Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Wadaad si weyn u taageerada Xarakada Al-Shabaab oo lagu xiray Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya

$
0
0

Warbaahinta ku hadasha Afka Xarakada Al-Shabaab ayaa baahisay Maanta war ku aadan in xalay Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi lagu xiray wadaad si weyn u taageera Xarakada Al-Shabaab.
Sheekh Xasaan Xuseen Abuu Salmaan oo ah Wadaad caan ka ah Magaalada Nairobi iyo gudaha Soomaaliya si weyna u taageera Dagaalyahanada Al-Shabaab dagaalada ay wadaan ayaa Ciidamo katirsan Booliiska Kenya waxa ay xireen xalay abaaro 10:00pm ee habeenimo xili uu kujiray Maktaba uu wax u aqrisanayay.
Lama oga ilaa wali halka ay la aadeen Ciidamada kenya wadaadkan lagu xanto in Shabaab taageero badan u hayo uuna inta badan qabto Muxaadarooyin lagu taageerayo Al-Shabaab laguna durayo Dowlada Soomaaliya iyo dadka taageersan.
Warbaahinta Afka Shabaab ku hadasha ayaa si kulul u cambaareeyay falkan lagu xiray Sheekhan Dhalinyarada ah aadna u taageera Al-Shabaab iyagoona xarigiisa ku tilmaamay dulmi iyo mid loogu gafayo culumada sharafta badan ee Soomaaliyeed.
Ma ahan markii ugu horeesay oo Sheekh Xasaan lagu xiro Magaalada Nairobi waxaana dhacday in marar kala duwan ay xireen wadaadkan Ciidamada Kenya maalmo kadibna dib looga sii daayay xabsiga.


Dhacdo Layaab leh: Milkiilaha Telefishin oo xaaskiisii furay, kadibna Tv ka baahiyey

$
0
0

Mulkiilaha warbaahinta madadaalada ee Melody ka kooban Telefishino, Raadiyaal iyo Internet-ka ayaa dhawaan sameeyey arrin aan horey loo maqal loona arag ka dib markii uu xaaskiisii inta furey ka shaaciyey Telefishinada faraha badan ee uu leeyahay.

Jamaal Marwan oo ah mulkiilaha Meldoy Tv Channels wuxuu taariikh cusub u dhigay warbaahinta  gaar ahaanTelefishinada dunida isagoo baahiyey in uu furey xaaskiisii Jihan oo hooyo u aheyd afar caruur ah oo uu dhaley iyadoo kan ugu yar uu dhashay bartamihii sanadkii hore sida Jamaal uu ku shaaciyey bogiisa Twitter-ka Internet-ka.

Jamaal iyo xaaskiisa ay kala tageen
Furiinka uu ku kacay Jamaal Marwan waxaa lagu macneeyey in uu ahaa kii ugu damiirnimada xumaa isagoo xaaskiisii markii ay kala tageen, ka baahiyey Telefishinada ogeysiis ku sheegayo in uu furay xaaskiisi Jihan isla markaana uu siin doono hal pound oo lacagta wadanka Masar maalin kasta oo ay isla noolaayeen xaaskiisa oo ay is qabeen 14 sano taasi oo aan la aqoon waxa uu ula jeedo.
Wargalinta furiinka xaaska mulkiilaha Melody Tv laguma soo koobin in laga baahiyo Telefishinka, ee wuxuu amar ku bixiyey in lagu baahiyo barta You Tube-ka ee Melody, iyadoo loo sii daayey qaab ogeysiis ah oo lagu bilaabay “Bayaan deg deg ah”, waxaana lau soo darey muuqaalka qoraalkii maxkamada ee furiinka, iyadoo lagu soo bandigay dalqadaha furiinka magacyada Jamaal iyo waliba magaca buuxa xaaskiisa uu furay Jamaal.
“Lama yaabani sida Jamaal uu u sameeyey arinkan, laakiin waxana la yaabanahay sida Aabe uu ugu sameyn karo waxan oo kale ilmihiisa, waxaan rumeysanahay in uu leeyahay afar cauur ah oo ay u dhashay Jihan, oo kan ugu yar uu dhashay sanadkii hore” sidaasi waxaa yiri qof ka mid ah dadka ku dhaw qoyskiisa.
Furiinka Jamaal uu furay xaaskiisa oo dhacay 13-kii bishan December waxaa la sheegay in ay udub dhexaad u aheyd muran ka dhashay haweenay Fanaan ah oo Lubnaan u dhalatey oo la sheegay inay wiil u dhashay, arintaasi oo uu beeniyey Jamaal.
Telefishinka MTV oo warbixin ka sameeyey furiinkan la yaabka leh ayaa tabiyey in Jamaal iyo xaaskiisa JIhan mudo muran ka dhex aloosnaa, isagoo maalmo ka hor furiinka u kicitimay wadanka Mareykanka, halkaasi uu ay ugu tagtey iyadoo ay jiraanm warar sheegaya inay isku dayeysay sidii loo xalin lahaa khilaafka, balse arintaasi waxay ku soo biyo shubatey furiin laga baahiyey telefishinada ninkeedii Jamaal.
Jamal Marwan oo waxaa dhashay Mono C/naasir oo ah haweenay uu dhalay Madaxweynihii hore ee Masar Jamaal C/naasir, aabihiis Ashraf Marwan oo ahaa ganacsade billionaire ah ku dhintey magaalada London sanadkii 2007-dii, isagoo la sheegay in uu ka soo dhacay dabaqa afaraad ee Hotel-kii uu deganaa, wallow ay jiraan warar sheegaya in daabaqada qolkii uu deganaa laga soo tuuray sida ay muujiyeen baaritaano la sameeyey.
Ashraf Marwan oo jirey 63 sano waxaa jira warar warbaahinta laga baaiyey oo sheegaya in uu ahaa Jaasuus Isra’il u shaqeyn jirey, inkastoo ay jiraan warar kale oo sheegaya in uu ahaa laba wajiile Isra’il iyo Masar sirdoonkooda ka tirsanaa.
Ashraf Marwan wuxuu la taliyaha dhanka amaanka u ahaa madaxweynihii hore ee wadanka Masar Anwar Al-Sadaat.
Jamal walaalkiis  wuxuu qabaa gabar uu dhaley xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta Caamir Mussa.
Mowliid Xaaji Cabdi

