Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Weriye lagu Dilay Beledweyne

$
0
0

Idaacadda Shabelle ayaa sheegtay in niman hubeysan ay galabta Beledweyne ku dileen weriye Mahad Salad Adan (Mahad Jarmal) oo ka tirsanaa idaacadda Shabelle.

Maxamed Bashir Xaaji oo ka tirsan Idaacadda Shabelle ayaa VOA u sheegay in dabley ku hubeysan Bastoollado ay 5-tii galabnimo ee maanta toogteen ku dileen weriye Mahad Salaad.

Max'ed Bashiir wuxuu kaloo sheegay in ciidamada amniga Beledweyne ay Shabeelle u sheegeen in rasaas ay isweydaarsadeen iyaga iyo niman-ka dilka geystay, iyadoo uu dhaawacmay mid ka mid ah ciidamada amniga ka hor intii aan toogasho lagu dilin mid ka mid ah nimankii hubeysnaa.

Toogashada weriyaha ayaa ka dhacday meel u dhow gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Hawl-wadaag.


Click

Xaaladda Dadkii ku Dhawacmay Qaraxii Tiyaatarka (Sawirro)

$
0
0

Dowladda Soomaaliya ayaa magacowday guddi heer wasiir ah oo ka shaqeynaya sidii caafimaad dibedda ah loogu heli lahaa dadka qaba dhawacyada culus.

Qeybtan hoose ka dhageyso Warbixin ka hadlaysa dhaawacyadii qaraxii tiyaatarka Muqdisho.

Ganacsato Turkish oo maalgalinaya Soomaaliya

$
0
0

Waxaa Muqdisho yimid wafdi ganacsato Turkish ah oo u yimid si ay maalgashi uga sameeyaan Somaliya. Waxay la kulmayaan qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida.

Askar AMISOM oo la geeyay Baydhabo

$
0
0

Ciidamada AMISOM ayaa qaybtii hore la geeyay magaalada Baydhabo. Askarta ayaa la geeyay magaalada oo mustaqbalka ay kala wareegi doonaan ciidamada Itoobiya oo hadda jooga Baydhabo.

Amm. Islaamka: Bayaankii Alshabab & Falcelintii X. D. Aweys

$
0
0

Bayaan uu dhawaan soo saaray ururka Alshabab ayaa keenay in Sheekh Xasan Daahir Aweys uu si adag uga falceliyo, isaga oo sheegay in aanay habbooneyn in magaca Jihaadka lagu banneysto dhiigga Muslimiinta.

Barnaamijka oo dhan qeybta hoose ka dhageyso.

Burcad Badeed Soomaalida oo laga Fara maroojiye Markab Ganacsi

$
0
0

Kooxaha burcad badeeda soomaalida aya laga fara maroojiye markab weyn oo lagu magacaabo Xianghuamen oo siday badeecado kale duwan kasoo kasoo shiraacday dalka Shiinaha waxaan lasheegay in ay lasocdeyn28qof oo shaqaalo ah.
Burcad badeeda soomaalida ayaa markab kaan kuhelay badaha Oman waxaan lasheegay in markabkaan kusii jeeday dekada weyn Imam Khomeini oo ku taala dalka Iiraan waxaan kawar helay laba markab oo dagaalka kuwaas oo soo daba dhigtay burcad badeeda soomaalida oo markabkii usoo jeheeye xeebaha dalka soomaaliya.

Burcad badeeddii ayaa la tilmaamayaa in laga qaaday hubkii ay haysteen islamarkaana lagu dul xeray maraakiibta dagaalka dowladda Iiraan.
Safiirka shiinaha u fadhiya magaalada Tehran ee caasimadda dalka iiraan Yu Hongyang ayaa mahad u celiyay dowladda iiraan gaar ahaana maraakiibtii dagaalka ee howlgalka sameeyay.
Wakaalada wararka lagu faafiyo ee Shinwa ayaa saake Page kowaad ksuoo daabacday in dowlada shiinaha si aad usoo dhaweyse hadalkaas waxaan aya sheeggay in u amhad celineyso maraakiibtii iyo ciidamada sameeye howl galkaas.

