Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Akhriso: Qodobada laga soo saaray shir muhiima oo...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Wararka naga soo gaaraya Magaalada dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in halkaa lagu soo gaba gabeeyay shir khaasa oo u dhexeeyay maamulka iyo ganacsatada deegaanada Galmudug.
Shirka ayaa looga hadlayay hormarinta ganacsiga Galmudug waxayna dhinacyada Shirka ay soo saareen Warmurtiyeed ku aadan qodobadii lagu hesheeyay.
Shirka oo diirada lagu saaray horumarinta Ganacsiga degaannada Galmudug oo muddooyinkii dambe ka socday Magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu soo gabagabeeyay Magaaladaasi, kaasi oo ay ka qeybgaleen ganacsatada Gobolka Madax ka tirsan Maamulka Galmudug.HOOS KA AKHRISO WAR MURTIYEEDKA SHIRKA

SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 


Somalia says aims to halt UAE funding for troops

$
0
0

As relations with the United Arab Emirates sour over the seizure of millions of dollars in cash, Somalia announced Wednesday it would end UAE funding for its armed forces.
Defense Minister Mohamed Mursal's comments to reporters came shortly after the UAE condemned what it called an "illegal" move by Somalia to seize $9.6 million from an aircraft at the Mogadishu airport over the weekend.
The UAE's state news agency, WAM, said some of the 47 Emirati Armed Forces personnel on the plane were held at gunpoint and assaulted by Somali security forces. The money was allocated to support the Somali army and trainees, WAM reported.
"The UAE deplores this violation of international law and norms at a time when the UAE has provided all kinds of political, economic, military and humanitarian support in the darkest conditions to establish security and stability" in Somalia, the foreign ministry statement carried on WAM said.
Somalia's government has dismissed such reports.
It announced the seizure Sunday, saying security forces boarded the plane and discovered three unmarked bags of cash during routine checks. A security ministry statement said the bags were full of U.S. dollars and an investigation was under way to determine why they had been smuggled into the country.
Somalia's defense minister said all of the UAE-trained Somali troops would be integrated into army units by Thursday. "It's our duty as the government to ensure the salaries for our army -- not that it has to bother other people," he said.
Somali officials have long claimed that the UAE-trained troops were taking orders from UAE military advisers rather than Somalia's government, and that they conducted unilateral raids targeting politicians and others. In recent months the UAE-trained forces repeatedly clashed with other Somali forces, leaving dozens of people dead.
Relations between Somalia and the UAE have been strained since the oil-rich Gulf country's Dubai-owned DP World port operator began operating a major port in Somalia's breakaway territory of Somaliland last year. The UAE also has invited Somaliland officials for state visits and is building a military base there, suggesting that the country is moving toward recognizing Somaliland's independence.
storvideo: 

Daawo: ” Dacaayad nagama Aha In uu xisbigu inaga...

$
0
0

Daawo:" Dacaayad nagama Aha In uu xisbigu inaga burburana Doonimayno" Maxamed Kaahin Oo Buun Buuniyey Khilaafka Wadani Si tiiq Tiiqsi lehna ugu masaalay Burburkii Xisbiga Udub
[embedded content]
storvideo: 

Gorod oo Ka Hadlay Waraaq uu Ku Dalbaday in La Fasaxo Lacagtii UAE

$
0
0

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod), ayaa markii ugu horraysay ka hadlay warqad uu u qoray maalintii Axaddii taasi oo ku socotay maareeyaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cismaan oo uu ku codsanayey in Imaaraadka in loo oggolaado inay la soo baxaan lacago ay la soo degayeen.

Xildhibaan Xidig oo jawaab ka bixiyey hadalka...

