Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Muqdisho: Buburinta Goobaha aan Sharciga Ahayn

$
0
0

DKMG Somalia ayaa wadda in dadka sida Sharci-darrada ah u degan dhismayaasha dawladda ay ka bixiso, isla markaana burburiso goobo kale oo laga dhisay isgoysyada magaalada ku yaalla.

Qorshahani waa mid ah DKMG ahi in muddo ahba soo waddey, kaas oo ay dhismayaashii wasaaradaha iyo dugsiyadii dhexe/sare, iyo dhismayaal kaleba ay kaga saartay dad badan oo dhismayaashaas deganaa.


NATO oo lagu eedeeyey dilka shacab Libyan ah

$
0
0

Hay'adda Human Rights Watch ayaa sheegtey in weerarada gaashaanbuurta NATO ka geysteen Libya sannadkii hore ay shacab ku dhinteen

Yemen: Dhalinyaro Afrikaan ah oo si Khaldan Xabsi ugu Jiray

$
0
0

Sanado badan ayaa dhalinyaro badan oo Afrikaan ah waxay si khalad ah ugu xirnaayeen xabsiyada dalka Yemen iyaga oo loo maleeyey Soomaali.

Dhalinyaradan oo hadda la sii daayey ayaa ka welwelsan sii joogista dalka Yemen, maaddaama ayna haysanin warqado sharci ah.

Warbixin arrintaas ku saabsan hoosta ka dhageyso.

Puntland oo Ridday Xukunno Dil iyo Xabsi-daai'm ah

$
0
0

Faarax Maxamuud Yuusuf (Dooxo-joog) oo ah madaxa Maamul lagu sheegay Raas Caseyr oo ka tirsan deegaanada Puntland ayaa dil lagu xukumay.

Shaqaalihii Faarax Maxamuud ayaa iyagana xabsi-daam'id lagu xukumay.

Wareysi arrintaas la xiriira hoosta ka dhageyso.

Suuqyada Saamiyada Yurub oo Hoos u dhacay

$
0
0

Suuqyada kala iibsiga saamiyada ee Europe ayaa si weyn hoos ugu dhacay isniintii shalay iyadoo ganacsatada ay walaac cusub ka muujiyeen hubaal la’aanta siyaasadeed ee ka taagan dalka Giriigga, iyo inay noqon doonto dalkii ugu horeeyay ee ka baxay 17ka dal ee Yurub ee adeegsada lacagta Yuurowga

Tusmooyinka suuqa saamiyada ee London, Paris iyo Frankfurt ayaa dhamaantood hoos u dhacay laba boqolkiiba, halka suuqa saamiyada ee New York uu isna hoos u dhacay boqolkiiba hal.

Qiimaha lacagta yuurowga ayaa sidoo kale hoos u dhacday iyadoo gaartay qiima ka hooseeya $1.29 cent oo dolarka mareykanka ah markii ugu horeysay muddo afar bilood ah.

Mid ka mid ah dadka ka faalooda suuqyada yurub, Theodore Krintas, ayaa sheegay in awood daridda ka muuqata hogaamiyeyasha siyaasadda ee Giriigga  ee soo dhisi waayay dowlad cusub iyo hubaal la’aanta inay adeecayaan talaabooyinka gunti isku giijinta dhaqaalaha ee lagu dhimayo deynta, ayaa u horseedeysa suuqyada Yurub qalaanqal

