Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Sawir Taariikhiya Oo Muujinaya Ciyaartoygii Gobolka Togdheer ‏

$
0
0

Waayo waayo waa  sawir xusuus mudan oo taariikhiga ah waana ciyaartoygii gobolka togdheer ee Sideetameeyadii , hadaba iskudaya inaad  ka garatid  magacyadoodana soo qora waad mahadsantihiin.
 
Aadan Axmed Nuur
Dublin Ireland


SAWIRKA MAANTA. Awr Kaluumaysanaya ….

$
0
0

 
Sawirka Maanta ay Mareegtan Caalamiga ah ee Oodweynenews idiin soo gudbinayso, waa  sawir muujinaya  Awr ilbax ah oo  badda u kaluumaysi tegay ama udabaal tegay , reer Hawdkuna   Badda weyba ka cararaan  halka uu Awrkan u dabaal tegay, Hadaba Xerta SAWIR HADHSATO arintan maxaad ka tidhaahdeen haye haye. DAAWASHO WACAN

SAWIRKA MAANTA EE SHABAKADA CAALAMIGA AH EE OODWEYNENEWS

Kororsi-aqooneed – Anthropology – Archiology

$
0
0

Astaanta ugu muhiimsan Antraboolajiga cilmiga ayaa ah (formation of law) xeerar samayn iyo xeerar tijaabin (test of law) si loo derso loona qeexo, loona saadaaliyo xeerarka guud ee xukuma habab dhaqaneedyada (cultural process) si loo kobciyo hadafka arkijoolajiga oo ah:

  1. Tilmaamid
  1. Qeexid iyo
  1. Odorosid farqiga u dhexeeya isku-ekaanshaha iyadoo muhiimadda la siinayo xeerar samaynta iyo tijaabinta, taasoo looga jeedo in Antraboolajigu yahay maaddo cilmiyeed oo leh sal u dhigma culuunta kale. 

Aad ayey u adagtahay in dadku rumaysto in la qeexi karo dhismaha iyo dhaqanka Aadanaha, qaar ka mid ah cilmi baadhistayaashaasi way ka soo horjeedaan fikradaasi  arimaha qaarkood, laakiin sababo ayey keeneysaa in badi cilmi-baadhidyahanadu rumeysnaan karaan in dhaqanka Aadanuhu yahay mid habaysan oo leh majare uu maro, balse aanu ahayn isdhexyaac lagu tilmaamo majarelaawe.
3000 oo sano ayaa Aadanuhu isticmaalayey (stone tools) qalab laga sameeyey dhagax oo aad u dambeeyey, mudona aaney ka dhicin in wax la beerto iyo in wax la dhaqdo midna, tusaale ahaan xilligaasi waxa la ahaa dabato ama ugaadhsato iyo qadhaabsi (hunting & gathering). Muddo ku siman 10,000 BC. Ayaa waxaa bilaabantey waxbeerasho iyo waxdhaqasho, waxa bilaabmey qaab bulsheed iyo ilbaxnimo isku-mida oo aan isogayn, islamarkaana yeelatey hanaqaadnimo baaxad farsamo wadata iyo farshaxan aan kala-fogeyn, sidaasdaraadeed waxa jira xeerar xukumaya dhaqanada, iyo isbedelada la xidhiidha iyo horumarkoodaba (cultures & related changes & development) taasi darteed waa suurtogal in la sameeyo xeerar guud oo dhaqan. Qaar ka mid ah aqoonyahanadu waxay qabaan inaan la dhisi karin taariikhda sooyaalka, maadaama raadadka Arkijoolajiyeed ay yihiin kuwo filiqsan oo ka soo jeeda dhaqano dabar go`ay. (extinct cultures) Albert 1973 wuxu tilmaamey, ”Dabeecada Aadanha oo aan ahayn mid la qiyaasi karo oo wejiyo badan leh, islamarkana macluumaadka cilmiga Antroboolajiga oo macno badan awgeed, waa adag tahay in la dhiso taariikhda iyo sooyaalka, sidaasdaraadeed waa in lagu koobsadaa xeerar guud iyo hab-dhaqaneedyo. Culumada Anthropolojigu waxay isku-raaceen dhaqanka Aadanuhu inuu ka bilowdey Qaarada Afrika, islamarkaana ka koobnaa kooxyo bulsheedyo yar-yar oo ugaadhsi iyo qadhaabsi ku noolaa ilaa uu soo gaadhey dhaqano dhafan (complex culture) oo ku salaysan warshado iyo xadaarado aad u qoto fog.
Cilmibaadhisyahnadaasi waxay arintan ka qabeen afkaar kala-gedisan sidaan soo sheegney qaar waxay rumaysanaayeen raadinta xeerar guud ee dhaqanada sooyaalka, kuwo kalena waxay rumaysan yihiin in helitaanka xeerarkaasi guud ay adag yihiin, taas darteedna waxay qabaan in la raaco mabaadiida guud (universal principles) ee uunka ee ku waajahan dhammaan noolaha oo lagu xalin karo, wax kastoo noole ah, waxay kaloo xeerar u sameeyeen noolaha iyo ma noolaha (living & nonliving universal law) iyo isa-saameyntooda. Fikradan waxa hormuud ka ahaa Kent Flannery waxaana loo yaqaaney aragtida nidaamyada (system of theory approach). 
Sune Jonson wuxu ahaa nin Anthropolojiste ah oo Soomaaliya yimi taariikhdu marakay ahayd 28 march ilaa 14 may 1982. Wuxu yidhi, ”todobaadkii iigu horeeyey een Muqdisho joogay, waxaan isku-taxalujiyey oo waqtigeyga u siiyey sidii aan u ogaan lahaa ulana xidhiidhi laha counter parts-kaygii ee ”Somali Academy of Science”  ee SOMAC, waxaan yeeshay axsaab badan oo ii saamaxay gacansiinta muraadkii aan lahaa, wuxu intaasi ku sii darey, waxaan 4 march aan booqasho ku tegey xaafadaha yar-yar ee Jasira, waxa i hogaaminayey Sheikh Jamac Ciise oo ah nin aan aqoon u lahayn cilmiga Anthropolojiga balse ahaa nin isagu wax is baraey (self taught) waa sidi uu hadlaka u yidhiye, Jasira waxay ku taalaa xeebta 20 km waxa ka xigtaa Koonfurta Muqdisho, waxa halkaasi ka dhisan xaafado gaboobey oo laga helayo qabuurihii qarniyadii 9aad iyo 10aad”, waana meesha gaarka ah ee soo jiidatey ninkan Anthropologista ahi in uu wax ka ogaado xilligaasi daadkaasi noolaa waxay ku sugnaayeen iyo noloshoodii taariikheed ee xilligaasi ku gedaaneyd. 
Hargeysa – Sheekh – Ceerigaabo 
oo duulimaadkeygu ku waajahnaa Hargeysa si aan ugu biiro sahamis uu hogaaminayey Steven A. Brandt oo uu horkacayey khabiito jiyoolajiin ah, waqtigaasina sahamisku wuxu ku xadidnaa bil kaasoo warka uu ka helay Mr. Brandt oo ku takhasusey Stone age ee Bariga Afrika oo muddo hore ku sameeyay baadhitaano cilmiyeed Itoobiya iyo Somaliland. Waxaan anigu laftaydu jeclaystey inaan la xidhiidho Mr. Brandt oo qaabilo aqoontiisa, wuuna ii ogalaadey inaan ku biiro, ayuu yidhi Mr. Jonson. Waxa uu intaa sii raaciyey Antropolojistaahasi Jonson inuu ka xasuusto asxaabtii uu halkaasi ka bartey Xusseen Suleyman Axmed oo joogay madxafkii hore ee Koonfurta Soomaliya ee ku yaalay Muqdisho, waxaanu ahaa ayuu yidhi, kalkaaliyihii Chittick ee ku samaynayey sahamin baadhitan Xamar-weyne oo ku taala Muqdisho 1980.  In taasi ka dib ma helin a
Sun Johnson wuxu yidhi, waxaan 7 March tikidh duulimaad ka helay SOMAC nigu baadhaanadii goobihii sahaminta wixii ka soo baxay, inkastoo rajiimkii Dawladdii Siyaad Barre aaney daacad ka ahayn sahaminta khayraadka dabiiciga ee ku yaala goobaha istiraajiga Somaliland. Waxaanan ka codsanaya aqoonyahanada Arkiyoolajiyeed ee Somaliland iney noo soo tebiyaan sooyaalka taariikeed iyo dhaqanadii hore ee laga helay Somaliland, gaarahaana Laasgeel.
 
