Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Warbixin Dheer oo ku Saabsan Waxa Waqtigaan Keeney in Mugdi soo kala Dhexgalo Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo Sida loo arko Hadalkii Shiikh Sharif

$
0
0

Yuusuf Xaaji “Waxaan leeyahay  Shiikh Shariif laba mid: in uu la safto Argagixisada ama la Safto Kenya” — iyo khilaaf salka ku haya  shirkii UN… 
 

SII AKHRI


Ciidamadda Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo galabta weeraro ku qaaday magaaladda Baaardheere

$
0
0

Ciidamadda Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, ayaa waxay galabta u dhaqaaqeen dhinaca degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, iyadoo ay Baardheere tahay degmada kaliya ee ay maamusho Shabaabka ku sugan Gobolka Gedo.
Ciidamadda Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, ayaa waxaa la-sheegay inay ku hubeysan yihiin qeybaha kala duwan ee hubka, waxaana la-sheegay inay la-socdaan saraakiil ciidan oo ka kala tirsan Soomaaliya iyo Kenya.
Taliyaha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee aagga Buusaar Cornel Cabaas Ibraahim Gurey, oo goor dhaw la-hadlay Saxaafadda, ayaa wuxuu sheega inay ku sii jeedaan magaaladda Baardheere ee Gobolka Gedo.
Cornel Cabaas ayaa wuxuu sheegay in Ciidamadaha Dowladda Soomaaliya iyo Kenya ay doonayaan, in Xarakada Al Shabaab ay u geystaan jab xoogan, ayna ka saaraan guud ahaan magaaladda Baardheere oo dhan.
Sidoo kale wuxuu sheegay inay goor dhaw gacanta ku dhigi doonaan degmada Baardheere, oo ay gacanta ku heyso Xarakada Al Shabaab, waxayna Xarakada Al Shabaab ay isku diyaarisay dagaalo ka dhan ah Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo la-socdo.
Iskusoo wada-duuboo Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Kenya, ayaa waxay doonayaan in Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ay doonayaan inay ka saaraan Gobolka Gedo oo dhan, taasoo ay hada ku socdaan.

QALWO WAA GABAY CUSUB‏,By: C/raxmaan Xuseen Cumar (Tallaabo)

$
0
0

 
Waxaan salamaaya dhamaan warbahinta somaliland ee xortay ah
Salaam ka dib waxaan halkan ku soo bandhigayaa gabay cusub oo daba socda maansadii QALWO ee uu tiriyay abwaan su,laman sh c/raxman cashuur isla markaana abwaanka ayaan ku hal qabsanayaa  gabayga wuxuu la magac baxay QAADAN WAA wuxuu so baxay 24/10/2011
Waana kan  ee akhris wacan
 
 
Cashuurow qasaaraa dhiciyo qoomamiyo ciile
Qabarbaa islaamkii heliyo qaadan kari waa e
Murti qiimaheediyo adaa haystay qalinkii e
Adigaan abwaanadan qarnigan kaa qadariyaa e
Qalwo iyo markii aan akhriyay qoolka murugaysan
Qaban waayay jiifkee murtida qoro odhaahdeeda
Ma sadaam qudhii laga jara weli I qoomaysa
Ma ciraaq sidii loo qalaan cidina soo qaadin
ma qadaafibaa maanta go,ay qaran jab weeyaan e
falastiin qasaaraa ku dhacay aan la qiranayn e
qazza waxay ku laayaan haween qiimaloo wacan e
qudus baa yuhuudiga galaa qaarna dumiyeen e
marba geesibay naga qalaan qaarada yurub e
muslinkiii qasaaraha ku dhacay qaybshay oo dilay e
qosol iyo mushxaradbay kufrigu maanta qorayaan e
qilaafdiid sidu sheegay waa qoomamiyo ciil e (abwan   cashuur)
qayrkii nin loo xiirayoow qaysobaa xigi e
hadii ay  quweeyaan sharciga amase qaynuunka
ama uu xuquuqaha qofnimo gaal qadarinaayo
iyaba qaar ka daranbaa ku jiraa aan la qabanayn
qorshe waxay ku gaadheen islaam qaybsan oo jaba e
marba waxay qunbulad siinayaa qaar la soo daray e
qoraxdii timaadaba islaam qooman baa jiraa e
quwadaha kufriga waxa ka wayn qaadir ilaah e
hadii is qaad qaadayaan waa la soo qaaban e
maruunbaa qaasiriyo  ku dhici  qabarka xiimaa e
maruunbaa dabayl iyo  qalibi   qiiq la soo diray e
waxay qalab samaysteen wakhtigu waa ka qubayaa e
muslinyohow qaloocbaa jiree  dunida qiimeeyaa
qoomna lama dulmiyo oo sharciga qeexanbaa dhigay
qof waliba wixii uu gala qoorta loo sudhay  e
inagaa qar iyo buur jafniyo qowyo iyo buur e
inagaa qaldane gaal kufriyay nama qiyasteen e
hadaynaan qur,aankiyo sunna qaadan amarkooda
hadaynaan qushuuc iyo la iman qirida diinteena
qabiilkiyo hadaynaan  ka baxin  qollo la sheegaayo
oo aynaan qilaafkiyo ka bixin qaybisada gaalka
 beritona qisaasbaa ku dhici  qaar kaloo badan e
beritona masuul qiimalay qoorta jarayaan e
qorshe iyo midnimo diiniyoon qaadana waacan dheh
 
 
C/raxmaan Xuseen Cumar  (Tallaabo)
Berbera s/land
Email hanadx1@hotmail.com
 
————————————-
 
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

Ma Kula tahay inay Jiraan Beelo Ka Qatan Puntland [Akhri Liiskan]

$
0
0

Garoowe:- Beelo badan oo Reer PL  ayaan xilal Kuba Lahayn PL Xitaa Agaasime Waaxeed Hoose, Qaar badan oo Beelahaasi ahi xitaa Malahan  Xildhibaan PL oo la Qadiyay Ama Sad Bursi Xoogan lagu Sameeyay Markii Miiska awood qaybsiga la Joogay Dhismhii Puntland Sanadki 1998.
Hase ahaatee in kastoo hadana Ka maqnaanshaha Mudanayaasha Baarlamaanka ay Beelahaasi ku Ilaawi karaan  hadii Maamulada Hoose wax laga siiyo sida Agaasime Waaxeedyada Hoose amaba Agaasime Buuxa, Beelaha qaarkood waxay Bixiyaan Cashuurta xaqa loogu Leeyahay ee ay Dowladu Qaadayso Mararka qaarkoodna hadii wax dheeraad ah Looga Baahdo way Bixiyaan sida inay Dhaqaale dheeraad ah ku Taakuleeyaan Dowlada Marka Howlgalo Waa wayn oo dhanka Amaanka ahi Jiraan.
Marka laga yimaado Wasaaradaha Tunka waa wayn waxa hadana Jira Barnaamijo kale oo Hoose kuwaasi oo leh Agaasimayaal sida Agaasimaha La Dagaalanka Budhcad badeeda, Agaasimaha  Madaxtooyada, Agaasimaha Laamaha Sirdoonka, kuwa la mid ah.
Tusaale ahaan Beelaha Degan Gobolka Nugaal oo ay ku Taalo Caasimada PL ee Garoowe qaarkood Si Buuxda ugama dhex Muuqdaan Hay’addaha Dowlada, kuwaasi oo ka cabanaya si Qalafsan in Madaxwayne C/raxmaan Faroole u Maareeyay Magcaabista Xilal dhowr ah oo aanay Xaq u Lahayn Cida loo Magcaabay marka loo eego Saamiga sare ee ay Dowlada Horay ugu Lahaayeen sida Madaxwaynaha Beeshiisa Hoose oo Xilal Beelo badan ka Qatan Yihiin Gacanta loo Galiyay.
1. Jamac Warsame Jamac oo ah iminka agaasimaha Guud ee Madaxtooyada kaasi oo ah Qaraabada Dhow ee Farole Gaar ahan Qoyska Reer Jarafle.
2. C/risaaq Maxamed Dirir Agaasimaha ladagaalanka Burcad badeeda ah xiriiriyaha NATO & Puntland Reer Jarafle
3. C/casiis Maxamed Dirir Hogaanka  Gaadiidka Madaxtooyadda Puntland
4. C/xamiid Maxamed Dirir Kuxigeenka CID da ee Gobolka Nugaal
5. Cumar C/raxmaan Faroole Madaxa khasnada Hubka Guud ee Dowladda ahna Logistic ga Madaxtooyada pl
6. Maxamuud Warsame Jamac Taliyaha Qaybta Booliiska G. Nugaal oo ay walaalo yihiin agaasimaha madaxtooyadda Puntland
7- Maxamed C/raxmaan Faroole La Taliyaha Madaxwaynaha ee dhanka Warfaafinta
8- Cumar C/laahi Faroole La Taliyaha Guud ee Ciidanka Madaxtooyada Puntland
9-C/raxman Warsame Jamac [Foljaan]   Agaasimaha [Puntland Intelligent Service]
10- Maxamed Garas Agaasimaha Laanta Macdanta
11 Maxamed Colaad Madaxa Howlgalinta Madaxtooyada PL
Dhamaan Xilalkan sare ee la Daabacay waa kuwa uu Si Gaar ah u Magcaabay Madaxwayne C/raxmaan Faroole sida ku Cad Magacyadoodana waxa ka dhex Muuqda Kuwa ay  Qaraabo Hoose wadagaan Madaxwaynaha taasi oo Dhabada u Xaadhaysa inay Jirto Sad Bursi Xoogan.
 
