Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Ehelada Mid Ka Mid Ah Shaqaalaha Safaarada Turkiga Oo Ka Codsaday Dowladda KMG Ah In Soo Qabto Ninkii Dilay Wiilkooda

$
0
0

Muqdisho (RBC) Cali Sheekh Ibraahim Xasan oo la dhashay Yuusuf Sheikh Ibrahim Xassan oo madax ka ahaa shaqaalaha safaaradda Turkiga ee Somaliya oo xaley fiidkii lagu toogtay ayaa sheegay in dilka walaalkiis uu yahay mid si ulakac ah loo geestay.
Wuxuu sheegay in uu dilay askari ka tirsan dowladda KMG ah oo ka shaqeeya KM4. kaa oo dhowr jeer inta uusan dilin u hanjabay,
Marxuumka la dilay ayaa waxa dilka u geestay Nin ku labisnaa Dareyska ciidamada Booliska DKMG ah, oo ku sugnaa fariisin ay ciidamadu ku leeyihiin agagaarka KM 4, sida ay u sheeegeyn RBC Radio goobjoogayaal ku sugnaa xilliga dilka uu dhacaayay.
Cali ayaa sheegay haddii aysan dowladda wax ka qaban oo aysan cadaalada horkeenin askariga falka geestay, in ay muuqaneyso in magaalada Muqdisho ay tahay meel aan ammaan ahayn, oo aan la isku haleyn karin.
Wuxuu yiri ” Annaga waxa aan codsan lahayn in dowladda ay soo xirto askarigaas dilka walaalkey u geestay waa la yaqanaa, ka dib xukun qisaas ah lagu fuliyo, haddii kale annaga waxa u arkeynaa in dowladda ay wax ka ogtahay qorshaha dilka” ayuu yiri Cali Sheekh oo la dhahay marxuumka la dilay.
Markii uu dilka dhacay, waxa goobta ka baxsaday askarigii dilka geestay, waxana goobta soo gaaray ciidamo badan, laakin wax ay qabteyn ayaa iska yer” sidaas waxa u sheegay RBC Radio qof diiday magaciisa in loo adeegsado saxaafadda goobta ku sugnaa xiliga uu dilka dhacaayay.
Ilaa hadda dowladda kama hadlin dilka loo geestay turjumaankii qaaska ahaa ee safiirka Turkiga Soomaaliya ee xaley la dilay, waxana ay arrintan dhaawaceysaa xiriirka labada wadan.
Turkiga waxuu kaalin libaax ah ka qaatay nabadda Soomaaliya, waxa ay caasimada ka hirgaliyeen mashaariic badan, waxana ay dalkooda geeyeyn ilaa 1,000 arday ah kuwaas oo ay u fidiyeen deeq wabrasho oo lacag la’aan. waxa kaloo dalka ay ka hirgaliyeen mashaariic badan. oo ay ka mid yihiin Isbitaalo, iskuulo lagu barto luuqda dalka Turkiga, iyo diyaarada Turkish Airline oo toddobaadkii duulimaad caalami ah ka sameesa Muqdisho.
Dhawaan ayaa safaaradda Turkiga Soomaaliya ee ku taala wadada KM4 magaalada Muqdisho waxa ammaankeeda lagu wareejiyay
ciidamo Boolis ah, ka dib markii ay ka tageyn ciidamo gaar ah oo ka soo jeeda dalka Turkiga.
Ma cadda sida ay uga jawaabi doonto dowladda KMG ah, dilka loogeestay Madaxii safaarada Turkiga ee Soomaaliya. dhowr jeer ayaa magaalada Muqdisho lagu dilay dad xilal kala duwan haya, kuwaas oo ay dilaan rag kulabisan dareeska ciidamada dowladda KMG ah, waana ay yertahay cid arrimahaas dowladda ay u soo qabto.
RBC Radio
————————–
Xafiiska Wararka Muqdisho


DKMG ah : Abaalmarin $5,00 Ayaa La Siinayaa Qofkii Al-Shabab Soo Dila Ama Soo Qabta

