Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Maalinta Saxaafadda Soomaaliya oo aan laga Xusin dalka

$
0
0

Muqdisho(Sh.M. Network) —Maanta oo ay ku beegantahay Maalinta Saxaafadda Soomaaliya ayaan si weyn loo xusin taasi oo sababo kala duwan loo aaneenayo.
Maanta oo kale ayaa Saxafiyiinta Soomaaliyeed Gaar ahaan kuwa Ka howl Gala Magaalada Muqdishoa waxa ay qaban Jireen Munaasabado kala duwan oo Lagu Xusayo maalinta Saxaafadda Soomaaliya.
Madhicin Munaasabado Lagu Xusayo Maalinta Saxaafadda Maadaama Maalmo ka hor uu dhacay Dilka Loo Geestay allaha u Naxariistee Wariye Cabdi Xareed Cismaan Aadan iyadoo Xiriiro kala duwan oo aan la sameynay Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Ururada Saxaafadda ay noo sheegeen in aan wax Munaasabado ah la qaban iyagoo sheegay in ay dib ka bixin doonaan Faah faahin ku saabsan Sababaha Baajiyay.
Maanta oo kale ayaa Saxafiyiinta Sooamaliyeed waxa ay u ahayd Maalin Farxad iyo Maamuus Ku leh agtooda iyagoo Munaasabado kala duwan ka dhigi Jiray qaybaha ay uga suganyihiin Gobollada dalka waxaana Sababta ugu weyn ee Loo aaneenayo la dhihi karaa dilkii dhawaan Loo geestay allaha U Naxariistee Wariye Cabdi Xareed Cismaan Aadan oo Jimcihii aan ka soo gudubnay dabley hubeysan ay ugu Geesteen Magaalada Muqdisho.


Xildhibaan Yaasiin Cabdi Seed Oo Kamid Ah Barlamaanka Soomaaliya Oo Gaalkacyo Lagu Soo Dhaweeyay

$
0
0

 
Xildhibaanka ayaa ka soo dagay Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo Ee Cabdulaahi Yuusuf Airport waxaana soo dhawayntiisa ka qaybqaatay oo Masuuliyiinta Garoonka ku soo dhawaysay ka mid ahaa Gudoomiye Ku xigeenka Labaad Ee Gobolka Mudud Axmed Muuse Nuur Yare Duqa Gaalkacyo Siciid Cabdi Faarax Waxgarad, Dhalinyaro iyo Ururka Haweenka iyo Dhalinyarada Soomaaliyeed Ee DALHADHSO
Xildhibaan Yaasiin Cabdi seed ayaa waxaa loo galbiyey Hotelka Sugulle oo ka mid ah Hotelada Magaalada Gaalkacyo ku yaala
Xildhibaanka ayaa Saxaafada uga warbixiyey imaatinkiisa Gaalkacyo waxa uuna sheegay in Gaalkacyo ay tahay halka Barlamaanka Soomaaliya uu ka soo galay ama uu ka soo jeedo waxa uuna sheegay in uu Gaaridoono Magaalada Garoowe Ee Caasimada Dowlada Puntland Dadka Reer Puntland ayuu ku booriyey in ay ka shaqeeyaan nabada




 

Natiijada iyo isku aadka CAF 2013

$
0
0

Waxaad halkan kala socon kartaa guud ahaan natiijada iyo isku aadka kooxaha ka qaybgalaya tartanka koobka dalalka Africa oo sanadkan 2013 ka dhacaya dalka Koonfur Africa.

Golaha Wasiirada oo Maanta kulankooda Caadiga ahaa ku yeeshay Muqdisho ( War saxaafadeed)

$
0
0

Muqdisho, Isniin, 21, Jan, 2013….Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa iyadoo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaare Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, waxaana shirka looga hadlay qoddobo dhowr ah oo ay ugu horeysay qorshaha dib-u-xasilinta dalka, Dhismaha maamulada gobolada iyo dagmooyinka, dhulka iyo hantida Dowladda ee lahaysto.
Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Diinta Cabdulaahi Abyan Nuur oo saxaafada la hadlay markii uu soo idlaaday kulanka ayaa ka warbixiyey.
Golaha ayaa ka dooday sidii loo dar-dar galin lahaa qorshaha nabad galyada iyo dib-u-xasilinta dalka, kaas oo soo bilowday xiligii lagu jiray KMG. Waxaana lagu wargaliyey Wasaarad kasta in ay soo magacowdo guddi u matala ka tala bixinta iyo dhamaystirka qorshaha ballaaran ee lagu xasilinayo dalka.
Sidoo kale golaha ayaa isla soo qaaday sidii loogu samayn  lahaa maamulo gobolada iyo dagmooyinka laga xoreeyey Alshabaab. Waxaana howshaas loo xilsaaray Wasaaradda Arrimha Gudaha  inay maamul ku meel gaar ah u sameyso Gobolada iyo Dagmooyinkaas, wuxuuna goluhu dib u dhigay hindisa ay soo gudbisay Wasaarada Arimaha Gudaha oo ka hadlaya qaabka ugu wanaagsan ee loo dhisi karo maamulada Gobolada iyo Dagmooyinka, iyadoo guluhu isku raacay in khamiista soo socota cod loo qaado sharcigaas.
Ugu danbayntii golaha Wasiiradda ayaa isku raacay inaysan aqoonsanayn dhamaan dhulka dowladda ee la iibsaday, la bixiyey, lana kireeyey wixii ka danbeeyey 1990, waxaana xukuumaddu u xilsaartay guddi ku sameeya baaritaan dhulka iyo hantida dowladda, wuxuuna gudigaas ka kooban yahay shan wasaaradood oo kala ah, Wasaaradda Arimaha Gudaha, Wasaaradda Howlaha Guud, Wasaaradda Garsoorka, Wasaaradda Maaliyadda,iyo Wasaaradda Gaadiidka, waxaana hurmuud u noqonaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
 
—-DHAMAAD—
Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
             +252-699270033
Mogadishu, Somalia

“Anigu Somalia Lama Shaqeeyo, Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan-Na Isku Jufo Ayaanu Nahay Oo Xamar Ayey U Shaqaysaa, Aniguna Xildhibaan Somaliland Ah Ayaan Ahay Marka Uu Xilku Ii Dhamaadana Meesha Aan Doono Ayaan Tegi Karaa” Xildhibaan C/raxmaan Xoog

