Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Magaalada Baydhabo oo ay ka socdaan shirar iska soo horjeeda oo maamul goboleedyo aan is-waafaqsaneyn lagu dhisayo

$
0
0

Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa waxaa hadda ka socda shirar iska soo horjeeda oo lagu dhisayo maamuulo ka hirgala gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaasoo midkood uu hormuud u yahay xidhibaan Shariif Xasan Sh. Aadan, degmada Baydhabo ayaa waxaa soo gaaraya ergooyin aad u badan, inkastoo ay jirto kala afkaar duwanaasho weyn oo u dhexeysa dhinacyada ku howlan dhismaha maamuladan aan is-waafaqsanayn oo halkaasi ka socda,kuwaas oo mid kamid ah uu horey uga socday halka kan kalena ay hadda magaaladaasi kawadaan abaabulkiisa taageerayaasha shariif xasan Sheekh aadan oo doonaya in la dhiso maamul goboleed ka kooban saddex gobol lagagana soo horjeedo  midka la doonayo in lagu dhiso  maamul goboleed ka kooban lix gobol, xildhibaan Shariif Xasan ayaa dhawaan  sheegay in maamulka uu dhisayo uu yahay mid waafaqsan dastuurka KMG ah ee dowladda Soomaaliya, iyadoo ay jiraan warar sheegaya  in xildhibaanku uu garab uu ka haysto dowladda Soomaaliyaiyo qaar kamid ah dowladaha dariska la ah Soomaaliya.
Sida warku sheegayo Hoteelka Bakiin ayaa waxaa shalay ka dhacay shir ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah nabaddoonada iyo waxgaradka taageersan Shariif Xasan, kaasoo ay uga hadleen sidii loo sameyn lahaa dibadbax lagu taageerayo maamul u sameynta gobollada Koonfur-galbeed Soomaaliya ee uu horkacayo Shariif Xasan Sheekh Aadan, Guddiga abaabulaya dibadbaxyada ayaa sheegay in bannaanbaxyadu ay ka dhici doonaan degmooyinka Bardaale, Qansax-dheere iyo gobolka Shabeellada Hoose. Waxaana Aadan Isaaq Cabdi oo ka mid ah guddiga abaabulka uu sheegay in Arbacada maanta ah ay sugayaan ergooyin ka imaanaya gobalka Shabeellada Hoose iyo Bakool oo ay hoggaaminayaan mas’uuliyiinta labada gobol qaarkood.
Dhinaca kale waxaa todabaadkii hore taageeray fikir Shariif Xasan Sh, Aadan guddoomiye ku xigeenka gobalka Bay Shiine Macallin Nuurow oo ahaan jiray mid ka mid ah saraakiishii jabhaddii RRA, isagoo qaadacay shirka kale ee ka socda xarunta ADC-da Baydhabo, isagoo shirkaas ku sheegay in laga leexiyay dhabbihii uu ku socday sida uu yiri.
Si kastaba ha ahaatee waxaa Magaalada baydhaba hadda ka socda  labo shirweyne iyadoo labadan shir ay ku socdaan si xowli ah, islamarkaasna  ergooyinka magaalada tagayaa ay yihiin kuwo ku kala biiraya labada shire ee Baydhabo ka socda,ilaa iyo hadana dowladda soomaaliya shirarkaasi midna ma taageerin inkastoo lagu xamanayo inay taageersan tahay midka lagu dhisayo 3 gobol maadaama ay horey wax uga dhistay 3 gobol oo ku yaalla isla deegaanada ay qeyb ka mid ah ergooyinka shirarka baydhabo ay doonayaan in ay ku daraan gobolada ay maamulka u sameynayaan.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Musharixii labaad oo lagu weeraray magaalada Garoowe iyo musharaxaasi oo ka hadlay,sheegayna…

