Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Midowga Afrika oo Aas-aaskiisii u Dabaaldegaya

$
0
0

50 sano ayaa kasoo wareegtay markii la aas-aasay ururka Midowga Afrika, markaas oo dawlado dhowr iyo soddon ah oo ay Somalia ka mid ahayd ay dhidibada u taageen


((*Al-Aadaabu Maca-Naas=Aadaabta Dad-Ladhaqanka*)) Li Sh Maxamed Xasan Xafidahullaah

Obama oo ka Hadlay Droneska iyo Guantanamo

$
0
0

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa Khudbad uu shalay jeediyay si weyn uga hadlay weerarada ay gesytaan dayuuradaha Droneska ee Mareykanka iyo xabsiga Guantanamo Bay

Rabshada Soomaaliya ka jira oo Yareeyay Booqdayaasha iyo Shaqaalaha Samafal ee Halkaa Tagaya

$
0
0

Muqdisho-(Sh.M.Network)-Diplomaasiyiinta Reer Galbeedka ee Fadhigoodu Ahaa Nairobi kuwaasi oo ka shaqeyna Soomaaliya ayaa diplomaasi Turkiyan ah oo magaciisa qariyay ku tilmaamay in ay iyagu ugu wacan yihiin walwalka Amni ee caasimada.
Omer Tasli, oo ah Agaasimaha Guud ee Bisha Cas ee Turkiga ayaa sheegay in Amnidarada Muqdisho aysan ku riixeyn in ay isaga baxaan Muqdisho howlaha ay kawadaan.
“Waqti ka waqti, waan joojin karnaa waxa ay qabaneyno, waase hadii qatar amaan jirto, laakiin majoojineyno howlaha aan wadno,” Omer Tasli ayaa sidaasi u sheegay Associated Press.
Al Shabaab oo xiriir la leh Al Qaacidda ayaa ku eedeeyay samafalayaasha Turkiga in dalka ay soo galinayaa mabaadii’da Cilmaaniyiinta, waxaana sidaasi darted ay ku hanjabeen weeraro ka dhan ah shaaqalaha Turkida ee Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladdu ha isku duubnaato

$
0
0

Muqdisho-(Sh.M.Network)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’ud ayaa kadib kulan uu la qaatay qaar ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka waxa uu sheegay in loo baahanyahay in ay wada shaqeyn dhex marto Baarlamaanka iyo Xukuumadda Soomaaliya.
Xasan Sheekh Max’ud Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in xilligaan aan loo baahneen kala daadsanaan ku timaada dowladda Soomaaliya islamarkaana taa bedelkeeda la helo isku duubni Maadaama shacabka Soomaaliyeed dowladda ka dhowrayaan isku duubni.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’ud ayaa dhanka kale waxa uu soo dhaweeyay sida ay Xildhibaanada uga laabteen Mooshinkii ay ka geeyeen Xukuumadda Soomaaliya isagoo taasi uga Mahad celiyay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Hadalka ayaa Madaxweynuhu waxa uu ka jeediyay Kulan uu la qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ka hor inta uusan u duulin Magaalada Adis-ababa ee dalka Ethiopia oo uu kaga qeyb galayo Munaasabadda 50 sano Guuradii ka soo wareegatay aasaaska Ururka Midowga Afrika

Faah faahino dheeri ah oo ka soo baxayo Dagaal duleedka Jowhar ku dhexmaray Ciidanka AMISOM iyo Ururka Al Shabaab

$
0
0

Jowhar-(Sh.M.Network)-Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in faah faahin dheeri ah ay ka soo bexeyso khasaarihii ka dhashay dagaal duleedka Magaalada Jowhar ku dhex maray Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Ciidamo Ka tirsan Ururka Al Shabaab.
Dagaalka ayaa ka dhacay Agagaarka Garoonka Diyaaradaha oo 18 KM dhinaca Waqooyi uga Beegan Magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/dhexe.
Inta la ogyahay 6 Ruux oo ah dhinacyadii dagaalamay ayaa ku geeriyooday dagaalka halka tiro intaasi ka bandanna ay ku dhaawacmeen dagaalka oo muddo saacado ah Soconayay .
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamo ka tirsan Ururka Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo Ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin duleedka Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh/dhexe.
Majirto wax hadal ah oo ka soo yeeray Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Sh/dhexe ee dowladda Soomaaliya oo ku aadan dagaalkaan dhexmaray iyaga iyo Ururka Al Shabaab.

