Dadka dunidan dulsaaran waxaa lagu kala soocaa af iyo addin, micnaha
waxaa lagu kala saaraa dhawaq iyo dhudhun, haddaan si kale u dhaho,
waxaa lagu kala duwaa dibna hadal iyo duud heeryo, dabcan, deegaan
dayran iyo dabeecad duummanna ha daleel marin, xeer beegti, xukun
dhigan, xeyndaab xiran iyo xuduud xeeranna xaf ha uga gudbin.
Soomaalida waxaa lagu tiriyaa, umudaha dunida korkeeda ku nool kuwooda
ugu afka hodonsan, dabcan, Anigu isuma marqaati kicine, waxaa marag
furay afleyda umadaha kale, qiimayn badan, qotomin fog iyo qiyaas dheer
ka dib, illeen usha saar, isha mari iyo afka ka sheeg kuma imaane,
malahayga Carabiga ayaa naga horreeya ma ahane, afafka kale, waa hore
ayaan luxudka ku soo ogaannay.
Midawgii labada gobal ee Waqooyi iyo Koofur ka dib, iyo curashadii
Jamhuuriyadda Dimoqoraadiga Soomaaliya, waxaa maamulkii dalka hoggaanka u
qabtay laba af gumaysi, waa Ingiriis iyo Talyaaniye, dabcan, Carabigana
ha dhaafin, oo marti aan la moogayn ahaa. Sidaa waxaa ugu wacnaa af
soomaaliga oon qornayn! Ku hadlid iyo hawraar isku dhihid waa lahaa,
haba jiraan dhawaq guri, dhihid degmo iyo dhaajin tuulee.
Waxaase la isla keeni waayey afka la adeegsanayo, illeen aqoonyahan
kasta ama maamule kasta af gaara ayuu soo bartaye, Intii Waqooyiga ka
timid nin walba wuxuu adeegsan jiray Ingriiska, halka inta Koorfurta
joogtayna ay adeegsan jireen Talyaaniga, oo ah dabcan, labadii dawladeed
oo kala gumaysatay labada gobal, Carabigu wuxuu u ahaa dhextaal, laga
yaabee qofku inuu yaqaanno iyo inuusan aqoon, sidaa ayuu ku ahaa
“Barbarre” micnaha aan dhanna hayn.
La yaabka dhacay ayaa ah, in marka xafiis dhambaal u diro xafiis kale,
jawaabta u imanaysa xafiiska dhambaalka diray ay ku qoran tahay afkii uu
ku diray ma ahan af kale, maxaa yeelay, labada masuul ee is
weydaarsanaya dhambaalka, ayaa midba af gaara soo baartay, mana jirin af
u dhexeeya oo qoran, oo ay ku kala haqab beelaan.
Sidaa ayaa xaalku ku socday sanadihii dawladdii loo baxshay
“Musuqmaasuqa” kollay magacyo kale waa jiri karaan, ma ahan muddo yar,
waa ku dhawaad toban sano, intaa waxaa sii dheeraa, inay jirtay aragtiyo
qalloocan, oo ahayd qofkii aan af qalaad aqoon inuusan waxba ahayn,
maya, inuusanba u qalmin inuu dal maamulo danna maareeyo, layaab, qofkii
aan Bujuuq bujuuq dhihi karin, waxaaba laga dhigay gun aan gobta la
garrami karin!
Hadduu curtay Kacaankii Ciidanka sanaddii 1969-kii, ayna dhalatay
“Dawladdii Hantiwadaagga” ayaa loo hawlgalay qorista afka, laba sano ka
dib waxaa la hirgaliyey af soomaaliga, 21-kii Octobber sanaddii
1972-dii, hubaal in loo qabay laxawjeclo aad u weyn iyo hamuun badan,
si fududna ku dhaqangalay barnaanmijkii “Ololaha Barashada af
Soomaaliga”.
