Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Qof naftii hure ah oo isku qarxiyay Baydhabo

$
0
0

Ugu yaraan laba ruux ayaa ku dhimatay qarax ismiidaamin ah oo saaka ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Labada qof ee qaraxa ku dhintay ayaa kala ah, ruuxii ismiidamiyay iyo askari ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah.
Qaraxa ayaa ka dhacay albaabka hore ee Madaxtooyada Baydhabo, halkaas oo ay dagan yihiin saraakiisha ciidamada dowladda KMG ah, maamulka gobolka Baay iyo ciidamo Itoobiyaan ah.
Ninka is qarxiyay ayaa la sheegay inuu doonayay inuu gudaha u galo Madaxtooyada, balse ay celiyeen ciidamada ilaalada u ah xarunta.
Qaraxa ayaa dhacay xilli askariga dhintay uu rabay inuu baaro ninka ismiidaamiyay.
Saraakiisha dowladda ee Baydhabo ayaa sheegay in qaraxa ka dambeysay Alshabab uuna fashilmay.
Waa markii ugu horaysay ee qarax ismiidaamin ah ka dhaco Baydhabo tan iyo intii laga saaray Alshabab.


Boqortooyada Sacuudi oo Soo Saaray Qorshe ay ku Ogolaanayaan Iib geynta Xoolaha

$
0
0

sida ay maanta qortay jariidadda lagu magacaabo al-riyadh kana faaloota arimaha caafimaadka xoolaha hoos-timaadana wasaarada caafimaadka ee dalka boqortooyada sacuudi carabiya ayaa waxa ay maanta boggeeda hore soo saartay sawirro xoolo sida geela ariga iyo lo’da isla-markaana ay ku soo ban-dhigtay 12 dal calamadooda oo ay ugu ogolaanayaa in dalka sacuudiga ay keensan karaan xoola-hooda
Wasiirka Beeraha iyo Xanaannadda Xoolaha ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Dr. Khalid Al-Fahiid Ayaa sheegay in dowladdiisu soo saartay qorshe cusub oo xoolaha lagu keeni doono dalkooda isla-Markaana ay joojisay in la-iska keeno xoolaha isagoona xaqiijiyay in 12 Dal kaliya ay keen-san karaan Dalka Sacuudiga xoolahooda si loo iibsado
Dr. Khaalid Al-Fahiid ayaa sheegay in dalalka ay ka mid yihiin Soomaaliya ,Jabuuti ,Shiinaha ,Arjantiin ,Eretria, Brazil ,New-Zealand ,Australia loo ogolaaday in ay iibsi Ahaan u keen-saddaan Sacuudiga xoola-hooda gaar ahaan Ariga halka Dalalka Sudan, Soomaaliya, Masar, Pakistan, Jabuuti iyagana loo ogolaaday in ay dalka Sacuudiga iib ahaan u keen-saddaan Geela
Sidoo kale Dalalka Soomaaliya, Sudan, Shiinaha, New-Zealnd, Arjantiin, Australia, Uruguay ayaa iyana loo Ogolaaday in dalka Sacuudiga ay u iibsi ahaan u keen-saddaan Xoolahooda gaar ahaan Lo’da sidaasi Waxaa lagu shaaciyay Jariidadda Al-Riyadh ee ka soo baxda magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga.

Hayeeshee dalka Soomaaliya waxa ay ku jirtaa Dalalka laga qaadanaayo dhammaan noocyadda kala Duwan ee Xoolaha sida Geela,Ariga Lo’da waxaana taa ay fursad wanaagsan oo u soo hoyatay dhammaan Shacabka Soomaaliyeed meel-walba oo ay joogaan gaar’ahaan Ganacsatadda Xoolaha u iib geyn jirtay Dalka Sacuudiga oo maal-mihii ugu danbeeyay mugdi ku jiray
Abdi Nasir Ahmed Aden
nasirdc@hotmail.com
Doha-Qatar 

Dowlada oo faa faahin dheeriya Kabixisey Muwaadiniin Soomaali laga soo tarxiilay Mareekanka

$
0
0

Kadib markii Maalinimadi shalay garoonka Diiyaaradah ee magaalada Mqudisho laga soo dajiye 9Muwaadiniin SOomaali oo laga soo masaafuriye dalka mareekanka oo in mudo kunoolayeen aya waxa faa faahin kabixiye laanta socdaalka ee Jinsiyadaha ee Dowlada KMG Soomaaliya.
Taliyaha Waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda KMG Soomaaliya C/laahi Gaafoow Max’ud ayaa kawarbixiye qaabkii muwaadiniintan losoo masaafuriye waxaana oo qiray in aan heeysan wax sharciyo isla markaa maxkamada dalka mareekanka Go’aan ku gaartay in dib dalkooda ugu celiso muwaadiniintan.

C/laahi Gaafoow Max’ud ayaa sii raaciye in Dowlada mareeknak kale hadleyn kahor inta aan lasoo celin waxaana oo sheegay in wax shaqo ah kulaheyn islamarkaana uusan garaneen wax uu kula hadlo dowladda dalkeeda kasoo masaafurisay oo hadana sheegeysa in dhalinyaradaani aysan u ahayn wax sharci ah.
Waa markii ugu horeysay oo Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku nool dalka Maraykanka dib loogu soo celiyo Soomaaliya lamana oga saamayn arintaani ay ku yeelan karto dadka Soomaalida ah ee dalkaasi ku nool.

Aabo somaliyeed oo Buffalo New York ku dilay wiil 10 jir ah oo ilmahiisa la dhashay “Daawo Sawirada”

$
0
0

Aabo Soomaaliyeed ayaa wiil uu adeer u yahay ku dilay magaalada Buffalo NY, wiilka yar oo lagu magacaabi jiray Abdifataax waris ayaa wuxuu ahaa 10 jir iasagoo meydkiisana ku qariyay Basement-iga guriga.(maqasiinka guriga)
Aabaha oo lagu magacaabo Ali, mohamed mohamud ayaa qabay wiilka la dilay hooyadiis waxayna u dhashay labo caruur ah, hooyada ayaa xiliga la dilayay wiilkeeda 10 jirka ah waxay ku maqneed shaqo.
Markii ay timid uu ku yiri wiilkaga daaqada ayuu ka booday kadibna shaqo ayuu iska aaday iyadoo markaa hooyadi ay wacday Police-ka si ay u raadiyaan, raadin kadib meydka wiilka yar ayaa laga helay Basementiga guriga.
Asagoo si xun loo dilay wuxu afka u geliyay sigsaan koolo ayuuna kula qabtay isagoo kadib si naxariis daro ah u garaacay ilaa uu ka dhintay inanka yar.
Ali mohamud oo ah ninka dilay wiilka ayaa shaqada laga soo qabtay isagoo caawa ku jira jeel, hadal gaaban uu policeka siiyay ayaa wuxuu yiri waan canaananayay aniga dambi ma lihi.
hooyada dhashay abdifataax ayaa ku jirta xaalad murug iyo walbahaar. waxaana meydka wiilka yar la doonayaa in la aaso birito oo khamiis ah.