Ahmed Maxamed
GalGalanews
Webmaster@GalGalanews.com
 
 
 
 

Waa MAANSO Kooban oo ku saabsan Halyaygii, Geesigii Muamar Qaddaafi.By: Suleiman sh Abdirahman Ashur( khilaafdiid)

$
0
0

 
Asalaamu calaykum
 
Marka hore waxaan salaan qiimo badan u soo jeedinayaa bahda OODWEYNENEWS.COM
oo si hagar la aan ah warka noogu soo gudbiya hadba wixii aduunka ku cusub. 
Marka xiga dhamaan umada afka somaliga ku hadasha.
 
Qaddaafi Illaahay ha u naxariisto, wuxuu ahaa halyay aad u neceb gumaysiga, inkastoo uu ahaa Digtaatoor
keligii talieye ah oo aanan ku faraxsanayn dad badan oo uu laayay,  hadana waxa loogu soo duulay
ee la isugu bahaystay ee dalkiisi loo burburiyay fasiraad dheeraada uma baahna,
 
hadaba waxaan halkan ku soo bandhigayaa maansadan kooban oo igu dhalatay maalintii la qabtay
ee la dilay.
 
Akhris wacan waxay soo baxday 22 Oct 2011,
magaceedu waa QALWO.
 
 
Ma qaddaafibaa go ay maanta
Ma qudhiisibaa lagu dheelay
Ma qandhaa dhankaa iga haysa
Boqorkii miyaa la qisaasay
Ma qalleen ragaan garanaayay
Ma qarbaa islaamka ku duulay
Qabanaaya kii fahmi waaya.
Ma qanaabilbaa la samaystay
Ma islaamkibaa quwad beelay
Ma iyagaa dhexdooda is qoomay
Ma qoorwayntibaan talinaynin
Qalwadii Zaddaam ma xasuustay
Ma intii hadhaa qadhqadhaysa
Ma ku quuso baa arinkeenu.
Qasriyada ragaa gabalaaxa
Iyaguba qalaaya dadkooda
Qaydkiyo duruucda hagoogan
Qaranimo markuu kala quustay
Afrikada ninkii qarameeyey
Ku mideeyay qaab lagu faano
Qaraamaadka qaarada biiyay
Ka qashaafay quudhsina diiday
U qiyaasay maaliyadiisa
U qumee ku qaayibay weeye
Qalalaadka ruux odhan waayey
Quruumaha markuu la shiraayey
Qalxadaha ninkii riday weeye
Waraaqaha ninkii qubay weeye
Ku qoslaye xogtooda u qeexay
Cadaawuhu intuu qalabeeyay
Kuwan qaawinaaya jidhkiisa
Iyagoo harraad ka qatoobay
Qayirmoo naftiiba ka quustay
Allaa qaalib xaajadu gaadhay
Webiyada ninkii qoday weeye
Nin walaalo qoorta ka gooyay
Ku qosloo cadaawe u qoolay
Inkastuu qadeeyo ayaamo
Qudhac maaha sii qotomaaya
Qodaxduu dhigaa mudi doonta.
Qarnigani intaanu dhamaanin
Qaddareey u qoyso markaaga
Qalabkana ku sii raro tuurta
Saxaraha ka sii qodo iilka.
Qorshahaad islaam u horseeday
Ficilkaa qadhaadhku ka muuqdo
Qaladkaasi kaa hadhi maayo.
Adigaan qarmaacin shisheeye
Adba sow adoog kama qaadin
In qilaab laftaadu ma quusin
Qanawaad hub kuu noqonmaayo
Wallee qayb dhanbaa ku dillaacsan.
 
 
Qareenkaagibaad ku ciyaartay
Adigaa islaam kala qaybshay
Labadaada qaar kala gooyay
Qarxisoo adaa ku quraacday
Adaa qoodha qayb ku haliilay
Qarbigii adaa naga raacay
Qarasheeyay kii ku dillaayay
Ma qanaabacbaa laga reebay
Ma iyagaa qudhooda halaagay
Ma qaynuunkibaa laga baydhay
Nin kastaaba qayb ma ku duulay
Ma gumaysibaa hano qaaday
Ma soomalibaa kala qaaran
Qaybsanoo qudhoodu is haysta
 
Qaadirow sidii barakaysan
Qafuurow islaamka u hiili
 
 
 
Curiye
Suleiman sh Abdirahman Ashur( khilaafdiid)
Switzerland, Bern
khilaafdiid20@hotmail.com
 
————————————-
 
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

” Hadalka Madaxweyne Sh. Shariif waa mid layaab leh.”: Wasiirka Gaashaandhiga Kenya

$
0
0

Waxaa soo kala  dhexgalay madaxweynaha DKMG Somaaliya Sh. Shariif iyo Dowlada kenya khilaaf  xoogan oo ku saabsan Dowladda Kenya oo  ciidamadeeda soo galisay Soomaaliya toodobaad ka hor si ay ula dagaalamaan Alshabab oo ay ku eedeysay inay ka dambeysay afduubyo dhowr ah oo loo geystay dad Reer Galbeed ah oo Kenya ku sugnaa, hadaba warkii oo  dhamaystiran halkan ka daawo dhan :–

Beesha Ogaden oo ka Jawaabtay Hadalkii M.Shariif iyo Kulan Xasaasi ah oo Gaarisa ka Furmay