Dirk Kuyt oo ka hadlay Mustaqbalkiisa Kooxda Liverpool

$
0
0

15.May.2012:-  Laacibka Reer Holland iyo Kooxda Liverpool Dirk Kuyt  ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in uu boos joogto ah ka waayo kooxdiisa tan iyo markii uu kooxda Qabtay  Kenny Dalglish.
Dirk Kuyt ayaa sheegay in uusan helin fursado fiican waxii ka dmabeeyay markii kooxda uu hogaanka u qabtay Dalglish iislamarkaana ay taasi isaga niyad jabisay.
Kuyt ayaa intaasi raaciyay in shaqsi ahaan uu jecelyahay inuu sii joogo naadiga Liverpool islamarkaana uu doonayo boos uu kooxda ku yeesho.
macalinka kooxda Reds Dalglish ayaa kursiga kaytka uga tagay  31-jirkaan inta badan kulamadii kooxdaasi Ciyaartay xili ciyaareedkaan dhamaaday.
Laakiin laacibkaan Kuyt ayaa qaba in isaga uu yahay xidig leh awood iyo karti uu kooxda wax ugu qbaan karay taas oo uu xusay in aan laga faa iudaysan.
Dirk Kuyt ayaa usheegay jariirata  The Sun: “xukunka macalin Dalglish waxii ka dambeeyay ma jiro dareen aan qabo oo aan ahayn in uu u fariisiyay Kursiga kaytka,asbuuc walbaa”
“waxaana ahaa ruux aan ciyaarin asbuuc walbaa taas oo i niyad jabisay,laakiin Anigu waxa aan aaminsanahay in aan ahay ciyaaryahan awood leh awoodana inuu ciyaaro asbuuc walbaa’
Kuyt ayaa dhawr jeer u muuqday inuu ka hayaamayo kooxda Liverpool inkastoo uu haatan jecelyahay inuu sii joogo garoonka Anfield,
“run ahaantii si xeel dheer waxa uu qalbigayga u doonayaa inaan sii joogo  Liverpool,” ayuu intaasi raaciyay Kuyt.
Kuyt ayaa 2gool oo kali ah dhaliyay 26 kulan oo horyaalka ingiriiska ah oo uu ciyaaray intii uu kooxda laylinaayya Dalglish.waxaana iminka siwayn u doonaya kooxo ka dhisan Horyaalka Serie A oo ay ka mid tahay kooxda Roma iyadoo sidoo kale dhanka Grmany ay uga gacan haatinayso kooxda  Hamburg.
 
Mohamud Hassan Idajaa
Idaajaa4@gmail.com

Ciidamadda Dowladaha Somaliya iyo Kenya oo maanta dagaalo culus ku qaaday Al Shabaab iyo dhul hor leh oo ay kala wareegeen

$
0
0

image: 

Dagaalo culus ayaa waxay maanta ka dhaceen Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana dagaaladaan dhul cusub looga qabsaday Xarakadda Al Shabaab, inkastoo aysan Al Shabaab weli ka hadlin amuurtaan.
Dagaaladaan ayaa waxay ka dhaceen inta u dhaxeyso Degmada Afmadow iyo Deegaanka Xayo, iyadoo Deegaanka Xayo uu ku yaallo duleedka Degmada Afmadow, oo ay gacanta ku heyso Xarakadda Al Shabaab.
Dagaaladaan oo ahaa kuwo aad u culus ayaa waxaa soo qaaday Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya oo garab ka hellaaya Ciidamadda Dowladda Kenya ee joogga Gobolada Jubbooyinka.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaaladaan dhul looga qabsaday Xarakada Al Shabaab, iyadoo Xarakada Al Shabaab laga saaray fariisimo ay ku laheyd Deegaano ku dhaw dhaw Deegaanka Xayo, laakiin soo xigga dhinaca Degmada Afmadow.
Dagaalada ayaa waxaa la-sheegay inay ku dhinteen ilaa todobo askari oo ka mid ah dhinacyadii dagaalamay, isla-markaana waxaa jira ilaa 10 askari oo kale oo ay soo gaareyn dhaawacyo kala duwan.
Afhayeenka Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gobolada Jubbooyinka Korneel Maxamed Faarax Daahir, ayaa wuxuu sheegay inay rag badan ka dilleen Al Shabaab, ayna maanta kala wareegeen dhul hor leh.
Iskusoo wada-duuboo Xarakada Al Shabaab ayaa waxay culeys xoog leh ay kala kulmeysaa Ciidamadda Dowladaha Somaliya, Kenya, Itoobiya iyo Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom ee joogga dalka Somaliya.

Xarakada Al Shabaab oo maanta sheegtay inay dishay askar ka tirsan Dowladda iyo Amisom

$
0
0

image: 

