Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saraakiisha Ciidanka Oo Kulan Amaanka Looga Hadlayey Wada Qaatey

$
0
0

Mogadishu (Sh.M.Network)— Kadib  kulan looga hadlaayey Amaanka oo saraakiisha Ciidanka Qalabka sida ay la qaateyn Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Pro Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Jeneraal Cabdi Kariim Yuusuf  Dhago Badan oo kulanka amaanka looga hadlayey ka Hadley ayaa waxa uu wacad ku marey in aysan arki doonin askari jidgooyo u taalo waxa uuna tilmaamey abaanduulaha iney halkaasi ku dili doonaan askarigii jidgooyo utaalo isla markaana Lacag sharci daro ah ka qaadayo dadka iyo Gaadiidka isticmaala wadooyinka magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo Gobolada Dalka.
Jeneraal Cabdi Kariim Yuusuf Aadan Dhaga badan waxa uu baaq digniin ah u direy askarta u taalo jidgooyooyinka isagoona sheegey in askartaas sida uga dhaqsiyaha badan uga tagaan jagboontiyada u yaalo wadooyinka.
Axmed Macalin Fiqi Agaasimaha hay’ada Nabad Sugida qaranka oo kulanka ka Hadley ayaa waxa uu sheegey in aysan jirin wax aanan wax laga qaban karin waxa uuna sheegey in wasaarada Arimaha gudaha ay u qabatey qorsho 100 maalin ah oo lagu xaqiijinayo magaalada caasimada ah ee muqdisho iyo guud ahaan gobolada hada gacanta ku hayso Dowladda Soomaaliya.
Taliyaha Ciidamada Boliska Soomaaliya Shariif Sheekunaa Maye oo ka mid ahaa saraakiisha ku sugneyd kulanka looga hadlayey Amaanka ayaa waxa uu sheegey hadey yihiin ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ay kaalin muuqata ka geesan doonaan xaqiijinta iyo sugida amaanka magaalada muqdisho iyo deegaanada ay dowladda gacanteeda soo gashey isagoona sheegey in madaxweynaha markii la dooranaayey uu balan qaadey in uu wax ka qaban doono amaanka iyo cadaalada dalka .
Habeenimadii xalay aheyd Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya kulan looga hadlayey amaanka waxa uu kula qaatey xarunta Madaxtooyada Vilaa Soomaaliya  saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Soomaaliya waxaana saraakiishii ka qeyb gashey kulankaasi wacad ku mareyn in ay gacan bir ah ku qaban doonaan askarta dhibaateyneysa shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo sidoo kale isbaarooyinka faraha badan ee yaala Gobolka Banaadir.


Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo digniin culus u diray ciidamada dhaca iyo kufsiga u geysta shacabka Soomaaliyeed, taliyayaasha ciidankana u sheegay…

$
0
0

Waxaa shalay ka dhacay magaalada Muqdisho illaa sedex kulan oo looga hadlayey ammaanka magaalada Muqdisho, gobolada dalka iyo anshaxa ciidamada, waxaana kulamadaasi oo ay goonigooni u yeesheen saraakiisha dhinaca ammaanka ee dowladda iyo Madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo kulamo goonigooni ahaa oo dhexmaray saraakiisha dhexdooda intaba looga hadlay ammaanka iyo xasiloonida sidii dalka loogu soo celin lahaa, iyo sidii wax looga qaban lahaa anshax xumada ay caadeysteen qaar ka mid ah ciidamada dowladda, kuwaas oo dhac u geysta dadweynaha, halka kuwo kalena isbaarooyin lacago xad-dhaaf lagu qaato ay dhigtaan waddooyinka isku xira Muqdisho iyo gobolada dalka.
 Madaxweynaha oo ka hadlay kulanka uu la yeeshay saraakiisha ayaa sheegay inay lagama maarmaantahay in wax laga qabto anshax xumada ay geystaan qaar ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay inay dhibaateeyaan dadweynaha, wuxuuna intaasi ku daray in loo baahanyahay in ciidamada lagu ilaaliyo amniga iyo xasiloonida dalka, taas bedelkeedana laga ilaaliyo inay dadka waxyeelo u geystaan, wuxuuna isagoo arrimahaasi ka hadlaya uu digniin u jeediyey ciidamada anshax xumada ku kacda ee ka tirsan ciidamada dowladda.
“Askarigii dil geysta waa la dilayaa kii kufsi geystana waa la dilayaa sidaana waxaa qabta shareecada islaamka, maanta wixii ka dambeeyana waa inaanan maqal arrimaha anshax xumada ah ee lagu eedeeyo qaar ka mid ah ciidamada dowladda” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay la hadlayey saraakiisha ciidamada.
 
