Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Madaxweynaha oo la kulmay Hon Noriko Shirasu oo ka tirsan baarlamaanka Japan isla markaana la hadlay shacabka Japan

$
0
0

Isla maanta 02da June ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxuu kulan la qaatay Hon Noriko Shirasu oo ah xubin baarlamaanka Japan una qaabilsan xiriirka Africa. Labadan mas’uul ayaa ka wada qeybgalay xaflad oo ay la wada hadleen dadkii Japanese ka ee ka soo qeybgalay.
Madaxweynaha ayaa shacabka Japan siiyey warbixin kooban ee xaaladda Somalia, sheegeyna in maanta uu jiro rajo iyo horumar oo Somalia ay cagaheeda isu taagtay. Madaxweynaha ayaa sheegey inuu ku faraxsanyahay inuu yimaado Japan oo uu la kulmo Ra’iisul Wasaare Shinzo Abe isla markaana xiriirkii Japan iyo Somalia dib loo cusbooneysiiyey. Madaxweynahu waxuu sheegay in Somalia ay rajo weyn ka qabto in Japan ay wax kala qabato sidii dalka dib loogu dhisi lahaa.
Hon Noriko Shirasu ayaa isagana uga mahadceliyey Madaxweynaha Somalia booqashadiisa uu ku yimid Japan, isla markaana sheegey in dowladda Japan ay sii xoojineyso xiriirka labada dal iyo sidii Soomaaliya looga saacidi lahaa dib u dhiska dalka.
Ra’iisul Wasaaraha Japan ayaa ballan qaad u sameeyey madaxweynaha Somalia in shaqalaha sar-sare ee Somalia ay tababar u imaan doonaan dalka Japan si loo kordhiyo xirfadahooda iyo waayo aragnimadooda iyo in Japan ay si toos ah mucaawanada u siin doonto dowladda Soomaaliya. DHAMAAD
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) –Senior Advisor & Spokesperson – Office of the President


Agaasime Hore uga tirsanaa Xukuumadda oo ka cabanaya Kooxda Dam Jadiid

$
0
0

Muqdisho-(Sh.M.Network)-Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare oo Muddooyinkii dambe Ku Jiray Xabsi ay dowladda leedahay ayaa sheegay in loo adeegsaday Ku tagri fal awoodeed.
Muuse Faarax Xeyd Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare oo Shabelle La hadlay ayaa  sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tagri fashay islamarkaasina xilkiisa loo Magacaabay Shaqsi ka tirsan Kooxda Dam Jadiid.
Ex Agaasimahaan ayaa Xusay in Awood iyo Maquunin Loo Isticmaalay  Muddo bandanna uu ku jiray islamarkaasina Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay Xariggiisa ka dambeeyeen kuwaasi oo uu sheegay in awood ay u adeegsadeen.
Sidoo kale Muuse Faarax Xeyd ayaa Carabka ku dhuftay in aan Laga tashan markii xilka laga qaadayay ee uu ku soo Baraarugay Xilkiisii oo Loo Magacaabay Shaqsi ka tirsan Kooxda Dam Jadiid.
Sikastaba ha ahaatee Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya Gaar ahaan Kuwa ka tirsan Kooxda Dam Jadiid ayaa awood gaar ah ku dhex leh Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Fiqi: Shacabka Jubbooyinka waxa ay taageersanyihiin Dowladda Soomaaliyeed

