Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo Ka digay in Xil Ka qaadis Lagu Sameeyo Ra’isal Wasaare Saacid

$
0
0

Muqdisho (Sh.M.Network) Kadib Kulan Ballaaran oo ay Isugu Yimaadeen Xubnaha Urururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa Maanta Gelinkii Dambe waxa uu ka dhacay Hoteelka Safaari ee Magaalada Muqdisho.
Kulankaasi ayaa Diiradda Lagu Saaray Xaaladaha dalka Maanta uu Ku suganyahay iyo Sida Looga Bixi Karo Caqabadaha Jira.
Xubnihii Kulankaasi Isugu Yimid ayaa Ka digay in Lagu Fududaado Xil Ka qaadis La sheegay in Lagu Sameyn Rabo Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Guddoomiyaha Midowga Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed Xaliimo Ismaacil Xaliimo Yareey oo Madasha Shirkaasi Ka hadashay ayaa sheegtay in Xildhibaanada aan Loo Baahneen in Mooshin Laga Keeno Ra’isal Wasaaraha Sooamaaliya iyadoo Hoosta Ka Xariiqday in arrintaasi ay Horseedi Karto Fashil Ku yimaado Dowladda Soomaaliya oo ay sheegtay in haatan ay Ka Gudubtay Caqabado Badan oo Horyiillay.
Xaliimo Ismaaciil ayaa Saxaafadda U Aqrisay War Saxaafadeed Ka soo Baxay Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed kaasi oo Looga soo Horjeedo Mooshin ay Xildhibaanada Baarlamaanka Ka keeni Rabeen dhawaan Ra’isal Wasaare Saacid.
Qaar Ka mid ah Xubnaha Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa Qiray in Baarlamaanka Haatan Jira ay Ku Jiraan Xildhibaanno Doonaya in ay Fashiliyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Iyadoona Qorshahooda uu yahay in Soomaaliya dib Loogu Celiyo Halkii ay ka soo dhaqaaqday Dhowr Bilood Ka Hor.
Sikastaba Ha ahaatee waxaa Hadal Heynta ugu Badan ay Maanta ahayd in Qaar Ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka ay Qorsheenayeen in Mooshin ay Ka keenaan Ra’isal Wasaare Saacid Xilli arrinkaasi ay soo Bandhigeen Markii ugu Horeysay Maamulka Puntland.


KA DIGISTA WAXYAABAHA LAGU HALAAGSAMO QABYAALADA QAYBTII 6AAD

KA DIGISTA WAXYAABAHA LAGU HALAAGSAMO QABYAALADA QAYBTII 6AAD

Su'aalo iyo Jawabo By Sh Tawakal Yusuf Ismaali Xafidullah

Qatarta Iran shiicada ay ku hayso caalam islaam

Barnaamijka Ummuuraha Mareykanka

$
0
0

Doodii ku saabsaneyd weerarkii lagu qaaday sanadkii hore Qunsuliyadda Mareykanka ee Libya oo soo cusboonaatay

Minnesota: Somali Argagixisanimo loo Xukumay

$
0
0

Maxkamad ku taalla magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota, ayaa galankii danbe ee shalay laba dhalinyaro oo Soomaali ah ku kala xukuntay min 10 ilaa 20 sano oo xarig ah, dhalinyarada ayaa lagu eedeeyey inay xiriir la lahaayeen Al-Shabaab.

Dhegayso: Somaliland oo sheegatay inay Garoomadeeda ka mamnuucday Diyaaradaha qaramada midoobay.


