Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Wasiirka gaashaandhigga Somaliland oo ka hadlay ciidamada ka jooga Buuhoodle

$
0
0

Wasiirka gaashaandigga Somaliland, Ahmed Hagi Ali
Cadami, ayaa sheegay in aanu hadda jirin wax go'aan ah oo dawli ah oo ku
saabsan in wax laga bedelo qorshaha istaraatijiyadeed ee ciidamada
Somaliland ee jooga degaannada Buuhoodle.

Hadalkani wasiirku waxa uu ka danbeeyey
waraysiyo ay bixiyeen madax-dhaqameedyo ka kooban salaadiin ka kala
socotey gobollada Togdheer iyo Buuhoodle oo shir dhowr maalmood socday
ugu dhammaaday degaanka Xadh-Xadhan ee u dhexeeya Coodinle iyo
Buuhoodle, kana soo saaray go'aano ay ka mid yihiin in la qaado
ciidamada Somaliland ee ku sugan degaannada Buuhoodle.

Hase ahaatee wasiirka gaashaandhiggu, waxa uu
sheegay in, in kasta oo dawladdu ay taageerayso dedaal iyo is-xilqaan
kasta oo madax-dhaqameedyadu ay ka yeeshaan wadahadallo nabadeed oo
gogol-xaadh ah, in haddana waxa iyaga la gudbooni ay tahay inay
taloyinkooda u soo jeediyaan dawladda, dawladduna ay tahay ta iyadu iska
leh go'aanka kama-dambaysta ah iyo fulintiisa.

Salaadiinta ka qayb gashay shirkaas Xadh-xadhka,
waxaa ka mid ah Suldan Said Osman Ali oo ka mi ah isimada ka socday
Buuhoodle Khadka telefoonka ayuu suldaanku ugu warramay Abdinur S Moh'd
oo waydiiyey ujeedadii shirka ay u qabteen iyo wixii go'aanno ay gaareen

Dhinca kale Salaadiinta dhinaca Burco ka
socotay, waxaa ka mid ah Suldaan mohamoud Xaaji xuseen oo markii ay
Burco dib ugu noqdeen u waramay wariyaha BBCda X JJ Xgar oo marka hore
waydiiyey shirka xadhadhka ee ay cuqasha intaas le'eg ka qayb galeen
sababta looga dhigay shir qarsoodi ah?


Dowlad goboleedka Puntland oo guulo ka sheegatay dagaalkii Galgala

$
0
0

Wasiirka amniga ee Dawladda Puntland Gen Yuusuf Axmed Khayr ayaa shir
jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe
waxa uu uga hadlay dagaal maanta Ciidamaada Dawladda Puntland iyo kooxo
hubaysan ku dhexmaray Buuraha Galgala ee Gobolka Bari.


Buuraha Galgala waxaana uu tilmaamay in dagaalka ay saaka qaadeen
ciidamada Dawladda Puntland kadibna ay maanta kala waregeen Deegaanno
badan oo ay gacanta ku hayeen kooxaha dagaalka la galay Ciidamada
Puntland.


Wasiirka ayaa waxa uu intaasi ku daray in dagaalka ay ku qabsadeen
saldhigyadii kooxahan ay ku lahaayeen Deegaanka Buurolayda ah sida
goobaha lagu kala Magcaabo Balli Khadar, Sudurre iyo kuwa kale waxaana
uu wasiirku sidoo kale sheegay in dagaalku sii socon doono ilaa ay ka
nadiifiyaan waxa uu ugu yeeray kooxaha xagjiriinta ah ee Buuraha Galgala
soo galay.


Wasiirka ayaa mar uu kahadlaayey khasaaraha uu dagaalku gaystay ayaa
waxa uu tilmaamay in dagaalka ay uga dileen kooxaha kasoo horjeeda dad
gaaraayaa 15-ruux halka iyaga kaga dhinteen sida uu sheegay 2 askari
iyodoo ay ka dhaawacmeen 7 kale sida uu sheegay wasiirka amniga ee
Dawladda Puntland Gen. Yuusuf Axmed Khayr.


Wasiirka ayaa ugu dambayntii ayaa waxa uu tilmaamay in dagaalka uu sii
socon doona ilaa inta ay qarka ka saaraayaan waxa uu ugu yeeray
arga-gixisada Buuraha Galgala gabaadka ka dhigtay sida uu sheegay
wasiirku.


Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland gen C/samed Cali
Shire oo isagu kasoo laabtay jiidda dagaalka Bossasona soo gaaray inta
uu socday shirka jaraa’id ee Wasiirka ayaa waxa uu tilmaamay in dagaalku
weli kasocda Buuraha fog isla markaana waxa uu Madaxweyne ku xigeenku
sheegay in khasaaraha ugu dambeeyey ee dagaalku yahay dhimashada 3
askari iyo dhaawaca 13 kale oo dhinaca Puntland ah halka dhinaca kale uu
ku sheegay 18 dhimasho ah.


Sikastaba dagaalkan ayaa waxa uu ahaa mid maal mahan la wada sugaayey
maadaama uu maalintii Jimcaha ahayd ku dhawaaqay Madaxweynaha Dawladda
Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.
Jaamac Joofane
Joofane11@hotmail.com
Bossaso Puntland Somalia

Mas'uuliyiin ka tirsan Ahlusunna Waljamaaca oo si kulul u cambaareeyay Madaxda Dowladda Soomaaliya

$
0
0



 

 

 

Culummaa'uddiinka Ahlu Sunna Waljamaaca oo shalay
dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho oo ay safar uga maqnaayeen
in muddo ah ayaa si kulul u cambaareeyay madaxda Dowladda KMG
Soomaaliya.

Wafdiga ka socday Ahlu Sunna oo sheegay inay booqasho ku soo kala
bixiyeen dalal dhowr ah, isla markaasna ay ka qeybagaleen shirar
caalami ah ayaa waxay madaxda dowladda KMG ku eedeeyeen inay ka
gaabiyeen doorkii looga baahnaa wax ka qabashada ammaanka dalka
sidaasina waxaa warbaahinta u sheegay Suldaan Aadan Macallin oo
hoggaaminayey wafdiga Ahlu Sunna ee shalay ku soo laabtay magaalada
Muqdisho.

Suldaan Aadan waxaa kale oo uu madaxda xukuumadda ku eedeeyay
inay jabiyeen heshiiskii ay la galeen Ahlu Sunna, kaas oo ay aheyd
sida uu yiri in awoodda ay ku qeybsadaan labada dhinac, ayna si
wadajir ah dagaal ula galaan kooxaha dagaalka kula jira.



“Waxaan diyaar u nahay inaan dowladda KMG ah gacan ka siino
sidii lagu soocelin lahaa ammaanka dalka, meeshana looga saari
lahaa kooxaha diidan dowladnimada” ayuu mar kale yiri Suldaan
Aadan.

Madaxda dowladda KMG ah ayaa waxay horay u sheegeen inay meelmariyeen
qeyb ka mid ah heshiiskii ay bishii Maarso ee sannadkaan dalka
Itoobiya kula saxiixdeen Ahlu Sunna Waljamaaca, mana jirto wax
hadal ah oo ay ka bixiyeen eedeynta markasta uga timaada dhinaca
Culimaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca.

Lama oga in codsiga ay ujeediyeen xubnahaasi
uu qaadan doono iyo in kale, waxaase la sheegay in arrinka ay
soo farageliyeen saraakiil sarsare oo ka soctay maamulka Puntland,
inkastoo aan la ogeyn waxa ay ku dhameeyeen.



 

 

 Muuse Maxamuud Jiisow
somalisan39@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Manchester United oo qaaday koobka Community Shield

$
0
0

Kooxda kubadda Cagta Manchester United, ayaa qaaday koobka FA Community Shield ee labada koox ee sanadkii ugu dambeeyay ugu cadcadaa ama kaalimaha ugu sareeya ka galay ay isugu yimaadaan.

Manchester, waxay koobka ka qaadatay kooxda Chelsea, oo ahayd
sanadkan 2010 kooxdii wada qaadatay koobabka England Premiership-ka iyo
FA Cup.

Ciyaartu waxay ka dhacaysay garoonka Wembley
Stadium, iyadoo koobkan ay Shan iyo toban jeer horay u qaadatay koobkan,
halka Chelsea-na ay qaadatay 4 jeer.

