Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

AMISOM oo ku hanjabtay inay weerar ku tahay Degmada Afgooye

$
0
0

Taliye ku xigeenka ciidamada midawga Africa ka socda ee AMISOM Audace Nduwumunsi ayaa sheegay in ciidamadooda ay dhawaan bilaabi doonaan hawl gal ka dhan ah Xarakadda Al-Shabab kaasi oo uu sheegay inuu  wajahan yahay dhanka degmada Afgooye.
Audace Nduwumunsi oo la hadlayay wakaaladda wararka AFP ayaa sheegay inay wadaan qorshayaal dagaal oo ka dhan ah xarumaha ay Al-Shabab ku leeyihiin duleedada magaalada Muqdisho gaar ahaan illaa iyo degmada Afgooye oo uu sheegay inuu dhawaan bilaaban doono hawlgal dagaalyahanada Shabab looga saarayo degmada Afgooye sida uu hadalka u yiri.
Sarkaalkaan ka tirsan ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga ayaa sidoo kale sheegay inay diyaariyeen qorshihii ay uga hawl gali lahaayeen meelo kabaxsan magaaladda Muqdisho oo uu tilmaamay inay gacanta dawlada ku jirto.
“Hawlgal aanu Shabaab uga saaranayno degmada Afgooye ayaa xilli dhaw bilaaban doona waxaana isku dayaynaa inaanu ka fogaano qasaaro soo gaaradadka shacabka ah” ayuu yiri Audace Nduwumunsi oo ah taliye ku xigeenka ciidamada AMISOM waxaana uu intaa ku daray inay u sii gudbi doonaan magaalooyin kale oo ay ku jirto magaalo xeebeedka Kismayo eexarunta gobolka Jubbadda hoose.
Sidoo kale sarkaalkaan waxaa uu hadalkiisa ku sheegay in wadamada Uganda iyo  Burundi ay Soomaaliya usoo dirayaan ciidamo kale oo dheeraad ah oo uu xusay ionay ku xoojinayaan ciidamada hadda hawl galada ka wada gudaha Soomaaliya.   
Xarakadda Al-Shabab ayaa dhawaan la bahawday urur weynaha Al-Qacida waxaana ay si wada jir ah ugu hanjabeen inay ladagaalami doonaan ciidamada AMISOM iyo kuwa kale ee ka socda wadamada Kenya iyo Ethiopia oo Soomaaliya ku sugan.


DKMG oo Dalbatay in Cunaqabateyta Hubka laga Qaado

$
0
0

DKMG ayaa dalbatay in cunaqabteynta hubka laga qaado si ay isaga difaacdo kooxda al-Shabaab oo haatan la midowda ururka Al-Qaacida.

Dowladda KMG ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in midowga al-Shabaab iyo AlQaacida uu kor u qaadayo amni darrada Soomaaliya, bariga Afrika iyo caalamka, sidoo kalena ay Soomaaliya halis u tahay inay noqoto saldhig Alqaacida ay ku yeelato bariga Afrika.

Dowladdu waxay sheegtay inaysan sahashaneyn khatarta ka imanaysa midowga labadan urur, isla markaana ay ciidamadeeda iyo dadweynaha galinayso heeggankii ugu sareeyey si ay uga hortagaan khatar laga yaabo inay ku timaado amniga Soomaaliya iyo bariga Afrirka

Dowladdu waxay codsatay in la qaado cunaqabteynta hubka ee saaran si ay dalka u difaacdo una dhameystirto guullaha ay gaadheen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Shabaab Oo Dadka Ku Qasbay Ka Qeeybgalka Dibadbax Ay Ku Taageerayeen Al Qaacidda

$
0
0

Malleeshiyada kooxda argagixisada ah ee Alshabab ayaa maanta gebi ahaanba is hortaagay goobihii waxbarashada iyo ganacsiga ee ku yaalla deegannada fara ku tiriska ah oo ay ku suganyihiin,  iyagoo dadka ku qasbay in ay ka qeybqaataan dibadbaxyo lagu tageerayo falalka gummaadka ah oo ay Alqaacidda ka waddo Somalia.
Aroornimadii hore ee saaka ayaa malleeshiyaadka Shabaab waxa ay billaabeen in ay dadka ku qasbeen in ay ka qeybgalaan dibad bax ka dhacayay deegaanka Carbiska kaas oo ay sheegeen in lagu taageerayo Al qaacidda.
Malleeshiyaadka ayaa sidoo kale qafaalay ardaydii u kalaheysay goobaha waxbarashada waxeyna ka uruuriyeen buugaagtoodii oo ay dhigeen saldhig ay malleeshiyaadkaasi ku leeyihiin Ceelasha biyaha kadibna waxa ay ardaydii u kaxayeen Cearbiska oo ay ku diyaarinayeen dibadbax lagu taageerayay ururka argagixisada ah ee Alqaacidda.
Sidoo kale Malleeshiyaadku waxa ay ganacsatada deegaannadaasi ku amreen in ay xiraan goobahooda ganacsiga kana soo qeybgalaan dibadbaxaasi qasabka ah, dadka saaran gaadiidka BL ka ah ayeey si qasab ah ugala degayeen gaadiidka, iyagoon u kala sooceynin qof yar iyo qof weyn haween iyo rag.
Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in malleeshiyaad ka tirsanaa shabaab ay hubkii iyo gaadiidkoodii ay dhinac ula baxeen iyagoo ka soo horjeeda taageerada  loo muujinayo ururka Alqaacidda kuwaas oo aan laakiin ku dhaqaaqi Karin wax ficil ah.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sidoo kale muujinaya in Axmed Godane uu xilkii ka qaaday horjoogihii u qaabilsanaa Maaliyadda, kadibna uu u magacaabay nin la sheegay in uu ka yimid dalka Ingiriiska kaas oo aaminsan mabda’a argagixisada ah ee Alqaacidda.
Dibadbaxan sida qasabka ah dadka loogu qafaalayo ayaa imaanaya xilli malleeshiyaadka shabaab ay si rasmi ah ugu dhawaaqeen in ay la Midoobeen ururka argagixida ugu weyn ee Alqaaciddo.
Haddii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                            +442035190460
USA & CANADA                         +17124327760
 
