Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Degmada Balcad tan iyo Markii Dowlada ay la Wareegtay Maxaa iska Badalay. “Warbixin”

$
0
0

Degmada baclad waa Degmo ka mid ah Gobolka Shabelada Dhexe waxaana soo yimaada Tuulooyin fara badan waana Degmo leh kheyraad badan, waxaa ku nool Dadweyne fara badan oo ah Bulsho Jaceyl nabada iyo kala dambeynta.
Degmada Balcad waxaa Gudoomiye u ah Cismaan Maxamed Maxamuud “Xaadoole” tan iyo markii loo soo magacaabay Degmadaasi waxuu wax weyn ka qabtay dhanka Amaanka Waa Gudoomiye inta badan ku shaqeeyo talada Odayaasha Degmada Balcad waxuu kaga duwan yahay Gudoomiyayaashii hore ee degmada soo maray la tashiyada Shacabka iyo Odayaasha Magaalada.
Dhanka Ganacsiga iyo isu socodka Dadweynaha waa mid xowli ku socda Magaaladu waxaa ka dareemeysaa in oo ka soconaya Dhismo iyo horumar dhanka Amaanka waxaa kaloo intaa dheer in Maamulka Degmada uu diiday in Canshuur xaqdaro ah oo wadanka intiisa kale aan laga qaadin in laga qaado shacab masaakiin ah oo xoog maal ah.

Shacabka Degmada Balcad Gudoomiyahooda Mr Xaadoole waxeey ku amaanaa is hortaagii uu ku sameeyay Horjooge Abdi Jiinoow oo ah Gudoomiyaha Shabelada Dhexe Canshuurtii uu ku soo rogay Degmada Balacad waxaana Xaadoole lagu xasuustaa si uu u maqlay Odayaasha iyo shacabka reer Balcad oo uu u diiday Canshuurtii Baada ee Horjooge Abdi Jiinoow.
Isku soo wada duub Degmada Balcad waxaa ka soconaya horumar dhan walba ah waxaa dhawaan idiin soo gudbineeynaa haduu alle idmo Sawiro iyo Video laga soo duubay Degmada Balcad iyo sida uu u shaqeeyo Maamulka Degmadaasi.
Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Balcad
Degmada Balcad Gobolka Shabelada Dhxe.


AMISOM oo maleeshiyaad ku sugan hiiraan taba bar usoo gaba gabeysay

$
0
0

Muqdisho(Sh.M.Network)—Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Hiiraan Korneel Isxaaq Cali Cabdulle oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in ay Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan Gobolka Hiiraan ay ku guuleysteen Taba barista Ciidamo Maleeshiya ah oo ku sugnaa Magaalada Balad Weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan
Korneel Isxaaq Cali cabdulle ayaa waxa uu tilmaamay in Ciidamadaasi tababarka loo soo gaba gabeeyay hadda ay ku suganyihiin Magaalada Baladweyne islamarkaana ay adkeeyeen ammaanka Magaaladaasi
Korneel Isxaaq Cali cabdulle ayaa waxa uu dhinaca kale sheegay in ay ku guuleysteen in Ciidamada ammaanka Maagalada balad Weyne ay gacanta ku soo dhigeen rag uu sheegay in ay yihiin gacan ku dhiiglayaal kuwaasi oo dilal ka geestay Magaalada Balad Weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan
Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan Magaalada Balad Weyne gaar ahaan kuwa Jabuuti ayaa waxa ay bilooyinkii dambe taba barro ufidinayeen Ciidamo Maleeshiyaad ah oo ku sugnaa Magaalada Balad Weyne ee Bartamaha Soomaaliya

Rajadii Susan Rice oo baaba'day

$
0
0

Danjiraha u fadhiya Mareykanka Qaramada Midoobay, Susan Rice, ayaa ka baxday tartankii ay ugu jirtay inay qabato shaqada Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka. Madaxweyne Obama ayaa ka aqbalay go'aankeeda.

