Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Madax Weyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Daah furay Xafiis Cusub Oo Malgashiga, kaasi Oo hoos Imanaya Wasaarada Ganacsiga+Hadaladii Wasiirka iyo madax Weynaha.

$
0
0

Hargaysa(halbeegNews)-Munasibad balaadhan Oo uu ka Qayb Galay madax weyne ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan cabdilaahi (Saylici) taasi oo lagu Soo bandhigayay Xarun Si Gaara uga Shaqeyn Doonta maal gashiga Caalamiga Ah , taas oo Uu Xadhiga Ka Jaray madax Weyne Ku Xigeenku.
Munasibadan Ayaa wxaa Ugu horen hadalo Kooban ka Soo jeediyay wasiirka Wasaarada Ganacsiga Dr: maxamed cabdilaahi Cumar, Kaasi Oo Sheegay sababaha loo furay Xaruntan Iyada Ah iyo fa’iidooyinka Ay u yeelan Doonto Dalkani Somaliland, hadaba Isaga Oo arimahaasi ka hadlaaya Ayaa waxaa Uu yidhi
“Maalgashigu waa dariiqyada kooban ee u furan in dalkeena la maalgashado, sidaa awgeed, isaga oo Madaxwaynaha qaranku taasi ka duulaya waxa uu goostay in Maalgashadayaasha Caalamiga ah iyo ganacsada dalku ay ka qayb-galaan sidii arrintaasi loo hirgalin lahaa, arrintaas awgeed qofka Maalshadaha ee dibadda ka yimaadaa ma jirto meel u gaar ah oo u cayiman oo ay tagaan ma jirto (Maalgashiga), laakiin halkii uu cid ka garanayo ama hay’adaha qaranka ayuu la xidhiidhaa, taasina waxay keentay in siyaasaddii Maalgashigu noqoto mid kala googo’an oo aan sugnayn, taasina waxay innaga xumaynaysaa siyaasaddii maalgashiga, markaa Madaxwaynuhu wuu saaray in arrimaha Ganacsiga iyo Maalgashiga la ururiyo, markaa annaga oo ka duulayna taasi, waxaanu samaynay waaxdii dalka Maalgashiga isugu duba ridi lahayd”.
Sidoo Kale Waxaa Isna munasibadaasi ka hadlaya madax Weyne ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan cabdilahi (saylici), Kaasi Oo Xadhiga Ka Jaray Sheegayna in baahi wayn loo qabay Xaruntan oo kale, madax Weynaha Oo arimahaasi ka hadlaya ayaa Waxa Uu Yidhi.
“Dhammaanteen farxad ayay inoo tahay inaynu u wanqallo xafiiskii Maalgashiga Somaliland, oo hoos imanaya Wasaaradda Ganacsiga” ayuu ydihi Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, waxaanu intaa ku daray “Dawladayada Kulmiye farxad ayay inoo tahay, saddex sanadood ee aanu joogno waxaad moodaa inay soconayeen uun Maalgashadayaashu haddana aad moodeysay in aanay jirin wax midho dhalaya”
Xafiiskan Ayaa Noqonaya Kii Ugu horeyay Ee noocana ee Laga furo Caasimada hargaysa, kaasi oo wax weyn ka qaban doona casimadaha Somaliland.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

WAXAYNU U SOCONAA WADADII HALAAGA W/Q: C/RAXMAAN C/LAAHI (WIRDAANI)