$
0
0

Xildhibaan C/raxmaan Maxamed (Xoog) oo ah mudane ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa jawaab ka bixiyey warar sheegayey inuu Dawladda Somalia la shaqeeyo, isaga oo sheegay inaanay arintaasi waxba ka jirin oo ay ka baahiyeen dad doonaya inay fadeexadeeyaan, waxaanuu sheegay inay arintaasi ka dhalay mar uu Wasiirka Arimaha dibedda ahna Raysal Wasaarada Somalia Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan uu kula kulmay Madaarka Magaalada Berbera oo ay socdaal ku maraysay.
Xildhibaan C/raxmaan Xoog oomaanta  shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa waxa warkan uu ka jawaabayey ka qoray Wargeyska Haatuf oo cadadkiisii shalay ku sheegay inuu la shaqeeyo Dawladda Somalia, waxaanuu sheegay in aanay wax dhib ah lahayn la kulanka Foosiya Yuusuf oo ay isku jifo yihiin, isla markaana uu la kulmi karo, waxaanuu xusay inay ku kulmi karaan meelo kale oo ay London ka mid tahay, isla markaana ay Wasiirku u shqayso Somalia isaguna uu yahay Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo marka uu wakhtiga xilkiisu u dhamaado fasax yahay meesha uu doonana uu tegi karo.
C/raxmaan Xoog oo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi  “Somalia anigu lama shaqeeyo, laakiin Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan Ilama Adeer ayaanu nahay, ka ho waxaa jiray Wasiiro badan oo iyada ka horeeyey oo yidhi Kulmiye ayaa halkan iga diray, maxaa kuwaas looga hadli waayey, taasi waxay samaynaysaa kala fogayn xagga Somaliland ah, waxaananu u aragnaa inay wadaan xaggan u diid oo dhinac walba u diid markii ay been noqdeen wixii ay ballan qaadeen oo ay wax walba kor u keceen oo tahriibtii korodhay, Ina Yuusf Xaaji Aadan isku Jufo ayaanu nahay oo iyaduna Xamar ayey u shaqaysaa anna Xildhibaan UDUB ku fadhiya Golaha Wakiiladda ayaan ahay marka ay ii dhamaatana fasax ayaan ahayn oo meesha aan doono ayaan tegeyaa”
Hargeysa Somaliland

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ku Sugan Magaalada Riyadh Ee Dalka Boqortooyada Sacuudi Arabiya Kana Qayb Gallaya Shirka GCC iyo Dalalka Carbeed Ayaa Maanta Kulano La Yeeshay Madaxweynayaasha Masar Mursi Iyo Yemen Mansuur

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shallay gelinkii danbe soo gaadhay magaalada Riyadh ee dalka boqortooyada Sacuudi Arabiya oo uu kaga qayb gallayo shirka dalalka Khaliijka carbeed iyo dalalka carabta waxaa isla maantaba uu kulano la yeeshay madaxweynayaasha dalalka Masar Maxamed Morsi iyo
Yemen Cabdiraabi Almaansuur.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qasriga madaxda loogu tallo gallay magaalada Riyadh wuxuu maanta duhurkii kulan kula yeeshay Madaxweynaha dalka Masar Maxamed Morsi oo ay labada dhinac kaga wada hadleen cilaaqaadka Soomaaliya iyo Masar, iyo sidii labada dhinac usoo cusboonaysiin lahaayeen xidhiidhkoodii diblomasiyadeed.
Sida lagu daabacay bogga Facebook ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labada dhinac waxay isla waafaqeen in la soo celiyo xidhiidhkii safaaradaha labada dal isla markaana la is dhaafsado wefdiyo heer wasiiro ah.
Kulanka Xasan iyo Cabdirabowga Dalka Yemen
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale wuxuu kulan la yeeshay madaxweynaha dalka Yemen Cabdirabow Almansuur oo ay ka wada hadleen xidhiidhka Yeme iyo Soomaaliya iyo sidii labada dal ay iskaga kaashan lahaayeen xidhiidhadda dhinaca la dagaalanka argagixisadda, soo celinta xidhiidhkii marinka Mandab ee ganacsiga Soomaaliya iyo sidii loo soo celin lahaa xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee labada dawladood.
Madaxweyne Xasan ayaa dhigiisa Yemen ka codsaday inuu soo magacaabo safiirkii Yemen ee dalka Soomaaliya si loo sii xojiyo xidhiidhka labada dal.
Maalinta berri ah ayaa la filayaa in Madaxweyne Xasan uu kulano la yeesho madax ay ka mid yahiin boqoradda dalalka carbeed sida Sacuudi Arabiya, Kuwait, Emirateka, Qatar iyo Bahrain.
Halbeegnews, Riyadh
halbeegnet@gmail.com

 
Source-Halbeegnews

Daawo Sawirada:Guddiga Farsamada Milateriga Soomaaliya oo ku kulmay Magaalada Muqdisho

$
0
0

Xubnaha guddiga Soomaaliya u qaabilsan farsamada milateriga ayaa maanta ku kulmay magaalada Muqdisho si ay uga wada hadlaan xoojinta awoodda milateri ee ciidanka Soomaaliya.
Kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay kordhinta tababarrada ciidanka iyo sidii dhaqa-celin isugu jirta abuuris fursad waxbarasho iyo mid shaqo loogu sameyn lahaa baxsadka maleeshiyada al-Shabaab.
Isagoo ka hadlayay kulanka, wasiirka gaashaandhigga Cabdixakiin Fiqi ayaa sheegay inay wasaaraddiisu u gudbisay guddiga codsigii la xiriiray qaadidda xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya, si ay wasaaraddiisu ugu suurta-gasho inay xoojiso tayada iyo cududda ciidanka xoogga dalka.
Wasiirka wuxuu sheegay in kulanka maanta uu ahmiyad weyn ugu fadhiyay dowladda Soomaaliya maadaama uu ku soo beegmay aqoonsiga Maraykanka ee dowladda Soomaaliya markii ugu horreysay muddo 20 sano ah.
Ka qeyb-galayaasha kulanka ayaa isku raacay inay dardar geliyaan dadaalladooda ku aaddan sare u qaadidda awoodda ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.
Guddiga farsamada milateriga waxaa xubno ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Qaramada Midoobay, Maraykanka iyo Midowga Yurub.