$
0
0

Muqdisho (RBC) Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay abaalmarin dhan 500 doollarka Maraykanka ah siinayso cidii soo qabata ama soo disha Al-Shabaab oo dagaallo xooggan kula jirta dowladda KMG iyo ciidamada AMISOM.
” Qofkii soo sheega ama soo dila Al-Shabaab waxa ay dowladda siineysaa 5,00 oo doollar” sidaas waxa yiri duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo laga soo xigtay War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.
Wuxuu sheegay duqa Muqdisho in Al-Shabaab ay hadda soo wajahday culeyso badan, sidaas daraadeena loo baahan yahay in lag faa’ideesto si aysan dadka ugu dhexdhuuman ayuu sheegay”
Wuxuu yiri ” Waan ognahay in madaxda Shabaab aysan soo aadin dagaalka ama magaalada, laakin amiirada Shabaab ee dagaalada soo gala ayaan madax qof kasta oo Shabaab ka tirsan waxa lagu bixin doonaa abaalmarin gaareysa 5,00 oo dollarka Maraykanka.
Waa markii ugu horeysay ee dowladda KMG ah shaaciso in ay lacago ku bixineyso qofkii soo sheega ama soo dila Shabaab dad ka tirsan, waxaase su’aasha la isweydiin karo ay tahay siddee lagu xaqiijin karaa in dadka la soo qabto ama la soo dilo ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, waayo waxa dhacda mararka qaar in dad badan oo la dilay in ay lagu qaldo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.
Al-Shabaab waxa hadda ku furan culeys dhinacyo badan,wixii ka dambeeyay markii ay ka baxeyn caasimada Soomaaliya bishii August ee sanadkii hore waxa gacantooda ka baday gobalo badan oo ku yaala koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.
RBC Radio
——————–
Xafiiska Wararka Muqdisho

AMISOM oo mar kale qabsatay Dayniile

$
0
0

Ciidammada Afrikaanka ee ku sugan Muqdisho, AMISOM, ayaa mar kale sheegtay in ay qabsadeen garoonka dayaaradaha ee Dayniile oo ka tirsan Muqdosho.

Taliska Ciidamada AMISOM: "Waxaan dagaal ku qabsanay garoonka diyaaradaha ee Dayniile, magaalada Muqdisho"

$
0
0

Taliska ciidamada AMISOM oo war-saxaafadeed Muqdisho ka soo saaray ayaa sheegay inay weerar ku qaadeen xalay garoonka diyaaradaha ee degmada Dayniile, halkaas oo ay al shabaabku gacanta ku hayeen.

Taliye Xigeenka ciidamada AMISOM oo warbixinta AMISOM ku saxiixnaa ayaa saxaafadda u sheegay in ciidamada Burundi ay xalay weerar kedis ah ku qaadeen Garoonka Dayniile islamarkaasna ay gaxanta ku dhigeen garoonkaas oo ka mid ahaa goobaha ay weli al Shabaabka Muqdisho uga sugan yihiin.

Taliyuhu wuxuu intaas kú daray in ciidamadoodu aysan wax iska-caabin ah kala kulmin al Shabaabkii halkaas fariisinta ku lahaa.

Lama oga halkii ay aadeen al Shabaabka Garoonka Diyaaradaha ee Dayniile ka cararay waxaan sidoo kale la ogeyn qasaaraha rasmiga ah ee halkaas ka dhashay.

halgankanet@gmail.com

AMISOM: Waxaan Qabsanay Garoonka Deyniile

$
0
0

AMISOM ayaa sheegtay in ciidamada Burundi ee ka tirsan AMISOM ay howlgal qorsheysan oo ay xalay ku qaadeen degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho ay kooxda Al-shabaab kaga qabsadeen garoonka diyaaradaha ee degmadaas.

Taliye kuxigeenka ciidamada AMISOM Major Jen. Audance Nduwumunsi ayaa war-saxaafadeed ka soo baxay AMISOM ku sheegay in howlgalkaasi uu ahaa mi lama huraan ahaa si looga hor-istaago kooxda Al-Shabaab inay bartilmaameedsato dadka Muqdisho Degan.

Warsaxaafadeedka AMISOM laguma xusun wax qasaara ah oo howlgalka ka dhashay inta uu socday.

AMISOM ayaa dhamaadkii bishii March sheegatay inay qabsatay garoonka Deyniile, hasee yeeshee sheegashadaasi kaddib ayaa waxaa la xaqiijiyay in garoonka uu wali xilligaasi gacanta ugu jiray kooxda al-shabaab.

120 dayaaradi la dhacday

$
0
0

120 in ka badan ayay dayaaradi kula dhacday Pakistan.

