Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo Magacaabay Qaar ka...

$
0
0

Muqdisho (PP) - Ra'iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa maanta magacaabay qaybtii ugu horreysay gollihiisa wasiirrada oo ka kooban 16, kuwaasoo 10 ka mid ah ay yihiin xubno cusub, halka inta kalena ay yihiin wasiirradii xukuumaddii hore.
Baarlamaanka Federaalka Itoobiya ayaa isla maanta ansixiyay wasiirrada la magacaabay, kuwaasoo la sheegay inay fursad u yihiin howlaha shacabku ay ka sugayaan xukuumadda cusub ee Abiy Ahmed. Inkastoo wasiiradan cusub aysan ku jirin wasirrada Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda oo ah kuwa ugu muhiimsan.
Sidoo kale, Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Itoobiya oo xilka loo magacaabay bishii hore, isla markaana loo dhaariyay horraantii bishan ayaa sheegay in wasiirrada uu magacaabay ay qayb ka tahay dib u habeynta xukuumadda Itoobiya.
"Wasiirrada aan magacaabay waxay qayb ka yihiin qorshe aanu doonayno inaan horay ugu sii socono, uga gudubno cabashooyinkiii shacabka, isla markaana aan si deg-deg ah uga jawaabno baahiyaha ay dadweynuhu qabaan," ayuu ku yiri Abiy Ahmed hadal kooban oo uu jeediyay magacaabidda kaddib.
Dhanka kale, Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in Xukuumadda ay ka shaqeyn doonto sidii looga hor-tegi lahaa Musuq-maasuqa, isla markaana loo xoojin lahaa adeegyada Dadweynaha Itoobiya, si meesha looga saaro caqabadihii jiray.
Mudane Abiy Ahmed ayaa wuxuu sidoo kale ku boorriyay wasiirrada cusub inay sida ugu dhaqsiyaha badan u billaabaan waajibaadyada shaqo ee laga sugayo iyagoo la tashanaya maamullada wasaaradaha la doonayo in hawlahooda ay la wareegaan.Haddaba AKHRISO Magacyada Wasiirrada Cusub ee la Magacaabay;

  1. Shiferaw Shigutie, Wasiirka Beeraha iyo Xoolaha
  2. Sirag Fegessa, Wasiirka Gaaiidka
  3. Hirut Woldemariam, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
  4. Teshome Toga, Wasiirka Ganacsiyada Dadweynaha
  5. Uba Mohamed, Wasiirka Warfaainta iyo Isgaarsiinta
  6. Ambachew Mekonen, Wasiirka Warshadaha
  7. Motuma Mekassa, Wasiirka Gaashaandhigga
  8. Fozia Amin, Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska
  9. Ahmed Shide, Wasiirka Xafiiska Xiriirka Xukuumadda
  10. Jantirar Abay, Wasiirka Guriyeynta iyo Horumarinta Deegaanka
  11. Melese Alemu, Batroolka iyo Gaaska
  12. Yalem Tsegay, Wasiirka Arrimaha Haweenka iyo Carruurta
  13. Melaku Alebel, Wasiirka Ganacsiga
  14. Amir Aman, Wasiirka Caafimaadka
  15. Umer Hussien, Agaasimaha Canshuuraha - oo u dhigma darajo Wasiir
  16. Birhanu Tsegaye, Xeer-ilaaliyaha Guud - oo u dhigma darajo Wasiir

Ugu dambeyn, Magacaabidda Golahan cusub ee Wasiirrada Itoobiya ayaa waxay imaanaysaa iyadoo Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu dhawaan socdaal kusoo maray dhammaan maamul-goboleedyada Itoobiya, halkaasoo uu kulammo kula qaatay mas'uuliyiinta iyo shacabka maamullladaas.PUNTLAND POST
The post Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya oo Magacaabay Qaar ka mid ah Golihiisa Cusub ee Wasiirrada appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Guddoomiye Cirro oo hadal dheer ku soo bandhigan...

$
0
0

Guddoomiye Cirro oo hadal dheer ku soo bandhigan siro badan oo la sugayey. ( Halkan ka daawo )
Waxa Daabacay staff-reporter on Apr 19th, 2018 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo muddaba ka meer meerayey boogo ay taageerayaashiisu ka sugayeen in uu u xoqo, ayaa maanta uu diirka ka qaaday, waxana uu saxaafadda ka hor akhriyey hadallo sir ah oo warbixin, dhaleecayn xisbiga Kulmiye iyo difaac uu difaacayo siyaasadda xisbiga Waddaniba isugu jirtay.
[embedded content]
Awdalpress
This post has been viewed 45 times.
storvideo: 

Daawo: Dagaalyahanada Ka dagaalama Suuriya Oo...

