Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Sharx Kalimatu Tawxiid - شرح كلمة التوحيد


Bayern 1 - 1 Chelsea

$
0
0

Cayaartu hadda wey dhammaatay. waxaa lagu darayaa wakhti hor leh.

Chelsea waa horyaalka Yurub

$
0
0

Chelsea ayaa rigoorayaal ku qaadday horyaalka Yurub. bayern ayay ka badisay.

Qiblada Qabbaaniyaasha!:By Bashir M. Hersi

$
0
0

Maahmaah Soomaaliyeed ayaa tiraah: “Biyo ururo meel godan ayay isugu tagaan” mid kalene waxay leedahay: “Geel tegay tubihi ceel” mid kalena waxay ahayd: “Biddoow anigu ku sheegayee, yaan camalkaagu ku sheegin”.

Sida qarankii u qallibmay, waxaa Soomaaliya loo qabtay dhawr shir, dhammaan ku suntanaa nabadeyn, waxaase jiray qaar loogu yeeray wadatashi, aanse nabaddu marna ka marnayn, dabcan nabaddu waa nudubka nolasha iyo naruuradeeda, Soomaalise naawili waysay, hadday ka dhigatay halqabsi iyo warcelinta koowaadba “Nabad ma sheegtay? Ama ma jirtaa? Waa nabad” nolosha ayaa rajo ku dhisan, horay u hanqaltaagguna waa halbeegga noolaha, ma quusto, is mana dhiibo, wuxuu ku hawllan yahay huleel iyo hawl, hadalkuna waa hawraarta hadranka.

“Baho Higle kalgacalna ku kali tagi waaye, af qarmuunina ku wada joogi waaye” shir nagama dhammaado shayna nooma hagaago, sanadkii la soo dhaafay waxaa la qabtay ugu yaraan 3 shir, waxaa ka badanaa kuwa magaca Soomaali ku sheeganaa, ee aynu wada ognahay in aysan shaahidka ka ahayn.

Qormadan waxaan uga hadlayaa Qiblada Siyaasi ku sheegga Soomaaliyeed. Inta badan dunida Carabta ayaa lagu dhaliilaa in Washington looga taliyo, ayna tahay lama huraanka madaxa Carbeed, uu booqda Maraykanka sanadkii dhawr kol.

Dabcan waa dawladda dunida ugu awoodda badan dhan walba, dano xoogganna ka leh gobolka Bariga dhexe, waxaaba ku taal gobol ka mid ah gobollada Maraykanka “Israel” oo marar badan ay ugu garbisay gardarro qaawan, waana meeshuu Abwaan Cali Diiriye “Cali Gaab” ka yiri:



Israel Ma booddeen

Bari dhexe intuu tagay

Nabad kuma bariisteen

Waa Boqol Yuhuuddiyo

Ragbaa biirinaayee

Beerka u firaayaa

Barqa laguma gaareen

Beydkii Ilaaliyo

Barxadii Ilaahiyo

Barxadii Rasuulka

Waxaan loo bannayn iyo

Bakhti kuma dhex kariyeen

Bishimaha Dushoodiyo

Been weeye Nabadduye

Baaruudda qiiqdiyo

Buntuq weeye dunidiyo

Afirkay isbiirsoo

Isa soo bahaystoo

Ninkii Baal u leexda

Basar wax ugu sheegoo

Ku ballama dagaal.



Sida Carabta meel gaar ah looga xakumo, ama ay ugu qiblaystaan, ayaa annaga dhankeena Siyaasi isku sheegga Soomaaliyeed, wuxuu leeyahay qiblo u gaara, wanaag iyo wacanaan laguma sheegin, deeqsinimo iyo dadnimo loogama baran, karti iyo kasmo laguma yaqaan, xigmad iyo xeelad laguma xusin, xeer iyo xukun wanaagsan laguma xisaabsho, xaalad degganaan iyo xirfad sare looguma xiiso, xasad iyo xaqdi ayey xero u tahay, xalqo Daafi iyo xibin qiiriin cun laguma xadido, waxba yaanan xeerine, waa XABASHI QIBLADDA QABBAANIYAASHA SOOMAALI!

Burburinta dawladdii dhexe, duullaanka waxaa laga soo qaaday, oo beel walbaa dabada la gashay xerada Daafi qurunleeyda, haddii dalkii burbur galay, jabhadihiina dagaallo dhexdooda ah ku hoobteen, waxaa xilligaa lagu qabtay shir sanaddii 1993-dii oo ka dhacay Addis Ababa. Sanado ka dibse iyadoo udbaheeda wadata ayey wadanka soo gashay, yaa u sabab ah? Dad badan yaa aaminsan qabqablayaal reer Gedo ahaa, maya, sidaa ma ahan Alshabaabta hadda joogta oo shaar kale wadatay ayaa sabab u ahayd, ka dib markii ay dadkii deegaanka dhibtay.

Muddo gaaban ka dibse, waxaa caadi noqotay in Xabashida xabado loo doonto, si weyn waxaa caan ugu ahaa Qabqablayaasha Xamar kala xadeeyey, dabcan Somaliland qurbaankeeda ha moogaan, dad noolba ha u badnaadee, gadaaalna ay uga soo biirtay Puntland, qabqablayaashu waxay si gaar ah ugu eedaysnaayeen, inay Xabashida qodban yihiin, qabbir iyo qoolna ugu jiraan, waxaanse la eegayn inaan la kala roonayn, waase dabaceedda Soomaalida, oo la yaab ma lahan.

Waxaa la yaab ah, markii hore qabqablayaasha ayaa lagu cayn jiray inay Itoobiya ka soo qaataan hub ay shacabka ku laayaan, ama ay u kala dhuuntaan si mid walbaa ugu qanciyo inuu fulinayo awaamirtooda, maanta waxaan maraynnaa in wadaadadiina u kala dhuumanayaan Itoobiya, waliba ay iyaga oo faraxsan oo dhoolla caddaynaya ka dagayaan Addis si ay shir dib u heshiisiin ah uga qaybgalaan, midkan kaliya ma ahan, waxaaba jiray mid dhexdooda loo qabtay, waa yaabe duf ku baxayaashu miyeysan wax is dhaamin, qabqable iyo wadaad mid walbaa waa kiisa kale, waa labada bog ee lacagta oo kale!