$
0
0

Musharaxa kursiga Madaxweynaha Puntland 2014 Cali Xaaji Warsame ayaa idaacadda VOA u sheegey in habeen hore gurigiisa rasaas ooda looga soo qaadey, Musharaxa ayaa sheegey in ciidamo aan ahayn kuwii daraawiishta ama hoostagaayey Taliyaha ciidanka amniga Siciid Dheere ciidamadaasi oo ka tirsan kuwa Badda ay isbaaro dhigteen meel gurigiisa ku dhow, dadka u socda iyo kuwa ka baxayana ay baaritaan ugu dhaqaaqeen iyagoo eegaya wejiyadooda, Kadibna waxa ay isku dayeen in ay dhanka guriga oo ku yaala waddo ay degan yihiin musharixin dhawr ah ay soo galaan waxaa dib u celiyey ciidamada ilaalada noo ah oo yiri meeshaan dhib kama taagnaa Musharixiin ayaana degan, laakiin dib u noqoshadoodii kadib ayey rasaas nagu soo fureen ciidamada ilaalada noo ahna waa u jawaabeen.
“Arrintan welwel ayey nagu haysaa, waxaa qoyan weerarkii loo geystey Musharax Cabdidaahir Maxamed Yusuf Yeey, ciidamada Baddu shaqo kuma lahan amniga Garowe, waa habdhaqan cusub oo ku cusub doorashooyinka Puntland, in musharixiinta la bartilmaameedsado ayuu yiri Cali Xaaji, Musharax Cali Xaaji Warsame ayaa sheeegey in uu arrintan xiriir kala sameeyey Taliyaha cidanka amniga ee caasimadda xilliga doorashada Gen.Siciid Dheere kaas oo ku mashquulsan dhacadadii maalin dhaweyd loo geystey Musharax Yeey.
Cali Xaaji Warsame ayaa hoosta ka xariiqey in ciidanka la wareegey amniga Garowe aysan ahayn kuwii hoostagaayey Siciid Dheere ee ay yihiin kuwo laga maamulo Madaxtooyada Garoowe sida uu yiri, ciidamada Badda ee hadda habeenkii gaafwareega xaafadaha Garoowe ee ay kacabanayaan qaar mid ah musharixiinta tartanka doorashada puntland  ayaa loo dhisey in ay ka hortagaan burcad-badeeda waxaana tababartey shirkad la yiraahdo SARACEN, waxaana dhaqaalahooda bixisa dalka Imaaraadka Carabta.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Taliyaha guud ee ciidamada dalka Kenya oo tagay Kismaayo iyo warar kala duwan oo ka soo baxaya sababaha uu halkaasi u tagay

$
0
0

Taliyaha ciidamadda Kenya Jeneraal Julias Kirangi ayaa ka degey magaalada Kismaayo oo ay joogaan ciidamadda Kenya, xilli markii labaad ay Kenya ay ciidamo u direyso dal ay daris yihiin, kaasi oo ah dalka Koonfurta Suudaa, waxay noqoneysaa markii ugu horeysey oo sargaal darajadan leh uu booqdo Kismaayo, waxaana la filayaa in booqashada ay hordhac u tahay hawlgalo ciidan oo dhawaan ay qaadi rabaan ciidamadda Kenya ee AMISOM ka tirsan.
Warar kale oo soo baxaya waxay sheegayaan in Kenya ay dib u qiimeyn ku samaynayso hawlgalkeeda Soomaaliya, iyada oo sidoo kale dhawaan ay tahay in ay ciidamadda ka qeybqaataan dib u celinta boqolaal kun oo qaxooti Soomaaliyeed oo Kenya ku nool.
Dhanka warar kale ayaa sheegaya in Kenya ay ka fiirsaneyso sii joogitaanka ciidamadeeda ee dalka soomaliya ayna dhicikarto in baarlamaanka dalkaasi uu ka dooda in ciidamada Kenya laga soo saaro soomaaliya iyo inay sii joogaan.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Xildhibaannada Baarlamanka oo diiday mooshin lagu dalbanayey in is-bedel lagu sameeyo Guddoomiyeyaasha Guddiyada