The struggle against the political domination and the ill-stricken government

$
0
0

Introduction: Some of the common issues that have precipitated the civil war in Somalia that divided its people and the country so deep can be conveniently classified as struggle for political domination, control over the economic resources and power over control of territories. For instance, the government of Somalia has long been regarded as a [...]

Diiday Cadaalad iyo Garsoor: Dhismihii Maamul Goboleedka Puntland

$
0
0

Ka dib markii wadatashi iyo turxaan bixin dheer ay yeesheen Isimada, Siyaasiinta, Aqoonyahanada, Ganacsatada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool degaanada Puntland, ayay waxay go’aansadeen in lagu qabto shirweyne magaalada Garoowe, shirkaas oo ujeedadiisu ahayd in lagu dhiso maamul goboleed ay ku bahoobaan gobolada Bari, Karkaar, Nugaal iyo Mudug, hase yeeshee waxaa markii [...]

Mogadishu: Has It Restored Its Image as the Nation’s Capital?

$
0
0

Introduction About a year ago, Mogadishu was still in tears. It is now busy wiping out the deluge of tears that had previously inundated its cheeks. It is now recovering from the ordeal of over twenty years of insecurity, lawlessness and despair. But it is also haunted by the spectre of a relapse. The large-scale [...]

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Oo Amarkii Diyaaradda Muqdisho tagaysay lagaga reebay ku xidhiidhiyey marwada madaxweynaha

$
0
0

Guddoomiye xigeenkii hore ee xisbiga KULMIYE md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, ayaa ka hadlay qorshe ay hay’adaha ammaanka Somaliland shalay kaga reebeen diyaarad uu u raacayay magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya.
 Hay’adaha ammaanka ayaa shalay diyaaradda Juba oo ka kacaysay madaarka Berbera ka reebay siyaasigan Cabdiraxmaan Cabdiqaadir iyo wasiirkii ciyaaraha ee xukuumadii UDUB Md. Maxamuud Siciid Maxamed, waxaanay labadooduba si rasmi ah uga hadheen diyaaradaas oo ay u raacayeen magaalada Muqdisho. Haddaba, waxa uu Wargeyska Geeska Afrika xalay arintan wax ka weydiiyay Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, waxaanu go’aanka diyaaradda lagaga reebay ku eedeeyay wasiirka arrimaha gudaha Md. Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo uu Cabdiraxmaan sheegay inay isna soo amartay marwada Madaxweyne Siilaanyo Marwo Aamina-weris Maxamed Jirde.
Ugu horayn isagoo ka hadlaya go’aanka diyaaradda lagaga reebay wuxuu Cabdiraxmaan Cabdiqaadir yidhi, “Waa dhab oo maanta ( Shalay ) ayaan dhoofayay oo waxaan ku qornaa diyaarada Juba la yidhaahdo, markaas meesha waan tagay oo shaqaalihii meesha joogayna si wanaagsan ayay iila dhaqmeen waraaqiina degdag ayay iigu dhameeyeen, mar danbe oo diyaaradii isa soo taagtay ayaa ay madaxdii meeshu ii yimaadeen oo ay yidhaahdeen warbaanu sirdoonkii ka helnay  oo waxay yidhaahdeen ninkaasu ma dhoofi karo.”
Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, wuxuu amarka dib u soo celintiisa ku eedeeyay madaxtooyada, gaar ahaana wuxuu sheegay in wasiirka arrimaha gudaha laga soo xigtay inay marwada madaxweynuhu amar ku bixisay in diyaaradda laga reebo, “Sidaan meesha ka fahmayna waxa laygu yidhi warkaas waxa soo bixiyay wasiirka daakhiliga, markii wasiirka daakhiliga iyo wasiiro kale la waraystayna waxa la yidhi arintan madaxtooyada ayay ka timid oo wasiirka daakhiligu waxa uu ku dacwooday marwada madaxweynaha ayaa aniga I soo fartay in diyaaradda laga reebo, wali iyagii ayaa isku mashquulsan oo meel ay ku tiiriyaan waa ay la’yahiin, meel ay arintaasu fadhiisan doontana garan  maayo.”
 
Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo la weydiiyay bal waxa uu aaminsanyahay in xanibaadiisa sabab looga dhigay, wuxuu yidhi “Taas Somaliland oo dhan ayaa is weydiinaysa oo anigu sir dawladeedna ma hayo wax siyaasad ahna umaan socon ee waxaan u socday arrimo ganacsi oo guryahayagii ku saabsanaa, horena waan u tagay oo waanigii warbaahinta idiinka waramay, arinkii uun baan soo dhamaynaayay, horena waan u sheegay oo anigu nin reer Somaliland ah ayaan ahay, talada Somaliland qaadato anigu rayi kasta aan qabee ayuun baan kamid ahay ee anigu wax aan gooni u samaynayaa ma jirto, waanan ka digay oo waxaan idhi inaynu kala biiq-biiqno oo aynu kala  tagtagno laga wanaagsan, ee aynu talo wanaagsan ka samayno oo aan ka tashano dabadeedna  aan meel isugu lugo duwano waxaynu ku go’nay inaga oo midaysan.”
 
Mar la weydiiyay inuu wax xidhiidh ah xanibaadiisa kala sameeyay madaxtooyada, oo inkastoo aanay imika isku wanaagsanayn haddana wakhtiyadii uu KULMIYE mucaaradka ahaa uu xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyay, waxaanu ku jawaabay “Imika wax xidhiidh ah oo naga dhaxeeya habayaraatee ma jirto, laakiin dad aanu asxaab nahay imikadan waa ay ku maqan yahiin oo waa ay waraysi maqan yahiin, markaas haddaan  soo helo wax iqanciyana arinta halkaas ayaan ku dhaafi haddii aan waayana mawqif aad u adag ayaan ka qaadan doonaa.”
 
Geesta kale, wuxuu Wargeyska Geeska Afrika isku dayay inuu dhinaciisa la xidhiidho wasiirka arrimaha gudaha laakiin nooma ay suurtogelin.”
 
Source-BOA

Wasiirkii Hore Ee Ciyaaraha Somaliland Oo Ka Hadlay Xayiraad Laga Saaray Socdaal Uu Doonayey Inuu Muqdisho Ku Tago

$
0
0

Wasiirkii hoe ee Wasaaradda Ciyaaraha, dhaqanka iyo dhalinyarada Smaliland Maxamuud Siciid Muxumed, ayaa ka hadlay Xayiraadlaga saaray Socdaal uu doonayey inuu ugu boxo Magaalada Muqdisho ee Xarunta Waddanka Somalia, isaga oo sheegay in Madaarka Magaalada Berbera laga soo celiyey oo la diiday inuu Muqdisho u duulo, waxaanuu soo bandhigay Warqad uu sheegay inuu Madaxweynaha u qoray oo uu ku ogayiiyey socdaalkiisa.
Maxamuud Siciid Maxamed oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu sheegay inaanuu socdaalkiisan oo uu ku macneeyey inuu Hanti  uu ku lahaa Magaalada Muqdisho ku soo iibsanayey joojin doonin oo uu tegi doono, isaga oo arintaasi ku tilaamay mid lagu sharaf dilayo.
Wasiirkii hore ee Ciyaaraha Somaliland Maxamuud Siciid oo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi“ Xamar ayaa la igal soo xidhiidhay oo la igala soo hadlay,la wada ogyahayna dadka reer Somaliland hantidoodii waxa uu jiraa Koonfur,waxaana lagama maarmaan noqotay inaan tago aniga oo ilaalinaya sumcaddayda iyo inaan wax shaki ahi ka soo bixi tegi taakayga, waxaanan ku wer geliyey Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan oo aan ku idhi waxa aan doonayaa inaan muqdisho tago oo aan soo iibsado hanta aan ku lahaa Xamar ee sidaas ula socda, waxaanan u qoray warqad aan ku sheegay ujeedada socdaalkayda Madaxtooyada, waxaanay u qornayd sidan :-
“Mudane Madaxweyne waxa Koonfurta Somalia taalla Hanti badan oo ay leeyihiin dad u dhashay Somaliland aniguna kuwaas ayaan ka mid ahay, waxaan isku dayey inaan iibiyo aniga oo Hargeysa Jooga waanay soora geli wayday, markaa waxa lagama maarmaan noqotay inaan tego halkaasi oo aan soo iibsado hantidaas an ku lahaa, markaa sidaas ayaan idinla socodsiinayaa”
Maxamuud Siciid Maxamed  oo hadalkiisa sii watay wax uu intaas ku daray “Markaa shalay markii aan tegay Garoonka Muqdisho ayaa waxa la iga diiday inaan tago, markii aan waydiiyeyna cid uu aramkaasi ka soo fulay waanu garan waynay, waxaana meesha ka soo baxay Ninkala yidhaahdo C/raxmaan C/qaadir oo kulmiye ay isku dheceen, oo isna la diiday inuu u oxo Muqdisho, waxaanuu igu yidhi malaha aniga awgaa ayey sidani kuugu dhacday, markaa waxaan leeyahay anigu afarkaygii waan sii wadanayaa oo ma joojinayo marnaba, Xumaanta la ii gaystayna waa mid qaranka oo dhan loo gaystay ayaan qabaa, markii aan qoraalka samaynayeyna waxaan ilaalinayey sumcadda, waxaan codsanayaa in ciddii waxaas samaysay la baadho oo tallaabo laga qaado, Madaxweynahana waxaan leeyahay arintaas dib u eeg karaamo dilka ah ee la igu sameeyey”
 

