Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Dawlada Federaalka Soomaaliya Iyo Dawlada Shiinaha Oo Maanta Magaalada Muqdisho Ku Kala Saxeexday Heshiis Iskaashi Oo Laba Geesood Ah+Daawo Sawiro

$
0
0

Mogadishu-(Idhanka)-Ku-simaha ra’iisul wasaaraha Somalia ahna wasiirka arrimaha dibadda Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan, xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa kulan la qaatay wafdi ka socda dalka Shiinaha oo uu horkacayo danjiraha u fadhiya Kenya, Liu Guangyoun.
Wafdigan ayaa ahaa khubaro indha-indhayn ku samaynayay xarumihii hore ee dowladda Shiinaha ay ka dhistay Soomaaliya, kuwaasoo [...]


Ururka Horumarinta Wadooyinka Gobolada Awdal/Selel Iyo Gabiley Ee ASARDA Oo Maanta Daamur Dhigay 5-tii KM Ee Ugu Danbeeyay Waddada Isku Xidhaysa Boorama Iyo Dilla+Daawo Video

$
0
0

Borama-(Idhanka)-Ururka horumarinta wadooyinka Gobolada Awdal/Selel Iyo Gabiley ee ASARDA Ayaa maanta daamuur dhigay dhigay qayb ka mid ah wajigii ugu danbeeyay ee wadada isku xidhaysa Boorama iyo Dilla oo ay hadhsanaayeen Shan Km Iyo Badh qaybna ka ah 16 Km Ee Ay Xukuumada Axmed Siilaanyo horey ugu yaboohday dhamaystirkeeda.
Munaasabadii maanta daamurka lagu shubayay ayaa waxaa [...]

Gaadiid La’aan Soo Kudhacday Jaaliyada Reer Jabuuti Ee Ku Soo Xagaa Baxay Boorama Ee Dib Ugu Laabanlahaa Jabuuti,Dantuna Ku Qasabtay In Ay Raacaan Gaadiidka Waaweyn

$
0
0

Borama-(Idhanka)-Waxa maalmahan dambe si wayn looga dareemayaa gudaha Boorama in ay dadka rakaabka ah ee u badan Reer Djibouti ee ku noqonaya dalkoogii ay dhibaato balaadhani ka haysato sidii ay u heli lahaayeen baabuur ay raacaan oo ay ku noqdaan, arintan ayaana waxa ka dhashay inay dadku isku aaminaan oo ay kiraystaan baabuurta Xamuulka qaada [...]

Dadwayne Cabasho Iyo Walaac Ka Muujiyay Khatarta Dooxa Seeraha Oo Kala Gooya Isku-socodka Bulshada Wakhti Roobaadka Magaalada Boorama Halkan Kadaawo Iyagoo Kahadlaya Arimahaa

$
0
0

Borama-(Idhanka)-Waxa si wayn u soo kordhaysa khatarta ay dad badan oo reer Boorama ah oo degen xaafadaha Sh. Cismaan qaybaheeda kala duwan ay kala kulmayaan dooxo yar oo magaalada kala badha oo marka roobku da’o ay adag tahay sida looga gudbo isla markaa dhawr goor dad u badan waayeel qaadi gaadhay.
Arintan ayay qaar ka mid [...]

Ra’iiusul Wasaaraha Soomaaliya Md. Saacid Oo Maalmahan Dibada Uga Maqan Dalka Ayaa Booqasho Rasmi Ah Ku Tagay Maanta Magaaladda Sanca Ee Dalka Yemen+Daawo Sawiro

$
0
0

Sanca-(Idhanka)-Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdigiisa ayaa  booqasho rasmi ah ku yimid caawa dalka Yemen, waxaana si weyn ugu soo dhoweeyay garoonka magaaladda Sanca Mas’uuliyiin ka socday Dawladda Yemen oo ay kamid yihiin Wasiirka  Caafimaadka Dr. Axmed Qaasim Al-Cansi, Madax ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Safiirka Soomaaliya ee Yemen Gen. Ismaaciil Naaji Qaasim iyo Xuno sare [...]

Willian Oo Diyaar U Ah Inuu U Dagaalamo Booskiisa Chelsea.

$
0
0

Saxiixa cusub ee Chelsea Willian ayaa sheegay inuu dagaalami doono booskiisa kooxda, islamarkaana uusan u fadhin in gacanta loo geliso booskiisa.
Xiddiga reer Brazil ayaa u dhaqaaqay Stamford Bridge xagaagan isagoo ka soo tagay Anzhi heshiis 35 milyan euro ah, ka dib markii Blues ay saxiixiisa ka faduubatay Tottenham.
25 jirkaan ayaana filanaya inuu tartan adag u geli doono booskiisa line-upka, madaama ay sidoo kale kooxda joogaan Eden Hazard, Oscar, Juan Mata iyo Andre Schurrle.
“Waan ogahay in booskeyga halkaan uusan ii xaqiijisneyn” ayuu Willian u sheegay Globo Esporte.

Buraannews.com-Muqdisho

Shinji Kagawa: Fadlan Weydiiya David Moyes Sababta Aan U Ciyaareynin.

$
0
0

Xiddiga aan booska ka heysan Manchester United Shinji Kagawa ayaa ka hadlay sida uu uga niyadjabsan yahay in tababaraha cusub David Moyes uu ku ilaaway kursiga keydka.
Kagawa, oo uu la soo wareegay Sir Alex Ferguson xagaagii hore, ayaa ciyaaray kaliya 7 daqiiqo xilli ciyaareedkan isagoo bedel ku soo galay koobkii Community Shield ay ka qaadeen Wigan bishii August.
Laakiin ka dib markii uu gool qatar ah u dhaliyay Japan maanta kulankii saaxiibtinimo ay 3-1 kaga badiyeen Ghana, kubadsameeyahan ayaa qirtay inuusan ku faraxsaneyn inuu kursiga keydka iska fadhiyo.
“Fadlan weydiiya David Moyes sababta aanan kooxda ugu jirin” ayuu Kagawa u sheegay wakaalada wararka AFP.