Ciidamadda Dowladda Jabuuti oo la-diyaariyay meelihii laga dejin lahaa Magaaladda Baladweyne

$
0
0

Iyadoo maal maha soo socdo la-fillaayo in Ciidamadda Dowladda Jabuuti la-geeyo Magaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa la-diyaariyay goobihii laga dejin lahaa Magaaladda baladweyne.
Gudoomiyaha Magaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Sheekh Cusmaan Barre Maxamed, oo Saxaafadda la-hadlay ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay diyaariyeen goobihii Magaaladda Baladweyne laga dejin lahaa Ciidamadda Dowladda Jabuuti.
Gudoomiyaha ayaa wuxuu tilmaamay inay goobo wanaagsan u diyaariyeen Ciidamadda Dowladda Jabuuti ee aanu walaalaha nahay, isagoo goobaha ay u diyaariyeen u sheegay inay ka suggi doonaan ammaanka.
Ciidamadda Dowladda Jabuuti ayaa waxay qeyb ka yihiin Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, waxaana Ciidamadda Amisom loo-kala qeybiyay in la-kala geeyo Magaalooyinka Baladweyne iyo Baladweyne.
Magaaladda Baladweyne ayaa waxaa la-geynayaa Ciidamadda Dowladda Jabuuti, halka Magaaladda Baydhabo ee Xaruunta Gobolka Baay la-geynaayo Ciidamadda Dowladaha Uganda iyo Burundi ka kala socda.

Wararkii ugu dambeeyay Xabsiga Dhexe ee Magaaladda Muqdisho iyo waxa ay ka tari Dowladda Somaliya “Aqriso”

$
0
0

Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxay si deggan ay uga hadashay dhacdadii shalay ka dhacday Xabsiga Dhexe ee Magaaladda Muqdisho, kaasoo shalay ay dad ku dhinteen kuwo kalana ay ku dhaawacmeyn.
Agaasimaha Xabsiyada Wasaaradda Garsoorka iyo Cadaaladda ee Dowladda Kmg ah ee C/Laahi Ceynta Fiidow, oo Saxaafadda la-hadlay, ayaa wuxuu sheegay inaysan jirin cid weeraro ku qaaday Xabsiga Dhexe ee Magaaladda Muqdisho.
“Waxaan rabaa inaan marka hore cadeeyo wararka sheegaaya in Xabsiga Dhexe lagala baxay maxaabiis ku xirneyd, runta waxay tahay inaysan jirin wax maxaabiis ah oo xabsiga lagala baxay, warkaasina waa mid aan waxba ka jirin” ayuu yiri C/Laahi Ceynta Fiidow.
“Sidoo kale waxaan beeninaayaa in Ciidamadda Milatariga ee Dowladdu ay weeraro ku qaadeen Saldhigga Dhexe ee Magaaladda Muqdisho, warkaasina waa mid aan idin xaqiijinaayo inuu been yahay” ayuu markale uu sii raaciyay.
Mudane Ceynta ayaa wuxuu ka hadlay sababta keentay in uu buuq iyo qaylo ka bilowdo gudaha Xabsiga Dhexe, ayna isku dayaan in Maxaabiistu ka baxsadaan xabsiga, isagoona warkaasi si faah faahsan uga warbixiyay.
“Waxaa jiray 14 nin oo ka tirsan argagaxisada Shabaab oo dhawaan xabsiga lagu soo xiray, waxay isdagaaleen kuwii horey u joogay xabsiga, buuqooda iyo dagaalkooda ayaa waxaa ku soo baxay Ciidamadda Ilaalada ee Xabsiga, waxayna bilaabeen inay kala celiyaan, kala celintooda ayay isku dayeen kuwii Shabaabka ahaa inay ka faa’iideystaan oo ay goobtaasi ka baxsadaan, laakiin rasaastii lagu riday ayuu mid ku dhintay, laba kalana ay ku dhaawacmeyn. Marka sidaasey wax u dhaceyn mana jiraan Maxaabiis Xabsiga Dhexe ka fakatay” ayuu sii raaciyay.


Xasan Daahir Aweys : “Hubka Shabaab Ay Kala Baxday Siinka Dheer Wax Leh Dad Muslimiin Ah”