.






Gudoomiyaha Maxikamada Sare ee Ciidamada oo Seeftiisa Galka Kala Baxay Tiirkana Ku Xugmiyay Askar

$
0
0

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Dowlada Soomaaliya ayaa maanta Xukun dil iyo Xabsi waxaa ay ka fulisay degmada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha dhexe.
Kadib markii ay gareen maanta Jowhar Masuuliyiinta maxkamada Ciidamada q alabka sida ayaa durba waxaa ay xukuntay afar ruux oo lagu soo eedeeyay dambiyo kala duwan.
Gudoomiyaha Maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka Sida Liibaan Cali Yarow ayaa dhageystay in Askartan ay geysteen dil iyo dhac isaga ayaana ku dhawaaqay xukunkooda.
Liibaan Cali Yarow ayaa sheegay in eedeysanayaasha la xukumay maanta ay tiradooda gaareyso Afar askari ciidamada dowlada ka tirsanaa.


Raisulwasaaraha Soomaaliya oo Kulan Xasaasi laqaatay Ergeyga Gaarka ee qaramada Midoobe ee Arimaha Soomaaliya

$
0
0

Axad, January 22, 2013—-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q/midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Amb. Augustine Mahiga.
Labada mas’uul ayaa ka wadahadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu horeysay Horumarada Xukuumada, aqoonsiga Dowladda Mareykanka iyo sidoo kale Difaaca Xuquuda Aadanaha iyo Dib u dejinta Barakacayaasha Gudaha.
Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Saacid iyo Amb. Mahiga ayay ku faah faahiyeen ujeedada kulankan iyo natiijada.
“Wakiilka Q/midoobay Amb. Mahiga waxaanu ka wada hadalnay waxyaabo badan oo ay ku jirto dadaalada Caalamku wado ee ku aadan Horumarka iyo taageerada Xukuumadda, wuxuuna inoo muujiyay sida ay u garab taagan yihiin Dowladda Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Saacid oo xusay in Amb. Uu ugu hambalyeeyey Dowladda Mareykanku aqoonsigii ay u muujisay dowladda Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa xusay inay ka wada hadleen dhowrista Xuquuda aadanaha, gaar ahaana ka hortagga falalka ka dhanka ah Saxafiyiinta iyo dumarka.
“Dowladdu waxay illaalineysaa isla markaana xushmad gaar ah u heystaa bahda warfaafinta oo iyagu u dhabar adeygay sidii ay bulshadooda iyo bulshada Caalamka ugu bandhigi lahaayeen xaaladdaha dhabta ah ee ka jira dalkeena” ayuu mar kale yiri R.wasaaruhu isagoo si gaar ah u xusay in ay talaabo adag ka qaadi doonaan kooxo uu ku tilmaamay Iimaan laawayaal ku xadgudba sharafka Gabdhaha Soomaaliyeed.
Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q/midoobay Amb. Mahiga oo isna hadlay ayaa u sheegay warbaahinta inuu aad ugu faraxsan yahay inuu maanta la kulmo isaga oo ka wakiil ah Q/midoobay Ra’iisal Wasaare Saacid oo uu tilmaamay inuu yahay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumad Rasmi ah, Sharci ah isla markaana ku timid si Dumuqraadi ah.
“Waxaan rabaa inaan hortiina ka caddeeyo in Q/midoobay ay aad u taageersantahay Dowladda Soomaaliyeed oo ah Dowlad matileysa Shacabkeeda” ayuu yiri Amb. Mahiga oo xusay in Q/midoobay ay balanqaadeyso inay gacan ka geysaneyso Dib u dhiska dalka iyo Hay’addihii Dowladda.
Sidoo kale Amb. Mahiga ayaa tilmaamay in ay Dowladda ka taageerayaan Dib u dejinta Barakacayaasha Gudaha dalka ee tiradoodu gaareyso 1 Million, Nus Million ka mid ahna ay ku noolyihiin magaalada Muqdisho.
Amb. Mahiga ayaa uga mahadceliyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliyeed sida ay u muujiyeen siyaasada cad ee ay Dowladdu fulineyso wuxuuna hoosta ka xariiqay inay aad ula dhacsan yihiin Wadajirka iyo Nufnaanta ay muuiyeen.
Ugu dambeyntiina, Ra’iisal Wasaaraha ayaa si gaar ah ula kulmay bahda Warbaahinta gudaha iyo Dibadda, isaga oo si dhow u weydiiyay tabashadooda iyo caqabadaha jira, waxayna warbixin dheer ka siiyeen aragtidooda ku aadan sida ay ula dhacsan yihiin Dowladda Soomaaliyeed iyo Horumarka ay sameyneyso, waxayna ka hadleen falalka liddiga ku ah Saxafiyiinta oo ay codsadeen in laga hortago falalkaasi. Isagoo R.wasaaruhu ka dalbaday inay iska soo dhex xulaan Guddi u hadla bahda Warbaahinta.
—-DHAMAAD—

Digniin Ha Daawan Sawiradan hadii aadan awoodin Nin Doonayay in uu Masjid isku qarxiyo oo kaligiis qarxay

$
0
0

General Maxamed Maxamuud (Saney) oo kamid ah Taliyaasha guutooyinka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ayaa waxa uu xaqiijiyay in habenkii xalay ahaa ruux naftii hura ah oo doonayay in uu isku qarxiyo masjid ku yaalla Xaafada Hanti Wadaag ee degmada Jowhar ee gobalka Sh. Dhexe uu qarxay kahor intii uusan masjidka gaarin.
Waxa uu sheegay general-ku in qaraxaasi u sababay oo kali ah in uu geeriyooday ruuxii fuliyay ee kuguul dareestay hadafkiisii uu ku khaariji lahaa shucuub Soomaaliyeed.
Qaraxaasi oo dhacay iyada oo masjidka ay dad badani ka buuxeen ayaa waxa uu taliye Saney Sheegay in ay kamid ahaayeen saraakiil dowladeed.
Waxa uu intaa raaciyay in howl gal ay ciidamada dowladu kasameeyeen Jowhar habeenkii xalay ahaa ay ku soo qabteen sedax ruux oo looga shakisanyahay in ay kamid yihiin dagaalamayaasha Shabaab iyo waliba hub iyo waxyaabaha qarxa oo lagu diyaarinayay gurya ku yaalla gudaha degmadaasi.
Dhanka kale, General Maxamed Maxamuud (Saney) waxa uu kahadlay arinta askari ku dilay Jowhar ganacsade Soomaaliyeed oo uu sheegay in Maxkamada degmadu ay wado go’aan kagaarida arintaasi.