$
0
0

Kismaayo-(Sh.M.Network)-C/Xakiin Xaaji Max’ud Fiqi  Wasiirka Difaaca Xukuumadda Soomaaliya oo wareysi siiyay Idaacadda BBC da Laanteeda Afka Soomaaliga ah ayaa sheegay in Shacabka ku nool Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose in aysan Jirin inaba Taageero ay u hayaan Maamulka Axmed Madoobe hayeeshee ay taageersanyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Cabdi Xakiin Xaaji Max’ud Fiqi ayaa Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Shacabka ku dhaqan Kismaayo ay aad u taageersanyihiin islamarkaana ay  doonayaan Dowladnimada Soomaaliyeed sidoo kalena ay wax qabad ka sugayaan dowladda Soomaaliya.
“ Ma hakin doonaan Shacabka Jubbooyinka taageerada ay La garab taaganyihiin dowladda Soomaaliya” sidaasi waxaa Yiri Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya.
Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa wax Laga Xumaado Ku tilmaamay In la jaro Isgaarsiinta Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose taasi oo uu sheegay in Saameynta ugu ballaaran ay ku yeelatay Shacabka Degan Jubbooyinka.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa Carabka ku dhuftay in wax saameyn ah aysan ku yeelan Isgaarsiinta La Jaray Maadaama isaga iyo wafdigiisa ay wateen Turaayo.
Hadalka Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa uu imaanayaa xilli Axmed Max’ed Islaam ( Axmed Madoobe) Hogaamiyaha Raaskaambooni uu ku adkeysanayo in uu yahay Madaxweynaha Jubbaland State iyadoona ay Xusid Mudantahay in ay Bar bar socdaan Shaqsiyaad kale oo iyaguna sheeganaya in ay yihiin Madaxweynayaasha Maamulka Jubbaland State.

Taliska Ciidamada Sera Leon oo sheegay in ay kaalin wacan ka qaadanayaan Xasilinta dalka

$
0
0

Muqdisho-(Sh.M.Network)-Korneel Max’ed Keyte Taliyaha Ciidamada Sera Leon oo shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa sheegay maruu Saxaafadda La hadlayay in ay yihiin Ciidamada Ka socda dalka Sera Leon Ciidan Leh Awood buuxda islamarkaasina diyaar u ah in ay La shaqeeyaan Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM ee Howl Galka Nabad ilaalinta ah u Jooga dalka Soomaaliya.
Ciidamo Boqol gaaraya ayaa shalay dowladda Sera Leon ay ka soo Dajisay Magaalada Muqdisho kuwaasi oo loo diyaarinayo Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Hadalka Korneel Max’ed Keytana waxa uu imaanaya Xilli Sera Leon ay ka mid tahay dowladaha Ka tirsan Wadamada Afrika ee horay u ballan qaaday in Ciidamo ka qeyb qaata Howl Galka AMISOM ay u soo dirayaan Soomaaliya.

President Hassan Meets Ban KI Moon.

$
0
0

Yokohama (Sh.m.network)-the president of the federal republic of Somalia H.E Hassan Sheikh Mohamud today 02, June met United Nations secretary general in Yokohama, Japan.
The two leaders addressed several issues during their meeting including new Somalia’s ambassador to the U.N Nick Kay who is to replace the outgoing Somalia’s ambassador to the United Nations Mr.  Mahiga.
Mr. Ban Ki Moon praised the positive developments in Somalia and announced that the United Nations will offer full support to Somalia.
Mr. Ban Ki Moon added that the new Ambassador of Somalia Nick Kay will come up with new plans including relocation of United Nations head offices to Mogadishu.
Mr. Mohamud on the other side thanked the UN boss for playing part in the stabilization plan and informed the UN secretary of state that Somalia’s government has put up procedural plans to form federal states within the country.
 

Shabaab oo qof 50-sana jir ku dilay Kabsuuma.

$
0
0


Maxkamad ay leeyihiin xarakada Al-shabaab ee Somalia ka dagalanta oo ku taala degmada Kabsuuma ee G-jubada Hoose ayaa waxa ay dil ku riday qof 50-sano jir ah oo ay ku eedeyen in uu ku shaqeesanayey arimo la xiriira sixirka.
Qofkaasi ayaa waxa ay Shabaabka ku toogteen gudaha degmadaasi.
Xarakada Al-shabaab ayaa tilmaamay in ninkaasi dad badan ay gacantisa ku maqan yihiin ayna ka hortagi doonan cidi lagu arko falalka noocasi oo kala ah.
Ma ahan markii ugu horeysay oo Al-shabaab ay sidaan oo kale qof eeden ugu soo jeedinayaan kuna toogtaan degaanada Jubooyinka.
 