Sadex jeer oo horay ay labadan koox ugu kulmeen,
waxay waqtigii caadiga ahaa markii ay ku kala bixi waayeen kadib kula
kala badiyeen rigoorayaal, iyadoo laba jeer ay badisay Man U, halkan mar
kaliya ay badisay kooxda Chelsea.

Ciyaartii dhexmartay labadan koox Axad, 08-da
August, 2010, waxay ku bilaabatay miisaan iyo dardar ay labada kooxba la
soo galeen garoonka, iyadoo koox walbaa ay leedahay yaan gool lagaala
hormarin.

Valencia ayaa goolka 1-aad ka dhaliyay Chelsea

Hase yeeshee, daqiiqadii 40-aad oo shan daqiiqo
ka harsan tahay dhamaadka qaybtii hore, ayaa Manchester United uu
ciyaaryahankooda Valencia u dhaliyay goolkii ugu horeeyay.

Inkastoo ka hor inta aysan dhamaan qaybta hore
ay Chelsea isku dayday in ay soo guddo goolka, ayaa hadana aysan ku
guulaysan in ay keenaan goolka barbardhaca.

Qaybtii labaad, ayay dardar la yimaadeen iyo gool raadin kooxda Chelsea.

Goollka labaad ee Man U

Hase yeeshee, gool ay soo gudaanba daayee,
iyagii ayaa gool kale loogu daray marka ay ciyaartu maraysay 76 daqiiqo,
waxaana ka dhaliyay Hernandez.

Dadaalkii Chelsea, ayaa ugu dambayntii
miro-dhalay markii daqiiqadii 83-aad oo Solomon Kolou gool u dhaliyay,
kaasoo u muuqday in Chelsea ay mar kale ciyaarta dib ugu soo laabatay,
inkastoo wali gool laga horeeyay oo ciyaartu noqotay 2-1.

Waxaase dhacday in ay barbaro ay keenaan iska
daaye, iyagii loogu sii dray gool kale markii daqiiqadii 90-aad uu
ciyaaryahanka Man U, Berbetov uu goolkii sadexaad dhaliyay.

Waxay ciyaartu ku soo gaba gabowday 3-1, oo
guusha ay ku raacday kooxda Manchester United, oo Chelsea waxaa la yiri
hadii horay aad u hanatay labadii koob ee Premiership-ka iyo FA Cup-ka,
Community Shield, waa annaga.

Si kastaba ha ahaatee, ciyaartan oo sidoo kale
loo arko tijaabada ciyaaraha ay la soo shir tagi doonaan kooxaha ugu
sareeyay horyaalkii u dambeeyay, ayaa in badan saadaasha ay ka qaateen
ay ahayd in Manchester United ay ka fursado badnaan karno marka
todobaadkan dhamaadkiisa ay dib u bilowdaan ciyaaraha horyaalka England
ee Premiership, balse waxay ahaataba waa la ogaan doonaa marka ay
ciyaartuhu bilowdaan iyo sida ay ku soo dhamaadaanba.

Muxaadaro Goos Goos Diini Ah:::Qaybta # 1.

Muxaadaro Goos Goos Diini Ah:::Qaybta # 2.

DKMG iyo UN oo Ka Wadahadlay Xaaladda Soomaaliya

$
0
0

Shirka ku saabsan arrimaha Soomaaliya ee ay labada dhinac yeesheen waxaa diiradda lagu saaray xaaladaha amni iyo midda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya. Waxaa kaloo laga wadahadlay sidii beesha caalamku ay u taageeri lahayd ciidamada dowladda kmga h si ay u hantaan ammaanka.

Wasiirka warfaafinta ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Eng: C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay in sidoo kale Qaramada Midoobay ay qorshaha ugu jirto in ay xafiisyadeeda u rarto dalka Soomaaliya.

C/fitaah: Heshiisku faa'ido ayuu u yahay Somalida Ethiopia

$
0
0

 

 

 

Guddoomiyaha Xisbiga Dimoqraadiga ee Somalida Ethiopia C/fitaah Sheekh C/laahi ayaa Rajo weyn ka muujiyay inuu hirgali doono heshiiska dhawaan ay gaadheen dowladda Ethiopia iyo jabhaddaha Soomaalida ee ka soo horjeeda.

