Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Malawi Police nab woman for harbouring illegal Somali immigrants

$
0
0

Police in Dedza are keeping in custody a business woman for habouring three illegal immigrants from Somalia.
Dedza police publist sergeant Edward Kabango says the woman Shyreen Sheha contravened section 23 sub-section 1 of immigration act.
“Sheha told the police that the three Somalia’s were brought to her home by a man whom she claimed she doesn’t know and asked her to look the after them,” Kabango says.
He says the police did not found the Somalis at Sheha’s house as they were suspected of having sneaked to the bordering Mozambican town.
But Kabango says Sheha whose home village is Machokola in the area of Tradtional Authority Makhuwila in Chikhwawa district is expected to appear before court soon to answer charges of harboring illegal immigrants as she did not deny having hosted the Somalis immigrants.
The issue comes after Dedza third grade magistrate Christopher Kampaliro fined three Somali illegal immigrants MK15, 000 each or in default serve a six months prison sentence after found guilty of entering the country without proper documents.
The three are the 25 year old  Muhamed Saxan, Abdul Isah aged 28  and Muhamed Ali who is 20. The court heard that The trio was rounded up at Wenela resthouse on August 25.


Daawo Sawirada:Madaxweyne Xasan Sheekh oo lakulmay Safaarado Ree Yurub ah

$
0
0

Ayadoo Maanta Madaxweynaha Cusub ee Wadanka Soomaaliya oo ku qaabilay Xafiiskiisa Wafdi Kasocda Safaaradaha wadamada Ree Yurub kuleeyihin Magaalada Nairobi ee wadanka Kenya waxaana kawada hadleyn isbadalka wadanka Hadaba nala Daawo Muqaalada.



 

Garoonka Diyaaradaha NO-50 oo dib u howl bilaabay

$
0
0

C/qaadir Maxamed Nuur Siidi Guddoomiyaha Gobalka Shabeelah Hoose ee dowladda Soomaaliya i ayaa sheegay in dib loo howlgaliyay garoonka diyaaradaha ee deegaanka No-50 oo Muddooyinkii dambe ahaa mid aanan shaqeyneyn kadib markii hakad uu ku yimid Howlihii Garoonkaasi uu qaban jiray .
Isaga oo ka hadlayay dib u howlgallidda garoonka diyaaradaha ee NO-50 ayaa wuxuu sheegay Guddoomiyaha in Garoonka uu yahay mid furan islamarkaana diyaaradii ugu horeysay ee ay leeyihiin UN-ka ay soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha No-50.
Wuxuu sheegay in dhamaan shacabka Gobalka Shabeelaha Hoose ay arintaasi farxad u tahay maadaama dib loo howlgaliyay garoonka islamarkaana diyaarad waliba ay soo caga dhigan karto.
Guddoomiyaha ayaa dhanka kale sheegay in diyaaradaha sida rakaabka ay kasoo dagi karaan islamarkaana dhawaan dib uhabeyn lagu sameyn doono xafiiskii saadaasha hawada ee garoonka No-50.
Deegaanka No-50 ayaa waxaa gacanta ku haaya ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM iyaga oo kol hore si wadajir ah ugala wareegay ciidamadii Ururka Al-Shabaab ee deegaankaasi ka arimin jiray.
Waxaana Deegaankaasi ka arimaya Maamulka Gobolka Shabeelada Heese ee Dowladda Soomaaliya ay u magacaawday .

Marwo Caasho Geelle oo maanta Xilkii ku Wareejisay Wasiiradda Cusub ee Haweenka

$
0
0

Xaflad ka dhacday Xarunta Wasaarada Haweenka iyo arimaha qoyska Puntland ayaa maanta waxaa xilka ku wareejiyay Wasiiraddii hore ee Wasaaradda Haweenka Puntland taasi oo xilka ku wareejisay Wasiiradda Cusub ee dhawaan xilkaasi loo magacaabay.
Xafladda ayaa waxaa goob jog ahaa Mas,uuliyiinta Maamulka Puntland, Ururada  Haweenka, hey,adaha Qaramada Midoobey iyo marti Sharaf  kale oo ad u badan kuwaasi oo intooda badan ka yimi Gobollada Puntland.
Marwo Caasho Geele Wasiiradii hore ee Wasaarada oo iyadu maanta xilka wareejineysay ayaa goobta ka jeedisay hadal dheer oo dhinacyo badan taabanayay kaasi oo ku aadanaa horumarka ay Wasaarada Haweenka gaartay intii ay heysay xilka iyo meeshii ay taagneyd markii ay qabaneysay iyo iminka oo ay xilka wareejineyso halka ay mareyso.
Maxamed Faarax Ciise Gaashaan Wasiirka Maamul wanaaga Puntland ayaa isna dhankiisa halkaasi ka jeediyay qudbad dheer  waxaana uu taabtay in wasiiradda  maanta xilka wareejinaya ee wasaarada haweenka ay waxbadan oo loogu hambalyayeeyo ay soo qabatay islamarkaana ay taariikh kaga tagtay Puntland sida uu sheegay .
Intaasi ka dib waxaa halkaasi ka dhacay xilwareejintii maanta ay xilka ku wareejineysay Marwo Caasho Geelle  Wasiiraddii hore ee Wasaaradda Haweenka Puntland oo iyadu maanta si rasmi ah u Wareejisay Xilkii ay ka heysay Puntland .
 