$
0
0

Dalkani waa dal khayraad badani ku duuganyahay, wuxuu leeyahay xeeb dheer, xoolo badana waa ay ku noolyihiin,dhirtiisu waa teel-teel, roobna wuu helaa sanadka dhexdiisa, cimiladiisu way fiicantahay, dhulkiisuna beerashada  waa uu ku fiicanyahay, su’aasha waxay tahay ‘se maka faa’idaystaan khayraadka yaal wadanka dadka ku dhaqani?
XEEBTA DHEER
Badda way sheegtaan, faa’idana uma laha, wayna ku garab gaajoodaan iyadoo kaluun dhex boodboodayo,waxay sugaan hay’ad u timaada oo usoo saarta, oo u shiisha oo afka ugu gurta, oo afkana afmaris ka marisa, baddana waxay ka dheefaan kulayka xeebtu leedahay.
XOOLAHA.
Xoolaha saddexdooda qaybood lafdhabar ayey u yihiin dhaqaalaha waddanka, wax dhaqaaleyn ah oo lagu taakuleeyaana  ma jiraan xoolaha, caafimaadkooda cidna ma daryeesho, wakhtigii hore waxa loo samayn jiray seerooyin si ay udaaqaan, waxa kale oo loo samayn jiray meelo xoolaha lagu dhibeeyo,  waxa kale oo jiray meelo karantinimeeyo, waxa jiray seerooyin barwaaqo ah oo abaarti xoolaha la daaqsiiyo, hadda se dhulkii ay daaqi jireen waa lawada ooday, dhulkii ay daaqi lahaayeena waa lawada sheegtay, laamihii ay goosaan lahaayeen dhuxul ayaa loo badalay, xoolihiina iyadoon waxba la gashan ayey noqdeen qaar manfac laga sugo.
ROOBKA.
Nimcada Eebe way ku da’daa dalkan, runtii waana lagu diirsadaa waana lagu qabawsadaa, cidkastaana way ku mahadisaa, dhulkii muddo u  oomanaana  wuu dhargaa, meeshii boodhku ka duulayeyna cagaar ayey isku badashaa, intaasiba waa nimco Alle, laakiin su’aashu waxay tahay umaddani maka faa’idaysataa?, roobkuu wuu da’aa, isagoo socdana wuu dhaafaa, dhaamam ay ku qabtaan umay samaysan, harooyin malaha, meel biyo fadhiisin u noqotana hadalkeeda iska daa, xataa baryihii hore guryahaya ayaa la arki jiray iyadii oo roobka waxa loo dhiganayo, hadda tiina waa laga tagay, iyagoon biyahaa dhaafaya qabanayn ayey hadana ka cawdaan biyo la’aan, cod dheerna ugu yeedhaan hay’adaha si ay biyo ugu soo saaraan,waana kaaf iyo kala dheeri.
BEERAHA.
Beeraha oo la faqaa lana goostaa midhaha ka soo baxa waa waxyaabaha ugu mudan ee umaddi ku faanto, beeruhu waa waxyaabaha aasaasiga u ah umaddan, beeruhu waa shay kor u qaada dhaqaalaha dal iska leeyahay, hadaba dalkan iyo umaddan Eebe wuxuu ku galadaystay dhul wacan iyo deegaan fiican, Rabi wuu waraabiyaa sanadka qaybtii, nimcadaa da’aysa ugama faa’idaystaan beeraha, ciidda uu Rabi dhigay dhulkan waa mid fiican oo loogu tala galay beeraha, intaas iyagoo haysta hadana way ka mooganyihiin, manta roob la’aan ma jirto, dhulkii la beeri lahaa lama la’a, su’aashu waxay noqon aaway dadkii ka shaqaysan lahaa?.
CIMILADDA.
Cimilada waddakani way wacantahay, waa mid wanaagsan, dadka ku nooli finaanado kama xidhaan baraf, AC-yana kuma furtaan baabuurta, runtii waa lagu soo hirtaa, mid laga cararana ma istaahilo, manta meelaha qaar waa laga laayahay, nasiib wanaag  dadkan ayuu Rabi siiyay  cimiladaa wacan,  laakiin su’aashu waa  nimcadaa Rabbi ku mannaystay ma dareensanyihiin?.
GUNAANAD.
Ciwaanka maqaalakaygu waxaan uga dhigay ‘’ WAXAYNU U SOCONAA WADADII HALAAGA ‘’, gunaanadkaygu waxa weeyi hadaynaan iska badalin qaabka ay noqotay nolosheenu runtii waxaynu dhabaha saari wadadaa halaaga ee aan sheegay, Eebana koreeye quraankiisa wuxuu ku sheegay inaanu umadd badalin ilaa iyadu is  badasho mooyaane, hadaba isbadal hadii aan keeno maahee inta ka horaysa waxa loo socon wadadii halaaga.wirdaani@hotmail.com
Al pha Univtersity
Hargaisa Somaliland
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Faalooyinka ciyaaraha caalamiga ah

$
0
0

Barnaamijka ciyaaraha Sabtida waxa uu ku saabsan yahay ciyaaro kala duwan oo heer caalami ah ee Yurub,Afrika iyo Asiya.

Dowladda Soomaaliya oo maanta lagu wareejiyay deeq gawaari caafimaad ah

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wareejiyay deeq gawaari ah oo loogu talagalay in shacabka Soomaaliyeed loogu adeeggo, deeqda gawaarida ah ayaa ka timid Hay’adda UNFPA waxayn deeqdaas ku wareejisay masuuliyiin ka socotay wasaaradda adeegga Bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya.
Deeqda lagu wareejiyay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay gaaraysaa illaa 5 gaari oo nuuca caafimaadka ah,wasaaradda adeegga Bulshada xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in gawaarida Ambalaaska ah ee maanta lagu wareejiyay wasaaradda adeegga Bulshada wax loogu qaban doono shacabka Soomaaliyeed.
Masuulka ay  Hay’adda UNFPA usoo wakiilatay in uu dowladda Soomaaliya ku wareejiyo deeqda gawaarida ah oo magaciisa ku sheegay C/llaahi Nuur Maxamed ayaa warbaahinta la hadlay wuxuuna sheegay in deeqda ay Hay’addu ugu tala gashay in loogu adeeggo bulshada Soomaaliyeed ee baahida wayn u qaba inay helaan gawaari caafimaad.
Wakiilka ayaa sheegay in Hay’adda UNFPA ay sii wadi dooonto caawinta shacabka Soomaaliyeed wuxuuna tilmaamay in Ambalaasyada maanta dowladda lagu wareejiyay uu wax wayn ka bedeli doono baahida loo qabay in gawaari caafimaad laga helo magaalada Mudisho ee caasimadda Soomaaliya.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda adeegga Bulshada xukuumadda Soomaaliya Maxamed Macalin Yaxye ayaa mahadcelin balaaran usoo jeediyay Hay’adda UNFPA wuxuuna sheegay in deeqda gawaarida ah ee Hay’addu soo gaarsiiday dowladda Soomaaliya loo qaybin doono Cisbitaalada gobolada dalka si wax loogu qabto shacabka Soomaaliyeed ee ku nool goboladaas.
 
