Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

24kii askari ee Pakistan Qalad ayey ku dhinteen

$
0
0

Saraakiisha difaaca dalkan Mareeykanka ayaa Qamiistii shalay ku edeeyay wada shaqeynta xumo ay sameeyeen labadaba  Ciidamda uu Mareykanka horkacayo iyo Pakistan iney keentay weerar isbaheysigu uu bishii la so dhaafay ku dilay 24 ka tisan askarta Pakistan xadka ay wadaagaan Pakistan iyo Afghanistan.
Afhayeen u hadlay Pentigonka Mareeykanka Goerge Little ayaa sheegay in Baaritan ay sameeyeen ay ku ogaadeen in ciidamada mareeykanka oo raacayay warbixinta ay heli karaa xiligaa ay qaadeen talaabo isdifaac ah oo ay isticmaaleen awood si ey uga jawaabaan rasaas lagu soo riday.
Waxa uu sheegay Afhayeenka Aqalka Gaashaandhigga Mareykanka u halay in saraakiisha Mareykanka ay warbixin qaldan oo dhinaca qariidada ah ay la wadaageen Pakistaniyiinta, taasoo keentay buu yiri is-fahmi waaga la xiriira goobta ay ku yaaleen saldhigyada military ee Pakistan.
Waxaa kaloo uu sheegay in baaritaanka lagu ogaaday in Ciidmada mareeykanka aysan si ula kac ah u duqeyn ciidamada Pakistan.
Wasaaradda Gaashaandhigga ee Mareykanka ayaa si aad uga qoomameeysay dhacdadaasi waxeeyna ka tacyiyeysay dhimashada


24kii askari ee Pakistan Qalad ayey ku dhinteen

$
0
0

Saraakiisha difaaca dalkan Mareeykanka ayaa Qamiistii shalay ku edeeyay wada shaqeynta xumo ay sameeyeen labadaba  Ciidamda uu Mareykanka horkacayo iyo Pakistan iney keentay weerar isbaheysigu uu bishii la so dhaafay ku dilay 24 ka tisan askarta Pakistan xadka ay wadaagaan Pakistan iyo Afghanistan.

Afhayeen u hadlay Pentigonka Mareeykanka Goerge Little ayaa sheegay in Baaritan ay sameeyeen ay ku ogaadeen in ciidamada mareeykanka oo raacayay warbixinta ay heli karaa xiligaa ay qaadeen talaabo isdifaac ah oo ay isticmaaleen awood si ey uga jawaabaan rasaas lagu soo riday.

Waxa uu sheegay Afhayeenka Aqalka Gaashaandhigga Mareykanka u halay in saraakiisha Mareykanka ay warbixin qaldan oo dhinaca qariidada ah ay la wadaageen Pakistaniyiinta, taasoo keentay buu yiri is-fahmi waaga la xiriira goobta ay ku yaaleen saldhigyada military ee Pakistan.

Waxaa kaloo uu sheegay in baaritaanka lagu ogaaday in Ciidmada mareeykanka aysan si ula kac ah u duqeyn ciidamada Pakistan.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Mareykanka ayaa si aad uga qoomameeysay dhacdadaasi waxeeyna ka tacyiyeysay dhimashada

Tottenham & Chelsea oo dhibcihii kala qaatay boosaska 3aad iyo 4aadna kala fariisatay

$
0
0


Tottenham Hotspur ayaa kaalinta 3aad ee Premier League ku fariisatay markii ay  1-1 bareejo ah la gashay kooxda booska 4aad ee Chelsea, ciyaartii ka dhacday garoonka White Hart Lane xalay oo khamiis aheyd.
Emmanuel Adebayor ayaa 8 daqiiqo markii ay ciyaarto socotay hogaanka u dhiibay Tottenham, hayeeshee Daniel Sturridge ayaa goolkii bareejada ahaa u dhaliyay Chelsea 15 daqiiqo kadib.
Chelsea qeybtii hore ee ciyaarta waxey dhaawac ku weysay —Branislav Ivanovic iyo John Obi Mikel—iyadoo bareejadaan ay u tahay tii 2aad oo isku xigta oo ay hesho , waxeyna 2 dhibcood ka sareysaa kooxda booska 5aad ee Arsenal hayeeshee 11 dhibcood waxey ka hooseysaa Manchester City.
 Tottenham waxey leedahay 35 dhibcood 16 kulan oo ay ciyaartay. Horyaalka waxaa hogaankiisa heysata Manchester City oo leh 44 dhibcood 17 kulan oo ay ciyaartay, 2 dhibcood waxey ka sareysaa Manchester United.