Wasiirrada Yurub oo ka hadlaya Suuriya

$
0
0

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa magaalada Brussels kaga wadahadlaya in cunaqabateynta hubka laga qaado Suuriya.

R/Wasaare Saacid oo Lagu Amaanay dowrka Xukuumadda ee difaacida Suxufiyiinta Soomaaliyeed

$
0
0

Adis-ababa-(Sh.M.Network)-Shir looga hadlayay Ammaanka Saxaafadda Soomaaliya oo ka soconayay Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa la soo gaba-gabeeyay, iyadoo laga soo saaray  qodobo xasaasi ah oo quseeya Saxaafadda Soomaaliya.
Shirkaan oo soconayay 22kii ilaa iyo 24kii bishan ayaa waxaa ka soo qeyb galay saxafiyiin ka yimid dalal ay kamid yihiin Ethiopia, Kenya, Djibouti, Sudan, Rwanda, Burundi, Uganda iyo Somaliya.
Qodobadii ka soo baxay shirkaasi ayaa waxaa ugu muhiim sanaa in la soo dhaweeyay dowrka dowladda Soomaaliya ay ka qaadaneyso ilaalinta iyo ka hortagida dhibaatooyinka Suxufiyiinta Soomaaliyeed loo geysanayo.
Sidoo kale waxaa lagu soo dhaweeyay balanqaadkii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Farax Shirdoon Saacid ee ahaa in dowladda Soomaaliya ay Abaal marin ahaan u siineyso 50-kun oo doolar cidii keentaa kiis xaqiiqa ah oo ku saabsan dilalka wariyayaasha.
Qodobadii ka soo baxay shirka ayaa sidoo kale waxaa lagu canbaareeyay dilalka wariyayasha iyo xadgudubyada kale ee loogu geysanayo qeybo ka mid ah dalka.
Waxaa sidoo kale la xoojiyay muhiimada ay saxaafad xor ah u leedahay in si buuxda loo xaqiijiyo xuquuqul Insaanka, xuriyada hadlka, Dimoqoraadiyada iyo ku dhaqan galinta sharciga iyo kala danbeynta.


Mogadishu-several arrested during security operations.

$
0
0

Mogadishu-(Sh.M.Network)- security operations in the capital city of Somalia has resulted in the arrests of many people suspected to be members of Alshabab.
The operations were jointly conducted by AMISOM troops and federal government troops in some suburbs located inside the city.
Residents of wadajir district in Banadir region informed Shabelle media that thorough security searches were conducted by the federal police and those from AMISOM troops.
Residents also informed us that the troops were conducting house to house operation looking for anything that may give them a lead of Alshabab hideouts.
Eyewitness confirmed to Shabelle media in Mogadishu that the suspects arrested during the operation were interrogated by officials from the Somali police.
This operations follows after the recent announcement by the prime minister and AMISOM spokesman about a planned operation to improve security in the capital city of Somalia, Mogadishu.
 