 RBC Radio
 
Use Facebook to Comment on this Post

Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Musharax Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Xassan (Gablax) oo maantay si weyn Gaalkacyo loogu soo dhaweeyey[Sawirro]

$
0
0

Gaalkacyo[RBC Radio]Magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,waxaa maantay siweyn loogu soo dhaweeyey musharax Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Xassan (Gablax) oo ka mid ah musharixintii ugu horeeysey ee shaaciyey inay doonayaan qabashada hoggaanka madaxtinimo ee Puntland.
Boqolal dadweynaha ah oo qeybaha bulshada isugu jira ayaa ka qeyb qaadatay soo dhaweynta maantay loo sameeyey musharaxa,waxana ka mid ahaa dadkii maantay isgu soo baxay garoonka diyaaradda C/laahi Yuusuf ee magaaladda Gaalkacyo,Odayaal,Nabadoon,dhalinyaro,haween,ardey iyo guud ahanba dhinacyada bulshada ee Gaalkacyo ku nool.
Gablax ayaa xiligii uu ka soo dagay diaayaradi sidey waxaa uu gacan qaaday dhinacyadii soo dhaweyntiisa ka qeyb qaadanaysey,waxana uu saxaafada uu kula hadlay guddaha garoonka waxana uu ka mahadceliya sida wanagsan ee Gaalkacyo loogu soo dhaweeyey.
Musharaxa ayaa sidoo kale sheegay inuu ka xunyahay wixii ka dhacay qeybo ka mid ah Puntland,iyo saameeyntii ay reeben roobabkii dabaylaha watay ee ka da’ay qeybo ka mid ah gobolada Puntland,waxana uu Gablax uu ka tacsiyeeeyey dhamanba khasaarihii ay dhaliyeen roobabku,baaq ayuu u diray dhamanba shacabka Soomaaliyed gaar ahaana shacabka reer Puntland waxana uu ugu baaqay inay garab istaagan oo waxaa ay ku dhaaman ku caawiyan walaalahoda ku cayroobay roobabki da’ay.…”"”"Shacabka reer Gaalkacyo ad ayaan ugu mahad-celinaya,sida quruxda badan ee ay igu soo dhaweeyen Gaalkacyo,waxana  halka idin kugu  sheegaya inan ka xumahay masiibadi ka dhacdey qar ka mid ah gobollada Puntland,runtii arrinta waa mid adag una baahan in lo soo wada jeesto,shacabka Soomaaliyed,kuwa caalamka iyo gaar ahaana shacabka reer Puntland waxaan ugu baaqaya inay arrinta wax ka qabtaan…”‘”"ayuu yiri Gablax.
Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Xassan (Gablax)  ayaa xiligii uu usoo gudbay guddaha magaaladda waxaa uu booqsho uga tagay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle isgoona ku boqdey hoyga uu Islaanka Gaalkacyo ka dagan yahay halkaaso ay isku xog waresteen inta ay wada joogeen.
Gablax ayaa ah musharaxii ugu horeeyey ee ku dhawaaqay muddo ka hor inuu yahay musharax madaxweyne,waxana si aad ah loogu xasuusta diid madii uu wax ka diiday isaga iyo siyaasiyin kale hanankii lugu doonayey in Puntland looga hirgaliyo xisbiyada.____________Iimaan Maxamed JaamacDeegaan1994@gmail.comRBC Radio
Use Facebook to Comment on this Post

Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Dhalinyarada Oo Kulamo La Yeeshay Qaar Ka mid Ah Ururrada Boorama

$
0
0

Agaasimaha guud ayaa ujeedada booqashadiisa ku tilmaamay mid la xidhiidha sidii ay ugu kuurgali lahaayeen xaalada dhalinyarada ee gobolka iyo sidii ay dhalinyarada gobolka Awdal ula wadaagi lahaayeen siyaasada qaranka ee ku aadan dhinaca dhalinyarada oo dhawaan la ansixiyay, isla markaana la doonayo in la fuliyo. “Waxa aanu rabnaa in dhalinyaradu ay fahanto siyaasadan qaranka ee dhalinyarada, isla markaana ay ka soo bixiso talooyin ku aadan sidii loo fulin lahaa, gabi ahaanba siyaasadaasi waxa ay tahay siyaasadaasi mid daaran sidii dhalinyarada looga saari lahaa dhibaatooyinka ku gadaaman ee maanta haysa, waxaana muhiim ah in dhalintu ay ka qayb qaadato fulinteeda,” ayuu yidhi Agaasimuhu
Intii ay Boorama booqashada ku joogeen ayaa waxa uu weftigani booqday garoonka kubada cagta ee Boorama oo dhismihiisu socdo, sidoo kale waxa ay kulan la yeesheen ururrada dhalinyarada ah ee AYODA iyo HANAQAAD ee gobolka Awdal kuwaas oo ay la wadaageen dareenkooda ku aadan xaalada dhalinyarada, iyo sidii loo balaadhin lahaa siyaasada dhalinyarada ee Somaliland.
Somaliland.Org/Hargeysa
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Saleebaan Gaal oo kulamo gaar gaar ah la kala yeeshay labada Garab ee Xisbiga Kulmiye

