Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

African Development Bank may fund inter-state highway linking Kenya and Somalia

$
0
0

 

Sunday, November 11, 2012
NAIROBI (Xinhua) — The African Development Bank (AfDB) is looking at the possibility of funding an inter-state highway that would link Kenya and its northeastern neighbor Somalia.
 
A statement issued after a meeting between Kenyan President Mwai Kibaki and visiting AfDB Group Dr. Donald Kaberuka in Nairobi said the duo discussed the possibility of the Bank funding an inter-state highway connecting Kenya to Somalia to accelerate post war reconstruction.
“President Kibaki thanked AfDB for its role in regional integration and continued financial support to the country’s development Agenda,” said the statement, noting that Kibaki also lauded the regional bank for supporting the country’s development agenda.
During the talks, President Kibaki and Kaberuka reviewed the progress of the ongoing national and regional infrastructural projects funded by the Bank.
The president noted with appreciation that the continental Bank was currently financing 20 national and three regional projects to the tune of 1.65 billion U.S. dollars covering roads, water, agriculture, health and education sectors.
Among the projects supported by the Bank include upgrading of the Isiolo-Marsabit–Moyale road part of which is completed, Athi river-Namanga-Arusha road and the Nile Basin Power interconnection line that links the Democratic Republic of Congo, Rwanda, Burundi, Uganda and Kenya.
“President Kibaki and Kaberuka also discussed the possibility of the Bank financing the rehabilitation of the Voi-Taveta and Eldoret-Timboroa roads that requires attention,” the statement said.
Kaberuka who is in the country to witness the commissioning of the 362 million dollar Nairobi-Thika Super-highway partly financed by his Bank, hailed Kenya’s contribution to the prevailing peace in Somalia and regional integration.
President Kibaki will officially open the 8-lane highway which originates from Nairobi and has links to Moyale at the Kenya- Ethiopia border on Friday.
The highway is the first of its kind in the region and it sets the pace for development in Kenya. Analysts say that other road improvements will help Kenya serve the East African Community bloc’s 130 million residents more efficiently.
The highway is supported by two by-passes, the Eastern Bypass that connects it to another highway known as Mombasa Road, and the Northern Bypass also connecting it to another highway known as Waiyaki Way.
All the three form the trio of arteries that service large motor traffic to, from and through the heart of the Nairobi Business District.
The road transport is the predominant mode of transport and carries about 93 percent of all cargo and passenger traffic in the country.
Kenya is racing to be a preferred business destination for locals and foreigners as part of its strategy to become a middle income country by 2030.
Source: Xinhua


RA’IISUL WASAARE SAACID: “Xukuumadeydu waxay Xoogga saaraysaa dib u Xoreynta dalka iyo Sugidda Ammaanka”

$
0
0

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay muhiimadda koowaad siin doonto dib u xoreynta dalka iyo sugidda ammaanka, wuxuuna intaas ku daray inay ka go’an tahay in dhammaan howlaha horyaalla ay ku dhameystiraan muddada ay haystaan.
“Xukuumadda aan hoggaaminayo waxay xoogga saaraysaa in dalka la xoreeyo isla markaana la sugno ammaanka,” ayuu yiri Saacid oo wargeysi gaar ah siinayay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed SNTV. Isagoo intaas ku daray inay ka go’an tahay inay dalka gaarsiiyaan in shacabku ay soo doortaan madaxdii hoggaamin lahayd.
Mudane Saacid ayaa sidoo kale, sheegay inay ka shaqeyn doonto xukuumaddiisa in dhaqaalaha dalka dib loosoo nooleeyo laguna sameeyo dalka dib u dhis buuxda inta ay iyagu xilka hayaan, isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed ay ka rajeynayaan inay gacan ku siiyaan gudashada waajibaadkooda.
Sidoo kale, mar uu ka hadlay waxay ka qabanayaan xiriirka Soomaaliya iyo dunida inteeda kale u dhexeeya ayuu sheegay inay ka go’an tahay inay hagaajiyaan, oo ay dalalka dunida kula dhaqmaan wanaag iyo sharaf, balse wuxuu sheegay inaysan ka ogolaan doonin in faragelin lagu sameeyo arrimaha gaarka ah ee Soomaaliya.
“Waxaan diyaar u nahay inaan dalalka dariska ah iyo kuwa kale ee caalamka kula noolaano wanaag iyo sharaf, balse ma ogolaan doonno in faragelin lagu sameeyo arrimaheenna gaarka ah,” ayuu yiri Saacid.
Xukuumadda uu soo dhisay ra’iisul wasaare Saacid ayaa waxay ka kooban tahay 10 wasiir, taasoo laba ka mid ah ay yihiin haween, waxaana xukuumaddan ay noqonaysaa tii ugu yarayd ee Soomaaliya ay yeelato muddo ka badan afartan sano.
Hadalka ra’iisul wasaaraha ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo lagu wado in la horgeeyo xukuumadda cusub ee Soomaaliya baarlamaanka si codka kalsoonida ah loogu qaado, iyadoo ay jireen maalmahan dibadbaxyo looga codsanayay mudanayaasha baarlamaanka inay kasloonida siiyaan xukuumadda cusub.
Source-Hol

Guddigii Farsamada ee ka socday shirka Magaalada Nairobi iyo Saraakiil IGAD ah oo Gaaray Magaalada Kismaayo