 
 
 

Wasiirka Arimaha Dibada Ugandha oo booqasho ku yimid Muqdisho(Sawiro)

$
0
0

Muqdisho(Pi) Wafti uu hor kacayo Wasiirka Arimaha divada Ugandha ayaa maanta booqasho ku yimid Muqdisho, waftiga ayaa ka kooban Wasiirka Arimaha Dibadda Uganda Oriemo Okello, Taliyaha ciidamada Ugada Gen. Katumba Wamala, Taliyihii hore ee ciidamada Amisom Nathen Maguusha iyo koox xildhibaano Ugaandhays ah.
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Xuseen Carab Ciise ayaa waftiga kusoo dhaweeyey Gagida diyaaradaha Aaden Cade International Airport ee Magaalada Muqdisho, waxaana ka dib loosoo galbiyey Villa Somalia, halkaasoo ay kula kulmeen Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sh. Axmed iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.
Kulankii Villa Somaliya ka dib waxay Madaxda Soomaaliya shegeen in kulanku ku saabsanaa xiriirka Somaliya iyo Ugandha. Sawirada hoos ka daaw



































Wasiirka abniga Puntland “Waxaan gacanta ku dhignay saraakiil al-shabaab ah”

$
0
0

Garowe(Pi) Wasiirka Abniga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa sheegey in Ciidamada amaanka Puntland ay weerareen goob ay ku shirayeen Saraakiil al-shabaab ah oo dhinaca Miinada u qaabilsan kooxda uu hogaansho Wadaadka  Maxamed Siciid (Atam).
Saraakiisha la qabtay waxaa ku jira Atam walaalkiis oo lagu magacaabo Axmed-khayr Siciid Maxamed, Wasiirku wuxuu sheegey in ninkaan la qabtay uu sheegtay inuu kooxda buuraha ku jira u qaabilsanaa ama masuul uga ahaa dhinaca Miino dhiga.
Wasiirku wuxuu kaloo sheegey in maxkamad dhakhso loosoo taagay Axmed kheyr, iyadoo lagu eedeynayo Argagixisnimo iyo dilal qorshaysan oo miinooyin loogu dhigay Ciidanka Amaanka Puntland.
Puntlandi.com
Garowe

Soomaalida Holland oo kaalinta koowaad ka gashay dadka ugu liida xagga waxbarashada iyo horumar la’aanta

$
0
0

Shir ay isugu yimaadeen Soomaalida degan wadanka Nederland oo looga hadlayay warbixin sanadeed ay soo saartay dowladda kana hadleysay horumarka iyo dib u dhaca dhinaca nolosha ee ay wadanka ka sameeyeen dadka qaxootiga ah ee u dhashay dalalka Ciraaq, Iiraan, Afghanistaan & Soomaaliya ayaa ka dhacay magaalada Amsterdam.
Shirkani oo ay kasoo qeybgaleen ururada Soomaalida ee ka dhisan Holland, waxaana soo qaban qaabiyay ururka SARAPO ee uu Guddoomiyaha ka yahay Maxamed Xasan Idiris.warbixintan ay soo saartay Dowladda Nederland ayaa lagu sheegay in Soomaalidu ay tahay ummadda ugu liidata ee dhinacyadda waxbarashadda, shaqadda iyo isdhexgalka bulshadda, iyadoo si weyn ay ugu hadleysay dhinaca waxbarashada caruurta Soomaalida oo ay ku tilmaameen in 5% caruurta Soomaalida ee wax ka barta Dugsiyada Hoose iyo Dhexe ay u gudbaan Dugsiyada sare, halka 95% ay ka haraan waxbarashada.

Mahad Xaaji Siciid oo ka socday dallada FSAN oo ay ku mideysan yihiin in ka badan 50 Urur ayaa warbixin sanadeedkan dadkii kasoo qeybgalay u sharxay isagoo ku dheeraaday sababta ay ku timid, wuxuuna xusay in ay ugu wacan tahay Soomaalida oo noqday kuwo ku koobnaada lacagta Ceyrta ah ee ay bixiso Dowladda, halka dhinaca waxbarasho la’aanta uu ku eedeeyay waalidiinta Soomaaliyeed isku xernaan la’aanta iyo ka warqab la’aanta caruurtooda.

Cali Waare oo ka mid ah ururka SOMVOA ayaa sheegay in Soomaalida ay tahay ummad u nugul in wax kasta laga sheego, lana filan karo warbixintaas mid ka daran in laga soo qoro, wuxuuna sabab uga dhigay kala daadsanaanta Soomaalida dhexdeeda, isaga oo Soomaalida ugu baaqay in kala fikir duwanaanta meel la iska dhigo una midoobaan danaha caamka ah ee wada saameynaya.
Guddoomiyaha ururka SARAPO Max’ed Xassan Idiris oo kulankan soo qaban qaabiyay ayaa sheegay in arintani ay tahay mid raad madow ku reebeyso dhamaan dadka Soomaaliyeed, isagoo ka codsaday dhamaan ururada Soomaalida ee ka dhisan Nederland in ay u istaagaan sidii loo baraarujin lahaa Soomaalida.