Buraannews.com-Muqdisho

DIINTA IYO DHAQANKA KHALIIJKA AMA CARABTA!


Madaxweyne Siilaanyo oo khudbad ka jeediyey Xaflad Qalin jebin ah iyo waxyaabaha uu ka hadlay.

$
0
0

 
 
 
Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa si adag ula dardaarmay Ardayda ka baxaysa Jaamacadaha kala duwan ee dalka, waxaanuu ugu baaqay inay ka faa’iideeyaan aqoonta ay barteen oo uu tilmaamay inuu dalku aad ugu baahan yahay.
Madaxweyne  Axmed Siilaanyo oo maanta  ka hadlay munaasibad loo qabtay Arday badan oo ka qalin jebisay Jaamacadda Golis ee Magaalada Hargeysa, waxaanuu sidoo kale sheegay inay ardayda soo baxaysa ee Jaamacadaha dalka ka qalin jebinaysaa u tahay Dawladda Magac iyo maamuus.
Madaxweynaha oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Siciid Axmed Xasan Guddoomiyaha Jaamacadda Golis  iyo shaqaalaha la shaqeeya, ardayda jaamacadan ka qalin-jabisay dhammaantiin aad iyo aad ayaan idiin salaamayaa, hambalyo aad iyo aad u balaadhanna waan idiin dirayaa, waxaanan hambalyo aad iyo aad u balaadhan u soo jeedinayaa ardaydan ka qalin-jabisay jaamacadda Golis,  Hawshan qalin jabinta ee halkan ka dhacday waa wax aad iyo aad u weyn,  Dawladda waxay u tahay magac, maamuus iyo sharaf in jaamacadaha noocan oo kale ahi dalka ka hirgalaan. Ardaydan jaamacadaha ka qalin-jabinayaana waa kuwa dalku u baahan yahay. Waana Hoggaamiyeyaasha mustaqbalka ee dalka iyo dadka Hoggaamin doona Inshaalaahu Tacaalaa”
Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay inuu aad iyo aad ugu faraxsan yahay isla markaana ku faano qaranku ardayda wax ka barata jaamacadaha dalka, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Aad iyo aad ayaanu idiinku faraxsan nahay oo idiinku faanaynaa. Waxaanad noqon doontaan Inshaalaahu kuwa dalka iyo dadkaba anfaca. Aqoontan aad barateenna dalka iyo dadkuba way idiin baahan yihiin. Kolba heerka aqoonta dhalinyaradda dalku gaadho ayaa horumarka dalkeenuna noqonayaa, Waxaynu u baahan nahay dal xasiloon, dal tacliintu sarrayso, waxaynu u baahan nahay dal aqoonta isku dira. Waxa kale oo aynu u baahan nahay dad horumarka , nabad-gelyadda iyo wada jirka ka shaqeeya”

Madaxdhaqameedkii Isku Khilaafsanaa Qabashada Shirka Agabar Oo Gacmaha La Isu Saaray Iyo Nuxurka Waxyaabaha Ay Isku Afgarteen.