$
0
0

Waxaa shalay gelinkii danbe gaaray magaalada Kismaayo guddi farsamo oo ka socday shirka maamulka loogu dhisayo gobollada Jubooyinka ee mudooyinkii u danbeeyay ka socday magaalada Nairobi, iyadoona guddiga ay safarkooda ku wehlinayeen  saraakiil ka socotay urur goboleedka IGAD.
Wafdigan oo kasoo ambabaxay magaalada Nairobi ayaa markii ay gaareen garoonka Kismaayo waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay saraakiil katirsan ururka Raaskaambooni, kuwa Dowladda iyo AMISOM.
Afhayeenka dhaqdhaqaaqa Raaskaambooni C/naasir Seeraar oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda VOA ayaa sheegay in wafdiga uu ka koobanyahay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobollada Jubooyinka, wuxuuna intaa ku daray in guddigani hordhac u yahay maamulka la filayo in loo sameeyo Jubooyinka.
Shirka maamul u sameynta Jubooyinka ayaa la filayaa in dhameystirkiisa uu ka dhaco gudaha magaalada Kismaayo, waxaana magaalada Nairobi ka socoto qaban qaabo la xiriirtra arintaasi.
Afhayeenka dhaqdhaqaaqa Raaskaambooni oo dhanka kale la weeydiiyay sababta ay magaalada Kismaayo ugu soo dhaweyn waayeen wafdigii dowladda Soomaaliya ay usoo dirtay Kismaayo ayuu yiri “Kismaayo maamul baa ka jiray, inagu in aan inagala tashan waxa imaanaya waa arrin aan sax ahayn, wafdigaas in ay soo duuleen oo ay hawada usoo jiraan baan maqalnay, meel ay u scodeen iyo waxa ay ahaayeen iyo waxa loo soo diray shaqadooda midna war maynan ka hayn, hadde annagu waxaa waajib naga saaran waxa weeye shaqadanada in aan qabasanno oo aan dhahno ciddii aan ogeyn waxa ay u socoto waxaa waajib naga saaranyahay in aanan qaabilin, waana wax aan xaq u leenahay.”
Masuulkani ayaa ku eedeeyay dowaldda Soomaaliya in ay ka gaabisay kaalintii kaga aadanayd ciidamada qabtay Kismaayo, oo uu xusay in ay ahayd in dowladda Soomaaliya ay u bogaadiso ciidamadii Shabaab Kismaayo ka saaray.
“Dowladda wixii laga rabay waxay ahayd ciidanka halkan qabtay in ay bogaadiso oo u tahniyadeeso oo ay ku amaanto wixii ay qabteen iyo dhibkii ay umadda Soomaaliyeed kasoo saareen, ee ma ahayn in ay idaacadaha ka caydo,” ayuu masuulkani hadalkiisii ku daray.
Dhinaca kale masuulkani ayaa beeniyay in ay jirto dhuxul ka dhoofeyso Kismaayo, haseyeeshee wuxuu xusay in ay jirtay cabashooyin uga imaanayay ganacsato lacago fara badan geliyay dhuxusha, kuwaasoo uu xusay in ay codsanayeen in loo fasaxo in la dhoofiyo tan imika taal, wuxuuna xusay in arintaasi ay u gudbiyeen dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.
Mudooyinkii u danbeeyay waxaa soo ifbaxayay khilaaf u dhexeeya maamulka KMG ee magaalada Kismaayo iyo dowladda Soomaaliya, waxaana uu khilaafkani sii xoogeystay kadib markii wafdi ka socday dowladda Soomaaliya loo diiday in ay galaan magaalada Kismaayo kuwaasoo lagu amray in ay dib ugu laabtaan magaalada Muqdisho.
 
Source-Hol

Dr Gaboose Oo Xukuumada Ku Eedeeyey Inay Abuurtay Hay’ad Sirdoon Oo U Shaqaysa Sidii NSS-tii Siyaad Barre Oo Ka Amar Qaadata Madaxweynaha

