ku tahay habsami u wadashaqaynta hay'adaha dawladda. Illaa hadda wax jawaab ah oo ku saabsan eedeyntaasi lagama hayo ra'isul wasaare Xasan Cali Kheyre.
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Dalalka iyo hay'adaha daneeya arimaha Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosmay hay'adaha dawladda federaalka, waxayna ku baaqeen in loo hogaansamo dastuurka iyo sharciyada kale ee wadanka u yaala, laguna xaliyo khilaaf kasta oo jira.
storvideo: 

Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha XFS oo daah...

$
0
0

Munaasabadaan wasiirka dhalinyaradda iyo ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku daah fureysay mashruuca hormarinta iyo tayeynta Ciyaaraha Soomaaliya, ayaa waxaa ka qeyb galey guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Yariisoow, wasiiradda ciyaaraha iyo dhalinyarada dowlad goboleedyada masuuliyiinta bahda ciyaaraha iyo marti sharaf kale. Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha dowlad goboleedka koonfur galbeed [...]
storvideo: 


Boqolaal Muhaajiriin ah oo Mareykanka Kusoo Wajahan

$
0
0

WASHINGTON. D.C --
Boqolaal Ruux oo cagahaooda maalaya ayaa Mareykanka kaga soo wajahan xadka koofureed ee uu Mareykanka la wadaago Mexico.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu xuduuda ay la wadaagaan Mexico u dirayo ciidamo millatari ah si ay uga hortagaan muhaajiriintaasi raba in ay sharci darro kusoo galaan Mareykanka.
Warbixintaan waxaa inoo diyaariyay Nur Hassan Nur.

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:02:33 0:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Ururka ONLF oo ka Hadlay Magacaabista Abiy Ahmed

$
0
0

Warsaxaafadeed uu soo saaray ururka ONLF ayaa lagaga hadlay mgaacaabista Ra'iisal Wasaaraha cusub ee Ethiopia, Abiy Ahmed.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dadka Soomaalida ah iyo Ethiopia-da kaleba ay ka shaki qabaan talaabada siyaasadeed ee ururka EPRDF uu ku keeni karo isbeddel micno leh, sababta oo ah, baa warsaxaafadeedka lagu yiri, taariikhda taban ee xisbigan oo ku sifoobay khayaamo, inuu muquuniyo dhamaan awoodaha kale ee siyaasadeed iyo inuu adeegsado gacan ka hadal, iyo xadgudubyo waaweyn oo dhinaca xuquuqda aadamaha ah oo mucaaradka loo geysto.
Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in marar badan, ururka EPRDF uu si joogto ah u marin habaabiyey dadka iyo bulshada caalamkaba si uu indhaha dadka uga jeediyo xadgudubyada waaweyn, maamulka aan dimoqraadiga ahayn ee uu ku hayo, gaar ahaan dadka Soomaalida ah ee Ogaden ku nool, ayaa warsaxaafadeedka lagu yiri.
Warsaxaafadeedka ayaa intaas ku daray in dadka Soomaalida ah muddo qarni ah la xagal daaciyey, si xunna loo dhibaateeyey, iyada oo xisbiga EPRDF-na uu uga sii daray, oo uu dhaafiyey dhamaan talisyadii ka horeeyey, isla markaana uu burburiyey karaamadii iyo noloshii dadka Soomaalida, sida warfasaxaafadeedka lagu sheegay.
Iyada oo ay intaasi oo dhami jirto, ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka, ayaa ururka ONLF uu rumeysan yahay, in dhamaan dhibaatooinka jira lagu xalliyo hab nabad ah, iyada oo ururka ONLF uu marar badan taliska la galay wadahadalo nabadeed oo dhinac saddexaadna uu qeyb ka ahaa, hase yeeshee aan waxba laga gaarin.
Warsaxaafadeedka ayaa ugu dambeyn lagu sheegay in dadka Soomaaliyeed ee ku nool Ogaden ay Abiy Ahmed ku xukmin doonaan falalkiisa ee aanay ku xukmin doonin hadaladiisa la qurxiyey.
storvideo: 

Muqdisho: Madunayaal ku Jarmaaday X. Baarlamaanka

$
0
0

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in taariikhda markii ugu horeysay la arkay mudanayaal ka tirsan baarlamaanka oo salaadda Subax ku tukunaya xarunta baarlamaanka

Muqdisho oo amaankeeda la adkeeyay iyo wadooyinka oo...

$
0
0

Waxaa saaka si aad ah loo adkeeyay amaanka magaalada Muqdisho ee - Soomaaliya.
Ciidamo aad u farabadan ayaa lagu soo daadiyay wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho.
ciidamada ayaa xiray Wadooyinka , Wadnaha , Makka Al-Mukarama ee Muqdisho.
Sidoo kale ciidamada ayaa xanibay isku socodka dadka iyo gaadiidka wadooyinka soo gala madaxyooyada iyo xarunta golaha shacabka.
Arintaan ayaa ka dambeeysa kulan Xildhibaanada baarlamaanka Maanta oo Arbaco ah ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho ee - Soomaaliya.Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho
The post Muqdisho oo amaankeeda la adkeeyay iyo wadooyinka oo Xiran appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Turkiga, Ruushka iyo Iiran oo ka shiraya xaaladda Suuriya

$
0
0

Xilli dowladaha Reer Galbeedka ay lumiyeen saamaynta ay ku lahaayeen Suuriya, xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobayna ay isku mari waayaan xaaladda dalkaasi, ayaa Turkiga, Ruushka iyo Iran waxa ay buuxiyeen kaalinta bannaan.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live