$
0
0

Sheekh Xasan Daahir Aweys
Muqdisho (RBC) Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah saraakiisha sare ee Al-Shabaab, ayaa sheegay in hub badan oo dhawaan Al-Shabaab ka qaateyn guri ku yaala deeganka Siinka dheer ee gobalka Shabeelaha Hoose, ay la haayeen dad shaqsiyaad ah, oo bara taara ama gacansiiya Shabaab.
Sheekha oo ka hadlay salaadii jimcaha ka dib masaajid ku yaala deeganka Lafoole ee duleedka Muqdisho ayaa sheegay in Hubkaas uusan lahayn wax uu ugu yeeray Cadowga islaamka oo ula jeedahay DKMG ah, oo ay dagaallo kula jiran.
Wuxuu sheegay in uu yaqaano dadka iskaleh hubkaas, laakin ma sheegin cida uu ula jeeday, Wuxu yiri ” Mujaahidiinta waxa looga baahan yahay in ay soo cadeeyaan sabata keentay in ay qaataan hub ay lee yihiin dad muslimiin ah”
Isagoo u muuqday qof ka xun howlgalkaas hubka Shabaab ay kula wareegeyn, ayaa waxa kaloo uu sheegay in aan laga hari doonin sababta ku boobtay in Shabaab hub layaqaan dadka iskaleh in ay qaatan. waa in la soo cadeeyaa ayuu ku celceliyay”
Wuxuu kaloo meesha ka sheegay in hubkaas uusan lahayn ururkii uu isaga sutida u hayay ee Xisbul Islaam, kuwaas oo Shabaab ay lacag gaareyso labo milyan oo dollar ka siiyeen.
Wuxuu kaloo sheegay, in lacag ururkiisa ay ku lahayd Shabaab la bixiyay horaantii bishan, taas uu ku sheegay cadadeeda ilaa 800 oo dollaarka Maraykanka.
Si kastaba, afhayeenka dhinaca howlgalada Al-Shabaab C/Caziiz Abu Muscab, wuxuu u sheegay idaacadda ku hadashay afka Al-Shabaab ee Andulus in Al-Shabaab ay heshay hub badan oo lagu qarixiyay dhulka hoostiisa, kuwaas oo loo waday dowladda KMG ah.
Ma cadda sida loo rumeesan karo hadalka Xasan Daahir aweys iyo hadalka C/Casiis Abuu Muscab ee sheegaya in hubka loo waday cadowga Shabaab oo ula jeeday DKMG ah.
Waxa sidoo kale warkan uu Shabeelaha hoose iyo duleedka Muqdisho ka noqoday wararka ugu weyn ee loogu hadalheyn badan yahay toddobaadkii hore.
Shabaab waa markii ugu horreysay ee ay sheegto in ay heshay hub badan oo loo waday DKMG ah, kuwaas oo laga helay deganada ay maamusho.
RBC Radio
—————–
Xafiiska Wararka Muqdisho

Xarakada Al Shabaab oo sheegatay inay iyadu ka dambeysay weerarkii lagu qaaday Xabsiga Dhexe

$
0
0

Xarakada Al Shabaab ayaa waxay sheegatay inay iyadu ka dambeysay weerarkii ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Magaaladda Muqdisho, iyadoo shaaca ka qaaday inay Xabsiga Dhexe ka soo bad baadisay rag lagu xukumo dilal.
Idaacada afka Xarakada Al Shabaab ku hadasha ee Andulus oo soo xiganeysa Saraakiisha Al Shabaab ka tirsan, ayaa waxay shaaca ka qaaday in Xarakada Al Shabaab ay ka dambeeyeen weerarkii ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Magaaladda Muqdisho.
Sababaha ay Xabsiga Dhexe Xarakada Al Shabaab u weerartay ayaa waxay ku sheegtay inay ku xirnaayeen rag, kuwaasoo ay sheegtay inay u xirnaayeen Xaq daro, isla-markaana ay soo bad badiyeen.
Weerarkaasi ayaa waxay sheegeen inay ku soo bad baadiyeen rag gaar ah, kuwaasoo ay sheegeen inay soo xir xireyn Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, mana jiraan bay tiri ujeedo ama baahi raggaasi loo-soo xir xiray.
Xarakada Al Shabaab ayaa waxay ku faantay in difaaca Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya uu yahay mid aad u jilicsan, iyadoo sheegtay inay wax walba ka yeelli karto dhinaca Dowladda Kmg ah ee Somaliya, haddiiba ay ugu talla gasho, sida ay sheegtay.

Saxmad milatari oo xoog leh oo maanta ka taagan aafafka Degmada Afmadow iyo dagaalo laga cabsi qabo

