Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Dagaal qaraar oo ka socda waqooyiga muqdisho iyo Alshabaab oo taaktikadii bedelay!

$
0
0

Dagaal aad u qaraar ayaa ka soconaya xaafadaha waqooyiga muqdisho iyadoo ey dagaalka ka qeyb qaadanyaan ciidamada AMIOM oo taangiyo ku weerar fariisimo dhowr ah oo ey xlalay qabsadeen ciidamada Xarkada Alshabaab.

Dagaalka ayaa waxaa xoogiisu uu ku socdaa xaruntii taraafikada iyo agagaarka Hotel Jubba oo ey ciidamad AMISOM arterleri saarteen kaas oo ku sii jeeda sedex jaho eyna halkaasi ka gammaan marar ka qaar.


Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalka maanta ay qaadeen Taangiyada Ciidamada Midowga afrika oo ay taageero siinaya Ciidamada dowlada KMG oo xalay lagala wareegay fariisimo dhowr ah ka dib dagaal mudo qaatay.


Taangiyada AMISOM ayaa madaafiic xoogan ku garaacay gooba dhowr ah oo ey xalay qabsadeen Alshabaab oo ah dhanka C/casiis iyo bangigii hore ee ganacsi agagaarkiisa.


Ciidamada Xarakada alshabaab ayaa bilaabay iney ku dhowaadaan meelaha ey deggan yihiin ciidamada AMISOM si ey uga badbaadaan madaafiic waaweyn oo meelaha dhaadheer gaara iyadoo haddii ey ku dhowaadaan ciidamda AMISOM markaas la geli kara dagaal fool ka fool ah madfacuna uu dhib u geysan karo ciidamada AMISOM laftooda taas wax ka bedeshay taktikadii dhinacyadii dagaalka iskala horjeeda.

Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu weli socdo iyadoo madaafiicduna weli dhaceyso.


Masar 3 - 0 Soomaaliya

$
0
0

Kooxda SoomaaliyaSaddex iyo Eber ayaa looga bediyay Kooxda kubadda cagta Soomaaliya ee da'doodu ka yar tahay 17 sano, cayaar ay xalay Qaahira kula yeesheen, kooxda Masar.

Kooxda Kubadda Cagta ee Soomaaliya

Saddex iyo Eber ayaa looga
bediyay Kooxda kubadda cagta Soomaaliya ee da'doodu ka yar tahay 17
sano, cayaar ay xalay kula yeesheen magaalada Qaahira, kooxda dhigooda
ah ee dalka Masar.

Cayaarta ayaa ahayd mid aad u xiiso badan,
markii ay taageerayaal badan oo Soomaalida ku dhaqan dalka Masar ay ka
soo qeybgaleen, kuwaasi oo gacmaha ku sitay calanka Soomaaliya.

Saddexda gool ayaa kooxda Masar waxa ay dhaliyeen qeybtii hore ee cayaarta, iyadoo mid ka mid ah uu ahaa rigoore.

Kooxda Soomaalida ayaa waxa ay kulanka labaad la leeyihiin kooxda Masar kaasi oo ka dhacaya isla dalka Masar 12 bishan.

Kooxda Soomaalida ayaa sanadkan tababar dhowr
toddobaad ah lagu soo siiyay dalka Qadar, iyagoona ka soo gudbay qaybtii
ugu horaysay ee tartanka oo ay laba kulan oo ay la yeesheen Kenya ay
mid badiyeen, kii kalena barbaro galeen.

Xisbiga Kulmiye oo diidan mudo kordhinta guurtida iyo wakiilada

$
0
0

Xisbiga Kulmiye ayaa ka soo horjeestay muddo kordhinta dheer ee shalay golaha guurtidu u kordhiyeen golaha wakiilada iyo guurtida.

Xisbiga Kulmiye oo diidan mudo kordhinta guurtida iyo wakiilada

Golaha guurtida ee Somaliland

Golaha guurtida ee Somaliland

Xisbiga talada haya Somliland ee Kulmiye ayaa ka soo horjeestay muddo kordhinta dheer ee shalay golaha guurtidu
ugu kordhiyeen laba sano iyo siddeed bilood golaha wakiilada, isla markaana guurtiduna isugu kordhiyeen muddo
dhan saadex sano iyo siddeed bilood.