Maalintaa, waa maalintii afka la qoree iyo maalintii ay jirtay af
la’aanta, micnaha xafiisyadu ay wada adeegsanayeen afaf qalaad, ayaa
Abwaan Cali Sugulle “Dun Carbeed” curiyey heestan hirgashay ee heegada
sare gaartay, waa heesma? Ma filayo inay maankiina hees kale ku soo
dhacayso, waa heestii “Af qalaad aqoontu miyaa?” xareedintii iyo luuqdii
Xaliimo Qaliif “Magool” iyo Xasan Diiriye Faarax, Allaha u wada
naxariisto. Aamiin.
Maalintaa maanta waxaa laga joogaa afartan gu’, waxaa biya kama dhibcaan
ah, in xiisihii shalay loo qabay aan maanta loo qabin, maya, waxaaba
marag ma doonta ah, in dad badan kugu qashimaysanayaan marka aad af
soomaali ku hadasho, haddaanba lagu oran: “Yaa, maxaad tiri?” dabcan,
mar walbana lagugu dhahayo afkaa markaa la adeegsanayo, kuu doono ha
ahaadee.
Dadka qaar, marka aad erayo uusan garanayn adeegsato, wuxuu isla markii
la soo boodayaa, war ma af soomaali baad ku hadlaysaa, mise af Jinni?
Xukunka koowaad waa kaa, balse, kuma weydiinayo, eragaa maxaa looga
jeedaa? Maxaa laga wadaa, iyo macnihiisu waa maxay? Midna.
Haddaba, aan u daadego dulucda qormada, marka adoo wax tabanaya wax kale
laguugu daro ayaa la yiraa: “Luq/Lur horaa laqanyo kicisa” ama “Anoo
oyn rabaa Sacu Seynta igu dhuftay” si kale, waxaa loo yiraa: “Anoo hore u
socda ayaan taraanturrooday”
Ujeedku waa, Anoo la yaabanaa Carabiga Madaxweyne Shariif shaaric walba
la taagan yahay, ayaa waxaa noogu darsoomay Ra’isul wasaare Gaas,
Madaxweynaha kuma dhibsan, kumana qabsan, illeen isagu umadda uguma
qudbeeyee, dabcan, markuu Wadaadaynayo kuma darin, ee uu jilayo
Khadiibe, iyo marka uu ducada guud dirayo, balse, inta kale dadweyaha
wuxuu wax ugu tabiyaa Soomaali, haba u badnaado Carabiye, illeen waa tii
la yiri: “Weel walba wixii ku jiraa ka fiixa!”.
Qosolku wuxuu ahaa markii Amiin Camir, waa farshaxanaystaha weyne, uu ka
sameeyey sawir gacmeed. Waxaa ku sawrinaa laba askari midi Gambar ku
fadhiyo, midka kalana taagan yahay, dabcan qorina garraarsan yihiin.
Waxay daawanaayeen shaashad/dhalo [Muuqtuse] hortooda taallay, oo
madaxweyne Shariif ka dhex muuqday, isagoo ka qeybgalay shirkii London,
waxaana gadaashooda taagneyd qof dumar ah. Midkood ayaa dhahaya:
“Aamiin, Aamiin” midkii kale ayaa wuxuu ugu jawaabayaa: “Ilaah ha ka
aqbalo ducada, Aamiin” qofka dumarka ahayd ayaa ku tiri: “War doco ma
ahan ee waa khudbaddii ayuu afka Carabuga ku aqrinayaa!”.
Dhibka jira ayaa se ah, in marka aad dhagaysato muxaadaro wadaad, aadan
kala garanyn wadaadkani ma Soomaali ayuu wax u sheegayaa? Mise Carab la
Soomaaliyeeyey? Eraga ah Carab la Soomaaliyeeyey ula kac iyo ujeed ayaan
u adeegsaday, inaan muujiyo qabweyniada Qawmiyadda Soomaaliyeed, oo aan
sheedda dhigo sheeko khiyaaleedka meelaha lala shuushuu leeyahay, ee ah
Soomaali ayaa Carab ah, ama Carabowday!