 

Dhegayso: Ciyaaryahan Yaasiin Xasan Nuur oo ah Kabtanka Xulka Dalka Qadar oo Hargeysa lagu soo dhoweeyey

Declaration on Regional Conference on Peace and Safety for Somali Media

$
0
0

Addis Ababa (Sh.M.Network)— WE, the representatives of the media practitioners from all over Somalia, attending the Regional Conference on Peace and Safety for Somali Media with the presence of journalists’ leaders from Ethiopia, Kenya, Djibouti, Sudan, Rwanda, Burundi and Uganda here in Addis Ababa, Ethiopia, on 22-24 May 2013 adopt this declaration;
HAVING discussed and agreed that the safety of journalists in Somalia remains a major concern in the light of high levels of violence including threats, intimidation, assaults, arrests and killings targeting media professionals and other media workers in the country;
NOTING that the media as the fourth estate in democratic rule has a vital role in building and sustaining culture of peace in Somalia and plays a constructive role in Somalia’s march towards reconciliation, stability and State-building efforts;
UNDERLINING the crucial role that journalism plays in democracies by providing objective and pluralistic information to the public, which is the responsible and legitimate expectations from the Somali Media as the nation transits to democracy;
NOTING that the creation of a tolerant, peaceful and just Somali society depends upon the freedom of its citizens to have access to authentic news and information about the social, economic, political and natural environment they live in;
EMPHASISING the importance of free media in ensuring full respect for human rights, fundamental freedoms, democracy and the rule of law in Somalia, even under difficult circumstances;
CONDEMNING the fact that in a number of areas of the country, journalists and other media workers have been murdered, assaulted and subjected to various forms of harassment;
WELCOMING the commitment made by the Federal Government of Somalia to the protection and defence of the safety of journalists and the prosecutions of those suspected of murdering journalists;
REITERATING that poor working terms and conditions of journalists and weak financial capacity of news media organisations lead to practice of unethical and bad journalism;
NOTING that the safety and security of journalists and citizens can be effectively guaranteed in an environment of national peace and stability in Somalia;
WELCOMING the announcement from Prime Minister of Somalia for reaffirming Somali Federal Government’s condemnation of all attacks on and harassment of journalists and the Federal Government’s decision to offer reward for assistance in holding accountable those directly responsible for killing journalists;
NOTING the role of the media in a democracy of informing citizens and scrutinizing the state’s conduct of public affairs as well as providing information for the mobilization of citizens for national transformation and progress;
RECOGNIZING that the media plays a crucial role in mobilizing popular engagement for democratization, conflict de-escalation, cessation of hostilities, and promotion of peace building efforts and enhancing nati

Dhegayso: Xildhibaan Bulqaas oo si adag ula hadlay Madaxweyne Siilaanyo, sheegayna inuu ka rabo wixii ay beeshiisu xaq ugu lahayd.

Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa eedeeyay ICC

$
0
0

Shir-madaxeedka 50-guurada ka soo wareegtay aasaaskii Midowga Afrika ayaa cambaareeyay maxkamadda caalamiga ah ee dembiyada.

Madaxweyne Axmed Siillaanyo oo Dalka itoobiya dhambaal Hambalyo ah U diray.

$
0
0

DHAMBAAL MADAXWEYNE
 
Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isaga oo ku hadlaaya afka Shacbiga Somaliland iyo ka qaranka Jamhuuriyada Somaliland, waxa uu  Dhambaal Hambalyo ah u dirayaa Dalka aynu wallaaha iyo Jaarkaba nahay ee Ethiopia iyo Shacbi weynaha Dalkaasi, isaga oo Madaxweynuhu ku Hambalyeynayaaya sanad guurada 22-aad ee ka soo wareegtay markii ay shacbiga Ethiopia ka guulaysteen Rajiimkii militeriga ahaa ee xiligaasi xukumaayey Dalka Ethiopia oo ku beegan 28/05/2013.
 
Maalintan oo ah Maalin Taariikhda Ethiopia Qiimo weyn ugu fadhida waxa uu madaxweynuhu u rajaynayaa Shacbiga iyo Dawladaba inay Sannadka, Sannadkiisa ku gaadhaan Guul, Barwaaqo, iyo Ethiopia oo ka sii horumarta halka ay maanta marayso.
 