Xarakada Al Shabaab oo dagaalo xoogan kula jirta Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya iyo Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay shaaca ka qaaday inay dishay askar badan oo ka tirsan Dowladda iyo Amisom.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ee Xarakadda Al Shabaab Sheekh Maxamed Xasan Cumar “Abu C/Raxmaan”, oo wareysi siiyay Idaacada Andulus oo ku hadasha afka Xarakada Al Shabaab, ayaa wuxuu sheegay inay dilleen askar ka tirsan Dowladda iyo Amisom.
Gudoomiyaha ayaa wuxuu sheegay in Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ay xalay weeraro ku qaadeen Madaxtooyada Soomaaliya, isla-markaana weeraradaasi oo madaafiic ahaa ayaa wuxuu sheegay inay ku dilleen askar ka tirsan Dowladda iyo Amisom.
Sheekh Maxaned Xasan Cumar ayaa wuxuu sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid qorsheysan oo ay ugu talla gashay Xarakada Al Shabaab, isla-markaana wuxuu sheegay in weerarkaasi uu u dhacay sidii buu yiri loogu talla gallay.
Sheekh Abuu C/Raxmaan ayaa wuxuu ku goodiyay inay sii wadi doonaan weerarada ay ku garaacayaan Madaxtooyada Soomaaliya, isla-markaana wuxuu ku hanjabay inay sii wadi doonaan dagaalada culus ee ay kula jiraan.
Saraakiisha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya iyo Saraakiisha Midowga Afrika ee Amisom, ayaan weli ka kala hadlin weerarada lagu weeraray Madaxtooyada Soomaaliya iyo hadalka ka soo yeeray Xarakada Al Shabaab.


Midowga Yurub oo diidan in DKMG ah ay ku darsato waqti dheeri ah

$
0
0

BRUSSELS: (Sh. M. Network) Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay in Ururka Midowga Yurub aysan aqbaleynin in dowladda KMG Soomaaliya waqtiga loo kordhiyo kuwaasi oo ka hor imaanaya heshiisyadii lagu gaaray Shirkii ka dhacay Magaalada London ee Xarunta waddanka Ingiriiska.
Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda KMG ah looga baahan yahay in waqtigeeda ay kusoo koobto xilligii horey loogu qabtay, hase ahaatee aysan isku dayn waqti dheeraad ah oo sharci darro ah.
Warkan ayaa kasoo baxay kullan Xubnaha Golaha Arrimaa dibadda ee Ururka Midowga Yurub ay ku yeesheen Magaalada Burgles ee Xaruntga waddanka Belgium-ka   kaasi oo ay ugu wad haleen xaaladaha dalka Soomaaliya gaar ahaan natiijooyinkii kasoo baxay Shirkii London.
Wasiirrada Aarrimaha dibadda ee Ururka Midowga Yurub ayaa isku afgartay in dowladda KMG ah waqtigeeda uu ka dhiman yahay 3-bilood oo kaliya, islamarkaana ay ku egtay bisha Augusta, dowladdana looga baahan yahay inay soo gudbiso Liisas ay ku qoran yihiin wax qabadkeeda.
Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay in dhibaatada Soomaaliya lagu xalin karo is afgarad islamarkaana la ixtiraamo heshiisyadii Garoowe iyo Kampala ee Tubta Nabadda kuwaasi oo dhamaantooda looga hadlayay xalinta khilaafaadka ka taagan Soomaaliya.

7 ayaa lagu dilay dagaal ka dhacay Hargeysa

$
0
0

Ugu yaraan toddobo qof oo ay ku jiraan saddex askari ayaa ku dhintay magaalada Hargeysa, markii iska hor imaad hubeysan uu dhexmaray saaka ciidamada Somaliland iyo dad shacab ah oo hubeysan.

Garowe: Oday-dhaqameed ka Noqday Shirkii Muqdisho

$
0
0

Duubabkan dhaqanka ee ka noqday shirka Muqidsho ayaa sheegay in aanay diidanayn dastuurka, lakiin wax ka beddel doonayaan.

Waxa wali muqdisho ku haray qaar ka mid duubabka Puntland oo aan iyagu Muqdisho ka imanin, kuwaas oo wali jooga magaalada Muqdisho.

Wareysi arrintaas la xiriira hoota ka dhageyso.

Iska-hor-imaad Hargeysa ka Dhacay

$
0
0

Dabley ayaa weerar ku qaadday xero ciidan oo uu leeyahay ciidanka militariga ee Somaliland iyada oo ay jiraan dhimasho iyo dhaawac.

Dadka dhintay waxa ka mid ah xubno ka tirsan ciidanka militariga iyo dadkii dagaalka soo qaaday labadaba.

Warbixin iyo wareysi arrintaas la xiriira hoosta ka dhageyso.

