Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Gedo: Ciidamada Kenya oo Weerar isu Diyaarinaya

$
0
0

Ciidamada Kenya iyo kuwa DKMG ee Somalia ee hadda ku sugan gobolka Gedo ayaa isu diyaarinaya weerarka degmada Baardheere ee Gedo. Dhinaca kale, ciidamada ururka Al-Shabab ayaa iyaguna dhinacooda diyaar ugu jira sidii ay uga hortagi lahaayeen duulaankaas ay qorsheynayaan ciidamada Kenya iyo kuwa DKMG ah.
Warbixin iyo wareysi arrintaas la xiriira qeybta hoose ka dhageyso.


Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Dhambaal Gaarsiiyay R/Wasaaraha Malaysia.

$
0
0

Kuala Lumpur. Wasiirka arrimaha dibadda Dawladda Soomaaliya Mudane Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim oo socdaal gaaban ku soo gaaray caasimadda Kuala Lumpur ee dalka Malaysia ayaa waxa uu warqad raali gelin ah soo gaarsiiyay ra’isal wasaaraha Malaysia Datuk Seri Najiib A/razak.
 
Warqadan oo sida la sheegay xambaarsaneed macluumaad la xiriira shilkii 2-dii September ka dhacay magaalada Muqdisho ka dib markii Sawir Qaade Malaysian ah uu naftiisa ku waayay rasaas lagu furay gaari uu saarnaa xilligaasoo ay ka soo rawaxeen hawlo gar gaar ay ka wadday hay’ad Malaysian ah.
 
Haddaba dhacdadan oo muddo badan saxaafaddu hadal haysay isla markaana ay socdeen baaritaano la xiriira cidda falka gaysatay, taasoo dib dambe laga ogaaday ayaa Dowladda Soomaaliya waxa ay isku taxluujinaysay sidii ay uga raali gelin lahaayeen Xukuumadda Malaysia iyo guud ahaan shacabkeeda.
 
Kulankii maanta dhex maray Ra’iisulwasaaraha Malaysia iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Dawlada Soomaaliya oo muddo 30 daqiiqo qaatay ayaa Wasiirka mudane Maxamed M. Xaaji Ibraahim waxa uu si qiiro leh uga tacsiyeeyay shilkaasi dhacay isagoo Dowladda Malaysia ka codsaday in uu sii socdo xiriirka labada xukuumadood, isla markaana ay dawlada Malaysia si caadi ah u wadan karto hawlaha bini’aadanimo ay ka waday gudaha wadanka Soomaaliya, guud ahaan arrimahaasna ra’isal wasaaraha Malaysia mudane Datuk Najib A/razak waa uu soo dhaweeyay.
 
Ugu dambeyntii, boqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Maxamed M. Xaji Ibrahim waxa ku wehliyay wasiirka kheyraadka badda mudane Axmed Xasan Aadan kaasoo sheegay in imaatinkooda uu la xiriiray sidii xiriir iskaashi u dhex mari lahaa labada wadan  Waxayna u si weyn ugu mahad naqeen Ra’iisulwasaaraha Malaysia oo soo dhaweyn diiran kala kulmeen.
 
 
Wariye C/raxmaan Jaamac Afrax ” Helos “
Kuala Lumpur _ Malaysia
 

Waqtigan la joogo waxa lama huraan ah isgaashaanbuuraysi siyaasadeed oo dhexmara sadexdan mujaahid‏,By : qaasim diiriye ( wadani)

$
0
0

 
Waxaan marka hore salaamayaa umada Somaliland meel kasta oo ay joogaan iyo warbaahinta madaxbanaan gaar ahaan qaybta website yada inyaa kadin hadii aan gudo galo maqaalkayga
 