Labada xisbi ee mucaaradka ah ee Udub iyo Ucid ayaa iyaguna shalayba cambaareeyay muddo kordhintaasi.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo shir jaraa'id ku qabtay Hargeysa maanta ayaa sheegay
inay ka soo horjeedaan kordhisiimada/

Wariyaha BBC-da Axmed Saciid Cige oo wareystay Muuse Biixi ayaa ugu horreyn weydiiyay mawqifkooda.

Brigiye Bahuko oo dafiray iney AMISOM xirtay wadada Dabka iyo bakaarha isku xirta

$
0
0

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Bariijiye Bahuuko ayaa dafiray iney iyaga u xiran tahay wadada isku xirta Bakaaraha iyo Dabka ee Magaalada Muqdisho.

Bariijiye Bahuuko waxa uu ku eedeeyey Ciidamada Xarakada Alshabaab in ay u xiran tahay wadada isku xirta Dabka iyo Bakaaraha, isla markaana qeybo ka mid ah wadadaasi ay jareen si aysan u marin gaadiidka dadweynaha iyo kuwa caadiga ah ee isticmaali jiray wadadaasi.

Dagaalada labada todobaad ka socda magaalada Muqdisho waxaa ka dhashay xirnaashaha wadada isku xirta Isgoysyada dabka iyo Bakaaraha oo ay mari jireen gaadiid fara badan oo qaarkood dekadda Magaalada Muqdisho ka keena badeecooyin kala duwan.

Sidoo kale Afhayeenka Ciidamada AMISOM Bariijiye Bahuuko waxa uu beeniyey guulaha Xarakada Alshabaab ka sheegtay dagaaladii ugu danbeeyey ee ka dhacay caasimada Magaalada Muqdisho.

Si kasta oo ay ahaato waa markii ugu horaysay Taliska Ciidamada AMISOM ka hadlaan xirnaashaha wadada isku xirta Dabka iyo Bakaaraha ee Magaalada muqdisho.

Guddoomiyaha Guriceel oo hoygiisa xalay bam lagu weeraray

$
0
0

Guddoomiyaha Degmada Guriceel ee ahlu sunnah ayaa xalay bam gacmeed lagu weeraray guriga uu ka degan yahay magaaladaasi kadib markii dad aan bam ku tuureen.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka Degmadaasi Cali Baashi Diiriye oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey weerarkaasi xalay loo geystay hoyga Guddoomiyaha Maamulka Ahlusunna Waljameeca Degmadaasi Cismaan Ciise Taardhuleed.

Ku xigeenka Degmada waxa uu sheegay qaar ka mid ah Caruurta guddoomiyaha in ay ku dhaawacmeen weerarkii qaraxyada xalay lagu qaaday hoyga guddoomiyaha.

Ciidamada Amaanka oo soo gaaray goobtaasi waxay sameeyeen baaritaano culus oo ay ka sameeyeen xaafadaha degmadaasi, waxayna soo qabqabteen dhalinyaro lagu eedeeyey in ay ku lug leeyihiin weerarkii xalay lagu qaaday Hoyga guddoomiyaha Degmada guriceel ee Maamulka Ahlusunna Waljameeca Cismaan Ciise Taardhuleed.

Ma ahan markii ugu horaysay weeraro qaraxyo ah lagu qaado hoyga guddoomiyaha degmada Guriceel maamulka Ahlusunna Waljameeca Cismaan Ciise Taardhuleed, Caruurtiisana ka soo gaarto waxyeelo dhaawacyo ah.

Qaar kamid ah ciidamada dowladda oo baaritaan ka wada Buulo Xuubeey

$
0
0

Ciidamo ka tirsan dawladda ku
meel gaarka Soomaaliya ayaa saakay subaxnimadii hore hawl galo
baaritaana ah ka bilaabay xaafadda Buulo Xuubeey ee Degmada Wadajir ee
magaalada Muqdisho  

Ciidmadan oo taxadar baan uu ka
muuqanayo ayaa baaraya guryaha iyo waliba gaadiidka iyo goobaha
ganacsiga ee Xaafaddaas iyagoona sida lagu soo waramay hawl galkan ay ku
soo qab qabteen tiro dhalinyaro ah oo ay uga shakisan yihiin in ay ka
tirsan yihiin kooxaha ka soo hor jeeda dawladda ku mel gaarka
Soomaaliya.

Hawl galkan ayaa ka bilowday
xaafadda Buulo Xuubeey habeenkii xalay ahaa iyadoona la arkayay ciidamo
ka tirsan kuwa dawladda oo habeenkii xalay ahaa halkaa ka waday hawlo
baaritaano ah oo ay ka sameynayeen gudaha xaafadda buulo xuubeey.