Gacan ku Dhiiglaha

Cunuga la-dillay.


Aden Ali-Buffalo N.Y
beeso88@gmail.com

A Somali Stepfather Charged with Beating 10-year-old to Death

$
0
0

A 40-year-old Buffalo man is behind bars, accused of beating his stepson to death. The body of 10-year-old Abdifatah Mohamud was discovered in the basement of a Guilford Street home Tuesday night around 10:45 p.m. by police. Buffalo Police responded to the home after receiving a 911 call of a missing 10-year-old boy.
“They found a deceased 10-year-old male in the basement of the house and there were obvious signs of foul play where the deceased was found,” said Buffalo Police Chief of Detectives Dennis Richards.
Buffalo Police say the child’s stepfather, 40-year-old Ali Mohamad Mohamud, was a suspect in the case and was located at headquarters of the Buffalo News, where he works as a security guard, within an hour of the call. Police say Mohamad Mohamud is from Somalia, and there was initial concerns he would flee the area, but police arrested him without incident. The 40-year-old gave a statement to police, allegedly admitting he bound up the 10-year-old, stuffed a sock in his mouth and covered it with duct-tape before beating him to death.
“I can’t imagine what a 10-year-old could do to deserve, anyone really, to deserve death,” said Neighbor Audrey Robinson-Powell. “Especially an innocent child. I’m in disbelief to tell you the truth.”
The 10-year-old boy attended Buffalo’s International Preparatory School. According to administrators, the District’s Crisis Team joined the school’s Student Support Team to provide counseling for fellow students Wednesday.Mohamad Mohamud is now facing 2nd degree murder and plead not guilty to the charges against him. He’s expected back in court for a felony hearing Monday.

Ciidammada Alfa-group oo howlgalkii ugu ballaarnaa Muqdisho ka sameeyay

$
0
0

Ciidammo si gaar ah u Tababarran oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgal ballaaran ka sameeyay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, iyadoo dhan kale taliska Nabad Suggida qaranka gobolka Banaadir uu faah faahin ka bixiyay holwgalkaasi iyo sida uu u dhacay.
Ciidammada sida gaar ah u Tababarran ee loo yaqaanno Alfa-group ayaa xalay howlgal ballaaran ka fuliyay degmooyinka Yaaqshiiq, Warta-Nabadda iyo Dayniile, halkaasi oo lagu soo qab qabtay kooxo lagu tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.
Ciidammada Alfa-group oo ah ciidammada ku Qalabbeysan Qoryaha Casriga ah, isla markaana wajiga u xiran yahay ayaa howlgalkooda waxa uu ahaa abid kii ugu ballaarnaa ee laga sameeyo Muqdisho, taliyaha Nabad Suggidda gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in howlgalkiii xalay ay sameeyeen ciidammada Alfa-group in uu ahaa ammar ka soo baxay guddiga amniga qaranka.
Waxa uu xusay in howlgalka uu si gaar ah uga dhacay xaafaddaha kala ah Xamar Jadiid, Wadda Warshadaha, Ifka Xalane, Gubta iyo xaafaddo kale, waxa uu intaa ku daray in lagu soo qab qabtay kooxo falal amni darro ah faraha kula jiray, isla markaana howlgalka uu sii socon doono.
Dhinaca kale taliyaha Nabad Suggidda gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa hoosta ka xariiqay in howlgalladani ay yihiin kuwa is daba joog ah oo lagula dagaallamayo Al-Qaacidda iyo cid walba oo amni darro ka shaqeeneysa, isagoo intaa ku daray in Muqdisho dib dambe aysan  uga dhicin doonin dil sharci darro ah.
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                            +442035190460
USA & CANADA                         +17124327760

Kullan xasaasi ah oo ka dhacay Villa Somalia, Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirada oo yeeshay

$
0
0

Kullan xasaasi ah ayaa wuxuu xalay ka dhacay Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia, kaasoo u dhaxeeyay Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, Golaha Wasiirada iyo Saraakiisha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya.
Kullankaan oo mid xasaasi ahaa ayaa waxaa si weyn looga hadlay ammaanka Magaaladda Muqdisho, sidii lagu adkeyn lahaa, sidii Xoogaga Shabaab looga hortaggi lahaa iyo iyadoo kullankaan lagu soo dhaweeyay Ansaxinta Dastuurka Maamulka Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee SOomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed, oo kullanka ka dhacay Villa Somalia ka jeediyay hadal-dheer, ayaa wuxuu marka hore uu sheegay in ammaanka Magaaladda Muqdisho uu wanaagsan yahay, isagoona taasi ku ammaanay Saraakiisha Dowladda.
Madaxweynaha ayaa wuxuu tilmaamay in goor dhaw Magaaladda Muqdisho lagu ansaxin doono Dastuurka cusub, isagoona sheegay inuu doonaayo inuu arko ammaanka Magaaladda Muqdisho oo si weyn loo-adkeeyay, bacdamaa uu sheegay inay ka soo qeyb-gelli doonaan Masuuliyiin sar sare.
Kullankaan kadib ayaa waxaa Saxaafadda la-hadlay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ahna Amniga Qaranka ee Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/Samad Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax.
Wasirka ayaa wuxuu ka warbixiyay waxa ay ka hadleen iyo waxa rasmiga ah ee ay isku raaceen, isagoona sheegay inay isku raaceen sidii loo-adkeyn lahaa ammaanka Magaaladda Muqdisho iyo sidii loogu qaban lahaa Ansaxinta Dastuurka Qabyo qoraalka.
Ummada Somaliyeed ayaa waxay dareen xoog leh ay ka muujisay Dastuurka Qabyo Qoraalka, kaasoo la-sheegay inay khaldan yihiin aas aaskiisa, iyadoona durbaba ay shacabka Somaliyeed si weyn uga soo horjeesteen.

Shabaab oo sheegay in hubkii ugu badnaa ay ka heleen deegaanka Siinka-dheer

$
0
0

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay ka heleen deegaanka Siinkadheer ee duleedka magaalada Muqdisho hub fara badan oo lagu aasay guri ku yaala halkaasi.
Afhayeenka Al-Shabab, C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in ay ka heleen god ku dhex yaala gurigaasi hubki ugu badnaa ee waayahaan soo mara, isaga oo ku sheegayna hubkaasi in ay lahaayeen cadawga sida uu hadalka u dhigay.
Cadawga muusan faah faahin wuxuu kala jeeday, balse dadka qaar ayaa u fasirtay dowlada KMG Soomaaliya iyo ciidamada ajnabiga ah ee la safan.
“Mujaahidiintu howlgal ayey ka sameeyeen Siinkadheer, guri weyn oo meeshaasi ku yaala gudihiisa, waxaan ka helnay god ay ka buuxeen hub iyo rasaas, waxaana ku tilmaami karnaa keydki ugu weynaa oo aan ka helno waayahaan Soomaaliya,” ayuu yiri.
Lama oga cida iska leh hubkaasi, iyadoo dadka qaar ay su,aalooyin iska weydinayaan sida ay ku suura gali karto in dowlada Soomaaliya ama ciidamada ajnabiga ah ay hub ugu qarsadaan Siinkadheer oo ku dhexyaala caloosha deegaanada ay gacanta ku hayaan Al Shabaab.