Askari fal dil ah ka geystay Baladweyne oo Gacanta lagu soo dhigay

$
0
0

Taliska ciidamada dowladda ee Magaalada Beladweyne ee Gobalka Hiiraan ayaa wuxuu ka hadlay fal dil ah oo shalay askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya uu ka geestay Magaalada Beladweyne ee Gobalka Hiiraan.
Taliyaha ciidamada dowladda Soomaaliya ee saldhiga Magaalada Beladweyne ee Gobalka Hiiraan Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle ayaa wuxuu sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya ay gacanta kusoo dhigeen askariga falka dilka ah geestay.
Wuxuu tilmaamay inuu xiran yahay askarigaasi sidoo kalena dhawaan maxkamad lasoo taagi doono si looga qaado talaabo sharciga waafaqsan.
Taliyaha ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay sii wadayaan howlgalada ay ka wadaan Gobalka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Beladweyne ammaankana lagu xaqiijinayo.
Magaalada Beladweyne ee Gobalka Hiiraan ayaa waxaa gacanta ku haaya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa AMISOM iyo Ethopia waxaana ka dhaca Magaaladaasi falal lidi ku ah ammaanka.
Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa in badan ku cel celiyay in ay wax ka qaban doonaan falalka Ammanka ka dhanka ah ee ka dhaca Gobolkaasi  gaar ahaan Magaalada Beledweyne

Qaramada Midoobe oo sheegtay in dhacdo naxdin leh ay ka dhacday Magaalada Muqdisho

$
0
0

Qaramada Midowbay ayaa si weyn u dhaleeceysay Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday Xarunta Hooyooyinka ee Degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho. taasina waxay ku tilmaameen inay Dib u dhigeyso Hurmarkii lagu tilaabsaday.
Xafiiska ugu Sareeya Qaramada Midobay ay ku leedahay Soomaliya ayaa Hadal Qoraal ah oo ka soo baxay waxa si weyn loogu Cabaareyay Qaraxii Ismiidaaminta ee Galaaftay Nolosha Dad fara badan. kuwaasi oo ku sugnaa goob Maqaaxi oo markaasi ay ku Qaxweynayeen.
waxaan si weyn u Canbaareyneynaa Weerarkaan fulaynimada iyo dareen la’aanka. dhacdadaan Argagixisonimo marnaba Dib ma udhigi doonto hormarka lagaaray ee Soomaalida goob joog u yihiin.sidoo kale weerarkaan waxa uu Soomaalida Dib ugu celinayaa Go’aankii ay ka qaateen in marnaba aysan dib ugu laaban rabshadihii laga soo gudbay. sidaasi waxaa yiri Xoghayaha Guud ee Qaramada Midowbay ee Arimaha soomaliya Augostin Mahiga.
Augostin Mahiga oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay in Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ay ku Geeriyoodeen Dad Sharaf iyo Maamuus ku lahaa Shacabka Soomaliyeed Dhexdooda. isagoona taasi kala jeeday Wariyaashii lagu dilay Qaraxii maalintii Shalay ahaa dhacay.isagoon tacsi u diray dhamaan Ehaladii ay ka geeriyoodeen Dadkaasi.
Qaramada Midowbay ayaa sheegay in Qaraxaani uu yahay kii Labaab Tan iyo wixii ka danbeeyay Magacaabistii Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.iyadoo Augostin mahiga uu sheegay in loo baahan yahay in Ciidamada Ammaanka ay xil iska saaraan Sugidda Ammaanka Muqdisho gaar ahaan Mas’uuliyiinta iyo Shaqaalaha Dowlada.

Kala sheegashada Kismaayo ka sheekeen bay u dambeen “Warbixin)