Waxa jirta in manta marka ay xaga siyaasada timaado in halgankii mujaahidiintii SNM uu kooto ugu xidhanyahay dhawr mujaahid oo kaligood isu yaqaana in ay SNM yihiin oo marka SNM la so hadal qaadoba iyaga ayaa laabta soo garaaca .
Waxa aynu ognahay in la furay nidaamkii xisbiyada waxaynu kaloo arkaynayaa iyada oo ninkasta oo hami ama hunguri ka hayay in uu mar uun dalkan xukumo in uu xisbi furanayo oo waliba taageero u raadsanayo xisbigiisa iskuna dayayo in uu keeno siyaasiyiin magic ku leh somaliland si uu hadhaw xisbigiisa cod ugu helo
Waxa hadaba manta lama huraan ah in sadexdan mujaahid ay saaxada siyaasada Somaliland soo galaan si ay umadooda iyo dalkoodaba wax ugu qabtaan isla mar ahaantaana waa in ay ku midoobaan cududoodana isugu geeyaan hal xisbi
Hadaba akhristaw sadexdan mujaahid waa sadex mujaahid oo taariikhda SNM iyo Somalilandba baal dahab ah kaga jira taasoo cid kasta oo magacooda maqashaaba ay qirayso kartidooda,raganimadooda iyo waliba wadaninimadooda hadaba sadexdan mujaahid waa kuwo ma ?
Waxa ay kala yihiin
1)    Muj Axmed mire maxamed nuux
2)    Muj Ibraahim dhegowayne
3)    Muj C/raxmaan Aw cali
Hadaba waqtigan la joogo waxa lagama maarmaana isgaashaanbuuraysi siyaasadeed oo dhexmara 3 dan mujaahid isla mar ahantaana waxa lama huraan aha in ay furtaan xisbi siyaasadeed ka soo ka qayb gala tartanka golaha deegaanka ee qabsoomi raba Somaliland iyo dhamaanba doorashooyinka kale ee dalka ka dhici doona
Xaga deegaanka hadii aad ka eegto sadexdan mujaahid waxa ay ka soo jeedaan qaar ka mid ah beelaha Somaliland kuwaasoo degaan ahaan dega dhamaanba lixda gobol ee Somaliland laga soo bilaabo awdal ilaa ceergaabo halkaas oo ay taageero balaadhan ka heli doonaan .
Waxa kale oo xusid mudan in beelaha ay ka soo kala jeedan sadexdan mujaahid in  isgaashaanbuuraysi siyaasadeed hore u dhexmaray iyagoo doorashadii 2003 dalka ka dhacday  taageeray xisbigii Udub isla mar ahaantaana ku guulaysaty in ay soo saran xisbigii UDUB   taasoo keentay in Daahir riyaale noqday madaxwaynihii dalka ee waqtigaa
Hadaba umada Somaliland manta waxa ay manta u baahantahay siyaasiyiin waji cusub leh oo dardar galiya doorashooyinka dalka ka dhacaya isla mar ahaantaana dalkooda wax u qabanaya hadii loo baahdana naftooda u huraya
 
Guul Somaliland
By : qaasim diiriye ( wadani)
qaasim444@hotmail.com
 
————————————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
 

Siyaasada arrimaha dibeda ee dawlada Somaliland waa mid ku dhisan Xirfad iyo kalsooni. By: Muuse Qarandi

$
0
0

 
Labada urur siyasadeed ee Ucid iyo Udub oo aan badiba matalin shacabka Somaliland ayaa waxay kaga dhagtay inay Dawalda ku eedeyaan inay Soomaliweyn Waddo .Haddaba waxaa fiican intaanay banaabaxyo bilaabin waa sida ay ku hanjabeene inay iyagu dib isu habeyaan oo is hagaajiyaan islamarkaana akhristaan warqada madaxweynahu caalamka u qoray.
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii u horraysay soo bandhigay sababta beesha caalamku indhaha uga qabsatay qadiyadda aqoonsiga Somaliland iyo guulaha dimuqraadiyadeed ee ay ku tallaabsatay.
Qoraal ku qoran luuqada Ingiriisiga oo Madaxweyne Siilaanyo beesha caalamka kula garnaqsanayo qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland oo xalay lagu baahiyey qaar ka mid ah shabakadaha internet-ka caalamka, waxa uu ku dooday in sababta beesha caalamku indhaha uga qabsaday guulaha dimuqraadiyadeed iyo aqoonsiga Somaliland la xidhiidho fikrado gaboobay oo lagaga hortagayey in dalalka Afrika kala googo’aan.
 