Guddoomiyaha degmada Waaberri: ” Raashiinka sidii loogu tala galay ayaan u qeybinay”

$
0
0

Maamulka degmada Waaberri ayaa faahfaahin ka bixiyay Raashiin gargaar ah oo shalay dadka deegaanka loogu qeybiyay gudaha degmadaasi, isagoo dhan kale ugu baaqay dadka Soomaaliyeed iyo hay’addaha Samafalka in ay sii laba jibaaraan howllaha gurmadka ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.
Degmada Waaberri oo ka ah degmooyinka ay sida aadka ugu soo barakaceen dadka ay abaarta ka soo hayaamay, ayaa waxaa maamlmahan ka soconayay howllaha gargaar qeybin ah oo uu mamulka degmada halkaasi ka wada, kadib deeq Raashiin ah oo ay soo gaarsiiyay he’ayadda Samsam oo wakiil ka ah hey’ad  dalka Sacuudiga laga lee yahay.
Guddoomiyaha degmada Waaberri Axmed Meyre Makaraan “ Axmed Faal” oo wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in meel wanaagsan ay u maraayaan howllaha gargaar qeybinta, isagoo xusay in Raashiin ay u qeybiyeen illaa iyo 1000, qoys, isla markaana ay sidii loogu tala galay Raashiinkaasi u qeybiyeen iyadoo ay aminiga  ay  sugayaan ciidammada Baliiska iyo Nabad Sugidda.
Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in dadka Raashiinka loo qeybiyay ay yihiin dadka deegaanka maadaama ay yihiin dad u baahan in loo gargaaro,  isagoo tilmaamay in dadka barakacayaasha ay marar badan gaarsiiyeen gurmad aad u ballaaran, isla markaana ay sii wadayaan.
Dhinaca kale Axmed Faal guddoomiyaha degmada Waaberri ayaa ka codsayay dadka Soomaaliyeed iyo hey’addaha Samafalka in ay sii wadaan dadaalkooda ku aadan u gurmashada shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan,  maadaama dadka weli ay u baahan yihiin in la garab qabto.
Maamulka degmada Waaberri ee gobolka Banaadir ayaa ku howllan tan iyo intii ay halkaasi ku soo barakacayeen dadaalka uu ugu jiro in dadka loo sameeyo adeegyada ay u baahan yihiin oo ay ugu horeeyaan qeybinta gargaarka la soo gaarsiinayo iyo dib u dajin loo sameeyo dadka halkaasi soo miciin biday.
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                            +442035190460
USA & CANADA                         17124327760

Golaha Wasiirada oo ansixiyay Miisaanad sanadeedka 2012

$
0
0

Shirkii Golaha Wasiirada ayaa shalay oo Khamiis ah shir ka dhacay xarunta Golaha Wasiirada  uuna Shir gudoominayay Ku-simaha Rasi`sul Wasaaraha ahna Wasiirska Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta C/qaadir Xuseen Mohamed (Jaahweyn) ayaa dood dheer ka dib lagu ansixiyey miisaaniyaddi dalka ee  2012.  Miisaaniyad sanadeedkaan ayaa gaaraysa USD 126 million oo ka kooban Dakhliga gudaha iyo Kaalmo [...]

Gudoomiye kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka oo ku gacan seyray joojinta fadhiyada Baarlamaanka

$
0
0

Gudoomiye kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Axmed Dhimbil Casoowe ayaa ku gacan seyray go’aankii Wasaarada Arrimaha Gudaha muddo afar todobaad ku joojisay Kulamadii Baarlamaanka. Axmed Casoowe ayaa ku tilmaamay go’aanka Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka uu qaldan yahay, isagoo sheegay in isaga aanu kala soo xiriirin ama aanu la tashan sida uu yiri. “Wasiirkan horta [...]

Tacsi marxuum c/raxman xaji fagaase

$
0
0

 
INalilahi  wa inaa ilayhi rajacuun
Waxan  tacsi  tiranyo leh   udiraynaa  qoyskii qarabdii uu kabaxay  marxuum c/raxman  xaji ahmed   c/raxman xaji fagaase  oo ku geeriyooday cariga ingriiska
Waxan tacsida diraya 
1.      Kamal axmed guleed iyo xaaskiisa
2.       c/waxed cali abokor iyo xaskiisa
3.       Xasan  aden bulale
4.      Nasir  maxamed  jamac
5.      Axmed  aden jamac
6.      Yusuf cali kayd( xararo )iyo xaskisa
7.      Maxamed  cawil cali iyo xaskiisa
8.      Saleeban axmed  yasiin
9.      c/qani cali maxamed
10.  muse xasan   farax iyo xaskiisa
11.  siciid  axmed  gamadiid
12.  jamac  axmed gamdiid iyo xaskiisa
13.   c/rashiid xusen cisaman
 
dhaman dadkan waxay tacsi udirayan   famligii c/raxman  xaji fagase oo ku geeriyooday magalada Coventry  united kindom    waxay ilahay uga baryayan inuu janada kawabiyo  ehelkan samir iyo iiman  kasiyo  amin