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo si Heer sare ah loogu soo Dhaweeyay Magaalada Kismaayo

$
0
0


 
 
 
 
 
Wafdi ka socday dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose, iyadoona wafdiga ay si diiran degmadaasi ugu soo dhaweeyeen masuuliyiin katirsan maamulka KMG ee degmada Kismaayo.
Wafdigan oo ka socday xukuumadda iyo baarlamanka ayaa waxaa horkacayay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka mudane C/kariin xuseen Guuleed iyo wasiirka gaashaandhigga Mudane C/Xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi,, waxaana sidoo kale safarkooda ku wehlinayay xubno katirsan golaha baarlamanka Soomaaliya.
Wafdiga ayaa markii uu ka dagay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay madaxda ugu sareeysay ee maamulka KMG ee magaalada Kismaayo, iyagoona gudaha garoonka kulan kula qaatay madaxda ugu sareeysay ee hogaamineysa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskaambooni.
Masuuliyiintani ayaa kulankooda uga wada hadlay arimo la xiriira nabadgelyada iyo weliba howlgallada ka dhanka ah xoogagga Al-shabaab eek a socda gobolkaasi.
Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka oo kulanka kadib warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ujeedada booqashadiisa ay ahayd in ay u kuurgalaan xaaladda ammaanka ee degmada Kismaayo iyo weliba in ay kormeer ku sameeyaan ciidamada dowladda ee howlgalka ka wada gobollada Jubooyinka.
Sidoo kale gudoomiyaha maamulka KMG ee degmada Kismaayo Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe iyo gudoomiye ku xigeenka maamulkaasi Mudane Yaasiin Nuur Gaas Raadeer oo iyaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin booqashada wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya, waxayna sheegeen in ay isku afgarteen dhamaan arimihii ay kawada hadleen.
Wafdiga ayaa la filayaa in maalinta berito ah uu booqasho ku tago qeybaha kala duwan ee magaalada Kismaayo, sida dekedda iyo xerooyinka ciidamada ee ku yaal gudaha iyo daafaha magaalada.
Booqashada wafdigan ka socday dowladda Soomaaliya ee lagu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo ayaa kusoo beegmaya xilli 7-dii bishii aynu soo dhaafnay ee November garoonka magaalada Kismaayo dib looga celiyay diyaarad siday wafdi ka socday dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.
 


Guddida Diwaangalinta Ururadda Oo Ku Dhawaaqay Saddexda Xisbi Qaran Ee S/Land Yeelan Doonto 10-Ka Sano Ee Soo Socda;DAAWO SAWIRADA

$
0
0

 

 
 
 
 