“Sababta beesha caalamku iskaga indho-tirtay qaddiyaddayada iyo tijaabooyinka dimuqraadiyadda aannu ku guulaysanay waxay la xidhiidhaa go’aan gaboobay oo budoobay oo nus-qarni ka hor uu gaadhay ururkii hore ee Midowga Afrika (OAU) ee hadda ah Midowga Afrika (AU) oo dib ugu noqonayey xuduudihii gumaysigu kaga tagay qaaradda Afrika, kuwaas oo ka cabsiqabay iska horimaadyo qabiil iyo dagaallo sokeeye oo aan la tirinkarin, iyadoo xilligaa OAU-dii xukuntay in xuduudihii ay dhigeen reer Galbeedku sidooda loo tixgeliyo,” ayuu Madaxweynuhu ku yidhi qoraalkiisa oo ahaa mid dheer oo Jamhuuriya akhritayaashiisa u soo koobay.
Haseyeeshee, Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in fikradaasi dhicisowday kadib markii Erateriya ka go’day Itoobiya, isla markaana Koonfurta Suudaan ka madaxbannaanaatay dalka Suudaan, sidaa daraadeedna aanay jirin sabab hadda loo hortaagnaado madaxbannaanida Somaliland oo si iskeed ah sannadkii 1960-kii ugu biirtay Soomaaliyadii uu guamaysan jiray Talyanigu, iyadoo halgan qadhaadh kadibna sannadkii 1991-kii dib ula soo noqotay madaxbaanideeda oo muddadii 20-ka sanno ka dambeeyey ku tallaabsatay horumar aan cidi ka taageerin.
Md. Siilaanyo waxa uu ku eedeeyey Midowga Afrika inay qashin-qubka raaciyeen warbixin ay Somaliland ka diyaariyeen guddi xaqiiqo-raadis ah oo ka socday Midowga Afrika oo sannadkii 2005 yimi Hargeysa, isagoo xusay in weftigaas oo uu hoggaaminayey Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee Miwowga Afrika Patrick Mazimhaka ay caddeeyeen in midowgii 1960-kii dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya aan marnaba la ansixin oo aannu dhaqangal ahayn. Haseyeeshee, markii warbixintaasi guddigu hordhigeen Midowga Afrika la iska indho-tiray, lana raaciyey xashiishka.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu walaac ka muujiyey hannaanka aayo-ka-tashi ee ummadaha adduunka, waxaannu soo jeediyey tallooyin lagaga bixi karo caqabadahaasi.
Isagoo arrintaa qoraalkiisa kaga hadlayana waxa uu yidhi, “Goorma ayey dad awoodi doonaan inay ku dhawaaqaan madaxbannaanidooda oo ay heli doonaan aqoonsi caalami ah? Waxa arrintan badka soo dhigay Falastiin oo Qaramada Midoobay u gudbiyey codsigooda la xidhiidha inay dalka madaxbannaan noqdaan, shuruucda caalamiga ahina halkan ma taageerayaan, run ahaantii maxkamadda adduunku waxa qudha oo ay bixisay tilmaamid xadidan.
Mabaadida aasaasiga ah ee aan aaminsanahay in laga gudbo ee Somaliland-na la kulantay waxa weeye sidan;
1. Goosashada waa in aanay ka dhalan farogelin dibadeed, waa in caqabadha aqoonsiga goosashadu noqdo mid sarreeya
2. Madaxbannaanida waa in la aqoonsadaa oo keliya haddii aqlabiyadda (51% codeeyayaashu) si xor ah u doortaan afti xalaal ah oo laga qaado
3. Dhammaan dadka laga tirada badan yahay waa in si xushmad ah loola dhaqmo.”
Ugu dambayn Md. Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay in beesha caalamku si aan xaq ahayn u kala taageerto Somaliland iyo Soomaaliya, “Lacagaha horumarineed ee Baanka Adduunka iyo Midowga Yurub tusaale ahaan waxay ku shubaan god madow oo Soomaaliya ah, sababtuna waa aqoonsiga dawladnimo, laakiin dadka reer Somaliland oo u tiro badan sida kuwa Soomaaliya waxyar baa loo soo beddelaa iyaga oo qaada faro-guudkood ka hela lacagaha lagu khasaarinayo Soomaaliya,” ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Muuse Qarandi
qarandi99@yahoo.co.uk
 
————————————————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

War Saxaafadeed: Dowlada KMG Soomaaliya oo tacsi u dirtay qoyska Haweeneydii Faransiiska ahayd ee geeriyootay

$
0
0

 Muqdisho(OWN)-Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali ayaa tacsi u diray madaxweynaha Faransiiska, isagoo muujiyay sida uu uga xumaaday geerida Marie Dedieu oo u dhalatay dalka Faransiiska, taasoo ay afduubayaal ku haysteen gudaha Soomaaliya.
 
Dabley hubeysan ayaa Marie ka soo afduubtay jasiirad ku taalla dalka Kenya, kadibna u soo gudbiyay dalkeena Soomaaliya.
 
Ra’iisul-wasaaraha ayaa falkan ku sifeeyay inuu yahay mid ka baxsan bani’aadannimada, isla markaana meel uga dhacaya sharafta shacabka Soomaaliyeed.
“Aad baan uga xunnahay geerida ku timid Marie. Waxaan tacsi u direynaa qoyskii iyo asxaabtii ay ka geeriyootay.
“Waxaan ka shaqeyneynay oo aan rajeyneynay in la soo daayo. Nasiib darro, argagixiso ku xiran Al-Qaacida iyo burcad-badeed ayaa khatar u haya nabadgelyada Soomaaliya, gobolka iyo caalamkaba. Xukuumaddeyduna waxay ka shaqeyn doontaa sidii caddaaladda loo horkeeni lahaa dadkii ka dambeeyay falkaas.”
Falkan murugada leh wuxuu muujinayaa mas’uuliyadda shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba ka saran in la nabadeeyo Soomaaliya. In laga caawiyo Soomaaliya dhinacyada sharciga iyo kala-dambeynta iyo horumarka dhaqaalaha ayuunbaa looga guuleysan karaa xagjirnimada iyo burcad-badeednimada.
DHAMMAAD

Kenya oo Adeegsaneysa Erayadii Zenawi Adeegsadey markii Ciidamadiisu Weerareen Soomaaliya – Weerarka oo xilligaas ku wajahnaa kooxdii Sheikh Shariif Axmed….

$
0
0

Zenawi oo Dhambaal Khaas ah oo ku saabsan Soomaaliya ka helay Madaxweynaha Kenya… iyo Wasiirka Gaashaandhigga DFKMG oo telefoonka ku damiyey TV-ga SomaliChannel markii la weydiiyey in u shacabka Soomaaliyeed u caddeeyo waxa uu kala socdo Ciidamada Kenya ee ku jira gudaha Soomaaliya… AKHRI 
 

