Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Guddoomiye Jawaari oo kulan Albaabada u xiran yihiin la qaatay Bulshada Bay iyo Bakool

$
0
0

Baydhabo ( Sh M Network )-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Maanta Magaalada Beydhabo waxa uu kula kulmay Odayaal, Waxgarad ,Malaaqyo iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Gobollada Bay iyo Bakool kuwaasi oo uu kala hadlay Maamul u sameynta Gobollada Koofureed ee dalka.
Mr Jawaari ayaa u sheegay dhinacyadii uu la kulmay In uu ugu yimid Bulshada degta Gobollada Bay iyo Bakool in Maamul Goboleed loo dhanyahay laga yagleelo Koofur Galbeed Soomaaliya, isagoo xusay in isaga iyo Xildhibaanada 50 ka ka badan ay ugu yimaadeen Bulshada Bay iyo Bakool dalabkoodii ku aadanaa in sida ugu dhaqsiyaha badan xildhibaanada kasoo jeeda Gobolladaasi ay ku yimaadaan.
Si kastaba Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa laga dhur sugayaa in uu shir Saxaafadeed uu u qabto Warbaahinta si uu faah faahin uga bixiyo kulankaasi al babaabada uu u xiranaa ee uu la qaatay Bulshada ka soo jeeda Gobollada Bay iyo Bakool ee Digil iyo Mirifle.
————————————————————
Howlgallo Dad badan lagu qabtay oo maalintii 2 aad ka socda Gaalkacyo
 


Guddoomiye Cirfo oo booqday Degmada Matabaan oo Beelo walaalo ah ay ku dirireen

$
0
0

Matabaan-( Sh M Network )-Xilli dhawaanahaan diriri ay ku dhexmartay Beelo walaalo ah oo wada dega Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Booqasho halkaasi ku tagay wafdi uu horkacayay Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo halkaasi oo ay u tageen in waan waan ay dhex dhigaan Beelahaasi walaalaha ah.
“waaxaa kulamo la qaadanay waxgaradka, Maamulka iyo qeybaha Bulshada degmada matababaan, waxaana gacanta ku soo dhignay dadkii ka dambeeyay dagaalkii ka dhacay degmada” ayuu yiri Guddoomiye Cirfo oo la hadlayay Warbaahinta.
Dagaalkii Beelaha walaalaha ah ku dhexmaray Degmada matabaan ayaan geysan wax Khasaaro ah maadaama ay durbadiiba ku bexeen Waxgarad labada dhinac ka soo kala jeeda.

Dhaqanka iyo Hiddaha # 180

$
0
0

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha waxa aad ku maqli doontaan sheekooyinka iyo maasooyinka ay Soomaalidii hore kaga hadleen qiimaha "Caanaha"

Ururka Xisbul Islaam oo kala Jabay

$
0
0

Ismaaciil Xaaji Caddow oo sheegtay inuu yahay Xoghayaha Guud ee Golaha Shuurada ee Ururka ayaa sheegey in Afhayeenka ururka Mohamed Macallin Cali oo shalay VOA la hadlay uuna ururka matalin

Governor of Galgadud region visits Matabaan town to solve conflicts between two communities living in that region

$
0
0

Matabaan-(Sh.M.Net)— two communities recently fought in Matabaan town located in Somalia’s Hiran region.
This has led to a large delegation led by the governor of Galgadud region visited the town to solve and reconcile the two communities.
“We have met elders and officials of the local administration of Matabaan town, we have arrested those behind the recent fighting” said Mr Cirfo who is the governor of Galgadud region.
Elders from the region welcomed the governor’s visit and both communities were left satisfied after the reconciliation efforts that were led by Mr. Cirfo
 