$
0
0

Kulan ka dhacay Magaalada Magaalada Gaarisa ee Waqooyi Bari ee kenya ayaa lagu lafagurey hadalkii Madaxweynaha Dowladda KMG ah Shariif Sh Axmed ee ahaa in soo gelitaanka Kenya somaliya aysan raali ka ahayn Dowladda iyo Shacabka
Kulankan waxaa ka qeybgalay xubno ka socda Maamulka Azaania ee Prof Ghani Madaxda ka yahbay, odayaasha dhaqanka beelaha dega jubbooyinka gaar ahaan beesha Ogaadeen iyo Saraakiil Kenya ka socda oo soo abaabulay shirkan.
Marka uu shirka dhamaaday ayaa waxaa Saxaafadda la hadlay Wakiilka Suldaan Sokor oo lagu magacabo Sh Maxamud kaas oo sheegay in beelaha Dega jubbooyinka raali ka yihiin gelitaanka Ciidamada kenya ee soomaaliya.
Shirka ayaa waxaa khadka telefoonka uga qeyb qaatay xubno ay ka mid ahaayeen Faarax Macalin oo Guddoomiye kuxigeen ka aha Barlamaanka Kenya iyo Wasiirka Gaashandhigga Kenya Yuusuf Xaaji.
Sida ay sheegayan wararka lagu kalsoon yahay oo shirkaas laga helay xubnaha ka qeybgalay shirka waxay isku raaceen in la qoro warqad lagu difaacayo gelitaanka Ciidamada kenya ee soomaaliya.
Warqadaas ayaa si deg deg ah loogu diray Midowga Afrika, IGAD, Qaramada midoobay iyo Dowladaha quseeya arrimaha doomaaliya.
Intii uu shirka socday ayaa la isla meel dhigay qodob muhiim ah oo ahaa sidii beelaha dega Gobolada Jubbooyinka loo raadin lahaa.
Labo oday oo ka socday beesha Mareexaan ayaa diiday in ay warqada saxiixaan sida uu sheegayo wariye madax banaan oo joogay Gaariisa.
Sheekh Maxamud oo ah WakiilkaSuldaan Cabdi Suldaan Cali Sokor oo BBC da Laanta Soomaaliga la hadlay ayaa sheegay in beelaha dega jubbooyinka raali ka yihiin soo gelitaanka ciidamada kenya ee soomaaliya.
Waxaa uu sheegay Sheekh Maxamud in Shariif waa Madaxweynaha Dowladda KMG ah uu weligiisa diidanaa Siyaasadda jubbooyinka xataa markii ciidamada lagu tababarayay kenya marka mBeesa aha ayuu yiri wax uu maanta bilaabayo arrintan.
Sheekh Maxamud isagoo iska fogeynayay qorshe qarsoon oo Dowladda Kenya ka leedahay Goboladaas ayaa waxaa uu sheegay in marka ay rabaan midnimada soomaaliya marna ma doonayno ayuu yiri in aan ka go’no soomaaliya.
Laakiin sida uu qorayo xeerka Caalamiga Dowlado ayaa ka wadahadli kara danaha labo dal ka dhaxeeya ee beelo kama wada hadli karaan Soomaaliya-na waa dal Madax banaan hay’adda sharciga ee la aqoonsan yahayna waa Dowladda KMG ah.
Xubnaha Beesha Ogaadeen ugu jira Dowladda Kenya ayaa dano qarsoon ka leh dhismaha Maamul Dowladda Soomaaliya ogeyn ee laga hergeliyo jubbooyinka sidaas waxaa sheegaya xubno ka tirsan Baarlamaanka KMG ah ee soomaaliya.
 
Team GalGalanews
 

Hogaanka Ku Meel-gaadhka Ah Ee Xisbiga UCID Oo Mudeeyay Wakhtiga Uu Qabsoomayo Shir-waynahooda Saddexaad

$
0
0

.
Hargeysa (dhanka) –  Mucaaradka ah ee UCID ayaa modeeyay xiliga uu qabsoomayo shirwaynaha saddexaad ee xisbigaasi.
Guddoomiyaha xisbiga UCID Md Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in shir ay shalay Magaalada Hargeysa ku qabteen hogaanka sare ee xisbigu ay isku raaceen in shir-waynaha xisbiga UCID la qabto 7-da bisha December ee sanadkan 2011-ka.
War-saxaafadeed kooban oo guddoomiyaha xisbiga UCID Md Faysal Cali Waraabe ku shaaciyey wakhtiga uu qabsoomayo shirkaasi oo soo gaadhay wargeyska WAAHEEN ayaa sidoo kale lagu sheegay inay dhawaan la magacaabi doono guddidii qaban qaabada shir-waynaha xisbiga.
War-saxaafadeedkaasi oo dhamaystirana waxa uu u dhignaa sidan “Anaga oo tix-raacayna xeerka xisbiga UCID qodobkiisa 10-aad farqadiisa 2-aad taas oo tilmaamaysa in 5 sanada la qabto shir-waynaha xisbiga.
Waxa ay maanta shir ay yeesheen hogaanka xisbigu isku raaceen in la qabto shirwaynihii saddexaad ee xisbiga Cadaalada iyo daryeelka UCID taariikhdu marka ay tahay 07.Dec.2011.
Sidaa daraadeed iyadda oo la tix-raacayo qodobka 18-aad ee xeerka xisbiga waxa si dhakhso ah loo magacaabi doonaa guddida qaban-qaabada shir-waynaha inta ka horeysa dhammaadka bisha November.”
Source-Waaheen


Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

$
0
0

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay Barnaamijyada Maalinlaha ah ee ka baxa Idaacadda waxaana dhageystayaasha Radio Muqdisho ay dhageystaan habeen walba 09:30 fiidnimo marka laga reebo habeennimada Jimcaha.
Barnaamijka waxaa diirada lagu saaraa raad raaca ama falanqeynta dhacdooyinka maalintaas taagan kuwa ugu muhiimsan waxaana uu xambaarsan yahay macluumaad u badan Wareysiyo.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qaybta Koobaad Ee Bandhiga Wareysiyada 25-Octobar
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qaybta Labaad Ee Bandhiga Wareysiyada 25-Octobar
 