Sumcaddii iyo awooddii ciidammada Xoogga oo taariikhda baal Dahad ah ka gashay

$
0
0

Ciidammada dalka Soomaaliyeed ayaa billaabay xeelada cusub oo ay uga hortagaan ficillada Al-Qaacidda, sida qaraxyada weerarrada gaadmada ah, iyadoo askarta Xoogga dalka ay muujiyeen sida ay dhab uga tahay gudahashada qaajibaadka qaran ee saarran.
Saraakiil iyo askar ka tirsan ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa tan iyo markii ay Al-Qaacidda billaabeen weerarrada fuleynimada ah ee loo adeegsado Qaraxyada, waxay laba jibbaareen raadinta xogta ku aadan cadowga, laakin dad badan ayaa aaminsanaa in aysan guuragal noqon Karin in ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay iska diidaan waxa loogu yeerray musuq maasuq.
Shalay oo uu taaliska ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed soo bandhiggay nin ay ku qabteen isaga oo wata Jaakadda qaraxyada ismiidaaminta ah loo adeegsado, taasi oo ay xogteeda ka shaqeeyeen askar ka tirsan ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed, iyagoo adeegsanaya qibraddooda xagga ciidannimo.
Sidoo kale askarigii ka dambeeyay in gacanta lagu dhiggo dhagar qabe doonayay in uu isku qarxiyo 12-ka April oo ay ciidammada Xoogga u dabaal dagi laaheen sannad guurradooda, markii ay arrintaasi fashilan tahayna waxaa Alle ugu mahadiyay madax, iyo shacabka kaddibna Askarigii waajibkaasi waddaniyaddeed gutay.
Shacabka Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibedda ku nool oo farriintooda ku soo haggaajiyay Website-ka radiomuqdisho.net ayaa ugu horreyn mahad ballaaran u soo jeeddiyay guud ahaan ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed, kaddibna waxa ay dowladda Soomaaliyeed ka codsadeen Laba arrimood oo xaggooda muhiim ka ah.
Arrinta horre ayaa ah in dowladda Soomaaliya ay abbaalmarin qaali ah siiso askarigii arrintaani ku aadan fashilinta weerarka Al-Qaacidda, si ay wax badan uga bartaan askarta kale ee iyagana waddaniyiinta ah, codsigooda Labaad ayaa ahaa farriin ku socota dhagar qabhiii gacabta lagu dhiggay, waxayna si adag dowladda uga codsadeen in ninkaasi cadaallada la waafajiyo oo tiirka la geeyo si dhibaatadiisa ummadda Soomaaliyeed looga foggeeyo.
Uga dambeyn dadka Soomaaliyeed ee nabadda Jecel “ma waxa ay arrintaani ku tilmaami karaan guul, mise arrin taariikhi ah. Laakin waxaa hubaal ah in waddanigii ku dhiirraday fashilinta dhagarta cadowga in uu Alle xaggiisa abbaalmarin ka helayo, maadaama qofkii hal ruux badbaadiya uu la mid yahay isaga oo ummadda oo dhan badbaadiyay.
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
 
Yurub                                            +442035190460
 


Ciidamada Huwanta Ah Oo Dhul kale Qabsaday

$
0
0

Wararka ka imanaya Gobolka Bay ayaa sheegaya in ciidamada dawladda Soomaaliya oo ay taageerayaan kuwa Itoobiya ay dhul kale oo cusub ka qabsanayaan maleeshiyada ururka Al-Shabab.

Ciidamadan ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay qabsaday degmooyinka Ufurow iyo Qansaxdheere, iyadoo sidoo kalena dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in ciidamada Itoobiya ay kusii siqayaan degmada Buurhakaba.

Ciidamada isbahaysanaya ayaa la sheegay inay sidoo kale haatan gacanta si buuxda ugu hayaan tuulada mooda-moode iyo xerada manaas.

Madax ka tirsan dawladda iyo baarlamaanka oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa mar kale gaadhay iyaguna maanta magaalada Baydhaba.

Faahfaahin ku saabsan dagaalada halka hoose ee qoraalkeena ka dhageyso.

Malawi: Madaxweynihii oo Geeriyooday

$
0
0

Radiyaha codka dowlad ku hadla ee Malawi ayaa xaqiijiyay in Madaxweynihii dalkaasi Bingu wa Mutharika uu geeriyooday.

Dhawaqan sida rasmiga ah uga soo yeeray Radioga Dowladda maanta oo sabti ah, ayaa ka dambeeyay ka dib warar badan oo soo baxayay jimcihii , oo soo xiganayay saraakiil caafimaad iyo kuwo dowladda ka tirsan oo magacyadooda qariyay, oo dhamaantood sheegayay in madaxweynaha uu geeriyooday.

Mr. Mutharika Ayaa loo cararay Qamiistii la soo dhaafay Cuspital ku yaala caasimadda dalkaasi ee, Lilongwe, ka dib markii uu xanuun ku soo booday isagoo gurigiisa ku sugan.

Jimcihiina saraakiil caafimaad iyo kuwa dowladda ka tirsan oo magacyadooda qariyay ayaa sheegay in madaxweynaha 78 jirka ah uu u geeriyooday xanuun kaga soo booday wadnaha, laakiin dowladda durbadiiba ma aysan xaqiijin dhimashada.

Mr. Mutharika ayaa loo doortay madaxweynaha Malawi sanadkii 2004tii, waxaana mar kale dib loo doortay sanadii 2009kii.

Waxaa intii uu talada hayay lagu amaanay inuu yareeyay welwelkii dhinaca cunada ee laga qabay dalkaasi, iyo inuu mar dalkiisa ka dhigay dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba mid ay kaga daydeen dalal kale oo Africa ku yaala.