C/fitaah oo safar ku maraya dalkan Maraykanka ayaa sheegay in dowladda Ethiopia iyo maamulka dowlad-deegaameedka Soomaalida Ethiopia ayaa diyaar u yihiin inay gacan nabadeed u fidiyaan kooxaha ka biyo-diidsan heshiiska isla markaana dhamaan colaadda gobolka lagu soo afjaro si nabad-gelyo ah.

C/fitaah wuxuu sheegay in kulamo ay la yeesheen jaaliyaddaha qurbo-joogta ah ee ka soo jeeda gobolka ay u sheegeen in maamulka dowlad-deegaameedka Somalida ee Ethiopia ay ka go'an tahay inay si nabad gelyo ah ku dhameeyaan colaadaha gobolka ka jira.

Wareysiga guddoomiyaha Xisbiga Dimoqraadiga ee Soomaalida Ethiopia qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

 


Waa sidee xaalada degaanka Galgala iyo degaanada ku xeeran?

$
0
0

Waxaa saakay deggan xaalada degaanka Galgala iyo degaanada ku xeeran kadib dagaalo shalay ka dhacay kaas oo qaataysaacado badan.

Maamulka Puntland iyo Maxamad Siciid Atam oo ka hadleen dagaaladii shalay waxa uu dhinac walba sheegtay inuu guulo ka gaaray dagaaladasi Dhimasho iyo Dhaawaca fara badan ka dhasheen.

Wasiirka Amaanka Maamulka Puntland Yuusuf Kheyre oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay Ciidamada Puntland inay guulo ka gaareen dagaaladii shalay, ayna jiireen awoodii Ciidamada Islaamiyiinta Maxamad Siciid Atam.

Maamulka Puntland ayaa sheegay inay dileen 20 dagaalyahano oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib sida uu sheegay Wasiirka Amaanka Maamulka Puntland Yuusuf Kheyre, mana jirto ilo madax banaan oo xaqiijin kara guusha Maamulka Puntland ka sheegtay dagaaladii shalay ka dhacay dhulka Buuraleyda ee Galgala.

Dhanka kale Maxamad Siciid Atam oo si kooban uga hadlay dagaladii shalay ayaa sheegay ciidamadiisa inay u gacan sareeyaan dagaaladii shalay, labada dhinacna isku horfadhiyaan goobihii markii hore dagaalada ka bilowdeen.

Ugu danbeyntii dad goob joogayaal ah ayaa sheegay dagaalada inay isku mari waayeen labada dhinac goobaha dagaalada ka bilowdeen, dhimasho iyo dhaawac fara badan oo labada ciidan ahna ka dhasheen dagaaladii shalay ka dhacay Galgala, saakana waxaa laga cabsi qabaa inay dagaalo kale ku dhex maraan deegaanadaasi labada dhinac oo wali isku horfadhiyaan Deegaanka Galgala ee Puntland.

Xafiisyada QM ee qaabilsan Somalia oo muqdisho loo rarayo

$
0
0

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in la
go’aamiyay in loo soo raro gudaha Soomaaliya xafiisyada Qaramada
Midoobay ee Soomaaliya quseeya.

Augustine Mehiga ayaa hadalkan wuxuu ka sheegay shir jaraa’id ay ku
qabteen magaalada Nairobi isaga iyo R/wasaaraha xukuumadda Cumar
C/rashiid Sharma’arke.

Wuxuu sheegay in mar dhaw ay imaan doonaan magaalada Muqdisho
shaqaalaha ka howl galaya xafiisyada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Wuxuu kaloo sheegay in waqti dhaw laga furi doono xafiisyadaasi
garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, oo ka mid ah meelaha ay
gacanta ku heyso dowladda ayna ilaaliyaan ciidamada Amisom.

Wakiilka QM ee arrimaha Soomaaliya iyo R/wasaaraha xukuumadda ayaa
kulan ku qaatay magaalada Nairobi, waxaana goobjoog ka ahaa kulankaasi
wakiilo ka socda beesha caalamka iyadoo laga hadlayay xaaladda
Soomaaliya.

War deg deg ah: dagaal dib uga qarxay dagaanka Degaanka galagla ee duleedka boosaaso

$
0
0

Dagaal kulul, ayaa dib uga qarxay Buuraleyda Galgalo oo
qiyaastii 30km u jira Magaalada Boosaaso, halkaasi oo haatan laga
maqlayo madaafiic calculus iyo rasaasta darandooriga u dhacda.


