Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Amisom oo sheegtay in Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya uu ku badbaaday si dirqi leh

$
0
0

Taliska Midowga Afrika ee Amisom ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Wasiirka Arrimaha Gudaha ahna Amniga Qaranka ee Xukuumada Soomaaliya C/Kariin Xuseen Guuleed, uu ka badbaaday weerar qorsheysan oo lagu dili rabay.
Taliyaha Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom General Andrew Gutti, oo ku sugan Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa wuxuu soo saaray war qoraal ah oo uu ku sheegay in si dirqi leh uu ku badbaaday Wasiirka Arrimaha Gudaha.
Taliyaha ayaa wuxuu sheegay in Wasiirka lagu weeraray Gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan wadada xiriirisa Degmada Afgooye iyo Magaalada Marka ee Xaruunta Gobolka Shabeellaha Hoose.
Weerarkaasi ayaa wuxuu sheegay in uu watay khatartiisa, isagoo intaasi ku daray inay ka muujiyeen dareen, isla-markaana wuxuu sheegay in xilligaan kadib ay ka fiirsan doonaan weerarada noocaasoo kala ah.
Wuxuu sheegay inay ka shaqeynayaan sidii ay nabad ugu soo dabaali lahaayeen wadadaasi, oo uu sheegay inay doonayaan inay ku soo dabaalaan amni iyo kala dambeen.
General Andrew Gutti ayaa wuxuu ku nuux-nuuxsaday inay nabad iyo kala dambeen ay ku soo dabaali doonaan wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya, oo uu xusay inay xilligaan ka taagan tahay xaalad khatar badan.


Dadka tuulooyinka ku dhaqan oo bartay la dagaalka Alshabaab iyo dagaal ka dhacay Qardho

$
0
0

Dagaalka oo ahaa mid xoogan oo la isku adeegsanayay hubka nocyadiisa kala duwan ayaa waxa uu u dhaxeeyay ciidamada Alshabaab iyo dadka deegaanka oo xoolo dhaqato ahaa.
Wararka ayaaa sheegaya in dagaalka uu ka dambeeay ka dib markii ciidamada Alshabaab ay weerar ku qaadeen deegaan ay degen yihiin dad xoolo dhaqato ah.
Weerarkana wuxuu yimid markii ciidamada Alshabaab ay isku dayeen in dadka deegaanka ay ka qaadaan dhaqaalo ay ku sheegeen inay yihiin Zakawaad.
Xoolo dhaqatada deegaanka ayaa gabi ahaanba kasoo horjeestay in Alshabaab ay siiyaan dhaqaalahaasi,waxaana taasi ay dhalisay in dagaal uu ka dhaca deegaanka oo ku yaala shabeelaha Hoose.
Inta la ogyahay dagaalkaasi waxa ku dhintay seddex qofood oo midi als habaab ahaa iyo labo xoolo dhaqato ahaa iyadoona dadka deegaanka iyana khasaaro uu kasoo gaaray dagaalkaasi.
Deegaanka Qardho oo ka mid ah deegaanada hoostaga deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa la sheegayaa in xaaladiisa iminka ay tahay mid degen iyadoo ay jiraan cadaadis kala ay la kulmayaan dadka deegaanka.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalkii ka dhacay deegaankaasi laga cabsi qabo inuu gaaro deegaanada kale ee iminka Alshabaabka ay doonayaan inay Zakawaadka ka qaadaan.
Dadka xoolo dhaqatada ah ee kusugan deegaanka Qardho ayaa waxay ku waramayaan in al shabaab amreen in la bixiyo qof walbo oo xoolo ujoogaan seddex neef oo geel ah taana ay iyagu ucuntami weysay sababtayna inay dagaalamaan.
 