Sarkaal u hadalay hawl galkaas
ayaa sheegey in hawl galadii ay wadeen ay ku soo qab qabteen dhalinyaro
ay uga shakisan yihiin inay ka mid yihiin kuwa falalka amni darada ka
sameeya xaafadda Buulo xubeey isagoona sheegey in dhalintaas badankooda
ay u gudbiyeen Saldhigga.

Sarkaalka ayaa in dhalinyarada ay
ku soo qab qabtreen Hawl galadaas in ay baarayaan wixii ay denbiyo ku
helaana ay u gudbin doonaan maxkamada wixii aan denbi lagu helina sida
ugu dhaqsiyaha badan la soo deyn doono.

Hawl galada maanta ka soconaya
degmada wadajir ayaa xitaa waxaa uu saameeyay Gaadiidka b.l.ka ah ee
halkaa ka shaqaynaya kaasoo rakaabka la socda laga dejinayo ka gaaalna
si aad ah loo baarayo.

Hawl galkan ayaa imaanaya xilli
dhawaan degmada wadajir lagu qabtay Gaari siday Hub iyo Rasaas sida la
sheegay la doonayay in falal amni darra ah laga abuuro degmadaas.

Si kasta ha ahaatee hawl galkan ayaan la garanayn xilliga uu qaadan doono ama uu ku soo gaba gaboobmi doono

Xaaladii ugu dambeysay ee magaalada Muqdisho

$
0
0

Waxaa maanta laga dareemayaa deganaasho aan cagabadan ku taagneyn xaafadii waqooyiga Muqdisho oo ey dagaaladu ka socdeen walow xilli kasta la filan karo dagaal.

Degmooyinka waqooyiga magaalada Muqdisho ku yaala gaar ahaan degmooyinka Boondheere, Shibis, C/casiis iyo Kaaraan oo maalmihii la soo dhaafay ay ka dhaceen iska hor imaadyadii ugu qaraaraa ayaa shalay gelinkii danbe marka laga soo bilaabo waxaa ka jirtay xaalad degganaansha ah in kastoo xalay fiidkii la maqlayay xabado teel teel ah oo ay dhinacyadu is weeydaarsanayeen.

Degmooyinka war dhiigleey, Hawl wadaag iyo Hodan oo ka mid ah degaanadii iyaguna uu saameeyey dagaalkii maalahan la soo dhaafay ka dhacayay qaybo ka mid ah magaalda Muqdisho ayaa laga dareemayaa iyaguna xaalad degganaansho ah in kastoo subaxnimadan la maq maqlayo xabado iyaguna teel teel ah oo aan sidaa u badneen.

Suuqa bakaaraha oo ka mid ah degmooyinka Hodan iyo Hawl isla markaana ah meelihii ugu darnaa ee madaafiicda ay ku dhacaysey ayaa isaguna saakay laga dareemayaa xaalad degganaansha ah.

Suuqa ayaa maanta goor hore la furey iyadoo la arkayo diyaar garosga ballaaran ee loogu jiro ciida Soon fureed.

Kumanaan dad ah ayaa subaxninimadii hore ee saakay ku soo jarmaaday gudaha Suuqa bakaaraha si ay halkaa uga dukaameystaan isugun diyaariyaan ciidda barkaysan ee foodda nagu soo haysa, maa daama maalmihii la soo dhaafay ay dadku badankooda ku soo dhici waayeen inay gudaha u soo galaan suuqa oo dqueymo ku soconayeen.

Si kasta ha ahaatee jawiga maanta muqdisho ayaa ka bedelan xilligan kii labo maalmood ka hor uu ku sugnaa, waxaadna moodaa in dadku qalbigoodu iska hilmaamay duqeymihii iyo dagaaladii si weyna ay ugu dhega taagayaan munaasibadda ciidul fidriga oo berito ama saa dambe ku beegay

Alshabaab oo weerar culus ku qaaday wadada Dabka iyo dagaal is qabsady agagaarka madaxtooyada

$
0
0

Ciidamada Xarakada Alshabaab ayaa galabta dagaal xooggan dib uga qaaday ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa abaaray dhanka madaxtooyada oo ey ka weerareen dhowr Jaho.

