Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Maxaa ka soo baxay shirkii dib u eegista dastuurka...

$
0
0

Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka qaran ee dib u eegista dastuurka Soomaaliya, kaasoo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho.
Shirkan oo ay ka qeyb galeen ergo gaareysa saddex boqol oo ka kala yimid gobolada Soomaaliya ayaa waxaa la isku raacay in ugu dambeyn sannadka 2019-ka la soo gabagabeeyo dib u eegista dastuurka Soomaaliya.
Ku-simaha madaxweynaha ahna guddoomiyaha golaha shacabka ee Soomaaliya, Maxamed Mursal ayaa sheegay in uu si rasmi ah u furanyahay dib u eegista dastuurka Soomaaliya, ayna jiraan qoddobo ay u baahanyihiin inay ka wada hadlaan dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada soomaaliya kajira, six al looga gaaro.
Qoddodba ay ku heshiiyaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamullada ayaa sidoo kale la sheegay in loo badeli doono qoddobo dastuuri ah.
Sidoo kale, ergada ka qeyb gashay shirka ayaa ku heshiiyay in marka la gaaro sannadka 2019-ka, la soo gabagabeyn doono sixitaanka, wax ku darka iyo wax ka bedelida qoddobada dastuurka.
Dib u eegista dastuurka ayaa qodobbada ugu waaweyn ee horyaalla waxaa ka mid ah qeybsiga kheyraadka dalka, hannaanka dowladnimo ee Soomaaliya, maqaamka iyo sida ay noqoneyso caasimadda Muqdisho, iyo nooca federaal ee uu dalka qaadanayo madaama haatan Soomaaliya ay tahay dal federaal ah.
Dadargelinta qoddobada ka soo baxa dib u eegista dastuurka ayaa la sheegay in si loo ansixiyo dastuurka loo baahan yahay afti dadweyne, si Soomaaliya ay uga qabsoonto doorasho qof iyo cod ah sannadka 2020-ka.
storvideo: 


Dad gaaraya 80 qof oo lagu afduubtay Nigeria

$
0
0

Wararka ka imanaya dalka Nigeria ayaa sheegaya in ugu yaraan 80 qof ay ka afduubteen rag hubaysan gobolka ku yaalla waqooyi galbeed ee Kaduna.
Saraakiisha urur ay ku bahoobeen gaadiidleeyda ayaa sheegay in dadkani la afduubtay xilli ay ku safrayeen wadada wayn ee isku xirta Waqooyiga iyo Koonfurta Nigeria.
Waxa ay intaa ku dareen in raggan hubaysan ay joojiyeen dhowr gaari islamarkana dadkii saarnaa ay u kaxeeysteen goob kayn ah oo u dhaw wadada ay afduubka ka gaysteen.
Gawaaridii ay saarnaayeen dadka la afduubay ayaa waxa ay afduubayaasha uga tageen waddada dhexdeeda.
Ilaa iyo imika booliiska Nigeria kama aysan hadlin dhacdadani afduubka.

  1. Nigeria: ' Waxaan dilnay hogaamiyayaal Boko Xaraam'
  2. Nigeria oo u jawaabtay maamulka Gambia
  3. Gobolka Kaduna ee Nigeria oo Shiicada mamnuucay

Isniintii ,madaxa ciidamada Nigeria ayaa booqday aagaasi si sare loogu qaado ammaanka ka dib weeraro dhowr ah oo ay gaysteen burcad hubaysan.
Waxaa gobolkaasi Kaduna ka jiray muddooyiinkii ugu dambeeyay afduub iyo madax furasho ay dalbadaan kooxaha wax afduubta, balse dhacdadni ugu dambeysay ayaa ahayd mid lama filaan ah.
Rag hubaysan ayaa toddobaadkii aanu soo dhaafnay 70 qof ku dilay tuulo ku taalla aagaasi.
storvideo: 

Dhageyso Barnaamijka Qurbe

$
0
0

Ku soo dhawaada barmaajika Qurbe oo toddobaadkan ku saabsan xarrunta dhaqanka ee Aw-Jaamac ee magaalada Nayroobi. Sahra Cabdi Axmed, ayaa soo jeedineysa.

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:06:27 0:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Sool: Faahfaahinta Dagaal Ka Dhex Qarxay Somaliland ...