Wasiirka Warfaafinta oo beeniyey Warqad ay saxaafadu ay faafisay

$
0
0

Wasiirka Warfaafinta iyo isgaarsiinta Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi ayaa warqad uu soo saaray ku beeniyey warqad uu sheegay ina tahay been abuur oo websityo ay baahisay wuxayna warqada Wasiirku u qornayd sidan.
Waxaan Beeninayaa Warqad been ah oo ay Qaar ka tirsan Websiteyada Soomaalidu ay qoreen lana sheegay in aan aniga qoray sidaas daraadeena gabi ahaanba waan beeninyaa jiritaanka Warqadaasi.
Waxaana sidoo kale cadaynayaa in aan Wax lug ah aan kula hayn ha ahaato hadal Afeed iyo mid qoraalba aan anigu u gudbiyay Kooxda la socodka Xayiraadaha saran Soomaaliya iyo Eretria. Waxaa intaasi kuu sii dheer waxaa laga maarmaana in la sheego in Ficil kasta oo ka dhan ah SKA ay tahay Waajibaadka dowlada iyo waxa faaidada ugu jirta dalka taasi darteedna dowlada Fedraalka Soomaaliya wax dib u eegis ah kuma samaynayso Raali galina maka bixinayso dhamaan ficiladaasi ay qaaday dowlada fedraalka Soomaaliya.
Dhanka kale kuwa been abuuray Warqada ayaa waxa ay isku dayeen in ay Sumcad ridaan Madaweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud kaas oo ah Hogaamiyaha dowlada Soomaaliya ee dagaalka kula jirta La dagaalanka Musuq maasuqa.
Waxaanu in badan ka war qabnaa in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uusan wax dul qaad ah u lahayn Musuqmaasuq iyo ku tagrifal Awoodeed toona taasi darteedna Warqadasi qaldan waxaa looga gol lahaa in lagu xumeeyo diiwaanka ay dowladu ka gashay ku guulaysashada Biladaha Caalamiga ah, dhanka kalena Xaaska Ra’iisul wasaaraha Marwo Caasho Xaaji Cilmi shakina kuma jira in ay tahay qof ay Soomaalidu ku faanto.
Warqadan Beenta ahna waxa ay Dhamaanteen na xasuusinaysaa in aan si dhaqsa leh u ansixino Sharciga Saxaafada si aan u hubino Xornimada Saxaafada sida ku xusan qodobka 18 ee dastuurka dowlada Federaalka Soomaaliya islamarkaasna aan u Xakamayno islamarkaana loola xisaabtamo Xarumaha Warbaahineed ee aadka u yar kuwaasoo caadaystay in ay Aflagaadeeyaan Masuuliyiinta la aaminay . Dowlada Federaalka Soomaaliya waxa ay balanqaadaysaa in ay hubiso Cadaalada guud ahaan Wadanka Soomaaliya.

Minister of information posts and telecommunication has denied a recently published letter on Somali websites allegedly written by him

$
0
0

Below is the response letter from the minister

 

Golaha Xukuumadda oo Fadhigoodi Khamiislaha ahaa Maanta yeeshay

$
0
0

Muqdisho-( Sh M Network )-Ridwaan Xaaji Cabdi Weli Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya oo la hadlay Warfidiyeenada kadib kulanka ay Maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir guddoominayay Ra’isal Wasaare Saacid ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay waxyaabihii ay Wasiiradu uga hadleen kulankaasi,isagoo xusay in inta badan diiradda lagu saaray Xaaladaha Amniga Muqdisho.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in howl gallo kala duwan oo ay sameeyeen 7aad kii tagay Ciidamada xooga dalka iyo Kuwa Nabad Sugida kuwaasoo lagu Xaqiijinayo Ammaanka, isagoo carabka ku dhuftay in Ciidamada Nabad Sugida ay soo qabteen Xubno ka tirsan AL Shabaab kuwaas oo soo galay Magaalada Mudisho , uuna ka mid yahay Xubnihii la soo qabtay nin xog heyn u ahaa Abuu Mansuur Al Amriiki oo uusan Magaciisa Carabaabin.
Geesta kale Ridwaan Xaaji Cabdi Weli oo soo hadal qaaday la wareegitaanka ay Ciidamadu la wareegeen Degmada Mahadaay ee Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegay in si xoog ah looga saaray dagaalyahannadii halkaasi ku sugnaa ee Al Shabaab, kuwaasi oo horay sida uu sheegay dhibaato ugu hayay Shacabka ku dhaqan degmadaasi, haatanna ay soo dhaweeyeen ka saaristooda.
Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu xusay in Golaha Wasiirada ay soo dhaweeyeen shirkii dhawaan ku soo gaba gaboobay Magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka kaas oo dhaqaalo badan loogu yaboohay dowladda Soomaaliya.
Si kastaba Kulanka Maanta ay yeesheen Golaha Wasiirada ayaa waxa uu ahaa kulankooda caadiga ah ee Khamiislaha ah oo inta badan ay uga doodaan Xaaladaha dalka.


Galkacyo: Dad loo Qabqabtay Arrimo Amni

$
0
0

Ciidamada ammaanka Puntland oo maalmahanba hawl galo ka waday magaalada Gaalkacyo ayaa dad badan oo ay masuuliyiintu ku tilmaamen kuwo dhinaca amniga khatar ku ah iyo tahriibeyaal xabsiga u taxaabay.