$
0
0

Xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya ayaa  shalay cod u qaaday mooshin ujeedkiisu ahaa in isbedel lagu sameeyo guddoomiyaasha guddi hoosaadyada baarlamaanka sannadkiiba mar, iyadoo xildhibaannadu intooda badan ay diideen inuu mooshinkan dhaqan-gelo.
Markii kulanka baarlamaanku uu furmay shalay ayaa waxaa khudbadahooda jeediyay afar mudane oo ka haray xildhibaannadii doraad fikirkooda ka jeediyay iyadoo markaas kaddibna mooshinka cod la geliyay waxayna inta badan xildhibaanadii kulanka ku sugnaa ay kohoryimaadeen inuu mooshinkaasi dhaqan galo.
“Tirada xildhibaannada fadhiyay waxay ahaayeen 143 xildhibaan, 10 xildhibaannada ayaan codkooda dhiiban, waxaana in mooshinkaan lagu kordhiyo xeer hoosaadka baarlamaanka ogolaatay 21-xidhibaan, waxaa diiday 88-xildhibaan, waxaa ka aamusay 24-xildhibaan, sidaa daraadeed sida uu qabo qodobka 84-aad ee xeer hoosaadka baarlamaanka mooshinka ma ahan mid ansax ah,” ayuu guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Shiikh Cismaan (Jawaari) oo ku dhawaaqay natiijada codeynta xildhibaanada.
Mooshinkan ayaa waxaa soo gudbiyay dhowr iyo toban mudane kuwaasoo dalbaday in xilka guddoomiyeyaasha guddi hoosaadyada baarlamaanka ay noqdaan kuwo wareegto ah oo sannad walba ay qabtaan xubno cusub, Maanta oo ah  Arbaco ayaa lagu wadaa in xildhibaanadu ka doodaan habka nidaamka axsaabta dalka oo guddoonka baarlamaanka kal hore u iclaamiyay in nidaamka axsaabta laga doodi doono si sannadka 2016-ka dalka laga hir-geliyo doorasho xor ah oo ay ka qayb-qaataan axsaabyo siyaasadeed.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Dowladda Somaliya oo amar ku bixisay in Somaliya aan laga xusi-karin Ciida Kirismiska, digniinna u dirtay dad ay sheegtay…

$
0
0

Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay mamnuucday in Magaalada Muqdisho laga xuso ciida Kirismiska oo ay sanad waliba xusaan dadka haysta diinta kirishtaanka ah oo dhiga dabaaldagyo waaweyn.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay ciida Kirismiska oo nagu soo fool leh, sidoo kalena xukuumaddu waxay sheegtay in cid kasta oo isku dayda inay u dabaaldegto ciida Kirismiska ay ka qaadi-doonto tilaabo  sharciga islaamka waafaqsan, iyadoo ciidamada dowladda Soomaaliya lagu amray inay kontarool gaar ah ku sameeyaan hoteelada Muqdisho iyo goobaha la isugu yimaado si ay uga hortagaan in Muqdisho laga xuso ciida Kirismiska oo nagu soo fool leh.

Agaasimaha waaxda arrimaha diinta ee Wasaaradda Garsoorka Sheekh Cali Sheekh Maxamuud Sheekh Cali dheere oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in Muqdisho aan laga xusi karin ciida Kirismiska, wuxuuna yiri isagoo arrimahaasi ka hadlaya “Umadda islaamka waxaan la socon siineynaa in maalmahan ay socdeen feesto sanawi ah oo ka bilaabanaysa 25-ka bishaan oo ah xuska ciidda masiixiga, marka bulshada si hufan ula socdeen xuska masiixiga ah in aan la sameyn karin”

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda sheikh Maxamed Kheyrow Aadan ayaa xusay in hay’adaha ammaanka ay u gudbiyeen in dalka aan lagu dhigi Karin xuska ciida masiixiga ah, waxaana uu ku baaqay in bulshada ay ka fogaadaan xafladaha nuucaasi oo kale ah, agaasimuhu waxaa kale oo uu sheegay in tallaabo adag laga qaadayo cidii lagu arko iyaga oo udabaaldagaya ciida kirismiska ee sanadka cusub.