Warbixin sanadeedkan ka hadleyso horumarka iyo dib u dhaca dadka qaxootiga ah ee ku nool Holland ayaa lagu sheegay in Soomaalida ay yihiin dad dhexdooda degdeg isula qabsada, si adagna u haysta dhaqanka iyo diinta ay aaminsan yihiin oo ay masaajidada tagaan, ayna tukadaan 5-ta waqti ee salaada, waxayna taasi tahay tillaabo (positive) ah halka isdhexgalka bulshada kale iyo horumarka dhinaca wax qabsiga ay kaalinta hoose kaga jiraan qiimeyntan.

Ugu danbeyntii dadkii kasoo qeybgalay kulankan ayaa waxay isku raaceen in hadii la isku tuubnaado lana ilaaliyo sumcada iyo sharafta sawirka xun ee la inaga heysto in uu noqon doono mid wanaagsan.
Dadka Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Holland iyo guud ahaan Yurub intooda badan waxaa lagu tiriyaa kuwo aan dhinaca horumarka ku wanaagsaneyn waxayna ku nool yihiin lacagta Ceyrta ah.
Wadanka Holland waxaa jiro ururo Soomaaliyeed oo kor u dhaafaya 50, kuwaasi oo bulshada ay madalaan dhexgelin, howlihii ay ku magacawnaayeena aysan qaban, iyadoo waxqabadkoodu uu noqday shirir iyo kulamo ay ka qeybgalaan, mana jirto hey’ad Soomaaliyeed oo maanta dadka Soomaalida Holland degan wax u qabatay hadey ahaan laheyd dhinac walbo. Ali Muhiaddin AliUthrecht, Nederland.

Xubin ka tirsaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Sheegey in Muddo 24 Saac Gudahooda ay kaga jawaabi doonaan Dil Cidamada Amisom u Geysteen nin Madax looga jirey

$
0
0

Xildhibaan Xasan Isaaq Gees Cadde oo ka mid ah Xildhibaanada Barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la hadlay qaar ka mid ah war baahinta ayaa si caro leh uga jawaabay Dil Gaadiidka Ciidamada AMISOM ay Shalay ugu Gayteen Km 4 Wiil Dhallinyara ah oo la sheegey in madax looga jiray.Dilkan wiilka Dhallinyarada ah ayaa yimid ka gadaal markii Kolanya gaadiidka Ciidamada AMISOM ah oo Galbinayay Madaxweyne Shariif oo xiligaa ku sii jeeday Degmada Wadajir ay halkaa ku jiireen wiilkaasi.
Falka shacabkii halkaa ka dhawaa ee arkayay markuu shilku dhacayay ay sida aadka ah uga xumaadeen ayaa ahaa in Gaadiidkaasi aanu marnaba hakin Socodkiisa isla markaana Meydka wiilka dhalinyarada ah uu muddo halkaa yiilay. Xildhibaanka ayaa sheegey in arrintaasi ay kala hadleen Taliska AMISOM welina aysan ka helin wax jawaab ah oo ay ku qancaan sidaa darteedna 24ka saac ee soo socda ay arrintaa meel saari doonaan.
Xildhibaan Gees Cadde ayaa qiray in shakhsiga ay gaadiidkaasi jiireen inuu ahaa shakhsi madaxa looga jiro isla markaana gaadiidkii jiiray ay halkiisii uga tagee iyagoo aan dib u soo eegin falka ay sameyeen. Xildhibaanka ayaa dhinaca kale ka hadlay shirka la sheegey inuu ka dhacay Magaalada London ee Carriga Ingiriiska isagoona sheegey in shirkaasi haba yaraatee aanay waxba ka soo baxayn.
Xildhibaan Xasan Isaaq ayaa ku baaqay in shirkaasi ajandhayaashiisa iyo cidda u matalaysa Soomaaliya in loo baahan yahay in marka hore la soo marsiiyo Baarlamanka si uu u ansixiyo haddiise taa ay dhici weeydo wuxuu ku nuux nuuxsaday in shirkaasi natiijada ka soo baxda aanay noqon doonin mid Soomaaliya ka shaqaysa.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Dhageyso Warka Duhurnimo


Madaxweynaha DFKMG Shariif oo Sheegay in uu soo Xirmey Al-Baabkii Wada hadal lala galo Xarakada Alshabaab ka dib markii ay ku Biireen Al-Qaacida

