Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Cali Waran Cadde Oo Ka Hadlay Xubnihii Ka Guuray Xisbigooda iyo Rajada Uu Ka Qabo Inay UDUB Soo Baxdo

$
0
0

Siyaasiga  Cali Maxamed Waran Cadde, ayaa ka hadlay sida uu u argo xubnihii ka guuray Xisbigooda ee isku shubay Kulmiye iyo rajada uu ka qabo  inuu Xisbiga UDUB ka soo gudbo tartanka Doorashada Golayaasha Deegaanka ee la filayo inay dalka ka dhacdo 28-ka bisha 11-aad ee Sannadkan, taas oo la doonayo inay ka soo baxaan sadexda Xisbi qaran ee cusubi.
Cali Maxamed Waran Cadde ayaa ku tilaamay ragii ka baxayt UDUB ee Kulmiye Galay qaar markii hore uga yimid Kulmiye hadana ku noqdo, waxaanuu uga mahad celiyey Madaxda Xisbiga KUMIYE sidii ay u soo dhoweeyeen ragaasi ka cadhooday, waxaanuu tilmaamay inaanay waxba u dhimaynin Xisbigooda, isaga oo carabka ku dhuftay inuu Xisbiga UDUB noqon doono Cadcadeed Markel u soo baxidoonta Somaliland oo ay soo noqon doonaan.
Cali Maxamed Waran Cadde waxa kale oo uu sheegay inuu yahay Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UDUB, taas oo uu xusay inay jiraan rag kale oo kula tartamaya jagadaasi, waxaanuu  Cali Waran Cadde ka digey shir qool uu sheegay inay Somalia u maleegayso Somaliland, taas oo uu ku sheegay inay tahay Baasaaboorkii Somalia ee Dambe oo la doonayo inay dadka reer Somaliland Xajka ku tagaan oo lagu khasbo.
Cali Maxamed Waran Cadde oo arintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Horta Xisbiga UDUB ma aha Xisbi Burburya oo waa wax  caadi ah oo axsaabta waa la is qabtaa,  wax dhibaato leh oo jiraana ma jiro¸ waanay dhacdaa in ragu axsaabta u kala  guur guuro, waxaanan u soo jeedinaya Xisbiga KULMIYE inay ragaas anaga nooga tegay ee ku biiray inay gudaha geliyaan oo aanay dibedda dhigin, waxaana aniga imika I garaacaya dad badan oo KULMIYE ah, qolo walibana cidda u timaada inay soo dhowayso waa lagama maarmaan, anaguna waanu soo dhowaynaynaa cidda noo timaadda, laakiin Xisbiga UDUB ma aha Xisbi Burburaya, waxaananu filaynaa inay dad badani nagu soo biraan, anagu uma aragno Xubnaha naga baxay wax bur bur ah, laakiin bisha shan iyo labaatankeeda ayaanu ku dhawaaqi doonaa  sida ay wax yihiin”
Wasiirkii hore ee Duulista Hawada Somaliland Cali Waran Cadde  waxa kale oo uu intaas ku daray “ Xisbiyada KULMIYE iyo UDUB waa  laba Xisbi oo rag wada ilma adeer ah ayaa ku jira waana qaab siyaasadda dalka loogu tar tamo, qaar anaga ahina inay u tagaan qaar iyaga ahina inay noo miyaadaan waa laga yaaba oo uma arko wax dhibato ah, waxananu u haysanaa inaanu noqon doono qorax Dalka u soo baxday  mar labaad, aniguna (Cali Waran Cadde) waxaan ahay murashixiinta u taagan Xisbiga jagadda Madaxweynaha, aad ayaanan ugu hanweynahay, inuu xisbigu soo boxo oo aanu noqono kua ugu horeeya”
Cali Maxamed Waran Cadde  mar uu ka hadlay sida uu u arko ragga ka baxay xisbigooda waxa uu yidhi “Ragga hadda naga diga rogtay markii horeba waxay nooga yimaadeen KULMIYE,  maantana haday noqdaan waa dimuqradiyad wax dhibaato ahina ma jirto,  Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbigana keligay kuma ihiye waxa ila tartamaya rag kale oo badan, Xisbiguna waxa  uu leeyahay  hay’ado hawlaha kala wada oo siada Xisbiyada kale ah, markaa waxaanu hawlaha u wadnaa sida ay Ururada kale u wataan”
Siyaasiga Cali Maxamed Waran Cadde oo ka jawaabayey Su’aal ku saabsanayd inuu sii joogayo UDUB iyo inuu ka dega roganayo waxa uu yidhi  “ Anigu waxaan isleeyahay Xisbiga UDUB waa xisbiga keliya ee ka fog qabyaaladda oo waan ku adkaysanayaa, waayo waxa ka muuqata Somaliland oo dhan, aniguna (Cali Waran Cadde) waxaan ahay nin u janjeedha danta guud, waxaanan halkan uga mahad naqayaa Gudoomiyaha Kulmiye sidii ay dareenka uga muujiyeen Xisbiga UDUB iyo sidii ay u soo dhoweeyeen qoladii u tagtay, waxaanan leeyahay xisbigu sidaad moodeen ma aha mana aha xisbi dhayal ku hadhaya”
Cali Waran Cadde oo ka digaya shirqool uu sheegay inay Somalia Somaliland la damacsantahay waxa uu yidhi  “Waxay wadaan reer Somalia Baasaabooro ay leeyihiin Hargeysa ayaa laga keenay oo been ah, kuwaas oo ay ku doonayaan inay Xashka keeyaan oo ay Somalia ahaan inagu raafaan, waxaana u arkaa mid halis ah, Somalia waxay leedahay  Baasaaboor Somaliland-na waxay leedahay Baasaaboor markaa waa in laga digtoonaadaa oo lala xidhiidhaa  Safaaradooda ku taala Jabuuti, waanaynu kaga gar helaynaa inaanay inagu khasbi Karin Baasaaboorkooda inay Xashka ku tagno,  waana arin mijo xabinaysa Jiritaanka Somaliland”
 Hargeysa OFFICE


