Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Mid ka mid ah Odayaashii Baarlamaanka Soomaliya xoo xulay oo xalay la dilay iyo tirada inta la dilay waqtigii odayaashaasi la kala diray oo kortay

$
0
0

Waxaa xalay magaalada Muqdisho lagu dilay mid ka mid ah odayaashii dhaqanka ee soo dhisay  baarlamaanka dowlada federaalka ah ee Soomaaliya kaasi oo lagu magacaabi jiray Aamiin Cali Muumin,waxaana la sheegaya inay dilkiisa ka dambeeyeen kooxo ku hubeysan oo aan la ogeyn waxa ya yihiin sababta ay u dileen.
Marxuumkan waxaa la dilay xilli uu ku sugnaa Banaanka hore oo hoygiisa,waxaana la sheegaya inay dilkiisa ka dambeeyeen kooxo bistoolado ku hubeysnaa kuwaasi oo la sheegay inay ka baxsadeen goobtii  dilku ka dhacay oo ah Degmada Dharkeynleey ee Gobolka Banadir, ciidamada dawlada federaalka ah ee farisiinka ku leh degmada Dharkeyleey ayaa la sheegaya inay halkaasi soo gaareen balse aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan dadkii dilka geystay  isla markaasna waxay baaritaano dheeri ah ka sameeyeen  meesha dilku ka dhacay oo la sheegay in lagu tuhunsan yahay in kooxda dilka fulisay ku dhumaaleysaneysay.
Ugu dambeyntii waxa dilkan marxuumkan qayb ka yahay dilal tan iyo intii la kala diray odayaashaasi lala beegsanaey waxaana la sheegay in tan iyo markii odayaasha  dhaqanku  soo xuleen baarlamaanka soomaaliya in la dilay ilaa iyo 12 ka mid ahaa xubnahaasi baarlamaanka soo dhisay
Ugaas maxamed bashiir oo ka mid ah odayaashii soo xulay baarlamaanka dowladda soomaaliya ayaa sheegay in tan iyo waqtigii la soo gabagabeeyey shirkii lagu soo xulayey baarlamaanka odayaashii soo xulay laga dilay sida uu yiri ilaa 12 ka mid ahaa odayaashaasi,isagoo dhaliil aadiyey dowladda soomaaliya oo uu sheegay inay dacday odayaashaasi aysanna jirin cid ilaalineysa ammaankooda,isagoo ugu baaqay dowladda soomalaiya inay ammaanka odayaasha wax ka qabato
“Anagga laba qeybood ayaan khatar nagu haya, kuwo waa kuwa ka soo horjeeda dowladda soomaaliya ,kuwa kalena waa kuwii kuraasta kawaayey baarlamaanka,mid uu yahana ma ogin cidda dishay ugaaska la dilay ayuu yiri ugaas maxamed bashiir oo intaasi ku daray in markasta sida uu yiri hanjabaadyo loo soo diro,taas oo sheegay inay labada dhinacba ka timaado,isagoo xusay in isaga qudhiisa dhowr fariimo hanjabaad ah loo soo diray.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar


Ciidamada maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay Sheekh caan ah oo ay

$
0
0

Ciidamada Booliska ee magaalada Burco, gaar ahaan ciidanka loo yaqaan RRU, ayaa magaalada Burco habeen hore ku qabtay Sheekh Siciid Axmed Jaar, oo ka mid ah guddiga horumarinta gobalka Togdheer, guddiga jaamacadda Burco, guddiga wanaag farista, waxaanu sidoo kale ka mid yahay mulkiilayaasha shirkadda isgaadhsiinta ee Afro-online.
Ciidamada RRU ayaa hawlgal ay saqdii dhexe ee habeen hore ka sameeyeen Burco, waxa ay ku qabteen dhawr qof oo uu Sheekhani ka mid ahaa. Lama garanayo sababta keentay xarigga dadkaasi, inkastoo ay jiraan sida laga sooxigtay saraakiil ka tirsan booliska Somaliland oo ku dooday inay dadkaasi  lagu eedeeyey inay xiriir la leeyihiin xarakada Alshabaab.
Dadka kale ee la qabtay waxa ka mid ah saddex wiil oo walaalo ah, kuwaas oo ay wararka qaar sheegayaan inay ciidamadu raadinayeen aabahood oo ay wakhtigaas guriga ka waayeen. Waxaana la sheegay in dhammaan dadkaasi Burco laga soo qabqabtay loo qaaday dhinaca maagalaada  Hargeysa, qoyska Sheekh Siciid, ayaa saxaafadda u sheegay inay ciidamadu  si fool xun ugu soo daateen gurigooda iyagoo burburiyay albaabadii guriga , inkastoo  uu Sheekh Siciid, markiiba raacay.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Wasiirka amniga maamulka Puntland oo ka badbaaday shirqool la doonayey in lagu dilo

$
0
0

Qarax xoggan ayaa xalay fiidkii laga maqlay qaybo ka mid ah magaalada Garoowe, kaas oo ka dhacay afaafka hore hore ee guriga uu ka deganyahay magaalada Garoowe Wasiir ku xigeenka Amniga Puntland Cabdijamaal Cusmaan kaaso loogu aasay Gurigiisa hortiisa balse Ciidanka amniga ay ka warheleen.
Sida warku sheegayo Ciidanka Booliiska ee u tababaran dhanka Miinooyinka Puntland ayey  u suuragashay in Isla Goobta ay ku qarxiyaan Miinada la aasay taasoo aysan Cidina wax ka soo gaarin kadib markii Saacado ka hor ay ciidanka amniga goobta sii xereen sida ay warbaahinta  u sheegeen Goobjogayaal. Waxaana sidoo kale guriga qaraxa la galiyey uu ka soo horjeeday Guriga uu sida gaarka u leyahay Madaxweynaha Puntland C/raxman faroole inkastoo aanu hadda deganeyn
Taliyaha Qaybta Gobolka Nugaal C/Raxmaan Xaaji Abshir oo la hadlayay Saxaafada Gudaha ayaa sheegay 5tii Galabnimo ee shalay  ay dad dagan Xaafada 1da Augost kusoo wargeliyeen in ay arkeen meel la dhigay Walxaha qarxa kadibna ay ciidanka Miina Baara ee Puntland  iyo  kuwa Amniga ay aagaasi xireen iskuna dayeen in ay baaraan nooca ay tahay miinada iyo Qasaaraha ay geysan karto, wuxuuna taliyuhu sheegay in Ciidanka Markii Dambe ay ku guuleysteen gabaldhicii in ay Qarxiyaan miinada oo aysan cidina waxba ku noqon, mar uu u waramayay Idaacada Radio Garoowe.
“ Nooca Miinada waa mid gacan ku samays ah waana nooca loo yaqaan IED waxaana la dhigay Xaafada 1da Agoust qorshe ayaana kolay lala damacsanaa in lagu fuliyo waana nooca lagu hago Mobilka laakiin sidii la rabay ma noqon waan ka hortagnay waana hor istaagnay in ay miinadaasi dadka wax yeesho,kuwa caadeystay in ay dad daaqadohooda ay miino dhigaan waxaan leeyahay waan idinku daba joognaa waajibkiina ayaana idin marin doonnaa, kuwa hada falkaan geystayna raadkooda ayaan ku daba joognaa waana soo qaban doonnaa ayuu yiri Taliyaha Qaybta Gobolka Nugaal.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Maamulka Kismaayo oo iska fogeeyay eedeyn uga timid Shacabka ku dhaqan Kismaayo