$
0
0

Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo dawaan la hadlayay Boqolaal Dad ah oo isugu soo baxay Degmada Wadajir kulan loogu magac daray is dhax galka Bulshada ayaa khudbad uu halkaa ka jeediyay maalinimadii shalay ku sheegey in Xukuumaddiisu ay ka guulaysatay dagaalkii ay kula jirtay Xarakada Shabaab.
Madaxweynaha oo khudbaddiisu dhinacyo badan taabanaysey ayaa ugu horeynba sheegey in muddo dheer dagaal ay kula jireen Xarakada Shabaab isla markaana ay ku guuleysteen in ay ka xoreeyaan goobo fara badan oo ay xarakadaasi hore uga arrimin jirtay.Shariif Shiikh Axmed ayaa sheegey in Dagaalka Al qaacidda gacantii ay uga baahnaayeen Beesha caalamka in aysan ka wada helin isagoona Tusaale u soo qaatay Dalka Afgaanistaan iyo Dawladaha kula galay Al Qaacidda.Madaxweynaha ayaa sheegey in uu dhamaaday Rajadii laga qabay wada hadal Nabadeed oo Xarakada Shabaab lala furo maadaama ayuu yiri Shabaab halkii dawladda Soomaaliyeed ay kaga soo biiri lahaayeen ay ku Biireen Ururka Al Qaacidda
Madaxweyne Shariif ayaa hoosta ka xarriiqay in ay laalantay Rajadii wada hadal ee laga sugayay Dhalinyarada Shabaab isagoona intaa raaciyay in wixii maalintaas ka dambeeya inuusan jiri karin wax wada hadal ah oo ay la yeelanayaan Xarakada Shabaab.Shiikh Shariif ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay xagsadaan gacmahana ku qabsadaan Dawladnimada maanta gacanta ugu jirta oo uu sheegey in ay tahay Fursad la soo deristay Umadda Soomaaliyeed isagoona ku Goodiyay in ayan marnaba aqbali doonin in Soomaaliya mar kale Gumaysi la galiyo.
Dhinaca kale Mar uu ka hadlayay Guddoomiyaha Maamulka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan dhinaca nabadda iyo dib u heshiisiinta Soomaalida ayuu xarakada Shabaab oo Dagaal uu kala dhaxeeyo Ciidamada dawladda iyo kuwa amisom ugu yeeray in ay ku soo biiraan dawladda isagoona sheegey in dhallinyarada la marin habaabiyay in xukuumaddu diyaar ula tahay sidi ay u dhisi lahayd mustaqbalkooda
Guddoomiyaha Gobolka banaadir ayaa xarakada Shabaab u sheegey in dagaal ay sii wadaan ayan wax horumar ah ku gaari doonin isla markaana Dagaal inuu wiil ku dhinto mooyee uusan wiil ku dhalan isagoo mar kalena ku celiyay in Xukuumaddi Cafis u fidisey Ragga ka tirsan Shabaabka lana soo dhaweynayo haddii ay ku soo biiraan Dawladda ku Meel Gaarka Soomaaliya.
Ku biiritaanka Xarakadda Alshabaab ee Al Qaacida waxaa welwel weyn ka Muujiyey Dowladda Mareykanka iyadoo sheegety in ku biiritaankaas ay halis ku tahay Dowladaha Deriska la ah Soomaaliya iyo weliba Ciidamada Amisom ee ku sugan Soomaaliya sidoo kale Dowladda Mareykanka waxay sheegtay in ku biritaankaas ay Batilmaameed u noqon karto Danaha Mareykanka uu ku leeyahay Caalamka.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Madaxweyne Shariif oo magacaabay Maareeyaha Guud ee Golaha Murtida, madadaalada iyo farshaxanka

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliyed Shariif Sheekh Axmed ayaa u magacaabay Maareeyaha guud Golaha murtida, madadaalada iyo Farshaxanka Abwaan Cabdi Yuusuf Xasan (Cabdi Dhuux), iyadoo ay tahay markii u horeysay 20-sano kadib oo Maareeye loo magacaabo Golihii Murtida iyo madadaalada.
Digreeto ka soo baxday Madaxweynaha oo ku taariikheysneyd 12–2-2012 oo ku beegneyd maalinimadii shalay ayaa lagu magacaabay Abwaan Cabdi Dhuux oo ka mid ah abwaaniinta fara ku tiriska ee sida wadaniyada iyo dhabar adeega ku jirtay ku sugnaa dalka mudadii labaatankii sano ee bur burka aheyd.
Nuqul ka mid ah Digreetada oo na soo gaartay ayaa u qorneyd sidan: -Markuu arkay: Qodobka 39aad, Farqada 1aad “c”, Qodobka 44aad Farqada 1aad Xarafka “e” Axdkiga KMG ah.
Markuu la tashaday: Xirfadleyda aqoonta u leh dib u nooleynta wakaaladii murtida, madaalada iyo farshaxanka
Markuu arkay: In loo baahan yahay in dib loo soo nooleeyo Golaha Murtida, madaalada iyo farshaxanka si loo hormariyo loona kobciyo dhaqanka Umada Soomaaliyed, si loogu wacyi geliyo Nabada iyo xasiloonida baahida loo qabo
Markuu tixgeliyay: Sida loogu baahan yahay in la helo Hay’ad isku xirto shacabka iyo Dowladda.Wuxuu soo saaray xeerkan soo socda:-Qodobka 1aad
Waxaa laga maarmaan noqotay in wakaaladda Murtida, madadaalada iyo farshaxanka loo magacaabo cidii hogaamin laheyn, si dib loogu soo nooleeyo Hay’adihii udub dhexaadka u ahaa qaranimada Soomaaliyed.
Digreetada oo uu Madaxweynaha ku saxiixnaa ayaa lagu xusay in fadhiga Maareeyaha noqonayo Magaalada Muqdisho, iyadoo tani astaan u tahay, bilowda dib u soo nooleynta Fankii Soomaaliyed.
Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf ayaa waxaa uu ka mid yahay Abwaanada caanka ah, iyadoo lagu xusuusto, sidii uu isku xire uga ahaa Fanaaniintii ku kala irdhoobay dagaaladii sokeeye kadib, isla markaana ahaa shaqsiga keliya ee ka warqabay fanaaniinta ku sugnaa gudaha dalka, ee saameeynta ku yeeshay Colaadaha dalka ragaadiyay 20-ka sano.
Golihii Murtida iyo madaalada National Theatre oo dib loo furay 21-kii October ee sanadkii hore ayaa lagu wadaa in dhowaan dib u dayactir lagu sameeyo, si ay uga qeyb qaadato dib u soo nooleynta fankii Soomaaliyed iyo dhaqanka uu lahaa, kaasoo bur bur ku yimid 20-kii sano.
Sidoo kale xilka Farshaxanka oo udub dhexaad u ahaa fanka ayaa waxay noqoneysaa markii u horeysay ee Dowladda magacawday xilkaas, si ay ahmiyad u siiso farshaxaniistayaasha Soomaaliyed, si ay fursad ugu helaan in farshaxankooda ka turjumaya Nabada u soo bandhigaan.
Hey’adda CRD ayaa dhowaan Muqdisho ugu qabatay kulan wada tashi ah in ka badan 100-fanaaniin oo ka socday Hobolada kala duwan ee ka jira dalka, si ay dood uga yeeshaan sida ugu haboon ee dib loogu soo nooleyn karo fanka Soomaaliyed, loona kobcin karo, maadaama dhibaatooyinka dalka ka jiray qeyb ka ahaa bur burkii ku yimid Fanka iyo fanaanka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la kulmay Isku duwaha deeqaha Bani’aadanimo Qaramada Midoobey