Soomaaliya iyo Jabuuti oo iskaashi cusub sameynaya

$
0
0

Guddoonka sare baarlamaanka Soomaaliya Prof Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari oo shalay gudaha Magaalada Muqdisho kula hadlay Saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in labada Baarlamaan Jabuuti iyo Soomaaliya ay yihiin  labo wada shaqayn ka dhexeysa si ay danahooda uhormariyaan
Jawaari ayaa sidoo kale tilmaamay in labada dekad ee Muqdisho iyo tan Jabuuti ay iyaguna howlahooda shaqo isdhaafsan doonaan wuxuuna Carabka ku dhuftay in dekedda Muqdisho dib udhis lagu sameynayo si dhaqaalaha Soomaaliya uu ukobco
Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir weyn oo soo jireen ah ayna mar walbo ka tashadaan Mustaqbalka labada dal

Gaashaandhiga Turkiga iyo Soomaaliya oo heshiis dhex maray

$
0
0

Muqdisho(Sh.M.Network)—Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya  Cabdullaahi Ciil Mooge ayaa kulan ay shalay Wasiiradu yeesheen ka dib waxa uu lahadlay saxaafadda isagoo tilmaamay in Wasaaradaha Gaashaandhiga Turkiga iyo Soomaaliya wada gaareen heshiis wada jira
Ciil Mooge ayaa waxa uu tilmaamay in Wasaaradaha difaaca Turkiga iyo Soomaaliya ay heshiis wada saxiixdeen kaasi oo ku adaan in labo Million oo doolarka Mareekanka ah ay ugu deeqdo Ciidamada Soomaaliya si loogu qalabeeyo
Wasiirka ayaa dhanka kale waxa uu carabka ku dhuftay in Wasaaradda Gaashandhiga ee Turkiga ay ballan qaaday in ay tababar ufidineyso Ciidamada Soomaaliya wuxuuna intaa ku daray in heshiiiskaas Golaha wasiirada ay baas gareeyeen una gudbin doonaan Baarlamaanka si loo ansixiyo
Waa markii ugu horeeysay ee Wasaaradda difaaca ay heshiis la gasho wasaarad dal kale oo dhigeeda ah tan iyo markii la magacaabay wasiirka Gaashaandhiga

Wasiirka Gaanshaandhiga oo gaaray Magaalada Garbahaarey iyo hub uu u geeyay Ciidamada Dowladda

$
0
0

Wasiirka Gaanshaandhiga ayaa wuxuu gaaray Magaalada Garbahaarey ee Xaruunta Gobolka Gedo, oo muddo sanad iyo bar kahor laga saaray Ururka Al Shabaab. Wasiirka Wasaarada Gaanshaandhiga ee Xukuumada Soomaaliya Mudane C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi iyo Masuuliyiin kale, ayaa waxay gaareyn Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo. Wasiirka iyo Masuuliyiintii la socotay ayaa hub iyo lacago gaarsiiyay Ciidamada [...]

Dagaalo lagu jilbo murxay oo ay iskaga hor yimaadeen Ciidamada Kenya iyo Al Shabaab

$
0
0

Al Shabaab ayaa waxay maanta dagaalo culus ay la gashay Ciidamada Dowladda Kenya, oo ay si weyn uga soo horjeedo qorshaha ay ku jooggaan dalka Soomaaliya, oo ay ku sheegtay mid gumeysi ah. Dagaaladaan ayaa waxay ka dhaceen inta u dhaxeyso Kismaayo iyo Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana wadada loo galay baabuur ay la [...]