Inkastoo saacadihii lasoo dhaafay ay xasilooni aan buurneyn ka jirtay
deegaankaasi, ayaa waxaa sii xoogaystay xiisad dagaal huwan oo
waaberigii hore ee saakay lagusoo toosay, sida ay xaqiijinayaan dadka
deegaanka.


Lama oga khasaaraha dagaalka oo aan waxba ka liidan dagaalkii shalay
marka aad eegto daryanka iyo rasaasta ka dhacaysa deegaanadaasi.


In ka badan 20-ruux oo u badan dhinacyada dagaalamaya ayaa ku dhintay
dagaalkii shalay, halka Sodomeeyo kalana ay ku dhaawacmeen.


Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Madaxda Puntland oo ku aadan dagaalkan dib uga qarxay buuraleyda Galgalo.

Puntland oo qabsatay Galgala

$
0
0

Dagaal ku dhex maray magaalada Gal gala maamulka Puntland iyo kooxo islaamiyiin ah ayaa Puntland kula wareegay magaalada Galgala

 

Ciidamada Puntland

Ciidamada Puntland

Dagaal ku dhex maray magaalada Gal gala maamulka
Puntland iyo kooxo Islaamiyiin ah ayaa maamulka Puntland kula wareegay
magaalada Galgala iyo agagaarkeeda.

Waraysi aan la yeelanay Madaxweynaha Puntland
Cabdiraxman Sh Maxamed wuxuu sheegay, in kooxaha Islaamiyiinta laga
dilay ilaa konton qof, lagana sifeeyay magaalada Gal gala iyo
agaaarkeeda.

Muxaadaro Cusub Axkaamta Soonka Sh Maxmed Umal Qeebta 1

Minnesota Somalis concerned donations will dwindle - Grand Forks Herald

$
0
0

ST. PAUL — Some Somalis in Minnesota are worried that recent
indictments will cause fewer Somalis to donate to charitable causes.

Two Rochester Somali women were among those indicted last week.
Federal officials say the women were raising money for the terrorist
group al-Shabab.

Imam Hassan Mohamud leads the Dawah mosque in
St. Paul. Mohamud says donations from the mosque’s members have declined
significantly since the indictments. He says some Somalis are afraid
their donations will look suspicious to the government. Others simply
don’t trust people asking for donations.

Minnesota Public Radio
says Mohamud is taking the unusual step of visiting families and
businesses to reassure them the donations are going to the mosque.

Ethiopian Airlines Negotiating Return to Djibouti - All Headline News

$
0
0

Djibouti, Djibouti (AHN) - Ethiopian Airlines could be close to
settling a dispute with the Civilian Aviation Authority in neighboring
Djibouti over the type of aircraft used by the airline, according
African news portal Afrik News.

Ethiopian Airlines is hoping to use turbo-propelled aircraft, while the
Djibouti authority is pushing them to use jet-propelled planes for
flights to that country. The two parties have recently entered
negotiations.

The dispute started when Ethiopian Airlines wanted
to introduce eight Q-400 turbo-propelled aircraft purchased from
Canadian manufacturer Bombardier as part of its regional and
international expansion plan. Djiboutian authorities, however, refused
to let the new planes land.

The route between the Somali capital
of Addis Ababa and Djibouti is one of Ethiopian Airlines’
longest-running routes, operating since 1946.

“The major issues
facing individual airports where aero-engines is concerned are pollution
and noise rather than safety,” aviation expert David J. Bentley told
The Media Line. “Safety is the preserve of national and international
organizations, either those dedicated to the industry, or political
ones.”

“In economic terms, planes with the ‘turbo-prop’ [a gas
turbine driven propeller] engine are usually slower than those with jet
engines [an internal combustion engine], but are more economic over
short distances and modern versions tend to be ‘greener,’” he explained.
“That is why the [Bombardier] Dash 8 Q-400 has become a popular model,
along with the ATR 72-600,” Bentley told The Media Line.

“There
has been a tendency for many African countries to become the graveyard
of aircraft as they are passed down from western countries because they
fail noise and/or pollution tests there,” he said.

“Sometimes
they are then re-engined with substandard parts from other aircraft,”
Bentley said. “The entire continent is under pressure, especially from
the US, whose airlines are increasing direct flights there – notably
Delta – to improve standards.”