Ciidamo ka tirsan Puntland oo ku dhamaaday qarax lagula eegtay duleedka Boosaaso

$
0
0

Warar lagu kalsoon yahay  ayaa waxay sheegayaan in ciidamo katirsan kuwa amaanka Maamulka puntland qarax miino oo loo dhigay khasaaro xoogan uu kasoo gaaray.
Weerarka ayaa waxa fuliyey ciidamada Al shabaabka Puntland ee ka dagaalama buuraha Gal-gala waxaana qarax ay la beegsadeen gaari ciidamada Puntland saarnaayeen waxaana ku dhintay sida la xaqiijiyey 13 askari oo ciidamada puntland ahaa in kabadan 15 kalena way ku dhaawacmeen iminkana waxa lagu dabiibayaa cusbitaalka Boosaaso.
Wariye kusugan Boosaaso oo saxaafada  la hadlay ayaa sheegay in la dareemayo xiisad ka dhalatay arintaasi islamarkaana ciidamo gurmad ah loo dirayo goobtii qaraxa loo dhigay ciidamada Puntland.
Maleeshiyaadka Daacada u’ah Sh.Maxamed Siciid Atam ee ka dagaalama Buuraha Gal-gala ee ku taalla gobolka Bari ayaa waxay sheegeen in weerarkaasi uu noqday mid guul laga gaaray ciidamo badana ay dileen.
Qaraxa ayaa haleelay gaari uu lahaa taliye ciidan oo hore sargaal uga soo ahaa dawladii Cade Muuse Xersi hadana ka mid ahaa saraakiisha howlgabka noqday kaasi oo lagu magacaabo Xaaji bakiin waxaana uu sheegay in alle uu bad-baadiyey isaga ilaaladiisa waxyeelada soo gaartayna alle uga baryey inuu unaxariisto kuwii dhintay kuwa dhaawacana caafimaad siiyo.

Somali pirates get prison sentence in Italy

$
0
0

ROMA (Sh.M.Network)—A Roman court has sentenced 11 Somali pirates to imprisonment for attacking an Italian oil tanker.
Each of them will spend three years and six months in prison.
In January the pirates fired at The Valdarno tanker off the Yemeni coast but the crew managed to escape.
Soon a helicopter with Italian marines arrived at the site and the pirates were arrested.
Source: Voice of Russia

Gudoomiyaha Gobolka Baay oo ka Warbixiyey Dagaalo ka Dhacay Awdiinle

$
0
0

Baydhaba (Sh.M.Network)— Gudoomiyaha Gobolka Baay ee Dowladda Federaalka Soomaaliya  Cabdi fataax Ibraahim Geesey oo faahfaahin ka bixiyey dagaal ciidamo ka tirsan Dowladda iyo kuwa shabaab ku dhex marey Deegaanka Awdiinle ee Gobolka Baay ayaa waxa uu sheegey in 16 dagaalyahan oo ka tirsna shabaab ay halkaasi ku dileyn sideed ka mid ahna ay gacanta ku dhigeyn iyo hubkii ay wateyn ragas.
Cabdi fataax Ibraahim Geeseeey  Gudoomiyahan Gobolka baay waxa auu sheegey in ay socdaan qorshooyuiin alshababa looga saarayo deegaanada iyo degmooyinka ay gacanta ku hayaan ee Gobolka Baay.
Hadalkan ka soo yeerey Gudoomiyaha Gobolka Baay ayaa ku soo aadayaa xili ciidamo fara badan oo lagu soo tababarey Dalka intoobiya ay soo gaareyn Gobolka Baay kuwaas oo maamulka Gobolka Baay ay sheegeen in ay u diyaariyeen ciidankan in ay ka saaraana deegaanada ay ka joogaan Gobolka Baay Ururula Alshabaab.

Qarax ka dhacay Suuqa Bakaaraha oo Geysatay dhaawaca dad badan oo ay ku jiraan Haween ka Ganacsada Dahabka

$
0
0

War Deg deg Ah

 
 
 
 
