Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Barlamaanka Soomaaliya oo bahda warbaahinta Soomaaliya ugu halbalyeeyay maalinta saxaafada aduunka.

$
0
0


Gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Pro.Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta warbaahinta Soomaaliya ka howlgasha ugu hanbalyeeyay maalinta saxaafada aduunka oo qaar kamid ah magaaloyinka Soomaaliya lagu maamusay musaabado lagu xusaayey maalintaasi.
Mr Jawaari ayaa ku amaanay suxufiyiinta Soomaaliya ka howlgala sida ay ugu dhabar adeegeen xaaladan lagu jiro in ay ka shaqeeyaan Soomaaliya.
Waxana uu ugu baaqay in ay sii wadaan shaqadooda ayna dar dar galinayaan baahinta arimaha nabada wadanka Soomaaliya.
Maanta ayaa waxa ay tahay 3-da bisha May oo ah maalin calamka uu u aqoonsaday maalinta saxaafada.


Burcad badeed Soomaali ah oo qafaashay markab xamuul oo Libya laga leeyahay

$
0
0


Burcad badeed Soomaali ah ayaa la sheegay inay xeebaha dalka Yemen ka
qafaasheen markab nooca xamuulka ah oo laga leeyahay wadanka Libya.
Sida ay sheegtay hay’adda qaabilsan arrimaha badaha caalama ee IMO la
yiraahdo  koox hubeysan oo burcad badeed ah watayna doonyo nooca
dheereeya ah ay markab nooca xamuulka qaada ah ay ka qafaasheen gacan
biyoodka Cadan ee dalka Yemen kadibna ay dhanka Soomaaliya ula soo
dhaqaaqeen.
Markabkaan oo aan willi la sheegin waxa uu sido ayaa haddana waxaa la
aaminsan yahay inay la socdaan 17 ruux oo shaqaale ah.
Shirkadda iska leh markabkaan la qafaashay oo la yiraahdo is White Sea
Shipping oo fadhigeedu yahay magaalada Tripoli ayaa sheegtay in
markabkooda uu ku sii jeeday deked ku taala koofurta dalka Yemen.
Dhawaan warbixin ay soo saartay Q,M ayaa waxaa ay ku sheegtay inay
hoos u dhaceen weerarada ay burcad badeeda Soomaaliyeed kadib markii
ay tilaabooyin qaadeen ciidamada illaaliya badaha Soomaaliya.
Buraannews.com- Muqdisho
 

Maraykanka oo Al-Shabab ku eedeeyay dad badan oo ku dhintay abaartii Soomaaliya ku dhufatay

$
0
0


Dawlada Maraykanka waxaa ay sheegtay inay aad uga xumaatay warbixinta
ay shalay soo saartay Q,M ee ku saabsaneyd in abaarihii Soomaaliya ku
dhuftay intii u dhaxaysay sanadihii 2010 illaa iyo 2012 ee ay ku naf
waayeen dad gaaraya 260,000 oo ruux waxaana uu mas’uuliyadda dadkaas
tirada ee abaaraha ku naf waayay qaadayaan Xarakadda Al-Shabab oo
Soomaaliya ka dagaalanta.
Sii hayaha ku xigeenka afhayeenka waaxda arrimaha dibbadda  dalada
Maraykanka Patrick Ventrell ayaa sheegay in Al-Shabab ay sabab u
yihiin in dad badan ay macaluul darted u geeriyoodaan kadib markii ay
diideen in raashin gar gaar ah loo geeyo.
“Dhibaatada intaas le’ e gee Soomaaliya ka dhacday waa wax laga
xumaado hase ahaatee mas’uuliyaddaas waxaa qaadaya Al-Shabab oo
waagaas diiday in dadka la caawiyo” ayuu yiri Patrick Ventrell.
Ventrell waxaa uu xusay inay Xarakadda Al-Shabab ay qaadeen tilaabo uu
ku tilmaamay mid bini’aadanimada ka baxsan maadaama ay is hor istaag
ku sameeyeen cawimaada dadka dhibaataysan.
Ka mamnuucistii ay Shababku ku sameeyeen hay’adaha samafalka goobihii
ay ka talinayeen ayuu sheegay sarkaalkaan u hadlay waaxda arrimaha
dibbadda Maraykanka ay sabab u tahay in dadka intaas tiro le’eg ay
macaluul darteet.
War bixin ay khamiistii shalay soo saartay hay’adda cunnadda iyo
beeraha u qaabilsan ee FAO ayaa waxaa ay ku sheegtay in abaartii
Soomaaliya ku dhufatay 2,dii sano ee lasoo dhaafay ay ku naf waayeen
in ka badan 260,000 oo ruux una badnaa haween iyo caruur
 Buraannews.com- Muqdisho

