Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

War laga soo saaray xafiiska madaxweynaha oo la soo gaarsiiyey Halganka.net hoos ka akhri

$
0
0

Ansixinta
Dastuurka Qabyada & Dhammaadka Muddada Kala Guurka ah
Waxaa Go’aan ka Gaari kara Hey’adaha KMG ah oo
Wada Jira
 

(Muqdisho,
Soomaaliya  September 4, 2010, Madaxweyne Soomaaliya, Sheekh Shariif
Sheekh Axmed, ayaa maanta ka hadlay Dastuurka qabyada ah ee uu soo
bandhigay Guddiga Federaalka Dastuuriga ah ee Madaxabannaan.
 

Madaxweynuhu,
war-murtiyeed uu siiyey warbahinta, wax uu ku yiri, “Dastuur cusub
oo Soomaaliya loo sameeyo waa howl qaran oo ahmiyad gaar ah leh, muggeeduna
ballaaran yahay, taas oo ay tahay in uu ahaado hab cad oo aan daldaloollo
lahayn islamarkaana ku fadhiya sharciyad iyo qaneeco shacab.”
 

Madaxweyne
Sheekh Shariif waxaa kale oo uu tilmaamay “Si loo helo dastuur dhab
ahaan ay Soomaali leedahay, waa in qoraalka qabyada ah uu noqdo mid
ay ka dhex muuqato yididiilada iyo danaha shacabka Soomaaliyeed, taasina
waxaa lagu gaari karaa ka qeyb-gal dadweyne oo aad u ballaaran.”
 

Madaxweynuhu
isagoo aqoonsan dadaalka iyo howsha culus ee uu Guddiga Federaalka Dastuuriga
ah ee Madaxbannaan qabtay, wuxuu yiri “ annagoo og in dastuurkan qabyada
ah uu yahay mid sii wanaajinaya Axdigii KMG ahaa, haddana wuxuu u baahan
yahay hufid iyo wax ku darid ka yimaada muwaadiniinta Soomaaliyeed,
khubarada sharciga, culumada diinta iyo xubnaha baarlamaanka si loo
xaqiijiyo inuu ka tujumayo danta iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed”.
 

Isagoo arrintan
ka hadlaya, Madaxweynuhu wuxuu soojeediyaya in la sameeyo Guddi
Qaran Oo Talo Bixin
oo ka kooban Xubnaha Baarlamaanka, khubaro
sharci, khubarada dhaqan iyo shacab weynaha.
 
 

“Naf-huriddii
iyo dhiiggii wasiirrada, xubnihii Baarlamaanka iyo dhiigga hadda daadanaya
ee shacabkeenna iyo askarteenna ayaa nagu khasbaya in aan dalbanno Dastuur
dhammeystiran oo aan ceeb lahayn oo ah mid Soomaalida ka yimid oo danahooda
ku qotoma.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.
 

Dhanka kale,
Madaxweynuhu isaga oo ishaaraya qaabka loo wejihi karo samaynta dastuur
cusub iyo ansixintiisaba waxa uu yiri, “Dastuur si uu ku noqdo dastuur
Qaran, waa in uu helaa afti dadweyne,
waana taa midda laga doonayo xukuumadda in ay waqtigeeda isugu geyso
sidii lagu gaari lahaa, furuhuna waa in amniga la sugo.”
 

“Haddii taa
ay ka hor yimaadaan caqabado waa weyn oo laga garaabi karo, waxaa xusid
mudan in waxa hadda ay Soomaali haysato -- oo afti dadweyne
lagu ansixiyey -- uu yahay Dastuurkii 1960-kii, Haddaba, iyada oo baarlamaanka
hadda jira ay adeegsanayaan awoodda uu siiyey Axdiga KMG, ayay Dastuurkii
60-kii ku dari karaan qodobada ka dhammin sida ku dhaqanka shareecada
Islaamka iyo habka maamulka Federaalka ah – go’aankase waa mid baarlamaanka
u yaal.” Ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweyne Sheekh Shariif.
 

Ugu danbayntii,
Madaxweynuhu, isaga oo ka hadlaya, habka ansixinta dastuurka cusub iyo
sidii horey loogu sii socon lahaa marka uu dhamaado waqtiga DFKM ah
-- oo ku eg bisha Ogosto 2011 -- waxa uu hoosta ka xarriiqay, 
“Dowldda Fadaraalka Ku-meel gaarka, oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha,
Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada -- in aanay weli si rasmi go’aan
uga gaarin habka iyo qaabka dastuurka cusub loo ansixin doono – taas
oo markii la dhameeyo qoraal Madaxweynaha lagu shaacin doono.”
 