$
0
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/samad Macalin Maxamuud ayaa maanta kula kulmay Magaalada Muqdisho Isku duwaha kaalmaha aadanimo ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Mark Bowdon oo booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.
Kulankan oo ahaa mid looga hadlayay xaalada bani’aadanimo iyo sidii dib u dejin loogu sameyn lahaa dadka barakacayaasha, iyo sidii deegaanadooda loogu celin lahaa.

Mark Bowdon oo kulanka kadib saxaafada la hadlay ayaa sheegay in dhowaan ay dib u dejin u sameyn doonaan qoysaska barakacayaasha, ee dhowaan laga saaray dhismayaasha dowladda.
Waxaa uu sheegay in ilaa 200-kun barakacayaal ah oo ka kala yimid Gobolada Bay, Bakool, Shabellaha Hoose iyo Jubooyinka ay u sameyn doonaan gar gaar ay gaarsiiyaan iyo dib u dejin, isagoo cadeeyay inay ka howl geli doonaan deegaanada laga saaro Shabaab.
Hey’adaha Qaramada Midoobey ayaa waxay si rasmi ugu soo guureen Magaalada Muqdisho, inkastoo deegaanada ay ka taliyaan Al-Shabaab horay looga mamnuucay


 
 

EU ready to fund Kenya war effort if it joins Amisom

$
0
0

EU (RBC) This even as the EU’s new Special Envoy for the Horn of Africa, Mr Alexander Rondos expressed concern that the entrance of regional armies into Somalia.
This even as the EU’s new Special Envoy for the Horn of Africa, Mr Alexander Rondos expressed concern that the entrance of regional armies into Somalia pursuing separate aims could complicate getting a solution to the conflict.
“We are watching very carefully who chooses to be an obstacle to that process of stabilisation in Somalia,” said Mr Rondos.
Rondos was speaking exclusively to The Standard last week after visiting Mogadishu.He said while the EU supported participation of Kenya under Amisom, the EU was also demanding “a clarity in strategy and efficiency in delivery” of all programmes and interventions in the war-torn nation.
Currently, Amisom is dominated by Uganda and Burundian forces stationed in Mogadishu while Djibouti contributed troops last December. That was the same month Ethiopian forces entered Somalia and captured the town of Beledweyne from Al Shabaab militants.
Humanitarian aidThe Kenya Defence Forces, on the other hand, entered Southern Somalia last October and have pushed Shabaab from huge swathes of territory. However, the West is reluctant to provide humanitarian aid to the areas taken from the militants
And while Kenya also wants its forces to join Amisom — the UN-mandated peacekeeping mission —it has also sought a mandate that allows its troops to pursue Al Shabaab separately and robustly.
The EU Ambassador to Somalia, Mr Georges Marc Andre, said all military intervention in Somalia should include “an exit strategy” that involves training a future army for Somalia to replace foreign forces.
Between 2007 and this year, the EU has provided 370 million Euros (Sh40 billion) for Amisom peacekeepers and a further 500 million Euros (Sh54 billion) for development and rehabilitation.
Rondos said Somalia must move beyond the transitional phase created in 2004 when the Transitional Federal Government (TFG) was formed in Nairobi, but said the EU “will not prejudge who goes to what position” at the upcoming international conference on Somalia in London, apparently referring to the future of key TFG leaders.
The Envoy said Al Shabaab should be defeated politically or militarily as long as it refused to renounce violence and hailed the KDF and its neighbours “that have gone to sacrifice themselves in Somalia”.
He said there must be a turning point to the 20-year conflict this year, including defeating the Islamist insurgents, ending the political deadlock within the TFG and writing a new constitution that guaranteed Somalia’s political future after the expiry of President Sheikh Sharif Ahmed Sharif’s regime.
Security reasons
Rondos noted that Kenya, Ethiopia, Burundi, Djibouti and Uganda — who intervened militarily in Somalia — had legitimate security reasons for doing so.The Kenya Defence Forces, on the other hand, entered Southern Somalia last October and have pushed Shabaab from huge swathes of territory. However, the West is reluctant to provide humanitarian aid to the areas taken from the militants
And while Kenya also wants its forces to join Amisom — the UN-mandated peacekeeping mission —it has also sought a mandate that allows its troops to pursue Al Shabaab separately and robustly.
The EU Ambassador to Somalia, Mr Georges Marc Andre, said all military intervention in Somalia should include “an exit strategy” that involves training a future army for Somalia to replace foreign forces.
Between 2007 and this year, the EU has provided 370 million Euros (Sh40 billion) for Amisom peacekeepers and a further 500 million Euros (Sh54 billion) for development and rehabilitation.
Rondos said Somalia must move beyond the transitional phase created in 2004 when the Transitional Federal Government (TFG) was formed in Nairobi, but said the EU “will not prejudge who goes to what position” at the upcoming international conference on Somalia in London, apparently referring to the future of key TFG leaders.
The Envoy said Al Shabaab should be defeated politically or militarily as long as it refused to renounce violence and hailed the KDF and its neighbours “that have gone to sacrifice themselves in Somalia”.
He said there must be a turning point to the 20-year conflict this year, including defeating the Islamist insurgents, ending the political deadlock within the TFG and writing a new constitution that guaranteed Somalia’s political future after the expiry of President Sheikh Sharif Ahmed Sharif’s regime.
“If you leave something to fester, it comes to you,” he said, adding that the EU shared regional states’ desire to stabilise Somalia.
“We in the EU are bankrolling this thing and we cannot afford to see this region further destabilised,” the official said, before warning that the EU did not want to “get mixed up in mixed agendas”. By mixed agendas, the official was apparently responding to reports that Kenya, Ethiopia and other states in the region have separate reasons for deploying forces in the anarchic country.
Rondos said EU’s financial support for Amisom would be conditioned on evidence of progress in Somalia and within the TFG this year.
“The EU is a political being, not a provider of cash and we have to be accountable to the 400 million citizens (who form the EU bloc). We cannot continue to have more of the same.”
 