$
0
0

“Hay’addan Waxa La Siiyey Awood Fulineed, Oo Macnaheedu Yahay Inay Xabsiyo Samaystaan Iyo Godadkii Ay Dadka Ku Garaaci Jireen, Talaabooyinka Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo Qaaday Miyaanay Ahayn Tii Maxamed Siyaad Barre Uu Qaaday”
“Maalintii Dhawayd Ee Ay Lahaayeen 70% Ayaanu Balamahayagii Fulinay Tolow Balamahoodii Ma Waxa Ku Jiray Inay 80 Suxufi Xidhaan? Dr Maxamed Cabdi Gaboose
Nov 11, 2012 Hargeysa(Cadceed) – Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Umadda Dr Maxamed Cabdi Gaboose ayaa ka digay cawaaqibka ka dhalan kara xeerka Sirdoonka Qaranka ee golayaasha Baarlamaanku ansixiyeen ee Madaxweyne Siilaanyo horyaala, kaas oo lagu abuuray hay’add Sirdoon oo u shaqaysa habkii ay u shaqayn jirtay hay’adii Nabad Sugida (NSS-tii) ee Maxamed Siyaad Bare, taas oo awood loo siiyey inay faaf-reeb ku samayn karto wararka ay baahinayaan warbaahintu, isla markaana Hay’ada Sirdoonka Qaranku ay la wareegi karto Qalabka iyo xarumaha Warbaahinta. Dr Gaboose ayaa intaasi ku daray in Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ay qaaday dhabadii Siyaad Barre uu ku banaystay ansixinta xeerkii Hay’adaha dhabar jabinta u ogaalanayey inay godad xabsiyo ah ku ridaan Muwaadiniinta dhaliila xukuumada, isla markaana maamulka hay’adaasi ay hoos timaado Madaxweynaha.
Gudoomiyaha Ururka Umadda Dr Maxamed Cabdi Gaboose ayaa sidaasi ka sheegay Khudbad uu shalay ka jeediyey Xuska Maalinta Xoriyada Saxaafada Somaliland oo lagu qabtay Hotel-ka Imperial ee magaalada Hargeysa, kaas oo uu sidoo kale ku naqdiyey qiimayntii xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ay ku sheegatay in boqolkiiba 70 ay fuliyeen balanqaadyadii xiligii ololaha doorashada Madaxtooyada xisbiga Kulmiye ku balan qaaday.
Waxaanu Gaboose hadalkiisa ku bilaabay “Maanta oo aynu xusayno maalinta Saxaafadda xorta ah ee Somaliland oo runtii ay ahayd inay intan ka miisaan waynaato Xafladda lagu xusayo maalinta Saxaafadda iyo Geeridii Maxamuud Cabdi Shide oo ahaa halgamaa saxaafadda xili adag wax weyn ka qabtay iyo xuska kale ee ah Wariyihii Axmed Faarax oo dhawaan ku geeriyooday Laascaanood dhamaantood Ilaahay naxariistii Jano ha ka waraabiyee.
Maanta micnaha Saxaafadda Somaliland isku sheegi mayno oo iyada oo Warbaahinteenu curdin ah, waxaanay tahay Warbaahinta Somaliland kuwo kaalin baaxad leh ka soo qaatay dalkan jiritaankiisa iyo halka uu taagan yahay oo cid dafiri kartaa ma jirto. Saxaafadda caalamku marka dalalka dimuqraadiyada laga hadlayo waa aalad wanaagsan oo dhismaha qaranka u adeegta, marka laga hadlayo shuuciyada iyo dalalka Kali-taliska ahna waa aalad burburisa Qaranimada oo dadka cadaw ku ah, Saxaafada Somaliland aniga oo intii danbe Kulmiye la halgamayey waxaan markhaati ka ahay isbadalka yimid ee Kulmiye ku guuleeyey doorashada in quwadii riixaysay ay ahayd Saxaafadda oo markaa Xisbiga Kulmiye aad ugu hiilisay, isla markaana bulshadda u soo bandhigaysay mihiimadda Isbadal wanaag keena oo dalka ka hirgala”.
Dr Gaboose mar uu ka hadlayey Tacadiyada xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo kula kacdo warbaahinta dalka ayaa waxa uu yidhi “Waxa maanta xusid mudan oo mugdi iyo nasiibdaro ah in ururka Saxafiyiinta ee SOLJA uu si cad ugu dhawaaqay in Somaliland intii ay jirtey iyo Madaxwaynayaashii soo maray ilaa C/raxmaan Tuur, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Daahir Rayaale in Suxufiyiintii ay xidheen mudadaas inay ka badan yihiin Suxufiyiinta uu xidhay Maamulkan Madaxwayne Siilaanyo oo saddex jibaar in ku dhaw ay ka badan yihiin dawladihii hore oo ay 80 in ku dhawdhaw ay cago-cagaynayso, run ahaantii waa wax aad iyo aad murugo u leh oo laga xumaado. Maalintii Dhawayd Ee Ay Lahaayeen 70% Ayaanu Balamahayagii Fulinay Tolow Balamahoodii Ma Waxa Ku Jiray Inay 80 Suxufi Xidhaan? Waxaana taas ka daran dhaqan aanay lahayn maamuladii hore oo aan anigu aad iyo aad uga yaabay oo ah jidh dilid iyo bahdilid oo waliba hablaha oo dhaqankeena ay ahayd xormo iyo sharaf la garaacayo. Dilka iyo bahdilkaasba waxa jira wax ka daran oo ka culus ayaa soo baxay oo ah Xeerka Sirdoonka Qaranka ee Xeer Lr 59/2012 ka soo gudbay golayaasha oo maanta Madaxwaynaha u horyaala inuu Ansixiyo ayaan inyar ka odhanayaa. Xeerkan Sirdoonka Qaranku wuu ka baaxad wayn yahay labada qodob ee aan arkay ee ay Saxaafadu hoosta ka xariiqday, Xeerkani waxa uu abuurayaa hay’ad cusub oo aan dalka si sharci ah hore uga jirin ayaa la abuuray oo hay’adaas magaceedu waa Sirdoonka Qaranka, hay’adan iyo aniga taariikh ayaa na soo kala dhexmartey oo rukunadda ugu waawayn ee aanu Maamulka Madaxwayne Siilaanyo isku qabanayna hay’addan ayaa ka mid ahayd. Waxa dhacday habeen wakhti danbe oo waagu soo dhawyahay ayaa waxa i toosiyey taliyihii bilayska ee wakhtigaa Cilmi Kabaal waxa uu ii sheegay in 200 in ka badan oo ciidan ah oo hubaysani ay ka soo gudbeen aaga Saylac oo ay soo dhexmareen dhul baaxadiisu dheer tahay oo gobolka Awdal ah, isla markaana ay halkaas ka galeen buuraha oo ay rabeen in amniga Ethiopia ay khalkhaliyaan, waxaan ku idhi maxaad u ogaan wayday marka ay ciidanka intaas tiradoodu leegtahay ay soo gudbayeen, waxaanu ii sheegay inaanay bilaysku lahayn hay’add sirdoon oo intaanu falkaasi dhicin wax u sheegta, waxaanu ii sheegay in hay’adda sirdoona qaranku ay Madaxwaynaha toos u hoos timaado oo cida qudha ee ay wax u sheegayaan uu isaga yahay. Waxa subaxnimadii Jaraa’idka ku soo baxay inaanu Dakhtarku (Gaboose) aanu ku haboonayn Wasaaradda Daakhiga, markaan dareemay inay ummadu xaq u leedahay in Amniga gudaha la igula xisaabtami karo waxaan u tagay Madaxwaynaha, waxaanan u sheegay inaanay Wasaarada Arrimaha Guduhu awood u lahayn inay waxyaabaha dhacaya sida Qaraxyada ay ogaato inaanay dhicin ka hor, inta aanu ogaanaana ay tahay inta ay shacbiga nabada jecel ee reer Somaliland ay noo soo gudbiyaan. Waxa kale oo aan u sheegay inaanay Wasaaradda Daakhiligu waxba ka ogayn xataa waxa ka soo dega Madaarada dalka iyo Dekaddaha, isla markaana Hay’ada socdaalka oo sharciyan Wasaarada Arrimaha Gudaha hoostimaada inay xogaha u gudbiso Madaxtooyada oo ay iyagu maamulaan, intaas ka dib waxaan aqoon badan ka helay taliyihii ka danbeeyey Cilmi Alle ha u naxariistee Maxamed Saqadhi Dubad. Mida kale Hay’adda Sirdoonka Qaranka waxa loogu talo galay inay xuuraanto dhibaatooyinka dalka loo gaysankaro, laakiin nasiibdarada aan la kulmay mudadii aan joogay waxa ka mid ah in hay’addan oo aan sharci ku dhisnayn isla markaana sharcigeedii imika dalka laga yagleelayo, sharcigani waxa uu Sirdoonka u fasaxayaa inay inta ay Huteelada tagaan iyaga oo aan wax lagu aqoonsado aan sidanin inay dadka iska soo qabsadaan oo ay ku xidhaan xafiisyadooda, waxa kale oo jira in dadka ay qabato hay’adani in isaga oo sharcigii odhanaya waa in 48 saacadood gudahooda lagu horgeeyo Maxkamadda waxay haysankaraan mudo dheer oo sanado ah ay xabsiyadooda ku hayaan oo Wasiir iyo Taliye sii dankaraa aanu jirin oo Madaxwaynaha oo kaliya uun amarka ka qaadanaya. Arimaha hada mudo dheer doodeedii iyo nacaybkoodu abuurmay iyo wixii aan diidanaa ayaa halkan lagu soo qoray waan idiin sheegayaa.
1: Waxa la abuurayaa Hay’add u shaqaynaysa sidii NSS-tii Maxamed Siyaad Barre oo wax alaalo waxay ku shaqaynaysay ayaa Xeerka Sirdoonka Qaranka ku qoran, waxaan idiin sheegayaa wax aydaan ogayn oo idinku aad ka eegteen oo kaliya dhinaca Saxaafadda, hay’addan cusub cid daba qal ku samaysa (Monitaring) oo looga dacwooda ma jirto, bal waxaad qiyaastaa baaxada shaqo ee Madaxweynaha Qaranka laga sugayo, dambiga ay hay’adani gasho cida looga dacwoonayo.
2: Dambiyada ay dadka ku xidhayaan magacyadoodu waxay noqonayaan Haybadad iyo sumcada qaranka ayey waxyeelayaan, hadii wariyuhu Madaxweynaha wax ka qoro ma haybadii iyo sumcadii Qaranka ayuu wax yeelay. Hay’addan waxa la siiyey awood gacan ka hadal oo awood fulineed ayaa la siiyey, Sirdoonka Qaranku waxa uu ahaa inuu xogta ururiyo oo Wasaaradihii khuseeyey ay iyagu talaabadii qaadaan, waxaa lagu yidhi awood waxaad u leedihiin warbixin kasta oo khatar ku ah dalka in aad gacanta ku qaban kartaan faldambiyeedkaas, taas micnaheeduna waa inay Xabsiyo samaystaan oo ay Godadkii ay dadka ku garaaci jireen samaystaan oo ay noqdaan hay’add ka madaxbanaan hay’adihii distuurku ogolaaday. Qodobka 7-aad ee Xeerka Sirdoonka Qaranka farqadiisa 11-aad waxay odhanaysaa waa inay Sirdoonku la socdaan Warbaahinta iyo qalabka ay isticmaalayaan, ma waxa ay macnaheedu tahay in iyaga fasax looga qaadanayo Cajaladaha Tv-yada iyo qoraalada Wargeys-yadu ay qorayaan waa inay la socdaan oo iyaga marka hore loo gudbiyaa ayuu qorayaa xeerku, , waxaanay awood u leeyihiin inay hubiyaan ujeedooyinka ku duugan qoraaladooda. Talaabooyinka xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ay qaaday miyaanay ahayn tii Maxamed Siyaad Barre uu qaaday ee loo ansixiyey inay wax wal oo la qorayo ay la socdaan. Waxa dhibaato iyo masiibo wayni ka dhicikartaa golayaashii sharci dajinta iyo xukuumadii oo isku milmay oo aan la akhrin karaynin. Waxa taas ka daran Sirdoonkii waxay noqdeen Garsoor oo waxa la yidhi waxay awood u leeyihiin inay la wareegaan qalabka loo isticmaalay faldambiyeedkasta”.
Source-cadceed