Lama oga sid uu u samaaeyn doono amarkan ka soo baxay dowladda Soomaaliya ciidamada AMISOM oo sanad kasta xusi jiray ciida Kirismiska, kuwaas oo xaflado lagu weynaynayo ku dhigan jiray fariisimada ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Baarlamaanka Soomaaliya oo soo gabogabeeyay su’aalo weydiinta hindise sharciyeedka hay’adda daraasaadka badaha dalka

$
0
0

Xildhibaannada baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo shalay kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa soo gabo gabeeyay su’aalo weydiin ku saabsan hindise sharciyeedka Hay’adda daraasaadka badaha, iyagoo dhanka kale guda galay su’aalo weydiinta hay’adda Qaxootiga iyo Barakacaasha Qaranka.
Kulankii shalay  ay mudanayaasha baarlamaanka ay ku yeesheen xaruntooda oo uu qabtii  hore shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayay mudanayaasha guda galeen dhameystirka su’aalo weydiinta hindise sharciyeedka hay’adda daraasaadka ee badaha, iyadoo  mudanayaashii su’aalahooda dhiibtay ay soo jeediyeen in la dadajiyo maadaama baahi weyn loo qabo.
Su’aali weydiinta xildhibaanada kadib ayuu guddoomiyaha Hay’ada daraasaadka badaha Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) uga jawaabay mudanayaasha su’aalihii ay weydiiyeen, isagoo xildhibaanada ka codsaday inay meel mariyaan hindise sharciyeedkan, Guddoomiyaha baaarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in hindise sharciyeedkan la soo gabo gabeeyo, islamarkaana ay mudanayaashu guda galaan aqrinta labaad ee hindise sharciyeedka hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha qaranka.
Xildhibaan dhowr ah ayaa su’aalo ka weydiiyay guddoomiyaha hay’ada qaxootiga iyo baracakaasha qaranka, iyadoo mudanayaashu ay tilmaameen waxa ay hay’adaan ka qaban kartko dhibaatooyinka haysta qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa ku dhaqan, Guddoomiyaha hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha qaranka Axmed Daahir C/kariin Nuur oo ka jawaabayay su’aalo weydiinta xildhibaanada ayaa sheegay in ay ka warhelaan oo kaliya oo marka qaxootiga Soomaaliyeed dalkooda dib loogu soo celinayo, islamarkaana aysan arrimahaasi wax war ah ka haynin gaar ahaan dadka ka imaanaya xeryaha qaxootiga ee dalka kenya.
Guddoomiye kuxigeenka  koowaad ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Jeylaani Nuur Iikar oo soo xiray kalfadhigii  shalay ay mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ku yeesheen Muqdisho ayaa guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka ka codsaday in ay u kuurgalaan dhibaatooyinka haysta Soomaalida ku nool dalka dibadiisa, gaar ahaan dhibaatooyinka ugu dambeeya ee Soomaalida qaxootiga ah ka soo gaartay dalka koonfur Suudaan, iyagoo warbixino ka dhageysta wafdi wasaaradda arrimaha dibadda ka tirsan oo dhawaan dalkaasi ka soo laabtay.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Wafdigii dowladdu u dirtay gobolka Sh/hoose oo Muqdisho ku soo laabtay sheegayna inay…