Madaxweyne Hassan, R/Wasaare Saacid & Ganacsade Abdiqaadir Cosoble oo Qorshe qatar ah ka wada Muqdisho. “Xog Culus”

$
0
0

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ka soconaya Qorshe aan nuuciisa horay loo arag loona maqal kaas oo uu Wado Ganacsade Abdiqaadir Cososle oo ka mid ahaa Musharaxiintii u tartamay Xilka Madaxweynaha 10 September 2012 oo uu ku guuleestay Doorashadaasi Madaxweynaha Haatan Talada haya ee  Hassan Sheekh Mahamuud.
Hadaba Qorshaha uu wado Ganacsade Abdiqaadir Cosoble waa Qorsho Maamul Goboleed loogu magacdari rabo Banaadir State kaas oo ka koobnaan Doono Gobolada kala ahLaba Shabelle iyo Gobolka Banaadir waxaana Qorshahaan uu Ganacsade Abdiqaadir Cosoble Taageero weyn kaga heestaa Madaxweyne Hassan Sheekh iyo Ra’isul Wasaare Saacid.
Shabakada Balcad.com ayaa si hoose u ogaatay in Qorshahaan uu ka dhashay markii Ganacade Abdiqaadir Cosoble uu Madaxweyne Hassan Sheekh ka doontay abaal gudkiisa kaas oo dhinacyo badan markii ay isla fiiriyeen loo sheegay in loo magacaabayo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho taas oo uu Ganacsade Cosoble u aragkay arin fiican waxuuna maalmo kadib fikir ka duwan kii ay kawada hadleyn Madaxweynaha uu soo bandhigtay oo ah in uu Madaxweyne u noqdo Maamul Goboleed uu u gogol xaarayo asaga oo ah Banaadir State kaas oo lagu mideeynayo Saddex Gobol ee kala ah Shabeelooyinka iyo Banaadir wuuna aqbalay Madaxweynaha.
Qorshahaan uu Ganacsade Abdiqaadir Cosoble wata ayaa dhinacyo badan taabanaya asagoo maalmahaan aad ugu mashquulsan ku qancinta Beelaha Daga Saddexdaa Gobol in ay la shaqeeyaan oo uu sheegay in uu wax ka siinayo maamulida Maamul Goboleedka Banaadir Satate oo ay Dowlada ku aqoonsan doonto habka ay ku dhisan tahay Dowlada ee Faderalka ah waxuuna Taageero Weyn ka hestaa Madaxda Dalka.

Ma Ogtahay in Ganacsade Abdiqadir Cosoble uu yahay Maskaxdii Madaxweyne Hassan Sheekh uu kaga guuleestay asagoo ka dhaadhiciyay Abdiweli Gaas in ay u tanaasulaan Hassan Sheekh si uu meesha uga baxo Madaxweynihii hore ee Dalka Sheekh Shariif waana tan maaanta uu heesto in uu sameeyo maamulkani uu doonaya Ganacsade Abdiqaadir Cosoble.
Dhanka kale waxaa soconaya qaban qaabada Xaflada ku dhawaaqida Maamul Goboleedkaan oo la filaya in ay dhacdo Sanadka cusub 2013 horaantiisa balse waxaa wax lala yaabo ah arintani sida ay ku soconeeyso marka aad ka fiiriso meelo badan hadii la dhaho deegan ahaan Maamulkani xaq ma u lee yahay Ganacsade Abdiqaadir Cosoble mise waxuu heestaa Taageero Madaxweyne Hassan Sheekh Mise  la dhihi karaa waa Abaal gudkiisa oo shalay ayuu abaal u galay Madaxweyne Hassan.
Isku soo wada duub arintani ayaa imaaneeyso xili tuhun xoogan uu ka taagnaa qorshaha ay wadaa Madaxweyne Hassan Sheekh iyo Ganacsade Abdiqaadir Cosoble balse hada waxaa ku soo darsoomay Ra’isul Wasaare Saacid Sheekaduna waa Madaxdii Dalka iyo ganacsade Abdiqaadir Cosoble oo Maamul Goboleed Shirko ah Sameeysanaya Magaciisuna la yiraah Banaadir State.
Qore: Tafatiraha Shabakada Balcad.com


Afhayeenka Amisom oo si weyn maanta uga hadlay dagaalada iyo qorshaha Amisom oo uu shaaca ka qaaday

$
0
0

Korneel Cali Aadan Xaamuud ayaa wuxuu ka hadlay dagaalada ay kula jiraan kooxda Al Shabaab, isagoo sidoo kalana shaaca ka qaaday qorshaha Ciidamada Amisom ee dagaalada. Afhayeenka Guud ee Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom Korneyl Cali Aadan Xaamuud, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu marka hore uu ka hadlay dagaaladii ugu [...]