Md. Shariif oo Khudbad ka Jeediyey Golaha Ammaanka

$
0
0

Madaxweynaha ayaa difaacay Dastuurka DKMG ee Somalia, khudbad uu maanta ka jeediyey Xarunta Golaha Ammaanka QM ee magaalada New York.

Dhinaca kale, waxa uu ka hadlay wadahadalka DKMG iyo Somaliland.

Warbixin arrintaas la xiriirta hoosta ka dhageyso.

Cayaaraha

Francois Hollande oo xilka loo dhaariyay

$
0
0

Madaxweynaha cusub ee dalka Farnsiiska, Francois Hollande, ayaa maanta loo dhaariyey, jagada madaxtinimada waddanka Farnsiiska, xaflad ka dhacday guriga Madaxtooyada ee magaalada Paris ee Elysee Palace.


Gudoomiye ku xigeenkii Xaafadda Bardaale oo Caawa lagu dilay Baydhab

$
0
0

image: 

Baydhabo : (Sh. M. Network) Kooxo hubaysan ayaa caawa Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay waxa ay ku dileen gudoomiye ku xigeenkii DKMG ee Xaafada Bardaale ee Magaalada Baydhabo, iyadoo ciidamada dowladana ay howlgalo ka sameeyay magaaladaasi.
Sida ay xaqiijinayaan wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Hiiraan, rag hubaysan oo afka soo duubtay ayaa waxaa la sheegay in caawa Bariga Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay dil toogasho ah ay ugu geysteen Alla ha u naxariistee Aadan Xeydar oo ahaa gudoomiye kuxigeenkii Xaafada Bardaale ee Magaaladaasi Baydhabo.
Kooxaha ayaa markii ay geysteen falkaasi dilka ah waxaa la sheegay in ay goobta isaga baxsadeen, waxaana durba goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya kuwaasi oo howlgalo baaritaano ka sameeyay xaafada falka dilka ah uu ka dhacay, inkastoo aan la sheegin tirada dadka lagu soo qab qabtay
Saraakiisha dowladda KMG Soomaaliya ee Magaalada Baydhabo oo Shabelle ay qadka taleefanka kula xariirtay ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku saabsan kooxihii falkaasi dilka ah u geystay gudoomiye ku xigeenkii Xaafada Bardaala ee Magaaladaasi Baydhabo.
Mudooyinkii dambe ayaa magaalooyinka laga saaray xarakada Al Shabaab ee koofurta Soomaaliya waxaa ka dhacayay falal dilal ah oo ay rag hubaysan oo la sheegay in ay ka tirsanyihiin xarakada Al Shabaab ay ugu geysanayeen masuuliyiinta dowladda KMG Soomaaliya.

Khudbaddii uu Madaxweyne Shariif ka Jeediyey Shirkii Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay

$
0
0

image: 

