Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Amiin Caamir oo sawir yaab badan ka sameeyey Tarsan iyo Indha-Cadde

$
0
0

Dhageyso: Maryan Mursal: Waxaan ka tuugsan doonnaa TV-yada Soomaalida

$
0
0

London (Caasimada Online) - Fanaanka Cabdi Tahliil Warsame, ayaa dhowaanahay xanuunsanayey, waxaana jira dadaallo ay wadaaan fanaaniin Soomaali ah, oo la doonayo in lagu geeyo dalka Germany, si halkaasi loogu daweeyo.
Fanaanada hobollada Waaberi katirsan Maryan Mursal Ciise oo warbaahinta  la hadashay iyadoo kusugan magaalada London ee dalka Ingriiska ayaa waxey sheegtay inay dhexda uxiranayaan sidii loo qaadi lahaa fanaanka Cabdi Tahliil oo gar gaar caafimaad uheli lahaa.
Maryan Mursal waxay sheegtay inay fureen sanaadiiq lacago loogu yaboohayo islamarkaana ka codsanayaan dawlada Somaliya inay fiisaha ay ka bixiso dalka jarmalkana ay ukeenaan fanaanka iyadoona sheegtay in dhaqaalaha dawadiisana iyagoo fanaaniin ah isku xil saareen.
“Waxaan fariisaneynaa tv-yada Soomaalida, waxaana u tuugsan doonnaa sida loogu tuugsado masaajidada, si aan lacag ugu helno Cabdi Tahliil” ayey tiri.Halkan hoose ka dhageyso codka Maryal Mursalmaryan-mursalCaasimada OnlineXafiiska LondonCaasimada@live.com
Use Facebook to Comment on this Post
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Dadka reer MUQDISHO oo helay hab fudud oo ay ugu xirnaadaan dunida