$
0
0

Kismaayo waa xarunta gobolka jubada hoose, magaalo ahaan waxay dhacdaa oo ay ka mid tahay magaalooyinka gobolada konfurta soomaliya ku llaala kuwooda ugu waa weyn, magaaladu waxay leedahay illo dhaqaalo oo xoog badan taasi oo sabab u noqotay in taariikh ahaan ay ka badalnaato magaalooyinka dalka soomaaliya marka loo fiiriyo marxaladihii dagaalada sokeeyaha ay kismaayo soo mariyeen
Tusaale dagaalkii sokeeyaha ma ahayn kuwo ku kooban gobolka ay magaalo madaxda u tahay kismaayo, oo dhibaatooyinkii ahliga ahaa waxay saameeyeen dhamaan dhulka soomaalidu ay ku abtirsato, deegaanada laga wada dharagsan yahay in dagaalkii sokeeyaha ee soomaaliya si aad ah u saameeyay waxaa ka mid ah magaalada Muqdisho, laakiin sidaas oo ay tahay muqdisho waxaa si goobo goobeesi ah uga talin jiray in ka badan 12 hogaamiye koxeed oo waxay aheyd magaaladu mid la isla heysto, Kismaayase taasi waa ka badalneed oo beelihii ku dagaalamayay mid walba waxay ku qanacsaneed iyadu inay si gaar ah uga taliso taasi oo sabab u noqotay in dagaalkii beelaha ee kismaayo uu soo noqnoqdo.
Kismaayo waxay ka kooban tahay shan xaafadood oo kala ah Farjano, Faanoole, Shaqaalaha, Calanley iyo Guul-wade oo uu aqoonsaday maamulkii Ibraahim Timo jilic ee kismaayo loo soo dhisay xiligii Dowladii marxuum Cabdulaahi Yuusuf, magaaladu waxay leedahay Airport iyo Deked caalami ah waana isha dhaqaalaha kaliya ee magaaladu ay ku tiirsan tahay marka laga reebo beeraha iyo xoolaha nool oo gobolka uu caan ku yahay.
Hadaba aan dib ugu soo noqdo cinwaanka maqaalkeyga ee ah “Kala sheegashada Kismaayo ka sheekeen bay u danbeen” Magaalada kismaayo waxaa soo maray maamulo badan oo hab dhaqankoodu uu kala badalan yahay tan iyo markii ay meesha ka baxday xukuumadii millatariga aheyd ee Jaalle Siyaad.
Maamuladii majaraha ay u hayeen Beelaha ee kismaayo soo maray ma jirin maamul ku dhisan rabitaanka dadka deegaan ahaan kismaayo ka soo jeedo, taasi waxay keentay in Beel walba ay u hanqaltaagto hanashada kismaayo Xoog iyo xeelad warbaahineed qaabka ay u hanan karto.
Afartii sano ee u danbeesay amni iyo xasilooni ay Al-Shabaab kismaayo ku soo daabuleen ka dib waxaa si iskiisa ah meesha uga baxay murankii la xiriiray u xaq lahaanshiyaha maamulka kismaayo ee beelaha deegaanka u dhaxeeyay,waxaa gabalkoodii dhacay Qab-qablayaashii beelaha deegaanka isku hubeenayay si ay u gaaraan dano siyaasadeed oo marinkiisuna uu yahay daadinta dhiiga soomaaliyeed.
Kenya oo taageereesa Maleeshiyo Beeleedyo ku af-macaansanaya Deegaanka iyo ciidamo la sheegay inay hoostagaan Dowlada soomaaliya ayaa guluf colaadeed ku qaaday G/jubooyinka, qabsashada kismaayase yoolka weerarkooda ayuu ahaa, waxaana taasi ay keentay kala shaki hor leh oo soo kala dhex galay maleeshiyo beeleedyadii ay Kenya soo diyaarsatay,ka dib hadalo warbaahinta la isu mariyay oo u muuqanayay kuwo mar kale dib loogu abuurayo dareen colaadeed oo beelaha la dhex dhigayo.
Qabsashada kismaayo waxaa u wada biro tumanaya kooxo dhowr ah oo dhamaantood aan isku hadaf aheyn, dano u gaar ah iyo la dagaalista Al-shabaab ayey ku midoobeen, Beelo la huwiyay magacyo ururo ayey ku wada abtirsadaan, Kaambooni waa urur gaar ah oo u hardamaya hanashada maamulka kismaayo, Ciidanka Dowlada inkastoo ay wataan magac qarameed hadana waxaa lagu xamanayaa inay yihiin ciidamo la isu keen keenay oo iyagu dano gaar ah lagu fushan rabo, waxaana hogaaminaya shaqsiyaad dhowr ah kuwaas oo aan si wanaagsan looga aqoonin kismaayo qaarkoodna aan taariikh fiican ku laheyn guud ahaan deegaanka Jubooyinka, waxaa kaloo jiro maleeshiyo beeleedyo iyaguna si gaar ah isugu magacaabay Ahlu-Sunnah Waljamaacah oo iyaguna isku uruursanaya deegaano dhanka Galbeed kismayo uga beegan, dagaalka warbaahinta ee durba ka dhex bilowday afhayeenada beelaha Shaarka Ururka wada xirtay waxa uu u muuqanayaa mid ay isku baacsanaayaan, buun-buuninta iyo dib u soo gocoshada colaadihii jaahiliga waxaa kaalin weyn ka qaadanaya websaadyo ay leeyihiin beelahaas magacyada Urarada la isu huwiyay.
Kenya oo iyadu leh ujeedo dhaqaalo iyo qodashada ceelasha shidaalka ee dhulka howdka ah ee jubooyinka ku buuxo ayaa isku hubeeneeso beelo deegaanka oo qaarkood uu khilaafaadyo muuqdo mudana soo jiitamayana uu ka dhaxeeyo, waxaana ujeedkeeda uu yahay in ay dagaal dhexdooda ah ku mashquuliso inta ay ku gudo jirto qodashada shidaalka laakiin soomaalidu waxay tiraahdaa Ratiga raran halka uu ku furto ayaan arki doonaa,
Maxamed Axmed Caaqil Yare
Sudan— Khartoum

Daawo Sawirada:Shabaab oo loogu Hanjabay Tii ugu Naxdinta Badneed Waligeed aan la arkin