Xukuumada Soomaaliya oo diyaar gorow ugu jirta sidii ay u la wareegi laheyd maamulka hawada Soomaaliya.

$
0
0


Ciil mooge oo ah wasiirka warfaafinta,boostada,isgaarisiinta iyo gaadidka Soomaaliya oowarbaahinta lahadlay ayaa sheegay in xukuumada ay wado dadaalkii ugu danbeeyay ay dib ugu soo celinayso awooda xukuumada ay u leedahay in ay maamusho hawada wadanka Soomaaliya.
Waxa uu sidoo kale sheegay in ay wadaan sidi loo soo celin lahaa shirkadii Soomaali air line.
Waa mid kamid ah dadaalada xukuumada Soomaaliya xiligaan ay isku dayeyso in ay sameyso iyadoo ay xusid mudan tahay in ay jiraan diyaarado si sharci dara ah kusoo gala hawada wadanka Soomaaliya.

Reer Jowhar oo musuq maasuq ka cabanaya.

$
0
0


Qaar kamid ah dadka ku nool magaalada Jowhar ee Xarunta G\shabeelaha dhexe oo maanta dibad baxyo halkaasi ka dhigay ayaa sheegay in ay ka canabayaan in la musuqmaasuqay gar gaar bini aadanimo iyaga loogu talagalay.
Dadkaasi qaarkod ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in wax is daba marin lagu sameeyay kaararkii ay cunada ku qaadan lahaayen oo ay hay,adaha gar gaarka bixiyaay ugu talagaleen.
Dadkaasi ayaa waxa ay ka cabanayaan siyaasada maamulka Gobolkaasi.
Ma jiro wax war ah oo maamulka kasoo saaray eedenta shacabkaasi uga timid.

Guddoomiyaha gobolka Hiiran oo digniin culus u diray dagaalyahanada maleeshiyada Al-shabaab

$
0
0

Guddodomiyaha gobolka Hiiraan ayaa digniin culus u diray dagaalyahanada maleeshiyada kooxda xagjirka ah ee Al-shabaab, wuxuuna sheegay in dagaalyahanada Shabaab qaarkooda ay si dhuumaaleysi ah magaalada B/weyne u soo galayaan, isagoo uga digay in iyagoo aan maamulka so0 wargelin haddii ay magaalada so0o galaan marka gacanta lagu dhigo ciqaab adag la marsiin-doono sida uu yiri.
Guddoomiyaha mar uu arrimahaasi ka hadlayey waxa uu yiri “Annaga ka maamul ahaa arrintaa qorshe cad ayaan ka leenahay, marka hore waxaa muhiim ah in la hubiyo dhalinyarradaas inay ka tirsanaayeen Al-shabaab, haddii la ogaado inay ahaayeen rag horay uga tirsanaan jiray Al-shabaab waxa uu qorshuhu yahay in dhaqancelin loo sameeyo, la geeyo xarumo gaar ah oo loogu talagalay la wacyigeliyo, waayo in badan ayaa laga dhaadhicinayey wax yaabo aan sax aheyn, laakiin waxaan dhici doonin in si fudud bulshada loogu sii dhax-daayo dhalinyarrada iska soo dhiibta Al-shabaab”.
Guddoomiye Cabdi Faarax Laqanyo waxa uu digniin u diray shaqsiyaad uu sheegay inay horay uga tirsanaayeen Al-shabaab oo hadda si dhuumaaleysi ah dib ugu soo laabanaya magaalada Baladweyne iyagoo soo wargelin maamulka gobolka Hiiraan iyo ciidamada Jabuuta ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AMISOM.
“Marka laga soo tago dhalinyarrada iyagu isa soo dhiibta, waxaan og-nahay in ay jiraan shaqsiyaad ka tirsanaa  Al-shabaab oo hadda magaalada iska dhax jooga iyaga oo aan soo war-galin maamulka gobollka, waxaan leenahay waan idin og-nahay, marnaba ma dhici  doonto qof danbi-gallay bulshada isaga oo waliba laga war-qabo in haddana uu magaalada iska dhax joog, marnaba maamulku arintaa uma dul-qaadanayo waayo waa arin qatar ku ah nabad-galyada, shaqsiyaadka noocaas ahna waxaan leenahay waa leydinka war-qabaa, waan idinku soo socnaa” ayuu yiri Guddoomiyaha.
 