Waa Gar Inay Cawdaan Xildhibaanada Ka Soo Jeeda Gobolada Awdal Iyo Salal By Maxamed Cabdillaahi Dubbe

$
0
0

Umad walba oo Ilaahay bogcad kuwada beeray waxay kala mudanyihiin ixtiraam, cadaalad iyo wax wada qaybsi. Hadii aynu sii baacino dhawaaqa ka soo yeedhaya xildhibaanada gobolada Awdal iyo Salal waa mid ay gar u leeyihiin hadii ay wax tabanayaan. Hadii umadi ay samaysato maamul iyo shuruuc iyo awood qaybsi ay isku hagaan oo ku kala badbaadaan waxa fiican in sideeda loogu dhaqmo oo loo cadaalad sameeyo.
Hadaba waxaynu ku sababayn karnaa cabashada xildhibaanadaa qodobadan hoose.
B- Waxaa dalka ka jira awood qaybsi u badan hay,adaha sarsare ee dalka. Tusaale ahaan xukuumada maanta jirta ee ay ka cabanayaan xildhibaanadaasi waxay ku takri fashay awood qaybsigii beelaha kala duwan ee dalka iyadoo si cadaalada ka fog ugu sad burisay beesha dhexe ee uu kasoo jeedo madaxweyne Siilaanyo, halkii looga fadhiyey inuu soo dhaweeyo beelaha kale ee darafyada oo u dhiibo jagooyinka sarsare ee dalka si ay ugu niyadsamaadaan inaan cidna ka lahayn dalka iyo maamulkaba.
Bal u fiirso wasiirada ka tirsan xukuumada Kulmiye ee kasoo jeeda Beesha dhexe ee haya jagooyinka muhiimka ah:
1- Wasiirka arimaha dibedda iyo xidhiidhka calaamiga ah.
2- Wasiirka maaliyada.
3- Wasiirka Warfaafinta iyo wacyigelinta.
4- Wasiirka Waxbarashada.
5- Wasiirka Qorshaynta.
Shantan wasiir ku darsoo waa isku sii jifo hoose, wayna dhici kartaa inaan qaar kale ka booday.
6- Wasiirka Madaxtooyada.
7- Wasiirka Macdanta iyo biyaha.
8- Wasiirka Sportska ama ciyaaraha.
9- Wasiirka duulista iyo hawada.
10- Wasiirka diinta iyo awqaafta.
11- Wasiirka Cadaalada.
12- Wasiirka xanaanada xoolaha.
13- Wasiirka kaluumaysiga iyo khayraadka badda.
14- Wasiirka Arimaha gudaha.
CADAALAD MIYAA 14 WASIIR OO ISKU REER AHI?.
Akhristaw 14kan wasiir ee kor ku xusan ee kasoo jeeda beesha dhexe oo aan filayo inaan qaar ka tegay amaba ilaawayba waxaynu ka dheehan karnaa sida ku talax taga ah ee beesha dhexe ee somaliland ku hanatay awood qaybsigii xukuumadeed ee dalka.
Waxaa intaa sii dheer oo aynaan meeshaba ku darin jagooyinka kale ee ay ka midka yihiin: wasiiro ku xigeen, agaasimayaal, maxkamadaha, guurtida, wakiilada iyo in kaloo aynaan halkan kusoo koobi karin oo ay beesha dhexe xantoobsatay.
Dabcan waxaynu wax ku dooranaa qaab dimoqraadi oo qabiil huwan oo waa loo yara kala badanayaa jagooyinka la quud daraynayo ee dawlada, laakiin waxaa marag madoon ah inaan loo agaasimin sidii cadaaladu ina faraysay.
Sida caadada reer somaliland ahaan jirtayna waxay ahayd in beelaha darafyada ee cabanaya laga fuudhyeelo hadii ay beesha dhexe ku fadhido kursiga sare ee madaxweynanimo.
Isku soo wada duuboo shayga rag ama bulsho deeqdaa waa cadaalad, hadii la waaayana ” sidii cawsha kala yaac”. Waxaana looga fadhiyaa madaxweyne Siilaanyo in uu jagooyinka muhiimka ah sida arimaha dibedda, maaliyada, waxbarashada uu u magacaabo gobolada sii beriyeeya ee dalka sida Sool, Buuhoodle iyo Badhan iyo Hadaaftimo, isla markaana uu xilal badan ka xayuubiyo wasiirada beeshiisa ah ee uu isku xeeray si dalku isugu soo dhawaado, loona dareemo in cadaalad iyo sinaani ka dhex muuqato.
Somalilandfuture Online.
Maxamed C. Dubbe.
mohdubbe@hotmail.com
NORWEY.

AMISOM oo Qabatay Dood ku Saabsan Sidii Haweenka Soomaaliyeed loogu Dhiiri-gelin lahaa inay Qayb Weyn ka Qaataan Siyaasadda iyo Hoggaaminta Dalka

$
0
0

 

 
 
 
 
 
 
Dood looga hadlayay sidii haweenka Soomaaliyeed ay kaalin weyn ugu yeelan lahaayeen siyaasadda iyo hoggaaminta dalka ayaa maanta oo Isniin ah lagu qabtay xarunta ciidamada Midowga Afrika [AMISOM] ee magaalada Muqdisho.
Dooddan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay xafiiska jinsiga ee AMISOM oo loo yaqaan [AMISOM Gender Office], waxaana ka qaybgalay haween ka kala socday ururrada bulshada rayidka ah, baarlamaanka iyo haween ka tirsan booliiska Soomaaliya.
“Waxaan soo dhaweynaynaa in kulankan markii ugu horreysay ay qabato AMISOM, waana qorshe lagu doonayo in lagu dhiirrigeliyo haweenka Soomaaliyeed si ay qayb uga qaataan siyaasadda dalkooda,” ayuu yiri Xaaji Sabaruundi oo ah madaxa xafiiska siyaasadda ee AMISOM ee Soomaaliya.
Sidoo kale, madaxa xafiiska jinsiga ee AMISOM, Mane Axmed oo u dhalatay dalka Jabuuti ayaa kulanka ka sheegtay in kulankaan ay ugu talogaleen inay haweenka Soomaaliyeed ku dhiirrigeliyaan inay kaalin mug leh ka qaataan hoggaaminta iyo siyaasadda dalkooda.