$
0
0

Jirtooyo taleefannada casriga ah marka hore lagu soo iibiyo qiime sare, haddana Soomaalidu waxay si isa soo tareeysa lacagtaas u hurayaan faa’iidada la socota ee internetka sida fudud loo heli karo, taasoo u sahlaysa in ay la xiriiraan xubnaha qoyskooda ee ku maqan dibadda iyo in ay si sahlan ula socdaan wararka iyo xogta iyada oo uu dhinaca kalena ka raqiisan yahay qaababkii hore ee Internetka loo heli jiray.
“IPhone-ka ugu qaalisan waxa uu joogaa $800, halka taleefanka Samsung-kana uu ka joogo $500, inkasta oo ay jiraan kuwo intaa ka qaalisan,” ayuu yiri Faysal Cabdullaahi oo ah 34-jir dukaan taleefannada lagu iibiyo ku leh Suuqa Xamar Weyne ee Muqdisho. Taleefannada casriga ah kuwooda ugu raqiisan waxa la iibiyaa qiyaastii $250, ayuu yiri.
Iibka taleefannada casriga ah ayaa si joogto ah kor ugu socda, ayuu sheegay Cabdullaahi, isaga oo xusay in dukaankiisu uu sannadkii 2012-kii iibiyay 15 taleefannada casriga ah, halka uu sannadkan ka iibiyay ku dhawaad 100 xabbo.
Cabdullaahi waxa uu sheegay in inta badan macaamiishiisu ay waydiiyaan taleefannada casriga ah, gaar ahaan moobiillada Samsunga-ka, kuwaas oo aad loo jecelyahay sababtoo ah waa ay ka raqiisan yihin iPhone-ka, waxana la socdo barnaamijyo ka badan kuwa iPhone-ka oo lacag la’aan ah.
“Qaar ka mida taleefannadaas aad ayay qaali u yihiin inkasta oo qiimihii ay awal ahaayeen uu hadda ka yaryahay,” ayuu yiri. “Waad u arki kartaa in ay aad qaali u yihiin, haddana si joogto ah ayaan u iibinnaa.”
Internet ka jaban kii hore
Cabdisalaam Warsame oo ah 20-jir fasalka koowaad ee dugsiga sare ka dhigta Iskoolka Jabuuti ee degmada Wadajir, ayaa sheegay in uu aad ugu mahdinayo walaashiis ku sugan Sacuudi Carabiya oo u soo dirtay lacag uu ku gato taleefan casri ah afar bilood ka hor.
“Waxan aadi jiray xarun aan ka isticmaalo internetka oo aan saacaddii ku bixiyo 18,000 oo shilin marka aan rabo in aan isticmaalo internetka, waxana suuragal ahayd in aan maalinkii dhowr jeer isticmaalo,” ayuu sheegay. “Hadda waxan bixiyaa $1 (20,000 oo shilin) oo taleefankeeyga casriga ah igu haysa 24 saac.”
Warsame waxa uu sheegay in taleefinkiisa moobilka ah ee uu ka galo internetka uu hadda u suuragaliyay in uu xilli walba ku xirnaado caalamka intiisa kale.
Sidoo kale, Yuusuf Ibraahim oo ah 32-jir reer Muqdisho ah ayaa sheegay in shantii bilood ee ugu dambeeysay uu internetka si xiriir ah u isticmaalayay.
Waxa uu sheegay in adeeggan uu u sahlay in uu kula xiriiro xubnaha qoyskiisa oo ku nool Finland.
“Xaaskeeyga iyo carruurtayda waxan maalin walba kula xiriiraa WhatsApp,” ayuu yiri Ibraahim. “Waxan dareemaa sidii in aan la joogo, wayna ka raqiisan tahay marka aad si toos ah ula hadashid. Markii hore waxan bixin jiray $50 ka badan si aan kaliya ula hadlo, laakiin hadda waxan isticmaalaa wax ka yar $10 bishii, saas oo ay tahayna aanoo la xiriiraya saacad walba.”
Cabdirashiid Xuseen oo ah 35-jir ka shaqeeya shirkadda internetka iyo mobiilalda ee Hormuud Telecom, ayaa sheegay in 1-ki gigabyte (GB) oo ah data-da internetka ay joogto $25, muddada aad isticmaali kartidna ay ku xiran tahay hadba sida aad u isticmaasho.
Ka sokoow Horumuud, ayaa shirkadda Somtel ee fadhigeedu yahay Hargaysa waxa ay tahay shirkadda kale ee kaliya ee adeegga internetka ku bixisa taleefannada koonfurta Soomaaliya.
Aweys Cabdiraxmaan oo ah 23-jir arday ka ah Dugsiga al-Cimra ee degmada Hodan ee Muqdisho, waxa uu sheegay in taleefannada casriga ah ay Soomaalida u sahashay isticmaalka in ay wada xiriiraan, inkasta oo ay jirto in dhallinyarada Soomaaliyeed lagu canaantay in ay si ba’an ugu mashquuleen taleefannadooda casriga ah.
Somaalidu waa ay ku dambeeyaan helitaanka internetka, si kastaba ha ahaatee isticmaalka isa soo taraya ee internetka jaban ee laga isticmaalo moobiillada ayaa gacan ka geeysanaya in la daboolo farqigaas sannadba kan ka dambeeya, ayuu sheegay.
“Marka dhinac laga eego maaha qaali sababtoo ah lacagta aan ku bixinayo in aan ku galo internet hadda waa ay ka yartahay waxa aan ku bixin jiray taleefannada kaliya,” ayuu yiri Cabdiraxmaan, isaga oo intaa ku daray in ay lacag ugu dhaqaaloowday diritaanka farriimaha qoraalka ah ee uu u diro saaxiibadii iyo qoyskiisa halkii uu ka wici lahaa.
Faysal Muuse Maxamed oo ah 24-jir saxafi ah oo u shaqeeya Radio Muqdisho, ayaa muddo qiyaastii sannad ah waxa uu internetka ka galayay taleefankiisa casriga ah.
Waxa uu si khaas ah u sheegay in uu Samsung Galaxy-giisa u isticmaalo in uu ku galo baraha warbaahinta bulshada sida Facebook, halkaas oo uu bulshada kula sheekaysto warkana ka helo.
“Inta badan waxan Facebook u isicmaalaa sababtoo ah waxaad kula xiriiri kartaa saaxiibadaa waxanad kula socon kartaa wararka iyo sawirrada lasoo galiyo,” ayuu yiri. Waxa uu sheegay in uu sidoo kale isicmaalo WhatsApp si uu ula xiiriiro saaxiibadii sababtoo ah waa raqiis internet data badanna kaa cuni maayo.
Baddalidda xarumihii internetka laga gali jiray
Xasan Maxamed oo ah 30-jir ku nool Muqdisho oo cilmiga bulshada ka bartay Jaamacadda Soomaaliya, ayaa sheegay in taleefannadu gacantu yihiin qaab asturan oo lagu gali karo internetka, dadka lagula xiriiri karo isla markaana wararka lagula socon karo.
“Hadda waxan dareemayaa in aan awood u leeyahay in aan internetka galo xilli walba oo aan u baahanahay halkii aan ku tiirsanaan lahaa in aan aado meel kale oo internet aan ka isticmaalo sidii waayadii hore,” ayuu yiri Maxamed, oo illaa iyo toddoba bilood isticmaalayay taleefankiisa Samsung Galaxy.
“Waxan u isticmaalaa in aan ku dirsado emaillo, wararka kula socdo, waxan sidoo kale u isticmaalaa in aan Google uga soo rogto daruusta iyo xogta isla markaana ku galo baraha bulshada,” ayuu yiri.
“Hadda waxan sidoo kale awoodaa in aan anoo kaligay ah wax akhristo ama daawado. Maaddaama xarumaha laga galo internetka ay yihin goobo caam ah, kuuma suuragalayso in aad gasho ama daawato wax walba oo aad jeceshahay,” ayuu yiri.
Isha: Sabahi Online
Use Facebook to Comment on this Post
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

