Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Taliyihii Ciidamada Madaxtooyada Oo Xilkii Laga...

$
0
0

War goordhow ina soo gaaray ayaa waxa uu sheegayaa in xilkii laga qaaday taliyihii Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya Jen. Axmed Maxamed Cali Afcadeey.
Xilka qaadistaas ayaa ka dambeysay sida la sheegay kadib markii uu ka horyimid amarkii hubka dhigista Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Shalay ayaa waxaa soo baxayay in Ciidamo ka mid ah kuwa ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ay la safteen gudoomiyaha Golaha Shacabka,iyaga oo qabsaday qeyb ka mid ah Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya.
storvideo: 


Dagaalka xoogan oo galabta ka dhacay Degmada Deyniile

$
0
0

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa dagaal galabta xaafada 77 degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir ku dhexmaray laba maleeshiyo beeleed, oo ay kala taageerayeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dagaalkan oo si gaar ah uga dhacy meel ku dhaw Haanta-dheer ee degmadaasi ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii labada maleeshiyo beeleed isku qabsadeen arrimo la xiriira dhul.
Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen in marqura ay maqleen rasaas fara badan oo la is weedaarsaday, kadibna ay dareemeen inuu jiro iska hor imaad u dhaxeeya laba Maleeshiyo beeleed, waxaana dagaalkooda uu ahaa mid culus oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.
Dad goobjoogayaal ah ayaasheegay in dhinacyadan dagaalka u dhaxeeyay uu socday waqti ka badan Hal saac, uuna jiro khasaare kala duwan, balse aanan la xaqiijin karin.
Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku baxay dagaalkan, waxaana ay wadaan dadaalo ku aadan sidii xalin lahaa khilaafka iyo isfaham darada jirta, waxaana socda wada hadalo.
31-dii bishii ina dhaaftay ayay aheyd markii dagaal khasaare dhimasho iyo dhaawac geystay oo u dhaxeeyay Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka uu ka dhacay isla xaafada 77 ee degmada Deyniile, kaasi oo la xiriiray isqabqabsi dhuleed.
storvideo: 

Qarax Khasaaro Geystay Oo Lala Eegtay Ciidamo Ka...

$
0
0

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Kenya kolonyo ay wateen qaraxyo lagula eegtay meel u dhow qeybo kamid ah gobolka Gedo.
Ilaa laba qarax oo miinada dhulka lagu aaso ah ayaa lagu soo warramayaa in ciidamada Kenya lagula eegtay halkaas isla markaana qaraxyada ay haleeleen gaadiidka ay wateen ciidamada Kenya.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen qaar ka mid ah Ciidamada Kenya in ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxyada inkastoo aanan la heyn tirada saxda ah ee qaraxa ku waxyeeloowday.
Kolonyada ciidamada ee qaraxa lala eegtay ayaa waxaa la sheegay inay sahay raashin ah u wadeen ciidamada kale oo Kenyan ah oo saldhig milatari kuleh deegaanka Taabta.
Ciidamada Kenyaa inta badan qaraxyo lagula eegtaa qeybo kamid ah gobolka Gedo iyo deegaanada kale ay kaga suganyihiin Somalia waxana qaraxyadaas intooda badan mas'uuliyaddooda sheegta Al-Shabaab oo sidoo kale weeraro culus ku qaada saldhigyada ciidamada Kenya.
storvideo: 

Iscasilaada Jawaari oo wax yar ka harsan tahay iyo...