Dagaalka galabta ayaa ahaa mid aad u culus isla markaana
xooggiisu waxa uu ka dhacay Isgoyska Dabka iyadoo Ciidamada Xarakada Al
shabaab ay galabta dagaalka si dar dar le u qaadeen isla markaana waxaa
laga maqlaayey goobaha uu dagaalku ka socdo iyo kuwa u dhow dhow rasaas
xooggan oo ay labada dhinac iswayrsdanaayaan.

Dagaalka galabta ayaa waxaa bar bar socday duqayn xooggan
oo loo gaystay qaybaha kale ee Magaalada Waxaana duqaynta inteeda badan
lagu garaacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho oo isugu hoy u ah
madaafiicda iyo duqaymaha kala duwan ee Magaalada lagu garaaco.

Wararka kasoo baxaaya goobaha dagaalka ayaa waxa ay
sheegaayaan in dagaalka ay qaadeen xarakada Al shabaab kuwaasi oo sida
la sheegay doonaaya in ay dagaalada ugu dambaynta Magaalada uga saaraan
Dawladda KMG ah iyo kuwa Amisom inkastoo masuuliyiinta Dawladda KMG ah
ay sheegeen in ay iska difaaci doonaan dagaal kasta oo uga yimaada
dhinaca kooxaha kasoo horjeeda.

Dagaalkii maalintii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho
ayaa Xarakada Al shabaab waxa ay kula wareegeen meelo uu kamid yahay
Hotelka Jubba oo wax ka yar 50-talaabo u jira Madaxtooyada Soomaaliya
waxayna taasi shaki weyn gelisay in caawa oo loo badinaayo in ay noqoto
Ciidul fidriga dhamaadka Bisha Barakaysan ee Ramadaan ay Xarakada Al
shabaab isku dayaan in ay la wareegaan Madaxtooyada taasi oo ay hadda ka
hor balan qaadeen in ay weerar ku qaadaan Madaxtooyada inta uusan
dhamaan Ramadaanku.

Sikastaba dagaalada Magaalada Muqdisho oo galay asbuucii
saddexaad waxaana ayaa waxaa ku naf waayey inka badan 240-ruux halka ay
dhaawacmeen tiro kor u dhaaftay 430-ruux dadka dhintay iyo kuwa
dhaawacmay ayaa waxa ay u badan yihiin dad rayid ah.


Ra'iisal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke Sharma'arke oo lagula taliyay in uu shaqada ka fariisto

$
0
0

Ra'iisal wasaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke ayaa waxaa lagula taliyay in shaqada ka fariisto.

Wasiiru-Dawlaha wasaarada arrimaha gudaha Mudane Cabdirashiid Xidig oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hadda la joogo waqtigi Ra'iisal wasaaraha iyo Xukuumdiisu ay meesha baneyn lahaayeen si buu yiri loogu bedelo Xukuumad kale oo dalka xaaladan adag ka saarta.

Xidig oo ka m id ah Xukuumada Sharma'arke ayaa ku dooday in gebi ahaanba ay Xukuumadu ku fashilantay hawlaha ammaanka wax looga qabanayo sidaas darteedna aan laga maarmin in ay meesha ka baxdo, Madaxweynuhuna uu soo magacaabo Ra'iisal wasaare soo dhisa Wasiiro tayo leh.

Hadalkan ka soo yeeray Wasiir Xidig ayaa ku soo aadaya xili xiisad ka dhalatay Qoraal dastuureedka qabyada ah ay ka dhex aloosan tahay Madaxweyne Shariif iyo Ra''isal wasaare Sharma'arke waxaana la tuhunsan in Xidig uu duufaanta siyaasadeed ee labadan mas'uul ka dhex suluf leh la duulayo.

halgankanet@gmail.com

Xildhibaan Pekka Haavisto; "Soomaalida waxaa haboon in lagu gargaara gudaha dalkooda"

$
0
0

Pekka Haavisto oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Finland ee Xisbiga Cagaarka ayaa ku taliyay in Soomaalida lagu gargaaro gudaha dalkooda.

Xildhibaan Pekka Haavisto oo ka duulayay siyaasada Finnishka ee ku aadan Qaxootiga Soomaaliyeed ee siyaabaha kala duwan ku soo galay dalka Finland ayaa sheegay in Finnishku aad isugu hawleen Qaxootiga ku Soomaaliyeed ee jooga Finland halkii ay daneyn lahaayeen xaqiiqda dhabta ah ee Dhibaatada ka jirta gudaha Soomaaliya.