Mohamud Hussein (qooley)
Oodweynenews.com/ Helsinki Office
 
 

Thiery Henry oo Markale ka soo Muuqday Emirate Stadium Sacab Dheer ka Dibna Dhaliyay Goolkii Guusha + video

$
0
0

10/01/2012Thiery Henry oo si aada maanta loo hadal hayay soo labashadiisa iyo kulanka maanta .
ayaa waxuu ciyaarta soo galay iyadoo socota 67 daqiiqo oo uu bedelay ciyaaryahan
chamakh dadkii ciyaarta usoo daawasha tegey dhamantood waa u istageen iyagoo u haya taageero aad u sareeya eeysan hilmaami karin waxa uu u qabtay isagoo noqday ninka
ugu goolasha badan arsenal inta la xasuusto taariikhda henry waxaa markiiba u suura gashay in uu dhaliyo gool ka qura ee kooxdiisa kaga adkaatay leeds united henry waa
ciyaaryahan xirfad badan yaqaanana sida loo dhaliyo goolasha hadii uu helo koox sida arsenal oo kale ah isaga markii uu goolka dhaliyay shafka garacay oo yiri aabihiin ayaa hada yimid ilmahaygi ha welwelina is adkeeya
W/Q bashiirqoolif

Thiery Henry oo Markale ka soo Muuqday Emirate Stadium Sacab Dheer ka Dibna Dhaliyay Goolkii Guusha + video

$
0
0

10/01/2012Thiery Henry oo si aada maanta loo hadal hayay soo labashadiisa iyo kulanka maanta .
ayaa waxuu ciyaarta soo galay iyadoo socota 67 daqiiqo oo uu bedelay ciyaaryahan
chamakh dadkii ciyaarta usoo daawasha tegey dhamantood waa u istageen iyagoo u haya taageero aad u sareeya eeysan hilmaami karin waxa uu u qabtay isagoo noqday ninka
ugu goolasha badan arsenal inta la xasuusto taariikhda henry waxaa markiiba u suura gashay in uu dhaliyo gool ka qura ee kooxdiisa kaga adkaatay leeds united henry waa
ciyaaryahan xirfad badan yaqaanana sida loo dhaliyo goolasha hadii uu helo koox sida arsenal oo kale ah isaga markii uu goolka dhaliyay shafka garacay oo yiri aabihiin ayaa hada yimid ilmahaygi ha welwelina is adkeeya
W/Q bashiirqoolif

Jawaab: Madaxda Wasaarada arimaha dibadu sida ay anshaxa uga qaldanyiin ayay aqoontana uga liitaan

$
0
0

 
Hargaysa,(OWN)- Waxa maanta warsaxaafadeed soo saaray agaasimaha wasaarada arimaha dibada ee Somaliland Maxamuud Raage, taasi oo fajiciso iyo yaab ku noqotay umada Somaliland.
 
Agaasimahu waxa uu beeninaayay war ku soo baxay shabakada Qarannews, waa sida uu sheegaye,  mana uu sheegin warkaasi waxa uu yahay, goorta la soo baahiyay, ciwaanka ama sumada iyo taariikhada warkaasi sidaasi daraadeed waxa ka muuqata aqoon daro iyo xil kasnimo xumo, gabi ahaanba waxa qoraalkaasi uu ahaa wax ka fog wax la baahiyo oo umad la hor geeyo.
 
Maxamuud Raage, waxa uu ceeb u soo jiiday Somaliland isga oo ka talo qaadanaaya wasiirkiisa arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah magac xumo, aqoon daro iyo been abuur, qoraalkaasi maanta ay soo saareena waxa uu ahaa mid ka turjumaaya sida fool xumada ah  ee ay u socoto wasaarada arimaha dibadu.
 
Qaran news waxa ay diyaar u tahay in ay cadayso war kasta oo ku soo baxay shabakada oo aanu baahinay, kuwaasi oo isha laga lalaanyo, sababta carabka loogu dhufan waayay warka ugu danbeeyay ee aanu baahinay todobaadkani waa mid xaqiiq ah oo ay qarinayaan in ay ka hadlaan, waana ta kaliftay in afka ay soo marin waayaan, waxana ay ka baqayaan in la soo bandhigo cadaymaha iyo emai-lada la is waydaarsaday ee gacanta lagu hayo, waana kuwo si dhakhso ah loo soo baahin doono oo ummada loo soo bandhigi doono.
 
Waxa aanu halkani ka beeninayaanaa in aananu marnba wax emailo-ah oo aanu jabsanay ama xadnay ayna jirin, sidoo kale waxa aanu beeninynaa in aananu wax argagaxiso ah shaqo ku lahayn, taasi oo uu wasiirku hore ugu eedeeyay madaxa shabakada qaran news in uu xidhiidh la leeyahay argagaxisda caalamiga ah taasi oo been abuur ah, isla markaasina uu wasiirka arimaha dibadu safaarada Itoobiya ee Ingriisku ku leeyahay uu sidiiasi ugu sheegay email-uu u diray, arintaasi oo ahayd been cad oo ayna waxba ka jirin.
 
Sababaha uu wasiir Maxamed C/lahi Cumar uu argagaxisda uguy sheegay madaxa shabakada qarannews, waxa ay tahay waxa laga hayo ee uu maanta ka damqaday ee uu ka gubanaayo, waxa aanu haynaa qoraalo rasmi ah oo laga hayo wasiirka arimaha dibada ee Somaliland kuwaasi oo aanu baahin doono una socon doona si joogto ah.
 
Wasaarada arimaha dibada waxa ragaadiyay shaqaale xumo oo aan aqoon u lahayn waxa ay qabanayaan, kuwaasi oo aan sooyaalka taariikheed ee Somaliland aan waxba kala soconin, sida agaasimaha Maxamuud Raage oo aan aqoon u lahayn waxa uu qabnaayo sidoo kale ahaa reer Sabalaale iyo wasiirka arimaha dibada oo aan isna aqoon u lahayn iyo khibrad toona arimaha dibada iyo siyaasadaha xidhiidhka caalamiga toona kaasi oo ku soo bar baaray Baydhaba, kuna fashilmay mudadii uu xilka hayay, madaxweyne Siilaanyona dhabarka ka jabiyay, isla markaasna niyad jab ku abuuray shicibka Somaliland meel kasta oo ay joogan.
 