Hargeysa : Nin Dhallniyaro Ah Oo Saaka Si Badheedha Iskaga SooTuuray Biriijka 2aad Ee Hargeysa

$
0
0

Hargyesa (OWN)-   Caydaruus Maxamed Askar  oo ah wiil dhallinyaro ah ayaa saaka abaare 10:30  kii subaxnimo  ayaa si badheedha iskaga soo tuuray Birjjika 2aad ee magaalada Hargeysa .
Isaga oo ku dhacay dhulka hoose   ee biriijka  isaga oo si adag dhulka ugu dhacay . Caydaruus oo aan wax kaweydiinay sababta ku kalifatay in uu wax yeelada intan leeg isku gaysto waxa uu sheegay in uu ka soo horjeedo qaab maamul ee xukuumadda  haatan talada haysa .
Inkasta oo aanu sheegin habka uu  u diidan yahay .
Wiilkan dhallinyarada ah oo ay ka muuqatay bur-bur  xoogan oo soo gaadhay  jidhkiisa    ayaan hadal badan nasiinin .
Intaas ka dib waxa goobta soo gaadhay  ciidanka Booliska   iyaga oo  goobta ka gaadhi kaga qaaday,mar aanwax ka weydiinay  meesha ay gaynayaan waxa uu noosheegay in ay gayndoonaan dhakhtarka  si loo hubiyo xaaladiisa caafimaad
Cumar CaliXasan (Cumar Seerbiya)
Omarserbia1@hotmail.com
Oodweynenews.com/Hargyesa Office

Ciidamada Hey’adda nabadsugida oo howl galo gaar ah xalay ka fuliyay degmooyin ka tirsan Muqdisho

$
0
0

Ciidanka nabadsugida dowlada Soomaaliya ayaa howlgalo ay xalay ka sameeyeen degmooyinka Wardhiigleey, Yaaqshiid iyo Daayniile kusoo qab qabtay hub iyo dhalinyaro lala xiriirinayo Al-Shabaab.
Taliyaha ciidanka nabadsugida gobolka Banaadir, Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in ay ugu suura gashay howlgal gaar ah oo ay xalay fuliyeen ciidamada loo yaqaano gaarka in ay ku qabtaan hub, walxaha qarxa iyo dad uu ku tilmaamay nabad diid.
“Howlgal balaaraan oo hey’ada nabadsugida ka waday degmooyinka Wardhiigleey, Deyniile iyo Yaaqshiid ayaan ka shaqeyneynay ayaan kusoo qabanay dad badan oo nabad diidka ah iyo walxaha qaraxa oo ay dhulka geliyeen, sharciga ayaan geyneynaa howlgalkana waa mid gaar ah” ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in howlgalkaan uu sii socon doono lagana fulin doono dhamaan degmooyinka gobolka Banaadir.
“Dhamaan howlgalada 16-ka degmo ee gobolka waan ka fulineynaa, waxaana wax ka qabaneynaa kuwo dadka dhibay nabadana kasoo horjeedo, waxaan jecelnahay in qof walba isaga oo xor ah uu gurigiisa hor fariisto,” ayuu yiri.
Waa howlgalki ugu horeeyey oo ay ciidanka nabad sugida si isku mid ah uga fuliyaan sadexdaasi degmo todobaadyadi lasoo dhaafay.

Madaxweyne Shariif oo sheegay in shirweynaha Dastuurka lagu qabanayo xarunta Gaadiidka Booliska

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Shiikh Axmed ayaa sheegay in xarunta Gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis lagu qaban doono shirweynaha ansixinta dastuurka Soomaaliya.
Shariif oo halkaasi shir jaraa’id ku qabtay ayaa sheegay in ka hor 25 bishaan la gaba gabeyn doono howlo dayactir ah oo ka socdo xarunta si loogu diyaar garoobo shirweynahaasi oo bilaaban doono 15-ka bisha May.
Wuxuu sheegay qarashka ku baxayo dayactirka xarunta in ay bixineyso dowlada Turkiga oo uu uga mahad celiyey dadaalka dib u dhiska ah ee ay ka wado magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dastuurka Soomaaliya uu noqon doono mid u gaar ah dalka isla markaana aysan jirin dastuur la waafajin doono, taasi oo lid ku ah war dhawaan kasoo baxay madaxweynaha Puntland iyo wasaarada dastuurka oo sheegay in la is waafajin doono labada dastuur.
Xarunta gaadiidka booliska ayaa sanadki 2007 lagu marti geliyey shirweynihi dib u heshiisiinta xiligaasi oo ay marti gelisay dowladi uu madaxda ka ahaa madaxweynihi geeriyooday C/laahi Yusuf Axmed.

WAR DEG DEG: Xarakada Al Shabaab oo toogatay Taliyihii Saldhigga Degmada Waajid ee Gobolka Bakool

$
0
0

Xarakada Al Shabaab ayaa waxay maanta toogatay Allaha u naxariistee Maxamed Samaan, iyadoo ku eedeysay in uu xiriiro dhaw dhaw uu la-lahaa Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya.
Maxamed Samaan oo ahaa Taliyihii Saldhigga Booliska ee Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ee Dowladdii C/Laahi Yuusuf, ayaa waxay Xoogaga Shabaab ay ku eedeeyeen in uu ka tirsan yahay Dowladda Madaxweyne Shariif.
Hase yeeshee Maxamed Samaan ayaa wuxuu shaqada uu iskaga tagay markii uu iscasilay Madaxweyne C/Laahi Yuusuf Axmed, wixii waqtigaasina ka dambeeyay wuxuu ku noollaa Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.
Xarakada Al Shababa ayaa waxay mar walba ku eedeyn jirtay in uu ka tirsan yahay Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, ee uu Madaxweynaha ka yahay Mudane Shariif Sheekh Axmed, oo ay dagaalo culus kula jiraan.
Laakiin Maxamed Samaan ayaa wuxuu mar walba dhihi jiray “Dowladda kama tirsani, mana u shaqeeyo, haddii aan Dowladda ka tirsanaan lahaa maba sii joogeyn Degmada Waajid, ee waxaan u jooggaa shacabka ayaan ka mid ahay”.
Balse Xoogaga Shabaab oo ah kuwo aad u adag adag, fikir khalafsana aamisan, ayaa waxay maanta weerareyn guriga Maxamed Samaan ee uu ku lee yahay Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, iyagoona ku toogtay banaanka hore ee gurigiisa.
Shalay ayay ahayd markii Xoogaga Shabaab ay Deegaanka Ceel Cadde ee duleedka Magaaladda Garbahaarey ay ku gawraceyn Allaha u naxariistee Yaxye Xuseen Isaaq, oo ka mid ah Nabadoonada Somaliyeed ee sida weyn leh looga yaqaano Gobolka Gedo.