 
ALLAA MAHAD LEH
 
Naasir Yuusuf Daahir (Nasir Naska)
Xog-hayaha gaarka ah ee Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
Ahna ku simaha Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
 
HARGEYSA SOMALILAND

Wasiirka Kaluumaysiga Iyo Khayraadka Bada Somaliland Oo Ka Hadlay Safar Shaqo Uu Ugu Kicitimidoono Dhawaan Dalka Aynu Jaarka Nahay Ee Yaman

$
0
0

 
Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada ee Somaliland Cabdilaahi  Jaamac Cismaan (Geel-jire) ayaa sheegay inuu  u Kicitimi doono dalka Yeman ee dhinaca badda jaarka kala ah Somaliland, halkaas oo uu sheegay inuu  kulmo kula soo yeelan doono,  Wasiirka Kalluumaysiga ee dalkaasi, kaas oo ay  ka wada hadli doonaan arimaha Kalluumaysiga sharcidarada ah ee Xuduudaha Badda ee labada dalka dhexeeya lagu soo galo.
Wasiir Cabdilaahi Cismaan (Geel-jire) waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu la hadlaayay Talafeeshinka Home-Cable Tv, waxana uu sheegay in Wasiirka Kalluumaysiga Yeman u qaabilsani Kaluumaysiga  uu kala soo Xidhiidhay inay iska Kaashadaan Somaliland Kalluumaystada Sharcidarada ah ee dhibaatada dhinaca Badaha labada dal ay  ku soo galaan,isaga oo sida kale Wasiir Geel ka hadlay Kulan ay Wefti uu ka tirsan yahay dhawaan kaga soo laabteed dalka Belgium.
Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada ee Somaliland Cabdilaahi Cismaan (Geel-jire) oo arimahaasi ka hadlaayay waxa uu yidhi“Ishaalaahu waxa aan u bixidoona Safar dalka Yaman,si aan ula kulmo Wasiirka Kaluumaysiga dalkasi waxanan filaya in kulankaasi dhaco badhtanka Bisha June,si looga wada hadlo iskuna meel dhigno  sidii waxan wax  looga qabanlaha waayo iyaguna(Yaman) way cabanayaan  oo Wasiirkooda  Kaluumaysigu waaka Xidhiidhka noola yimid oo Doonyo bilaasharci ku soo galaaya Badooda ayay ka cabanayaan”
Wasiir  Cabdilaahi Cismaan (Geel-jire) oo ka hadlaalyay Shirka ay la yeesheen dhawaan Wafti uu ka tirsana Masuuliyiin reer Belguim ah waxa uu yidhi“Waxa aanu soo gudbinay aragtidii nalaga sugaayay ee ku saabsaneyd halka Somaliland marayso iyo sidii ay dawladnimadeeda u soo dhigatay,Budhcad badeeda iyo halka aynu caalamka kaga jirno in aynu soo bandhigno,sida Safiirkii Turkiga oo nay loo soo diray Qusulkii iyo Xubno kale oo dawladahaasi ka socda aad baanu marka u qaada dhignay wixii go,aan lagalahana waanu ka gaadhnay”
 
HARGEYSA SOMALILAND


Dhegayso: Afhayeenka Salaadiinta Somaliland Suldaan Xiiray oo Madaxweynaha uga mahad celiyey cafiskii uu u fidiyey maxaabiistii ciidanka weerartay

Dhegayso: Suldaanka Guud ee Habar Yoonis oo u jawaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

DOOD - Sh. Umal Oo Yiri: Sh. Xassaan Wuxu Yiri Wan Galaysin Lahaa Sh. Cumar Faaruuq Haduu Ok Yahay

DOORKA HOOYADA: by Cabdullahi Cabdi Faarax(Suuud)