$
0
0

Saxmad ciidan oo xoog leh ayaa waxaa maanta laga dareymayaa Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo laga cabsi qabo in dagaalo xoogan ay ka dhacaan daafaha Degmada Afmadow.
Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya oo garab ka hellaaya Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Kenya, ayaa waxay dhaq dhaqaaqyo ciidan oo buuran ay ka wadaan Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.
Dhaq dhaqaaqyada ay ka wadaan daafaha Degmada Afmadow ayaa waxay ku doonayaan in Xarakada Al Shabaab ay ugala wareegaan Degmada Afmadow, isla-markaana waxay ku goodiyeen inay weeraradaan yihiin kuwii ay ku qabsan lahaayeen Degmada Afmadow.
Saraakiisha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ee Gobolada Jubbooyinka, ayaa waxay sheegeen inay dhameystireyn qorshihii ay ku qabsan lahaayeen Degmada Afmadow, iyagoo sheegay inay ka go’an tahay inay gacanta ku dhiggaan Degmada Afmadow maal-maha dhaw dhaw.
Marka laga soo taggo dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ay Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Kenya ay ka wadaan daafaha Degmada Afmadow, ayaa waxaa jira dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay Xoogaga Shabaab ka wadaan gudaha Degmada Afmadow iyo Deegaanada kale ee ku dhaw dhaw.
Dhaq dhaqaaqyada ciidan ee iska soo horjeeda ee maanta ka soconaaya Degmada Afmadow, ayaa waxay baqdin xoog leh ay ku beereyn shacabka ku dhaqan Deegaanadaasi, kuwaasoo bilaabay inay barakac sameeyaan.

Dowladda Kenya 7 ceel shidaal ka qodoneysa badda la sheegay in somalia leedahay iyo dowladda kmg ah oo wax ka tiri

$
0
0

Dowladda Kenya oo ay ciidamo ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya ayaa
haatan shaacisay inay ceelal shidaal ah oo gaaray 7-ceel ay ka qodeyso
gudaha dalka Soomaaliya, kuwaas oo ay Kenya bilo ka hor ku dhawaaqday in
laga baarayo shidaal, isla markaasna qandaraas shidaal baaris ah u
saxiixday shirkadaha kala ah Total iyo Anadarko oo Maraykan ah ayaa
haatan waxay sheegtay Kenya in ceelalkaasi ay ku yaalaan gudaha xuduudda
Soomaaliya, gaar ahaan xeebaha Jubbooyinka.
Kenya ayaa sheeganaysa dhul baaxad leh oo ka tirsan xeebaha Jubbooyinka,
taasina loo malaynayo inay tahay sababta ugu weyn ee keentay in Kenya
ay ciidamadeeda soo geliso gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, isla
markaasina ay dabada uga riixeyso maamul iyada ay soo dhisata oo
goboladaasi ka hergala.
Sargaal u hadlay wakaaladda batroolka Kenya oo lagu magacaabo Martin
Heya ayaa sheegay in Kenya ay rumeysantahay in dhulkaasi ay iyada
leedahay, isla markaasi Qaramada Midoobay ay u ansixin doonto Kenya,
haatan uu dhulkaasi ka socdo qodista ceelal shidaal ah oo ay wadaan
shirkado laga leeyahay dalalka Mareykanka iyo Norwey.
Sida warku sheegayo dowladda Ingririiska oo iyana loo saxiixay inay
hormuud ka noqoto arrimaha Soomaaliya ayaa ka mid ah dowladaha sida
gaarka ah ugu lugta leh gacan ka geysashada waax ka mid ah badda
Soomaaliya oo si ka badelan sidii hore loogu wareejinayo Kenya, waxaana
xusid mudan in heshiiskii London qodob ka mid ah uu dhigayo in soohdin
loo xariiqo badda Soomaaliyeed, halka qodob kalena uu dhigayey in
dowladda KMG u badelaya dowlad rasmi ah oo dhulka Jubbooyinka u saxiixi
karta Kenya iyo cid kasta oo shidaal ka baaraneysa.
Dadka siyaasadda u dhuundaloola waxay odorosayaan in la isku beegayo
xuduudda badeena oo la yareeyo, dowlad magac u yeel ah sida dowldda KMG
oo kale, laakiin markan la sheegayo in dowlad rigli ah loo sameeyo
Soomaaliya, Baarlamaan iyo dastuur awood leh loo sameeyo si badda Kenya
loo balaariyo, in arrinkaasi qeybaha kore laga sixiixo inay dhulbadeedka
si sharci ah ugu wareejiyaan Kenya, ka dibna ay qalinka ay ku duugto
Qaramada Midoobay, kaas oo si deg deg ah haatan loo horgeynayo.
Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibadda dowladda KMG Soomaaliya C/llaahi
Sheekh Xasan oo arrinkan ka hadlay ayaa sheegay in arrintan ku saabsan
soohdinta badda labada dale ee Soomaaliya iyo Kenya ay ugu dambeyn
horseedi karto dagaal labada dal dhexmara, wuxuuna ugu baaqay Kenya iyo
dowladaha kale ee ku howlan inay inay ceelal shidaal ah ka qodaan dhulka
Soomalida inay ka joogaan si uusan dhib uga dhexdhcin labada dal

Burburka diyaaradda Pakistan

$
0
0

Dadka baaraya shilkii diyaaradda Boeing 737 ayaa ururinaya waxyaabihii ka haray burburka diyaarada. Waxaa diyaaraddu ay burburtay markii ay ku dhawaatay caasimadda Pakistan ee Islamabad shalay galinkii danbe.