Marxaladda kala guurka ah iyo Madaxda mustaqbalka Q:1aad: By Bashir M. Hersi

$
0
0


Waxaa maalmahan loo wada xusul duubayaa ama xawli loogu jiraa, sidii loo
soo xuli lahaa gudiyada marxaladda kala guurka ah, si ay u qabtaan
hawlo badan oo aad u adag, labo ayaase ugu muhimsan gudiyadan, kalana
ah: Ansixinta Dastuurka qabyo qoraalka ah iyo soo Xulidda Xildhibaanada.
Intaanba hawshii la gudagalin, ayaa waxaa dhashay tuhun iyo farfiiq,
eedda ayaa dhalatay, ka dib markii la furay Sayladda Suuqa lagu kala
iibsanayo Odayaasha loo igman doono hawlahan.
Inta aanan abbaarin arrimahan, waa muhim ah, inaan dhawr qodob
duljoogsado, oo aan is leeyhahay in la qeexo waa lagama maarmaan, maxaa
yeelay, waxaa isku dhex miliqsan arrimo badan, ujeed iyo ogaalna la
isugu daray, waxyaabaha qaarna laba maldahay! Illeen wax aan dani ka
dambayn ma jiraane.
Marka laga soo tago; abaaraha, gaajada, colaadaha, dagaallada iyo
dhibaatooyinka guud ee Soomaaliya hareeyey, waxaa lala eegtay sadax
arrimood, oo kala ah:
-Dawlado ku meel gaar ah: Labaatanka sano ee burburka lagu jiro, dalka
waxaa soo maray ku dhawaad shan dawlado ku meel gaar, dhaqan ahaan iyo
maskax ahaanba, ku meel gaarka, waxay ahayd inay ka dambayso marlaxad
nagi iyo deganaansho, haddii markii hore loo baahnaa in heerka la joogo
laga gudbo, loona baxshay ku meel gaar, si loo caddeeyo inaysan ahayn
daa’in iyo wax waligeed sii soconaya, balse,  ayaandarrada Soomaalida ku
habsatay ayey ka mid tehee, waaba la daa’imiyey.
-Shirar dib u heshiineed: Sida tan hore mugdiga dad badan uga jiro, tan
waxaan filaa inay tahay bannaanyaal iyo wax iska cad. Shirarka la qabtay
iyo sanadaha burburka lagu jiro marka aad is garabdhigto, waxaad ogaan
inaysan kala badnayn oo iska daba dhaw yihiin, kana dhigan qiyaastii in
sadaxdii sanaba mar shir la qabanayey, heer ay noqdeen shirirkani
qubanayaal madashoodaaan la faaruqin, loona madlan yahay dhawr gu’ ka
dibba.
-Ergay cusub: Lixdii sanee u dambaysay, waxaa la soo magacaabay sadax
ergay, oo uu ugu dambeyo mudane Mahiga, haddaad gadaal sii qooraansatana
qoorta ayaa ku daalaysa kaliya, waxaaba laga yaabaa inaad tirin weyso,
dabcan, ujeed la’aan ma ahan, dhammaan qodobadan aan soo xusay, mid
walba waxaa laga leeyahay dan gaar ah, aan isku dayno inaan fahamno. Kan
hore, ee  “ku meel gaarka” waa waligaa garab rarato iyo geeddi ha ka
gudbin. Kan labaad, ee “Shirarka dib u heshiineed” waa waligaa gabraarta
shisheeyaha ha ka guurin. Kan ugu dambeeya, ee “Ergay cusub, waa
waligaa basaas ha noo kaa dhex joogo.
Arartan gaaban ka dib, aan u daadego dulucda qormada, oo u badnaa doonta
tilmaamo iyo talooyin. Sidaa awgeed, waxaan ka sii cudurdaaranayaa
qofkii aan igu aragti ahayn, inuusan ii ciilloon, maya, inuusan iga
caroon. Ujeedku ma ahan qof iyo qabiil, kali iyo koox. Waxaanse farta ku
fiiqi doonaa meelo badan, waana midda aan ka sii afeefanayo, illeen waa
tii la yiriye: “Hadalkaaga hortiisa afeef ayaa la dhigtaa, Gurigaaga
hortiisana ood”.

Marxaladda Kala guurka ah

Laba sano oo ku meel gaar ah ka dib, iyo sanad “Kampala Accord” loogu
waqlalay, ahaase xadgudub ka dhan ah Dastuurka Dawladnimada iyo
Dadnimada, maadaama mudaduu madax ahaan lahaa dhammaystay, haddana
Kaadir Musaveni ayaa u kordhiyey, inaw Meles ogaana maanka ku hay.
Iminkase waxaa la marayaa gabagabadii gugaa Musafani gooyee, maxaa
goobta lala iman?.
Weydiinta madaxa daalinaysa ayaa ah: (Horta Ku meel gaar inaan ka baxno
yaa dani ugu jirtaa? Ma anaga [Soomaalida] Mise Shisheeyaha [Dunida])
Aayaheenu wuxuu mar walba ku xiran yahay hadba warcelinta laga baxsho
weydiintan, micnaha labada dan midda xoog yeelata ayaa xarigga noo
qaban, aanse kala qaadee, haddii anaga dani noogu jirto, ma leenahay
hoggaan xilkas ah? Ma leenahay madax qaran? Ma leenahay Maamul adag
amaba jira? Ma leenahay ......? Ma leenahay......? Ma leenahay....? Ma
leenahay....? Ma leenahay....?.
Haddiise ay dani ugu jirto shisheeyaha, haddaa, maxaa loogu dig iyo dam
leeyahay? Maxaa loogu wada hamuun qabaa? Wax aan dhibkiisa mooye,
dheeftiisu muuqan, maxaa loogu wada dhadhabayaa? Waan filaa inay dad
badan u caddahay raggan aqoon yahanka lagu sheegayo, inay yihiin
dullaaliin daboolan, oo ay dhammaan wada matalaan shirkado shisheeye.
Maxaa yeelay, mid walba markuu yimaado, wuxuu heshiis la galaa shirkado
gaar ah, oo uu ka qaato xoogaa laaluusha ah iyo sandareerta yar.
Waxa loo wada xusul duubayo, ayaa ah in mar qura eraga: “Ku meel gaarka”
laga gudbo, danta laga leeyahay ayaana ah, in shirkadahan shisheeye,
wixii loo saxiixo aan lagu soo dabagalin, illeen wixii ay maanta la
saxiixdaan MAFIYADAN berri ayaa la duri karaaye, maadaama aysan wadanka
ka jirin dawlad buuxda, haddaba aqriste, ma kula qumman tahay in
xeeladdaasi meel marto?.
Dal aysan deganaan guud iyo mid gaaraba ka jirin, waa yaabe: sidee uga
gudbaa ku meel, markii horaba la galiyey? Aqriste, armaad is tiraa,
ninkani waa kuwa buka ee qaba, in dalka Maxmiyad la galiyo! Maya, bal si
kale u eeg, armaanba hadda Maxmiyad aan magacaabnayn ku jirnaa? bal
sadarrada sare aqriska ku celi. Hubaal inaad garan, inaannaan gob madax
bannaan ahayn.
Marka laga soo tago caddaanka dalka Badda iyo Cirka ka eegta, wadanka
waxaa maamulan jirtay Xabashi, hadda waxaa wadaag la noqotay Ugand iyo
Kenya, ninkay caad ka saaran tahay, ha u fiirsho qaabka wadanka loo
maamulayo, hase ku kadsoomin magac bixinta aan meelna haysan;
Madaxweyne, Ra’isul wasaare, Wasiirro, Xildhibaanno IWM.