Waddooyinka Muqdisho oo maanta dib loo furay ka dib markii…

$
0
0

Waxaa dib u furmay wadoyinkii magaalada Muqdisho ee xirnaa maalmihii tegay daqiiqada uun kadib markii madaxweyne Xassan Sheekh uu dalka ku soo laabtay maalin kadib markii Addis Ababab uu uga qeyb galay shirkii IGDA.
Wadooyinka ayaa waxaa lagu arkayaa gaadiidka oo maraya iyada oo furitaanku uu ahaa mid shacabku aad u sugayeen.
Wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho ayaa waxa ay xirnaayeen afar maalin oo xariir ah iyada oo madaxweynaha dalka oo baarlamaanka ka hor hadlayay uu sheegay in ay aheyd arin looga hor tegayay falal argagaxiso
Shacabka Muqdisho ayaa soo dhaweeyay wadooyinka furmay iyada oo intii ay xirnaayeen lagu qabay dhibato aad u balaaran.
Dhanka kale, waxaa xiran wadooyinka gala deegmada Deyniille oo lagu wado in madaxeynuhu uu socdal ku tago.
Hadii uu madaxweynuhu uu socdaalkaasi ku gaaro Deyniille waxa ay noqoneysa markiisii igu horeeyay ee uu booqdo degmada tan iyo markii uu xilka qabtay oo laga joogo ku dhawaad sideeed bilood.

A joint operation in the city of Beledweyne

$
0
0

Bladweyne (sh.M.Network) news from the city of Beledweyne, the head quarters of Hiran region confirm that federal government troops conducted a massive operation in the city.
During the operation, explosive materials have been discovered and up to seventy suspects linking to Alshabab have been arrested.
The suspects are being detained at the central police station where they are being questioned by federal police.
The commander of police in the region Colonel Isaaq Ali Abdule said that men who were suspected of preparing the explosives in one of the suburbs in the city are being questioned. He added that the explosives were intended to harm government officials but fortunately government troop’s discovered it.
 


A delegation led by President Hassan jets back in the country.

$
0
0

 Mugadishu (sh.M.Network) the president of the federal republic of Somalia Hassan Sheikh and a government delegation which attended the IGAD summit have jetted back in the country.
The president and his delegation was welcomed and received at the airport by top government officials including Prime Minister Abdi Farah Shirdon, speaker of the national assembly Mr.Mohamed Sheikh Jawari, minsters and other members of parliament.
The president attended the IGAD summit which was attended by regional leaders from various African countries.

Axmed Cali Salaad Oo Gaalkacyo Shir Jaraa’id Ugu Qabtay Saxaafadda

$
0
0


Duqa Degmada Gaalkacyo Axmed Cali Salaad ayaa maanta shiraa,id uu ku qabtay magalada Gaalkacyo kaga Hadlay Biyaha Dhex Fadhiya Magalada iyo Sidoo kale Biyo Booliyada Magalada Gaalkacyo laga samaynayo oo loogu talagalay in ay galaan biyaha wasaqaysan ee fadhiya wadooyinka Galkacyo .
 
Axmed cali Salaad ayaa waxaa uu sheegay in Biyaha Dhex Fadhiya Magalada Ay Keeni karaan Xaalada Caafimaad Daro Waxaana uu Baaq u Diray Dhamaan Bulshada Gobolka Mudug Waxaana uu Sheegay in Biyahan Ay Ka Dhalanayaan Cuduro Hadii aan laga Shaqayn
 
Duqa ayaa shirkiisa jaraa,id Waxaa Uu Sidoo kale kaga hadlay Biyo Booliyada Magalada oo uu sheegay in ay Sahamiyeen Waxaana uu sheegay In Ay Booyad Ay Ka Qaadayso Biyaha Magalada Dhexfadhiya Sidoo kalen Waxa uu sheegay in Magalada Gaalkacyo Qaybo kamid ah Ay Hakad Gashay Waxbarashadii Biyo Fadhiya Awgeed Waxaana Uu Carabka ku Dhuftay schoolka Bardacad ee Gaalkacyo.