$
0
0

Kismaayo (Sh M Network)—Iyadoo wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ay sheegayeen in Ciidamada Raaskambooni uu hogaamiyo Axmed Islaam Axmed Madoobe ay ku amreen Dadka Shacabka ah ee ku dhaqan Xaafado qaar ee ka  tirsan Kismaayo inay isaga baxaan isla markaan Waxgaradka ku dhaqan Kismaayo oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday inay ka xunyihiin amarka ka soo baxay Maamulka uu hogaamiyo Axmed Madoobe kaa oo ku aadan in Xaafado qaar Shacabka ku dhaqan ay isaga baxaan.
C/laahi Cabdi Yuusuf, Guddoomiyaha Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose oo la hadlay Saxaafada ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay inaysan jirin wararka ku aa aadan inay ku amreen qaar kamid ah Shacabka reer Kismaayo inay isaga baxaan Hooyga ay ka deganyihiin Xaafado ka tirsan Magaalo Xeebeeda Kismaayo.
Sikastaba Hadalka ka soo yeeray Guddoomiyaha Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa waxa uu imaanayaa xili Shalay Cabasho xoogan ay ka soo yeertay Shacabka ku dhaqan Magalada Kismaayo taa oo ku aadan in lagy bilaabay barkicin Xaado qaar oo sida ay sheegeen inminka ay ka deganyihiin Magaaladaasi Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Maamulka Somaliland oo Xabad joojin kala dhexdhigay Maleeshiyo Beeleed Ku Dagaalamay Degaano ka tirsan Sanaag

$
0
0

Sanaag (Sh M Network)—Kadib markii Dagaal Beeleed Khasaaro xoogan geystay uu ka dhacay Degaano ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa waxaa la sheegay in Maamulka Somaliland ay xabad joojin dhexdhigeen Maleeshiyo Beeleedyadii uu halkaasi ku dhexmaray Dagaalka.
 Wasiirka Arrimaha Gudaha C/laahi Wancade iyo Cutubyo ka tirsan Ciidamada Maamulka Somaliland ayaa goobta gaaray kuwaas oo la sheegay inay Xabad joojin ka dhex sameeyeen dhinacyadii ku Dagaalamay Degaanka Oog ee Gobolka Sanaag.
Khasaarah dhabta ah ee ka dhashay Dagaalka ayaan la ogeyn hase ahaatee C/laahi Wancade  Wasiirka Arimaha Gudaha ee Maamulka Somaliland oo la hadlay BBC-da ayaa xaqiijiyay inay ka dhex sameeyeen Xabad joojin Maleeshiyo Beeleedkii halkaasi ku Dagaalamay.
Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Sanaag waxaa inta badan ku Dagaalama Maleeshiyo Beeleedyo waxaana Maamulka Somaliland ay sheegaan in Maleeshioyo Beeleedyadaasi ay waan waan kala dhex dhigayaan mana ahan markii ugu horeesay Gobolka Sanaag ay ku Dagaalamaan Maleeshiyo Beeleedyo dega Gobolkaas.

Ancelotti oo Diego Lopez u ballan qaaday booska koowaad ee goosha Madrid

$
0
0

Macallinka Real Madrid, Carlo Ancelotti  ayaa sheegay in xilligaan Diego Lopez uu yahay dooqiisa koowaad ee goosha kooxda Madrid kagadaal markii uu ciyaaryahanka kusoo billowday kulankii labaad ee isku xiga ee horyaalka.
Iker Casillas ayaa mar kale kursiga keydka la galiyay kulankii Los Blancos 1-0 kaga badisay kooxda Garanada Isniintii, taas oo sii kordhisay hadal-heynta goosha kooxda caasimadda ka dhisan.
“Diego wuxuu ciyaaray ciyaartii koowaad, sidoo kale ciyaartii labaad ayuu hadda ciyaaray, si wanaagsan ayuu u ciyaarayaa ilaa hadda, ma jirto wax intaas dheer” ayuu saxafiyiinta u sheegay ciyaarta ka dib.

Buraannews.com-Muqdisho

Wasaarada Arimaha Gudah iyo Amniga Qaranka: Shacabka Soomaaliyeed yaan la dhibaateyn

$
0
0

 Muqdisho (Sh M Network)—Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Axmed Maxamed oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa waxa uu ka codsaday Ciidamada DFS inaysan waxyeeleyn Shacabka Soomaaliyeed xiliyada ay sameenayaan Howlgallada waxuuna tilmaamay in Sharaf darro ay ku tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay Waxyeeleyso Shacabkeeda intii ay ka hortagi laheyd dhibaatada soo gaareysa.
Hadalka Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Axmed Maxamed ayaa waxa uu ku soo beegmayaa Xili ay marar qaar dhacdo in Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay waxyeeleeyaan Shacabka Soomaaliyeed Xili ay sameenayaan Howlgallada ay ku xaqiijinayaan amaanka Magaalada Muqdisho.
 

Alshabab accused of killing civilians in Mustahil, Hiran region

$
0
0

 
Mustahil (Sh.M.Network)- Alshabab fighters launched attacks on Mustahil town in Hiran region yesterday which resulted in heavy casualties including the death of civilians.
Ahmed Abdalla Osman Inji who is among the politicians residing From Hiran region said that Alshabab fighters massacred civilians in the town.
The politician added that no troops were present in the town when the fighters attacked the civilians who mainly pastoralists and farmers.
The politician’s word comes a day after Alshabab claimed the killing of Ethiopian government officials in the town.