Waxaa hubaal ah, inaan daawadayaal ka nahay filimada jilayaasha Soomaalida ee ku qanacsan magacyo la moodka  loo hilaabay, ma mooddaa sidii jilayaashii aflaanta, ee marba kaalinta shirkadda filimka soo saaraysaa u soo doorto buuxin jiray? Madaxweyne, Askari, Dhakhtar, Jabhad, Dulmane, Daallin, Dammane IWM miyaanay magacya la moodka Soomaalidu sidaa ahayn? Maadaama aan leenahay hal marjac oo aan la garab mari karin?.

Maanta waa maalin kale, waxaa Addis Ababa ku shirsan madax ku sheegga Soomaalida, kaliya waxaa ka maqan Siilaanyo, oo malaha asna u baaqday damaashaadka maalmaha Xoriyadda, balse, mardhaw laga filayo shir ka dhacaya magaalada London, si loo billaaba wada hadallo u dhaxeeya DKMG ah iyo Maamulka Siilaanyo, ka dib markii DMKG ah ka saartay xubnihii Faroole ku soo darsaday guddiga, ee awalba carqalad kaliya looga jeeday.

Shirkan Addis ka furan wuxuu ku yimid, waraaq si lama filaan ah mudane Faroole  ugu diray kuwan lagu sheego inay daneeyaan arrimaha Soomaaliya, kuna sheegay inuu dastuurka qaadacay, ayna tahay shir la isugu yimaado Kenya ama Ethiopia, xasuuso, xeerku wuxuu ahaa qofkii diida dastuurka inuu nabaddiid yahay! Gaas ayaa ugu hormaray, kuna tilmaamay diidmada Faroole mid u gaar ah, oo dadka kale ee diiddan Dastuurka inay u gaar noqoto, maxaa reebaya? Faroole waa u gaar, inta kalana waa ka gaar, ani ma garan, ee qofkii gartay ha noo garaadiyo.

Shisheeye u baaqa Faroole kali kuma ahan, ee waa meeshuu Cigaal Shidaad ka yiri: “Waa la buuxaa, waa la badan yahay” waaba iga weydiine, saw lama lahayn; Garoowe ayaa xarun shirar isu badashay, maxaa keenay inuu Faroole soo hadal qaadi waayo? Ma halmaamin baan filaaye, mise maadaama uu cabashadaba u gudbiyey shisheeyaha, waa in shisheeyuhuna gogosha dhigaa, kaliya ma ahane, waa inayba go'aamiyaan waxa ka soo bixi doona, si aan u dhicin in cabashadii meel cidla ah ku dhacday.

Is weydiinta mudan ayaa ah, haddii Faroole ka dhaga adaygay, in shirka Muqdisha lagu qabto, maxaa shalay loogu firxanayey Garoowe? Illeen qofkii gogosho aad fidiso diidaa, inaad tiisa tagtaa waa taloxume, anigu ma garan Shalay Garoowe in sadbursi lagu go’aamiyo, maantana aan sinnaan Muqdisho wax u qaybsanno la diido, ee aqriste adi ma garatay? Run ahaan inay tahay meeshii laga oran jiray: “Bisayl iyo Qiireen waxa u dhexeeyaa waa yacyacood” haddaan laga dhigayn xaajada: “La jiifiyaana bannaan, la joojiyaanan bannaan”.

Aqriste, nabaddiid aan u laabtee, “QASWADE” ma la dhihi karaa, mudanihii ay xilka ka qaadeen intii u dooratay xilkaa in ka badan? haddana laga fujin waayey, isagu garaadkiisa kuma tagayo, garabna waa haystaa, waa “Gardarro garab og lagama guulaysto” garabka wuxuu ka helayaa canaasir ka tirsan madaxda sare ee dawladda, oo iyagu raalli uga ah inuu sii hayo xilkaa iyo shisheeye uu waligiiba u ahaa kabaqaade, illeen hadduusan kalkaale u ahayn iyaba ma garab siiyeene.

Aqriste, “QASWADE” ma la dhihi karaa, mudanaha muddo go’an xil loo soo doortay, markuu u dhammaaday inta Kampala tagay oo Madaxweyne Museveni hoosta ka galay sanad soo kororsaday? ee walibana yiri cid ka hadli kartaa ma jirto, waa lama taabtaan qodobadii aan ka keenay Kampala, kana sara mereenba axdigii KMG ahaa, intaa kaliya ma ahan, masuul ka ahaa dagaal la baajin karay inuu dhoco, waxaan ka hadlayaa fashilkii ku yimid shirkii Kharduum daba yaaqadii hilaadintii 2006-dii, intaa kuma simine, haddana laba sano kale, da’yarta diin, dib u xorayn ku dagaal galiyey, dabadeedna meel cidla ah uga tagay.

Aqriste, “QASWADE” ma la dhihi karaa, mudanaha muddo go’an xil loo doortay, ee markii uu dhammaystay sanad jeebkiisa ah ku darsaday? Isagoo waliba u cuskaday dastuur uu ku ansixiyey qol mugdi ah, oo aan loogu codayn sida Dastuurkii Somaliland oo kale, oo maalin cad dadku u wada dareerin inay meelmeriyaan rabitaankooda, waxaaba ka sii daran inuuba isbaaro u dhiganayo wada hadalladii la filayey inay dhexmaraan dawladda KMG ah iyo maamulka Siilaanyo, eraga isbaaro iyagaa adeegsada, anna sidaa ayaan iyagu ugu adeegsaday, illeen ayaga ayuuba qabanayaaye, marka laga soo tago inuuba kuu habboon yahay.

Aqriste, “QASWADE” ma la dhihi karaa, mudane xil laga qaadee is xajiyey, ee Maxkamadda saree maamulka xukuntay in sharci loo raacay xil ka qaadistiisa? Ee inta Odayo isu wacday Xamar iyo meelo kale laga tagay xaal mastuur lagu gaaray; inuu xilka sii hayo, waaba yaabe, markii hore maxaa xeer iyo xugun loo samaynayey? Haddiiba aan la dhaqangalinayn.