Dekedda Magaalada Berbera oo la Baraariyey

$
0
0

Dekedda Magaalada Berbera ee Somaliland ayaa lagu sameeyay balaadhin ay ku baxday ilaa laba million oo dollar iyadoo lagusoo kordhiyay qaybo cusub oo la dhigi doono badeecadaha iyo koontaynarada.

Muqdisho: Dad ku Dhintay God Dumay

$
0
0

God laga qodo carrada dhismaha oo ku yaalla degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 3 qof, halka tiro kalena ay ku dhaawacantay

Cabinet holds weekly meetings where they address several issues

$
0
0

Mogadishu—(Sh.M.Network)— the spokesman of the prime minister who held a press conference after the weekly cabinet meeting chaired by the prime minister of the federal republic of Somalia Abdi Farah Shirdon elaborated the discussed agendas in the meeting.
“The issues discussed during the meeting were broad and among them was the situation of security in the capital and security operations conducted by government troops inside Mogadishu for the past 7 days”. Said Ridwan Haji Abdiweli.
The spokes added that government troops successfully arrested several Alshabab fighters who recently arrived in Mogadishu among them a very close associate of Abu Mansur Al Amriki.
Mr. Ridwan also addressed capture of Mahadaay district located in the middle Shabelle region of Somali.
“We welcome the good efforts from government troops and AMISOM peacekeepers who forcefully liberated Mahadaay district from Alshabab fighters who terrorized the residents for years “continued Ridwan.
Mr. Ridwaan Haji Abdiweli finally touched on the Brussels conference where he explained how the ministers were delighted about the own going efforts to help rebuild Somalia.
 
 

Dowladda Soomaaliya Oo xilka ka xayuubisay Madaxii Bankiga dhexe ee Soomaaliya.

$
0
0

Dowlada Fedraalka ee Soomaaliya ayaa waxa ay maanta xilka ka qaaday Madaxa banki-ga dhexe ee Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Cabdi salaam Cumar kadib markii uu mudo 7 Bilood ah uu ahaa Madaxa bankiga dhexe ee Soomaaliya.
Cabdi salaam Cumar ayaa waxa uu u sheegay Wakaalada wararka ee Reuters in uusan garanayn sababta rasmiga ee Xilka looga qaaday, lakiin waxa uu sheegay in ay macquul tahay in Xilka looga xayuubiyay kadib markii Bishii Julaayo  ay soo shaac baxday Warar sheegaya in Bankiga dhexe ee Soomaaliya uu Musuqmaasuq la dagay lacaga ku jira Bankiga dhexena loo isticmaalo u jeedooyin gaar ah, ayna la baxaan shaqsiyaad gaar ah.
wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Cumar lagu badali doono Yussur Abraar oo kasoo shaqaysay bankiyo ganacsi oo  caalami ah, waxa ayna noqonaysaa Haweenaydii ugu horaysay ee loo magacaabo Madaxa bankiga dhexe ee Soomaaliya, lakiin Wararkaasi oo ah kuwa hoose ayaanan jirin Warar rasmi ah oo xaqiijinaya Magacaabistaasi la sheegay in Haweenay loo magacaabay bankiga dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Weftigii uu hogaaminayey oo maanta Duhurkii ku soo laabtay Hargeysa, ka dib muddo lix cisho ah oo uu ka maqnaa Caasimadda

$
0
0

 
 
Weftigii uu hogaaminayey Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo maalmihii ugu dambeeyey socdaal ku marayey Gobolo ka mid ah Somaliland, ayaa maanta Duhurkii soo gaadhay Magaaladda Hargeysa, ka dob markii uu soo dhamaystay socdaalkii shaqo ee uu ku soo maray, Berbera, Burco, Oodweyne, Sallaxlay iyo Balligubadle oo uu xalay u hoyday.
Weftigan Madaxweynaha oo ay ku wehelinayaan xubno ka mid ah Golaha wasiirada iyo Marwada Madaxweynaha, ayaa waxa ay uu soo dhagax dhigay mashaariic isugu jira wadooyin iyo dhismeyaal cusub, waxaanuu sidoo kale madaxweynuhu soo dhagax dhigay mashaariic cusub oo la hirgelin doono.
Madaxweynaha Somaliland ayaa goobahaasi uu soo maray kala kulmay soo dhowayn aad u ballaadhan, waxaanuu dadweynihii uu la soo kulmayey u jeediyey khudbado kala duwan oo isugu jira bogaadinta dadweynaha iyo jawaabo uu mucaaridka u jeedinayey.
HARGEYSA SOMALILAND

President Mohamud accused of willfully Deifying Supreme Court ruling.