Collective efforts essential for progress as Somalia faces critical moment – UN envoy

$
0
0

The top United Nations envoy in Somalia today stressed that collective and coordinated efforts from the Government as well as regional and international organizations are needed to achieve progress in the east African country.
“Progress is being made in Somalia, but the goals are reversible if we do not maintain and increase our collective efforts,” the Secretary-General’s Special Representative for Somalia, Nicholas Kay said at the 392nd meeting of the African Union Peace and Security Council in Addis Ababa, Ethiopia. “To fail to do this would have serious consequence in and beyond Somalia. Let us not run that risk.”
Somalia has been torn asunder by factional fighting since 1991 but has recently made progress towards stability. In 2011, Islamist Al-Shabaab insurgents retreated from Mogadishu and last year new Government institutions emerged, as the country ended a transitional phase toward setting up a permanent, democratically-elected Government.
Mr. Kay highlighted some the achievements of the Federal Government of Somalia since it was formed almost a year ago, including the Parliament’s launch of a Constitutional Review Process that would involve civil society, and a law establishing a Constitutional Review Commission.
“Collectively, we have achieved a lot and I genuinely believe we are on the brink of achieving great things in terms of helping Somalia in its task of peacebuilding and State-building,” he said. “We should not lose focus and we should increase our efforts at this critical moment.”
However, he warned that there remain serious challenges, including terrorism, piracy and the security situation which remains volatile in the southern part of the country. In June, Al Shabaab operatives perpetrated a complex attack on the UN Common Compound killing staff as well as Somali civilians. This incident was followed by a similar attack on a facility adjacent to the Turkish Embassy in Mogadishu, which injured and claimed both Turkish and Somali lives.
Mr. Kay, who also heads the UN Assistance Mission to Somalia (UNSOM), reiterated the UN’s commitment to support the African Union Mission in Somalia (AMISOM) through its support office for the AU Mission (UNSOA) and the mobilization of funding for AMISOM.
Created in 2007, AMISOM conducts peace support operations in Somalia to stabilize the situation in the country to create conditions for the conduct of humanitarian activities.
“The United Nations looks forward to working jointly with the AU and in close consultation with the Federal Government, in undertaking a review of the deployment of AMISOM,” Mr. Kay said. “I hope too that it will give due emphasis to the importance of making rapid and significant progress on enhancing the capacity of the Somali national security forces.”
 

“Siilaanyo Wuu Fashilmay Sidii Uu Hoggaankii SNM-ba Ugu Fashilmay, Maantana Dalku Waa Is Dhex Yaac Oo Waa Bilaa Darawal” Faysal Cali Waraabe

$
0
0

Hargeysa (idhanka) Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe,ayaa daboolka ka qaaday inay kal-soonida kala noqonayaan madaxweyne Axmed Siilaanyo d aan laga wada tashan caqabadaha dalka horyaala,waxaanu si adag u sheegay in mudaharaadyo ay ku baaqi doonaan haddii wada tashiga loo soo noqon waayo.
Waxa uu gudoomiye Faysal uu sheegay in madaxweyne Siilaanyo uu [...]

Madaxweynaha Somalia oo ku dhawaaqay Golaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed

$
0
0

Muqdisho (Sh M Network)—Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta Digreeto uu soo saaray ku magacaabay Golaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed oo leh Xogheyn gaar ah oo dabagal ku sameysa fulinta go’aanadda Golaha Amniga Qaranka.
Golaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed waxaa guddoomine ka ah Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana xubin ka ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Wasiiradda Gaashandhiga, Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Maaliyadda, Arrimaha Dibedda iyo Garsoorka. Sidoo kale waxaa xubno farsamo ka ah Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga, Booliska, Nabadsugidda iyo Asluubta
Golaha Amniga Qaranka Soomaaliya ayaa usbuuciiba mar lagu wadaa inay kulmaan oo ay dejiyaan Istraatejiyada iyo siyaasadda Amniga Dalka.
Eng C/raxmaan Cusmaan Yariisow Afhayeenka MAdaxweynaha Soomaaliya ayaa saxaafada faah faahin ka siiyay Digreetada maanta uu Madaxweynaha ku magacaabay Golaha Gudiga Amniga Qaranka Soomaaliya.
Afhayeenka Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay waxa uu Gudigan maanta uu ku dhawaaqay Madaxweynaha uu ka badalan yahay Gudiyadii hore ee Amniga.
Sikastaba Gudigani uu maanta ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo ay xusid mudan tahay in amaanka Magaalada Muqdisho iyo Degaanada kale oo ay Dowladda gacanta ku hayso uu faraha ka baxayay amnigooda isla markaana ay ka dhacayeen Qaraxyo iyo Dilal qorsheysan oo qaarkood loo geysanayo Dadka Rayidka ah iyadoo Jidadka qaarkood ay yaalaan Dhagaxyo sida Dowladda ay sheegtay lagu xaqiijinayo amaanka Magaalaada Caasimada ah ee Muqdisho.

War Deg Deg Ah: Doonni Buuxda Oo Ay Saaran YihiinTahriibayaal Somali Ah Oo Jihadu Ka Hallawday Heehaabaysana Badda U Dhaxaysa Liibiya Iyo Talyaaniga Iyadoo laga Dayriyey Xaaladdooda Haddii Aan Loo Samayn Gurmad Deg Deg Ah

$
0
0

Borama (Idhanka):- Wararkii ugu dambeeyey ee daqiiqado ka hor naga soo gaadha Liibiya ayaa sheegaya in Tahriibayaal Somali ah oo habeen hore ka shiraacday dalka Liibiya ay haatan xaaladdoodu adag tahay, kadib markii ay jihadu ka hallawday.
Mar aanu goor dhawayd la xidhiidhnay mid ka mida raggii doonta waday ayaa noo sheegay in xaaladdoodu ay khatar [...]