Xildhibaan Ka Digay Qaraxyo Ka dhaca Magaalada Muqdisho

$
0
0

Muqdisho (Sh.M.Network) Xildhibaan Cabdalla Xuseen Cali oo Maanta Shir Jara’id Muqdisho Ku qabtay ayaa Waxa uu Ka digay in ay Qaraxyo Ka dhacaan Magaalada Muqdisho Isagoo Ku eedeeyay Ciidamada Ammaanka Qaabilsan Qaarkood ee Taagan Waddooyinka Xiran ee Magaalada Muqdisho in ay Lacago Ka qaataan Gawaarida Yar Yare e Isticmaala Waddooyinkaasi.
Mudane Cabdalla Xuseen Cali oo Ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya in Ciidamada Taagan Waddooyinka oo La sheegay in ay Sugayaan Ammaanka in ay dhibaatooyin Ku Hayaan Shacabka iyo Masuuliyiinta dowladda.
Xildhibaan Cabdalla oo hadalkiisa sii wata ayaa Waxa uu Tilmaamay in Gawaarida Yar ay Ciidamadu Lacagta ay Ka qaadanayaan Kadibna ay sii deenayaan in ay Ku soo Ganban Karaan Kooxaha Geysta Falalka Argigixisanimo.
Mudanaha ayaa Arrintaasi Wax uu Ku eedeeyay Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka in ay Ka Gaabisay Wax Ka qabashadeeda Balse  Loo Baahanyahay in ay dib U eegto Ciidamada Waddooyinka Magaalada MuqdishoTaagan Dhibaatada  ay Kala Kulmaan Shacabka iyo Lacagaha ay Hoos ka qaadanayaan.
Hadalka Xildhibaan Cabdalla Xuseen Cali ayaa Waxa uu Imaanayaa in Muddooyinkaan dambe Waddooyinka Magaalada Muqdisho ay U Xirnaayeen Ciidamada Ammaanka Qaabilsan iyadoona Xirnaashahaasi Waddooyinka Wasaaradda arrimaha Gudaha Ku Micneysay Weeraro iyo Qaraxyo Ka imaan Kara Kooxaha Dowladda ka soo Horjeedo.
Hayeeshee Wadayaasha Gaadiidka dadweynaha iyo Shacabka Magaalada Muqdisho ay Cabasho Ka Muujiyeen Arrinta Ku aadan Xirnaasha  Waddooyinka Magaalada Muqdisho

John Kerry oo u digay Bashar al-Asad

$
0
0

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka John Kerry, ayaa uga digay Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Asad in ay noqon doonto xisaab qaldan haddii dowladdiisa aanay kasoo qeybgalin wada xaajoodka lagu dhameynayo khilaafka dalka Suuriya.

Odayaal iyo Waxgarad Maanta Gaaray Kismaayo oo Lagu Jir dilay Garoonka Diyaaradaha Magaaladaasi

$
0
0

Kismaayo (Sh.M.Network) Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa Wararka ka imaanayo waxa ay Ku warramayaan in Barqanimadii Maanta Diyaarad Siday 42 qof dad ka badan ay Ka Degtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo iyadoo dadkii Rakaabka diyaaraddaasi Saarnaa iyo Ciidamo halkaa Ku sugan uu Gacan Ka hadal Gudaha Garoonka Ku dhexmaray.
Maleeshiyada Raaskaambooni ee Ku sugan Garoonka Magaalada Kismaayo ayaa La sheegay in ay Jirdileen Odayaal Dhaqameedka diyaaradaasi Saarnaa Kuwaasi oo ay U diidayeen in ay Gudaha U Galaan Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.
Dadka La Jirdilay ayaa waxaa La sheegay in ay Ka mid ahaayeen qaar Ka mid ah Shaqaalaha Diyaaraddaasi siday Waxgaradka Maanta Gaaray Magaalada  Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.
Dhinaca Kale Waxaa La sheegay in Markii Khilaafka uu Cirka isku Sii Shareeray ay soo kala dhex Galeen Odayaasha iyo Maleeshiyada Raaskaambooni Ciidamada Kenya ee Ku sugan Magaaladaasi Kismaayo islamar ahaantaana Waxgaradkaasi ay Gudaha u  Galeen Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose halka Diyaaraddii Sidayna ay dib ugu soo Noqotay Magaalada Muqdisho oo ay Markii Hore ka qaaday Cuqaashaasi.
Sikastaba dhawaan ayey ahayd Markii Hawada Magaalada Kismaayo Laga Celiyay diyaarad Siday Waxgarad iyo Siyaasiyiin Ka soo Jeeda  Gobollada Jubbooyinka.

Soomaaliland oo Hakisay Duulimaadyada QM

$
0
0

Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay si KMG ah hawadeeda uga macnuucayso laga bilaabo maalinta berrito ah diyaaradaha hay’addaha QM, iyadoo ka xanaaqday go'aanka Dawladda Federalka Somalia ay kula wareegayso maamulka hawada Somalia.

AXKAAMTA JANAASADA SHEEKH AXMAD MIIKAAIIL

War-saxaafadeed: MAR I DAGE ALLA HA DAGO LABA GOOR I DAGANA ANAA IS DAG

$
0
0

Warka shalay ay soo wada saareen Muumulka Muqdisho iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Duulimaadyada, wuxuu meel ka dhac ku yahay Go’aankii Ummadda Reer Somaliland ay ku gaadheen in ay dib ula soo noqdeen Madax banaanidoodii luntay Lixdankii, iyo karaamada Qaranka Somaliland. Mana aha wax loo dulqaadan karro.
 