Wajiga labaad shirka wada tashiga oo maalinta berri ka furmaya Garowe

$
0
0

Wajiga labaad ee shirka wada tashiga ayaa maalinta berri ka furmaya magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, iyadoo ay ku qul qulayaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulada ka qeyb galaya shirka iyo diblomaasiyiin.
Xukuumada Soomaaliya ayaa shalay ku dhawaaqday in shirka wajigiisa labaad ka furmayo garowe maalinimada Arbacada, si loogu sii arinsado waxyaabihii horay loo gaaray, iyo wixii ka qabsoomay.
Qaban qaabo xoogan ayaa ka socota magaalada Garowe, kaasoo loogu jiro diyaar garowga shirkan oo natiijadiisa horay noqday mid la isku khilaafay, hase ahaatee dib markii dambe looga heshiiyay.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa shalay gaaray magaalada Garowe, isaga iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka mid ah wafuuda ka qeyb galeysa.
Sidoo kale waxaa la filayaa in maalinimada berri ay ka degaan Garowe, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, oo labo qeyb uga qeyb galeysa baarlamaanka iyo xukuumada.
Xafiiska siyaasada qaramada Midoobey oo kulankan qaban qaabadiisa wada ayaa iyana la filayaa inuu ka qeyb galo, iyadoo wakiilka qaramada midoobey Agoustine Mahiga uu tagi doono.
Afhayeenka Xukuumada Eng. C/raxmaan yariisow ayaa sheegay in kulankan looga hadli doono dhameystirka dastuurka iyo qabyo qoraalka horay loo soo bandhigay.
Shirkii hore uga dhacay Garowe bishii December ee sanadkii hore ayaa laga soo saaray qodobo badan oo ugu weynaa tirada baarlamaanka laga dhigayo iyo sida loo soo xulayo, iyadoo la isku raacay in 225-kuraas laga dhigo baarlamaanka

SOMALIA: Al Shabab vows London conference will not succeed in Somalia [Photos]

$
0
0

By; Abdalle Ahmed
Al-Shabab presents young armed child whom they said were fighters of defending Islam.
Mogadishu (RBC) Somalia’s Al Shabab group vowed that it will break down the outcome of UK’s proposed London conference on Somalia and warned any western initiative will not work in the country, Al Shabab spokesman says.
“We tell Britain not to attempt any plot against the Islam, they said they will host Somali meeting in London.  We know that they are willing to develop new colonial system for Somalia.” Sheikh Ali Mohamud Rage [Ali Dhere], the spokesman of the Islamist group addressed in a big rally supporting their newly announcement of Al-Qaeda merging which was organized by Al Shabab.
The rally was hold similarly at Elasha outskirt, just few kilometers outside of the capital where thousands of armed fighters marched.
Al Shabab spokesman vows they will break down the outcome of UK’s proposed London conference
The group presented young armed children whom they said were fighters of defending Islam.
“You know the Mujahidin recently became full member of Al-Qaeda network and we are part of Al-Qaeda in the Arabian Peninsula [AQAP]. We will work closely of our brothers.” The spokesman added.

Meanwhile similar rallies were held in Jowhar town of Middle Shabelle, 90 KM south of Mogadishu.  Sources told RBC Radio that senior Al-Qaeda members in Somalia were participating the demonstration in Jowhar.