$
0
0

Qofkasta waxaa dhalay Aabe iyo Hooyo waxaana hubaala in qofkastaa jecelyahay Aabihiis iyo Hooyadiis, waxaana hubaala in labada waalid xaqkuguleeyihiin, meesha aan kaduulayno ama aan ku dhaadanayno ” نقطة الانطلاق ” ama starting point waa diinteena ee wadaniyad iyo qowmiyad midna kama hadlayno.
Xaqa 1aad ibnu adamka waxaa kuleh Allah Xaqa 2aadna waxaa iska leh labada waalid. Ilaahay aayado badan ayuu uga hadlay xaqa labada waalid sidoo kale axaadiith waxana kamida.
(وقضى ربك ألا تعبدوا إلا إياه وبالوالدين إحسانا إما يبلغن عندك الكبر أحدهما أو كلاهما فلا تقل لهما أف ولا تنهرهما وقل لهما قولا كريما واخفض لهما جناح الذل من الرحمة وقل رب ارحمهما كما ربياني صغيرا } Axaadiitha Nabiga CSWS waxaa kamida
(ألا أنبئكم بأكبر الكبائر ثلاثاً، قالوا: بلى يا رسول الله، قال: الإشراك بالله وعقوق الوالدين، وجلس وكان متكئاً فقال: ألا وقول الزور)
Waxaajira aayado iyo axaadiith si gooniya u muujinaya in hooyadu leedahay xuquuq dheeraada oo ay aabaha uga
duwantahay Waxaa kamida. (ووصينا الإنسان بوالديه إحساناً حملته أمه كرهاً ووضعته كرهاً وحمله وفصاله ثلاثون شهراً)
أبي هريرة رضي الله عنه قال : "جاء رجلٌ إلى رسول الله -صلى الله عليه وسلم- فقال عن
: يا رسول الله، من أحق الناس بحسن صحابتي
، (أبوك) قال: قال: ثم من؟ قال: (أمك) ، قال: ثم من؟ قال(أمك) ، قال: ثم من؟ قال(أمك)، قال:
Hadii aan isku dayo inaan sharaxo aayadahaas iyo axaadiisthtaa waxaa dheeranaya qoraalka waana lugu caajisayaa aqrintiisa sidaas darteed sideeda ayaan udhaafayaa.
 
AAN USOO DAADEGO DULUCDII WARKAYGA.
 
Hadaan waxyar ka ogaanay ogaanay doorka labada waalid waxaan doonayaa inaan halkaan su,aalo idinku waydiiyo.
Aabe waan ku abtirsanaa oo magaciisa ayaan qaadanaa diin ahaan waa sax, Aabe iyo hooyo waxay kadhasheen laba qabiil oo siman labadaas qabiil waxay si siman xaq noogu leeyihiin inaan labadaba xiriirino oo xaq dhowrno oo asxaan u falno, maxaa keenay in aan magaca qabiilka aabe kaliya wax ku xiriirino, qabiil ahaan si indha,la,aana  ugu difaacno gar darro kasta hakujiree, dartiis denbi ugalno, dartiis cadaab loo galo hadii aan ilaahay cafin?
 