 
Guddida Diwaangalinta Ururada iyo ansixinta Axsaabta Qaranka Somaliland ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaaqay Saddexda Xisbi Qaran ee dalku yeelan doono 10-ka Sano ee soo socda.
Munasibada ku dhawaaqista Saddexda Xisbi Qaran waxay ka dhacday Hotel Maansoor, waxana ka soo qayb galay Madax ka socota axsaabtii ka qayb galay Doorashadii Golayaasha deegaanka, xubno ka mid ah Madaxda dhaqqanka Somaliland, xubno ka mid ah Guddida Doorashooyinka qaranka, Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex, Maayirka iyo Maayir ku-xigeenka cusub ee Caasimada Hargeysa iyo shakhsiyaad metelayay Ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland, Academi-yada Nabad iyo Horumarinta iyo todobada xubnood ee Guddida Diwaan-gelinta Ururada.
Xafladadaasi waxa lagaga dhawaaqay inay Xisbiyo Qaran u soo gudbeen Saddexda Xisbi ee kala ah KULMIYE, UCID iyo WADANI, halka aanay soo bixin Ururadda DALSAN, XAQSOOR, RAYS Iyo UMADDU, sida uu halkaasi kaga dhawaaqay Afhayeenka Guddida Diwaan-gelinta Ururadda iyo Anxisixinta Xisbiyada Qaranka Xasan Macalin oo isagu shaaciyay Natiijada
Sidoo kale Doorashada guud ee wadanka iyo Saddexda xisbi ee soo baxay waxaana afhayeenka hadalkiisii ka mid ahaa “Sidaad wada ogtihiin Jaran-jaro dheer ayaa la soo maray, waxaad ogtihiin jn la diwaan geliyay 18 Urur, jaran jaradii labaad waxa ku soo baxay lix Urur iyo saddexdii Xisbi Qaran ee hore u jiray.
Xisbiga kulmiye wuxuu ka gudbay natiijadii ahayd 20% ee gobolada wadanka , sidaasinu xisbi Qaran ku noqday, Xisbiga Ucid ayaa isna buuxiyay tirada Boqolayda ee codadka Gobolada wadanka, Ururka wadani ayaa isna u gudbay Marxalada Xisbinimo, sida uu qeexayo Xeerka Doorashada ee Ansixinta Asxaabtu”.
Markii uu shaacinayay Ururada hadhay waxa uu yidhi “Ururrada Umadda, Dalsan, Rays iyo Xaqsoor uma soo gudbin Xisbiyo Qaran, waanay ku mahadsanyihiin tartankii ay ka soo qayb galeen”.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Guddida Diwaan-gelinta Ururada Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Cabdirisaaq-ciyaale) ayaa isaguna halkaasi ka sheegay inay Doorasho bilaa diwaan gelin ahi khatar badan dalka ku keenayso, loona baahanyahay in Diwaan-gelin rasmiya la sameeyo.
Ugu dambeyn waxa munaasibadaasi shahaadooyinkii Aqoonsiga lagu guddoonsiyay Saddexda Xisbi Qaran ee soo baxay ee UCID, KULMIYE IYO WADANI.
Guddoomiyaha Ururka Dalsan Ismaaciil Aadan Cismaan ayaa isagana halkaasi shahaado uu ku mutaystay Maamul wanaaga lagu guddoonsiiyay, iyadoo Guddoomiyaha Ururka Umaddana shahaado uu ku mutaystay Kartida iyo Calool adayga Doorashada uu kaga qayb galay lagu gudoonsiiyey.
Halbeegnews/Hargeysa Office.
 

Source-halbeegnews

Tababar lagu baranayay wax ka qabshada dabka ka kaca Muqdisho.

$
0
0

Tababar soconayay mudo isbuuc ah oo lagu baranayay sida ugu haboon ee wax looga qaban karo shilalka dabka ah ee ka dhaca muqdisho oo maanta lagu soo gaba gabeeyay xarunta maamulka G.Banaadir waxaana ka qeyb galay masuuliyiin katirsan maamulka G.Banaadir. By: C.laahi Axmad Nuur Muqdisho

Sibinaar looga hadlayo sida ay dhalinyaradu nabada uga qeebqaadan lahaayeen.

$
0
0

Sibinaar looga hadlayo sida ay dhalinyaradu nabada uga qeebqaadan lahaayeen oo Muqdisho ka dhacay

kulan looga hadlayay amaanka garoonka diyaaradaha oo ay ka qeyb galeen masuuliyiinta kala duwan

$
0
0

Kulan looga hadlayay amaanka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade oo ay ka qeyb galeen masuuliyiinta kala duwan ee garoonka aya maanta ka dhacay gudaha garoonka aadan cade ee magaalada Muqdisho.

howl gallo ka dhana Al Shabaab oo ka billaabanaya Gobolka Hiiraan

$
0
0


Balad Weyne(Sh.M.Network)—Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Hiiraan ee dowladda Soomaaliya  Axmed Cismaan Cabdalla Inji  oo lahadlay Idaacadda Shabelle kadib kulan ammaanka Goblkaasi looga hadlayay oo ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa faah faahin waxa uu ka bixiyay waxyaabihii ay uga wada hadleen kulankooda.
Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in kulanka la iskula meel dhigay sidii loo qaadi lahaa howl gallo lagu Ciribtirayo Al Shabaab kuwaasi oo uu shegay in maalmaha soo aadan ay billaaban doonaan sida uu hadalka udhigay.
Kulankaan ayaa waxaa ka qayb galay inta badan Saraakiisha dowladda Federaalka Soomaaliya ee Gobolkaasi iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee Gobolkaasi ku sugan waxaana kulanka Go’aanno qorshayaal Istiraatiijiyad ah ee ka soo baxay ay sheegayeen in Howl gal loogu Magac daray sifeyn ay Ciidamadu si wada jira uqaadi doonaan si Al Shabaab halkaasi loogu wiiqo
Maaha Markii ugu horeysay oo kulan nuucaani ah ammaankana looga hadlayo uu ka dhaco Magaalada Balad Weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Xildhibaano soo dhaweeyay booqashada Wafdiga dowladda ay ku gaareen Kismaayo