KULMIYOW XILKA DHIGA, BY: CABDILLAHI XASAN MATAAN

$
0
0

Waxaan odhanlaa Siilaanyo Waad Heshay Dariiqii Saxda ahaa Ee Maamulkaagu Ku Bad-Baadayey Mustaqbalka Isla Markaana Waxaan Ku odhanlaa Ku adkayso.Hana Ka Weeecan Halka aad Cagta Saartay oo ah Soo Celinta Madaxdiihore Ee Xusbiga UDUB.
 
Waxaad Moodaa Wakhtigan Xaadirka in uu Siilaanyo Gartay Ama Gar-waaqsaday Qalooca iYo Jan-Jeedhka Ku jira Maamulkiisa oo aan Cidna Ka Qarsoonayn Habayaraatee.
Sida Muuqata Dadka reer SL Waxay aad iYo aad uga Biyo Diidaan Maamulka Siilaanyo Isla Markaana Waxay Ku-Tilmaamaan Maamul laciir-Ciiraya Khibradla'aan iYo Karti-Xumo Afka u Gelisay Haan Gunla iYo Afmiishaarnimo Ku Qotonta Biyaha Fuudka Raacsii.Allaa Kariim.
Khibrad-xumada Maamulka Siilaanyo Waa Mid Ku Dhisan Badhaadh iYo Indho adayg oo Mararka Qaar T/Viga Ayaaba Si-cad Looga Daawada Wasiiro Ka Tirsan Xukuumada oo Maryaha Xayd Xayta Sida Laba Caruura oo Feedh Isula Baxay.
Wasiiradaa oo Dadka Masaakiinta Tusaya Cududooda iYo Calooshooda Dabcan Iyaga oo Iscajabiyey Isla Markaana Dadka Tusaaya Siday ugu naaxeen Xoolaha Umada Mudo Laba Sanadood Kayar Ama Ay- Uba arkaan Dowlada inay Gaar u Leeyihiin Dadka Kallena Yihiin Qaarlahaysto oo aan Wax awooda Kulahayn JSL Habayaraatee.
Taasina Waatakeentay in Siilaanyo Geed-dheer iYo Mid Gaabanba u Fuulo Cidii Kasaarilayd Jaawareerka,Xaalada Cakiran iYo Muruqa Maamulkiisa Ibo-Kuryeeyey Isla Markaana Keentay in Siilaanyo u Xuubsiibto Ama aadyar Gacanta u Gagallo Maamulkii Daahir Riyaale Kaahin Sida uu Maalinba Mid ugu Yeedhaayey.Madaxwayne Halkaa Kawad oo Danta Dadka iYo Dalkuba Sidaa ayeey Ku jirtaa iYo Inaad Ruug Cadaagii UDUB Xilka u Dhiibto.Sacab.Sacab Ku Soo Dhaweeya Madaxdii Qaranka Sida Cali Xoor-Xoor.Cawil,Duur,Saqadhi iYo Qaar Kaloobadan.
Ugudanbayn:
Qoladii Kulmiye Qaxaan Ku Dhaafayaa Heestan Gaaban Ee Magaceeda LayidhaaXilka Dhiga.Waxaan Filayaa Inaad Ku Raaxaysan Doontaa Heestan Gaaban Ee Xilka Dhiga.Waana Tan Heesti Ee Ku Raaxaysta oo Ku Luuqeeya Akhristayaal.
Xidhiidhki iYo Xoolihii
Xasaradi Shalay lawaday
Dadkuna u Xadraynayeen
Xawaare Haday idin Saartay
Xil iYo Shadir Kuu Hagoogtay
 
Aqoonbaa La Xoogsadaaye
Xigtada Lagu Maamulaaye
Dalkana Waala Xeeriyaaye
 
Xisaabti Haday Xumaatay
Xilkana Waa Inaad Dhigtanoo
Xoor-Xoor Ku Wareejisayoo
Xan iYi Ceeb Lagatagayoo
Hooy ,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,Hooy
Xan iYo Ceeb Lagatagaa
 
Wabillaahi,,,,,,,,,,,,,,,,Towffiiq
togdheer2000@hotmail.com
Cabdillahi Xasan Mataan
 
————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin dhibaatiyo wax makhluuqa kalla dilla,


Zeynab Labadhagax oo Ka Dagtay Dalka Norwey.