Xafiiska Madaxweyne Shariif ; "Waxaan xilkii wasiirnimada ka qaadnay Maxamed Muxyidiin Shiikh Mursal"

$
0
0

Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed oo xafiiskiisa ka soo saaray wareegto ayaa wuxuu sheegay in uu xilkii ka qaaday wasiirkii wasaaradda isboortiga shaqada iyo shaqaalaha.

Wareegtada madaxweynaha ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in wasiirkaas uu ka soo bixi waayay shaqadiisi wasiirnimo, wadatashi madaxweynaha iyo ra'iisal wasaaraha dhexmaray kadibna waxaa xilkii looga xayuubiyay wasiirkan.

Xilka laga qaaday wasiirkan ayaa waxaa loo dhiibay Maxamuud Jirde Xuseen oo horay wasiir uga soo noqday xukuumadihii horay u soo maray dalka.

Ninkan xilka laga qaaday kama hadlin weli waxa uu ka qabo sidoo kale xigtadiisu sida Soomaalida u caadada ah wax war ah kama soo saarin xil ka xayuubintan.

halgankanet@gmail.com 

War Deg Deg AH: Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibadda Kenya Oo Goordhow Muqdisho Ka Soo Degay

$
0
0


Muqdisho (RBC)Waxa goordhow magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ballaaran oo hor kacaayao wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda dowladda Kenya Richard Onyango.
Wafdiga ayaa markii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ay ka soo dageyn, waxa soo dhaweeyyay wasiiro ka tirsan XKMG ah, oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.
Wafdiga ayaa loo galbiyay, xarunta madaxtooyadda Villa Somalia, halkaas oo hadda kulan albaabada u xiran ay kula lee yihiin madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.
Kenya, waxa ay ciidankeeda ka mid yihiin howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, ka dib markii bishan horaanteedii ay u soo dhamaatay howlgal iskood ay uga wadeyn koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan gobalada Jubooyinka iyo Gedo.
Illo ku dhow xafiiska madaxweynaha ayaa u sheegay RBC Radio in wafdiga Kenya iyo madaxweynaha ay ka hadleyn siddi dowladda Kenya ay uga furan lahayd magaalada Muqdisho safaarad.
Sidoo kale waxa la sheegayaa in wafdiga ilaa caawa lafilo karo in ay sii joogaan magaalada Muqdisho, oo ay kulamo kale madaxda dowaldda fadaraalka ay la qaataan.
Ma cadda, in wafdiga Kenya ka socda ay la kulmayaan saraakiisha AMISOM, wixii ku soo kordha warkan, waxa aad kala socon kartaan asxaabteena Raxanreeb.com.
RBC Radio
———————–
Xafiiska Wararka Muqdisho


Al-Shabaab oo si maldahan uga jawaabtay hadalka Xasan Dahir, dalbatayna in cadeyn la timaado cida leh Hubka

$
0
0

Kooxda Al-Shabaab ayaa si maldahan uga hadashay hadal ka soo yeeray Xasan Dahir, kaas oo ahaa in hub ku qarsanaa deegaanka Siinka Dheer ay la wareegeen sabab la’aan, kuna tilmaameen hub uu cadawga lahaa.
Afhayeenka dhanka ciidamada ee Al-Shabaab Abuu Muscab ayaa sheegay in hubka uu ahaa mid ay ka soo dhex saareen god weyn oo guri ku dhex yaalay, isla markaana hubka ahaa mid aad u ballaarnaa.
“Hubka waxay mujaahidiinta ka soo heleen god guri weyn ku dhex yaalay, waxaan ka soo qaadna meesha, waxaan keenay meel ammaan ah, hubka waxaa ka mid ahaa rasaas fara badan, dareyska ciidamada, hubka fud fudud iyo gantaalada garbaha laga rido”ayuu yiri Abuu Muscab.
Waxaa uu sheegay inay diyaar u yihiin inay hubkaas ku wareejiyaan cid kasta oo cadeyn la timaada, ayna ku kala baxaan shareecada islaamka sida uu yiri.
“Anaga waxaa diyaar u nahay inaan ku wareejino hubka cid kasta oo sheegata milkiyadeeda, shareecada Islaamka ayaa ku kala baxeynaa”ayuu yiri Abuu Muscab.
Hadal heyn badan ayaa ka jirtay hubka ku qarsanaa deegaanka Siinka Dheer oo Al-Shabaab maalmo ka hor soo faagtay, dabadeedna ku tilmaamtay inuu ahaa hubkii ugu ballaarnaa ee ay helaan.
 