$
0
0

Iscasilaada Jawaari oo wax yar ka harsan tahay iyo xildhibaanada qarashaka badan uga baxday Jawaari oo beeniyey warkaasi
Apr 5, 2018 -
Waxaa saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada iyo Warbaahinta qaar lagu baahiyay warar la xariira in Gudoomiyaha Mooshinku ka yaalo ee Baarlamaanka Soomaaliya Jawaari uu is casilayo.
Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee la safan Gudoomiye Jawaari ayaa beeniyay warkan lagu baahiyay baraha bushada, waxa ayna Xildhibaanadan sheegeen in warkaasi uu yahay dacaayad la maalgaliyay.
Xildhibaan Daahir Cabdi C/llaahi (Dr Goo) oo kamid ah Xildhibaanada Taageersan Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in warka la xariira in uu is casilayo Jawaari ay tahay been abuur lasoo abaabulay.
Waxa uu sheegay Xildhibaanka in Gudoomiye Jawaari aysan suura gal ka eheyn inuu is casilo , waxa uuna tilmaamay in uu Jawaari ku taagan yahay sharci , Xildhibaanka ayaana intaa raaciyay in warkan is casilaada ay faafiyeen dhalinyaro lacago lagu siiyay.
Sidoo Xildhibaan C/Qaadir Cosoble ayaa isna sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka la xariiray una cadeeyay in been abuur tahay warka la faafiyay, waxa uuna xusay in Jawaari uusan is casileyn.
Warkan la xariira Is casilaada Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa si xoogan baraha bulshada loogu baahiyay xili maanta magaalada Muqdisho soo gaareen wakiilo ka socda beesha caalamka oo u yimid xalinta xiisada ka dhax aloosan Madaxda sare iyo Baarlamaanka.
English News
storvideo: 

Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo...

$
0
0

Puntland TV
Shirkii Golaha Xukuumadda Puntland oo looga hadlay Amniga Puntland, Xaaladda ka Taagan Magaalada Muqdisho, Dastuurka Dawladda Federaalka iyo Baahinta Wax-qabadka Dawladda.#Wariye Abdirahman Adam Shire
Slaet op af Warbaahinta Dawladda Puntland i 5. april 2018
storvideo: 

Xildhibaanada mooshinka ka wada Jawaari oo maanta ku...

$
0
0

Muqdisho (- Online) - Waxaa manta kulan aan caadi aheyn magaalada Muqdisho ku yeeshay Xildhibaanada ku mideysan Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Kulanka oo xiisa gaara lahaa ayaa waxaa isugu yimaaday Xildhibaano kor u dhaafaya Boqol Xildhibaan kuwaa oo gabi ahaantooda mowqifkooda mar kale ku sheegay inuu yahay laalida Guddoomiye Jawaari.
Xildhibaanada oo siyaabo kala duwan uga faalooday arrimaha khilaafka ayaa sheegay in Mooshinka dhaliyay khilaafka taagan uu yahay mid wali taagan oo aan burburin, sida ay hadalka u dhigeen.
Xildhibaanada goobta ka hadashay ayaa gabi ahaantooda codad dhaadheer ku sheegay in Mooshinka Jawaari uu weli yahay mid taagan, isla markaana uu ku dhaqan gali doono waxyar.
Waxa ay sheegen in nasiino ay ku waajibi doonto xiliga ay Kursiga ka tuuran Guddoomiye Jawaari oo ay ku eedeeyen Musuq iyo ku xadgudubka Dastuurka dalka.
Shaqaaqadii ka dhacday xarunta baarlamaanka arbacadii lasoo dhaafay ayey sheegen inay aheyd mid lagu doonaayay in lagu afganbiyo dalka, hase ahaatee ay dowlada ka feejigneyd talaabada garabka Jawaari, sida ay sheegen
Xildhibaan Aadan Isxaaq oo ka mid ah Baarlamaanka Somalia, gaar ahaan garabka Mooshinka kawada Guddoomiye Jawaari oo goobta ka akhriyay war-saxaafadeed kooban ayaa sheegay in gudoomiye jawaari uu ku xadgudbay dhowr qodob oo Dasruurka dalka u yaalla.
Xildhibaanka waxa uu sidoo kale sheegay in uusan noqon qof dhex dhexaad ah isla markaana uu talada dalka u dhiibtay Xildhibaano aad u tirro yar, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale, Xildhibaan Aadan Isxaaq, ayaa goobta ka cadeeyay in tiradooda aysan laheyn qarsoodi, isla markaana ay dhan yihiin 220 xildhibaan.
Si kastaba ha ahatee, Xildhibaanada Mooshinka kawada Guddoomiye Jawaari, ayaa xiligaan ku doodaya in Is casilaada Jawaari ay ka doorbidayaan in xilka looga qaado Codeynta Mooshinka.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Kenya Police place $8000 bounty on Eight Al-Shabaab...