$
0
0

Xisbiga Kulmiye oo u muuqda in uu la dawakhsan yahay go’aankii korka lagaga keenay
Hargeysa(Waaheen) Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa toddobaadkan laba jeer gurigiisa kula kala shiray labada garab ee Xisbiga Kulmiye u qaybsan yahay, kuwaas oo tahli kari la’ go’aankii korka lagaga keenay kadib in ay dhaqaajiyaan hawlihii xisbiga sugayey ee uu ugu horeeyey shirweynihii sadexaad oo ay dhibtu ka dhacday qaabkii Xisbigu u qabsan lahaa.
Labada kulan oo kala danbeeyey kooda hore waxa uu la yeeshay Garabka Muuse Biixi Cabdi oo si weyn uga cadhooday qoddobo toddoba ahaa oo ay garabka kale ee ka soo hor jeedaa u gudbiyeen Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyagoo shardi uga dhigay tanaasulka lagu khasbay, kuwaas oo soo baxay go’aankii Garabka Wasiir Samaale lagu riday ee ahaa in uu ka tanaasulo musharaxnimada Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo ay si weyn ugu Loolamayeen Muuse Biixi.
Kulanka Muuse la yeeshay Guddoomiye Saleebaan ayaa la sheegay in uu kaga dalbaday in la joojiyo fulinta qoddobadaas isagoo ku dooday in aanay faa’iido u ahayn go’aankii xisbiga loogu daayey, waxaanu sheegay haddii qoddobadaas meesha la soo dhigay in aanu maamuli karayn hawshii xisbiga isla markaana ay tahay in aan waxba loo dayne markale geed lagu xidhay.
Guddoomiye Saleebaan Gaal ayaa la sheegay kulankaasi in uu Muuse Biixi ugu bandhigay in uu ka soo bixi waayey rajadii laga filanayey oo ahayd in uu isku keeno Xisbiga isla markaana sasabto raga loo bireeyey, balse qorshahaasi uu  noqday mid dhiniciisa ka socon waayey loona baahan yahay in uu la yimaado kalsoonidii uu ku soo celin lahaa ama ku kasban lahaa Ragga loo Loogay.
Guddoomiye Saleebaan ayaa isagoo ka shiidaal qaadanaya cabashada Guddoomiye Muuse talo kula noqday madaxweyne Siilaanyo waxaana la sheegay in uu u bandhigay caqabada hor taala Xisbiga oo si weyn ugu kala qaybsan taladii xisbiga iyo sidii rajo celin loogu samayn lahaa garabyadda, kulanka Labada Oday oo ahaa mid gaar ah lama oga qorshaha iyo talooyinka kale ee ay isla soo meel dhigeen hase yeeshee waxa la sheegay in uu Saleebaan kulan kale la yeeshay Garabkii ka soo horjeeday Muuse Biixi.
Illaa hada si rasmi ah looma oga waxa ka soo baxay kulanka danbe ee Saleebaan la yeeshay Garabkii Samaale oo xiligan u muuqda in ay shuruudo adag la hor taagan yihiin tanaasulka laga codsaday kaasoo u muuqda in uu laf-dhuun gashay ku noqday nidaamkii Xisbiga hase yeeshee ilo wareedyo Waaheen heshay ayaa sheegaya in garabkaasi ku adkaysteen qoddobada ay sitaan fulintooda.
Si kasta ha ahaatee waxa wali taagan khilaafkii Xisbiga Kulmiye oo u muuqda in ay raga ku jiraa Uurkoodu kala guuray isla markaana ay hawl badan iyo wakhti u baahan tahay sidii ay uga soo kaban lahaayeen Dhul gariirkii ku dhacay oo ahaa mid lama filaan ah isla markaana ka baxsan awooda Xisbiga Kulmiye.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo markii sadexaad go’aan ka soo saartay Baasaaboorka Somaliya iyo Xukuumadda oo sharci mamnuucaya samayn kari la’