Aqriste, “QASWADE” ma la dhihi karaa, wadaad camaamad madaxa ku xirtay, ee Xabashi ku xiran, deegaanka kala daahay inuu maamul u sameeyo? Maalin walba u taagan raacda reeb iyo ku dhufoo ka dhaqaaq, waa Jinni ku xaqsay iyo tacab khasaaray, malaha dhacdadii Dhuusamareebna waaba qiil ay doonayeen, oo ah in marka hore deegaanka laga sifeeyo Alshabaab, oo ninka isqarxiyey miyuuba deegaanka iska soo abaabulay? Saw lama oran wuxuu ka yimid dhankaa iyo Xamar, ani isuma kay qaban.

Aqriste, “QASWADE” ma la dhihi karaa, nin aqoon lagu tilmaamo, wata darajo aqooneed midda ugu sarraysa, haddana u xusulduubaya siduu sokeeye ku gumaadi lahaa? Dabcab dadka la laynayaa deegaanka ay ka soo jeedaan isuga uma dhalan, kumana dhalan, waaba haddii loo qiilin lahaaye, haddana Maamul gacan ku rimis ah oo “AZAANIA” uu u  baxshay ayuu dadku ku qasbayaa, dabadana waxaa ka riixaya quwado shisheeye, illeen waxaan joognaa sabankii shisheeyaha lagu wada daabnaaye.

Aqriste, “QASWADE” ma la dhihi karaa nin wadaad sheeganaya, ee haddana u darban laynta dad aan waxba galabsan? Mid yaan la halmaamin inuu Xabashida Saaxiib la ahaa waligiisba, ma wada xasuusateen in jabkii Maxkamadaha ka dib, isagoo dhaawac ah loo qaaday Itoobiya, ee inta la soo daweeyey oo la soo daryeelay dib loo soo celiyey, si uu hawshan wasaqda ah u fuliyo, haddaba Gardheer iyo Taf xaydan dambe yaa lagugu qaldin, Garku waa tin soo baxda, ama gaabso, xiir ama dayso, Muuse Suudi, Barre Hiiraale, iyo Gen. Moorgan yaa ka Gardheer? Haddana waad ka dharagsan tahay inay yihiin qabqablayaal dagaal, bal dhanka kalana milicso, Fidal Castro oo Hantiwadaag ah, haddana Garkiisa ma aragtay?.

Aqriste, “QASWADE” ma la dhihi karaa nin wadaad sheeganaya, ee maalmo ka hor soo ansixiyey Dastuur beeleed, ee inta Garoowe ka soo duulay, markuu Xamar cagaha soo dhigay, isagoon nasan, isla markii warsaxaafadeed diidmo ah soo saaray, la yaab, midka qolka madaw lagu soo ansixiyey, ee lagu garab maray xeer iyo xugun wixii dhignaa, aan la tixgalin dareenka dadka uma muuqdo, ee waxaa u muuqda midkan Soomaali oo dhan ka dhexeeya, hubaal inuu xaq u leeyahay inuu codkiisa dhiibto, balse, inuu miisaamo ayey ku habbooneed.

Aqriste, middan si fiican iila dhuux, waxaan is leeyahay waaba midda ugu muhimsan inta aan soo xusay, “QASWADE” ma la dhihi karaa, kuwan wadanka ku soo hogaamiyey shisheeyaha? Bal wadanka gees ka gees eeg, maanta gobol aan Xabashi joogin ma lahan, Somaliland iyo Puntland iyagu qurbaanka si joogto ayey u bixin jireen, koofurta deegaannada qaar ayaa Fiddaw iyo Xersi xir ahaan iyana u gayn jiray, hadda waxay maraysaa inaysanba sugan, ee ay ugu timaad meesha uu yaal, halkaana ka maamusho, kana yeesho sida ay doonto.

Madasha waxaa ku sugan Shariif oo carriga Maraykanka ka imaanaya, markii horana ka sii duulay Uganda, Tahliil ayuu horay u sii qadanayey malaha. Faroole oo codsadaha shirkan ah, isna wuxuu ka imaaday dal shisheeye, Caalin isaguna iyo Gaas oo Muqdisha ka soo duulay, Shariif Sakiin wuxuu ka soo duulay Baydhaba Jannaay, oo ayaamahaanba sidii Shimbir Malabkii ugu dul wareegay sanayey, malaha wuxuu is leeyahay marka aad ku qaddo guddoonka baarlamaanka yaan lagugu qabsan? Xerta Ahlusunna, sidii qaruxu Dhuusamareeb uga dhacay, warkoodba lama hayn, awalba waxay ahaayeen dhal Amxaaro, haddana waxaa ku sii dhacday dhallaan la'aan.

Aqriste, bal maanee kuwii isku sheegayey inay yihiin hoggaanka dalka, maamul gobol iyo maamul guudba, waxay ku horan yihiin xerada Xabashida? Alla ayaan darro ka weyn miyaa jirta? Mid ma is leedahay in halkooda looga dhaadhiciyo xabsi, ay ku jiraan inta Soomaaliya ka hagaagayso? Sidii uu sameeyey madaxweyne Anwar Al sadaat, ka dib markii uu martiqaad u fidiyey madaxdii ku murun saneyd maamulka wadanka Yemen,  qabqablayaashii dhanna xabsi ku ururshay, deedna maamul iyo hoggaan cusub u dhisay, Wallee middaa oo kale waa nagu fiicneyd, ma ahan kaligood, ee xayn badan ayaa magaalooyinka lafaysanaya, iyagana yaan laga reebin.

Wax badan yaad maqasheen eraga ah: “XABASH YAHOW XABASHKU DHALAY” qofkii eragaa lagu yiraa caayi uma dhimanayn, nasab dhimid iyo bahdil ka weyni ma jirin, maantase qofkaan ahayn sida eragu yahay, waxna ma ahan, waxna ma noqon karo, xil iyo xukunna waa ka xaaraan.

Aqriste, bal eeg sida waayuhu isu badaleen? Maanta inaad dhal Xabash noqotaa waa ammaan iyo arrin wanaagsan, illeen waxay kuu suuragalinaysaa inaad xaraan ku naax noqotood quudatid hanti guud iyo midda gaare, adoon marnaba ka baqayn dabagal iyo xisaabi xil ma leh!

