Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Madaxweyne Shariif oo safar degdeg ah ugu ambabaxay dalka Kenya iyo Beesha caalamka oo kala hadli doonta magacaabista Ra'iisal wasaaraha

$
0
0

Madaxweyne Shariif oo horkacayay Wefdi uu ka mid yahay wasiirka arimaha dibadda mudane Dheeg ayaa safar aan horay loo sii shaacin ugu ambabaxay magaalada Nayroobi.

Madaxweynaha ayaa sida warar laga soo xigtay Villa Somalia Nayroobi kula kulmi doona mas'uuliyiin ka tirsan Beesha Caalamka kuwaas oo aad u daneynaya in ay ogaadaan shaqsiga uu u soo magacaabayo jagada Ra'iisal wasaaraha.

Shariifka ayaa waxaa laga dhowrayaa in uu dhowaan soo magacaabo Ra'iisal wasaare hanan kara kalsoonida Baarlamaanka iyo tan beesha Caalamka.

halgankanet@gmail.com


Xoogaga Xisbul islaam oo maanta meydadka qaar ka tirsan Ciidmada Dowladda soo dhigay osgoysyada SOS, Baar Ubax iyo Ex-Koontarool Balcad

$
0
0

Isgoysyada Baar Ubax, SOS iyo Ex-Koontarool Balcad ayaa waxaa maanta meydad shan gaaraya soo dhigay xoogaga Xisbul islaam oo maalmihii la soo dhaafay dagaal xoogan kula jiray Ciidamada Dowladda.

Meydadka oo ay ka muuqatay rasaas aad u fara badan oo xubnaha jirkooda qaar jarjaray ayaa waxaa markii ay Xisbul islaamku soo dhigeen Laamiyada ku soo duday shacab doonayay in ay arkaan wejiyada Meydadka si ay u aqoonsadaan.

Meydadka oo qaarkood la aqoonsaday ayaan weli laga qaadin meeshii ay la soo dhigay cabsi laga qabo xoogaga Xisbiga dartood waxaana la filayaa in caawa goobahaas laga qaado si loo xabaalo.

halkgankanet@gmail.com

 

 

Alshabaab oo barobagaan ku sheegtay goobo dowladu sheegtay iney ka qabsatay

$
0
0

Afhayeenka Ciidamada Xarakada Alshabaa  Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa beeniyay in fariisimo ay ku lahaayeen degmada Hodon lagala wareegay isagoo sheegay inay fashiliyeen weerar kaga yimid AMISOM iyo dowlada KMG ah.

Waxa uu sheegay in bara bagaan ay tahay hadalka ka soo yeeray saraakiil ka tirsan dowlada KMG ah ee ahaa in xoogaga ka soo horjeeda dowlada KMG ah ay kala wareegeen xarumo kala duwan eek u yaala Hodon.

Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay ay wali ku nsugan yihiin goobihii ay horay ugu sugnaayeen ee Degmada Hodon islamarkaana ay ka hor tageen weeraro kaga yimid Ciidamada midowga afrika ee ku sugan Muqdisho.

Dowlada KMG ah ayaa maalntii shalay iyo doraad sheegatay inay guulo ballaaran ka gaartay dagaalo xoogan oo ka socday degmada Hodon islamarkaana ay dagaalkaas ku qabsadeen xarumo kala duwan oo ay ku jiraan sida ay sheegeen Tarbuunka iyo Isbitaalka xoogga.

War saxaafadeed: Madaxweyne Shariif oo kulamo la qaatay Safiirada China iyo France, SAWIRRO

$
0
0
Madaxweynaha Soomaaliya mudane Sh Shariif Sh Axmed ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulamo kula qaatay safiirro ka tirsan dalalka caalamka. Waraka laga helayo magaalada Nairobi ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu qaabilay safiirka China u fadhiya dalka Kenya oo ay ka wada hadleen arrimo badan oo ku saabsan xiriirka ka dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo China. Safiirka ayaa sheegay in dowladda China ay dooneyso in ay soo celiso xiriirkii Soomaaliya ayadoo wanaajineysa qorshaheeda ku aaddan xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee qaaradda Afrika. Sidoo kale safiirka France u fadhiya dalka Kenya ayaa la kulantay madaxweynaha ayagoo isku soo qaaday arrimaha Soomaaliya iyo dowrka ay France ka qaadaneyso tageeridda Dowladda KMG iyo ka qeyb qaadashada howlaha bani-aadamnimo ee Soomaaliya.