Laakiin sanadihii ugu dambeeyay dhaqaalihii dalkaasi ayaa hoos u dhacay, heerka shaqa la’aantuna kor ayey u kacday.

Dadka naqdiya siyaasadda madaxweynaha geeriyooday ayaa qaba inuu mar marka ka dambeysa uu sii noqonayay nin kali talis ah

19 qof ayaa lagu dilay bishii July ee sanadkii la soo dhaafay dibad baxyo ashtaka ah oo dowladda looga soo horjeeday.

Generaal Maxamed Nuur Galaal oo Khiyaano Qaran ku Tilmaamey Heshiiska Dhexmarey Dowladda Federaalka iyo Shirkadda Hallidayfinch

$
0
0

Shirkadda bixineysa shatiyada lagaga kalluumaysan karo badda Soomaaliya ayaa waxaa Heshiiskaan ka soo horjeestey Siyaasiyiin Aqoonyahano , Xildhibaano iyo Xubno kale…
Sii Akhri

Sharif Xassan oo Baydhaba Mar Kale Tagay

$
0
0

Xildhibanada Somalia ee ka soo horjeeda guddoomiyaha Barlamanka ayaa sheegay inay go’aan ku gaareen inay qabtaan doorasho  madaxweyne.

Guddoomiyaha barlamanka Shariif Xassan Sheikh Aden ayaa ku tilmaamay go’aankaasi mid sharci dara ah

Wareysiyo aan la kala yeelanay Sharif Xassan iyo Madoobe Nuunow halkan hoose ee qoraalkeena ka dhageyso.

Caweyska Washington: Luul Jeylaani (Q-3aad)

$
0
0

Barnaamijka Cawyeska ee Caawa waxad kaga bogan doontaan qeybtii 3aad ee wareysigii Luul Jeylaani iyo qubanayaal kale oo xiiso badan.

Barnaamijka oo dhameystiran qeybta hoose ka dhageyso.

Wararkii ugu Dambeeyey ee Bay iyo Bakool

$
0
0

Xubno ka tirsan baarlamaanka DKMG ee Somalia oo shalay tagey magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa u gudbey magaalada Xuddur ee gobolka Bakool, iyada oo wali ay dagaalo ka socdaan degmooyin ka tirsan gobolka Bay.

Wareysi arrintaas ku saabsan qeybta hoose ka dhageyso.

Mowliid Macaani oo ku Geeriyooday Nairobi

$
0
0

Xildhibaan Mowliid Macani ayaa saaka waabarigii ku geeriyooday Nairobi. Marxuumka ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray qaraxii ka dhacay Tiyaatarka Qaranka ee Muqdisho.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Max'ed Cali America ayaa VOA goor dhaweyd u xaqiijiyay geerida marxuumka. Safarka ayaa sheegay in marxuum uu comma ku jiray tan iyo markii shalay la geeyay magaalada Nairobi.

Marxuum Mowliid Macaani oo ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya ayaa in muddo ah ku soo jiray siyaasadda Soomaaliya. xilalka uu soo qabtay waxaa ku jiray wasiirkii Ciyaaraha ee xukuumaddii Ra'iisul-wasaare Geeddi. Mowliid Macaani intii uusan ku soo biirin siyaasadda wuxuu ka tirsanaa bahda cayaaraha Soomaaliya, wuxuuna soo noqday garsoore.

Dhinaca kale, Faysal Xaaji Cilmi oo ka tirsanaa shaqaalaha xafiiska R/wasaare Cabdiweli ayaa isna shalay Nairobi ugu geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qaraxii Tiyaatarka Qaranka.


Shaxda shirqoollada iyo Shabaqa Shabaab:by Bashir M. Hersi

$
0
0

Murti ayaa dhahaysa: “Aqool xumo abaar ka daran” mid kale waxay leedahay dadka saddax ayaa ugu xun: “Tiraab xume, Talo xume iyo Tab xume” tu kale waxay leedahay ninna waxaa laga sheegay inuu yiri: “Maantoon Talo haayo Tabar ma hayo, maalintaan Tabar haayana talo ma hayn!” Cabdi Malow na waxaa laga sheegay inuu yiri:

"Ninkii gam'ayaa

Sariir gogladee

Go'aygaan dhigtaa gidaarrada!"

Amni iyo ammaan waa laba eray oo aysan Soomaali ka haqab beelin, amni ay ku joogaan iyo amaan ay u joogaan, micnaha arlo amni ah iyo oogo ammaan ah, aan jilciyee, dal amni ah iyo dad ammaan haysta, dhul amni ah iyo dhaayo ammaan qaba, sida labadaa loo waayey, ayaa wax badan oo ku lammaansanaa loo waayey, dhanka kale, waxaa caadi iska noqday waxyaabihii lidka ku ahaa, sida amni xumada, ammaan darrada iyo fawdo joogta ah.

Cidna caad kama saarna in caynaaninta amni ama ammaan ay culus tahay, una cayiman yihiin siyaasiyiin, khubaro, sirdoon iyo ciidan, u baahan qorshe iyo qaabayn, maadaama uu jaadad kala duwan leeyahay.