Aqriste, haddaad markii hore aamin sanayd, in wadanka Soomaali maamusha, maantaba indhaaga ku arag, wixii aad aamin sanayd iyo waaqica isu eeg, waan filaa inay kaaf iyo kala dheeri tahay, maxaa yeelay dunida kama jirto, wadan madaxdiisa oo dhan looga yeerayo wadan shisheeye, ee haddana isku shubaya, sidii inay Alla bari ka qaybgalayaan, shirkani wuxuu caddayn u yahay inaan wax madax bannaani ahi jirin, qofkii mid ka duwan hayaa, ha soo bandhigo, isagoo mahadsan.

Sida aysan dunida uga jirin dhacdada caynkaa ah, ayey Soomaaliya caadi ka tahay, kuwa u sii cararaya iyo kuwa codsaday waxaaba ka sii liita, kuwan Odoy dhaqameedka lagu sheegayo, dushooda iyo diirkooda lagu dul gorgortamayo, Alla damiir dhintay ee dux beelay illeen dadnimo lagama sugo! Markii ay dhihi lahaayeen, anaga maxaad noogu wacateen haddii aysan taladu naga go'in? Ayaa qaarna dib u carooday ka dib markii amar lagu siiyey, qaarkii harana HOOS GUNTIYO ku maqsuudeen, hoos iyo hareerba ma hillaaban, heegada sarana warkeedba daa.



Rag kaa faqay rafiiq nimaad tihiin talo lagaa reebay

Meel aan lagaa rabin indhaha lalama si raaco



Kaligood ma ahan, bal eeg kuwa aqoon yahanka isku sheegaya, inay idaacadaha iyo TV-yada ka quuq leeyaan ma ahan qaab kale keeni waaye, ka dar oo dibi dhal, waxa marashax isku sheegaysa ee maalinba maalinta ka sii dambaysa haddan aan lagu hayn hale ra’yi oo ku aaddan waxaan dhacaya iyo wadankaan mugdiga sii galaya, ee ay doonayaan inay madax u noqdaan, Doqoneey dabkaa ba’. Abwaan Soomaaliyeed ayaa hore u yiri: “Ma dumaalo naagaha ninkay nolol ku deyrshaane” Abwaan kalena waxuu yiri: “Dundumooyinkoo lala hadlaa damac ma yeeshaan”.

Waxaa ka sii liita, inta madax iyo maamul urur ku jira u ah, Hiil Qaran, Daljir, Tayo IWM, qaar gudahaa lagu aasaasay, qaarna dibadda laga suu unkay, kase wada siman inay yihiin hiil iyo hoo la’aan, hubaal inay tahay maalin loo baahnaa in la maqlo codkooda, hase yeeshee ka door biday inay u kuur galaan siday madaxtooyada ku gali lahaayeen.

Waxaa ka sii liita wadaaddo wax ay bulshada ugu qaybsan yihiin aan la garayn, mid inta Puntland ku soo ansixiyey Dastuur beeleed, maalintuu Garoowe ka soo duulay ee Xamar yimid diiday dastuurka Soomaaliweyn lagu badbaadinayo, aqriste ma is qabanaysaa? waxaa la mid ah Sheekh Ummal oo yiri; “inta dastuurka rabta dantooda ayey ka arkeen, inta diidanna dantooda ayey ka waayeen” waaba iga su’aale wadaadkani miyuusan ka waantoobin inuu Soomaali mar walba meel uga dhoco? War qofkii yiri; qodabka Jinsiyadda, Xuduudaha wadanka, Federalka, Caasimadda, iyo inuuba ku meel gaar yahay awgiis ayaan ku diidayaa, ma dantiiisa gaarka ah ayuu ka waayey? Waxaa kaloo la mid ah Shiikh Dhicisaw, oo aan la garanayn waxa uu u doodayo iyo waxa uu ka doodayo, waxa uu diidayo iyo waxa uu doonayo.

Dhaqan iyo dhur midna lama dhawrin, qaanuun iyo qodob midna lama qaabin, xeer iyo

xukun midna lama xigan, maan iyo maskax midna lama maarayn, xil iyo xushamad midna lama xusin, xaq iyo xero midna lama xeerin, waxaa la yaab ah meesha wax ku dhammaadeen, halka la taagan yahay iyo sida xaalku ku dambayn doono.



Bashir M. Hersi

brdiraac@hotmail.com

Taliska Ciidamada Ethiopia oo sheegay inay xun yihiin dilalka ka dhaca Bay iyo Bakool

$
0
0

image: 

Baydhabo: (Sh. M. Network)  Saraakiisha Ciidamada Ethiopia ayaa sheegay inay aad ugu xun yihiin dilalka ka dhacay gobolada Bay iyo Bakool ee Koofurta Soomaaliya oo ay howlgallo ballaaran ka wadaan Ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa Ethiopia. 
Taliyaha ugu sareeysa Ciidamada Ethiopia ee gobolada Bay iyo Bakool ee dalka Soomaaliya Jeneral John oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay inay aad ugu xun yihiin dilalka ka dhaca goboladaasi, isagoo sheegay in dadka la dilayo ay yihiin kuwa jecel Nabadda, kana soo horjeeda Xarakada Al Shabaab. 
Sidoo kale Taliyaha ayaa waxa uu sheegay inay jiraan dhibaatooyin ka jira canshuuradaha Ciidamada dowladda ay ka qaadaan goobaha ay ka xoreeyaan Al Shabaab, isagoo tilmaamay in taasi lagala tashanayo Madaxda dowladda KMG ah, loona baahan yahay inay wada shaqeeyaan shacabka iyo DKMG ah. 
Jeneral-ka ayaa waxa  uu sheegay in uu la yaabay qaabka ay dadka ula dhaqmaan Al Shabaab, waxaana uu tilmaamay in uu daawaday Cajalad muuqaal ah oo uu ku arkay Al Shabaab oo dadka qoorta ka goynaya iyo iyagoo dadka meel fagaaro isugu keenaya kaddibna tooganaya dad ay eedeeyeen, wuxuuna carabka ku dhuftay in wax lala yaabo ay tahay waxyaabahaasi. 
Magaalada Baydhabo iyo Xudur oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ayaa waxa ka dhaca falal ammaan darri, iyadoo ay jiraan shaqsiyaad lagu bartilmaameedsaday gudaha Magaaladaasi.