$
0
0

Waxaa Wali maskaxda Dadka Soomaaliyeed ka guuxaya Tacadigii shalay Al-Shabaab ka geesteen Magalaada Muqdisho kadib markii Weeraro Ismiidaamin ah ku laayeen Dad isugu jiray Wariyaal iyo Shacab ku sugnaa Maqaayada The Village.
Saraakiisha iyo madaxda laamaha amaanka ee dowlada Somalia ayaa xalay warbaahinta la hadlay saacado ka dib qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee isla xalay ka dhacay baar ku yaala guriga hooyooyinka iyagoo sheegay iney qaadi doonaan talaabooyin deg deg ah oo ku saabsan xaqiijinta amaanka caasimada.
Madaxda qaarkood oo caro aad u xoogan laga dareemayey hadaladooda ayaa dhamaantood shacabka Soomaaliyeed iyo bahda saxaafada uga tacsidadeeyey khasaarihii ka soo gaaray qaraxyadii lagu hoobtay ee ka dhacay magaalada.
Sii hayaha wasiirka Gaashaandhiga ee dowlada Somalia Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in qaraxyadan ay astaan u yihiin rajo beel ku dhacay Al-shabaab iyo sida kooxdan ay ugu fogaatay cadaawada ay u hayaan shacabka soomaaliyeed.
Abaanduulaha ciidamada dowlada Somalia Jen. C/kariin Yuusuf Dhegabadan ayaa shacabka Soomaaliyeed u ballan qaaday iney arki doonaan saacadaha soo socda talaabooyin loogu aar gudayo dadkii lagu laayey qaraxyadii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.
“Xageena calaancal ma jiro kooxahan jid iyo jaha diidka ah waan is naqaanaa, shacbiga Soomaaliyeed, madaxweynaha iyo dowladdaba waxaan u ballan qaadaynaa inaan u aari doonno shuhadadii aan waxba galabsan ee ay maanta argigixisadu”ayuu yiri abaanduulaha Ciidammada Jen.C/kariin Dhegabadan.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Max’uud Axmed Nuur Tarsan ayaa ku tilmaamay mid fuleynimo ah waxaana uu gudoomiyuhu xusay in falkani uusan hakin doonin horumarka ay shacbiga Soomaaliyeed higsanayaan.
“Talaabooyin cad cad ayaa laga qaadi doonaa Maalmaha soo socda kooxahani umadda doonaya iney dabar jaraan, shacabka Soomaaliyeed waxaan leeyahay kooxahan dhibaatada geysanaya waxey kasoo dhex baxaan guryaha aad degentihiin war idinka ayey maalin walba idin leynayaan ee hay’adaha amniga la shaqeeya kuna soo war geliya meelaha ay ku dhuuntaan ”ayuu yiri Gudoomiye Tarsan.
Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed Axmed Macalin Fiqi ayaa isna falkani ku tilmaamay inuu qeyb ka yahay dembiyada ugu waaweyn ee ay ka galeen shacbiga Soomaaliyeed ka galeen kooxaha argagaxisada ah ayna qaadi doonaan talaabooyin adag oo dhinaca amaanka ah


Mid kamid ah Dowladaha Islaamka oo Qaadacay in Xujaaj u dhalatay Dalkooda in ay aadaan Boqortooyada Sacuudiga

$
0
0

Wakaalada sida rasmiga ah wararka ugu faafisa dawlada Suuriya ee (SANA), ayaa ku warantay in sanadkan aanu dalkaasi wax xujaaj ah u diri doonin dalka Sucuudiga, si ay u soo gutaan waajibaadka diiniga ah ee xajka aynu u booqdaan labada xaram ee barakaysan.
Wakaalada wararka ee Suuriya ayaa sababta aanay dadka reer Suuriya u xajayn sanadkan ku macnaysan, awood la?aan aanay xukuumada dalkaasi awoodi karin inay dirto dadkeeda sababtoo ah ma jiro ayay tidhi wakaaladu wax xidhiidh iyo heshiis ah oo u dhexeeya Riyadh iyo Damascus.
Wakaalada ayaa sidoo kale cadaysay in gudida qaban qaabada xajka u qaabilsan dalka Suuriya ay sanadkan joojiyeen, gabi ahaanba hawlihii u diyaar garowga xajka iyo daad guraynta xujaajta ka dib markii wasaarada xajka ee dalka Sucuudigu goosatay xidhiidhkii ay la soo samayn jirtay wakaaladaas sanad kasta marka la gaadho wakhtiga xajka.
Bayaan ay soo saartay wakaalada xajka iyo qaban qabaadiisa u qaabilsan dalka Suuriya, ayaa lagu sheegay in hay?adaasi ay buuxisay dhamaan shuruudihii looga baahnaa laakiin ay ku guul daraysatay inay xidhiidh ka hesho dhinaca wasaarada xajka ee dalka Sucuudiga sidaa awgeed ay go?aansatay in aan sanadkan xujaaj reer Suuriya ah aanay dirin.
Talaabadan dawlada Suuriya qaadatay ayaa loo malaynayaa inay tahay mid siyaasadeed oo ay ku abuurayso, xiisad dhinaca diinta ah inay ka dhex abuurto shacabka Suuriya iyo maamulka Boqortooyada Sucuudi Arabiya oo si cadaan ah taageero ula garab istaagtay kooxaha kacdoonka ka wada dalkaas ee ka soo hor jeeda maamulka Asad.
Dawlada Boqortooyada Sucuudi Arabiya ayaa ka mid ah waddamo badan oo carbeed oo xidhiidhkii dublamaasiyadeed u gooyay dalka Suuriya markii bishii March ee 2011-kii dalkaas ay ka bilaabmeen kacdoonada lagaga soo horjeedo dawlada Suuriya, kuwaas oo maamulka Dimishiq kala hor tagay gacan bir ah, isla markaana ay ku dhinteen in ka badan todoba iyo labaatan kun oo qof oo shicib u badan, ka dib markii ciidamada milatariga Suuriya ku garaaceen diyaarado iyo taangiyo dadkii kacdoonka samaynayay iyo magaalooyinka waaweyn ee dalkaas.
Faysal Maxamed Xasan
f.maxamed03@hotmail.com

Kala sheegashada Magaalo Xeebeeedka Kismaayo ka sheekeen bay walee u danbeen doontaa!!!