$
0
0

Daawo: Dagaalyahanada Ka dagaalama Suuriya Oo Samaystay Saaruukhyo Local ah Oo Kaga Cabaadiyey Ruushka iyo Xukuumada Asad
storvideo: 

Gudoomiye Ciro: Hakuu kala Qalaadaan Qudh-gooyada...

$
0
0

Gudoomiye Ciro:
Hakuu kala Qalaadaan Qudh-gooyada qaranka iyo Qalacaada Muuse Biixi.
Qalinkii: "Yuusuf Ilkacase"
Geedi-galka iyo guulka ooman ee loogu jiro sidii qarankan Somaliland uga mid noqon lahaa qowmiyadaha nasiibka u helay inay ka qayb noqdaan bulshada caalamka waxay u baahan tahay midnimo, higsi iyo hadaf ku salaysan wadaninimo, qaranimo iyo qorshe laga wada shaqeeyey, lagana dhowray wixii qalacaada iyo qardoofa ah.
Sababtu waxay tahay qaran guulaystay ama qaranimo waa bulsho degan oo ku aas aasantay qiyam diineed, luqad, xuduuud, hanaan dhaqan-dhaqaale, jinsiyad iyo dhaqan qudha kuwaasi oo ku wada nool sali dawladnimo iyo midnimo. Balse taa bedelkeeda hadii ay isku qasmaan damaca danta gaara iyo qadarinta danta guud, taasi waxay ka dhigan tahay " Karis xun iyana wax ku la'".
Dhawaaqa Dhagaraysan
Qalinkaygu waxa uu daaran yahay dhawaaqa dhagaraysan ee ka soo yeedhaya Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi- ciro oo hogaaminaya xisbi qaran oo quudaraynaya inuu qaranka hogaamintiisa masiiriga hanto, islamarkaana ay ku dhowaad 250, 000 qof codkooda ku aamineen si uu ugu hago wadada qaranimo aan soo xusnay. Dhawaaqyadaasi oo ay ugu cuslaayeen; Khiyaamo qaran ayaa dhacday, Muuse biixi hays casilo, Siilaanyo Maxkamad hala geeyo, doorasho hala qabto, Imaaraadkii waa ina xaqiray, Komishanka hala kala diro iyo doorashadii waa lagu shubyay.
Xaqiiqada dooda
Iyada oo aanan la odhan karin dhaliil ma lahayn dawladii hore ee Kulmiye iyo tan maanta jirtaaba, ayna dabciga hogaaminta ku jirto in hogaamiye kastaa leeyahay meel uu ku fiican yahay iyo meel uu ku liito, hadana xaqiiqadu waxay u janjeedhaa in arimahan kor ku xusani oo dhami ay ku salaysan yihiin kala kacsi iyo ku jiqsii lagu miji-xaabinayo geediga masiirka umada, islamarkaana siyaasiyiinta Somaliland ay dhaqan ka dhigtaan jah wareerka bulshadan jilicsan ee caalamku indhaha ka qarsaday.
Nuxurka dooda Gudoomiye Ciro
Nuxurka hadalka gudoomiye ciro waxa uu ahaa Imaaraadkii waa diiday aqoonsiga iyo heshiiska DP World ee dekada Berbera iyo in laga been sheegay asalka heshiiska darafyada saxiixay, isaga oo soo xiganaya hadalkii Wasiiru dawlaha Arimaha dibada UAE. Taasi maaha mid inaga qarsoon in Imaaraadka iyo bulshada caalamku aanay aqoonsanayn Somaliland, balse siyaasada dibada ee Somaliland ku dhisan tahay suubaa-salaax, hadhi- waa iyo indho adayg loo xidhay Okiyaalo madmadow si khajilaada laysaga ilaaliyo, taasina laguma xujayn karo Siilaanyo, Muuse Biixi iyo Sacad Cali Shiretoona. Waxaan xusuusan karaa hadaladii hogaamiye Cigaal ee ku saabsan arintan ee ay ka mid ahayd " Caalamkii dhabarka ayuu inoo soo jeediyey, Duul dumara ayey ku yidhaahdeen qaabila iyo iwm".
Su'aalaha Taagan
Hadaan si kale u dhigno, miyey qarsoonayd cidii saxiixday heshiiska Dekada berbera? Maxaa ka qaylisiiyey dawlada Somalia ee ay hordhigtay Qaramada midoobay iyo jaamacada Carabta? Maxay horey u yidhaahdeen Imaaraadka carabtu arinta Somaliland markay heshiiska saxiixayeen? Hadii muuse biixi is casilo yaa ku fadhiisannaya kursiga loo xiiqsan yahay? Haddii doorasho la qabto maxaa cadaynaya inaadan odhanayn waa lagu shubtay? Maxaad dadweynaha u horkeeni wayday cadaymihii muujinayey in doorashadii hore lagu shubtay? Maxay ahayd cadayntii aad ka bixisay buugii codbixineed ee komishanka ee laga xaday goobta Saaxil ee aad gudoomiye ahaan soo bandhigtay? Siilaanyo, Muuse biixi, adiga, aniga iyo kuwa kale ee denbi geli kara maxaa 12 sano oo sharci-dejinta aad hor-jooge u ahayd uga tegtay in lagu xukumo hadii loo baahdo? Maxay 84 xildhibaan ay gacanta u taagteen xiligii heshiiska DP World la horkeenay baarlamaanka ee ee aad gudoomisay? Jawaabaha su'aalahan waxaan u dhaafaynaa inay akhristayaashu go'aan ka gaadhaan cida uga jawaabaysa iyo jawaabta lafteedaba.
Gunaanadka Qormada
Arintu si kastaba ha noqotee waxaan meesha ka madhnayn in dooda Gudoomiye ciro aanay waxba ka duwanayan hanaankii siyaasada mucaaradada madhalayska ah ee siyaasiyintii horey aan u dhegaysanay, ee xiliyadii la soo dhaafay ee ragaadisay qadiyada Somaliland, Dhegaha iyo indhahana ka tuurtay sumcadii iyo mustaqbalkii umadani ka dhursugaysay iyada oo qasdigoodu yahay ku xumee iyo laaca kursi-doonimada, balse aan qorshe kale ku lamaanayn.
Waxaase Gudoomiye cirro oo aan qiimeyn iyo qadarin u hayaa haystaa fursad taagan oo aan weli tegin, taasi oo u baahan inuu ka baydho jihadii ay qaadeen siyaasiyiintii ka horaysay ee xisbiyada ama ururada ee aan soo sheegnay, oo uu abuuro qorshe mucaaradadeed oo wax dhisaya, kuna kasban karo quluubta shacbiga iyo kalsoonida hogaaminta qaranka, ayna u kala qalaadaan hadimooyinka qudh-gooyada ku ah qaranka iyo qalacaada cadhada kursiga madaxweynenimo ee Muuse Biixi ku fadhiyo.
Qalinkii:
Yuusuf Ibrahim Warsame
(Yuusuf Ilkacase)
storvideo: 