Ururka Dhaqaatiirta Aduunka oo sheegay inay siiwadayaan Tageerada Soomaaliya

$
0
0

Ankara (Sh M Network)—Ururka Dhaqaatiirta Caalamiga ah ee looyaqaan (Doctors Worlwide) ayaa maanta waxeey shaaca ka qaadeen  inay sii joogteen doonana caawinaadda dhinaca caafimaadka ee ay siin jireen dadka ku dhibaataysan gudaha Soomaaliya.
Dr .Kerem Kinik oo ah Madaxa Ururka Dhaqaatiirta Caalmka ayaa sheegay inay Soomaaliya ka wadaan mashaariic lagu hormarinayo xarumaha caafimaadka Soomaaliya,kuwaasi oo gacanweyn ka helo Ururka Dhaqaatiirta Caalmka.
Dr. Kerem ayaa sidoo kale sheegay in howlahooda shaqo aysan saameyn ku yeelan doonin dhibaatooyinka dhinaca ammaanka ee xiliyada qaar ka dhaco Soomaaliya,wuxuuna intaasi ku daray inaysan marnaba joojin doonin howlaha Samafaleed ay ka wadaan Soomaaliya.
Kerem Kinik Madaxaha Ururka Dhaqaatiirya Caalamig ayaa Xusay in Muqdisho ay ka hirgaliyeen isbitaal dhismihiisa uu ku baxay 1 million oo dollar, isla markaana ay sii wadi doonaan howlaha caafimaad ee ay ka wadaan Soomaaliya.
Ugu dambeyntii Masuulkaan ayaa Tilmamaay in Soomaaliya ay ka fuliyeen Mashruuc balaaran oo lagu daweeyay in kabdan 40 Kun oo Isugu Jira Caruur Iyo Haweyn,Waxuuna sheegay in Mashruucaasi ay ku baxday lacag dhan 3 milyan oo doolarka Mareykanka,islamarkaan Soomaaliya ay u so direen ilaa 120 Daqtar oo qeyb ka ahaay  Mashruucaasi.
 
 

ILMIHII U HOREYEY OO LA ISKU QABSADO OO DNA LAGU KALA SAARO

$
0
0


Goor galab ah, taariikhdu markay ahayd 28/1/2013 ayaa dabley hubeysan waxay soo weerartay guri ku yaala xaafada garsoor ee Galkacyo, kadibna waxay xoog ku kaxaysteen wiil yar oo afar sano jir ah. Dablaydan markii wiilka ay afduubteen waxay jir dil u geystaan hooyadii wiilka dhashay oo lagu magacaabo Deeqo Cumar Maxamed. Waatan wiilka la afdhuubtay hooyadii oo nooga waramaysa sida wax u dhaceeen.
Darbiga guriga ay niman hubaysan ka soo daateen, kadibna wiilka ayaa mid kamid ah gacanta ku dhigay, waana kadaba booday oo wiilka ku qabsaday, laakiin darbaaxo iyo hantaatuqeyn ayay iigu jawaabeen.
Dablaydii waxay la baxsadeen wiilkii oo meel ay la aadeen lama oga. Intaa kadib wiilka waalidkiis waxay isku dayeen in ay aqoonsadaan haybta dablayda. Waxaana u cadaadatay in ay yihiin jifiyada Galkacyo degan mid ka mid. Eheladii wiilka la dhacay, waxay ergo ugu tageen odayaashii iyo waxgaradkii dableyda. Odayaashii qolada wiilka dhacday oo ergooyin isdaba jooga dhowr gogol uga codsadeen in ay wiilka dib gacantooda ugu soo celiyaan, wixii dood qabana ay shareecada islaamka ku kala baxaan, ayaa isku dayey in ay wiilka ka soo celiyaan dableydii afduubay. Laakin kuma aysan guuleysan.
Eheladii wiilka la afdhuubay waxay warar hoose ku heleen in wiilka lagu hayo degaanka Somalia Ethiopia, gaar ahaan agaarka degmada Bookh.  Ehelkii wiilka la afduubay waxay dacwad geeyeen degmada Bookh ee ismaamulka soomalida ee Ethiopia. Halkaan oo maxkamadu ay kiiska ka furtay.
Maxkamada Degmada Bookh waxay amartay in wiilka iyo cidii afduubka ku haysatay ay soo hor istaagaan Maxkamada horteeda, halkaasna ay ka sheegtaan wixii dacwad ay qabaan.
Booliska degmada bookh iyo maxkamada oo wadashaqaynayna waxay ku guuleysteen in ay wiilkii iyo cidii haysatay maxkamada horkeenaan.
Waxaa furantay dacwadakii maxkamada waxayna sheegteen qoladii wiilka afduubtay in ay wiilka ayagu dhaleen sidaa darteedna ay u afduubteen. Qoladii kale oo wiilka laga soo dhacayna waxay sheegatay in ay ayagu dhaleen.
Qoladii wiilka soo dhacday waxay qabseen qareen u dooda oo wiilka usoo dhiciya, halkan qoladii wiillka laga soo dhacay ay go’aansadeen in aysan qareen qabsan ee ayagu ay doodooda dhiibtaan. Intaa kadib, markii maxkamadu ay dhagaysatay doodaha labada dhinac, markii ay aragtay cadaymaha, waxay go’aansatayay in dhaar lagu kala saaro labada qolo ee wiilka isku haysta.
Labadii qolaba waxay dhaar xaf ku siiyeen in ay wiilkaas ayagu ay dhaleen oo qolada kalena ay been ku dhaaratay. Arintu makrii aan halkaas marayso. Maxkamadu waxay u baahatay in ay cadaymo dheeraad ah hesho, si ay dadkaas u kala saarto, oo arintaasna xal waara loo helo. Maxkamada waxay la tashatay dowlada dhexe ee Ethoiopia iyo tan kilinta 5aad ee somaalida iyo maxkamadaha ka sareeya. Waxay go’aansadeen in DNA Lagu kala saaro.
 