$
0
0

Kismaayo waa xarunta gobolka jubada hoose, magaalo ahaan waxay dhacdaa oo ay ka mid tahay magaalooyinka gobolada konfurta soomaliya ku llaala kuwooda ugu waa weyn, magaaladu waxay leedahay illo dhaqaalo oo xoog badan taasi oo sabab u noqotay in taariikh ahaan ay ka badalnaato magaalooyinka dalka soomaaliya marka loo fiiriyo marxaladihii dagaalada sokeeyaha ay kismaayo soo mariyeen
Tusaale dagaalkii sokeeyaha ma ahayn kuwo ku kooban gobolka ay magaalo madaxda u tahay kismaayo, oo dhibaatooyinkii ahliga ahaa waxay saameeyeen dhamaan dhulka soomaalidu ay ku abtirsato, deegaanada laga wada dharagsan yahay in dagaalkii sokeeyaha ee soomaaliya si aad ah u saameeyay waxaa ka mid ah magaalada Muqdisho, laakiin sidaas oo ay tahay muqdisho waxaa si goobo goobeesi ah uga talin jiray in ka badan 12 hogaamiye koxeed oo waxay aheyd magaaladu mid la isla heysto, Kismaayase taasi waa ka badalneed oo beelihii ku dagaalamayay mid walba waxay ku qanacsaneed iyadu inay si gaar ah uga taliso taasi oo sabab u noqotay in dagaalkii beelaha ee kismaayo uu soo noqnoqdo.
Kismaayo waxay ka kooban tahay shan xaafadood oo kala ah Farjano, Faanoole, Shaqaalaha, Calanley iyo Guul-wade oo uu aqoonsaday maamulkii Ibraahim Timo jilic ee kismaayo loo soo dhisay xiligii Dowladii marxuum Cabdulaahi Yuusuf, magaaladu waxay leedahay Airport iyo Deked caalami ah waana isha dhaqaalaha kaliya ee magaaladu ay ku tiirsan tahay marka laga reebo beeraha iyo xoolaha nool oo gobolka uu caan ku yahay.
Hadaba aan dib ugu soo noqdo cinwaanka maqaalkeyga ee ah “Kala sheegashada Kismaayo ka sheekeen bay u danbeen” Magaalada kismaayo waxaa soo maray maamulo badan oo hab dhaqankoodu uu kala badalan yahay tan iyo markii ay meesha ka baxday xukuumadii millatariga aheyd ee Jaalle Siyaad.
Maamuladii majaraha ay u hayeen Beelaha ee kismaayo soo maray ma jirin maamul ku dhisan rabitaanka dadka deegaan ahaan kismaayo ka soo jeedo, taasi waxay keentay in Beel walba ay u hanqaltaagto hanashada kismaayo Xoog iyo xeelad warbaahineed qaabka ay u hanan karto.
Afartii sano ee u danbeesay amni iyo xasilooni ay Al-Shabaab kismaayo ku soo daabuleen ka dib waxaa si iskiisa ah meesha uga baxay murankii la xiriiray u xaq lahaanshiyaha maamulka kismaayo ee beelaha deegaanka u dhaxeeyay,waxaa gabalkoodii dhacay Qab-qablayaashii beelaha deegaanka isku hubeenayay si ay u gaaraan dano siyaasadeed oo marinkiisuna uu yahay daadinta dhiiga soomaaliyeed.
Kenya oo taageereesa Maleeshiyo Beeleedyo ku af-macaansanaya Deegaanka iyo ciidamo la sheegay inay hoostagaan Dowlada soomaaliya ayaa guluf colaadeed ku qaaday G/jubooyinka, qabsashada kismaayase yoolka weerarkooda ayuu ahaa, waxaana taasi ay keentay kala shaki hor leh oo soo kala dhex galay maleeshiyo beeleedyadii ay Kenya soo diyaarsatay,ka dib hadalo warbaahinta la isu mariyay oo u muuqanayay kuwo mar kale dib loogu abuurayo dareen colaadeed oo beelaha la dhex dhigayo.
Qabsashada kismaayo waxaa u wada biro tumanaya kooxo dhowr ah oo dhamaantood aan isku hadaf aheyn, dano u gaar ah iyo la dagaalista Al-shabaab ayey ku midoobeen, Beelo la huwiyay magacyo ururo ayey ku wada abtirsadaan, Kaambooni waa urur gaar ah oo u hardamaya hanashada maamulka kismaayo, Ciidanka Dowlada inkastoo ay wataan magac qarameed hadana waxaa lagu xamanayaa inay yihiin ciidamo la isu keen keenay oo iyagu dano gaar ah lagu fushan rabo, waxaana hogaaminaya shaqsiyaad dhowr ah kuwaas oo aan si wanaagsan looga aqoonin kismaayo qaarkoodna aan taariikh fiican ku laheyn guud ahaan deegaanka Jubooyinka, waxaa kaloo jiro maleeshiyo beeleedyo iyaguna si gaar ah isugu magacaabay Ahlu-Sunnah Waljamaacah oo iyaguna isku uruursanaya deegaano dhanka Galbeed kismayo uga beegan, dagaalka warbaahinta ee durba ka dhex bilowday afhayeenada beelaha Shaarka Ururka wada xirtay waxa uu u muuqanayaa mid ay isku baacsanaayaan, buun-buuninta iyo dib u soo gocoshada colaadihii jaahiliga waxaa kaalin weyn ka qaadanaya websaadyo ay leeyihiin beelahaas magacyada Urarada la isu huwiyay.
Kenya oo iyadu leh ujeedo dhaqaalo iyo qodashada ceelasha shidaalka ee dhulka howdka ah ee jubooyinka ku buuxo ayaa isku hubeeneeso beelo deegaanka oo qaarkood uu khilaafaadyo muuqdo mudana soo jiitamayana uu ka dhaxeeyo, waxaana ujeedkeeda uu yahay in ay dagaal dhexdooda ah ku mashquuliso inta ay ku gudo jirto qodashada shidaalka laakiin soomaalidu waxay tiraahdaa Ratiga raran halka uu ku furto ayaan arki doonaa,
Maxamed Axmed Caaqil Yare
Sudan— Khartoum
+249929803494