Markab laga soo daynayo Puntland

$
0
0

Markab la haystay in kabadan laba sanno ayaa la soo daynayaa kadib markii ay ciidamada Puntland la galeen dagaal burcada.

Daawo:Dhacdo Aad Unaxdin Badan oo qabsatay Hooyo Soomaaliyeed oo haatan nolosheyda iyo qoyskeyda kasamartay Murugo

$
0
0

Hooyo Soomaalıyeed oo arın naxdın leh kala kulantay Naag Cadaan ah oo qanıısad ah tasoo kudhıgtay arın naxdın leh ısla markaa Hooyadıı soomaalıyeed nolosheyda kasamartay.
Hooyadaan soomaalıyeed ayaa guud ahaan ka bur burtay nolosheydı ayadoo sıweyn oga naxsanyıhın dadkıı maqlay arıntooda waxayna noqotay dhacdada ugu naxdınta badan oo kadhacdo wadanka Ingırııska kuna qabsato qof soomaalıyeed Daawo dhacdadaan hadıı aad qalbı jılıcsantahe Aqrıste ame aad Ilmeneyso ha hadaawan waa dhacdo naxdın ıyo ambakaak leh oo laga naxay.
HALKAAN KADAAWO

Ciidamada dowlada oo si arxan daro ah degmada Dayniile ugu dilay gabar Arday ah

$
0
0

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa ku dilay xalay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir Gabar ardayad ahayd oo xiligaas waxbrasho kasoo baxday.
Gabadhan oo da’deeda 20 jir lagu qayaasay ayaa waxaa meel jid ah kaga hor yimid ciidamo katirsan kuwa amaanka degmada Dayniile, waxaana ay markaas wadatay Mobile-ka gacanta iyo Computer Laptop ah.
Ciidamada ayaa istaajiyay gabadha waxaana ay ka baarteen waxii ay wadatay oo Mobile-ka iyo Computerka ay ku jireen, waana ay ka dhaqaaqeen.
Hase ahaatee gabadha ayaa waxaa ay samaysay qeylo dhaan markii ay waxyar ka fogaadeen ciidamadii dhaca ugaystay iyadoo ku qeylinayso erayo ay caawinaad ku dalbanaysay.
Waxaase ciidamadii dhaca ugaystay ay kusoo fureeen rasaas keentay in gabadhaas ay isla goobta ku dhimato sida usheegay mid kamid ah dadka deegaanka.
Ma jirin cid katirsan maamulka iyo ciidamada oo kusoo baxay dilka gabadhan, waxaana meydkeeda meesha ka qaaday dadka degmada Dayniile.
Maamulka degmadaas wax war ah kama soo saarin dilkan ka dhacay gudaha  degmadam iyadoona dilalka noocaan oo kala ay marar badan gaysteen ciidamada dowlada.