Pekka oo haatan Midowga Yurub uga wakiil ah dalka Sudaan ayaa dhanka kale aad ula socda Arrimaha Soomaaliya sidaas si la mid ahna wuxuu xiriir wannaagsan oo wadashaqeyneyd la leeyahay Soomaalida nabadda u ooman ee Finland ku dhaqan.

Hadalkan Xildhibaanka Xisbiga Cagaarka ayaa ku soo beegmaya xili Doorashooyinka soo socda ee Finland dartood la siyaasadeeyay Qoysas isu keenida Soomaalida Finland ka heshay megengelyada sanadihii u dambeeyay.

Linkigan hoose ka aqriso warbixinta Pekka Haavisto ee uu qoray Telefishinka Finnishku.

http://www.yle.fi/uutiset/news/2010/09/green_mp_somalis_should_be_helped_at_home_1957144.html

halgankanet@gmail.com  

Djibouti Muxaadaro 1 Ahmiyadda Qoyska (Shekh Abdirahman Bashir) 1.flv

Djibouti Muxaadaro 2 Ahmiyadda Qoyska (Shekh Abdirahman Bashir)2.flv

Djibouti Muxaadaro 3 Ahmiyadda Qoyska (Shekh Abdirahman Bashir)3.flv

Dagaalki caawa oo yara qaboobay iyo ciidamada dowlada oo u muuqda kuwa difaac adag galay

$
0
0

Waxaan waqtigan caawa ah qaboobay dagaal culus oo ka dhacay magaalada Muqdisho iyadoo la sheegay in ciidamada dowladu difaac culus galeen dibna u durjiyeen kuwa Alshabaab oo sida la sheegay iyagu dagaalka qaaday galabta qaaday.

Xiligan ayaa weli la maqlayaa madaafiicda taangiyada ka dhacda iyo qoryaha fudud iyadoo badankiisa dagaalku haatan ku haray dhinaca waqooyi ee magaalada Muqdisho.

La oga illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagaalka balse Sarkaal ka tirsan gaadiidka gurmadka deg degga ah oo Hadalo kooban siiyay saxaafadda xilli ay markaa ku guda jiraan daabulidda dhaawacyada ka dhashay duqeymihii galabta ka dhacay qaybo kala duwan ee magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay inay qaadeen Dhaawacyo gaaraya illaa shan iyo Labaatan Ruux oo rayid ah.

Cali Muuse ayaa sheegey in intii ay ku guda jireen hawshaas sidoo kale ay arkeen illaa dhimashada lix ruux oo rayid ah oo ku dhintay iska hor imaadyadii iyo duqeymihii ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Sarkaalkan oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in khasaaruhu intaa ka sii badan karo maadaama ay jiraan weli waa siduu hadalka u dhigaye qaylo dhaan ka soo yeereysa xaafadaha qaar isla markaana uu inta badan gaadiidkii xilligan ku maqan yahay goobaha ay qayla dhaantu ka soo yeereyso.

Iyadoo 24kii Saac ee aynu soo dhaafnay ay magaalada Muqdisho ka jirtay xaalad degganaansha ah ayaa mar keliya gabbal dhicii manta xilli ay dadku isku diyaarinayeen Afurka waxaa ay ku soobaraarugeen Daryanka Madaafiicda dhinacyadu is weeydaarsanayaan iyo Rasaasta ka dhacda qoryaha fudud oo ku soo dhacaysa degaano ka baxsan goobaha dirirtu ay ka dhacayso.

Fu'aad Shangole; "Yuweri Museveni waa Baaaadariga ugu weyn Baadariyaasha Afrika wuxuuna u qeybsanaha Qaaradan u yahay Madaxweynaha Kirishtaanka"

$
0
0

Fu'aad Qalaf Shangole, Madaxa dacwada Alshabaab oo dad kula hadlay Masjid ku yaal deegaanka Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu aqoon fiican u leeyahay shaqada uu hayo Madaxweynaha Yugaandha Yuweri Museveni.

"Museveni waa Baadariga ugu baadariyiinta Afrika wuxuuna si gaar ah Afrika ugu qaabilsan yahay Madaxweynaha Diinta Kirishtanka" Fu'aad Shangole oo sharraxaad ka bixinayay aqoonta uu u leeyahay Madaxweynaha Yugaandha shaqadiisa.