Si amni loo sugo ammaanna loo helo, waxaa loo baahan yahay qorshe degsan, qodob qeexan iyo qaanuun qoran, intan oo ka soo miirantay maskas siyaasi suubban iyo sir iyo caad oge “Khabiir” ku xeeldheer arrimaha nabadsugidda. Iskaashiga labadaa garab, oo lagu daro xubnaha xeerdajinta u qaabilsan amniga, ayaa waxay si joogta ah uga warqabi karaan heerka amnigu marayo, meesha daloolku ka jiro iyo qatartu halka ay ka imaan karto.

Dulmarkaa gaaban ka dib, aan u daadago dulucda Faallada, ma filayo inay jirto maalin aan si qaldan wadanka qof aan waxba galabsan loogu dilin! Kuma sii jirto meelaha ay ka taliyaan dawladda KGM, maamullada Puntland iyo Galmudug , oo deegaannadaa si joogta ah ayaa waxaa loogu dilaa, masuuliyiin, madax ciidan, xildhibaanno, wasiirro iyo shacab caadi ah, haddana, cid xil iska saarta dabagalkeeda ama dayridda daloolka muuqda ma jiro.

dilalka joogta ah ee siyaabo kala duwan uga dhaca wadanka, waxaa sii dheer qaraxyo mar qura lagu hoobto, ay ku baxaan dad xilal sare u hayey bulshada, lehna ammaan ama dhaleecayn, marka laga hadlayo xil gudashadoda, illeen dadku ma ahan Malaa’ige, kumaba sii jirto xilligan ay xaaraan ku naaxyadu xilka u madda u hayaan, xukunkana ay u xulaan xabagle oo dhan.

Qaraxyada dhacay ee lagu hoobtay ee reebay uur ku taallo iyo urug aan go’ayn waxaa ka mida: qaraxii lagu qaarijiyey Cumar Xaashi Aadan oo ahaa wasiirka Aminiga qaranka, Danjire C/kariin Faarax “Laqanyo” iyo xubno kale, qaraxaa wuxuu dhacay bartamihii sanadkii 2009-kii, wuxuuna ka dhacay Hotel Madina, oo ku yaal magaalada Baladweyn, aqriste cid dib uga sheekaynaysa ma aragtay? iska daa in dadkii gaystay cadaaladda la soo taagee, marka laga reebo heeso baroor diiq ah.

Qaraxii xigay wuxuu dhacay isla dhammaadkii sanaddii 2009-kii gaar ahaan 03-dii bishii December, waxaa isna ku baxay arday ka qalinjabisay Jaamacadda Banaadir, qaybta Caafimaadka, Waxbarashada iyo Sayniska, arday kaliya kuma dhiman, ee waxaa ku dhintay wasiirro sida: Wasiirka Caafimaadka Qamar Aadam Cali, Wasiirka Tacliinta Sare Prof. Ibraahim Xasan Caddow, Axmed Cabdullaahi Waayeel Wasiirka Waxbarashada, Saleebaan Colaad Rooble Wasiirkii Dhallinyrada iyo Isboortiga, wariyayaal iyo waalidiin.

Qaraxu wuxuu ka dhacay Hotel Shaamoow, haddaba aqriste, ma maqashay wax dabagal ah? in cadaaladda la soo taago iska daaye, marka laga reebo silsilad deelleey ah oo billaabatay dhacdadaa ka dib, oo magaceeda la yiraa: “Deelleeyda qarniga iyo diiwaanka nabadda”, oo iyadoo buug ah soo bixi doonta  sanadkan gudihiisa, ama heesta caankaa ah ee “Qaylodhaan” markii dambana kooxda magacba u noqotay.

Qaraxii xigay isna wuxuu ka dhacay Hotel Muna, sanadkii 2010-kii, isna waxaa lagu beegtay xayn xildhibaanno ah, meesha qaruxu ka dhacay aad ayey ugu dhaweed madaxtooyada, haddana, aqriste, adigu ma maqashay wax dib isu weydiiyey?.

Qaraxii xigay wuxuu ka dhacay xarunta Hargaha iyo Saamaha, oo ay soo buuxdhaafiyeen arday deeq waxbarasho ka heshay wadanka Turkiga, haddana, deeqdii waxaa loogu badalay baroor diiq, maadaama dhimashadu kor u dhaaftay todobaatameeyo qofood, iyana aqriste ma maqashay cid dib isu weydiisay? Aan ka ahayn heeso baruur diiq ah oo loo qaaday sida heesta “Qarracan” ee Abwaan Cabdirixiin Hilowle Galayr miraheeda sameeyey, Abdi Diini na ku luqeeyo, iyo heesta “Xaraku shaydaan” ee ay qaadaan kooxda “Qaylodhaan”.