Dhinaca kale kulan dhexmaray saraakiisha ciidamada dhexdooda ayaa waxaa ka hadlay wasiirka gashaandhigga, taliyaha ciidamada, abaanduulaha iyo saraakiil kale, waxayna dhammaantood sheegeen in laga maarmaan ay tahay in la hirgeliyo qodobadii laga soo saaray kulankii dhexmaray Madaxweynaha iyo saraakiisha, waxaana wasiirka gaashaandhigga uu sheegay in isbedelkii dalku ka dhacay ay qeyb weyn ku lahaayeen ciidamadu, laakiin ay jiraan buu yiri dad fara ku tiris ah oo magaca ciidamada dilaya, kuwaasina loo baahanyahay in si deg deg ah wax looga qabto.
Abaalduulaha ciidamada Gen. dhego badan oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ciidamada isbaarooyinka jidadka dhigya ay ku jiraan qaar beelo ah, kuwo ka baxay ciidamada iyo kuwo uu sheegay inay ka tirsanyihiin Al-shabaab, isagoo intaasi ku daray inay balanqaadayaan inay fuliyaan dhammaan qodobadii ka baxay shirkii ay la yeesheen Madaxweyanaha.
Dhinaca kale saraakiisha dowladda iyo maamulada gobolada iyo degmooyinka ayaa laga dalbaday inay yareeyaan ciidamadooda ay ilaalada u isticmaalaan, kuwaas oo la sheegay in hadda ka dib ay isku soo koobaan tiro aad u yar, isla markaasna ay diiwaangeliyaan ciidamadooda, lamana oga illaa iyo hadda kulamadii shalay waxa ay ka bedelayaan dhaca iyo kufsiga ay caadeysteen qaar ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya.

Warbixin dheer oo ku saabsan qaraxyo gilgilay magaalada Kismaayo iyo ciidamada dowladda oo rasaas dhimasho iyo dhaawac keentay ku furay dad…

$
0
0

Ugu yaraan afar ruux ayaa siyaabo kala duwan ugu dhimatay gudaha magaalada Kismaayo in ka badan 10-kalena dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray qaraxyo ruxay shalay iyo rasaas ay xalay fureen ciidamada gacanta ku haya magaalada Kismaayo, kaas oo isna geystay khasaare kala duwan.
 Qaraxa hore oo ahaa mid aad u xoogan ayaa ka dhacay xarunta degmada, waxaana la sheegay inay ku dhinteen askari ka tirsan ciidamada iyo labo ruux oo dumar ah, waxaana la sheegay in 9-kale ay ku dhaawacmeen, halka qaraxyo ka kala dhacay taalada magaalada iyo dhismihii hore ee kaniisaddii Talyaniga ee magaaladaasi ay ku dhinteen ugu yaraan labo askari, tiro kale oo bandanna ay ku dhaawacmeen oo askarta dowladda ka tirsan.
Qaraxyadan oo keenay in magaalada amnigeeda uu qalqalgalo, isla markaasna ciidamadu ay ridaan rasaas aad u badan ayaa sidoo kale keenay bandow xalay lagu soo rogay magaaladaasi, kaas oo ka dhashay qaraxyadii shalay iyo cabsi laga qabay in qaraxyo kale ay dhacaan.
Dhinaca kale askar roondo ah ayaa rasaas ku furay goob ay koox dhalinyaro ah joogtay ka dib markii ay ka shakiyeen, waxaana la sheegay in halkaasi uu ku dhintay hal-ruux labo kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo aan la sheegin wax jawaab ah oo ka yimid dhalinyaradii maqaayadda fadhiday oo lagu sheegay inay ahaayeen dhalinyaro xaafadeed.
Isbuucyadii tagay ayaa waxaa soo noqnoqonayey weerarada iyo qaraxyada ka dhacayey ka dhacayey magaalada Kismaayo, waxaana weerarkii shalay uu ku soo aaday iyadoo habeen hore uu magaalada ka dhacay weerar lagu qaaday xarunta Jaamacadda Kismaayo oo fariisin u ah saraakiil ka tirsan IGAD oo u ololeynaya maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, inkastoo aan la ogeyn inuu khaaare geystay iyo in kale.

Baarlamaanka Soomaaliya oo u yeeray wasiirada gaashaandhigga iyo arrimaha dibadda Soomaaliya, kana dalbaday inay jawaabo cad bixiyaan…

$
0
0

Waxaa shalay magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo looga hadlay miisaaniyadda ay ku howlgaleyso sanadka cusub Xukuumadda uu hogaamiyo Cabdi Faarax Shirdoon, waxaana kulanka looga hadlay arrimo kale oo badan iyadoo si gaar ah looga hadlay waxa ka jira wararka sheegaya in la kireeyay safaaradda Soomaalida ee dalka Talyaaniga iyo xarigii wariyihii BBC-da iyo arrimo kale.
 Fadhigan oo ahaa mid xasaasi ah isla mar ahaataana uu shir gudoominayey Guddoomiye ku xigeynka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdlle Cawad loogana hadlayey miisaaniyadda sanadka 2013-ka ayaa waxaa ka hadlay xildhibaano gaaraya 19-Xildhibaan kuwaas oo ku dheeraaday ka hadalka miisaaniyadda sanadka 2013-ka iyo mushaarka ay qaadanayaan xildhibaanada qudhooda.
 
