Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

AMISOM oo Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Soomaaliya u qabanaysa Tababaarro ay aqoontooda ku kobcinayso

$
0
0

Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay inay tababarro siinayaan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda si ay sare ugu qaaddo aqoonta shaqaalaha kala duwan ee hay’adaha dowladda Soomaaliya, iyagoo sheegay inay tani qayb ka tahay howlaha ay u joogaan Soomaaliya.
Tababarradan ayaa waxaa ka qaybqaadan doona 120 shaqaale ah oo ay ku jiraan xoghayeyaal, saraakiisha anshaxa iyo maamulayaal, iyadoo dhaqaalaha ku baxaya tababarka ay bixin doonto dowladda Talyaaniga, waxaana bixin doonta tababarka jaamacadda Koonfur Afrika (UNISA).
“Siminnaarka waxaa loo qaybiyay laba waji oo kan hore uu dhici doono 14-ka illaa 20-ka bishan Jannaayo 2013, halka wajiga labaadna uu dhici doono 21-ka illaa 24-ka isla bishan, waxaana tababarradu ay ka dhici doonaan magaalada Bujumbura ee dalka Burundi,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay AMISOM.
Qorshahan ayaa ka dhashay kulan lagu qabty magaalada Kampala bishii Maarso ee sannadkii 2010. Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in AMISOM ay waddo qorshe ay ku dhisayso aqoonta shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Soomaaliya.
Dhismaha awoodda aqooneed ee shaqaalaha rayidka ah ee dowladda ayay ku sheegtay AMISOM inay qayb ka tahay lixdii qodob ee uu madaxweynaha Soomaaliya ku sheegay in inay ku shaqeynayso dowladda uu hoggaanka u hayo.
Ciidamada AMISOM ayaa horay tababarro u siiyay ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya, taasoo ay ku sheegeen inay qayb ka tahay howgalka ay u joogaan Soomaaliya, balse tababarkan ayaa noqonaya kii uug horreeyay noociisa oo ay u fidiyaan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Soomaaliya.
Source-Hol


Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee shirka Maamul u sameynta Jubbooyinka oo ka socoto Magaalada Kismaayo

$
0
0

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka socoto qabanqaabadii ugu danbeeysay oo loogu jiro in dib loo ambaqaado shirkii maamul u sameynta gobollada Jubooyinka kaasoo mudooyinkii u danbeeyay uu hakad ku yimid.
Shirkan oo la filayay in xilli hore lasoo afjaro ayuu hakad ku yimid, kadib markii khilaaf ku aadan habka dhismaha maamulka uu soo kala dhexgalay xubnihii shirka waday, waxaana mudooyinkii u danbeeyay soconayay tashiyo iyo shirar gooni gooni ah oo gudiga farsamo ee shirka maamul u sameynta  Jubooyinka ay la yeelanayeen odoyaasha, siyaasiyiinta iyo aqoonyahannada beelaha dega gobolladaasi.
Kusimaha gudoomiyaha ahna gudoomiye kuxigeenka maamulka KMG Kismaayo Yaasiin Nuur Gaas (Raadeer) oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta degmada Kismaayo ayaa ka warbixiyay halka uu marayo shirka maamul u sameynta gobollada Jubooyinka, wuxuuna xusay in ay socoto qabanqaabadii ugu danbeysay ee ku aadan shirkaasi.
Masuulkani ayaa sheegay in uu meel fiican marayo shirka, wuxuuna intaa raaciyay in ergooyinkii shirka ka qeybqaadanayay ay ku kala maqanyihiin gobollada Jubada hoose, Jubada dhexe iyo Gedo, halkaasoo ay u aadeen buu yiri si beelaha ay kasoo jeedaan ay uga dhaadhiciyaan arinta maamul u sameynta Jubooyinka.
Sidoo kale waxa uu intaa ku daray in uu aad ugu rajo weynyahay in shirkani ay kasoo baxaan natiijooyin wax ku ool ah, islamarkaasina dadka ku dhaqan gobollada Jubooyinka ay yeeshaan maamul ay ku qanacsanyihiin oo ka shaqeeya danahooda.
Arinta maamul u sameynta Jubooyinka ayaa mudooyinkii u danbeeyay si weyn loo hadal hayay, waxaana soo ifbaxayay khilaaf ku aadan habka loo dhisayo maamulka oo u dhexeeyay maamulka KMG ee Kismaayo iyo xubno katirsan dowladda Soomaaliya walow gudoomiyaha dhaqdhaqaaqa Raaskaambooni Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) uu sheegay in uusan jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya dowladda iyo maamulka Kismaayo islamarkaasina ay xalliyeen khilaafaadkii jiray.
Wafi ka socday dowladda Soomaaliya oo isugu jiray wasiirro, xildhibaanno iyo taliyeyaal ciidan ayaa dabayaaqadii bishii December ee sanadii tagtay waxa ay gaareen magaalada Kismaayo, halkaasoo ay si diiran ugu soo dhaweeyeen madaxda ugu sarreeysa ee maamulka Kismaayo, iyagoona ka wadahadlay arimo ku saabsan xaaladda ammaanka ee Kismaayo iyo weliba howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobolladaasi.
Source-Hol