Liiska xildhibaanada cusub ee Beesha Isaaq oo la gudbiyey iyo Boqor Maxamed Jaamac oo Faahfaahin ka bixiyey

$
0
0

Boqor  Maxamed  Jaamac  Cumar oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland ee ka qayb galay Shirkii odayaasha Dhaqanka ee dalka Somalia, ayaa sheegay in ay gudbiyeen liiska xildhibaanada  Barlamaanka cusub ee uu yeelayano Somalia, gaar ahaana tirada ay ka haleen Beesha Isaaq.
Boqor  Maxamed  Jaamac  Cumar oo ka mid ah Salaadiinta ka soo jeeda Beesha Bariga Burco oo isaga maalmihii u dambeeyey magaalada Muqdisho u joogay shirar Somalia Dawladda loogu dhisayo oo xalay u waramayey Wargeyska Saxansaxo  isaga oo ku sugan Magaalada, ayaa  waxa kale oo uu sheegay in xulista Baarlamaanka cusub ee Somalia in ay marayso meel gebo gebo ah, isla markaana maalmaaha soo socda ay fadhiisan doonaan xildhibaanada cusub si ay u dooraan Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo madaxweynaha Somalia-ba.
Boqor  Maxamed  Jaamac  Cumar  oo aanu weydiinay halka ay marayso xulista Ergada Baarlamaanka cusub ee Somalia,  waxa uu ku jawaabay “Meel aad u fiican ayey maraysaa Xulista Baarlamaanka  Somalia oo imika beeluhu intooda badan way gudbiyeen, Annaguna haddii aanu nahay Beesha Isaaq waanu gudbinay xubnihii nalaga sugayey oo waxaanu ku wareejinay guddiga farsamada iyo cidii shaqadaas lahayd,  markaa maalmaha soo socda  waxa la filayaa inuu qabsoomo kalfadhigii baarlamaanka Somalia.”
Boqor  Maxamed  Jaamac  Cumar  oo ka jawaabayey su’aal ahayd madaama uu metelayey isaga iyo xubnaha kale ee Muqdisho Beesha Isaaq in ay gudbiyeen iyo in kale waxa uu yidhi “ Haa, waanu gudbinay oo Beelugu waxay wax ku qaybsanayeen 4.5, anaguna waxaanu qaadanay wixii aynu beel ahaan lahayn oo marka dambena la sii kala qaybsanayo, Anaguna Isaaq ahaan waxaanu gudbinay 28-xubnood”
Mar aanu Boqorka sii weydiinay magacyada xubnaha Beeshiisa eek u jira liiska uu gudbiyey, waxa uu ku jawaabay “Beesha aan ka soo jeedo ee Habar-Jeclo, waxa ay ka heshay Barlamaanka cusub lix xubnood, markaa waanu gudbinay, magacyadoodiina imika ma hayo oo kuma sheegi karo.”
Boqor  Maxamed  Jaamac  Cumar  oo waanu weydiinay in xildhibaanada beeshiisa ee uu gudbiyey uu ku jiro Agaasimihii Maaliyadda ee Iscasilay Jaamac Axmed Maxamed (Jaamac Odey), waxaanu yidhi  “Waa laga yaabaa inuu ka mid yahay oo maalmahan wuu joogay oo arrimahaasi wuu danaynayey.”
Hargeysa Office

Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle

Article 1

Koox Dablay ah oo rag reer miyi ah ka af duubay deegaanka Maygaagle kuna haya Buuhoodle iyo wararkii u dambeeyey