Xildhibaan Khaalid Cumar Cali oo ka mid ahaa xubno loo xilsaaray diyaarinta miisaaniyadda sanadka 2013-ka gaar ahaan mushaaraadka Baarlamaanka ayaa sheegay inay talo ku soo jeediyeen in xildhibaan kasta bishii uu qaato 3600 oo doolar, taas oo kala qeybsan dhowr-qeybood oo qaar uu ku tilmaamay fadhi, qaar ay ku baxeyso gaadiid, qaarna ay ku baxeyso ammaanka, isagoo sidoo kale sheegay in Guddiyada Baarlamaanka ay ku talinayaan in laga dhigo 11 Guddi oo mid waliba wasaaradah uu qaabilsanyahay uu la xisaabtamo amaba uu dabagal ku sameeyo.
Dhinaca kale mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dalbaday wasaaradda arrimaha dibadda ee dowlada Soomaaliya inay ka hadasho waxa ka jira in la kireeyay safiiraddii ay Soomaaliya ku laheyd dalka Taliyaaniga iyo sababaha keenay haddii ay jirto, sidoo kalena wasaaradda gaashaandhigga ayaa laga dalbaday inay cadeyso sababihii keenay xarigga wariyihii idaacada BBC-da ee magaalada muqdisho Ibrahim Maxamed Aadan oo dhawaan ay xireen Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Dowladaha Faransiiska iyo Imaaraadka Carabta oo tababar u furay garsoorayaal Soomaali ah oo la doonayo inay qaadaan dacwadaha ka dhanka ah….

$
0
0

Waxaa dalka Isu tagga Imaaraadka carabta looga furay 30-garsoore oo Soomaali ah oo loogu talogalay inay qaadaan amaba ay awood u yeeshaan qaadista dacwadaha kooxaha lagu soo eedeeyo burcad badeednimada, iyadoo la iswaafajinayo qaanuunka dowliga ah iyo xeerarka u yaala Soomaaliya.
Tababarkan oo ay iska kaashanayaan dowladda Faransiiska iyo dowladda Imaaraadka carabta ayaa waxaa kor loogu qaadayaa dhinaca aqoonta ee garsoorayaasha Soomaalida, gaar ahaan sharciyada la xiriira maxkamdeynta Burcad badeeda, baaristooda iyo go’aan ka gaaristooda intaba, waxaana la sheegay in marka ay dhameystaan tababarka ay ka howlgeli doonaan gobolada dalka Soomaaliya gaar ahaan maamulada Somaliland, Puntland iyo goobaha ay ka taliso dowladda Soomaaliya.
Tababarkan oo in muddo ah ay qabanqaabadiisa socotay ayaa waxa uu ku soo aadayaa iyadoo dhawaan la bilaabay in laga hirgeliyo maamulada Somaliland iyo Puntland xabsi-waa weyn oo loogu talogalay in burcad badeeda Soomaalida ee ku kala xiran dalalka dibadda loo soo wareejiyo si ay ugu dhameystaan xabsiyada lagu xukumay, sidoo kalena xabsiyadaasi lagu hayo kuwa loogu talogalay inay xukumaan garsoorayaasha Soomaalida ee hadda tababarka ku jira, waxaana xabsiyadan maalgeliyey Qaramada Midoobay iyo Mudowga Yurub.

A prominent traditional elder gunned down in central Somalia

$
0
0

Beledweyne (Sh.M.Network)—Unidentified gunmen have on Sunday night assassinated well known traditional elder in Beledweyne town,350 Km north of Mogadishu, the regional capital of Somalia’s central Hiiraan, Witnesses said.
Locals have told Shabelle Media that two masked men armed with pistols have murdered Sheikh Mohamed Hussein locally better known as “Maryacadde” at Yobsan market in the city.
The elder was elected on last Monday as the chief of Hiiran traditional elders.
Security forces have reached at the area of the shooting and conducted search operations to arrest the killers, according to the witnesses.
The motive and the identity of the attackers are yet to established by the local administration under Somali government.
Beledweyne, a key town in central Somalia that fell to Somali and Ethiopian troops on December 31, 2011, after Al shabab fighters abandoned the city, without a much resistance.
For more, send your comments to webmaster@shabelle.net

Wasiirada Arimaha Dibedda ee Soomaaliya oo Nayroobi Kula Kullantay Dhiggeeda Dalka Kiinya (SAWIRO

$
0
0


 
 
 
 