$
0
0

 
Madaxdhaqameedkii isku khilaafsanaa qabshada shirka Agabar ee beelaha galbeedka iyo Waqooyiga Hargeysa, ayaa gacmaha la isku saaray, ka dib waan waan in badan laga dhex waday, iyada oo la isugu keenay Kulan Hadhimo-sharafeed ah oo ka qabsoomay Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa.
Munaasibaddan lagu heshiisiinayey Salaadiinta  beesha Sacad Muuse  oo ay isku Laab-xaadheen, isla markaana halkaas si wada-jir ah ugaga wada dhawaaqeen inuu  dhamaaday Murankii ka dhextaagnaa iyo aragtidii ay ku kala duwanaayeen, ayaa lagu shaaciyey in shir loo dhan yahay oo ay hogaaminayaan Madaxda-dhaqanka  beeshaasi  lagu qabto degmadda Agabar ee Waqooyiga Hargeysa oo hore loogu qorsheeyey.
Kulankan Hadhimo-sharafeedka ah, ayaa waxa fidiyey Maayarka Caasimadda Hargeysa C/raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), kaas oo ay ka caawinayeen Xubno Ganacsatada beeshaas ka mid ah oo iyagu isku xil-qaamay inay isku soo dhaween Madaxda-dhaqanka beeshooda oo khilaaf wayn  ka dhex taagnaa mudooyinkii u dambeeyey.
Maayirka Magaalada Hargeysa C/raxmaan Soltelco oo ugu horrayn ka hadlay halkaasi, ayaa  waxaanu yidhi  “Salaadiinta, Ganacsatada, Waxgaradka, Guddida Shirka, Xildhibaanada iyo dhamaan marti-sharafta kale ee shirkan ka soo qaybgashayba waan salaamayaa. Waxaan aad ugu mahadnaqayaa ganacsatada reerka oo runtii aad iskugu xilqaantey oo ka soo shaqaysay in Salaadiinta ay halkan iskugu keenaan oo ay reerkoodii Mideeyaan si shirkoodu si fiican ugu  qabsoomo oo Khilaafkii yaraa ee jirayna uu meesha uga baxo oo halkaas waxa idiinka muuqda Suldaankii Guud iyo Salaadiintii kale ee reerka khilaafka yari ka dhextaagnaa, kuwaas oo u diyaar ah inay hawshii Shirka beesha hogaamiyaan iyaga oo kala shaqaynaya arintaas Guddidii loo xilsaaray hawsha iyo Ganacsatada reerka ee iyagu doorka ugu wayn ku lahaa isku keenida Salaadiinta reerka. Waxaanan dhamaan ka soo qaybgalayaasha oo dhan uga mahadcelinayaa sida ay u soo ajiibeen Casuumadan, inaga oo sidaas u midaysan dhamaanteena shirka ayeynu ku tagi doonaa Insha Allaah”.
Xildhibaan Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar Xaashi  oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiiladda ee Xisbiga Kulmiye uga soo baxay Magaaladda Hargeysa, balse isagu aan wakhtigan ka tirsanayn Xisbigaas oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa waxa hadalkiisii ka mid ahaa “Mahad Ilaahay ayaa iska leh inta ka sokaysa marka Mahada Ilaahay laga reebo waxa aanu u mahadnaqaynaa cidii soo abaabushay kulankan mihiimka ah ee gartay inay Shir iskugu keenaan reerkan, waxa aan leeyahay waa hawl badane Ilaahay ha idinka Jazaa’i siiyo Insha Allaahuna waxa aad noqon doontaa Shirkanina waxa uu noqon doonaa mid aanu mahadino. Waxa kolayba jirta in la yidhaahdo tolow maxaa shirkan lagu falayaa reerka? Dee jawaabtuna waa Midnimo ayaa laga doonayaa oo wanaag ayaa looga baahan yahay, marka aan wanaag la tagto ee la isku yimaadona waa Casabiyad, Casabiyaduna waa ta diinteenuna diiday ee Nabi Muxamed-na (SCW) waxa uu yidhi kuwaasi anaga maaha. Hadii aynu doonayno wanaag iyo in dalkanina Cadaaladu ka hirgasho waa inaynu inagu iska bilawno oo aynu inagu farnaa in Cadaaladda la ilaaliyo, hadii Cadaalad dhexdeena laga waayana meelkalena laga heli maayo. Shirkan oo waa duco iyo isbarasho oo aan isleeyahay dad badan ayaa iskugu iman doona, waxaan filayaa inay fiican tahay inaynaan inaguna xumaan ku doonin, waxaanan leeyahay ninka u hiili marka laga gardaran yahay, una hiili marka uu gardaran yahay oo dadka ka qabo, waxaan leeyahay cid ugu tashanmayno ee danteena ayeynu ka tashanaynaa”.
Xildhibaan Muxumed Aw Axmed oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, isla markaana ka mid ahaa Guddidii Mus-danbeedka ahayd ee xalinta khilaafaadka shirka beelaha Sacad Muuse oo isaguna ka hadlay halkaasi, waxaanu yidhi “Salaan ka bacdi maanta waxa ay inoo tahay maalin farxadleh, runtiina waxaynu beeninay hadalkii dadkii lahaa isku iman-maayaan oo shiri kari maayaan oo heshiinmaayaan ayaa waxaynu hadalkaas ka dhignay oo uu noqday hal-bacaad lagu lisay, markaa Ilaahii maanta isku keen-keenay ee ina garadsiiyey, waxaana farxadwayn ah oo mahad iska leh Ilaaha ina tusay inaga oo uu  inaga dhexbaxay khilaafkii iyo xiisadii yarayd ee inaga dhextaagnayd oo maantana halkan iskugu keen wada keenay. Ilaahay ka sokow waxa mahad leh cidkasta oo garatay inay isku keento Haldoorka reerka ee khilaafku ka dhexjiray ee waliba ummadana tustay inaynu shiri karno oo aynu danteena iyo danta Qarankeenaba ka shiri-karno”.
Guddoomiyaha Guddida Hogaaminaysa Shirka Beesha  Sacad Muuse ee degmadda Agabar dhawaan ka furmi doona Sheekh Al-mis Yaxye oo Sidoo kale halkaas ka hadlay oo Kalmado dardaaran iyo dhiiri-galin ah halkaas ka jeediyey, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa “Dadku hadii ay meel iskugu yimaadaan hadal waxa ugu khayr badan inay saddex arrimood midkood ay ka hadlaan:- 1) Waar Macruuf iyo Saddaqo yeynu siinaa 2) Waar yeynu Wanaag amarnaa oo aynu Xummo ka reebnaa 3) oo ah ta ugu Khayrka badan waa yey Turxaani ka dhaxaysaa oo aynu turxaanta ka saarnaa oo aynu Walaalaynaa. Nabi Muxamed (CSW) kamay sugnaanin waligii intii Ilaahay Nabi-nimada u doortay waligii Salaadi kamay tagin laakiin laba kooxood ay Madiina isku qabteen oo ay yidhaahdeen hadii aad na soo kala gaadhi waydo waanu is galaynaa ayaa Rasuulkii Ilaahay Nabadgalyo iyo Naxariis Korkiisa ha ahaatee uu u gurmaday Salaadii Subax oo uu waday oo uu Duhurkii soo galay oo uu Tukaday sidii uu dhexdhexaadinayey dadkaas ayey Salaadii Casar ka tagtay Nabi Muxamed (SCW), taasina waxay kaga tagtay sidii uu laba beelood oo Turxaani ka dhexjirtay uu u soo afjari lahaa, markii uu ka soo baxay ayuu yidhi waligay Salaadi igamay tagine maanta dadkaas aan heshiisiinayey ayey igaga tagtay. Markaa Rasuulkeenii (SCW) waxa uu ina yidhi wax la qabto waxa ugu qiimo badan Quluubta dadka oo la isku keeno oo laga daweeyo xumaha dhexdooda yaala, dantooda iyo aayahooda inay ka wada-tashadaan If iyo Aakhiroba iyaga oo dhan u wada jeeda waa mid loo baahan yahay, waana waxyaabaha Nabiyada Ilaahay u soo diray ee Kudubtooda loo soo dhaadhiciyey. Ilaahay waxaan ka baryeyaa  in Quluubteena sidaas maanta loo sheegay ee Madaxdhaqmeeedkeenan halkan i agfadhiya  ay iskaga saareen intii yarayd ee khilaaf ahayd ee dhexdooda taalay ayaa waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu xaqiiqo dhab ah oo hirgasho inooga dhigo Insha Allaah”.
Suldaan Xasan Suldaan C/laahi Suldaan C/raxmaan oo isagu soo xidhay Shirkaas Qadada ah ee Hadhimo-sharafeeda ay isku Turxaan saarayeen, waxaanu suldaanku  sheegay in shir beeshu u dhantahay uu ka qabsoomi doono Degmadda Agabar ayna isaga iyo Salaadiinta kale ee reerkuna ay iyaga oo gacmaha is haysta ay tagi doonaan, waxaana hadalkii Suldaan Xasan ka mid ahaa “Ugu horayn Salaadiinta, Xildhibaanada, Xildhibaanada Qaranka, Waxgaradka, guddida cusub ee hogaaminta ee shirka Agabar iyo guud ahaan Madaxdhaqmeedka kala duwan ee madasha fadhida iyo Odayaasha Mus-danbeedka  waa ragii waawaynaa ee Muxumed Aw Axmed ugu horeeyo waxaan ku salaamayaa dhamaantood Salaanta Islaamka A-Salaama calaykum Wa Raxmatulaahi wa barakaat. Intaa ka bacdi farxad wayn bay ii tahay oo sharafwayn ayey ii tahay inaynu maanta madashan iskugu nimaadno inaga oo ku kala maq-maqnayn aragti kala duwan oo aan la odhankarin Khilaaf  oo qof waliba dhinac ayuun buu ka arkayey haday dhaqan tahay iyo haday cid kale tahayba, markaa dhamaanteen waxaynu u wada dadaalaynay uun dan qudha waa danta shirka beesha, Ilaahay waxaynu ka baryeynaa Tawqiifda inuu inoo adkeeyo oo inaga oo gacmaha is haysanana aynu shirka tagno Insha Allaah”.
Suldaan Axmed Nuur C/laahi Samaale, Suldaan Xuseen Ismaaciil Geelle, Eng Xaashi iyo Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer , ayaa iyaguna ka mid ahaa salaadiintii halkaasi ka hadashay ee  ee soo dhoweeyey is afgarashadooda.
 