$
0
0

Kenya Police on Thursday placed $8000 bounty on eight Al-Shabaab terrorists.
The eight, who are all believed to be of Somali-origin are suspected to be planning to execute terror attacks inside Kenya.
In a statement, Kenya's Director of Communication, Charles Wahongo said the individuals were training in Al-Shabaab camps inside Somalia.
The eight are; Issack Alio Mohamed, Rahim Mohamed Sheikh, Bishar Hared Hussein and Bashie Adan Osman Kulo, Abdirashid Ibrahim Osman Noor, Siyat Ibrahim Abdullahi, Abdi Ahmed Ibrahim and Mohamed Muhumed Ahmed.
" Terrorists are wanted for attacks carried out in Kenya and currently have plans to attack Kenya.They are believed to have entered Kenya from neighbouring Somalia," said Wahonga.
He noted that the police have thwarted several terror attempts by these individuals in the past.
The group which is divided into two section is headed by two other Kenyans, according to Wahongo.
"Some of them are led by Isak Okola who is suspected to be in Borubirdeso in Somalia, which is close to Elwak town. Another group is led by Ali Dere who occasionally lives in Khadija Haji town in Somalia situated near Mandera town," Wahongo.
In another statement, Police Spokesman Charles Owino said that police have already arrested a female terror suspect, Habiba Omar Ali, who was found in possession of five AK- 47 rifles and a large cache of ammunition.
Ali is a wife of the wanted terrorist, Mahad Isaack Abdille.
Mahad is a key Al-Shabaab link to persons in Madera County.
The man is suspected to be crossed into Mandera twice in the last three months.
storvideo: 

Gaas oo Ka Qayb Galay Aas Qaran oo Loo Sameeyey...

$
0
0

6th April 2018 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 6 April 2018 ka qayb galay aas qaran oo loogu sameeyey magaalada Qardho ee - Gobolka Kar-Kaar Guddoomiyihii Hore ee Hay'adda PASAWEN ee Puntland Allah hau naxariistee marxuun Eng. Abshir Muuse Saciid.
Aaska qaranka ee loo sameeyey maanta Guddoomiyihii Hore ee Hay'adda PASAWEN ee Puntland ayaa waxaa madaxweynaha Dawladda Puntland ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, taliyaha ciidamada DPL, saraakiil ka tisan Madaxtooyada Puntland, Isimo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Qardho.
Ugu horayn Madaxweyanha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u tacsiyadeeyey shacabka reer Puntland, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Guddoomiyihii Hore ee Hay'adda PASAWEN Allah ha'u naxariistee marxuun Eng. Abshir Muuse Saciid, iyadoona madaxweynuhu uu Illahay uga baryey in uu u naxariisto marxuumka denbigiisana dhaafo, qabrigana u waasiciyo.
''Ugu horeyn waxaan tacsi u dirayaa dhammaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Shacab weynaha Dawladda Puntland, qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodeymarxuunku, Eng. Abshir Muuse Saciid masuul Soomaaliyeed buu ahaa wuu naga wada geeriyoodey dhammaanteen Allah ha'u aqbalo wixii duco ahaa ee maanta xagaan looga duceeyey, Abshir wuxuu ahaa odey Puntland dad fara ku tirisa waxay tareen Puntland ayuu hormuud u ahaa, waxqabad kiisii shakhsiga ahaa iyo asagoo ka mid ahaa aasaasayaashii Dawladda Puntland, wax badan anagu uma qaban karno inaan u ducayno baan uun utari karnaa waana loo duceeyey, Allaah waxaan ka rajeyneynaa inuu u aqbalo maadaama uu xasuus gaara nagu lahaa, waxay Dawladda Puntland go'aansatay in loogu magacdaro garoonka diyaaradaha ee magaalada Qardho Eng. Abshir Muuse Saciid, kolay waxba u tarimayso waxaa uun weeye xasuus lagu xasuusanayo wax qabad kiisii iyo inuu ahaa bud dhigayaashii Dawladda Puntland, Ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Marxuum Eng. Abshir Muuse Saciid ayaa waxaa lagu xasuustaa inuu ka mid ahaa hogaamiyeyaashii {SSDF} aasaasayaashii Dawladda Puntland iyo Maareeyihii hore ee wakaaladii hore ee xooga korontada Soomaaliya {ENEE}, isagoona shaqooyin badan oo kala duwan kasoo qabtay Soomaaliya.
Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo u yimi magaalada Qardho aaskan qaran ee loo sameeyey maanta Eng. Abshir Muuse Saciid ayaa isla gelinka danbe ee maanata waxaa dib ugu laaban doonaa magaalada Garoowe ee - Dawladda Puntland.
[embedded content]