Wafdi Britain ka socda oo tagay Somaliland

$
0
0

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa shalay wadahadal kula yeeshay xafiiskiisa Hargeysa wafdi ka socday dawladda Britain oo uu hogaaminaayay ergeyga gaarka ah ee Britain ugu qaabilsan Soomaaliya Matt Baugh.

Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada galabta ayaa lagu sheegay in
Madaxweynuhu wafdigaasi uga waramay xaaladda nabadgelyo, siyaasadeed
iyo dhaqaale ee Somaliland iyo qorshaha dhinaca horumarinta
xukuumadiisa.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo sida lagu sheegay warka
madaxtooyada wuxuu wafdiga u sheegay sida xukuumada Somaliland diyaarka
ugu tahay inay waddamada jaarka ah iska kaashadaan adkeynta nabadgelyada
gobolka, sidoo kalena ay beesha caalamka kala shaqeyso somliland
dagaalka ayuu yidhi lagula jiro argagixisada iyo budhcad badeeda.

Wafdig Britain waxaa ka mid ah safiir ku
xigeenka Britain ee Ethiopia John Marshal iyo madaxa hay'adda DFID
xafiiskeeda Nairobi Alaister Fernte.

 

Magacyada Dowladda Cusub ee Ethiopia

$
0
0

Raiisal Wasaaraha Ethiopia ayaa magacaabay golaha Wasiiradda ee dowladda cusub ee xisbiga isbahaysiga EPRDF ee talada haya, kadib markii uu si aad ah ugu guulaysatay doorashadii bishii May.

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Hailemariam Desalegn (Cusub)
Wasiirka Difaaca, Siraj Fegisa (Lama beddelin)
Wasiirka Arrimaha Federaalka, Dr. Shiferaw Teklemariam (Lama beddelin)
Wasiirka Garsoorka, Berhanu Hailu (lama beddelin)
Wasiirka Adeegga Madaniga (Wasaarad cusub), Junedin Sado (Wasiirkii hore ee Sayniska iyo Teknoolojiyada)
Wasiirka Maaliyadda, Sufyan Ahmed (Lama beddelin)
Wasiirka Beeraha, Referaw Derbew (Lama beddelin)
Wasiirka Warshadaha, Mekonen Manyazewal (Waa cusub yahay, waana Wasiirka keliya ee aan xubin ka ahayn xisbiga talada haya EPRDF)
Wasiirka Ganacsiga, Abd-al-Rahman Shaykh Muhammed (Cusub)
Wasiirka Sayniska iyo Teknoolojiyada, Desie Dalkie (Cusub)
Wasiirka Gaadiidka, Dirib Kuma (Lama beddelin)
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Warfaafinta (Wasaarad cusub), Debretsion Gebremiskael
Wasiirka Dhismaha iyo horumarinta magaalooyinka (Wasaarad cusub), Mekuria Haile
Wasiirka Biyaha iyo Tamarta, Alemayehu Tegenu
Wasiirka Kaawooyinka (Wasaarad cusub oo goobaha macdanta laga qodo), Sinknesh Ejigu (Haween)
Wasiirka Waxbarashada, Demeke Mekonen (Lama beddelin)
Wasiirka Caafimaadka, Dr. Tewodros Adhanom (Lama beddelin)
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Abdulfatah Abdulahi Hasan (Cusub)
Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska, Amin Abdulkadir (Cusub)
Wasiirka Haweenka, Carruurta iyo Arrimaha Dhallinyarada, Zenawbu Tadese (Haween, cusub), 

Madaxda Alshabaab oo dagaalka isku khilaafay iyo Abuu Mansuur oo ciidankiisa kala baxay jiida dagaalka

$
0
0

Khilaaf salka ku haya dagaal-gelinta ayaa la sheegayaa in uu haatan ka dhex curtay hogaanka sare ee Alshabaab.