Wasiir Xaglatoosiye Oo Ka Hadlay Hankiisa Doonashada Kursiga Madaxweyne-xigeenka Dalka Iyo Wakhtiga Uu Ku Noqonayo Magaalada Buuhodle

$
0
0

Wasiirka dib u dajinta Md. Saleebaan Ciise Axmed ( Xaglo-toosiye ), ayaa si cad u sheegay inuu ku jiro han ah inuu isku soo sharaxo jagada madaxweyne ku xegeen haddii uu fursadaas helo, waxaanu warar aan waxba ka jirin ku tilmaamay warar sheegayay in uu isla soo sharaxaayo madaxweyne Axmed Siilaanyo doorashada danbe.
Saleebaan Xaglo-toosiye waxa uu sheegay in wakhtigan guulo waaweyn laga gaadhay joojinta iska hor imaadkii ka taagnaa bariga dalka, waxaanu ku celceliyay inay dedaal ku bixinayaan dhamaynta khilaafaadkii deegaanadaas ka taagnaa, isla markaasna ay u jihaysan doonaan dhanka horumarka.
Waxa uu arrimahan kaga hadlay wasiirka dibu dajintu waraysi uu siiyay tilifishanka caalamiga ah ee Universal, waxaanu ugu danbayntii waraysigaas kaga hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya isaga oo tibaaxay in uu xiisaynaayo in lagu daro gudidaas wada hadalada ka qaybgalaysa. Waxaanu waraysigaasu u dhacay sidan
Waxa jira warar sheegaya in aad isku soo taagaysid jagada musharaxa madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga Kulmiye arrintas maxaa ka jira?
Arinkaa suuqa ayaan ka maqlay, arin jirana oo aan ogahayna maaha, waa arin laysla dhex maraayo meel ay ka timid iyo cid ay ka soo fushay iyo cid suuqa galisayna garan maayo.
Runtii hanku waa uu jiraa hana waan leeyahay balse waxa go’aan siyaasadeed ah oo aan gaadhay ma jiro, waynu arki doona mustaqbalka haddii aan la kulmo fursad hankayga sare u qaadaysa kolayba dayn maayo, laakiin hadda sida laysla dhex marayaa waa arin aan jirin.
Ka mid noqoshada xukuumada aad ka mid noqotay maxay saamayn ku yeelatay deegaanadii aad ka soo jeeday oo nabad laga raadinaayay?
Runtii barnaamijka aniga iyo xukuumadu aanu ka wada shaqaynay ee ahaa nabadgalyada iyo sidii deegaanadaas loogu soo dabaali lahaa boqolkiiba sideetan waxaan odhan karaa waa uu hirgalay, arladiina nabad ayaa ka jirta dadkii reer miyiga ahaa waa ay wada dagan yahiin oo dhibaato ma jirto, sidii barnaamijkaas nabada aan u galnayna wax colaada oo habayaraatee meeshaas ka hurtayna ma jirto, waxaanu rajaynaynaa inta yar ee dhimana in sida ugu dhakhsaha badan aanu u dhamayastiri doono, markaas waxaan qabaa inay tahay guul weyn iyo barnaamij weyn oo nabadeed oo la galay oo si buuxda loogu guulaystay dhamarstirkeediina waanu ku gudo jirnaa insha alllaah.
Tan iyo intii wasiirka laguu magacaabay deegaaandii aad ka soo jeeday wali dib uguma aad noqon, goormaad filaysaa inaad ku noqoto?
Deegaamadaasu waa kaan ka soo jeedaa, waana deegaaanada aan u maqnahay aniga oo wasiir ah iyo aniga oo shaqsiya labadaba waan ku noqonayaa, dhaqsona waan u tagayaa insha allaahu.
Deegaamadaas colaado ayaa muddooyin ka taagnaa kuwaas oo sababay in dibu dhac dhinacyo badan ah uu ku yimaado, intii aad xukuumada ku jirtay wax qabad ah oo aad deegaanadaas ka gaysateen ma jirtaa ?
Runtii mudadii aan anigu xilka hayay waxay ahayd muddo doorashooyin ay ka socdeen dalka, waxay ahayd kala wareega labadan sano oo wakhti adag ayay ahayd, in deegaanadaas wax loo qabto iyo in nabadgalaydii si wanaagsan cagaha loogu taago intaba xukuumada waa ay ka go’antahay in mashaariic badan lagu fuliyo deegaanadaas iyo in la hurumariyo, sidaas aad sheegtayna waa run oo dibu dhac badan ayaa ku yimi deegaanada kalena waa ay ka danbeeyaan, waanay noo qorshaysantahay sida ugu dhaqsaha badan mar hadii doorashooyinka laga baxay sanad cusubna la galay in waxbadna laga qabto horumarka deegaanadaas.
Waxa dhawaan furmaaya wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya sidaad u aragtaa, se haddii lagagu soo daro xubnaha ka qaybgalaaya siday kuula muuqataa?
Waan taageersanahay in la wada hadlo oo runtii lays horfadhiisto mana aha mid dhibaato keenaysa in ay sii socdaan oo la wada hadlo, madaxweynaha ayaa kolayba ku shaqo leh magacaabista cida ka qabgalaysa shirkaas, haddii madaxweynuu igu soo daro xubnaha ka qabgalaya waan jeclahay inaan ka qaybgalo
Source-Cadceed

Daawo Sawir Aad U Qosol Badan Oo Farshaxanka Weyn Ee Amin Amir Ka Sameeyay Qadiyada Saylac

$
0
0

Farshaxanka Weyn Ee Caanka Ah Amin Amir Ayaa Maanta Sawir Aad U Qosol Badan Ku Cabiray Qadiyada Saylac Iyo Faragelinta Ismaaciil Cumar Geel Ku Hayo Deegaankaas.