“Haweenka Soomaaliyeed waxaa la yiraahdaa waa kuwo wanaagsan, balse si weyn ugama dhex muuqdaan siyaasadda iyo hoggaaminta dalka, kulankaan waxaan ugu talogalnay inaan haweenka Soomaaliyeed ku xoojinno si ay kaalintooda u qaataan,” ayay tiri Mane Axmed.

Dood looga hadlayay kaalinta haweenka ay ku leeyihiin siyaasadda iyo hoggaanka dalka ayaa la qabtay intii uu kulanku socday, dooddaas oo ay daadihinaysay Nafiso Geeddi Santuur, waxaana ka qaybgalay, Faadumo Cabdullaahi Insaaniya, Sheekh Cali Maxamuud (Sheekh Cali Wajiis), xildhibaan Maxamed Amiin iyo Maryan Yuusuf.

Xubnaha doodda ka qaybgalay ayaa waxay isku raaceen in caqabadaha ka haysta haweenka Soomaaliyeed inay kaalimaha hore ka galaan hoggaaminta dalka iyo siyaasadda ayay ku sheegeen dhowr qodob oo ay ka mid tahay aqoon-darro iyo beelaha Soomaaliyeed oo aan aamisanayn in haweenku wax hoggaamin karaan.
“Haweenka waxaa loo qoondeeyay inay 30% ku yeeshaan baarlamaanka taasna ma dhicin oo waxay hadda ku leeyihiin 14%, balse niyad-jabkaas waxaa naga mayray markii haweenka Soomaaliyeed laga siiyay golaha wasiirrada 20%,” sidaa waxaa tiri Faadumo Insaaniya oo la weydiiyay su’aalo ku saabsan caqabadaha haweenka ka hortaagan inay hoggaaminta iyo siyaasadda kaalin weyn ku yeeshaan.
Sidoo kale, Sheekh Cali Wajiis oo isaguna hadlay doodda ayaa sheegay in diinta Islaamku ay xuquuq fara badan siisay haweenka, isagoo xusay in haweenku kaalin ku leeyihiin hoggaaminta bulshada maadaama ay yihiin hooyooyinka soo barbaariya ubadka.
“Haweenka waxaa lagu magacaabay suurad dhan oo qur’aanka kariimka ku jirta, ma jirto cid xaqiri karta kaalintooda, waxaana ku boorrinayaa inay dadaal dheeraad ah u galaan sidii ay kaalin weyn ugu yeelan lahaayeen hoggaaminta dalka,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis oo hadalkiisa ay aad ugu riyaaqeen haweenkii kulanka goobjoog ka ahaa.
Sidoo kale, doodda ayaa waxaa ka hadlay xidhibaan Maxamed Amiin, isagoo xusay in haweenku aysan ka daalin kaalintooda, isagoo xusay in loo baahan yahay inay ka shaqeeyaan sidii ay isugu xirnaan lahaayeen ayna u muujin lahaayeen inay baahi weyn u qabaan inay helaan xaquuqdooda ku aaddan hoggaaminta dalka iyo siyaasadda.
Maryan Yuusuf ayaa iyaduna sharraxaad ku bixisay in haweenka ay xoogga saaraan sidii ay xuquuqdooda ugu raadsan lahaayeen qaab sharci ah, iyadoo xustay in 30% oo laga siiyay baarlamaanka aysan ahayn dastuuri, balse loo baahan yahay inay iyagu ka dhigaan qodob dastuuri ah si ay ugu doodaan haddii lagu xad-gudbo.
Haweenkii kulanka kasoo qaybgalay ayaa waxay weydiiyeen xubnihii doodda waday su’aalo ku saabsan erayo ku jiray doodooda, kuwaasoo ku saabsanaa sidii haweenku ay kaalin ugu yeelan lahaayeen ka qaybgalka hoggaanka dalka iyo siyaasadda.
Ugu dambeyn, waxaa doodda soo xiray, Sheekh Cali Sheekh Maxamuud (Sheekh Cali Dheere) oo sheegay in haweenku ay xuquuqaad fara badan siisay diinta Islaamka loona baahan yahay inay ku kalsoonaadaan, isagoo sheegay inaan la dafiri karin in haweenku ay yihiin kuwii badbaadiyay Soomaaliya xilliyadii ay colaaduhu jireen.
Source-Hol
 

Xidhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo si weyn ugu kala aragti duwan kalsooni siinta Xukuumadda Cusub ee Soomaaliya

$
0
0

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku kala aragti duwan ansixinta xukuumadda cusub ee Soomaaliya, iyadoo qaar ka mid ah xidhibaannada ay ku doodayaan in xukuumadda la ansixiyo, halka kuwo kale ay ku doonayaan in xukuumadda la ansixiyo haddii lagu qanco barnaamijkeeda siyaasadeed.
Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka mid ah mudanayaasha qaba inaan la ansixin xukuumadda oo la hadlayay VOA-da ayaa sheegay in xukuumad aan lagu qancin balse caalamka la eego barnaamijka xukuumadda ay ku shaqeynayso, kaas oo ah midka sabab u noqon kara in xukuumadda la ansixiyo.
Sidoo kale, mudanayaal kale ayaa iyaguna qaba in xukuumadda la ansixiyo si ay u billowdo howlaheeda, iyagoo sheegay in loo baahan yahay xukuumad shaqeysan xilligan, balse aan loo baahnayn doodo dib u dhac ku keenaya howlaha ay qaban lahayd xukuumadda.
Kala aragti duwanaanta u dhexeysa mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay imaanaysaa iyadoo xukuumadda aan weli la horgeyn baarlamaanka, inkastoo ay dib u dhacday maalintii Sabtida ahayd oo lagu waday in baarlamaanka la hor-geeyo si codka kalsoonida loogu qaado.
Xildhibaanno baarlamaanka ka tirsan ayaa waxay toddobaadkii hore u gudbiyeen guddoomiyaha baarlamaanka mooshin ay ku dalbanayeen inaan la ansixin xukuumadda inta laga soo dhameystirayo.
Hadalladan ayaa waxay imaanayaan xilli ay ka dhacayeen Muqdisho dibadbaxyo iyo kulammo looga dalbanayo xidhibaannada baarlamaanka Soomaaliya inay ansixiyaan xukuumadda cusub ee Soomaaliya oo ka kooban 10-wasaaradood oo keliya.
Source-Hol

Xulka Soomaaliya oo la ciyaari doona xulalka Tanzania, Burundi iyo Suudaan Tartanka Ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika CECAFA 2012