$
0
0

Xildhibaan Xidig oo jawaab ka bixiyey hadalka wasiirka arimaha dibadda Baxreyn
Apr 11, 2018 -
Hadalkii Wasiirka Arrimaha Dibadda Baxreyn Iyo Fal Celiskii Soomaalida Baraha Bulshada.
Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Baxreyn Khaalid ibnu Ahmed ayaa bartiisa twitter ka waxaa uu soo dhigey hadal uu dowladda Soomaaliya ku dhaliilay asagoo daba socdey muran dublumaasiyadeedka u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka.
" Dowladda Imaaraat ku waxay abaabushay shirar dhawr ah oo Soomaaliya lagu taageerayey ayadoo uu goob joog ka ahaa madaxweynaha Soomaaliya, waxayna imaaraat ku Soomaaliya ka caawiyeen la dagaalanka burcad badeeda ayagoo siiyey taageero dhaqaale, hub iyo daawo, laakiin Soomaalidu waxay ugu badashay inkiraad iyo xumeyn ama sumcad dil, waxayna hoosta ka galleen dhabta cadowga umadda, Illaahay baa nagu filan una wanaagsan wax la talo saarto" khaalid Ahmed
Caadiyan maa ahan badanaa dhaqanka dublumaasiyadda aduunka ka dhaca in muran dublumaasiyadeed oo labo dowladood ka dhexeeya in dowlad kale si qaawan u soo dhex gasho oo mid ula safato, gaar ahaan marka dowladaan soo dhex galaysa uusan wax xiriir xumo hore ah kala dhaxeyn dowladda ay ka safaneyso.
Hase ahaatee qofkii la socda siyaasadda carabta uu garan karaa sababta hadalka wasiirka Baxreyn oo ka mida Isbahaysiga ay is hayaan Qatar.
Hadalkaan kasoo yeeray wasiirka Baxreyn wuxuu soo jiitey oo dood adag dhex dhigey bulshada Soomaalida iyo carabta ee sida weyn u raaca wax yaabaha xaasaasiga ah ee lagu qoro xisaabaatka ay twitter-ka ku leeyihiin shaqsiyaadka caank ah ee aarada ama wararka sameeya.
Inka badan dhawr boqol oo qof ayaa jawaabo iyo jawaab celin isku dhaafsadey bogga wasiirka Baxreyn uu ku lee yahay twitterka.
Soomaali badan oo u badan dhalin yaro afka carabiga si fiican u yaqaan ayaa doodaan ka qeyb galay ayagoo difaacaya mowqifka Soomaaliya.
Doodu waxay u badneyd hadalo kulul oo mararka qaarkood aflagaado iyo cey la is dhaafsaneyey.
Shaqsiyaadka carabta ah ee taageerayey warka wasiirka oo dhalashadoodu badankood ka muuqatay imaaratiyiin iyo sucuudiyiin waxay Soomaaliya ku tilmaamayeen dal burburay oo gaajo iyo argagaxiso degtay kuna abaal dhacay dowladihii caawinayey.
Laakiin shaqsiyaad kale oo carbeed ayaa dowladaha Isbahaysiga ku eedeynayey inay doonayaan Soomaaliya in loo burburiyo sida Yamen iyo Iiibiya, waxayna wasiirka Baxreyn iyo dowladdaha kale ugu baaqayeen inay Soomaaliya arrimaheeda gudaha faraha kala baxaan lagana daayo xad gudubka lagu hayo qaranimadeeda.
Hase ahaatee, waxaa xiiso badan lahaa fal celiska dhalinyarada Soomaalida ah ee ka qeyb qaadatay doodaas.
Waxaa ka muuqdey dhalin yaradaas kalsooni iyo qab uu ka muuqdo dhaqankii Soomaalida lagu yaqaanay, waxey ku doodeen in ay abaal u hayaa cid kastoo Soomaaliya caawisay laakiin taas aysan ku badalan karin inay aqbalaan siyaasad wax u dhimeysa qaranimada iyo madax banaanida dalkooda.
Dhalinyarada qaarkood carro xooggan ayaa ka muuqatey waxeyna cay iyo hadalo kulul u jeediyeen wasiirka Baxreyn iyo dowladaha kale ee carbeed oo ay ku eedeeyeen inay ka shaqeynayaan siyaasad iyo falal Soomaaliya looga abuurayo qalalaase iyo khilaafaad.
Hiba Shookari oo ka mid aheyd dhalinyarad sida wanaagsan Soomaaliya u difaacdey aadna uga qeyb-gashay doodaan ayaa tilmaantay in Soomaaliya ixtiraamayso ciddii ixtiraamta ayna xaq u leedahay inay difaacato dannaheeda qaran.
Ma jirto cid aan raali uga noqonayno inay dalkaanaga kala qeybiyaan ayey tiri Hiba oo hadal keeda uu ka muuqdey sida ay ugu weyn tahay Soomaalinimadu.
Asad Ibraahim Cadaani oo ah qoraa Soomaaliyeed ayaa si weyn ugu caqli celiyey wasiirka Baxreyn kuna nuux nuuxsadey sida ay lagama maarmaan u tahay in aan mashaakil ka dhex jira dowladaha khaliijka loosoo rarin Soomaaliya.
Asad ayaa ku faanay Soomaaliyaba inay caawin jirtay dowladaha khaliijka xili ay ahaayeen dad aradan oo fakhri ah.
Guud ahaan doodaani waxay banaanka soo dhigtay inay jiraan jiil cusub ay ka go'an tahay inay difaacdaan dhaxalkii awoowayaashood iyo qaranimadii ay dhalliyeen dhalinyaradii gumeystihii cadaa dalka ka saarey.
Dhalinyarada Soomaaliyeed ee doodan ka qeyb gashay waxey si weyn ugu celceliyeen inaysan macno ugu fadhin sida dowladuhu u kala lacag iyo dhaqaallo badan yihiin laakiin ay ku faanayaan inay leeyihiin dal Soomaaliya la dhaho lehna mustqabal wanaagsan.
Doodahaas iyo weerarada afka ah ee ay dowldaha iyo muwaadiniintu is dhaafsanayaan, kasokow waxaan la in kiri karin in caalamka casriga ah ay dowladuhu yeeshaan iskaashi iyo wax kala badalasho ku dhisan masaalix lawadaago, Soomaaliyana waxaa maslaxadeedu ku jirtaa inay xiriir wanaagsan la yeelato dowladaha caalamka, gaar ahaan kuwa carbeed oo aan danno badan wadaagno.
Sidoo kale dowladaha dannaha ka leh Soomaaliya waxaa la gudboon inay dannahooda iyo masaalixdooda usoo maraan wado sax, kana fogaadaan siyaasaddaha keenaya cadawada iyo kala fogaanshaha oo aan cidna danni ugu jirin.
Ma jirto dowlad ay ka suurta gali karto inay qaranimadeeda iyo midnimadeeda dhuleed ku badalato kaalmo kooban oo dal kale uga yimaada Soomaaliyana kama duwana kuwaas haddaan lagu beegsaneyn qaran jabkii ku dhacay oo ay hadda kasoo kabanayso.
Hon. Abdirashiid Mohamed Hidig
English News
storvideo: 