Share this:
storvideo: 


Diyaaradaha dagaalka Suuriya oo dad ku laayey Duuma

$
0
0

Todoba iyo labaatan qof oo rayid ah ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay dagaallo rogaal celis ah ka dhacay Suuriya oo lagu dirirayo gacan ku haynta magaaladii ugu dambaysay ee ay fallaagadu haystaan oo ku taal dhinaca bari ee magaalada Dimishiq.

Maanta Muuqalkii Muqdisho iyo Mini Marathone-ka

$
0
0

Waxay ahayd maalin la wada xuso Nabada iyo Horumarka Sportiga aduunka oo si isku mid ah looga xuso caalamka oo idil 6 April oo loo asteeyay 1987-kii markii la bilaabay tartankii ugu horeyay ee Olombikada aduunka. Baadi Goobkii Bile Munaasabada ayaa ahayd mid lagu muujinayo isdhexgal bulsho kala maqneyd waqti badan ayadoo markii [...]
storvideo: 

Diyaaradaha dagaalka Suuriya oo dad ku laayey Duuma

$
0
0

Todoba iyo labaatan qof oo rayid ah ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay dagaallo rogaal celis ah ka dhacay Suuriya oo lagu dirirayo gacan ku haynta magaaladii ugu dambaysay ee ay fallaagadu haystaan oo ku taal dhinaca bari ee magaalada Dimishiq.
Ururka la socodka gabood fallada xuquuqda aadanaha Suuriye ee fadhigiisu yahay Ingiriiska, ayaa sheegay in magaalada Duuma duqayn cirka ah lagu hayo.
Mudo sanado ah ayay falaagadu gacanta ku hayeen dhulka ku dhaw magaalada Dimishiq oo ah deegaanka loo yaqaan bariga Quudah. Laakiin dhawaan ayaa ciidadama dawladdu dib u qabsadeen dhulkaa badankiisa.
Magaalada keliya ee ku hadhay gacanta fallaagada ayaa ah Duuma oo ay haystaan koox lagu sheego Jaysh Al-Islam.
Waxaanay u dhawdahay in ay ku gacan saydhay heshiis dhawaan la gaadhay oo ay kaga bixi lahaayeen magaalada loona banneeyey marin nabadoon oo ay ku gaadhayaan dhulka mucaaradku gacanta ku hayo ee woqooyiga Suuriya. Ilaa haatan se waxa arrintu u muuqataa in wada xaajoodyadii fashilmeen, Duumana weerar ayaa ku socda.
storvideo: 