$
0
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Ciidanka C.ID-da oo markasta miciin Mooda xadhiga dhalinyaro Hargeysa ka shaqeeya
Hargeysa(Waaheen) Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa Ooda ka qaaday dhalinyaro shan ahayd oo ay wasaaradda Arrimaha guduhu u xidhay Eedo la xidhiidha in ay Hargeysa ku bixiyaan Baasaaboorka Somaliga ah ee E-passport, kadib markii ay wax danbi ah oo arrintaas cadaynaya ay Xukuumaddu hor keeni kari weyday Maxkamadda.
Guddoomiyaha Maxakamadda Gobolka Maroodi-jeex Faysal C/laahi Ismaaciil ayaa soo saaray qaraarka sii daynta dhalinyaradan oo muddo shan iyo afartan cisho ah u xidhnaa Xukuumadda iyadoo ciidanka Baadhista danbiyadu ku guul daraysteen in ay keenaan danbi cadaynaya Eeda ay dhalainyaradan ku soo Oogeen.
Qaraarka Guddoomiyaha Maxkamadda oo Waaheen heshay nuqul waxa uu u dhignaa sidan:-
Ku: Taliyaha Qaybta Baadhista Danbiyadda C.I.D
Ujeedo:- Amar sii dayn Eedaysanayaal
Maxkamadda Gobolka M/jeex Hargeysa waxay idinku Amraysaa in aad sii daysaan eedaysanayaasha magacyadoodu kala yihiin:-
1. Hinda Nuur Cige ina khadra C/laahi L/28 jir
2. Maxamed Nuur Cumar Ina Caasha X Daahir L/26 jir
3. Khaalid Maxamed Nuur Ina Tiriig Cabdi L/25 jir
4. Mahad Ismaaciil Cabdi Ina Caasha Maxamuud L/23 jir
5. Barkhad Sh Xuseen Barkhad Ina Khadra Xuseen L/29 jir
Kuwaas oo ku Eedaysan Qoddobka 372,370,3666,XCG
Ka dib markii aya Maxkamadu xorriyadoodii u celisay isla maanta 17/11/2013, maadaama ay wax danbi ah ku cadaan waayeen.
Sidaa darteed waxay Maxkamadda Gobolka M/Jeex Hargeysa idinku amraysaa inaad sii daysaan eedaysanayaasha magacyadoodu sare ku xusan yihiin isla maanta oo ay bishu tahay 16/11/2013
Wa Bilaahi Tawfiiq
Faysal C/laahi Ismaaciil
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka M/Jeex
Qaraarkan ayaa ah kii labaad ee ay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ka soo saarto arrinta baasaaboor Somaliga, waxaanay Maxkamaddu mar walba xukuumadda ka dalbanaysay in ay sharci mamnuucaya hor keento, balse illaa hada waxa ay wasaaradda Arrimaha guduhu hor geyn kari la’dahay Golaha Baarlamaanka sharci arrintaas wax ka odhanaya.
Taliayaha Booliiska Somaliland Sareeyo Guuto C/laahi Fadal Iimaan iyo taliyaha laanta baadhista danbiyadda Daahir Muuse Abraar ayaa hore baarlamaanka uga hor cadeeyey in aanay hayn sharci ay ku xidhaan dhalinayarada ka shaqaysa baasaaboorka, waxaanay hadana mar kasta ku baraarugaan marka ay soo baxdo sheekadda baasaaboorkaasi in ay dhalinyaradaasi xabsiga dhigaan iyagoo muddo shan iyo afartan cisho ah uga dhiga ciqaab aanay mutaysan.
Baasaaboor Somaliga ayaa si xawli ah uga socda dunida tan iyo intii ay xukuumadda rsamiga ahi ka dhalatay dalkaasi, hase yeeshee illaa hada Somaliland marna si qoto dheer ugamay fikirin cawaaqibka ay arrintani ku keentay dadka reer Somaliland oo xajkii u danbeeyey baahi weyni u geysay in ay qaataan Baasaaboor Somaliga.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade ayaa soo saaray amar mamnuucaya isticmaalka baasaaboorka Somaliya, hase yeeshee go’aanka ay Maxkamadda Gobolku ka soo saartay ayaa u ah mid burinaya Amarka Wasiirka.
Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka Gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf ayaa sheegay xadhiga dhalinayaradaas la sii daayey in aanay wax shaqo ah ku lahayn Laanta Socdaalku, waxaanu isaga riixay dhinaca Hay’adda Sirdoonka isagoo daadifeeyey in ay xukuumaddu sii dayntooda wax saamayn ah ku leedahay.
Taliye Maxamed Cali Yuusuf waxa uu sheegay in ay xukuumaddu sanadkan soo daabacayso E-paasport ay Somaliland leedahay, waxaanu sheegay Xukuumad ahaan in ay ku shaqeeyaan oo kali ah baasaaboorka Somaliland isla markaana fulinayaan amarak wasaaraddu ku mamnuucday ka somaliga.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Masuulka ugu sareeya AMISOM oo taageeray shirka ka socda Baydhabo

$
0
0

Baydhabo (Caasimada Online) Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka  Baay waxaa maanta oo Isniin ah gaaray Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ah u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Maxamed Saalax Annadiif iyo xubno kale oo ka socda AMISOM.
Danjire Annadiif ayaa isaga iyo xubnihii la socday  markii ay ka dageen garoonka diyaaradaha Baydhabo waxa ay si toos u tageen Xarunta ADC-da oo ay ku shirsan yihiin ergooyinka soo dhisaya maamul cusub oo ka kooban lix gobal.
Waxaana dhismaha oo ay markii horre joogeen la wareegay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
Danjire Annadiif iyo xubnaha la socday ayaa la kulmay odayaal, siyaasiyiin iyo xildhibaanno baarlamaanka kuwaasoo joogay dhismaha xarunta.
Wariye ku sugan Baydhabo, oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online ayaa sheegay in danjiraha uu warbixin ka dhageestay mas’uuliyiin uu ka mid yahay Madoobe Nuunow Maxamed oo horrey xildhibaan ahaa balse hadda ka mid ah ragga ugu cad cad ee u olaleenaya maamulka cusub iyho Shiine Macallin Nuurow oo ah guddoomiye ku-xigeenka gobolka Bay, waxayna labaduba ku baaqeen in si dhaqso ah lagu joojiyo dagaallada kasoo cusboonaaday gobolka Shabeellada Hoose.
Ugu dambeyn Danjire Annadiif ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu soo booqdo Baydhabo wuxuuna caddeeyay shirka maamul u sameenta gobalka Lixda ee Soomaaliya kaasoo ka socday magaalada Baydhabo.
Ma sheegin faah-faahin kale, isagoona carabka ku adeekeeyay in AMISOM ay diyaar la tahay siddii ay gobalka uga xoreen lahayd Al-Shabaab.Caasimada OnlineXafiiska Wararka MuqdishoCaasimada@live.com
Use Facebook to Comment on this Post
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Daawo sida Axmed Madoobe uu uga hadlay dib u soo celinta qaxootiga Soomaaliyeed.