Buraannews.com- Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh oo eedayn u jeediyay maraakiibta ilaalida Xeebaha Soomaaliya, dalbadayna in…

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in kalluumeysatada Soomaalida ay ku dhib qabto ciidamada shisheeye ee ilaalada ka haya xeebaha Soomaaliya iyo kalluumeysiga sharci-darrada ah ee laga wado biyaha Soomaaliya, Madaxweynaha ayaa sheegay in kalluumeysatada Soomaalida ay xarig iyo eedeyn la xiriirta inay burcad badeed yihiin ay kala kulmaan ciidamada shisheeye ee ilaalada ka haya badda Soomaaliya ,wuxuuna intaasi ku daray in maraakiibta waaweyn ee sharci-darrada uga kalluumeysata biyaha Soomaaliya ay xaalufin ba’an ku hayaan badaha Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay inay u awood sheegtaan kalluumeysatada yar yar ee Soomaalida.
Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey shirka horumarinta Afrika ee TICAD ee ku soo gabagaboobay dalka Jabaan kaas oo looga hadlayo sida uu caalamka isaga kaashan karo baabi’inta calaamadaha colaadda, burcad badeedda iyo isla eegidda waxyaabaha sababay ayaa waxa uu sheegay in burcad badeednimada aysan Soomaalida dhaqan u laheyn, ayna bilaabatay markii loo xoog sheegtay kalluumeysatdii Soomaalida aheyd looguna tagay xeebihii ay ka kalluumeysanayeen oo la xoogay, wuxuuna intaasi ku daray Madxweyne Xasan waxa in sidoo kale dhallinyarada ay shaqo la’aanta ku sababtay inay ku biiraan kooxaha hubeysan, isagoo carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in xirfado ay ku shaqeystaan la baro, loona abuuro shaqooyin ay noloshooda ku maareeyaan.
Cabdirisaaq Xirsi Bulxan oo ah agaasimaha xafiiska dhaqanka iyo dhaqaalaha ee Soomaaliya iyo Japan JSECO oo kulanka qaban-qaabiyay ayaa warbaahinta u sheegay in ujeedka shirka uu ahaa sidii sawir wanaagsan dadka Japanese-ka ah looga siin lahaa Soomaaliya, isla markaana loo tusi lahaa inay u furan tahay ganacsi iyo maalgashi.
Souichiro Okuno oo xubin ka ah xisbiga mucaaradka ah ee dimuquraaddiga ee Japan oo kulanka ka hadlay ayaa soo jeediyay in lacagta balaayiinta ah ee ay dowladda dalkiisa ku bixiso howlgalka la dagaallanka burcad badeedda ay habboonaan lahayd in qeyb ka mid ah lagu taageero dib-u-dhiska ciidamada badda ee Soomaaliya, wuxuu sheegay in dhibaatada burcad badeedda Soomaaliya ay saameysay ganacsiga dalka Japan, maadaama ay Soomaaliya ku taallo marin muhiim ah, sidaas darteedna ay keentay in ciidamo la dagaalama burcad badeedda loo diro halkaas.

Dowladda Soomaaliya oo loogu baaqay inay degdeg wax uga qabato arrimo ay ka mid yihiin…

$
0
0

Kulankan ay shalay magaalada Muqdisho ku yesheen Guddiga arrimaha dibadda ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay dhibatooyinka heysta dadka Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada ku yaala wadamada dibadda ah iyo sidii wax looga qaban lahaa boobka iyo dilka lagu hayo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka South Africa.
Markii uu soo gabagaboobay kulanka ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Guddiga arrimaha dibadda ee Baarlamanka Soomaaliya waxa uuna sheegay in kulanka looga hadlay sidii wax loogu qaban lahaa shacabka Soomaaliyeed ee ku xir xiran qaar ka mid ah xabsiyada wadamada dibada ah loona saaray guddi wax ka qabta arintaasi.
Sidoo kale Xildhibaan Dalxa ayaa intaasi ku daray in dhibaatooyin badan ay haystaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka South Africa, isagoona intaasi ku daray in safiirka Soomaaliya ee dalkaasi uu maalmihii ugu dambeeyay uu kulamo la lahaa dowladaasi isagoona kala hadlayay sidii wax looga qaban lahaa dhibatooyinka loo geysto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee magan galyada u tagay dalkaasi.
Kulankan ay shalay yesheen guddiga arrimaha dibada ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxa uu imanayaa xilli dhibatooyin badan ay la kulmayaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka South Africa iyadoo la xaqiijiyey in wiil soomaali ah dhagax lagu dilay kuwo kale oo badana tobaad gudihiis siyaabo kala duwan loogu dilay dalkaasi tiiyo dhaca lagu hayo dadkaasi uu gaaray heer aan waxba laga qaban Karin oo si toos ah loo ugaarsanayo hantida ay soomaalidu ku leedahay dalkaasi .
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda soomaaliya ayaa laga dalbaday inay arrintaasi deg deg ugu howlgasho islamarkaasna ay dowladda koofur afrika kala hadasho xadgudubyada lagu hayo dadka soomaaliyeed ee ku nool dalkeeda.


Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo ka hadlay amaro culus oo ay soo rogeen maamulka Kismaayo, sheegayna…

$
0
0

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay xaaladda magaaladaasi, isagoo ka warbixiyey waxyaabihii u qabsoomay intii uu magaalada ku sugnaa, sidoo kalena waxa uu ka hadlay maamulka Jubbaland go’aankii ay ku demiyeen shirkadaha Isgarsiinta saameyntii ay ku yeelatay wafdigooda iyo dadka shacabka ah.
“Xaaladaha ka jira Kismaayo waxaa kaaga sheegi karaa in shacabka ku dhaqan halkan ay taageero buuxda u hayaan dowladda Soomaaliya, ma maleyn kartid taageeeradaasi inta ay gaarsiisantahay, cid aan magaalada joogin marna ma qiyaasi karo taageerada ay shacabka Kismaayo u hayaan dowladooda Soomaaliyeed” ayuu yiri C/xakiin Fiqi oo wareysi dhinacyo badan taabanayey siiyey Idaacadda BBC-da.
Mr. Fiqi ayaa sheegay in seddex arrimood uu u tagay Kismaayo, isagoo xusay in meel wanaagsan ay u marayaan howlaha uu u tagay magaaladaasi, wuxuuna intaasi ku daray in kulamo uu ugu gogol xaarayo shirweynaha dib u heshiisiinta ee Muqdisho ka dhici doono uu u socdo qeybaha kala duwan ee bulshada, wuxuuna yiri isagoo arrimahaasi ka hadlaya “Fariinta dowladda ee aan wado ayaa tan koowaad ah in amniga laga shaqeeyo, waana howsha ugu weyn ee aan halkan u soo gaarnay aniga iyo wafdigeyga, tan kale ayaa ah inaan reer Kismaayo gaarsiino seddex arrimood oo kala ah in dib u heshiisiinta la sii wado iyo in xaaladda halkaan aan u kuur galno”.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ku tilmaamay arrin aad u qaldan in dadka reer Kismaayo haatan ay heysato caqabado la xiriira Isgaarsiinta oo hawada laga saaray, taas oo uu xusay inay abuureyso xaalado amaan daro, wuxuuna yiri “Dhibaatada ugu badan ee shacabka Kismaayo heysataa waa isgaarsiinta oo marwalba hawada laga saarayo, runtii waxay abuureysaa xaalad bani’aadanimo, waxaa naloo sheegay inay jiraan reer iyo caruurtooda u qaday isgaarsiinta la demiyey, waayo lacaga biilka teleefanadooda ayey ugu jirtay waana lagu demiyey”.
Si kasta oo ay ahaataba maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed ayaa haba yaraatee la kulmin wafdiga wasiirada ee dowladda u dirtay Kismaayo oo muddo todobaadyo ah jooga halkaasi, iyagoo sheegay inaan lagu soo wargelin in wafdi ka socda dowladda uu Kismaayo imaanayaan, sidoo kalena waxaa xusid mudan in C/xakiin Fiqi oo todobaadkii hore lagu xanibay garoonka diyaaradaha Kismaayo isaga iyo wafdi uu hogaaminayey uu hada keliis ku suganyahay magaalada, wafdigii kalena ay dib u soo laabteen.