$
0
0

Dagaal ayaa maanta ku dhex maray deegaanka Tuka-raq ee gobolka Sool ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.
Labada dhinac ayaa midba kan kale uu ku eedeeynayaa inuu dagaalka soo qaaday.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in dagalka lagu soo qaaday Somaliland isagoo ku eedeeyay dowladda Federalka ee Soomaaliya inay dagaalkaasi ku soo qaadday.
Dhinaca Puntland, war qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in Somaliland ay dagaal ku soo qaaday ciidamada Puntland xilli ay horey u heysatay sida war saxaafadeedka lagu yiri dhul ay Puntland ka qabsatay.
Labada dhinaca ayaa guulo ka sheegtay dagaalka. Saraakiisha Puntland iyo kuwa Somaliland ee ciidamadaa kala hoggaaminaya ayaa sheegay inuu jiro khasaare nafeed oo labada dhinac ka soo gaaray dagaalka, inkastoo aaney sheegin tira sax ah.
Puntland, ayaa sheegtay in laba askari ay dagaalka kaga dhinteen, ayna dhanka kale gaarsiiyeen khasaare dhimasho, ayna hayaan maxaabiis oo qaarkood dhaawacyo ah.
Dagaalkan ayaa ku soo aaday xilli madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas uu ku suggan yahay magaalada Baydhabo oo ay ku shirsan yihiin madaxda maamul goboleeydad Soomaaliya, iyo iyadoo Somaliland ay u dabaal degeyso, maalinta 18-ka May oo Ramadanta darteed loo soo hormariyay. Maalintaas oo ku beegan markii ay ku dhawaaqeen inay Soomaaliya inteeda kale ay ka go'een.
Qeybtan hoose ka dhageyso war ay labada dhinac ka soo kala saareen dagaalka.
storvideo: 

Xuska Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15 May

$
0
0

Magaalada Muqdisho, waxaa xalay lagu qabtay munaasabad lagu xusayay 75 sano guuradii kasoo wareegatay markii la aas'aasay ururkii dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL ee lagu xusuusto doorkii ay ku lahaayeen xornimo u dirirkii Soomaaliya.
Ra'iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xassan Cali Khayre, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan golayaasha dowladda ayaa ka qeyb galay munaasabaddan 15ka May.
Munaasabadaa iyo ahmiyadda maalintan ayuu Ibrahim Xassan Dandureey ka wareystay, Dr. Bashiir Axmed Cusmaan, oo ah agaasimaha guud ee golaha wasiirada iyo xiriirka baarlamanka Soomaaliya.
storvideo: 

Ra’iisal wasaare Khayre oo hambalyeeyay maalinta...

$
0
0

Ra'iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Cali Khayre, oo xalay ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay 75 sano guuradii kasoo wareegatay markii dhiddibada loo taagay ururkii SYL ayaa hambalyo u diray Ummadda Soomaaliyeed. Ra'iisul Wasaaraha ayaa intii munaasabaddu socotay waxa uu ubax dhigay taallada halyeeyadii dhaliyarada SYL waxa uuna xusay muhiimadda ay leedahay [...]
storvideo: 

Xiisad ka taagan Qaza xilli la aasayo dadkii ku dhintay rabshadaha

$
0
0

Waxaa magaalada qaza maanta lagu qabtay aas loo samayay 58 oo Isniintii dhintay ka dib markii ay ciidamada Israa'iil ku fureen rasaas dibadbaxayaal Falastiiniyiin ah.

Sool: Faahfaahinta Dagaal Ka Dhex Qarxay Somaliland & Puntland

$
0
0

Dagaal ayaa maanta ku dhex maray deegaanka Tuka-raq ee gobolka Sool ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.


Madaxweyne Farmaajo oo ku Baaqay in la Joojiyo Dagaalka Tuka-raq

$
0
0

War saxaafadeed  ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu ka walaac sanyahay dagaalka saaka kasoo cusboonday deegaanka Tuka-raq.

MD Farmaajo “Waa in dagaalka Tukaraq degdeg lagu joojiyaa”

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ka walaacsanyahay dagaalka saaka kasoo cusboonday deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool, kaasoo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Madaxweynaha waxa uu ugu baaqayaa Madaxda, Odayaasha Dhaqanka, Culumaa’diinka, Ururrada Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo Dhallinyarada in ay u istaagaan sidii loo joojin lahaa dagaallada haatan socda.
“Waxaa nasiib darro ah in uu dhiig daato, waliba xilli loo diyaar garoobayo gudashada acmaasha bisha barakeysan ee Ramadaan.”
“Waa in dagaalka Tuka-raq si degdeg ah oo shuruud la’aan ah lagu joojiyaa, wax walbana loo maraa dariiqa wadahadalka.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu sidoo kale, baaq u diray beelaha walaalaha ah ee maalmihii lasoo dhaafay ay dirirtu ku dhex martay deegaanka Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag.
Madaxweynahu waxa uu tacsi u dirayaa ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyoday Tuka-raq iyo Ceel Afweyn, wuxuuna Alle uga baryayaa inuu dhaawaca degdeg u bogsiiyo
The post MD Farmaajo “Waa in dagaalka Tukaraq degdeg lagu joojiyaa” appeared first on Shabelle.