 
 
RBC Radio

Shirka Garoowe oo beri furmanaaya iyo Madaxda Dowladda oo Muqdisho dhooban

$
0
0

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in wajiga Labaad ee shirka Dastuurka Soomaaliya uu si rasmi ah u furmi doono maalinta berri ah, iyadoo qaar ka mid ah ergadii ka qeyb gali lahayd ay gaareen magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan “Yariisoow” oo warbaahinta la-hadlay, ayaa sheegay in Wajiga Labaad ee shirka Dastuurka Soomaaliya uu si rasmi ah berri uga furmi doono magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal, waxa tilmaamay in ergada shirka ka qeyb galyesa intooda badan ay gaareen magaalada Garoowe.
Sidoo kale afhayeenka ayaa xusay in qeybta Labaad ee shirka Dastuurka Soomaaliya looga dooddi doono waxyaabo ay ka mid yihiin, dhameystirka qorshayaasha dowladda, meel marinta Dastuurka Soomaaliya, waxa la wajihi doono marka la gaaro bisha Augusto, iyo horumarinta dowlad wanaagga.
Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan “Yariisow ayaa tilmaamay in shirka lagu lafa guri doono in Soomaaliya ay yeelato madaxweyne ama Ra’iisul wasaare si ay uga mid noqoto dowladdaha caalamka kuwooda horumaray.
Waxa uu hoosta ka xariiqay in wahiga Labaad ee shirka Garoowe ka soo qeyb gali doonaan dad Soomaaliyeed oo ka imaanaya gobolladii Al-Shabaab laga xoreeyay sida qeyb ka mid ah Hiiraan iyo Jubbooyinka.
Ugu danbeyntii afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa carabka ku dhuftay in shirarka looga hadlayo Dastuurka aysan doojsan doonin oo ay socon doonaan, dhanka kale waxa uu sheegay in Dastuurka Soomaaliya uu qeyb xoog leh ka qaadan doono xoriyadda Saxaafadda Soomaaliya, shirar arrintaasi ku saabsann ay dalka ka dhici doonaan.


Ciidamadda Amisom oo ku dhawaaday Deegaanka Ceelasha Biyaha iyo dagaalo laga cabsi qabo

$
0
0

Kadib markii Saraakiisha Amisom ay sheegeen in maal-maha soo socda ay taggi doonaan Deegaanka Ceelasha Bilaha, oo ugu weyn deegaanada loo-barakacay, ayaa waxaa maanta si weyn ugu dhawaaday Ciidamadda Amisom.
Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom oo taageero siinaaya Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, ayaa waxay maanta gaareyn Xeradkii Sarkuuste ee duleedka Magaaladda Muqdisho, taasoo si weyn ugu dhaw Deegaanada loo-barakacay.
Ciidamadda Amisom oo horey dib uga soo laabtay Xeradii Sarkuuste, ayaa waxay maanta ka sameysanayaan fariisimo balaaran, iyadoo laga cabsi qabo inay weeraro sii qaadaan amaba iyagu lagu soo qaado weeraro xoogan.
Gawaarida gaashaaman ee Ciidamadda Amisom ee Taangiyada loo-yaqaano, ayaa waxay dhooban yihiin banaanka hore ee Xeradii Sarkuuste, waxaana la-fillaayaa inay ku sii nagaan doonaan Sarkuuste, inkastoo aan taasi weli si cad loo-sa
Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in laga cabsi qabo weeraro xoogan oo ay soo qaadaan Xoogaga Shabaab, oo ku sugan goobo aan sidaasi uga fogeyn Xeradii Sarkuuste, oo si weyn ugu dhaw deegaanada loo-barakacay.
Abaan Duullaha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed General C/Kariin Yuusuf Aadan “Dhaga Badan”, ayaa wuxuu shalay sheegay inay mar dhaw qabsan doonaan Deegaanada loo-barakacay, isagoo sheegay inay taasi ka garab taagan yihiin Ciidamadad Amisom.

Ciidamadda Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo kahor tagay khasaaro badan oo ay geysan laheyd Al Shabaab

$
0
0

Ciidamadda Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa muuqaneysa inay xoojiyeen dagaalada xoogan ee ay kula jiraan Xoogaga Shabaab, iyadoo dhinaca kalana ay kahor taggeen khasaaro ay geysan laheyd Al Shabaab.
Xoogaga Shabaab ayaa waxay qarax miino oo aad u culus ay ku aaseen inta u dhaxeysa Magaalooyinka Balad Xaawo iyo Mandheera, oo labaduba ku yaalla xadka kala qeybiya Wadamada Soomaaliya iyo Kenya.
Ciidamadda Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxay si wadajir leh u qaadeen hawl-gallo balaaran, isla-markaana waxay ku fashiliyeen qaraxaasi oo ahaa miino aad u miisaan culus, waxaana lagu doonaayay in wax-yeelo loogu geysto Ciidamadda Somaliya iyo Kenya.
Miinadaan ayay qarxiyeen Ciidamadda Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo dhinaca kalana ay goobahasi ka sameeyeen hawl-gallo balaaran, inkastoo aan la-sheegin inay dadka u soo qab-qabteen miinadaasi iyo in kale.
Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in Ciidamada Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay balaariyeen qorshaha ay kula dagaalamayaan Xoogaga Shabaab, iyagoo markaasina meesha ka saaray qaraxyo waaweyn oo ay Al Shabaab ka geysan jirtay Mandheera iyo Balad Xaawo.
Dagaalada lagula jiro Xarakada Al Shabaab ayaa waxay xilligaan yihiin kuwo balaaran, oo Shabaab looga saaraayo Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya, taasina waa guul wanaagsan oo ay gaareyso Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya.

Isqarxinta Maxay Shareecada Islaamku ka qabtaa?