Op-Ed:Constructing a Reliable Central Bank in Somaliland

$
0
0

As the nation looks forward to the upcoming elections, I write this article to remind the Parties of their responsibility to the country. Conducting a coherent election, in a transparent manner, will no doubt strengthen our case for recognition and nation building but I say “what is recognition if our institutions are not robust and transparent”? The answer to that question is that we will be like any other failed African nation, and that is not good enough. Somaliland must reform its institutions firstly; so that we can utilize every financial opportunity effectively and secondly so that corruption can be defeated at all levels. In this article I wish to highlight the necessary steps, which can be taken by the present or future government to build the Somaliland Central Bank. A Central Bank is a banking institution granted the exclusive privilege to lend a government its currency. Like a normal commercial bank, a central bank charges interest on the loans made to borrowers, primarily the government of whichever country the bank exists for, and to other commercial banks, typically as a ‘lender of last resort’. However, a central bank is distinguished from a normal commercial bank because it has a monopoly on creating the currency of that nation, which is loaned to the government in the form of legal tender. It is a bank that can lend money to other banks in times of need. Its primary function is to provide the nation’s money supply but more active duties include controlling subsidized-loan interest rates and acting as a lender of last resort to the banking sector during times of financial crisis (private banks often being integral to the national financial system). It may also have supervisory powers, to ensure that banks and other financial institutions do not behave recklessly or fraudulently.Before getting to the substance of what the Central Bank of Somaliland needs to do, and how it will have to do it, there is an important precondition for success. Every successful financial and economic system is predicated on the idea that investors can keep the fruits of their investments. For this to happen, there has to be a government making and enforcing laws to protect property rights. The Babylonia ancestors of modern day Iraqi’s were the first people to figure this out when, around 1750 B.C., King Hammurabi created the first recorded rules governing financial operations. What was true 4000 years ago is still a reality today.With the legal foundations in place, the Central Bank will need to focus on meeting two principle objectives. First, it must create an environment in which financial institutions can flourish, insuring stability of the entire system. A banking system that is constantly in crisis is worse than useless. Secondly, the Central Bank must operate a monetary policy that keeps domestic Somaliland inflation check. Inflation makes doing business difficult by increasing risk to both borrowers and lenders, and making prices unreliable signals. Low inflation is an indispensable foundation for real growth.To achieve financial stability, the Somaliland Central Bank needs to encourage the development of a sound banking system based on arms-length relationships and market incentives. This means chartering banks to keep unsavoury characters from running them, and setting up a system of supervision that penalizes bad business decisions. Then there are day-to-day services that the central bank will have to provide. These include both the more mundane job of exchanging old, worn currency for new, crisp notes, and the technologically complex task of providing a payments network that allows funds to move among banks. The existence of an electronic payments system is essential to the process of intermediation. It will persuade individuals to deposit funds into banks and, in turn, encourage banks to make loans.To ensure that the payments system develops, the Central Bank of Somaliland should subsidize the interbank payments system at least initially, making it cheaper and easier for commercial banks to serve their retail customers. Success in policymaking is as much an issue of institutional environment as of the people who are put in charge.Over the past several decades, we have come to a consensus about the best way to design a central bank so that the people running it can be successful. A central bank must be (1) independent of political pressures, (2) accountable to the public, (3) transparent in its policy actions, and (4) a clear communicator with financial markets and the public. There is also an agreement that it is prudent to have policy decisions made by committee rather than by a single individual.Of these requirements, independence is by far the most important. In fact, virtually every high inflation episode in the world, including the Somaliland inflation that averaged somewhere between 1000% and 1500% per year since the collapse of the central government, is a direct consequence of the political subjugation of the Central Bank. Without alternative sources of revenue, governments turn to the central bank for financing, forcing them to print more and more money. The result, not surprisingly, is inflation. So the first step in achieving economic stability is to take the printing presses away from the politicians.As for accountability, transparency and communications, these become crucial once the bank has been made independent. While the manner in which they are implemented depends critically on local culture and so it differs across countries, a few things are universal. First, the public announcement of targets for the central bank is the only way to generate credibility. And second, the central bank has to publish certain statistics regularly. Many central banks publish their balance sheets weekly, and the Central Bank of Somaliland should do the same thing. But in the end, exactly what they say and how they say it should depend on what works best with the Somaliland people.All of this is well and good, but what about the transition? How can Somaliland get from where it is today to where it needs to be? Conditions on the ground in Somaliland are surely changing by the hour in ways that only people who are there can appreciate. So my recommendations need to be read in that light. First, the 1990s experience in Somali and Ethiopia leads us to expect that Somaliland will encounter high inflation in the near term. When a previously centrally planned economy abolishes price controls, that’s what happens. The important thing is to expect a bought of high inflation and make certain that it is brought under control as quickly as possible. Looking at the history, there are two paths that the Central Bank of Somaliland might take to stabilize prices. It could set up a currency board, or it could adopt an inflation target.I favour the inflation targeting approach mainly because of my strong opposition to a currency board. The problem with the currency board is two fold. First, since the central bank can no longer simply print money it cannot operate as a lender to sound banks that come under unjustified attack. The inability to act as a “lender of last resort” severely limits the central banks ability to avert financial crises. Second, a currency board creates the false impression of monetary policy austerity. As the Argentineans learned the hard way, a currency board provides no protection from fiscal excesses. Without fiscal discipline, monetary policy is impotent to control inflation. It doesn’t take much imagination to envision a Somaliland regional government following in the footsteps of Argentinean regional governments, and printing up its own currency in defiance of the central bank.Without fiscal discipline, monetary policy is helpless. Looking at Somaliland today, we see immediately that this creates a serious risk. Rebuilding the country’s physical infrastructure and transforming its economy into a market-based system is going to be very expensive. During the transition, the Central Bank is going to be pressured to print money to finance the widening fiscal deficits. It is absolutely essential to find a way to avoid this. My suggestion is that the government should take charge of fiscal policy during the transition, giving the central bank some breathing room to confront the inflation problems they will inevitably face. The hope is that the Central Bank of Somaliland will be able to control inflation in the short-term, thereby building the credibility that will be essential to a successful long-term inflation-targeting regime.Cultural legitimacy is the final and most important issue to confront in designing the Central Bank of Somaliland. What any of foreigners write or say is irrelevant unless the people of Somaliland are involved. Most importantly, we cannot go into Somaliland and build a set of institutions that reflect American and Western European values. This will not work. And while I might think that publication of a quarterly report inflation conditions is a good way for central bankers to communicate with the public and ensure accountability, if the people of Somaliland want to do it differently, that’s their business. We can set out framework of principles that appear to be universal, but the details are up to the people who live there.Hassan Cabdi Elmi Chairman of Youth in UK UCID Party ace_2802@yahoo.com London————————————————————————————————— Views expressed in the opinion articles are solely those of the authors and do not necessarily represent those of Somalilandpress editorial.

Op-Ed: Somaliland Youth Nowhere to Turn

$
0
0

“We need to be leaders of today, but not leaders of tomorrow”Looking back in yesterday, I can still remember the feelings of excitement as parliament approved the amendment of Art.33.4 (Law No. 20). The years of being restricted from participating Local Council Elections were over. The struggle for youth participation movement was indeed remarkable and merit of admiration. It continues to be celebrated throughout Somaliland. Today, it is wonderful to see that the campaign successes and moves on faster than ever before. SONYO the torch of hope you lit in this year glows brightness, vastness and intensity. Youth in Somaliland will have a big reason to smile. They will certainly have a reason to celebrate because thousands of young Somalilander’s who often suffer political barriers will have the chance to participate the upcoming Local Council Elections. Dear Advocacy and Lobbying Committee (GFDSHDH), it makes me proud to congratulate your restless efforts toward that noble cause. It is a black day to shame for those who directly refused to contribute that noble cause. The active engagement of young people in decision – making processes at all stages and in all areas of life is not easy. It is a must that our long journey to participation is a half done. The youth of today are really tough and talented people. Every young men and women has a dream to carry his/her country into a higher position in the world. Involvement of society’s decision making at a young age enhances the wellbeing of every nation. We have to express our views and opinions so as to be taken seriously that we are agent of change. Inspiring the young people to speak out by articulating their views and ideas feels he or she has something to offer in his society and also a sense of belongs. A major benefit of young people’s input in decision making process makes better the confidence, knowledge and motivates others to be a part of them. It is therefore important for every nation to ensure the wellbeing of its youth and Somaliland is not exceptional.Young people have the latent and aptitude to play a part in society and symbolize a voice that calls for the development of life in that society. Youth will not be enthusiastic, creative and innovative unless their societies understand they have the potential to improve their country socially, economically and politically. Thus, it depends on how their societies treat them We can say if we train our youth the leaders of the future, our society will prosper, but if they miss a direction the society will fail and live poverty. . Hence, it is essential that youth to obtain the guidance and support they need in this challenging stage of life. If supported and encouraged, youth can make a sizeable input to their country. Youth in Somaliland had long their rights were denied for their participation in the political higher ranking decision making process. Article 32 of Somaliland’s constitution states those 35yrs old or above have only the right to take part in governing process in the country. Worst of all they had no opportunities to have express their voices and concerns with in the community and have no respect of voice judgment and freedom of expression. In Somaliland, the lack of interest shown to the youth caused illegal migration from their country to foreign country for better life has gone up and most doubled in this year and most likely reason for this is that our youth are time after time getting ignored by the mainstream society; it ever more looks like that our social order keeps forgetting the youth. The role of Somaliland young people as active citizens has infact declined in relation to lack of formal political participation such as through elections. Decisions-makers often fail to recognize young people as an important component of society and valuable resource to the country. In spite of these, young people still face many challenges and problems which prevent them from showing their filled potential. The issue of youth participation at the Local Council Elections is a key area of concern, particularly in view of reduced age of youth participation in local council elections. Reflecting that impossible predicament facing many youth in Somaliland, SONYO Youth Umbrella established Advocacy and Lobbying Committee. This committee was developed the working philosophy for the active youth political participation in Local Council Elections. The main message is clear: while the Somaliland government is increasingly putting youth concerns at the heart of their political agenda, a lot more remains to be done. Government should commit to fully engage young people in all aspects of their programs and initiates that target youth and political development. It is, therefore crucial that youth receive the guidance and support they need in this challenging phase of life and sustaining them successful transition from youth to adult hood.Let us remember the wisdom says, “Youth are like young plants, they need to be cared for, if you take good care of your plants, you will have strong plants and a good harvest. It is the same with youth, if you look after them”Written by: Farhan Abdi Suleiman (Oday) ________________________________________________________________________________________________ Farhan is an Activist for Peace and Youth Issues and a member of Advocacy and Lobbying Committee (GFDSHDH). He can be contacted at oday1999@yahoo.com