Maahmaah ayaa dhahaysa “Mayd waxaa ugu dambeeyey kii la sii sidaye”  ahna ujeedka igu kallifay inaan faalladan qoree, oo ahaa qarixii ka dhacay National Theatre "Golaha Murtida iyo Madadaalada" ee ay ku bexeen madaxdii Sports-ga Guddoomiyaha Olembigga Soomaaliya, Adan xaaji Yabarow “Wiish” iyo Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, Siciid Mugaambe, ayna ku dhaawacmeen xildhibaanno uu ka mid yahay Prof Dalxa, Mawliic Macaane Maxamuud, wariyeyaal iyo fannaaniin.

Qaraxani wuu sii laba qarxay, oo kuma ekaan goobtii uu ka dhacay kaliya, buuqiisa ilaa hadda ayuu taagan tahay, yaa ka dambeeyey? Yaa fuliyey? Yaa fududeeyey? Sidee loo fududeeyey? Maxaa natiijo ah oo laga gaaray baaritaankii la sameeyey? Weydiimuhu badane aan ka soo haro, oon u laabto cinwaanka Faallada.

Maahmaah ayaa dhahaysa “Biyo xumbo waa dagaane” caadi ahaan markuu dhammaado dhakafaarka iyo dhagataagga waa la iska illaawaa wixii dhacay, oo cid sii daba galshaa maba jirto, balse, su’aasha jawaabta u baahan ayaa ah: siday ku suuragashay in xarun caynkan oo kale ah dawladdana ay maamusho oo aan Hotel gaar ah ahayn uu qarax uga dhaco?.

Midi waa marag ma doonto, in mooryaan dhar loo galiyey, ee waliba aan mushaarla siin bilo iyo bilooyin, uu wax walba ugu horray siinayo siduu Mijin Qaada ku heli lahaa, balse, Aniga ilama ahan dhaliisho inay halkaa jirto, oo waxaan arkaa iyadoo eedda dusha laga saarayo wiilashan qorayaha loo dhiibay, oo waliba marar badan ka dhexdhaco dagaal qasaaro gaysta, iyadoo lagu andacoonayo waa wax aan anshax iyo akhlaakh ciidan lahayn.

Sax, balse, waa biya kama dhibcaan in wiil labatan jir ah, oo aan waligiis maamul, maarayn iyo kala dambayn midna arag, inaan sidaa loogu baxsan, loogu baacsan looguna xagxagan wax uusan aqoon, arag aanna la barin! Sababtu waa sahlan tahay, waa inaan waligiis ishuusu qaban wax qadlan ma ahane wa kale, haddaa, ma waxaad leedihin Adna wax ha qaldin? Mise isaga ayaa dhaliishu qabataa? Malaha waa meeshii laga yiri: “Ilko meesha u jilicsan ayey goostaan”.

Anigu aan eedda saaro meesha shabaqu ka jiro, ayna taal shabaagta shirqoolku, dalka dawlad ayuu leeyahyay, madax, masuuliyiin iyo maamul ay hoggaanshaan, ka sokow, waxaa jira xarumo, laamo iyo goobo u xilsaaran ammaanka, waxaaba ka sii daran inay jiraan kuwa ku magacaaban dabagal, ugu yaraan laba wasaaradood ayaa sidoo kale hawshaa ku magacaan iyo guddiga la yiraa: Guddiga amniga qaranka, oo ay hoos yimaadaan dhammaan laamaha amaanka qaabilsan.

Maahmaah ayaa dhahaysa: “Tiisaba daryeelaa tu kale ku daro” ee nin isagiiba amnigiisa gaarka ah sugi waayey, ma idinla tahay inuu sugi karo amniga dadweynaha? Jawaabtu waa caddahay ayaan filayaa, ee miyeysan habboonayn in xisaabtanka la badiyo?.

Dawladda waxaa soo gala qarash ku magacaaban sugidda amniga, inta uu la eg yahay ma hayo, waan isku dayey inaan ogaado, iimase suuragalin, qofkii wax nagu dhaama ha noo faa’iideeyo, waxaase hubaal ah, in lacagtaa aan loo adeegsan meeshii loogu talagalay, sababtu waa caddahay, haddaanba askarta “Maleeshiyaadka” aan mushaar la siin, haddaa lacagtu xaggay ku baxdaa?.

Maleeshiyaadka waxaa mushaar toos ah ugu dambaysay markii Mudane Formaajo madasha laga qadaanqadiyey, maalintaa ka dib, wax beeso ah lama siin kuwan ciidanka lagu sheego, sidaa awgeed saw kuma habboona inaan xisaabtanka ku wajahno kuwan madaxda sheegayana, ee aan maalinna ka baaqan socdaal iyo safar, aan waxa uu ku fadhiyo la garanayn.