Warbaahinta Dowladda Soomaaliya oo sida ay sheegtay soo xigatay ilo-wareedyo la qaadan warkooda ayaa markii ugu horeysay baahisay in Abuu Mansuur uu si heyb-sooc ah ciidamadiisi uga daadgureystay magaalada Muqdisho ka dib markii uu ka carooday qasaare lixaad leh oo si gaar ah dagaalada hadda socda uga soo gaaray ciidankii uu ka keenay Bay iyo Bakool.

Dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacayay magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ciidamada Alshabaab ee Bay iyo Bakool uu ka keenay Abuu Mansuur ay si xun ugu waxyeeloobeen marka la barbar dhigo ciidamada kale ee ka yimid deegaanada ay ka midka yihiin Jubbada Hoose iyo Shabeeladda Hoose.

Marka laga soo tago sheegashada Dowladda mar jiraan warar madaxbanaan óo xaqiijinaya khilaafka Alshabaab u dhexeeya ee dhaliyay in Abuu Mansuur ciidamadiisi la gadoodo.

halgnkanet@gmail.com 

 

Taliska Milateriga Dowladda oo fariin hawada u marsiiyay ganacsatada Suuqa weyn ee Bakaaraha

$
0
0

Jeneraal Dhega-Badan, Taliye ku xigeenka Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya ayaa saxaafada u sheegay sida ay ka yeelayaan Suuqa Bakaaraha hantida taal haddii ay ciidamadoodu halkaas gaaraan.

Ciidamada Dowladda oo haatan kulaalaya Suuqa Bakaaraha ayuu Taliye ku xigeenku sheegay inaysan marnaba hantida Soomaaliyeed ee halkaas taal wax u dhibi doonin dhac iyo boobna aysan u geysan doonaan waa siduu hadalka u dhigaye.

Laakiin Jeneraalku wuxuu ganacsatada ogeysiiyay in haddii dhanka Suuqa Xabad looga soo rido ay iyaguna ku ridi doonaan laakiin wax dhac iyo bililiqo ah aysan ugu socon halkaas.

Si kastaba arintu ha ahaatee waxaa weli shacabka Soomaaliyeed ka hormuuqda boobkii ciidamada Dowladu u geysteen Suuqa Bakaaraha xiligii ay Itoobiyaanku taageerayeen dowladii Cabdulaahi Yuusuf.

halgankanet@gmail.com


Yuweri Musaveni; Soomaaliya waxaan u dirayaa 20,000 oo askeri si ay dowladda u caawiyaan"

$
0
0

Madaxwenaha dalka Yugaandha Musaveni ayaa daboolka ka qaaday in dowladiisu Soomaaliya u direyso ciidamo dhinaca ammaanka gacan ka siiya, ciidamadaas oo gaaraya Labaatan Kun.

"Yugaandha waxay caawineysa Soomaalida, waayo waxaan wadaagnaa dhaqan Afrikaannimo iyo hidde, waxaana gacan siineynaa waqtigan kala guurka ah iyo weliba marka laga gudbo, gaar ahaan waxaan gacan ka siineynaa dhismaha hay'adaha dowladda" Sidaas waxaa saraaliilk Reer Yurub ah u sheegay madaxweynaha Yugaandha.