$
0
0

]
Kismaayo(Sh.M.Network)—Xilli Wasiiro katirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaanno Siyaasiyiin iyo waxgarad Ka soo Jeedo Gobolka Jubada Hoose ay Gaareen shalay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka oo ka soo Jeeda Gobolkaasi waxa ay si weyn usoo dhaweeyeen Booqashada Masuuliyiintaasi ay ku tageen Gobolka Jubada Hoose iyagoo ku baaqay in Maamul loo dhanyahay ay ka yagleelaan Gobollada Jubbooyinka.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kana Soo jeeda Gobollada Jubooyinka ayaa ugu baaqay Masuuliyiinta Gaaray Magaalada kismaayo in ay si deg deg ah halkaasi ugu sameeyaan Maamul bulshadu ay ku qanacsantahay oo wax ka qabta dhibaatooyinka Gobolladaasi
Hadalka Xildhibaanka ayaa yimid xilli shalay illaa xalay wafdi heer sare ah oo gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada hoose ay halakasi wadatashiyo iyo kulamo kala gooni gooni ah kula qaadanayeen Waxgaradka Gobolladaasi
Safarka Masuuliyiintaan kadib ayaa la filayaa in Gobollada Jubbooyinka loo sameeyo Maamul wax ka qabta Xaaladaha dhibaato ee ka taagan Gobolladaasi Jubooyinka

Nabadoon Kismaayo lagu dhaawacay oo Muqdisho ku geeriyooday

$
0
0


Muqdisho(Sh.M.Network)—Nabadoon Ismaaciil Qalinle oo ahaa Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beesha sade    oo dhaawac uu ka soo gaaray weerar kooxa hubeysan ay kula qaadeen Magaaladaasi ayaa lagu soo waramayaa in uu uggu geeriyooday dhaawacaasi  Magaalada Muqdisho.
Nabadoonka oo daryeel Caafimaad loogu soo qaaday Magaalada Muqdisho aaya la soo sheegayaa in uu udhintay dhaawiciisa Maadaama uu ahaa mid halisa.
Allaha Unaxariistee Nabadoon Ismaaciil Qalinle ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa odayaasha dhaqanka kuwooda ugu fir fircoonaa ee dadaalka ugu jiray sidii maamul wanaagsan loogu sameyn lahaa Gobollada jubooyinka
Illaa haatanna Majirto cid loo soo qabtay weerarka dhaawicii ka soo gaaray uu ugeeriyooday hase ahaatee Saraakiisha ammaanka Magaaladaasi ayaa waxa ay tilmaamayaan in howl gallo baaritaanno la xiriira weerarkaasi weli ay wadaan


MSF oo ka digtay qatar ka dhalata dib ucelinta qaxootiga Soomaalida

$
0
0


Nirobi(Sh.M.Network)—Iyadoo Xaaladaha Caafimaad ee Xeryaha Qaxootiyada  Kenya ay aad uxuntahay ayaa dowladda Kenya waxa ay qorsheyneysaa in ay udirto Xeryahaasi Kumanaan kale Taasi oo keeni karta qatar Caafimaad oo ka dillaacda Xeryahaasi Sida ay sheegtay Jimcadii shalay Hey’adda dhaqaatiirta aan Xuduuda lahayn ee MSF.
MSF waxa ay sheegtay in qaxooti badan oo la keeno dhadhaab ay ka sii dari karto xaaladda Caafimaad iyo midda Daryeel ee Ka jirta Xeryaha Qaxootiga ee Gobolka W/Bari dalkaasi Kenya.
“ Kaalmooyinka aan halkaan ku bixiinno dhadhaab  intii aan ku tala galanay waa aan bixinnay mana jirto wax kale oo aan ku qaabilno dadka kale ee imaanaya”Sidaasi waxaa tiri Elena Vella
Kenya ayaa waxaa dalkeeda ku sugan Nus Million Qaxooti Soomaali ah kuwaasi oo Ka soo Cararay Dagaaladdi Sokooye ee K a qarxay Soomaaliya 1991.
Qaraxyo,Toogashooyin iyo Bambaanooyin is xig xiga  oo lagu eedeeyay Al Shabaab ayaa ku qasabtay dowladda Kenya in bishaan 18keedii ay Joojiso diiwaan Galinta dadka Magangalyo doonka ah iyo in qaxootiyadu ay ku sii noolaadaan Magaalooyinka.
Kenya ayaa Si rasmi ah u sheegtay in 100 kun oo qaxooti Soomaali ah ay waajib ku tahay in ay iska xaadiriyaa Xeryaha Qaxootiga dhadhaab ee ku taalla Gobolka Waqooyi bari dalka Kenya waxaana Amnesty International arinkaasi ay ku tilmaamtay mid Jabinaya Sharci Caalami ah.