Xog Culus:Xiliga lala Wareegayo Kismaayo iyo Qorshaha lagu Qabanayo Magaaladaasi oo la..

$
0
0

Saraakiisha Milliteriga ee shanta Dowladood ee ay Ciiddamaddu ka joogaan dalka Somalia iyo Saraakiil ka tirsan Ururka Midowga Afrika ‘AU’ ayaa waxay kulammo ka yeesheen Diyaargarowgii ugu dambeeyey ee Duullaanka lagu doonayo in Kooxda Alshabaab looga qabsado magaalladda ay ku xooggan yihiin Kismaayo.
Dhismaha Ciiddamadda ballaaran ee AMISOM, ayaa lagu tilmaamay inuu tijaabo u noqonayo sida ay Ciiddamadda Huwanta cagta u marin karaan Difaacyadda Al-shabaab ku difaacanayaan Kismaayo oo ah Isha keliya ee ay Dhaqaalaha ugu xooggan ka helaan.
Waxaa la kordhiyey duqeynta Diyaaradaha loo adeegsaday in lagu dhabar-jebiyo Difaaca Alshabaab ee Kismaayo, iyadoo maalmihii la soo dhaafay dhowr duqeyn loo geystay qeybaha ay shabaab kaga sugan yihiin Difaacyadda hore ee Kismaayo.
Ilo-wareed Soomaali ah oo la socda Dhaqdhaqaaqyadda ka socda Jubbooyinka, ayaa u sheegay Wargeyska ‘The Nation’ ee ka soo baxa Nairobi inay Saraakiisha deegaanka rumeysan yihiin inuu Toddobaadkan bilaabanayo gulfka colaadeed ee Ciiddamadda Huwanta ku doonayaan inay ku qabsadaan Kismaayo.
Taliyayaasha Ciiddamadda AMISOM, waxay kulamo xiriir ah ka yeesheen Qorshaha Dagaalka Kismaayo, waxaana laga xusi karaa Kulamadii ay bilowga bishan iyo dabayaaqadii bishii July ee la soo dhaafay ku kala yeesheen magaallooyinka Addis Abeba iyo Nairobi.
Qorshaha Weerarka oo ay ku jireen duqeyn dhinaca cirka iyo badda oo Ciiddamadda lugta ee AMISOM lagu taageeri lahaa, ayaa lagu waday inuu bishan August 8-dii bilowdo, laakiinse, waxa la hakiyey kadib, markii Taliyayaasha ay dareemeen in loo baahan yahay in dib-u-eegis lagu sameeyo Qorshaha Dagaalka ee miiska u saran.
Taliyayaasha Sare ee Ciiddamadda AMISOM, ayaa u muuqda inay haatan isku raaceen Istaraatijiyadda Shaxda Milliteri ee Kama-dambeysta ee ay Al-shabaab kaga saarayaan Dhufeysyadda iyo Gacan-ku-haynta magaalladda Kismaayo.
Shabakadda ayaa waxa u suurtogashay inay xog badan laga helo Qorshaha Qabsashadda Kismaayo, taasi oo ay ka qeyb geli doonaan Ciiddamadda Lugta ee dalalka Kenya iyo Uganda.
Sidoo kale, Diyaaradaha Dagaalka ee Ethiopia iyo kuwa Uganda ayaa lagu wadaa inay duqeyn naafeyn ah ku qaadaan bartilmaameed kasta oo Al-shabaab ku leedahay gudaha iyo daafaha Kismaayo.
Wariye: Anwar Bakhiit
Sudan-Khartoum
Email:- wararka@live.se

Daawo Sawirada Wariye Cabdi Sataar Daahir Sabriye , Liibaan Cali Nuur iyo C/Raxmaan Yaasin oo lagu aasay Muqdisho..