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo Xilkii Ka Qaaday Xoghayihii Dawlada Hoose Ee Laasacaanood Magacaabayna Xoghaye Cusub

$
0
0

 
Wasiirka Wasaarada arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa maanta xilkii ka qaaday xoghayihii dawladda hoose ee Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool Xasan Cashuur (Caloolay).
Wasiirka ayaa xoghayaha cusub ee dawladda hoose ee Laascaanood u Magacaabay masuul Magaciisu yahay Cabdi Khayre, kaasi oo si rasmi ah xilka ula wareegaya maalmaha soo socda sida Ramaas loo sheegay.
Xoghayaha xilka laga qaaday ayaa la sheegay in lagu tuhmay musuqmaasuq, taasina keentay in xilka laga qaado isla-markaana la Magacaabo masuul cusub oo xilkaasi ka soo baxa.
Xasan Caloolay ayaa xilka laga qaaday hayey muddo ku siman laba sanadood, waxaanu ka mid ahaa masuuliyiinta dawladda hoose loo Magacaabay markii ay talada dalka la wareegtay xukuumadda Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaanu la soo shaqeeyay afar Maayar oo uu ku jiro Maayarka cusub ee la doo doortay.
Source-BNO

Qaxootiga Somaliyeed oo iskaga cararaaya Xeryaha Qaxootiga ee dalka Kenya “Sababtu Maxay Tahay”

$
0
0

Boqol ka tirsan qaxootiga Soomaalida ee ku nool xeryaha Dhadhaab ee gobolka Waqooyi bari dalka Kenya ayaa maalin kasta dib ugu noqda dalka Soomaaliya kaddib markii uu xummaaday ammaanka xeryaha. Dhadhaab oo ay ku soo bateen kooxo hubeysan oo dadka dhaca, dila, handada iyo gargaarkii ay dadka heli jireen oo yaraaday ayaa keentay in qaar [...]

Dowladda Uganda oo ka war heshay in Saraakiil cul culus oo Al Shabaab ah ay dalka Uganda soo galeen

$
0
0

Hay’adaha amniga ee dalka Uganda ayaa feejignaan sare la galiyey kaddib markii ay soo baxeen warar sirdoon oo muujinayo in ay dalkaas galeen koox looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin al-Shabaab. Booliiska Uganda ayaa soo bandhigay magacyada shan nin oo la aaminsan yahay in ay maleegayaan falal argagixisanimo oo ay Uganda ka geystaan. Waxaa [...]

Madaxweyne Siilaanyo Oo Isku Shaandhayn Soo Wada, Wasiiro Daaqadda Ka Sii Baxaya, Badhasaabyo La Isku Bedelayo Iyo Wajiyo Cusub Oo Ku Soo Biiraya Xilli Xukuumaddiisu Beriga Dhexe Marayso

$
0
0

Sida xogo qadhiidh ah oo laga helayo kambuulka xarunta madaxtooyada Somaliland tibaaxayaan Madaxweyne Siilaanyo iyo hawl-wadeenadiisa gaarka ah ayaa dhawrkii habeen ee ugu danbeeyeyba waxay diyaarinayeen liis dheer oo ku saabsan isku shaandhayn laxaadleh oo la filayo inuu Madaxweyne Siilaanyo ku sameeyo xukuumadiisa gun ilaa baar maalmaha soo socda.

Wallow aan si rasmi ah loo ogaan karin xubnaha waayi doona xilalkooda iyo kuwa lagu bedeli doono sababta oo ah Madaxweyne Siilaanyo oo bedelay nidaamkii uu u samayn jiray waagii hore isku shaandhaynta oo warbaahintu sii ogaan jirtay isla markaana wakhtigani ku koobay wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xasan iyo Marwadiisa Aamina Weris oo iyagu ah labada qof ee keliya ee liiskaasi ka taliya ayaa tibaaxahu tilmaamayaan inay isku shaandhayntani saamayn doonto wasiiro door ah.
xogta ay Halbeegnews ilaa hadda hellayso ayaa tibaaxaya in Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi uu xilkiisaasi waayi doono isla markaana lagu bedelayo Guddoomiyaha urur siyaasadeedkii hadhay ee RAYS Xasan Gafaadhi Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa loo wareejinaya wasaarada cadaaladda Somaliland halka wasaaradda arrimaha gudaha loo magacaabi doono Cabdilaahi Ismaaciil Cali Ciro oo hore dawladdii Rayaale u ahaa wasiirka arimaha gudaha, wasiirka arrimaha dibadda ayaa loo magacaabi doona Marwo Shugri Xaaji Baadare , Wasiirka waxbarashada ayaa loo magacaabi doona Maxamed Cabdilaahi Cumar oo hadda ah wasiirka arrimaha dibadda, wasiirka Maaliyadda   ayaa loo bedeli doona Dr. Sacad Cali Shire, halka wasiirka qorshaynta qarrankana loo magacaabi doono Xildhibaan C/qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, Wasiirka Shaqada iyo qoyska ayaa loo magacaabi doona Marwo Samsam Cabdi Aadan