LIBYA: New Leadership Following The Political Footprints of Qaddafi

$
0
0

The National Transitional council of Libya head Mustafa Abdel Jalil despatched a high ranking delegation to Mogadishu to meet with Somalia’s Transitional Federal Government (TFG). This Libyan foreign policy decision raised eyebrows in Somaliland. It was expected that the NTC would at least support those Libyan analogous – Somalilanders who correspondingly fought and defeated thirty year-old Somalia occupation and dictatorship. Somalilanders liberated their country and established a democratic, all inclusive and a peaceful country – Somaliland. In its place Mr. Abdul Jalil opted to befriend with the undemocratic and anarchic TFG. The NTC delegation arrived in Mogadishu just a day after the declaration of Libyan freedom. The Somaliland government has more in common with the NTC than with TFG. Somaliland set the precedence for the Arab spring more than two decades ago, but was not recognized as swiftly as its Arab revolutionary counterparts, because popular revolutions were not popular or “wicked in a nice way” as the Face Book generation calls it. The Arab decision making nerves were controlled by dictators like Qaddafi, Mubarak, Assad, Saleh and Bin Ali. These dictators were the most antagonistic to the Somaliland independence. The Transitional Federal Government, which is neither Federal nor a Government, but is made-up of an opportunistic assemblage of former warlords, former Al-shabaab loyalists and remnants of Siad Barre regime. The TFG had a close link with the Qaddafi’s regime, who gave them both financial and moral support.It is not a hash-hash that Col. Qaddafi regime was also a close friend and an ally of Siad Barre except for a short period in the eighties, when the Libyan dictator both militarily and financially supported the SSDF, a Somali insurgency group, then headed by Mr. Abdullah Yusuf Ahmed. This group succumbed to infighting on generous pecuniary assistance given by Mr. Qaddafi. The majority of the leadership of that group then surrendered to Siad Barre and became the founding fathers of the infamous TFG and the piracy and human- trafficking dependent self-proclaimed leaders of Puntland State of Somalia – the former Majeertenia region.The founder of Puntland and the first President of the TFG now lives in Yemen under the protection of his dear friend Mr. Ali Abdullah Selah. Mr. Sharif Ahmed the current president of the TFG made his first stop as refugee in Yemen and then proceeded to Eretria after his Islamic Council Union was crashed by the Ethiopian forces. It’s now obvious that Sharif was collaborating simultaneously with both Ethiopia and his former allies Al-shabab. This indicates that opportunistic dictators help each other in the time of political turmoil. In that same way, the democratic Arab revolutionaries of today must learn to collaborate and recognize one another for the sake of freedom, justice and brotherhood. Now that the Arab populace have tasted the flavour of freedom and democracy, they should not deny the people of Somaliland to enjoy the feeling of being a sovereign member of the international community, the AU and the Arab League. The old dominance and dictatorship mentality has to come to an end – Somaliland people’s choice must be respected and anything less will not differ from the Arab status quo of the past fifty years. Especially the Arab spring revolutionaries of Libya, Tunisia and the Egypt must not follow the political footprints of their former dictators.Yusuf Dirir Ali

su`aal baa ka taagan sharcinimada wadani‏,By: aadan xaamud dirir

$
0
0

waxaan salaamayaa dhammaaan shaqaalaha war baahinta balaadhan ee oodweyne taasoo aad u soodhoweysa aaraada dadweynaha, waxaan kaloo salaamayaa dhammaan dadka reer s/land meel kastoy dunida ka joogaan,anigu waxaan qabaa in xisbiga wadani ee cusub ayku jiraan xuno aad uguu dhuun daloola siyaasada dalka laakiin wali waxaa saaran calaamatu su`aal  waayo waxaa gudoomiye ka ah ninka guddoomiya golaha wakiilada oo ah gole awood badan loogana fadhiyo inuu kasoo baxo wax shaqadii ay shacabku udoorteen markii hore oo aan looga fadhiyin inay xisbiyo iska furtaan waayo waxay dayici karaan waxyaabo badan oo maanta ay qabanlahaayeen iyagoo berri u dhiganaya si ay  siyaasadooda danbe ugu soodabakhaan iyagoo wiiqaya xisbul muxaafidka  takale qodobkan 20 qaybihiisa danbe ee sheegaya in xubin baarlamaanka ahi ay intay iska tagto furato xisbi siyaasadeed aad buu khatar u yahay wuxuuna luminayaa doorka shacabka oo wakiil koodii ay soo doorteen haduu bil gudaheed xisbikale samaysto cidmatasha mahelayaan xataa hadii xisbigu gudihiisa ku bedelo cid aan shacabku codsiinin,  waxaanan kula talin lahaa golaha guurtida iyo maxaweynuhu inaanay aqbalin qodobkaa ay paarlamaanku soohoos geliyeen qodobka kale ee isagu sheegaya in da`yarta 25yrs loo ogolaado tartanka,waana in laka qaadaa arrimaha,sidaas waxaan uga jeednaa maaha in xisbigan aynu cadaadinayno laakiin waa dhibaato mustaqbal oo iminka guddoomiyuhu wuxuu haystaa awoodiisii baarlamaan{house speaker}waxaanu furtay xisbi isagoo marba ka dhexraadsanaya qodob sharciyeedyo anfacaya oo uu ku meel marsado hadba wixii mashaakilaad ah ee ka hor imankara taasina waa afduub siyaasadeed oo u baahan in loo fiirsado soona noq noqon kara is lamar kaana aan laga diyaarsan wax lagu kala baxo,maah maah ingiriisaa tidhaahda {a tree must be bent while it is a young: geedku intuu yar yahay waa in  meeshii larabo loo toosiyaa}
 
                                                         aadan xaamud dirir
                                                        email.dirir2007@hotmail.com     no.00966590688652 ksa
 