Guddiga Dastuurka

Ugu horrayn, tirada guddigan iyadoo lagu wareersan yahay, ayaa waxaa noo
koobay Wasiirka Dastuurka iyo Dib u Heshiisiinta C/raxmaan Xoosh
sheegayna in ay horay u ahaayeen soddon qof [30], haddana ay yihiin
sagaal qof [9] oo uu ku tilmaamay “khubaro” -Sir iyo caad ogayaal- waa
siduu hadalka u dhigee, sagaalka sargaal wuxuu ka xusay mudanayaashan
-oo dabcan uu wada ammaanay-: Caasha Kiin Faarax Ducaale, Prof jawaari,
Dr Cali Siciid Faqi, Shukri Diini iyo Xannaan.
Guddigan waxaa la magacaabay markuu dhammaaday shirkii dib u
heshiisiinta ee Kenya lagu qabtay sanaddii 2004-tii, waxaa lala
magacaabay guddiyo gaarayaa ilaa saddax iyo toban guddi, waxaa ka mida
guddiyadaa Guddi dib u heshiisiinta.
Dawladda Shariif ayaa isku dayday inay guddiga xubno ku darsato, la
laaqa Dhariga la Karinayo, qas iyo qalalaasaba ha looga jeedee, waase ku
guuldarraysatay! Haddaba su’aasha ayaa ah: Guddigani awoodda intaa la
eg siduu ku helay? Xaggeese ka keenay?.
Mid aan sir ahaynse aan sheego, in guddigani maalintii la aasaasay ilaa
iminka uu mushaar joogta ah qaadanayey, taa kaliya ma ahan, Guddigani
waa ka safar badan yahay madaxda dawladda, oo haddaa, yaa ka bixiya
qarashka safarka? Maya, horta sidooda yaa biila? lacagta ku baxda xaggee
laga keenaa? Xafiiskee siiyaa? Guddigani Xafiiskoodu xaggee ku yaallaa?
Mise waa garab rarato Lap Top-ku Kilkisha ugu jiro, walina aan gaarin
iPad!
Warar aan la xaqiijin ayaa tilmaamaya, in Guddigan maalintii la
magacaabay ilaa maantadan ay ku baxday qarash badan, aqriste lacagtu ma
yaree, bal kurisga xajiso, inta aanan kuu sheegin, waa inaan kuu sii
digaaye, waxaa lagu beelay beeso dhan hal Malyan oo Dallar [1Milyan$]
haddaba yaan la oran dalku muxuu Sabool u yahay? Illeen Yuubatadan ayaa
wixii soo galiba u yuurartee!

Dastuurka qabyo qoraalka ah

Dastuurkan waxaa lagu madalsan yahay, in la soo bandhigo bartaha bisha
may ee foodda nagu soo haysa, sidaa awgeed, mashaqada ugu darani way soo
socotaa, oo waxan ay Dastuurka ku sheegayaan, waxaa ku jiro qodobo
aysan iyagu qorin, sida ka muuqatana ay qorteen dalalka dariska ah,
qodobada qaarna waxaaba qortay qabiillada qaarkood, oo aadba moodda inay
ku fillaa waysay, sadbursiga ay maanta ku hayaan beelaha intooda kale,
awal ayaanba qaati ka taagnayn afar iyo bare, ma waxay noo soo wadaan
goosgoos aan gabina gaari karin?.
Balaan ku hormaro qodobka la yaabka leh ee ah: “Jinsiyadda/Dhalshada” Dastuurka qabyo qoraalka ah waxaa ku qoran sidan:

CUTUBKA 2AAD-JINSIYADDA

Qodobka 11aad-U-dhalashada Jinsiyadda

(1) Qof kasta oo ku dhasha gudaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, dhalasho ahaan waa Soomaali.