Madax da Maamulka Khaatumo Oo Daah Furayn Garoonka Sayid Maxmed Cabdule Xasan International Airport Ee Degmada Taleex (Sawiro)

$
0
0

Madax da Maamulka Khaatumo State of Somalia ayaa si toos ah u daah furay garoonka caalamiga ah ee Sayid Maxamed Cabdule Xasan International Airport oo uu maamulka khaatumo state ka hirgaliyey degmada taariikhigaa ee taleex, iyadoona munaasibadii lagu daah furay garoonkani ay kasoo qayb galeen golaha sare ee madax tooyada maamulka khaatumo,  golaha wasiirada,  siyaasiyiin, wax garad, iyo ururada bulshada ee ka hawl gala degmada taleex.
Munaasibadan lagu daah furay garoonkani ayaa ahayd mid aad u balaadhan, iyadoona dhamaan ba dadkii kasoo qayb galay munaasibadani ay wajiyadooda ka muuqdeen farxad iyo rayn rayn aad u weyn.
Hadaba waxaa ugu horeyn ba ka hadlay daah furka garoonkani wasiirka horuminta iyo khayraadka dabiiciga C/kariin Faarax Dhaaye oo isagu gacanta ku hayey tan iyo markii la bilaabay dhimsaha garoonka Sayid Maxamed Cabdule Xasan International Airport, isagoona wasiirku sheegay in dhamays tirka garoonkani uu yahay guul u soo hoyatay dhamaan ba shacabka deegaanada khaatumo state.
Waxaa isna halkaasi ka hadlay madax weynaha maamulka khaatumo Axmed Cilmi Cismaan oo cadeeyey in hada laga bilaabo uu si rasmi ah u furan yahay garoonkani, isagoona sheegay  in garoonkani uu yahay mid u dhaxeeya dhamaan ba bulsha weynta soomaaliyeed.
Mudane Maxamed YuusuF Jaamac (Indha sheel) oo isna ku hadlayey afka  golaha sare ee madax tooyada maamulka khaatumo ayaa sheegay in garoonkani ay kasoo dagi karaan dhamaan ba diyaaradaha kala duwan, isagoona xusay in garoonkani uu qayb ka yahay wax qabadka xukuumada khaatumo state.
Isku soo wada duuboo dhamaan ba madax dii iyo mas’uuliyiintii  ka hadashay daah furka garoonkani ayaa xusay in dhamaystirka  garoonka Sayid Maxamed Cabdule Xasan International Airport uu yahay guul  u soo hoyatay shacabka deegaanka SSC, iyagoona xusay in horumarka laga wada shaqeeyo.
Wariye Abdirahman Wadani
Taleex Khaatumo State Of Somalia
Halkan Ka Daawo Sawiradii


 



Shir magaalada Addis Ababa ugaga furmaya Saxiixayaasha Road Map-ka

$
0
0

Saxiixayaasha Road Map-ka ee Hogaamiyeyaasha siyaasada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalinta berri uu shir uga furmo magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaasoo looga hadlayo arrimaha Dastuurka. Qaban qaabo xoogan ayaa ka socota magaalada Addis Ababa, iyadoo madaxda dowladda Soomaaliya la filayo in maanta si wada jir ah uga ambabaxaan magaalada Muqdisho. Shirkan oo [...]

Wararkii ugu dambeeyay dagaalo khasaaro geystay oo maanta ka dhacay Magaalada Baladweyne

$
0
0

Dagaalo khasaaro geystay ayaa waxay maanta ka dhaceyn Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, oo muddo dhan shan bilood kahor dagaalo culus loogala wareegay Xarakada Al Shabaab.
Ciidamo ka wada tirsan Ciidamadda Maamulka Gobolka Hiiraan ee Dowladda Kmg ah ee Somaliya, ayaa waxay maanta ku dagaalameyn gaari lacago canshuur ah ay ka qaadeen, waxayna isku qabsadeen lacagahaasi.
Waxay ciidamadaan ay ku dagaalameyn Bar Control “Check Point” oo ku taalla Xaafadda Buundo weyn, gaar ahaan Laanta Isbartiibo ee Magaalada Baladweyne, iyadoo Xaafadda Buundo weyn ay ka tirsan tahay bariga Magaalada Baladweyne, waxaana soo weeraray ciidamo kale oo ka yimid dhinaca Galbeedka Magaalada Baladweyne.
Labada ciidamo oo isku adeegsaday hubka fud fudud ayaa waxaa dagaalada ku dhimatay 2 askari, 3 kalana waxaa la-sheegay inay ku dhaawacmeyn dagaalada maanta ku dhex maray Xaafadda Buundo weyn ee Magaalada Baladweyne.
Dagaalada kadib ayaa waxaa goobtaasi soo gaaray Ciidamadda Dowladda Itoobiya ee joogga Magaalada Baladweyne, waxayna dhamaan hubkii ay ku dagaalameyn ay ka qaadeen ciidamadaan, oo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya.
Maamulka Gobolka Hiiraan ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaan weli ka hadlin dagaalada maanta ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan.