DAAWO VIDEO: Awooddii ciidamada ee dalka Soomaaliya oo dib u soo noqotay

$
0
0

Caasimada Online: Horumarka xoogan iyo dadaalada Nabadeed ee ka socda Dalkeena waxa amarag madoonta ka ah in maanta ana dib u helnay awoowdii ciidan ee dalkeena anigoo hubo in aad la ilmeyn doonto qiiro darteed.
Aqristoow qiimaha dowladnimo iyo astaan calan wadan uu lee yahay waxaa ka dareemi kartaa awooda ciidan ee sidaan oo kale ah Iyo sida ay tahay xaalada dalkeena ee maanta waxaana wax lagu farxo ah in aan dib u helnay awoodii ciidan ee dalkeena nala daawo muuqaalkani.HALKAAN KA DAAWO:
 
Use Facebook to Comment on this Post
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Sh Maxammed Cabdi Umal ┇┇ LAWYER-nimada Diintu Maxay Ka Qabtaa? ᴴᴰ

Dhagayso: Wasiirka Duulista oo Kulan la Yeeshay 10 Arday oo ku Guuleytay Imtaxaan Shaqo oo ay u galeen Hay’ada Maamusha Hawada Somaliland.

$
0
0

Dhagayso Gudoomiye Golaha Wakiilada oo ka Jawaabay Go’aankii Maxkamadu ay u soo gudbisay.

$
0
0

Caabudwaaq oo laga soo dhoweeyay ansixinta raysul wasaaraha

$
0
0

Bannaanbax lagu taageerayay ansixinta magacaabista raysul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta oo Axad ah lagu qabtay magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Bannaanbaxa oo ay qabanqaabiyeen ururrada bulshada ee degmada waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiinta maamulka gobolka, kan degmada iyo boqollaal dadweyne ah. Guddoomiyaha degmada Caabudwaaq, Axmed Jaamac Dhirif oo ka hadlay dibadbaxa [...]
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Abudwak residents show support to the new prime minister

$
0
0

A demonstration to show support to the parliamentary approval of the new Prime Minister Abdiweli Sheikh Ahmed has been held in Abudwak town in Galgadud region. Abudwak district commissioner Ahmed Jama Dhirif who spoke to the demonstrators congratulated Somali legislators for endorsing the new prime minister. He called on the new prime minister to appoint [...]
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Gaalkacyo: Labo ka tirsan ciidanka Puntland oo ku dhintay weerar bambo

