Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Maamulka Somaliland oo jawaab kulul ka bixiyey hadal ka soo yeeray dowladda Soomaaliya, sheegayna…

$
0
0

Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay hadal doraad ka soo yeeray Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon {Saacid} oo sheegay in wadahalka ay la leeyihiin maamulka Somaliland ay ka qabaan kalsooni badan oo ku aadan in midnimo laga gaaro ayaa waxa uu maamulka Somaliland hadalkaasi ku tilmaamay riyo-maalmeed, isla markaasna dowladda Soomaaliya aysan sheegan karin dhulka Somaliland, iyadoo aan gacanta ku heynin gobolada dalka Soomaaliya qaarkood.
Eng. Faysal Cali Waraabe oo ah Guddoomiyaha xisbiga Ucid ee maamulka Somaliland ayaa sheegay in dowladda hadda ka jirta dalka Soomaaliya inaysan waxba dhaamin tii ka horeysay ee KMG aheyd, wuxuuna intaasi ku daray in dowladaha caalamka oo dano gaar ah ka leh Soomaaliya ay madaxda Soomaalida ku seexiyaan waxaad tihiin dowlad rasmi ah oo ka madaxday KMG, isla markaasna ah dowlad rasmi ah oo lala shaqeyn karo si buu yiri ay uga gaaraan danahooda gaarka ah.
“Eexlasho weyn baa jirta oo la inaga eexanayo, sababtoo ah dowladda Soomaaliya loo sameeyay ee Xasan Sheekh Maxamed u madaxa u yahay ee la yiri waa dolwad rasmi ah waxay tii hore ee KMG aheyd dhaantaa ma jirto, waxaana magacan dowlad rasmi ah loo siiyey dano ay beesha caalamka ka sameysaneyso, dowladda cusub ee Soomaaliya inaysan dhaamin tii hore waxaa daliil u ah waxay ka talisaa intay tii hore ka talin jirtay oo keliya, sidii tii hore buu qabiil u soo doortay xildhibaanada gaaraya 275-mudane iyo Madaxweyne isna ku yimid qaab qabiil, dalku wuxuu ahaa laba wadan sanadkii 1960-kii oo waxaa loo qeybsanaa Somaliland iyo Soomaaliya, innagu keenii baynu gacanta ku heynaa, madaxda dowladda iyagoon meel kale iska daaye Xamar xittaa aysan si fiican gacanta ugu jirin ma aha inay yiraahdaan Somaliland waa gobol ka mid ah Soomaaliya oo ay na sheegtaan, Xasan Sheekh inuu yiraahdo Madaxweyne Soomaaliyeed baan ahay waa nasiid darro, waxaananu u aragnaa inaannu xag u laheyn inuu fadhiisto kursigii dowladda Soomaaliyeed lahaan jirtay ee Qaramada Midoobay, lacagta Soomaali la siiyana xaq u ma laha, Xamar baan gacanta ugu jirin, wasiirradooduna Hoteelo ayey ku xiranyihiin oo dadka ma dhexgeli karaan, sidaasi isagoo og ma aha inuu yiraahdo Berbera iyo Bosaasaan cashuurtooda doonayaa, waxaan u aragna hadalada ka soo yeeraya madaxda dowladda inay tahay caqli xumo ka soo muuqata” ayuu yiri Fayal Cali Waraabe.
Sidoo kale Eng. Faysal Cali waraabe mar uu ka hadlayey hadalkii doraad ka soo yeeray Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa waxa uu yiri “Ninka Ra’isul wasaaraha ka ah Soomaaliya waxa uu yiri wakiil ayaan ka nahay Soomaaliya su’aashu waxay tahay yey ka wakiil yihiin yaana doortay, Hargeysa iska daaye Bosaasaaseysan tagi karin, waxa nagu soo noqnonaya oo aan ka warhelaynaa inuu kulan dalka Ingiriiska ku dhexmari doono Madaxweynaha Somaliland iyo kan Soomaaliya, hadda dalka Ingiriiska gaar ahaan magaaladaLondon waxaa ku sugan wasiirada arrimaha dibadda Somaliland iyo kan Soomaaliya oo kulan hordhac ah halkaasi ku yeelanaya si ay ugu gogol-xaaraan wadahalka dhexmari doona Siilaayno iyo Xasan Sheekh, kulankaasi waa mid lagu dibindaabyeynayo jiritaanka Somaliland iyo madaxbanaanideeda”. Ayuu yiri Faysal oo intaasi ku daray “Haddaynu wadahadal la galeyno Soomaaliya waa inaynu ka wadatasho, waxaanan leeyahay inaanay bannaanaynba in lala wada hadlaa, mar hadday leeyihiin midnimaa lagu socdaa iyagoon Xamar dhaafin ee cashuur baannu rabnaa leh”.