$
0
0

Wafdigii ay dowladda Soomaaliya u dirtay joojinta colaad beeleed dhawaan ka dhacday gobolka Sh/hoose ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho, iyagoo sheegay inay ku guuleysteen inay dhammeeyaan khilaafkii sababay dagaalka sida ay yiraahdeen, isla markaasna ay ku guuleysteen inay kala qaadaan ciidamada ku dagaalamay gobolkaasi.
Wasiirka gaashaandhigga xukuumaddii hore ee Soomaaliya Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo faahfaahin ka bixiyey wixii u qabsoomay ayaa u sheegay warbaahinta inay kusoo guuleysteen howshii loo xil-saaray ayna rajo wanaagsan ka qabaan inaanay mar kale ka dhicin gobolkaas dagaal beeleedyo, wuxuuna yiri wassirku “Safarkeenii guul ayuu ku soo dhamaaday, waxaan ku guuleysanay in aan kala qaadno ciidammadii dagaalamay, goobihii lagu dagaalamayna aan geyno ciidammo isugu jira AMISOM iyo dowladda Soomaaliya si ay amniga u sugaan”.
Xubnaha wafdigan oo isugu jiray wasiirro, xildhibaanno iyo odayaal dhaqan ayaa waxay socod ku mareen deegaannada Lambar 50, Jannaale, Shalaan-bood iyo deegaannadii kale oo lagu dagaalamay, iyagoo sheegay inay aad u soo dhaweeyeen shacabka howsha nabadeynta ah ee ay halkaas u tageen, sida ay sheegeen xubno la socday wafdigaasi waxaa jiri doona kulamo kale  oo ka dhacaya meelo kala duwan kuwaas oo heshiiyo dhab ah looga gaari doono dhameynta colaaddii ka dhacday deegaaano ka tirsan gobolkaasi,iyadoo kulamada dhiman ay ku jiri doonaan kulmo dib uheshiisiin ah iyo kuwo looga hadlayo in colaad dame soo noqon iyo qodobo kale.

Khilaaf soo kala dhexgalay maamulka Jubba iyo ciidamo gadoodsan oo madaxtooyada Kismaayo gudaha u galay

$
0
0

Wararka ka imaanaya magaalada kismaayo ayaa sheegaya in shalay Barqanimadii ay gudaha u galeen Madaxtooyada Mamulka Juba Ciidamo gadoodsan oo sida la sheegaay ka careysnaa iyagoo aan wax Mushaaraad ah aan Mudo qaadan.
Sida warku sheegayo Ciidamada gadooday  ayaan muddo  6 bilood ah wax mushaar ah qaadan, waxaana qaar ka mid ahi ay shalay Gudaha u galeen  Madaxtooyada maamulka jubba halkaasi oo ay ku sugnaayeen qaar kamid madaxda sare ee maamulka jubba  oo uu ku jiray hoggaamiyaha maamulkaasi Axmed madoobe,iyadoo Ciidamaasi ay dalbanayeen in Musharaxakoodii lasiiyo, ciidamadii Madaxtooyada galay ayaa la sheegay in markii dambe dib looga saaray luguna celiyay xeryahoodii, iyadoo sida la sheegay loo balanqaaday in la siinayo mushaaaraadkoodii.
Dhinaca kale warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in qaar ka mid madaxda maamulka jubba uu u dhexeeyo khilaaf iyo kala aragti duwanaan ku saabsan sida loo dhameystirayo qeybaha ka dhiman dhismaha maamulkaasi ,iyadoo kulamadii u dambeeyey ee ay yeeshaan  looga hadalayey dhameystirka gole wasiiro oo uu dhaan magacaabay axmed madoobe iyo sidoo kale sidii loo sameynlahaa baarlamaan uu maamulkaasi yeesho,kuwaas oo loo marayo hanaanka awood qeybsiga beelaha iyadoo dhinaca kale la eegayo habka ay degmooyinka ay ka kooban yihiin 3 gobol ee maamulkaasi iyana lagu salaeynayo sida ay beeluhu ukala degan yihiin.
Sida wararku sheegayaan khilaafkan ayaa waxa uu u dhexeeyaa hoggaamiyaha maamulka jubba iyo mid kamid ah raggii hoggaaminayey ciidamada maamulkaasi oo lagu magacaabo macalin maxamed kaas oo dhawaan loo magacaabay wasiir ka tirsan maamulka ,waxaana inkastoo warakani aan dhab ahaan la xaqiijin ay haddana wararku sheegayaan in saraakiil sar sare oo ka timid dalka Kenya kana tirsan ciidamada dalka Kenya  ay Kismaayo u tageen xallinta khilaafkaasi, lamana oga inay ku guuleysteen dhameynta khilaafkaasi la shaeegay.