Badhasaabka gobolka Togdheer Cabdow Axmed Aayir ayaa isaga loo soo bedeli doona inuu noqdo Wasiir ku xigeenka hawlaha guud, halka badhasabka gobolka Togdheer loo magacaabi doono xubin aan la magacaabin oo ka soo jeeda Galbeedkda Burco, badhasaabka gobolka Maroodi-jeex Xamarje ayaa loo bedeli doona wasiir ku xigeenka dibu dejinta, halka badhasaabka gobolka Maroodi-jeexna loo magacaabi doono xubin ka soo jeeda deegaanka Koonfurta caasimadda Hargeysa, badhasaabyada gobolada Awdal iyo Sanaag ayaa iyaguna xilalkooda waayi doona.
Isku shaandhayntani ayaa taaban doonta agaasimayaasha wasaaradaha dawladda oo qaarkood xilka waayi doonaan halka qaarkoodna la isku bedeli doono.
warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in Cabdicasiis Maxamed Samaale loo wareejin doono wasiirka madaxtooyada Somaliland halka wasiirka ganacsiga iyo wershadahana loo wareejin doono Xirsi Cali Xasan oo hadda ah wasiirka madaxtooyada, wasiirka maamulka  dekedaha ayaa loo magacaabi doona Booramaonline
Hargeysa-Somaliland
Source-HLB

Source-BON


Dowladda Somaliya oo shaaca ka qaaday lacagta ay ku bixisay ammaanka dalka (Aqriso)

$
0
0

Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in 7 milyan ay ku bixiyeen suggida ammaanka dalka iyo la dagaalanka Ururka Al Shabaab. Raa’isal Wasaaraha Xukuumada Somaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo maanta Saxaafada la hadlay, ayaa sheegay in lacag dhan 7.Million oo Dollar ay ku bixiyeen sugida amaanka Dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho [...]

Dowladda Canada oo walbahar ka muujisay ragga heysta dhalashada Canada ee Al Shabaab ka dhinac dagaalamaaya

$
0
0

Sirdoonka wadanka kanada ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in dawlada kanada ay ka walacsan tahay in muwadininteda ka bar bar dagaalamaya xarakada al-shabab ay xiligan suurta gal tahay in ay dib ugu soo laabtaan wadankooda kadib dagaladii al-shabab looga roonday qaar kamid ah gobolada wadanka Somalia oo ay mamulayen. Bishii april sanadii 2012-ka [...]

Xukuumadda Soomaaliya oo soo bandhigtay waxqabadkeeda

$
0
0

Muqdisho (Sh.M.Network)—Kadib Shir Jaraa’id uu Maanta ku qabtay Magaalada Muqdisho Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa waxa uu kaga warbixiyay waxa uqabsoomay 55ta Maalmood ee xukuumadiisu Jirtay.
Ra’isal Wasaare Saacid ayaa faah faahin kooban kabixiyay Mudada kooban ee Xukuumaddiisu ay shaqayneysay waxaqabadkii ay Muujisay islamarkaana dadaalka dheeraadka ah ee Xukuumaddiisu ugashay Xakameynta ammaanka ladagaalanka Kooxaha Nabadiidka iyo Kahortagga Burcad Badeeda Soomaalida.
“iga Rumeesta inkabadan 7 Million oo dollar ayaa labadaasi bil uqoondeenay ammaanka dadka oo kaliya in aan xaqiijinno wey ku yartahay laakin waxa ay ballaarantahay awoodeena marka loo’eego” sidaasi waxaa yiri Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya
Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa Sidoo kale tilmaamay in Seddexda Hey’adood ee dowladda ay wada shaqayn ka dhex Jirto taasi oo uu tibaaxay in cadeyn utahay ka run sheegista isbedel doonka Cusub iyo ku shaqeyntisa in ay diyaar utahay.
Ra’isal wasaare Saacid ayaa hoosta ka xariiqay in Xukuumaddiisu ay utaagantahay u’adeegidda danta Umadda Soomaaliyeed iyo ka shaqeynta Midnimadooda isagoo sidoo kale urajeeyay Shacabka Soomaaliyeed Nabad iyo Barwaaqo waarta

Sikastaba Waxqabadka maanta ay muujisay Xukuumadda Soomaaliya Mudada kooban ay Jirtay ee uu soo bandhigay Maanta Ra’isal Wasaare Saacid ayaa waxa ay ka turjumeysaa Isbedelka Cusub ee Madaxda dowladda kaballan qaadeen umadda Soomaaliyeed.