HARGEYSA SOMALILAND

Maareyaha haamaha shiidaalka Berbera oo beeniyay warar laga baahiyay qalabka shiidaalka diyaaradaha lagu baadho

$
0
0

 
 
Maareyha Haamaha keydka shiidaalka berbera Maxamuud Gahayr Ismaaciil ayaa  Caawa fiidkii Jawaab adag ka bixiyay war uu been abuur kutilmaamay oo lagu baahiyay qaar kamida Mareegaha Wararka laga daalacdo ee Internetka. Warkaas oo sheegaayay in ninka mida shaqaalaha haamaha shiidaalka berbera uu burburiyay qalabkii lagu baadhi jiray shiidaalka diyaaradaha ee loo yaqaano Jet Oil,
Waxaanu maareyaha Haamaha shiidaalku warkaas ku sheegay mid been abuura oo aan Sal iyo raadtoona lahayn isaga oo  shaqsiyaadka warkaas faafiyayna kutilmaamay dad aan dalka  Lexejeclo ka hayn oo ku shaqaysta wararka been abuurka ah sidoo kale waxa uu Mareyaha Haamaha Keydka shiidaalka berbera Maxamud Gahayr Ismaaciil soo bandhigay qalabka ay mareegahaasi qoreen in la burburiyay oo dhamaantii wada bed qaba oo shaqayna, qalabkaas oo lagu magacaabo(Digital Cuductivity) islamarkaana isugu jira afar nooc oo dhamaantooda kawada qeyb qaata baadhista shiidaalka ay isticmaalaan diyaaraduhu ee loo yaqaan Jet oil.
Maareyaha Haamaha shiidaalka berbera Maxamud Gahayr Ismaaciil oo xafiiskiisa kusoo bandhigay Qalabkaasi ayaa waxa uu ugu horeyn beeniyay warkaas sheegaya in qalabkaas la burburiyay isaga oo qalabkaas Warbaahinta usoo bandhigay faahfaahin dheeraadana ka bixiyay”Qalabka warka beenta ah laga sheegayo ee la leeyahay nin baa burburiyay waakan cid burburisay oo waxyeeshayna majirto Meel nin shaqaale ahi ka gaadhna ma yaalo oo xafiiskayga ayuu yaalaa oo marka shiidaalka diyaaradaha lagu cabirayana laga qaadaa oo Egneerka Haamuhu ka qaada, Markaa Horta Ninka Warkaas faafiyay iyo websitekiisu waa beenaalayaal waanan cambaaraynayaa. Ninka suxufiga ahi Marka uu war baahinayo waa in uu cid masuuliyada warkaasi leh la xidhiidhaa oo wax ka weydiiyaa oo ka xaqiijiyaa warka hadii kale waa nin aan warbaahinta waxba ka aqoon oo duda cararaya oo aan dalka iyo sumacdiisa toona utudhayn oo qaran dumisa waxan odhan lahaa cida warkaas qortay waa in ay ka waantawdaa baahinta wararka been abuurka ah qolada ururka suxufiyiintana waxan ugu baaqayaa in ay talaabo ka qaadaan nimanka wariyayaasha sheeganaya ee wararka aan jirin baahinaya,
 