$
0
0


Sanadahan  dambe waxaa dalkeenna Soomaaliya ku soo kordhay dhaqammo aan horay uga jirin oo ay ka mid yihiin Ismiidaaminta ama in qofku naftiisa qeybo oo is qarxiyo ama uu ku dhiirrado in uu qarax ku baabi’iyo dad goob isugu yimid, isagoo leh waan jihaadayaa.
Haddaba diinteenna Islaamku maxay ka qabtaa is-miidaaminta iyo in qofku naftiisa dilo wax kasta qiil ha ka dhigtee.
Allaah waxa uu ku leeyahay aayadaha 29 iyo 30 ee Suuradda Alnisaa” War naftiinna ha dilina Ilaahey waa mid idiin naxariisanayee, Qofkii falkaas sameeya – Macnaha naftiisa gooya- isagoo ula jeeda Cadowtooyo iyo Dulmi, waxaan galin doonnaa Naar , arrintaasina Eebbe way u sahlan tahay”.
Macnaha Aayadahan waxaa kaloo ku jira in dadka looga digayo in ay iyagu is dilaan oo ay dagaallamaan.
Xadiith ku yaalla Saxiixu Muslim, Waxa uu Abii Hureyra ka wariyay Nabigeenna CSW in uu yiri” Qofkii buur iska soo tuura ee sidaas naftiisa ku gooya waxa uu galayaa naarta Jahannama oo uu ku hoobanayaa, walibana ku waarayaa , Qofkii Sun caba isaguna sidoo kale waxa uu galayaa naarta isagoo Suntiisa gacanta ku sita, Qofkii naftiisa bir ku dila isaguna sidoo kale waxa uu galayaa naarta isagoo ay caloosha uga taagan tahay birtii uu isku dilay, wuuna ku waarayaa naarta” ilaahey ha naga koriy naarta.
Aayadaha Qur’aanka iyo Axaadiithta Rasuulka CSW ee ka dar daar warinaya in qofku naftiisa qeybo oo is dal dalo aad ayay u fara badan yihiin culimmada Islaamka kuwii hore iyo haatan joogana si faahfaahsan ayay uga hadleen qofkii doonaya in uu xaqa u hoggaansamo.
Waxaa aad u la yaab leh ahna wax aad looga murugoodo in kooxo sheegta in ay Islaam yihiin ay dhallin yaradii Soomaaliyeed  u hor seedayaan waddo khaldan oo lagu naar tagayo iyagoo diin uga dhigay hawadooda iyo danohooda gaarka ah.
Falalka Isqarxinta & Qarxinta ee kooxaha xagjira dadka ku dhameeyaan, maxay ka qabtaa Shareecada Islaamku, Waa Mowduuca aan toddobaadkan ku gorfeyn doonno Barnaamijka Tubta Toosan oo uu nagala qeyb galaya Sheikh Muuse Macallin Cagaweyne.
TUBTA TOOSAN 13.02.2012
 

Obama, Cameron discuss Somalia

$
0
0

Wanshinton (RBC) US President Barack Obama and British Prime Minister David Cameron renewed their condemnation of Syria’s brutal crackdown and discussed security threats in Somalia on Monday, the White House said.
The two leaders also made preparations for Cameron’s official visit to the United States next month, and discussed the Eurozone crisis, Greece’s financial troubles and the NATO-led force’s transition to Afghan security control.
“The President and Prime Minister discussed the situation in Syria, condemning the regime’s violent repression of its own citizens, and agreed to coordinate closely on efforts to pressure the Assad regime and support a transition to democracy,” a White House statement said.
The leaders also spoke about Somalia, ahead of a conference later this month in London on the lawless Horn of Africa nation, which Britain considers a security threat due to fears some of its nationals have joined Al-Qaeda-linked Shebab insurgents.
Source: AFP

DEG DEG: Al Shabaab oo shaaca ka qaaday inay gurmadyo u direyso Magaaladda Muqdisho, si’ay uga saaraan Amisom

$
0
0

Xarakada Al Shabaab ayaa waxay ku celisay inay dagaalo xoogan ku qaadeyso Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom iyo Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, iyadoo dhinaca kalana sheegtay in Magaaladda Muqdisho ay u direyso ciidamo xoogan.
Xarakada Al Shabaab ayaa waxay shaaca ka qaaday inay dooneyso inay qabsato Magaaladda Muqdisho oo idil, ayna dooneyso inay cagta mariso Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom oo taageero balaaran siinaaya Dowladda Soomaaliya.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise “Kaba Kutukade” oo ka qeyb-gallay banaan-bax goor dhaw lagu soo afjaray Magaaladda Jowhar, oo lagu taageeraayay ku biirista Al Shabaab ee Al Qaacida, ayaa wuxuu sheegay inay qabsanayaan Magaaladda Muqdisho.
Gudoomiyaha ayaa wuxuu xusay inay gurmadyo xoogan u dirayaan Magaaladda Muqdisho, kuwaa oo uu sheegay in Magaaladda Muqdisho ay xoog uga saari doonaan Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, oo uu sheegay inay wadanka ka wadaan gumeysi.
Kaba Kutukade ayaa wuxuu ku goodiyay inay xoog ku qabsan doonaan Magaaladda Muqdisho oo dhan, isagoo shacabka ku dhaqan Magaaladda Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ugu baaqay, inay taageeraan qorshaha Amisom looga saaraayo Magaaladda Jowhar.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise “Kaba Kutukade”, ayaa wuxuu ammaanay ku biirista Al Shabaab ee Al Qaacida, isagoo taasi ku tilmaamay guul u soo hooyatay Ummada Muslimiinta ah, waa sida uu hadalka u dhigay’e.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live