Arrintan iyo qaar kale oo badani waxay ka mid  yihiin hagar daamooyinka la doonayo in lagu mijaxaabiya Qaranimada Somaliland, arrimahan ay ku kaceen maamulka Muqdisho oo ay ka mid yihiin in ay Gidaarka dabadiisa uga gacan haadiyaan Madaxda Qaranka somaliland qaarkood, oo aanu u aragno in ay doonayaan in ay shaki kala dhex dhigaan ummadda reer somaliland,waxaanay arrimahani  keeni karaan in ay si dhaqsi ah  u soo nooleyso colaadii hore iyo kala fogaansho hor leh oo la dhex dhigo Ummadaha Deriska ah ee Reer Somaliland iyo Somaliya.
 
Sidoo kale Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa waxaanu uga digaynaa in ay faragaliso ama ay gacan ka gaysato waxkasta oo ka dhan ah Karaamada, Haybadda iyo Qaranimnadda Somaliland. waxaanu si cad ugu sheegaynaa in Taladda iyo xukunka Xuduudaha Somaliland, haddii ay tahay dhinacyadda , BADDA, BARIGA, IYO CIRKABA ay ka go’aan Qaranka Somaliland, cid kale oo amar ka bixin kartaana ayna jirin.
 
Talaabooyin kan iyo qaar kale oo badan oo ay hore isugu dayday Hay’adda Jimciyadda Quruumaha Midoobay u qaabilsan duulimaadku way ku guul dareysatay.
 
Maantana anagoo ku bogaadineyna Talaabada uu ka qaaday wasiirka duulista iyo Hawadda somaliland arrintan foosha xun ee ay ka muuqato eexda iyo cadaalad darradu, waxaanu fileynaa in maantana ku hungoobi doonaan qorshahoodan laab la kaca ah.
guul iyo gobanimo
ALLAA MAHAHD LEH
 
HALDOOR, ALI MAHAMED WARANADE
HARGEISA SOMALILAND
 

War beenin ah oo ka soo baxay xafiiska Xiriirka K/Gacanta Soomaaliya(Muxuu yahay warkaasi la beeninayo)

$
0
0

War ka soo baxay Xiriirka K/Gacanta Soomaaliya ayaa lagu beeniyay warar dhowaan laga faafiyay Guddoomiyaha Xiriirka K/Gacanta Md. Maxamed Xuurshe Xasan (Eenow) isla markaana lagu soo saaray qaar ka mid ah Websityada Soomaalida, wuxuuna Xiriirku sheegay in warkaasi uu yahay mid la dhoodhoobay oo aan sal iyo raad toona lahayn.
“Nasiib darada ku habsatay dalkeena 22-kaan sano waxaa ka mid ah in qof kasta wixii uu doono iska qoro, isagoo aan ka fiirsana isku jacburiyo hadallo aan is qaadan karin” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Xiriirka K/Gacanta Soomaaliya oo sheegay in wararkaasi ay ka dambeeyaan kooxo aan waxba ka garaneynin haba yaraatee Isboortiga dalka Soomaaliya.
Warka ka soo baxay Xiriirka K/Cagta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hadafka laga leeyahay faafinta wararka been abuurka ah ay tahay mid lagu carqaladeynayo doorashada Xiriirka K/Koleyga Soomaaliya oo dhowaan dalka ka dhaceysa.
“Xiriirka K/Gacanta Soomaaliya wuxuu soo dhoweynayaa doorashooyinka kala duwan ee isbedelada loogu sameynayo xiriirada Isboortiga dalka” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay XKGS oo hoosta ka xariiqay inuu soo dhoweynayo isla markaana la shaqeynayo hadba shaqsigii ku soo baxa doorashada Guddoomiyaha X/Koleyga Soomaaliya.
Warka ka soo baxay Xiriirka K/Gacanta Soomaaliya oo uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Xiriirkaasi Maxamed Xuurshe Xasan (Eenow) ayaa waxaa kale oo lagu caddeeyay in kooxihii faafiyay wararka been abuurka ah uu si wanaagsan u garanayo isla markaana uu la tiigsanayo sharciga, iyadoo qoraalka lagu xusay in wararkaasi aanay wax saameyn ah ku yeelaneynin howlaha Xiriirka K/Gacanta uu u hayo bulshada Soomaaliyeed ee lagu horumarinayo arrimaha Isbootiga dalka.