Jawaariyoow Adaa Jiitayoon Aqalkan Joogeyne

$
0
0

6th April 2018 admin Category :
Jawaariyoow Adaa Jiitayoon Aqalkan Joogeyne.Jeelka Loo Taxaabyoow Kolkaad Baydhabo U Jihato.Xasan Khayre Suu Kuu Jirrabey Mari Jawaabteeda.Baarlamaanku Jimic iima Gelin Tan Iyo Jeerkii Dheh.Kuwii Jifideey Ahaana wax bey Igu Jaguugeen Dheh.Ju' Markaan Iraahdaba Codkay Igu Jikraareen Dheh.Waxaa Maanta Ila Jira Shantii Juulle Oo Qudha Dheh.Farmaajii Waa Iga Jirsaday Mana Jawaabeyn dheh.Jawaanno Buuxoo Lacaga iyo Jeeg Wixii yaalley.Laaluush jin-jiman Sannado Waxaan Jalamsadaaba Dheh.Dheexaan ka Jiitee Afkey Iga Jifeeyeeeeen Dheh.Mushahar Jow Ah mooyee Majiro Jeeb Galkii Hore Dheh.Dadkii Idil Waygu Jeestoo Jaanis Ima Siin Dheh.Jallaafooyinkaan Horay U dhigay Iyo Jabkaan Geystey Ruuxaygu.Iyagoo Jumlo Ah Nabsigu Jeebka Ii Geli Dheh.
storvideo: 

Wakiilka Midowga Afrika oo war saxaafadeed ka soo...

$
0
0

6th April 2018 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Amb. Francisco Madeira ayaa war saxaafadeed ka soo saaray xaalada siyaasadeed ee Baarlamaanka iyo dhacdadii arbacadii la soo dhaafay ka dhacday Golaha Shacabka.
War saxaafadeedka ka soo baxay Wakiilka Midowga Afrika ayaa ka dambeeyay, markii Madaxtooyada Soomaaliya ay ashtako ka gudbisay hadal ka soo yeeray Taliyaha Ciidamada Uganda Jen. Paul Lokech, kaasoo ahaa inta laga xaqiijinayo jawi nabdoon ay AMISOM ammaanka xarunta Baarlamaanka la wareegeyso.Hadaba waxaa halkan idinku soo koobaneynaa qoraal saxaafadeedkii ka soo baxay Amb. Madeira
1- Sida aad ogtihiin dhammaantiina, waxa aanu mareynaa xaalad siyaasadeed oo adag. Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya oo sidoo kale loo yaqaan Golaha Shacabka waxa uu xilligan u kala qeybsan yahay laba kooxood oo iska soo horjeeda.
2- Isheysadka wuxuu gaaray Arbacadii hore heerkiisii ugu sarreeyay oo siyaasad iyo amni la xiriirta, taasi oo keentay in ciidanka AMISOM ay farageliyaan iyaga oo iskaashi la sameynayay ciidamada ammaanka Soomaaliya si xaaladda loo dejiyo.
3- Waxa aan ka helay farrriimo madaxdeyda sare ee Addis Ababa ku sugan, taasi oo la xiriirtay in AMISOM ay u xilsaaran tahay taageeridda ciidamada ammaanka Soomaaliya si loo sugo amniga xarumaha hey'adaha qaranka oo uu ku jiro Baarlamaanka.
Midowga Afrika iyo AMISOM waxay tixgelinayaan madax banaanida shacabka Soomaaliyeed, waxayna qirayaan xuquuqdooda iyo kalsoonida buuxa ee ay ku qabaan hoggaankooda si looga hortago caqabadaha oo ay ku jirto siyaasadda xilligan taaggan ee laba u kala qeybiyay Aqalka hoose.
Iyada oo taasi laga ambaqaadayo, AMISOM awood uma lahan inay amar dul dhigto shacabka Soomaaliyeed iyo run ahaantii Baarlamaanka oo la xiriira habka ay howshooda u qabsanayaan, AMISOM gacanta kuma heyn karto Golaha Shacabka waase haddii hey'adaha Soomaaliyeed ee ku shaqada leh ay codsadaan ayey ku dhaqaaqi kartaa. calaa kullli xaal annagu waxa aan ku jirnaa xaalad heegan ah, waxa aan diyaar u nahay in aan caawinno Soomaaliya , baarlamaanka ama meel kaleba ha noqotee.