Murashaxiinta Puntland oo isku dhiibay C/raxmaan Faroole ogolaadayna Guddigii xallinta khilaafaadka ee uu soo magacabay

$
0
0

Murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha ee Puntland ayaa aqblay Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta ee bishan December 3-deedii uu soo magacaabay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole.
Mid ka mid ah murashaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha oo lagu magacaabo Cali Xaaji Warsame ayaa  warbaahinta u xaqiijiyey in murashaxiintu ay isku raaceen inay aqblaan guddiga uu Madaxweyne Faroole soo magacaabay,isagoo taas sabab uga dhigay in waqtiga doorashadu uu soo gudagalay, isla markaasna ay iyagu tanaasuleen mar hadii uu madaxweynihii tanaasulidiiday, wuxuuna inataasi ku sii daray oo uu yiri shuruud ayaan ku xirnay qodobada qaarkood kuwaas oo ah in wixii la isku qabto loo celiyo salaadiinra rasmiga ah ee puntland oo ay iyagu dhexgalaan.
Murashaxiinta ayaa horay u qaadacay Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ansixinta, kadib markii ay sheegeen in aysan sharci ahayn in Madaxweyne Faroole oo isaguba murashax ahi- uu guddigaas keligiis soo magacaabo, maalmihii u dambeeyey waxaa magaalada Garoowe ka socdey dedaallo dhexdhexaadin ah oo ay wadeen isimadda Puntland, xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kadib markii ay murashaxiinta iyo Madaxweynuhu ku kala kaceen kulan ay Garoowe ku yeesheen kaasoo ay ujeedadiisu ahayd sidii arrintan xal looga gaari lahaa.
Go’aanka murashaxiinta ayaa yimid kadib muddo todobaadyo ah oo khilaaf arrintaas ka dhashay uu ka dhex aloosnaa murashaxiinta iyo xukuumadda talada haysa ee puntland waxaana weli ay cabshooyin ka muujinayaan qaar ka mid ah musharixiintu  arrinta ku saabsan ammaanka musharixiinta,iyagoo ku doodaya in ciidamada maamulka puntland gaar ahaan kuwa badda ay rasaas ku soo ridaan sida ay yiraahdeen goobo iyo dhismayaasha ay ku sugan yihiin musharixiintu,inkastoo uu mamaulku taasi diiday kuna tilmaamay been aysan waxba ka jirin sida ay yiraahdeen saraakiil u hadashay maamulka talada haya ee Puntland.

Dhaqdhaqaaq cusub oo ay ciidamada Itoobiya ka bilaabeen gobolka Gedo iyo ciidamo badan oo halkaasi gaaray

$
0
0

Wararka ka imaanaya gobolka gedo oo habeen hore ay dagaalo ka dhaceen ayaa sheegaya in halkaasi ay ciidamo itoobiyaan ah oo badani gaareen, isla markaasna ay halkaasi kawadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aan la ogeyn halka ay ku wajahan yihiin.
Sida warku sheegayo ciidamada itoobiya oo qaar kamid ahi ay gobolkaasi horey ugu sugnaayeen ayaa ciidamo dheeraad ah halkaasi geeyey kuwaas oo wata hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana sida la sheegay ay halkaasi ka bilaabeen dhaqdhaqaaq ciidan oo aan la ogeyn halka uu ku jiheysan yahay, inkastoo saraakiil katirsan ciidam ada dowladda soomaaliya ee kusugan gobolka gedo ay sheegeen inay kuwajahan yihiin deegaanada kale gobolka gedo ee ay ku sugan yihiin ciidamada Al-shabaab laakiin majirto cid kale oo ka madaxbanaan oo warkaasi xaqiijineysa.
Warar kale oo aan la xaqiijin ayaa iyana sheegaya in ciidamada itoobiya ee halkaasi tagay ay bedelayaan ciidamo halkaasi horey uga joogay oo dhaqdhaqaaqooduna uu ku jiheysan yahay in inta ciidamadaasi isbedelayaan aan dagaal qabsan.
Dhinaca kale ilaa hadda si rasmi ah looma oga qaabka ay ciidamada itoobiya qeyb uga noqonayaan ciidamada AMISOM oo ay dhawaan sheegeen inay ciidamadooda ku biirinayaan maadaama ciidamada itoobiya ay wali yihiin hal ciidan oo isku darsan, isla markaasna aan qeyb ka aheyn ciidamada AMISOM ee isku dhafan, sidoo kale weli lama cadeyn amarka ay ku howlgalayaan inuu yahay mid uga imaanaya dhinaca AMISOM iyo inuu yahay mid ay iyagu go’aankeeda leeyihiin oo sidii hore markii ay doonaan ay weerar iyagu qaadayeen ,meeshii ay doonaanna ay ka baxayeen.
Dhaqdhaqaaqa la sheegay inay gobolka gedo ka bilaabeen ciidamada dowladda itoobiya ayaa ku soo aadaya iyadoo habeen hore uu duleedka degmada garbahaarey ka dhacay dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa xarakada Alshabaab,kaas oo ay ku dhinteen ilaa iyo 6-ruux, tiro intaasi kabadanna ay ku dhaawacmeen ,waxaana dagaalkaasi uu yimid kadib markii ciidamada dowladda oo mareyey goob duleedka ka ah magaalada garbahareey ee xarunta gobolka gedo ay weerareen ciidamo katirsan kuwa xarakada Al-shabaab.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Kulan albaabada u xirnaa oo dhexmaray R/wasaaraha cusub iyo R/wasaarihii hore iyo xilwareejintii oo dhaceysa