"Yugaandheeska waxaan u sheegayaa in ciidamada ay Soomaaliya u soo dirayaan aysan labaatan Askeri kala laaban doonin waxaana jooga weli Geesiyaashii islaamka" Hadalkaas dardaar werinta ah waxaa hawada u mariyay Reer Yugaandha Fu'aad Shagole, madaxa dacwada Alshabaab.

Ina Shagole oo sii hadlayay ayaa sidoo kale ka hadlay dagaalka Muqdisho ka socda ee ay Kooxdiisu ku milman tahay wuxuuna dagaalkaas ku tilmaamay mid u dhexeeya Masjidka iyo Kaniisada waa siduu hadalka u dhigayay sidaas darteedna aan lagu tilmaami karin dagaal iska caadi ah.

Hadalkan Shangole ayaa ku soo aadaya xili weeraro xiriir ah ay Alshabaabku ku qaadayeen maalin kasta Saldhigyada Ciidamada Dowladda iyo Amisom ee magaalada Muqdisho nkastoo wax guul ah oo la taaban aysan ka gaarin weeraradan, taas bedelkeedase waxay galaafteen dagaaladani nolosha shacab aad u fara badan.

halgankanet@gmail.com 


Dagaal degmada Hobyo ee gobolka Mudug ku dhexmaray Burcad Badeed Soomaaliyeed

$
0
0

Degmada Hobyo wararka naga soo gaaraya ayaa sheegaya in halkaas ay isku rasaaseeyeen koox ka wada tirsan Burcad Badeeda Soomaaliyeed ee xeebaha ka qaraabata.

Dagaalkan ayaa dhacay baa la leeyahay ka dib markii koox ka tirsan Burcad Badeedu gaari nooca tamashla ah ka kaxeysteen magaalada Hobyo iyagoo ku sii jeeday dhanka Gaalgacyo ka hor inta aysan koox kale oo Burcad Badeeda ka tirsan aysan wadada u gelin sidaasna uusan dagaalku ku bilaaban.

Dagaalkan labadan kooxood dhexmaray ayaa waxaa ku dhaawacantay sadex ka mid ah Burcad Badeeda kuwaas oo dhaawacooda haatan lagu dabiibayo Magaalada Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug.

Labadan kooxood oo mudooyinkan dambe ku wada sugnaa gudaha degmada Hobyo ayaa isku heysta Markab laga leeyahay Dalka Kuuriya oo ay halkaas afduub ugu heystaan.

halgankanet@gmail.com 

Deegaanka Ceelasha Biyaha oo Ma-soomaayaal iyo iyo nin iyo naag is masaafeystay lagu karbaashay

$
0
0

Ciidamada Anshaxa iyo ammaanka Xisbul islaam ee deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa maanta tacsiir Karbaash ah ku fuliyay dad la soo qabqabtay iyagoo afuran, bisha Ramadaanna aan xushmeyneyn.

Sidoo kale ciidamadan ayaa Karbaashay Nin iyo Naag lagu eedeeyay in ay is-masaafeysteen oo meel kale safray si ay isugu soo mehersadaan.

Ciidamada Xisbiga ayaa wacad ku maray in ay sii wadayaan hawlgaladan ay ku baacsanaan ma-soomayaasha iyo weliba kuwa weli ku dheggan dhaqankii Masaafeysiga ku dhisnaa.

halgankanet@gmail.com 

Dowladda oo guulo ka sheegatay dagaalkii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

$
0
0

Afhayeenka Wasaarada Warfaafinta Shiikh Cabdirisaaq Maxamed qayloow oo xalay la hadlay qaar ka mid ah saxaafada gudaha ayaa ka war bixiyay dagaaladii shalay iyo xlaya ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho oo u dhaxeyey ciidamada dawladda iyo kuwa xarkada shabaabul Mujaahiddiin.