Ugu danbeyntii waxa uu maareyaha haamaha shiidaalku uu sheegay in cid kasta oo warkaas been abuurka ah daalacatay ay arki karaan qalabkaas oo shaqayna albaabada haamuhuna ay ufuran yihiin,
 HARGEYSA SOMALILAND

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Somaliya Md. Xassen Culusow Oo Maanta Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafdi Ka Socday Dalka Shiinaha Oo Maalmahan Kusugnaa Muqdishu Daawo Sawiro

$
0
0

Muqdisho-(Idhanka)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiliay wafdi ka socday dalka shiinaha oo uu hoggaaminayey Safiirka China Liu Guangyuan ayaa waxaa ka mid ahaa khubaro ku xeel dheer qiimeynta dhismaha. Madaxweynaha waxaa ku wehliyey kulankan Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna R/Wasaare ku xigeen iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda, Wasiiru Dowlaha Arrimaha [...]

Fanaanadii Hobolada Waabari Hibo Maxamed Huddon (Hibo Nuura) Oo Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabatay 22 Sanno Kadib Si Kal Iyo Laabana Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Muqdisho+Daawo Sawiro

$
0
0

Muqdisho-(Idhanka)-Fanaanadda Caanka ah ee Soomaaliyeed Hibo Maxamed Cuddon ( Hibo Nuura) ayaa maanta ka soo degtay garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho, iyadoo si diiran loogu soo dhweeyay halkaasi.
Marka ay ka soo dagtay garoonka oo ay ku sugayeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, Oday Dhaqa eed,Aqoonyahan, Abwaaniin, Fanaaniin, Xildhibaano, iyo qeybaha kala duwan [...]

Madaxwayne Somaliland Md. Axmed Siilanyo Oo Maanta Ka Qayab Galay Munaasabad Ayku Qalinjabiyeen Arday Aad U Badan Waakuwan Ardayda Jamacada Gollis Halkan Kadaawo Sawiro Tiro Badan

$
0
0

Hargaysa-(Idhanka)-daawo sawriada madaxwayne siilanyo oo ka qayab galay munaasabada qalanjabinta ardayda jamacada gollis  oo arday aad u tiro badani ka qalin jabiyeen
iyo madaxwaynaha jamhuuriyada soomaliland oo ka qaybgalay

 

Idhanka Hargeysa Office

Xiisad Dhinaca Dhulka Ah Oo Ka Dhex Aloosan Maamulka Degmada Lughaya Iyo Dad Barakacayaala Oo La Soo Dhoobay Magaalada Lughaya Maalamahan+ Waraysi Siday Wax U Jiraan Video

$
0
0

Borama-(Idhanka)-Iyada oo maalmihii u danbeeyay ay jireen muran xoogan oo dhinaca dhulka ah oo u dhaxeeyay maamulka degmada Lughaya iyo dad barakacayaala oo ka soo jeeda beesha Ciise oo la sheegay inay ka soo barakaceen deegaano ka tirsan degmada Lughaya.
Wararka ka imanaya Magaalada Lughaya ayaa sheegaya in halkaasi lagu xidhxidhay ilaa sedex qof, kadib markii [...]


Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Awdal Oo Sheegay In Maalinta Barri Ah 10 Xildhibaan Oo Ka Tirsanaa Xisbiga Ucid U Soo Digo-rogan Doonaan Xisbiga Kulmiye+Olole Odoyaal Lagu Dhaqdhaqaajinayo

$
0
0

Borama-(Idhanka)-Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Awdal Muuse Carab Dugsiiye ayaa ka waramay in xisbiga Kulmiye ee gobolka Awdal uu soo gabagabeeyay wada hadalo ay kulajireen xildhibaano 10 ah oo ay rabaan inay xisbiga ku soo biiraan, sidoo kale waxa uu gudoomiye Muuse Carab sheegay inay waxba kama jiraan yihiin hadalo dhawaan ka soo yeedhay madaxda [...]

Shirka culamaa'uddiinka Soomaaliyeed oo Fatwa ku soo saaray al-Shabaab

$
0
0

Shirkii uga socdey magaalada Muqdishu culamaa'uddiinka Soomaalida ayaa ku soo saaray ururka al-Shabaab Fatwa ku tilmaanatay in ururkaasi uu yahay mid xagjir ah oo diinta si khalad ah u adeegsanaya, isla markaasina ayna bannaanayn in la taageero.

Ciidamadda RRU-da Oo Dul Degay Degal Ay Fadhiyaan Rakaabkii Lixda Caano Maal Sugayay Ethiopian Airline Ee Magaalada Hargeysa+ Dadkii Oo Cadhaysan Halkan Kadaawo Uguna Baaqay Xukuumadu Inay Iscasisho

$
0
0

Hargeysa-(Idhanka)-Ciidamadda Booliska ee sida gaar ah ku tababaran laguna Magacaabo RRU ayaa soo gaadhay Xarunta Ay Diyaaradda Ethiopian Airline Ku Leedahay Magaaladda Hargeysa badhtamaheeda,taas oo ay maalmihii ugu dambeeyay Ku Sugnaayeen rakaab u diwaangashanaa in ay sii raacaan.
Lama oga waxa ay ciidamadda RRU-du ka soo dooneen Goobta ay ku sugan yihiin dadka rakaabka ah ee [...]