$
0
0

Ra’isul wasaaraha cusub ee dowladda Soomaaliya Dr.C/weli Sheekh Axmed ayaa shalay kulan gaar ah la yeeshay Ra’isul wsaarihii hore ee xukuumaddii kalsoonida ka weysay baarlamaanka Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon, waxaana sida lasheegay ay kawada hadleen qaabka ay xilka ula kala wareegayaan maadaama dhawaan la filayo in Ra’isul wasaraha cusub uu soo dhiso gole wasiiro oo cusub kuwaas oo bedelaya xukuumaddii hore.
Warar ku dhowdhow kulanka labada mas’uul ayaa sheegaya inay isku afgarteen in la qabto dhawaan xaflad weyn oo ay xilka ku kala wareegaan si wasiirka koowaad ee cusubi uu howshiisa u gudagalo Ra’isul wasarihii horena arrimihiisa gaarha ugu madaxbanaanaado.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in maanta oo khamiis ah laga yaabo inay  dhacdo xilwareejintu, iyadoo dhinaca kale Ra’isul wasaaraha cusubi uu ku wareegi doono dhismme cusub oo ku howlgelidoono, sidoo kalena Ra,isul wasaraha cusub ayaa ku wareegidoona wixii ducumentiyo ah oo ay haysay xukuumaddii hore kuwaas oo ay ku jiraan wixii ay heshiisyo gashay xukuumaddii hore kuwaas aoo qaarkood ay yihiin kuwo qabyo ah oo aan wali baarlamaanka la horgeynin.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Warar kala duwan oo ka soo baxaya magacaabista xukuumadda cusub ee R/wasaare C/weli Sheekh iyo Xildhaabno codsaday in..