Madaxweynaha Yugaandha oo shaqada ay hadda ciidamadiisu ka hayaan Soomaaliya muhiimadeeda faahfaahin ka bixinayay ayaa waxaa hadaladiisi ka mid ahaa; "Waxaan doonayaa in aan difaacni hay'adaha qaranka Soomaaliyeed, laakiin waxaan iminka ilaalinaa oo kaliya qeybo badan oo ka mid ah goobaha ay qasabka tahay in aan ka difaacno weerarada uga imaanaya kooxaha Alqaacidada xiriirka la leh"

Ugu dambeyntuu Madaxweyne Musaveni wuxuu wacad ku maray in ciidamadiisa marka uu Soomaaliya ku daabulo ay la dagaali doonaan islamarkaana ka adkaan doonaan xoogaga argagixisada ah ee nabada bariga Afrika guud ahaan halista ku ah waa siduu hadalka u dhigay.

halgankanet@gmail.com

Barnaamijikii argagaxa lahaa ee uu weriye Wali Hashi ka sameeyay Alshabaab iyo dhalinyarada ay naafeeyaan daawasho waca

Barnaamijikii argagaxa lahaa ee uu weriye Wali Hashi ka sameeyay Alshabaab iyo dhalinyarada ay nafeeyaan daawasho wacan (Qeyb: 2aad)

Goonjeex oo Xamr looga banaanbaxay si uu u noqdo R/Wasaare(daawo sawirada)

$
0
0

Dibad balaaran ayaa wuxuu maanta ka dhacay magaaladda caasimadda ah ee
muqdisho, iyadoo ay soo qaban-qaabiyeen qeybaha kala duwan ee bulshada
rayidka, waxayna aad u ammaaneen ku simaha Raaisal Wasaaraha dowladda
kmg C/Waaxid Cilmi Goonjeex.

Dibad baxaan ayaa wuxuu ka dhacay barxadda weyn ee ku taalla Ex Fiyoore
ee soodinta degmooyinka Xamar weyne iyo Wardhiigley, halkaa oo ay iskugu
yimadeen, Haween, caruur iyo qeybaha kala duwan ee wax-galka bulshada.

Dibad baxayaashaan ayaa waxay sheegeen in uu Goonjeex yahay nin fur
furan oo wax qaban kara, isla-markaana waxay sheegeen in mudada gaaban
ee uu xilka haayay uu isbadal sameeyay, iyagoo sheegay in uu ku banaan
yahay Raaisal Wasaaraha Somaliya.

Sidoo kale waxay madaxweyne Shariif ay ka codsadeen in uu C/Waaxid Cilmi
Goonjeex uu ka dhigo Raaisal Wasaaraha dowladda kmg ee Soomaaliya,
waayo bay yiraahdeen waa nin wax-qabad leh, waa sida ay hadalka u
dhigeen-e.

Dhanka kale waxay si diiran ay u soo dhaweeyeen guusha ay ciidamadda
dowladda ka gaareyn mujaahidiinta Al Shabaab iyo Xisbul Islaam,
isla-markaana waxay ugu baaqeyn in shaqadooda ay halkaasi kasii wadaan.

Isku-soo wada-duuboo dibad baxaan ayaa wuxuu kusoo aadaayaa xilli laba
todobaad oo qura uu xilka Raaisal Wasaarenimo uu haayo mudane C/Waaxid
Cilmi Goonjeex.

Daawo Sawirada

Madaxweyne Shariif oo Muqdisho dib ugu soo laabtay iyo warar sheegaya in saacadaha soo socda uu Ra'iisal wasaare magacaabayo

$
0
0

Madaxeyne Shariif oo horkacaya ergo ballaaran ayaa galabta dib dalka ugu soo laabtay ka dib markii magaalada Nayroobi wadatashiyo u badnaa soo xulista Ra'iisal wasaaraha uu kula soo yeeshay Xubno Beesha Caalamka ka tirsan.

Dib u soo laabashada Madaxweynaha ayaa waxaa caawa warbaahinta Muqdisho qaarkood u xaqiijiyay mas'uul ka tirsan xafiiska Madaxweynaha.