Malaysia oo shaacisay in ay siidaysay Anwar Ibrahim

$
0
0


Dowladda Malaysia, ayaa shaacisay in ay xabsiga ka siideysay Siyaasiga Caanka ah ee lagu Magacaabo Anwar Ibrahim,arrintaas oo wadada u xaaraysa in uu ku soo laabto siyaasadda Malaysia.
Mahathir Maxamed Ra'iisulwasaaraha cusub ayaa cafiska u fidiyay Anwar subaxnimadii Arbacada.
Mar ayaa loo arkayay hogaamiyaha mustaqbalka, waxaana loo xiray wax isdabomarin iyo dambiyo kale, ka dib markii ay maamulka is qabteen
Mahathir ayaa ballaanqaaday in uu labo sano gudahood xilka uga dagi doono si uu waddada ugu xaaro in Anwar uu noqdo ra'iisulwasaare.
Siyaasigan ayaa markii labaad la xiray saddex sano ka hor isaga oo ku tilmaamay in lagu oogay dacwad gacan ku rimis ah.
Afar sano ayuu hoggaaminay dhaqdhaqaaqa mucaaradka Malaysia, kaas oo hadda taladii kala wareegay xisbigii talada hayay, waana markii koobaad ee arrintaasi dhacdo taariikhda dalkaas.
storvideo: 

Wasiiradda Arrimaha Dibedda Ee Carabta Oo Kulan...

$
0
0

Wasiiradda ayaa la filayaa inay berrito Kulan ku yeeshaan Xarunta Dhexe ee Ururka Jaamacadda Carabta ee magaalladda Qaahira, kadib, markii ay Dowladda Sacuudiga codsatay Kulankaasi.
Wakaalladda Wararka Bariga dhexe ee MENA ayaa sheegtay inay Wasiiradda ka wada hadli doonaan Falki iay Askarta Yuhuudda ku dileen 60 Falastiiniyiin ah meel ku dhow Xuduudka Marinka Qasa uu la wadaagto Yuhuudda
Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dalalka Craabta waxay kaloo ka wada arrinsan doonaan Go'aankii sharci-darrada ah ee Safaaradda Mraaykanka loogu soo wareejiyey magaalladda Barakaysan ee Quddus.
Dhinaca kale, Ergadda Joogtadda ee Ururka Jaamacadda Carabta ayaa iyagana maanta Kulan ka yeelanayaa Tacadiga lagu hayo Reer Falstiin iyo Safaaradda ay Maraykanka ja furteen magaalladda Quddus-ta La-haysto,.
storvideo: 

Xildhibaan Sheegay Inay Imaaraadka Ka Diideen Qorshe...

$
0
0

Dr. Zakariya Xaaji Maxamuud Cabdi oo ka mid ah Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ee booqashada ku tegay dalka Qatar ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeyska ASHARAQ ee ka soo baxa magaalladda Dooxa ayaa sheegay inay Dowladda Imaaraadka Carabta ku xad-gudubtay Hawlihii DFS, isla markaana ay Heshiisyo la galeen dhinacyo kale.
Xidlhibaan Zakariya Xaaji Maxamuud Cabdi oo mar Wasiirkii Warfaafinta ka ahaa Dowladdii KMG ee Madaxweyne C/qaasim Salaad Xasan, waxa uu tilmamaay inay Dowladda Imaaraadka ka hor-joogsadeen qorshe ay ku doonayeen inay iyaga ku maaamulaan Ciiddamadda Somalia iyo Xeryahooda.
Khilaafka Siyaasadeed ee DFS iyo Imaaraadka Carabta soo kala dhex galay ayaa qeyb ka ah Khilaafka Dowladaha Khaliijka, iyadoo ay Dowladda Imaaraadka Galaangal aysan DFS ku qancin ka wadeen gudaha Somalia, isla markaana ay Maamulka Somaliland la saxiixdeen Heshiis ay Saldhig Milliteri kaga dhisanayaan magaalladda Berbera ee W/galbeed ee Somalia.
Dhinaca kale, Xildhibaan Zakariya Xaaji Cabdi waxa uu ka hadlay Xiriirka DFS iyo Dowladda Qatar, wuxuuna xusay inuu yahay mid aad u xooggan.
Waxa uu carrabka ku dhuftay inuu Xiriirka labada Waddan yahay mid Taariikhi ah, isla markaana uusan jirin Khilaaf caqabad ku ah Xiriirkaasi.
Dhinaca kale, Dowladda Qatar ayaa kordhisay Taageeradda Maaliyadeed iyo Samafalka ee ay ugu deeaaan DFS iyo Dadweynaha Soomaaliyeed.
storvideo: 

Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay oo Muddo...