Ciidamada Maraykanka oo ku tabobaranaya dad Soomaali ah

$
0
0

Ciidamada maarinista Maraykanka oo hawlgalo militari u iman raba qaaradda Afrika ayaa waxaa lagu tabobarayaa qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee Maraykanka ku dhaqan.
Dad Soomaali ah oo tiro badan ayaa cutubka 22 aad ee ciidamada mariiniska Maraykanka waxa ay u buuxinayaan kaalintii askar Afrikaan ah oo ay tabobari doonaan askartani marka ay Afrika yimaadaan.
Soomaalida waxa ay ku qasbanyihiin in ay Afsoomaali ku hadlaan inkasta oo ay luuqada English-ka si wanaagsan u garanayaan, tanina waxaa looga gol leeyahay in ciidamada ay lasii qabsadaan dadka ay u tagi doonaan.
Inkasta oo ciidamadani Maraykanka ay tagi doonaan Uganda sida la sheegey, ayaanan haddana la ogeyn waxa Soomaalida loo doortey iyadoo la ogyahay in Uganda aysan Soomaalida ka mid ah ciidamadeeda.
Dadkani waxa ay jilayaan sidii askar la tabobarayo oo kale, iyagoo qoryo aan cabaysneyn fargadda qabanaya oo ku toog baranaya.
Arrintani waxa ay socotey labbo maalmood, dadkuna waxay ahaayeen kuwa mutadhawiciin ah.
Shirkad lagu magacaabo Defense Training System ayaa waxa ay qandaraas ku heeysataa in ciidamada Maraykanka ay u keento dad Afghanistaaniyiin ah iyo kuwa Iraaqiyiin oo ay ku tabobartaan ka hor inta aanan dalalkaasi la geeynin, nin u hadlay shirkadani oo lagu magacaabo Richard Arnold waxa uu sheegey in Soomaalidan ay ciidamadan ku tabobaranayaan ay wax weyn ka caawineyso askarta sidii ay la qabsi ula sii samayn lahaayeen jawiga ay gali doonaan iyo dad ay u tagi doonaan.
Dadka Soomaalida ee ka qeyb qaadanaya leeyligan ay ciidamada sameynayaan ayaa sheegey in kaliya ay doonayaan in dalkooda ay dib ugu celiyaan wax uun waxtar loo arki karo, maadaamaa ciidamada Maraykanka ay tabobari doonaan kuwa Uganda ee hawlaha nabad illaalinta u jooga Soomaaliya, sida hadalka loo dhigey.

Militariga Dowlada Kenya oo Soobuuxdhafiyay Xuudada Somalia Iyo Kenya Udhaxaysa

$
0
0

Gelitaanka xuduuda ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamada ay weydiinayaan dadka galaya Kenya inay wataan sharciga loo yaqaano Kibaadhaha.
Sarkaal ka tirsan ciidamada booliska gobolka waqooyi bari ayaa sheegay inay xoojinayaan ammaanka, isla markaana ay ka feejignaan doonaan weeraro laga soo abaabulo Soomaaliya.
Todobaadkii hore ayay aheyd markii Ciidamada ay qabteen dad hub iyo bambaanooyin ka talaabinayay xuduuda iyo hub lagu gelin rabay gaari dameer.
Dhinaca kale dowladda Kenya ayaa ku amartay hey’adaha Qaramada Midoobey inay joojiyaan diiwaan gelinta qaxootiga cusub, iyadoo fartay Soomaalida ku sugan Nairobi ee heysta waraaqaha qaxootiga inay ku laabtaan xerooyinka qaxootiga.
Si kastaba ha ahaatee magaalooyinka Kenya ayaa mudooyinkii u dambeeyay waxaa ka dhacayay mowjado weeraro ah oo isugu jiray qaraxyo iyo dilal loo geysanayay askarta.

Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay Guddi hoosaadyo la Xisaabtama Xukuumadda

$
0
0


Muqdisho(Sh.M.Network)—Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ka dib Kooram ay soo xaadireen illaa 158 Mudane islamarkaana uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxaa looga dooday Guddiyo ka kooban illaa 15 guddi oo Baarlamaanka Soomaaliya dhawaan ay Magacaabeen ku waasi oo lagu wado in ay la xisaabtamaan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa qaab gacan taaga waxa ay ugu Codeeyeen Guddiyadaasi iyadoona la ansixiyay
Guddiyadaan oo uu guddoonka sare ee baarlamaanku Faah faahin ka bixiyay ayaa qaar ka mida waxa ay si hoosha uga shaqayn doonaan arrimaha Baarlamaanka halka kuwa kalana  ay la xisaabtami doonaan Xukuumadda
Illaa 156 xildhibaan ayaa Ansixiyay Guddiyadani halka 2da Xildhibaan ee kalana Mid ka mida gabi ahaan uu ka aamusay kana kala uu diiday sidaasna Guddiyadu ay ansax unoqdeen
Baarlamaanka ayaa Maalmihii dambe waxa ay ku hoolanaayeen dhisitaanka Guddiyadaasi iyadoo maantana loogu baaqay in durbaba ay howl galaan


Madaxweye Ku Xigeenka Somaliland Oo Maanta Ka Qayb Galay Shir Lagu Dejinayey Qorshaha Nabadda Somaliland.