 
Qarax bambaano oo ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 13 qof oo u badan haween ayaa ka dhacay goor-dhow qaybta dahabka lagu iibiyo ee suuqa Bakaaraha, iyadoo ciidamada dowladda ay markiiba halkaas howlgal ka billaabeen.
Sarkaal u hadlay dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inaysan jirin cid dhimasho ay kasoo gaartay qaraxa, ayna gacanta ku dhigeen kooxo ay uga shakisan yihiin inay ka dambeeyeen weerarka bambaano ee suuqa ka dhacay.
“Qarax ayaa dhacay, markiiba waxaan dibadda uga soo baxay dukaankeyga, waxay indhahaygu qabteen dhaawac dad badan oo ay haween ku jireen, ma garan karno sida ay wax u dhaceen, balse waxaa dhacay qarax xooggan,” ayuu yiri ganacsade dukaan ku leh dahablaha Bakaaraha.
Goobjoogayaal kale ayaa sheegay in weerarka lala beegsanayay askar ku sugnaa suuqa, balse ay dad shacab ah waxyeello kasoo gaartay, iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay oo weerar khasaarahan oo kale geysta uu ka dhaco suuqa tan iyo markii la doortay madaxda cusub ee dalka.
“Ciidamadu baaritaanno ayay wadaan, xaaladduna waa deggen tahay,” ayuu yiri sarkaal booliiska Soomaaliya ka tirsan oo ku sugan suuqa, isagoo sheegay inaysan jirin cid ay hadda ku eedeynayaan inay qaraxaas ka dambeysay, basle ay baaritaan wadaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa isku dayaysa inay hanato ammaanka guud ee Muqdisho iyadoo habeen hore ay ahayd markii hoobiyeyaal lagu weeraray degmooyin ku dhow madaxtooyada, weerarradaas oo sababay dhaawaca illaa shan qof oo rayid ah.
Ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarkan, iyadoo suuqa Bakaaraha uu yahay midka ugu weyn ee Koonfurta Soomaaliya, waxaana weerarkan uu kusoo beegmayaa iyadoo la qaaday isbaarooyinkii yaallay waddooyinka Muqdisho.
source-Hol

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somalia oo isku raacay inaan laga ganacsan karin Dharka, Gaadiidka Ciidamada iyo Hubka

$
0
0


 
 
 
 
 
Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxay ku mamnuuceen ka ganacsiga hubka iyo direyska ciidamada, iyagoo sidoo kalena isku raacay in dib looga billaabo dekedda Muqdisho dhoofka xoolaha.
Shirka maanta ayaa waxaa guddoominayay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyadoo ay ka maqnaayeen saddex wasiir oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha ee safarka ku jooga dalka Turkiga, iyadoo shirka kaddib uu saxaafadda la hadlay wasiirka khayraadka dalka, Cabdirisaaq Cumar Maxamed.
“Golaha wasiirradu waxay si buuxda u mamnuuceen ka ganacsiga labiska ciidamada, gaadiidka ay isticmaalaan ciidamada iyo hubka, ciddii lagu helana go’aan cad ayay xukuumaddu ka qaadanaysaa,” ayuu yiri wasiirka wasaaradda khayraadka dalka.
Wasiirku wuxuu hadalkiisa ku daray inaan ganacsi ahaan dalka loo keeni karin, sidoo kalena aan la arki karin cid tolaysa dharka ciidamada oo uu sheegay in qodobkan uu ahaa midkii ay aadka uga hadleen golaha wasiirrada intii uu shirkoodu socday.
“Hubka, rasaasta iyo baabuurta ciidamada ayaa ka mid ah kuwa la mamnuucay oo aan dib dambe dalka ganacsi ahaan loo keeni karin,” ayuu yiri wasiirka, isagoo aan sheegin sida ay xukuumaddu ka yeelayso gaadiidka ciidmada ee hadda la wato iyo hubka lagu iibinayo caasimadda dhexdeeda.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku yaalla suuqyo lagu iibiyo hubka iyo dharka ay ciidamadu xirtaan, iyadoo dowladdii KMG ahayd ay dhowr jeer isku daysay inay la dagaalanto suuqyada hubka lagu iibiyo, inkastoo aan natiijo weyn laga gaarin.
Dhanka kale, wasiirka wasaaradda khayraadka dalka ayaa sheegay in sidoo kale ay isku raaceen golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya in dib loo billaabo dhoofinta xoolaha Soomaalida.
“Qodobka kale ee go’aanka laga gaaray waa in dekedda weyn ee Muqdisho dib looga billaabo dhoofinta xoolaha, iyadoo kasoo shaqeynta arrintaa loo xilsaaray shan wasiir iyo ganacstada xoolaha,” ayuu yiri wasiirka khayraadka dalka.
Shirka golaha wasiirrada ee maanta ayaa noqonaya kii labaad oo go’aanno ay kasoo saaraan wasiirrada Soomaaliya tan iyo intii codka kalsoonida ay ka heleen golaha baarlamaanka Soomaaliya bishii lasoo dhaafay.
Source-Hol

Madaxweyne Silaanyo Oo Dhagax-dhigay Dhisme Cusub Oo Lagu Kordhinaayo Wasaarada Cadaalada