Nigeria oo Saraakiil Boolisa usoo direysa Soomaaliya

$
0
0


Adis-Ababa(Sh.M.Network)—Ururka Midowga Afrika ayaa la gaaray dowladda Nigeria heshiis is afgarada oo Nigeria  ay Ciidamo dheeraada ugu soo direyso Soomaaliya
Wakiilka Ammaanka iyo arrimaha Nabad Gelyada ee Ururka Midowga Afrika Ramtane Lamamra iyo Wakiilka Dowladda Nigeria ee Ururka Midowga Afrika ayaa qalainka iskula duugay heshiis ku aadan sidii Dowladda Nigeria ay Saraakiil Ciidamo Buliis ah ugu soo diri lahayd waddanka Soomaaliya
Nigeria qayb ahaan waxa ay soo dhaweysay in howl galka Midowga Afrika ee Nabad ilaalinta ay ku soo biiriso Saraakiishaasi iyadoo uu shaaca ka qaaday wakiilka Nigeria ee Midowga Afrika in dalabka si dhaqsi ah ay uga jawaabi doonto dowladdiisa.
Illaa 140 Sarkaal oo Boolisa ayaa dhawaan la filayaa in Nigeria soo gaarsiiso Soomaaliya kuwaasi oo kaalintooda ka qaata howl galka AMISOM ee Soomaaliya.
Dowladda Nigeria ayaa horay uballan qaaday in Ciidamo qayb ka ahaada howl galka AMISOM   ay usoo diri doonto Soomaaliya xilli haatan dalka ay ku suganyihiin Ciidamo ka socda dowlado kala duwan oo ka mida Ururka Midowga Afrika.

Article 7

$
0
0

Shilka gaari ayaa ka dhacay Isgoyska Sanca degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, kaas oo la sheegay inay ku dhinteen inta la xaqiijiyey illaa 3-ruux, halka uu dhaawac ka soo gaaray dad kale oo intaasi ka badan oo aan tiro ahaan la sheegin inta ay la’egyihiin, ka dib markii mid ka mid ah gawaarida xamuulka qaada oo Sonkor ka soo qaaday dekeda weyn ee Muqdisho uu wadigii gaarigaasi xakameyn waayey gaariga kab dibn uu dul marsiiyey sedexda ruux ee geeriyootay.
Sida warku sheegayo darawalkii gaariga waday ayaa sheegay inuu gaariga ka waayey  wax bareeg ah ama fariin ka dibna uu awoodo waayey inuu xakameeyo gaariga sidaasna uu ku dilay saddexdaasi ruux ee geeriyootay iyo hal qof  oo uu dhaawac ka soo gaaray shilkaas, dadka geeriyooday ayaa waxaa ka mid ahaa nin gaari gacanle ahaa iyo haweenay ku ganacsaneysay wadad qarkeeda ama dhinaceeda.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in gaariga uu markii uu soo dardararay dadka uu dilay iyo kuwa uu dhaawacay uu celiyey mid ka mid ah derbiyada guryaha ku yaala isgoyska Sanca, taas oo keentay in gaariga uu rogmado, waxaana la sheegay in gaariga uu ku dul-rogmaday dadka kale, kuwaas oo markii dambe dad u soo gurmaday ay ka hoosbixiyeen, inkastoo dadka qaarkood la soo bixiyey iyagoo meyd ah.
Tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa gudaha magaalooyinka waa weyn ee Soomaaliya oo ay ugu horeyso magaalada Muqdisho waxaa ka dhex shaqeeya gaadiid duq ah oo u badan biro la isku kabkabay oo alxan sida loogu waday daxaleystay, kuwaas oo mararka qaar sababaha inay khasaare u geystaan dadka rayid ah iyo gaadiidka kale, mana jirto dowlad xoog leh oo amar ku bixisa in gaadiidka waa weyn ee duqoobay la xareeyo, magaaladana aan lagu dhexwadan karin.
Dhinaca kale wararka ka imaanaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in dab khasaare nafeed ay geystay uu halkaasi shalay illaa xalay ka socday, waxaana la sheegay in dabkaasi oo markiisii hore ka kacay dugsi qur’aan uu sababay dhimashada 4-ruux iyo dhaawaca dad kale oo intaasi ka badan, inkastoo aan la sheegin in dadka uu dhimashada iyo dhaawaca ka soo gaaray ay ahaayeen ardaydii uu dugsigooda dabka ka kacay iyo in kale, waxaana dabkaasi markii dambe demiyey dadka deegaanka.