Xisbiyada Mucaaridka Oo Walaac Siyaasadeed Wadnaha Farta Kaga Haya In Dibu Dhac Ku Yimaado Diinwaangalinta Codbixiyayaasha Iyo Doorashada Madaxtooyada Oo Sababta Muddo Kordhin

$
0
0

 
 
Saddexda xisbi qaran ee Somaliland Kulmiye, Wadani iyo Ucid ayaa waxa jira waxyaalo ay hogaamiyayaashooda iyo masuuliyiinta xisbiyadaasi siyaasadu uu mid kasta uu walaac siyaasadeed oo gaar ah uu dhinaciisa kaga qabo doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka ee ku cayiman inay dalka ka qabsoomaan badhtamaha sanadka 2015-ka, kuwaas oo sida sharcigu dhigayo uu jidaynayo in doorashooyinkaasi lagu galo diinwaangalin codbixineed oo shacbiga reer Somaliland codkooda ka dhiibanaya doorashooyinkaasi la diiwaangaliyo.
 
 
Labada xisbi mucaarid ee Wadani iyo Ucid, gaar ahaan Gudoomiyayaashooda  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Faysal Cali Waaraabe ayaa iyagu waxay walaac wayn ka qabaan hirgelinta diiwaangalinta codbixiyayaasha ee lagu gali doono doorashada Madaxtooyada iyo wakiilada ee la filayo inay dalka ka qabsoomi doonto badhtamaha 2015-ka, oo aan ilaa hada la hirgelinin, isla markaana aanay dawladaha qaadhaan-bixiyayaashu wax jawaab ah ka soo bixin dhaqaalaha lagu qaban doono diiwaangalintaasi.
 
 
Labada Xisbi mucaarid ee Wadani iyo Ucid ayaa iyagu walaac ka qaba dib u dhac ku yimaada diiwaangalinta codbixiyayaasha, taas oo sababi karta in doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiiladu uu dib u dhac ku yimaado xilligii loogu talagalay, taas darteedna xisbiyada Ucid iyo Wadani ayaa iyagu wadnaha farta kaga haya dibu dhaca  ku yimaada diiwaangalinta iyo doorashooyinku ay keenayso muddo kordhin xilleed oo loo sameeyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, oo laga soo doortay xisbiga Kulmiye oo muddadii shanta sanadood ee xilka loo doortay ay ku eegtahay horaanta 2015-ka oo ay inaga xigaan sanad iyo goo’go.
 
 
Guddoomiye  Cabdiraxmaan Cirro oo isagu ah murashaxa jagada madaxweynaha u taagan xisbiga Wadani ayaa isagu walaaca ugu wayn ee maanta hayaa uu yahay dib u dhaca ku yimaada hawsha diiwaangalinta codbixiyayaasha iyo doorashada madaxtooyada oo xilligii loogu talagalay dib uga dhacda, taas oo haddii dib u dhac ku yimaado doorashada Madaxtooyada keeni doonta muddo kordhin golaha guurtu xilka ugu kordhiyaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, taas oo qodobka 83aad ee distoorka qaranku ku waajibinayo golaha Guurtida haddii muddada xileed ay ka dhamaato Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, isla markaana ay doorashooyinku dib u dhacaan in muddo kordhin xileed ay u sameeyaan.
 
 
Qodobadan walaaca wayn ku haya labada xisbi mucaarid ee Wadani iyo Ucid ayaa keenay isbahaysigii labadooda xisbi ee Wadani iyo Ucid ay ku gaadheen iskaashiga, taas oo ah arrimaha uu salka ku hayo isbahaysiga siyaasadeed ee Ucid iyo Wadani dhexmaray mid ay kaga sii diyaar garoobayaan dib u dhac ku yimaada hawlaha diiwaangalinta iyo doorashooyinka mustaqbalka la filayo inay dalka ka dhacaan, kuwaas oo wakhtigan xaadirkan u muuqda kuwo ay adagtahay in laga muujiyo rajo ay ku qabsoomi karaan xilligii loogu talo galay doorashooyinkaasi dalka ku soo fool leh.
 
 
Dhinaca kale dareemadan walaac leh ee axsaabta mucaaridku ay ka sii muujinayaan qabyada diiwaangalinta iyo doorashooyinka madaxtooyada iyo Baarlamaanka ayaa xukuumada ay shaki wayn kaga qabaan inaanay diyaar u ahayn xukuumada Kulmiye inay hawlahaasi kaalinta kaga aadan iyo masuuliyada ka saaran qabyo tirka hawlaha diiwaangalinta aanay daacad ka ahayn, isla markaana ay daawanayso, iyadoo sidoo kalena madaxweyne Siilaanyo uu hore u sheegay inaanu dalku qaadi Karin saddex doorasho oo dhiig bax ku ah dalka, isla markaana uu sheegay inaanu diyaar u ahayn in muddo kordhin xileed loo sameeyo, hase yeeshee waxa xaqiiq ah haddii doorashooyinka dib u dhac ku yimaado inay imanayso muddo kordhin xileed oo xukuumada ay u sameeyaan golaha guurtidu. Xigasho Wargeyska Haatuf
Hargeysa Somaliland

Jamaal Cali Xuseen oo markii ugu horaysay ka Hadlay Khilaafka u dhexeeya isaga iyo Faysal Cali Waraabe iyo Xaladda Waddanku marayo

$
0
0

 
 
Murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Md. Jamaal Cali Xuseen, ayaa dhaliilo culus oo kala duwan tunka u saaray Golaha Wakiillada Somaliland, kuwaasoo uu ku eedeeyey inay ku dhex milmeen xukuumadda talada haysa oo ay ahayd inay la xisaabtamaan, isagoo sidoo kale ka hadlay khilaafka la sheegay inuu ka dhex qarxay xisbigiisa.
Md. Jamaal Cali Xuseen oo khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Jamhuuriya shalay, waxa uu ku eedeeyey mudanayaasha Golaha Wakiillada inay u muuqdaan hay’ad ka mid ah golaha wasiirrada ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isagoo docda kalena go’aanka shirkadda Genel Energy ee shidaalka baadhaysay dalka kaga baxday ku sifeeyey mid dhaawac ku ah Somaliland, waxaannu inta badan masuuliyadda arrintaas u xambaariyey Golaha Wakiillada.
“Golaha Wakiilladu waa hay’adda ugu mudan ee dastuuriyan qaban karta xukuumadda, waxayna leeyihiin awoodo dastuuri ah oo ay xukuumadda kula xisaabtami karaan, kuna daba geli karaan, markaa waxaan odhan karaa dalku waxa uu ka dhintay dhinicii Golaha Wakiillada, awoodoodii oo dhanna may muujin, waxaanad runtii mooddaa hay’ad kale oo xukuumadda amma Golaha Wasiirrada ka tirsan, sababtoo ah wax kastoo dawladdu doonayso si dhib yar bay u marsataa Golaha Wakiillada, waxaanan xasuustaa saddexdii bilood ee la soo dhaafay mooshin amma xeer qudha oo xukuumaddu wataday wakiilladu may horjoogsan, waxayna noqdeen golihii duuduub-ku-ansixinta.
Waxa kale oo aan xasuustaa in mudanayaasha wakiilladu dood adag ka yeelan jireen marka dawladihii hore ee Rayaale iyo marxuum Cigaal ay golaha u gudbiyaan miisaaniyad-sannadeedka, laakiin miisaaniyaddii u dambaysay ee lagu shaqeeyo sannadkan 2013 qadar daqiiqado ah ayaa lagu ansixiyey, weliba waxay is-weydiiyeen ma duuduub ayeynnu ku ansixinnaa, mise dood baynu ka yeelanaa? Markii dambena duuduub ayaa lagu ansixiyey,” ayuu yidhi Md. Jamaal Cali Xuseen.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in Golaha Wakiilladu noqdeen qaar gabay oo ku fashilmay shaqadii ummaddu u dooratay, isagoo arrimahaas iftiiminayeyna waxa uu yidhi; “Golihii Wakiillada Somaliland waxay noqdeen waraabo-u-taag, ummadduna way ku fashilantay, waayo waxa la doonayaa inay xaaladaha dalka ka jira la socdaan oo mar walba la xisaabtamaan xukuumadda iyo golaha wasiirrada, welina ma hayo mudanayaasha wakiillada oo diiday wax xukuumaddu u soo gudbisay amma arrin taabanaysa ummadda Somaliland.
Tusaale ahaan;, go’aanka shirkadda Genel Energy ee shidaalka baadhaysay kaga baxday Somaliland waa mid dhaawac weyn ku ah dalka. Mar qudha ayey yidhaahdeen dalka nabadgelyo xumo ayaannu uga baxnay, arrintaasina waa wax dhaawac weyn oo dhabar-jab ah ku noqon kara qaranka Somaliland, taasna Golaha Wakiilladu qayb ayey ku leeyihiin, sababtoo ah waxay ahayd in mudanayaasha wakiilladu xukuumadda ka dalbadaan inay horkeento heshiiskii shirkaddaas lala galay markii ay dalka timi oo laga doodo, kadibna hadday dan ugu jirto ummadda la ansixiyo, haddii kalena la joojiyo. Laakiin hadda waxaad mooddaa in xukuumadda iyo shirkadda Genel Energy ay markoodii hore suuq madow ku heshiiyeen, imminkana suuqii madoobaa innagu qarxay, lamana garanayo oo Golaha Wakiillada ee bulshada matalay ma garanayaan wax shirkaddaasi dalka ka baadhaysay iyo wax lagula heshiiyeyba. Arrintaasi waa mid dhaawac ku ah dhaqaalihii Somaliland iyo hiigsigii ummadda ee ahaa in shidaal loo soo saaro oo hadhow cid walba waxay odhan doontaa tagi maynno Somaliland ee shirkaddii Genel Energy-ba waa tii sababo dhinaca ammaanka ah uga baxday.”
Waxa kaloo Mr. Jamaal uu xusay in xeerar badan oo dalka faa’iido u leh qabyo yihiin, ilaa haddana aanay Golaha Wakiilladu waxba ka qaban, “Waxyaabaha qabyada ah ee dalka faa’iidada u leh waxa ka mid ah xeerkii maalgashiga (Investment Low) iyo xeerkii shidaalka (Petrolium Low), xeerkii Sirdoonkana markiiba Golaha Wakiilladu duuduub ayey ku ansixiyeen, arrintaasina waa waxyaabayaha muujinaya fadhiidnimada wakiillada oo ka mid noqday golihii xukuumadda. Waxyaabaha kale ee loo baahan yahay inay wax ka qabtaan waxa ka mid ah cashuurahan markasta ummadda lagu kordhinayo, cashuurahaasna kharash badan ayaa soo galaya oo culays ku ah dadka shacabka ah. Sidaa darteed, waxaan ummadda Somaliland leeyahay waa dinay u fiirsadaan Golaha Wakiillada oo ah hay’addii dheelli-tirka u samaynaysay xukuumada.