Mahad Cawad oo Turjumaan noqday

[embedded content]
Post navigation
- Jawaariyoow Adaa Jiitayoon Aqalkan Joogeyne Statement by Head of AMISOM Amb. Francisco Madeira -
storvideo: 

Statement by Head of AMISOM Amb. Francisco Madeira

$
0
0

6th April 2018 admin Category :

  • SOMALI NEWS IN ENGLISH

As you are all aware, we are going through difficult political challenges. The Lower House of the Somali Parliament also known as the House of the People is now divided into two factions opposing each other.
This standoff culminated in a political and security situation last Wednesday, leading to the intervention of AMISOM Forces working in support of, and coordination with the Somali National Security Forces to address the situation.
I am instructed by my most senior leaders in Addis Ababa to inform you that the African Union Mission in Somalia (AMISOM) is mandated to work in support of the Somali Security Forces to provide security to Somali National Institutions and that includes the Parliament.
The African Union Commission and AMISOM respect the sovereignty of the people of Somalia and recognize their rights and have full confidence in the capacity of its Leadership to address the challenges besetting their country including the current political challenges that saw the Lower House of the Parliament being split into two. In this context, AMISOM has no mandate to impose on the Somali people and, indeed, on the Parliament, the way they should conduct their business. AMISOM will, therefore, not take control of the House of the People unless the competent Somali authorities request it to do so in full respect and within the parameters of AMISOM mandate. In any case we are alert and on standby, ready to come in support of Somalia in Parliament or elsewhere.
On behalf of the African Union Commission, the entire AMISOM family and on my own behalf, I wish to state that our view is that the current political standoff is between two sides of members of the Lower House of Parliament also known as the House of the People.
AU and AMISOM recognize and respect the right of the Somali Federal Parliament to determine when, where and how they conduct their business. It is therefore not the responsibility of AMISOM to determine where and how they should handle their parliamentary activities.
I wish to further state, that the African Union, through AMISOM, under the UN Security Council Resolution 2372(2017), is implementing a phased and conditionsbased transition of security responsibilities to the Somali National Security Forces and the current political crisis cannot, in any way influence or force AMISOM to withdraw its forces.
At no time we will unilaterally abandon the friendly people of Somalia and we will, as we have so far done, stand by them at all times until they tell us they are ready to take over from us.
Until then, we will continue to support the Somali National Security Forces as they strive to ensure the safety and security of their country and its institutions, including the Parliament.
The African Union Mission in Somalia (AMISOM) is deeply concerned with the security implications of Wednesday's developments in Parliament. I appeal to the Members of Parliament, legitimate representatives of the people of Somalia, to continue to exercise restraint as they strive to resolve the differences that oppose them.
I wish to congratulate the Somali National Army, the Somali Police Force, AMISOM and other branches of Somalia National Security Forces for the professional manner they were able to successfully contain the situation, prevent violence and preserve peace during Wednesday's special sitting of Parliament.
The African Union is here for all the people of Somalia. We will continue to engage with all of you at all levels and support you as you work to restore the glory of this great nation, put an end to violence, bring a lasting peace to the country and build a better future for each of its citizens.
As we do so, our mandate does not allow us to take sides with anyone of you because the African Union loves you all.
Thank you[embedded content]
storvideo: 

Midowga Afrika oo raali galin ka bixiyey dhacdadii...