Viva To Somaliland Masses For Another Successful Election: They Have Marked Another Historical Milestone Regarding Their Indigenous Democracy By Suleiman Egeh

$
0
0

 

Masharxiinta u orday golaha deegaanka waxan lee ahay. Waxad gudateen waajibkiinii wadani nimo ee distoorko ini siiyay. Waxan inii sheegayaa tartan xalaala oon mandaqadan hore loogu arag baad gasheen. Tartana sideedaba wuxu leey yahay nin badiya iyo nin laga badiyo. Sidaa darted waxan Inii leey ahay hadii lagaa badiyo si sharaf leh utahniyadee walaala haaga kaa helay. Waxaanad sugtaa doorshada danbe hadii Alla yidhaa. Kuna qanac wixii doorshada ka soo baxa. Doorshadan waxa goob joogayaal ka ahaa dad farabadan oo kala yimid dunida dacaladeeda.
Dadka reer Somaliland waxay mar kale dunida u muujiyeen daris kale oo ku saabsan dumuqraadiyada.Somaliland waxay sameeyeen wax kudayasho mudun. Cashar lama ilaa waana ayay dunida u dhigeen markali. Waxan hadalka kusoo koobayaa kabaro dadka xorta ah ee reer Somaliland casharkan qeemaha iyo qaayah leh ee ku saabsan dumuqraadiyada dadka.
Somaliland has demonstrated the durability of its democratic institutions, with few, if any, appropriate role-models amongst neighboring states. Again the Republic of Somaliland and its people have shown a hypocritical, a world short in ethics and what right another lesson on democracy is. In the recent municipal elections they taught whoever may lesson another lesson in indigenous democracy
The people of Somaliland showed our neigh hood dictatorships, the repressive one man regimes of Africa and the Middle East another unforgettable lesson on a homegrown democracy. I was struck when I saw Somalilanders in mega-lines who are lined up behind one another quietly and without any police supervision. People took positions in their polling stations as early as 2:00 am in the morning. The people enthusiasm level and energy was through the roof. The people did not feel the inconvenience of staying in long lines. They were all in their utmost happiness and everyone has lined up to exercise their right to vote. Clearly they are people who have high civic values who think their vote will make a big difference. That is why they were so tolerant to all the hardships they may come in their way. This attitude and peoples’ behavior the whole world witnessed is a sign of unparalleled political majority that do not exist in Africa and our neighborhood in the Middle East.
What you see here today is a nation so deep in their indigenous democratic values, and their long history of civilization of independence. We all know the soil of the Republic of Somaliland was the scene of rich and ancient civilization in terms of education, governance and civic engagement. This is the place where numerous world class Muslim scholars, military commanders and well-known religious figures are buried.
Advice to the politicians and candidates running for the local government
You need to remember elections are contests where citizens run for office. It is natural that some of these candidates will win and others will not win. If you win the election that is well and good and I commend and congratulate you for a job well-done. If you lose please you need to be contended the results supervised by the independent election commit. Stop bombastic, outrageous statements that falsely blame the election committee and other officials. You need to avoid of becoming a sour loser who blame others for his or her shortcoming. If you keep on doing that and get engaged with gutter with the politics of dictatorial neighbors, Somaliland citizens may punish you and your political may sustain a severe or event a terminal damage and you never be allowed another opportunity to run for office. Stay away from the charlatans who left Somaliland and everything they stand and join our enemies’-foreign created figments they call governments in the
former Somalia.
Warning to Somaliland’s jealous enemies
The Republic of Somaliland has passes a threshold where It can longer to be intimated by its enemies, no matter who they are and where they are. Today I would like to take the opportunity to slap another rebuttal on the face of an old diehard Siyad Bare officer called Osman Hassan. This man is relentless crusader against the republic of Somaliland and its people. These days he is in mourning and wailing mood, because even the foreign made Mogadishu figment-they call government realized that they can’t do anything about the aspirations of the people of Somaliland. This aged Siyad Barre dinosaurs has no idea how the Horn of Africa changed and the Republic of Somaliland has already becoming a regional power to be reckoned on. Another die Somaliland is a man called Yabarag whom I did not understand where his venomous hatred against the people of Somaliland is coming from. He himself is in his highest disappointment because his hallucinatory aspirations and baseless predictions became a mirage and hogwash. One would be surprised to read the baseless trash and the false predictions this man pedals day in and day out. The good news is all his false predictions, and cheap propaganda has gone with the wind. He may be coming to his senses. The only crime the people of Somaliland committed is the reclaiming of their long lost sovereignty, independence and identity. Let me tell our enemies, Somaliland is for real, permanent and its independence and sovereignty is not subject for negotiations. Our Republic was never handed cheap to us. Our independence tree was watered with the blood of our freedom fighters. In the same token to keep it and preserve it, we are ready to sacrifice tens of thousands of martyrs and Majahids. I am warning you to refrain from your cheap attacks and mirage wishful thinking; a day will come when our rage may reach the boiling point and the forces of freedom will move to teach you and the remnants of the former fascist regime an unforgettable lesson. Stay safe and keep away from the route of the freedom train. Stay away from this high speed train before it crushed you down and remember it is moving with the speed of light.
Warning to the fake claimers of Zeila, Djibouti-pretenders/impostors to ancient Zeila, which has abruptly came to an end in the recent municipal elections
Those who gave you the unopposed privileged in Zeila have committed a historical mistake we just have corrected in the last local government elections. The era of gifts has ended and it’s what has forced Somaliland to wage a second struggle to reacquire its independence. Those days are long gone, what you advocating and sable rattling for is to bring back that unopposed phenomena which is nothing but a dead dinosaur in the past. You are forced to accept the election. You got 7 representatives in Zeila, legitimately and legally you would may have to get only one or two, had the thousands of foreigners were not brought in from Djibouti. How many seats you got would have been a true commensuration with your very tiny number in the general population.
Suleiman Egeh is a freelance writer and a senior science instructor
soleimoneg@yahoo.com

