Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Xukunno lagu Ridday Mas'uuliyiin Gargaar Leexsaday

$
0
0

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida, G/sare Xasan Maxed Xuseen Muungaab ayaa VOA u sheegay in maxkamadda ciidamadu ay maanta markii ugu horeysay xukunno kala duwan ku riday labo guddoomiye degmo kaddib markii lagu helay inay xadeen sahayda gargaarka ee Loogu talagay dadka abaaraha.

Maxkamadda ayaa xukun xarig ah oo 15 sanno ah ku xukuntay Bashiir Cabdi Nuur oo ahaa guddoomiyihii degmada Xamar Jajab, halka 10 sanno oo xarig ahna lagu xukumay C/laahi Max'ed Rooble oo ahaa guddoomiyihii degmada Kaaraan.

Labadan guddoomiye degmo ayaa xilka laga qaaday ka hor intii aan xukunka lagu xukumin.

Xasan Maxed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay inay baarayaan saddex guddoomiyayaal degmo oo la tuhunsanyahay in iyaguna ay ku lugleeyihiin musuqmaaasuqa raashiinka gar gaarka dadka tabaaleysan loogu talagay, wuxuuna sheegay in haddii lagu helo ay muteysan doonaan xukunno kuwan la mid ah.

Waa markii ugu horeysay oo xubno dowllada ka tirsan loo xukumo dhac ay u gasyteen raashiinka gargaarka tan iyo intii ay soo baxeen eedeymaha lixiriira in dad gaar ah ay leexsadaan gargaarka dadka macluulsan loogu talagay.


DAAWO SAWIRRADA:-Xaflad Lagu Muujinayo Nabadda Muqdisho Oo Caawa Ka Dhacday Degmada Howlwadaag

$
0
0

Halkaan waxaan idinkugu soo gudbineynaa Sawirrada xaflad lagu muujinayey Nabadda magaalada Muqdisho oo Caawa ka dhacday degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir waxaana Xafladda kasoo qeybgalay gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada.



























Photo By:- Maxamed C/xakiin(Bunka)

Militariga Kenya ayaa 7 Kalluumaysato reer Kenya ah ku diley aagga badda ee ku dhaw Raas kambooni

$
0
0

Ciidanka Militariga Kenya ayaa Jimcadii  dooni ay leeyihiin kalluumaysato reer Kenya waxay ku dejiyeen xeebaha ku aadan aagga raas Kambooni, waxaana doontaas ku dhintay 7 qof oo kamid ah kalluumaysatadii.

 
Sii Akhri

Hambalyo :Cabdi Daahir Cabdi (Bacow)

$
0
0

 
Dhammaan howl wadeenadda Website-ka Oodweynenews waxaan idinku salaamayaa Salaanta Islaamka Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatu.
Halkan waxaan Hambalyo aan La Soo Koobi Karin Uga Diraynaa
Gudoomiyaha Tv-ga Qaranka Somaliland SLNTV Cabdi Daahir Cabdi (Bacow) Oo Xalay loo magacaabay Gudoomiyaha Qaarada Yurup ee Tv-ga Qaranka Somaliland. Hadaan nahay dhamaan xaafadda reer Woolwich waxaan Hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karin u diraynaa Cabdi Daahir Cabdi (Bacow) waxan leenahay illaahay hakaa dhiggo mid xilkaas ka soo baxxa oo illaahay u fududeeyo Adiga iyo Xubnaha Kaleba. Cabdi Daahir Abdi (Bacaw)(Gudoomiye)
 
2- Axmed Maxamed Ducale (Qambi) (Gudoomiye ku Xigeen)
 
3- Khadar Xasan Cali Gaas(Agaasime)
 
4- Mustafa Cabdullahi Cali(Agaasime ku Xigeen ahna Madaxa Farsamada)
 
5- Liibaan Xaaji Fagadhe(Madaxa Barnaamijyada)
 