Xoghayahii Cusbaa ee Dhawaan Loo Doortay Xisbiga...

$
0
0

Hargeysa(ToggaHerer):-Xoghayahii guud ee dhawaan loo doortay Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Aqoonyahan Khadar Xuseen Cabdi, ayaa manta kulan qado sharafeed ah u sameeyey Madaxda Xisbigaasi oo uu hoggaaminaayo guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro).
Kulankan oo manta ka qabsoomay hotel Ambassador ee Hargeysa, ayaa ujeedkiisu ahaa kulan is barasho ah maadaama dhawaan la magacaabay Xoghayaha guud ee Xisbigaasi.
Qaar ka mid ah Madaxda Xisbigaasi oo halkaas ka hadlay, ayaa dhammaantood ba sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay xilkaas loo magacaabo Aqoonyahan Khadar isla mar ahaantaana ay diyaar u yihiin siddii ay u la shaqeyn lahaayeen.
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu sheegay in Xisbiga WADDANI uu hawlo culus ka sugaayo Aqoonyahan Khadar iyo weli ba sida oo kale dar-dar gelinta hawlaha Xisbigaasi.
Aqoonyahan Khadar oo isna halkaas ka hadlay, ayaa dhammaan halkaas uga mahad-celiyey Madaxda Xisbiga WADDANI isaga oo sheegay in uu diyaar u yahay siddii uu door muuqda uga qaadan lahaa hawlaha Xisbiga isla mar ahaantaana uu u rumeyn lahaa waxyaabaha laga sugaayo.
[embedded content]
storvideo: 