 
Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiiradda Arimaha Dibedda ee Soomaaliya Marwo Fawsiya Yuussuf Xaaji Aadan ayaa magaalada Nayroobi kula kulantay Wasiirka Arimaha Dibedda Kenya Proff Samson Ongeri kaasi oo ay guddoonsiiisay dhambaal uu Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud soo gaarsiiyay dhigiisa Dalka Kenya Mwai Kibaki.
Marwo Fawsiya oo Kenya soo gaartay  galabnimadii Isniinta ayaa waxaa uu dhigeeda Kenya ku qaabilay xafiiska wasaaradda arimaha dibedda ee Bartamaha magaalada Nayroobi, waxayna labada masuul kawada hadleen xiriirka labada dal, xoojinta hawlaha nabad ilaalinta ee  AMISOM iyo sidoo kale sidii ay Kiinya uga caawin lahayd Soomaaliya kobcinta aqoonta saraakiisha dowladda ee dhinaca Maamulka iyo maareynta Hay’adaha Dowladda.

Wasiirada oo uu kullankoodu kusoo dhamaaday isafagard ayaa arimihii ay ku heshiiyeen waxaa warbaahinta u akhriyay Proff. Sam Ongeri Wasiirka Arimaha Dibedda ee Kiinya oo sheegay in labada Dal ay si dhakhso ah usoo nooleynayaan guddi gaar ah oo ka shaqeynayay xiriirka iyo iskaashiga labada Dal.
Guddigan oo horey u jiray ayaa la sameeyaya bishii September sanadkii 2006,  si sare loogu qaado xiriirka iyo iskaashiga Kiinya iyo Soomaaliya si loo xoojiyo xiriirka labada dowladood, islamarkaana loo dhiiri-geliyo dhaqaalaha iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay.
Sam Ongeri waxa uu sheegay in Kiinya ay Soomaaliya ka caawineyso dhinacyada tababarka iyo kobcinta aqoonta saraakiisha dowladda ee ka shaqeynaya qeybaha kala duwan ee Hay’adaha dowladda, islamarkaana ay wada-shaqeyn buuxda siinayaan dhamaan ururada ka shaqeynaya dhinaca Horumarinta Soomaaliya.
Labada wasiir waxay  isla garteen in sida ugu dhakhsaha badan loo sameeyo guddi khuburo ah kuwaasi oo kasoo shaqeeya sidii dib loogu soo qaabeyn lahaa qaab-dhismeedka iyo shaqada guddi iskudhaf ah ka shaqeeya danaha labada waddan.
Marwo Fawsiya ayaa sidoo kale la kullantay Ra’iisul wasaaraha Dalka Kiinya Raila Odinga, kaasi oo ku qaabilay xafiiskiisa waxayna labada masuul kawada hadleen isbadeladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Soomaaliya, xiriirka labada Dal iyo sidii loo xoojin lahaa hanaanka nabad ilaalinta ee midawga Afrika ay kawadaan Soomaaliya kaasoo ay xukuumadda Nayroobi qeyb ka tahay.

Dhinaca kalana wasiiradda oo kulamadaasi kadib warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in madaxweeynaha dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud uu booqasho rasmi ah ku iman doono dalka Kenya, iyadoona intaa ku dartay in dowladda Kenya ay kawada hadleen arimo xasaasi ah, kuwaasoo aysan si rasmi ah saxaafadda ugu shaacin

 Source-Hol

Khasaare ka Dhashay Rasaas lagu Furay Dad kusoo Xoomay Sanduuq Codbixin ah oo la Geeyay Degmada Lughaye