Wararkii ugu Danbeeyey Ee Alshabab iyo Ciidamada Kenya

$
0
0

Afhayeenka howgalada Alshabab Cabdicasiis Abu Muscab  ayaa sheegay mar u shir jaraa’id ku qabtay deegaanka Ceelasha Biyaha  inay diyaar yihiin ciidamadii ka hortagi lahaa duulaanka Kenya.
“Waxaan dhameystirnay ururinta xogaha ku saabsan tayada iyo tirada ciidamada Kenya ee dalkeena kusoo duulay, waxaan qaadaynaa tallaabo adag si aan uga hortagno duullaanka ay dowladda masiixiga ah ee kusoo dalkeenna,  in ciidamo badan oo Alshabab ah loo daabulay dhanka Jubbada Hoose ayna iska cabin doonaan ciidamada Kenya. ” ayuu yidhi Abu Muscab.
Dowladda KMG ee soomaaliya ah ayaa sheegtay in wadamada jaarka la ah Soomaaliya ay xaq u leeyihiin inay iska dhiciyaan cidkasta oo kaga soo xadgudubta gudaha Soomaaliya.
Dhinaca kale Dowladda Kenya ayaa Axadii ciidamo boqolaal ah galisay gudaha Soomaaliya si ay ula dagaalanto Alshabab oo ay ku eedeysay inay ka dambeysay afduubyo dhowr ah oo Kenya laga fuliyay, halkan hoose ka daawo shir jaraa'id ay dowlada kenya qabatay:–

Do Muslim Women have Any Rights in ISLAM? TheDeenShow


Muqdisho: Adeegga Cisbitaalka AMISOM

$
0
0

Cisbitaalka Ciidamda AMISOM ku leeyihiin magaalada Muqdisho ayaa bixiya adeegyo caafimaad oo wax badan ka taray baahidii dadweynaha.
Sida uu sheegay dhakhtar ka howgalla cisbitaalka, dadka ay daweeyaan 90% waa dadka ku dhaawacmay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho.
Warbixin arrintaas la xiriirta qeybta hoose ka dhageyso.

Muqdisho: Adeegga Cisbitaalka AMISOM

$
0
0

Cisbitaalka Ciidamda AMISOM ku leeyihiin magaalada Muqdisho ayaa bixiya adeegyo caafimaad oo wax badan ka taray baahidii dadweynaha.

Sida uu sheegay dhakhtar ka howgalla cisbitaalka, dadka ay daweeyaan 90% waa dadka ku dhaawacmay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho.

Warbixin arrintaas la xiriirta qeybta hoose ka dhageyso.

Ururka MAPRG oo canbaareeyey falkii argagaxisnimo ee lagu weeraray idaacada Galkacyo

$
0
0

Ururka Warbaahinta Nabada & Xaquuqul Insaanka Galmudug  oo canbaareeyey falkii argagaxisnimo ee lagu weeraray idaacada Galkacyo.
Xoghaya guud Ururka MAPRG
Mohamed abdi elmi
mag.org.som@gmail.com
Ururka MAPRG wuxuu canbaareynahayaa falkii aragagaxisnimo ee lagu weeraray  idaacada Galkacyo xarunteeda magaalada galkacyo ee gobolka mudug ,waxaan aad ugu xun nahay falalka naxariis darada ee lagu ugaarsanahayo saxafiyinta madaxa banan ,iyo warbaahinta ka howl gashay gobolka mudug.
Saxafiyiinta gobolka mudug had iyo jeer  lagu dilo laguna dhaawaco , waxa qura ee loo diidan yahay waa in aysan bulshada u so gudbin xaqiiqda jirta , Hadii saxafiyiinta la caburiyo waxaa la qarinayaa tacadiyada Bulshada, si taas looga hortago waa in  bulshada gobolka mudug u istaagaan una hilshaan saxafiyiinta  si  waajibaadkooda u gudaan,Waxaan u sheegeynaa dadka falkan ka danbeeyey  ee lagu weeraray idaacada Galkacyo in aynan marna gaareynin waxa ay ku tamahayaan oo ah in saxafata  indhaha laga rido lana caburiyo .
Waxaan u sheegaynaa ragga ku faanaaya xasuuqa  saxafiyinta iyo shacabka soomaaliyeed ee aan waxba galabsanin in ay marna gaareyn hadafkooda khaaska ah. Waxaan shaki lahayn in dhibaatada aad maalin walba u gaysaneysaan ummadda Soomaaliyeed Ilahay idin ka abaalmarindoono Aduun iyo Aakhiraba.
Ugu danbayna waxa uu ugu baaqay saxafiyiinta gobollka mudug  in ay muujiyaan feejignaan dheeriya.
Ururka Warbaahinta Nabada & Xaquuqu Insaanka Galmudug  wuxuu  ka walaacsan yahay  xaalada adag ee ay ku suganyihiin dhamaan suxufiyiinta ka howlaga gudaha Soomaaliya Gaar ahaan Gal-mudug  iyo Gobolada Puntland.
Xoghaya  guud Ururka MAPRG
Mohamed abdi elmi
mag.org.som@gmail.com

WAR DEG DEG: Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom oo guluf dagaal saaka ku qaaday Dayniile