Dib u eegis lagu sameeyay qaab dhismeedka Wasaaradaha qaarkood

$
0
0

Shir Jara’id oo uu xalay ku qabtay xafiiskiisa Xooghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamuud Xirsi Cabdulle ayaa ka hadlay dib-u-eegis lagu sameeyey qaab dhismeedka qaar ka mid ah wasaaradaha xukuumadda, ka dib markii ay soo gaareen xafiiska Ra’iisul Wasaaraha baahi loo qabo in la kala qeexo howlaha wasaaradaha qaarkood. Waa tan Dikreetadii [...]

DR. Saacd “Yaan lagu mashquulin fadhi ku dirir iyo awoodii hebelbaa lunsaday”

$
0
0

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mduane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa galabta Warbaahinta Shir jaraa’id ugu qabtay xafiiskiisa, isaga oo faah faahin dheer ka bixiyay waxqabadka Xukuumada ee mudada 55-ta maalmood ah ee ay jirtay, waxana uu si gaar ah diirrada ugu saaray Midnimada iyo Wadajirka ka dhaxeeya hay’addaha sare ee Qaranka, sida Madaxtooyada, Baarlamaanka [...]

British aid ‘to fund Ethiopian paramilitaries’ accused of rape, murder and torture

$
0
0

Department for International Development offers £15million in aid to train security forces
 Human rights groups warn money could fall into the hands of special police known as Liyu

 

 
 
 
 
 

Official documents invite bids to train security forces as part of the five-year ¿peace building¿ programme in the war torn country. A girl is pictured in front of a rusted old Russian tank lying in a field near Aksum, Ethiopia
By GERRI PEEV
Friday, January 11, 2013
 

 

British taxpayers could be used to fund a group of Ethiopian paramilitaries who stand accused of murder, rape and torture.
 
The Department for International Development will dole out up to £15 million in foreign aid to train security forces in Ogaden, a Somali region within Ethiopia.
But human rights groups have warned that the money could fall into the hands of a thuggish security force that has been accused of executions and other crimes.
A document calls for tenders to train security forces as part of the five-year ‘peace building’ programme.  The Ethiopian government has relied on a violent ‘special police’ force to carry out its counter-insurgency in the area and there are fears that the UK is poised to engage with them.
Officials even spell out to any interested parties the ‘reputational risks of working alongside actors frequently cited in human rights violation allegations’.
The ‘special police’ known as Liyu have been accused of carrying out executions, rape, torture and raizing villages to the ground.
It is also claimed that they carried out a mock execution of a Swedish journalist jailed in Ethiopia in 2011.
 

International Development Secretary Justine Greening has met met with Ethiopia¿s foreign minister to discuss human rights abuses

The Department for International Development insisted that ‘not a penny’ of money would go to the force and that the tender was for NGOs and private companies to improve security.
 
International Development Secretary Justine Greening also met with Ethiopia’s foreign minister to discuss human rights abuses on Thursday.
Ethiopia receives more than any other country in foreign aid from British taxpayers, some £390 million a year.
It is seen as an ally against Islamic militancy in east Africa.
DfID documents for the tender say the work will be for the ‘security and justice component’ for Ethiopia’s Somali region’ to ‘build a more peaceful and inclusive Somali region’.
It added: ‘The primary recipients of the services will be DfID for the design element and for the implementation of the regional government of the
Somali Regional State, specifically state and non-state security and justice service providers.’
‘The peace and development programme will be delivered in partnership with NGOs and UN organisations and no funding will go through the government of Ethiopia.’
But a Human Rights Watch report warns of the abuses meted out by the Liyu police, who it describes as a ‘force of some 10,000 -14,000 young Somalis mostly recruited from within the conflict zone (aka the Ogaden sub-region) using recruitment methods similar to those of insurgent groups.’
‘Training is minimal and loyalty within the force closely linked to personalities in leadership positions, of whom the president is paramount. Human rights abuses committed by the special police are believed to be more widespread and severe than those committed during the military campaign.
‘However, having a Somali paramilitary force lead operations in the region is convenient for the federal government who have been able to frame the conflict as internal regional politics rather than a government-led crackdown.’
Amnesty International’s Ethiopia researcher, Claire Beston, told the Guardian newspaper which unearthed the tender documents that any engagement with the paramilitaries was highly concerning.
She said: ‘There have been repeated allegations against the Liyu police of extrajudicial killings, rape, torture and other violations including destruction of villages and there is no doubt that the special police have become a significant source of fear in the region.’
A DFID spokesman said: ‘Not a penny of British money will go to the Liyu police force.  Reforming the Special Police is critical for achieving a safe and secure Somali Region and, following a request from Human Rights Watch, we are discussing with UN partners how we might work together to improve the Police’s human rights record.
He added: ‘The peace and development programme will bring safety, security and justice, as well as healthcare, water and education, to hundreds of thousands of people in the Somali region of Ethiopia. The safety and justice part of this programme will boost personal safety and the quality and reach of justice services, particularly for women and girls.’
Source: Mail Online
 
 

 
 
 
Official documents invite bids to train security forces as part of the five-year ¿peace building¿ programme in the war torn country. A girl is pictured in front of a rusted old Russian tank lying in a field near Aksum, Ethiopia

 
Department for International Development offers £15million in aid to train security forces
 Human rights groups warn money could fall into the hands of special police known as Liyu
 

Shirkadda Al-Xayaat Furniture Oo Qalab Ciyaareed Ku Wareejisay Xulka Kubadda Cagta Ee Gobolka Maroodi-Jeex.