$
0
0

The Somali Federal Government is in danger of being considered in contempt of court after it willfully chose to ignore an order issued by the Supreme Court of Somalia.
SKA International Group, a Dubai based company which manages airport logistics at the Aden Abdulle International Airport, applied for a legal injunction following the Somali Federal Government’s decision to terminate their agreement to manage the airport 7 years prematurely.
SKA was ordered by the Somali Federal Government to transfer all airport operations to Favori LLC, a newly formed Turkish company with vested interests allegedly held by family members of Somali Federal Government officials.
The termination affected SKA’s ability to service contracts with the United Nations and resulted in the potential loss of more than $4 million in capital investments, SKA Spokesman told Shabelle media network.
SMN Received a copy of the Supreme Court order, issued on 14th September, suspending the termination of the SKA contract for a period of four months while the court examined the case.
Sources close to Airport told SMN that AMISOM and Somali security forces immediately halted all transfer activities in compliance with Supreme Court order, but were later commanded by high-ranking members of the administration to disregard the Supreme Court order and resume the eviction of SKA and transfer of airport operations to Favori the following day,
A spokesperson for SKA confirmed to the media that they had been forced to hand over the airport premises to the Turkish group despite the Supreme Court order, adding that they will study the situation before they decide the next course of action.
Civil society organizations criticized the government’s decision to ignore the high court ruling “the impartiality of the courts and the readiness of the executive and legislative branches to comply with the directives of the Supreme Court is the cornerstone of the rule of law in any free society” Abdalla Ali of national civil society umbrella group told SMN.
Mr. Abdalla pointed out that such defiance before the highest Court in Somalia lies in stark contrast to calls by the Hassan Sheikh administration to restore the rule of law, and legal reform as a key government priority.
The administration’s choice to act in willful defiance of the Supreme Court not only threaten the country’s fragile political stability, but also risks a constitutional crisis he said.
Concerns over corruption and mismanagement of public funds are at a highpoint in light of the New Deal, a three-year development plan for Somalia signed in Brussels, and boasting more than 1.8 billion euros in aid,
International leaders and journalists have been querying President Hassan Sheikh about his administration’s commitment to the rule of law in light of these developments.
His administration will undoubtedly face other sharp criticism as he continues his trip to Europe and America while this crisis brews back at home.


Madaxweynaha Kenya oo sheegay inay ku dhinteen Wetgate dad Ehelkiisa ahi

$
0
0

 
Madaxweynaha Dalka Kenya Uru Kenyatta, ayaa ka hadlay dhibaatada ilaa hadda ka taagan Xarunta Ganacsi ee ku taalla Magaaladda Nairobi oo ay weerar ku qaadeen koox ay Al-shabaab sheegtay inay iyaga yihiin oo dad badan ku laayey qaar kalena ku dhaawacay, isla markaana illaa hadda ku jira xaruntaasi oo laga saari kari la’yahay.
Madaxweynaha Kenya oo warbaahinta la hadlay galabta, ayaa  ugu baaqay dadweynaha reer kenya inay gacmaha is qabsadaan oo ay iska kaashadaan dhib wadeyaasha, isaga oo tilmaamay inay dareensan yihiin xanuunka arrintaasi
Uru ayaa sheegay in ay ku dhibteen halkaasi dad ka soo jeeda qoskiisa, waxaanuu ILAAHAY ka berayey inuu samir iyo iimaan ka wada siiyo reer kenya iyo shamaan dadkii ay cidi kaga dhimatay halkaasi, waxaanuu yidhi “Waan dareensanahay xanuunka aad dareeemaysiin, marka la fiiriyo anigoo shakhsiyan ku waayay weerarkan xubno aad iigu dhow oo ka tirsan qoyskayga, ilaahey waxaan ka baryayaa inuu kulligeen samir naga siiyo inta aan ka gudbayno masiibadan”
 
HARGEYSA SOMALILAND

Wasiir Xukuumadda ka difaacay eedaha Mucaaridka, sheegayna in Xeerka Cashuur Kordhinta Gaadiidka loo baahanyahay

$
0
0

 
 