Waxa aanu soo bandhigi doonaa qoraalo rasmi ah oo laga hayo wasiirka arimaha dibada, oo tariikhda Somaliland loo sharaxaayo oo loo dhigaayo oo la baraayo iyo iyada oo loo soo diyaariyay waxa uu ku hadlaayo, mana aha shaqsi wax ka og sooyaalkii taariikheed ee Somaliland.
 
Maamulka Shabakada Qaran news

Dare to Dream: Future of Somalia through the eyes of Students

$
0
0

This week Malaysian universities are hosting their annual convocation ceremony for student graduating from various degrees and studies. These graduation days represent the highlight of the student’s achievement. The occasion enables universities to publicly recognize and reward student achievement. It is also intended for graduates to receive their well-earned praise from parents, partners and friends.
This year marks the largest Somali students to graduate from Malaysia’s universities across Malaysia. Over 35 Somali student will be awarded degrees in different fields. Yaasir Mohamed, a student activist who has been in Malaysia over the past four years could not hide his excitements “despite of incremental challenges facing Somali students, they are showing serious commitment to education, we are competing and often exceeding students from more stable environment”
Center for Research and Dialogue – Somalia (CRD), a Somali research institution based in Somali was invited by the Somali student for a public forum. The intent of the forum was to exchange research findings and engage public dialogue. The session also provided research data and first hand analysis of the current dynamics on the ground from across Somalia and the Horn of Africa region in general. The CRD team engaged the students over 4 hour intensive discussion regarding the role of the students in rebuilding the Somalia nation. Abdullahi Egal, Secretary General of Somali students Association point out that “Fora of such level allows students to creatively discuss on a contemporarily issues pertaining to Somali people, in a university setting students can generate new ideas to help Somalia but also learn from each other”
Jabril Ibrahim Abdulle, Director of CRD, presented a comprehensive analysis of the current socio-economic realities of Somalia, its internal and external dimensions, the foundations of the dynamics that lead to the current unacceptable situation of the country. Using facts and figures compiled by many institutions and the contribution of the CRD researchers and other independent analyst, Jabril managed to deliver a detailed background and research findings in his presentation. This presentation grabbed the student’s attention and it has generated a lengthy discussion that challenged the thinking of many of the students. Abdulkadir Mohamed, one the students who attended the session indicated that in many times students lack any relevant and up-to date information from Somalia “It is hard to do comprehensive research on Somalia as there is no contemporary data, this kind of engagement provide us with an intellectual and critical thinking on our approach to the Somali crisis”
Mohamed Ibrahim, research fellow at Melbourne University and CRD Chairman, covered the role of education and Media /IT in achieving peaceful resolution to the Somali conflict and achieving a fast-tracked sustainable economic development. The discussions focused on the source of the information Somalis received and how world media portrays Somalis and Somalia conflict. Mohamed emphasized the need to acquire knowledge and applied in a meaningful way. He pointed out that” We will not be able to recover from the mess we are in without educated generation taking over”
Learning from others
Refereeing to the role of education in state building process – Mohamed Ibrahim reminded the students that When Singapore was rejected by Malaysia in 1965, the founder of Singapore Mr. Lee Kuan Yew could not contain his fear, wiping tears from his eye he said “ The entire of my adult life, I have believed in Malaysian Merger and united two territories” Few weeks letter he told his young country “that Singapore will survive”…the rest as they say is history. What made Singapore to succeed is its people; Mr. Lee Kwan Yew invested in educating his people. Education is the key pillar of nation-building without an educated population; a country cannot recover nor build a solid foundation for development. Somali students can see what is possible in countries in Malaysia and Singapore and the experiences they gain in this region will enhance their leadership skills.
The most successful states in Africa has a large educated citizens, Kenya alone produces over 40,000 graduates each year while Somalia had produced less than 8,000 graduates over the past 20 years? Somalia is in short of educated people who can take Somalia out of the current crisis. “State building is creating and strengthening the institutions necessary to support long-term economic, social, and political development through which education is the foundation” said Jabril Ibrahim Abdulle
Rwanda has experienced one of the genocides in recent history. In a span of 90 days, over one million people were killed but it has recovered very fast – last year the country has seen 11% economic growth the highest in all Africa. when asked President Paul Kigami Rwandan success, he said ’”We have invested in our future through education!” Education also creates future leaders of a country. In Somalia, there are no viable institutions that exist to produce a new leadership that can face these challenges and come up with solutions for the country.
Many Somalis scholars made an effort to help rebuild the educational institutions, and there are many who have the vision to maintain the value of education and invested personal fortune, some of them even lost their lives. What have sustained Somalia’s meager institutions are brave Somalis who went beyond the call of duty. In across Somalia, there are community universities, colleges attended by Somalis funded and managed by Somalis.
Uplifting and inspiring environment
One of the reasons that CRD has been emphasizing and continually engaging with Somalis students in Malaysia and other south-East Asia and Africa is that Somalia’s future largely depends on these students who will most likely return to Somalia. “The old Somali generation who are currently in the Diaspora (Europe, Americas and south pacific) are unlikely to return to Somalia due to various reasons; while the second generation who are born and educated in these countries have very little commonalities with the NEW Somalia, very few of them will ever return to Somalia” said jabril Ibrahim Abdulle, some of the recent graduates from Asia and Africa have already returned to Somalia particularly areas that are relatively safe and stable. Some of these students are already holding government positions, leading and teaching higher learning institutions and managing business et.
Malaysia not only offers good education but it also provides uplifting experience for the Somali students who recently arrived from war-torn areas of Somalia. Many of the students show signs of trauma and violence fatigue. “Coming into such modern Islamic countries, uplifts their moral, allows creativity and show what is possible” said Abdiaziz Hersi, a retired Professor in Kuala Lumpur “it provides students with opportunity to combine Islamic studies with other discipline” the environment allows the young students to observe link between modernization and Islam merging together in a positive, natural and constructive way.
Abdurrahman Odowaa, one of the graduate students in Malaysia said, “everyday that I travel through Malaysia, I am challenged by the extraordinary achievement of Malaysian people, a country with relatively the same age as of Somalia and yet we Somali are far, far behind! ! I am inspired! Only committed educated Somali can lift Somalia from the current mayhem”
Malaysia is also a window to another world, a window to higher level of Islamic culture and tradition and appreciation of Muslim tolerance. There are mosques and other Islamic buildings through which enables students to understand and appreciate the golden history Islam society.
Welcome home
Malaysia is the one of the few countries that seems to help the Somali students without any hidden agenda. Malaysia provides a lot of help to the Somali students, providing heavily subsidized education and living allowance. Somali students using Somali passports can arrive and are welcome to Malaysia without complex entry VISA condition. Anyone with Somali passport who arrives in Malaysia legally receives highest respect unlike many Arab and African countries. Government officials even come to the defense of the Somali cause; recently other government expresses concerns over Somalis in Malaysia, Malaysia government issues statement defending Somalis in Malaysia.
This link with Malaysia needs to be acknowledged by Somali authorities and all who are involved in helping the reconstruction of Somalia.
Engaging with future leaders
Over the past four years CRD has visited Somali students a number of times engaging the students as well as other members of the Somali community in the region with the sole purpose of informing the students on what is going in Somalia. Challenging them to think ahead and prepare themselves to lead Somalia from the current uncertain times. This is an extension of CRD’s effort in ‘engaging with wider Somali Diaspora to actively participate in the rebuilding of Somalia.
At the end of the session, one student asked serious questions that forced many in the audience to reflect and think deeply. “How many more people must be killed, before we realize enough is enough?’ she asked. How do we create new dynamic leadership who understands our problem and ready to act on it? Another student emotionally pointed out that “What has prolonged our crisis is a lack of proper research and Somali input, until such time that we Somalis take critical inward look at ourselves, crisis will continue”
Many of the students were very grateful that they were given an opportunity to hear the latest development from home, watched documentary films produced by CRD, presented a selected award winning photographs and suggestion on how they can participate and contribute to the reconstruction of the country.
The future of Somalis looks pride in the eyes of Somali students; the best is yet to come!