Wasaaradda Maaliyadda Galmudug oo Ka Digtay isticmaalka Lacagaha Been Abuurka ah

$
0
0






Agaasimaha guud ee Wasaarada Maalyadda Galmudug Bile Diini Cali ayaa Maanta Saxaafada la hadlay wuxuuna sheegay in ay dhamaan ganacsatada iyo Bulshada Galmudug uga digayaan qaadashada Lacago uu ku tilmaamay in ay yihiin Been abuur .
Bile Diini Cali Agaasimaha Wasaarada Maalyada ayaa dhanka kale ka Hadlay in wixii hada ka Denbeeyay aysan u dul qaadanayn in la isticmaalo lag faalso ah ayna ka hortagisteda iska kaashan doonan Ciidamada Buliiska Galmudug iyo Wasaarada Maalyada Galmudug  Cidii lagu arko iyadoo isticmaalaysa laga qaadi doono talaabo cad Maadama ay abuurayso Sicir barar ku yimaada ganacsiga .
Dhanka kale wuxuu agaasimuhu fariin u diray Dhamaan ganacsatada iyo sarif layaasha ka ganacsada isku badalka lacagaha qalaad iyo Shilin Somaliga wuxuuna ka codsaday in ay ka fogaadan wax yaabaha u keeni kara in Xoolahoda xalaasha ah aysan ku Badal xaaran maadam ay Lacagtan tahay xaashi Rinji la mariyay oo faalsa ah.
Hadalkan ka soo yeeray Wasaarada  Maalyada Galmudug ayaa ah markii ugu horaysay ee  ay ka hadlaan Masuuliyinta Maamulka Galmudug iyadoo Dhawaanahan ay ka Digayeen Maamulka Puntland qadashada Lacagahan balse hada ay ku dhaqaaqen maamulka Galmudug sidii looga hor tagi lahaa Lacagaha faalsada ah ee suuqyada Magaalada Galkacyo ku soo qulqulaya

Help Amoud Foundation to Lift Up A Child’s Life‏

$
0
0

 Click the picture to see all:-
Help Amoud Foundation to Lift Up A Child’s Life‏
 
 
 
 
Help Amoud Foundation to Lift Up A Child’s Life‏
 
 
 
 
 
 
 
 

Natiijada Dooerashada Degmada Hargeysa Oo Lagu Dhawaaqay, Sida Loo Kala Helay Iyo Liiska Magacyada Xildhibaanada Noqday

$
0
0

Gudoomiyaha Degmada Hargeysa ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland  Saciid Jaamac Gudaal ayaa caawa ku dhawaaqay  Natiijada Hordhaca ah ee Doorashada Golaha Deegaanka Hargeysa.
Kulmiye