$
0
0

Labo askari oo ka tirsanaa ciidanka booliska ee maamulka Puntland ayaa ku dhintay, mid kalana wuu ku dhaawacmay weerar bambo oo xalay fiidkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Weerarka ayaa ka dhacay bar-koontarool oo ku sugnaayeen ciidanka, taasi oo ku taalla xaafadda Garsoor ee waqooyiga magaalada. Goob-joogeyaal ku sugan xaafadda Garsoor oo codsaday [...]
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Madaxweyne Xassan Sheekh oo daah-furay Baasaboorada cusub ee Soomaaliya[Sawirro]

$
0
0

Muqdisho[RBC Radio] Waxaa maanta magaalada  Muqdisho lagu qabtay munaasabad lugu soo bandhigay Baasaboorada cusub oo Soomaaliya ay yeellanayso.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka qeyb galay xafladii Daah-Furka Baasaboorada cusub iyo waraaqaha aqoonsiga ka qeybgalay, islamarkaasna ku dhiiri geliyey shacabka inay Waraaqaha Aqoonsiga sameystaan.
Xaflad daah-fur ah oo maanta Muqdisho lagu qabtay ayaa waxaa ka soo qeybgalka ku wehliyey Madaxweynaha, ku-simaha wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiiru Dowlaha iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasiiro, Xildhibaanno, diblomaasiyiinta dalalka caalamka qaarkood, Agaasimaha Guud ee Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyada, Guddoomiyaha Gobolka Banadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Maxamud Axmed Nur (Tarzan) iyo ka soo qeybgalayaal fara badan. Xafladan ayaa lagu daahfurayey Baasaboorka cusub (E-passport), oo ah mid casri ah oo caalamku ictiraafsanyahay.
General Gaafow ayaa sharaxay faa’iidada baasaboorkan cusub oo uu sheegay in hadda waxii ka danbeeya aan la bixin karin baasaboor cusub oo ay tahay shaqsi walba inuu marka hore dowladaha hoose ka soo qaato warqadii dhalashada, warqadii aqoonsiga, iyo dhammaan dokumentiyada muhiimka u ah oo caddeynaya in shaqsigu yahay Soomaali. General Gaafow ayaa sheegay in baasaboorka cusub iyo waraaqaha aqoonsiga ay leeyihiin calaamado dhanka amniga ah oo aan been-abuur lagu sameyn karin.
Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa Muqdisho, Tarzan ayaa sheegay inay diyaariyeen xafiiskii diiwaangelinta oo casriyeysan, islamarkaana uu shaqsi walba xaq u leeyahay in loo sameeyo dokumentiyada muhiimka ah. Suuqa Cabdalla Shideeya waa laga maarmayaa oo dokumentiyadan ma aha kuwo been abuur lagu sameyn karo.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa isna sheegay in dokumentiyadan muhiimka ah ay wax weyn ka tarayaan amniga dalka oo qof walba uu yeelanayo warqadda aqoonsiga oo caddeyneysa shaqsiga, islamarkaana telefoonada iyo dhammaan hay’adaha dowligu ay isticmaali doonaan waraaqahaas.
Madaxweynaha Soomaaliya oo soo gabogabeeyey xafladda daah-furka ayaa ku dhiiri geliyey shacabka inay sameystaan waraaqaha aqoonsiga oo muhiim u ah dalka, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa yiri,
“Hay’adaha ku howlan barnaamijkan waa inay shacabka Soomaaliyeed u fududeeyaan sidii ay ku heli lahaayeen waraaqaha aqoonsiga iyo dokumentiyada muhiimka u ah in shaqsiga uu helo baasaboor, islamarkaana adeegyadan la gaarsiiyaa dhammaan deegaanada gobolada iyo degmooyinka dalka. Dowladdu in muddo ah bey ku howlaneed sidii qalabkan casriyeysan loo heli lahaa oo aan ula tartami laheyn caalamka. Sidaas daraadeed shacabka waxaan ka codsaneynaa inay sameystaan dokumentiyadan muhiimka noo wada ah oo xaqiijinaya Soomalinamada.”
 