Kenya oo dafirtay in tacadiyo ay ka geysatay dhulka Somalia

$
0
0

Afhayeenka ciidamada Kenya Maj. Emmanuel Chirchir oo taleefoonka kula hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeyn ay ciidamada kenya u jedisay hay’adda u dooda xaquuqda aadanaha ee Human Rights Watch oo ku saabsanayd in ciidamada Kenya ay xad gudubyo u geystaan dadka Soomaalida ah ee ku nool gobolka waqooyi bari wadankaasi kenya.
Emmanuel Chirchir waxaa uu xusay inaysan haba yaraatee waxba ka jrin eedeynta in ciidamadoodu ay ku xad gudbaan dadka Soomaalida ah waxaase uu sheegay in eedeyntaasi ay ay tahay mid lagu fududaaday sida uu yiri
Afhayeenka ciidamada Kenya waxaa uu hadalkiisa ku sheegay inay jirto tilaabo ay ciidamadu ka qaadeen dad uu ku sheegay inay si sharci darro goob ganacsi uga dhistay banaanka hore xero ay dad qaxooti Soomaali ah degen yihiin taasoo uu sheegay in ciidamadu ay goobtaasi sharci darrada ah bur buriyeen taasina ay tahay mid sharci ah oo ay ciidamadu xaq u leeyihiin .
“Eedeynta Human Rights waa mid aan baaritaan lagu sameyn oo lagu fududaaday ciidamadeenu ma dhibaateeyaan dadka shacabka ah” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Kenya Maj. Emmanuel Chirchir
Chir chir waxaa uu waraysiga uu siiyay wakaaladda wararka Reuters uu sheegay inay ixtiraamaan qaxotiga Soomaalida oo aysan ku xad gudbin iyadoo waliba ay dhacdo in ciidamada Kenya waxyeelo loogu geysto goobaha ay dagan yihiin sida uu yiri
Hadalka afhayeenka ciidamada Kenya ayaa yimid iyadoo ay hay’adda Human Rights ku eeedeysay ciidamada Kenya inay gabood falyo u geystaan dadka Soomaalida ah ee ku nool wadankaasi iyo kuwa ka gudba xaduuda u dhaxeysa wadamada Soomaaliya iyo Kenya


AHMED CUMAR CIGAAL.. Fanaan ceynkee ayuu ahaa???

$
0
0

AHMED CUMAR CIGAAL wuxuu galaya fanka isagoo yar oo ah arday waxana ahayd sanadkii 1967 wuuxuuna ka bilaabay Riwayadii la oran jiray SHABEEL NAAGOOOD waxaan sameeyey XASAN SHIIKH MUUMIN waxaa ku xigatay Riwayadii la oran jiray YIXAAS DHEGADUUB oo u sameeyey MAXAMED AADAN SAN GUB waa labadii Riwaayadood ee igu horeeyey Ahmed uuna ku soo can baxay oo ku noqday Fanaanda can ka ka ah somaliya Ahmed runtii wuxu aah anin yar marka uu Riwayadanah metalaayay kana heesahay kan dhexmuuqday fanaaniitii la matelaysay Riwayadahaas Ahmed wuxuu ahaa nin ilaahay siiyey quwada xaga muusiga ah oo uu kaga soo dhex baxo dhalintii u ku jiray markaas amba ha noqdeen kuwa uu kula jiray Iskuulka ama Fanaka Ahmed yaratiisii wuxu ahaa nin ku xidhan xaga heesaha aadan ula socda faniinitii xilagaa hadaan tusaale u soo qaato kooxaga ahmed uu carbka saaray mar wayadiiyey suaashaas waxaa ka mid ahaa Walaal Hargaysa oo ahayd kooxda koowaad ee wadanka wuxuu Ahmed isku dayi jiray in uu noqodo sida fanaanadaas oo kale oo uu uga maqlo heesihiisa Radiyihii xigaa ka jiray somaliya hadaba suaasha Is waydiintalehi waxa weeyey Ahmed ma u hirgashay Riyadiisii. HAAA waxay ku qaadatay wax yar intuu la meeltegilahaa kuwii uu jeclaa uuna dhegaysan jiray heesahooda in uu noqodo sidooda oo kale Ahmed wuxuu ka mid ahaa Fanaaniintii la wareegi jirtay Riwaayadaha gobolada somaliya markaa isaga waxaa uu ka mid noqday Fanaaniinta sidaa dheer loo jecelahayahay waxay ka bixi jireeen ilaa Muqdisho to Boorama Muqdisho ilaa kismaanyo Muqdisho ilaa buula Xaawo markaa sidaa buu ku sii noqday nin loo han awayanayahay Ahmed waa jeclaa somalidii uu la kulmijiray Ahmed markuu yaraa fanaanaduu xiisan jiray waxaa ka mid ah MAXAMED AHMED KULUC, CISMAAN GACAN LOW , AHMED MAXAMED GOOSHINBIL, AHMED CALI XAAJI AADAN DALABLE, AHMED SHARIIF, AHMED NAAJI, SAALAX QAASIN SALAAD DERBI AHMED NAAJI AHMED SHARIIF (XAGA DUMARKA ) MAANDEEQ, BAXSAN.
MAGOOL, GUUDO CARWO, GALAAAYR, SAHRA AHMED, ok hada ahmed wuxuu aha anin Fanaaniitaa ku han wayn siduu ku gaadhi lahaa ee siduu ku dhaagay baa meesh taal Ahmed adeer kiis oo soo korsaday oo soo barbaarshay Ahmed oo aah nin abwaan ah baa usameeyey heesa badan kooda waxaan la oran jiray C/QAARID CALI CIGAAL oo ana haa abwaan kii ugu horeeyey ee hees u sameeya ahmed ahaan adeer kiis oo soo korsaday hadana eegno heesaha uu C/QADIR CALI CIGAAL sameeyey waxaa ka mid ahaa NAYRUUSHKU WAA CIID Riwaayadii la oran jiray JACAYAL BOG UMA BAAHAANA hadaba Ahmed gabdhihii Riwayadaha la dhigi jiray kuwee buu ugu jeclaa dadku waxy yiraahdaan Amed wuxuu ugu jeclaa KHADRA DAAHIR IYO SAYANB CIGE lakiin ahmed wuxuu yiri gabdhahaan la dhigi jiray Riwaayadaha waxay ahaayeen gabdho aan la arag lana maqal mid mid laga doortana malahayan kuli waan wada jeclaaa mar wax laga waydiiyey Ahmed wax iska bedelay Fankii markii qurbaha la soogalay wuxuu yiri fan ku wuxuu ku xidhaan dad ka somaliyeed hadaynoqoto mid jacayl ah iyo mid kale oo aha figradba markaa fankii kama danbay somaliya burburkeedii wuxuu yiri qurbaha markaanu nimid sidaanu ugu fekeri jiray fanka uguma fekero oo intaa waa ordaynaa lakiin soomaalia markaanu jog nay waxanu ahayan dad u meel goay in ay dadka maaeeliyaan wax ay haan xoogna saaray maaweelada dadka Ahmed Cumar Cigaal wuxu hada joogaa wadan ka Maraykan ka gaar ahaan Gobolka Tanasi Magaalada Naashviil
Wuuxaan weli ka dhigaa Riwaayadan wadanka maraykan ka iyo yurb meelo ka mida wuunaa yiri illhay isagaa caadilee dhulkeenii hayguugo soo hoorsho nabad sida roobka ayaan ku leeyahay daka soomaliyeed ee akhrisanaya qoralkan
Waxaan dhamaan ka raali gelinayaa akhrisatayaasha Taariikhda Ahmed cumar cigaal wixii ku yimaada farsamada qoraalka ma ihi nin sifiican u qora somaliga markaa wixii cilad wayn ah ila soo socod siiya by: email Badhan6@hotmail.com waad mahadan tihiin dhamaantiin