6- Muniir Axmed Cigaal(Madaxa Gobolada UK
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
sa
Dd            
 
         saki abdi bacow 

IID MUBAAKIR , HAMBALYO SHAQO WACAN GudoomiyahaTVQSL

$
0
0

HAMBALYO
Waxaanu kuugu hambalyaynaynaa Xilka culus ee laguu igmaday oo ah Gudoomiyaha TV Qaranka Somaliland ee yurub waxanu ilaahay kaaga baryaynaa inuu kuu fududeeyo adigun aad si daacadnimo aha aad u gudato xilka laguu igmaday hawlwadeenada kula shaqayn doonan aad wada jir dhexdhexaadnimo iyo cadaalada dadka oo dhami ay kuu sinaadaan Qaranka aad matalaysan tixgelin iyo xaq dhawr aad isku kaashataan. Mar labaad ciid wacan.Waxaa hambalyadan diraya dhamaan reer Sheffeild gaar ahaan;
1.Cali Cabdilaahi (cali Boosti)
2.Adan Xaaji maxamed (Adan dheere)
3.Cabdiraxamaan Cawil
4.Caydiid Cabdi geele
5.Cali Cabdi
6.Cali Caarif
7.Axmed Siciid Axmed Qadaafi
8.Cawaale Bacaw
10.Maxamed Yusuf Cawaale
11.Axmed Cali
12.Axmed maao
13.Saleebaan Jamac
14.Yusuf Cabdi Shanfool
15.Cabdirashiid cagayare
16.Axmed cusmaan Nuux
17.Nuux Cali Fidhin
18.MJ Maxamuud Salaxan
 
ALAA MAHAD LEH
 
Mataan Maxamuud Cumar
 
Sheffield

OWN: Wareysi Aanu La Yeellanay Leyla Abokor Dheere oo Kamida Gudida Urur Dhawaan La Sameeyey oo Caawin Doona Mujaahidiintii SNM & Caruurta Agoomaha Ah Ee Ay Ka Tageen

$
0
0

Dhageystayaasha qiimaha badan waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa wareysi aanu la yeellanay Leyla Abokor Cabdillaahi (Leyla Abokor Dheere) oo kamida gudida urur dhawaan la sameeyey oo loogu tallo gallay inuu caawiyo Mujaahidiintii SNM & caruurtii agoomaha ee ay ka tageen Mujaahidiintii Dhintay, Leyla oo ku sugan magaalada London isla markaana Ururkaa mas,uul uga ah dalka Ingiriiska ayaanu ka wareysanay goorta ururkaa la asaasay & waxyaabaha ay doonayaan inay qabtaan,
wareysiga waxaa la yeeshay Leyla Wariye Barkhad Cabdillaahi Maxamed oo ku sugan Studia ay shabakada caalamiga ah ee Oodweynenews ay ku leedahay dalka Sweden, Hadaba wareysigaa oo dhameystiran Dhageysi Haboon;. 

Barkhad Cabdillaahi Maxamed
Oodweynenews.com / SWEDEN
Barkhad11@live.com
Facebook:- Barkhad Abdillahi Oodweynenews

Mungaab “Hada baaritaan waxaa ku socdo 3-Gudoomiye degmo, hadii lagu helo waa la xukumayaa”

$
0
0

Gudoomiyaha maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida G/sare Xasan Mungaab oo shalay ka dhawaajiyay in maxkamada ay xukuno tobanaan sano xabsi ah ku riday gudoomiyeyaashii degmooyinka Xamar Jajab iyo Kaaraan, ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday inay baaritaano kale ku socdaan gudoomiyeyaal kale.
Mungaab ayaa sheegay in Maxkamada markii la horkeenay marqaatiyaaal kadib ay xukunka ku riday C/laahi maxamed rooble gudoomiyihii degmada Kaaraan oo lagu xukumay 10-sano iyo Bashiir Cabdi nuur Gudoomiyihii degmada Xamar Jajab oo uu tilmaamay in 15-sano xarig lagu xukumay.
Waxaa uu sheegay in dambigan ay cuskadeen markii ku cadaatay xatooyo hanti dadweyne iyo lunsashada raashinkii mucaawinada ee loogu tala galay dadka masaakiinta ah.
Gudoomiyaha ayaa sheegay inay hada socdaan baaritaan ku wajahan gudoomiyeyaal degmo oo ku sugan magaalada, kuwaasoo uu qeexay inay wali wadaan dhibaatooyinka dadka rayidka ee ay ku lunsanayaan raashinkii loogu soo dhiibay.
Mungaab ayaa tilmaamay inay sii wadi doonaan xukunadan oo aanay u eegin qofka hadii uu yahay mas’uul, hase ahaatee sharciga ay hor keenayaan cid walba oo dambi gasha.
Todobaadkii hore ayay aheyd markii xabsiga la dhigay gudoomiyeyaasha degmooyinka Kaaraan iyo Xamar jajab, iyadoo dadka deegaanadaas ay marar badan ku soo eedeeyeen in deegaanada falal amni daro ka taagan yihiin, isla markaana aan loo qeybin raashinkii mucaawinada ee loogu soo dhiibay.
 