$
0
0

 
Koox Dablay ah oo reer Buuhoodle ah, ayaa maanta  ka afduubay deegaanka Maygaagle  ee Duleedka Buuhoodle shan nin oo la sheegay inay ahaayeen dad xoolo dhaqato oo deganaa deegaankaasi kana soo jeeda Beesha Bariga Burco (Habar-Jeclo).
Kooxdan Dablayda ah ee afduubay shanta nin  ee reer miyiga, ayaa la sheegay inay ka yimaadeen dhinaca Magaaladda Buuhoodle oo ay ka soo jeedaan, waxaanay si gaadmo ah u weerareen, isla markaana ku afduubeen afar ka mid ah ragga ay soo weerareen, ka dib markii uu sida la sheegay is difacay ninkii shanaad ee la socdayt ragaasi.
Ragaan afduubka geystay oo la sheegay inay ka soo jeedaan  Ehelada ninka loo haysto Argagixisa ee ku xidhan Jeelka weyn ee Mandheera oo lagu magacaabo  Jaamac Cabdi Ismaaciil ( Jaamac Kuutiye), kuwaas oo la sheegay inay doonayaan inay ragaasi reer miyiga ah ku xidhaan sii daynta  Jaamac Cabdi Ismaaciil (Kuutiye) oo ah nin u eedaysan Falal Argagixiso., kuwaas oo hadda ku haya ragaasi buuhoodle.

Hargeysa Office

Dagaaladii ugu cuslaa muddooyinkan oo xalay ka kala dhacay gobolada Gedo iyo Bakool iyo warar dheeraad ah oo ka soo baxaya

$
0
0

Warar ka kala imaanaya gobolada Gedo iyo Bakool, gaar ahaan deegaanada Xudur iyo Fax-faxdhuun ayaa waxay sheegayaan in dagaalo culus ay xalay ka dhaceen magaalooyinkaasi, waxaana la sheegay in dagaaladaasi oo oo aad u xooganaa ay geysteen khasaarooyin kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.
Dagaalka hore ayaa ka dahcay xalay deegaanka Fax-faxdhuun ee gobolka Gedo, kaas oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG oo kaashana kuwaKenyaiyo kuwa Xarakada Al-shabaab oo dhinac ah, waxaana dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu socday muddo dhowr saac ah, iyadoo dagaalkaasi ay guulo ka kala sheegteen dhinacyadii uu dagaalku dhexmarayey.
Sarkaal u hadlay Xarakada Al-shabaab ayaa sheegay in ciidamadooda muddo ka badan 4 saacadood la galeen ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda KMG, wuxuuna sarkaalkaasi intaasi ku daray in ciidamadii ay weerarka ku qaadeen ay ka dileen askar badan, isla markaasna ay ka qabsadeen fariisinkii ay ku sugnaayeen, inkastoo uu sheegay inay ka baxeen markii ay ka gaareen danihii ay ka lahaayeen sida uu yiri.
Sidoo kale dagaalka ayaa waxaa ka hadlay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda KMG oo sheegay in weerar kedis ah lagu soo qaaday, isla markaasna ay iska difaaceen kooxihii soo weeraray, wuxuuna intaasi ku daray inay dib ugu celiyeen kooxihii soo weeraray halkii ay ka soo duulaan tageen sida uu yiri.
Dhinaca kale dagaal kale oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG oo taageero ka helaya kuwa Itoobiya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab oo dhinac ah ayaa isna waxa uu ka dhacay xalay degmada Xudur ee gobolka Bakool, waxaana dagaalka oo markii hore ka bilowday goob ka baxsan magaalada Xudur ayaa markii dambe waxa uu ku soo fiday gudaha magaalada, waxaana gudaha magaalada ka dhacay hub aad u culus, iyadoo la sheegay in muddo saacado ah uu dagaalka ka socday gudaha degmada Xudur, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinacyadii dagaalamay oo ku saabsan dagaalkan dambe.
 

Dagaaladii ugu cuslaa muddooyinkan oo xalay ka kala dhacay gobolada Gedo iyo Bakool iyo warar dheeraad ah oo ka soo baxaya

$
0
0

Warar ka kala imaanaya gobolada Gedo iyo Bakool, gaar ahaan deegaanada Xudur iyo Fax-faxdhuun ayaa waxay sheegayaan in dagaalo culus ay xalay ka dhaceen magaalooyinkaasi, waxaana la sheegay in dagaaladaasi oo oo aad u xooganaa ay geysteen khasaarooyin kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.
Dagaalka hore ayaa ka dahcay xalay deegaanka Fax-faxdhuun ee gobolka Gedo, kaas oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG oo kaashana kuwaKenyaiyo kuwa Xarakada Al-shabaab oo dhinac ah, waxaana dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu socday muddo dhowr saac ah, iyadoo dagaalkaasi ay guulo ka kala sheegteen dhinacyadii uu dagaalku dhexmarayey.
Sarkaal u hadlay Xarakada Al-shabaab ayaa sheegay in ciidamadooda muddo ka badan 4 saacadood la galeen ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda KMG, wuxuuna sarkaalkaasi intaasi ku daray in ciidamadii ay weerarka ku qaadeen ay ka dileen askar badan, isla markaasna ay ka qabsadeen fariisinkii ay ku sugnaayeen, inkastoo uu sheegay inay ka baxeen markii ay ka gaareen danihii ay ka lahaayeen sida uu yiri.
Sidoo kale dagaalka ayaa waxaa ka hadlay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda KMG oo sheegay in weerar kedis ah lagu soo qaaday, isla markaasna ay iska difaaceen kooxihii soo weeraray, wuxuuna intaasi ku daray inay dib ugu celiyeen kooxihii soo weeraray halkii ay ka soo duulaan tageen sida uu yiri.
Dhinaca kale dagaal kale oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG oo taageero ka helaya kuwa Itoobiya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab oo dhinac ah ayaa isna waxa uu ka dhacay xalay degmada Xudur ee gobolka Bakool, waxaana dagaalka oo markii hore ka bilowday goob ka baxsan magaalada Xudur ayaa markii dambe waxa uu ku soo fiday gudaha magaalada, waxaana gudaha magaalada ka dhacay hub aad u culus, iyadoo la sheegay in muddo saacado ah uu dagaalka ka socday gudaha degmada Xudur, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinacyadii dagaalamay oo ku saabsan dagaalkan dambe.
 