Sarkaal ka tirsan dowladda Kenya oo lagu dilay gudaha magaalada Mandheera iyo dab baabi’iyey goobo ganacsi oo ku…

$
0
0

Wararka naga soo gaarayo magaalada Mandheera ee dalka Kenya ayaa waxay sheegayaan in magaaladaasi xalay lagu toogtay sarkaal ka tirsan ciidanka Kenya, iyadoo la sheegay in markii la dilay ka dib laga qaatay qori uu watay, waxaana la sheegay in dhowr xabad lagu dhuftay sarkaalka oo la dilay isagoo ilaalo hayey.
Sida warku sheegayo sarkaalka la dilay ayaa waxaa la socday askari kale oo booliska Kenya ka tirsan, waxaana la sheegay in askarigii la socday sarkaalka la dilay laga qaatay qorigii ka dib markii ay kooxihii dilka geystay ay ka dafeen qoriga, iyadoo kooxihii dilka geystayna la sheegay inay ka baxsadeen goobta, kuwaas oo aan la ogeyn halka ay aadeen.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in markii uu dilku dhacay ka dib ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan booliska Kenya oo baaritaano kala duwan sameeyay, waxaana la sheegay inay ku soo qabqabteen baaritaankaasi dadyow kala duwan, inkastoo dadka qaarkiis ay iska sii daayeen ka dib markii lagu waayey wax dembi ah sida ay ku doodeen saraakiisha ciidanka booliska degmada Mandheera ee uu dilku ka dhacay.
Dilka ka dhacay magaalada Mandheera ayaa waxa uu ku soo aadayaa iyadoo habeenkii Khamiista weeraro bambaano lagu qaaday goob kalaam ah oo ay ka socotay qoob ka ciyaar, halkaas oo la sheegay inuu dhaawac iyo dhimasho ka dhashay, inkastoo saraakiil boolis ah oo ka hadashay ay sheegeen inay wax ku noqotay hal haween oo kaliya.
Dhanka kale dab ka kacay xerada qoxootiga Ifo oo ka mid ah xeryaha ku yaala deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa baabi’iyey dukaanka ganacsi oo ku yaala xeradaasi, wuxuuna dabkaasi geystay  khasaare, Iyadoo Goobjoogayaal ku sugan xerada ay sheegeen in si aad ah loola yaabay sababta dhalisay dabka gubay dukaanada oo ay sheegeen inaysan ku jirin wax koronto ah, waxaase la sheegay in loo maleynayo in dabka ka kacay dukaanka uu sababay dab looga dhextagay.

Ahlu Sunna oo digniin ka soo saartay maamulka la doonayo in loo sameeyo gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, kuna baaqday…

$
0
0

Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolada koonfureed ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ku sugan gobolka Gedo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay maamulka la doonayo in loo sameeyo gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, waxayna sheegeen inay ka soo horjeedaan maamul loo sameeyo goboladaasi oo aysan ka warqabin dadka deegaanka iyo maamulada halkaasi ka jira.
Afhayeenka Ahlu Sunada gobolka Gedo Sheekh Maxamed Abuu Yuusuf Al-qaadi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay jiran dad uu sheegay inay iyagu metelaan dowladda Soomaaliya iyo Ahlu Sunna oo doonaya inay maamul u sameeyaan gobalada Jubbooyinka iyo Gedo, wuxuuna intaasi ku daray inay ka digayaan in maamul aysan ogeyn laga sameeyo goboladaasi, sidoo kalena aysan iyagu raali ka aheyn in gobolada Gedo iyo Jubbooyinka loo sameeyo maamul aysan raali ka aheyn dadka deegaanka.
“Waxaan u digeynaa dadka sheeganaya inay iyagu metelaan dowladda Soomaaliya iyo Ahlu Sunna ee leh maamul ayaan u sameynaynaa gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, cid aysan raali ka aheyn shacabka degan sedexdaasi gobol maamul ma u sameyn karto, sidoo kale waa in la ogaadaa in maamul u sameynta 3-da gobol ee kor ku xusan ay iska leedahay dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Ahlu Sunna” ayuu yiri afhayeen Al-qaadi.
Sidoo kale Afhayeenka Ahlu Sunada gobolka Gedo Sheekh Maxamed Abuu Yuusuf Al-qaadi waxa uu sheegay in ka Ahlu Sunno ahaan ay si weyn u soo dhaweynayaan maamulo loo sameeyo goboladaasi balse aysan iyagu marnaba dooneynin in maamul la sameeyo iyadoo la dhameystirin gobolada ka maqan weli ee ay gacanta ku heyso Xarakada Al-shabaab, wuxuuna intaasi ku daray in isagu uu ku talinayo in marka hore la dhameystiro oo gacanta dowladda iyo Ahlu Sunna lagu soo celiyo gobolada maqan markaasi ka dibna loo jeesto dhisidda maamul, balse wixii ka horeeya aysan munaasib aheyn sida uu yiri afhayeenka Ahlu Sunna ee gobolada koonfureed.
Si kasta oo ay ahaataba dadka faaqida arrimaha siyaasadda ayaa waxay sheegayaan in dowladda Soomaaliya ay dhib weyn kala kulmi-doonto maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, iyadoo aan wax heshiis ah la gaarin maamulada Raaskambooni iyo Ahlu Sunna oo goboladaasi awood ciidan ku leh, isla markaasna taageero qabiil ka heysta dadka goboladaasi ku nool sida ay ku doodeen falanqeeyayaasha arrimaha siyaasadda.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live