$
0
0

Fanaanada Caanka ah ee Zeynab Laba dhagax oo ah Fanaanad aad Ummada Soomaaliyeed ujecelyihiin muda 16 sano ahna fanka ku jirtay ayaa Waayihii ugu danbeeyey waxa ay dib u casriyeen ku waday Fankeeda iyadoo farxadaha la wadaageysa Ummada Sooomaaliyeed ee ku Daadsan Qaaradaha Aduunka.
Seynab Laba dhagax ayaa waxa ay ka caga dhigatay Dalka Oslo iyadoo laga rajeeneyno iney halkaasi Bandhig aad uqiima badan ku qbaan doonto Sanadka Cusub , waxa ayna Fanaanadani kamid tahay Fanaaniinta fara ka turiska ah ee aadka Loowada jecelyahay Bandhig faneedyadeeda.
Fanaanada oo laga rajeenayo iney dhawaan la hadasho Saxaafada ayaa kuso koobtay hadalkeeda in ey Bandhigaasi awgeed u timid dalkan hasa ahaatee Lama Hubo Muhiimada gaarka ah ee uu safarkeeda ku saabsan yahay, Wixii kuso kordha Arimahan waxaan idinkaga soo gudbin doonaa Warbixinadeeda Danbe Haduu alle Yiraahdo.

Fanaanka Axmed Naaji oo Maanta Muqdisho Gaaray 21 Sano Kadib.

$
0
0

Fannaanka weyn ee Soomaaliyeed Ustaad Axmed Naaji Sacad ayaa muddo 21 sano ah kadib maanta dalka ku soo laabtay.
Ustaad Axmed Naaji Sacad oo ah Fannaan, Mulaxan, Musikiste, iyo Abwaan ayaa duhurnimadii maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho kadib 21 sano oo uu dalka ka maqnaa.
Axmed Naaji oo ka mid ah faanaaniinta Soomaaliyeed ee xilligan nool kuwooda ugu da’da weyn ayaa hadana lagu xasuustaa kaalintii uu ka soo qaatay horomarinta fanka Soomaaliyeed.
waxaana sidoo kale uu sameeyay muddadii uu dalka ka maqanaa heeso farabadan oo wadani ah oo uu ku muujinayay sida uu uga xunyahay dhibaatada dalka ka dhacday kuna baraarujinayay ummadda Soomaaliyeed.
Fanaanka Axmed Naaji Sacad ayaa la filayaa mudada uu joogo Muqdisho in la kulmo fanaaniinta iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Muqdisho.
Xigasho: Radio mogadishu

“wa in loo aqoonsado shaqsiga ugu mudan caalamka Recep Tayyip Erdoğan Shirka Golaha Wasiirada.

$
0
0

 
 
Shir aan caadi aheyn oo ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Ahna Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeen iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Mohamed Mohamud Haji Ibrahim  ayaa looga hadlay Bilad Sharafta Qaramada Midoobay ay bixiso oo loo yaqaan United Nations Population Award.
 
Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa golaha Wasiirada u sharaxay Bilad Sharafta Qaramada Midoobay iyo in Dowladda Soomaaliya looga baahanyahay inay si deg-deg ah u gudbiyaan shaqsiga ay u arkaan inuu muteystay Bilad Sharafta. Sanad walba guddiga Qaramada Midoobey ee u qaabilsan Bilad Sharafta Qaramada Midoobey ee loo yaqaan United Nations Population Award ayaa waxey guddoonsiiyaan bilad sharaftan shaqsigii ama hay’adii loo garto inay kaalin mug leh ka qaateen dhiiri gelinta ama wecyigelinta bulshada caalamka ama xalintooda.
 
Bilad Sharaftan ayaa waxaa lagu aasaasay qaraarkii Golaha Guud ee Qaramada Midoobey 36/201, ee bishii November 1981, oo markii ugu horreysay la bixiyey 1983dii. Bilad Sharaftan ayaa isagu jirta bixinta Bilad Dahab ah, Shahaado iyo Lacag.
 
Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa laga sugayaa ka hor 31ka December 2011 inay gudbiyaan shaqsiga ay u garteen inuu mudan yahay Bilad Sharaftan.
 
Ka dib markii ay Golaha Wasiirada ka doodeen ayaa ugu danbeyntii waxaa si aqlabiyad ah la isagu raacay in Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Turkiga Recep Tayyip Erdoğan loo aqoonsado shaqsiga ugu mudan caalamka in la guddoonsiiyo Bilad Sharafta Qaramada Midoobey (the United Nations Population Award), isla markaana ay Dowladda Soomaaliya u gudbiso Qaramada Midoobey musharaxnimadiisa.
 
Qaramada Midoobey ayaa ku dhawaaqi doonto shaqsiyaadka mudteystay Bilad Sharafta bisha Maarso ee 2012 ka isla markaana Bilad Sharafta Qaramada Midoobay uu guddoonsiin doono Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey inta ka horeysa bisha Juun 2012ka.
 