  1. 1.      Maxamed Aw Aadan Wayrax
  2. 2.      Khadar Ibaraahim Axmed
  3. 3.      Cabdicasiis Maxamed Xaashi Maxamed
  4. 4.      Maxamed Cabdi Aadan Yuusuf

UCID

  1. 1.      Hanad Xaashi Axmed
  2. 2.      Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Saltelco)
  3. 3.      Cismaan Xasan Faarax (Waxar)
  4. 4.      Eng. Yuusuf Warsame Saciid.
  5. 5.      Axmed Siyaad Muxumed
  6. 6.      Axmed Daahir Axmed
  7. 7.      Cabdi Cali Yuusuf

Waddani

  1. 1.      Maxamed Warsame Caalin
  2. 2.      Cabdiqani Yuusf Cabdilaahi
  3. 3.      Cabdilahi Aadan Cali
  4. 4.      Cabdirisaaq Faarax Xasan

Xaqsoor

  1. 1.      Saleebaan Daahri Cabdilaahi (Dugax)\
  2. 2.      Cabdilaahi Aw Aadan Maxamuud
  3. 3.      Cabdilaahi Saciid Faarax
  4. 4.      Deeq Ducaale Cismaan.

Umadda

  1. 1.      Axmed Cali Haybe Nuur
  2. 2.      Khaalid Cabdi Cawad Abyan
  3. 3.      Musatafe Cismaan Daahir

 Dalsan

  1. 1.      Cabdicasiis Aadan Habane (Sisto)
  2. 2.      Fa’aad Saxardiid Caabi

Rays.
1/. Khadar Xuseen Cali (Bohosha)
Hargeysa Somaliland

Golaha Wasiirada oo isku raacay wixii ugu wanaagsanaa oo ay qabtaan “Daawo Sawirada”

$
0
0

Shir ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Ganacsiga iyo adkaynta Amniga.
Ugu horayntii Ra’iisul wasaaraha ayaa ka warbixiyey booqashadii uu shalay ku tagay cirifyada magaalada Muqdisho isagoona u kuur galayey xaalada Amniga iyo sidii loo xoojin lahaa dadaalkii looga sifeeyey Isbaarooyinka goobo badan oo ku yaala Caasimadda.
Sidoo kale golaha ayaa ka dooday sidii loo howl galin lahaa Maxjarka Xoolaha ee ku yaala degaanka Jaziirao halkaas oo ganacsato Soomaaliyeed ugu diyaarsheen Xoolaha Dalka laga dhoofinayo dhamaan agabyadii ay u baahnaayeen sida Naaxinta, Baarista Caafimaadkooda, iyo Cawskii lagu calfin lahaa mudadda ay safarka sii yihiin. Maxjarkan ayaa ah kan kaliya ee ku yaala Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya waxaana ay bilaamaysaa xoolo dhoofintu 31 bishaan.
Goluhu waxay isku raaceen in la sameeyo gudi ka kooban shan Wasiir oo kala shaqeeya gacanstada dhoofinaysa Xoolaaha sidii ay ugu fududaan lahayd howlahooda shaqo. Waxaana gudigaas ka mid ah Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Howlaha Guud, Wasiirka Ganacsiga iyo Wasiirka Khayraadka Dalka Mudane Cabdirisaq Cumar Maxamed oo ah Gudoomiyaha Gudiga.
Sidoo kale Golaha ayaa isku raacay in laga bilaabo maanta aan laga ganacsan karin qalabka ciidamadda sida, Hubka noocyadiisa kala duwan, Rasaasta, Tuutaha, Booshashka iyo dhamaan qalabka ay isticmaalaan Ciidamadu.
Ugu danbayntii Golaha ayaa Amaan u soo jeediyey shacabka sida ay ugu heelan yihiin is bar-bar taaga dowladooda iyagoona ku tilmaamay in wada shaqayn dhex marta shacabka iyo dowlada ay tahay tan kaliya oo lagu sugi karo amniga.


title=”arix92″ width=”300″ height=”225″ class=”aligncenter size-medium wp-image-55063″ />



—Dhamaad—

Natiijada Doorashada Golaha Deegaanka Ee Hargeysa Oo Mardhawayd La Shaaciyay Iyo Siday U Kala Heleen Axsaabta Iyo Ururadu