$
0
0

Midowga Afrika oo raali galin ka bixiyey dhacdadii ay AMIaon ku faragalisat Barlamaanka Soomaliya
Apr 6, 2018 -
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Ciidamada AMISOM Amb. Francisco Madeira ayaa looga hadlay xaalada Siyaasadeed ee dalka ka taagan gaar ahaan khilaafka ka dhax aloosan Baarlamaanka Federaalka.
Warka Qoraalka ah ee kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay Midowga Afrika iyo AMISOM tixgelinayaan madax banaanida shacabka Soomaaliyeed, ayna qirayaan xuquuqdooda iyo kalsoonida buuxa ee ay ku qabaan hoggaankooda si looga hortago caqabadaha oo ay ku jirto siyaasadda xilligan taaggan ee laba u kala qeybiyay Aqalka hoose.
Midowga Afrika ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay faragaliyeen xiisadii ka taagneyd xarunta Baarlamaanka maalinta arbacada iyaga oo kaashanaya ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya.
Qoraalka kasoo baxay Midowga Afrika ayaa sidoo kale lagu sheegay in AMISOM aysan awood u laheyn inay amar dul dhigto shacabka Soomaaliyeed iyo run ahaantii Baarlamaanka oo la xiriira habka ay howshooda u qabsanayaan.
Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in ciidamada AMISOM aysan gacanta ku heyn karin xarunta golaha shacabka, waxaana Midowga Afrika sheegeen hadii ay hay'adaha amaanka Soomaaliya codsadaan in AMISOM gacan ku siinayaan sugida amaanka.
Hadalka kasoo baxay Midowga Afrika ayaa kusoo aadaya xili Khilaaf xoogan uu ka dhax jiro Baarlamaanka Soomaaliya sidoo kale taliyaha Ciidamada AMISOM arbacadii shaaciyay in xarunta golaha shacabka la wareegayaan inta xal laga gaarayo khilaafka Baarlamaanka
English News
storvideo: 


BEESHA CAALAMKA OO WALAAC XOOGGAN KA MUUJISAY...

$
0
0

7th April 2018 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, dowladaha Itoobia, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka waxay aad uga walaacsanyihiin dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee siyaasadeed iyo amni ee ka dhacay Muqdisho, kuwaas oo halis u ah inay carqaladeeyaan guulihii amni iyo siyaasadeed ee sida dhibka leh lagu keenay, waxayna dhaawacayaan sumcadda Soomaaliya.
Beesha Caalamku waxay ku boorrinaysaa dhamaan madaxda Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta inay ixtiraamaan sarreynta sharciga iyo Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah marka ay xallinayaan khilaafaadkooda siyaasadeed. Tani waxay u baahantahay inay ku jirto dhowridda hanaanka dimoqoraadiyadeed. Wax kasta oo ay qaadato, waa in laga fogaadaa falalka kor u qaadaya xiisad horseedaysa colaado dhalan kara.
Beesha Caalamka waxay ku boorrinaysaa madaxda Baarlamaanka iyo Laanta Fulinta inay maalmaha soo socda yeeshaan wadahadalo ku dhisan ixtiraam ayna khilaafaadkooda siyaasadeed ku xalliyaan hab nabadeed oo loo maro dastuurka.
Beesha Caalamka waxay bogaadinaysaa kooxaha iyo shakhsiyaadka ku hawlan dhexdhexaadinta xal nabadeed loogu raadinayo khilaafaadka siyaasadeed waxayna [beesha caalamku] garab taagantahay dadaalladooda.
The United Nations, African Union, European Union, Inter-Governmental Authority on Development, Ethiopia, Italy, Sweden, the United Kingdom and the United States are extremely concerned by recent political and security developments in Mogadishu that risk derailing hard-earned political, economic, and security achievements and tarnishing the reputation of Somalia.
The international community urges all Somali leaders and politicians to respect the rule of law and the Provisional Federal Constitution in resolving political differences. This needs to include preservation of democratic space. Activities that increase tensions leading to possible violence should be avoided at all costs.
The international community urges leaders in Parliament and the Executive to engage in respectful discussions in the coming days and to use constitutional and peaceful means to resolve political differences.
The international community commends those groups and individuals who are mediating a peaceful resolution to political differences and stands behind their efforts.
Post navigation
- Previous Post Kheyre oo Kormeer ugu tagay Ciidanka NISA -
storvideo: 