Xulka Qaranka Soomaaliya Iyo Kenya Oo Beri Isku Dhagan

$
0
0

Xulka Qaranka Kubada Cagta Soomaaliya oo da'doodu ay ka hooseyso 17-ka sano ayaa ciyaari doono berito kulankii 3-aad tartanka Cecafa ee 17-jirada kaasi oo ka socda dalka Burundi, Soomaaliya Waxay la Ciyaari doonta xulka qaranka Kenya oo dhibco ay wadaagan ayadoo Min afar dhibcood ay wadaagan ayadoo sidoo kale waxaa wada ciyaari doona dalalka Burundi [...]
storvideo: 

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Muqdisho(SONNA):-Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa maanta soo xiray Tababarka Tababarayaasha Saraakiisha Sare ee Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka oo seddex maalin ka socday magaalada Muqdisho.
Tababarkan oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin ka kala socday Dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa ujeeddadiisu ahayd u diyaargaroowidda in shacabka Soomaaliyeed illaa heer tuullo la gaarsiiyo Ololaha Dib-u-eegista Dastuurka ee dhawaan dalka ka bilaawan doona.
Wasiir Ku-Xigeenka Dr. Xuseen Cabdi Cilmi oo ka hadlayay xiritaankii tababarka ayaa yiri "Maalmaha soo socda tababarkan waxa uu gaari doonaa xarumaha degmooyinka Gobolka Banaadir iyo -ha Dawlad Goboleedyada taasi oo sahleysa in la helo dad badan oo sida fariimo isku mid ah oo ku saabsan daadejinta dib-u-eegista Dastuurka oo la gaarsiin doono illaa tuullooyinka; waxaan u mahadcelinayaa tababarayaashii waqtiga geliyay tababarkan iyo ka qaybgalayaasha oo ay sugeyso inay deegaanadooda gaarsiiyaan tababarkii ay qaateen".
Ugu dambayn, Wasiir Ku-Xigeenka ayaa shahaadooyin gudoonsiiyay ka qaybgalayaashii muddada seddexda maalin ahayd ka qaybgalay tababarka.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleGuddoomiye Xuseen "Waxaa naga go'an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dowladnimada"

storvideo: 

Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland Ayaa Waxay...


Sarkaal SNM ah oo xabsiga la dhigay nabad uu ku baaqay

$
0
0

19th April 2018 admin Category :
Soomaalida N eceb Midnimada oo Sarkaal ka mid ah u xirtay nabad uu ku baaqay
Ciidanka Soomaalida Neceb Midnimada SNM. ee ka arrimiya waqooyiga Soomaaliya ayaa caawa waxa ay xabsiga u taxabeen Sarkaal horay iyaga uga tirsanaa Cismaan Maxamuud Buur-madaw oo kamid aha saraakiisha ugu caansan guud ahaan maamulka SNM. Sarkaalkan ayaa jebiyey xeer ka mid xeerarka beelaha Isaaq oo sheegaya in Sarkaal ka soo jeeda beelaha Isaaq uuna la kulmi karin, lana heshiin karin, nabadna la qaadan Beelaha Daarood ilaa la gaaro Yoocada oo xadka la soo xirayo

Calaacalka SNM

storvideo: 

Xildhibaankii ciidamadiisa qabsadeen Barlamaanka oo ...

$
0
0

Xildhibaankii ciidamadiisa qabsadeen Barlamaanka oo laamaha Amniga gurigiisa bareen ee magaalada Muqdiaho
Apr 19, 2018 -
Ciidamo la sheegay inay ka tirsan yihiin Hay'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ayaa galay maanta guriga Xildhibaan Caddow Cali Gees oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya.
Barqadii maanta ayaa la sheegay in ciidamada ay galeen hoyga Xildhibaanka oo ku yaalla gudaha dekadda Muqdisho, iyadoo warka arintan ku saabsana uu soo shaac baxay caawa.
Dad ku sugnaa guriga ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada ay baaritaanka wadeen muddo ku dhaw afar saacadood iyadoo xiligaas guriga uu ka maqnaa Xildhibaanka oo dalka Maraykanka safar ku jooga.
Qaar ka mid ah Shaqaalaha Guriga ayaa sheegay in allaabta guriga tiilay iyo xafiisyo Xildhibaanku lahaa banaanka la keenay qaarkoodna burbur loo geystay.
Lama sababta ay Ciidanka NISA u baareen hoyga Xildhibaan Caddow Cali Gees iyo haddii ay jiraan waxyaabo ay ka qaateen, mana jiro war arintan ku saabsan oo ka soo baxay xildhibaanka iyo taliska NISA midna.
English News
storvideo: 