$
0
0


Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ay wehelinayeen Wsiirka Arimaha Gudaha, Maxamed Nnuur Carraale Duur, Wasiirka Dibidejinta Saleebaan Ciise Axmed Xagla-toosiye, madax kale oo xukuumadda ka tirsan, Madaxda Haaayadaha UNDP, FCA iyo Hay’ado kale oo Wasaaradda arimaha gudaha kala shaqeeya arimaha amaanka.
 
Kulanka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland oo ku eekaa maanta, ayaa waxa intii uu socday lagaga wada hadlay sidii ay qorshahaasi u noqon lahaa mid dhaqan gala, waxaana ugu horayn halkaasi ka hadlay Madaxweyna e ku xigeen C/raxmaan  C/laahi Ismaaciil Saylic, waxaanuu sheegay inay amaanku ayahay mid aad u muhiim ah oo lagama maarmaan ah, wxaanuu Wasaaradda arimaha gudaha iyo Hay’adaha uga mahad celiyey sida ay ugu hawlan yihiin  arimaha amaanka.
 
Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Nuur Carrale Duur oo isaguna ka hadlay ahalkaasi, ayaa waxa uu sheegay in amaanku uu yahay mid lagama maamaan ah oo loo baahan yahay in la iska wada kaashado
 
Hargeysa Somalilabnd

Baarlamaanka oo meel mariyay Istiraatijiyadooda shaqo ee sanadaha 2013&2014

$
0
0


Muqdisho(Sh.M.Network)—Baarlamaanka Soomaaliya ayaa  maanta kulan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxa ay ku ansixiyeen Istiraatiijiyadda Cusub ay ku shaqeynayaan Sanadaha 2013&2014
Kulanka oo Bilowday Abaara 8dii Subaxnimo ayaa intiisa badan waxa lagu falanqeeyay Muhiimadda ay ku fadhiso Qorsha hooleedkaan ay xildhibaanadu Gaareen ee ay ku shaqaynayaan Sanadaha 2013 iyo 2014
Dood iyo Falanqeyn Dheer ka dib ayaa Xildhibaanadu waxa qaab gacan taaga ay ku ansixiyeen Qorshahaasi waxaana kulanka Soo xaadiray illaa 152 Mudane oo 49 Ka mida ay ucodeeyeen Qorshahaasi halka Seddexda kalana ay diideen mana jirto xildhibaanno ka aamusay Ansixinta Qorshahaasi
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo madasha hadal ka jeediyay ayaa iyagu ku dheeraaday qorshaha Istaraatiijiyadda Baarlamaanka uu ku shaqaynayo kuwaasi oo ubadan la xisaabtan iyo la socod dhab ah ee xildhibaanadu ay kaga war qabayaan howlaha iyo adeegyada dalka.
Kulanka ayaa ugu dambeyn ku soo idlaaday Jawigii loogu talagalay kadib markii uu ku dhawaaqay Shir guddoonka in uu  ansax yahay Ajandaha Mudanayaashu  maanta ay uga doodayeen kulankooda