Safiirka dalka Britain u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo rajo ka muujiyay xaalada Soomaaliya (SAWIRRO)

$
0
0

Arbaco, August 15, 2012 (HOL) – Danjiraha dawlada Britain u qaablisan arrimaha Soomaaliya Matt Baugh ayaa rajo ka muujiyay xaalada Soomaaliya, isagoo sheegay in ansixinta dastuurka iyo horumarka dhanka ammaanka ee la gaaray ay tahay calaamad muujinaysa in Soomaaliya ay soo hagaagayso.
Isagoo ka hadlayay kulan afur ah oo safaarada Britain ee magaalada Nairobi ay u samaysay qaar kamid ah masuuliyiinta Soomaalida ayuu sidoo kalana ka digay sii socoshada carqaladaynta soo doorashada xubnaha cusub ee baarlamaanka.
Matt Baugh ayaa sheegay inuu la qabo qaramada midoobay, ururka midowga afrika iyo urur goboleedka IGAD digniinihii ay soo jeediyeen ee ku aadana in la joojiyo musuqmaasuqa iyo cagajuglaynta lagu hayo hannaanka lagu soo dooranayo xildhibaanada cusub.
Kulankan ayaa waxaa ku sugnaa danjiraha Soomaaliya u jooga dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), xildhibaanka xaafada Kamakunji ee Soomaalidu ku badantahay Yuusuf Xassan iyo gudoomiyaha gudiga doorashooyinka dalka Kenya Isxaaq Xassan oo kasoo jeeda gobolka Soomaalida ee waqooyi bari.
Waxaana Isxaaq Xasan uu uga mahad celiyay taageerada ay dawlad Ingiriisku u fidisay gudigooda iyo sidoo kale dadaallada lagu taageerayo in doorasho si nabad ah u dhacda laga dhigo Kenya sanadka soo socda.




Youtube: Shirka wadamada Islaamka uga furmay dalka Boqortooyada Sacuudiga – Wariye Ibraahim Baafo

Saddex Soomaali ah oo ku Geeriyooday Dagaalada Syria

$
0
0

 
Wararka naga soo gaaraaya dalka Syri ayaa soo sheegaaya in muwaadiniin Soomaali ah lagu laayey duqaymo ka dhacay dalkaasi.
Ugu yaraan saddex qof oo Soomaali ah ayaa lasoo sheegay in ay ku geeriyoodeen duqaymo ka dhacay duleedka magaalada Dimishiq ee xarunta Syria.
Dadka geeriyooday oo saddexduba rag ah ayaa waxa ay ku geeriyoodeen duqayn ay habeenkii xalay deegaano ku yaalla duleedka Dimishiq ay ka fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee Dowladda Syria.
Mid kamid ah dadka Soomaalida ah ee ku geeriyootay duqaymaha ka dhacay Syria ayaa waxaa la sheegay in ilaa iminka aan la qaadin meydkiisa sababo la xiriira dagaalka oo ka socda goobta lagu dilay.
Marka laga soo tago dadka Soomaalida ah ee ku geeriyooday duqaymaha ka dhacay Syria, ayaa waxaa jira qoysas kale oo Soomaali ah kuwaasi oo go’doon ah iyo kuwa gebi ahaanba la la’yahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen.
Dagaalka Syria ilaa bishii March ee sanadkii 2011-kii waxaa ka socda dagaal u dhexeeya mucaaradka iyo Dowladda waxaana ku geeriyooday kumanaan shacab u badan
Halkn Ka dhageyso Warka