 

Wasiirka Daakhliga Oo Ka Hadlay Hadallo Hore U Ydihi Oo Dareen Dhaliyey Iyo Hindise Xukuumaddu Ula Tegtay Beesha Ciise Oo Aan Waxba Ka Bedelin Mowqifkoodii

$
0
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha  Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa sheegay in si khaldan ay warbaahintu u turjimeen wareysi uu kaga hadlayey Aqoonsiga ay Dawladda Maraykanku siisay Dalka Somalia, kaas oo ay warbaahintu sheegeen inuu Somaliland ku sheegay maamul la mid ah Maamullada Somalia ka jira, waxaanu Wasiirku arintaasi ku tilmaamay mid hadal dhamaystiran la kala jaray oo qayb la qaatay, ka dibna macno kale yeeshay oo aanu ahayn sidii uu u yidhi.
 
Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carrale (Duur) oo isaga oo jooga Magaalada Saylac khadka telefoonka ugu warraamay Wargeyska Saxansaxo, ayaa waxa kale oo uu ka hadlay halka ay marayso xallinta khilaafka Golaha deegaanka ee degmada Saylac, waxaanuu sheegay inay beesha Ciise aqbaleen Sad kordhin dhinaca Xukuumadda laga siiyey, balse aanay ilaa hadda ka tanaasulin jagada Maayirka Degmadaasi oo ay ku adkaysanayaan.
 
Maxamed Nuur Carrale (Duur) oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxa na soo gaadhay Wasiiradda noogu yimid Saylac oo ah  Gurmad iyo Talo noo soo kordhay, waana laba nin oo Culus oo Odayaal Wasiirro ah, si ay hawshii noola xoojiyaan, hawsha degmaduna meel aad u wanaagsan ayey maraysaa oo waa nabad gelyo guud ahaan, laakiin qodobka Maayirka ayaa waxa uu nagu yahay mid ay Beesha ciise aad ugu doodayso inay leeyihiin, dhinaca kalena waxa weeyaan oo ay ku doodayaan inay doorasho meel kala marisay, dhamaan wixii kale oo dhan waanu isla garanay, waxaananu Maanta (shalay) ka wada hadalnay Beesha Ciise sidii ay meelihii uu Madaxweynuhu siiyey ay u qaadan lahaayeen, markaa qodobkaas ayuunbaa meesha yaalla ee wax kale oo dhib ahi ma jirto.”
 
S: Wasiir maxaa ka mid ah xilalka uu Madaxweynuhu siiyey Beesha Cise ee ay Wasiiradu sidaan?
 
J: Waxa  ka mid ah meelaha looga sad kordhiyey beesha Ciise, Ciidamada Bileyska iyo Millaterigaba tiro ayaa loogu darayaa, Xililka guud ee Qarankana waxbaa laga siinayaa, markaa waa tiro Bileyska laga siinayo iyo Millateriga iyo Xilalka qaranka oo wax laga siinayo.
 
S: Odayaasha Beesha Ciise ma ku qanceen arintaas haddad is aragteen?
 
J: Haa, way ku qanceen sad kordhintaas uu Madaxweynuhu siiyey oo way soo dhoweeyeen, laakiin waxaanay ka qanacsanayn Jagada Maayirka Degmada Saylac iyo Gobolka iyo Xuduuddihiisa labadaas qodob ayaa qabyo ah.
 
S: Haddii sad kordhin laga siiyey xagga Xukuumadda wax tanaasul ah oo ay Maayirka ka taaganyihiin ma jirto ayaad leedahay?
 
J: Dhinacaas wax alla wax tanaasul ah oo xagga Maayirka ahi ma jiro ilaa hadda.
 
S: Wasiir, waxa jira hadal shacabka dareen ku abuuray oo ah inaan Somaliland kala mid dhigtay Maamullada Somalia ka jira oo loo arkay inaad qarannimadii Somaliland meel kaga dhacday, maxaad ula jeeday hadalkaasi?
 
J: Hadal xidhiidhsan haddii dhexda laga qaato oo aan sidii uu u xidhiidhsanaa loo wada qaadan waxa uu yeelanayaa macno kale, waana la Ii sheegay sida ay Warbaahintu u dhigtay, laakiin waan dhaliilay oo soo maan dhawayn arrintaas oo waxa aan ku tilmaamay mid si xun looga faa’iidaystay, Somaliland-na Maamul maan garab dhigin oo Maamul Somaliyeed maan odhan ee waxaan sheegay inay Somaliland tahay dal madax bannaan, mushkilladuna waxa weeyaan marka Idaacadaha la dhegaysto iyo marka uu Jaraa’idku hadalka kala jaro aad ayey u kala duwan tahay, markaa si khaldan ayaa loo qoray oo marka Idaacadaha laga dhegaysto wuu caddaa hadalkaasi, waxaanan sheegay in shirkaas Mareykanka xin looga faa’iidaystay ayaan sheegay, Puntland iyo Somaliland-na ismaan garab dhigin oo Somaliland waa dal madax bannaan, Puntland-na waa Maamul Somali weli sheegta, markaa xataa sheegashadooda ay sheegayaan Somalia ayaan idhi ugamay faa’iidaysan ee si khalad ah ayey uga faa’iidaysteen, markaa Hadalkaas Joornaalka ayaa kala jaray oo doonayey inuu si khalad ah uga faa’iidaysto, laakiin marka Idaacadaha laga dhegaysto waa sax oo hadal xidhiidhsanaa ayey kala jareen dabadeed macno kale ayuu yeeshay”
 
S: Dadweyanaha reer Somaliland Dareenka ay ka qaateen hadalkaasi maxaad kaga bogsin lahayd?
 