———————————————————————-
 
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

WAXAY DUMIYEEN RUNTII, Qalinkii: Maxamed Saleebaan Cumar

$
0
0

 
Ma garanayno meel aynu ka nimid, mana ogaan karno jihada loo socdo. Laakiin garashadu waxay ii sheegaysaa in la ambaday. Sababtii loo ambaday iyo arrimaha ku taxan maalmihii la soo maray, ayaan iyaguna ahayn kuwo aynu si madax-bannaan uga hadli karno. Waaqiciga ayaa inoo diidaya, xorna uma nihin in aynu halkaas oo kale ka fekerno. Oo haddii ay xorriyadi jirto ma sidan ayaynu ahaan lahayn!
Waxaad mooddaa inaynu ku xidh-xidhan nahay xabsi qarsoon, oo aynaan fahmi karin ujeeddada aynu ugu jirno. Hayinka aynu saaran nahay waxa lagu hoggaamiyaa jibbo iyo fallaad caqliyadda ka durugsan. Mar kasta garaadkeennu ma aha mid arrimiya, talada iyo tilmaanta na waxa leh caaddifadda. Sidaas darteed, waxa masiirkeenna lagu maamulaa dareenno aan xeel-fogeyn oo cadho, ciil iyo cishqi-ba iskugu dhafan. Dareennadaasi waxay inta badan ka soo fulaan c laabaha ma-kasta, maatada; indhow-aragga iyo indho-ku-garaadleha. Intan oo is kaashatay ayaa shalay iyo maantaba barta hoggaaminta inoo jooga. Iyaga ayaynu ka sugaynaa hindisaha xal ummadda faraj u noqda!
Waxay arki karaan inta la wada arki karo, abbaartooduna waa mid ku salaysan “Maanta iyo Maanta” – tan la-ajligeedna, shaqo kuma laha berri iyo maalmaha soo socda ee ku taxan awaalka maqan. Aragtida ayaa ku xaddidan mataaca adduunka iyo maalmaha ifka ee la joogo. Waxay ku loollamayaan noocyada baabuurta iyo dabaqyada dhaadheer. Hadda shalay ayuun bay ahayd markii ay cago-caddaanta ku joogeen suuqyada magaalada. Laakiin maxaan kaaga daalin!, sow ma aha kuwii uu Nebigu ku sheegay Calaamadaha Saacadda.  
Waa halkii Hadraawi-ye, Kala-guranta sii raac! Sida ay u dhan yihiin, calooshooda ayay u shaqaystaan. Hunguriga iyo hawada nafta ayay shaqaale u yihiin. Waxa soo raaca mid-mid aan wax badan dhaamin oo hankiisu carruurta gaadhsiisan yahay. Mid kasta waxa mayalka u haysa afadiisii iyo in la mid ah. Waa kudlad inkaaran oo ku fooggan wax inkaaran. Waxay ku nool yihiin meertada nolol been miidhan ah; maadaama ay bulshadu sidaas u badan tahayna, taas ayay ku khasban yihiin inay ku qancaan. Taas ayay calan-sideyaal u yihiin oo ay weliba xilal been ah iyo billado bar-kuma-taal ah u tosheen. Haddii in uun garasho jirto se, waxay ahayd inay dadka u hoggaamiyaan toobiyaha liibaanta iyo guryosamada. Haddii se uu hoggaamiyuhu dhaaddan yahay in loo xushay furfuridda iyo xal-u-helidda caqabadaha hal-xidhaaleha ku noqday geeddi-socodkii horumar ee dadka, miyay ahayd in lagu sii adkaysto hillimada leexsan ee guul-darrooyinka laga dhaxlay? Mise Xeerka Beentu sidaasba uma arko oo wuxu qabaa inaynnu ka soo gudubnay silsilad lib miidhan ah, dhowaanna aynu cagaha gelin doonno mid kale oo hor leh. Baasaysiga ayaan wacnayn ba’e, xeerka beentu waa sidaas.
Dadku wuxu isku maaweelinayaa xorriyad dhalanteed ah iyo dimuqraaddiyad afka baarkiisa ah. Kii ay garashada bidday ayaa laftiisu madadaalada la raacraacaya. Iyaga oo sidaas sheeganaya ayaan haddana la oggolayn in qofku aaraadiisa u cabbiro si xor ah ama uu mid kale weydiimo ka keeno xagga loo socdo iyo masiirka ummadnimo. Xataa marka uu qofku kelidii yahay, waxaad odhan kartaa nidaamku ma oggola in kasha aadamuhu is weydiiso su’aalo ku taxan mabaad’iida biyo-kama-dhibcaanka loo ee arko ee lagu hadaaqayo. Haddii aad si xor ah u hollisid fekerkaaga, waa hubaal in judhaba lagu xidhiidhinayo dareenno kale oo agaheenna yaalla. Waxa la iska caadaystay in qofkii badheedhahiisa dhiibta lagu riixo aragti aan shaqo ku lahayn waxa uu ka hadlayo. Taasi waxay timaaddaa marka cidda barta hoggaaminta fadhidaa ay laabta ka doonayso dareen aan quluubta dadweynaha ku jirin. Wuxuu jecel yahay in loo yidhaahdo wixii uu odhan lahaa, taasi haddii ay dhacdana, waxa uu si dadban bulshada ugu khasbay ayyidaadda qabitaannadiisii dahsoonaa. 
Tani maaha mid halkan uun ka aloosan. Adduunka oo dhan waxa gilgilaya mashkilado aan xalkii lagu furdaamin lahaa loo hayn. Meel kasta dhiillo ayaa ka taagan, dhegta aadamaha sebenkan noolina, waxay iskala qabsatay inay maqasho war-macsiyeed ku lammaan nolosha. “Subax noolba dhiig daata, Xadhig iyo silsilad shiilan.” Markii laga tegay marinkii Ilaahay u jideeyay nolosha ayuu noolihii u ban-baxay nolol habaaran oo cabsi iyo umal lagu gaasheeyay. Ujeeddadii abuurtu ma sidan ayay ahayd? Maya…. Xaashaa-Lillaah! Aadamaha waxa loo uumay fulinta jidkii Ilaahay u jeexay nolosha. Si taas la mid ah, Aadamaha waxa loo sharfay furdaaminta mashkiladaha, laakiin looma abuurin inuu abuuro mashkilado hor leh. Meel ay tahayba, waxa ayaan-darro inteeda le’eg ah; in duul Ilaahay karaameeyay, kuna galladay garasho ka soocda abuurta kale, ay sidan u noolaadaan. Aaway xilkii iyo xil-gudashadii noloshu, aaway aqoontii iyo aragtidii, aaway garashadii iyo sarriigashadii, aaway dammiirkii noolaa ee kasha damman ruxi jiray, aaway fekerkii iyo fiiradii, aaway godol-maankii iyo halabuurkii hilaadda durugsan lahaa, aaway…. aaway…. aaway?
Si aynu raad-raac sugan u samaynno, waa in aynu garan karnaa goortii aynu lunnay iyo goobtii aynu majaraha kaga leexannay. Waxa se taas ka horreysa inaynu isla garanno ama isla garan weynno, in wax innaga khaldan yihiin. Waxa jiri karta in aan dadka qaarkii qirsanaynba in mashkiladi jirto ama aydun hore iskula garan kari weydaan eelka u baahan in la abbaaro. Laakiin xaqiiqadu waxay tahay, mashkiladdu dadka iyo dalka midna ma aha ee waa aragtiyaha aynu ummad ahaan u garboduuban nahay. Inkasta oo aynu ku sheekaysanno xorriyadda hadalku waa aasaaska dimuqraadiyadda, ama ay qaar kaleba odhan karaan ikhtiyaarka qofeed waa waxa sababay in qalaanqallada hadheeyay meelo badan oo dunida ah; xaqiiqadu waxay tahay in la galay shooki hurgumo badan, marka loo eego dhinacyo badan. Haddii hore looga dagaallamay cadaadiskii nidaam jiri jiray, ujeeddadu ma waxay ahayd in loo gacan galo hannaan xidhxidhan oo xataa mamnuucaya in maskaxda qofku wax is weydiiso.
Tusaale ahaan, nidaamkii gumeysigu waxa uu dagaal kula jiray xorriyadda afkaarta liddiga ku ah ama ku noqon karta danihiisa. Laakiin waxaynu maanta u daddaaba-xidhannahay hoggaamiyeyaal cadow u ah guud ahaan fekerka aadamaha, sidaas darteed miyaynu filan karnaa afkaar innaga samata-bixin kara xaaladda mutaxan ee aynu dhex yuururno. Sidani iyo sidaasiba; waa dawladnimo ismoodsiis ah iyo ismoodsiis dawladnimo ah. Waa been lagu madadaalanayo iyo beenawaas nolosha macallin ka ah. Waxa la dhex joogaa hannaan dhan oo lagu unkay laab-la-kac, iyada oo la iska indho-tiray yagleel ku dhisan aqoon iyo hubsiimo.
Waxa Ummaddii lagu raray culayska aragtidaas oo dadkii ka dhigtay cabsi- iyo argaggax-ku-nool. Taasi waxay dhadhisay kartidii feker ahaaneed ee dhalin kari lahayd ficil iyo fallaadba. Waa aragti ku dhisan xukun degdeg ah iyo bandoo maskaxeed. Waa mid dadka afkooda uun eegaysa, ereyga marinkeeda qaadi waayana fantaynaysa. Waa aragti dheelli ka muuqdo oo dhan ka raran. Waa fekred qalaad oo ku dhisan maslaxad shisheeye oo aan wax xidhiidh ah la lahayn hab-nololeedka dhaqan-dhaqaale iyo kan bulsheed ee mujtamaca. Sidaas oo ay tahay, falsafaddani waxay macnaha iyo maamuuskaba ka qaadaysaa hiddaha, dareen-wadaagga iyo guud ahaan dunta xariirta ah ee dadka isu haysa.
Mar haddii la hubo in adduunyada maanta quruxdan leh laga soo dhilay maskaxo si xor ah uga jawaabtay duruufo badan oo ku xeernaa – illaa beryo uu dadkuba qaawanaa – ma habboon tahay in aan nolol adduunyeedda la muunad tirin, iyada oo la moodayo in dux loo kordhinayo? Waa weydiin hor taal dadyawga ku taagan male-awaalka beenta ah iyo kuwa ku hoggaaminaya kadeed intan ka badan.
Waayuhu wuxu ina baray inay noloshu tahay hayaan joogto ah oo aan habeendhax mooyee negaansho lahayn. Hakad kasta oo geeddigaas gala iyo jalleeco kasta oo dib la dhugtaa waa in ay ahaataa oo keliya uga tilmaan qaadashada geeddiga xiga. Si taas la mid ah, wakhtiga ayaa ina baray in guud ahaan dadku jecel yihiin in ay ku negaadaan xaalad ay la qabsadeen, taas oo dabadeed u soo jiidda fadhiidnimo baahsan. Bal se niyad-samida aynu naruurada ka dhiganayno ayaa ah rajada aynu ka qabno inay bulsho walba ka soo dhex baxaan qof iyo qofaf hindisa afkaar qumman oo aan raalli ku ahayn marxaladda raalliga lagu yahay. Waa dadka keena fikradaha yaabka leh ee bilawga laga dido dabadeed haddii ay guulaystaan loo aayo.
Waxa kale oo aynu ka marag-kacaynaa in hab-nololeedkii laajjiga ahaa ee la soo xawilay uu qayb ka qaatay burburkii nololeed ee bulshada, kaas oo dabadeed sababay burburkii ku yimid jiritaankeenna. Laakiin taas waxay doodi ka furan tahay marka loo arko in ay ahayd waddo qaldan oo tii runta ahayd looga ambaday. Doodise kama furna marka la ammaan loo raadinayo isbeddelkaas gurracan. Isla markaa doodi kama furna marka lagu talinayo waddadaa qaldan intii la soo hayey in le’eg lagu sii negaado, iyada oo la dafirayo xaqiiqooyinka horteenna yaalla.
Laakiin horta sideedaba noloshan la baadi-doonayo ee loo han-weyn yahay waa tuma? Sow ma aha xaqiiqo nololeed oo lagu soo duulay oo ay kuwii lahaa ka sal-kaceen? Haddii ay cidi dishay innaga  ayaa dilnay, laakiin ma aha, sida dadka qaarkii qabaan, inay u dhimatay si dabiici ah oo ay aaseen mawjadaha dabeeciga ah ee is-beddelku.
Markii la diiday in afkaarta iyo si-aragga lagu kala duwanaado ayay noqotay in qolo waliba indhaha ka riddo xaqiiqadii nolosha iyo qabitaannadii ay ahayd in lagu maro tubta liibaanta. Maalintaas ayaa la go’aansaday in adduunyada la hadimeeyo, si aynaan innaguna kob caleen leh uga soo durdurinin.
Haddii ay khasab tahay in hannaanka siyaasadeed ee ummadda lagu dhaqayo dhaliilo laga raadiyo, halkan iyo halal la mid ah ayaa laga dayi karaa, iimaha uu nidaamku yeelan karaana maaha kuwo ku jira weelka madhan ee subax walba la innagu hungeeyo. Inta aynu ku warwareegaynno nidaamyo ajenabi ku ah ummadda iyo abuurteeda labadaba, waxa mudnaan leh in lagu soo noqdo daliilkii Rabbi, iyada oo dadka lagu dhaqayo Shareecada Islaamka. Markaas ayuun baynnu hantaaqada iyo hungada Reer-Galbeedka ka gudbi karnaa. Waayo; waxay rabaan inay nolosha daliil ka noqdaan, si aynu innaguna Ilaahyo ugu aragno. Si kastaba ha ahaatee, waxa maanta habboon halhayskan, “Weli gumucu meel baydhsan buu, gawda ku hayaaye, Inta maanku gaajaysan yahay, Guuli waa weli”
Qalinkii: Maxamed Saleebaan Cumar
Email: halabuur@hotmail.com
 