C/laahi Xasan Bariise: Waxa Aan Heynaa Seddax Qof Oo Ku Dhaawacmay Miino Ay Aasayeen”

$
0
0

C/laahi Xasan Bariise
Muqdisho (RBC) DKMG ah Soomaaliya ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay seddax qof oo miino ku aasayay xaafadda KPP ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed ahna Taliyaha hogaanka baarista dembiyada ee CID Korneel Cabudulaahi Xasan Bariise oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in seddaxda qof ay dhaawacan yihiin, kuwaas oo ay ku qaraxday markii miinada ay dhigaayeen ka xumaatay.
Wuxuu sheegay in ay ka tirsan Al-Shabaab, haddana baaritaan lagu hayo,laakin la geeyay isbitaalka AMISOM ee xalane halkaas oo dhaawacooda lagu daweynaayo.
Wuxuu sheegay, in dhowr goor sidan oo kale magaalada Muqdisho loogu qabtay dad miino dhigaayay, laakin markii dambe ay iyaga la qaraxday, wuxuu sheegay in ay dadka soo sheegeyn kooxdan sedaxda ah ee miinada galinaaya xaafad ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Si kastaba, degmada Hodan oo ka mid ah degmooyinka dhawaan gacanta dowladda soo gashay, ayaa waxa ay hadda noqotay degmo aad loo soo camiray, oo waxa ku nool dad badan waxana ka jira ganasiyo badan, waxan sidaas oo ay tahay ka dhaca degmadaas dialal iyo qaraxyo.
Dhinaca kale, magaalada Muqdisho waxa maanta lagu soo bandhigay meydka nin dhalinyaro ah oo la sheegay in uu ka tirsanaayeen Al-Shabaab kaa oo la sheegay in uu ku dhintay miino uu ku aasayay xaafada KPP ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho
Taliyaha Nabad Sugida gobalka Banaadir Qaliif Axmed Erig oo saxaafadda maanta u soo bandhigay ninka dhintay iyo nin kale oo dhawaac ah oo la socday iyo hub ay sheegayn in dadkan lagu soo qabtay howlgal ciidamada dowladda.
Wuxuu sheegay in howlgalada magaalada Muqdisho ay ka sameenayaan ciidamada dowladda uu guuleestay, waayo 27-qof ayaa hadda la qabtay oo ka tirsan Al-Shabaab.
RBC Radio
———————-
Xafiiska Wararka Muqdisho

Amisom oo ka qeyb qaadaneysa baaritaanada qaraxii tiyaatarka

$
0
0

Muqdsiho-hobyonet)Warsaxaafadeed kasoo baxay Amisom ayaa lagu sheegay in ay ka qeybqaadan doonaan weerarkii ismiidaaminta ahaa ee bishan afarteedii ka dhacday Tiyaatarka Muqdisho oo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 10-qof, halka 30-kalena ay ku dhaawacmeen.
Ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Wafula Wamunyinyi, oo saxaafadda u aqriyay war saxaafadeedka ayaa sheegay in AMISOM ay soo magacowday xubno ka tirsan booliska AMISOM kuwaas oo gacan ka siiya dowladda KMG ah, baaritaanada qarixii tiyaatarka Muqdisho.
Wuxuu sheegay in guddiga AMISOM ay sameesay uu yimid kaddib codsi uga yimid Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Si kastaba, qarixii tiyaatarka Muqdisho oo ay sheegatay masuuliyadiisa Al-Shabaab, ayaa waxa uu noqday mid tuhun weyn ku fura dowladda KMG ah, iyadoo jawaabo la isku mariyay hawada, waxaana jira dad loo qabqabtay weerarkaas oo ay ka mid yihiin shaqaalaaha xafiiska ra’iisal wasaaraha XKMG ah oo ilaa hadda xiran.
Ma cadda waxa hadda keenay in dowladda ka codsato AMISOM in ay gacan ka siiyaan baaritaanka socda ee ku aadan qarixii tiyaatarka Muqdisho, oo dadka ay ku dhinteen ay ka mid ahaayeen masuuliyiintii ugu sareeyay cayaaraha Soomaaliya.
Madaxweynaha DKMG ah, iyo ra’iisal wasaarihiisa waxay sheegeen inay socdaan baaritaan lagu ogaanaayo cidii ka dambeeyay qaraxaas.
Madaxweyne Shariif mar uu ka hadlaayay qaraxaas, waxa uu yiri: ” Waa dayacaad wasaarada warfaafinta ku yimid iyada ayaana masuulka qaadaneysa wixii ka dhacay Tiyaatarka” laakin wasiirka warfaafinta dowladda C/Qaadir Maxamed Xuseen Jaahweyn ayaa isna yiri:  ” Cid kasta oo Ammaanka quseysa oo uu ku jiro madaxweynaha waa ay la socdeen xaflada ka dhaceysay tiyaatarka”.
Hadalkaas waxa uu dhaliyay isku tuur dhinaca dowladda KMG ah, manna cadda sida baaritaanka hadda socda ay natiijooyin uga soo bixi karaan ayadoo baaritaannada ay ku soo biirtay AMISOM