J: Waa khalad ayaan leeyahay oo hadal xidhiidhsan ayaa la kala jaray, Anigana waa la I yaqaanaa oo nin Xil weyn haya ayaan ahay,  waxaanan u arkaa in aanay wax dareen ah oo dadweynaha ahi jirin oo inta Joornaalka subixii la arkay la dhaafay, shacabkana xidhiidh wanaagsan inuu naga dhexeeyo ayaan aaminsanahay.
 
S: Dadku waxay is weydiinayaan maxaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ku kallifay inuu ka hadlo Siyaasadda Arrimaha Dibedda oo uu Wasiir la mid ah qaabilsanyahay?
 
J: Su’aal haddii lagu weydiyo waad ka jawaabi, laakiin siyaasad ballaadhan oo arimo dibedeed ah kamaan hadal, waxaanu ka mid ahaa ka hadalka arinka Saylac oo su’aal la I weydiiyey ayey ahayd.
 
S: Wasiir dadku waxay kaa aaminsanyihiin inaad tahay  nin  Hanjabaad badan oo deg deg uu ku jiro arintaas maxaad ka leedahay?
 
J: Anigu odhan maayo sidaas ayaan ahay, malaha dadkuna way iyaqaanaan waxa aan ahay, waxaana kaga filan waxa aan ahay, sida aan isku aqaano iyo sida ay dadku Ii yaqaanaan waxa qara weyn sida ay dadku ii yaqaanaan, markaa kollay xil ayaan hayaa oo Somalidu inta ay Xilka hayso maragga iskuma furtee, waxaan filayaa in taariikhdaydu ay caddaan doonto marka aan Xilka ka tago, lana doodi maayo shacab, haddii ay xataa sidaas dadku iga aaminsanyihiin dood ka bixin maayo oo ma ihi nin is difaaca, waxaanan ku qanacsanahay inaanay haboonayn in la is difaaco.
 
S: Hadii ay Beesha Ciise sidaas ku si adkaysato oo dhinaca kale sidaas ahaadaan Mawqifka Xukuumaddu muxuu yahay ee arintaasi ku aaddani?
 
J:Gogosha ayuunbaanu sii wadaynaa oo dedaal ayaan ka sii geli doonaa, shacabkana waxaan leeyahay Bari ilaa galbeed inay nabaddu tahay guusha ugu wayn ee ay dadka reer Somaliland haystaan
  Hargeysa Somaliland

War-saxaafadeed : Qodobada ay ku heshiiyeen Ururka Umadda iyo Xisbiga Waddani oo maanta midoobay

$
0
0

 
Heshiiska ay labada dhinac kala saxeexdeen oo laga soo saaray warsaxaafaded laga akhriyey goobtaasi ayaa waxa uu u dhignaa sidan
“WAR MURTIYEED: Midowga Xisbiga WADANI iyo ururka Siyaasadeedka UMADDA
Ka dib markii  Xisbiga WADDANI iyo Ururka siyaasadeedka UMADDU wada yeesheen wadahadal socday muddo kooban   islana  fahmeen in mabaadiida aasaasiga ah ee Xibiga WADDANI ay tahay mid ku salaysan mucaaradad wax dhisa oo dalka iyo dadka danohooda u taagan.
Ka dib markii labada dhinac ay tixgeliney Qodobka 24aad ee Xeer lr. 14/2011 ee tilmaamaya in ururkii ku guulaysan waaya doorashada golaha deegaanka ay tahay inuu ku biiro saddexda Xisbi Qaran ee soo baxay midkood.
Ka dib markay arkeen qodobka ….. ee xeerka xibiga WADDANI tilmaamayo in la kordhin karo  xubnaha Golaha dhexe, Fulinta iyo Hogaanka xisbiga.
Ka dib markii ay labada dhinac isla afgarteen in  qaabdhismeedka awoodaha Xisbiga Wadani laga siiyo  Ururka siyaasadeedka UMADDA  saami-qaybsi ay ku qanceen.
Ka dib markii ay labada dhinac wada tashi qotodheer ka yesheen arrinta midnimadooda,  lana soo tashadeen taageerayaashoodii, islamarkaana ka soo ansixiyeen Hogaamada labada daraf, waxay isla ogolaadeen in URURKA UMADDU ku soo biiro XISBIGA WADANI maanta oo salaasa ah,  taariikhduna tahay 22/01/2013.
Hadaba, waxanu ku wargelinaynaa dadweynaha reer Somaliland iyo hay’adaha ay khusayso arintani inay sidaa ula socdaan.
Wabilaahi Tawfiiq
 
Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro                        Dr. Maxamed Cabdi Gaboose
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI                                        Guddoomiyaha Ururka UMADDA
 
 

Aragtida Dowladda ee Maamul-u-sameynta Kismayo

$
0
0

Wasuurka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ayaa sheegayin dowladdu aysan maamul dusha uga keyneyn, balse ay tahay in maamulku uu ku yimaado rabitaanka dadka deegaanka.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Aqoonsiga Maraykanku Siiyay Somalia, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud-Na Uga Digay Inuu Kala Garan Waayo Gobolada Somalia Iyo Somaliland