$
0
0

Hal qof ayaa ku dhintay laba kalena waa dhaawac ka dib markii ciidanka la socda sanaaduuqda degmadda Lughaya lageeyey ay rasaas ku fureen dadweyne ku soo ururay goobtii sanaduuqda ladhigay.
Wararka ka imanaya Degmadda Lughaya ee gobolka Awdal, ayaa sheegaya inay rasaastani timid ka dib markii dadweyne dhalinyaro u badani ku soo xoomeen goobtii la dhigay sanaaduuqdan, ka dibna ay askartu isku dayeen inb ay rasaas circa u ridaan si ay u kala ceyriyaan dadkii halkaasi kusoo xoomay, nasiib darase ay saddex qof  ku dhacday rasaastu oo mid ka mid ah u geeriyooday rasaastaasi, halka labada kalana ku dhaawacmeen kuwaasoo loo soo qaaday magaaladda Boorame.
Inkastoo si rasmi ah loo ogeyn waxa keenay inay dadku ku soo ururaan sanaaduuqda, haseyeeshee wararka qaar ayaa sheegayey in buuqani yimid ka dib markii sanaaduuqdan oo loo kala dirayey degmooyinka kale ay dadka moodeen in laga qaadayo meesha ka dibna is ortageen, halka warar kalana sheegayaan in ay dadweynuhu doonayeen in aan hal goob uun la dhigin
sanaaduuqda balse meelo kala duwan oo ay dadku ka codeen karaan la dhigo, balse ay diideen hawl-wadeenadii komishanka ka dibna ay askartu rasaas ku rideen dadweynihii si ay u kala dareeraan taas oo khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh keentay.
Si kastaba ha ahaaatee, ilaa hadda si rasmi ah looma cadeyn sababta dadweynuhu ugu soo buuqeen xarunta komishanka doorashooyinka ee degmada Lughaya, waxaase hadda la sheegayaa inay magaaladdu degan tahay oo ay caadi ku soo noqotay dadweynihiina iska kala dareeray.
Sidoo kale, magaaladda Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, ayaa iyana muran xaga sanaaduuqda ahi ka taagan tahay, ka dib markii maayarka Ceerigaabo oo ah musharax ka sharaxan ururka Wadani iyo badhasaabka gobolkaas Sanaag khilaaf dhinaca Sanaaduuqda ahi soo dhexmaray, waxaana halkaasi iskugu soo ururay dadweyne taageersan Maayarka, balse ciidanka amniga ayaa rasaas ku kala dareeriyey, inkastoo aanay cidi wax ku noqon.
Dhinaca kale, waxa xawli u socda dadweynihii laga soo kala gurayey dalalka xuduud la leh somaliland sida Itoobiya iyo Jabuuti, kuwaasoo la sheegay inay gaadiid faro badan oo ay leeyihin musharaxiintu dadweyno badan ilaa shalay ku soo gureen dhinaca Somaliland gaar ahaan meelo u dhow goobaha laga codeynayo, waxay dadweynahaasi soo buux dhaafiyeen goobaha kala duwan ee laga codaynayo.
 Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa isna sheegay in galabta afarta galabnimo la xidhi doono xuduudda Somaliland si aan loo ogolaan in wax gaadiid ah ka soo gudbo xadka, isla markaana ilaa inta doorashadu dhacayso  uu xadku xidhan yahay.
Inta badan musharaxiintii golayaasha deegaanka ayaa ku maqan deegaanada miyiga, kuwaas oo dadweynaha ku nool iyo kuwa ay dalalka ka kale ka soo gurayaan ku wacyigelinayaan inay u codeeyaan, isla markaana u qaybinaya waraaqo ay ku qoran yihiin lambarka loogu codeynayo, sawirkiisa iyo ururka uu ka tirsan yahay iyo nidaamka loo codaynayo
Source-Hol


Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Maanta la kulmay Wafdi ka socday dalalka Yurub

$
0
0

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ahna ku simaha madaxweyanaha, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari iyo ra’iisul wasaare, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa maanta siyaabo kala duwan ula kulmay wafdi ka socday dalalka Yurub.
Kulankan wafdigan iyo madaxda dowladda Soomaaliya dhexmaray ayaa ahaa mid albaabbadu u xirnaayeen oo aysan saxaafaddu ka qaybgelin, balse markii uu soo dhammaaday ayaa waxay xubnihii hadlay sheegeen in kulammada intooda badan looga hadlay sidii Midowga Yurub ay u caawin lahaayeen Soomaaliya.
Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa u sheegay safiiradda dalalka Yurub in Soomaaliya ay doonayso in loo caawiyo si ka duwan sidii hore kana mug weyn, iyadoo xubnihii ka socday Midowga Yurub ay ballanqaadeen inay u caawinayaan Soomaaliya si ka duwan sidii hore.
Intaas kaddib waxay wafdi la kulmeen ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) iyagoo ku bogaadiyay dowladda uu soo dhisay iyo qaybta ay ka heleen haweenka, iyagoo sheegay inay ka go’an tahay inay caawiyaan Soomaaliya.
“Waxaan diyaar u nahay inaan si ka wanaagsan sidii hore u garab-istaagi doonaano dowladda cusub ee Soomaaliya,” ayuu yiri mas’uul u hadlay wafdiga Yurub oo intaa ku daray: “Soomaaliya rajo wanaagsan ayaa ka muuqato, waxaana la joogaan xilligii la garab-istaagi lahaa.”
Safiirrada Midowga Yurub ayaa sidoo kale soo dhaweeyay habka uu ku shaqeynayo baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo ay ku sheegeen inay tahay si waafaqsan dimuqraadiyadda caalamka ka jira.
Ugu dambeyn, ra’iisul waasaraha Soomaaliya ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in maanta uu la kulmo wafdi ka socda Midowga Yurub, isagoo hoosta ka xariiqay inay u caddeeyeen in Yurub ay diyaar u tahay inay caawiso dowladda Soomaaliya.
Source-Hol

Horyaalkii 13-aad ee Kubadda Gacanta oo ka furmay Muqdishu

$
0
0


 
 
 
 
 
Horyaalkii 13-aad Kubadda Gacanta ayaa ka furmay garoonka 1da Luulyo (Ex-Lugino) ee Magaalada Muqdisho. Iyadoo ay kasoo qeyb-galeen furitaanka tartarkan mas`uuliyiin ka socotay wasaaradda Isboortiga, maamulka gobolka Banaadir, GOS iyo madaxda xiriirrada kala duwan.
 