Sida ku cad
Dastuurkii 60-kii iyo Axdiga KMG ah, hay’adaha dastuuriga ah, gaar
ahaan xukuumadda ayaa laga rabaa in ay soo bandhigaan qorshe hawleed,
baarlamaanka ayaana sharciyad u haysta in ay sharci ka soo saaraan qaabka
dastuurka loo ansixinayo iyo dhammaadka xilliga kala guurka, shuruucdaas
oo dhaqan galaya markii uu Madaxweynuhu saxiixo.”
 

La xiriir: media@presidency.gov.so

media@sompresidency.org


Agaasimaha Horseed Media oo la sii daayey kadib faragelin ka timid beesha caalamka

$
0
0

Maxkamadii xukuntay wariyihii horseed radio ee dhowaan lagu xiray mgaalada Boosaso ayaa sheegtay maaanta iney sii deysay wariyaha kadib markii qareen uu u doodayey sheegay iney sharci darro tahay.

Iyadoo horay loogu riday  agaasimaha idaacada Horseed Media xukun gaaraya ilaa iyo 6 sano oo xarig ah iyo ilaa iyo $500, ayaa maanta maxkamada waxa ay ku dhawaaqday in ay go aankaasi ka laabatay.

Arintaan ayaa waxa ay ka danbaysay ka dib markii culey la saaray madaxwynay Puntland oo haatan Itoobiya kulmo kula leh saraakil ka tirsan EU-da waxaana wararka aan heleyno sheegayaan inuu isagu amray in la sii daayo wariyaha kadib markii ey codsadeen madaxdii la kulmayey.

Agaasimaha idaacada Horseed Media C/fitaax Jaamac Mire, oo mudooyinkaan xabsiga ku jiray ayaa horey loogu xukumay ilaa 6 sano oo xarig ah iyo waliba $500, asagoo aanan loo qaban wax khareen ah oo u dooda.

Maxkamada darajada Koowaad ee magaalada Boosaaso ayaa waxa ay sheegtay in kiiska wariye C/fitaac jaamac Mire dib loodhigay mudo todobaad ah, ka dibna maxkamada la soo taagi doono.

Xariga iyo xukunka C/fitaax Jaamac aya waxa uu ka danbeeyay ka dib markii idaacada Horseed Media ay  waraysi la yeelatay Sheekh Maxamed Saciid Atam oo ah hogaamiye diimeed ka soo horjeeda dowlada Puntland.

Maamulka Xarakada Alshabaab ee gobolka Hiiraan oo gacmaha ka jaray Dhalinyaro Soomaaliyeed (iska jira sawirka)

$
0
0

Maamulka Xarakada Alshabaab ee gobolka Hiiraan ayaa maanta meel fagaara ah gacmaha uga jaray laba wiil oo dhalinyaro ah.

Wiilashan dhalinyarada ah oo sida ay Alshabaabku sheegeen bakhaaro ku yaal magaalada Beledweyne wax ka xaday ayaa waxaa gacmihii laga jaray laga lalmiyay Xarunta Maamulka Alshabaab ee magaalada Beledweyne.

Boqolaal dad ah ayaa ka soo qeybgalay daawashada madashii dhalinyaradan lagu naafeeynayay waxayna dadkani dhegeeysanayay amaba maqlayeen Jibaadka xannuunku sababay ee ka yeerayay Dhalinyaradan midida afka badan lagu jarjarayay.

Maamulka Alshabaab ayaa sidoo kale dadkii halkaas isugu yimid u sheegay in ay ku cibra qaataan xukunkan ka mid ah xukunada ku xusan Kitaabka Alle.

Xukunada noocan oo kale ah ayaa inta badan laga keenaa su'aalo waxayna culimada qaar ee diinta ku xeeldheer xaalada Soomaalidu ku jirto darteed ku taliyaan in la hakiyo Xukunadan noocan oo kale ah.

halgankanet@gmail.com

Dhalinyaro looga shakiyay in ay Alshabaab ka tirsan yihiin Qaraxyanna maleegayaan oo Burco lagu xirxiray

$
0
0

Maamulka degmada Burco ee Togdheer ayaa xabsiga u taxaabay dhalinyaro sida la sheegay ku hawlanaa dhaqdhaqaaqyo ammaanka lidi ku ah.