DNA muxuu yahay?
DNA waa walax ama shayga uu ka samaysanyahay ubu’da shay walba. Shay kasta wuxuu leeyahay unkan ama meel uu unuga ugu yar jirka bini-aadamka uu ka soo unkamay. Sida wax kasta oo nool, sida geedaha, xayawaan ama dadka. Qofkasta jirkiisa 50% wuxuu ka yimid aabihiis, 50% kalena hooyadiis.  Sidaa darteed, 50% jirkaga kamid ah waxaa kala mid tahay aabahaa ama hooyadaa. Sida indhahaaga sida ay u ekaanayaan, timahaaga midabka ay yeelan doonaan iwm.
Maxkamadii degmada Bookh waxay u ugudbisay labadii aabe iyo wiilkii Maxkamada Doolo ee degmada Wardheer. Markii ay Maxkamada Wardheer akhrisay faylkii ayay gudagashay arintii DNA-da.  Halkaan ayaa waxaa yimid takhdar, kaasoo ka yimid Addis, oo diyaarada keentay ay kharashkeeda bixisay Hay’ada MSF xafiiskeeda Wardheer oo ay arintaa Maxkamadu ka codsatay. Maxkamadii waxay meel fagaare ah kaga qaadhay dhiig labadii nin ee wiilka isku haystay iyo wiilkii. Waxaa kaloo goob joog ka ahaa meshaas dhiiga lagu qaaday dhamaan hay’adaha dowlada, kuwa ambiga, ciidaanka, booliska, Gudoomiyaha Gobolka, iyo dhamaan garsoorka maxkamada Gobolka Doolo.
 
Waxaa intaa dheer in Maxkamda Ethiopia ay ka saxiixday nabadoona labada aabe iyo jifiyahooda in wixii ka soo baxa baariitaanka dhiiga cid walba ay ku qanci doonto cidii guulaysta iyo cidii wax wayda intaba.
Fagaarahaas weyn ee dadkoo dhan wada arkayaan ayaa dhiig lagaga qaaday labadii nin iyo wiilkii. Dhiigaas waxaa loo qaaday Caasimada Ethiopia ee Addis Ababa. Dhakhaatiirkii dhiiga qaaday waxay  sheegeen in jawaabta keeni doonaan 18 cisho gudahood.
Jawaabtii la sugayey ayaa timid, Maxkamadu waxay isugu yeertay wax garadkii iyo dadkii doodu ka dhexeysay, waxayna soo bandhigtay jawaabtii lasugayey. Waxaa Maxkamadu cadaynay in Cali Daahir Cismaan Yusuf uu dhalay wiilkaas.
Qaadigii wuxuu sheegay in wiilka uu dhalay Cali Daahir Cismaan Yusuf, ninka kale ee ku doodayeyna uusan dhalin. Waxayna ku xaqiijiyeen sida ku cad warqada DNA ka in Cali daahir Cismaan iyo wiilkan ay iska mid ka yihiin 36 xubnood (Celis) oo jirkiisa ka mida. Waxaa ka mida xubnahaas kuwan
1-    Wadnaha
2-    Beerka
3-    Kalyaha
4-    Indhaha
5-    Maqaarka
6-    Dhiiga (blood celis)
7-    Timaha iyo xubno kale
 
Waxaa goobtaas ka bilowday qudbado ay soo jeedinayaan mas’uuliyiinta meesha timid qaybahooda kala duwan.  Waxaa kaloo goobtaas laga sheegay in kiiskaan ciidii u baahada macmuulaadkiisa ama dood qabta, in maxkamdu ay faylkiisa hayn doonto mudo sanad ah.
Haddaba, halkaan waxaa kusoo dhamaaday maxkamadii wiilka la isku  haystay oo cadaatay in labada qolo midkood uu xaq daro ku socday.
Waxaa xusid mudan dhowr qodob:
1-    Qoladii wiilka soo dhacaday oo afduubka sameeyey xaq daro ay ku socdeen.
2-    Dhaartii ay mareen qoladii wiil soo dhacday, baadil iyo xaq daro oo ay kitaabtii Alle ku badasheen.
3-    Waxay horey u diidaan in shareecada Islamka lagu kala saaro oo ay ku qancaan.
Intaa kadib, taariikhdu markay ahayd 19/8/2013, Goor galab gaab ah, Cali Daahir iyo laba wiil oo maraya barxada gobolka magaalada Galkacyo, ama huteel kamaal, ayaa waxaa laba baabuur oo yar yar ah ka soo daatay 9 nin oo hubaysann. Nimankaasi waxay bilaabaan in ay raasaas aad u farabadan ridaan oo ay oo ay dadkii aaga ka ag dhawaa iska cayrinayeen si aan fursad ugu helaan hadafkooda oo ahaa Cali Daahir Cismaan.
Weerarkii Cali daahir lagu soo qaaday kadib, waxaa Cali daahir usuurto gashay in ay gacanta ku dhigo mid kamida ragii huseynaa oo xabada iskaga dhigo. Waxay isku dayeen in ay Cali daahir iyo ninka uu haysaba gaari ku ritaan. Laakin, waa u suurtoobi wayday. Mar kasta oo ay isku dayaan in ay xabad soo suuraan wuxuu iska dhigayey ninka uu hayto. Markii xaalku halkaa marayo, waxaa falkaas ka xumaaday dadkii ka agdhawaa oo dablaydii rasaas kale ugu jawaabay.
Kadibna dablaydii way ka baxsadeen goobtii.
Dadkii meesha ka agdhawaa ayaa Cali Daahir oo miyir daboolmay  ula orday isbitaalka, waxaa la jiifiyey qaybta xaalada deg dega ah asgaoo miyir la.
Dhibane Cali Dahir Cisman Yusuf waxaa soo gaaray dhaawacyo, sida  gacanta bidix iyo midig, madaxa, feeraha, gacmaha, garabta midix iyo lugaha.
Waxaa xusid mudan in danlayashii dhibtaas geystay wax tilaabo aan laga qaadin, gaar ahaan taliska booliska, maamulka gobolka mudug, iyo waliba wax garadkii beesha danbiilayaasha.
Buraannews.com
 
 