$
0
0

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom ayaa saaka waabarigii guluf dagaal oo ballaaran ku qaaday degmada Dayniile oo aheyd degmada sida kaliya ee Shabaabka ku xooganaayeen.
Dagaal goos goos ah ayaa hada waxaa uu nawaaxiga xarunta degmada ku dhex marayaan Ciidamada dowladda kuwa Amisom oo dhinac ah iyo Al-Shabaab, iyadoo ciidamada dowladda ay galeen degmada Dayniile.
Wararka ayaa intaa ku daraya Ciidamada Brundi ay saaka si efandari ahaan labo jiho kaga soo dhaqaaqeen Dayniile, gaar ahaan dhanka Ifka Xalane oo ay ka soo galeen Xaafadaha Gubta.
Sidoo kale dhanka wasaaradii gaashaandhiga ayaa waxay kaga dhaceen dhinaca Xaafadaha Damaanyo iyo Ceel-tusbaxle, iyadoo saaka waabarigii dagaal culus halkaas ka dhacay.
Lama oga qasaaraha dhabta ah ee uu geystay dagaalka, hase ahaatee waxaa laga yaabaa in qasaare uu sababo, maadaama dad rayid ah ay degmadu degenaayeen mudooyinkan.
Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ayaa la wareegitaankooda u ah mid muhiim ugu ah deegaanada loo barakacay, gaar ahaan wado qarda-jeex ah oo bacaad ka baxda halkaas, oo tagta deegaanka Garasbaaley, waxayna Shabaabka wadadan u noqon kartaa mid ka go’da isku xirkii Muqdisho iyo deegaanada loo barakacay.
La soco wixii ku soo kordha
 

DEG DEG: Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo saaka gudaha galay degmada Dayniile

$
0
0

Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG ayaa saaka waabarigii hore gudaha u galay degmada Dayniile, iyadoo dagaal culus uu halkaas ku dhex marayo Shabaab oo dhufeysyo kaga jireen qeybaha ay ka kooban tahay. Abaarihii lixdii aroornimo ayaa Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo efandari ku socday ay u dhaqaaqeen dhanka Dayniile. Sida [...]

Madaxweynihii hore ee Libya Mucammar Al-Qadaafi oo la dilay

$
0
0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Sirte ee dalka Liibiya ayaa sheegay in Xoogagga mucaaradka dalka Liibiya ee dhawaanahanba dagaalka kula jiray Madaxweynihii Dalka Liibiya Mucammar Al-Qadaafi ay maanta ku guuleysteen in ay gebi ahaanba la wareegaan gacan-ku-heynta dalka Liibiya.
Xoogagga mucaaradka dalka Liibiya ayay ku qaadatay 8 bilood in ay la wareegaan gacan-ku-heynta dalka Liibiya, iyadoo Magaalada Sirte ay ahayd magaaladii ugu dambeysay ee ay la wareegaan. Madaxweynihii hore ee Libya Col. Mucammar Al-Qadaafi oo magaaladan ku sugnaa dhawaanahan ayaa qabsashadii magaalada Sirte lagu dilay, waxaana sidaas saxaafadda u xaqiijiyay mid ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa  Golaha KMG ah ee dalka Libya.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo  Abdul Hakim Belhaj ayaa sheegay in Col. Qadaafi la toogtay kaddib markii uu isku dayay in uu baxsado, wuxuuna caddeeyay in meydka Qadaafi uu saaran yahay mid ka mid ah gaadiidkooda.
Meydka Qadaafi  ayaa saaran mid ka mid ah gaadiidka nala socda, waxaana u qaadeynaa meel qarsoodi sababo dhinaca ammaanka ah” sidaas waxaa sidoo kale wakaaladda Wararka Reuters u sheegay Mohamed Abdel Kafi oo ka mid ah Saraakiisha Golaha KMG ah ee Liibiya.
Warar u soo baxay ayaa sheegayay in Col. Qadaafi laga toogtay laga toogtay labada lugadood, uuna dhaawac yahay, balse waxaa ka dambeeyay warkan ah in la toogtay oo uu dhintay.
Qaar ka mid ah Xoogagga Golaha KMG ah ee dalka Liibiya