Wasiirka arrimaha dibada Kenya oo u yeeray Safiirka Eritrea u fadhiya Kenya & Wasiirka arrimaha dibada Eritrea oo ku soo wajahan

$
0
0

Wasiirka arrimaha dibada Kenya Moses Wetangula ayaa shalay xafiiskiisa ugu yeeray safiirka dowladda Turkiga u fadhiya magaalada Nairobi, si uu ugu sharxo walaac dowladda Kenya ka qabto warar dhanka sirodoonka la helay oo sheegaya in diyaarado hub sida ay Eritrea ka dejisay magaalada Baydhabo.
Moses Wetangula ayaa sheegay in Eritrea ay cadeyso tuhunka laga qabo arrintaas iyo inay tagaeereyso Al-Shabaab, xilli Kenya dhowana shaaca ka qaadya inay la dagaalameyso Kooxda Shabaab.
Kulanka dhex maray labada dhinac oo ahaa mid xasaasi ah ayaa albaabada uu u xirnaa, iyadoo looga hadlay arrimo badan oo quseeya mugdiga soo dhex galay xiriirka labada dal.
Wasiirka arrimaha dibada Eritrea ayaa lagu wadaa in dhowaan uu soo gaaro magaalada Nairobi, si ugu cadeeyo Eritrea in aysan wax hub ah geyn magaalada Baydhabo, isla markaana ay horay dowladda u beenisay.
Kenya ayaa beesha caalamka uga baaqday inay baaritaan ku sameyso arrinta la xiriirta hubka ka degay magaalada Baydhabo, kaasoo diyaarado ka yimid Eritrea la sheegay inay ka dageen garoonka Baydhabo.
Dhinaca kale Ciidamada Badda Kenya ayaa sheegay inay dejiyeen doon ku soo jeeday magaalada Kismaayo, kaasoo ay tilmaamay inay saarnaayeen 18-ka tirsan Shabaab.
Laakiin warar dib u soo baxay ayaa sheegaya in doonta ay la socdeen Kaluumeysato Kenyan ah oo xeebaha ka jilaabanayay.
 


Malaayiin Muslimiin ah oo maanta taagan Baanka Carafo

$
0
0

Malaayiin Xujey Muslimiin ah ayaa maanta taagan Banka Carafo oo ah rugniga ugu weyn ee acmaasha Xajka, iyadoo dadka ay saaka aroor hore ka soo kalaheen macsharka Mina oo ay shalay soo gaaraan, xalayna ku hoydeen.
Dadka sanadkan xajinaya ee ka kala yimid Caalamka daafihiisa ayaa lagu qiyaasay dadkii ugu faraha badnaa sanadkan taariikhda marka dib loogu eego, iyadoo Kooxaha ku shaqada leh tira koobka Xajka ay diiwaan geliyeen ku dhowaad 5-milyan oo ruux.
Sida caadada ah Xujeyda maanta taagan Banka Carafo waxay alle weydiisanayaan alle bari, laakiin dad aanay u suura gelin ayaa loo jideeyay in maanta oo kale ay soomaan Sagaalaadka Arafo, si dambigii la soo dhaafay sanadkii hore iyo sanadka soo socda loogu dambi dhaafi.
Soomaalida sanadkan xajineysa ayaa lagu qiyaasay 9500, kuwaasoo ka soo kala xajiyay dalalka dibadiisa iyo gudaha dalka Soomaaliya.
Waxaa kaloo xujeyda sanadkan xajineysa ee ka yimid dalka dibadiisa ay gaareysa ilaa sadex milyan iyo bar, halka gudaha dalka sacuudiga ka soo xajiyeen hal milyan iyo bar.
Dowladda sacuudiga ayaa sanadkan fududeysay howlaha xajka, waxaana meelo badan ay dhigtay kooxo gurmadka caafimaadka ah, si dadka xajinaya xaalad caafimaad xumo la so deristo loogu gar gaaro.
 