Gudoomiyaha gobolka Mudug oo si kulul u eedeeyay Garsoorka gobolka Mudug

$
0
0

Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf  Tigey ayaa si kulul ugu eedeeyay Garsoorayaasha maxkamada gobolka Mudug inay qeyb ka qaataan arimaha nabad galyadada  dar ka jirta magaalada Gaalkacyo.
Gudoomiyaha oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay inay garsoorayaashu qaadayaan mas’uuliyadda kooxo burcadbadeed ah oo dhawaan si sharci darro ah loogasii daayay maxkamada kuwaas oo maalmo kadib sameeyay falalka amaanka lidi ku ah oo ay ku jireen baabuur laga dhacay waqooyiga Gaalkacyo oo loo kaxaystay dhinaca koonfurta.
Wuxuu sheegay raggaan in lagusii daayay laaluusha la siiyay maxkamada oo kadibna sidaas lagu tirtiray dambiyada ay lahaayeen kooxaha burcadbadeeda oo markii hore uu gudoomiyuhu sheegy in lagusoo qabtay iyaga oo faraha kula jira falal amni xumo.
Dhinaca kale gudoomiyaha gobolka Mudug ayaa sidoo kale ciidanka saldhiga Gaalkacyo ku eedeeyay labadii hablood ee dhawaan lagu dilay degmada Bacaadweyn oo 30km dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Gaalkacyo. Halkaas oo nin hubysani oo madaxa looga jiray rasaas la dhacay labada hablood.
Nin madaxda looga jiray ayuu  gudoomiyuhu sheegay in maalmo kahor lagasii daayay saldhiga Gaalkacyo halkaas oo horey mamaulku ugu xiray si ay dadku uga nabad galaan.
Xiriiro aynu iska daynay inaan la sameyno garsoorka gobolka Mudug iyo saldhiga Gaalkacyo si aan mas’uuliyiintooda wax uga weydiino eedeymaha loosoo jeediyay ayaan inoosuurtoobi weyda inaan helno.
Buaaannews.com-Garowe.
 


Maamulka Axmed Madoobe iyo DFS oo Heshiis kuwada gaaray Adis Abab, Itoobiya

$
0
0

Adis Abab (Sh M Network)—Sida Ilo lagu kalsoonyahay oo ku sugan Adis Abab Wadanka Itoobya ay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho u sheegeen Heshiiska ay wada gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Axmed Madoobe oo ka kooban dhowr qodob ayaa maalmihii u dambeeyay qodobo kamid ah la isku mari waayay.
Ilaha lagu kalsoonyahay oo kamid ah Dhinacyada ka qeyb galay Wadahadalka waxaa ay Shabelle u sheegeen in la isku afgartay in la sameeyo Maamul la yiraahdo jubba oo ka talinayao Gobolada Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Gobolka Gedo waxaana la sheegay in maamulkaasi uu Madax ka noqon doono Sheekh Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe isla markaana loo sameyn doono 3 Guddoomiye ku xigeen iyo 3 Guddoomiye Gobol oo Maamulayo Gobolada Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Gobolka Gedo kuwaasi uu si guud u maamulayo Sheekh Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe waxaa sidoo kale qodobada lagu heshiiyay kamid ah in Shir dib u heshiisiineyd lagu qabto Magaalada Muqdisho Maleeshiyada Axmed Madoobena la qarameeyo laguna biriyo Hay’adaha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya.
Qodobada lagu heshiiyay oo maalmihii u dambeeyayna uu buuq ka jiray waxaa kamid ahaa Dhaqaalaha Dekada Kismaayo  iyo Cidda maamuleysa waxaa la isku afgartay in 3 qeyb laga dhigo Dhaqaalaha oo qeyb ay qaadato Dowladda Soomaaliya qeybna uu qaato Maamulka Juba ee Axmed Madoobe uu hogaaminayo qeybta 3 aadna lagu hormariyo Degaanka iyo Arrimaha Bulshada.
Qodobada ugu Xasaasisanaa ee Heshiiska Maamlmihii u dambeeyay dib u dhigayay waxaa ay aheyd Cidda magacaabeysa Ilaha Dhaqaale ee Dekada Kismaayo iyo Guddoomiye ku xigeenada Maamulka Juba ee Axmed Madoobe uu hogaaminayo.
Isjiid jiid iyo Buuq badan Dowladda ayaa ku qanacday in uu soo magacaabo Guddoomiye ku xigeenada iyo Gudoomiyeyaasha Gobolada Sheekh Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe halka sidoo kale uu magacaabayo Xubnaha iyagu ka ariminayo Dekada iyo Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo laakiin waxaa la sheegay in Dowladda la tashi ay ku lahaan doonto sida hadalka loo dhigay.
Heshiiska ayaa la filayaa in maanta si rasmi ah Warbaahinta loogu qeebiyo kadib markii Xalay Gudiyo farsamo oo loo xilsaaray oo labada dhinac ay isku raaceen Diyaarintiisa.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiska waxaa ugu qeyb galay Faarax C/qaadir Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada la taliyaha dhinaca Siyasada ee Madaxweynaha C/raxmaan C/Shakuur, Wakiilka Dowlada Soomaaliya u qaabilsan Dalka Britain Maxamed C/laahi Sanbololshe, Xildhibaano Baarlamaanka ka tirsan iyo Siyaasiyiin dibada ka joogtay oo ka soo jeeda Gobolada Jubbooyinka, Dhinaca Sheekh Axmed Madoobe waxaa wadahadalka ugu qeyb galay Sheekh Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo sheegtay in uu yahay Madaxweynaha Maamulka Jubaland, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo ahaa Ra’iisul Wasaarihii Dowladda KMG aheyd iyo sidoo kale Gaandi oo mar ahaa Wasiirka Difaca ee Xukuumaddii Cumar C/rashiid, waxaa sidoo kale ka qeyb galay Xubno kale oo Siyaasad ahaan taageersan.
Dadka Siyaasada faaleeya ayaa waxaa ay sheegeen in Dowladda Soomaaliya heshiiskan ay geshay uu yahay mid aan wax soo kordhin doonin maadaama Dowladdu horey ay u mucaaraday aqoonsiga Sheekh Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo Madax ka ah Maamulka gacanta ku haya Magaalada Kismaayo laakiin Dowladdu ay daneeneyso Shirka Brussels ee September bartamaheeda ka furmaya kaasi oo Dowladda caqabad weyn ay ku hayeen arinta Kismaayo iyo Xil u helideeda.

Khariidadda 3: degaannada Dimishiq ee sunta kiimikada lagu werarray

$
0
0

Waa khariidad muujinaysa degaannada duleedka magaalo-madaxda dalka Suuriya ee Dimishiq ee lagu weeraray hubka sunta kiimikada, arrintaasi oo kicisayna xiisadaha iyo ololayaasha milateri ee loogu jiro weerar lagu qaado Suuriya. Halkan ka daawo

Lower Shabelle administration: We have successfully removed illegal road blocks in the region

$
0
0

Afgoye: (Sh.M.Network)- Omar Mohamud Elmi, a government official in the region confirmed to Shabelle that his administration has successfully removed illegal road blocks in the region.
He praised government troops who successfully took over control of the road barriers after a security operation in the region was launched
“Government soldiers are now incontrol of the checkpoints which were formally used by thugs” said Omar who briefed shabelle radio on the situation.
Omar’s words come at a time when residents recently complained of illegal road blocks in the region.
 