 

Berouk Mesfin, senior
researcher at the Institute for Securities Studies in Addis Ababa,
described the relationship between Ethiopia and Djibouti as good and did
not think that the dispute was representative of the political
situation between the two countries.

“They [Ethiopia and
Djibouti] have always been very close.” He explained that is “because
Ethiopians have been using the port in Djibouti for export and imports.”

Mesfin added that “ever since 1977, when Djibouti became independent,
there have been good relations. There might be some hiccups here and
there, but in the whole they are good.”

In 1977, Djibouti,
previously known as the French Territory of Afars and Issas or French
Somaliland, won its independence from France. The present leadership
favors close ties with France, which also maintains a significant
military presence in the country. During the time of the rebellion, the
government forged close ties with the U.S. leading to the establishment
of the Horn of Africa task force.

In 2002, the U.S. Central
Command established the Combined Joint Task Force – Horn of Africa base
at Camp Lemonier in Djibouti. The task force comprises some 1,800 staff
from each branch of the U.S. military in addition to civilian personnel.
Its mandate is to detect, disrupt, and ultimately defeat transnational
terrorist groups operating in the region.

 

For the
U.S., one of the advantages of Djibouti is its geographical location,
just across the water from Yemen, north of Somalia, and east of Sudan.
Despite the country’s central location in the troubled region, it is
relatively quiet, which gives the force a stable base for operations.

Read more: http://www.allheadlinenews.com/articles/7019535144?Ethiopian%20Airlines%20Negotiating%20Return%20to%20Djibouti#ixzz0w7vj9s5y


Wararkii ugu dambeeyey Galgala iyo ciidamada puntland oo gacanta ku haya

$
0
0

Ciidamada Puntland ayaa la sheegay inay qabsadeen Deegaanka Galgala oo fadhiisin u ahayd maleeshiyo gacan saar la leh kooxda Al-shabaab uuna hogaaminayo Maxamed Siciid Atam, kuwaasi oo si weyn uga soo horjeeday maamulka Puntland.

Ciidamada Puntland oo ilaa shalay dagaal xooggan kula jiray maleeshiyada Atam ayaa maanta ugu danbeyntii ku guuleystay inay maleeshiyadaasi ka sifeeyaan halkaasi.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland iyo saraakiil ka tirsan Puntland ayaa maanta booqday Gal-gala, waxayna halkaasi kula hadleen dadkii daganaa agagaarka Galgala.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamulka Puntland C/laahi Axmed Jaamac ayaa VOA-da u sheegay in ciidamada Puntland ay ku dabajiraan maleeshiyada kooxda Atam oo haatan la sheegayo inay ka baxsadeen goobtii laga qabsaday.

SOMALIA: Getting an education against all odds in Kismayo - Reuters AlertNet

$
0
0
 


Photo: Manoocher Deghati/IRIN
Education
in Kismayo had been one of the many casualties of the region’s various
conflicts and frequent changes of administration (file photo)

KISMAYO, 9 August 2010 (IRIN) - Five years after a local charity
opened a university to offer this bullet-scarred city’s youth an
alternative to militia life and emigration, the first degrees have been
awarded.

"I want our people to know that education is the ladder of life and
that every step of development that a community makes depends on the
level of the community's education," one of the 27 new graduates, Qoole
Qowden*, told IRIN.

“I am delighted to have completed four years of study during which
we underwent unimaginably difficult circumstances. I am hopeful that I
will get a job since I now possess the required knowledge and skills. I
will also try to transmit what I learnt to every Somali who is ready
for it,” he said.

Like much of south-central Somalia, for the past few years Lower
Juba, of which Kismayo is the main town, has been controlled by Al
Shabab, an Islamist insurgency fighting to topple Somalia’s weak
Transitional Federal Government.

Previously, the city frequently changed hands between various warring clan militia groups.

Kismayo University has 200 students, most of whom are from Middle
and Lower Juba regions where, for many years, secondary school was the
highest level of learning available.

Since it opened, local sources said, the university has helped
reduce the recruitment of an otherwise idle youth into fighting groups.

Education collapse

Education in Kismayo had been one of the many casualties of the
region’s various conflicts and frequent changes of administration.