-       DHAMAAD -
 

Halkan Ka Daawo: Xafladda Furitaanka Diiwaan Suugaaneedka SAMA-DOON Oo Lagu Qabtay Magaalada Burco.

Mataano Kudhashay Labo Madax iyo Hal Wadne

$
0
0

Caruur mataano ah oo ku dhashay gudaha dalka Baraasiil ee Koonfurta qaaradda ameerika ayaa ku dhashay arin la yaab ku noqotay dhakhaatiirta caalamka.Labadan cunug ee mataanaha ayaa leh labo madax, labo maskax oo kala duwan, labo laf dhabar balse waxaa labadan cunug ka dhaxeeya hal wadne oo ay wadaagaan. WARBIXINTA HALKAAN KA AKHRI 

Dhaliil iyo talo soo jeedin ku socota DKM ee Soomaaliya

$
0
0

Waxaan kawada dheregsanahay in dowladu ay qabato waxyaabo badan oo wanaagsan oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed ayna mudantahay in lagu bogaadiyo. Waxaana run ahaantii amaan usoo jeedin lahaa wasaarada war faafinta iyo shaqaalaheeda oo howlgaliyey tv,gii raadiyihii iyo wakaaladii wararka ee qaranka Soomaaliyeed ee SONNA laakiin hadana waxaa muuqdo waxyaabo badan oo aysan wali fari ka qodnayn iyo waliba waxaalo ay ku qaldanyihiin madaxda dowlada ayna tahay in aan kala talino ayna ka waantoobaan. Waxaan arkaynaa madax badan oo ku yimi habka 4.5 inay aad iyo aad uga gaabiyeen shaqadii uu qaranka Soomaaliyeed u igmaday ayna marar badan faraha kula jiraan shaqooyin masuuliyiin kale. Tusaalaha ugu horeeya ee uu qofkasta oo Soomaaliyeed oo wax garanaya uu aadka uga xunyahay ee aan soo qaadan karro ayaa ah gidoomkii barlamanka Soomaaliyeed ee xilka laga qaaday ka dib markii uu gidoonku iska xirtay barlamankii qaranka xildhibaanadiina uu kahor istaagay inay shaqadoodii xildhibaanimo gutaan. Taas oo keentay in barlamanku uu xilka ka qaado gidoomiyihii barlamanka iyo kuxigeenkiisii koobaadba. Taas oo ay madaxda ugu saraysa dowlada oo ay madaxweynaha iyo rai,sal wasaaruhu ugu horeeyaan ay u ole,oleynayaan in xilka lagu soo celiyo gidoomiyaha golaha sharci dajinta iyo kuxigeenkiisa kobad ka dib markii xilka looga qaaday xil gudasho la,aan.
Waxaan kawada dheregsanahay inaysan jirin cid qaranka Soomaaliyeed uga baahi badan in golaha sharci dajinta Soomaaliyeed uu shaqeeyo maadaama uu gole sharci dajin u yahay qaran ay dhamaan shuruucdiisii iyo hayadihiisii sharci dajinta iyo kuwii sharci/xeer ilaalintu toona aysan mudo badan shaqayn loona baahan yahay in lasameeyo sharciyadii ay dowladu ku shaqayn lahayd ee lagu kala hagi lahaa hayadaha kala duwan ee dalka Soomaaliya.
Habeen dhawayd ayaan anigoo daawanaya tv ka mid ah kuwa afka Soomaaliga ku hadla ayaan arkayey dacwad kasoo socotay dad ganacsato ah oo diidanaa canshuuro ama qidmado lagu soorogay laakiin uusan golaha sharci dajintu meelmarin shuruucdii lagu qaadi lahaa canshuurahaas, taas oo keentay in waaxda canshuuraha ee dowlada ee doonayey inay canshuurta qaadaan lagu xukumay inay gardaranyihiin maadaama aysan sharci ku socon oo uusan golaha sharci dajintu meel marin sharcigii canshuuraha lagu qaadi lahaa iyo qaabkii loo qaadi lahaa toona.
Taas oo kaliyana ma aha ee wax shuruuc ah oo inoo samaysani majiraan lagasoo bilaabo shuruucdii xeerka ciqaabta ee dadka lagu kala xukumi/ celin lahaa ilaa kii canshuuraha ama kii ganacsiga ama tirinta dadwaynaha. Dadka looga fadhiyo inay sameeyaana waa golaha sharci dajinta qaranka Soomaaliyeed ee iska xidhan madaxdiisiina ama gidoonkiisu uu ka bixi layahay dalxiiska ama uu maalin walba faraha kula jiro shaqo madax kale leedahay. Madaba maxaa lagu daayaa ninka shaqadaas laga sugayo, una dhaqmaya sida aan kor kusoo sheegay ama aan wada ognahay? Waa su,aal aan waydiinayo madaxda iyo shacabka leh hajoogo shariif xasan.
Waxaana xasuusin lahaa madaxda qaranka in umada Soomaaliyeed aysan wax dan ahi ugu jirin in dad aan shaqaynayni ay kuraasta qaab beeleed ku joogaan. Waxaana kula talin lahaa madaxda qaranka Soomaaliyeed inaysan ahayn inay biil kasugaan beesha caalamka oo kaliya ee ay sameeyaan habkii iyo shuruucdii dhaqaale looga qaadi lahaa dhulka gacanta dowlada ku jira ama ay dowlad goboleedyadu ka taliyaan si ay dowlada dhexe ay dhaqaale u hesho gacanta beesha caalamkana looga baxo, ciidanka qaranka Soomaaliyana ay mushaar u helan. Hadii kale waligeen sidan ayaan ahaanaynaa oo mahiige iyo beesha caalamka ayaa inoo talinaysa.
Qormadaan waxaa diyaariyey anigoo ah Abdiqani Jama Dharas. Wixii talo iyo tusaale ah iigu soo hagaaji ama igala soo xidhiidh ciwaankan abdikani.jama@gmail.com
Fikradu waxey u khaas thaay qoraaga