Uganda oo dalbatay dad aqoon yahano ah in lagu soo biiriyo ciidamada Soomaaliya.

$
0
0


M/weynaha wadanka Uganda Yoweri Museveni oo ka hadlayay shirkii Addis-Ababa ka dhacay ayaa sheegay in Soomaaliya ay joogto waqtigii ay heli laheyd ciidamo tayaysan oo qibrad uleh sugida amaanka dalka
M/weynaha Uganda waxaa uu sheegay in Soomaaliya ooku soojirtay dhibaato sanado badan jiray ay hadda hayso tubta nabada iyo hormarka waxa ka dhimana ay yihiin taageero caalami ah iyo in la aas aaso ciidamo asluub leh oo wax ka qaban kara dhibaatada amaan ee dalka qeybo ka mid ah ka jirta.
Yoweri Museveni waxaa uu talo ahaan usoo jeediyay in la qaado tilaabooyin lagu kobcinayo ciidamada amaanka Soomaaliya waxaana uu hoosta ka xariiqay inay lagama maar maan tahay in ciidamada lagu soo daro dhalinyarada aqoonyahanada ah ee shaqo la’aantu haysato taasoo uu tilmaamay inay wax badan ka badali karto hab dhaqanka ciidamada Soomaaliya.
Sidoo kale M/weynaha Uganda Yoweri Museveni waxaa uu is tusiyay in caalamka looga fadhiyo inay Soomaaliya ciidamada u dhisaan waliba lagu taageero dhaqaalo iyo agab ciidan bacdamaa Soomaaliya si hor dhaca looga qaaday cuna qabateyntii hubka ee saarneyd.
Uganda waxay ka mid tahay dawlada ay ciidamada ku shaqeeya magaca AMISOM ka joogaan Soomaaliya dawlada Soomaaliyana ka taageera dagaalka  Al-Shabab.
‘Buraannews.com- Muqdisho

Kenya oo sheegtay in arimaha qaxootiga Soomaalida wadankeeda ku nool ay kala hadleyso xukuumada Somaaliya.

$
0
0


M/weynaha wadanka Kenya oo ka laabtay shirkii Addis-Ababa lagu soo gabo gabeeyay ee ay yeesheen madaxda ku jira urur goboleedka IGAD ayaa sheegayin qaxootiga  Soomaaliyeed ee oo laga raro wadanka Kenya ay ku xiran tahay is af garad dhex mara madaxda dawladaha Soomaaliya iyoKenya.
M/weyne Uhuru Kenyatta waxaa uu sheegay in kastoo dalkiisa uu marti galiyay qaxooti fara badan oo Soomaaliyeed haddana ay jirto cabsila xariirta inaysan amaan aheyn goobihii ay dadkaas markii hore ka carareen waxaana uu intaa ku daray inuu madaxda d awlada Soomaaliya iyo beesha caalamka uu kala tashan doono arrinta ku saabsan in Kenya laga raro qaxootiga Soomaaliyeed.
“Daruufo badan ayaa heysta qaxootiga Soomaalida ee Kenya ku nool waxaana ay u baahnaan doonaan in dib udajin lagu sameeyo marka dib loo rarayo” ayuu yiri M/weynaha Kenya oo warbaahinta dalkiisa war kooban siiyay.
Mar uuka hadlayay shirkii Addis-Ababa ka dhacay ayaa waxaa uu xusay in natiijooyin wax ku ool ah oo wax tar u leh nabadaynta Soomaaliya ay kasoo baxeen shirkaas dawladiisuna ay ka qeyb qaadanayso dhaqan galintooda.
Soomaalida dibadaha ku nool ayuu sidoo kale ugu baaqay inay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka maadaama hadda ay muuqato rajo wanaagsan sida uu yiri.
Dawlada Kenya dhawr jeer  ayay ku cel celisay inay iska soo rari doonto qaxootiga faraha badan ee Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha qaxoootiga.
 