Arimaha Ilaahey Dambiyada ku Dhaafo

Dowladda Soomaaliya oo Safaarad ka furatay Wadanka cusub ee South Sudan “Daawo Sawiro Qurxoon”

$
0
0

image: 

Shalay oo ay taariikh ku beegneyd 19/05/2012 ayaa waxaa ka hirgalay wadanka cusub ee Koonfurta Sudan oo hadda uun helay madax banaanidiisa Safaarad ay leedahay Somaliya.
Waxaana safaradda xariga ka jaray Wasiiro iyo wafti ka kala socday Dowladaha Somaliya iyo Koonfurta Suudaan, iyo 19 safaaradood oo ay ku jiraan Turkiga, UK , Uganda, Kenya, Ethiopia, Sudan, South Africa, China, Japan, Congo DR, Nigeria iyo kuwo kale.
Waxaa ka hadlay madasha xariga looga jaray Safaarada madax ka socotay Wasaaradda Arimaha dDbadda waxaa ay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo xidhiidhka labaada wadan inay muhiim tahay, loona baahanyahay safaaradu inay ka shaqeyso xidhiidhka dhaw iyo kan fogba.
Waxaa kaloo halkaa ka hadlay xarigana ka jaray Safaaradda Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’isul wasaaraha Mudane Cali Nuur Xuseen Ducaale, isagoona ka hadlay ahmiyadda ay leedahay safaaradda xagga siyaasadda iyo xagga dhaqaalahaba, wuxuuna mahad gaar ah uu u celiyay dhamaan Jaaliyadda Somalida ah ee ku dhaqan Wadanka Koonfurta Suudaan iyo ardayda Somaliyeed ee sida gaarka ah u abaabushay xafladda iyo safiirka oo uu ku tilmaamay halyeey Soomaaliyeed.
Mudane Cali Nuur Xuseen Ducaale ayaa wuxuu sheegay in Safiirka cusub ee Koonfurta Suudan uu ku dhiiraday sida uu sheegay dalka cusub hadana dagaalo ku jiro in uu wakiil u noqdo Umadda Somaliyeey, isla-markaana wuxuu hawshaasi u ku tilmaamay mid aad muhiim u ah.
Mudane C/Rashiid A.sed oo isaguna goobtaasi hadal ka jeediyay, ayaa wuxuu ku dheeraaday xiriirkii hore ee u dhaxeeyay shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa kale ee ka soo jeeda Koonfurta Suudaan.
Gudoomiyaha ururka ardayda Somaliyeed ee dalkaan C/Fataax Sheekh Maxamed Jaamac Deer ayaa halkaa lagu gudoonsiiyay shahaado sharaf iyo Gudoomiyaha ganacsadata Somaliyeed ee sida diiran uga soo shaqeeyay furitaanka Safaaradaan.





Ciidamadda Dowladda oo maanta hawl-gallo xoogan ka wada Suuqa Bakaaraha iyo daawooyin dhacay oo ay gacanta ku dhigeen

$
0
0

image: 

Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxay maanta hawl-gallo xoogan ay ka wadaan Suuqa Bakaaraha, waxayna hawl-gallada ay maanta ka wadaan ay yihiin kuwo ka xoogan, kuwii shalay ay ka fulliyeen.
Ciidamadda maanta hawl-gallada ka wada Suuqa Bakaaraha ayaa waxay iskugu jiraan Ciidamadda Booliska iyo Ciidamadda Nabad Suggida, waxayna hawl-gallada ay ka soo bilaabeen wadada koowaad ee Suuqa Bakaaraha
Hawl-gallada ayaa waxay ka wadaan wadada koowaad ilaa Suuqa Cabdalla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha, isla-markaana waxay hawl-gallada ay ku burburiyeen sandaqado ka sameysan bilaa Sharci.
Xilli hawl-gallada ay ka sii soconayaan Suuqa Bakaaraha ayaa waxay Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ay gacanta ku soo dhigeen daawooyin badan oo dhacay, waxayna ka soo qab qabteen goobaha ay maanta hawl-gallada ku burburinayaan.
Taliye ku Xigeenka Ciidamadda Booliska ee Gobolka Banaadir ee Dowladda Kmg ah ee Somaliya Mudane Maxamed Cali Maxamed, oo Saxaafadda shir jaraa’id ugu qabtay Suuqa Bakaaraha, ayaa wuxuu xaqiijiyay inay gacanta ku soo dhigeen daawooyin dhacay, isagoona digniino u jeediyay ganacsatada, inaysan shacabka Somaliyeed ka iibin wax yaabo dhacay.
Taliyaha ayaa wuxuu ku goodiyay inay sii wadi doonaan hawl-gallada ay ka wadaan Suuqa Bakaaraha, wuxuuna hawl-gallada uu ku macneeyay kuwo dib loogu soo celinaayo bilicdii Suuqa Bakaaraha.

Kheyrka oo la isla Jeclaado

$
0
0


Kheyrka oo la isla Jeclaado

Muxaadaro ku saabsan الحث على الايثار, waxaa soo jeediyey Sheekh Axmed Daahir Aweys حفظه الله تعالی وجعل الجنة مثواه
From:
lfw82
Views:
1

0
ratings
Time:
01:05:49
More in
Education

muxaadaro: 
See video

Mahiga oo ka Hadlay Iska-hor-imaadkii Hargeysa

$
0
0

War-saxaafadeed maanta ka soo baxay xafiiska Ergeyga gaarka ee XGQM ee arrimaha Somalia, Dr. Augustine Mahiga ayaa lagu sheegay in egeygu ka welwelsan yahay iska hor imaadkii dhowaan magaalada Hargeysa ka dhacay, kaas oo ay iskaga hor yimaaddeen xoogagga amniga ee Somaliland iyo sida, warsaxaafadeedka lagu sheegay, muwaadiniin reer Somaliland ah, iska hor imaadkaas oo dhaliyey dhimashada dhowr ruux oo labada dhinac ka kala tirsanaa. Warsaxaafadeedka ayaa intaas raaciyey in 17 qof oo ka mid ah kuwii la  tuhmay dil lagu xukumay, halka 5 ka mid ahna xabsi daa’im lagu xukumay.

War-saxaafadeedka ayaa qoray in Ergeyga Gaarka ee XGQM uu ka xun yahay dhimashadii labada dhinac soo gaartay, waxana uu welwel ka muujiyey in dad shicib ah lagu maxkmadeeyo maxkamad militari, taasoo, sida warsaxaafeedka lagu sheegay, ka hor imanaysa xeerarka gudaha iyo kuwa caalamiga ah. Ergeyga Gaarka ayaa, sida warsaxaafeedku qorayo, sheegay in si dhakhso case-kan loogu wareejiyo maxkamadda dambiyada, waxana uu maamulka ku dhiiri galiyey in la hubiyo maxkmad cadaalad ah marka maxkamadda cusub la qaadayo.