AHMED CUMAR CIGAAL.. Fanaan ceynkee ayuu ahaa???

$
0
0

AHMED CUMAR CIGAAL wuxuu galaya fanka isagoo yar oo ah arday waxana ahayd sanadkii 1967 wuuxuuna ka bilaabay Riwayadii la oran jiray SHABEEL NAAGOOOD waxaan sameeyey XASAN SHIIKH MUUMIN waxaa ku xigatay Riwayadii la oran jiray YIXAAS DHEGADUUB oo u sameeyey MAXAMED AADAN SAN GUB waa labadii Riwaayadood ee igu horeeyey Ahmed uuna ku soo can baxay oo ku noqday Fanaanda can ka ka ah somaliya Ahmed runtii wuxu aah anin yar marka uu Riwayadanah metalaayay kana heesahay kan dhexmuuqday fanaaniitii la matelaysay Riwayadahaas Ahmed wuxuu ahaa nin ilaahay siiyey quwada xaga muusiga ah oo uu kaga soo dhex baxo dhalintii u ku jiray markaas amba ha noqdeen kuwa uu kula jiray Iskuulka ama Fanaka Ahmed yaratiisii wuxu ahaa nin ku xidhan xaga heesaha aadan ula socda faniinitii xilagaa hadaan tusaale u soo qaato kooxaga ahmed uu carbka saaray mar wayadiiyey suaashaas waxaa ka mid ahaa Walaal Hargaysa oo ahayd kooxda koowaad ee wadanka wuxuu Ahmed isku dayi jiray in uu noqodo sida fanaanadaas oo kale oo uu uga maqlo heesihiisa Radiyihii xigaa ka jiray somaliya hadaba suaasha Is waydiintalehi waxa weeyey Ahmed ma u hirgashay Riyadiisii. HAAA waxay ku qaadatay wax yar intuu la meeltegilahaa kuwii uu jeclaa uuna dhegaysan jiray heesahooda in uu noqodo sidooda oo kale Ahmed wuxuu ka mid ahaa Fanaaniintii la wareegi jirtay Riwaayadaha gobolada somaliya markaa isaga waxaa uu ka mid noqday Fanaaniinta sidaa dheer loo jecelahayahay waxay ka bixi jireeen ilaa Muqdisho to Boorama Muqdisho ilaa kismaanyo Muqdisho ilaa buula Xaawo markaa sidaa buu ku sii noqday nin loo han awayanayahay Ahmed waa jeclaa somalidii uu la kulmijiray Ahmed markuu yaraa fanaanaduu xiisan jiray waxaa ka mid ah MAXAMED AHMED KULUC, CISMAAN GACAN LOW , AHMED MAXAMED GOOSHINBIL, AHMED CALI XAAJI AADAN DALABLE, AHMED SHARIIF, AHMED NAAJI, SAALAX QAASIN SALAAD DERBI AHMED NAAJI AHMED SHARIIF (XAGA DUMARKA ) MAANDEEQ, BAXSAN.
MAGOOL, GUUDO CARWO, GALAAAYR, SAHRA AHMED, ok hada ahmed wuxuu aha anin Fanaaniitaa ku han wayn siduu ku gaadhi lahaa ee siduu ku dhaagay baa meesh taal Ahmed adeer kiis oo soo korsaday oo soo barbaarshay Ahmed oo aah nin abwaan ah baa usameeyey heesa badan kooda waxaan la oran jiray C/QAARID CALI CIGAAL oo ana haa abwaan kii ugu horeeyey ee hees u sameeya ahmed ahaan adeer kiis oo soo korsaday hadana eegno heesaha uu C/QADIR CALI CIGAAL sameeyey waxaa ka mid ahaa NAYRUUSHKU WAA CIID Riwaayadii la oran jiray JACAYAL BOG UMA BAAHAANA hadaba Ahmed gabdhihii Riwayadaha la dhigi jiray kuwee buu ugu jeclaa dadku waxy yiraahdaan Amed wuxuu ugu jeclaa KHADRA DAAHIR IYO SAYANB CIGE lakiin ahmed wuxuu yiri gabdhahaan la dhigi jiray Riwaayadaha waxay ahaayeen gabdho aan la arag lana maqal mid mid laga doortana malahayan kuli waan wada jeclaaa mar wax laga waydiiyey Ahmed wax iska bedelay Fankii markii qurbaha la soogalay wuxuu yiri fan ku wuxuu ku xidhaan dad ka somaliyeed hadaynoqoto mid jacayl ah iyo mid kale oo aha figradba markaa fankii kama danbay somaliya burburkeedii wuxuu yiri qurbaha markaanu nimid sidaanu ugu fekeri jiray fanka uguma fekero oo intaa waa ordaynaa lakiin soomaalia markaanu jog nay waxanu ahayan dad u meel goay in ay dadka maaeeliyaan wax ay haan xoogna saaray maaweelada dadka Ahmed Cumar Cigaal wuxu hada joogaa wadan ka Maraykan ka gaar ahaan Gobolka Tanasi Magaalada Naashviil
Wuuxaan weli ka dhigaa Riwaayadan wadanka maraykan ka iyo yurb meelo ka mida wuunaa yiri illhay isagaa caadilee dhulkeenii hayguugo soo hoorsho nabad sida roobka ayaan ku leeyahay daka soomaliyeed ee akhrisanaya qoralkan
Waxaan dhamaan ka raali gelinayaa akhrisatayaasha Taariikhda Ahmed cumar cigaal wixii ku yimaada farsamada qoraalka ma ihi nin sifiican u qora somaliga markaa wixii cilad wayn ah ila soo socod siiya by: email Badhan6@hotmail.com waad mahadan tihiin dhamaantiin