_______RBC RadioXafiiska Muqdisho
Use Facebook to Comment on this Post

Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Cabasho ka soo yeeraysa Kalluumaysata gobolka Bari

$
0
0

Cabasho ka soo yeeraysa Kalluumaysatada gobolka Bari
Kulule[RBC Radio]Waxaa ay cabasho xooggan ka soo yeeraysa Kalluumaysatada ku kalluumaysata xaabaha gobolka Bari,kuwaaso sheegay in mudo uu hakad  ku jiray Kalluumaysigooda.
Kalluumaysatadan waxaa ay ka cabanayaan  agab la’aan baaxad leh oo haysata, taas oo dib u dhigtay howlihii shaqo ee ay wateen,sida ay sheegeen.
Cabdirisaaq Yuusuf Maxamed oo ka mid ah kalluumaystada deegaanka Kulule ee gobolka Bari  ayaa warbaahin guddaha u sheegay in wali dhibaato xooggan ay haysato Kalluumaysatada ku nool xeebaha gobolka Bari.
“Mudo wax Kalluumaysi ah lagama sameyn xeebaha gobolka Bari,gaar ahaana  deegaanka Kulule,waxana jirto baahi weyn oo loo qabo  agabka Kalluumaysi”ayuu yiri Cabdirisaaq Yuusuf Maxamed.
Sidoo kale Cabdirisaaq Yuusuf Maxamed,waxaa uu soo hadal qaaday  in duufaantii dhowaan ku dhufutay xeebaha ay saamayn adag ku reebtay, dadkii ka kalluumaysan jirtay xeebaha kaddib markii qalabkii ay  ka bur burisay.
Deegaanka xilligaan cabashada xooga leh ay ka soo yeerayso ee  Kulule,waxaa ay  hoostaga degmada Bender-bayla ee gobolka Karkaar,waxaana la sheegay inay  dhibaato baaxad leh waxaa ku reebtay duufaanta Tropical Strom, kalluumaysatada ayaa qalab badan ku waayey duufaanta xeebaha.
Ugu danbeyntii Cabdirisaaq Yuusuf Maxamed, oo sii hadlaya waxaa uu baaq ku diray cid kasta oo gacan qaban karta Kalluumaysatada inay soo garab qabtaan,maadamaa aysan wax shaqo ah qabsan in muda ah,isagoona inta ku daray dalab uu u diray hay’adaha gargaarka iyo dowladda Puntland inay qaadaan talaabo gargaar lagu gaarsiinayo dadka u baahan ee deegaanka jooga, isagoo ka codsaday hay’addaha inay qalabka ka taageeraan.______RBC Radio
Use Facebook to Comment on this Post

Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Ra’iisal Wasaare C/weli Sheekh oo Sheegay In uu Dhisi Doono Xukuumad Karti Leh

$
0
0

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Muqdisho ayaa sheegay inuu dhisi doono xukuumad karti leh oo lagu kalsonaan karo.
Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ballan-qaaday samaynta xukuumad ka ballaaran tii dhowaan kalsoonida lagala noqday. Wuxuu sheegay inuu ku howlan yahay dhisidda xukuumad diyaar u noqon karta horumarinta dalka.
Cabdiweli Sheekh ayaa wareysi uu siiyay laanta afka Maxaatiriga ee VOA ku sheegay inuu xoogga saari doono amniga, xasilinta dalka iyo dhisidda ciidan qaran oo soo ceshan kara kalsoonida ummadda.
Ra’iisal Wasaare Cabdiweli Sheekh ayaa shalay waxaa si aqlabiyad ah codka kalsoonida u siiyay golaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com
Email: Ishabaydhaba@hotmail.com
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Aqoon Isweydaarsi Kusaabsan Sharciga Saxaafadda Oo Baledweyne Lagu Qabtay “Sawirro”