Mid ka mid ah dagaalyahannada Qadaafi ka soo horjeeda oo isna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Col. Qadaafi laga soo saaray sida uu u yiri meel uu ku dhuumanayay, markii la tooganayayna uu lahaa “Ha i dilina….ha I dilina”, kaddibna ay qabteen ciidamada Golaha KMG ah ee Liibiya.
Kaddib markii uu soo baxay warka ku saabsan in la dilay madaxweynihii hore ee Liibiya ayaa waxaa waddooyinka Liibiya isugu soo baxay dadweyne aad u faro badan, kuwaasi oo qaarkood ku faraxsanaayeen in uu dagaalkii Libya dhamaaday, halka kuwo kalena ay ku faraxsanaayeen dilka Col. Qadaafi.
Mucaaradka Liibiya ayaa waxaa u sahlay in ay xukunka ka tuuraan Col. Qadaafi Ciidamada Gaashaan-buurta NATO oo dhinaca mileteriga ka caawinayay Xoogagga Mucaaradka, iyadoo muddada uu dagaalka ka socday dalka Liibiya ay ku dhinteen dad aad u badan, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.
Col. Qadaafi oo soo xukumayay Dalka Liibiya muddo 40 sanadood ka badan ayaa waxay maxkamadda caalamiga ah ee dembiyada dagaalka ay ku eedeysay in uu geystay xasuuq dad shacab ah, iyadoo xukunkiisana ay wadamada reer galbeedka ku tilmaameen mid diktatoor ah.
Madaxweynihii hore ee dalka Liibiya Col. Qadaafi oo xukunka dalkaas qabsaday isagoo aad u da’ yar oo 27 sano jir ah ayaa wuxuu dalka Liibiya ka dhigay mid dhinacyo badan ka horumaray, iyadoo mar cunaqabateyn lagu soo rogayna uu dalka Liibiyana gaarsiiyay in uu ka maarmo dalkiisa kaalmada dalalka dibadda, gaar ahaan kuwo reer galbeedka.
Kacdoonka ay qaadeen dadka Liibiya ee ka dhanka ahaa Xukuumaddii Col. Qadaafi ayaa wuxuu ku dayanayay mid ka dhacay dalalka Tunis iyo Egypt iyo mid ka socda weli dalalka Yemen, Suuriya iyo kuwo kale, inkastoo midka Liibiya uu ahaa mid hubeysan oo dhiig badan uu ku daatay, isla markaana ay ka qeybqaateen diyaaradaha dagaalka NATO oo taageero siinayay xoogagga Golaha KMG ah ee Liibiya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxaa la eegi doonaa halka ay ku dambeyso xaaladda dalka Liibiya kaddib  dhimashada Col. Qadaafi iyo waxa ay dalka Liibiya ka yeelaan dalalka reer Galbeedka ee xoogagga mucaaridka caawinayay.
Source-Hol

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo kulan looga hadlay ammaanka iyo gargaarka bani’aadamnimada ku yeeshay Muqdisho

$
0
0

Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin siyaasadda guud ee la dagaalanka musuqmaasuqa, xaaladda nabadgelyo ee dalka iyo barnaamijka nabad iyo cunno “food for Peace”, waxaa sidoo kale warbixin looga dhageystay Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka.
Raiisal Wasaaraha ayaa ugu horreyntii sharaxay siyaasadda guud ee la dagaalanka musuqmaasuqa iyo ahmiyadda ay leedahay inla helo hay’ad  madax bannaan oo u xilsaaran la dagaalanka musuqmaasuqa, si loo xoojiyo maamul wanaagga hayadaha dawladda loogana hortago xadgudubyada ka dhaca xafiisyada dawladda. Golaha ayaa isla qaatay in loo baahan yahay hay’ad awood buuxda leh waxeyna u xil saareen guddi kasoo tala bixiya, golahana kusoo celiya si uu u ansixiyo baarlamaankana ugu diro sida ugu dhaqsiyaha badan.
Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay guddiga amniga ee wasiirada oo ka warbixiyay xaaladaha amni ee degmooyinka lala wareegay sida Heliwaa iyo yaaqshiid iyo cabashooyinka dadweynaha kusoo laabtay xaafadahaas, wasiirka arrimaha gudaha mudane Cabdisamad Macallin Maxamuud oo ka jawaabayay su’aala la weydiiyay ayaa sheegay in ciidamada bilayska degmooyinka la xoreeyay qaarna la geeyay kuwa kalena sida ugu dhaqsiyaha badan uu u geyn doono ciidan.
Golaha Wasiirada ayaa isla qaatay in wacyigelin joogta ah loo sameeyo dadka si ay oga taxadaraan falalka argagaxisada ee bulshada ku dhibaateynayaan iyo inla xoojiyo amniga check pointyada magaalada laga soo galo iyo kuwa kale oo magaalada dhexdeeda ah laga sameeyo.
Waxaa sidoo kale warbixin faahfaahsan laga dhageystay Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka mudane. Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo meesha ka sheegay waxqabadkii bisha September ee hayadda iyo qodobo kale oo ku saabsan maamulka xerada badbaado, maamulka xeryaha barakacayaasha, isku dubba ridka howlaha gargaarka iyo gaarsiinta gargaarka ee dadka tabaaleysan ee kala jooga gobolada kala duwan ee dalka.
Gudoomiyaha hayadda maareynta masiibooyinka ayaa golaha ugu warbixiyay ilaa iyo hadda inay maamuleen raashin dhan 14,000 oo metric ton oo ka soo gaarey dhanka dowladda, lana gaarsiiyey ilaa iyo 9 gobol oo kala duwan oo dalka ah, sida ugu dhaqsiyaha badan, musuqmaasuq la’aan ay gaarsiiyeen meelihii loogu tala galay, wuxuu sidoo kale gudoomiyaha sheegay in hayaddu hadda leedahay awood gaarsiin oo dhan 40,000 metric tone sida ugu dhaqsiyaha badan inay ku qeybin karto.
Golaha Wasiirada ayaa isla markaas waxey ansixyeen qeexidda shaqada (ToR) Hayadda Maareynta Masiibooyinka waxeyna ku qeexeen sidatan:
Hirgelinta siyaasadda qaranka ee maareynta masiibooyinka
Diyaarinta qorshaha maareynta masiibooyinka ee xilliga dhow, dhexe iyo kan fog  iyadoo lala tashanayo heydaha qaranka, maamullada gobollada iyo degmooyinka
Guddoomidda, keydinta  iyo qorsheynta gargaarka ka imanaya gudaha iyo dibadda dalka si looga jawaabo noocyada kala duwan ee masiibooyinka.
Isku-dubbaridka howlaha gurmadka ee heyadaha dowladda, kuwa caalamiga ah, ururrada waddaniga ah, qurbajoogta iyo  ganacsatada si ay  jawaab waxtar leh  uga bixiyaan xaaladaha khatarta leh
Kor u qaadista waxbarashada guud iyo wacyiga dadweynaha ee ku saabsan maareynta masiibooyinka, iyo dhismaha kartida waxqabad ee dhammaan heyadaha iyo dadka la tacaalaya masiibooyinka
Diyaarin keyd qaran  oo suurtagelin karta in la ogaado lagana hortago masiibada.
Qabashada howlaha kale ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha u xilsaaro inay qabato hayadda maareynta masiibooyinka
Golaha ayaa waxa uu codsaday in qeexidda shaqada hayadda maareynta masiibooyinka la horgeeyo barlamaanka si ay u ansixiyaan una sharciyeeyaan.
Ugu danbeyntii, golaha ayaa warbixin ka dhageystay wasiiru Dowlaha Maaliyadda oo ka warbixiyay Barnaamijka cunto nabad ku badalasho “food for Peace” oo dalka lagu soo gelinayo ilaa 60,000 oo metric tone oo galley ah si hoos loogu dhigo ascaarta masagada si ay dadka tabaaleysan ay awood ay ku gataan u yeeshaan.
Source-Hol