Wadooyinka Muqdisho oo dhismo lagu bilaabi rabo dhawaan…

$
0
0

Sida uu sheegay masuul sare oo ka tiran Hey’ad maxali ah oo laga leeyahay dalka Turkiga Mr. C/llahiyad Kookdagi Xiriiriyaha guud ee hay’adda TIKA ee laga leeyahay wadanka Turkiga oo la hadlaayay wakaaladda wararka ee Anatolia ayaa sheegay inay dhawaan dayactir buuxa ka bilaabayaan wadooyinka waaweyn ee Soomaaliya gaar ahaan kuwa magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
waxa uuna sidoo kale sheegay inay soo gabo gaboobeen kulamo ay la lahaayeen madaxda dawlada Soomaaliya isla markaana ay dhawaan bilaabayaan dib u dayac tirada wadooyinka Muqdisho ku yaala oo bilicdooda dib loo soo celinayo.
Habka naqshadeynta wadooyinka ayuu sheegay inay noqon doonaan kuwa caalami ah waxaana uu xusay in kulanka ay la yeesheen madaxda Soomaalida uu ku saabsanaa fahamka habka wadooyinka loo dayactirayo.
“Waxaanu bilaabaynaa hadda wixii ka dambeeya dayac tirka wadooyinka Soomaaliya gaar ahaan magaaladda Muqdisho” ayuu yiri C/llahiyaad Kookdagi oo ah xiriiriyaha hay’adda TIKA ee wadanka Turkiga haatana ka hawl gasha Soomaaliya.
Dawlada Turkiga ayaa horey u balan qaaday inay dib u dhis ku sameyn doonto wadooyinka iyo goobaha muhiimka ah ee ay ugu horeeyay xarumaha caafimaadka, iyo wax barashadda waxaana hay’adaha Turkigu ka fuliyaan Soomaaliya hawlo gar gaar.
MOHAMED IBRAHIM AYAANLE

Wadooyinka Muqdisho oo dhismo lagu bilaabi rabo dhawaan…

$
0
0

Sida uu sheegay masuul sare oo ka tiran Hey’ad maxali ah oo laga leeyahay dalka Turkiga Mr. C/llahiyad Kookdagi Xiriiriyaha guud ee hay’adda TIKA ee laga leeyahay wadanka Turkiga oo la hadlaayay wakaaladda wararka ee Anatolia ayaa sheegay inay dhawaan dayactir buuxa ka bilaabayaan wadooyinka waaweyn ee Soomaaliya gaar ahaan kuwa magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
waxa uuna sidoo kale sheegay inay soo gabo gaboobeen kulamo ay la lahaayeen madaxda dawlada Soomaaliya isla markaana ay dhawaan bilaabayaan dib u dayac tirada wadooyinka Muqdisho ku yaala oo bilicdooda dib loo soo celinayo.
Habka naqshadeynta wadooyinka ayuu sheegay inay noqon doonaan kuwa caalami ah waxaana uu xusay in kulanka ay la yeesheen madaxda Soomaalida uu ku saabsanaa fahamka habka wadooyinka loo dayactirayo.
“Waxaanu bilaabaynaa hadda wixii ka dambeeya dayac tirka wadooyinka Soomaaliya gaar ahaan magaaladda Muqdisho” ayuu yiri C/llahiyaad Kookdagi oo ah xiriiriyaha hay’adda TIKA ee wadanka Turkiga haatana ka hawl gasha Soomaaliya.
Dawlada Turkiga ayaa horey u balan qaaday inay dib u dhis ku sameyn doonto wadooyinka iyo goobaha muhiimka ah ee ay ugu horeeyay xarumaha caafimaadka, iyo wax barashadda waxaana hay’adaha Turkigu ka fuliyaan Soomaaliya hawlo gar gaar.
MOHAMED IBRAHIM AYAANLE

Kenya… Gabar Aroos lagu Qasbay… Dhacdo layaab leh

$
0
0

Dhacdadaan ayaa waxay ka dhacday gobolka waqooyi Bari ee dalka Kenya, taasoo salka ku heysa kadib markii gabar dhigata dugsiga dhexe loo-guuriyay nin aysan dooneyn. Mudo aanan sidaasi uga sii-dheereyn ayaa lasheegay in ay gabadhii kasoo baxsatay gurigii ninkii cusbaa ee legu daray.
Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in gabadhii yareyd ay ku war gelisay maamulaha Iskuulkii ay dhiganeysay halka uu maamulaha durbadiiba ogeysiiyay ciidamada Booliska ee dalka Kenya.
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa waxay sheegayaan in ay hada xabsiga dhex jiifaan dhamaan qoyskii gabadha dhalay iyo ninkii qabay. Waxaana la-sheegay gabadhii ninka lagu qasbay in ay dowladda Kenya la-wareegtay xanaaneynteeda, bacdamaa ay iskuulada wadanka Kenya caruurta ku barbaariyaan in ay yihiin kuwo madax banaan oo aysan jirin cid qasbi karta, haddii ay waalidka qasbaana ay kusoo war geliyaan saldhiga Booliska ee ugu dhaw.
Cawil Xersi oo iminka ku sugan Xerada qaxootiga ee IFO ayaa inoo xaqiiyay in ay arintani noqotay hadal haynta ugu badan gobolka waqoogi Bari ee dalka Kenya.

Maxay Isla Gorfeeyeen Gaas & Geelle ?

$
0
0

Muqdisho – GMN - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Djibouti ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha Djibouti Ismail Omar Gelle. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Madaxweynaha Djibouti uga mahadceliyey sida uu isaga, dowladiisa iyo shacabka Djbiouti ay marwalba ugu heelan yihiin una garab istaaganyihiin shacabka Soomaaliyeed. Waxuuna sheegay in Madaxweynaha Djbouti uu yahay Aabo Soomaaliyeed marwalbana u taagan danaha shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale Ra’iisulwasaare Abdiweli ayaa uga mahadceliyey madaxweyanaha sida quruxda badan ee isaga iyo wafdigiisa loogu soo dhoweeyey dalka Djibouti. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Djibouti ciidamadii ay dhowaan u soo direen Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa ka warbixiyey xaaladda dalka iyo horumarka baaxadda leh ee laga sameeyey dhinacyo badan sida amniga, dastuurka, maamul wanaaga, gar-gaarka bani’aadanimo iyo dib-u-heshiisiinta. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sidoo kale uga mahadceliyey Madaxweynaha Djibouti safarkiisii uu ku yimid Muqdisho waqtigii macluusha ba’ani ay ka jirtay dalka, una sheegay in maanta dadaal fara badan oo la sameeyey lagu guuleystay in shacabka Soomaaliyeed loo fidiyo gar-gaar bani’aadanimo.
Madaxweynaha Djibout ayaa sheegay in dowladda Djibouti ay ka go’antahay sidii Soomaaliya loo saacidi lahaa oo looga saari lahaa marxaladdan adag. Madaxweynahu waxuu sheegay inuu arrimaha Soomaaliya si joogta ah ugala hadlo beesha caalamka.Madaxweynahu waxuu u rajeeyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya in EEBBE la garab galo dadaalka iyo horumarka baaxadda leh ee socda, una xaqiijiyey in Dowladda Djibouti ay marwalba diyaar u tahay garab is taaga shacabka Soomaaliyeed.
Gedo Online News
Gedoonlinenews@gmail.com

Badhan oo Laga Furay Markaz Diinta Islaamka lagu Barto Daawo Sawirada

$
0
0

Markaz Sunnah, waa xarun aad u wayn oo dhismaheedu ka socdo, magaalada Badhan, Xaruntan, aya waxa loogu tala galay Muslimiinta ku dhaqan magaalada Badhan, iyadoo oo leh, Masajid aad u wayn, Maktabad, (Library), Xarumo wax lagu akhristo, ama Cilmi baaris lagu samayn karo, Xarumo muxaadarooyinka iyo wacyi galinta bulshada lagu qaban karo, Goobo wax barasho. Markas ka ayaa mustaqbalka hadii Eebe idmo la sii kordhin karaa.
Magalada Badhan oo ah magalooyinka ugu waa wayn gobolka Sanaag, ee Soomaaliya, ayaa aad u kortay sanadihii danbe, iyada oo xaruntii Jamacada Maakhir na la bilaabay, Sidaas ayaa keentay, in laga furo goobo badan oo waxbarasho , oo kaabayeeye, dhismaha iyo horumarka dad waynaha ku dhaqan magalada Badhan. Sidoo kale dadka Badhan ku dhaqan ayaa aad usoo dhowaynaya Markas kan cusub.
Markas  kan oo hada dhow dhow dhamaystirkiisu ayaa waxaa maal geliyey, Maxamed Ahmed Yusuf,( Maxamed Xawar), waxaana dhistay shirkada Hawar Heights uu masuul ka yahay  Adam Ahmed Yusuf,(Adam Xawar).