Madaxweynaha Soomaaliya oo codsi u jeediyay Qaramada Midoobay, sheegayna inay diyaariyeen qorshe ay…

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay kula kulmay magaalada Yokohama ee dalka Japan Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki-Moon, waxayna labada mas’uul ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen ergayga gaarka ee xoghayaha guud ee Q/Midoobay Nick Kay oo maanta oo Isniin ah xilka si rasmi ah ula wareegaya, sidoo kalena waxay ka wadahadleen arrimaha amniga iyo sidii Q/Midoobay ay kaalin hogaamineed uga qaadan laheyd dib u dhiska dalka Soomaaliya.
Xoghayaha guud ee Q/Midoobay Banki Moon ayaa ammaanay dedaalka iyo horumarka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Q/Midoobay ay kaalmo buuxda la garab taagantahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna uga mahadceliyay Madaxweynaha saxiixii ay Soomaaliya saxiixday heshiiska caalamiga ah ee ka hortagga hubka Sunta ah, wuxuuna Banki Moon uu intaasi ku daray in ergayga cusub ee Soomaaliya ka howlgalaya laga bilaabo isniinta Maanta ah inuu la imaan doono isbedel buuxa oo dhammaan hay’adaha Q/Midoobay ay u soo guuri doonaan gudaha dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya oo isna ka hadlay kulanka ayaa u mahadceliyey xoghayaha guud ee Q/Midoobay Bank Moon doorka weyn ee Q/Midoobay ka qaadatay horumarinta Soomaaliya iyo sida dowladda Soomaaliya loogala tashaday magacaabista mas’uuliyiinta sarsare ee Q/Midoobay ee ka howlgalaya Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray Madaxweynuhu in dowladdu ay diyaarisay qorsheyaashii xasilinta dalka oo uu sheegay inay muhiim tahay in dowladdu ay dejiso sharciyaddii lagu dhisi lahaa maamulada dalka si loo helo maamul wanaag oo sal sharciyadeedna leh kaas oo kalsooni siin kara shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ka codsaday Q/Midoobay inay door fiican ka qaadato sidii Soomaaliya hay’adaheeda dib loogu dhisi lahaa oo loo heli lahaa hay’ado tayeysan oo u adeega danaha shacabka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay la kulmay Hon Noriko Shirasu oo ah xubin ka tirsan Baarlamaanka Japan una qaabilsan xiriirka Africa, labadan mas’uul ayaa ka wada qeybgalay xaflad ay la wada hadleen dadkii Japanese ka ee ka soo qeybgalay, Madaxweynaha ayaa shacabka Japan siiyey warbixin kooban ee xaaladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in maanta uu jiro rajo iyo horumar oo Soomaaliya ay cagaheeda dib isugu taageyso sida uu yiri, isagoo intaasi ku daray inuu ku faraxsanyahay inuu yimaado Japan oo uu la kulmo Ra’isul wasaare Shinzo Abe, isla markaasna xiriirkii Japan iyo Soomaaliya dib loo cusbooneysiiyey.

Howlgallo saakay ka soconaya Muqdisho.

$
0
0


Ciidamada dowlada Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa saakay oo isniin ah ku jarmaaday xaafadaha degmooyinka  Waberi iyo Xamar Ja jabab ee G-banaadir iyagoona intii howgladaasi ay soconayeen kusoo qab qabtay dad farabadan.
Howgalka oo ay horey u shegeen saraakisha dowlada Somalia in uu yahay mid lagu sugaya amaanka magaalada Muqdisho ayaa maal mihi ugu danbeeyay waxa uu ka dhacayay degmooyinka G-banaadir.
Howgalka manta ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sameyn ku yeeshen wariyaal ka shaqeeya idaacadaha maxaliga eek u yaala caasimada Somalia.
Weli howgalada wa ay soconayaan mana jiraan saraakisha dowladaoo faafahiyay.
 