Mid ka mid ah Odayaashii Dhaqanka ee Dastuurka Ansaxiyay oo xabsiga la dhigay “Sababtu Maxay Tahay”?

$
0
0

Mid ka mid ah Odayaasha Golaha Dhaqanka ee Deegaanada Soomaalida ayaa xabsiga la dhigay, xilli uu ka soo amba baxay Magaalada Muqdisho, uuna ku sii jeeday Magaalada Ceerigaabo. Nabadoon Cali Guluus oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee ka soo jeedan Deegaanada Somaliland, ayaa waxaa lagu xiray Gobolka Sanaag, xilli uu ku sii jeeday Magaalada [...]

Qaar ka tirsan Ciidamada Booliska ee Dowladda oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

$
0
0

Ilaa afar ka mid ah Ciidamada Booliska ee Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa xalay lagu dilay Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, iyadoo dhinaca kalana ay soconayaan hawl galo lagu baadi goobaayo kuwii dilalkooda ka dambeeyay. Ciidamada Dowladda ee fariisimaha ku leh Isgoyska Bakaaraha ee Degmada Hodan ee gobolka Banaadir, ayaa waxaa xalay lagu weeraray laba xabo [...]

Sheekh Kaba Kutukade oo sheegay in Magaalada Muqdisho dib loogu soo celinaayo dagaaladii ka soconaayay

$
0
0

Sheekh Kaba Kutukade ayaa wuxuu sheegay inay xilligaan u caaboon yihiin sidii ay Magaalada Muqdisho uga bilaabi lahaayeen dagaaladii mudada fog ka soconaayay, ee ay ka nasatay sanadkii la soo dhaafay. Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Ururka Al Shabaab Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise (Kaba Kutukade), ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay soo celinayaan dagaaladii ka [...]

Wasiiro ku wajahan Gobolka Galgaduud iyo Ciidamada Ahlu Sunna oo heegankii ugu sareeyay la geliyay

$
0
0

Tiro ka tirsan Golaha Wasiirada ee Xukuumada Raa’isal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa waxay toddobaadkaan ay ku wajahan yihiin Gobolka Galgaduud. Gudoomiyaha Golaha Fulinta ee Ururka Ahlu Sunna Wal Jameeca Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Gobolka Galgaduud ay ku soo wajahan yihiin sida uu sheegay wefdi Wasiiro ka kooban. [...]

Sanad Wanaagsan 2013

$
0
0

 

Dhamaan Hawlwadeenadda Bahda Shabakadda Caalamigga Ah Ee Idhanka Waxay halkan Dadweynaha Muslimiinta ah Gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed Ugaga Soo Dirayaan Duco Ay Ku Dheehantahay Sanad Khayr Qaba , oo Wata Tawfiiq, Nabadgalyo, Caafimaad, Barwaaqo  Dambi Dhaaf ,Rayn rayn ,Iyo Gacmo iskqabsi ay ku  soo Ceshadaan Karaamaddii Ilaahay Siiyey Ee Ay Iska Qaadeen Si Ay Uga Mid Noqdaan Bulshoweynta Addunka Ku Dhaqan Markale.
Aamiin.
Idhanka.

WAR DEG DEG: Nabadoon caawa lagu dilay Magaalada Kismaayo iyo dagaalo sokeeye oo laga cabsi qabo

$
0
0

Nin Nabadoon ah ayaa waxaa caawa lagu dilay Magaalada Kismaayo ee Xaruunta Gobolka Jubbada Hoose, waana Nabadoonkii labaad oo Magaalada Kismaayo lagu dilo muddo toddobaad ah. Nabadoonkaan oo lagu magacaabo Nabadoon C/Laahi ayaa waxaa caawa lagu dilay Xaafada Shaqaalaha ee Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose. Ilaa seddex nin oo bistoolado ku hubeysan ayaa waxay [...]