Shirkada Hawar Heights  oo  shirkad dhismo, ayaa ka fulisay, dhismayaal badan oo casri magaalada Badhan, dhismayashaan oo isku jirta guryo, masaajido, iyo Skuulo iwm.
Isha Warka GalGalanews.com








Alshabaab oo ka warbixisay weerarkii Geriley

$
0
0

Xarakada Alshabaab ayaa ka hadashay weerar habeennimadii Arbacada loogu geystay saldhig ay booliska Kenya ku leeyihiin deeggaanka Geriley ee ka tirsan degmada Wajeer.
War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska warfaafinta ee Alshabaab ayaa lagu sheegay in weerarka uu jawaab u ahaa duulaanka ay ciidamada Kenya kusoo qaadeen gobolada ay Alshabaab ka taliso.
“Cutub ka tirsan ciidamada gaarka u tababaran ee Mujaahidiinta ayaa si lama filaan ah u weerarray saldhig ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deeggaanka Geriley ee degmada Wajeer abbaara 7:15 fiidmo ee ay Khamiistu soo galaysay.”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.
Alshabaab ayaa intaas ku dartay in 7 ka mid ah askartii iyo shaqaalihii saldhiga joogay la dilay halka kuwo kalana noolal lagu soo qafaashay.
Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in saldhiga la weerarray isla markaana 7 ruux lagu dilay, waxaana taliyaha booliska gobolka Waqooyi Bari Kenya James ole Seriani uu sheegay inay ku raad joogaan kuwa falka geystay.
“Ciidanka dhulka oo ay caawinayaan diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa baadi goob ugu jira dadka la afduubtay,”ayuu yiri Seriani.

Ragg lala xiriirinaayo al shabaab oo manta la hor keenay maxkamad ku taala mombasa,

$
0
0

Maxkamad ku taala magaala  xeebeeda Mombasa ee xarunta gobalka coast-iga   ayaa bilawday dhageysiga dacwad loo haysto 4 ruux oo mid ka mid ah uu u dhashay wadanka Ingiriiska kuwaasoo loo haysto inay xiriir la leeyihiin Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka dagaalanta
Afhayeenka ciidamada Kenya Eric Kiraithe ayaa u sheegay warbaahinta  dalkan kenya in 4 taan ruux ee dacwadoodu socoto oo midkood uu Ingiriis yahay lagu qabtay gudaha wadankaasi iyagoo farsamaynaya waxyaabaha qarxa oo ay uu sheegay inay doonayeen inay halaagaan dadka Kenyan ah
Ninka u dhashay wadanka Ingiriiska oo lagu magacaabo Jermaine Grant 29, sano jirna ah ayaa si gaar ah waxay maxkamadu ku eedeysay inuu xiriir la lahaa Xarakadda Al-Shabab oo gudaha Soomaaliya kula dagaalanta ciidamada dawlada somalia, kuwa AMISOM iyo kuwa Kenya
Afhayeenka booliska Kenya waxaa uu xusay in Jermaine Grant oo ka yimid xaafad ku taala bariga London ee xarunta wadanka Ingiriiska ayaa waxa la  xiray bishii hore xilla la sheegay inuu gacanta kula jiray farsamaynta waxyaabaha qarxa
Dacwad oogayaasha maxkamada magaala xeebeeda Mombasa ee xarunta gobalka coast-iga ayaa ku eedeeyay afartaan ruux inay dooonayeen inay dhibaateeyaan rayid badan oo Kenyan ah
Dawlada kenya ayaa horey waxay u sheegtay inay hayso tiro badan oo dad ah kuwaasoo qaarkood ay ka soojeedaan wadamada Yurub laguna eedeeyay inay Shabaabka xiriir  la leeyihiin
Xafiiska Allsomali24.com
Ahmed Issack Abdi ( Laqaaye)
Mombasa-Kenya
 

Ciyaar Xiiso Badan oo ka Dhacday Garoowe (Sawirro)

$
0
0

Ciyaar aad u xiisa badan ayaa Kooxaha Kubada Cagta Horseed iyo Comsed ku dhex martay Garoonka kubada cagta miro awaare ee Magaalada Garowe.
Ciyaartan oo ahayd mid saaxiibtinimo ayaa dhex martay Naadiyada COMSED iyo HORSEED oo ah Kooxo ka dhisan Gobollada Nugaal iyo Mudug, waxayna ahad mid kor loogu qaadayo Isdhexgalka dhalinyarada iyo xiriirka Kooxaha  kubada Cagta ee Gobollada.

Ciyaartan oo ahayd mid aad u xiisa badan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xubno farabadan oo ka tirsan labada Golle ee Dawlada Puntland oo uu horkacayay Wasiirka dhalinyarada, Ciyaaraha, Shaqada iyo shaqaalaha ee Puntland C/wali xirsi indha-guran, Saraakiil ka socotay UN-ka iyo Gudoomiye ku xigeenka Olympikada Soomaaliya Duraan Faarax.
Labada Kooxood ayaa intii ay Ciyaartoodu socotay waxay soo bandhigeen Ciyaar wanaag aad loogu bogay, waxayna Koox walba muujisay dardar ka duwan mida Kooxda kale oo ay ku soo jiidanaysay Indha Daawadayaasha Faraha badan ee Ciyaarta goobjooga ka ahaa.

Ciyaartan oo marti loogu ahaa Kooxda Horseed oo ah Koox ka dhisan Caasimada Puntland ee Garowe ayaa kaambiyadii hore waxaa 1 gool ku horumaray Kooxda Horseed inkastoo isla daqiiqadihiiba ay Kooxda Comsed gool qurux badan oo ay ku bareejaysay la gaartay Shabaqa Kooxda Horseed.
Qaybtii labaad ee Ciyaarta ayaa labada Kooxood waxay isugu soo laabteen 1-1, waxayna koox walba ku deg degaysay sidii ay shabaqa Kooxda kale gool ugu hubsan lahayd.
Inkastoo labada kooxoodba ay dadaal badan Muujiyeen hadan 90-kii daqiiqo ee Ciyaartu waxay ku dhamaadeen 1-1 waxayna ugu dambayntii Kooxda Horseed Riigoore 4-3 ah kaga badisay Kooxda COMSED, sidaas Naadiga Horseed uu Koobka Ciyaartan ku qaaday.