‘Buraannews.com- Muqdisho

Soomaalida ku nool wadanka New Zealand oo cabanaya.

$
0
0


Soomaalida ku nool wadanka New Zealand qaarkood ayaa cabasho waxaa ay ka muujiyeen kadib markii loo diiday inay lacago usoo diraan dalka Soomaaliya bangiyaduna ay ka xirteen Akoonadii ay ku lahaayeen.
Wargeyska The National oo ka basoo baxa magaalada Wellington ee caasimada  wadanka New Zealand ayaa ku waramaya asagoo xiganaya qaar ka mid ah qaxootiga Soomaalid ah ee dalkaasi ku nool in la diiday inay lacago u soo diraan eheladooda oo Soomaaliya jooga.
Soomaalida ugu badan waxaa ay ka cabanayaan bangiga la yiraahdo BNZ oo xiray akoono ay Soomaalidu ku laheyd diidayna in lacago loo soo xawilo Soomaaliya.
Aadan Deer oo ka mid ah Soomaalida Akoonada ku leh Bangigaas ayaa u sheegay wargeyska wax ka qoray dhacdadaan in Akoonkiisa ay lacago ka dirsadaan illaa Sodomeeyo ruux oo Soomaali ah dhamaantoodna loo diiday in lacagahooda ay soo dirsadaan sida uu yiri.
Aadan oo dalka  New Zealand ku nool muddo ka badan Sadex sano iyo bar waxaa uu xusay in hadda xaaladdu ay aad u adag tahay aysan jirin cid ayu dacwoodaan.
Aadan waxaa uu xusay in maamulka bangigu uu u sheegay in lacagaha ay Soomaaliya usoo diraan looga shakiyay in lagu taakuleeyo Xarakadda Al-AShabab IW> sida uu yiri.
Muwaadin kale oo  Soomaaliyeed oo la yiraahdo Asad C/llahi oo sheegay inuu muddo 16 sanno ah ku noolyahay dalka New Zealand ay hadda taabatay caqabada ah in loo diido inuu eheladiisa lacago biil ah u soo diro.
Soomaalida Maraykanka ku nool ayay horey bangiyadu ugu diideen inay lacago Soomaaliya usoo diraan inkastoo ay hadda fududeeyeen.
Lacagaha Soomaalida dibaddaha ku nool eheladooda dalka jooga usoo diraan waxaa inta badan looga shakiyaa inay gacanta Shabab ku dhacaan waxaana taas inta badan loo aaneeya Soomaaliya oo aan laheyn adeeg bangiyadeed oo caalamka laga aqoonsanyahay.
 
‘Buraannews.com- Muqdisho

Kulan Wada Tashi ah oo Somalia looga hadlayay oo London Ka Dhacay

$
0
0

Kulan wadatashi ah oo ku saabsan Somalia ayna isugu yimaadeen aqoonyahanno, siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan ururada bulshada ayaa lagu qabtay Aqalka Catham House ee Magaalada London

Wasaaradda Dib U Dejinta Oo Sheegtay In Raashinkii Mucaawimada Ahaa Gaadhay Gobolada Dalka, Kana Hadashay Qaybtii Buuhoodle Loogu Tala-Galay Oo Aan Weli Gaadhin