Afhayeenka Aqalka Wakiillada Maraykanka oo shaqada ka fariisanaya

$
0
0

Afhayeenka Aqalka Wakiillada Maraykanka Paul Ryan ayaan ka qayb gali doonin doorashada Maraykanka ka dhacaysa sannadkan gudahiisa, arrintaas oo dhirbaaxo wayn ku ah xisbiga Jamhuuriga.

Shirka Suufiyada Caalamka oo ka Furmaya Saaka...

$
0
0

Wafti Suufiyo ah oo ka socda Kow iyo Toban Dal ayaa gaadhay Magaalada Muqdisho, wafdiga Suufiyada ah ayaa waxaa casuumay Jaamacadda Imaamu-shaafici oo ku taalla Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Hodan Xaafada Siigaale.
Sida la sheegay waftigan Suufiyada ah ayaa ka Qaybgalaya shir Maanta uga furmaya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya Suufiyada.
Shirkaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey oo ay qabanayaan jamaacaddan ayna iskugu imaanayaan culumo & Aqoonyahano & ilaa heer Caalami ah oo ka kala socda daafaha caalamka.
Wadaadan Suufiyada ah ayaa wax soo dhaweeyey Wasiiru dawlaha Madaxtooyada Khaliif C/qaadir Macalin Nuur oo ah aas-aasaha jaamacadda Imaamu-shaafic
Wafdigaan ayaa waxa ay ka kala socdaan ilaa 11 dal Waxayna kala yihiin.
1- Dr - Safwaan ( Dalka Jordan)
2- Dr - Mascuud Axmed ( UK ).
3- Dr - Axmed Shaxaat ( Masar)
4- Dr - Maxamed Xuseen ( Turkiga).
5- Dr Faatix Qariibulaah ( Neejeeriya).
6- Dr - Maslami Kamaal ( Suudaan)
7- Dr - Anas Alciisawi ( Ciraaq)
8- Dr - Bilaal Calaa ( Lubnaan)
9- Dr- Tawfiiq Luuri ( Marooko).
10- Dr - Khaliil Loox ( Sinigaal).
11- Dr - Ismaaciil Qaari, ( Aljeeriya)
storvideo: 

Muqdisho oo lagu qabanayo shirka 7aad ee Suufiyada...

$
0
0

Wafdi ka socda 11dal ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho,wafdigaas ayaa waxaa casuumay Jaamacadda Imaamu-shaafici oo ku taalla Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Hodan Xaafada Siigaale.
Sida la sheegay waftigaan ayaa maalinka beri ah shir uga furmi doonaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Shirkaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey oo ay qabanayaan jamaacaddan ayna iskugu imaanayaan culumo & Aqoonyahano & ilaa heer Caalami ah oo ka kala socda daafaha caalamka.
Wafdigaan ayaa waxa ay ka kala socdaan ilaa 11 dal Waxayna kala yihiin.
1- Dr - safwaan ( dalka Jordan)
2- Dr - mascuud axmed ( UK ).
3- Dr - axmed shaxaat ( masar)
4- Dr - maxamed xuseen ( turkiga).
5- Dr faatix qariibulaah ( neejeeriya).
6- Dr - maslami kamaal ( suudaan)
7- Dr - Anas alciisawi ( ciraaq)
8- Dr - bilaal calaa ( lubnaan)
9- Dr- tawfiiq luuri ( marooko).
10- Dr - khaliil loox ( sinigaal).
11- Dr - ismaaciil qaari, ( aljeeriya)
Wafdiyada wax so dhaweeyey Khaliif C/qaadir Macalin Nuur Wasiiru dawlaha Madaxtooyada oo ah aas-aasaha jaamacadda Imaamu-shaafici.
Share this:
Related
storvideo: 


Munaasabadda 12 April ee aas-aaska Ciidanka xoogga...