Cabdiraxman Saylici oo dilkii Seemaal ku tilmaamay dimoqraadiyad la gaadhay

$
0
0

Hoos ka daawo dadka ka barakacay degaanka Seemaal

Hoos ka daawo dad la sheegay inay dhinaca kale ka barakaceen tageero degdegana lala gaadhay
HADABA HADAAD AWAL HORE IS WEYDIIN JIRTEY MAXAA KEENAY AWDAL STATE JAWAAB INTAASI KAAGA FILAN


(XOG) Kenya oo sheegatay inay dileen 200 askari oo Al-Shabaab ah

$
0
0

Nairobi:- Saraakiisha ciidamada mileteriga ee dalka Kenya ayaa waxa ay sheegeen in ka badan 200 oo ka tirsan xarrakada Al-Shabaab ay ku dileen dagaallo cirka ay ku qaadeen deegaanno ka tirsan gobollada Jubbooyinka.
Imanual Chir Chir oo ah afhayeenka ciidamada mileteriga waddanka Kenya ayaa waxa uu sheegay in weerarro xagga cirka ah oo hal habeen ka hor ay ku qaadeen magaalooyinka Badhaadhe iyo Kul-biyow saldhigyo ay ku lahaayeen xarrakada Al-Shabaab ay ku dileen tiro badan oo ka tirasn ciidanka iyo saraakiil.
Ciidamada mileteriga Kenya ayaa waxa ay sheegeen in weerarradaasi la qaaday kaddib markii ay ka war heleen sida ay sheegeen inay ka war heleen qorshayaal Al-Shabaab ku dooneyso saldhigyo ciidamada Kenya iyo dowladda ay ku leeyihiin deegaanno ka tirsan gobollada Jubbooyinka, mana jiraan illaa iyo hadda wax war oo ka madax bannaan sheegashadaasi saraakiisha ciidamada Kenya.
Si kastaba, majirto war ka soo baxay dhanka xarrakada Al-Shabaab oo ku aadan khasaarihii ka dhacay duqeyntii xagga cirka ee habeenimadii Axada ka dhacay ayna Kenya ka geysteen magaalooyinkaas ka tiran Jubbada hoose.
Xafiiska Allsomali24.com
webmaster@allsomali24.com
allsomali24@yahoo.com
Muqdisho – Somalia 

Tacsi: marxuun muuse mahamed canbuun

$
0
0

 
dhamaan  dadkan hoos  ku qoran oo kala ahwaxay tacsi 
aabo siciid cabdilahi muhumad
 mustfe siciid  cabdilahi (( coday))
liiban  ibrahmin  yare  (( baabuulahi))
mahad ibrahim yare(( mahad jeesto))
aflah ibrahim yare
yuusuf ahmed rooble
jamaal dhabeeye
 
mahamed cabdilahi daahir
caaqil  ciise hashaar
cabdifatax  suluub cilmi
mustafe koosar  omar 
caynaan mahamed jama (cadnaan)
dhaman dadkan oo wada jooga qadanka qadar magalada doha waxay tacsi u dirayaan eheladi iyo qaraabadi  uu ka baxay
geerida  ku timida marxuun  (( muuse mahamed canbuun))) oo habeenki xalay  ku geeriyooday magalada hargaysa  
illahay waxaan uga baryaayna
                                                                 