Isgaarsiinta Baardheere oo hawada ka maqan & Ciidamada dowladda oo kaabiga ku haya

$
0
0

Xiisado dagaal ayaa saaka laga dareemayaa deegaano u dhow dhow degmada Baardheere, kadib markii ay u soo ruqaansadeen Ciidamo ka tirsan dowladda oo labo jiho ugu soo kala wajahan.
Sida wararku sheegayana Isgaarsiinta degmada Baardheere ayaa ah mid hawada ka maqan oo laga saaray, waxaana saraakiil ka tirsan dowladda ay sheegeen inay u jiraan degmada ilaa 8-KM.
Afhayeenka ciidamada dowladda ee gobolka Gedo oo la yiraahdo G/lle Aadan Axmed Xirsi ayaa sheegay in saacadaha soo socda ku wajahan yihiin Baardheere iyo Buurdhuubo.
“Hada ciidamada waxay joogaan Fafax-dhuun, sideed KM ayay u jiraan Baardheere, isgaarsiinta waxaa hawada looga saaray xeelado milateri”ayuu yiri Sarkaalkan ka tirsan dowladda.
Dhinaca kale Ciidamo fara badan oo tababar loogu soo gaba gabeeyay gudaha Itoobiya oo ka soo tallaabay xuduuda ayaa iyana soo gaaray deegaano u dhow dhow Bakool, si ay duulaan ugu qaadaan Shabaab.
Sidoo kale Ciidamadan ayaa qeyb ka mid ah ku baxay dhanka baardheere, si ay uga tallaabaan dhanka gobolka Baay oo aanay dowladdu wali howl galada ka bilaabeen.
Maalmihi la soo dhaafay ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo diyaar garow dagaal ka jireen Gobolka Gedo, iyadoo kulamo looga hadlayay duulaanka uu ka dhacay Doolow.
 

Xiisado dagaal saaka ka taagan duleedyada magaalada B/weyn

$
0
0

Kadib dagaal shalay ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Kala Beyr iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa saaka xiisad dagaal laga soo sheegayaa qeybo ka mid ah gobolkaas, gaar ahaan duleedka magaalada B/weyn.
Inkastoo maalmihii u dambeeyay ay jireend dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay wadeen ciidamo Itoobiyaan ah oo wehliya ciidamo Soomaali ah oo taabacsan maamul la magac baxay Dooxada Shabelle ayaa ciidamadaas dhaq dhaqaaqooda ahaa mid aad u xooganaa.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan mararka qaar ku soo dhowaanayeen duleedyada magaalada B/weyn, kaasoo dadka deegaanka ay wal wal ka muujiyeen.
Dagaalkii shalay ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Kala Beyr iyo Matabaan ayaa dhex maray Ciidamada maamulka dooxada Shabeele ee taageersan dowladda iyo Al-Shabaab, kadib markii weerar lagu soo qaaday ciidamadaas.
Dadweynaha ku nool magaalada B/weyn ayaa sheegaya inay sidii hore ka duwan tahay dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ay barteen, hase ahaatee waxay soo wariyeen in ciidamo fara badan ay ku soo qul qulayeen gobolka maalmihii u dmabeeyay.
Ciidamada Itoobiyaanka ee iska yimaada gobolka Hiiraan ayaa looga bartay inay soo galaan xilliga ay doonaan, isla markaana muddo kadib iska laabta, hase ahaatee ciidamadaas ayaa ilaa hada 5-cisho ku sugan Kala beyrka, isla markaana gaadiidka ku sameynaya baaritaan.
Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay in dhowaan howl galadooda ka bilaabi doonaan Hiiraan iyo Galgaduud oo ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab, hase ahaatee marar badan ayaa fashilmay isku daygaas duulaanka ahaa.
 

Muslimiin Xujey ah oo maanta taagan Banaanka Carafo, si ay u gutaan Rugniga ugu weyn ee Xajka

$
0
0

Malaayiin Muslimiin ah ayaa maanta waxay taagan yihiin Banaanka Carafo, si ay u gutaan rugniga ugu weyn ee Xajka, kadib markii shalay uu si rasmi u bilowday gudashada waajibaadka Xajka. Maanta oo taariikhda tahay sagaalka Dulxaj ayaa Xujeyda ku cibaadeysanaya Banaanka Carafo, waxaana Muslimiinta kale aan u suura gelin inay xajiyaan loo jideeyay inay soomaan [...]