$
0
0

Xulka qaranka K/cagta Soomaaliya ee ka qeyb galaya ciyaaraha bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFA ayaa ku qeyb noqday xulalka adag ee Sudan, Tanzania iyo Burundi ee qebta B, kaddib markii goor dhaweyd ee maanta la sameeyay isku aadka ciyaarahan.
Soomaaliya waxay ciyaarta ugu horeysa ee tarankan la yaalan doontaa dalka Burundi maalinta Sabtida 25-ka bisha, ciyaarta 2-aadna waxay la ciyaari doontaa xulka Sudan 28-da bisha, halka kulanka ugu dambeeyana ay la ciyaari doonto dalka Tanzania 1-da December, waxaana dhammaan ciyaarahan si toos ah looga daawan doonaa Supper Sport 9.
Ciyaarahan oo billaabanaya 24-ka bishan ayaa waxaa ka qeyb gali doona 11 xul oo tirsan xiriirka CECAFA iyo xulka Malawi oo mari ku ah, isla markaana buuxinaya booskii xulka Jabuuti oo ka cudur daartay ka soo qeyb galka ciyaarahan.
Group A , Uganda, Ethiopia, Kenya, South Sudan
Group C, Somalia, Sudan, Tanzania, Burundi
Group D, Rwanda, Malawi, Zanzibar, Eritrea
Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa maalintii Axada aheyd wuxuu garoonka Nambole ee magaaladda Kampala ka billaabay tababar ay igu diyaar garoobayaan ciyaaran.
Sawirrada tababarka iyo wareysi aan la yeelaneyno tababaraha iyo ciyaartooyda dhawaan kala soco HOL.
Source-Hol


Xukuumadda Cusub oo la Filayo in Maanta la Horgeeyo Baarlamanka

$
0
0

Waxaa maanta la filayaa in ra’isul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya uu xukuumaddiisa cusub horgeeyo baarlamanka Soomaaliya si ay ugu qaadaan codka kalsoonida.
Fadhi ay maanta isugu imanayaan mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya ayaa la filayaa in ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya uu soo xaadiro si uu halkaasi ugu soo bandhigo qorshaha xukuumaddiisa cusub.
Xildhibaan Max’ed Cumar oo katirsan xogheynta baarlamanka oo warbaainta Muqdisho la hadlay  ayaa sheegay in la filayo in ra’iisul wasaare Shirdoon uu maanta hortago baarlamanka, si uu uga hor aqriyo qorshaha xukuumaddiisa cusub.
Sabtidii aynu soo dhaafnay ayay ahayd in xukuumadda cusub la horgeeyo baarlamanka, haseyeeshee waxa ku yimid dib u dhac, waxaana la filayaa in maanta xukuumadda cusub loo qaado codka kalsoonida.
Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa dibadbaxyo waaweyn oo ay ka dhigeen magaalada Muqdisho waxay uga codsadeen mudanayaasha baarlamanka Soomaliya in ay ansixiyaan xukuumadda cusub ee uu soo magacaabay Ra’isul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), oo ay ku tilmaameen in ay tahay xukuumaddii ugu wanagsanayd ee soo marta Soomaaliya.
Xukuumaddan cusub oo ka kooban ilaa 10 wasiir ayaa noqoneysa tii ugu tirada yarayd ee abid soo marta Soomaaliya, waxaana xusid mudan in xukuumaddani cusub ay ku jiraan laba wasiir oo dumar ah.
Source-Hol

Daawo Sawirada Fanaanada Soomaaliyeed Ee Nimco Dareen Oo Si Wayn Loogu Soo Dhaweeyay Xarunta Kilinka Shanaad Ee Jig-Jiga

$
0
0

Waxaa Maanta si heer sare ah oo huwanayd Xamaasad iyo Muxubo Jacayl loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga
ah ee Wiil-waal Airport ee Magaalada Jigjiga Fanaanada Da’da yar ee Quusisay Warxumo-tashiilkii UBBO ay la dhex meeri jirtay Dibadaha Waa Nimco Dareen-wadaniyadeede.
Nimco Dareen-wadaniyadeedayaa ay ku soo dhaweeyeen garoonka Masuuliyiin Sar-sare oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Xidhiidhka dawlada Dhaqanka iyo dalxiiska Mudane Maxamed Guure Bisle,Lataliyaha madaxweynaha Dhanka Qurbajoogta iyo Maalgashiga Mudane Maxamuud Xaaji C/shakuur,Wasiirka Xafiiska Abuurka Xulka Ah iyo Midhaha Mudane Cabdi Maxamed Gamaadiid,Ku-xigeenka Xafiiska Qurbajoogta DDSI Mudane Cabdi Khaliif (Dhoombe)Kooxda fanka ee Liyuu-Band iyo Qurbajoog Tiro badan.
Dhamaanba masuuliyiinta oo sii safnaa garoonka Diyaarada ayaa ay Markii ay nimco Dareen-wadaniyadeed ka soo dagtay Diyaaradii ay ka soo raacday saaka magaalada Addis-ababa oo ay xalay kaliya u hoyatay ayaa ay Masuuliyiinu iyo Nimco dareen Salaan Diiran iswaydaarsadeen,ka dibna Nimco loo soo daadihiyay Dhanka ay Baabuurtii loogu talo galay soo dhawaynteeda ay ku sugnaayeen,Balse waxaa yidhi Na dhaafin maysaan Kooxda Dhaqanka Liyuu-Band oo uu Hogaaminayay Abwaanka loo Bogay Waayadan Danbe ee Axmed Budul.

Kooxda Dhaqanka iyo Axmed Budul ayaa Dhaantooyin ay ku ladhnaayeen ereyo Muujinaya soo dhawaynta Nimco-Dareen-Wadaniyadeed halkaa jaanta iskula helay,halkaasooy Nimco Wadani,Masuuliyiintii iyo Fanaan Axmed khaaliq oo ka mid ahaa Dadkii soo dhaweeyay ay Baashooda kala giijiyeen Dhaantadii.

Markii ay Soo gabagabowday Soo dhawayntii Nimco Dareen ee Garoonka Diyaaradaha ayaa ay Masuuliyiintii iyo Nimco Dareen oo wada socdaa soo beegsadeen Xarunta Tababarada Booliska DDSI oo ay ka socotay Xaflada Qalinjabinta Dufcada 9aad ee Booliska DDSI.
Nimco dareenayaa Munaasabadii Qalinjabinta Booliska DDSI si ka sii daran garoonka Diyaaradaha loogu soo dhaweeyay halkaasoo ay dhamaanba ka soo qaybgalayaashii,Madaxweyne ku xigeenka DDSI ahna Hogaanka nabadgelyada iyo cadaalada Mudane C/laahi Yuusuf Weerar,Komisheerka Booliska DDSI Ridat Commisioner mudane Maxamed cali Xasan,Qurbajoog iyo Masuuliyiin kalaba ay Salaan diiran ku Qaabileen Nimco Dareen-wadaniyadeed.