———————————————————————-
 
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

Magaca SSC??!!, By: Ayanle Xuseen

$
0
0

SSC waa magac ku salaysan dhul sheegasho: qabiil sheeganayo dhul uuna lahayn. SSC oo ah soo gaabinta SOOL, SANAAG IYO CAYN.
Waxaan ognahay inay SOOL IYO SANAAG yihiin laba gobol oo ku yaal Somaliland, CAYN waa gobol aan jirin, loogase dan leeyahay CAYNABO ilaa BUHOODLE. Ujeedada magacdani waa sheegasho dhulbahante sheeganayo gobolada bariga oo Gobolka Togdheer dhinaciisa bari ka mid yahay. Dadka magacan samaystay waxay ahaayeen dad Somaliland diid ah oo xataa dagaal hubaysan oo dhimasho badan keenay ku galay. Dadkan qayb ka mid ah ayaa dhowaan heshiis nabadeed la galay xukuumada Somaliland. Garabkan nabada door biday oo uu horkacayo nin la yidhaa KAYSE, ayaa maanta Urur Siyaasadeed kaga dhawaaqay Caasimada dalka ee Hargeysa. Kayse wuxuu ururkan ku magacaabay SSC??? Waa magacii qabiil ku sheeganayey gobolo dalka ka mid ah oo ayna degin ama wax yar ka degaan. Waxa la ogyahay in dadka dega: Sanaag 90%, Sool 60% iyo 70% dhulka ay Cayn u bixiyeen ay ka mid yihiin BEESHA DHEXE ee Somaliland. Haddaba sheegashadan beenta iyo majara – habaabinta ah siday xukuumada Somaliland u ogolaataa? Oo xataa in urur siyaasadeed oo magacan sii noolaynaya looga dhawaaqi karaa Hargeysa? Ninka ku dhawaaqaya SSC, wuu ogyahay inuuna doorasho ku helayn, sababtoo ah wuxuu caddaystay qabiilnimo ku dheehan cunsurinimo. Wuxuuse uga dan leeyahay sii noolaynata magacan iyo af ku xalaalayn dhul uuna qabiil ahaan u lahayn iyo inay adduunka ka dhaadhiciyaan inay Somaliland badhkeed leeyihiin, oo hadday iyagu ayna Somaliland ogolayn ayna gooni isku taagi karin. Waxase iga yaabisay beelihii kale ee goboladaa ka soo jeeday, maxay uga hadli waayeen dhulkooda cid gaar ihi sheeganayso?
Ayanle Xuseen
ayanle_60@hotmail.com
 
———————————————————————-
 
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.