$
0
0

Shirkadda Al-xayaat Furniture oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee ka ganacsada Somaliland, ayaa agab Ciyaareed ugu deeqay Xulka Kubadda Cabta ee Gobolka Maroodi-jeex ee ka qayb gelaya tartanka Gobolada dalka ee 15-ka bishan aynu ku jirno ka furmi doona Garoonka Hargeysa Stadium.
Munaasibad Ballaadhan oo Guddoonsiinta qalabkan Ciyaareed ee Shirka Alxayaat ugu deeqday Xulka Marood0-jeex oo lagu qabtay Huteel Samertime ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qayb galay Guddoomiyaha Gobolaka Marood-jeex Axmed Cumar Xaaji C/laahi (Xamarje), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mustafe Maxamuud Qodax, Maamulaha Guud ee Shirkadda Al-xayaad Furniture Maxamed Saleebaan Faarax Abokor, tabaraha Xulka Gobolka Maroodi-jeex Maxamed Maxamuud (Diridhaba) iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.
Mulkiilaha Al-Xayaat Furniture oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimada ay u leedahay munaasibadan ay ku wareejinayeen qalabka Ciyaareed, waxaanuu sheegay inay ku doorteen xulka gobolka maroodi-jeex guushii ay ka soo hooyeen ciyaarihii gobolada ee sanadkii hore lagu qabtay Magaalada Burco ee caasimada gobolka Togdheer, waxa uu intaas ku daray inuu gobolada kalena siin doono deeq tan la mid ah “Qalabkan waxaanu ugu tallo-galay inaanu ku dhiirigalino ciyaaraha Somaliland iyo tartanka gobolada dalka ee dhici doona”ayuu yidhi Mulkiilaha shirkada Al-xayaad.
Agaasimaha guud ee wasaaradda ciyaaraha oo isna halkaasi ka hadlay ayaa mulkiilaha Al-xayaat Furniture uga Mahadceliyey deeqdan, isaga oo  sheegay inay tahay shirkadda kaliya ee ilaa hadda caawisay xulka ciyaartoyda gobolka maroodi-jeex, waxaanuu sheegay inuu isagu yahay agaasimaha guud ee ciyaaraha  isla-markaana uu dhex u yahay gobolada  dalka oo dhan.
Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar C/laahi (Xamarje), oo isna ka hadlay halkaasi, ayaa waxaanuu uga mahad celiyey shirkadda Al-xayaat Furniture qalabkan ay ugu deeqday xulka Gobolkiisa, isaga oo sheegay inay shirkaddani ka mid tahay shirkadaha wadaniga ah ee sida wanaagsan ugu dhaga nugul waxyaabaha ay dadkoodu u baahanytihiin, isaga oo tilmaamay sida ay muhiimka u tahay in wax la taro dhalinyarada, gaar ahaa dhalinyarada Ciyaaraha, waxaanuu tilmaamay inay aad ugu mahad celinayaan shirkaddan Al-xayaat ee garatay inay wax tarto dhalinyarada u ciyaaraysa Gobolka.
Ugu dambayntiina waxaa guddoomiyaha gobolka maroodi-jeex uu la wareegay qalabkii isboorti ee ay shirkadda Alxayaat Furniture ugu talo gashay xulka ciyaaraha ee gobolka maroodi jeex, waxaanay deeqdani  noqonaysa mid dhiirigelisa da’a yarta ku hawlan Mihnada Ciyaaraha ee ka qayb qaadanaya Tartanka Ciyaaraha Gobolada dalka.
Hargeysa Somaliland


Wasiirka Arimaha Dibedda Oo Faah Faahin Ka Bixiyey Sii Amba Qaadka Wada Hadalladii Somaliland Iyo Somalia, Sheegayna In Hore Looga Heshiisay Inay Shakhsiyaad Dhalasho Ahaan Ka Soo Jeeda Somaliland Somalia Soo Raacaan