$
0
0

Kadib kulan ay yeesheen Golaha amaanka ee Qaramadda Midoobay ayaa muddo kordhin waxa ay ugu sameeyeen Howlgalka Midowga Afrika ee ka socda Soomaaliya.
Golaha ayaa sheegay in la kordhin doono Tiradda Ciidamada midowga Afrika AMISOM ee Soomaaliya ku sugan ,kuwaasi la gaarsiin doono 20,626 oo Askari,halka ay hadda yihiin 22,126 oo askari.
Sidoo kale Golaha amaanka Qaramadda Midoobay ayaa sheegay in uu jiro qorshe ku aadan 1,040 Askari oo booliska AMISOM ah,kuwaasi oo lagu badalayo Ciidamada Malatariga AMISOM ee ku sugan gudaha Soomaaliya.
AMISOM ayaa waxaa lagu wadaa in gabi ahanba ay dalka isaga baxdo Sanadka 2020, waxa uuna bilaawday qorsha bixinta Ciidamadaa Sanadkii hore ee 2017-kii oo Soomaaliya laga Saaray 1,000 Askari oo katirsan Ciidamadda.
storvideo: 

(SAWIRO): Gabadhii Ugu Yarayd Ee Reer Falastiin Oo...

$
0
0

Layla Anwar Al-qanduur oo 8 bilood jir ahayd ayaa u geeriyootay suntii ay Askarta Yuhuudda ku tuurayeen Dibadbaxayaashii Reer Falastiin ee Isniintii la soo dhaafay dhigay Dibaxbax ay kaga horjeedaan Safaaradda Maraykanka ee laga furay magaalladda Barakaysan ee Quddus-ta La-haysto.
Ilaa 60 qof ayaa isla maalintaasi laagu dilay Dibadbaxyadda looga soo horjeedo in Safaaradda Mraaykanka loo soo wareejiyo magaalladda Quddus.Layla Anwar Al-qanduur waxay noqotay qofkii ugu da'da yaraa ee Falastiini ah oo ku shahiida Dibadbaxyadda haatan ka socda Marinka Qasa, waxayna Falastiiniyiintu dibadbaxyo ku xusayaan 70-guuradii ka soo wareegtay Maalinta ay Yuhuudda xoogga ku qabsadeen dhulalka Falastiin sannadkii 1948-kii, iyadoo Kumanaan Falastiiniyiin ah laga soo barakiciyey Deegaanadooda xoogga lagu haysto.
Shabakadda Falastiin ee Wada-xaajoodka ayaa sheegtay in Layla iyo Qoyska reer Qanduur yihiin dad ka soo jeeda Deegaanka Al-shaad ama loo yaqaano Xeradda Xeebta oo ku taalla Galbeedka magaalladadda Qasa.
Si kastaba ha ahaatee, Falastiiniyiinta ay Askarta Yuhuudda dileen waxaa ka mid ah ugu yaraan 8 qof oo da'doodu ka hooseyso 18-sanno jir.
storvideo: 


Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Ku Wajahan...

$
0
0

Wafdi uu hogaaminaayo Gudoomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan ayaa maanta ku wajahan magaaladda Baydhabo ee Gobolka Baay.
Safarka Guddoomiye Mursal uu ku tegayo magaaladda Baydhabo ayaa lagu sheegay siduu ula kulmi lahaa madaxda Maamul goboleedyada ee ku shirsan halkaas .
Dhanka kale waxaa dib loo dhigay war-murtiyeedka shirka Madaxda dowlad Goboleedyada uga socda Magaalada Baydhaba, oo la filayay in shalay lasoo saaro.
Qorshaha ayaa shalay ahaa in lasoo gunaanado guud ahaan shirka, isla markaana laga soo saaro Warmurtiyeed la xiriira waxyaabaha ay madaxda kawada hadleen labadii maalin aynu soo dhaafnay.
storvideo: 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo ku wajahan Baydhabo

$
0
0

Baydhabo ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta ku wajahan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Guddoomiye Mursal iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay u ambabaxaan magaaladaasi.
Waxaana la sheegay in uu ka qeyb galayo shirka Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada uga socda magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Shirkaasi ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta la soo gabagabeeyo, kaas oo looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay xaaladda guud ee dalka.
Waa shirkii labaad oo ay isugu yimaadaan madaxda maamul goboleedyada, iyadoona shirkan kii ka horreeyay uu ka dhacay M/ Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
 
The post Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo ku wajahan Baydhabo appeared first on Shabelle.