Buraannews.com- Muqdisho

Madaxweynaha Somalia oo dhiidhiyay dhibatada somalida konfur afrika

$
0
0


Madaxweynaha Somalia Xasan Sheeq Maxamuud oo kula kulmay wadanka Japan madaxweynaha wadanka K-Afrika Jokab Suma ayaa waxa ay kawada hadleen dhibatada Somalida wadankaasi lagu nool ee halkaasi ku heysata.
Xasan shiiq waxa uu dhigiisa wadanka Konfur Afrika u sheegay in loo bahan yahay in Somalida la badbaadiyo iyagoona halkaasi ganacsi u jooga.
Madaxweynaha Somalia ayaa shegay in wasiirka arimaha dibada Somalia ay la xiriiri doonto wasaarada arimaha dibada wadankaasi si ay ugala hadasho dhibaatada wadankasi ku heysato somalida wadankaasi ku ganacsata.
Somalida ku nool wadanka Konfur afrika ayaa burcad madow ah dhibatada kala kulma burcadasi oo dhac iyo dil u geesta.
 
Buraannews.com- Muqdisho

Maxaabiis Soomaaliyeed oo dhibaato ay ku heysato Xabsi ku yaalla dalka India

$
0
0

Mumbai-(Sh.M.Network)-Dhalinyaradaan Soomaalida ah oo gaaraya ku dhawaad 120 qof oo ku xiran Xabsi ku yaalla Magaalada Mumbai ee dalka India ayaa waxa ay Walaac Ka muujiyeen dhibaatooyin kala duwan oo ku heesta Xabsigaasi.
Qaar ka mid ah Dhalinyarada Maxaabiista ah oo La hadlay Idaacadda Shabelle  ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xilliyo kala duwan Xeebaha Soomaaliya laga soo qab qabtay iyagoo xusay in qaarkood ay ahaayeen Kalluumeysato halka kuwa kalana ay ahaayeen Tahriibayaal iyadoo lagu eedeeyay in ay yihiin Burcad badeed.
Maxaabiistaani ayaa tilmaamay in qaarkood ay xiranyihiin illaa iyo Seddex sano iyagoo ugu dambeyntii dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbaday in ay wax ka qabato dhibaatadaasi heysata.
Dhalinyaradaan Soomaalida ah oo Ku xiran Xabsi ku yaalla Magaalada Mumbai ee dalka India ayaa dhibaatooyinka ugu ba’an ay ka cabanayaan waxa ay yihiin Jirdil,xaalad Caafimaad xumo iyo dhibaato ku heysata Xabsigaasi.
Maaha markii ugu horeysay oo Cabasho ay ka soo yeerto dhalinyarada Soomaalida ah ee ku jira xabsiyo kala duwan oo ku yaalla Caalamka dacalladiisa.

Guddiga Arrimaha dibadda Baarlamaanka oo ku baaqay in dowladda ay il gaar ah ku eegto dhibaatada haysata Soomaalida ku nool dibadda

$
0
0

Muqdisho-(Sh.M.Network)-Prof: Max’ed Cumar Dalxa oo ah Guddoomiye Ku xigeenka Guddiga Arrimaha dibadda Baarlamaanka Soomaaliya oo La hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kulan Guddiga Arrimaha dibadda Baarlamaanka ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho ay uga hadleen Hindiso Sharciyeed ay u soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa sheegay in sidoo kale ay uga hadleen Maxaabiis Soomaaliyeed oo ku dhibaateysan qaar ka tirsan wadamada Afrika iyo qaaradda Yurub isagoona ku baaqay in dowladda Soomaaliya ay gacan ka geysato sidii loo sii deyn lahaa dhalinyaradaasi.
Xildhibaan Max’ed Cumar Dalxa Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha dibadda Baarlamaanka ayaa dowladda Turkiga ugu baaqay in ay sii daayaan fanaanad Soomaaliyeed oo ku xiran dalka Turkiga.
Hadalka Guddiga Arrimaha dibadda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa imaanaya Xilli Maxaabiis Soomaaliyeed ay ku dhibaateysanyihiin qaar ka tirsan Xabsiyo ku yaalla Wadamada Caalamnka.