Gudoomiyaha gobolka Togdheer ee Somaliland oo saxaafada la hadlay ayaa daboolka ka qaaday in ay xirixireen dhalinyaro ka yimid meelo ka baxsan degmada Burco, dhalinyaradaas oo sida uu ku dooday looga shakiyay in ay maleegayeen mu'aamarado ka dhan ah ammaanka gobolka.

"Dhalinyradan waxay ku jiraan Xabsiga magaalada Burco waxaana ku socda Baaritaan, cidii dembi lagu helo waa la maxkamadeeynayaa cidii kale ee aan waxba lagu helinna waxaa loo soo celinayaa xorriyadooda.

Maamulka Somaliland ayaa ka mid ah maamulada sida weyn ula dagaala waxa loogu yeero Argagixisada waxayna weliba dadka ay qabteen qaarkood u gacan geliyaan Itoobiyaanka, Itoobiyaankuna waxay u sii beec geeyaan Mareykanka.

halgankanet@gmail.com

Madaafiic lagu garaacayo Bakaaraha

$
0
0




Madaafiic waaweyn oo ah kuwa taangiyada ayaa haatan lagu
garacayaa Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho xilli uusan xilli dadku ka
caraabayaan suuqa.

Madaafiicda oo ah kuwo aad u xooggan ayaa waxaa lagu soo
beegay xilli ay hadda ku beegan tahay xilliga ay dadka ka caraabaan Suuqa isla
markaana ay u socdaalaan Guryahooda iyada oo hadda uu Suuqa intiisa badan u
muuqdo mid albaabada la’isugu dhuftay isla markaana waxaa xayirmay dadkii rabay
in ay Guryahooda aadaan.
Wararka ayaa waxaa ay sheegaayaan in madaafiicdu tahay mid aad u xooggan isla
markaana ay qaybo kamid ah Suuqa Bakaaraha ay kusoo dhaceen xabadaha ka dhaca
Qoriga Taangiga inkastoo aan ilaa iyo iminka wax war ah laga hayn khasaaraha ka
dhashay madaafiicda xilligan ku socda Suuqa Bakaaraha.
Lama oga sababaha keenay xilligan madaafiic xooggan lagu garaaco Magaalada
Muqdisho hase yeeshee waxaa jira warar sheegaaya in dhinacyada Dawladda kasoo
horjeeda ay duqaynta ka hor weerarro u gaysteen fariisamada Ciidamada Dawladda
iyo kuwo Amisom
Inta Badan Ciidamada Amimsom ayaa madaafiic aan loo meel dayin ku garaaca Suuqa
Bakaaraha iyo goobaha kale ee Degmooyinka Gobolka xilliyada ay weeraradu uga
yimaadaan dhinacayada kasoo horjeeda Dawladda.

Madaxweyne Shariif iyo Ra'iisal wasaare Sharma'arke maxey isku qoomeen? Ra'iisal wasaaraha ayaa ka jawaabaya

$
0
0

Ka dib markii khilaaf uu ka soo dhex burqay Ra'iisal wasaare Sharma'arke iyo Madaxweyne Shariif ayaa waxaa Khilaafkaas iyo meesha uu ka soo bilowday ka hadlay isla ra'iisal wasaaraha.

Sharma'arke wuxuu ugu horeyntii sheegay in Ergadii ka socotay QM ee Muqdisho timid ay Madaxweynaha uun la kulmeen balse aysan isaga la kulmin, sida qorshihiisu yahayse uu Nayroobi ku arki doono.

Dhanka kale Sharma'arke wuxuu sababta ismaandhaafka isaga iyo madaxweynaha ka dhex jira ku sifeeyay mid ka timid dhinaca Dastuurka qabyada ah ee haatan la daabacay.

Madaxweyne Shariif ayaa dhankiisa Dastuurkan la daabacay ka soo horjeestay wuxuuna ku doodayaa in Dastuurkan uusan aheyn mid hadda waqtigan aynu joogno lagu ansixin karo Afti Dadweyne sidaas darteedna loo baahan yahay haddii aan laga maarmin in lagu ansixiyo Cod ama ogolaansho Hay'adaha Dowliga ah ee Soomaalida. 

"Waa jirtaa inaan qoraal u diray beesha caalamka, taasoo aan kaga codsaday in xukuumadda loo ogolaado inay ka baxdo qaabka KMG ah, maadaama dowladihii soo maray ay intooda badan ahaayeen kuwo KMG ah," Sidaas waxaa laga soo xigtay Ra'iisal wasaare Sharma'arke oo sharraxayay halka sartu ka quruntay ee ay isaga maan dhaafeen isaga iyo Madaxweynuhu.