$
0
0

Aqoon isweydaarsi ku saabasan sharciga saxaafadda ayaa maanta lagu qabtay magaalada baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Aqoon isweydaarsigan waxaa kasoo qeyb galay dhammaan bahda Saxaafada ee gobolka ku sugan, Ururrada dhalinyarada, Haweenka, AMISOM, Odoyaasha dhaqanka iyo xubno kale, waxaana ugu horeyn hadal uu kulankaasi ka jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo  uu kula dar daarmay ka qeyb galayaasha aqoon isweydaarsiga in ay si aad ah uga doodaan sharciga saxaafadda, islamarkaana ay noqdaan kuwa kusoo biiriya fikiro horleh oo wax dhisaya.
Wasaarada Warfaafinta ayaa wadda dadaallo ku aadan sidii ay uga tala gelin laheyd suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku nool gobollada dalka, sharciga saxaafadda si ugu dambeyntii loo horgeyo barlamaanka Soomaaliya.
 Sawir Qaade:- Ilyaas Baledweyne
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ku Dhiiri Geliyey Shacabka Inay Waraaqaha Aqoonsiga Sameystaan “Sawirro”

$
0
0

Muqdisho, 22 December 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafladii Daah-Furka Baasaboorada cusub iyo waraaqaha aqoonsiga ka qeybgalay, islamarkaasna ku dhiiri geliyey shacabka inay Waraaqaha Aqoonsiga sameystaan.
Xaflad daah-fur ah oo maanta Muqdisho lagu qabtay ayaa waxaa ka soo qeybgalka ku wehliyey Madaxweynaha, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiiru Dowlaha iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasiiro, Xildhibaanno, diblomaasiyiinta dalalka caalamka qaarkood, Agaasimaha Guud ee Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyada, Guddoomiyaha Gobolka Banadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Maxamud Axmed Nur (Tarzan) iyo ka soo qeybgalayaal fara badan. Xafladan ayaa lagu daahfurayey Baasaboorka cusub (E-passport), oo ah mid casri ah oo caalamku ictiraafsanyahay.
General Gaafow ayaa sharaxay faa’iidada baasaboorkan cusub oo uu sheegay in hadda waxii ka danbeeya aan la bixin karin baasaboor cusub oo ay tahay shaqsi walba inuu marka hore dowladaha hoose ka soo qaato warqadii dhalashada, warqadii aqoonsiga, iyo dhammaan dokumentiyada muhiimka u ah oo caddeynaya in shaqsigu yahay Soomaali. General Gaafow ayaa sheegay in baasaboorka cusub iyo waraaqaha aqoonsiga ay leeyihiin calaamado dhanka amniga ah oo aan been-abuur lagu sameyn karin.
Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa Muqdisho, Tarzan ayaa sheegay inay diyaariyeen xafiiskii diiwaangelinta oo casriyeysan, islamarkaana uu shaqsi walba xaq u leeyahay in loo sameeyo dokumentiyada muhiimka ah. Suuqa Cabdalla Shideeya waa laga maarmayaa oo dokumentiyadan ma aha kuwo been abuur lagu sameyn karo.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa isna sheegay in dokumentiyadan muhiimka ah ay wax weyn ka tarayaan amniga dalka oo qof walba uu yeelanayo warqadda aqoonsiga oo caddeyneysa shaqsiga, islamarkaana telefoonada iyo dhammaan hay’adaha dowligu ay isticmaali doonaan waraaqahaas.
Madaxweynaha Soomaaliya oo soo gabogabeeyey xafladda daah-furka ayaa ku dhiiri geliyey shacabka inay sameystaan waraaqaha aqoonsiga oo muhiim u ah dalka, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa yiri
“Hay’adaha ku howlan barnaamijkan waa inay shacabka Soomaaliyeed u fududeeyaan sidii ay ku heli lahaayeen waraaqaha aqoonsiga iyo dokumentiyada muhiimka u ah in shaqsiga uu helo baasaboor, islamarkaana adeegyadan la gaarsiiyaa dhammaan deegaanada gobolada iyo degmooyinka dalka. Dowladdu in muddo ah bey ku howlaneed sidii qalabkan casriyeysan loo heli lahaa oo aan ula tartami laheyn caalamka. Sidaas daraadeed shacabka waxaan ka codsaneynaa inay sameystaan dokumentiyadan muhiimka noo wada ah oo xaqiijinaya Soomalinamada.”
– DHAMAAD -
 
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Kal-fadhigii Saddexaad ee Golaha Deegaanka Hargeysa Oo Saaka Qabsoomay