Dagaal guulo laga sheegtay oo ka dhacay Gedo

$
0
0

Fax-faxdhuun: (Sh. M. Network) Dagaal xooggan ayaa Ciidamo ka tirsan DKMG ah iyo Al Shabaab xalay ku dhexmaray Tuulooyin ka tirsan gobolka Gedo ee Soomaaliya.
Labo Tuulo oo hoostaga Deegaanka Fax-faxdhuun ee gobolka Gedo ayaa xalay fiidkii waxa uu dagaal ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa kale oo ka tirsan Ururka Al Shabaab.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu bilowday kaddib markii Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen dhowr fariisimo oo Ciidamada Dowladda ay ku lahaayeen Tuulooyinka hoostaga deegaanka Fax-faxdhuun.
Afhayeenka Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya ee gobolka Gedo Gaashaanle dhexe Aadan Axmed Xirse Rufle oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in dagaalkii xalay ay ku dileen sida uu sheegay inka badan 60-dagaalyahanno oo ka tirsanaa Ciidamadii weerarka kusoo qaaday, isagoo sidoo kale tilmaamay in dagaalkaasi ay ku qabsadeen 7-gaadiidka dagaalka ah.
Gaashaanle dhexe Aadan Axmed Xirse ayaa mar wax laga waydiiyay haddii uu jiro qasaaro soo gaaray dhinacoodu waxa uu sheegay in qasaaro uu jiro, inkastoo uu ka gaabsaday in uu faah faahin ka bixiyo inta uu la egyahay qasaaraha soo gaaray Ciidankooda, waxaase uu sheegay in Ciidamada Dowladda KMG ah ee ku sugan gobolka Gedo ay diyaar u yihiin inay sii wadaan dagaalka ay kala soo horjeedaan Ururka Al Shabaab.
Majiro war ka madaxbanaan Dowladda KMG ah oo xaqiijinaya ama beeninaya sheegashada Saraakiisha sare ee DKMG oo ku aaddan in Ciidamo badan oo ka tirsan Al Shabaab ay ku dileen dagaalkii xalay,  gaadiidna ay ku qabsadeen, Al Shabaabna wali war kama soo saarin dagaalkii xalay.

Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay Xudur

$
0
0

Xudur: (Sh. M. Network)  Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal qasaaro gaystay oo xalay Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Al Shabaab ku dhexmaray degmada Xudur ee gobolka Bakool.
Kaddib dagaal xooggan oo qasaaro gaystay oo xalay Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Al Shabaab ku dhexmaray ku dhexmaray Degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa saakay waxa ay faah faahin dheeraad ah ay kasoo baxaysaa dagaaladaasi.
Dagaalkaani oo la sheegay in uu socday mid ku dhawaad 3-saacadood ah ayaa intii uusan bilaaban waxa ay Al Shabaab hawada ka saareen qadadkii isgaarsiinta oo laga Maamulo  deegaan lagu magacaabo (Kullan Jareer) oo ku yaalla duleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool kaddib markii ay halkaasi gaareen Ciidamo ka tirsan AL Shabaab.
Inkastoo illaa iyo hadda aan la ogeyn qasaaraha rasmiga ah ee dagaaladaasi ka dhashay ayaa haddana Saraakiil ka tirsan kuwa Ciidamada Dowladda ee gobolka Bakool waxa ay u sheegeen Idaacadda Shabelle in Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay xalay soo weerareen fariisimo Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin degmada Xudur, iyagoo intaasi ku daray in qasaaro xoog leh la gaarsiiyey Ciidamada Al Shabaab, wallow aysan sheegin halka uu la eg yahay qasaaraha ay gaarsiiyeen.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa intaasi ku daray in dagaalka kaddib Al Shabaab ay ka saareen degmada Xudur ee gobolka Bakool. Waxaana ay xuseen in saaakay Ciidamada Dowladda ay howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka ka wadaan duleedyada degmadaasi oo ay baaritaanno ku sameynayaan gaadiidka gala iyo kuwa ka baxa gudaha degmadaasi oo ay xalay dagaalo ka dhaceen.
Wararkii ugu dambeeyay oo saakay Shabelle ay ka helayso degmada Xudur ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladdu saakay ay tahay mid degan, dadkana ay hadal hayaan dagaalkii xalay ka dhacay gudaha degmad Xudur ee gobolka Bakool.

Midowga Afrika oo Ciidamo Nabad u tababaraya Somaliya iyo Mali

$
0
0

Nairobi: (Sh. M. Network)   Ururka Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamo wax ka qabta ammaanka dalalka Soomaaliya iyo Mali ay tababarayaan.
Warbixin kasoo baxday Ururka Midowga Afrika ayaa faah faahin looga bixiyay dadaallo Ururka uu sheegay in uu ugu jiro sidii Nabad loogu soo dabaali lahaa Labada dal ee dhaca Qaaradda Afrika ee Soomaaliya iyo Mali.
Ururuka ayaa sheegay in labada dal hadda ay u xareeyeen Ciidamo Kumanaan ah oo ka qeyb qaadan doona dadaallada rajo soo cellinta ah ee dalalkaasi oo ay dhibaatada ku gaamurtay.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in Ciidamada Soomaalida ah ee tababarka loo fidinayo ay wax ka qaban doonaan dhibaatada gaaraysa Haweenka iyo Caruurta ku dhaqan dalka Soomaaliya ee saameynta ay ku yeesheen.
Ururka Midowga Afrika ayaa horey u shaaciyay in Ciidamo badan oo Soomaali ah  ay tababar ugu fidiyeen Magaalada Kampala ee Dalka Uganda kuwaasi oo wax badan ka qabtay ammanka dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif: Musharaxiinta ma adeegsan karaan Ciidanka Qaranka