$
0
0

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro), ayaa markii ugu horaysay ka hadlay Aqoonsiga ay Dawladda Maraykanku siisay Waddanka Somaliland, isaga oo sheegay inay Somaliland iyo Somalia yihii laba waddan oo kala madax bannaan.
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani C/raxmaan Cirro oo shalay ka hadlayey munaasibad uu Urur-siyaasadeedkii Umadda, ayaa waxa uu Madaxweynaha Dalka Somalia Xasan sheikh Maxamuud uga digay inuu kala garan waayo Gobolada Somalia iyo Somaliland, isaga oo  u soo jeediyey inuu iska ilaalioyo dabinno uu sheegay inay Madaxweyne yaashii ka horeeyey ku dheceen inuu iska ilaaliyo.
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) oo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi“Maanta waxay ii tahay maalin farxadeed. Waxaan ku faraxsanahay midowga Xisbiga  WADDANI iyo Urur siyaasadeedka UMADDA. Waxaan ilaahay uga barayaa inuu barakeeyo midowgaas, oo uu noqda mid dalka iyo dadkaba khayr u soo kordhiya.  Xisbiga WADDANI waxa uu qalbi furan iyo gacmo furan ku soo dhaweynayaa Hogaankii, madaxdii iyo taagerayaashii ururka UMADDA  . Midwogu waa mid heer kasta ah, heer qaran, heer gobol , heer degmo iyo laamaha dibedda.
Xisbiga iyo Ururku waxay ku heshiiyeen saami qayb ay qanceen, Md Qaasim Sheekh Ibraahim Tubeec, Guddoomiye Ku Xigeenkii 1aad ee UMADDA waxa uu ka mid noqon doonaa Gudoomiye ku xigeenada WADDANI, xubno ka mid ah madaxda kale  ee UMADDA waxay xubno ka noqon doonaan Gole dhexe iyo Fulinta WADDANI.  Gobolada, Degmooyinka iyo Laamaha dibedda waa la mideynayaa.  Malaha waxa is weydiinaysaan Dr Maxamed Cabdi Gaboose muxuu noqonayaa? Dr Maxamed Waxa uu noqnayaa ODAYGA iyo MUS DAMBEEDKA Xisbiga.
WADDANI, kiisii hore iyo kuwa dambe, waxaan heshiis ku nahay inaan noqon mucaarad wax dhisaya, sas badan yaa laga qaadin. Xukuumadda Somaliland wixii dhaliil ay leedahay loo qarin mayo, wixii wanaag iyo horumar ah xisbigu wuu ku taageryaa.
Maanta laba urur ma kala nihin, maantaba Waddaniyiin  baan wada nahay , is doortay oo is ogogol , isku hadaf  iyo ujeeddo ah, ujeedadaas oo ah in loo wada guntado sidii wadankeennuu heli  amni, una gaadhi lahaa horumar  siyaasadeed, dhaqaale, aqooneed iyo cadaalad una heli lahaa aqoonsi caalami ah. Himilada Xisbigu waa inuu hogaanka dalka qabto”
Guddoomiye C/raxmaan Cirro oo ka hadlayey Siyaasadda Arrimaha Gudaha, waxa uu yidhi “Walaalayaal maanta waddankeennu wuxuu marayaa marxalado ay dhacayaan isbedelo iyo dhacdooyin  waaweyn oo inagu hareeraysan , taasina  waxay innagu waajibinaysaa in aad meel uga soo wada jeesano oo midayno fikirkeenna iyo dadaalkeenna, Tallaabadan aannu maanta qaadnayna ee midowga WADDANI iyo UMADDA  waxay salka ku haysaa arrintaas, maantana waddo kale ma jirto oo aan ahayn in aan danta dalkeenna, dadkeenna iyo diinteenna meel uga soo wada jeesanno, gacmaha isqabsanno innaga oo isu dhan, innaga oo isu dulqaadanayna, innaga oo isa saxayna, innaga oo iswadanna iyo innaga oo  mideysan”
C/raxmaan Cirro oo ka hadlayey Somaliland iyo Somalia, waxa uu yidhi  “Gumeystihii Africa Gumeystay dadka af Somaliga ku hadla waxa uu qaybiyey shan qaybood. Jabuuti, Somaliland, Kililka 5aad, Somalia, iyo NFD. Xidigta 5 geeska ah ee calanka Somalia taas bay u taagan tahay,  Somaliland shanta Somaaliyeed iyada oo xoriyad ugu hoor qaadatay 26th June 1960. Waa qaran ka da weyn  Somalia.  Madaxweynaha Somalia Md Xasan Sheikh  oo aan dhegystay khudbad uu ka jeediyey Minnesota, USA waxa uu xusay in Manadate xukuumadiisu  tahay in dalka Federal laga dhigo, Waxa kale oo ka mid ahayd khudbadiisa inta dawlad goboleed ee Somalia yeelanayso waxa goynaya baarlamaanka Somalia.
Waxa kale oo ku jirtay khudbadiisa  ( Youtube ka ayaad ka heli kartaan) inuu yahay Madaxweynaha  dadka Somaaliyeed oo dhan, Waxa laga yaabaa in haddi taariikhdu madmadow kaa galo oo kaa qaldanto, in xisaabtu kaa qaldanto, ka dibna xaalku noqdo CABDOO QALAD XISAAB”
 
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani C/raxmaan Cirro waxa kale oo uu intaasi ku daray isaga oo hadalkiisa sii watay “Madaxweynahaygu  waa Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Sillaanyo, Ka Jabuutina waa Madaxweyne Geelle, ka kililka 5aad waa Cabdi Cumar, NFD waa gobol ka mid ah Kenya. Adiga waxaan kuu aqoon sanahay  oo kugu ixtiraamayaa inaad tahay Madaxweynaha Somalia. Khubadda Madaxweyne xasan ee Mennosota iyo khubadiisii marka loo doortay Madaxweynaha faraq weyn baa u dhaxeeya, waxaan leeyahay Somaliland kulama heshiis aha Somalia inay la dhisato nidaam Federaal ah. Gooni isutaaga Somaliland waa go,aan shacbi, Baarlamaanka Somalia isagaa xor u ah inta dawlad goboleed ee uu Somalia ka dhigayo. Arrin khuseysa iyo arrin u taal Somaliland midna maaha”
C/raxmaan Cirro oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas raaciyey “Madaxweynaha oo ka muuqda dadaal badan waxanse  kula talin lahaa inaanu ku dhicin dabin ay hore ugu dhaceen Madaxweynayaashii ka horeeyey ee Somalia oo ah inay   iskaga qaldamaan  gobolada Somalia iyo Somaliland,  Dastuurka Somalia-na waxa uu gaar u yahay Somalia. Somaliland waxay leedahay dastuur shacbigu afti ku ansixiyey iyo baarlamaan,  Wadahadalada Somalia iyo Somaliland waan soo dhaweynaynaa, waxaanse uga dhigaynaa Madaxda Somalia inaanay ka hor dhicin gunaanadka wada hadalka, laguna koobnaado in la wada hadlo keliya, qolo kastaana ajendaheeda miis la timaado”
Ugu dambayntii waxa uu Guddoomiye Cirro hadalkiisa ku soo xidhay “Xisbiga WADDANI , annaga ooh ore u sheegnay marmar badan, himilooyinka Xisbiga WADDANI waxa ka mid ah inaan noqono, qaran madax-banaan oo sharaf iyo karaamo ku naalooda, shacbigiisuna xor ka yahay jahli, faqri iyo qabyaalad kala qoqobta, qaran ku qotoma  nidaam dimoqraadi ah (talo-wadaag) oo waafaqsan diinta Islaamka, dhaqanka iyo hiddaha aynu leenahay,  qaran midaysan oo ku dhisan wadaniyad, sinnaan iyo cadaalad”.
 hargeysa Somaliland