Al Shabaab oo soo Bandhigay Maxaabiis Ciidamo Kenyan ah

$
0
0

Kismaayo-(Sh.M.Network)-Dadka ku sugan degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe oo la soo xiriiray Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay Shabelle u sheegeen in Gelinkii dambe ee shalay Fagaaro ku yaalla degmadaasi ay dagaal yahanno ka tirsan Ururka Al Shabaab ay ku soo bandhigeen 2 Nin oo ay sheegeen in ay yihiin Kenyan islamarkaana ay ku soo qabteen Weerar gaadmo ah oo Ururka Al Shabaab ay ka fuliyeen deegaanka damagaale ee dhaca Gudaha dalka Kenya.
Saraakiil Ka tirsan Ururka Al Shabaab oo goobta oo si weyn loo adkeeyay Ammaankeeda ka hadlay ayaa sheegay in Raggaan ay ka tirsanyihiin Ciidanka Kenya ayna ku soo qabteen Howl gal gaar ah oo ay ka fuliyeen Gudaha dalka Kenya.
Gaadiid dagaal oo qaarkood ay ku rakibanyihiin Hubka lidka diyaaradaha ayaa la soo dhigay Goobta waxaana dadka deegaanka ay ka cabsi qabeen duqeymo diyaaradaha Kenya ay ka geystaan Magaaladaasi.
Dhinaca kale Deegaanka Kamsuuma ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa wararka laga helayo waxa ay ku soo warramayaan in kooxo ka tirsan Ururka Al Shabaab ay halkaasi ku dileen kadib markii ay ku eedeeeyeen in uu ahaa Sixirool.
Saraakiil Al Shabaab ka tirsan oo Goobta ka hadlay ayaa tilmaamay in Ninkaan uu adeegsanayay Masas iyo yaxaasyo uu dadka ku dilo.
Dadka deegaanka ayaa Cabsi ay soo food saartay markii ay indhahooda qabteen dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab oo Rasaas si xoogan ula dhacaya Ninkaasi lagu eedeeyay in uu ahaa Sixirool.
Wararka laga Helayo Kismaayo ayaa waxa ay iyana sheegayaan in xiisad u dhexeyo Labo Maleeshiyo ay halkaasi ka taagantahay.
Wararka ayaa intaasi kudaraya in Isgaarsiinta Magaalada ay si aad ah u xuntahay dhinaca kalana uu sicir barar baahsan ku yimid qiimaha la iibiyo Raashinka qutul daruuriga ee Magaaladaasi.


Qaramada Midoobay oo sheegtay in caqabadda ku hor gudban Soomaaliya in ay tahay Al Shabaab

$
0
0

Muqdisho (Sh.M.Network)—Qaramad Midoobay ayaa Shaaca Ka qaaday in ay Ka go’antahay Taageerida Dowlada Fedaralka Soomaliya uu Madaxda  ka yahay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyadoo  Dhinaca Kalana Ambasador Mahiga ayaa Sheegay in Caqabada ugu Ballaaran ee hortaagan dowladda Soomaliya ay tahay Al Shabaab.
Danjiraha Cusub ee Soomaliya Nicolas key oo Muqdisho soo Gaaray ayaa Sheegay in Qaramada Midoobay ay Ka go’antahy  taageeridda Soomaliya si ay ugu Guuleysato Gacan ku heenta Dalka .
Mr key ayaa Xusay in Muqdisho uu ka bilaabayo Howlihii horay  uu uhayay Danjiraha Q/m u Fadhiyay Soomaaliya Augustine Mahiga isagoona Dowladda Soomaaliya ka codsaday in laga Gacansiiyo Howsha loo igmaday .
Wakiilkii hore ee u Qaabilsanaa Qaramada Midoobay  Ambasador  Mahiga ayaa Sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Ka guuleysatay Dhibaatoyinkii iyo Caqabadhi horyiilay Balse uu Carabka ku Dhufay in Caqabada hortaagan haatan  ay tahay Ururka Al shabaab oo xirir laleh Al Qaacida.
Shalay Waxaa Muqdisho Soo gaaray Wakiilka Cusub ee Soomaliya ee u Qaabilsan Q/M kaasi  oo ay soo dhaweeyeen  Masuuliyiin Ka tirsan Dowladda Soomaliya isagoona Kulan Saacada badan qaatay La yeeshay Ra’isal Wasaaraha Soomaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Faah faahinno ka soo baxaya dagaallo ka dhacay Duleedka Magaalada Beydhabo