$
0
0

Muqdosho(SONNA):-Munaasabadda lagu xusayo 58-guuradii ka soo wareegatay aas aaska Ciidamada xoogga dalka ee 12 April ayaa maanta ka dhacaya magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah dalka.
Madaxda ugu sareysa dalka iyo Taliyeyaasha Ciidamada ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan munaasabaddan maalinta qiimaha badan ee 12-ka April oo sanad kasta xiligan oo kale ay u dabaal-dagaan Ciidanka Xoogga Dalka.
Ciidamada xoogga dalka ayaa la filayaa inay munaasabadda maanta ka dhaceysa Muqdisho ku soo bandhigaan dhoolatus ciidan iyo gaada ka ciyaar.
Madaxda Qaranka ayaa Hambalyo ku aadan Xuska 12ka April u diray Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxayna sanadkaan ay u dabaal degayaan sanad guuradii 58 aad.
12-ka April sanadkii 1960 ayey ahayd markii la aas aasay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana ka soo wareegtay 58 sano.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa lagu Aasaasay ciidan ka kooban 8 horrimood, waxaa lagu magcaabi jiray xiligaasi magaca Cali Boobaaye, ciidankaasi ayaa tiradiisu ahayd 2000 oo Askari, waxaa laga kala qoray 6 gobol oo ka tirsan gobollada koonfureed ee Gumeystihii Talyaaniga gumeysanjiray.
Munaasabadda 12-ka April ee sanadkan 2018ka oo ah sanadguuradii 58aad ee ka soo wareegtay aas aaska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya, waxay ku soo beegantay xilli Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed uu ku tallaabsaday horumarro dhinacyo badan leh, islamarkaana ay socdaan qorshayaal kor loogu qaadayo Tayada iyo hoggaan wanaagga Ciidanka xoogga dalka.
storvideo: 

Wasiir Oomaar oo Istanbul kullan kula qaatay Madaxda...

$
0
0

Istanbul(SONNA);- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Salaad "Oomaar" ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kullan kula leh madaxda shirkadda duulimaadka Turkiga ee Turkish Airlines.
Wasiir Oomaar ayaa dadaal ugu jira sidii dib loogu soo celin lahaa diyaaraddii magaca iyo maamuuska ku lahayd ummadda Soomaaliyeed ee Soomaali Airlines.
Mudane: Maxamed C/llaahi Salaad "Oomaar" iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa warbixin ka dhageystay madaxda Shirkadda Turkish Airlines waqtiyadii kala duwanaa ay soo martay,wuxuuna Wasiir "Oomaar" uu booqday qeybaha ay ka kooban tahay shirkadda Turkiga Airlines.
Wasiir "Oomaar" iyo wafdigiisa ayaa warbixino ka dhagaystay Madaxda Shirkada Turkish airlines waqtiyadii ay soo martay iyadoona wasiirka uu booqday qeebaha ay ka koobantahay Shirkada Turkish airlines .
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Salaad "Oomaar" oo warbaahinta kula hadlay magaalada Istanbul ayaa sheegay in kullan mira dhal ah uula yeeshay madaxda shirkadda Turkish Airlines,isagoona hoosta ka xariiqay in booqashada xarunta shirkadda wax badan ka caawin doonto.
Captain Caydaruus oo ka mid ahaa Duuliyeyaashii Soomaali Airlines ayaa sheegay in ummadda Soomaaliyeed wax badan ka faa'idi doonaan dib u soo celinta diyaaradda Soomaali Airlines.
Waxa socda dadaallo xooggan oo la doonayo in lagu mataaneeyo labada Wasaaradood, iyadoona Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Soomaaliya laga caawin doono arrimo badan waxa jira kullan uu Wasiir "Oomaar" la yeelan doona dhiggiisa Turkiga.
storvideo: 

Shirka horumarinta warbaahinta Dalka oo maalinti 2...

$
0
0

Waxaa maalintii labaad ka soconaya magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland shirka horumarinta warbaahinta Soomaaliya,kaasi oo ay ka qeybgalayaan mas'uuliyiinta Wasaaradaha Warfaafinta heer Federaal iyo heer Dowlada Goboleed iyo maamulka Gobolka Banaadir,iyadoo ay goob joog ka yihiin quburo caalami ah. Shirkani oo uu socondoono muddo 4 maalmood ah ayaa inta uu socdo waxaa diiradda [...]
storvideo: 

Somaliland Investment Comapnay.                    ...