$
0
0

Muqdisho: (Sh. M. Network)   Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu soo dhaweeyay arrimaha ku aaddan musharaxiinta isa soo taraysa, taasi oo uu sheegay inay tahay tallaabo horay loo qaaday.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kaga digay Musharaxiintaasi inaysan si gaar ah u adeegsan Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya oo ah Ciidamo qaran, iyagoo aan amar iyo fasax midna aan ka qaban Madaxda ugu sareysa Dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale Mudane Sheekh Shariif ayaa waxa uu sheegay in haatan lagu guda jiro xilli Kalaguur ah islamarkaana lagama maarmaan ay tahay in laga wada shaqeeyo ammaanka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, maadaama goordhow ay dhacayso doorasho.
Hadalkaani ayaa waxa uu imaanayaa xilli Musharaxiinta qaarkood horey loogu eedeeyay in Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG ah ay si gaar ah u adeegsadaan, taasi oo ah mid ayaan darro ah.

Amnesty: Cadaaladda hala horkeeno dadka dhibaateeya Saxaafadda

$
0
0

Nairobi: (Sh. M. Network)    Hay’adda Amnesty International ee Xuquuqda Aadanaha u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in Maxkamad lasoo taago dad ay ku tilmaamtay Dambiilayaasha dilalka u gaysta Saxafiyiinta ka howla gudaha dalka Soomaaliya.
Amnesty ayaa sheegtay in intii lagu guda jiray todobaadkaani kaliya Magaalada Muqdisho mar kale ay ka dhaceen dilal lagu qaarijiyay Saxafiyiin ka howlgali jirtay  Muqdisho, taasina ay muujinayso in wali aan waxba laga qaban dhibaatada haysata dadka ka shaqeeya howlaha Saxaafadda Soomaaliya.
Hay’adda Amnesty International ayaa ugu baaqday Xukuumadda KMG ah inay cadaaladda horgeyso Kooxaha caqabadda ku ah horu usocodka Saxaafadda Soomaaliya, islamarkaana mar waliba dhibaatada la daba taagan Saxafiyiinta Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn Amnesty ayaa ugu baaqday Beesha Caalamka inay soo saareen qawaaniin Caalami ah oo xakameyn kara dilalka qorsheysan ee loo gaysto Saxafiyiinta Soomaaliyeed.


Beesha Caloofi oo ka mid ah beelweynta Gaajecel oo sheegtay inay duubaneyso Ugaas cusub, qadacdayna…

$
0
0

Kulan balaaran oo ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Xildhibaano, Siyaasiyiin, Aqoonyahno, Culimaa’udiin, Haween, Dhalinyaro, Indheergarad iyo qeybaha kala duwan ee beelsha Caloofi oo ka mid ah beelweynta Gaaljecel ayaa waxay shaaca uga qaadeen inay kalsoonidii kala laabteen wakiilka Ugaaska beesha Gaaljecel C/raxmaan C/laahi Ugaas iyo guud ahaan beesha beesha reer Xaaji-saalax oo ka mid ah beelaha Gaaljecel.
Warsaxaafadeed kulanka laga soo saaray oo uu warbaahinta u aqriyey nabadoonka guud ee beesha Caloofi ee Gaaljecel C/qani Sheekh Maxamed Xaaji ayaa waxaa lagu sheegay in beesha Caloofi ay todobaadka dambe duuban doonto Ugaas cusub, wuxuuna intaasi ku daray inay wilaayadii ama kalsoonidii kala laabteen Ugaaska beesha Gaaljecel wakiilkiisa oo ay ku eedeeyeen inuu musuqmaasuqay Kursigii Xildhibaanno ee ay beeshu laheyd, isla markaasna uu ka iibsaday mid ka mid ah beelaha Hawiye.
“Annagoo ah Xildhibaano, Siyaasiyiin, Aqoonyahno, Culimaa’udiin, Haween, Dhalinyaro, Indheergarad iyo qeybaha kala duwan ee beelsha Caloofi oo ka mid ah beelweynta Gaaljecel waxaan si buuxda u sheegaynaa inaan kalsoonidii kala laabanay C/raxmaan C/laahi Ugaas iyo beesha reer Xaaji-saaxlax ee beesha Gaaljecel, waayo waxay si aan gambasho laheyn u musuqmaasuqeen xildhibaanadii aan ku laheyn Baarlamaanka cusub, waxayna kuraasteena ka iibsadeen beelaha kale ee Hawiye, taasina waxay keentay in beesha Caloofi ay ay duubato duub cusub oo u gaar ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka oo ay ku saxiixnaayeen 24-Odayaal dhaqameedyo iyo siyaasiyiin isugu jira.
Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in qodobada ugu weyn ee beesha Caloofi kalsooni kala laabashadeeda ay keeneen qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin:-