Mudaharaadkii ka dhacay Magaalada Boorame oo keenay khasaare Nafeed iyo Madaxda dhaqanka oo nabad ku baaqay

$
0
0

Hal qof ayaa ku geeriyooday, ilaa saddex kalana way ku dhaawacmeyn Mudaharaad balaadhan oo shalay ilaa xalay fiidkii ka socday magaaladda Boorame, kaas oo lagaga soo horjeeday farogelin ay sheegeen inay xukuumaddu ku hayso doorashadda golaha deegaanka ee degmadda Saylac.
Mudaharaadkan ayaa dib u bilaabmay ka dib markii uu magaaladda shalay galab yimid wefti balaadhan oo uu hogaaminayey madaxweyne ku xigeenka Somalilnad Cabdiraxmaan Saylici, kaas oo ay ku xidheen wadaddii u mari lahaa oo taayiro badan ku gubay, isla markaana dhagxaan la dhacay gaadiidkii weftiga oo khasaare soo gaadhay.
Haseyeeshee weftigii madaxweynaha oo ciidan badani isku xeeray ayaa ku soo degay hoteelka Rays ee magaaladda Boorame, kaas oo dadweyne cadhaysani ku soo urureen oo ay isku dayeen inay xoog ku soo jiidhaan ciidanka, waxaase rasaas farobadan oo ay ciidanku markii hore cirka u ridayeen hoos ugu dhigeen dadweynihii halkaasi oo khasaare dhimasho iyo dhaawacba lehi ka soo gaadhay dhallinyaradii mudaharaadaysay.
Si kastaba ha ahaatee, mudaharaadkii ayaa xalay fiidkii markii dambe iska soo gabogabaysmay, isla markaana ciidan badan oo la keenay halkaasi ay dadkii kala dareeriyey, haseyeeshee maanta duhurkii ayey markale mudaharaad kale oo rabshado wataa ka bilaabmay magaaladda Boorame, waxaanay kala xidheen wadooyinkii dadweynuhu ku gubeen taayiro, waxaase ku hawlan madax dhaqameedka gobolka oo isku dayaya inay dajiyaan dhallinyarada cadhaysan, iyagoo ugu baaqay inay rabshadaha la joojiyo wixii jirana nabadgalyo lagu dhamaystiro.
Sidoo kale waxa maanta la aasay wiilkii dhallinyarada ahaa ee xalay ku geeriyooday rasaastii ciidanka ku fureen dadweynihii mudaharaadayey , halka intii dhaawaca ahaydna lagu dawaynayo cisbitaalka magaaladda Boorame, kuwaas oo la sheegay in dhaawacoogu fudud yahay.
Weftiga madaxweynaha ayaa ilaa xalay ku jira shirar doceedyo uu la leeyahay waxgaradka iyo madax dhaqameedka gobolka sidii loo soo xalin lahaa khilaafka ka taagan doorashadii maayarnimo ee degmada Saylac oo dadka deegaankaasi ku kala aragti duwan yihiin cidii noqon lahayd maayarka degmadda Saylac.
Xildhibaanada golaha Deegaanka ee degmadda Saylac oo ka kooban 17 xildhibaan, ayaa toban ka mid ahi doorteen Maayir, halka todobaddii kalana waxba kama jiraan ku tilmaamay doorashadaasi maayarnimo, waxaana halkaasi ka taagan khilaaf cakiran oo ilaa hadda la maareyn kari waayey, maadaama oo beelaha wada degaa ku kala aragti duwan yihiin cidda noqonaysa maayarka degmadda Saylac oo beel waliba doonayso inay maayarka xaq u leeyihiin inay yeeshaan.
Source-Hol


Dhagayso :Dr Cali Baxar Oo Si Adag Uga Hadlaya Fadeexada Xukuumada Siilaanyo Ka Wado Degmada Saylac, Soona Bandhigay Xaqiiqooyin Taariikhi Ah

$
0
0

Dec 31, 2012 Minneapolis(Idhanka) – Waxaa maanta Studio Radio Cadceed marti inoogu ah Dr Cali Ibrahim Baxar oo ka mid ah aqoon yahanka reer Saylac ee ku dhaqan Wadanka maraykanka gaar ahaan magaalada Minesotta. Dr Cali Baxar wuxuu si adag uga hadlayaa xaalada cakiran ee ka taagan degmada Saylac ee ka dhalatay doorashadii dhawaan dalka ka qabsoontay, taasoo aqlabiyada deegaanka Saylac ku guulaysteen 10 xildhibaan oo ka soo jeeda beesha aqlabiyada ka ah Gobolka Selel, balse ilaa iyo hadda aan la dhaarin,taasoo dhalisay in Madaxweyne Siilaanyo si toos ah u soo farageliyo isla markaasna jeclaystay inuu sharciga iyo nidaamka ka leexdo kana dhigo Maayarka Saylac shakhsi ka soo jeeda beesha laga guulaystay ee Ciise Arrintaas oo dhalisay dhimasho iyo dhaawac.
Halkan Guji Oo Ku Dhageyso 
 