$
0
0

-----------------------------------------------
Waa mowduuc ku saabsan shirkada cusub ee dowlada Somaliland ka abuurtay debada ,
Somaliland Investment Company.
'-----------------------------------------
Dhamaan akhristayaasha sharafta badan waxaan leeyahay subax wanaagsan.
Dhawaan dowlada Somaliland waxay inoo sheegatay inay abuurtay shirkad saamilay ah, lagana diiwaan galiyey dalka isutaga imaaraadka carabta ,gaar ahaan suuq maaliyadeedka caalamiga ah ee dubai.
Shirkadaas cusub , waxay dhalisay guux badan iyo shaki , ka abuurmay qaabka ay dowladu uga hadashay , warbixinta ilaa hada la hayo oo bulshada qaybo ka mid ahi aanay ku qanacsanayn .
Hadaba waxaan jecelahay bal inaan idinla wadaago , aragtidayda sida loo abuuro shirkadaha ganacsi ee dowliga ah ama gaarka loo leeyahay.
Marka hore waa inuu jiraa qaanuun loo raacayo habka loo abuurayo shirkad ganacsi /maaliyadeed oo dowli ah / la wada leeyahay /ama gaar loo leeyahay .( Companies Act).
Ma doonayo inaan sharaxo noocyada kala duwan ee shirkadaha oo aan ku gudo dhaco , kaliya waxaan rabaa inaan qeexo , marka dowlad ay samaynayso shirkad ay iyadu leedahay ama lala leeyahay , Amaba shirkad gaar loo leeyahay, talaabooyinka saxda ah ee loo maro , si loo ilaaliyo kalsoonida ganacsi ee shirkadaas iyo sharci ahaanshaheeda . (Legal Formalities for Starting Business Institutions).
Marka shirkad la abuurayo, ama la diiwaan galinaayo , waliba shirkadaha saamilayda ah (public /Private companies), ama dalkaaga ka diiwaan gali ama mid shisheeye ,waxa lagama maarmaan ah inay keento documents mucayin ah , oo sheegaaya shirkadaas , nooceeda , ujeedadeeda , xafiiskeeda , raasamaalka lagu bilaabaayo iyo qaabka loo maamulaayo . waa laba document oo iskaabaaya . marka la abuurayo shirkad ganacsi ee loo diiwaangalinaayo si ay u hesho aqoonsi iyo ogolaansho, waxaa lagama maarmaan ah inay soo gudbiso laba fay lama warqadood (Documents).
i). Memorundum of associations (MOA), ah warqada qeexaysa sawirka guud ee shirkada,
ii) Articles of Association (AOA) oo ah habraaca hanaanka maamulka , maaraynta ,suggaya masuliyadaha iyo waajibaadka shaqo iyo shaqaale ee shirkada.
1. Memorandum of Association: A Memorandum of Association (MOA) is a legal document prepared in the formation and registration process of a limited liability company to define its relationship with shareholders.
(NB. Limited Liability means= A private company whose owners are legally responsible for its debts only to the extent of the amount of capital they invested, and it can be private or public limited liabilityby shares).
------------------------------------------------
Somaliland investment company is limited by shares as per the information posted by DIFC.
-------------------------------------------------
Documentigaasi waxa uu ka koobanyahay sidan hoose:
* Name clause : The name clause requires you to state the legal and recognized name of the company.( in la ogaado lana aqoonsado magaca sharciga ah ee shirkada ),
* Registered office clause: The registered office clause requires you to show the physical location of the registered office of the company.( in la ogaado lana aqoonsado xarunta guud ee shirkada ),
* Objective cause: The objective clause requires you to summarize the main objectives for establishing the company with reference to the requirements for shareholding and use of financial resources.( in la soo koobo oo la cadeeyo ujeedada loo asaasayo shirkada , sida saamiyadeeda loo bixinaayo ama cida doonaysa waxyaabaha looga baahanyahay iyo siyaabaha kala duwan ee dhaqaalaha shirkadaas ka soo baxa loo adeegsan doono mustabalka ),
* Liability Clause: The liability clause requires you to state the extent to which shareholders of the company are liable to the debt obligations of the company in the event of the companydissolving. ( oo ah shirkadaasi haday kacdo ama dayn lagu yeesho , waa in la cadeeyo xadka , dadka saamilayda ah, miyaa loo raacayaa xataa hantidooda gaarka ah mise hadba inta saami ay shirkada ku leeyihiin ayay ku eegtahay ),
* Capital clause: The capital clause requires you to state the company's authorized share capital, the different categories of shares and the nominal value (the minimum value per share) of the shares.( oo ah waa in la cadeeyo raasamaalka loo qoondeeyey shirkada ama la rabo inay gaadho ugu badnaan iyo noocyada kala duwan ee saamiyada ay bixinayso iyo qiimaha u bilaabayo calaa saami ).
Sida , equity shares , preference shares , participative and unparticipative shares , redeemable and irredeemable shares etc.
* Association Clause: This clause states that the persons subscribing their signatures at the end of the Memorandum are desirous of forming themselves into an association in pursuance of the Memorandum.
Memorandum of Association must be signed by seven or more persons in the case of a public company and by two or more persons in the case of a private company. Signatures shall be attested by witnesses.