Xoolo dhaqato Ari jir ah Oo Ay La Socdaan Arigooda iyo Lo’odoodii Oo Wadooyinka Magaalada Madrid Ee Dalka Spain Lagu Arkay.

$
0
0

Illaa shan kun oo neef oo ari ah iyo in kudhow boqol lo’ ah ayaa isugu soobaxay wadooyinka magaalada Madrid ee caasimada dalka Spain si ay u soo bandhigaan ka soo horjeedida ay ku diidan yihiin in dhaqankii hore la baabi’iyo lana cirirb tiro dhaqankii hore uga jiray magaalada Madrid. Jesus Garzon oo madax ka [...]

Dowlda Keyna ayaa ku dhawaqday in ay Magalda Baydhabo kasameyneysay goob ka cagan duulimaadyada.

$
0
0

War ay soo saartay Wasaaradda gaashaandhiga dalka Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in Kenya ay aag duulimaadyada kacaagan ka sameeyeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay kadib markii la sheegay in magaaladaasi ka dageen diyaarado hub u siday Al-Shabab
Warkaan oo ay baahiyeen warbaahinta afka dawlada kenyaku hadasha ayaa waxaa lagu sheegay in dawlada Kenya ay hawada magaalada Baydhabo laga mamnuucay inay tagaan wax diyaarad ah ama xataa ay dul marto sida ku qoran warka ka soo baxay dawlada Kenya
Major Emmanuel Chirchir oo ah afhayeenka wasaaradda gaashaandhiga Kenya ayaa sheegay inay ku dhaawaqayaan in Baydhabo ay hawadeeda ka mamnuucan yihiin diyaaradaha waxaana uu sheegay inay sidaas u sameeyeen kadib markii ay dhawaan dawlada Eritrea hub kadajisay magaaladaasi sida uu afhayeenku yiri
Afhayeenku waxaa uu hadalkiisa ku sheegay inay u digayaan shaqsiyaadka iska leh diyaaradaha ka daga magaalada Baydhabo oo uu sheegay inay bartilmaameed u noqon doonaan
Kenya ayaa dhawaan sheegtay inay xanibi doonto dhaq dhaqaaqa dekeda magaalada Kismayo oo ka mid ah illaha dhaqaaluhu ka soo galo Al-Shabab.
xafiiska Muqdisho

Ciidamadda Dowladaha Somaliya iyo Kenya oo ku dhawaaday magaaladda Baardheere iyo Al Shabaab oo daafacyo gashay

$
0
0

Dagaalo culus ayaa waxaa maanta laga cabsi qabaa inay ka dhacaan magaaladda Baardheere ee Gobolka Gedo oo ay gacanta ku heyso Xarakada Al Shabaab, iyadoo aan la-ogeyn waxa ay xaaladda ku soo idlaan doonto.
Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ay ka dhinac dagaalamayaan Ciidamadda Dowladda Kenya, ayaa waxay maanta duullaano ku qaadeen magaaladda Baardheere ee Gobolka Gedo.
Labadaan ciidan oo aad u hubeysan ayaa waxay si weyn ugu dhawaadeen magaaladda Baardheere ee Gobolka Gedo, waxaana dhici kareysa inay dagaalo xoogan meesha kula gallaan Xarakada Al Shabaab.
Cornel Aadan Axmed Xersi oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gobolka Gedo, ayaa wuxuu cadeeyay in maanta Dowladda Soomaaliya ay duullaano ku qaaday magaaladda Baardheere.
Cornel Aadan Axmed Xersi oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gobolka Gedo, ayaa wuxuu sheegay inay doonayaan inay xoog kula wareegaan magaaladda, ayna ka saaraan kooxda Shabaab.
Al Shabaab ayaa waxay daafacyo balaaran ay ka gashay magaaladda Baardheere ee Gobolka Gedo, lamana oga waxa ay arintaan ku soo idlaan doonto, iyadoo dhinaca kalana ay dadka soo wajahday cabsi.