  1. Mudadii 21-sano aheyd ee uu dalku ku jiray burburka waxay gabeen beesha Reer Xaaji-saalax iyo Ugaaska doorkii nabadeynta dhaqanka iyo mideynta jilibyada beesah Gaaljecel dhexdooda iyo xallinta khilaafaadka beelaha deriska la ah beesha Gaaljecel.
  2. Waxay ka qeybqaateen dagaaladii dhexmaray beesha dhexdeeda, taasina ma ah wax lagu yaqaano duudabka dhaqanka Soomaaliyeed.
  3. Waxay si aan xishood iyo gambasho laheyn u gateen kursiga Xildhibaanada ee ay beesha Caloofi laheyd xilligii Imbagati kuna wareejiyeen beel ka mid ah beelaha Hawiye.
  4. Waxay iska indha-tireen xuquuqda iyo miisaanka jilibyada Caloofi oo ah beesha keliya ee wada degta dhammaan gobolada ay beesha Gaaljecel degto.
  5. Waxay si cad u musuqmaasuqeen xuquuqdii ay laheyd beesha Caloofi, isagoo wakiilka Ugaaska aan wax wadatashi ah la sameynin beelweynta Gaaljecel, wuxuuna jeebkiisa ka maamushay qaabka uu hadda u soo xulay xildhibaanada cusub.

Warsaxaafadeedkan ka soo baxay kulankii ay yeesheen beesha Caloofi xubnaha ku saxiixnaa waxaa ka mid ah:-

  1. Nabadoon C/qani Sheekh Maxamed Xaaji
  2. Caddaay Cismaan Rooble
  3. Maxamed Ibraahim Cadde
  4. Cadaay muudey Nuuni
  5. Xuaseen Cabdi Magaalo {Dhacdhacoow}
  6. Nagaar Maxamed Hilowle
  7. Xaaji Maxamuud Cabdi Faarax
  8. CaliMaxamed Xuseen
  9. Abuukar Cusmaan Aalow

10. Xaaji Cabdi Cagoole
11. Cumar Canshuur Ibraahim
12. Aadan Cismaan Muudeey {Gardhuub}
13. Xaaji AadanCaliCilmi {Goobe}
14. Axmed Iidow Cumar
15. Macalin Shiiraar Muxumad Cusmaan
16. Maxamed Cumar Cusmaan
17. Xuseen Ibraahim Aadan
18. Xaaji Geeddi Muumin
19. Cabdi Cumar Cusmaan
20. Muuse Haaruun Aadan
21. Maxamed Cali Shuukay
22. Maxamed Maxamed Cumar {Kuulow}
23. Aamina Muuse Maxamed
24. Ruqiyo C/dulleCali
25. Xidlhibaan Sheekh Abuukar XasanCaliMaqaney.

Madaxweyne Mwai Kibaki oo u digey Somalia

$
0
0

Dawlada Kenya ayaa soo saartay war qoraal ah oo loogu digayo cidii is-hortaagta geedi socodka Khariirada nabada ee Soomaliya.

Madaxweynaha Kenya oo u digey Somalia

$
0
0

Dawladda Kenya ayaa soo saartay war qoraal ah oo loogu digayo cidii is-hortaagta geedi socodka Khariirada nabada ee Soomaliya.

Madaxweyne Sheekh Shariif:- Lama aqbali karo in la shaqsiyaad gaar ah la bartilmaameedsado oo loo diido inay Baarlamaanka ka mid noqdaan.