Dhanka kale warar laga soo xigtay rag ay xulufo yihiin Madaxweynaha ayaa sheegaya in Madaxweynuhu caawa ku dhawaaqaya shaqsiga uu u arko in uu u dheg nuglaan doono awaamiirtiisa, beesha caalamkana ka kasban kara kalsooni.

Wixii war ah ee dhanka Madaxweynaha ka soo kordha kuna saabsan magacaabista ra'iisal wasaaraha dib ayaan idiinkaga soo sheegi doonaa.

halgankanet@gmail.com

WAR DEG DEH AH: Dagaal culus oo saaka mar kale dib uga qarxay agagaarka Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho

$
0
0

Dagaal aad u culus oo u dhexeeya Ciidamada Dowladda oo AMISOM kaashaanaya iyo xoogaga mucaaradka oo dhanka kale ka soo jeeda ayaa saaka aroorrtii hore dib uga qarxay Degmada Hodon ee gobolka Banaadri.

Dagaalkan oo ah mid xawli ku socda ayaa waxaa uu hadda ka socdaa agagaarka Suuqa weyn eee Bakaaraha waxaana gebi ahaanba hakad ku jira dhaqdhaqaaqa Suuqa.

Madaafiic aan lo meel dayin iyo rasaas sida roobka oo kale u da'eysa ayaa ku socda Suuqa mana jiraan wax dhaqdhaqaaq ah oo ah oo halkaas ka socda, dadkuna waxay ku wada aruureen daaraha shubka ah.

Wixii war ah ee soo kordha dib ayaan idiinkugu soo gudbin doonaa Inshaa Allaah.

halganaknet@gmail.com 

Afhayeenka Ciidamada Alshabaab; " Askeri AMISOM ka tirsan ayaan si xero-taraar ah ugu dilnay dhufeys uu ku jiray"

$
0
0

Abuu Muscab, Afhayeenka ciidamada Alshabaab oo la hadlay warbaahinta qaarkood ayaa sheegay in xalay ciidamada Alshabaab ee sida ba'an u tababaran waa siduu hadalka u dhigaye ay xero-taraar ku galeen dhufeys uu ku jiray mid ka mid ah ciidamada AMISOM ka dibna askerigaas looto (sur-gooyo) ku dileen.

Dhanka kale waxaa sheegashadaas Alshabaab gaashaanka u daruuray afhayeenka AMISOM kaas oo ku dooday in wax ciidan ah aan laga dilin, xero-taraarna waa halkiisee aysan Alshabaab xitaa ku dhicin in ay ka soo ag-dhowaadaan saldhigyadooda.

Waxaan oo dhan ayaa dhacaya xili dagaalo shacab ku hoobtay ay hadda ka socdaan magaalada Muqdisho.

halgankanet@gmail.com 


Muxaadaro 2010: Sh. Mustafe X. Ismaciil

Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo Miino lagu qarxiyay iyo dhaawicii ka dhashay oo Boosaaso lagu dabiibayo

$
0
0

Magaalada ´Boosaaso wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in goob lagu magacaabo Bali Khadar Qarax Miino lagula beegsaday cutub ka mid ah ciidamada Puntland, goobtan oo ka mid ah goobihii kal hore ay ku dagaalameen ciidamada Puntland iyo kuwa Shiikh Atam 

Qaraxan ayaa inta la hubo waxaa ku dhaawacmay sideed ka mid ah askarta Puntland kuwaas oo hadda dhaawacooda lagu baxnaaniyo cusbitaalka guud ee magaalada Boosaaso.

Maamulka Puntland weli wax war ah kama soo saarin qaraxan Miino ee qasaaraha u geystay ciidamadooda, sidaas si la mid ahna ma jiraan warar kale oo ka soo baxay wadaadka dagaalka kula jira maamulkaas.

halgankanet@gmail.com

Wadooyinka magaalada Muqdisho gaar ahaan goobaha ay gacanta ku hayaan Alshababa iyo Xisbul islaam oo maanta lagu jiiday Meydka askeri AMISOM

$
0
0

Magaalada Muqdisho wadooyinkeeda gaar ahaan dhanka ay gacanta ku hayaan xoogaga ka soo horjeeda Dowladda ayaa waxaa maanta lagu arkayay Meyd si xun u silicsan oo lagu jiidjiidayo wadooyinka.