 Nimco Dareen-Wadaniyadediyo Daah-furkeedii Aynu Wada Daliilsano Bal”Dalkii Horumar buu gaadhayoo Dawlad baanu nahay maantee,Calan baa dusha noo sudhan astaantii geeleenee,Xornimuu helay Dedkeeniiye,Dastuur gaara baanu leenahay iyo xeer la daabacaye,Deegaankana Wadani Qaaliyoo Daacadaw-kacaye,Duco-qabe Horseed Geesiyoon daalin baa haga’e,DALKEENUNA WAA NABAD DIBAD NIN-JOOGOOWE,danihii bulshadana HORUMAR baa deeqay shacabkiiye,Laydh aan Damayniyo Iftiin Daaran baa shidane,Dariiqiyo wadadana waxaan Marnaa Laami Daamurahe,Dugsiyada Waxbarashadaa ka badan Dixiyo Ciidaase,Daryeel Caafimaad bay helaan lagu Dawoobaaye,Dabayshiyo Jadeeciyo Cudurkii La Dabargooye,Durdurada Biyahaa Wada Burqada Lama Dagaankiiye,Dalagiyo Beeraha Nimcaa Laga Durduurtaa Wabiyadee,DAMIIRLAAWAYAASHII UBBOna DAADKU WADA QAADYE,DIBADIYO GUDAHABA RAG BAA DAAQADA U XIDHAYE”.

Isku soo wadaduubooNimco Dareen-Wadaniyadeedayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Wiil-waal iyo Xarunta Tababarka DDSI oo ay ka socotay Xaflada Qalinjabinta Dufcadii 9aad ee Booliska DDSI kuna Dhex dhaantaysa Waa Nimco Dareen-wadaniyadeede.
Source-Booramaonline 

Guddoomiyaha UCID Oo Xukuumadda Ku Eedeeyey Inay Dagaal Kula Jirto Axsaabtooda Mucaaridka, Walaac-Na Ka Muujiyey In Doorashooyin Cadaalad Ahi Dalka Ka Qabsoomaan, Madaxwaynahana Uga Digay Inuu Dhaqan Galiyo Xeerka Sirdoonka Qaranka

$
0
0

“Xeerka Sirdoonka Waxa Laga Soo Dheegay Xeerkii Siyaad Barre Oo Dadka Ayaa Lagu Cabudhinayaa, Waxa Uu Fasaxayaa In Hadii Aad Madaxwaynaha Wax Ka Sheegto In Lagu Xidho”Eng. Faysal Cali Waraabe
 
Hargeysa, November 12, 2012- idhanka) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee New UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa walaac ka muujiyey sida ay dalka uga qabsoonto doorasho cadaalad u dhacdaa, isaga oo eedayn kulul u soo jeediyey xukuumadda oo uu sheegay in halkii ay kaga mashquulsanaan lahayd inay dalka horumarintiisa ka shaqayso ay ku mashquulsan tahay bur burinta axsaabta ay u aragto inay danaheeda gaarka ah khatar ku yihiin.
Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu sidaas ku sheegay mar uu maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Magaaladda Hargeysa, kaas oo sidoo kale ka hadlay xeerka sirdoonka oo uu sheegay in uu meel kaga dhacayo xoriyatul qawlka, isla markaana uu burburinayo Dimuqraadiyadii Somaliland ku soo caano iyo nabadba maashay.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Xuseen isaga oo arimahaas ka hadlayana, waxa uu hadlakiisa ku bilaabay “Shirkani waxa uu ku saabsan yahay guud  ahaanba ololaha doorashooyinka Somaliland halka ay marayaan iyo laba xeer oo ay dhawaan labadda gole ee Guurtida iyo wakiiladu dhawaan ansixiyeen, kuwaas oo kala ah ka sirdoonka iyo waliba ka saxaafadda.
Hadii aan ku horeeyo ololaha doorashooyinka waxa aynu gelaynaa wareegii saddexaad ee ololaha doorashadda deegaanka, waxaanad moodaa in uu dalka guud ahaantiiba olole uu ku jiro.
Hadii aynu soo qaadano Golaha Wakiiladda Xeer Lr 14 ayaa u ogolaanaya oo waxa ay galeen olole, xildhibaanadii Wakiiladu nin waliba waxa uu galay urur dabadeedna, waxa ay u ololeynayaan, Golaha guurtidu dhinacba u ololeynayaan, Wasiiraddii, Agaasimeyaashii, Maareyihii ayaa iyaguna ololaynaya, markaa waxa meesha ka maqan cududii saddexaad ee inoo gar qaadi lahayd, mar hadii ay xukuumaddii oo ugu sareeyo Madaxweynihii ololihii ka qayb galay”.
Eng. Faysal Cali Waraabe isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya khatarta lagu qariyey Xeerka Sirdoonka Qaranka ee Xeer Lr 59/2012, oo ay duuduub ku ansixiyeen Baarlamaanku imikana horyaala Madaxwayne Siilaanyo, waxaanu yidhi “Xeerarkan la sameeyay ee ka hadlaya Sirdoonka waxa aad moodaa in laga soo dheegay xeerkii Maxamed Siyaad Bare, waxa aad moodaa in uu yahay mid lagu Cabudhinayo dadka reer Somaliland, lana doonayo in wixii aynu ka soo noolaanay ee ahayd Xorriyatul qawlka ka soo horjeeda, ilaa waxa uu doonayaa in dadka reer Somaliland siyaasi iyo cid kastaba la duubo, waxa uu fasaxayaa in hadii aad Madaxweynaha wax ka sheegto in lagu xidho karo.
Waxa aad moodaa in Xeer Lr 14 oo aynu dhawaan sii daynayo oo loo bixiyay shirqool Lr 14, maalintii aynu kaa sii daynay ayaynu dhacnay.
Kaas iminka Warbaahinta ee la leeyahay hadii uu wax qoro xitaa qalabkiisii ayaa lala wareegayaa, waxa aanu ugu baaqaynaa ururada siyaasadda inta madaxa banaan aanu ka hadalno, dadweynaha iyo ururadda bulshaddana waxa aanu doonaynaa in aanu iska kaashano oo aynaan xeerkaasi sii daynin waayo qaranimadii Somaliland ayaa meel khatar ah geli doonta”.
Sidoo kale waxa Guddoomiyaha Xisbiga shirkaas Jaraa’id ku wehelinayey Xogyaha xisbiga UCID iyo Xildhibaan  Maxamed Faarax Qabille, waxaanay dhaamantood dhaliil u soo jeediyeen Xukuumadda oo ay sheegeen inay isku dir ku wado shacabka Somaliland.
Source-Halbeegnews

Miisaaniyadda Somaliland

$
0
0

Somaliland waxa ay sheegtay in markii ugu horreysay ciidamadeeda ay lebisan doonaan derejo, isla markaana ay qaadan doono mushaharka derajada sida ay dhigeyso miisaaniyadda sanadka 2013.