Ergeyga gaarka ah ayaa ku baaqay baaris buuxda, madax banaan oo dhexdhexaad ah, taas oo lagu sameeyo shilkii dhacay iyo dhacdooyinkii xigay.

Madasha Dastuurka: Doorka Haweenka

$
0
0

Barnaamijka Madasha Dastuurka ee toddobaadkan waxan kaga hadli doonaa doorka haweenka ee hogaaminta.

Waxa barnaamijka aad kaga bogan doontaan natiijooyinkii aragtida dadweynaha, su'aalo la weydiinayo martida barnaamijka maanta, iyada oo barnaamijka ay marti ku yihiin Dr. Maryan Qaasim oo haray u soo noqotay Wasiirka Haweenka ee xukuumaddii RW Farmaajo, haatana hogaamisa xisbiga TAYO, waxa kale oo marti ku ah Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

Barnaamijka oo dhan qeybta hoose ka dhageyso.

MUXAADARO SH XUSEEN CALI TABLIIQ QEEBTA 2 AAD


Dhul-gariir Saakay ku Dhuftay Talyaaniga

$
0
0

Dhul Gariir cabirkiisa lagu qiyaasay  6.0 cabirka Dhulgariirada ayaa gilgilay waqooyiga dalka Talyaaniga, saakay waaberigii, kaasoo ay ugu yaraan ku dhinteen lix qof , isla markaana bur buriyay guryo qarniyaal dhisnaa iyo kaniisado ku yaala gobolkaasi oo dhan.

Baaris dhinaca cilmiga dhulka ah oo laga sameyay dalkan Mareykanka ayaa lagu sheegay in dhul gariirka ku dhuftay Saakay talyaaniga ay ubucdiisu aheyd qiyaastii 35 km meel waqooyi galbeed ka xigta magaalada Bologna.
Dhulgariiska ayaa waxa uu ruxmay saakay 4 aroornimo ee waqtiga talyaaniga, iyadoo dadka deegaanka oo aad u argagaxsanna ay ku soo yaaceen jidadka, dhowr dhulgariir oo kaa ka dambeeyay oo yar yar ayaa sidoo kale laga dareemay gobolka.

Inta badan dadkii degenaa magaalooyinka gobolka ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan iney dib guryahooda ugu noqdaan, iyagoo ka baqaya dhulgariiro kale.

Dhulgariirka waxa uu afka dhulka u geliyay oo uu u bedelay bur- bur isdul tuban iyo boor – dhismooyin taariikhi ah iyo kaniisado  qaarkood la dhisay 1,500 oo sano ka hor.

Wasaaradda Dhaqanka ee Talyaaniga ayaa sheegtay in qasaare weyn uu ka dhashay dhulgariirka.

Ra’isul wasaaraha Talyaaniga Mario Monti ayaa isna tacsi u diray dadkii wax ku noqday dhulgariirka, waxaana uu qorsheeynayaa inuu goor hore ka tago Shirmadaxeedka Nato si uu dalkiis dib ugu laabto.

R/Wasaaraha Soomaaliya oo Addis Ababa kula kulmay masuuliyiin ka tirsan Beesha Caalamka

$
0
0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyagoo xalay kulamo kula qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Beesha Caalamka. Kulamada Ra’iisul Wasaaraha oo ahaa mid ku qotomay arrimaha Road Map-ka
iyo sidii loo xoojin lahaa ayaa horu dhac u ahaa kulanka lagu wado in
saxiixayaasha Road Map-ka ay maanta yeeshaan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmay Ergeyga Midowga Yurub Mr Alexsander
Rhondos, Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka, James Swan, kuxigeenka ergeyga
gaarka ah Xoghayaha guud qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr
Peter De Clercq iyo mas’uuliyiin kale.
Dr. C/wali Gaas ayaa u sheegay mas’uuliyiintii uu  la kulmay sida ay uga
go’antahay in la soo af-jaro Xilliga Kala Guurka ah oo la helo
baarlamaan kooban oo tayo leh iyo dowlad Rasmi ah oo shacabka u istaaga,
kalsooni fiicanna ka heysta shacabka.
Ra’iisul Wasaare C/wali Gaas ayaa la filayaa inuu la kulmo dhigiisa
Itoobiya Atto Meles Zenawi oo ay ka wada hadli doonaan arrimaha
Soomaaliya, gaar ahaan howl galada ka socda Gobolada dalka oo Ciidamada
Itoobiya ku lug leeyihiin.
Kulanka maanta ka furmaya Magaalada Addis Ababa ee ay leeyihiin
saxiixayaasha Road Map-ka ayaa la filayaa in Hogaamiyeyaasha siyaasada
Soomaalida inay uga hadlaan sidii loo dhameystiri lahaa xilliga kala
guurka iyo barnaamijka Dastuurka

Miles Zanawi oo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku soo gabagabeynayaan howl galada soomaaliya

$
0
0
Addis Abba: (SONNA) Raisal wasaaraha dalka Ethiopia Miles Zanawi oo kadib kulan sedex geesood ah oo Addis Ababa uu kulayeeshay wufuud kakala socotay dowladaha maser  iyo sudaan wareysi siinayay wargeeska Albayaan ee kasoo baxa dalka isutagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in ay soo gaba gabeeyn doonaan howl galada ay ciidamadooda kawadaan gobolada dalka Soomaaliya si ay uxasisho xaaladda Soomaaliya markii ay ciidamada Ethiopia kajooga Somalia soo gaba gabeeyaan muhiimada howl galka ay kuwareejin doonaan ciidama kale oo kasocda dalka yugaanda qaybaha ay joogaan

Raisal wasaare Zanawi ayaa sheegay in Soomaaliya sanado badan ay ladaalaac dheceyso xasilooni darri iyo colaado ragaadiyay sidaa daraadeed ay dowladiisa diyaar utahay in ay gacan qabato si looga adkaado Ururka Alshabaab oo uu sheegay in ay tahay hal bowlaha dhinacyada kasoo horjeeda nabad kusoo dabaalida Soomaaliya sida uu yiri
Dowlada Ethiopia ayaa hadda kala qayb qaadaneysa Dowalada KMG ah ee Soomaaliya dagaalada ay kala horjeedo Alshabaab ee kadhaca qaybo kamida gobolada koonfureed ee dalka iyadoona hadda ciidamada Ethiopia saldhigooda ugu weyn ay kasameysteen magaalada beydhabo ee xarunta gobolka bay  oo horay Alshabaab ay ugala wareegen