$
0
0

 

 Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa caawa ku dhawaaqay natiijadda doorashada deegaanka ee magaaladda Hargeysa.
Komishanka doorashooyinku waxay sidaasi kaga dhawaaqeen caawa xaruntooda magaaladda Hargeysa waxaanay sheegeen inay 230 kun oo qof ka codeeyeen magaaladda Hargeysa, kuwaasi waxaanay axsaabtu u kala heleen 25-ka kursi ee Golaha deegaanka Hargeysa sidan:-
1)- KULMIYE waxa uu helay 7 Kursi
2)-WADDANI, waxa uu helay 4 kursi.
3)-XAQSOOR, waxa uu helay 4 kursi
4)-UCID, waxa uu helay 4 kursi
5)-UMMADDA waxa uu helay 3 kursi.
6)- DALSAN waxa uu helay 2 kursi
7)-RAYS, waxa uu helay 1 kursi.
Idhanka-Hargeysa, Somaliland.

TIKA destroys security equipment for Shabelle Radio station (PRESS RELEASE)

$
0
0

MOGADISHU (Sh.M.Network)— Mogadishu, 06 December, 2012-The administration of Shabelle Radio station announced that TIKA organization will take responsibility for any insecurity incident at the compound after destroying its protection facility.
Early on Thursday bulldozers run by TIKA with armed freelance militia destroyed security equipment for the independent Shabelle Radio station in Mogadishu.
The private army have cordoned off the compound of the station and swept the entire security barricades that were built for protection purpose. Officials in Somalia government and Shabelle Media administration spoke to TIKA to stop the demolition.
Unfortunately, TIKA has challenged and refused to take the call by Somali government officials and the station’s authority over the devastation action against the security barriers for Shabelle Radio in Mogadishu.
According to the statement, former Al shabab members were involved in the demolition action on Thursday and that drew suspicion of possible attack against the building of Shabelle Radio.


Mareekanka oo sii kordhinaya taageerada AMISOM

$
0
0


Washington (Sh.M.Network)— Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay sii kor dhinneyso taageerada ay siiso Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.
Johnnie Carson Kaaliyaha Xoghaya Arimaha Dibada Mareyeknka ee Africa oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in dowladda Maraykanka ay sii kor dhineyso taageerada ay siiso Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.
Kaaliyaha Xoghaya Arimaha Dibada Mareyeknka ee Africa waxa uu sidoo kale sheegay in howlgalka AMISOM ay Soomaaliya uu noqday mid guul laga gaaray, madaama uu sheegy in la wiiqay Awoodii Al Shabaab ay ku lahaayeen Koofurta iyo bartamaha dalka.
Isagoo hadalkiisa sii wata Johnnie Carson ayaa waxa uu ku amaanay Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM howlgaladii u danbeeyay oo ay kula wareegeen deegaano ka tirsan Koofurta Soomaaliya oo ay horay u maamuli jireen Xarakada Al Shabaab.
Dowladda Maraykanka ayaa dhawr jeer Soomaaliya ka fulisay duqeyn dhanka cirka ah oo ay ku dileen hogaamiyaal ka tirsanaa Ururka Shabaab ee ku biiray Ururka Al Qaacidda.

Ra’isal wasaare Saacid :AMISOM iyo Ciidanka dowladda waa in ay sugaan ammaanka

$
0
0


Muqdisho (Sh.M.Network)—Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo isagoo ku sugan Magaalada Muqdisho lahadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay iska kaashan doonaan ammaanka guud ahaan dalka gaar ahaan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Ra’isal wasaare Saacid ayaa waxa uu tilmaamay in Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM looga baahanyahay sugida ammaanka deegaanada ay maamusho dowladda Soomaaliya iyo ka hortagga weerarada ay deegaanadaasi ka fuliyaan Ururka Al Shabaab.
Ra’isal wasaaraha ayaa dhowr jeer oo hore waxa uu sidaan oo kale uu ugu booriyay Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM sugidda ammaanka deegaanada dowladdu maamusho xilli mararka qaar deegaanada dowladdu maamusho falal ammaanka caqabad ku’ah

Madaafiic Aaan Khasaaro Gaysan Oo Ku Dhacay Guri Kuyaal Xaafadda Garsoor Ee Waqooyiga Galkacyo