Sheekadu hadda waaba is badashay, waxaa ciyaarta si toos ah u soo galay awlaaddii Alshabaab, qaraxyada meelaha muhimka ah ka dhaca waxaa la ogaaday inay ka dambeeyaan madax ka tirsan dawladda, awal ayaan yaabayey, kuwan maalin walba TV-ga nalaga tuso, ee la leeyahay waxay ka soo goosteen Alshabaab, ee maalinta xigtana loo magacaabayo xil uusan u qalmin qabanna karin, maalmo ka dibna, qaraxyo dhacaan, isku xirka ma idiin baxay?.

Alshabaab waxay sheegtay in qaraxii National Theatre "Golaha Murtida iyo Madadaalada" aysan fulin qof dumar ah, haddana, madaxda dawladdu wali waa ku sii adkaysanaysaa inay gabar ahayd, haddaba, yaa la rumeystaa? Ugama jeedo inay kala run badan yihiin, balse, ninkii falka ka dambeeyey ee qirtay, cidi ugama ogaal roona ayaan is leeyahay, haddana, isla xubno ka tirsan dawladda ayaa fekerkaa sii xoojiyey, oo dareen ka muujiyey dumarnida qofka qaraxa fuliyey.

Dadku isagoo la yaabban qaraxii National Theatre "Golaha Murtida iyo Madadaalada" qaabka uu dhacay, ayaa waxaa soo yeeray in Abaan duuliyaha Ciidan Qalabka sida Jen. C/kariin Yuusuf Aadan “Dhega Badan” uu ka badbaaday qaarijin lala damac sanaa, yaa soo abaabaulay? Alsabaab, yey kaashatay? Xubno ka tirsan ilaaladiisa gaarka ah, oo waliba Sargaalka qaraabo hoose la ah.

Haddaba, maxaa diidaya in qaraxyada dhaca oo dhan ay ka dambeeyaan dad dawladda u shaqeeya? Haddaan la dhihi karin xubo sarsare oo dawladda ka tirsan,wallee anigu inaan taa si weyn ugu qanac sanahay, aqriste, adna aragtidaadu waa kuu gaar, xaq ayaadna u leedahay inaad si ka duwan u aragto.

Haddaba meesha shabaqa iyo daloolku ka jiraa ma ahan ciidan yari, ma ahan maleeshiyaad aan akhlaaq ciidan lahayn, ma ahan askar la’aan, ee waa masuul mooryan ah, oo aan dan ka lahayn dal iyo dad, haddana, mar walba isaga kaa dhigaya Dhibbane, midda fadeexaddaa ayaa ah, in Alshabaab ka dhex buuxaan maamaulka dawladda, oo haddaa, maxaa Baay, Bakool, Gedo Hiiraan iyo Galguduud loogu sii firxanayaa? Wali madaxtooyada ayey dhex muturaane.

Hadalkii Mahiga dad badan ayaa ka carooday, balse, wallee wax u eg ama isagii ah yaa soo muuqda, micnaha haddii Mahiga yiri: “Madaxtooyada Aala Shekh ayaa afgambiyey” Adiga maxay kuugu kala dhaamaan laba urur diimeed? hadday kan qoriga wata u qiiliyaan oo si qarsoon kula shaqeeyaan maba ku sii jirto, lacag iyo Lillaahi miday noqotaba, oo markaa waaba isku mide.

Ugu dambayn, sida xaal ku socdo aad ayey u xun tahay, xeeladi ma muuqato, xoogna haba sheegin, aan ka ahayn midka Xabashida, AMISOM iyadu albaabada ayeyba soo xiratay, malaha mushaar la’aanta laga sheegayo ayaa si weyn u saamaysay! Anagase sida wax yihiin dani nooguma jirtee, miyeysan habboonayn in xaalka wax laga badalo, oo loo tafa xayto sidii dalkan loogu adeegi ahaa si hufan oo nadiif ah.



Bashir M. Hersi

brdiraac@hotmail.com

Shir Balaaran oo lagu mideynayo Beelaha dega Mudug, Galgaduud iyo Hiiraan oo ka dhacay London