Isgoyska aadka u mashquulka badan ee Baar Ubax ayaa waxaa lagu arkayay shacab aad u fara badan oo Meyd lugaha laga xiray ku jiidjiidaya wadooyinka halka ciidamada Alshabaabkuna ay dusha sare ka ilaalinayaan dadkan.

Alshabaab ayaa sheegay in Meydkani yahay Askeri ka tirsanaa AMISOM oo ay ciidamadooda sida gaar ah ku tababarani soo qabteen dabadeedna sur-gooyo ku dileen waloow hadalkaas uu beeneeyay Afhayeenka AMISOM.

halgankanet@gmail.com

 

rel="lightbox" src="http://www.soomaalinews.com/somnewsadmin20/pictures/17886.jpg" align="absBottom" height="200" width="200" /> 

Saraakiisha Ciidamada Alshabaab oo magaalada Beledweyne ka baxay iyo ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah oo ku soo fool leh

$
0
0

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in saaka halkaas ay ka taagan tahay xaalad aan deganeyd ka dib markii ciidamada Alshabaab saraakiisha hogaamisa ay xalay magaalada isaga baxeen.

Bixitaan Saraakiishan ayaa waxaa sababay baa la leeyahay Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad ugu soo dhowaaday magaalada kuwaas oo sida muuqata ku soo fool magaalada Beledweyne.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in inta badan Ciidamada Alshabaab iyo saraakiishoodi hogaamineysay ay isaga hayaameen magaalada Beledweyne waloow meelaha qaar ay weli ku sii sugan yihiin, waxayna dadku muujinayaa cabsi xoogan maadaama ay suurtagal tahay in magaalada lagu dagaalo.

Saraakiisha Alshabaab ayaa u soo dhaqaaqay magaalada Buuloburde waxaana adag in saraakiishaas lala xiriiro oo warar xiisad taagan ku saabsan laga helo.

Wixii war ah ee soo kordha dib ayaan idiinkaga soo gudbin doonaa.

halgankanet@gmail.com

Madaxweynaha Yugaandha; "Waxaan is aragnay mas'uuliyiin QM waxayna ogolaadeen in ay kordhiyaan dhaqaalaha ku baxa ciidamada AMISOM"

$
0
0

Madaxweynaha Yugaandha Musaveni oo warbaahiyayaasha kula hadlay magaalada Kampala ayaa sheegay in uu la kulmay mas'uuliyiin ka socotay QM islamarkaana kala hadlay aayaha dambe ee Ciidamada AMISOM.

"QM waxaan isku afgaranay in ay kordhiyaan lacagaha ay ku bixiyaan ciidamada AMISOM" Madaxweynaha Yugaandha oo farxadi ka muuqatay ayaa hadalkaas u sheegay warleydii uu warka siinayay.

"Amaanka iyo kala dambeynta in aan soo celintooda gacan ka siino Dowladda Soomaaliya ayaan Muqdisho u joognaa waana wax muhiim ah in QM dhaqaalaha u sii kordhiso ciidamada AMISOM" Sidaas waxaa warbaahiyayaasha u xaqiijiyay Madaxweynaha Yugaandha oo neefi ka soo fuqday markii uu xaqiiqsaday in ciidamadiisu Soomaliya dhimasho iyo dhaqaale intaba ka helayaan.

Musaveni ayaa horay u sheegay in uu ciidamo lixaad leh oo nabadda dhaliya Soomaaliya u dirayo haddii lacag la siiyo tanina waxay hadda ka turjumeysaa sida QM ay ugu heelan tahay dhaqaale ku bixinta Hawlgalka AMISOM ee sida Soomaalidu qabto aan la mahadin.

halgankanet@gmail.com

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live