Cuba oo madaxweyne cusub loo dhaariyay

$
0
0

Miguel Díaz-Canel ayaa waxaa loo dhaariyay inuu noqdo madaxweynaha cusub ee Cuba, isagoo badelaya Raul Castro kaas oo 2006 xilka kala wareegay walaalkiiga xanuunsan ee Fidel.

Cuba oo madaxweyne cusub loo dhaariyay

$
0
0

Miguel Diaz-Canel ayaa waxaa loo dhaariyay inuu noqdo madaxweynaha cusub ee Cuba, isagoo badelaya Raul Castro kaas oo 2006 xilka kala wareegay walaalkiiga xanuunsan ee Fidel.
Waa markii ugu horreysy tan iyo kacaankii 1959 oo uusan xubin ka tirsan qoyska Castro hoggaanka dowladda uusan hayn.
Mr Diaz-Canel ayaa shanti sanno ee la soo dhaafay waxa uu ahaa madaxweyne ku xigeenka koobaad ee dalkaasi.
Inkastoo Mr Diaz-Canel uu dhashay wixii ka dambeeyay kacaanka, haddana waxa uu xulafo dhaw la ahaa Raul Castro lamana filayo inuu sameeyo isbadello ballaaran.
Waxa uu Diaz-Canel sheegay mar uu jeedinayay khudbaddii caleema saarka in "aanan wax fursad ah Cuba uga banaanayn kuwa iskudayaya inay dib u soo celiyaan hannaanka furfurnaanta ah".
'Kacaanku waa uu sii soconayaa'
Waxaa doortay xubnaha Golaha Qaranka, oo dhammaan xubnahaasi oo dhan 605 ay u codeeyeen bishii Maarso xilli uusan qofna la tartamin.
Mr Castro ayaa sii lahaan doono awood badan oo uu saameyn siyaasadeed ku yeelan karo mar haddiiba uu sii ahaanayo hogaamiyaha xisbiga shuuciga ee haya talada waddanka Cuba.
storvideo: 

$ 100,000 oo caawa loo ururiyey dayactirka Wadada...

$
0
0

20th April 2018 admin Category :
Madaxweyne Gaas oo $40,000 ugu deeqay dayactirka Wadada weyn ee Boosaaso halbowlaha u ah,
1)Madaxwaynaha Puntland $40.0002) Guddomiyaha Degmada Boosaaso $10,1003)Shirkada Tawfiiq $10,0004) Shirkada Barwaaqo $10,0005) Shirkada Horseed $70006)Shirkada Macruuf $50007)Maxjarka Wadaniga $50008) Shirkada Opec $30009)National petrolium $200010)Dahabi spare parts $2000
[embedded content]
[embedded content]

Puntland iyo Cabdiweli Gaas

storvideo: 

Boqor Cisman Buurmadaw waxa lagu xidhay hadallo...

$
0
0

Boqor Cisman Buurmadaw waxa lagu xidhay hadallo nabaddoonnimo oo uu ka jeediyey xaflad lagu qabtay Garawe. ( Daawo )
Waxa Daabacay staff-reporter on Apr 20th, 2018 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Boqor Cisman Aw Muxumed oo loo yaqaan BoqorBuurmadaw oo ka mid ah oday dhaqameedyada iyo haldoorlka Somaliland, oo dhawaan ka qayb galay xaflad dhaqan oo lagu caleema saarayey Oday dhaqameed reer Puntland ah, ayaa markii uu xafladdii ka yimid ee uu Hargesysa isa soo taagtay loo taxaabay jeelka.
[embedded content]
Xafladda uu boqorku ka hadlay ayaa xadhiggiisa loo sibir saarayaa, in ka qayb galkaa xafladda Garawe ee uu ka hadlay ay gaf iyo nusqaan ku tahay dastuurka iyo dawladnimada Somaliland.
Xadhigga muwaaddinkani waa dhacdadii labaad intii bishan ah oo xukuumadda Somaliland u xidho shakhsiyaad si nabad ah fagaare uga hadlay amma dadka Somaliyeed hadal la wadaagay.
Awdalpress
This post has been viewed 65 times.
storvideo: 

Xildhibaan reer Somaliland ah oo ku baaqay in...