Aaskii Qaran oo Maanta loo Sameeyey Marxuunka Sida Xaqdaradda Leh Ciidamadda Somaliland ugu Dileen Boorama Shalay Isaga oo Cabiraya Rayigiisa

Dooddii Miisaaniyadda Maraykanka oo Heshiis laga Gaarey

$
0
0

In kasta oo aanu ahayn mid dhameystiran, haddan xubnaha labada xisbi ee Congresska Maraykanka ayaa gaaray heshiis lagaga fogaanayo hoos u dhac dhaqaale.

Madaxweynaha Awdal State oo Digniin Adag u Diray Siilaanyo Ciidanka Reer Awdal Ugu baaqay Difaaca Carada Awdal

$
0
0

Madaxweynaha Awdal State Rashid Aw Nur Xirsi oo ka hadlay arimaha ka taagan maagalada Saylac ee gobolka Sacadiin iyo Sida ay Waajib u tahay in la difaacado Carada Awdal Sidoo kale Madaxweynuhu Waxa ugu baaqay ciidamada reer Awdal inay u istaagaan dhulkooda iska difaacaan xaqdarada ciidan beeledka SNM ee Siilaanyo hogaamiyo,, hadaba halkan ka dhagayso Waraysiga oo ah Mid Digniin ah iyo Dhiiri-galin ah,
Guji  digniinta hoose (Dhagaysi Wacan)
Digniin.MP3
Source-Sacadadin

AMISOM oo sheegtay in ay qarameeyeen Maleeshiyo Beeleed

$
0
0

Baladweyne(Sh.M.Network)—Taliyaha Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan Korneel Dubad oo lahadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in Maleeshiyo Beeleedyada ku sugnaa Magaaladaasi in ay ku biiriyeen Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya islamarkaana ay haatan yihiin Ciidan Qaran.
Korneel Dubad ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay tababar ufidiyeen Maleeshiyada Joogtay Magaalada Baladweyn kahor inta aan lagu biirin Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.
Taliyaha Ciidamada AMISOM ee Gobolka Hiiraan Korneel Dubad ayaa dhanka kale waxa uu sheegay in ay gacanta k dhigeen rag falal ammaan darri ka geestay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Korneelka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu Carabka ku dhuftay in  ragg La soo qab qabtay ay ku jiraan raggii ka dambeeyay dil Magaaladaasi loogu geestay Guddoomiyihii odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan
Kol hore ayey ahayd Markii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay shaacisay in Maleeshiyo Beeleedyada lagu biirinayo Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.
 
 
 

Munaasabado lagu soo dhaweynayo sanadka cusub oo ka dhacay Muqdisho

$
0
0

Muqdisho(Sh.M.Network)—Munaasabadahani oo ahaa kuwa ballaaran islamar ahaantaana lagu sagootinayay Sanadkii tagay ee 2012 laguna soo dhaweynayay sanadka Cusub ee 2013ka ayaa xalay waxay siyaabo kala duwan uga dheceen Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir.
Degmooyinka Shibis,Xamar Jajab,Dayniile ayaa ka mida Degmooyinka sida weyn looga xusay soo dhaweenta sanadka 2013ka.
Munaasabad si heersaraa loo soo agaasimay islamar ahaantaana ay ka qayb galeen Xildhibaano Wasiiro iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu qabtay Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.
Xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya oo kulanka Ka hadlay ayaa ku dheeraaday ka sheekeenta Muhiimadda uu lahaa sanadkii tagay ee 2012 iyagoona Carabka ku dhuftay in sanadkaan uu yahay sanadkii Soomaaliya ay ka bixi lahayd dhibaatooyinkii Colaadaha ee Soomaaliya ay ku jirtay in kabadan 20 Sano
Munaasabadaha ayaa ku soo dhamaaday Jawi Degan waxaana ka qayb galayaashii Munaasabadaha ay isugu hambalyeenayeen Sanadka Cusub 2013ka