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (caddaani), ayaa jawaab ka bixiyey Eedihii ay Mucaaradka Somaliland u soo jeediyeen Madaxweynaha Somaliland Axmed maxamed Maxamuud(Siilaanyo) iyo Hannaankiisa Maamul.
Wasiir Caddaani oo Maanta shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale si qoto dheer uga warbixiyey Safarkii dheeraa ee dhawaan Madaxweynaha iyo Waftigiisu ku soo mareen Gobollo ka mid ah dalka Somaliland oo uu ku tilmaamay inuu ahaa safar guul,Kana duwanaa Fasiraada Khaldan ee ay Mucaaridku ka bixiyen, waxa uu tallaabo muhiim ah oo taariikhi ah ku tilmaamay dhagax-dhiggii uu madaxweynuhu ku sameeyey Waddada isku xidha Ceerigaabo iyo Burco, isagoo sheegay inay tahay Hawl uu Qarankani baahi badan u qabay .
Mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) ayaa ugu horrayn ka hadlay dhaliilaha mucaaradku xukuumadda uu ka tirsan ay u soo jeediyeen, waxana uu xusay isagoo sheegay in Qaarkood aanay ku Munaasib ahayn in Jawaab la siiyo maadaama hadalkoodu uu ka hor imanayo Maslaxada dalka iyo horumarka uu Higsanayo, waxa kale oo uu wasiir caddaani ku dooday in xeerka horumarinta waddooyinka ee haatan horyaalla Golaha wakiillada Somaliland ay wasaaradda madaxtooyadu xaq u leedahay inay xeerkaas u gudbiso Golaha Wakiilada si ay Waajibaadkooda distooriga ah uga Gutaan waxaanu xusay in Xeerkani uu faa’iido balaadhan u leeyahay dalka iyo dadkaba isla markaana loo baahan yahay in Mudnaan Gaar ah lagu eego.
HARGEYSA SOMALILAND

Deg dega : Warar dheeraad ah oo ka soo kordhay Weerarka ka socda Xarunta ganacsi ee Nairobi iyo Madaxweynaha Kenya oo sheegay in dumar ku jiraan kooxdaasi

$
0
0

 
 
 
Wararkii u dambeeyey ee ka soo baxaya  dalka kenya ayaa sheegay inay Mall-ka ay kooxda dablayda ahi ku haystaan dadka badan, ay dul dageen diyaaradaha qumaatiga u kaca oo laba ahi, kuwaas oo ay kenya ka caawinayaan dawladaha reer galbeedka, iyaga oo ilaa hadda la mari la’yhay kooxdaasi.
Wararka ayaa sheegaya  inay Kooxdani weli ku sugan yihiin xarunta Weftgate, isla markaana ay dadka si xun u laynayaan oo ay marka inyar la jooga dad badan oo mayd ah ka soo tuurayaan daaqadaha dabaqaasi, taas oo sii kordhinaysa argagaxa laga qabo dhacdadaasi, iyada oo aan weli la qaban kooxdaasi, waxaana la sheegay inay dhimashadu sii kordhayso oo ay gaadhay 59 iyo in ku dhow laba boqol oo dhaawac ah
dhinaca kale Madaxwaynaha ayaa sheegay in xogta ay Dowladdu heshay tahay in Koox Dumar ah ka mid yihiin kuw falka weerarkan gaystay, isagoo ka hadlay tiradooda ayuu sheegay in ay dhan yihiin 10-15 qof, waxaanuu sheegay in dhowaan la soo afjari doono arrintaasi.
Dowladda Kenya ayaa ka heshay khabiiro ku xeel dheer arrimahan Dalalka Maraykanka Iyo Britian, waxaana Dalka Britian ay shaaciyeen inay soo gaadhi doonaan saacadan Koox Khabiiro ah oo caawin doonta Ciidamada Ammaanka ee Kenya.
Maraykan ayaa la sheegay inuu ku war geliyey kenya inay gaadh ka hayaan oo aanay gelin gudaha Mall-ka oo ay iyagu u imanayaan.
HARGEYSA SOMALILAND

Daawo: Weerarkii Westgate iyo sidii ay wax u dheceen

Magaalada Nairobi Rabshado Aan Sal Lahayn Oo Dadbadani Ku Dhinteen Iyo Weerarkii Westgate Mall Oo Howlgalkii Wali Socdo Iyo Dhimashada Oo Gaadhay 60 Qof Halkan Kadaawo Sawiro

$
0
0

Nairobi-(Idhanka)-Ciidamada Kenya ayaa wali wada howlgalka ay doonayaan in ay ku badbaadiyaan dadka shacabka ah oo ay kooxaha hubeeysan ku haaystaan wali gudaha xarunta ganacsiga ee Westgate Mall ee magaalada Nairobi.
Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Kenya Joseph ole Lenku oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa sheegay in howlgalka badbaadinta uu wali socoda,iyagoo sheegay [...]

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live