Madaxdii ka horeeysay labadan nin ayaa caan ku ahaa khilaaf iyo kala fogaansho waxaana hadda soo ifbaxaya calaamado muujinaya wadashaqeyn xumada ka dhex jirta Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra'iisal wasaaraha.

halgankanet@gmail.com  

   

Djibouti Muxaadaro 1Shabaabka iyo Islaamka (Shekh Abdirahman God)1.flv

Djibouti Muxaadaro 2 Shabaabka iyo Islaamka (Shekh Abdirahman God)2.flv


Djibouti Muxaadaro 3 Shabaabka iyo Islaamka (Shekh Abdirahman God)3.flv

Djibouti Muxaadaro 4 Shabaabka iyo Islaamka (Shekh AbdirahmanGod)4.flv

Djibouti Muxaadaro 5 Shabaabka iyo Islaamka (Shekh Abdirahman God)5.flv

Djibouti Muxaadaro 6 Shabaabka iyo Islaamka (Shekh Abdirahman God)6.flv

Djibouti Muxaadaro 6 Dhalinyaarad iyo tarbiyeenta (Shekh Abdirahman Bashir)6.flv

Djibouti Muxaadaro 7 Dhalinyaarad iyo tarbiyeenta (Shekh Abdirahman Bashir)7.flv

Muxaadaro Cusub Taarikhdii tataarka Qeebta 2 aad Sh Mustafa .13


Muxaadaro Cusub Taarikhdii tataarka Qeebta 2 aad Sh Mustafa .14

Muxaadaro Cusub Taarikhdii tataarka Qeebta 2 aad Sh Mustafa .15

Muxaadaro Cusub Taarikhdii tataarka Qeebta 2 aad Sh Mustafa .dhamaad

Diyaarad hub fara badan sida oo Alshabaab Kismaayo uga soo degtay iyo ammaanka garoonka magaaladaas oo la adkeeyay

$
0
0

Magaalada Kismaayo, xarunta maamulka gobolka Jubbada Hoose wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in hub fara badan uu halkaas Alshabaab uga soo degay.

Waraku waxay intaas ku sii darayaan in Ciidamo aad u hubeysan ay sugayaan ammaanka garoonka diyaaradaha Kismaayo halkaas oo ay ka soo degtay Dayuurad xambaarsan Qalab Milateri.

Dayuuradan ayaa sida warar la isla dhexmarayo sheegayaan ka soo duushay dalka Eritrea oo sida lagu eedeeyo gacan saar la leh Xoogaga ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya.

Madaxda Alshabaabka ayaan weli wax war ah ka soo saarin shixnadan Milateri ee Kismaayo uga soo degtay sidaas si la mid ahna dowladda Soomaalidu weli wax war ah kama soo saarin hubkan dhankaas iyo Eritrea uga yimid Alshabaabka.

halgankanet@gmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Midowga Afrika oo ku dhawaaqay Qorshe ay Mashaakilka Muqdisho wax uga qabanayaan

$
0
0

Midowga Afrika oo ciidamo magacooda ku shaqeeya ay ka joogaan Soomaaliya ayaa hadda ku dhawaaqay Qorshe cusub oo ay Beesha caalamka isla dejiyaan, qorshahaas oo lagu xalinayo mashaakilka Muqdisho Dowladda Soomaaliya ka heysta.

Wafuula Wamunyiyi, Ku Xigeenka Wakiilka Midowga Afrika uga wakiilka ah Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Afrikaanku haatan isku raaceen kordhinta Ciidamada AMMISOM si ciidamadaas ay u wada qabsadaan guud ahaan magaalada Muqdisho.

Is ballaarinta ciidamada AMISOM ayaa waxaa barbar socon doona sida uu sheegayo Wafuula dadaalo nabadeed oo ay ka bilaabayaan gudaha magaalada Muqdisho si buu yiri mushkilada halkaas ka jirta ugu yaraan qaabka loo xalinayo meel la isula dhigo waa siduu hadalka u dhigaye.

Hadalkan Miodwga Afrikaanka ka soo  yeeray ayaa ka dhigan mid aan waxba ku soo kordhineyn dadaalada lagu baajinayo dhiiga hadadan aan wax qoreyno ka dhibcaya Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.

halgankanet@gmail.com

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live