Wadaadadu marka ay dadka Wacdinayaan waxaan afkooda ka faaruqin erayada
Carabiga ah, Carabi ahaan inaan halkan ku qoro wax qiimo ah ma lahan,
balse, erayo ayaan Soomaaligooda qorayaa ee bal ila dhuuxa: “Eebbe
sarreeyee, Udgoone Maxamed, Wadaaygii ..... –magaca Saxaabiga-IWM”
wadaadaduse mar walba waxaad maqlaysaa iyagoo Carabigu afkooda ka
fanfaniinayo.
Anoo meeragaha dhex dabaalanaya, wardoon iyo waariddoon ah, ayaan
duljoogsaday qormo uu qoray Ra’isul wasaare Abdiwali Maxamed Ali “Gaas”,
aqriste, adba malee afkee ku qorneyd? Inta aanan dareenkayga ku maanin
waxa ii soo bixi doona, waxaan ku dadaalay inaan si fiican isaga hubiyo
magaca, dhawr kol ayaan ku celiceliyey aqriskiisa, haddana, aamini
waayey, dabadeedna isha ku kuuray, anood mooddo inaan dalbanayo aragti
iga baxsan inay magaca ii ifiso.
Qormada magaceeda waxaa la yiraa: “We're Winning This Fight” oo
macnaheedu noqonayo: “Waan ku guulaysan dagaalkan” qormada oo laga soo
xigtay mareegta http://www.foreignpolicy.com
haddaan isha la si raacay, oon sadarrada hore boobsiiyey, Anoo
maankayga su’aaluhu is dhex jiirayaan, maxaad ugu tagi doontaa? Maxaa ku
qoran? Muxuu sheegi doonaa? IWM. Xoogaa markaan aqriyey, Allaylhehe
uguma tagin wax ka baxsan sheekadii lagu yaqaanay siyaasi, liilkan hoose
ka sii dhugo qormada:
http://www.foreignpolicy.com/a
Markii hore waxaan is lahaa, wax uu af soomaaliga ku sheegi waayey, ayuu
doonayaa inuu afka qalaad noogu xarriiqi doonaa, mase noqon! Oo haddaa
“Af qalaad aqoontu miyaa?” waaba iga yaab iyo su’aale, miyuu kari waayey
inuu Soomaali ku qoro? Waxaa lagu doodi karaa, wuxuu ugu talagalay
mareegtaa oo ka faalloota siyaasadda arimaha dibadda, balse, Aqriste,
adigu waligaa ma aragtay mudane Gaas oo maqaal af soomaali ah qoray?
Mise, waa haddii aadan Af qalaad wax ku qorin, dadba ma tihid?.
Run ahaan awal ayaan qaati ka taagnayn, mar walba oo uu afka kala qaado,
erayada qalaad ee afkiisa ka soo afuufmayey, oo haddaa, dadka dhami
miyey kula garanayaan erayadaa? Mise waxaad moodday inaad u
khudbadaynayso arday jaamacadeed? Waliba waa qasab inaad tixgaliso
Kuliyadda iyo qeybta ay dhigtaan, haddaad arday afafka dhigata aad uga
sheekayso Seynis adaa ka gardaran, waa dhanka kalee, arday Saynis
dhigata haddaad Injineerin uga sheekaysana la mid.
Ani waaba igu su’aale, sida cinwaanka qormadaba ku qorane, horta ma
Madax qalaad mase madax qaran?! micnaha ma waxay madax u yihiin afafka
qalaad ee ay ku hadlayaan dadkii la garanaya? Mise waxay madax u yihiin
qarankan Soomaali? Dabcan lama oran kara, inta Soomaaliga ku hadashee,
balse, inta ku magacaaban Jamhuuriyadda Soomaaliya, ninkii dood ka
qabaa, dib ha u eego shirkii London ee dhacay dhammaadkii january, ee
sanadkan.