$
0
0

Waxa Goor dhow magaalada Muqdisho lagu aasay wariyaal maalinimadii shalay kugeeriyooday qarax  aadu fool xumaa kasoo kugeeriyoodeyn Dad badan oo kamidyihin wariyaal caanka ah Soomaaliya Sida Cabdisitar Iyo libaan Cali Nuur Hadaba Nala Daawo








Muqaaladooda.

Wiilashii Shalay Isku qarxiyay Maqaayadii oo Laga Siidayay Xabsiga Dhexe”Magacyada&Gobolada Kasoo Jeedan”Xog Culus”

$
0
0

Sida ay shegayaan warar hoose an heleyno ayaa shegaya wiilashii shalay Gabaldhicii isku qarxiye Maqaayad lagu shaaho oo kutaalo Agagaarka Tiyaatarkii qatanka soomaaliyeed ayaa kahelnay xog hoose kasoo oga barateyn Shabakada Badweyn.
Xogtaan ayaa shegeyso in Labadii wiil oo shalay isku qarxiyeen Gobolka Baay iyo waliba Shabeellaha dhexe waxaana lagu kala magacabaa Cali iyo Feysal waxaana lasheegay in ay katirsanyihiin kooxda shabaab.
Wiilashaan ayaa mudo sanad ah kuxirnaa Xabsiga dhexe ee magaalada muqdisho kadib markii Ciidamada Dowlada howl gal iyo waliba dagaal kusoo qabteen.
Xogtaan ayaa raacineyso in labadaan wiil Maalintii Ciida laga siidaaye Xabsiga dhexe ee magaalada muqdisho kadib markii Madaxweyne shariif Tiro maxaabiis ah ufidiyay Cafis kuwaasi oo kabadnaa 200 dhalinyaro.
Warkaan ayaa noo xaqiijiyeen dagaal-yahano shabaab katirsan waxaan wararka sii raacinayaan in maalmihii lasoo dhaafay lagu diyaarinaaye magaalada muqdisho ayagoo kamid ah liiska shaqsiyaadka loo diyarinaaye qaraxyada.
Xogtaan aya kusoo beegmeyse warar maalmo kahor muqdisho la isla dhex mraayay kasoo sheegy in dagaalyahano shabaab aktirsan oo laga sii daaye xabsiga dhexe isku qarxiyeen Hotel oo kujray Madaxweynaha Cusub blse madaxweynaha Cusub shir jaraa id kusheegay in Cidii lagu hel danbe ame maxkmada xukuntay aan jiri doonin cafis lagu sii deyn doono
Isku sowada Duub qaraxyadii shalay ayaa ahayeen kuwa bahalnimo isla arka ay sheegtayn Kooxda shabaab wllow khasaaraha iyo dhimashada oogeystay aan weli loo heln tiro rasmi ah.

Weriye Kale oo la Dilay iyo Tirada Dhimashada Qaraxyadii Shalay

$
0
0

Weriye kale oo ka howlgala idaacaddaha Muqdisho ayaa maanta lagu dilay magaalada Muqdisho. Xasan Yusuf Absuge oo ahaa madaxii barnaamijyada ee Raadiyow Maanta ayaa maanta dabley toogasho dil ah ugu geysteen degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho, waa weriyihii 4aad ee muddo 24 saac ah lagu dilo Muqdisho.

Dhinaca kale, wasiirka caafimaadka ayaa sheegay in tirada dadkii shalay ku dhintay qaraxyadii ka dhacay makhaayadda Village ee guriga hooyooyinka ay gaadhay 27 qof, iyadoo in kabadan 40-na ay ...

Ra'iisalwasaaraha cusub ee ethiopia oo la dhaariyey

$
0
0

Ra'iisalwasaaraha cusub ee Ethiopia, Hailemariam Desalegn, ayaa maanta loo dhaariyey xilkiisa cusub. Waxaa kale oo isna la dhaariyey ra'iisalwasaare-ku- ku xigeen ah Demeke Mekonen.


Ciidamada Kenya oo dad rayid ahaa ku dilay Jubbooyinka

$
0
0

Jannay-Cabdalla: (Sh.M.Network) Ciidamada Kenya ayaa maanta dad rayid ah ku dilay deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada hoose. 
Sida Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ay u xaqiijiyeen dad deegaanka ah, Ciidamada Kenya ayaa maanta dad rayid ah ku dilay deegaanka Jannay-Cabdalla ee gobolka Jubbada hoose. 
7-ruux oo rayid ahaa ayaa ku geeriyootay rasaas bareer ah oo ay Ciidamada Kenya oo wata Gawaarida dagaalka ay ku fureen dad rayid ah oo ku sugnaa deegaanka Jannay-Cabdalla ee gobolka Jubbada hoose kuwaasi oo la sheegay inay u badnaayeen ganacsato. 
Goobjoogayaasha ayaa u sheegay Shabelle in arrintaani ay ka dambeysay kaddib markii Ciidamada Kenya ay dadkaasi kaga shakiyeen inay yihiin Al Shabaab, taasina ay keentay in raasaas ay oodda kaga qaadaan. 
Wax war ah kama soo bixin Saraakiisha Ciidamada Dowladda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM oo ku aaddan dhacdadaani.
Dhawaan ayaa  Warbixin kasoo baxady Qaramada Midoobay lagu sheegay in Dowladda Kenya ay isticmaalo awood ka baxsan midda AMISOM, maadaama la sheegay in Maraakiibtoodu ay duqeymo la dhacaan Magaalada Kismaayo ee  Xarunta gobolka Jubbada hoose.