Several schools in the city have been converted to other uses such
as makeshift homes or stores, forcing talented teenagers to seek
educational opportunities in Mogadishu, the semi-autonomous region of
Puntland, the self-declared independent republic of Somaliland or in
neighbouring Kenya. 

''I want our people to know that education is the ladder of life ''

Quruxlow Shaakle*, a resident of Kismayo, said: "We thank Allah that
higher education is now available in our region. I have lived here for
the past 33 years and education has been my greatest worry because as a
parent, and I am sure all other parents agree with me, no one wants
their child to end up as a militiaman or be used to fuel clan
divisions.

"For a long time, only well-off parents could send their children
across the border to Kenya to get an education; for poor families like
mine, this was not possible."

Shaakle urged other Somali families to focus on their children’s
education, "for that is how we can put away the gun and seek peace;
otherwise wars, famine and hardship in our country will continue".

The 27 who received degree certificates on 5 August were from two
faculties, education and business administration, according to a
university official, who added that 32 others obtained diplomas.

The university also has a Sharia (Islamic law) faculty. In all,
there are 20 lecturers and fees range from US$15 to $30 per month, with
some costs met by remittances from the diaspora.

The official said most of the graduates had already secured jobs in
local telecommunication firms, remittance or money transfer banks and in
other businesses across Kismayo.

"Some are part-time teachers in different schools," the official
said, adding that the university had requested heads of companies in the
region to consider Kismayo University graduates during their
recruitment drives.

*Not their real names

mg/js/ah/am/mw

Muxaadaro Cusub Axkaamta Soonka Sh Maxmed Umal Qeebta 2

Alshabaab oo soo saaray wareegto ey ku ceyrinayaan hay,ado gargaar(hoos ka akhriso)

$
0
0

Warqadda ALshabaab oo u qorneyd sidan:

Hay;adahan shaqada laga joojiyay ayaa waxay
ku biirayaan Hay'ado iyo NGO-yo kale oo hore looga joojiyay Shaqadii
ay ka qaban jireen Soomaaliya, kadib markii lagu helay inay ku
howlanyihiin falal guracan oo ka hor imaanaya danaha Diinta, Dalka
iyo Dadka Muslimiinta ah.

In the Name of Allah, The Most Gracious, The Most Merciful

FOR IMMEDIATE RELEASE

Closure of Christian Organizations Operating
Inside Somalia
Mogadishu, (27/ 08 /1431 – 08/08/2010) – As of today,
all the organisations listed below can no longer operate inside
Somalia:

• World Vision

• ADRA

• Diakonia

The Office for Supervising the Affairs
of Foreign Agencies (OSAFA) has reached this decision after taking
the following into account:

• The aforementioned organizations
have been found to be actively propagating Christianity in this
Muslim country.

• The Adventist Development and Relief
Agency (ADRA) was started by the Seventh-day Adventist Church
as a way to follow Christ’s example.

• Diakonia is an organization founded
in 1966 by five Swedish churches and the members of these congregations
form Diakonia's support base. The primary goal of this organization
is to spread the Christian faith.

• World Vision is a Christian organization
motivated by what they call ‘their faith in Jesus Christ’
and dedicated to spreading the message of Christianity to the
children, families, and the communities they work with.


• Acting as missionaries under the guise of humanitarian
work, the organizations have been spreading their corrupted ideologies
in order to taint the pure creed of the Muslims in Somalia.

• Along with their missionary work,
the proliferation of corruption and indecency has become prevalent
as a result of their presence.

Thus in order to safeguard the wellbeing
of the Muslim population of this country, OSAFA has decided to
terminate the operations of the above agencies in Somalia.

Any other organizations found to be engaged in similar activities
as the above are hereby warned that they will be promptly closed,
as the propagation of the Christian faith is unacceptable in Islam
as well as in the Muslim society.

All NGOs and organizations are also warned that if they undertake
the work of a particular organization, after it has been closed
by OSAFA, they will face an appropriate disciplinary measure.

Allah is our Protector and Sustainer!
The Office for Supervising the Affairs of Foreign Agencies (OSAFA)

Safeguarding the welfare of the Muslim population.
Harakat Al-Shabaab Al-Mujahideen
###


Bayaan kasoo baxay Xafiiska La socodka
Hay'adaha Ajnabiga ah ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kaas
oo lagu joojinayo shaqada saddex Hay'adood oo lagu helay inay
ku howlanaayeen Faafinta Kirishtaanka.