$
0
0

Hargeysa(Waaheen)Kalfadhigii Saddexaad ee Golaha Deegaanka Hargeysa oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Degaanka Hargeysa ahna Maayarka Caasimadda Hargeysa Md C/Raxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTELCO) Sidoo kalena uu goob ka ahaa Xogahayaha Golaha Degaanka Hargeysa ahna Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Hargeysa Md Mawliid Weris C/Laahi ayaa saaka lagu qabtay hoolka shirarka ee Dawladda Hoose ee Hargeysa.
 Fadhigan oo ay ka soo qayb-galeen siddeed iyo toban ka mid ah Xildhibaannada Golaha Degaanka Hargeysa ayaa si weyn loogu naaqishay xeer-hoosaadka Golaha oo in muddo ah la soo diyaarinayay.
 Qodobbada ugu muhiimsan ee lafaguray waxa ka mid ahaa samaynta guddiga joogtada ah ee Golaha, xeerka anshax-marinta mudaneyaasha iyo nidaamka loo raacayo, muddada ay qaadan karaan safarrada dibadda iyo baahiyaha caafimaad ee ay dibadda u aadayaan Maayarka iyo maayar ku-xigeenku iyo qodobbo kale oo kaabaya habsami u socodka shaqada ay Golaha Deegaanku u hayaan bulshada Hargeysa.
 Waxa sidoo kale xildhibaannada loo qaybiyay xeerar kale oo uu ka mid yahay xeerka tacriifadda iyo kuwo kale oo lagu lafaguri doono fadhiyada soo socda haddii Alle idmo.
 Ugu dambayntii xildhibaannada ayaa u codeeyay xeerkan, waxaana go’aankiisa ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Degaanka Hargeysa ahna Maayarka Caasimadda Hargeysa Md C/Raxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTELCO) waxaana hadalladiisii ka mid ahaa “Waxaynu saaka naashiqnay xeer-hoosaadka Golaha Deegaanka Hargeysa. Fadhiga waxa soo xaadiray 18 mudane. Waxa u codeeyay 17 mudane. Guddoomiyuhuna ma codayn. Sidaas ayuu ku dhaqan-galay.
 
Siciid Maxamuud Gahayr
Madax-qaybeedka Website-ka Dawladda Hoose ee Hargeysa
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Mudaharaad ka socda Burco oo sababay dhimasho iyo dhaawac

$
0
0

Burco(Waaheen) mudaharaad saaka mar kale ka curtay magaaladda Burco ayaa wararka ka soo baxayaa ay sheegayaan in laba Qof ku dhinteen laba kalena ku dhaawacmeen, iyadoo uu mudaharaadku sii xoogaysanayo, isla markaana dadweynuhu gadoodka sii xoojinayaan.
Wariyaha Waaheen ee Gobolkaas ayaa ku soo waramaya in Agaasimaha Cisbitaalka Burco C/qaadir Muruq Liqe u xaqiijiyey Hal qof dhimashadiisa iyo laba dhaawac ah, halka qof kale oo aan illaa hadda la xaqiijina la soo sheegayo dhimashadiisa.
Xaalada Burco ayaa u muuqata mid mudaharaadayaashu ku sii fidinayaan qul qulatooyinka ay bilaabeen xaafadaha magaaladda kaasoo ilaa xalay soo taxnaa isla markaana dhawr jeer la isku dayey in la bakhtiiyo.
Qul qulatooyinka ka socda Burco ayaa ka dhashay Taliyihii Qaybta Booliiska Burco oo la bedelay, kaasoo ay dadweynaha Galbeedka Burco dad iska soo abaabulay diidan yihiin.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Mudaharaad ka dhacay Berbera iyo dad loo xidh xidhay