Magaalada New York ee dalka Mareykanka gaar ahaan xarunta dhexe ee Q.M ayaa waxaa ka furmay shir gaar ah oo ku aadan xaaladda Soomaaliya ayadoo furitaankii shirkaasina uu Khudbad ka jeediyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Khudbadda Madaxweynaha ayuu ugu horeyn waxa uu Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ku faah faahiyey xiligan xaaladda Dalka ka jirta iyo dadaallada ay DFKMG ee Soomaaliya ku guuleysatay in wax laga qabto gaar ahaan dhinacyada Ammaanka,Siyaasadda,Maamul wanaaga,dib u heshiisiinta iyo guud ahaanba hirgelinta Road-Mapka.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale faah faahin dheeri ah waxa uu ka bixiyey Dastuurka Cusub ee uu Dalku yeelanayo waxaana uu xusay Madaxweynuhu in Dastuurkan howshiisa hada gacanta lagu hayo uu ka mid yahay Dastuurrada ugu muhiimsan ee dalalka Caalamka ay si nabadgelyo leh ugu dhaqmaan isaga oo yiri”Dastuurkan waa mid ka mid Dastuurrada ugu fiican ee ay Caalamku ku dhaqmaan waxaanna rajeyneynaa in howshiisa lagu guuleysto maadaama inta howshiisu socotay ay gacanta ku hayeen dad aqoonyahanno iyo quburro ah, korna ay kala socdeen Culumaa’udiin iyo odayaal dhaqameed”
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa dhanka kale tilmaamay in ka sokoow ansixinta Dastuurka Cusub ee uu Dalku yeelanayo ay Dowladdu ka shaqeyn doonto meel marinta dhammaanba qodobada ku xusan qariidada nabadda amaba Road-Mapka ee looga gudbayo KMGnimada ayadoo uu Madaxweynuhu Khudbadiisa ku muujiyey in marka Shirkan Q.M uusoo gebageboobo uu tegi doono magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia halkaasi oo uu ka dhici doono shir gaar ah oo ku aadan hirgelinta Road-Mapka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa khudbadiisa kusoo hadal qaaday wadahadallada ay Dowladdu la geleyso walaalaha Waqooyi Galbeed waxaana uu yiri” Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an wadahadal miradhal leh kaasi oo aan la galno walaalaha Waqooyi Galbeed Soomaaliya si loo helana is faham oo Midnimada Umadda Soomaaliyeed u jirto waxaan sameyn doonnaa wax walba oo arintaasi suurta gelin kara”
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa ka codsaday Golaha Ammaanka ee Q.M iney dhiirageliyaan qabsoomida Shirweyne Qaran oo lagu adkeynayo Midnimada Soomaaliya taasi oo ah lagama maarmaan si ay nabad buuxda u gaaraan dhammaanba dadka ku nool dhulalka Soomaaliya iyo in sidoo kale uu Golaha Ammaanku taageero dadaallada ay hada Dowladdu wado ee dalka looga saarayo KMGnimada si gaar ahna qorshaha lagusoo xulayo ergada ansixindoonta Dastuurka ayadoo si gaar ahna uu Madaxweynuhu farta ugu fiiqay fulinta ballanqaadyadii dhaqaallaha ee howlaha socda lagama maarmaanka u ah.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo ka codsaday Q.M in mowqif adag la iska taago kuwa caqabadda ku ah sidii nabad buuxda looga dhalinlahaa Soomaaliya kuwaasi oo ay ku jiraan kuwa wax burburinaya iyo sida sharci darrada uga kalluumeysanaya biyaha Soomaaliya waxaana uu Madaxweynuhu muujiyey sida aysan Dowladda Soomaaliya ugu qanacsaneyn kaalmada Caalamka wixii ka dambeeyey shirkii Caalamiga ahaa ee London.
Waxa uu xusay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed in Dowladda Soomaaliya aysan waxba ka qabin fulinta qodob ka mid ah qodobadii kasoo baxay shirkii London ee ku aadanaa sameynta gudi wadajir ah oo maareeya Dhaqaallaha Soomaaliya waxaase uu xusay iney lagama maarmaan tahay in gudigaasi howshiisu noqoto mid cayiman islamarkaana ay ku dhameeyaan waqtigii loogu talagalay si loo ilaaliyo madaxbanaanida Soomaaliya.

SOMALIA: Remarks by Ambassador Susan E. Rice, U.S. Permanent Representative to the United Nations, at a Security Council Briefing on Somalia

$
0
0

image: 