$
0
0

Sawirro: Culimada Puntiland soo bandhigay oo Kumanaan doolar oo gar-gaar ah

$
0
0

DHAGAYSO: Wararkii Ugu danbeeyay ee Madaxtooyada iyo Hogaamiyaha Shabaab oo….

$
0
0

Shir ka socda Baydhabo oo lagu dhisayo maamul lix gobol

$
0
0

Kn: Baydhabo waxaa ka socda shirweyne lagu dhisayo maamul goboleed lix gobol ka kooban, waxaana maanta halkaasi booqdey ergeyga Midoowga Afrika ee Soomaaliya Saalax Nadiif.
Guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Jawaari ayaa horey dadka goboladda Bay iyo Bakool ola qaatay ra’yiga lixda gobol, hase yeeshee madaxweynaha Soomaaliya ayaa heshiis kaasi ka duwan la galay dadka Jubbooyinka oo ah in ay samaystaan maamul sedex gobol ka kooban.
KismaayoNews.com
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Laanta socdaalka Somaliland oo dafirtay warar laga qoray.

$
0
0

Taliyaha laanta socdaalka maamulka Somaliland, Maxamed Cali Yuusuf, ayaa waxa uu dafiray warar sheegayay in ay qaateen Baasaborka-E ee laga isticmaalo Soomaaliya inteeda kale, waxa uuna sheegay in qolooyinka warkaasi baahiyay ay yihiin kuwa diidan qaranimada Somaliland.
“Ma jirto cid aan u ogolnahay in deegaanada Jamhuuriyada Somaliland ay keento Baasaboorkeenna mid aana aheyn. Inaguna waxa aan dadka siinaa baasaboorkeenna oo aduunyada dhan lagu tago”, sidaasi waxaa yirir Maxamed Cali Yuusuf oo saxaafada kula hadlay Hargeysa.
Dhawaan waxaa xafiiska uu ku leeyahay Hargeysa Maxamed Cali Yuusuf  laga helay war sheegaya in waaxda socaalka ee maamulka Somaliland ay ka ogolaatay waaxda socdaalka Soomaaliya in la qaato baasaboorka Soomaaliyeed, arintaasi oo in badan ay qaad-qaaday saxaafada deegaanada Somaliland.
Ilaa had ma jiraan shaqsiyaad si cad u xaqiijin kara in Maxamed Cali Yuusuf uu ogolaaday E-basabort, waxaana dafiraadiisu imaaneysaa xilli warkaani uu muran  badan ka dhex dhaliyay xizbiga haya talada maamulka Somaliland.
 
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Dongorayo:WFP oo la-raali galiyay iyo Ururka KDO oo deeq gaarsiiyay qoysas cayroobay(Sawiro)

$
0
0

Dongorayo(pp) Ururka maxaliga ah ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaan KDO ayaa gurmad raashin ah maanta gaarsiiyay qoysaskii ay saamaysay roobabkii duufaanta watey ee todobaadkii hore ka da’ay degmooyin ka tirsan Puntland.Deeqdan raashinka ah oo maanta laga qaybiyay tuulooyin ka tirsan Degmada Dongorayo ayaa waxaa goob joog ahaa Gudoomiyaha Ururka KDO Nabadoon Siciid Xaaji Cabdulle,agaasimaha guud ee wasaradda arrimaha gudaha mamulka Degmada iyo saraakiil kale oo ka socda Hay’adda WFP oo raashiinka ku wareejiyay ururka.Ugu horayntii deeqdan iyo meelaha loogu talo galay waxaa ka war bixiyay Nabadoon Siciid Xaaji oo ururka madax u ah,wuxuna sheegay deeqda maanta la qaybiyay in loogu talo galay qoysasy ka badan 3000.00 oo qoys,kuwaasoo degan tuulooyin hoos yimaada Dongorayo iyo Eyl.wuxuna tilmaamay maanta in lagu hormay Tuulooyinka Donogaro barina la aadi doono Tuulooyinka kale ee Degmada Eyl hoos yimaadda.Nabadoon Siciid Xaaji ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay deeqdan in si wanaagsan loo gaarsiiyo dadkii loogu talo galay oo ah qoysaska barakacay.Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Puntland Cabdilaahi Siciid oo kulankaasi ka hadlay ayaa raali galin ka bixiyay hadal uu dhowaan jeediyay oo ahaa in Hay’adda WFP ay baal martay guddiga arrimaha gurmadka ee madaxwayne Farole magacaabay,wuxuna sheegay hadda inay dhamaatay arrintaasi oo ay raali galin ka bixiyeen hadal aan munaasib ahayn uu saxaafadda gaaray.Duqa Degmada Dongorayo ayaa soo dhaweeyay raashinka maanta loo qaybiyay dadkii kusoo barakacay degmada ee ku cayroobay roobabka barafka wata,wuxuna sheegay inay muhiim tahay umadda Soomaaliyeed inay gurmadka ka qayb gallaan.Wali waxaa socda gurmadka deg deg ah ee loo qaybinayo dadka tabaalaysan,sidoo kale dowladda Puntland ayaa ku mashquulsan sidii loo gumi lahaa xoolaha baqtiga ah ee daaadsan xerooyinka laga guuray,taasoo laga cabsi qabo inay ka dhashaan cuduro hor leh oo dadka iyo duunyadda kale saameeya.Puntlandpost.comDongorayo/Nugaal
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