SH. SALMAAN - DIE VERBINDUNG ZWISCHEN DEM GEBET UND DEM TOWHID

Deg Deg ah: Ciidamada Dowlada oo Duleedka Kismaayo ku Xasuuqay Shacab Xoolo Dhaqato ah.

$
0
0

Wararka Naga soo gaaraya Gobolka Jubadda hoose ayaa ku waramaya in Galabta dad Shacab ah lagu laayay Deegaanka Birta dheer ee oo qiyaastii 50 KM Dhanka Wuqooyiga kaga beegan Magaalada Kismayo ee Xarunta Gobolka Jubadda hoose .
Dadkaan oo gaaraya ilaa 10 Ruux oo rayid ah isla markaana xoolo dhaqato ayaa la soo sheegayaa in ay laayeen galabta Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Birta Dheer .
Dadkaan ayaa la sheegay in Ciidamadu ay Dileen Xili ay ka sii baxayeen Tuulada isla markaana ay ku sii jeedeen Dhulka baadiyaha ah ee ay daganaayeen waxaana aan ilaa hada la garaneyn sababaha rasmiga ah ee loo dilay.
Hase ahaatee Mid ka mid ah dadka Deegaan oo goob jog u ahaa sida ay wax u dheceen isla markaana dadka la dilay uu ka mid ahaa wiil uu dhalay laguna magacaabo Cabdi Kheyr Xaaji ayaa caawa la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho waxaana uu sheegay in Ciidamadu ay Galabta Dadkaasi u dileen Si Bini aadanimo ka bax ah .
10 ruux ee Galabta ay Ciidamadu Dileen ayaa dhamaantood waxaa ay ahaayeen Rag Xoolo dhaaqato ah hadana ehel wada ah sida uu noo xaqiijiyay Cabdi Kheyrow oo ka hadlayay Dhacdadaasi ay ku kaceen Ciidamada Dowladda .
Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo is garab sanaya ayaa dhawaan waxaa ay dagaal kula wareegeen Deegaankaasi Birta dheer iyo deegaano ka ag dhaw oo ay horay gacan ugu hayeen Ciidamada Ururka Al-Shabaab.

AU condemns assassination of Somali MP in Mogadishu

$
0
0

MOGADISHU (Sh.M.Network)—The Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission for Somalia, Ambassador Boubacar Diarra, has condemned the assassination of newly elected MP Mustafa Mohamed Mo’alin in Mogadishu.
Mustafa Mohamed Mo’alin was killed in the Waaberi District of Mogadishu as he returned home from prayers on Saturday evening.
“Members of Parliament represent the voice of the Somali people and any attack on parliamentarians is an attack on the people and it is unacceptable.
 I deplore this attack on a Somali Member of Parliament elected just weeks ago as part of Somalia’s continuing journey of political progress. We offer our sincere condolences to his family. Such criminal and barbaric acts must not be tolerated.” Said ambassador Diarra.
Ambassador Diarra said AMISOM will continue to do all it can to help the Somali security forces to reduce the threat of attacks in Mogadishu.
He said through successfully ending the transitional period, Somalia and the Somali people have embarked on a new political beginning. Cowardly attacks such as this will not be allowed to derail that hard won progress.
AU PRESS RELEASE

Shabaab oo sheegay in ay barakiciyeen qurba joogtii imaan jirtay Muqdisho

$
0
0

Kadib kulan ka dhacay Degmada Buur Hakaba ee Gobolka Baay ayaa Mahad C/kariin oo ah Guddoomiyaha Gobollada Baay iyo Bakool ugu magacaaban Ururka Al-shabaab ayaa waxaa uu sheegay in Maal ihii lasoo dhaafay la hadal hayay Barakac ka dhacayay Magaalada Kismaayo.Waxaa uu sheegay in taasi Badalkeeda ay Muqdisho ka Barakiciyeen  Qurba jog dib ugu soo laabanayay Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho sida uu sheegay.
Gudoomiha Al-shabaab ugu magacaaban Gobollada Baay iyo Bakool ayaa waxaa uu sheegay in sida loo buun buuniyay aaney Kismaayo dadku uga Barakicin waxana uu tilmaamay in arintaasi Badalkeeda ay iyagu Barakiciyeen Qurba joogtii Dib ugu soo laabanayay Muqdisho.
Mahad C/kariin ayaa waxaa uu soo hadal qaaday Qaraxii Ismiidaamin ahaa ee dhawaan ka dhacay gob lagu Shaaho oo kutaal Daarta Hooyooyinka ee Degmada Xamarweyne .
Waxaa uu sheegya in ay aad ugu faraxsan yihiin Qasaarihii soo gaaray Bahda Saxaafadda isagoo sheegay in Wariyaashaasi ay ahaayeen kuwo Taageerayay wax uu ku sheegay in ay yihiin Gaalo sida uu Tilmaamay.
Si kastaba Hadalkan ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo muddooyinkii Dabme ay dib ugu soo laabanayeen Muqdisho Qurba jog in Muddo ah ka maqnaa Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho iyo guuda ahaan Dalka.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live