Qodobka 12aad-Muwaaddinnimada lagu heli Soomaaliyeynta

(3) Qofka shan sano oo taxane ah, si sharci ah Soomaaliya u degganaa,
buuxiyeyna shurrdaha sharciga Jinsiyadda, xaq ayuu u leeyahay inuu
dalbado Soomaaliyeyn.
(4) Shardiga shanta sano ee uu qofku xaq u yeelanayo in lagu
Soomaaliyeeyo guur ama deggnaansho kuma xirna in uu buuxiyey ka hor ama
ka dib taariikhda dhaqangalka Dastuurka.
Balaan jeexjeexo qodobka Jinisyadda, mid waa inaan isla wada qirnaa,
inaan nahay dal xitaa aan SABOOL lagu tilmaami karin, intaa waxaa noo
sii dheer, inaan ku jirno dawladaha dhan walba ku fashilmay, haba ugu
darnaadaan dhanka ammaanka, maamulka iyo garsoorka, waaba haddii
raadkood la hayee.
Sidaa waxaan u leeyahay, qofka marka uu mudnaado Jinsiyad/Dhalasho,
wuxuu yeelanayaa xuquuq uusan markii hore lahayn, maya, wuxuu la mid
noqonayaa Muuwaadinka Soomaaliyeed, ee aan la Soomaaliyeyna. Haddaba,
miyeysan habboonayn inaan arrinta si fudud loo gudagalin? Waa midda
koowaade, dhaqaalo uma haynno, in qof walba oo shan sano na dhexjooga
aan dhalasho dhab ku siino. Anagii ayaa naf la caari ah, ee sideen dad
kale ku xammili karnaa? Aniga iima dhadhamin.
Midda naxdinta leh ayaa ah, in qodobkan ay qorteen dawladaha ay ciidanka
ka joogaan wadanka, si gaara Xabashida, oo danteedu tahay inay ku
yeelato Soomaalida dhexdeeda, dad badan oo la Soomaaliyeeyey, micnaha
dad asal ahaan ka soo jeedo wadankeeda, balse, xaq buuxa ku leh
Soomaaliya. Haddaba, maxaa ka horjoogsanaya in ay berri madax noqdo?.
Waxaan la yabaa dad badan oo muran ka kenay qofka Soomaaliga ah ee xil
qabanaya inaysan shardi u ahayn inuu Muslin ahaado! Waana meesha kaliya
ee laga hadlay ilaa iminka, waxaa ku soo xiga midda sadbursiga. Waaba
yaabe, dadkan maba u muuqdo wadankan xaraashka ah, ee la leeyahay qof
walba wuxuu noqon karaa Muwaadin Soomaaliyeed, sida iyo saabku muhim ma
ahan, waaba laguu sadrayee ku dul susub, sina ha uga seerayn.
Berri waxaa soo socda kuwa madaw iyo caddaan isugu jira, oo aan Soomaali
ahayn, lase leeyahay waa Soomaali, Muslinnimana haba sheegin warkeed,
oo xukunka qaban doona. Hadda ayeyba billaabatay, dad la siiyey
dhalshada, sida ay sheegayaan xog hoose oo laga helay Waaxda Jinsiyadda
ee Xamar, aanse ka wardhawrno maalmaha! Wallee inay wax riman yihiine.
Run ahaan, qodobkan wuxuu keeni doonaa in dad badan oo iminka Soomaaliya
jooga, ujeedna loo geeyey, ay berri ku doodi doonaan, inay Soomaali
yihiin, maxaa yeelay, waxay Soomaaliya deganaayeen in ka baddan shan
sano, oo uu Dastuurkani xadidayo, Qoraaga sare: C/qaadir Cusmaan Max’ud
(Aroma), ayaa Naynaas ahaan ula baxay (Oromo) isagoo ku muujinaya
Afrikaannimadiisa, kana cararaya Carabnimo ama Carabayn.
Markuu burburkii dhacay, ayuu ku baraarugay kuwa la leeyahay waa Oromo
masaakiin ah, oo dadkii qaarijin ku dhammeeyey, ka dibna, Naynaastii ku
badshay (Aromo) oo ah geed udgoon.
Malaha meeshii C/qaadir Cusmaan Max’ud (Aromo) uu ka dagaalamayey ayaan
maanta maraynaa? Maxaa yeelay, qodobkan waxaa ka dhalanaya in Ajaanib
badan ay xaq u yeeshaan dhalshada Soomaali. Hubaal in dad badan kugula
doodayaan, in ay jiraan Soomaali badan oo qurbaha ku haysta dhalsho
kale. Aanse caddeeyee, tan iyo kuwaas kala duwan, markaan yeelano
dhaqaalaha dawladahaa oo kale, ee aan dal dhisan iyo dad deggan yeelanno
ha la gaaro, ee maanta miyey mudan tahay in sheeko caynkaa ah Dastuur
naloogu qoro?
Waxaa jira dalal badan oo naga hodonsan, oo aan qodobkani u qornayn,
sida S.Afrika, Jappan, S.korea, Malesia, UAE IWM, kuwaaba kuma
degdegine, waa maxay kadlayntan anaga nagu jirta? Wallee inaan shaki ku
jirin, inay Xabashi qoratay qodobka Jinsiyadda/Dhalashada, ee
Soomaaliyeey, armay maanta ku habboon tahay, inaan raggan iska qabanno?.
Dhanka kale, dawlado reer Yurub ah, ayaanba ku bixin dhalashada shan
sano, ama kuba baxsha shantaa oo shuruudo lehe, sidey ku dhici kartaa
dal G8 [Dawldaha warshadaha ku hormaray] ku jira, sida Italia, in
dhalashada lagu helo toban sano oo degaansho ah, annagu aan shan sano oo
daganaashao ah ku bixinno? Aniga iima cuntamin, aqriste, adna?.
Waxaan gudcur ku jirin oo aan u baahnayn hillaabasho, in guddigan iyo
kuwa la mid ah, ay dalka ka dhigayaan mid aan la kala xigin. Ma kuu
joogaan Gaangaystarro aad isaga maaro waysay, waa laguu hayaa halkii aad
gayn lahayd, waa Soomaaliya. Ma leedahay kooxo Calooshood u
shaqaystayaal ah, waa laguu yaqaan meesha aad ku beeri lahayd, waa
Soomaaliya. Ma ku xiran tahay MAFIYA, waa laguu yaqaan meesha ay
mashaariicdiinnu ka hirgalayaan, waa Soomaaliya.

Fisha, qaybta xigta ee qormada.

Bashir M. Hersi
brdiraac@hotmail.com

Fikradu qoraaga ayaa iska leh

Meher Xadka Qudbasireedka Muxaadaro

Abaalmarin la Siinayo Qofkii al-Shabab soo Dila ama soo Qabta

$
0
0

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay abaalmarin dhan 500 doollarka Maraykanka ah siinayso cidii soo qabata ama soo disha dadka lagu tuhunsan yahay argagixisada.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Gudodomiyaha Gobolka Banaadir uu soo bandhigay qorshe lagula dagaalamayo argagixisada oo diiradda saaraya hoggaamiyayaasha argagixisada iyo kuwa maalgeliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Nuur Tarzan ayaa sheegay in Al-Qacida ay soo waajahday dib u dhacyo badan oo dhinaca dagaalka ah.

Waxa uu sheegay in qorshahan uu ka mid yahay mid dhaqaale oo abaalmarin lagu bixinayo, isagoo sheegay in $500 la saaray madaxa qof kasta oo argagxiso ah oo la dilo ama la qabto.

Arrintan ayaaa ka danbeysay markii dhowaan ay dawladdu sheegtay in Goblka Bakool ay isa soo dhiibeen in ka badan 15 qof oo la sheegya inay ka tirsanaayeen ururka Al-Shabab.


Shaqaale ka Tirsanaa Safaarada Turkiga oo la Dilay

$
0
0

Xalay fiidkii waxaa magaalada Muqdisho toogasho lagu dilay Yuusuf Sheikh Ibrahim Xassan, oo madax ka ahaa shaqaalaha safaaradda Turkiga ee Somaliya.

Dilka sarkaalkan ayaa waxaa geystay Nin ku labisnaa Dareyska ciidamada Booliska DKMG ah, oo ku sugnaa fariisin ay ciidamadu ku leeyihiin agagaarka KM 4.

Faahfaahinta warkan ku saabsan iyo wareysi aan la yeelanay goob jooge halkan hoose ka dhageyso.