Addis Ababa: Wakiilada Beesha Caalamka oo Xalay Si Kala Gooni ah ula Kulmay C/weli Gaas, Shariif Xasan iyo Faroole (Faahfaahin)

$
0
0
image: 

Addis Ababa (SONNA Wakiilo ka socda Midowga Yurub, Qaramada Midoobay, Mareykanka iyo Midowga Afrika ayaa xalay siyaabo kala gaar ah ula kulmay raysul wasaaraha xukuumadda KMG Somaaliya C/weli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole iyo Shariif Xasan oo ka mid ah lixda saxiixayasha qariirada roadmap-ka.
Kulamadan kala gaarka ah ayaa gogol xaar u ahaa kulan maanta dhexmari doona lixda saxiixayaasha roadmp-ka oo ka dhici doona Addis Ababa, waxaana kulamada xalay xubnaha beesha isku dayeen inay isu soo dhoweeyaan aragtiyada kala fog ee ay kala qabaan DKMG ah iyo C/raxmaan Faroole.
Ilo  wareedyo la isku haleyn karo ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole uu xubnaha beesha caalamka u gudbiyey qodobo uu ku sheegay in khilaafka ka dhex oogan saxiixayaasha roadmap-ka lagu xallin karo, kuwaasoo ay ku jireen arimaha dastuurka, wax qeybsiga beelaha iyo doorashada soo socota ee baarlamaanka iyo madaxweynaha.
Wararka ayaa itaa ku daraya in Faroole uu ka digay in xubnaha baarlamaanka cusub ay soo geli karaan kooxaha islaamiyiinta Soomaaliya iyo qabqablayaasha dagaalka haddii aaney lixda saaxixayaasha ah isla hubin magacyada dadka la soo xulayo ee ay keenayaan odayaasha dhaqanka. Wuxuuna Farole sheegay in loo baahan yahay in arintaasi laga feejignaado oo la baaro taariikhda shakhsiyaadka soo galaya baarlamaanka.
Sidoo kale ayaa madaxweynaha Puntland wuxuu ku cawday in qodobo ka mid ah dastuurka cusub la baabi’iyey isla markaana heshiisyadii Garwe 1, Garowe 2 iyo kii Gaalkacyo lagu xadgudbay wuxuuna arimahaasi oo dhan ku eedeeyay DKMG ah, gaar ahaan raysul wasaare Gaas iyo madaxweyne Shariif.
Kulanka Farole iyo beesha caalamka dhexmaray waxaa ka dambeeyay kulan Shariif Xasan iyo Raysul wasaare Gaas la qaateen waki8ilada beesha caalamka, waxayna labada nin iska difaaceen eedeymaha Faroole oo ay ku sifeeyeen kuwo siyaasadeed oo dan gooni ah ku saleysan.  Shariif Xasan atyaa dhankiisa sheegay inuu isagu u taagan yahay ka ilaalinta baarlamaanka cusub inay soo galaan xubnaha uu ku micneeyey ‘qaswadayaasha’ iyo Islaamityiinta adag, laakiin wuxuu sheegay inay rabaan inay soo dhoweeyaan kooxaha qunyar socodka si nabad loo gaaro.
Arintaasi Shariif Xasan ka hadlay waxaa aad ugu qancay wakiilada beesha caalamka oo had iyo jeer si fiican u maqla Shariif Xasan, waxayna taasi muujineysa in Shariif Xasan uu had iyo jeer ku wanaagsan yahay ciyaaraha siyaasadeed marka heerkan oo kale ay gaarto.
C/weli Gaas wuxuu dhankiisa difaacay geedi socodka dastuurka iyo marxalada uu marayo shirka odayaasha dhaqanka ee ka socda Muqdisho, wuxuuna ku adkeystay inay ka go’an tahay in uu isagu si sax ah u fuliyo qorshihii roadmap-ka ee la saxiixay September 2011.
Dhanka kale waxaa saaka magaalada Addis Ababa soo gaaray madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo xalay ku hoyday Jabuuti, waxaana lagu wadaa in maanta uu furmo kulanka lixda saxiixayaasha dhexmari doona oo ah kulan adag isla markaana aan la garan karin waxa ka soo bixi doona.

Shir magaalada Addis Ababa uga furmaya Saxiixayaasha Road Map-ka

$
0
0

Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan uu ka furmo magaalada Adis Ababa, Shirka hogaamiyaasha Soomaalida ee saxiixay heshiiskii Geedi socodka Nabada Soomaaliya ee Garoowe. Shirkii ay isugu imaanayeen lixda saxiixayaasha tubta qariirada ee
roadmap-ka ayaa goordhow ka furmi doona magaalada Addis Ababa ee xarunta
wadanka Ethiopia.
Danjiraha Soomaaliya ee Addis Ababa Siciid Yuusuf Nuur ayaa goordhow
Shabakada Raxanreeb u sheegay in shirka uu bilaabanayo, waxaana saacad
ka hor garoonka Addis Ababa ka soo degay wafdigii madaxweyne Shariif
Sheekh Axmed oo xalay Jabuuti ku hoyday.
Shirkan ayaa la filayaa inuu noqdo mid adag waxaana xalay kulamo gaar
gaar ah una muuqday gogol xaar ayaa wakiilada beesha caalamka, gaar
ahaan wakiilka Midowga Yurub, Mareykanka, Qaramada Midoobay iyo Midowga
Afrika la yeesheen Shariif Xasan, raysul wasaare C/weli Gaas iyo
Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland.
Kulamada xalay ayaa dood adag oo garnaqsi u ekeyd loogu kala qaaday
madaxdsa DKMG ah iyo C/raxmaan Faroole, waxaana natiijada kulamadaasi ay
ku xiran tahay waxa ka soo baxa shirka goordhow dhexmari doona lixda
nin ee saxiixayaasha qariirada roadmap-ka.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live