FIIDSOOH : Gool-ku-laadka kubbadda iyo iska laadlaadinka kabta

$
0
0

Kn: Maanta madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh waxa uu ka qeybgalay daawashada jiirooniga ciyaaraha kubadda cagta ee naadiyadda caasimadda ee heerka koowaad, waxa uu madaxweynaha laaday kubadda biloowgii ciyaarta.
Waxa ay u egtahay in madaxweynaha uu maanka ku hayay kartoon todobaadkani laga sawirey siyaasadda dalka, gaar ahaan muranka ka dhaxeeya isaga iyo Ra’isulwasaaraha, kaasi oo lagu matalay sidii iyaga oo kubbad gool-ku-laad ah.
Kartoonkani oo uu sawirey Amiin Caamir ayaa waxa uu muujinaya madaxweyne Xassan Sheekh oo kubbad goolka ku laadaya, goolkaasi oo uu celinayo Ra’isulwasaare Cabdi Faarax Shirdoon, kaasi oo gafaya in uu qabto kubbada, badalkeedana iska laadlaadinaya kab kasoo siibatay madaxweynaha markii uu kubbadda laadayay.
Wuxuu ahaa sawir mala’awaal ah, mana jirin horey in loo arkay madaxweynaha oo laadaya kubbad, waxayna hadda u egtahay in madaxweynaha uu muujinayo in uu kubbadda si fiican u darbeen karro.
Inkasta oo siyaasadda Soomaaliya inta baddan lagu matalo sidii ciyaar kubbadda cagta ah, hadana muranka siyaasadeed ee ka dhaxeeya labada mas’uul ee dalka ugu sareeya waa mid ka weyn dheel.
Waxbo kuma jabna in madaxweynaha uu xilka ka qaado ninkii uu isaga shalay soo magacaabay, haddii uu u maleeyey kuna qancay in shaqadii uu idmaday in uu kasoo bixi waayay. Laakiin waxaa arrin walwal leh isdaba jiidanka muranka dalka xaaladiisa ragaadinaya.
Inkasta oo labada mas’uul ay ku guuleysteen in ay aad oga gaabsadaan warka xil ka qaadista Saacid, laakiin taasi ma aysan hor istaagin buunbuuninta saxaafadda ee arrinkani, waxyaabaha durba ay saxaafadda hadal heysana waxaa ka mid ah magacyo shakhsiyaad loo badinayo in ay badalayaan Saacid.
Waxyaabaha kale ee sida weyn suuqa ugu jirta waxaa ka mid ah in Saacid uu dalbaday in la siiyo dhowr milyan oo doolar haddii ay tahay in uu xilka ka dago, warkaasi oo aanan la hubin xaqiiqnimadiisa, balse aanan la beenteysan karin marka laga qiyaas qaato taariikhda foosha xun ee siyaasadda Soomaaliya, taasi oo lacagta ay wax kasta ka xoog baddantahay.
Sheegashooyinka ku saabsan lacagta uu Saacid codsaday meesha ay sawirka Amiin Caamir ka waafaqsantahay ayaa ah kabta uu Saacid ku xorgogey, halkii uu kubbadda goolka ka ceshan lahaa.
Haddiiba ay lacagtaasi jirto, oo ay suurogaltahay in la damacsanyahay in la bixiyo lacagtaasi waxay noqoneysaa nasiib daraddii ugu weyneyd ee dhacda xili kumanaan shacab ah ay masiibooyin qaran halakeeyeen.
Natiijo kasta oo ay wax ku dhamaadaanba, in si dhaqso ah marxaladani looga gudbo waa mid ay ku jirto danta qaranka.FIIDSOOHKismaayoNews.com
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Daawo Sawirada Madaxweyne Xasan oo ka qeybgalay ciyaarta Jenyo iyo Elman