$
0
0

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibedda Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar, ayaa faah faahin ka bixiyey socdaal uu in muddo ah ugu maqnaa Waddanka Ingiriiska oo uu Jimcihii ka soo laabtay, isaga oo sheegay inuu kulamo la yeeshay Dawladda Ingiriiska gaar ahaa Waiirka Arimaha Dibedda u qaabilsan Arimaha Afrika, kaas oo uu sheegay inay ka wada hadleen sidii loo sii amba qaadi lahaa wada hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Somalia oo uu sheegay inay Dawladda Ingiriisku aad u danaynayso inay sii socdaan.
Dr Maxamed C/lahi Cumar oo maanta Warbaahinta kula hadlay Hargeysa, ayaa waxa kale oo uu sheegay inay hore Somalia iyo Somaliland uga heshiiyeen inaanay shakhsiyaad ka soo jeeda dhalsh ahaan Somaliland marnaba miiska wada hadalka la soo fadhiisan doonin iyaga oo la safan Somalia, taas oo uu sheegay in hore looga heshiiyey oo la isla qaatay inaanay ka mid noqonin Guddida wada hadallada labada dhinac.
Wasiirka khaarajiga  Dr Maxamed C/lahi Cumar  isaga oo arimhaas ka hadlaya waxa uu yidhi “Intii aan ku maqnaa dalka Ingiriiska waxaan Kulan gaar ah la yeeshay Dawladda Ingiriiska oo uu Xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyo Dawladda Somaliland, gaar ahaa Wasiirka u qaabilsan Arimaha dibedda u qaabilsan arimaha Afrika Mark, waxaananu ka wada hadalnay cilaaqaadka labada dale e Somaliland iyo Ingiriiska, gaar ahaan arimaha Nabad gelyada iyo Cilaaqaadka ka dhexeeya laba dhinac, waxaanay Dawladda Ingiriisku dhowaan Somaliland siisay deeq toos ah oo ahayd tii ugu horaysay ee ay qaadhaan bixiyeyaashu siiyaan Somaliland, taas oo aanu uga mahad celinay oo aanu ku guubaabinay inay sii wadaan muqtaqbalka, waxa kale oo aanu ka wada hadalnay wada hadalladii sannadkii hore u bilawday Somaliland iyo Somalia, waxaanay dawladda Ingiriisku muujisay inay kaalin muuqata ka qaadan doonaan arintaasi oo ay mar labaad bilaami doonaan, wakhtiga iyo meesha lagu qaban doonaana waxay ku xidhantahay inay go’aan ka gaadhaan labada dhinac ee Somaliland iyo Somalia, waxaanay dawladda Ingiriisku muujisay in la sii wado wada hadalladaasi”
Wasiirka Khaarajiga Dr Maxamed C/laahi Cumar  waxa uu intaas ku daray isaga oo hadalkiisa sii watay “Dawladda Ingiriiska waxaanu uga warrannay arimaha Somaliland iyo horumarka ka socda, waxaanay Dawladd ingiriisku ballan qaaday inay sannadkan horaantiisa qaban doonto shir lagaga hadlayo Maal gadhisa iyo ganacsiga Somaliland lagu qaban doono waddanka Ingiriiska, waxaanay jecelyihiin inay sii wadaan arimaha Somaliland, waxaanu ka codsanay inay sii wadaan caawimada ay na siiyaan, waxaananu ka rajaynaynaa inay horumar iyo iskaashi intaas ka ballaadhan Somaliland siiyaan, Marka laga hadlayo wada hadalka labada dale e Somaliland iyo Somalia hore ayey labada dhinac heshiis uga gaadheen oo waxa lagu shiray Dalka Ingiriiska, ka dibna waxa lagu shiray Dubai, waxaana ka soo baxay sidii ay laba geesood u wada hadlayeen, waxaana la isla qaatay in loo wada hadlo laba dal ee Somaliland iyo Somalia, dadka ka qayb gelayana hore ayaanu uga wada hadalnay oo marnaba shakhsiyaad ka soo jeeda Somaliland oo ka soo jeeda dhinaca Somalia inaanay Somaliland miiska wada hadalka la soo fadhiisan doonin, taasina ma aha mid dib loo furayo ee waa heshiis la wada gaadhay mar hore”
 
Hargeysa Somaliland
 

Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Oo Muqdisho Dib Ugu Laabatay

$
0
0


Raysul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wafdi ay hoggaamineyso ayaa maanta Dib Ugu Soo  laabtay Magaalada Muqdisho Kadib Safaro Ay ku Soo Martay Wadamo Ka Tirsan Yururb.
Marwo Fowsiyo ayaa faahfaahin ka bixisay safarro ay ku tagtay dalalka Britain iyo Talyaaniga, iyadoo sheegtay inay mas’uuliyiinta dowladda Ingiriiska kala hadashay xoojinta xiririirka ka dhaxeeya labada dal iyo sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha ammaanka iyo dhaqaalaha Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta Talyaaniga ayay sheegtay inay kala hadashay adkaynta xiriirka labada dal, dib u soo nooleynta iskaashigii u dhaxeeyay labada dal ee la xiriiray mashaariicda horumarinta sida kalluumeysiga, beeraha iyo tababarka ciidanka, kuwaasoo istaagay muddadii ka dambeysay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.
Waxay sheegtay inay magaalada Rome kula kulantay mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda cuntada adduunka (WFP) oo ay kala hadashay sidii ay dowladda uga taageeri lahayd qaxootiga dib ugu laabanaya dalka.
Socdaalka Wasiirka Arimaha Dibadda Ee Soomaliya Fowsiyo Xaaji ayaa Noqonaya Markii Labaad ee ay Dalka Dibadiisa Ugu anbabaxdo Arimaha Soomaliya tan iyo Kolki Loo Magaacabay Xilkaa Inkastoo aysan Jirin Wax qabad Muuqda oo ay ka keenan Dalalka ay u Baqoolan Masuuliyinta Dowlada.