Tusaale haddaan soo qaato, shirkaddii TOTAL ee la eryey, shidaalka ay keeni jirtay calaa foosto waxa u saarnaan jiray $11 doollar, taasoo loo saaray maalgashigii ay dalka ku sameeyeen si ay ula soo noqoto wixii ka galay. Imminka shirkaddii TOTAL meesha way ka baxday, $11 doollar-na weli way socdaan, cid qaadatana la garan maayo.
Noloshii way ku sii adkaanaysaa dadka. Cashuurihii baa dusha laga saaray, cashuurahaasina waa culays ku biiraya ummaddii, iyadoo aan dadkiina wax adeeg ah dawladdu ugu qabanayn oo waa taas la arkay dhibaatooyinka shaqo la’aanta iyo biyo la’aantu ka mid yihiin. Waddo-xumo ayaa dalkii ka jirta oo maalin walba waxaynnu aragnaa waddo la dhagax-dhigayo, laakiin mid la furayo oo la dhammeeyey lama arag, waxaanan soo jeedin lahaa in aan waddo dambe la dhagax-dhigin ilaa la dhammaynayo kuwii hore oo ummadda la tusayo.”
“Waxaad mooddaa in xukuumaddu kor-u-kaca dhaqaalaha u fahamtay miisaaniyadda oo la kordhiyo oo kolba tiro lagu daro, si taas loo helana kolba la kordhiyo cashuur dheeraad ah oo dadkii culays dusha laga saaro, markaa waxaan leeyahay waa in Golaha Wakiilladu shaqadiisa qabsado oo ay noqdaan hay’ad madaxbannaan oo si dhab ah xukuumadda ula xisaabtama. Waxaan ognahay culayskii Golaha Wakiilladu saari jireen dawladdii Rayaale, waxaynby ognahay in Shirguddoonka Wakiilladu yihiin kuwii mudaharaadada abaabuli jiray markay dawladdii Rayaale is-qabsadaan, laakiin intii xukuumaddani talada dalka la wareegtay ma aragno wax culays ah oo Golaha Wakiilladu saaray, laakiin waxaynu aragnaa Gole Wakiillo oo aad mooddo inay xukuumadda ka tirsan yihiin,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen, isagoo Golaha Wakiillada kula taliyey inay gartaan wixii loo soo doortay, isla markaana laga shaqaysiiyo guddi-hoosaadyada.
Waxa uu intaa ku daray in mudanayaasha wakiilladu ka shaqeeyaan dantooda oo qudha, balse aanay wax xil ah iska saarin danta bulshada iyo shacabka soo doortay ee Somaliland, isagoo isbarbardhig ku sameeyey mushaharka mudanuhu qaato bishii iyo mushaharka la siiyo askariga ciidammada qaranka ka tirsan.
“Golaha Wakiilladu maaha inay kelidood mushaharka isku kordhiyaan, marka ay shaqada ka tagaana sannad mushaharkii sii qaataan, waana inay ka fikiraan danta ummadda danyarta ah ee dooratay. Ninka askariga ah markuu dhinto wax xuquuq ah oo uu leeyahay ma jirto, haddii uu shaqada ka tagana wax la siinayaa ma jirto. Mudanaha Golaha Wakiilladu waxa uu bishii mushahar u qaataa inta ay 15 askari oo ciidammada ka tirsan qaataan bishii. Tusaale ahaan; ninka xildhibaanka ah waxa uu u xaadiraa $1200 doollar, askariguna 500,000 Sl.Sh. (shan boqol oo kun) oo shillinka Somaliland ah, taasina waxay muujinaysaa in 15 askari mushaharkoodu u dhigto inta uu hal xildhibaan qaato.”
Geesta kale, Mr. Jamaal waxa uu markii ugu horreysay si toos ah uga hadlay warar warbaahinta maxalliga ah baahinayeen maalmahan oo ku soo saabsan khilaaf la sheegay inuu ka dhex qarxay hoggaanka xisbiga UCID, gaar ahaan isaga iyo Eng. Faysal Cali-waraabe.
Murrashaxa oo  Jamhuuriya weydiiyey waxa arrimahaas ka jira, ayaa ku dooday in aannu jirin wax khilaaf iyo muran ah oo ka dhex taagan xisbiga UCID, balse waxa uu sheegay in farogelin lagu hayo xisbigooda, “Horta annagu sida KULMIYE oo kale ma nihin oo iskuma haysanno jagooyin iyo xilal, la iskumana haysto yaa guddoomiye noqonaya iyo yaa murrashax noqonaya, taasna xisbiga UCID qallaylka ayuu ku kala qaybsaday oo intii aan doorashaba la gelin ayaannu sii dhammaysannay, golahayagii dhexena ansixiyey, hay’adihii ku shaqada lahaana loo wada gudbiyey.
Wax khilaaf ah xisbiga UCID kama dhex taagna, laakiin fikradihii xisbiga sidii loo gudbin lahaa ayaa laga yaabaa in fikrado kala jaad ah meesha yimaaddaan, taasina waxay muujinaysaa in xisbigu yahay meel arrin ka socdo oo talada la rog-rogo, waxaanad mooddaa in nalaga dhex faa’iidaysanayo oo dad kaloo dano kale leh naga faa’iidaysanayaan. Mar walba ay noo soo farogelinayaan sidii xisbigayaga la isugu dhufan lahaa, taasna waannu ka feejignaan doonnaa, waxaanan jecelnahay in toddobaadka soo socda annaga oo isku duuban aannu waxayagii iyo shaqadii xisbiga dadka u soo bandhigno si meesha looga saaro in wax khilaaf ah ka dhex jiro UCID,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
 
HARGEYSA SOMALILAND

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live