$
0
0

Xildhibaan reer Somaliland ah oo ku baaqay in heshiiskii Emirates ka uu Muse Bixi ka noqdo. ( Daawo )
Waxa Daabacay staff-reporter on Apr 20th, 2018 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Xildhibaan Dheeg oo ka tirsan golaha Baarlamanka Somaliland ayaa ku baaqay in heshiiskii Emirates ka laga noqdo.Waxana uu yidhi " Mar haddaanay inna ictiraafayn, oo aanay Passport keenna ictiraafayn, immigana ay Somaliweyn ka sheekaynayaan waa in aan bannaanka u tuurraa, waayo ma arkaayo in Emirates ku wax faa'iido ah innoo soo soo wadaan".
[embedded content]
Awdalpress
This post has been viewed 25 times.
storvideo: 


Daadadkii Gaarisa ku dhuftay oo khasaare lixaad leh gaarsiiyay ganacsigii magaalada

$
0
0

Daadad ka dhashay Roobab ma hiigaan ah oo maalmihii u dambeeyey ka da'yey gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa la sheegayaa inay khasaaro lixaad leh ka dhalatay.

Daadad saameeyay isu socodka dadweynaha iyo gaadiidka Mandera

$
0
0

Waxaa maalmihii la soo dhaafay kala go'naa isu socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada Mandheera.

Madaxweynaha K/Afrika oo soo gaabiyay safar uu dalka uga maqnaa

$
0
0

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa ayaa dib ogu laabtay dalkiisa, soona gabagabeeyay safar uu ku joogay magaalada London ee dalka Britain, halkaasi oo uu uga qeyb galayay shirka wadammada barwaaqa sooranka, si uu wax uga qabto rabshadaha laga soo sheegayo dalkiisa.

Madaxweynaha K/Afrika oo soo gaabiyay safar uu dalka...

$
0
0

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa ayaa dib ogu laabtay dalkiisa, soona gabagabeeyay safar uu ku joogay magaalada London ee dalka Britain, halkaasi oo uu uga qeyb galayay shirka wadammada barwaaqa sooranka, si uu wax uga qabto rabshadaha laga soo sheegayo dalkiisa.
Madaxweyne Ramaphosa oo markii ugu horeesay tan iyo intii uu xafiiska la wareegay ka qeyb galayay shirkiisi ugu horeeyay ee dibadda ayaa intii uu ku sugnaa dalka Britain waxaa uu maalgashatada ku boorinayay inay maalgashadaan dalkaasi.
Hasayeeshe rabshadaha ka socda waqooyiga galbeed ee dalkaasi ayaa sii xumaaday dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, waxaana dadka dibadbaxa dhigaya ay dalbanayeen fursado shaqo, guryo ay ku nooladaan iyo in la joojiyo musuqmaasuq ay shegeen inuu kajiro dalka Koonfur Afrika.
Warbaahinta dalkaasi ayaa kusoo warrantay in booliska ay adeegsadeen suntan dadka ka ilmeysiisa, si ay u kala eryaan dad xiray wadooyinka.
Waxaa la xiray dhamaan wadooyinka, iyadoo sidoo kalena dab la qbasiiyay gawaari badan, halka dukaamo dhowr ah na la bililiqeystay.
Dadku waxaa ay sidoo kale dalbanayeen inuu iscasilo guddoomiyaha gobolka. Madaxweyne Ramaphosa ayaa ugu baaqay dadka inay isdejiyaan, waxaana laamaha ammaanka uu ku amray inay xakameyaan xaaladda.
storvideo: 

Maxay tahay sababta geedkan faleebooyinka loogu suray?

$
0
0

Faleebooyinka ayaa waxaa ku jira maado cayayaanka looga leylayo geedka oo uu aboor galay, kaas oo sababi kara in uu dhinto.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live