Wefti Faransiis ah oo uu hogaaminayao Safiirka France ee Jabuuti oo manta Madaxweyne Siilaanyo Qasariga Madaxtooyadda ku qaabilay

$
0
0

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta qaabilay wefti ka socday dalka Faransiiska oo socdaal rasmi ah ku yimid dalka.
Madaxweynaha Somaliland wuxuu weftiga uga waramay xaaladda dalka, waxaanu sidaasi ku sheegay war-saxaafadeed maanta uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxaanu u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Somaliland  Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefti Saddex xubnood ka kooban oo ka socda Dawladda Faransiiska oo uu hogaaminaayo Safiirka u fadhiya Dalkaas, Jamhuuriyada Jabuuti, Ambassador Rene Forceville.
Safiirka  ayaa ujeedada Socdaalkooda ka waramay waxa uu sheegay in ay tahay sidii loo kobcin lahaa ee kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka iyo iskaashiga u dhexeeya labada wadan ee Somaliland iyo Faransiiska.
Safiirku waxa u sheegay in ay Dawladiisu danaynayso in ay Somaliland ka caawiso dhinaca horumarka iyo kobcinta Ganacsiga Gaarka ah.
Madaxweynaha Somaliland  Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Weftiga uga waramay Xaaladda nabad-gelyo ee Dhabta ah ee Somaliland.
Madaxweynuhu waxa u sheegay in Somaliland ku guulaysatay Adkaynta Badda iyo Berigaba haatana ay u xaydan tahay inay ku talaabsato horumar dhan walba leh.
Madaxweynuhu waxa uu soo dhaweyey imaantinka Weftiga Faransiiska waxaanu dawlada Faransiiska iyo Beesha Caalamkaba ka dalbaday in ay Somaliland ku gacan qabtaan Dedaalkeeda ay la timid.
Dhinaca Somaliland waxa Madaxweynaha Kulankan ku wehelinayey Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo  Horumarinta Dr. Sacad Cali Shire & Wasiiru Dawlaha Arrimaha Debeda Dr. Maxamedrashiid Sheekh Xasan
Dhinaca Weftiga waxa Safiirka kulankan ku wehelinayey
1.      Renu Morechaux, Director, Ministery of Defence of France
2.      Alexdener Jabet, First Sect, at French Embassy in Djibouti.”
Source-waaheen

Halkan Ka Daawo:Dagaaladii Maanta Lagu Hoobtay ee Deegaanka Daynaale Ku Dhexmaray Xarakada Al-Shabab,Amisom iyo Ciidmada Dawlada Somaliya

Halkan Ka Daawo:70 Ka Tirsan Maydadka Ciidmada Amisom iyo ku Dawlada Somaliya oo Xarakada Al-Shabab Ku Soo Bandhigtay Dagaaladii Maanta