Dhaq dhaqaaq Ciidan oo laga dareemayo Degmada Ufurow

$
0
0


Ufurow(Sh.M.Network)—Wararka laga helay Degmada Ufurow ee Gobolka Bay ayaa waxa ay sheegayaan in Dhaq dhaqaaqyo xoogan laga dareemayo Degmadaasi Ufurow ee Gobolka Bay kuwaasi oo udhexeeya Ciidamada dowladda iyo Kuwa Ithopiya oo dhinaca iyo Xarakada Al Shabaab.
Degmada Ufurow ee Gobolka Bay oo Sanadihii ugu dambeeyay ay maamulayeen dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ayaa dhawaan waxaa halkaasi Gaaray Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ithopiya kuwaasi oo iyana Shalay galinkii dambe mar dib uga soo noqday
Dad deegaanka ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo xoogan oo labada dhinac ah inkastoo xaaladdu haatan ay degentahay.
Dhinaca kale Gudaha degmada ayaa waxaa laga dareemayaa Barakac xoogan oo dadkii halkaasi ku dhaqanaa ay wadaan kuwaasi oo isaga baxsanaya dagaalo laga yaabo in Gudaha Degmada ay ku dhexmaraan Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya Kuwa Ithopiya iyo Xarakada Al Shabaab

Puntland Oo Sheegtay In Ay Boosaaso Ku Qabteen Qalab Usocday Kooxda Kujirta Buuraha Gal-gal

$
0
0


 
 
 
 
 
 
Ciidamadda  Puntland ayaa gacanta ku dhigay Sahay u rarneyd sida lasheegay Kooxda Al-Shabaab ee Buuraleyda Galgala iyadoo sidookalana gacnta lagu dhigay kooxihii waday gaariga sahayda ah
 
Hey’adaha amniga Puntland oo sheegtay in ay heshay xog ku saabsan sahaydaan kadib ayaa gaari raran kuna sii jeeday Buuraleyda Galgala waxaa lagu qabtay kontoroolka Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland .
Sahayda la qabtay ayaa ka koobnayd: 40- jawaan oo ay ku jirto cunno cayriin ah, sida bariiska, sonkor, iyo burka; 11-kartoon oo ay ku jirto baasto, saliid, kaluun gasac ku jira, iyo yaanyo; 1-jawaan oo ay ku jirto 48-joog oo kabo ah; iyo 5-kartoon oo daawo isugu jirta faleebayaal, kaniiniga anti-biotic, iyo irbado dhiig-joojin ah.
Ciidamada amniga ayaa gacanta ku dhigay darawalkii gaariga ahnamulkiilaha gaariga, iyo iyadoo darawalka iyo xubno kale oo hore loogutuhunsanaa inay gacan ka gaystaan sahay siinta kooxda argagaxisada AlShabaab oo ku dhuumaalaysanaya Buuraleyda Galgala, iyadoo baaritaanku socdo dadkii falkaan lagu soo qabtay, sharcigana la horkeeni doono.
Majiraan wax war ah oo kasoo baxay kooxda buuralayda gal gala ee lagu eedeeyay in ay sahaydaan usocotay balse waxaa muuqta in kooxda buuraladay goolis kujirta ay dagaal xoogan kula jiraan maamulka puntland

Saraakiisha Ciidamada Kenya oo sheegay in ay sii wadayaan Howlgaladda ka dhanka ah Soomaalida

$
0
0


Nairobi(Sh.M.Network)—Saraakiisha Ciidamada Ammaanka dowladda Kenya ayaa waxa ay sheegeen in ay sii wadayaan Howl galladooda ka dhanka ah Soomaalida ee baadi goobka ay ugu jiraan dadka ka dambeya Falalka amni darri ee ka jira gudaha dalkaasi Kenya
Hadalka Saraakiishaani Kenyaatigaa ayaa yimid xilli howl gallo xoogan oo raafa ay xalay ka sameeyeen Ciidamada Kenya Xaafado ka tirsan Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya Gaar ahaan Xaafada Soomaalidu ay ku badantahay ee Islii.
Howl gallada ka socda Magaalada Nairobi ayaa waxaa Cabasho Xoogan Ka muujinaya Shacabka Soomaalida ee ku dhaqan Magaalada Nairobi kuwaasi oo sheegay in xaalad qal qala ay la soo deristay
Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi ayaa dadka ku dhaqan waxa ay sheegayaan in ay ku suganyihiin xaalad amini xumi tii ugu dareed ka dib markii Ciidamada Kenya maalmihii dambe ay howl gallo ballaaran ka billaabeen Xaafadaha Soomaalidu ay ku badanyihiin ee dalkaasi Kenya

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live