( dadka saxeexayaa ugu danbaynta waa inay cadeeyaan inay fulinayaan heeshiiskaas , kana go'antahay ,waana inay saxeexaan 7 xubnood ama in ka badan haday tahay shirkadcaam ah la wada leeyahay , 2 iyo waxii ka badan haday tahay shirkad gaar loo leeyahay , waana inay markhaatiyaan sii tasdiiqiyaan saxeexyadooda.).
Fileka koowaad ee laf dhabarka u ah abuurid shirkadeed okay tahay waa kaas intasu ka koobanyahay, kaasaana lagu diiwaanaliyaa oo ka waramaaya sawirka guud ee shirkada , loonabaahanyahay cidkasta oo danaynaysa in laga dhargiyo, loona cadeeyo.
Waxa soo raaca waa document labaad oo ku saabsan , sida shirkada loo maamulaayo , iyo shuruucdeeda gaar ahaaneed ,habraaca maamulka iyo maaraynta arimaha shirkada .
2. Articles of Association: Articles of Association (AOA) is a document containing all the rules and regulations that governs the company.
Waa document sheegaaya , sharaxaaya , hanaanka iyo habraaca maamul ee shirkada , masuuliyadaha kala duwan ee shirkada ,waajibaadka shaqaalaha iyo masuuliyiinta shirkada .
Shirkad waliba nadaamkeeda shaqo waa u gaar kaliya waxa khasab ah , in hanaankeeda maamul , hanaankeeda shaqo abuur ,hanaankeeda xidhiidh eeay la leedahay bulshada uu waafacsanyahay sharciga guud ee dalka , ka shaqada iyo shaqaalaha , sharciga dhowra macaamiisha , laakin shirkad waliba waa la gaar sharuucdeeda gudaha ( internal policy of the compony).
3. Waxa soo raaca (prospective) oo ka waramaya mustaqbalka , marka shirkadaas shaqayso waxay soo kordhinayso iyo halkay gaadhayso . (The potential of company in different prospective).
Sadexdaas documents ayaa ugu muhiimsan guud ahaan marka la abuuraayo shirkad ganacsi ee la rabo inay hesho shahaadada dhaqdhaqaaqa ganacsi amaogolaanshaha sharci ee ganacsi (Certificate of commencement of business). Intaas waxaa dheer in la bixiyo kharash adeega ee diiwaangalinta shirkada (Registration Fee).
Intaas marka la gudbiyo ayaa ay heshaa ogolaansho ama shahaadada ogolaanshaha ka dibna ay yeelanaysaa sharciyad iyo jiritaan ( Legal Entity).
Markaasa ayaa waxa bilaama habkii ay suuqa ku galaysay , inay bixiso saamiyada ama nidaamkaloo yaqaano ( Intial Public Offer IPO, which means issuing shares to the public).
Aan usoo laabto hadaba Somaliland Investment Company, waxay ila tahay sharciga lagu aasaasay ee dalkeena u yaala ,iyo baahida keenatay wali laguma qanci karo,
@Lama hayo documents kii lagu asaasay ee sheegaayey dhamaan warbixinta shirkada , xarunteeda halkay tahay , cida maal gashanaysaa nooca ay tahay , ma somalilanders baa , ma international baa?. Mar haday shirkadu saamilay tahay samaynaysa ganacsi (trading activities) waxay samaynaysaa dakhli , waliba ka abuurmaya wadanka dabadiisa , maxaa lagu samaynayaa ?( use of financial resources generated by thecompany ),
@Waxa kale oo aan cadayn yaa lagu report garaynayaa , hanaan xisaabeedkeeka, masuuliyadiisa yaa leh ?.
@Waxa kale oo shaki ku jiraa warbixinta laynala wadaagay waxa ku cad inay wasaarada maaliyada tahay saamilay bixisay $50,000, inta kale yaa leh, yaase loogu talo galay?.
@$50, 0000 ee ay bixisay wasaarada maaliyadu ma registration feega shirkadaa ee Lagu diiwaangaliyey baa, mise waxa bilaabay IPO oo way iibsatay galin horeba ? haday tahay haa , yaa kale ee iibsaday?.
@Hadii sida la sheegay raasamaalka loo qoondeeyey ee lagu diiwaan galiyey yahay (Authorized Capital of 5 million USD), paid up capital keedu ma $50,000 baa mise waxaa jira paid up capital kale cid kale bixisay oo qarsoon?.
@Shirkad kasta oo la abuurayaa waxay leedahay qadar lacageed oo ay ku bixiso kirooyinka ,cashuuraha , agab iyo xafiisyo waxii ama kharashaadkeeda joogtada ah iyo mid ah waqtiga shirkada la bilaabayo la bixiyo oo loo yaqaano (working capital and preliminary expenditure ) lacagtaasi waa imisa ?, ma dowladaa bixisay mise ashkhaas?,
@Saamiyada ay shirkadu bixinaysaa waa noocyadee? (Equity shares/preference shares/participative or unparticipative shares / redeemable or irredeemable etc?).
@Saxeexayaasha waa 3 kaliya taasoo macnaheedu tahay shirkadaas gaarbaa loo leeyahay , waxa se laynoogu sheegay shirkad dowladeed saamilay ah oo la wada yeelan karo sharciyana ay tahay inay saxeexaan 7 xubnood waliba waa inay sharci ku yimaadaan xubnahaasi maaaama shirkad dowladeed tahay. Waa marka lagu eego indhaha cilmiga ganacsiga .
@Waraaqihii ama documents kii rasmiga ahaa ee shirkada lagu diiwaangaliyey iyo shuruucda loo cuskaday ee laga dheehan lahaa runta waa qarsoonyihiin,
@Masuuliyiinta lagu diiwaan galiyey magacyadooda waa masuuliyiin xilal qaran haya , waxay noqonaysaa (conflict of interest ), halkaana shaki weynbaa ku jira .
Isku soo wada duub , hanaanka loomaray abuurista shirkadaas maaha iyo xogta ilaa hada aynu haynaa maaha wax lagu qanci karo , waanay baal marsantahay curgiga wacan ee lagu abuuro shirkado ganacsi oo sharciya.
Halkaas waxaynu kusoo dhaafaynaa asaasiyaadka iyo hanaanka ganacsi lagu abuuro iyo waraaqaha/faylalka muhiimka u ah ee la wariyo marka laga waramayo.
Aan usoo laabano suaalo ka dhalanaya SIC iyo hanaanka lagu abuuray.
Lasoco qaybaha danbe.hadii alle qadaro.
Abdirashid Hussein Yousuf Gahaydhle
Emal:Gahaydhle@live.com,
Doha,Qatar.
storvideo: 