$
0
0

Muqdisho (Sh.M.Network)—Saraakiisha Dowlada Soomaliya ee Gobolka Bay ayaa Sheegay in Duleedka Magaalda Baydhabo ay Ku dileen Rag ka Tirsan Xarakada Al Shabaab.
korneel Xasan Baydhabo oo Ka mid ah Saraakiisha dowlada Soomaliya oo iminka Ku sugan Gobolka Bay oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa Waxa uu Sharaxaad Ka bixiyay Dagaal ay kula galeen Duleedka Magaalad Baydhabo Ciidamo ka tirsan Al Shabaab.
Korneelka ayaa sheegay in ay ka dileen Al Shabaab dhowr dagaalyahan islamarkaasina ay haatan gacanta ku hayaan deegaanadii lagu dagaalamay ee intu u dhexeysa Magaalada Beydhabo iyo Goof gaduud ee Gobolka Bay.
Sikastaba Xaaladda Deegaanadii lagu dagaalamay ayaa saaka ah kuwa degan waxaana sida ay ku soo warramayaan dadka deegaanka Howl gallo ay ka socdaan halkaasi kuwaasi oo aan la shaacin cidda lagu soo qabtay.

Siyaasiyiin Faroole ku eedeeyay in uu iska hor keenayo Beelaha Jubbooyinka

$
0
0

Muqdisho (Sh.M.Network)-Siyaasiyiintaan iyo Xildhibaanadaan Horay uga tirsanaa Baarlamaankii KMG ayaa Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ku eedeeyay in uu ka shaqeynayo Colaad dhexmarta dadka dega Jubbooyinka.
Siyaasiga Boot Cabdulle Magan oo  ka  mid ahaa Xildhibaanadii KMG ahaa oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland uu wado qorshooyin uu isaga horkeenayo beelaha dega Jubbooyinka taasina waxa uu sheegay in ay tahay mida kaliya ee wax ka qabashada u baahan.
Mr Boot Cabdulle  Magan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxweynaha Puntland iyo Hogaamiyaha Raaskaambooni ay wadaan qorshooyin Kheyraadka Jubbooyinka ay ugu gacan gelinayaan dowlado shisheeye oo Kenya ay ka mid tahay sida uu hadalka u dhigay.
Sikastaba dhawaan ayaa Madaxweynaha Maamulka Puntland waxa uu sheegay in  Maamulkiisa uu taageerayo Maamulka Axmed Madoobe  ee looga dhawaaqay Jubbooyinka isagoo u Mahad celiyay dowladda Kenya sida ay u taageereyso Maamulka Jubbaland sida uu yiri.

Ra’isal Wasaare Saacid oo wax laga xumaado ku tilmaamay dhibaatooyinka Soomaalida loogu geysto K.Afrika

$
0
0

Muqdisho (Sh.M.Network)Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhibaatada loo geysanayo dadka Soomaaliyeed ee Ku nool dalka Koofur Afrika.
Mudane Saacid ayaa tilmaamay in muddooyinkii dambe ay sii laba jibaarmeen dhibaatada loo geysto dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan waddanka Koofur Afrika isagoo ka codsaday dowladda K.Afrika in ay wax ka qabato dhibaatooyinkaasi.
Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa ku sii qul qulayay dalka Koofur Afrika tan iyo bur burkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaana had iyo goor ay kala kulmaan burcad Madow ah oo ku sugan dalkaasi dhibaatootin dhac,dil iyo handadaad isugu jirta ee ka dhan ah Howlaha ay ka wadaan Gudaha dalkaasi.

Prof Jawari calls for the international community to help Somalia in the reconstruction process

$
0
0

Mogadishu-(Sh.M.Network)-the speaker of the Somalia National assembly has urged the international community to help the country in the reconstruction process.
Mohamed Sheikh Osman Jawari who is Somalia’s speaker of national assembly has urged developed countries to help the federal government in speeding up major government public facilities in the reconstruction process.
Mr. Jawari added that by putting up public facilities, the government will be able to provide security for the members of the public.
Mr. Jawari finally requested the United Nations to continue cooperating with the federal government and the Somalia citizens to achieve a long lasting peaceful atmosphere in the country.
The speaker was speaking at an event welcoming the newly appointed United Nations commissioner to Somalia.
 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live