$
0
0

Mogadishu, 19 November 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waxaa uu ka qeybgalay cayaarta kubadda cagta ee Horyaalka heerka Koowaad (Seria A).
Booqashadan oo taarikhi ah ayaa ka dhacday garoonka stadiyo Koonis ama Banadir Stadium. Madaxweynaha ayaa wuxuu daawaday cayaar u dhaxeysay kooxaha Elman iyo Jeenyo. Madaxweynaha ayaa gacan qaaday cayaartoyda labada dhinac iyo garsoorayaasha, isla markaasna kubbadda laaday.
“Waan idiin salaamay dhaamaan cayaartoydiina waxaad maanta marqaati ka tihiin horumarka ay Soomaaliya dhawaanahan gaartay.” Labo sano ka hor garoonkan wuxuu saldhig u ahaa Al-Shabaab ayaga oo kasoo abaabuli jiray falalka argagixiso. Maanta waxaa farxad noo ah in garoonka uu kusoo noqday gacmihii iska lahaa una suurta geliyay in dhalinta Soomaaliyeed ay ku cayaaraan cayaarta loogu jecel yahay caalamka oo ah kubadda cagta.
Isboortiga iyo cayaaraha ayaa qeyb ka ah nabadda, horumarka iyo is dhex galka bulshadda. Waxaad hormuud u tihiin Soomaaliyadda cusub” saa waxaa yiri Madaxweynaha” Waxaan idinku sacbinayaa geesinimaddiina iyo howlkarnimadiina. Ummadeena waxey jecel yihiin Kubbadda cagta sida umadaha kale ee caalamka. Waana guul noo soo hoyatay dhamaanteen. Waana ku mahad santihiin in aad ka shaqeyseen arinkan in uu dhaco.
Madaxeynaha ayaa wuxuu ku booriyay Xiiriika Kubadda cagta Soomaaliyeed iyo FIFA, wada shaqeynta ay ka shaqeeyeen dib usoo nooleynta kubadda cagta  Soomaaliyeed. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xulka Qaranka Soomaaliyeed oo dhawaan ka qeyb gali doono ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika u rajeeyey guul taasoo ah guul usoo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Xasan Sheekh oo ka qaybgalay kulan ka tirsan horyaalka Soomaaliya

$
0
0

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb-galay daawashada kulan ka tirsanaa horyaalka heerka 1-aad ee Soomaaliya oo ay wada cayaareen kooxaha Elman iyo Jeenyo oo ka dhacay garoonka Banaadir Stadium. Xasan Sheekh ayaa laaday kubadda, islamarkaana gacan qaaday cayaartoyda xulashada koowaad ee labada koox. La-taliyaha madaxweynaha Injineer Cabdiraxmaan Cumar [...]
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Dowladda oo taageertay howlgalka la dagaallanka burcad badeedda

$
0
0

Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta soo dhoweysay go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu halka sano ugu kordhiyay howlgalka la-dagaallanka burcad badeedda. Ra’iisul  wasaaraha xukuumadda Cabdi Faarax Shirdoon ayaa sheegay in xilli kordhinta ay awood u siineyso dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda xoojinta dedaallada lagu doonayo in lagu soo afjaro dhibaatooyinka burcad badeedda. Shirdoon [...]
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Briton arrested for ‘spying’ in Somalia

$
0
0

Authorities in the African country say they have arrested a British and a French national for ‘illegally gathering classified information’ while posing as NGO workers
 
Puntland, situated on the Horn of Africa in Somalia’s northeast, declared full autonomy in 1998, but has stopped short of declaring full independence. 
By Mike Pflanz, Nairobi
9:20AM GMT 19 Nov 2013
A British security expert arrested in northern Somalia could face spying charges after authorities claimed they found “classified information” on his laptop.
The man, whose name has not been confirmed, was detained with a French colleague and two Somalis after what the regional government called a “three-month investigation”.
The two expatriates worked for a Dubai-based security company that helps firms operate in high risk areas of the Horn of Africa, and sources said the Briton had the necessary permits to work in Somalia.
He and his colleague were arrested on Thursday in Garowe, the capital of Somalia’s northern breakaway republic of Puntland.
“The foreigners entered the region as local NGO workers but they were aiming to engage in intelligence-gathering activities and also to exploit our natural resources,” Khalif Isse Mudan, Puntland’s security minister, said on Monday.
“Investigations are still underway because the arrest follows intelligence reports and now they are in breach of local authority conditions.”
The men were said to be working for Oversight International, a small outfit headquartered in the United Arab Emirates, offering security, logistics and “project facilitation”.
“We proceed to a strict vetting of the entities requesting this service and their projects, in order to be sure the interest of the concerned entity does not interfere with the interests of the State of Puntland, its Government, or the organisations and companies already operating in country,” its website states.
No-one from the company returned emails requesting comment.
“A search of the organisation’s office in Garowe revealed that Oversight International was illegally collecting classified information about public institutions and [the] private sector in Puntland,” Mr Mudan said.
“The organisation was also sharing the classified information with foreign entities.”
One security sector source in Nairobi, Kenya’s capital and the base for many such firms operating in Somalia, said that Oversight was not well known in the industry.
“I’d come across them a couple of times, I’m pretty sure they were legit and you’re not going to last long in Somalia if you’ve not got the right papers,” the source said.
“I’m hearing that this is more likely a case of someone having annoyed the wrong official, rather than an actual case of spying, but there’s not much around about it yet.”
Romain Nadal, spokesman for the French foreign ministry, said Paris was liaising with British officials in East Africa, and denied that the French citizen arrested was engaged in espionage.
“We are working with the British to provide them with consular protection and to obtain their release as quickly as possible,” he said.
“He is not a spy,” Mr Nadal said, adding that he was a corporate employee.
Puntland is believed to have potentially lucrative reserves of oil and several international companies are moving into position to begin exploratory drilling.
One, Soma, chaired by Baron Howard of Lympne, the former Conservative leader, in August won the first contract from the federal government in Mogadishu to begin searching for deposits.
There was no suggestion of any link between Soma and Oversight International.The Telegraph