Xarakada Al Shabaab oo weerar ka geysatay dalka Kenya iyo khasaaro kala duwan oo ka dhashay

$
0
0

Xarakada Al Shabaab ayaa waxay xalay weeraro qorsheysan ay ka geysatay duleedka magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo muwaadiniin u dhashay dalka Kenya ay dhimasho iyo dhaawacyaba u geysatay.
Gaari maraayay deegaanka Aiciolo ee bariga Kenya, ayaa waxaa wadada u gallay kooxo ku hubeysneyd qeybaha kala duwan ee hubka fud fudud, isla-markaana waxay ku fureyn rasaas xoogan.
Waxaa goobtaasi ku dhintay darawalkii gaariga, iyadoo dhinaca kalana ay dhaawacyo soo gaareyn seddex ruux oo kale oo gaarigaasi saarneyd, isla-markaana waxay ku sii jeedeen deegaanka Shaba oo 300km u jirta magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.
Taliyaha Ciidamadda Ammaanka/Booliska ee Bariga Wadanka Kenya Marcus Ochola, oo wareysi gaar ah siiyay Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa wuxuu sheegay, in arintaasi ay ka xumaadeen, ayna iminka wadaan baaritaano balaaran.
Taliyaha Ciidamadda Ammaanka/Booliska ee Bariga Wadanka Kenya Marcus Ochola, ayaa wuuxu isagu uu arintaan uu ku eedeeyay inay ka dambeysay kooxda Shabaab, oo iyadu u goodisay wadanka Kenya.
Majirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Xarakada Al Shabaab oo arintaan ku aadan, hase ahaatee waxaa loo-maleynayaa inay ka dambeysay Xarakada Al Shabaab, waa sida uu sheegay’e Taliyaha Ciidamadda Ammaanka/Booliska ee Bariga Wadanka Kenya Marcus Ochola.

Muslimiinta caalamka oo maanta u taagan Banka Carafo iyo inta badan Muslimiinta oo maanta wada Sooman

$
0
0

Kala nasiib badan dadku, waxaana sanad walba Xajka tagga inta ruux ee uu Alle ugu talla gallay inay Xijiyaan, isla-markaana waa wax Waajib ku ah Muslimiinta oo dhan, haddii ay awoodaan.
Waxay maanta Muslimiinta sanadkaan Xajka tagay ay u dareereen Banka Carafo si’ay halkaasi Alle ugu baryaan, waana Cibaadada ugu muhiimsan Xajka marka ay dadku taggaan, haddii ay awoodaan.
Maaliyiin Muslimiin ah ayaa waxay maanta wada taagan yihiin Banka Carafo iyagoo weliba Sooman, waxayna gacmaha u wada taageyn kor iyagoo Alle “S.W.T” baryaaya, waxayna Alle weydiisanayaan hadba waxa ay doonayaan.
Sheekh Cabdi Xayi Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan oo ka mid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed, ayaa wuxuu ka hadlay fadliga ay lee-dahay Sagaalka Bisha Carafo iyo dadka taagan Banka Carafo.
Dadka gudanaaya Xajka ayaa wuxuu sheegay inay gudanayaan rugniga ugu weyn ee Xajka, isla-markaana wuxuu sheegay inay tahay maalin aad iyo aad u fadli badan, una qiimo badan.
Sheekh Cabdi Xayi Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan, ayaa wuxuu sheegay in maanta oo kale Muslimiinta ay wanaagsan tahay inay Soomaan, si buu yiri ay u hellaan dambi dhaaf iyo ajar badan.

Ciidamada Dowladda oo ku wajahan Baardheere & isgaarsiinta oo hawada laga saaray

$
0
0

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa ku wajahan Magaalada Baardheere iyo Buurdhuubo halkaasoo ka mid ah deegaanada ay ku hareen Shabaab, iyadoo saacadihii la soo dhaafay dhaq dhaqaaq ciidan oo xoog leh ka socdeen deegaanada Gobolka Gedo. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa sheegay in Ciidamadooda ay gaareen deegaanka Fafax-dhuun, haatanse ay [...]

Ahlusunada Galgaduud oo markii u horeysay sheegay in aysan Khilaaf ku Ciideyn

$
0
0

Maamulka Culumaa’udiinka Ahlusuna ee Gobolada Dhexe ayaa ku dhawaaqay in Khilaaf la’aan ay kula ciidayaan Umada Muslimiinta, iyagoo sheegay in maanta Bisha Dulxaj ay tahay Sagaal, isla markaana Maalinta Tobnaad ee Berri tahay Maalin Ciid ah. Madaxa Garsoorka Culumaa’udiinka Ahlusuna ee Gobolada Dhexe Sheekh Saciid Sheekh Faarax ayaa sheegay in Culimada ay baaris wadeen bishan [...]

Sheikh xuseen cali - Muxaadaro Part.4

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live