Holland oo Joojisay Musaafurinta 16 Somali ah

$
0
0

Wasiirka jinsiyada iyo socdaalka ee dalka Holland Gerd Leers ayaa sheegay inuu ka laabtay dacwad ka dhan aheyd 16 Somali ah oo u xiraa in dib loogu celiyo Somalia.

Warkan ayaa lagu baahiyay shalay qaar ka mid ah wargeysyada ugu waaweyn ee ka soo baxa dalkaasi.

Wareysi ay VOAdu arintan ka yeelatay  Cali Waare oo madax ka ah ururka jaaliyadda Somalida ee Amsterdam iyo hareeraheeda, halkan hoose ka dhageyso.

What Can African Leaders Learn From Brazil?

$
0
0

Opinion
By:LibanObsiye
It is no newsnow that China, once just another poor communist nation in the eyes of itscritics, has developed to be the second wealthiest country in the world.However, what would have astounded most people, especially some economists, isthat another once dust bowl of the world economic order, Brazil, has overtakenthe mighty trading nation of Great Britain for the first time in history tobecome the world’s sixth largest economy.
According tothe Centre of Economic and Business Research, Brazil made the historical leapin this year’s annual global economic league tables because of its vastreserves of natural resources and its growing cash rich middle class who arespending as Europeans and Americans tighten their belts as a result of theglobal financial crisis. There is much for African leaders to learn from acountry that was once just like theirs in every imaginable way.
Not allAfrican nations have vast reserves of mineral wealth but most can beeconomically self sufficient if there was fair trade, good governance and acommitment to developing society from the bottom up. To suggest that Brazil’sdevelopment was a luck of geography and all reliant on its mineral resources isabsolutely misleading and anyone who believes this needs to read their historyagain. Alongside the mineral resources, arguably the most successful Brazilianpresident in history, Luiz Inacio Lula da Silva, initiated and implementedsocial reforms that lifted over 30 million of his people out of poverty. Amongthese reforms were an increase in the minimum wage of Brazilian employees anddirect State provision of public services and financial assistance which wasdiscouraged in the past by the international financial organizations thatprovided loans to Brazil. In direct contrast to the minimal State interventionprescription forced on his predecessors, Lula’s government was able to benefitfrom globalization by selling their national resources on their terms and thenusing these financial and inevitably political gains to redistribute wealthacross society and further advance the interest of their citizens. This processof State led capitalism shattered the myth of the powerless state in an age ofglobal governance and instead of standing by like victims of an uncontrollableglobal virus, Lula’s administration ensured that its people and theircommunities were at the centre of their national development strategy.
The result?Well it speaks for itself. Brazil has a rapid growing middle class, greaterforeign direct investment and it had the courage and confidence recently toissue millions of dollars worth of fines to the Oil drilling giant Chevron fora spill in their sea and the subsequent poor handling of the clear upoperations. The new president, Dilma Rousseff, has continued on the path of hervisionary predecessor by further committing to its young citizens by investingheavily in their education through the extension of the scholarship scheme thattakes them to the worlds finest institutions to study the crucial subjects suchas science, IT and agriculture, that will ensure their individual developmentand nations continual growth.
Unlike thepoor simple shoe shine boy who worked his way through the trade union movementinto the highest political office in Brazil, most African leaders regularlyboast of their education in some of the world’s finest institutions. In manyAfrican countries today it is almost impossible to find a Minister without aPhD. What is the point of all this knowledge amassed over years of study whenit cannot be implemented as a result of division, poor vision and corruption?If anything was to be learnt from all this education it should have been thatthese various governments of differing formations owe a duty to their citizensto fulfill their basic human needs and only by doing this will development inAfrica ever occur.
Africa isrepresented poorly in the media but it is slowly improving. There is new foundhope but old enemies remain. The Economist magazine that once labeled Africa as“the hopeless continent” has a decade later announced that it regretted this asAfrica was finally growing economically as a result of greater politicalstability, global commodity boom, advances in technology and a younger moreeducated population. Many resource rich African nations like South Africa,Botswana and Ghana are now asking foreign investors for a larger slice of theprofits and genuine commitment to knowledge transfer for their citizens withthe threat that they will revoke lucrative contracts and put them to tender tothose corporations that are more compliant with their wishes. More bravely,some of these have even suggested that if they have the expertise and skills incountry and they do not get their way they will nationalize key resourcestotally. While public private partnerships are beneficial, for too long Africangovernments have been losing out but this realization, albeit slightly late,has finally arrived and like in Brazil, China and India it will pay dividend ifthe fair proceeds are collected and used for the purposes of human andinfrastructural development. The simple threat of nationalization of SouthAfrican mines shows how African nations are now linking economic growth withthe need for human development and putting this responsibility on themselvesrather than individual companies.
Democracy iscoming to life in Africa and this is clearly one of the reasons investmentinterest is growing in the continent. The Arab Spring that inspired the worldshowed those African despots and their play boy children that, regardless oftheir allies of convenience in powerful western nations, young Africans willnot stand by and watch their opportunities at development squandered throughgreed, corruption and terror. It also forced one of the most autocratic Africanleaders, King Mohammed of Morocco, to unveil a new constitution which has sincetransferred many real powers to the newly elected Justice and Development Party(PJD).
There aresome elections where the majority party wins 95% of all seats (Equatorial Guinea)and there are those who refuse to go when defeated openly and fairly at theballot box without a fight. However, as witnessed in this year’s Presidentialelection in Senegal, they have started to go peacefully and even call theirvictorious opponents to wish them well rather than imprison them like in thepast.
Democracy, asChina has proven, is not needed for development. But what it does is that itgives governments a real mandate and genuine legitimacy. Even more importantlyit provides the public with the reassurance and confidence that if they are nothappy with an administration they can get rid of them in the future. Theadvantage of democracy is that the government does not have to always feel thatin order to stay in power all it has to do is deliver growth like in China butlike in India, it has to actively listen to the people and act on their policypriorities or lose political clout and voice. More importantly, dictatorshipsin Africa have been a continual recipe for disaster and it is one of the keyroadblocks to reform, growth and happiness in the continent.
Africa is nolonger a hopeless continent. It is a continent of great beauty which is finallystirring to the need for real development. The drivers of social change areyoung, dynamic, educated and demand more from their leaders. They are no longerhappy to watch others get rich through their ill gotten gains. Fear has beenreplaced by hope. Old dictators still lurk around like a deadly bad smell butthey themselves know that their days are numbered if they do not embark on realreforms quickly. Even the best PR firms and managers employed by them to glossover their image for the global audience cannot compete with the many newcommunication technology that they are unable to censor that has brought theirfellow dictators in Egypt, Libya and Tunisia crashing down in disgrace throughbetter communal knowledge sharing about their abhorrent, self indulging andmurderous activities.
Can the tideof young, educated Africans leaving the continent be reversed? Can the braindrain become a national gain rather than dependency creating remittances frombetter governed nations? The indications are that this is possible as China,despite having good infrastructure, sophisticated supply chains and massmanpower, is becoming too expensive for manufacturers. Workers who have wokenup to the real sale price of the products they make so cheaply are demanding afair wage and this coupled with the American accusations of persistentIntellectual Property theft by Chinese companies, may give Africans the breakthey need for foreign investment in manufacturing, call centers and low levelservices to begin with. The fact that most African nations also speak Englishand French as natural second languages gives them an advantage over China andeven India where English is the second common language. Most African leadersrightfully speak at length about trade barriers and the Washington consensus.But like China, India and Brazil, free trade restrictions can be mitigatedthrough price competition and the creation of investment incentives such as aneducated workforce and better infrastructure.
Afterindependence African leaders such as Milton Obote of Uganda and Siyad Barre ofSomalia either wore military uniforms weighed down heavily by medals (earned ornot) or Western tailored three piece suits that made them look like a choking,walking Marks and Spencer’s advert bothat home and abroad. However, now many modern African leaders such as Good LuckJonathan and the World Bank presidential candidate and the Nigerian financeminister, Ngozi Okonjo-Iweala, are very comfortable parading their beautiful,loud and colorful national dresses on the world stage. This new foundconfidence and pride in their traditions and values is what will ensure Africanleaders are heard in the global arena in the future if they couple it withState led development.
The Africancontinents status and importance to global trade and security may be elevatedby the newly discovered vast reserves of oil in the Horn of Africa nations suchas Kenya, Uganda and Somalia as well as its traditional oil producers like asNigeria and Equatorial Guinea. This is because it will create competition byloosening if not totally breaking, the Arab Nations grip on oil production andoffer insurance and security against Arab political volatility which heavilyimpacts on global oil prices and consumer spending. This however, is still adistant dream as African leaders need to convince investors that they arereliable and that their investment is safe through the creation of peace, lawand order as well as an industrial policy that benefits both parties.
Brazil’ssuccess came as a result of a State led development policy underpinned byrespect for citizens and Human Rights. This was coupled with strong governmentintervention in the markets with regulation and taxation policies which ensuredthat the most vulnerable in society did not starve to death while waiting forthe benefits of Brazils new found wealth to trickle down to them. The Statetook it as its duty to redistribute the wealth of the nation so that over 44million citizens could escape poverty. This is an amazing achievement that canbe repeated in Africa if the governments are willing to take responsibility fordevelopment and are able to capitalize and turn into social action the newfound optimism in the continent and its people. No nation, China or otherwise,holds Africa’s future in its hands. Africans do and they are starting torealize this. This is the real step in the right direction that was needed fromindependence. The difference between then and now is that African leaders donot have to reinvent the wheel as they have role models in other developingcontinents. All they have to do is catch up.
Liban Obsiye.
libanbakaa@hotmail.com