Ciidanka Nabad galyada Wadooyinka Galmudug Oo Tababar Loo Furay(Sawiro)

$
0
0

 
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha  iyo Amniga Galmudug Max’ed Mahad Gaaraxo Ayaa manta Si rasmi ah Tababar Ugu furay Qayb Ka Tirsan Ciidanka Ilaalada Wadooyinka Galmudug.
Max’ed Mahad Gaaraxo ayaa Maanta Xarunta Wasaarada Gaadiidka Cirka Iyo Dhulka ee Magaalada Galkacyo Xarig kaga Jaray Tababar La Siinayo Ciidanka u Xilsaaran Ilaalinta Wadooyinka wuxuuna Sheegay in uu ku Faraxsanyahay Tababarka uu Maanta u furay Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka Oo Mudo aan helin wax Tababar ah ayuu Yirir Mudane Max’ed Mahad Gaaraxo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha Ahna wasiir Kuxigeenka Wasaaradaasi.
Sidoo kale Waxaa Isna Furitaanka Tababarka Ka Hadlay Agaasimaha Guud ee wasaarada Gaadiidka Cirka Iyo Dhulka Nuur Max’ed Xuseen (Nuur Ganeey) wuxuuna Sheegay In ay Dhamaan Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka Soo Xarayn doonaan Isla Markaana Sidaan Oo Kale Tababar U Siin doonaan iyadoo uu sheegay In ay horay u dhisnaayeen Ciidanka Taraafikada ama Ilaalada Wadooyinka Balse ay Hada Wadaan Qorshe ay Wasaarada gaadiidku ku doonayso in ay ku Howl  galiso Wuxuuna Ka mahadceliyay Tababarkan Loo furay iyo Macalimiinta bixinaysa Tababarka.
 
Mid ka Mid ah Macalimiinta Casharada Siinaysa Ciidanka Ilaalada Wadooyinka Oo Lagu Magacaabo C/casiis Sh.Cali Qaboobe aya Sheegay In ay Siin doonaan Tababaro wax ku oola isla Markaana ay Bari doonaan Hanaanka loo Kala Hago Gaadiidka iyo Qaabka Loo Sugo Amaanka Wadooyinka isagoo Intaa Ku Daray in ay Maamulka Ka Caawin doonaan Dhanka tababarka Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka.
 
Waa markii Ugu Horaysay ee Tababar caynkan oo kale ah loo furo Ciidanka Ilaalada Wadooyinka Galmudug Marka laga reebo Xoogaa tababara oo ay Siin jiren Qar ka tirsan Saraakiisha Galmudug Balse Tababarka Maanta Loo furay uu Uga Duwanyahay iyadoo Casharada ay Bixinayaan Macalimiin Qibrad Dheer U leh  Ilaalinta Wadooyinka Iyo in ciidanka loo Sameeyo Unifomkii Lagu Yaqaanay Ciidanka nabadgalyada Wadooyinka hadana waxaa hortaala Shaqo Adag marka loo eego Gaadiidka Magaalada oo inta Badan Ay wadaan Darawaliin aan Aqoon u Lahayn iyo Gaadiidka ku Safra deegaanada Galmudug oo aan wada Haysan Tilmaanta Nambar ee Gawaarida looga Xiro Horay Iyo Gadaal taa oo lo yaqaan Taarigo lagana yaabo In Ciidankaan ay Caqabad Ka soo Wajahdo.
 


Faroole oo soo dhaweeyay aqoonsiga Mareykanka

$
0
0

Madaxweyne Faroole ayaa soo dhaweeyay aqoonsiga Mareykanka laakiin waxa uu sheegay in ictiraafku aanu ahayn owladda uu madaxda ka yahay Madaxweyne Xasan Sheekh balse uu yahay Soomaali weyn oo dhan sida hadalka uu u dhigay.

Masuuliyiinta Urur Lagu Magacaabo Somali American Group Ayaa Lagu Ee Deeyay Inay Lunsadeen Deeq Kaalmo Ah

$
0
0


Somali American Group oo sida ay sheegteen ah dhalinyaro isu tagtay ayaa markii ugu horeysay waxaa soo baxay ee deemo loo jeedinaayo kadib markii sida la sheegay ay musuq maasuqeen deeqo Dad Dhibaataysan Loogu Soo dhiibay
Qaar kadmi ah Dadka munool kaam Qoraxeey oo kuyaal Koonfurta Galkacyo ayaa maantay dhigay Dibad Bax ay kaga soo horjeedaan NGOga Somali American Group
Xaliimo xasan oo fagaare kula hadashay warfidiyeenada ayaa sheegtay in Dadka sheegtay in ay yihiin Somali American Group ay dhibaato ugaysteen Danyarta kunool kaamka Qoraxeey
Xaliimo ayaa Laamaha Amaanka Iyo Madaxda Galmudug ka codsatay in ay talaabo ka qaadaa dadka ku qaraabtay Magaca dhibanayaasha kunool kaamka waxay sheegtay in kol hore Dad wata Magaca Somali American Group ay uyimaadeen una sheegeen in ay yihiin Uruur u’istaagay wax uqabashada danyarta ku jirta xeryaha kuyaal Galkacyo balse aysan noqon sidii ay isugu sheegeen
Boqolaalkii Barakacayaasha ahaa ayaa waxay socod kumareen wadooyinka iyaga oo watay Boorar ay ku qornayd Cabashada Ngoga Somali American Group hasa yeeshee waxay qaar kamdi ah dadkii maantay kacabanayey Ururkaasi waxay sheegeen in Cidkasta oo kasocota Ngogaas ay la xisaabtami doonaan