Kuuriyada Waqooyi oo Hakisay Wada hadalkii ay kula...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

PYONYOUNG: SONNA:- Madaxwaynaha waqooyiga kuuriya ayaa ku dhawaaqay in wadahaladii waanwaanta ahaa ee u dhaxeeyay koonfurta kuuriya uu hakad galiyey.
War ka soo baxay Warbaahinta Wadanka Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu sheegay arintaas, waxaana Madaxwaynuhu ku sababeeyay hakadka wada hadalkaa in Mareykanka iyo Koofurta Kuuriya ay dhoolotus-ka Miitari ka wadaan xuduudka u dhaxeeya labada kuuriya ayna yihiin kuwo dagaal loogu diyaargaroobayo, Waxaana uu u arkay dhoolatuskaa ififaalo dagaal oo lala damacsanyahay dalkiisa.
Dhoolatuska ay ka cabaneyso Kuuriyada Waqooyi ee ay wadajirka u wadaan Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa ah mid loogu magac daray Max Thunder wuxuu bilowday Jimcihii, waxaana ka qeyb qaadanaya boqol diyaaradaha dagaalka ah oo ay ku jiraan kuwa duqeynta culus geysta ee B52 iyo nooca F15K.
Sidoo kale waxa bisha soo socota 12-keeda la filaayey in labada hogaamiye ee Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya ay kulmaan, taas oo dadka siyaasadda falanqeeya ku macneeyeen qaadacaada wada hadalka in aanay Munaasabad noqon doonin.
Share on Facebook Share
Share on TwitterTweet
Share on Google Plus Share
Share on Pinterest Share
Share on LinkedIn Share
Share on Digg Share
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleDHAGYESO: Ra'iisul Wasaare Khayre"Dhalinyaradii SYL waxay inoo horseedeen guusha aan maanta halkan ku fadhino"

storvideo: 

VIDEO Dirawalada Bajaajta Magaalada Muqdisho Oo Ka...

$
0
0

[embedded content]
Qaar ka mid ah dhalinyarada ku shaqeysata mooto bajaajta ee ka dhex shaqeeya degmooyinka muqdisho ayaa cabasho ka keenay burburka lexaad leh ee ka jira wadooyinka qaar ee muqdisho,
darawaladan mooto bajaajta ku shaqeysata ayaa ku dooday in buburka wadada ay sabab u tahay isbedelada mamul ee gobolka banadir soo maraya isla markana mid waliba uu dhagax dhigo wado balse aan dhameestir lahen waxaana ay sheegen qaarkood oo la hadlay tvga eryal in ay u hogaansan yihiin shuruucda dowlada hoose ee xamar ayna bixiyaan qidmadaha lacageed ee maamulka uu kusoo rogay balse aysan helin adeegyadii ay u baahnaayeen.
dayaca muqdisho ka heysta mid amni iyo helista wado darawalada mooto bajaajta ay ku shaqeyaan ayaa ah mid aad u dag iyadoo mararka qaar ay darawaladani la kulmaan jir dil handaad iyo dil bareer ah oo ay naftooda ku waayaan waxaa kula dhaqaaqa askar ku labisan dareeska ciidanka dowlada
Darawalada mooto bajaajlayaasha muqdisho oo ka cabanaya xadgudubyo ay kula kacaan maamulka dowlada ee gobolka banaadir
Share this:
Related
storvideo: 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo ku wajahan Baydhabo

$
0
0

Baydhabo ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta ku wajahan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Guddoomiye Mursal iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay u ambabaxaan magaaladaasi.
Waxaana la sheegay in uu ka qeyb galayo shirka Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada uga socda magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Shirkaasi ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta la soo gabagabeeyo, kaas oo looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay xaaladda guud ee dalka.
Waa shirkii labaad oo ay isugu yimaadaan madaxda maamul goboleedyada, iyadoona shirkan kii ka horreeyay uu ka dhacay M/ Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live