Xiritaan Hay’ado Kirishtaan ah oo ka Howl-gala Gudaha Soomaaliya

Muqdisho, (27/ 08 /1431 – 08/08/2010) – Laga bilaabo
maanta, dhamaan hay’adaha hoos ku xusan kama sii shaqayn
doonaan gudaha Soomaaliya.

•?World Vision
•?ADRA
•?Diakonia

Xafiiska la socodka arimaha Hay’adaha
Ajnabiga ah (OSAFA) ayaa gaaray go’aankan kadib markii ay
u cadaatay arimaha soo socda:
•?Ujeedada ka dambaysa keenista Hay’adahan lasoo sheegay
oo ahayd suuq-geynta Kirishtaanimada ee dalalka Muslimiinta ah.

•?Hay’ada ADRA ayaa waxaa bilaabay Kaniisada lagu
magcaabo Seventh-Day Adventist Church, iyadoo hormuud u ah hab-raacitaanka
masiixiyada.

•?Diakonia waa Hay’ad ay aasaaseen shan kaniisadood
oo Swedish ah, iyadoo taakulada dhaqaale ay bixiyaan dadka xubnaha
ka ah Kaniisadahaas, ujeedada ugu weyn ee laga leeyahayna ay tahay
sidii loo dar-dar gelin lahaa faafinta Diinta Kirishtaanka.

•?World Vision Waa Hay’ad Kirishtaan ah oo ku howl-gasha
waxa loogu yeero ‘Caqiidada Masiixiga’ waxay wax walba
u hurtaa sidii ay fariinta Masiixiga ah ugu dhex faafin lahaayen
Caruurta, Qoysaska iyo guud ahaan Bulshada ay ka dhex shaqayso.

•?Iyagoo ku hoos gambanaya arimo bini’aadanimo, ayay
Hay’adahani waxay faafiyaan fikrado guracan si ay u fasahaadiyaan
Caqiiqada toosan ee dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.

•?Marka laga soo tago faafinta Diinta Masiixiga ah, joogitaanka
Hay’adahani waxay sabab u noqotay Musuq-maasuq iyo waxyaalaha
faaxishooyinka ah inay ku dhex baahaan Bulshada Muslimiinta ah.

Hadaba, si loo badbaadiyo bad-qabka Bulshada Muslimka ah ee Soomaaliyeed,
OSAFA waxay go’aamisay in gabi ahaan la joojiyo howlaha
Hay’adaha kor lagu soo xusay ka qabtaan Gudaha Soomaaliya.

Hay’ad walba oo lagu helo inay ku leg leedahay dhaq-dhaqaaqyo
lamid ah kuwa ay Hay’adahani ku kaceen waxaa la ogeysiinayaa
in iyadana la xiri doono, sababtoo ah dhiiri gelinta Caqiidada
Masiixiyada waa wax aysan Shareecda Islaamku ogolayn shacabkeena
Muslimka ahna marnaba aqbali Karin.
Sidoo kale waxaa looga digayaa NGO-yada iyo hay’adaha ku
haminaya inay si hoose u qabtaan howlaha hay’adahan la xiray
ama kuwii horey loo xiray intaba in iyaguna ay la kulmi doonaan
tallaabo ku haboon dambiga ay galeen.

Allaah ayaa nagu filan, Rabigeenna ah.
Xafiiska La socodka Arimaha Hay’adaha Ajanabiga ah ( OSAFA
).
Dhawraha Bad-qabka Bulshada Muslimka ah.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Madaxweyne Shariif iyo wafdi la socda oo jooga dalka isutaga Immaaraadka Carabta

$
0
0

Madaxweynaha dowlada KMG ah ee Soomaaliya mudaane Sh Shariif Sh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa jooga dalka isu tagga imaaraadka carabta iyadoo la filayo inuu galabta wadahadal la yeesho boqorka dalka Immaaraadka.

Madaxweyne Shariif ayaa casuumaad ka helay boqorka dalkaasi, waxaana safarka ku wehlinaya xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada iyagoo shalay ka dhoofay magaalada Muqdisho

Madaxweynaha ayaa ku hakaday dalka Kenya, isagoo kaddibna gaarya magaalada Dubai ee dalka Isutaga immaaraadka Casrabta.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live