Remarks by Ambassador Susan E. Rice, U.S. Permanent Representative to the United Nations, at a Security Council Briefing on Somalia, May 15, 2012
Susan E. Rice
U.S. Permanent Representative to the United Nations
U.S. Mission to the United Nations
New York, NY
May 15, 2012
AS DELIVERED
Thank you, Mr. President, thank you, Special Representative Mahiga, for your briefing, and welcome, President Sharif.
Somalia stands at a critical moment in its history. One year ago, al-Shabaab controlled and terrorized large swaths of Somalia, millions were at risk of starvation, and the country’s leaders focused more on feuding amongst themselves than working to improve the condition of the Somali people. One year ago, in Nairobi, this Council delivered a blunt message to the TFG that it risked losing international support, if it did not get its act together and resolve its differences.
Today, Somalia is in a different and better place. But significant challenges lie ahead. The mandate of the Transitional Federal Government (TFG) comes to an end in August 2012. Any delay or backsliding in implementing the transition is totally unacceptable. Somalia and the wider region cannot afford to revert to the endless cycles of violence and suffering that have plagued the country and threatened the region for decades.
There are, encouragingly, signs of promise for the country and its people. For the first time in a generation, Somalia has a solid plan for creating a functional state, and the conditions for its implementation continue to ripen. In the last few months, the TFG as well as other Roadmap signatories and the international community have taken important steps to implement the Roadmap to End the Transition, as defined by the Garowe Principles. A draft constitution has been circulated to the Roadmap signatories. Elders have been selected to appoint delegates to the Constituent Assembly and are meeting now to do so.
The security situation across the country has also improved. Areas on the outskirts of Mogadishu and the key cities of Beledweyne, Baidoa, and Huddur in southwestern Somalia have recently been liberated from al-Shabaab. The United States commends AMISOM and the Somali National Security forces for their significant military achievements and security gains. The sacrifices made by AMISOM and Somali troops are testament to their will and dedication to bring peace and stability to Somalia. Reflecting the improved security situation, the UN Political Office for Somalia has returned to Mogadishu. And though the humanitarian situation remains extremely fragile, thanks to the actions of UN humanitarian agencies and NGOs and the generosity of the international community, the famine has substantially abated.
The unanimous adoption of UN Security Council Resolution 2036 on February 22 this year, followed by the London Conference on Somalia, demonstrated the strong and unified commitment of the international community to Somalia’s future. The United States welcomes the upcoming Second Istanbul Conference on Somalia, which should push the political transition process further towards completion.
While Somalis, with international support, have made progress, we cannot afford to lose momentum. Critical and difficult work remains and the Somali people will hold the TFG, Roadmap signatories, and other stakeholders accountable for meeting the transition timetable. As the London Conference declared in February, the Kampala Accord deadline is firm: there must be no extension of the TFG’s mandate beyond August 20. The Constituent Assembly should convene to consider and adopt the interim constitution, setting the stage for other important steps, including the appointment of a new, smaller parliament and indirect elections of a speaker and president. Informing Somalis about the draft constitution and the Roadmap implementation process is fundamental to their ultimate success. But, as the Secretary General observes in his report, approval of the interim constitution by the Constituent Assembly will be the beginning, not the end, of the process.
Having noted some of the important progress achieved since this Council visited the region, let me now turn to the significant challenges ahead for Somalia. As we were tragically reminded only two weeks ago by the suicide attack against a parliamentary delegation in Dhusamareb and last month by the suicide bombing at the National Theater, al-Shabaab remains a major threat to the stability of Somalia. Its shocking and ruthless attacks on innocent civilians and its ongoing ban on 17 humanitarian organizations demonstrate its total disregard for the Somali people and disregard for human life. The United States condemns all al-Shabaab terrorist attacks that kill government officials and innocent civilians alike.
Because al-Shabaab will continue to perpetrate terrorism and exploit any opening to sow instability and derail progress in Somalia, expanding security and preventing al-Shabaab from regaining a foothold in stabilized areas is paramount. This requires AMISOM to be fully staffed so that it can fulfil its mandate. The African Union and additional troop contributors should quickly reach agreement on AMISOM’s Concept of Operations. Failure to do so will not only reflect negatively on AMISOM and the African Union, but worse, undermine the security of the Somali people. Moreover, Somali National Security Forces will figure prominently in expanded AMISOM operations, but are hampered by supply shortages and gaps in logistics capacity. Since 2007, the United States has contributed over $106 million to strengthen the Somali security sector. We urge all member states, especially new donors, to help the Somali people take the lead in providing for their own security and to coordinate bilateral support through the TFG-UN-AU co-chaired Joint Security Committee.
Continuing to pressure al-Shabaab and strengthening national and international security forces is necessary but not sufficient for lasting stability in Somalia. Criminal activity that finances terrorism, undermines domestic governance, and distorts the local economy must be addressed as well. In this regard, the United States strongly supports the Contact Group on Piracy off the Coast of Somalia and will continue working with international partners and Somali leaders to end to the scourge of piracy. Similarly, kidnapping for ransom imperils Somalia’s progress and poses an increasing threat to all nations and their citizens. We must work together to strengthen law enforcement and other capacities to prevent hostage-takings and ensure that hostage takers cannot obtain ransoms.
Finally, although the United Nations declared the end of the famine in Somalia in February, the humanitarian situation in southern and central Somalia remains precarious. More than 2.5 million Somalis still need emergency assistance. There are over 980,000 Somali refugees, some of whom have lived in exile for over 20 years. We commend Kenya, Ethiopia, Djibouti, Yemen, and other countries in the region for hosting Somali refugees. Since 2011, the United States has committed $1.1 billion to the humanitarian emergency in the Horn of Africa, including more than $260 million expressly for Somalia. The international community must do more to provide immediate life-saving assistance, address the long-term needs of refugees, internally displaced persons, and others affected by drought and conflict, and to build capacity in the region to mitigate the impact of future shocks that we know will come. Millions of lives are at stake.
Mr. President, I want to reiterate our strong support for AMISOM and commitment to work with the international community to help Somalia face these challenges and realize a brighter future. International support, however, cannot be taken for granted. During the next four months, we have a unique opportunity to ensure that Somalia concludes its transition on time, but the onus remains on Somalia’s leaders to seize this moment and establish a strong foundation for peace and stability. The people of Somalia, who have suffered too long, deserve nothing less.
Thank you, Mr. President.