$
0
0


 
 
 
 
Madaafiic haboow ah oo aan lagaranayn halka ay kayimaadeen isla markaana aan dhalin khasaaro ayaa maantay ku dhacay xaafada Israac ee waqooyiga magaalda gaalkacyo
Inkastoo hubkaasi ay ahaayeen kuwa aad uxoogan oo sababay bur burka guriyihii ay ku dhaceen hadan majirin wax khasaaro nafayd ah oo ka dhashay
 
Maamulka Gobalka Mudug Saraakiisha Puntland iyo dad farabadan ayaa tagay goobtii ay ku dhaceen madaafiicda waxaana halkaasi kahadlay Taliye kuxigeenka Booliska Muxudiin wuxuuna sheegay in madaafiicdaan ay kayimaadeen dhanka koonfurta ee maamulka galmdug isla markaana ay ugu baaqayaan madaxda galmudug in hubka sharcidarada ah ee lagu dhaxridayo Magaalada ay keeni karto qal qal bulshada ah isla markaana samaaeyn uu kuyeelankaro hantida shacabka
Taliyaha ayaa sidookale wuxuu ka hadlay in hubkii saakay kusoo dhacay xaafadda israac guri kuyaal uu bur buriyey saqafka kore ee guri balse uusan dhibaato kale gaysan wuxuuna soo jeediyey in hubka baroobada ah laga dhex saaro magaalda gudaheeda banaanka magaalda gaalkacyo lageeyo
Gudoomiyaha gobalka mudug maxamed yuusuf jaamac tigeey ayaa maamulka galmuudg ka codsaday in ay malayshiyaadka hubka ku dhexsita gobalaka uu amaanka wax udhibikaro isla markaana labada maamul ay iska kaashadaan
Sikastaba hubkaan manta ku dhacay xaafadda israac ayaa imaanta xilli gaalkacyo aysan kajirin wax dagaal ah lamina garanayo in hubkii saakay uu ahaa mid barooba ah ama mid ay malayshiyaadku dana kalahaayeen waxana maamulka galmudug madaxdiisa laga dhowrayaa wax kaqabashada hubka ku jira gacmaha malayshiyaadka oo mararka ay ridaan qasaaro ugaysta shacabka gobalka mudug

Oday Dhaqamayd Lagu Dilay Degmada Ceelbuur Ee Gobalka Gal-gaduud

$
0
0


 
 
 
 
 
 
Wararka ka imaanya Degmada Ceelbuur ee gobalka gal gaduud ayaa waxa ay sheegayaan in maanta magaalada gudaheeda lagu dilay nin kamid ahaa odayaasha magaaladaasi kaa oon la ogayn sababta loo dilay iyo kooxaha dilay

Dilka odaygaan ku sugnaa Magaalada gudaheeda ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii kooxo hubaysan ay toogteen xilli uu ku sugnaa gudaha Magaalada. balse aan lagaranayan hasa ahaatee waxaa magaalada kasocda baaritaano ku aadan cidii ka dameeysay dilka odaygaan

Kooxda Al-Shabaab oo ka arimisa Degmada Ceelbuur ee Gobalka Galgaduud ilaa iyo iminka majirto wax war ah oo ay kasoo saaray dilka loo geestay oday dhaqameedkaan ku sugnaa Magaalada Ceelbuur.

Muuqaalkaan nala Daawo adaa Ilmeeyn doono Quruxda Xeebteena Jazeera ee Duleedka Muqdisho.

$
0
0

Saaxiibada ku xiran Shabakada Balcad.com meel kasta aad joogtaan Jimco Wanaagsan waxaan maanta idiin soo xulnay oo aan jaceyl nahay in aad nala wadaagtaan Muuqaalkaan Xasuus badan idiin ku reebi doono marka aad daawataan:
Muuqaalkaan waa Xebta Jazeera ee waa muuqaal marka aad aragtaan indhahiina uusan mar naba ka jeesaneynin quruxda wadankeena iyo Xeebtaan Jazeera waxaa ka soo xiganeeynaa Shabakada Muuqaalka ah ee Dhawaan hawada soo gashay ee had iyo jeer sida xoowliga ah u soo daabaceeyso Video aad looga wada helay ee ah www.daawo24.com.
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA OO VIDEO AH:

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live