Wasiirka dhalinyarada, Ciyaaraha, Shaqada iyo shaqaalaha ee Puntland C/wali xirsi indha-guran ayaa si farxad leh Kooxda Horseed u gudoonsiiyay Koobkii wasiirka ayaa ku bararujiyaay in aay siwadan nadiayasha ciyaaraha Sidoo kale Wasiirka Dhalinyarada, Ciyaaraha, Shaqada iyo shaqaalaha ee Puntland C/wali xirsi indha-guran ayaa bilad sharaf gudoonsiiyay macalinka Naadiga kubada cagta ee comsed Ilyaas Cabdi Nuur.
Duraan Faarax Gudoomiye ku xigeenka Olympikada Soomaaliya oo isna Munaasabadan ka hadlay ayaa dhiirigaliyay Ciyaaraah ay wada yeelanayaan nadiyasha Ka dhisan Gobolada puntland wuxu shegay in aay tahay sports is dhaxgal wanagsan wuxuuna aad u amaanay Ciyaar wanaaga labada Kooxood ay soo bandhigeen, inkastoo uu aad uu amaanay Goolkii bareejada ee Kooxda Comsed ay ku hubsatay shabaqa Kooxda Horseed oo ahaa Goolashay laga dhaliyo yurub

Maahan Markii ugu horaysay oo Ciyaaro Saaxiibtino ay dhex maraan Kooxaha Kubada Cagta ee COMSED iyo HORSEED, waxayse horay ugu wada ciyaareen Garoonka Kubada Cagta Gaalkacyo ee Cawaale Studium islamarkaana Ciyaartaasi ay ku dhamaatay 1-0 oo ay guushu ku raacday Kooxda COMSED Martigalisay Ciyaartaasi.
DIYAARIYE JAAMAC CALI
Waxaa Raxanreeb Akhbaartaan iyo Sawiradaba Soo Gaarsiiyey
Cabdiqani khaliif
Cabdiqani0903@gmail.com

Dallada Badbaado Oo Gaalkacyo Ku Qabtay Tababar Ku Saabsan Wacyigelinta Khatarta Cudurka HIV/AIDS (Sawiro)

$
0
0

Gaalkacyo (RBC):- Dallada Badbaado ayaa maanta tababar ku saabsan wacyigelinta khatarta cudurka HIV/AIDS waxay u qabatay dadweyne laga soo dhex xulay qeybaha bulshada ee magaalada Gaalkacyo.
Tababarka ayaa si rasmi ah maanta uga furmay hoolka shirarka ee hotelka Seylaan ee magaalada Gaalkacyo, waxaana tababarka ay soo agaasintay Dallada Badbaado ka soo qeybgalay mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Mudug, Maamulka Degmada Gaalkacyo, Mas’uuliyiin ka socotay Dallada Badbaado iyo Hay’adda PAC iyo Dadweyne lagu casuumay kulanka.
Wakiilka Hay'adda PAC Cabdiqaadir Maxamuud Cabdi
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) ayaa kulanka furay wuxuuna u mahad celiyay Dallada Badbaado ee barnaamijkan soo agaasintay iyo hay’adaha tababarkan gacanta ka siiyay, wuxuuna Gudoomiyuhu si weyn uga sheekeeyay khatarta uu leeyahay cudurka dilaaga ah ee AIDS-ka, isagoo dadweynaha ku boggaadiyay inay ka qeyb qaataan ololaha lagula dagaalamayo cudurkaasi.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yusuf
Gudoomiye xigeenka Dallada Badbaado Johoro Muuse Cilmi ayaa ka warbixisay tababarkan, waxayna sheegtay in tababarka uu yahay mid bulshada looga wacyigelinayo khatarta uu leeyahay cudurka HIV/AIDS iyo sida bulshadu uga gaashaaman karto, waxayna sheegtay in tababarkani uu yahay taageero ka timid Ururka IGAD Regional Aids Partnership Programme (IRAPP) iyadoo Dallada Badbaado ay fulinayso tababarkani.

Marwo Johoro waxay ka soo qeybgalayaasha uga sheekeysay saameynta cudurkani uu ku yeesho bulsho kasta oo aan ka feejignaan, waxayna ka soo qeybgalayaasha ku boggaadisay in ay ka qeyb qaataan wacyi gelinta bulshada loo sameynayo ee looga wacyigelinayo khatarta cudurkani uu leeyahay, iyadoo kasoo qeybgalayaashana ka codsatay in ay bulshada inteeda kale uga sii faa’ideeyaan waxyaabaha ay ka fahmaan tababarka.

Wakiilka Hay’adda PAC ee Gobolka Mudug C/qaadir Maxamuud Cabdi ayaa wuxuu ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka hadashay tababarka wuxuuna si faah faahsan uga warbixiyay khatarta cudurka HIV/AIDS iyo kaalinta Hay’adda PAC ay ka qaadato in shacabka laga wacyi geliyo khatarta cudurkaasi dilaaga ah, isagoona mahad celin ujeediyay Dallada Badbaado iyo Ururada gacanta ku siiyay tababarka qabashadiisa, wuxuuna faa’ido ku sheegay wacyigelinta joogtada ah ee loo sameynayo bulshada taasi oo hoos u ridaysa khatarta cudurkaasi iyo in uu bulshada ku faafo.
Johoro Muuse Cilmi
Tababarka ayaa socon doona sida uu qorshuhu yahay laba maalmood, waxaana lagu qaadan doonaa labadaasi maalmood duruus ku aadan khatarta cudurka dilaaga ah ee AIDS-ka, waxaana ka soo qeybgalayaashu yeelan doonaan labadaasi maalmood doodo iyo fikir isweydaarsi ku saabsan cudurkaasi, waxaana xusid mudan in tababarka ay ka qeyb qaadanayaan dad la nool cudurka HIV/AIDS.

Madaxweyne Caalin oo digniin u direy dowladda KMG iyo madaxweyne Sh.shariif ( Shir-jaraaid)

$
0
0

Galkacyo-hobyonet) Madaxweynaha dowladd goboleedka Galmudug State Maxamed Axmed Caalin ayaa digniin kulul u direy Madaxweyne Sheekh Shariif Sh.axmed iyo Dowladda KMG isagoo ku eedeeyey inay wadaan kala goo gooynta shacabka iyo deegaanada Galmudug State.
Madaxweyne Caalin oo caawa shir-jaraaid ku qabtey hoygiisa Galkacyo ayaa waxaa uu sheegey ineey ka war heleen in maanta shaqsiyaad iyo xildhibaano ay xafiiska Madaxweynaha u tageen arimo ku aadan kala qoqobka iyo kala dhantaalida shacabka Galmudug iyo deegaanada deriska la ah, sida uu yiri.
“Waanu la soconaa dhaqdhaqaaqa lagu doonayo in arimaha gudaha ee Galmudug lagu carqaladeeyo taaasina waxaa taageeraya dowladda KMG iyo Sheekh Shariif” ayuu yiri Caalin.
Madaxweye Caalin ayaa sheegey in dowladda Sheekh shariif uu kala dhexeeyey xiriir aad u wanaagsan sidaasi darteed waxaa muhiim ah inay faraha kala baxaan arimaha Mudug iyo Galguduud ayuu sii raciyey.
Waa markii ugu horeysey oo madaxweyne Maxamed axmed Caalin uu qabto shir looga hadlaayo eedeyn dowladda KMG madaxeeda ugu sareeya loo jeedinaayo iyadoo xiriirka Dowladda Dhexe iyo Galmudug uu ahaa mid wanaagsan mudooyinkii ugu danbeeyey.
 
www.hobyonet.com
 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live