$
0
0

Wasaaradda Dibudejinta Somaliland, ayaa sheegtay inuu raashinkii Mucaawimada ahaa ee ay Dawladda Turkigu ugu deeqday Somaliland uu sidii loogu talo galay u  gaadhay inta badan Gobolada dalka, halka ay Wasaarddu sheegtay inay weli ka fiirsanayaan sidii qaar ka mid ah deegaanada Buuhoodle loo gaadhsiin lahaa raashinkaasi.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dibudejinta Somaliland Cali Maxamed (Cali Biikalo), ayaa sheegay inuu raashinkaasi inta badan gobolada dalka sidii loogu talo galay u gaadhay, isaga oo tilmaamay inuu weli yaallo qaybtii raashinkaasi loogu talo galay Buuhoodle oo uu sheegay inuu Wasiirku ka fiirsanayo sidii loo gaadhsiin lahaa raashinkaasi.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dibudejinta Somaliland Cali Maxamed (Cali Biikalo) oo xalay Khadka Telefoonka ugu Warramay Wargeyska Saxansaxo, ayaa waxa uu yidhi  “Anaga ayaa markii hore ku darnay Buuhoodle Lixdii Gobol ee hore ee Somaliland, taas oo aanu ugala jeednay inay dadkaas wax gaadhaan, markaa qaybo ka mid ah oo ay ka mid yihiin Qori-lugud iyo waa loo raray raashinkoodii, inta kalena way gaadhaysaa oo Wasiirka Dibudejinta ayaa qaabkii uu u gaadhi lahaa raashinkaasi ka fikiraya, waxaana loo baahan yahay in sida ugu haboon ee ay dadkii wax u gaadhi karaan looga fikiro”
Agaasime Cali Maxamed (Cali Biikalo) oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray “Raashinkii Mucaawimada ahaa inta badan Gobolada dalka wuu gaadhay oo sidii loogu talo galay ayuu u gaadhay, anaguna (Cali Biikalo) waxaanu markii hore u qorshaynay si nidaamsan oo waxaanu dejinay anaga iyo qolada Turkiga ah ee Raashinka waday hab aanu ugu talo galnay, markaa Gobol walba waxaanu ku wareejinay raashinkii uu lahaa inta hoos yimaadda ee uu maamulo, markaa inta badan gobolada wuu gaadhay meelo yar yar mooyaane”
HARGEYSA SOMALILAND


Deadly explosion strikes Somali capital Deadly explosion strikes Somali capital

$
0
0

Aljazeera Sunday, May 05, 2013

At least 11 people killed in Mogadishu as bomber rams car laden with explosives into convoy carrying Qatari officials.
A powerful blast has struck the commercial and administrative  district of the Somali capital, Mogadishu, sending a plume of black  smoke into the sky and killing 11 people, Al Jazeera’s correspondent and police say.
 
The blast, followed by gunfire, struck Mogadishu’s ‘Kilometre  4′ neighbourhood on Sunday morning, and targeted a convoy carrying  Qatari officials through central Mogadishu.
The visiting delegation of Qataris, who were travelling in the Somali interior minister’s bullet-proof vehicle, were “safe”, a security  officer told the Reuters news agency. The minister was not in the car at the time.
No group claimed responsibility for the blast but it  bore the hallmarks of al Qaeda-linked rebels who have kept up a campaign of guerrilla-style attacks since the army and peacekeepers pushed them  out of bases in the city.
Al Jazeera’s Peter Greste, reporting from Mogadishu, confirmed 11  people had been killed in the blast, the first major attack this month.  He said he had seen at least three bodies.
“Four vehicles look like they are completely damaged,” he said.
A second explosion went off in Mogadishu but there were no immediate by Solid Savings" href="http://www.buraannews.com/buraan">reports of casualties, said Greste.
Our correspondent added that the area targeted in Sunday’s attack had been  in lockdown in the past few days because of an “unspecified threat”.
Last month nine fighters dressed in police uniforms attacked  Mogadishu’s court complex, killing 10 national by Solid Savings" href="http://www.buraannews.com/buraan">security officers before  entering the building.
In March a car bomb in Mogadishu killed 10 people, with al-Shabab claiming responsibility for the attack.
Although significantly weakened by foreign troops from the African Union, the  group has continued to launch attacks in Mogadishu where peacekeepers  and the army maintain security.
Somalia’s new government is still rebuilding its army and police after decades of violence that began  with the overthrow of President Siad Barre in 1991.

Maamulka Isbitaalka Madiina oo faah faahin Ka bixiyay Xaaladda dadkii ku dhaawacmay Weerarkii Maanta ee Lageeyay Isbitaalka