Afhayeenka Aqalka Wakiillada Maraykanka oo shaqada...

$
0
0

Afhayeenka Aqalka Wakiillada Maraykanka Paul Ryan ayaan ka qayb gali doonin doorashada Maraykanka ka dhacaysa sannadkan gudahiisa, arrintaas oo dhirbaaxo wayn ku ah xisbiga Jamhuuriga iyadoo ay soo socoto doorashada Aqalka Wakiillada.
Ninka ugu awood badan xildhibaannada ayaa sheegay in uusan iska soo sharaxaynin mar kale deegaanka Wisconsin, marka doorashada la qabto bisha Nofeembar.
Jamhuuriga ayay haddaba caddaadis ka haystaa sidii ay aqlabiyadda Aqalka Wakiillada uga ilaashan lahaayeen xisbiga Jamhuuriga.
Ryan ayaa qayb ka ah soddon xildhibaan oo xisbiga Jamhuuriga ka tirsan oo shaaciyay in ay shaqada ka fariisanayaan sannadkan.
Xisbiga Dimuqraadiguna wuxuu u baahan yahay 23 xildhibaan si uu aqlabiyad uga noqdo aqalkaas.
Ryan oo Arbacadii shir jaraa'id qabtay ayaa shaaciyay go'aankiisa wuxuuna ku sababeeyay arrimo qoys.
"Waad ogtihiin anigu shaqadan ma raadsanin, ee anigu oo ka cago jiidaya ayaan qabtay" ayuu yiri.
"Balse shaqadan wax walbe waan u huray, kamana shalaytaysni in aan masuuliyaddaas aqbalay".

  • Aqalka Wakiiladda Mareykanka oo taageeray isbadal uu soo jeediyay Trump
  • Jamhuuriga oo Trump uga digay baaritaanka Ruushka

Ninkan oo 48 jir ah saddex carruur ahna dhalay ayaa sheegay in uusan rabin in carruurtiisu u arkin "aabaha Sabtida iyo Axadda oo kali ah".
Ryan ayaa sheegay in uu shaqada ka fariisan doono bisha Janaayo ee sannadka fooda inagu soo haya, markaas oo uu ku egyahay xilligii la doortay.
storvideo: 

Agaasimihii Xalay Iscasilay Oo Ka Hadley Sababtii Uu...

$
0
0

Hargeysa (Waaheen):- Agaasimihii wasaarada qorsheynta qaranka Somaliland oo xalay is casilay ayaa waxaa uu markii ugu horeysay uu ka hadley sababta ku kaliftey in uu xilkaasi iska casilo
Md Cabdi Cali Jaamac oo qoraal uu arintan kaga hadlaayo soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa yidhi
Faahfaahin Kooban: Iscasilaad.
Horta qofna Telefon kama qaban, Face-book messages-kana uma jawaabin cidna, suaasha ugu badanina waxay ahayd sababta aan isu casiley.
Waxan garawsaday in aad xaq u leedihiin in aan erayo kooban idinku sheego sababta aan xilka uga tegay, taasoo ah sidan soo socota:
Madaxweynaha ayaa telefoon igula soo hadlay sabtidii; wuxu igu yidhi hadal macnihiisu yahay(not literally) ha u mareexaanayn wasiirka!!! taas waynu isku dilaynaa!!! Markii aan ku idhi madaxweyne aan kuu imaaddo oo aan is difaacana wuxu yidhi laba cisho iga maqnaw, markaa shalay oo arbaca ah ayaan tegay. Waxana la ii sheegay in aanay ballani ii oolin.
Haddaba, shaqaalaha iyo dadka wasaaradduba way sheegi xaqiiqada jirta ee anigu ma garanayo meel qawl iyo ficil midna aan ugu mareexaaneeyay wasiirka, kumana jirto qiyamkayga, dadnimdayda iyo damiirkayga in aan ku dhaqmo sifooyin ceynkaas ah.
Haddaba haddii Madaxeynuhu aaminsan yahay in dhaqankaasi aanu fiicnayn; Haddii aniguna aanan ku sifoobin dhaqankaas oo la ii waayo qawl iyo ficil aan ku mareexaanaynayo; ninka ashkatooday oo wasiirka ahi haddii isna uu aaminsan yahay in dhaqankani xun yahay oo uu ka dhiidhiyay ,markaa su'aasha jawaabta u baahani waxa weeye saddexdayada keebaa run sheegaya oo neceb dhaqankan?!!!!!
Raali ahaada haddii sidii Trump aan Twitterka warka idiin soo mariyo!!!
Agaasimihii Guud ee wasaaradda qorshaynta ee xallay is-casilay
storvideo: 

Jawaari Oo Khudbad Maanta Ujeedinaya Golaha...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter

Baarlamaanka Somaliya ayaa maanta ubalansan kulan ay iskugu imanayaan oo lagu wado in uu gudoomiyihii iscasilay ee golaha baarlamaanka Somaliya Jawaari uu khudbad ka jeedin doono.
Khudbadan ayuu kaga dhawaaqidoonaa in uu si rasmiya isku casilay iyada oo ayna ka madhnaan doonin inuu ku soo qaato waxyaabihii uqabsoomay intii uu xilka hayay
Marka uu golaha hortiisa kaga dhawaaqo Jawaari iscasilaada ayaa waxa si ku meel gaadha xilka gudoomiyaha golaha Baarlamaanka uqaban doona gudoomiye ku-xigeenkiisa, waxaana lagu soo dooran doonaa gudoomiye muddo shan iyo tobon cisho gudahood ah.
Kulankan ayaa lafilayaa inuu goobjoog ka ahaan doono raysal wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre oo hore gudoomiye Jawaari usheegay in uu kadambeeyo mooshinkii ka dhanka ahaa Jawaari.
Kulanka maanta oo lagu waday inuu dhaco shalay ayaa baaqday.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleAgaasimihii Xalay Iscasilay Oo Ka Hadley Sababtii Uu Isku Casilay

storvideo: 


Golaha Wasiirrada Britain oo isku afgartay arrinta...

$
0
0

Golaha wasiirrada ee Britain ayaa isku afgartay "sida loogu baahan yahay in tallaabo laga qaado" Suuriya si looga hor istaago in ay sii wado isticmaalka hubka kiimikada ah", sida uu shaaciyay xafiiska ra'iisulwasaaraha Britain.
Wasiirrada oo ka qaybgalay kulanka gollaha wasiirrada ayaa sheegay "in ay aad ugu badan tahay" in xukuumadda Bashaar Al-Asad ay ka dambaysay weerarka looga shakisan yahay in hubka kiimikada ah loo adeegsaday.
Waxay ku heshiiyeen "in aan la isaga harin" hubka kiimikada ah ee la adeegsaday iyadoo aan tallaabo la qaadin.
Laakiin wasiirka gaadiidka Jo Johnson ayaa mar dambe carabka ku adkeeyay "in aysan jirin go'aan lagu gaaray hadda in tallaabo milatari la qaado.
Goolaha wasiirradu ma aysan soo hadal qaadin qorshe milatari oo ay ku lug leedahay dawladda UK oo ka dhan ah Suuriya.

  • Britain oo ay 'ka go'an tahay' difaaca Yurub
  • Britain oo mamnuucaysa waxyaabaha laga xardho foolmaroodiga

Wasiir oo marti u ahaa BBC-da ayaa yiri "waxaan carrabka ku adkaynayaa in aysan jirin go'aan la gaaray oo ku saabsan in ficil la qaado.
Ilo caafimaad ayaa sheegay in tobannaan ruux oo ay carruur ka mid yihiin ay ku dhinteen weerar kiimo loo adeegsaday oo ka dhacay magaalad Duuma oo ay horray u haysteen jabhaduhu, taas oo dhacda Galbeedka Ghouta.
storvideo: 

Matisse: Isticmaalka hubka kiimikada ee Suuriya “Waa...

$
0
0

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Jim Matisse ayaa sheegay in isticmaalka hubka kiimikada ee Syria uu yahay mid aan la aqbali karin.
"Isticmaalka hubka kiimikada ah waa xadgudub ku saabsan heshiiskii mamnuucay isticmaalka iyo hanjabaadda aadanaha," Matisse ayaa u sheegay Guddiga Ciidamada ee Aqalka Odayaasha.Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Macaroon: Waan u jawaabi doonnaa Assad “waqtiga aan...

$
0
0

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macaron ayaa sheegay in isticmaalka hubka kiimikada ee Bashar al-Assad uu ka jawaabi doono "waqtiga uu u Xadiday."
"Waxaan haynaa caddayn ah in uu isticmaalay hubka kiimikada ee Nidaamka Bashar Assad ama ugu yaraan koloriin," ayuu u sheegay telefishanka Faransiiska.
Waxa uu tilmaamay in jawaabtu noqon doonto marka aan go'aan ku gaadhno in ay noqon doonto mid aad u faa'iido leh oo aad waxtar u leh.
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Madaxweyne Farmaajo oo si kulul uga hadlay qaraxii...

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi "Farmaajo" oo xalay la hadlayay Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka ayaa muujiyay sida uu uga xunyahay qarixii argagixisada Al-shabaab ay ku dileen dhallinyaro kubbad ku ciyaareeysay garoon ku yaala degmada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in cadawga kaliya ee maanta dalka dhibaatada ku haya uu yahay [...]
storvideo: 

R/wasaare Kheyrre oo booqday xarunta wasaaradda...

$
0
0

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kormeer ku tagay xarunta Wasaaradda Caafimaadka, Waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Wasiirka Caafimaadka Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur iyo qaar Ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda. Ra'iisul Wasaaraha ayaa u kuur galay howlaha shaqo ee wasaaradda iyo adeegyada caafimaad ee ay siiso shacabka, isagoo madaxda wasaaradda ka dhagaystay warbixinno [...]
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live