Labadii shir ee Garoowe lagu qabtay, ayaa afka la adeegsanayay ahaa
Ingiriis, ma ahan qoraalka iyo eray bixinta kaliya, balse, sida loo
macneeyey waxay ahayd, inaan is faham xumo dhicin! Aniga iima dhadhamin,
aqriste adiga sidee u aragtay? Yaa shiraya Soomaali? Maxay ka
shirayeen? Aayahooda, haddana, sidaa oo ay tahay, goobta waxaaba joogay
dad aan Ingiriis iska daaye, Soomaali qori aqoon, saxiixayaashana ka mid
ahaa, oo kuwaa sidee laga yeelayaa?.
midda kale, oo aan qadyaan ka taagnayn ayaa ah, in heshiis walba oo
dawladdu la gasho dawlado kale, ha’aydo iyo xitaa wareegtooyinka dawladi
ah ama kuwa gudaha quseeyaba, ay ku wada qoran yihiin af qalaad!
Hubaal inta dad madax loogu noqdaa in afku ugu horreeyo, micnaha haddii
aadan af ku haqab tiri karin, eray ku baahi bi’in karin, Wallee
madaxnimadaa waa mid ba’day, iyadoo la kala afaf duwan yahay ayaa
haddana la is hogaamiyaa, oo markaa waxaa jirta mid wadaag ah oo dadka
dhan ka dhaxaysa, ayna wada yaqaannin, waan filaa inay tusaale ku filan
tahay Kenyada dariska nala ah, marka laga soo tago Kiswahiliga, afka
koowaadi waa Ingriis, oo ah afka la isku wado garto.
Annaga dhibkaa namaba haystee, maxaa afkeenna loo bahdilayaa? ayna
horseed ka yihiin kuwa hoggaanka u haya umadda, miyeysan ku habboonayn
inay la yimaadaan xilkasnimo? Illeen iyagaa ah indhihii umadda, hubaal
ina aqoonyahanno joogan, ayaan darrada ayaa se ah, in iyagaba aan laga
horrayn, oo ay yihiin hogaamiyayaal iyo higaadiyayaal [Barayaal].
Ugu dambayn, waxaa waajib ah in afka hooyo la siiyo mudnaanta koowaad,
maamuuskiisa saro loo qaado, maalgalin lagu sameeyo maanleyda meerisyada
marin taqaan, si madag suugaaneedku u bixiso holac wax ifiya aanse wax
gubin, una maamulaan manka iyo milgaha lagu haaneediyey quruxda afkeena,
maadaama aysan jirin cid uga ogaal badan.
Mid madaxda ayaan dhihi lahaa, inay naga yareen erayada qalaad, qof
baahi u qabo, xiiso iyo hamuun maba ku darine, qofkaana isagaa raadsane,
kuwa u dhashay oo ku dhashay ayaa jooga, oo laga dhagaysan karaa, ama
laga dhihid dalbi karaa, inta aan se dan iyo heello ka lahayn, ama aanba
garanayn, saw kuma habboona in la tixgaliyoo, laga daayo erayadan ay
eedsanayaan.
midda xigta, waxaan leeyahay inta af soomaaliga ku hadasha, meesha uu
rabo ha joogee, maamulka uu doonana ha ku hoos noolaadee, afku waa
dhaxal naga dhexeeya, una baahan faaya dhawr iyo dhaaya ku hayn.
Midda ugu dambaysa, oo ah mid la wada wadaago, maamule, maanle iyo
muwaadinba, waxay tahay maadaama wali afku dheeldheellin ku jiro, in
loo wada hawlgalo sidii looga saari lahaa, micnaha maadaama afku qabyo
qoraal ku sugan yahay, oo aan wali qoraalka afku saldhigan, in loo wada
tafa xayto sidii loo sugi lahaa, canaabta hawsha inteeda badan waxaa
looga fadhiyaa waa maanlaha, maamul wanaagsanna u baahan, oo la daba
taagan taakylayn, muwaadinku tageero buuxda u hayo. Qomada murtidan
ayaan ku so oaf xirayaa: “Dadku afka ayuu isku gartaa, Duunyaduna urka”.
Bashir M. Hersi
brdiraac@hotmail.com