$
0
0

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay ka hadlay shaqada Guddiga farsamada iyo Xulitaanka Baarlamaanka iyo dhammeystirka marxaladda KMG, ka dib kulan uu la qaatay ergayga qaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga.
Shir jaraa’id oo ay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo Danjire Mahiga ku qabteen xarunta madaxtooyada ayuu Madaxweynuhu ku sheegay in Guddiga TSC-du ay shaqadoodu tahay keliya inay hubiyaan in xubnaha Baarlamaanku ay buuxiyeen shuruudihii lagu heshiiyay {Criteria}, shirarkii Garowe, Galkacyo, Adis Ababa iyo Nairobi.
“Waxaan isla garanay in 20-ka Agoosto marka loogu yaryahay Baarlamaanka aan heysano, heshiisyadii Garowe, Gaalkacyo, Addis Ababa iyo Nairobi in la ixtiraamo, guddiga farsamadu waxay leeyihiin inay Criteria-da dadka u fiiriyaan, awood intaas ka baxsan malaha, hadday wax khilaafa yimaadaana Guddiga odayaasha u xilsaaran ayaa iska leh” ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale sheegay inaan la aqbali karin in shaqsiyaad gaar ah la bartilmaameedsado oo loo diido inay Baarlamaanka ka mid noqdaan, wuxuuna yiri, “Waxaan ka wada hadalnay Mahiga inaysan jiri karin lana aqbali karin in qof ama shaqsi ama koox la bartilmaameedsado, wax walbana ay ku dhammaadaan sidii loogu talo galay”.
Madaxweynaha ay saxaafaddu weydiisay in Baarlamaanka cusub ay ka mid noqon karaan hoggaamiye kooxeedyadii dalka, wuxuu sheegay in loo baahanyahay inaan la siyaasadeyn arrinta ee loo fiiriyo qof kasta inuu buuxiyay wixii lagu heshiiyay, wuxuuna yiri “Marka la rabo qof in la eedeeyo waa in maxkamad caddaalad ah ay xukuntaa, marka qof ay maxkamad caddaalad ah xukuntay ma jiraa oo la dhihi karo dambiile waaye, waxaa laga hadlaayayna waxay ahaayeen dambiilenimo, marka waxaa la rabaa inaan la siyaasadeyn oo qorshaha sida uu yahay loo wado”.
Danjire Mahiga oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa sheegay in mas’uuliyadda soo xulidda Baarlamaanka ay leeyihiin kaliya odayaasha dhaqanka, isla markaana aan la aqbali Karin in si gaar ah loo bartilmaameedsado shakhsiyaad ama dad gaar ah, wuxuuna yiri “Waa odayaasha dhaqnka keliya, kuwa iska leh mas’uuliyadda magacaabidda 275-ta xildhibaan, sida Madaxweynuhu sheegay ma jiri karto wax qof bartilmaameedsi ah, tanina waa wadada keliya ee horay loogu soconayo” ayuu yiri Danjire Mahiga oo sheegay in Madaxweynaha uu leeyahay hogaaminta dhammeystirka marxaladda KMG ah
Dhinaca kale Guddoomiyaha Guddiga farsamada ayaa ka jawaabay hadalka ka soo yeeray Madaxweyne Shariif iyo danjire Mahiga, wuxuuna sheegay inaysan suuragal aheyn in Madaxweynuhu uu Guddigan wax ka ogolaado dhismihiisa haddana uu ka horyimaado waxyaabihii lagu heshiiyay, isagoo sheegay in qaabka ay wax u xuleen uu yahay mid saxan oo aan laablaab ku jirin sida uu yiri.

RAADREEBKII SHIRKII QURBAJOOGGA BEELWEYNTA R.NUUR EE qabsoomay 12/08/2012.

$
0
0

RAADREEBKII SHIRKII QURBAJOOGGA BEELWEYNTA R.NUUR  EE qabsoomay 12/08/2012.
-          Kadib markii ay muddo socdeen iswaraysiyo iyo wada-tashiyo dhammaan la xidhiidha sida ay lagama maarmaan u tahay in qurbajoogga beelweynta R.Nuur ay qiimayn ku sameeyaan hab-dhaqanka baahsan ee beeshu ka dhaxashay burburkii ku habsaday guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaanna deegaanada u gaarka ah ee dagaalada sokeeye naafeeyeen.
 
-          Kadib markii wada-tashiyadaa laga soo ururiyey xog loo cuskan karo isbadal lagu sameeyo qaabka xidhiidhka iyo wadashaqeynta qurbajoogga iyo gudaha dhulka Soomaaliyeed (Homeland).
 
-          Kadib markii lagu qancay afkaarta ay soo jeediyeen qurbajoogga beesha oo ka kooban Odayaal, Dhallinyaro iyo Haweenka oo aad ugu midaysnaa in lagu tallaabsado dhismaha hoggaanka qurbajoogga oo wada-shaqeyn la bilaabi doona hoggaanada dhaqanka iyo siyaasadda ee beesha.
Waxa taariikhda 12/08/2012 qabsoomay shir ay ku kulmeen qurbajoogga beelweynta R.Nuur oo telefoon ah (Teleconference); halkaas oo lagu doortayguddiga ku meel gaadh ka ah ee Qurbajoogga Beelweynta R.Nuur oo si buuxda laysugu raacay – iyadoo madasha shirka lagu magacaabay Guddoomiyaha iyo laba Guddoomiye-ku-xigeen oo kala ah:-
1-      Maxamad Cabdullaahi Xaaji Obsiiyeh  - Guddoomiye     – Riyadh – Saudi Arabia
2-      Maxamad Cali Faarx                                 - Guddoomiye Xigeenka 1aad – London –UK
3-      Fatxiya Xaaji Cumar Kaahin                     - Guddoomiye Xigeenka 2aad – Toronto – Canada
Waxa kale oo laysku raacay in guddoomiyeyaasha guddiyada mandiqadaha Qurbajoogga beeshu ku kala nool yihiin ay noqdaan xubnaha guddiga sare ee Qurbajoogga.
 
 
  Wa bilaahi Towfiiq
 
 
Gudiga ku meel gaarka ee Qurbojoogta Beelwaynta Reer Nuur.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live