Turkiga oo Qabtay Shimbir Bassaasad Ah oo Ka Timi Dalka Israel Taasoo Ay Ku Xidhnaayeen Qallabka Wax Lagu Bassaaso & Turkiga oo Iska Eegi Doona Shimbiraha Hawada Heehaabaya

$
0
0

 Xukuumada dalka Turkiga ayaa sheegtay inay qabteen shimbir ay ku xidhan yihiin qalab electronic ah oo wax lagu basaaso oo ay soo direen dalka Israel si,ay ugu soo basaasto dalka Turkiga, Turkiga ayaa sheegay in shinbirtan oo ah nooca loo yaqaano Cherkerk ay ka helleen goobaha Saliida ee u dhow xuduudka ay la leeyihhin dalka Suuriya iyagoo intaa ku daray inay Shimbirtaasi kamid ahayd Sirdoonka dalka Israel,

Warbaahinta dalkaa Turkiga ayaa xusay in shimbirtaa lugteeda uu ku xidhnaa fargal ay ku qoran tahay Israel kaasoo calaamad u ah in shimbirtaas ay leeyiuhiin dalka Israel. Warbaahinta ayaa intaa ku daray in Afka shimbirtaa uu ku xidhaa qalab Electronic ah oo wax basaasa  kaasoo ay kusoo xidheen sirdoonka dalka Israel,

Mas,uuliyiinta Turkiga ayaa u diray dalka Israel fariin ay kaga dalbanayaan inay sharaxaad kasoo siiyaan shimbirtan basaasada ah ee ay u soo direen dalkooda iyadoo xukuumada Israel ay sheegtay in fargalkaa ay ku xidheen shimbirta wasaarada deegaanka dalka Israel isla markaana uu si khalad ah u gallay dalka Turkiga iyagoo intaa ku daray inay isku deyayaan sidii ay xaallada u dejin lahaayeen,

Shimbirtan Bassaasada ah ee ay Israel leedahay ayaa guux badan ka dhalisay dalka Turkiga iyadoo billihii ugu danbeeyey uu aad u liitay xidhiidhka labadaa dal ka dhaxeeya arintanina ay ku sii dhalisay dalka Turkigu inuu ka digtoonaado shimbiraha hawadiisa duulaya taasoo noqon doonta dhibaato cusub oo lasoo gudboonaatay shimbiraha dalkaa dul heehaabaya,

Barkhad Cabdillaahi Maxamed

Barkhad11@live.com

Danjire Mahiga: Soomaaliya Fursadii Ugu Wanaagsaneyd Ay Uga Gudbi Lahayd KMG Ayaa Hortaala

$
0
0

image: 