 
               

uruka islamiga ah ee al-ictisaam ex (al-itaxaad) oo waji kale ku ku yimi garoomada siyaasada !!! Diyarye: naasir maxed (al-arabi)

$
0
0

 
barakutuh.
Salaantaa ka dib waxaan aad ula fajacay oo maankayga gali waayay markii aan daalacaday warbaahinta kala duwan ee ka soo baxda dalka Somaliland (ilahay ha ilaaliyee) kuwasoo qaadaa dhigaayay maal mahan dambe ururo diimeedyo soo galay garoomadii siyaasada una diga rogtay ururo siyaasiyiin ah.
Ururadaa waxaa ka mid ah ururka cusub ee la baxay ( zibulaah iyo bad baado) oo ka mid aha ururka xag jirka ah ee loo yaqaano (al-ictisaam) ex al-tixaad
 ururka Al-itaxaad oo ahaa urur diimeed laga asaasay sideetamaadkii gayiga soomalidu degto.
oo dad dan oo soomali ah dhiigooda naftooda iyo sharaftooda ku daadiyay gobolo badan sida gobolada bari iyo koonfurta Somalia. Iyadoo arintaas ay u arkayeen madaxda xizbugu inay arintaasi tahay (jihaaad fii sabiililaah).
Kooxdan ayaa waxaa ka mida mabaa diideeda khatarta ah.
1 – inay dadka  muslimiinta  ee somaliyeed  laynta ya laynayeen wakhtigaas ay ahayd (jihad) arintas oo ay ku cel celin jireen madaxda xizbiga ugu saraysa sida odayga loo yaqano (xasan dahir aways oo hada ka mid koox dhiigyo cabka ah ee (al-shabab) iyo ninka loo yaqaano (maxed idiris) oo mar ahaan  jiray hogaanka xizbiga, asal ahana ka soo jeeda wadanka  (Eritrea
) lakin hoyadi somalyad tahay.
2 – inay amin sanaayeen dhamaan madax waynayaasha wadadma islamka inay gaaloobeen iyado  arikaas  ay sabab uga dhigayay arimahan soo socda:
1 – inay wadamadooda ku maamulaan dastuuro, sharcigi ilahayna ay baal mareen.
2 – inay xidhiidh sokeeye iskaashi iyo dhaqaaleba  la yeesheen wadadma gaalada ah sida (maraykanka)
3 – inay ku soo dhaweeyaan wadamadooda kana dhoofaan markay hawlahooda shaqo gudanayaan.
2 – waxa ka mida mabaadiidooda in dimuquraadiyadu ay tahay gaalnimo wayn qofkastoo u ololeeya kuna maamula shacabka uu gaal diinta ka baxay.
Masoo koobi karo afkaartooda hadii aan intaas kagag gudbo.
Waxay maal mahan dambe geed dheer iyo geed gaabanba fuuleeen sidii ay maruun saaxada siyaasa axzaabta badan uga mid noqon lahaayeen.
Xukuumada hada jirta ee siilaanyo waxay naf iyo maalba u hureen sidii uu usoobixi lahaa(kulmiye) xiligii dooroshooyinka
Dabcan qayb libaaxle ayay ka qaateen waana arin cad oo aan marnaba la dafirikarin.
Kulmiya soo bax wana si duu rabay(al-itixaad ama al-ictisaam)
UGU DAMBAYNTII waxay kamid noqdeen xukuumada hada jirta ee dimuquraadiga ah ee xidhiidhka so keeye,iskaashi,dhaqaale laleh wadamada reer galbeedka oo ay ugu horeeyaan(UN,USA) !!!
Waxana kamid xubnaha dawlada dimuquraadiga ah ee xidhiidhka fiican la leh gaalada ku jirta
1 – wasiirka madax tooyada  (MR xirzi)
2 – wasiirka diinta iyo awqaafta (MR khalil)
3 – wasiirka gamacsiga (MR: abdi razaaq)
4 – ku xigeenka 2aad ee wakiilada (MR:abdi aziz samaale)
TOLOW HADABA MAXAA IS BADALAY:
TOLOW ma xizbiga (al-itaxad ama                   al-ictisaam) ayaa mawqifkiisii xag jirka ahaa ka tanaazulay oo dimiquraadiyadii iyo daskuurkii daaquutka ahaa ogolaaday.
TOLOW ma xukuumada siilanyo hogamiyo ayaa dimuquraadiyadii,dastuurkii sharciga khilaafsanaa iyo xidhiidhkii sokeeye ee  ay gaalada la lahayd meesha ka saartay.
 
Dood furan ……
Diyarye: naasir maxed (al-arabi)
Tell: +254-722-14-66-50 mobile.
Email:naasir-9@hotmail.com
Nairobi Kenya.
  