Qaraxii ugu khasaaraha badnaa isbuucaan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

$
0
0

Waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay qarax khasaaro badan geystay iyadoo qaraxaan ay wax yeelo kala duwan ka soo gaartay dad fara badan oo shacab oo masaakiin ah.
Nin dhalinyaro ah ayaa wuxuu galabta uu bambo gacmeyd uu ku weeraray gaari uu la socday Gudoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Ammaanka ee Degmada Kaaraan ee Maamulka Gobolka Banaadir.
Xilli gaarigaan uu maraayay Isgoyska Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, ayuu ninkaan dhalinyarada ah uu ku weeraray qarax bambaano, hase ahaatee bambada ayaa waxay ku soo dhacday meel maqaaxi ah, oo ay jooggeen dad fara badan.
Bambada ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa 16 ruux oo dad shacab ah, kuwaa oo dhamaantood ka wada tirsan shacabka ku dhaqan Degmada Kaaraan, waxaana loo qaaday Isbitaalada ku yaala Magaalada Muqdisho.
Ciidamada Ilaalada ee Gudoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Ammaanka ee Degmada Kaaraan, ayaa waxay toogteen ninkii bambada ku soo weeraray, kaasoo ka tirsan Ciidamada Al Shabaab ee Gobolka Banaadir.
Si kastaba ha-ahaatee Gudoomiyaha Degmada Kaaraan ee Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda Mudane Cali Calasow Xasan, ayaa wuxuu caawa sheegay in Ciidamada Dowladda ay toogteen ninkii bambada ku soo weeraray gaarigii uu la socday Gudoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Ammaanka ee Degmada Kaaraan.

Xadgudubyo ka dhacay Kismaayo

$
0
0

Hey'ad xuquuqda aadanaha u doodda ayaa ku eedeeysay maamulayaasha agaalada Kismaayo inay geysanayaan xadgudubyo ka dhan ah bini'aadanimada.

Ciidamada Itoobiya oo maanta laga laayay askar badan iyo dad shacab ah oo ay ku qamaameyn

$
0
0

Ciidamada Dowladda Itoobiya ayaa waxay maanta khasaaro culus ay kala kulmeyn Ciidamada Xarakada Al Shabaab, oo si weyn uga soo horjeeda joogitaanka dalka ee Ciidamada Itoobiya.
Ciidamada Itoobiya oo ka soo baxay Magaalada Baydhabo kuna sii jeeday Degmada Bardaale ee Gobolka Baay, ayaa waxaa wadada u galay ciidan xoogan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab, waxayna labada dhinac ay si weyn ugu dagaalameyn Deegaanka Aw Diinle, oo qiyaastii ilaa 30km Dhinaca Galbeed kaga toosan Magaalada Baydhabo.
Dagaalada ayaa waxay ku bilowdeen qarax miino oo ay Xoogaga Shabaab la beegsadeen mid ka mid ah gawaaridii ay la socdeen Ciidamada Itoobiya, iyadoo qaraxu uu burbur xoogan uu u geystay gaarigaasi.
Waxaa xigay dagaalo xoogan oo labada dhinac ku dhex maray Deegaanka Aw Diinle, waxaana la soo warinayaa in labada dhinac ay dagaaladu isugu adeegsadeen noocyada kala duwan ee hubka.
Gaarigii qaraxa lala beegsaday oo nooca Uuraalka loo yaqano ah ayaa waxaa dhintay inta badan ilaa 25 askari oo la socotay, iyadoo tiro kalana ay ka soo gaareyn dhaawacyo kala duwan.
Ciidamada Itoobiya ayaa waxay ku qamaameyn shacabka ku dhaqan Deegaanka Aw Diinle, iyagoona ku garaacay hubka ridada dheer ee BM-ka loo yaqaano, kaasoo ay reer Muqdisho sanadkii 2007-dii ay ugu magac dareyn fooriyow/fooriyaha.
Ciidamada Dowladda Itoobiya ayaa waxay maanta si weyn ay uga caroodeen weerar kamiin ah oo ay u dhigeen Xoogaga Shabaab, iyadoo weerarkaan uu noqonaaya mid khasaaro culus uu ka soo gaaray Ciidamada Itoobiya.


Baarlamaanka oo Ansixiyey Xukuumaddii RW Saacid

$
0
0

Mudanayaasha Baaralamanak Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta si aqlabiyad leh ku ansixiyey xukuumadda cusub ee dhawaan uu soo magacaabey Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon.

Madaxweynaha oo soo dhaweeyay arin la wada sugayay oo laga gudbay

$
0
0

Mogadishu, Somalia, November,13, 2012) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweyey taallaabdii maanta Golaha Baarlmaanku ku ansixiyey Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra’iisul Wasaare Mudane Cabdi Faarax Shirdoon.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa aad uga mahad-naqay Baarlamaanka sida ay codka kalsoonida u siiyeen Xukuumada cusub “Tani waxay muujineysaa kalsoonida ay nagu qabaan Baarlmaanka sharafta leh iyo Shacabka ay matalaan, waana ku kalsoonaa oo waan ka filieyey sidan iyo si ka wanaagsan” ayuu yiri Madaxweynuhu.
Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay Xubnaha Cusub ee Golaha Wasiiradda ee maanta la ansixiyey inay si deg deg ah howlahii loo igmaday uga shaqa galaan.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha wuxuu ka codsaday Baarlmaanka iyo Shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan Xukuumadda cusub “ Shaqsiyaadkaasi masuuliyadda loo dhiibay maaha in howshu qaran faraha looga qaado , dhammaan sida aan u dhan-nahay waa in aan la shaqeynaa, ayuu yiri Madaxweynahuhu.
- Dhamaad –

Xukuumadda cusub ayaa la ansixiyay

$
0
0

Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay xukuumadda cusub ee Soomaaliya. 219 Mudane ayaa codkooda siiyay, 3 way diideen, halka 3 ay ka aamustay. Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyay.

Warbixinta ansixinta dowladda

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Ansaxinta Golaha Wasiirada iyo fariin uu u diray Golaha Wasiirada (Aqriso)

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweyey taallaabdii maanta Golaha Baarlmaanku ku ansixiyey Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra’iisul Wasaare Mudane Cabdi Faarax Shirdoon.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa aad uga mahad-naqay Baarlamaanka sida ay codka kalsoonida u siiyeen Xukuumada cusub “Tani waxay muujineysaa kalsoonida ay nagu qabaan Baarlmaanka sharafta leh iyo Shacabka ay matalaan, waana ku kalsoonaa oo waan ka filieyey sidan iyo si ka wanaagsan” ayuu yiri Madaxweynuhu.
Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay Xubnaha Cusub ee Golaha Wasiiradda ee maanta la ansixiyey inay si deg deg ah howlahii loo igmaday uga shaqa galaan.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha wuxuu ka codsaday Baarlmaanka iyo Shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan Xukuumadda cusub “ Shaqsiyaadkaasi masuuliyadda loo dhiibay maaha in howshu qaran faraha looga qaado , dhammaan sida aan u dhan-nahay waa in aan la shaqeynaa, ayuu yiri Madaxweynahuhu.

- Dhamaad –

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live
<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>
<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596344.js" async> </script>