$
0
0

Muqdisho (Sh.M.Network) Ku dhawaad 20 qof oo Ku waxyeeloobay Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa La Gaarsiiyay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.
Madaxa Caafimaadka Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho Drs Duniyo Cali Max’ed oo Warbaahinta Kula hadleysay Gudaha Isbitaalka Madiina ayaa waxa ay Ka warbixisay dhaawacyadii La soo Gaarsiiyay Isbitaalka waxayna sheegtay in Isbitaalka La Geeyay illaa 20 qof oo qaraxii Maanta ku soo dhawaacmay Kuwaasi oo 2 Ka mid ah ay Ku Geeriyoodeen Gudaha Isbitaalka.
Duniyo Cali Max’ed ayaa waxa ay Sidoo Kale sheegtay in 10 qof La Jiifiyay Isbitaalka inta Kalana dib Loo Celiyay Maadaama dhaawacooda uu ahaa Kuwa caadi ah.
Magaalada Muqdisho Gaar ahaan Isgoyska Km4 ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho Maanta waxaa ka dhacay Weerar Ismiidaamin ah kaasi oo waxyeello ba’an Gaarsiiyay Dad Shacab ah.

More developments on the Mogadishu blasts

$
0
0

Mogadishu (sh.M.Network) at least 8 people have been confirmed dead and 20 others injured after a vehicle carrying explosives exploded at the center of the Somali capital Mogadishu on Sunday morning.
The suicidal attack targeted a vehicle owned by the internal security minister Mr. Abdi Karin Hussein Guled who was not travelling with the convoy during the attack.
A Qatari delegation was the target however all convoy members were unharmed during the incident as confirmed by state officials.
Majority who died during the explosion were civilians and those injured have been taken to nearby hospitals.
Minutes after the explosion, government troops secured the area and dispersed the crowd that had formed.
Commissioner of Hodon district who addressed the media at the scene said that the terrorists targeted the minister’s vehicle however they ended up killing innocent civilians.
The suicidal attack comes days after government troops opened the main roads in the city after 4 days of thorough operations

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Booqday Degmada Deyniile kana Hadlay Weerarkii Maanta

$
0
0

Muqdisho (Sh.M.Network) Xasan Sheekh Max’ud Madaxweynaha Soomaaliya oo ay La socdaan Masuuliyiin kala duwan sida Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka , Wasiirka Cadaaladda , Ku simaha Guddoomiyah Gobolka iyo Masuuliyiin Kale ayaa Maanta Booqday Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.
Maamulka Degmada , Saraakiil Ciidan iyo Dadweyne aad u Badan ayaa Madaxweynaha iyo Masuuliyiintii La socotay Ku soo dhaweeyay Degmadaasi Deyniile ee  Magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si weyn uga Dhageystay Cabashooyinka iyo waxyaabaha ay Tabanayaan dadka Shacabka ah ee Ku Dhaqan degmadaasi Deyniile ee Gobolka Banaadir kuwaasi oo Ka warbixiyay wax yaabaha ay uga Baahanyihiin dowladda Soomaaliya in ay Ka saacido.
Madaxweynaha ayaa U Ballan qaaday Shacabka Degmada Deyniile in Dowladda ay Ka Caawin doonto Cabashooyinka ay  U soo Gudbiyeen isagoo Carabka ku adkeeyay in ay Ka Go’antahay wax ka qabashada Culeesyada Haysta Shacabka ku nool Degmadaasi Deyniile.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhanka Kale si Kulul waxa uu U Cambaareeyay Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee Maanta Ka dhacay Magaalada Muqdisho kaasi oo uu ku eedeeyay in ay Ka dambeeyeen Ururka AL Shabaab.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa uu Amaan iyo  Bogaadin U jediyay Taliyaashii Nabad Sugid iyo Booliska ee dhawaan La Bedelay Kuwaasi oo Maanta Munaasabada Xilalka ay Ku wareejinayaan ay Ka dhacday Magaalada Muqdisho.

President Hassan sheikh condemns today attacks during his visit to Daynile district

$
0
0

Mogadishu (sh.M.Network) a delegation led by the president of the federal republic of Somali Mr. Hassan sheikh and other top government officials that included, justice minister, internal security minister and deputy mayor of banadir region today visited Daynile district in Banadir region.
The delegation was received and welcomed by a large crowd that consisted of the district administration, government troops that operate in the district and hundreds of civilians.
The president listened to the members of the public’s appeals and what they needed from the government. After listening to the requests made by the citizens, the president promised whatever they appealed for and added that his government will ensure to do whatever its citizens needed.
The president condemned today’s attacks in the capital and said that Alshabab were the ones responsible for the ugly act.
The president also thanked the recent out going commissioner of police and peacekeeping commissioner who were handing over their respective offices today.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live