Golaha Amaanka Qaramada Midoobay oo u codeeyay in kormeerayaan dheeraad ah loo diro Syria.

$
0
0

Newyork-hobyonet)Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay in la kordhiyo tirade kormeeryaasha Qaramada Midoobay ka socda ee la geeynayo dalkaSyria.
15-xubnood ee Golaha ayaa si aan kala har laheyn ugu codeeyay in lagaarsiiyo koreerayaasha siiriya loo dirayo ilaa iyo 300 mudo sadaxbi lood ah.
 
Hada kormeerayaal tiradoodu ay yartahay ayaa ku sugan dalkaasiSyriakuwaas oo kormeeraya xabad joojinta aan cagaha badan ku taagneen ee la dhaxdhigay mucaaradka iyo dowladdaSyria.
 
U codeeynta Golaha AMaanka ee Qaramada Midoobay ee kordhinta kormeerayaasha ayaa imaanaysa xili kormeerayaasha dalkaasi ku sugan shalay loo ogolaaday in ay booqdaan Magaalada Homs markii ugu horeysay.
 

Wiil la sheegey inuu sitey walxaha qarxa oo la qabtey

$
0
0

Muqdsiho-hobyonet)Hay’adda Nabad sugidda dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay wiil dhallinyaro ah oo ay sheegeen inay ku soo qabteen howlgal ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho.
Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida Gobalka Banaadir Khaliif Axmed Ereg oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen wiil dhallinyaro ah oo ay saxaafadda u soo bandhigeen kaasi oo sida uu sheegay Khaliif Ereg ay kusoo qabteen howlgal ay ka sameeyeen degmada Hodan ee gobalka Banaadir.Taliyaha Hay’adda nabad sugidda dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in wiilka laga soo qabtay xaafada KPP ee degmada hodan halkaasina sida uu sheegay ay ku aasayeen waxyaabaha qarxa halka mid ka mid ah uu ku geeriyooday qarxaasi.
Wuxuu sidoo kale carabaabay Khaliif Axmed Ereg in maalmahan dambe ay balaariyeen howlgaladooda islamarkaana xalay markii uu dhacay qaraxa durba ay u suura gashay in ciidamada Hay’adda Nabad Sugida ay gaaraan goobta qaraxa uu ka dhacay taasna ay u suura galisay in ay gacanta ku soo dhigaan mid ka mid ah dhallinyaradii miinada aasayay halka mid kalena ay ku qaraxday miinada uuna halkaasi ku geeriyooday.
Wiilka lasoo bandhigay oo magaciisa ku sheegay Khaliif oo isna lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in lagu soo qalday waxyaabahan qarxa islamarkaana sida uu sheegay la siiyay lacag gaaraysa ilaa $5 kadibna loo sheegay inuu fuliyo howsha loo diray.
Xalay ayey aheyd markii dhallinyaro miino ku aasayeen xaafada KPP ee Degmada Hodan ay kula qaraxdayhalkaasimiinada islamarkaana uu ku geeriyooday mid ka mid ah dhalinyaradii miinada aasayay sida ay sheegeen taliska hay’adda Nabad sugidda.
Hay’adda nabad sugida dowladda KMG Soomaaliya ayaa maalmahii dambe waxay si isdaba joog ah u soo bandhigaysay dhallinyaro ay sheegeen inay ku soo qab qabteen howlgalo islamarkaana ka tirsan Ururka Al-shabaab.Maalintii shalay ayaa Taliska Hay’adda nabad sugidda dowladda KMG Soomaaliya waxay soo bandhigeen gaari ay kusoo qabteen waxyaabaha qarxa sida ay sheegeena loo waday gobalada dhexe ee Dalka Soomaaliya.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live