Guddoomiyaha xiriirka kubadda gacanta, Maxamed  Xuurshe Xasan [Eenoow] ayaa ugu horreyn ka warbixiyay kooxaha ka qaybgalaya horyaalkan isagoo dhinaca kale u mahadceliyay shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo gacan ka gaysatay dayactirka garoonka lagu ciyaarayay.

“Waxaan rajeynaynaa in tartankan guul inoogu dhamaado, waxaa ka qeybgalaya 6 koox oo kala ah Heegan, Dekedda, Horseed, Nationlink, Dowladda Hoose iyo Fero, Waxaa lagu maamulaya xeerarka Caalamiga ee K/Gacanta, waa is-arag hore iyo mid danbe.  waan idin Mahadcelinayaa – dhamaan macalimiinta, Madaxda Kooxaha iyo Ciyaartoyda. Sidoo kale Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud aad ayaan ugu Mahadcelinaynaa sida ay dib ugu soo celisay bilicdii garoonkan. Mar walba waxaa inaga go`an inaan kor u qaadno horumarinta ciyaaraha K/Gacanta.” Ayuu yiri Guddoomiye Eenoow.
Kusimaha Guddoomiyaha GOS Xasan Axmed Cabdi (Xasan Elman) iyo Agaasimaaha guud ee Wasaaradda Isboortiga  Aweys Sheekh Xadaad ayaa dhinacooda u mahadceliyay Xiriirka Soomaaliyeed ee K/Gacanta oo ay ku amaaneen dadaalka uu mar walba ka muujiyo  dardargelinta Tartamada iyo horumarinta Ciyaarta Kubadda Gacanta. Waxayna ciyaartoyda kula dardaarmeen inay soo bandhigaan ciyaar asluub iyo farsamo ku dheehan tahay.
Ciyaartii ugu horeysay ayaa waxaa isaga hor yimid Kooxaha HEEGAN iyo D/HOOSE waxaana si xarago leh ay guusha ku raacday HEEGAN oo 27-17 ku quusiyay D/HOOSE.

Daawashada Horyaalka 13aad waxaa ka soo qeybgalay mas`uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Isboortiga, Maamulka Gobolka Banaadir , GOS, Madaxda Xiriirada iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska . waxaana ka mid ahaa Guddoomiyaha XSKK Ibraahim Xuseen Cali [Roombo], Guddoomiyaha XSF  Maxamed Axmed Coloow (Xaaji Coloow), Agaasimaha Waaxda Isboortiga ee W/Isboortiga Saacid Maxamed Xasan (Baariyoow), Agaasimaha Isboortiga  Gobolka Banaadir Aweys Sheekh  Maye {Walker} iyo Taliyaha Akadeemiyadda Jeneral Kaahiye ( Axmed Dhaga-Caleen).
sOURCWE-hOL

Suldaan Ibraahin Dacar Oo Baaq Nabadeed U Diray Deegaanka Degmada Lughaya, Sidoo Kalena Uga Digay Dadweynaha In La Khalkhaliyo Amaanka

Badhasaabka Gobalka Awdal Oo Ka Hadlay Dilkii Ka Dhacay Degmada Lughaya, Sidoo Kalana Kulan La Yeeshay Odaydhaqmeedka

Heeso Soomaali Ah Oo Cusub Daawasho Wanaagsan

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Duur Oo Ka Waramaya Shaqaaqooyinkii Ka Dhacay Lughaya Iyo Ceerigaabo Doorashooyinkii Degaanka Awgeed

Wakiilka Qaramadda Midoobay Mahigga oo la Kulmay Madaxweynaha Somaliland Siilaanyo


Desalegn: Ciidankeenu wuu sii joogayaa

$
0
0

Raiisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa sheegay in ciidankiisu sii joogi doonaan Soomaaliya ilaa inta ay ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ay kala wareegayaan qeybaha ay ka joogaan dalka.