$
0
0

Berbera(Waaheen) dadweyne ka gadoodsan digreetada Xukuumaddu ku bixisay xarunta Net-fish ee Kalluumaysiga ayaa saaka isugu soo baxay agagaarka xauntaasi, waxaana ka hor tagay ciidan Booliis ah, kuwaasoo qaarkoodna xabsiga u taxaabay qaarkoodna kala Eryey.
Wali waxa magaaladda berbera laga dareemayaa dhaqdhaqaaqa Dadka abaabulaya mudaharaadkaas, halka Xukuumaddu xoojisay Amaanka iskuuladda si aanay Ardaydu mudaharaadkaasi ugu biirin.
Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhacay iska hor imaadka Booliiska iyo dadka mudaharaadayey, wallow dadku ay wali muujinayaan in ay ka xun yihiin in xarunta Net-Fish oo ay hay’addi ka dhigayso Sariibad Reer Berbera Kalluunka ka iibsadaan in nin Ganacsade ah lagu wareejiyo.
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa ku siiyey Xarunta Net-fish ee Berbera Shirkadda Xarbi, taasoo ay heshiis kula gashay muddo toban sano ah.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Dhageyso Tarsan oo furay xarunta Dad dhigida

$
0
0

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa maanta xariga ka jaray xarun cusub oo loogu magacdaray xarunta Dad-dhigida. Xaruntaan ayaa ah goob laga qaadanayo kaararka aqoonsiga wadaninimo, waxaana qof waliba oo muwaadin Soomaaliyeed ah laga rabaa inuu qaato kaarkaan uu Guddoomiyaha ugu magacdaray (National ID) kaarka wadaninimada. Duqa Muqdisho ayaa […]
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Muqdisho oo laga furay xarun laga qaadanayo Warqadda dhallashada Muwaadinka Soomaaliya

$
0
0

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan
Muqdisho[RBC Radio]Magaalada caasumada ah ee Muqdisho waxaa maanta markii ugu horreysay laga furay xarun cusub oo laga qaadan doonno Warqadda dhallashada muwaadinka Soomaaliya.
Xaruntaan cusub waxaa la doonaya in dhamaanba dadka ku nool magaalada Muqdisho ay ka qaatan Warqadda dhallashada ,kuwaaso caddeynaya ruuxa wata inuu yahay muwaadin Soomaali ah.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan”ayaa xarig jawar xarunta laga qaadanyo waraaqaha dhalashada.
Munaasabad la xiriirtay furitaanka xaruntaan waaxda dad dhigista Dowladda Hoose, ayaa waxaa soo xaadiray mas’uuliyin kala gadisan oo u badnaa maamulka gobolka Banaadir,waxaana qeyb ka ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, afhayeenka gobolka, qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka, saraakiil sare oo ka tirsan ciidammada dowladda Hoose ee Xamar iyo xubno gobolka Banaadir ka Tirsan.
Dahfurkii munaasabadan waxaa hadalka hor qaatay guddoomiyaha degmada Shangaani Cali Cumar Abuurkar (Cali Xamari)waxaana hadal uu jeediyey uu ku soo dhaweeyey dhammaan mas’uuliyiinta munaasibadda ka soo qeyb-gashay, isagoo ugu hambalyeeyey shacabka gobolka Banaadir, hirgalinta Waaxda dad Dhisgista oo aad ku noqoneysa Muwaadin caddeynaya in uu yahay Soomaali.
Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho,ayaa isna dhankiisa waxa uu sharraxaad ka bixiyey qaabka lagu heli karo Warqadda dhallashada Muwaadinnimada.
Sidoo Kale gudddoomiye Tarsan ayaa sheegay in dadka ka shaqeeya xafiiska Waaxda dad dhigista dowladda Hoose ay dhammaantood yihiin Dhallinyaro lagu soo xushay aqoon iyo Tayo, waxa uu hey’adaha kale ee dowladda kula taliyey in ay tallaabadaasi oo kale qaadaan, si dhallinyarada aqoonyahannada ah uga faa’ideystaan.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ugu dambeyntii xusay in tallaabo walba oo qofka Soomaaliga ah ku doonayo in uu ku sameysto Danihiisa gaarka ah laga doonayo Warqadda dhallashada Soomaaliga.
Xaruntaan cusub ee la furay maanta waxaa ay imaanaysa xilli hadal uu shalay jeediyey madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud uu ku baaqay in shacabka Soomaaliyed ay qaatay waraaqaha caddeynaya muwaadanimadiisa Soomaaliyed.
___RBC RadioXafiiska Muqdisho