Shiikh Cabdirisaaq ayaa sheegey in dagaaladaasi dhinaca dawladda ay ka soo gaareen Khasaaraha illaa sedax askeri oo ka tirsan ciidmada dawladda oo dagaaladaa ku dhaawacmay.

af hayeenka ayaa tibaaxay in khasaaraha ugu ba’an ee dhimasho iyo dhaawac leh uu soo gaaray dhinicii ka soo hor jeeday waa siduu hadalka u dhigaye isagoona intaa raaciyay in ciidamadoodu ay ku sii siqeen fariisimo hor leh oo shalay ka hor ay ku sugnaayeen ciidamada xarakada shabaabul Mujaahiddiin,

Cabdirisaaq Maxmaed Qayloow ayaa intaa ku daray in Sarkaal ka tirsanaa Saraakiisha xarakada shabaabul Mujaahiddiin uu shalay dhankooda u soo goostay kana soo baxay dhinaca xarakada Shabaabul Mujaahiddiin.

af hayeenka ayaa hoosta ka xarriiqay in iminka Sarkalkaasi gacanta ay ku hayaan isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo ban dhigayaan saxaafadda.

af hayeenka wasaaradda war faafinta dawladda ku meel gaarka Soomaaliya ayaa sheegey inay sii wadayaan dagaalada ay kala soo hor jeedaan xarkada shabaabul mujaahiddiin isagoona sheegey inay ku kacyaan wax aan loo dul qaadan karin.

Qaylow ayaa ugu danbeyntii farta ku fiiqay in shalay wixii ka danbeeyay uusan jirin doonin dul qaad dhankood ah isla markaana uu dhamaaday dul qaakii ay u dul qaadnayeen Ciidamada xarakada Shabaabul Mujaahiddiin.

si kasta ha ahaatee hadaladab af gayeenka ayaa imaanaya xilli isaguna af hayeen u hadlay xarakada shabaabul Mujaahiddiin uu guulo millatery ka sheegtay dagaaladii shalay iyo xalay ka dhacayay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

War Deg Deg ah:Qaraxyo waaweyn oo ka dhacay garoonka diyaaradaha Muqdisho

$
0
0

Qaraxyo warar horudhaci sheegayaan iney yihiin ismiidaamin ayaa ka dhacay garooka diyaaradaha Muqdiso iyadoo illaa iyo hadda aan la ogeyn waxa loo isticmaalay iyo khasaraha ey geysteen.

 

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa mid is xig xigay iyadoo oo ay fuliyeen gaadiid lagu soo cabeeyay waxyaabaha qarxa.


Sida ay inoo xaqiijiyeen dad halkaasi ku sugan qaraxyadan ayaa gaaraya
ilaa 3-qarax waxaana la sheegay in qaraxa koowaad uu ka dhacay iridka
Airport halka kuwo kale oo xig xigayna ay gudaha isla airborka ay ka dhaceen.

Wixii soo kordha waan idinla socodsiin doonaa insha allah

Dhexdhexaadin la sheegayo in laga dhex bilaabay madaxweynaha iyo R/Wasaaraha!

$
0
0

kadib khilaafyo soo kala dhexgalay madaxda dowlada taas oo ka dhalatay kala aragti duwanaansho dastuurka cusub oo la sheegay in dowladu yeelan doono ayaa waxaa la sheegay in dhex dhexaadin laga dhex bilaaby labada masuul/

Dadaalada la doonayo in arrintaasi lagu dhameeyo, waxaa hormuud ka ah Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha soomaaliya Augustina Mahiga, wuxuuna labada mas’uul kulamo goonigooni ah kula kala yeeshay magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

Sida warku sheegayo Augustina Mahiga magaalada Nairobi kula kulmay Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid, ka dibna magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha dowladda KMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed, lamana oga in dedaalkiisu uu miro dhalay iyo in kale.

Dhinaca kale waxaa soo baxaya warar aan si rasmi ah loo xaqiijin oo sheegaya in xildhibaano aruursi ay ka kala socdaan magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, kuwaas oo ay kala wadaan Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha.

Arrintan ayaa soo baxday ka dib markii xildhibaano badan ay ka soo horjeesteen dastuurka cusub ee uu Ra’isul wasaaraha doonayo in la meelmariyo iyadoo aan afti dadweyne la qaadin, ay isu diiwaangeliyeen in la soo gole joojiyo Ra’isul wasaaraha si arrintaasi loogala xisaabtamo, halka Madaxweyne Sheekh Shariif uu kulamo goonigooni ah la yeeshay xildhibaanada ka soo horjeeda Ra’isul wasaaraha, halka dhinaca Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid uu isana wado abaabul uu kaga hortagayo in cod loo helo kalsooni u qaadista Xukuumaddiisa, waxaana uu kulamo la yeeshay Xildhibaanada ku sugan magaalada Nairobi, kuwaas oo uu qaarkood xalay u sameeyey afur, ugana warbixiyey khilaafka u dhaxeeya isaga iyo Madaxweynaha.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live