QM:Soomaaliya Sanadkii la soo dhaafay Horumar ayey sameysay

$
0
0

Muqdisho(Sh.M.Network)—War uu soo saaray Wakilka Qaramada Midoobay uqaabilsan Soomaaliya Ambasador Augustine Mahiga ayaa waxa uu ku soo dhaweeyay horumaradii laga gaaray sanadkii tagay isagoo sheegay in weli waxa ay dhimanyihiin.
Mahiga ayaa waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay cagta saartay wadadii Xasiloonida iyo Nabadda islamarkaana loo baahanyahay in Caalamka ay sii wadaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya si horay loogu si wado Nabadeynta dalka Soomaaliya.
Ambasador Mahiga ayaa waxa uu sidoo kale xusay in Guulaha laga gaarayo Dagaalka lagula Jiro Al Shabaab ay yihiin kuwa uhorseedi kara Soomaaliya Nabad iyo Barwaaqo.
Mahiga ayaa Uga Mahad Celiyay Dowladaha Gobolka sida Naf hurnimada ah ay Ciidamadooda ugu dirayaan Soomaaliya.
Ugu Dambeyn Mahiga ayaa sheegay in ay qabteen Howl ay Masuuliyiin badan ku guuldareesteen taas oo waxbadan ka tartay xaaladaha waddanka Soomaaliya


Taliska Ciidamada dowladda ee Hiiraan oo diyaariyay qorshihii Al Shabaab looga sifeyn lahaa Gobolkaasi

$
0
0

Baladweyne(Sh.M.Network)—Xilli Munaasabad Ballaaran ay ka dheceysay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan taasoo lagu Maamuusayay Sanadka cusub 2013ka ayaa halkaasi waxaa ka hadlay Taliyaha Ciidamada Milatariga dowladda ee Gobolka Hiiraan Tawane Axmed Gureey waxaana uu sheegay in uu diyaarsanyahay qorshihii Al Shabaab looga sifeyn lahaa Gobolkaasi
Taliyaha waxa uu sidoo kale fariin adag udiray Ururka Al Shabaab taaso ku aadan in Gobolka Hiiraan uusan wada qaadin dowladda iyo Al Shabaab islamarkaana ay ku kala bixi doonaan Goor dhow.
Taliyaha Ciidamada Miltariga Gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale Tilmaamay in raggii Shabaabka ahaa ee Bastooladaha dadka ku dili Jiray in ay Xabsiyada haatan ku jiraan Gabalkoodina uu dhacay.
Taliyaha ayaa dhanka kale waxa uu xusay in ay Jiraan Deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiaran oo Al Shabaab gacanta ugu Jira balse ay ka saari doonaan sida uu hadalka udhigay.
Tawane ayaa dhanka kale Shacabka Gobolka Hiiraan waxa uu ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Maamulka iyo Ciidamada Gobolkaasi si ammaanka loo xaqiijiyo

Mudane ka tacsiyeeyay dilalkii Saxafiyiinta loo geestay Sanadkii Hore

$
0
0

Muqdisho(Sh.M.Network)—Xildhibaan Muuse Sheekh Cumar oo Ka mida Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa Saxaafadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay dhibaatooyinka isugu Jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray sanadkii tagay ee 2012ka.
Xildhibaanka ayaa xusay in Saxafiyiinta Soomaaliyeed ay Mudanyihiin in la abaal Mariyo Maadaama ay ku soo shaqeeyeen Marxalado kala duwan isagoona Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ayna Garab istaagaan Saxafiyiinta si ay ugu shaqeeyaan Shacabka Soomaaliyeed.
Xildhibaan Muuse Sheekh Cumar ayaa ugu dambeyntii Xukuumadda Soomaaliya ugu baaqay in ay ka hortag ku sameyso dilalka Saxafiyiinta loogu Geesto gudaha dalka Soomaaliya.
Sanadkii tagay ee 2012ka ayaa waxaa dalka Soomaaliya lagu dilay Wariyaal Gaaraya illaa 18 Saxafi xilli ay ku guda Jireen Gudashada Waajibaadkooda Shaqo iyadoona ay Xusid Mudantahay in aysan Jirin dad loo soo qabtay Dilka Wariyayaashaasi.