Ruushka oo 'jawaab adag' ka bixin doona cunoqabatayn Maraykanku ku soo rogay

$
0
0

Ruushka ayaa ku hanjabay in uu "jawaab adag" ka bixin doono cunoqabatayno cusub oo Maraykanku ku soo rogay saraakiil iyo shirkado Ruush ah oo lagu eedeeyey in ay ka macaashaan dedaalada Madaxweyne Putin ku doonayo inuu ku wiiqo reer Galbeedka.

Ruushka oo 'jawaab adag' ka bixin doona...

$
0
0

Ruushka ayaa ku hanjabay in uu "jawaab adag" ka bixin doono cunoqabatayno cusub oo Maraykanku ku soo rogay saraakiil iyo shirkado Ruush ah oo lagu eedeeyey in ay ka macaashaan dedaalada Madaxweyne Putin ku doonayo inuu ku wiiqo reer Galbeedka.
Liiskaa dadka la takoorayo waxa ku jira mid ka tirsan ilaalada gaarka ah ee Putin, wiil uu soddog u yahay, iyo xubno ka mid ah saraakiisha saamaynta leh ee madaxweynaha u dhaw iyo sidoo kale tobaneeyo shirkadood oo ay kuwaasi leehihiin.
Hantidooda taalla bankiyada Maraykanka ayaa sida cunoqabatayntu dhigayso la xayiri karaa. Warbixin ay soo saartay wasaaradda arimaha dibadda Ruushku ayaa lagu sheegay in "cadaadis kasta" oo lagu doonayo in Ruushka "lagaga weeciyo dhabbaha uu doortay" aanu u dabcayn.
Mid ka mid ah saraakiisha saamaynta leh ee liiska ku jira ayaa ah Oleg Deripaska, oo ku sheegay go'aanka liiska loogu daray mid "aan sal lahayn, la yaab leh oo ah wax lagu qoslo".
storvideo: 

Tirada Falastiiniyiinta lagu dilay mudaharaadadii Qasa oo la shaaciyey

$
0
0

Wasaaradda caafimaadka ee Falastiiniyiinta ayaa haatan sheegtay in toban qof ku dhinteen mudaharaadadii ka dhacay Jimcihii xadka Qasa iyo Israel.

Tirada Falastiiniyiinta lagu dilay mudaharaadadii...

$
0
0

Wasaaradda caafimaadka ee Falastiiniyiinta ayaa haatan sheegtay in toban qof ku dhinteen mudaharaadadii ka dhacay Jimcihii xadka Qasa iyo Israel.
Af-hayeen wasaaradda u hadlay ayaa sheegay in sawir qaade muuqaalo ka soo tabinayey bannaan baxyadu uu ka mid ahaa dadkaa la dilay.
Ciidanka Israel ayaa ku adkaysanaya in ay rasaasta ku rideen dadka mudaharaadayey ee goobaha difaacooda soo beegsaday oo keliya.
Banaanbaxyadan Falastiiniyiintu dhigayeen waxay ku dalbanayeen in ay ku noqdaan dhulkii awowyaashood, oo haatan ah Israel.
Hase yeeshee af-hayeen u hadlay Israel ayaa ku eedeeyey ururka mitidka ah ee Xamaas in uu ku tirtirsiyey rayidka Qasa in ay isku qaadaan xadka oo ay laayaan Israeli-yiinta.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live