Lacag logu dhisi lahaa, Safaraada Soomaalida kenya oo la lunsaday

$
0
0

safaraaada soomaaliya ku leedahay dalka kenya ayaa ku shaqayso dhismo kiro ah ayada oo arinkaasi lagu macneeyay in safaaradi soomaliya ku laheed halkaasi u baahan tahay dayac tir.
,
safaarada Soomaaliya ku leheed kenya oo uu iibsaday nin hindi ah, si sharci daro ah ayaa dacwad uu ku furay qunuslki geeriyoday allaha u naxariste dib ugu soo laabatay gacanta safaarada.
,
balse waxaa ayaan daro noqatay in lacago fara badan oo loogu tala galay dayac tirka safaarada lunsado safiirka u fadhiya Soomaaliya halkaasi Maxamed Cali Ameriko.
,
Safiirka ayaa sheegay sida aan warar hoose ku helayno in dhaqaalahaasi u qaatay lacago uu sheegay in aay kaga baxeen soo celinta safaarada Soomaaliya oo la ogsoon yahay in uu soo celinteeda qeeb lixaad leh ka qaatay qunsulki geeriyoday allaha u naxariste .
,
dadka qaar ayaa ku macneeyay hadalka safiirka in uu ka caraysan yahay war dhawaan ka soo yeeray wasaarada arimaha dibada Soomaliya, oo ahaa in la badali doono safiirada in muda ah safiirka ka ahaa dalalka dibada.
,
Dhanka kale waxaa safaarada Soomaaliya ku leedahay dalka kenya cabasho xoogan ka muujinaya jaaliyada ogadeeniya oo sheegay in dad badan oo jaaliyadaasi ka mid ah loo diiday passport ka soomaaliga ayaga oo lagu yiri waxaa tahiin itoobiyaan.
 

Maxey kusoo dhamaatay Ciyaartii adkeed ee Galabta Dhax martay Xulalka Soomaaliya iyo Sudan

$
0
0

Xulka Soomaaliya ayaa ku haray wareega group-yada ee koobka bariga iyo bartamaha Afrika ka dib markii guuldaradii labaad oo isku xigta ay ka soo gaartay xulka Sudan, iyadoo looga badiyay gool soo daahay oo Sudan ay dhalisay dhamaadkii ciyaarta.
Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah, waxaana ay ciyaarta ku socotay mid ay labada xul ay kala qeybsanayaan dhibcaha, laakiin daqiiqadii 85aad ayaa xulka Sudan uu helay gool uu u dhaliyay Mohammed Farid.
Waa guuldaradii labaad ee Group B ee soo gaarta Somaliya ka dib guuldaradii Burundi ka soo gaartay axadii hore waxaana ay taasi xaqiijineysaa in xulkeena Soomaaliya uu ka haray tartanka bariga iyo bartamaha Afrika.
Waxaana ay la ciyaari doonaan kulanka ugu danbeeya ee Group B xulka Tanzania.
Soomaaliya iyo South Sudan oo guuldaradii labaad ay shalay ka soo gaartay Kenya ayaa ilaa iyo haatan boorsooyinkooda ka qaatay koobka Cecafa ee ka dhacaya sannadkan Uganda.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti

Daawo Sawirada:Wararkii ugu Dambeeyay uguna Xiisaha Badnaa Ciyaaraha Caalamka

$
0
0

Rugcadaaga Brazil Ronaldo: Messi ayaa kaga Adkaan doona Cristiano Ballon D’Or
Goal dhaliyihii Hore ee Brazil Ronaldo ayaa Sheegay Barcelona Goal dhaliyaheeda Lionel Messi inuu 2012 Ballon D’Or kaga adkaan doono Real Madrid Xidigeeda Cristiano Ronaldo
Ciyaariyahanka Arjentina ayaa ku Guulaysanay Sadex Jeer ee ugu dambaysay Bilada Laakiin Goal dhaliyaha Portugal ayaa ka Caawiyay Los Blancos inay ku guulaysato La Liga isla Markeen Portugal gaarsiiyay Semi Finals ki European Championship ki
Messi iyo Christiano Caadi Maahan waa labada Ciyaariyahanka ee ugu Fiican Aduunka laakiin Messi ayaa sameeya Wax taageeraha soo Sidaa ayuu u sheegay Marca

Ciyaariyahanka Ku Guulaystay Labada Jeer Koobka Aduunka ayaa Rumaysan Santos Goal dhaliyaheeda Neymar inuu u Wareego koox weyn oo Europe ah si uu u Helo wax yaabaha uu Rajaynayo Mid Ciyaariyahan iyo Shaqsi ahaaneed
Waxaan kula Talin lahaa Neymar inuu aado Europe Gudaha Europe Ciyaartoyda Waxaan naqdaan Dadka dhabta ah Qaas ahaan kuwa Brazil Waxaan ka bartay Wax badan waxay ahayd wax weyn inaan ku noolaado Europe 18 Sano Waxaana dhihi karaa Ma Jirto Jaamacad ku bari karto Wax walbo oo aan ka soo bartay Ciyaaristaydi Xaga
Paul Scholes ayaan Ciyaari doonin kulanka Manchester United Premier League ay la Ciyaarayso West Ham