Shil Askar ay ku geeriyoodeen oo ka dhacay Soomaaliland

$
0
0

Hargeysa(Sh.M.Network)—Shilkaani Gaari ayaa ka dambeeyay kadib markii labo gaari oo ah kuwa Ciidamada Qaada ay iskula dheceen Deegaanka heelaayo ee Duleedka Magaalada Hargeysa  kaasi oo waxyeelo ba’an uu ka soo gaaray Askar Maamulka Soomaaliland ka tirsan.
Inta la’ogyahay Shilkaani waxaa ku geeriyooday 3 Askari oo Ka tirsanaa Maamulka Soomaaliland iyadoona ay ku dhaawacmeen Askar Gaareysa illaa 27 Askari kuwaasi oo dhamaantood loo qaaday Isbitaalka Magaalada Hargeysa si loogu dabiibo Xaaladooda Caafimaad.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Booliska Soomaaliland ayaa ka hadlay shilkaasi Gaari ee waxyeelada Ba’an uu ka soo gaaray Ciidamada Maamulka iyagoona Sheegay in ay aad uga xunyihiin Shilkaasi ka dhacay Deegaanka Heelaayo.
Dhinaca kale Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Axmed Max’ed Max’uud Siilaanyo ayaa waxa uu tacsi udiray ehellada Askartii ku geeriyootay Shilkaasi Gaari isagoo intii dhaawaca uu ka soo gaaray shilkaasi alla uga baryay in Caafimaad taama uu siiyo.
Ku dhawaan 30 Askari oo waxyeello ay ka soo gaartay Shil Gaari oo ka dhacay Duleedka Magaalada Hargeysa.

Dad ithopia loogu qabtay in ay Xiriir leeyihiin Ururka AL Shabaab

$
0
0

Adisa-Ababa(Sh.M.Network)—Toban Nin oo lagu eedeeyay in ay ka tirsanyihiin Xarakada Al Shabaab ayaa  waxa ay dambi ku helay  Maxkamad ku tallaa dalka Ithopiya taasi oo sheegtay in ay Maleegayeen fal ammaanka Caqabad ku ah oo ka dhici lahaa dalkaasi.
Qareenada Maxkamadda ayaa tilmaamay in raggaan lagu helay dambiyo argigixiso islamarkaana Xukunkooda uu dhici doono bishaan 15keeda.
10ka Nin ee dambioga lagu helay ayaa lix ka mida dacwadda lagu soo oogay iyaga oo aan Maxkamadda Xaadir ku ahayn.
Raggaan tuhunadda ay qabteen ayaa waxaa la sheegay in ay ahaayeen Macallimiin Duruusta Diinta Islaamka ka bixisa Dalka Ithopiya waxaana qaarkood la sheegay in ay ka soo Jeedaan dalka Kenya iyadoo tuhunadda raggaan laga qabo ay imaaneyso xilli Xukuumadda Adis-Ababa ay ka feejigantahay iskuday Ururka Al Shabaab ay fadhiyo uga sameysanayaan Koonfurta dalkaasi ithopia

weerar Bambaano oo lagu weeraray Saldhig Ku yaalla Balad Weyn

$
0
0

Baladweyn(Sh.M.Network)—Weerarka oo ahaa bambaanada Nuuca Gacanta Laga tuuro ayaa waxaa lagu weeraray Saldhig Ciidanka Booliska ay ku leeyihiin Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Max’uud Nuur Caga Joof oo ah Afhayeenka Gobolka Hiiraan ee Dowladda Soomaaliya oo wareysi siiyay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in weerarkaasi ay Geesteen Kooxa uu ku tilmaamay Nabadiid oo ku sugan Gobolkaasi isagoo Meesha ka saaray in jiraan Khasaaro ka dhashay qaraxaasi bambaano.
Wararka ayaa waxa ay tilmaamayaan in Maanta Howl gallo ballaaran laga Dareemayo Magaalada Balad Weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan kaasi oo Ciidanku baadi goob ay ugu Jiraan Dadkii ka dambeeyay Qaraxaasi.
Qaraxaani ayaa ku so aadaya xilli Maalmihii dambe Ciidamada dowladda ay ka wadeen Gudaha Magaaladaasi Balad Weyne Howl gallo ballaaran oo lagu Xaqiijinayo ammaanka Guud ahaan Gobolkaasi gaar ahaan Magaalada Balad Weyne.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>
<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596344.js" async> </script>