Hadalkii Sheekha Sucuudiga Dr: Qarni oo Gilgilay Dalka Israel & Yuhuudiyiinta oo Ku Ballan Qadaay Inay Siinayaan Malyuun Doller Qofka Soo Dilla Sheekh Dr. cawad Qarni

$
0
0

 
ISRAEL(OWN)-  Shacabka & xukuumada dalka Israel ayaa si cadho leh uga jawaabay hadalkii kasoo yeedhay sheekha Sucuudiga ah ee Sheekh Dr: Cawad Al-qarni iyagoo si kulul ugu hanjabay isla markaana sheegay inay siinayaan lacag dhan hal malyuun oo doller qofka sheekhaa dilla ee madaxiisa keena ama soo afduuba,
Sheekh Dr: qarni ayaa kusoo qoray jaraa,idka & boggiisa facebooka inuu siinayo boqol kun oo doller qofka falastiiniga ah ee soo afduuba askari israel ah si askarigaa loogu soo bedesho maxaabiista falastiiniyiinta ah ee ku xidhan jeellasha xukuumada yuhuuda, 
Warkan oo ay si aad ah u qortay warbaahintu ayaa si weyn ah u ruxay dalka Israel iyagoo jawaab kulul ka bixiyey shacabka israel isla markaana ay sheegeen in ninkaasi aanuu noollaan, Mid kamida dadkii ka hadlay arintan oo u hanjabaya sheekhaa ayaa u sheegay in dhimashadiisii ay maanta billaabmatay isla markaana uu iska illaaliyo raashinka uu cunayo & gaadhiga uu saaran yahay isagoo ku ballan qaaday in arintaasi aanay ugu badnaan la dhaafeyn lix billood oo ay dilli doonaan sheekhaa sucuudiga ah ee Dr. qarni, Ninkan ayaa sheegay in hadii sirdoonka Israel ee Mosad ay dilka ninkaa u fulin waayaan sida ugu dhakhsaha badan uu kalsoonidiisii kalla noqon doono ciidankaa sirdoonka,
Mid kalle oo warbaahinta ka hanjabayey ayaa sheegay in muslimka & carabtuba ay ka baqaan Israel isla markana ay geesiyiin ku yihiin telefishinada oo ay ka hadlaan oo kelliya isagoo xusay in illaa 120 kii sanadood ee ugu danbeeyey ay carabtu ku khasaarayeen dagaaladii ay la galleen dalka Israel,
Arintan ayaa marka laga yimaado hadalada jawaabaha ah si weyn looga dareemay dalkaa iyadoo amar lagu siiyey ciidamada dalka Israel inay aad u digtoonaadaan isla markaana aanay macno la,aan u socon ama askari qudha aanuu kelligii socon iyadoo welliba lasoo jeediyey in lasoo saaro xeer lagu ciqaabayo askariga u hogaansami waaya amaradaa, Mas,uuliyiin ka tirsan xukuumada & shacabka dalkaa ayaa sheegay in hadalka sheekh Qarni uu ku dhiiri gellinayo falastiiniyiinta inay ugaadhsadaan askarta reer Israel iyadoo askarigii ay xamaas afduubtay mudo afar sanadood ka hor ah lasii dayey todobaadkii hore kadib markii lagu badashay kun maxbuus oo falastiiniyiin ah,
Hadalka Sheekhan ayaa ugu danbeyntii noqday kii ugu xumaa ee ay dhagaha reer Israel maqlaan mudo aad u dheer isagoo cabsi weyn ku beeray isla markaana ay noqotay markii ugu horeysay ee doller lagu baayaco madaxa askarta Israel, 
Barkhad Cabdillaahi Maxamed
Oodweynenews.com / SWEDEN
Barkhad11@live.com
Facebook:- Barkhad Abdillahi Oodweynenews

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

$
0
0

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay Barnaamijyada Maalinlaha ah ee ka baxa Idaacadda waxaana dhageystayaasha Radio Muqdisho ay dhageystaan habeen walba 09:30 fiidnimo marka laga reebo habeennimada Jimcaha.
Barnaamijka waxaa diirada lagu saaraa raad raaca ama falanqeynta dhacdooyinka maalintaas taagan kuwa ugu muhiimsan waxaana uu xambaarsan yahay macluumaad u badan Wareysiyo.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qaybta Koobaad Ee Bandhiga Wareysiyada 26-Octobar
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qaybta Labaad Ee Bandhiga Wareysiyada 26-Octobar
 

Siyaasiyiin Soo Dhaweeyey Mowqifka Dowladda Ee Arinta Kenya(Dhageyso)

$
0
0

Siyaasiyiin Soomaaliyeed ayaa soo dhoweeyey Mowqifka ay Dowladda Soomaaliya ka qaadatay Arinta la xiriirta in Ciidammada Kenya ay soo galaan gudaha dalka Soomaaliya kaasi oo ay Dowladdu bayaan cad kasoo saartay.
C/laahi Sheekh Daahir oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed islamarkaana ah gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Nabadda iyo Dimuqraadiyadda oo Wareysi siiyey Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ugu horeyn tilmaamay in ay aad ugu faraxsanyihiin ka xisbi ahaan Mowqifka wadajirka ah ee ay Madaxda Dowladdu soo bandhigeen taasi oo ay ku adkeeynayaan Qarannimada iyo jiritaanka Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Wareysiga Uu Radio Muqdisho La Yeeshay C.laahi Sh.Daahir
C/laahi Sheekh Daahir ayaa dhanka kale  tilmaamay in ay aad uga xunyihiin dhibaatooyinka dalka Kenya laga geysanayo sida qaraxyada maadaama ay dalkaasi ku nool yihiin qaxooti badan oo Soomaaliyeed balse Dowladda Kenya hadii ay dooneyso baacsiga Shabaab mida laga rabo ay tahay inay si sharci ah kusoo gasho sida ay Madaxda Dowladdu cadeeyeen.
Hadalkan kasoo baxay xisbiga Nabadda iyo Dimuqraadiyadda ayaa imaanaya waxyar kadib markii Dowladda Soomaaliya ay soo saartay bayaan ay ku cadeyneyso Mowqifka Dowladda ee ku saabsan arinta Kenya.

SAWIRKA MAANTA. Quruxda Magaalada Hargeysa

$
0
0

Sawirka Maanta Ay Idiin Soo Gudbinayso Shabakada Caalamiga ah Ee Oodweynenews Waa Sawiro aad u qurux badan oo dhawaan laga qaaday  Hargeysa Cadeey, Sawirkan oo muujinaya Muuqaalka Guud Ee Magaalada hargeysa iyo sida ay isu bedelayso maalinba maalinba ka danbaysa, Nala Daawada quruxda magaalada Hargeysa Sawir Hadhsato, DAAWASHO WACAN 


SAWIRKA MAANTA EE SHABAKADA CAALAMIGA AH EE OODWEYNENEWS

Barn. Ciyaaraha: Cabdalla Quuq

$
0
0

Qaar ka mid ah laaciibiintii hore ee Xulka Qaranka Somalia iyo kooxihii heerka koowaad ayaa sameeyey urur isboortiga Somalia daryeela.
VOA ayaa wareysi la yeelatay Cabdalla Cumar Cali (Cabdalla Quu) ayaa ka hadlay waxqabadka ururka oo la aasaasay bilowga sanadkii hore.
Barnaamijka oo dhameystiran qeybta hoose ka dhageyso.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live