Ciyaariyahanka Duqa ah ee Qadka dhexe ayaa la ganaaxay Ka dib Markii uu qaatay Calaamadii Shanaad ee Xili Ciyaareedka dhamaadkii usbuuca waxaana Badelkiisi Ciyaari doona Amderson kaa soo badel ku soo galay qaybtii Labaad kulanki ay ka Hortageen QPR
Xidiga Garabka Ciyaara Nani ayaa Weli Maqnaan doona Smalling iyo Phil Jone ayaa diyaar ah iyagoo ahaa badel aan la siticmaalin kulanki QPR ay ka Hor tageen
West Ham waxaa ka Maqnaan doona Ciyaariyahanka Qadka dhexe Mark Nopel oo aan u Safreyn Old Trafford ka dib Markii uu qaatay Calaamadiisi Shanaad
Daafac Dhanka bidix George McCarthy ayaa sidoo kale la filayaa inuu seego kulanka ka dib uu ka dhaawacmay qoobka kulanki ay ka Hor tageeb Tottenham Ciyaariyahanka Qadka dhexe Yossi Benayoun ayaan weli diyaar ahayn
Sidoo kale Jack Collison iyo Weeraryahanka Ricardo Vaz Te ayaa sidoo kale Maqnaan doona.
Mourinho wuxuu Taageero Buuxda ka haystaa Taageerayaasha Real Madrid waxaa yiri Butragueno

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Emilio Butragueno ayaa sheegay in Jose Mourinho Weli uu Taageero buuxdo ka Haysto Real Madrid Taageeraheeda xili dhanka Santiago Bernabeu ay ku bilaabeen si aad u liidata 2012-13 Campaign ka ah
Blancos ayaa 3-0 kaga adkaatay Alcoyano Copa del Rey Talaadadii Butragueno ayaa u arka in Portuguese ku uu weli ku leeyahay Taageero badan Guriga Madrid
Madrid Taageerayaasheedu waxay si Cad u Taageerayaan Mourinho saa kooxdu Anga oo dhan waxaan si buuxda u taageeraynaa Macalinka Butragueno ayaa sidaa u sheegay AS
Kooxda Caasimada ayaa Sadexaad ka fadhisa Horiyaalka Waxayna 11 dhibcood ka dambeeyaan Kooxda ay Xifaaltamaan Barcelona Halka Kaalinta 2aad ay ka Fadhiyaan Champions League Group D iyagoo ka dambeeya Borussia Dortmund.
Juventus oo uu u Gacan Galay dhaawac soo gaaray Vidal

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Juventus Macalinkeeda Xilka sii Haysta Angelo Alessio Ayaa Samayn doona isagoon Heysan Arturo Vidal kulanka Derby Torino ay la Ciyaari doonaan Kadib Markii Ciyaariyahanka uu soo gaaray dhaawac
Ciyaariyahanka Qadka dhexe ayuu dhaawacu soo gaaray Tababarki Bilowgi usbuucan lamana Ogaan inuu u diyaarsanaan karo Kulanka Sabtida
Arturo Vidal ayaa loo saaray Talaadadi dhaawaca dartii Ciyaariyahanka Qadka dhexe ee Chile ayaa la ogaan doonaa Xaaladiisa Maalmaha soo socda sidaa waxaa lagu Qoray Official Juventus Website
25 Jirkan ayaa Xubin Muhiim ah ka ahaa Bianconeri Xili Ciyaareedkan isagoo dhalshay Sagaal Goal 18 kulan oo uu Saftay
Halka Martin Caceres ay soo wajahday Xaalad kale Ka dib Markii uu qoobka kaga Dhaawacmay Tababarka
Martin Caceres ayaa sidoo kale seegay shaqadi Talaadadi isda lagu soo waramayo dhaawac ka gaaray dhanka qoobka bidix
Daafaca ayaa Mari doona baaritaan waxaana sidoo kale xaaladiisa la ogaan doonaa Maalmaha soo socda
Caceres ayaa Juventus kaga soo biiray Sevilla Jauary 2012 tan iyo Markaas wuxuu naqday Xubin Muhiim ka ah kooxda Koowaad ee Juventus Stadium.

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Tottenham Macalinkeeda Adre Villas-Boas ayaa u sheegay Harry Redknapp inuu iska Hilmaamo Saxiixa Jermain Defoe
Macalinka Cusub ee QPR Rednknapp ayaa lala Xariirinayay inuu u dhaqaaqayo Xidiga England kaasoo ay iskala soo shaqeeyeen Spurs West Ham iyo Portsmouth wuxuuna doonayaa inuu badbaadsho kooxda ugu hoosaysa Premier League
Redknapp ayaa Hoops ku hogaamiyay bar baro 0-0 Kulanki Sunderland oo ahaa kulankiisi ugu Horeeyay ee Xilka uu qabto Talaadadi laakiin kooxdiisa Cusub ayaa Halka Lagu badbaado waxaa uga Harsan Sideed dhibcood
Rangers ayaa ah kooxda ugu Goalsha yar Horiyaalka iyadoo dhalisay 10 Goals 14 kulan ee ugu Horaysay Redknapp ayaa Og inuu u baahanyahay Goal

Daawo Sawirada:Madaxweyne Xasan Sh oo si aan horey loo arag loogu soo dhaweeyay Adis Ababa

$
0
0


Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Adis Ababa  ee xarunta dalka Itoobiya.
DAAWO SAWIRADA

 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live