————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin dhibaatiyo wax makhluuqa kalla dilla,

URURKA UMMADA WAA URUKA KELIYA U QALMA XISBI QARAN 15 URUR EE LAGU DHAWAAQAY By: S. A salah

$
0
0

Salaamu caleyku  dhamaan umada somaliland oo dhan 
 
Hadaan fekerkeyga ka dhiibto ururada lagu dhawaaqay markaan wada eegay ama akhriyey fekerkooda aniga koley waxay ila noqotay ururka u qalma in uu noqdo xisbi qaran waa ururka ummada waayo markaad eegto webkiisa  uu ku soo bandhigay siyaasadiisa iyo sida somaliland oo dhan hogaankiisa ugu dhantahay waxay ila noqotay in ururka u qalma xisbi qaran in uu yahay UMMADA.
NINKA MADAXDA KA AHI WAA NINKII XABSIGA U GALAY IN URURADA LA FASAXO KULMIYENA KU KHASBAYA IN AY FURAAAN URURADA MARKAA SU,AASHA MEESHA TAALA WAXAA WEEYE 14 URUR MADAXDOODU DAAHIR RIYAALE AYEY HOOS FADHIYEY MARKII HORE MID KA HADLI JIREY IN URUR LA FURO MUU JIRIN  MARKAA MA DR GABOOSE AYAA XABSI KA SOO DAAYEY WAA YAABE?
 
 
 salaamu caleyku
S. A salah
DUBAI
 
————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin dhibaatiyo wax makhluuqa kalla dilla,

WAXAA LAGU OGAA DAGAAL OOGE-NIMO RAGGA EE HADA WAXAA SOO IF BAXAYA DUMAR DHIIG U CIIL QABA By: “jamal adam

$
0
0

 
Marka hore waxaan salaan hawada u marinayaa inta nabada, wanaaga iyo khayrkaba jecel doonaysana in nabad lagu wada noolaado danaysana qiimaha iyo qaaliga ay inagu joogto nabadgelyadu. Waxaan kale oo halkan ka salaamayaa dadweynaha reer awdal ee nabada jecel kuna gaadhay guusha iyo in ubadkoodu ka faa'iidaystaan nabadaa wax barashadana ka gaadhaan heer waana waxa alle (sw) loogu mahad naqo. Hadaba beryahan waxaa soo if baxaya dad ragg iyo dumarba leh oo ay dhibayso nabad gelyadu dhegtana dad dano kale wataa dabada ka soo riixayaan aflagaadona u gaysanaya dadkooda iyo dadka kaleba. Waxaan filayaa waqtigii la odhan jiray qabaa'il ha laysu dilo S/land way dhaaftay waana laga gudbay dadkuna dantooda iyagaa inaga og.
 
Hadaba walaashay oo qof dumara ah in ay maanta wax baan xoraynayaa tidhaahdo waxbaan dilayaa, reer booramaan xoraynayaa oo waxay ku jiraan gumaysi waana arrin aad looga xumaado waxaa kale oo aad moodaa dadkan ka hadlaya idaacadaa in aanay ogayn in dad ku dhiman karo afkooda waayo horaa loo yidhi "Afku wuxuu la xoog yahay magliga xawda kaa jara" . Hadaba dadkan qurba joogta ah ee ay ka mid tahay gabadhan oo isku magacawday afhayeenka Awdal State Sahra jibriil in ay xoraynayso dadka la gumaysto waxay kaloo sheegtay in reer hargaysa aanay ka xishoon magaca Mujaahid  iyadoo dadka reer garoowe aanay isku tilmaamin mujaahidiin iyagoo la dagaalamay dawladii xasuuqa ba'an ka gaysatay dhulkii waqooyi si araxan dara ahna ula dhacday madaafiic iyo dayaarado.
 
Iyadoo ay cadaan iska tahay in dadkan dabada laga soo riixayo ayna u badan yihiin wax magarato dumar iyo dulaaliin u badan aqoona aan lahayn nolosha qurbaana quus ka is taagay waxay miciin bideen ka dhex shaqaynta dadka walaalaha ah ee wanaaga ku heshiiyey waayo 10 sanno ayuu Madaxweyne Daahir Riyaale xukumayey meesha ay maanta Gabdhan lacagtii caydhu ku filaan weyday ka leedahay wax baan xoraynayaa. bal hadaba gabadha dhegayso tawaawceeda iyo qabyaalda aan geedkaa gaadhsiisnayn ee ay kula dhex meeraysanayso dadka dhegaysi haboon.
 
http://taleex.net/wp-content/uploads/2011/12/469.mp3
————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin dhibaatiyo wax makhluuqa kalla dilla,
 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live