Somali American Group oo ah Ngoga laga cabanayey ayaan magaalada gaalkacyo kulahayn wax xafiis ah hasa ahaatee wakiilo ay horay usoo dirsadeen ayaa danyartaan waxay usheegeen in ay kaalmo dacwooyin ah ay ugu tagi doonaan dalka ay kunool yihiin Ee Maraykanka
Ngo Somali American Group waxaa sida muuqta uu sheegtay in uu wax uqabanayo danyarta kunool Galkacyo hasa yeeshee waxa uqabasha daaye waxaa lgu ee deeyay in uu lunsaday deeqo kaalmo ah oo Dadka Maraykanka ay uga soo qaadeen Dad Tabaalaysan ayaan siinaynaa
Talaabadaan ayaa noqonaysa mid wax laga naxa ah iyadoo Ururka Somali American Group Deeqda Uu Lunsaday sida lasheegay waa midi ugu horeysay oo loogu dhiibo Dadka kujira Xeryaha Barakacayaasha ah ee kuyaal Galkacyo wuxuu Ngoga sheegtay in uu wax uqabanayo Dadka Naafada Ah Kuwa Aan Awoodin In ay Caruurtooda Geeyaan Iskuulo ay siindoonaan Lacago In Dib Udhis Ay kusamayndoonaan Goobaha Caafimaadka Ee Kuyaal Gaalkacyo ayaa hada waxaa adag sida ay galkacyo howl uga fulin lahaayeen maadaama Dadka Galkacyo ay ka Aamin Bixeen Masuuliyiinta Ururka Somali American Group

Wasiiru-dowlaha xafiiska madaxtooyada oo kaqeyb Galaayo Shir Looga Hadlaayo Dhaqaalaha Aduunka

$
0
0

Wafdi ka socda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qayb galaya shirka dhaqaalaha adduunka oo ka dhacaya magaalada Davos ee dalka Switzerland.
Wasiiru-dowlaha xafiiska madaxtooyada ee dowladda Soomaaliya Dr. Faarax Sheekh Cabduqaadir  iyo wafdi uu hoggaaminayo, oo ka qayb galaya kulanka ayaa lagu wadaa inay madaxda caalamka ee dhinaca dhaqaalaha iyo horumarinta hor dhigaan in ay ka qayb qaataan sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dib uga soo kabashada muddadii burburka.
Wasiiru-dowlaha ayaa la sheegay in ay u qorsheysan tahay in uu bandhigo qorshaha ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso in lagu dhiso dhaqaalaha Soomaaliya iyo waxyaabaha aasaasiga u ah horumarka dalka.
Dr. Faarax Sheekh Cabduqaadir iyo xubnaha la socdo ayaa sidoo kale ka qayb gali doona kulan gaar ah oo looga arrinsanayo sida Soomaaliya loo caawin karo.
Kulanka gaarka ah, oo ay ka qayb gali doonaan wasiirro ka kala socda Canada, Norway, Ingiriiska, Qadar, Switzerland, Turkey iyo wakiillada ururro caalami ah ayaa la filayaa in si gaar ah dowladda Soomaaliya loogu ballan-qaado qorshayaal dhaqaale oo lagu soo celinayo amniga iyo dhaqaalaha.
Kulanka dhaqaalaha caalamka ee Davos oo sanadkiiba mar la qabto ayaa waxaa isugu yimaada madaxda dhinaca dhaqaalaha iyo horumarinta u qaabilsan dalalka caalamka.

Daawo Sawirada:Farshaxanistayaasha Magaalada Muqdisho oo haatan lasoo Baxay Waxyaabo aan lagu Arag 20 Sano

$
0
0

Magaalada Muqdisho waxaa ku xardhan sawir-gacmeedyo ay masawireen farshaxaniistayaasha Muqdisho, waxaana ay qaab wacyigelin uga qeyb-qaadanayaan nabadeynta dalka.
Masawirrada inta badan ayaa xoojinaya fahamka dowladnimada, waxaana ujeedka uu yahay sidii bulshada mudada 20-ka sano arkin kala dambeynta iyo dowladnimada.
Mudadii ay dalka ka talinayeen kooxaha Islaamiyiinta ay sheegeen farshaxaniistayaashu in ay istaagtay gabi ahaan shaqadooda farshaxan oo lagu sheegay mid xaaraan ah.
Beri-samaadkii waxaa ay sawirada farshaxanku qeyb weyn ka ahaayeen wacyigelinta bulshada.

Ciidamada Dowlada oo kusugan Kismaayo oo haatan Bilaabay dhaqamo Shacabka Aad Oga heleyn iyo Guursiga oo ..

$
0
0

Wariye kusugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa waxa uu sheegay in maalmihii dambe magaaladaasi kusii kordhayeen aroosyada Ciidamada maamulka KMG galayeen kuwaasi oo dabaal dagooda laga dareemay xaafadaha Kismaayo.
Afarta Xaafadood ee Kismaayo ka kooban tahay ayaa isbuucaan dhamaadka ah waxa lagu guursaday 32 gabdhood oo badankood Askarta ay la aqal galeen waxaana ay sheegeen dadka deegaanka in maalmahaan dambe kismaayo Arooska ciidamada ku badan yahay.
Is dhex galka Ciidamada iyo dadka ayaa maalmahii dambe la arkayey waxaa sidoo kale maqaayadaha shaaha laga cabo ku qaxweynayey Askar hubeysan oo dadka fadhi ku dirirka dhinacooda sheekada la qeybsanayey.
Magaalada Kismaayo ayaa waxa la wareegay gacan ku heynteeda bishii October 2012-kii Ciidamo ubadan kuwo beeleed hase-ahaatee ku socday qaab gobonimo iyo la dagaalanka Al shabaab.
Kismaayo qabsashadeedii dagaal kama dhicin hayeeshee mudadii la qabtay maalmihii ugu horeysay dadka amni daro ayey ka cawdeen waxaase hadda amni daradii isku badashay alalaaska gabdhaha iyo Xalwo iyo Buskud guryaha magaalada maalmo kadib in arooskooda gabdho badan laga cuno.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live