Halka qabiilkii hooyo kadhalatay aan cidina qiimayn, xaqiisii lugu tunto, ay caadi iska noqoto wiil kaqayb qaadanaa weerar iyo dhib loo gaysanayo reerkii hooyadiis kadhalatay, ayadoo ay muuqato in ay usiman yihiin labadii qabiil ee aabe iyo hooyo kadhasheen? waxaan nahay Muslim Alxamdulillah Nabiguna CSWS asagoo asxaabta iyo dadka kadanbeeya lahadlaya wuxuuyiri.
لهم ذمة ورحما,إنكم ستفتحون أرضا يذكر فيها القيراط. فاستوصوا بأهلها خيرا. فإن
Culumadu waxay noosheegeen in Nabi Ismaaciil hooyadiis ay eheed reer masar, Nabiguna CSWS wuxuu ahaa faracii Nabi ismaaciil sidaas darteed ayaa nabigu uxiriirinayey reer Masar waadna qiyaasi kartaan inta qarni ee u dhexeysey Nabigeena CSWS iyo Nabi Ismaaciil.
Hadaba hadaan nahay dadka diintaas sheeganaya maxaa keenay in Hooyo qabiilkeeda aan wax qadarina lasiin? miyaan qabiilka hooyo dhammaantiis uusan ahayn Abti, Habaryar, Ayeeyo iyo Awoowe.
Hadii aabahaa iyo Hooyadaa aysan jufa hoose isla ahayn ( yacni hadaan hooyadaa eedo kuu ahayn ama aabahaa abti kuu ahayn) oo aabe iyo Hooyo ka kala yimaadeen laba qabiil oo kala fog, dadka somaliyeed malaga helikaraa qof garanaya magaca awoowaha 5aad, 4aad 3aad ee hooyadiis? Hooyo ma mudantahay in ilaa heertaas laqiimatiro ? hadaadtiraa anigu hooyaday waan qiimeeyaa waana jeclahhay waan kaa rumaysanayaa lakin waxaan kuleeyahay jacaylka aad hooyadaa u qabto adoon hooyadeed qiimayn muxuu yahay ? sikale hadaan kuugu sheego waxaad dilaysaa hooyadaa walaalkeed sideed iigu sheegi kartaa inaad hooyadaa jeceshahay ? dhanka kale hooyadaa waxay leedahay qabiil ay ku faanto oo reer hebel layiraa adiguna reerkaas waad laysaa sideed iigu sheegee inaad hooyadaa jeceshahay ?
 
Su,aal kale, inta badan qabiilada Somalidu waxay sameeyaan Alla bari oo waalidkoodii dhintay ay uu duceeyaan, hooyadu waa kamid waalidka dhintay mudnaanteedana sikooban waan u sheegnay, marka alla bariga la samaynayo waxaa sameeya qabiil reer hebel layiraa, waana qabiilka aabaha aad ayey u yyaryihiin dadka alla bariga lasamaysta abtiyaal, xitaa hadii abtiyaal aad lasamayso alla bari ayaga ruuxoodu waa qabiilkii hooyo lakin waxay u ducaynayaan awoowgood aabe dhalay.
Waxaa waajib ah in Hooyo loo duceeyo laga soo bilaabo Xaawa, intii muslim eheed ilaa Hooyadaa, (sax) sideed ugu ducaynee waxaadanba garanayn magacii 3aad ee hooyadaa ee maxaad uducaysaa ayeeyadii 3aad ama kasii horaysay.?
 
In Hooyo sidaan loo gooyo miyeysan qaraaba goysnimo ahayn ? qofkii qaraabadiisa gooya miyaan Allah udhaaran inuu cadaabayo ?
فَهَلْ عَسَيْتُمْ إِن تَوَلَّيْتُمْ أَن تُفْسِدُوا فِي الْأَرْضِ وَتُقَطِّعُوا أَرْحَامَكُمْ أُوْلَئِكَ الَّذِينَ لَعَنَهُمُ اللَّهُ فَأَصَمَّهُمْ وَأَعْمَى أَبْصَارَهُمْ
 
iyo Hadalkii Nabiga CSW
 
 فعن النبي صلى الله عليه وسلم قال: « إن الله خلق الخلق حتى إذا فرغ من خلقه قالت الرحم هذا مقام العائذ بك من القطيعة قال نعم أما ترضين أن أصل من وصلك واقطع من قطعك قالت بلى يا رب قال فهو لك»
Haday noo cadaatay in aan qaraabadii iyo riximkii goynay ma idiin muuqataa in ciqaabta iyo dhibka xalka loo waayey ee Somali haystaa uu nooga yimid riximkii iyo qaraabadii oon goynay ?
 
Walaal hadii ay jiraan wax aan isku feker kanahay arimahaan aan kahadlay fadlan e mail iisoo dir.
Mahadsanid
 
Cabdullahi Cabdi Faarax ( Sujuud )
sujuud2004@hotmail.com

Madaxweynaha oo ku Baaqay Shir ku Saabsan Jubbooyinka

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in dowladda ay gogol u fidinayso dadka dega Jubbooyinka, si maamul loo dhan yahay loogu sameeyo.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live