New York (RBC) Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Augustine P. Mahiga oo hadal ka jeediyay shirkii golaha ammaanka QM ay ka yeesheen arrimaha Soomaaliya Salaasadii shaley, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto xaalad qatar ah, taas oo la doonayo in loo yeelo dhaliilo, waa mida looga gudbaayo xiliga KMG ah” ayuu shegeya danjire Mahiga.
Wuxuu sheegay in beesha caalamka uu ugu baaqayo in ay maanta gacan siiyaan dowladda KMG ah oo hadda xiligeeda uu ku egyahay bisha August,shaqo adagna ay hortaalo.
Wuxuu sheegay in ay jirto fursad caalami oo dalka ku yaala bariga Africa uu ka gaari karo nabad iyo hab qaran oo dib u heshiisiin ah waarta ah.
“Soomaaliya waxa ay heesataa fursad weyn taas oo lagu doonayom lagu soo dhameeyo KMG ah, kaddb markii ay bixiyeen beesha caalamka iyo dadka Soomaalida ee hantida heesta maalingalin baaxad leh, waxa marka waajib nagu ah in aan dhameyno xaaladaas gacanta noogu jirto. sidaas waxa yiri wakiilka xoghayaha guud ee QM u matala Soomaaliya Augustine P. Mahiga, oo la hadlaayay golaha ammaanka QM ee New York.
Wuxuui yiri “Waxa waajib nagu ah in bixino waqti iyo maalgalin lagu taageearayo howsha wax lagu soo gabagabeenayo hirgalinta khariirada looga baxayo KMG ah ee roadmap ka hor August sanadkan. sidoo kale in la xoojiyo xiriirka beesha caalamka iyo wadashaqeynta.
Dowladda KMG ayaa ayaa hadda wada qorsha ay ku hirgalineyso roadmap, kaa oo la soo iqtiraacay bishii September sanadkii hore last year, iyadoo dowlada hadda jirta uu waqtigeeda ku egyahay 20 August.
Mr. Mahiga ayaa hoosta ka xariiqay in ay jiraan caqabado badan oo horyaala dhaqan galida Khariirada Roadmap’-ka, waxana uu sheegay in ay ka mid yihiin dhaqaale aan loo heynin, bilaha soo socda.
 
“Dhaqaale la’aanta hirgalinta roadmap-ka soo wajahday. seddaxda bilood ee haray waa walaaca koobaad ee na heesta annaga iyo DKMG ah, wuu ugu baaqay golaha ammaanka QM in ay sii wadaan dhaqaale bixinta arrintaas lagu hirgalin lahaa.
Danjiraha ayaa sidoo kale ka digay qolya uu sheegay in ay doonayaan in boqonta jaraan meel marinta qorsha roadmap.
Wuxu yiri ” Waa in la tacaamulnaa qolyahaas doonaya in xagal daaciyaan howlaha hadda socda
Goor hore oo bishan ahayd, ayaa xafiisyada Siyaasada QM ee Soomaaliya (UNPOS), midka Howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM, iyo kan urur gobaleedka bariga Africa (IGAD), waxa ay soo saareyn digniin ku socota kooxo ay ku sheegeyn in ay yihiin kuwa doona in ay is-hortaagan qorshaha roadmap,-ka, waxana ay sheegeyn shaqsiyaadkaas in xanibaad lagu soo rogi doono.
Wuxuu intaas ku daray , Mr. Mahiga in dhowrka bilood ee dhiman ka hor xiliga KMG ah, la doonayo in la dhameestiro waxyaabaha muhiimka ah dhiman oo uu ka mid yahay in dadka labaro dastuurka cutubyada uu ku qoran yahay, iyadoo loo marsiinaayo TV-yada, Raadiyaha. wargeyda iyo Website-yada ama online -ka
Wuxuu kaloo sheegay 1,000 xubnood uu ka koobnaan doono baarlamaanka cusub, kuwaas oo ay soo dooran doonaan odayaasha dhalka, si loo diyaariyo gole bulshada Soomaalida ay lee yihiin kuwaas oo meel mariya dastuurka cusub.
Sidoo kale, wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya, waxa kaloo uu hoosta ka xariiqay in Turkiga uu qabanayo shir caalami ah kaa oo ka dhacaya Istanbul, bisha soo socota kaa oo looga hadli doono qeexitaanka dalka Soomaaliya marka lagaaro and that meeting-August
War saxaafadeed ka soo baxay shirka golaha ammaanka QM kaddib ayaa la shegay in xubnaha golaha ay soo dhaweeyeen hormarka laga gaaray hirgalinta arrimaha roadmap in la sii wado taageerada la siinayo.
Goluhu waxa kaloo ugu baaqay dowladda KMG ah iyo dhinacyadii saxiixay roadmap-ka in laba jibaaran dadaalka ay galinayaan dhameestira Tubtada khariirada ee roadmap iyadoo laga qeybgalinaayo Haweenka iyo ururada Bulshada.
Ugu dambeyn xubnaha golaha QM ayaa si weyn u taageeray war murtiyeedkii wadajirka uga soo baxay AU-IGAD iyo UN bishan May 2012 kaa oo ahaa in la taageero cunaqabateynta la saarayo kooxaha gudaha iyo dibadda kawada qaska.
RBC Radio
——————
Xafiiska Wararka New York

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live