Beautiful Qur'an recitation

Beautiful Qur'an recitation

Kismaayo oo 2 Madaxweyne Lagaga Dhawaaqay

$
0
0

Shirkii Kismaayo ayaa maanta madaxweynaha Maamul-goboleedka Jubbaland loogu doortay Axmed Maxamuud Islaan "Axmed Madoobe," dhinaca kale Barre Aadan Shire "Barre Hiiraale" ayaa VOA u sheegay in isna Madaxweynaha Jubbaland loo doortay.

Dhageyso Puntland oo soo dhaweysay doorashada madaxweynaha Jubba-land Axmed Madoobe.

$
0
0

Dowladda Puntland ayaa soo dhoweysey doorashada madaxweynaha Jubaland Shiikh Axmad Madoobe oo ku guuleystay maanta 15 May,2013 inuu noqdo hogaankii ugu horeeyey ee maamul goboleedka Jubaland.
Madaxweyne Cabdiraxman Shiikh Maxamed Farole oo ay wehelinayeen xubno ka mida wasiirada iyo saraakiisha madaxtoyada ayaa galabta kula hadlay saxaafada magaalada Garowe ,waxana uu si weyn u soo dhoweeyey doorashadan isagoona hanbalyo u direy madaxweyne Axmed Madoobe.
Dr.Farole waxa uu guul ku tilmaamay in dadka degan goboladaas ay iskugu yimaadaan shirweyne ay ku dhisaanyaan maamulkooda oo waafaqsan dastuurka DF,waxana dhankooda uu ugu hanbalyeeyey dhismaha Jubaland.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay inay guul dareysteen kuwo uu ku tilmaamay inay diidanaayeen Jubaland islamarkaasina doonayeen in colaad iyo burbur uu dalku ku sii jiro.
Urur goboleedka IGAD ayuu u mahadceliyey oo qayb ka ahaa dadaalada lagu dhisayo Jubaland,waxana beesha caalamka uu ka codsadey Dr.Farole inay taageeraan maamul goboleedka Jubaland ee madaxweynihiisa la doortay.
Rajo wanaagsan ayuu ka muujiyey inay soo dhamaystirmi doonaan maamul goboleedyada Federaalka ahi si dib loogu noqdo dastuurka qabyada ah oo loo dhameeyo.
Ugu danbeyntii ayuu Madaxweynaha Puntland ugu baaqay DF Somalia inay taageerto doorashadan iyo dhismaha maamulka Jubaland oo guud ahaan dalka oo idil mudooyinkii danbe laga hadal hayey.
Munaasabado kale oo lagu soo dhoweynayo doorashada Shiikh Axmed Madoobe ayaa la qorshaynayaa inay ka dhacaan dunida ,waxana dhowaan la soo dhamaystiri doonaa xubnaha xukuumadda Jubaland.

Halkaan ka dhagesyo codka madaxweynaha Puntland
Madaxweynaha_ – Copy
Buraannews.com- Garowe
 
 
 
 
 

Sargaal Cartan Oo Katirsanaa Booliska Ayaa Caawa Lagu Qaarajiyay Muqdisho

$
0
0

 
Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in weerar loo isticmaalay waxyaabaha qarxa lagu dilay, Cartan Sheekh-doon oo ka mid ah saraakiisha Ahlu-sunna Waljamaaca, iyadoo waxyaabaha qarxa loogu xiray gaarigiisa xilli uu marayey degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Cartan Sheekh-doon, oo horey uga mid ahaa saraakiisha ciidamada booliska ee Soomaaliya, ayaa wararka qaar waxa ay sheegayeen in dowladda Soomaaliya ay qorsheyneysay in Cartan loo magacaabo xilka taliyaha ciidamada booliska ee gobolka Gal-gaduud.
Qaraxa lagu xiray gaariga uu watay Cartan, ayaa waxaa ku dhaawacmay qof la sheegay in uu la socday marxuumka, waxaana la sheegay in xaaladda qofka dhaawacmay ay wanaagsan tahay.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda federaalka ah oo ku aadan weerarka qaraxa ah ee lagu dilay Cartan Sheekh-doon, waxaana sidoo kale jirin cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu dilay sarkaalkaan la sheegay in uu muddo dheer ka tirsan hoggaamiyaasha Ahlu Sunna Wal-jamaaca.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live