 

Maxaad ka taqaanaa Shiikh Xasan Daahir Aways?

$
0
0

Maxaad ka taqaanaa Shiikh Xasan Daahir Aways?
Waxaan go’aansaday inaan warbixin kooban ka qoro Shiikh Xasan Daahir aweys, qoraalkan waxaa igu kalifay inaan qoro, sedex arimood oo kala ah.
1-Waxaan ogaaday ummadda soomaiyeed inteeda badan inaysan aqoonin shaqsiyada sh. Xasan daahir, waxaay ka sheegayaanna ay yihiin been iyo borobogaando marka laga reebo wax yar oo alle u naxariistay, markaad si hoose u barato sh. Xasan daahir, waxaad ogaaneysaa shacabka soomaaliyeed intiisa badan iney isugu gargaaraan beenta iyo qabyaalada, maxaa yeelay akhlaaqda dhabta ah ee ALLE ku abuuray sh. Xasan iyo waxay ka aaminsanyihiin waa kaaf iyo kala dheeri.
2-Markaan sh. Xasan bartay waxaan aad ula yaabay waxa kalifay dadku iney ka aaminaan wuxuusan ahayn, kadib waxaan go, aansaday inaan baaritaan sameeyo, baaritaankii waxaan ku soo ogaaday, dadka sh. Xasan neceb inay yihiin 4 qaybood 3 qaybood nacabkoodu wuxuu ku salaysan yahay qabyaalad, kan 4aad wuxuu ku salaysan yahay caqiido diini ah, halkan waxaan ku sheegidoonaa inshaa, allahu 3 arimood, tan kalana waxaan uga tagayaa duruuftaagan awgeed. A. sh. Xasan qolo waxay ku neceb tahay caqiidada salafka, B. qolana waxay ku necebtahay qabiilka hawiyaha ee uu kadhashay. C. kuwa kalana waxay ku necebyihiin jifada habargidir ee uu ka soojeedo waa aragtidayda xaqiida dhabta ah allaa og.
3-Ummadda soomaaliyeed waxay noqotay mid aan tixgalin diin, caqli saliima, shaqsiyad wanaagsan iyo wadaniyad toona, marka laga reebo wax yar oo alle u naxariistay, laakiin waxay tix galyaan hunguri si xun loo radiyo , jago lagu raadiyo diinta oo lala diriro dalka oo gumeeysi loo gacan galiyo iyo qabyaalad, taasina waxay sabab u noqotay qofkasta oo mac naleh in la fogeeyo, midkasta maquure ahna la amaano wanaag uusan lahayna lasiiyo. Waxaanan isleeyahay waxyaabaha keenay waanaagii shiikha in xumaan loo badalo, ayaa kamid ah arimaha aan kor ku soo xusnay.
Maxaad ka taqaanaa Shiikh xasan daahir?
Sh. Xasan daahir illaahay baa yaqaana xaqiiqdiisa dhata ah, waxaanse jecleystay inaan idiin soo gudbiyo, inta aan ka aqaanno taarriikhdiisa
1-Sh. Xasan waa nin ku dhaqma diinta islaamka inta uu awoodo, aqoon fiicana u leh, jecelna in ummadda soomaaliyeed ku dhaqanto sharecada islaamka inshaa allaahu.
2-Sh. Xasan waa nin jecel iney wadahadasho ummadda soomaaliyeed waxna isla meeldhigto, wuxuuna neceb yahay daba istaaga gumeysiga iyo u adeegida cadawga islaamka iyo cadawga shacabka soomaaliyeed
3-Sh. Xasan waa ninka ugu cadaalada badan dadka siyaasada ku jira inta aan anigu aqoonta u leeyahay inshaa allaahu.
4-Sh. Xasan waa ninka ugu qabyaalada yar raga siyaasada ku jira intaan garanayo ogaalkayga.
5-Sh. Xasan waa nin cibaada badan thaahirkiisu illaahayna ka baqa in shaa allahu.
6-Sh. Xasan waa ninka ugu hunguriga yar dhinaca dhaqaalah inta aan aqaanno dadk siyaasada kujira.
7 -Sh. Waa nin ogol dooda iyo xiwaarka si kasta oo aad u kala fogtihiin ama uu kaaga awood roonyahay.
8-Sh. Xasan waa nin deeqsiya oo baahi kasta oo uu qabana waxa uu hayo dadka u quura oo aan bakhaylin intabadan .
9-Sh. Xasan Waa nin geesiya oo ku adag arimaha diinta, waana nin aaminsan wadatashiga iyo shuurada sida aan horay u soo sheegay.
10-Sh. Xasan waa run loow beenta iyo khayaamadana neceb, dadkna aad u xurmeeya, wuxuuna caado u leeyahay dadka inuu xiriiriyo oo uu san gooynin.
11-Sh. Xasan waa nin aan aamin saneyn qabyaalada, laakiin aaminsan mabda, islaamka iyo xarakada uu katirsan yahay taladeeda.
12-Sh. Xasan qofkasta oo muslima xabiib ayuu u yahay xaasadna ma aha.
Anigu illaahay nin ka dhahirimaayo waxanse u rajeenayaa sh. Xasan inuu ahlu khar yahay, illaahayna uusan hoojineynin inshaa allaahu.
Akhristoow illaahay baan ku dhaariyaye ka hadal arintan , hadaad si dhab ah u taqaanno sh. Xasan daahir, hadii kale aakhiradaada u turo.
Shardiga aqoonta, ugu yaraan waa inuu kulansadaa 3 arimood
1-Inuu jid la maray
2-Inuu jabhad la galay
3-Inuu jidiin la cunay
Sadexdaas hadaad midkood tahay ka hadal warkaagana waan u baahanahay, wixii aan saxay, igu raac waxaan khaldayna iga sax inshaa allaahu.
Car yaa sheegi kara nin soomaaliya oo siyaasiya, oo intaas oo wanaaga ah kulansaday, idaacadii radio muqdisho waxay soo deyn jitay hadal aan la yaabijiray, laakiin hada aan garwaaqsaday, idaacadu waxay oran jirtay horta qabo siyaadoow, bal qofkale ku soo dara.
Hadalkaasi wuxu ahaa mid dhab ah 22 sano ka dib waa la layahay madaweyne aan Maxamed Siyaad ahayn, ileen talo isuma kaasheegto halkay tuur kuleedahay, dadku xagey ka helayaan wax wanaagsan iyagiibaa, wanaagii la dirirayee, soomaali waxaad ku deysaa waa nimankii Maxamed siyaad derbiga uga daatay C/llaahi Yuusufna soo doortay, CILMI CARAB WUXUU YIRI HADUUN CAqLIGU KAALUMIN MIDHAA WAAD ILAAB GARAN. aniga waxay ila tahay garashadayda yar madaxweynihii soomaaliya dhibta ay ku jirto uga bixil laheyd Waa shiikh Xasan Daahir inshaa allaahu.
Sh. Xasan daahir maxay keeni kartaa Haduu sii xirnaado hadiise la siidaayo, maxaa ka dhalankara ?
Sida runta ah, kuma talagalin qoraalka inaan dheereeyo laakiin isagaaba, barakoobay waxaanan jeclahay inaan si kooban uga hadlo hadii alle idmo
1-Waxaan isleehay hadii la siidaayo Shiikh Xasan wax badan oo halaysan buu ILLAAHAY ku hagaajin doona inshaa allaahu, waxaana ugu horeeya beesha Habargidir oo sheekha shirqooshay,iyaguna sheegaya in balan looga baxay, wax jirana allaa og.
2-Sheekhu wuxuu ka soo qancay shabaab oo uu siyaasadoodii badda kuriday, wuxuuna diyaar u yahay wax kasta oo wanaaga oo ummadda Soomaaliyeed ay leedahay inuu hormuud ka noqodo, sidaas darteed xaq u maleh inuu sii xirnaado, maxaa yeelay dowladu diyaarad, baabuur iyo lug toona kuma soo qabsanin, qabiilbaa ku yiri waan ku magan galineynaa ka dibna dowlada u dhiibay, sida la ii sheegay qabiilkii wuxuu leeyahay dowladu way nasirtay ee balantii ha oofiso warkan qabiilku haduu sax yahay, dowladu way khaldantahay, bini’adamkuna balan buu wadaagaaye been ma wadaago, tan kale dadbaa waxay leeyihiin sh. Xasan Maxkamad ha la saaro, goormaan ku heshiinay in maxkamad la saaro qofkii dalka denbi ka galay, waxaa jooga kuwii soo galiyay dalka Itoobiya, Kiinya, Ugandha, Burundi iyo Siiralyoon, subxaanallaahi war dadku cadaalad yaraa,
A. Waa in soomaalidu ku heshiisaa wixii danbi loo heysto in maxkamad la saaro, B. waa in loo heshiiyaa labadii dhinac ee loo dagaalamay waa macno la garan karo wixii ka soo haray waa shaqadii soomaalida ee isdaba wareega ahayd sideey ila tahay.
3-sheekha hadii la siideyn waayo waxaa ka dhalan kara waxaan la fileynin waa malahayga xaqiiqdana, allaa og, waxayna u dhawdahay doowlada xasan sh. Sheikh iney burburto dagaallo so keeyana biloowdaan, hadii xurmo la waayo lama kala xiniinyo badeno, AYAX DHOWRE WUXUU YIRI QABQABDHAAFAY BAY LABAQABIIL QARAN KU WEYDAAYE< WAA QAYDAR LOW KAAGA GO,AY HADALKA QAARKIISE QOORAHA WAXAA LOOGA LULAY WAYSKU WADAQARE< MAR HA DAYDAAN QUURSIGA XUN IYO QALADBA DEYNEYNIN WAX QIRAALA INAAD MAALINUUN QARANDHACAYSAANOO QABKAAD MUDUG LA JOOGTAAN RAG WAYSKU QATALMEYSAAN gabaygan waan baal goostay lasoco< waxaan akhriyay wiil maqaal ka qoray Saadaasha sheikh xasan wuxuu ka dhigay aniga garashadeyda neef ariya oo Xasan Shiikh maxamuud u xiran oo sidii la doono laga yeeli karo, anigu waxaan leeyahay Shiikh Xasan waxa laga qorayo halaga fiirsado, qoralkaas oo kalana waxaan u aqaanaa baaq.
Shiikh xasan illaahay baan ka baryeynaa inuu soo daayo thuma soomaali waxay habargidir uga fadhidaa meeshay ku rideen Shiikh iney ka soo saaraan soomaalida wanaga jecelna wayn idin garab taagan tahay inshaa allaahu.
Waxaa qoray
Ugaas Maxamed Wali Shiikh Axmed nuur
kulmiyepress@hotmail.com