$
0
0

London-hobyonet)Shir la doonayo in lagu mideeyo beelaha walalaalaha ah ee wada dega gobolka Mudug, Galgaduud iyo Hiiraan ayaa waxa uu shalay ka dhacay Magaalada London ee Dalka Inigriiska iyadoo shirkaasina loo soo agaasimay si wanaagsan
Shirkan oo mudo dheer socday ayaa waxaa ka soo baxay qodobo ay isku afgarteen ergooyinkii shirka,
Ergooyinka oo ka kala yimid dhamaan wadamada Europe ee ay ku noolyihiin dadka ka soo jeeda beesha ayaa waxay shirka ka soo sareen qodobo muhiim u ah deeeganada ay besshu degto.
Ka soo qeyb galayaashu waxay hoosta ka xariiqeen, in shirkaani uu buddhig u noqdo dib u heshiin dhab ah oo laga dhex sameeyo laguna xaliyo Khilaafaadka fara ku tiriska ah ee beesha dhex yaala iyo in ay beeshu dib u heshiin iyo wadahadal nabadeed la gasho dhamaan beelaha kale ee walaalaha ah ee la degan Gobolada Dhexe, dib u heshiintaas oo ah mid ku dhisan kalsooni, ixtiraam, qaderin walaalnimo iyo deris wanaag.
Waxaay wufuudaani isku raaceen in nabada ixtiraamku iyo is qadarintu ay tahay wadada keliya ee beesha iyo dadka la degani ay ku gaari karaan nabad iyo horumar taam ah.
Ergooyinka waxa ay isku raaceen in ujeedada shirkaani uusan ahayn loolan ama u suxulduub siyaasadeed, balse uu yhay shir lagu midaynayo beesha noqdana shir u gogol xaadha in beeshu yeelato shirwayne loo dhanyahay laguna qabandoono Xamar iyo Gobolada Dhexe.
Ka qeyb galayaasha Shirka ayaa waxay isla ogolaadeen, in waxgaradka beesha oo ka kooban Qurba jooga iyo waxgaradka gudaha ay booqdaan dhamaan deeganada beeshu degto, kana dhaadhiciyaan dadka deegaanka midnimada iyo nabadaynta dhamaan deeganada Gobolada Dhexe, iyo in la Abburo gole dhaqan oo loo maro nabadaynta iyo xalinta khilaafaadka dhamaan beelaha wada dega Gobolda Dhexe.
Ergooyinka Shirku waxay is ku raaceen, in gogol wadahadal loogu yeero Qurbajooga kale ee ka soo jeeda dadka walaalaha ee beesha la degan gobolada dhexe, kadibna googoshaasi lagu doorto gole ka kooban 125 xubnood oo matala Midowga Qurbajooga Europe ee ka soo jeeda Gobalada Mudug, Galguduud iyo Hiiraan.
Golaha midowga qurbajooga Europe waxaa ay ka qayb qaadan doonaa xal u helida qilaafadka, nabadaynta iyo midaynta dhamaan beelaha walalaha ah ee dega Goblada Dhexe.
Masuuliyiinta kulanka ka soo qeyb gashay waxay isla garteen in Waqooyiga America, Kenya, koonfur Afrika, Dubai iyo wadamada kale ee jaaliyada beeshu ku noolyihhin laga sameeyo golayaal u dhigma gola Midnimada Europe, si ay isula jaanqaadan golaha Europe samaysandoonto, loogana miro dhaliyo hindisaha midaynta iyo nabadaynta Gobolada Dhexe.
Xubnaha shirka soo agaasimay waxaa ka mid ahaa, hogaanka dhaqanka ee Beesha, Dhalinyarada, Aqoonyahanka, Ganacsatada iyo Haweenka, xubnaha shirka ka hadlayna waxaa ka mid ahaa.
1) Ugaas c/laahi cabdi’’Aruuriye’’
2) Axmed Xaaji Maxamed’’ Axyaa Wadani’’
3) Caaqil Xasan Cilmi Kaarshe’
4) Imaam Bashiir Salaad Yuusuf’’ Dhoolayare’’
5) Caaqil Maxamed Xasan’’ Shiikhaal’’
6) Suldaan C/qadir Axmed’’ Yuusuf Kaariye’’
7) A/casiis Cabdi Ashkir,
Cabdi Xaashi Aaqiro’’
9) Salaad Cusmaan Rooble,
10)Garaad Ibraahim Sabriye’’ Gaadale’’
11)Maxamed Aden Guuleed’’ Caanageel’’
12)Shire Moxamed Geedi.
13) Axmed Qayre Ingiriis’’
14)C/laahi Faarah Qaarey’’
15) Cornel Cumar saleybaan Cali’’
16)Axmed Warsame Abtidoon’’
17) Moxamed C/dulahi Jimcaale’’
18) C/raxmaan Gentleman’’
19) Caaqil Axmed Cali baale’’
20) Xaashi Faarax Xayle’’ Maxamed Ciise
21) Saciid Xasan Ereg’’
22) Dahabo xaaji jaaburi’’
23) Shukri nuursalah ‘’
24) Xaawo Xasan’’
25)Xuseen Diiriye Afrah ‘’
26) Shukri maxame Jamac’’
27) Iyo Qadro Axmed
Www.hobyonet.com

Madaxweynaha Soomaaliya oo kullan balaaran la-qaatay Beelaha laga tirada badan yahay