Xog Ku saabsan Sababaha fashilka Ku keenay Howl galkii Ciidamada Faransiiska

$
0
0

Buulo Mareer(Sh.M.Network)—Warar la xaqiijiyay oo aynu ka helnay dad lagu kalsoon yahay oo ku sugan  Degaanka Buulo Mareer ee Degmada Kuntuwaareey ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa tibaaxaya  in Sababaha fashilka ku Keenay Ciidamada Kumaandooska Faransiiska ee Howl galka Ka fulinayay Buulo Mareer ay tahay in markii Ciidamadaasi ay diyaaradaha uga soo daateen Deegaanka Day doog oo 3 KM ka xiga Dhinaca Buulo Mareer ay Ciidamadaasi Billaabeen in ay dileen dad Rayid ah qaarna ay ka xir xireen Lugaha iyo Gacmaha ayna ka tageen.
Hasa Yeeshee dad ka bad baaday Xariggaas ayaa Xiriir Teleefoon waxa ay la sameeyeen Guddoomiyihii Buulo Mareer ee Al Shabaab oo Magaciisa lagu Koobay Sheekh Axmed iyagoo Ku wargaliyay in Buulo Mareer ay ku soo Wajahan yihiin Ciidamo ay tiradooda ugu Sheegeen illaa 50 Askari oo aad u hubeysan ayna u maleeyeen in  ay yihiin Ajnabi.
Ilahaasi Xog ogaalka ah ee Ku sugan Buulo Mareer ayaa Shabelle intaasi ugu daray in  markii Digniinta uu helay Sheekh Axmed isaga iyo Ciidamo Kooban oo la socday ay u soo Baxeen dhinicii loogu tilmaamay in ay ka soo socdaan wax yar kadibna waxaa Rasaas isku billaabay Ciidamada Shabaabka iyo Kuwa Faransiiska ahaa taasina ay keentay in markii xabadu bilaabatay ay Ciidamadii Shabaabka ahaa ee ku sugnaa Buulo Mareer ay ka qayb galeen Dagaalka taasina ay keentay in Howl galkaasi uu fashil ku yimaado.
Dhinaca kale ilahaasi Xog ogaalka ah ayaa waxa ay shaki ka muujiyeen in Markii Sheekh Axmed lagu soo war geliyay Ciidamadaasi ku soo Wajahan Buulo Mareer uu durbadiiba Billaabay in uu ka baxsho la haystihii Faransiiska ahaa ee Denis Allex guriga ay ku hayeen taasi oo fashil ku keentay qorshaha Ciidamada Faransiiska ay ku furan lahaayeen Lahaystahaasi.
Dagaalka dhexmaray Ciidamada Faransiiska iyo Al Shabaab ayaa la sheegay in uu ku Geeriyooday Guddoomiyihii Deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose ee Sheekh Axmed iyo Labo ka mida Dagaalyahanada Ururka Al Shabaab.

Puntland oo ka tacsiyaysay geerida gadoomiyihii bankiga dhexe Jabuti

$
0
0

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheikh Maxamuud Faroole ayaa ka tacsiiyay geeradii naxdinta lahayd ee ku timid allaha unaxariistee Jaamac M axmuud Xayd oo ahaa gadoomiyihii bankiga dhexe ee Dalka Jabuti kaasi.
Innalillahi wa innaa Illayhi raajicuun.
Anigoo ku hadlaya magacayga, magaca Shacabka Reer Puntland iyo Dowladda Puntland, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Marwadiisa Khadra Maxamud Xayd oo aan uga tacsiyeynayo geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Jamac Maxamud Xayd, Gudoomiyihii Bangiga Dhexe ee dalka Jabuuti.
Waxaan Ilaahay uga baryaya inuu Janatul Firdowsa ka waraabiyo, Qoyskiisii, ehelladiisii, asxaabtiisii, iyo dhammaan Shacabka iyo Dowladda Jabuutina ka siiyo Samir iyo Iimaan.
Aamiin
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Xafiiska Madaxweynaha Puntland
Xafiiska wararka Buraannews.com
Garowe

What led the French commando raid on Al Shabab to be a botched one?

$
0
0

BuloMarer (Shabelle) — Reliable sources in and around BuloMarer town in South Somalia where French commandos raided late last night, say that the French commandos first landed at a village called Daaydoog which is located at the seas side and three kilo meters away from BulMarur where the French intelligence officer held by Al Shabab militants.
According to the reliable sources, who are local people and spoke to Shabelle, say that  the French commandos killed some villagers and tied others when they landed at Daaydoog before they headed to BulMarer but some villagers who survived the French killings at the sea side cantacted and alerted Al Shabab fighters in BuloMarer telling them that there were at least fifty heavily armed foreign soldiers on their way to BuloMarer.
The reliable sources, who spoke to Shabelle, say that the survived villagers called particularly the commander of Al Shabab in Bulo Shiekh Ahmed who was among those the French killed in the fire fight.
But before he and his men moved to ambush the coming French commandos, Ahmed is reported to have moved the French captive fromk the house they were holding into another house.
The sources say that the killing of the villagers was a mistake which led Al Shabab to be alerted and prepare for the French commandos.
 
Shabelle news desk
 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live