Kulan Beesha Caalamka looga dalbaday in Xayiraada laga Qaado Ganacsade Axmed Nuur oo ka dhacay Muqdisho

$
0
0

Muqdisho (Sh M Network)—Kadib Kulan ballaaran oo ay maanta Magaalada Muqdisho ku yeesheen Odayaal iyo Waxgarad Soomaaliyeed aya kulankooda waxa ay Qaramada Mdoobay iyo Beeesha Caalamka uga Dalbadeen in si deg deg ah Xayiraada looga qaado Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale oo kamid ah Ganacsatada Soomaaliyeed.
Ugaas Muxudiin Xasan Axmed oo kamid ah Waxgaradkii kulankaasi ka hadlay ayaa waxa uu jimciyad Qurumaha ka dhaxeysa iyo Beesha Caalamka ugu baaqay in Xoriyadiisa dib loo siiyo Axmed Nuur Cali Jimcaale.
Ugaaska oo hadalkiisa wata ayaa waxa uu sidoo kale ugu baaqay Dowladaha carabta in ay kaalin ka qaataan sidii Xayiraada looga qaadi lahaa Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale.
Goobta uu kulanka ka dhacay waxaa sidoo kale ka hadlay Ugaas Faarax Cabdi Sheekh kaasi oo ku amaanay Golaha Wasirada go’aankii dhawaan ay ka qaateen oo ahaa in xayiraada ay ka qaado Qaramada Midaabay  Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale kaa o kamid ah Ganacsatada Soomaaliyeed.
Qeybaha kala duwan e Bulshada ,Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka iyo Golaha Wasiirada  ayaa Qaramada Midoobay ugu baaqay in Xayiraada si deg deg ah looga qaado Ganacsade Axmed Nuur Jimcaale.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live