$
0
0

Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa wuxuu kullan balaaran uu la-qaatay Odayaasha Golaha Dhaqanka ee Beelaha laga tirada badan yahay.
Madaxweynaha oo kullankaan soo qaban qaabiyay ayaa wuxuu ka dhacay Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia, isla-markaana Madaxweynaha ayaa wuxuu Beesha Shanaad oo iyadu Beesha Haafka ah lagu tiriyo, ayaa wuxuu uga tacsiyadeeyay geeridii ku timid Xildhibaan Mowliid Macaani.
Madaxweynaha ayaa wuxuu sheegay in Beesha Shanaad ay tahay tahay beel weyn oo ay iskugu taggeen beelo badan, kuwaa oo uu sheegay inay iyagu yihiin dad nabadda jacel, kana soo horjeeda xumaha oo dhan, sida uu sheegay.
Madaxweynaha oo ammaan u jeedinaayay Beesha Shanaad ayaa wuxuu sheegay inay saaxiib mar walba u yihiin ammaanka iyo kala dambeynta, wuxuuna sheegay inay weligood ka soo horjeedeen falalka ammaan daro.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa wuxuu u soo bandhigay in Beesha Shaanad ay kaalin weyn ka qaadato Dastuur loo-sameynaayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed, maadaama uu iyagana uu quseynaayo, sida uu sheegay.
Iskusoo wada-duuboo Odayaasha Golaha Dhaqanka ee Beesha Shanaad ee kullanka la-qaatay Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa waxay sheegeen inay aqbaleyn hadalka ka soo yeeray Shariif Sheekh Axmed.

Sheekh C/Qaadir Cali “In dalkeena lagu soo duullo oo nalagu dul socdo miyaan Soomaaliyeey u dul-qaadanaa”

$
0
0

Sheekh C/Qaadir Cali ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inaysan marnaba u dul-qaadan kareyn in dalka Soomaaliya lagu soo duullo, dadka Soomaaliyeedna la-gumeysto, isagoona sheegay in taasi ay dagaalo oo kaliya ay ka xiggaan.
Sheekh C/Qaadir Cali oo ka mid ah Saraakiisha Xarakada Al Shabaab ee ka soo jeeda Gobolada Baay iyo Bakool, oo shalay ka hadlay isku soo bax balaaran oo lagu taageeraayay Xarakada Al Shabaab oo ka dhacay Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay diyaar u yihiin dagaalo oo kaliya, sida uu sheegay.
Sheekh C/Qaadir ayaa wuxuu sheegay in dalka Soomaaliya lagu soo duullay, lana doonaayo in dadka Soomaaliyeed la-gelliyo gumeysi cusub, isla-markaana wuxuu dadka Soomaaliyeed uu weydiiyay in sidaasi ay u dul-qaadanayaan iyo in kale.
“In dalkeena lagu soo duullo oo nalagu dul socdo miyaan Soomaaliyeey u dul-qaadanaa, waxay ka dagaaami jireyn raggii hore ee Soomaaliyeed miyaan maanta anagu gacmaha ka laabanaa” ayuu yiri Sheekh C/Qaadir Muumin.
Sidoo kale wuxuu sheegay inay cadahay in dalka iyo dadka Soomaaliyeed lagu soo duullay, isagoona sheegay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay difaacdaan sharafkooda, dadnimadooda, dhulkooda iyo Diintooduba, waa sida uu hadalka u dhigay’e.
Sheekh C/Qaadir Muumin ayaa wuxuu shacabka Soomaaliyeed uu ugu yeeray inay taageeraan Xoogaga Shabaab, isagoona sheegay in Al Shabaab ay u taagan tahay badbaadinta dalka iyo dadka Somaliyeed, ayna taageeraan, sida uu ugu baaqay.

Rag ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab oo iskaga goystay Al Shabaab “Top News”

$
0
0

Rag ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab ayaa waxay goysteen inay iskaga goystaan Xarakada Al Shabaab, bacdamaa loogu baaqay inay iskaga goystaan Xarakada Al Shabaab, oo lagu eedeeyay mid dhibaato badan ku heyso shacabka Somaliyeed.
Ilaa 3 ka mid ah Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ee Gobolka Galgaduud ku sugan, ayaa waxay goysteen inay isaga baxsadaan Xarakada Al Shabaab ayna iskusoo dhiibaan Ahlu Sunada Gobolada Dhexe ka arrimiso.
Raggaan ayaa waxaa shalay lagu soo bandhigay Magaaladda Dhuusa Mareeb ee Xaruunta Gobolka Galgaduud, halkaasoo ay ka hadleen Masuuliyiinta ka tirsan Ahlu Sunna Wal Jameeca, iyagoona soo dhaweeyay.
Gudoomiyaha Maamulka Ahlu Sunnah Wal Jameeca ee Magaaladda Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud Sheekh C/Raxmaan Cali (Geeda Qarow), ayaa wuxuu si weyn uu u soo dhaweeyay raggaan oo ka soo goystay Al Shabaab.
Sheekh C/Raxmaan Cali ayaa wuxuu tilmaamay in maal-mihii la-soo dhaafay oo dhan ay u soconayeen wada-hadalo, isagoona sheegay inay u sheegeen inay iskaga soo goystaan Al Shabaab, maadaama uu sheegay inay dhibaato ku hayaan shacabka Somaliyeed.
Sheekh Geeda Qarow ayaa wuxuu dagaal-yahanada Shabaab uu ugu baaqay inay isku soo dhiibaan Ahlu Sunna Wal Jameeca, iyagoona iskaga soo goysanaaya Xarakada Al Shabaab ee Gobolka Galgaduud ka dagaalanta.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live