Suxufiyiin iyo Fanaaniin ku Dhaawacmay Qaraxii Tiyaatarka Oo Wali Ku Jira Isbitaalada Muqdisho iyo Dowlada KMG Oo Wali Anan Wax u Qaban (Warbixin)

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Iyadoo wali isbitaalada magaalada Muqdisho ay ku jiraan dadkii ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay Tiyaatarka Qaranka Afartii bishaan ayaa hadana dowlada KMG wali waxay ku cel celinaysaa in ay wax u qabanayso dadkaas.
Dadka ay waxyeeladu soo gaartay ee ku jira isbitaalada magaalada ayaa waxaa ka mid ah Suxufiyiin Fanaaniin iyo waliba dad kale oo shacab ah kuwaasi oo qaarkood ay dhaawacyadood culusyihiin.
Dowlada KMG ma jirto wax badan oo ay u qabatay dadkaan marka laga reebo masuuliyiin ka tirsan xukuumada oo dadkaan ku booqday isbitaalada magaalada Muqdisho.
16-maalmood ka dib dowlada waxay wali taagantahay in ay wax u qabanayso dadkaan oo ay waliba siinayso gar gaar faacimaad oo wadanka Dibadiisa ah.
Wasiirka warfaafinta dowlada KMG Soomaaliya C/qaadir jaahweyn oo saxaafada la hadlay ka dib kulan ay golaha wasiirada ay ku yeesheen magaalada Muqdisho shalay oo khasiis ahayd ayaa wuxuu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan dadkaan loogu qaadi doono wadanka dibadiisa si ay u helaan gar gaar caafimaad.
Raysal wasaaraha dowlada KMg Soomaaliya oo Afartii Bishaan suxufiyiinta kula hadlay xafiiskiisa wax yar uun  ka dib markii uu qaraxa dhacay ayaa wuxuu sheegay in dadka ku waxyeeloobay qaraxaasi loo qaadi doono isbitaalada ku yaala wadamada xiriirka la leh Soomaaliya.
Qaar ka mid ah dadka ku dhaawacmay qaraxaasi iyo qaar kale oo ah Ehelada dadka ku waxyeeloobay qaraxa Tiyaatarka Qaranka ayaa waxay u sheegeen RBC in xaalada caafimaad ay tahay mid liidada isla markaana ay muhiim tahay in la helo gar gaar faaimaad oo deg deg ah.
Dadka ku waxyeeloobay Qaraxa ayaa waxaa ka mid ah Abwaan Axmed Cabdi Gaashaan oo ka tirsan hobalada waabari kaas oo haatan xaafadiisa caafimaad ay tahay mid liidata.
Ugu danbayntii dowlada KMG Soomaaliya waxay ku guuleesatay in ay wadanka ka qaado masuuliyiin iyo xildhibaano qaraxaasi ku dhaawacmay, laakiin waxaa lees weydiinayaa sababta dowlada ay u qaadi la’day dadka ka kale ee shacab ah oo ku jira isbitaalada Muqdisho.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Somalia sets $500 bounty on al Qaeda-linked rebels

$
0
0

Mogadishu (RBC) Somalia has set a $500 award for anyone who captures or kills a militant from the al Qaeda-linked militant group of al Shabaab which has been attacking government and African Union peacekeepers in the capital Mogadishu.
“Now, consider that every al Shabaab is just like a commodity that will earn you cash,” Mogadishu mayor Mohamud Ahmed Nur was quoted as saying in a government statement.
Addressing Mogadishu residents on Wednesday, Nur said the government would offer $500 for every “captured or killed terrorist”, according to the statement.
Islamist militants withdrew from the capital in August but continued to launch deadly guerilla-style attacks against Somali and African Union troops.
Kenyan and Ethiopian forces are also battling al Shabaab militants from entrenched positions in the southern and central parts of the lawless Horn of Africa country.
The cash reward is likely to appeal to many Somalis in an impoverished country where hundreds of thousands of Somalis were left on the brink of starvation following last year’s famine.
Source:(Reuters) -

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live