Op-Ed:KENYA MUST NOT PLAY WITH SOMALI FIRE

$
0
0

Long before Restore Hope, the joint UN and USA humanitarian campaign in Somalia in early 1990s, a consultant to the UNO on Somalia, advised the USA administration to attempt everything else but not war with Somalis, in his opinion; war is the thing Somalis know best. The USA did not heed to that precious advice and we all remember the way that campaign went wrong – it ended with the famous Black hawk down and that was the last USA chapter of waging war in Somalia – at least an open and all out ground war. That UNO consultant is called Mr. John Drysdale. He knew the closing stages of the campaign even before it was waged. He was not a fortune teller; Mr. Drysdale was some one who had first hand experience of what Somalis are capable to accomplishing in the war field. He was the British administrator of Somaliland more than four decades prior to the debut of that campaign. The Ethiopians were not dissuaded by the USA experience in Somalia. They did not either learn much from their centuries-old wars with Somalis and with the help of the USA air power, they too attacked and captured Mogadishu, but their victory did not last for too long and they were also compelled to a humiliating withdrawal after Somalis taught them a lesson in urban and guerrilla warfare. Now it appears that the Kenyans did not learn much about the history of Somali warfare. In my opinion they too have made very bad miscalculations and do not understand that all Somalis are not the murderous Al-shabaab group and the Transitional Federal government. The Somali population is not the weak and famine-devastated thousands that live in refugee camps in the Northern Frontier district (NFD), which it self is a Somali region given to Kenya in the early sixties, after Kenya gained its independence from Britain. NFD is one of the five Somali territories represented in the star on the Somalia flag. Besides NFD, the other four Somali territories are Somalia, The Republic of Djibouti, The self administered Somali region in Ethiopia and the Republic of Somaliland.The Kenyans fancy to believe that they could win a war and defeat Somalis, it is passable for them to accept as true what they believe, but the truth of the matter is they are playing with inextinguishable fire – a greater Somali fire. By starting a war in this region can easily instigating Somalis to reclaim their Northern Frontier District (NFD). Therefore, I brotherly advise the Kenyans to withdraw immediately before Somalis beat the drums of war, believe me that will not be a good sign for the Kenyans. To give you an example of what that could mean; the recent Kenyan civil unrest will feel just like a picnic in warm summer day on Mount Kilimanjaro.Since its independence from Italy, Somalia is wounded by civil war, famine, terrorism and corrupt incompetent consecutive regimes, but Somalis are far from death and are strong enough to inflict an ever lasting damage to an aggressor. They are also blessed with Muslim and Arab brethren, who will not hesitate to assist them to rebel all enemies from all Somali territories. Kenyans have no business crossing the borders to Somalia; it is illegal under International law and it is morally wrong. If they have beef with Al-Shabaab then they must fight them in their own territory and not inside Somalia. Kenyans must not arrogantly over estimate their economic and military power and must keep in mind, that only Somalis are capable of defeating Somalis and no body else. They must bear in mind that their country is very easily susceptible to be fractured through ethnic and tribal lines. By starting a war with Somalis Kenyan economy and tourist industry can be devastated within hours. It must realize that it can not win the wars lost by super powers. Kenya must not be fooled by the guys who call themselves the TFG of Somalia; these guys lack morality, education, experience and live their lives under the protection of the Ugandan forces tanks in their home – Mogadishu. They can be bought and sold in a junk yard. If the Kenyans trust the strategic analysis of these TFG guys then they are deficient in judgement. Somalis know too well the illegal Somalia territorial water’s concession made to Kenya by the illegal and morally corrupt TFG. Somalis are aware of the Azania project that is established by Kenyans through a mercenary force headed by Mr. Gandi, a power Hungary opportunist. Somalis quite appreciate Kenya’s geopolitical ambitions, both short and long term strategies. By looking at realities on the ground, these Kenyan dreams are far from becoming true. Kenyans politicians must clear their heads of the myths and wrong assumptions. They are not able to conquer more territories from Somalis, but instead the Northern Frontier District might go back to hands of Somalis. In recent years Kenya was enrich with not only the looting of the Somalia’s International assistance through the NGOs operated mafia that consider the humanitarian assistance, war and drought confounded Somalis as their personal spoils of war. Not only that, but Kenya is also benefiting from Somalis who bring with them capital, technical and business expertise to that corruption riddle East African country. Somalis have both directly & indirectly created jobs for millions of Kenyans. Thus, Kenya benefited from Somalia more than any country in the world. For those simple reasons, Kenyans should be grateful to the Somalis and must not try to slaughter the goose that laid the golden eggs. Kenyans and for that matter any other neighbouring country must think twice before they venture to play with Somali fire; it will never die very easily. Somalis might consider moving their businesses and investments from Kenya to neighbouring Republic of Somaliland and The Republic of Djibouti. Both Somaliland and Djibouti are eager to receive their Somali brethren and their investments with open hearts. The United Nations and the donor countries might also consider moving their offices to the more peaceful and politically stable Somaliland, since Kenya is not able to provide security to the foreign diplomats, expatriates and tourists in its country.Yusuf Dirir Ali ————————————————————————————————— Views expressed in the opinion articles are solely those of the authors and do not necessarily represent those of Somalilandpress editorial.

Somalia: Join the online dialogue

$
0
0

I’d like to welcome you to my first blog as the UK Senior Representative to Somalia and the first-ever one on behalf of the new British Office for Somalia.My name is Matt Baugh. You will find a link to my biography elsewhere on this page, in case you would like to know a little more about me. I was appointed as the UK’s Senior Representative for Somalia last year and am head of the British Office for Somalia, based in Nairobi. Our still-expanding Office is made up of various UK Government departments, including the Department for International Development (DFID), the Foreign and Commonwealth Office (FCO), the Ministry of Defence (MoD), as well as colleagues working in Addis Ababa on Somaliland and Somalia-related issues. In time, we hope to turn this office into a British Embassy in Somalia, when local conditions permit, as the Foreign Secretary.Visit the blog

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live