$
0
0

R/wasaaraha Soomaaliya ee uu dhawaan baarlamaanku kalsoonida siiyey Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa ku guda jira kulamadii ugu danbeeyey ee ku aadana la tashiyada uu doonayo inuu ku soo dhiso xukuumadda cusub ee uu soo magacaabayo.
Sida warku sheegayo Kulamo iyo shirar kala duwan oo uu la yeelanayey Ra’isul wasaaruhu  Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa intoodii badneyd soo idlaaday ,waxaana la sheegay in heer gabo-gabo ah uu mar siinayo latashiyadii uu ku soo dhisi lahaa xukuumadda laga dhoowrayo in dhawaan la soo dhiso, taas oo sida lashaeegay noqon doonta mid  ka ballaaran Wasiiradii Xukuumadii hore.
Warar ku dhowdhow  xaafiiska Ra’isul wasaraha balse aan la xaqiijin ayaa sheegaya in tirada golaha wasiiradu ay noqon doonaan 25-wasiir, sidoo kalena ay jiri doonaan tiro intaasi la’eg oo wasiiro ku xigeeno ah iyo waliba 6-wasiiru-dowle oo ay kala yeelan doonaan qaar ka mid wasaarahaha cusub ee la magacaabayo iyo madaxtooyada iyo xaafiiska Ra,isul wasaraha, waxayna tirada guud noqonayeysaa haddii sidaasi laga dhigo 56 xubnood guud ahaan.
Dhin aca kale  waxaa soo baxaya  xildhibaano u ololeynaya inaysan dib u soo noqonin wasiiraddii hore, kuwaas oo sida la sheegay codsigaasi u gudbiyey kulan ay Ra’isul wasaaraha la yeesheen habeen hore, inkastoo aan la ogeyn jawaabta uu arrintaasi ka siiyey, waxayna xubnahani ku doodayaan in haddii waxqabad la’aan lagu eedeeyay xukuumaddii hore ay yihiin kuwa wax qabanwaayey wasiiradii xukuumaddaasi, aysna waxaba soo kordhineynin haddii uu ra,iisulwasaarihii hore kaligiis uu xilka waayo ayna haboontahay in la raaciyo wasiiradiisii
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in  Ra’isul wasaare C/weli xildhibaanadii uu la kulmay  uu isna ujeediyey  codsi ah inay taageeraan Xukuumadda uu soo dhisi doono,waxaana ay intooda badan u sheegen inay ku taageeri doonan haddii uu soo magacaabo cid lugu tuhmayo inay la imaan karto wax qabad muuqda oo dalka hormar u hor-kici kara.
Wararkii ugu dambeeyey soo xulista xukuumadda cusub ayaa sheegaya in caqabaha  haysta Ra’isul wasaaraha cusub ee ku aadan dhismaha xukuumadda cusub ay tahay iyadoo qeyb kasta ee uu la kulmaahi ay si gooni ah wax u rabaan ,tiiyo qabiil kasta  ay doonayaan inay xukuumadda cusub iska dhex arkaan, ilamarkaasna ay qaarkood doonayaan in xubnaha ku soo aadaya beelahooda looga dhigo kuwii hore ,halka kuwo kale ay dalbanayaan  inkuwo cusub loo magacaabo oo aan la soo celin kuwii hore, iyadoo dhinaca kale aan wax la iska weydiinin waxa laga yeelayo wasiirada wax qabtay ee ku jiray xukuumaddii hore taas oo ay ka dhalaneyso, su,aal ah  ma ciddii wax qabaneysa ayaa la soo amgacaabaa mise wajicusub ayaa la soo magacaabaa ,kaas oo aan isaga qudhiisa la ogeyn inuu wax qaban doono iyo in kale? Tiiyoo ay intaasi sii dheertahay rabitaankii qabiilka  oo isaga si loo xalliyaa marka ay tagto yaa waxqaban kara aysan jirin
Isku soowada duub oo arrinta ku saabsan magacaabista ra,iislwasaaraha ee xukuumadda cusub oo waqti dhow la filayo in lagu dhawaaqo ayaan markasta eed la,aan noqon doonin ,waayo dhinaca qabiilka dadbaa ka cab doona ,dhinaca aqoonta na raggbaa iska weyn doona , laakiin waxkastaa waxay ku xirnaan doonaan hadba sida ay wax u qabato.
Wariyaha aarannewws.com Caaqil Dalmar

1/3 Cadaalad Samaynta SH Maxamed Idris

2/3 Cadaalad Samaynta SH Maxamed Idris

Somalia: Government Urges to Finalize Human Rights Roadmap

$
0
0

New York, Dec 26 2013 - An independent United Nations expert today urged the Somali Government to finalize and carry out a human rights roadmap endorsed by the cabinet in August. Independent Expert on the situation of human rights in Somalia Shamsul Bari ...
Weblinks: 

//-->

Deg Deg: Musharax Cali Xaaji oo 1MILYAN Xamar Looga Soo Diray

$
0
0

Muxadro Asbaabta Keenta Murugada, Walwalka iyo Dawadooda By Sh Maxamed Cabdi Umal Xafdullah

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live